Wararka

WARARKA MAANTA 27ka Maarso 2023

Su’aalaha Maanta:  Maay ku fashilantay Jabhada #SNM ee Maamulka #Somaliland? Maxayse Ciidanka #SSC ee Maamulka #KhaatumoState uga guullaysteen Jabhada #SNM ee Maamulka #Somaliland? Yaa weli diidan in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse maalmahan shacabka #Muqdisho uga cabanayaan amni darro iyo dhac? Maxayse Raysal Wasaare Xassan Iyo Raysal Wasaare ku-xigeenkiisa u tagi karin Garoowe ama Hargaysa? Yaa maanta beenaalayaa ah? Yaase noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Ha wiqleyso! 

Puntland 27ka Maarso 2023 Puntland ayaa sii daysay liiska rasmiga ee codbixiyaasha doorashooyinka dowladaha hoose sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland. 387.094 qof ayaa lagu sheegay tirada saxda ah ee iska diiwaan galisay 37 degmo oo hoos yimaada 7 gobol oo katirsan maamulka Puntland.

Gobolka Mudug ayaa ah gobolka ugu badan ee dadku iska diiwaan galiyeen, waxaan isdiiwaan galiyay codbixiyaal dhan boqol kun oo qof.

Doorashooyinka golayaasha deegaanka ayaa la qorsheeyay dhamaadka bisha may ee sanadkan.

Walow siyaasiyiin badan iyo qaar kamid ah ururada siyaaadu ay kasoo horjeedaan, iyadoo u arka qorshaha muddo kororsi ee madaxweyne Deni.

Muqdisho 27ka Maarso 2023 Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa go’aan culus ka gaaray in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu safar ku tago gobolka Gedo iyo inuu sii xukumo Jubaland.

Kulankaas oo Muqdisho lagu qabtay waxaa ka soo qeyb galay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Senator Cabdullahi Fartaag iyo Sanetor Iftiin Baasto, waxaana lagu iclaamiyey dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe.

Qaar ka mid ah odayaashii ka soo qeyb galay kulanka ayaa sheegay in aysan suurta-geli doonin in Axmed Madoobe safar ku tago gobolka Gedo, iyagoo ku dhawaaqay in awood ciidan looga hor tago damaca madaxweynaha Jubbaland, sida ay hadalkooda u dhigeen.

“Axmed isku xishoo, umadda adigu ma lihid, waa fashilantay, Daarood oo dhan ayaa ku soo nacay, kuwii dad kuugu dhawaa ayaa Nairobi ku shiray oo ku diiday,” ayuu yiri Senator Fartaag.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa yiri, “Maalin kasta Axmed Madoobe wuxuu qorsheeyaa inuu Gedo aado, wuxuu ku haminayaa inuu maamul isaga taabacsan u magacaabo Gedo, waxaas been waaye Axmed, Gedo waa kaa xiran tahay, cid kaa wakil ah xitaa ma tegi karto.”

Senator Iftiin Baasto oo saaxiib dhow la ahaa Axmed Madoobe ayaa kulankaan ka sheegay in Axmed Madoobe fashilmay oo Jubbaland uusan sii hoggaami karin.

“Jubbaland qof hoggaamiya ma weyneyso eek a hor wareeg saaxiibkey Axmedow, waa lagaa soo cabtay, waxna waa qaban weysay, 12 sano kadib waan kugu qanci weynay ee Axmedow naga raali ahaaw,” ayuu yiri Senator Iftiin Baasto.

Dhankiisa, Senator Fartaag ayaa carrabka ku adkeeyey in muddo kororsi iska dhaafe aan Axmed Madoobe laga yeeli doonin in doorashada soo socota ee Jubbaland ka dhaceysa uusan door ku yeela doonin, maadaama labadii jeer ee dastuurku u ogolaa uu soo hoggaamiyey Jubaland.

Muqdisho 27ka Maarso 2023 Madaxweynaha waddanka Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in xeelad dagaal awaadeed uu dalkiisa hub nukliyeer ah ugu rakibi doono waddanka Belarus.

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in tallaabadaasi aanay ku xadgudbi doonin heshiiskii dhimista hubka nukliyeerka, isagoo isbarbardhig ahaan u soo qaatay sida Mareykanka uu hubkiisa u keeno Yurub, sida lagu shaaciyay warbaahinta qaranka Ruushka.

Moscow maamulka hubkeeda uma wareejin doonto Minsk, ayuu Putin sii raaciyay.

Mareykanka ayaa sheegay in uusan rumaysnayn in Ruushku uu isu diyaarinayo isticmaalka hubkaasi nukliyeerka kaddib shaacinta rakibitaankiisa.

“Ma hayno sabab aan wax uga badelno istaraatiijiyadda hubkayaga nukliyeerka,” wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sidaasi ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

“Waxaa naga go’an inaan si wadajir ah u difaacno xulafadayada Nato.”

Maamulka ka arrimiya waddanka Belarus ayaa xulafo aad u dhaw la ah maamulka Kremlin-ka ka taliya, waxaana ay taageereen duullaankii Ukraine.

Madaxweyne Putin ayaa taleefishinka qaranka ee Ruushka Sabtidii u sheegay in hogaamiyaha Belarus Alexander Lukashenko uu muddo dheer soo hadalqaadayay arrinta ah in xeelad dagaal ahaan hubka nukliyeerka loogu rakibo gudaha dalkiisa.

“Arrintaas waa iska caadi,” ayuu yiri. “Marka koobaad, Mareykanku muddo tobannaan sanadood ah ayuu sidan oo kale samaynayay. Muddo dheer ayey xeelad dagaal ahaan hubkooda nukliyeerka ugu soo daabulayeen dhulka dalalka ay xulafada yihiin.”

Ruushka ayey u badan tahay inuu 1-da July dhammaystiro dhismaha goobta lagu rakibi doono hubka nukliyeerka ee la dhigi doono Belarus, ayuu sii raaciyay Madaxweyne Putin.

Tiro yar oo hannaanka gantaallada Iskander oo xeelad dagaal ah, kuwaas oo loo adeegsan karo in lagu rido hubka nukliyeerka, ayaa la geeyay waddanka Belarus, ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Ma uusan caddayn marka hubkaasi la gayn doono Belarus. Gaynta hubkaas-se waxa uu noqonayaa midkii ugu horreeyay tan iyo bartamihii 1990-meeyadii markaas oo Mocsow ay hub nukliyeer ah u yaalleen meel ka baxsan dalkeeda.

Burburkii Midowgii Soofiyeet 1991 ayaa hubka nukliyeerka waxa uu yaallay afar dal oo markaas xor noqday – Ruushka, Ukraine, Belarus iyo Kazakhstan – iyadoo 1996 la soo afjaray dib u soo celinta hubkaasi ee Ruushka.

Hadalka madaxweyne Putin ayaa imanaya xilli madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu soo cusboonaysiiyay codsigiisii ahaa in xulafadiisa reer Galbeedka ay siiyaan taageero dheeraad ah oo milateri.

Horraantii todobaadkii tegay, illaa 18 dal ayaa saxiixay heshiis ay dalkaas uu dagaalka la degay muddo sannad ah ku siinayaan ugu yaraan hal milyan oo aaltalari.

Hase yeeshee wareysi uu madaxweyne Zelensky siiyay wargeys ka soo baxa waddanka Japan, ayuu ku sheegay in Ukraine ay suuragal tahay in bariga dalkaasi aanay ka qaadin duullaan rogaal-celis ah illaa ay ka imanayso rasaas dheeraad ah.

Isha: BBC

Muqdisho 27ka Maarso 2023 Saraakiisha hogaamisa ciidanka militeriga Somaliland ayaa sheegay in ay dagaal culus ku qaadayaan xoogagga kula dagaalamaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo ku guuleystay inay maamulka magaaladaas ka faro-maroojiyaan Somaliland.

Sarkaal lagu magacaabo Cabdi Dheere oo ah Afhayeenka ciidanka militeriga Somaliland oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Somaliland dulqaadkii ka dhamaaday oo weerar culus ay ku qaadi doonaan xoogagga kasoo horjeeda ee SSC.

Saraakiisha hogaamisa ciidanka militeriga Somaliland ayaa sheegay in ay dagaal culus ku qaadayaan xoogagga kula dagaalamaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo ku guuleystay inay maamulka magaaladaas ka faro-maroojiyaan Somaliland.

Sarkaal lagu magacaabo Cabdi Dheere oo ah Afhayeenka ciidanka militeriga Somaliland oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Somaliland dulqaadkii ka dhamaaday oo weerar culus ay ku qaadi doonaan xoogagga kasoo horjeeda ee SSC.

Afhayeenka ayaa digniin u diray ciidamo beeleedyo uu sheegay inay kasoo gurmadeen dhanka Puntland, kuwaas oo sida uu sheegay Laascaanood ku sugan.

Sidoo kale Afhayeenka ciidanka Somaliland wuxuu sheegay in reer Laascaanood ay la heshii doonaan dadka deegaanka, balse ay dagaal la gali doonaan ciidamada deegaanada kale ka yimid ee ka dagaalamaya Laascaanood.

Sarkaalkaan u hadlay ciidanka Somaliland wuxuu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka dagaalameyso Laascaanood, balse ay awood ciidan uga saari doonaan maalmaha soo socda.

Hadalkaan ka soo yeeray Afhayeenka ciidanka militeriga Somaliland ayaa ka dhigan markii ugu horaysay oo Somaliland ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo in ay dagaal ku qaadayso ciidamada kala wareegay Laascaanood oo markii hore ay ayaga ku eedey jirtay inay weerar kasta soo qaadaan.

Muqdisho 27ka Maarso 2023 Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa markii u horeysay si lama filaan ah uga hadlay saameynta Imaaraadka Carabta ee dalka ee dib usoo laabatay, tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cali Cosoble oo qormo culus kasoo saaray arrintaan ayaa marka hore shaki-galiyay ogolaanshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee dhaq-dhaqaaqa xawliga ah ee Imaaraadka uu ka bilaabay dalka, isaga oo dhawaan gadiid dagaal oo badan ka dejistay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ma fadhiyo Villa Soomaaliya ee waxaa lagu haayaa Imaaraadka, Villa Soomaaliya-na waxaa fadhiya mid u eg balse aan aheyn madaxweynaheenii dhabta ahaa,” ayuu madaxweynihii hore ee HirShabelle ku yiri qormadaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kii aan aqiinay ee ay Soomaali dooratay ma arko, qof u eg balse aan aheyn Xasan Sheekh Maxamud-kii runta ahaa ayaa hadda dhex fadhiya Villa Somalia.

Xasan Sheekh Maxamuud kaan aqiinay wuxuu ahaa Xasan waddani ah, Xasan nabadoon ah, Xasan beelaha Soomaaliyeed u caddaalad fala, Xasan ka foojigan danaha shisheeyaha, Xasan aan oggoleyn in kheyraadka dalka la boobo, Xasan eysan ka suurta gelin inuu dalka bohol ku rido, Xasan dhageysta talooyinka xildhibaannada iyo wax walba ee laga fisho madaxweyne dadkiisa iyo dalkiisa u damqanaya.

Madaxweynahaan dooranay ee Xasan Sheekh Maxamuud ahaa waa na laga xaday, waxaana lagu sameeyay waxa la yiraahdo “cloning” oo ah koobi lagu sameeyo dadka, xoolaha, dhirta iyo xasharaadka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ma fadhiyo Villa Somalia ee waxaa lagu haayaa Imaaraadka, Villa Soomaaliya-na waxaa fadhiya mid u eg balse aan aheyn madaxweynaheenii dhabta ahaa.

Inteysan Soomaaliya ku dhicin bohol aan dib looga soo saari karin oo aysan talo gacmaheena ka bixin, Soomaaliyey aan Imaaraadka ka doonno madaxweynaheenii originaalka ahaa, koobigoodana u celino.

WARARKA MAANTA 26ka Maarso 2023

Su’aalaha Maanta: Yaa diidi kara maanta in #Muqdisho amnigeeda sii xummaaday oo hoobiyaal lagu garaacayo #Muqdisho? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdiho waa Beenale Madaxweyne Xassan Shiikh? Yaa raba inay dowladda Soomaaliya fashilaya waa Madaxweyne Xassan Shiikh? Yaa kala diray ciidanka xoogga dalka waa Xassan Shiikh Maxamuud? Yaa diidi kara inay xukuummada “Kutaanta/Dhiqlaha” ee uu hoggaaminaayo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye”? Maxay tahay guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo si xoog ah ku haysta guri ay leedahay Maamo Soomaaliyeed oo si sharci-darrp uu uga haysto gurigaas oo ku yaala magaalada Baydhabo?

 Ha wiqleyso! 

Muqdisho 265ka Maarso 2023 Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeaal oo maanta lagu qaaday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Madaafiicda ayaa lagu soo warramayaa inay qaarkood ku dhaceen guryo ay dagan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla agagaarka Ceelka Sablaale oo ka tirsan degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaareen hoobiyeyaashaas oo ku dhacay guryahooda, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga.

Sidoo kale weerarkan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ayaa cabsi xoogan ku beeray dadka deegaanka, maadaama ay kusoo waabariisteen dhawaqa hoobiyeyaal ku dhacaya Wadajir.

Ciidamada ammaanka oo sidoo kale goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah, kadib madaafiicda lagu gaaracay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan weerarkaas iyo sidoo kae howlgallada xigay.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya caasimada, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo, dilal qorsheysan &  dhac ay geysanayaan kooxo burcad ah.

Dhacdooyinkan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, xilli dowladda federaalka ay kordhisay howlgallada lagu sugayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo ciyaal weerarada ee ka socda caasimada.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab oo horay loogu jabiyay dagaallada tooska ah ee ka socda gobollada dalka ayaa haatan culeyska ugu xoogan soo saartay magaalada Muqdisho.

Lascaanood 265ka Maarso 2023 Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in markale uu maanta dagaal dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay duleedka magaalada, kaas oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay qaadeen ciidanka Somaliland oo weeeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka, waxaana kadib sidaas ku qarxay iska hor imaadka.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay maqleen daryanka rasaasta iyo hubka culus ee ay si weydaarsanayeen labada dhinac

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Somaliland iyo saraakiisha SSC oo ku aadan dagaalka saaka dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood.

Dagaalkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo beryihii u dambeeyay xaaladda magaalada ay aheyd mid deggan, in kasta oo ay is horfadhiyeen ciidamada labada dhinac.

Sidoo kale waxaa weli suuragalin wadahadalka labada dhinac, ayada oo dadka deegaanka ay shuruud ka dhigeen in marka hore la soo saaro ciidamada Somaliland.

Lama iga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa haatan soconaya dagaallada kala duwan oo nabadeed, waxaana ku biiray odayaal ka baxay magaalada Muqdisho.

Puntland 265ka Maarso 2023Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay shabakad ka tirsan kooxda Shabaab, taas oo ka kooban 10 nin.

Raggan ayaa waxaa lagu helay inay dilal ka geysteen gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kuwaas oo ay ugu dambeyn ay soo qabteen ciidanka ammaanka.

Maxkamadeynta raggan ayaa sidoo kale soo martay heerar kala duwan, waxaana ku jira xubno racfaan ka qaatay xukun dil ah oo horay loogu riday.

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa sidoo kale soo bandhigtay caddeymo maqal iyo muuqaal ah oo ay eedeesanayaashu ku qiranayeen in ay ka dambeeyeen dilal madax-jebis ah iyo qaraxyo intooda badan ka dhacay Gaalkacyo dhinaceeda koonfureed ee Galmudug.

10 nin ee la xukumay ayaa kala ah:- 1-Cadde Cabdulahi Maxamed Cilmi, 2-Cabdiqani Saleemaan Jaamac Sayloor, 3-Xasan Jaamac Maxamed, 4-Maxamed Cali Axmad Muuse, 5-Farxaan Faysal Salaad Xirsi, 6-Cabdulahi Faysal Xuseen, 7-Barkhad Cawil Xirsi Nuur, 8-Liibaan Aaden Muuse, 9-Cabdiqani Farxaan Abdulahi iyo 10-Cabdiraxman Cawil Maxamed

Sidoo kale waxaa raggan ku jira Cadde Cabdulahi Maxamed Cilmi iyo Cabdiqani Saleemaan Jaamac Sayloor, oo loo heysto dill  Gaalkacyo loogu geystay Wariye Jamaal Faarax Aadan . Labadan nin ayaa horay loogu riday xukun dil, balse waxa ay ka qaateen racfaan, ayada oo markale saaka lagu xukumay dil toogasho ah oo ah qasaasta marxuum Jamaal Faarax.

Puntland ayaa horay xukuno dil ah ugu ridday xubno ka kal tirsan Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgallo kala duwan oo ka dhacay deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba, dhowaan ayay ahayd markii Puntland ay xukun dil ah ku fulisay 19  ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo dilal iyo qaraxyo ka geystay magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo.

WARARKA MAANTA 18ka Maarso 2023

Su’aalaha Maanta: Yaa diidan in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Beenaale Madweyne Xassan Shiikh? Yaa kala diray ciidanka xoogga dalka “Beenaale Xassan Shiikh? Yaa diiday in loo gurmado shacabka #Laascaanood “Beenaale Xassan Shiikh? Yaa maanta diidan dalka #Soomaaliya iin warbaahinta qaranka inay ka soo waranto ama soo tabiso Lasscaanood iyo dhibka ay jabhada #SNM ku haysto deegaanka #KhaatumoState #SSC? Yaa Kitaab ku dhaartay inuu dadka diinta iyo dalka isku-haynaayo oo laaluush iyo musuqmaasuq ka dhex wada dalka? Yaa maanta diidi kara inuu Madaweyne Xassan Shiikh Muddo hal sanno ah ku fashilmay hoggaanka dalka asagoo hadda codsanaaya muddo kororsi sharci-daro ah? Ha wiqleyso!

Baydhaba 185ka Maarso 2023 Waxaa la soo gabagabeeyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday magaalada Baydhaba, kaas oo qodob ka mid ah looga heshiiyey amniga qaranka iyo sida loo kala qaadanayo mas’uuliyadaha heer federaal iyo heer dowlad.

Qodobka 3-aad ee heshiiska lagu gaaray Baydhaba ayaa dul istaagaya “DHAMAYSTIRKA HESHIISKA QAAB-DHISMEEDKA AMNIGA QARANKA” sidoo kale dardar gelinta dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa looga hadlay qodobkaan

Shan arrimood ayaa tiirar u ah qodobkaan, “Goluhu waxa uu isku raacay meelmarinta iyo ansixinta dhammeystirka dib-u-eegista lagu sameeyay Heshiiska Qaabdhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017, kaas oo mar labaad dib loogu heshiiyay October 2022, waxa uuna saldhig u noqonayaa.”

1-Dib u habeynata laamaha amniga;

2-Tirada ciidamada;

3-Waajibaadka hay’adaha amniga;

4-Amarka iyo kala danbeynta; iyo

5-Maareynta baahiyaha dhaqaale ee laamaha amniga.

Shirka waxaa lagu go’miyey in dowlad goboleedyada ay soo dhameystiraan maamul u sameynta degmooyinka iyo deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab iyo kuwa laga 4 xoreyn doono.

Qorshahaan dib u habeynta maamul ayaa la doonayaa inuu la jaanqaado holwgalka dib u xoreynta dalka, barnaamijka xasilinta iyo daadajinta adeegga dowladnimada.

“Golaha Wada-tashiga Qaran waxaa uu mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaarayaan ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed oo guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale bayaanka qodobkiisaan waxaa lagu sheegay in goluhu isla qaatay in la dardargeliyo dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha argagixisada, sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Golaha wadatashiga qaranka ayaa bogaadiyey Baarlamaanka iyo Xukuumada Federaalka dadaal deg deg ku bixiyey meelmarinta shuruucyo laf-dhabar u ah dhamaystirka dowlad dhiska dalka, inta badan shuruucda la ansixiyey maalmihii lasoo dhaafay ayaa muhiim u ahaa dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Muqdisho 185ka Maarso 2023 Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa markale ka hadlay dagaalka Laascaanood.

Xasan Sheekh ayaa ku celiyay baaqiisa nabadda ee ku aadan in dagaalkaas la joojiyay, wuxuuna tilmaamay in ka dowlad ahaan ay dhibeyso dhiiga ku daadanayo halkaas.

“Beryahan dhammaan waad la socotaan dhibaato ayaa ka taagan magaalada Laascaanood & deegaanka ku wareegeysan agagaarkeeda in badan oo horana waan ka hadalnay waxaas inay na gubayaan oo ay ina dhibayaan aanan raalli ka aheyn,” ayuu yiri madaxwenuhu.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu xog cusub ka bixiyay waxa uu salka ku hayo dagaalka Laascaanood, isaga oo tilmaamay in arrimo gaar ah la’isku hayo, kuwaas oo sababay inay dagaalamaan labada dhinac, gaar ahaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

“Meesha arrimaa yaallo oo keenay in la’isku dilo waxaan leenahay war marka koowaad aan xabadda joojino marka labaad waxaan leenahay aan isku imaano oo aan is wareysano oo aan kala gar qaadano ” ayuu markale yiri madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in qaddiyada meesha taallo ay tahay wax ay quseyso guud ahaan Soomaalida, loona baahan yahay in loo wada istaago.

“Meesha arrimaa yaallo oo keenay in la’isku dilo waxaan leenahay war marka koowaad aan xabadda joojino marka labaad waxaan leenahay aan isku imaano oo aan is wareysano oo aan kala gar qaadano ” ayuu markale yiri madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in qaddiyada meesha taallo ay tahay wax ay quseyso guud ahaan Soomaalida, loona baahan yahay in loo wada istaago.

Lamu 185ka Maarso 2023 Wararka ka imaanaya magaalada Lamu ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax miino oo geystay khasaare dhmasho iyo dhaawac leh lagula eegtay duuleedka magaaladaasi gaari ay leeyihiin ciidamada dalka Kenya. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miinada nooca dhulka la galiyo laguna aasay inta u dhaxeysa deegaanada Kiyuunga iyo Shangaani oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Laamu, waxaana gaariga qaraxa uu haleelay uu kasoo baxay deegaanka Kiyuunga, wuxuuna kusii jeeday deegaanka Shangaani

Wararka hordhaca ah ee laga helay gaariga qaraxa lala beegsaday ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar ka tirsan ciidanka Kenya ee saarna gaarigaas, hayeeshee lama xaqiijin karo tirada rasmiga ee askarta ku geeriyooday qaraxaasi miino, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Saraakiisha ciidanka dowladda Kenya.

Deegaanada dhaca gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa inta badan ciidamada Kenya lagula eegta qaraxyo noocaan oo kale ah iyo weeraro toos ah oo lagu beegsado xiliyada ay ku safrayaan wadooyinka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, iyadoo masuliyada qaraxyada iyo weeraradaas ay sheegtaan kooxda Al-shabaab.

Laascaanood185ka Maarso 2023 Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal markale saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ah.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay dhor jiho oo duleedka magaalada ah, waxaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil u hadashay SSC ayaa shaaca ka qaaday inay qabsadeen gaadiid dagaal, sidoo kalena ay la wareegeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidanka milatariga Somaliland.

Dhanka kale warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee maamulka Somaliland ayaa waxaa looga hadlay dagaalkaasi, waxaana Somaliland ay ku eedeysay inay soo qaaday Puntland oo kaashaneyso koox argagixiso ah iyo kuwa nabad diid ah.

“kooxaha huwanta ah ee isugu jira Ciidanka Maanulka Putland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah Ee ku sugan Laascaanood ayaa saaka 4:30 subaxnimo weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanoodm” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka Somaliland

Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay in ciidamada Somaliland ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, isla-markaana ay khasaare gaarsiisay dhinacyada soo weeraray.

“Waxaanay Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si adag isaga difaaceen weerarka ay soo qaadeen kooxaha huwanta ahi ee ay hogaaminayso Puntland, iyadoo marnaba Ciidanka Qaranku aanu weerar ahayn, ilaalinayo xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, tiraba dhawr jeer,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka Somaliland.

Waxaa kale intaas la raaciyay “Masuuliyadda weerarkan waxaa qaadaysa Maamulka Puntland-Soomaliya iyo kooxaha huwanta ah ee ay hogaaminayso ayna ka mid yihiin kooxaha Argagixisada ahi”.

Laascaanood ayaa muddo ka badan bil waxaa ka socda dagaallo qaraar, waxaana lagu guul dareystay in la sameeyo xabad joojin, kadibna ay wada-hadlaan labada dhinac.

WARARKA MAANTA 15ka Maarso 2023

Su’aalaha Maanta: Maxay tahay muddo kororsiga ay hadda rabto Dowladda Iyo Laba Aqal ee ku fashilmay hoggaanka dalka in ka yar 1 sanno? Yaa nin Shabaab la shaqaysta ka dhigay Taliyaha Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka? Yaa dilay Kornayl Ikraam Taxaliil “Udgoon”? Yaa xildhabaan aamino dilay? Yaa maxkamada ciidanka soo saaray Sarkaal xiray nin Shabaab ah? Yaa hore u yiri “Qabyo ninkeedaa dhammeystira”? Maxuuse u diiday inuu samaayo #Maqaamka #Muqsisho? Maxuuse u diidan yahay inuu sameeyo “Maxkamadda Dastuur? Yaa dilay Kornayl Ikraam Taxaliil? Yaa dilay xildhibaan Aamino? Yaa maanta si xaq-darro ah ugu xiran yahay Suxufi Cabdalla Muumin?  Yaa raba inuu dhaco hantida dadweynaha? Yaa horay u dhacay hanti dan-guud? Yaa amaray in la gubo De Matini Hospital? Yaa amaray in dadka laga dhaco guriyihii bangaariyada? 

 Ha wiqleyso!

Muqdisho 145ka Maarso 2023 Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta go’aan rasmi ah kasoo saartay kiiska Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo dhacdooyin kale oo sababay dhimasho, dhaawac iyo xiisad ka abuuray Gedo.

Sarkaalkan oo ah taliye xigeenka hoggaanka Sahanka iyo Wardoonka (Hangashta) ee Xoogga dalka ayaa ayaa ciqaab iyo jir-dil ku dilay maxbuus lagu magacaabi jiray marxuum Aadan Gaarac Habarwaa oo ku eedeysnaa Al-Shabaabnimo, kaas oo dhacay 23-kii bishii Febraayo ee sanadkan 2023-ka, wuxuuna falka ka dhacay degmada Doolow ee gobolkaasi.

Maxkamadda ayaa sheegtay in marxuumka uu u geeriyooday biyo hafin uu u geystay Gaashaanle Cosoble intii lagu gudi jiray baarista kiisas argagixiso oo ay ugu horeysay maleegidda qaraxii lagu dilay taliyihii Ururka 28-aad ee ciidanka Xoogga Maxamed Aweys.

Waxa kale oo kiiskan ka dhashay dagaal ka dhacay garoonka Doolow, kadib markii ay isku dheceen ciidamo beeleed taabacsanaa sarkaalka la xukumay, kuwaas oo diidanaa in loo soo dhoofiyo Muqdisho iyo ciidamada ammaanka ee ku sugnaa gudaha garoonka, waxaana shaqaaqadaas sidoo kale ka dhashay khasaare kale oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Intaasi kadib Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 26-kii isla bishii hore billowday dhageysiga kiiskan xasaasi ah oo ka dhashay dilka marxuum Aadan Gaarac.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in eedeysanaha uu baarayay kiis la xiriira Al-Shabaab isla markaana uu hayay waajib shaqo Qaran, isaga oo Maxkamadda waydiistay in la saaro bixinta magta taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Dhankisa qareenka eedeysanaha dhintay ayaa isna Garsoorka waydiistay in lagu xukumo eedysanaha diya adag.

Ugu dambayn Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta oo ay tahay y14-ka bisha Maarso ee 2023 ku xukuntay Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble  diya adag oo ah qisaasta marxuum Aadan Gaarac Habarwaa iyo shan sano oo xabsi Ciidan ahm sida uu warbaainta u sheegay Gaasaanle Sare Xasan Cali Nuur Suute, guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada

Si kastaba, xukunsanaha ayaa haysto fursad kale uu ku dalban karo Rafcaan, muddo ku siman 30 cisho.

Muqdisho 145ka Maarso 2023  Dood xoogan iyo falcelin ayaa ka dhalatay qorshaha muddo kororsiga ee ay waddo dowladda federaalka, kaas oo haatan lagu karkarinayo Baarlamaanka, si wax ka beddal loogu sameeyo muddo xileedka hay’adaha dowladda.

Qodobka ugu weyn ee doodda dhaliyay ayaa ah in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya laga dhigo shan sano, halka markii hore uu ahaa afar sano.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa markale tallaabo u qaabay muddo kororsigan, isaga oo guddiga gaarka ah ee ka soo talabixinta soo jeedinta wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG ah ee ay horay u magacaawday Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka u kordhiyay muddada, si ay talabixintooda u soo gudbiyaan, loogana doodo, kadibna la dhaqan-geliyo.

Arrintan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay xubnaha mucaaradka oo ka digay in haatan lagu dhaqaaqo muddo kororsi horleh, ayada oo aysan jirin sabab keeni karo.

Sidoo kale xildhibaan hore Cabdiweli Maxamed Qanyare oo wareysi siiyay Shabelle TV ayaa ka falceliyay doodda taagan, wuxuuna difaacay qorshaha muddo kororsiga ee dowladda.

Cabdiweli ayaa shaaca ka qaaday in Baarlamaanka uu sameyn karo ku darsi inta u dhexeysa lix bilood, illaa saddex sano, uuna u ogolaanaayo Dastuurka.

“Baarlamaanka wax waa ku dari karaa, waqtigana waa kordhin karaa, wuxuuna kordhi karaa waqti ka yar kan hadda loogu talagalay, tusaale saddex waa ku dari karaan laba wa ku dari karaan hal waa ku dari karaan 6 bilood waa ku dari karaan,” ayuu yiri Cabdiweli.

Waxa kale oo uu inyaasi ku sii daray “Marka Baarlamaankaan way ku dari karaan awoodna waa u leeyihiin,”.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan ay keentay baahi, balse looga gudbi karo in la qabto doorasho qof iyo cod oo ay dadka Soomaaliyeed iyagu soo dooranayaan madaxdooda iyo dadka ku metali lahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Muqdisho 145ka Maarso 2023 Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex nin oo labo kamid ah lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab iyo Dhakhtarkii dilaaga ahaa Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax).

Saddexda nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) iyo Dr. Fanax.

Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa lagu helay inuu la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab, waxaana horay xukun dil ah ugu ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, kaas oo ugu dambeyn lagu fuliyay.

Ninkan ayaa si gaar ah loogu helay in uu 23 kii March ee sanadkan 2023-ka ku geliyay gaarigiisa garoonka Muqdisho laba nin oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo weerar toos ah ka geystay gudaha Xerada Xalane, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Shariif Maxamed Barkhadle (Ayaanle) oo isna ka tirsanaa saraakiisha ciidamada dowladda ayaa lagu helay in uu si hoose ula shaqeyn jiray kooxda Al-Shabaab.

Ayaanle ayaa waxaa lagu helay dambi ah in gawaarida qaraxyada uu Al-Shabaab usoo gelin jiray Muqdisho, isaga oo baabuurtaas dhigay dhowr goobood oo ganacsi sida, Village Hotel and Restaurant Afar, Tobankii January 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar-weyne February 4-teedii 2019-kii, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019, Xeebta Liido agagaarka Aargada May 27-keedii 2019, sida ay sheegtay maxkamadda.

Weeraradaas ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen illaa 27 qof oo isugu jiro qaybaha bulshada, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tira kale oo intaas kasii badan.

Ninka saddexaad ee la dilay waxaa Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax), kaas oo ahaa dhakhtar been abuur ah oo ka howl-gali jiray isbitaallada magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu ahaa sarkaal ciidanka xoogga dalka ka heysta darajooyin been abuur ah.

Dhakhtar Fanax oo lagu helay inuu geystay dilal iyo qaraxyo khasaare geystay ayaa laga soo xiray magaalada Beledweynem waxaana ugu dambey la horgeeyay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo saaka ku fulisay dil toogasho ah.

Baydhabo145ka Maarso 2023 Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa haatan waxaa ka socdo qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro furitaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu wado inuu saacadaha soo socdo ka furmo gudaha magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maanta madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo, si uu u furmo shirka ay ku leeyihiin magaaladaas oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah. Diyaar garow xoogan ayey haatan wadaa Koonfur Galbeed oo isku diyaarineyso soo dhaweynta madaxda tageysa magaalada Baydhabo, sida uu shaaciyay Maxamed Cali Ibraahim oo ah agaasimaha guud ee warfaafinta ee madaxtooyada Koonfur Galbeed.

“Waxaa maanta Magaaladda Baydhabo oo ah Xarunta kumeel gaarka Dowladda Koonfur Galbeed soo gaari doono Madaxda Qaranka iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, Baydhabo waxay marti gilin doontaa Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran oo Maalinta berito ka furmi doono Magaaladda” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka Baydhabo ka furmayo ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, ammaanka, siyaasadda, dastuurka, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha dhaqaalaha.

Dhinaca kale xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku gacan seyray waan-waan iyo fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda beesha caalamka.

Wakiiladda Caalaamiga ah ayaa Saciid Cabdullaahi Deni ka dalbaday in shirkaasi uu xaadiro, islamarkaana uu halkaasi kusoo bandhigo tabashadiisa, si xal wada-jir ah looga gaaro.

Si kastaba, shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in la qabto 24-kii bishii hore, balse wuxuu dib ugu dhacay si madaxweynaha Puntland loogu qanciyo ka qeyb-galka shirka, taasi oo illaa hadda aan lagu guuleys

Muqdisho 145ka Maarso 2023Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo saaka aroortii hore lagu qaaday saldhigga Booliska degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, kaas oo ay qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku billowday qaraxyo nooca bambaanada ah oo marka hore lgu tuuray dhismaha saldhigga, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada ammaanka ee ku sugnaa saldhigga la weeraray ay rasaas ay fureen kadib qaraxyada, waxayna kadib iska hor imaad kooban la galeen ragga weerarka soo qaaday oo mar dambe goobta ka baxsaday.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaas lagu qaaday saldhigga Booliska ee degmada Warta Nabadda.

Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso fariisimaha ciidamada ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxayna horay u weerartay ciidamo ku sugnaa agagaarka KPP iyo kuwa kale oo lagu qaaday saldhigyo kale oo Boolis.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaa dari ee ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii u dambeeyay.

Si kastaba, ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ayaa dhankooda wada howlgallo joogta ah oo looga hortagayo weerarada Shabaab, laguna dagaalamayo burcadda iyo ciyaal weerada.

WARARKA MAANTA 14ka Maarso 2023

Su’aalaha Maanta:Yaa hore u yiri “Qabyo ninkeedaa dhammeystira”? Maxuuse u diiday inuu samaayo #Maqaamka #Muqsisho? Maxuuse u diidan yahay inuu sameeyo “Maxkamadda Dastuur? Yaa dilay Kornayl Ikraam Taxaliil? Yaa dilay xildhibaan Aamino? Yaa maanta si xaq-darro ah ugu xiran yahay Suxufi Cabdalla Muumin?  Yaa raba inuu dhaco hantida dadweynaha? Yaa horay u dhacay hanti dan-guud? Yaa amaray in la gubo De Matini Hospital? Yaa amaray in dadka laga dhaco guriyihii bangaariyada? 

 Ha wiqleyso!

Asmara 14ka Maarso 2023 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho xalay ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha waddanka Eritrea, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta dalkaas.

Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yeelan doona wadahadalo diiradda lagu saarayo xiriirka labada dal iyo horumarka gobolka ee danaha labada dal.

Waa safarkii saddexaad oo uu madaxweyne Xasan Sheikh ku tagay dalka Eritrea, waxayna booqashadiisan kusoo aaday xilli qaar kamid ah ciidamadii Soomaaliyeed ee lagu tababaray dalka Eritrea ay weli ku sugan yihiin dalkaas.

Dabayaaqada sannadkii hore, labada dal ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga.

Waxa kale oo ay isla garteen in la xoojiyo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka siyaasadeed, ilaalinta iyo horumarinta danahooda qaranka, korna loo qaado xidhiidhka ka dhexeeya labadooda shacab.

Puntland 4ka Maarso 2023  Mucaaridka Puntlnad ayaa ka horyimid waqtiga uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni u asteeyay qabsoomida doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland.

Guddoomiyihii hore ee guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa go’aanka kasoo baxay Saciid Deni ku tilmaamay mid aan suurta-gal aheyn, islamarkaana ay ku dhici karin doorashada goleyaasha deegaanka ee qof iyo codka ah.

 Mucaaridka Puntlnad ayaa ka horyimid waqtiga uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni u asteeyay qabsoomida doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland.

Guddoomiyihii hore ee guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa go’aanka kasoo baxay Saciid Deni ku tilmaamay mid aan suurta-gal aheyn, islamarkaana ay ku dhici karin doorashada goleyaasha deegaanka ee qof iyo codka ah.

“Xeerkani wuxuu dhaqan-galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Si kastaba, waxaa muddooyinkii dambe ka taagna maamulka Puntland khilaaf xooggan oo la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah, ayada oo mucaaridka uu ka horyimid hanaanka ay u wado xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni.

Muqdisho 14ka Maarso 2023 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay furay shirweynaha qaran ee waxbarashada dalka ayaa shaaciyay qorshaha waxbarasho ee dowladda uu hoggaamiyo.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Waxa uu shaaciyay in la shaqaaleysiin doono toban kun oo Macallimiin Soomaaliyeed ah, si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee ay heli karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waa in aan hubino barid tayo sare leh oo ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo Macallimiin lagu xulay tartan daah-furan inaga oo shaqaaleysiin doona ugu yaraan 10,000 oo Macallimiin ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu shaaciyay in la shaqaaleysiin doono toban kun oo Macallimiin Soomaaliyeed ah, si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee ay heli karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waa in aan hubino barid tayo sare leh oo ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo Macallimiin lagu xulay tartan daah-furan inaga oo shaqaaleysiin doona ugu yaraan 10,000 oo Macallimiin ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa ka marqaati kacay in fursadaha waxbarasho ee xilligaan ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ay aad u hooseeyaan, taasi oo caqabad ku ah dhisidda mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka.

Waxa uu ka dalbaday aqoon-yahanka, qurbe-joogta iyo kaadiriinta waxbarashada dalka in ay gacan ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraya, si loo xaqiijiyo degenaasho siyaasadeed, horumar dhaqan-dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka hanaqaadda dalkeenna.

Baardheere 14ka Maarso 2023 Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in magaalada Baardheere ee gobolkaasi uu ka dhacay weerar is-miidaamin ah, kaasi oo lagu qaaday guriga martida ee degmada.

Wararka aan ka helayno ayaa sheegay in guriga Martida ee weerarka lagu qaaday ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in magaalada Baardheere ee gobolkaasi uu ka dhacay weerar is-miidaamin ah, kaasi oo lagu qaaday guriga martida ee degmada.

Wararka aan ka helayno ayaa sheegay in guriga Martida ee weerarka lagu qaaday ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Ciidam fara badan ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana gebi ahaanba la xiray dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhawaaqa rasaasta dhaceysa iyo hoobiyaal weli laga maqlayo aaga guriga martida ee weerarka is-miidaaminta ah lagu qaaday.

Muqdisho 14ka Maarso 2023 Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray tallaabadii shalay xiisadda ka abuurtay Muqdisho ee shacabka degan guryaha Bangiga dhexe ee Bangaariyo looga saarayay.

Waxa uu sheegay in tallaabadaasi kadib uu si buuxda ula wareegay dhulka iyo guryihii uu lahaa Bangiga Dhexe ee degamada Wadajir

“Maanta oo ay taarikhdu ku astaysantahay 13-ka Maarso, 2023, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxuu si sharci ah ula soo wareeegay dhulka iyo Guryaha Bankiga (Bangaariyo) ee ku yaala Degmada Wadajir gaar ahaan xafadda Buulo-xuubey,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka kasoo baxay Bangiga Dhexe ayaa sidoo kale lagu difaacay qaabkii loo maray baneynta guryahaasi ee looga saaray dad shacab ah oo deganaa, “Go’aanka la wareegista dhulka waa mid loo maray si waafaqsan dastuurka, iyo Shuruucda dalka.”

“Maanta oo ay taarikhdu ku astaysantahay 13-ka Maarso, 2023, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxuu si sharci ah ula soo wareeegay dhulka iyo Guryaha Bankiga (Bangaariyo) ee ku yaala Degmada Wadajir gaar ahaan xafadda Buulo-xuubey,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka kasoo baxay Bangiga Dhexe ayaa sidoo kale lagu difaacay qaabkii loo maray baneynta guryahaasi ee looga saaray dad shacab ah oo deganaa, “Go’aanka la wareegista dhulka waa mid loo maray si waafaqsan dastuurka, iyo Shuruucda dalka.”

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxa kale oo uu sheegay in uu dib ula wareegi doono dhamaan hantidiisa kale ee sida sharci darrada uga maqan, si waafaqsan sharciga.

Tallaabada ay shalay ciidamada Booliska sida xoogga ah ugu baneeyeen dhulkaasi ayaa waxay dhalisay xiisad xoogan iyo hadal hayn, waxaana kamid ah dadka falceiyay siyaasiga caanka ee Cali Yare Cali oo si weyn u dhaliilay dowladda federaalka.

WARARKA MAANTA 11ka Maarso 2023

Su’aalaha Maanta: Maxuu kashifay Afhayeenka Beelaha Hawiye Nabadoon Xaad oo diiday inuu muddo kororsi sameeyo Madaxweyne Xassan Shiikh Iyo labada aqal asagoo aan 1 sanno dhammeysan? Yaa edeb darran ma guddiga dastuurka mise Madaxweyne Xassan oo ku fashilmay muddo sannad ka yar? Maxay tahay sababta ay #Dowladda#Ethiopia u soo gelisay ciidamo xoog leh oo aan kami dahayn #ATMIS? Ma Dowladda #Dama-Jadiid ayaa ogolaatay mise labada aqal midkood? Maxay Wasaaradda Difaace amaWasaaradddaArrimaha Gudaha Soomaaliya uga hadlin faragelinta qayaxan ee #Ethiopia mise Dowladdda Soomaaliya ayaa dalkau soo wada ciidan #Masri ah? Maxay tahay faraha sirta ah ee laga hayo Madaxweyne Xassan Shiikh iyomid kamid ah xaasaskiisa? Yaa sharciyo saxiixi kara? Yaase sharciyadan uu sida khaldan u saxiixay Madaxweyne Xassan Shiikh ka fulin karo #Somaliland, #KhaatumoState, #GalmudugState, #HirshabelleState, #JubbalandState #SouthWestState Iyo #PuntlandState? Maxayse #Qatar ku soo amartay inay #Soomaaliya samayso? Maxuuse weli ugu aamusan yahay Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre “Dhaweeye OG-360” 

dagaalkaiyo xasuuqa lagu hayo shacabka #KhaatumoState? 

Ha wiqleyso!

Muqdisho 11ka Maarso 2023 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisin ciidamada Booliska ay ku leeyihiin xaafadda Suuqa Xoolaha, gaar ahaan halka loo yaqaano Baar Jowar, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad toos ah.

Labada dhinac ayaa dagaalamayaa ku dhowaad 30 daqiiyo, waxaana lasoo wariyay ina weerarka uu bilow bamb-gacmeed ay dableyda hubeysan ku tuureen ciidamada.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, maadaama muddo kooban uu ku yimid hakad.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi, waxaana xigay howlgal ay sameeyeen ciidamada la weeraray, kaas oo ay ku baadi goobayaan kooxda weerarka ku qaaday oo goobta isaga baxsatay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa oo ay inta badan ka dhacaan weeraro.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha caasimada iyo beegsiga ciidamada dowladda, waxaana ugu dambeeyey weerar kan lamid ah oo ay todobaadkii hore ku qaaday fariisin ay ciidanka dowlada ku leeyihiin isgoyska KPP.

Weerarka ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhacayay Muqdisho, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii dambe.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab oo lagu jebiyay inta badan dagaallada ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka ayaa haatan culeys soo saartay caasimada, waxayna ka fulisay dhowr weerar iyo qaraxyo ay la beegsaday xarumo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Banaadir.

Buurdhuubo 11ka Maarso 2023 Guddoomiye ku xigeenka labaad ee degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, Nuux Xasan Daa’uud ayaa ku dhaawacmay qarax gurigiisa loogu qariyay. Falkaan oo dhacay shalay duhurkii, ayaa waxaa ku dhintay wiil uu dhalay guddoomiye ku xigeenka labaad, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Lama oga cidda ka dambeysa falkan, hase ahaatee maamulka degmada Buurdhuubo ayaa ku eedeeyay falkan inay ka dambeeyaan kooxda Alshabaab.

Laamaha amniga ayaa falkan u xiray shakhsiyaad lagu tuhmayo inay soo abaabuleen, waxaana ku jira dad xilliga uu falka dhacayay ku sugnaa hoygiisa.

Qaraxyada nuucaan ah ayaa kusoo badanaya gobolka Gedo.

Sanadkii hore ayay ahayd markii sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka dowladda lagu dilay qarax loogu xiray sariirtiisa jiifka.

Sidoo kale taliyihii nabad sugidda gobolka Gedo ayaa lagu dilay qarax lala eegtay gaarigiisa xilli uu safar ku jiray.

Laascaanood 11ka Maarso 2023 Taliska ciidamada deegaanka ee magaalada Laascaanood, isla-markaana dagaalka kula jira ciidanka milatariga Somaliland ayaa soo saaray awaamiir culus oo ku aadan xaaladda cakiran ee ka taagan gudaha magaaladaasi.

Taliyaha ciidanka xasilinta ee ku sugan Laascaanood Cali Gowrac oo la hadlay warbaahinta ayaa soo saaray amaro saameynaya dadweynaha, isaga oo ka dalbaday inay fuliyaan.

“Waxaa halkan farriin iyo cod dheer u marinayaa shacabka ku nool degmada Laascaanood inay u hoggaansamaan awaamiirta ciidanka kasoo baxday, ayna fuliyaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ku dhawaaqay in bandow habeenkii ah ay kusoo rogeen magaalada Laascaanood, kaas oo bilaabanayo sagaalka habeenimo, si loola socdo xaaladda guud.

Cali Gowrac ayaa sidoo kale faray ganacsatada iyo dadweynaha ku haray magaalada inay u hoggaansamaan bandowga oo isla xalay ka dhaqan-galay magaaladaasi.

“Saddex saac habeenimo wixii ka dambeeyo magaaladu waa bandow mehradaha mehrad furan lama arki karo goobaha ganacsigam” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay inay laga dagaalamayaan kooxaa ka ganacsada maan dooriyaha & kuwa isticmaala ee ku sugan halkaasi, isaga oo tilmaamay inay mamnuuceen.

“Baahasha la yiraahdo Qamriga dadka islaamku ma isticmaalaan, waana ka mamnuuc gobolka qof alla qofkii lagu qabto isaga oo cabsan ama ka ganacsanaya waxaa la horgeyn doonaa sharcigam” ayuu markale hadalkiisa ku daray taliyaha ciidanka jooga Laascaanood.

Xaaladda Laascaanood ayaa saddexdii maalmood lasoo dhaafay daganeyd, waxaana istaagan dagaalkii ka socday magaaladam inkastoo ay weli is horfadhiyaan labada dhinac.

Muqdisho 11ka Maarso 2023 Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo Muqdisho ku dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaanada labada gole ee kasoo jeeda beelweynta Xawaadle.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa qabsoomay gelinkii dambe ee shalay, waxaana madasha ku wada sugnaa dhamman xildhibaanada labada aqal ee beesha Xawaadle. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka oo uu albaabada u xirnaa diiradda lagu saaray tabashada ay beesha Xawaadle ka qabto dowladda Soomaaliya iyo HirShabelle, si xal loogu helo cabashadaas oo muddo dheer soo taaneyd.

Xogta aan helenyo ayaa sidoo kale sheegeyso in kulanka uu kusoo dhammaaday is afgarad, ayada oo lagu ballamay in lasii wado wadahadalka labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kukanka lagu soo qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo madaxweynuhu ku amaanay reer Hiiraan, sida ay ugu istaageen xoreynta deegaankooda, kadib dagaallo culus oo ay la galeen Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale xildhibaanada Xawaadle ay madasha kusoo bandhigay baahida caafimaad ee ka jirta deegaankooda, gaar ahaan Hiiraan, ayada oo la’isku raacay in dowladda fedaraalka ay Baledweyne ka hirgelin doonto Isbitaal weyn oo si gaar ah loogu daaweyn doono ciidamada deegaanka Macawiisleyda ee dagaalada kula jira kooxda Al-shabaab.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii dhawaan magaalada Muqdisho lagu laayey ciidamo ka tirsan Macawiisleyda oo dhaawac ahaan loo keenay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu weeraray gurigii lagu daaweynayey oo ku yaalla gudaha degmada Cabdicasiis.

Sidoo kale xildhibaanada beesha Xawaadle ayaa iska soo xulay guddi ka kooban saddex xubnood oo ay u xil-saareen dhammeystirka tabashada ay hordhigeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna kala yihiin saddexdaas xubnood, Senator Cali Shacbaan Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sambaloolshe).

Si kastaba, kulankan ayaa daba socday shir ay dhowaan siyaasiyiinta beesha Xawaadle ku yeesheen magaalada Nairobi ee caasimada waddanka Kenya, kaas oo lagu soo bandhigay qodobo xasaasi ah oo ay beesha uga tabaneysay dowladda federaalka ah iyo HirShabelle.

WARARKA MAANTA 10ka Maarso 2023

Su’aalaha Maanta:  Maxay tahay sababta ay #Dowladda#Ethiopia u soo gelisay ciidamo xoog leh oo aan kamid ahayn #ATMIS? Ma Dowladda #Dama-Jadiid ayaa ogolaatay mise labada aqal midkood? Maxay WasaaraddaDifaace amaWasaaradddaArrimaha Gudaha Soomaaliya uga hadlin faragelinta qayaxan ee #Ethiopia mise Dowladdda Soomaaliya ayaa dalkau soo wada ciidan #Masri ah? Maxay tahay faraha sirta ah ee laga hayo Madaxweyne Xassan Shiikh iyomid kamid ah xaasaskiisa? Yaa sharciyo saxiixi kara? Yaase sharciyadan uu sida khaldan u saxiixay Madaxweyne Xassan Shiikh ka fulin karo #Somaliland, #KhaatumoState, #GalmudugState, #HirshabelleState, #JubbalandState #SouthWestState Iyo #PuntlandState? Maxayse #Qatar ku soo amartay inay #Soomaaliya samayso? Maxuuse weli ugu aamusan yahay Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre “Dhaweeye OG-360” 

dagaalkaiyo xasuuqa lagu hayo shacabka #KhaatumoState? 

Ha wiqleyso!

Kismaayo 10ka Maarso 2023 Magaalada Kismaayo oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland ayaa lagu soo gabagaboobay Shirka madasha Wasaaradaha Amniga iyo Taliyaasha ciidanka Booliiska heer Federaal iyo heer dowlad goboleed oo labadii  maalmood ee lasoo dhaafay halkaasi ka socday.Shirkan Kismaayo lagu soo gabagabeeyay ayaa dhinacyada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed waxay ku go’aamiyeen qodobo uu ka mid yahay in arrimaha Booliiska xiriirka Dibadda ee INTERPOL uu noqdo mid u gaar ah Booliiska heer Fedaraal iyo in gunooyinka ka imaanayay mashruuca wadajirka Joint Police Program (JPPG) ee la siinayay ciidanka Booliiska dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Fedaraalka la sii joogteeyo bixinteeda.

Shirka madasha Wasaaradaha Amniga iyo Taliyaasha ciidanka Booliiska heer Federaal iyo heer maamul goboleed ee Kismaayo lagu soo gabagabeeyay waxaana ka qeybgalin maamulka Puntland oo horay u shaaciyay iney u dhaqmi doonaan sidii dowladda madax banaan oo kale.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sulub Axmed oo ka hadlay xeritaanka shirka ayaa ku baaqay in guud ahaan Boliiska heerarkiisa kala duwan inuu ka qeyb qaato dib u xureynta dalka iyo xasilinta, qof kasta oo Booliis ahna uu safka hore ka galo dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Muqdisho 10ka Maarso 2023 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan gaar ah kula qaatay Xafiiskiisa magaalada Muqdisho sii hayaha Safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya Ed Barnett. Kulankaan dhexmaray guddoomiye Aadan Madoobe Ed Barnett ayaa ahaa mid diirada lagu saaray xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyaya labada dowladood, gaar ahaan wadashqeynta Baarlamaanada Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Waxaa sido kale kulanka looga hadlay shuruucda muhiimka ah ee xubnaha Golaha Shacabka hortaala iyo kuwa ay ansixiyeen todobaadyadii la soo dhaafay, islamarkaana uu saxiiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sii hayaha Safaaradda Ingiriiska Ed Barnett ayaa dhankiisa ku amaanay guddoomiyaha Golaha Shacabka guushii uu ka soo hooyay shirkii dib u heshiisiinta ee bilawgii sanadkan ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasoo xal waara looga gaaray khilaafkii ka taagnaa kala aragti duwanaashaha siyaasadeed ee u dhaxeeyay siyaasiyiinta kaasoo jeeda deegaanadaas iyo madaxda maamulka Koonfur Galbeed.

Kulankaan dhexmaray guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo sii hayaha Safaarada Ingirsiiska ayaa qeyb ka noqonaya kulamo uu dhawaanahaan dambe uu guddoomiyaha Golaha Shacabka uu la qaadanaayay xubnaha beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Muqdisho 10ka Maarso 2023 Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in abaaraha baahsan ee gudaha dalka ka jira iney qeyb yihiin kooxda Al-shabaab.

Wuxuu xusay in 5-tii xili roobaad ee lasoo dhaafay aysan Soomaaliya roobab ka da’in ay keentay abaaraha haatan ka jira Soomaaliya, hayeeshee kooxda Al-shabaab ay sii adkeysay dhibaatada dhanka nolosha ay wajahayeen dadka beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ah oo markii horana la daalaan dhacayay abaarta.

“Abaarta dalka ka jirta kooxda Argagixisada qeyb ayay ka tahay oo waxay nolosha ku dhibeen beeraleyda iyo xoolo dhaqatada, beeraleyda waxay u diideen iney tacab sameyaan oo ceelashii beeraha ay ku warabsan lahayeen way u diideen in Matoorada ku shitaan ayago leh diyaaradaha Drone-ka ayaa nalka iftiinkiisa nagu soo raacaya ma shidi kartaan, sido kalana u diiday taxabka dalagyada qaar, xoolo dhaqatada Saka ayaa leydin ka raba ayay leyihiin iyagoo xoolahii abaarta uga dhamadeen, kuwii xoolo an haysana waxay leeyihiin ilmahiina keena hanoo dagaalamane, marka nolosha ayay ku cariiriyeen dadkaas” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaanka Warsame ayaa sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku amaanay mudnaanta uu siiyay la dagaalanka kooxda Al-shabaab oo uu sheegay in dalka ka hortaagan tahay horumar kasta oo la sameyn lahaa.

Hadalkaan kasoo yeeray Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wali gobolada dalka ay ka jiraan abaaro baahsan oo saameeyay dadka iyo duunyada, islamarkaana dowladda dagaalo ka dhan ah Al-shabaab ka wado inta badan gobolada dalka.

Ethiopia 10ka Maarso 2023 Magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray ciidan cusub oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo ka madax-banaan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM).

Ciidamadan ayaa sidoo kale waxaa la socday Madaxa hawl-galinta ciidanka militariga dowladda Itoobiya General Tasfaye Ayalew iyo Taliyaha guud ee ciidanka xoogga gaarka ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo Sarakiil kale oo ka socotay dowladda Itoobiya.

Masuuliyiintan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Doolow kusoo dhaweeyay saraakiisha ciidamada, guddoomiyaha degmada Maxamed Lafeey iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ciidankan ayaa waxay fariisimo cusub ka sameysteen aagga garoonka diyaaradaha magaalada, waxayna qeyb ka yihiin fulinta howl-gal wada-jir ah oo go’aankiisa madaxda dalalka safka hore ku gaareen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa socda qorshe lagu doonayo in ciidankan aan ka tirsaneyn howl-galka ATMIS ee Itoobiyaanka ah lagu geynayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Hoggaamiyayaasha Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya ayaa 1-dii Febraayo ka qeyb-galay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

War-murtiyeed kasoo baxay kulankaas ayey ku sheegeen inay isku raaceen inay si wadajir ah u qorsheeyaan una abaabulaan olole howlgal “oo lagu raadinayo laguna burburinayo” Al-Shabaab, kaasi oo ah dhowr jiho.

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo dhawaan shaaciyay in ciidamadan soo gaari doonaan dalka ayaa waxa uu yiri “Kaalintooda waa inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howlgalaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya. Sidaas darteed, waxay la dagaalami doonaan Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada Soomaaliya. Waa sidaas qorshaha.”

Matt Bryden, oo ah khabiir amniga Geeska Afrika ah ayaa sheegay in ciidamada dheeraadka ah, ee aan qeybta ka aheyn ATMIS “ay dedejin karaan dadaalalda lagu wiiqayo loogana adkaanayo Al-Shabaab.”

“Tan iyo markii dowladda federaalka iyo saaxiibadeeda ay ku dhowaaqeen damacooda, Al-Shabaab waxay u badan tahay inay kala dirtay dagaal-yahannadeeda si ay uga fogaato dagaal militari oo toos ah,” ayuu yiri.

Bryden ayaa ka digay in guusha wejiga labaad ee duulaanka ay ku xirnaan doonto laba arrin oo muhiim ah.

“Kan koowaad waa qorsheyn,” ayuu yiri

“Howl-gallada ka hortagga argagixisada waa inay noqdeen kuwa ay sirdoonka hoggaamiyaan oo leh ujeedooyin cad, sida burburinta saldhigyada la yaqaan ee Al-Shabaab iyo dilka hoggaamiyayaasha sare.”

Maamulka Somaliland 10ka Maarso 2023 Somaliland ayaa markale ka hadashay dagaalka Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayada oo sheegtay in shaqaaqooyinka gobolkaasi laga leeyahay burburinta dimuquraadiyadda iyo nidaamka doorashada ee Somaliland.

“26 illaa 28-kii December 2022 guud ahaan Somaliland waxa looga diyaar garoobayey diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka, gobolka Soolna wuxuu ka mid ahaa gobollada diyaar-garawgu ka socday ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxase lagu soo beegay shaqaaqooyinka ka dhacay magaalada Laascaanood,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada Somaliland.

Xukuumadda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ujeedka dagaalka Laascaanood iyo xiisadda ka taagan guud ahaan gobolka Sool aysan ka madhneyn wiiqida dagaalka ay Somaliland kula jirto argagixisada, burcad baddeeda iyo in meesha laga saaro nabadda ay sanadaha badan kusoo caano maashay, sida lagu yiri qoraalka.

“Xukuumadda Somaliland waxay mar-walba diyaar u tahay in arrinta Magaalada Laascaanood lagu dhammeeyo wada hadal, iyadoo hirgelinaysa xabad joojintii bilaa shuruuda ahayd ee hore Xukuumaddu ugu dhawaaqday.”

Sidoo kale waxay ku boorisay in shacabka Somaliland iyo hay’addaha Caalamiga ah in ay sii xoojiyaan taakulada bini’aadannimo ee ay u fidinayaan dadka ka barakacay Laascaanood, taasi oo ay sheegtay in xukuumaduna diyaar u tahay in ay fudaydiso wixii gargaar ah ee dadkaasi la gaadhsiinayo.

Somaliland ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood waxay iska soo daba saareysay qoraalo ay ku sheegayso in dagaalka socda laga leeyahay qorshe looga soo horjeedo jiritaankeeda iyo nabad-gelyadeeda.

Sidoo kale waxay ku boorisay in shacabka Somaliland iyo hay’addaha Caalamiga ah in ay sii xoojiyaan taakulada bini’aadannimo ee ay u fidinayaan dadka ka barakacay Laascaanood, taasi oo ay sheegtay in xukuumaduna diyaar u tahay in ay fudaydiso wixii gargaar ah ee dadkaasi la gaadhsiinayo.

Somaliland ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood waxay iska soo daba saareysay qoraalo ay ku sheegayso in dagaalka socda laga leeyahay qorshe looga soo horjeedo jiritaankeeda iyo nabad-gelyadeeda.

DDSI 10ka Maarso 2023 Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa jawaab ka bixisay eedyentii ka timid Somaliland ee aheyd in ciidamada maamulka ay ka qeyb-galayaan dagaalka magaalada Laascaanood.

Shir ay shalay yeesheen Golaha Wasiiradda ee Maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay inay jiraan ciidamo ka tirsan Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) oo qayb ka ah colaada ka socota magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

“In gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood ay ka baxaan ciidamada huwanta ah ee ka soo tallaabay xuduuda caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, sida kuwa Maamul Goboleed Soomaaliya ee Puntland, ciidamada kala duwan ee ay dawladuhu u soo tababareen Dowladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa yimid Dawlad Deegaanka Soomaalida,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay kulanka kulanka Golaha Wasiirada Somaliland.

Hase yeeshee dowladda deegaanka ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri “Waxaan u sheegaynaa xukuumadda Somaliland in aysan jirin ciidan ka tirsan DDS oo qayb ka ah colaada Laascaanood, waxaana cambaareeynaynaa eedeeymaha masuuliyad-daradda ah ee dhankooda ka yimid.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “In kasta oo Xukuumadda DDS ay dadaal dheer iyo dulqaad badan ka muujisay in ayna ka jawaabin eedeeymo iyo dacwooyin badan oo si isdaba joog ah uga soo yeedhayay masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland oo la xidhiidha isla arintan, waxaa muuqata in maamulka Somaliland nafis siyaasadeed ka raadinayo inuu farta ku fiiqo cadaw aan jirin si uu u maareeyo su’aalaha kaga imanaya gudaha iyo dibada ee la xidhiidha Xaaladda ka aloosan Gobolka Sool.”

Ugu dambeyn dowladda deegaanka ayaa tiri “Waxaan markale ugu baaqaynaa maamulka Somaliland inay ka waantoobaan hadaladda iyo ficiladda kala fogeeyn kara shacabka walaalaha ee DDS iyo Somaliland.”

Muqdisho 10ka Maarso 2023  Wasiirrada arimaha dibbada ee dowladaha Jaamacadda Carabta oo shir ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa si adag uga digay biyo xireenka halka dhinac ee ay dowladda Itoobiya ka waddo wabiga Nile-ka.

Bayaan laga soo saaray shirka wasiiradan ayaa waxaa lagu sheegay in biyo xireenka Itoobiya uu khatar weyn ku yahay ku tiirsanaan Masar ee webiga, taasi oo sii xoojineysa dooddii xukuumadda Qahira ee xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya.

“Jaamacadda Carabtu waxay sii wadi doonta inay la xiriirto dhammaan dhinacyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si ay u taageeraan geeddi-socodka nabadda iyo xuquuqda dadka Falastiiniyiinta.”

Wasiirrada arimaha dibbada ee dowladaha Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale waxay muujiyeen sida ururkooda diyaarka ugu yahay inay difaacan danaha dalalka Carabta ah.

“Urur ahaan waxaa dejinay aragtiyo ku saabsan xiisadda ka taagan Ukraine, hubka nukliyeerka, isbeddelka cimilada, iyo arrimaha dalalka Carabta.”

Bayaankan ayaa imanaya xilli ay dowladda Masar ay doonayso inay dalalka Carabta ku qanciso in Itoobiya ay aqbasho “heshiis sharci ah” oo ku saabsan buuxinta biyo xireenka wabiga Nile-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Sameh Shoukry oo ka hadlayay shirka Jaamacadda Carabta ee Qaahira, ayaa sheegay inuu doonayo “in dalalka Carabta ay ku cadaadiyaan Itoobiya inay aqbasho mid ka mid ah xalalka tanaasulka ah ee lagu soo bandhigay miiska wada xaajoodka arrintan.”

Itoobiya ayaa biyo xireenka ka dhiseysa webiga Nile-ka, taasi oo Masar ay ka cabsi qabto xaddidaad dheeri ah oo ku timaadda biyaha ay ka hesho wabiga Nile oo dadkeeda oo 100 milyan ka badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay.

Wabiga Niilka Buluugga ah ayaa ah isha ay Masar ka hesho 90% biyaheeda nadiif ah.

Muqdisho 10ka Maarso 2023    Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 ee dhawaan uu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa shaaciyay shuruudaha laga rabo shirkadaha doonaya u tartamida u adeega Xujeyda Soomaaliyeed.

Shuruudahan uu soo saaray guddiga oo ka adag kuwii sanadihii hore ayaa waxaa loo dhigay shirkadaha doonaya inay bixiyaan adeega Xajka ee sanadkaan, ayada oo tartankaan uu ku eg yahay maalinta Axad ee ku taariikheysan 12-ka March 2023-ka.

Laascaanood 10ka Maarso 2023  Isimida dhaqanka ee beelaha SSC ayaa markale ka hadlay dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyaga oo sheegay in xilligaan uu wada-hadal suurtagal aheyn in lala galo xukuumadda Somaliland.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo kamid ah Isimida SSC ayaa waxa uu soo jeediyay in ciidamada Somaliland la geeyo Oog, si ay wax uun uga dhaqaaqan dadaallada nabadeed ee ay wado Itoobiya, oo uu sheegay in Isimidadooda ay soo dhaweynayaan.

“Markasta oo (Somaliland) ay isticmaalaan kalmada ‘xabad joojin’ xagan macno ayay noo leedahay, waa dagaal ayaanu soo qaadanaynaaye diyaar garooba, markasta oo kalmadaasi kasoo dhacdo xagoodana duulaan ayaa soo socda,” ayuu yiri Garaad Cali.

Garaadka ayaa sheegay in dhankooda ay soo dhaweynayaan xabad joojin dhab ah, islamarkaana ay aqbaleen dhex-dhexaadinta Itoobiya, balse aan wada-hadal iyo xabad joojin rasmi ah dhaqan-geli karin illaa inta ciidamada Somaliland laga saarayo gobolka.

“Ciidankan waxna waa deegaanka, haddii ciidamo kale meelo kale nooga yimaadeen oo noo soo gurmadeen waxay noogu soo gurmadeen inay naga caawiyaan cadowga na-dul fadhiya ee dhashiikaha nala dhacaya. Tolka maanta nala jooga waa ku laabanayaan deegaanadii ay nooga soo gurmadeen haddii Somaliland ay ciidankooda kala baxaan gobolka.”

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u dalbatay in xoogaga Laascaanood kula dagaalamayaa ay ka baxaan magaalada, halka garaadada dhankoodu ay rabaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan deegaanadooda, taasi oo sii adkeynaysa in waqti dhaw xal laga gaaro xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.

WARARKA MAANTA 9ka Maarso 2023

Su’aalaha Maanta:  Maxay tahay faraha sirta ah ee laga hayo Madaxweyne Xassan Shiikh iyomid kamid ah xaasaskiisa? Yaa sharciyo saxiixi kara? Yaase sharciyadan uu sida khaldan u saxiixay Madaxweyne Xassan Shiikh ka fulin karo #Somaliland, #KhaatumoState, #GalmudugState, #HirshabelleState, #JubbalandState #SouthWestState Iyo #PuntlandState? Maxayse #Qatar ku soo amartay inay #Soomaaliya samayso? Maxuuse weli ugu aamusan yahay Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre “Dhaweeye OG-360” dagaalkaiyo xasuuqa lagu hayo shacabka #KhaatumoState? 

Ha wiqleyso!

Muqdisho  9ka Maarso 2023  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay seddax sharci oo ka soo gudbay heerarkii dhismaha sharciga, sida diyaarintoodii iyo ansixintii labada Aqal ee baarlamaanka.

“Mawaxweynaha oo xoogga saaraya hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hay’adaha iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Madaxtooyada.

Munaasabadda saxiixa sharciyadaas oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyey xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa labada gole ee baarlamaanka ku amaanay sida ay u turxaan bixiyeen shuruucdan, dadaalkana ugu bixiyeen in ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay gacan kula dagaallameyso argagixisada Alshabaab, dalkana ka xoreynayso, halka gacanta kale lagu dhammeystirayo shuruucda iyo xeerarka hagaya dowladnimada Soomaaliyeed oo ku suntan sarreynta sharciga iyo qaanuunka.

Markii uu shuruucdaan saxiixayey Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa garbihiisa taagnaa guddiyadii soo diyaariyey iyo masuuliyiinta hey’adaha loo diyaariyey shuruucdaan, sida Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo kor taagnaa madaxweynaha markii uu saxiixayey sharciga hey’adda.

Muqdisho 9ka Maarso 2023  Diblomaasiga ugu sarreeya Qatar ayaa maanta loo dhaariyey ra’iisul wasaaraha dalka, isaga oo beddelaya xubin kale oo ka tirsan qoyska dalka xukuma, kaasi oo xukunka hayey tan iyo 2020, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda.

Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA ayaa sheegtay in Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani loo dhaariyey madaxda cusub ee dowladda, ayada oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.

Amiirka xukuma Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa inta badan xilalka ugu sarreeya dowladda kasoo magacaaba qoyska dalka xukuma. Si lamid ah dalalka kale ee Khaliijka Carbeed, siyaasadda dalka ayaa ku kooban qoyska xukunka haya, waxaana yar isbeddelada lagu wargeliyo shacabka.

Sheikh Mohammed oo ahaa wasiirka arrimaha dibedda tan iyo 2016, ayaa ahaa wejiga Qatar xilli ay la tacaaleysay saddex sano iyo bar oo ay xayiraado dhaqaale iyo qaadacaad ku sameeyeen Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Masar, taasi oo dhammaatay Janaayo 2021.

Waxa uu beddelayaa Sheikh Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani, oo ahaa ra’iisul wasaare iyo wasiirka arrimaha gudaha ee ka mas’uulka ah amniga gudaha, tan iyo 2020.

Waxaa sidoo kale xilka wasiirka arrimaha ka beddelay Sheikh Khalifa bin Hamad bin Khalifa Al Thani oo isna la dhaariyey maanta

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka, Antony Blinken ayaa soo dhoweeyey magacaabista Sheikh Mohammed iyo isku shaandheynta golaha wasiirada ee dad cusub kusoo dartay dowladda Qatar.

“Waxaan ka mahad-celinayaa iskaashigeena soo jireenka ah,” ayuu Blinken kusoo qoray twitter.

Muqdisho  9ka Maarso 2023  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markale ka hadlay qorshaha muddo kororsiga dowladda ee uu wado Baarlamaanka Federaalka.

Shariif ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo dadal kasta oo lagu joojinayo qorshaha socda, isaga oo xusay meesha uu ka taagan yahay “Mowqifkeyga waa meeshii shalay aan uga dignay.”

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dalka u baahan yahay dadaal wadareed lagu ilaaliyo dhaqanka Dastuurka, sidaas darteedna uu garab taagan yahay cid kasta oo dadaal ku bixineysa ka hor tagga muddo kordhinta sharci darrada ah.

“Baarlamaanka Umadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inuu qaato mowqif sharafeed, dalkane ka badbaadiyaan Jahwareer Siyaasadeed iyo Xasilooni darro Amni,” ayuu yiri Shariif oo ugu baaqay Xildhibaanada ay dalka ka badbaadiyaan jahwareer siyaasadeed.

Shariif ayaa waxa uu si cad u sheegay in bayaankii la sheegay in si wada-jir ah u soo saareen madax hore iyo siyaasiyiin uu kamid yahay in uusan soo marin wada-tashigii loo baahna.

Bayaankaas ayaa waxaa ku qornaa in si wada-jir ah u soo saareen siyaasiyiinta kala ah; Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdulqaadir Cosoble Cali.

Muqdisho  9ka Maarso 2023  Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka qayb-galay munaasabad lagu qabtay deegaanka Garasbaaley oo looga hadlayay amniga magaalada Muqdisho iyo la dagaalanka maan-dooriyaha ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ka taagan caasimada.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatada ka taagan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay mas’uul ka tahay kooxda Al-Shabaab, isaga oo ku eedeeyay inay halis ku yihiin Diinta iyo sidoo kale noloshada dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Niman la yiraahdo Khawaarij ayaan aaminsanahay inay asal u yihiin wax kasta oo xun oo jira ama iyagaa sameeyay ama inay sameysmaan ayey difaac u yihiin,” ayuu yiri Cadaala.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kooxda Al-Shabaabay cabsi-gelin weyn iyo xorriyad ka qaadis ay ku heyso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Dadka magaalada Muqdisho ku nool dhib ayey qabaan waxaa ugu horreeya cabsida ay Khawaarijta nagu heyso Diinka, baadda, marin habaabinta, tacadiga, xadgudubka, xorriyad ka qaadka wax kasta oo qiyam ah sharaf ah oo qof bani’aadam ah uu u baahnaa ayey halis ku yihiin oo ay dhibaato ku hayaan,” ayuu sii raaciyay Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Ugu dmabeyn wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa diray farriin guud, wuxuuna ku baaqay in dowlad iyo shacab la wada shaqeeyo, meelna looga soo jeesto Al-Shabaab.

“Farriinteyda waxaa waayey dadka magaalada Muqdisho waxaan u baahanahay xaqiiqada inaan isku sheegno annaga eedeena waan qaadaneynaa ee idinka diyaar ma u tihiin inaad cabataan oo aad dhahdaan dhibkaan ayaan qabnaa?” ayuu markale yiri Wasiirku.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan Al-Shabaab ay culeys xoogan soo saartay caasimada, waxayna todobaadyadii u dambeeyay ka fulisay weeraro qaraxyo ah iyo dilal.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa haatan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, kaas oo haatan xoogiisa uu ka socda gobollada dalka.

Muqdisho  9ka Maarso 2023  Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qaybo kamid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan Muqdisho ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka isgoyska Via Roma ee degmada Xamarweyne, sida ay sheegeen goobjoogay

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray gaari nooca raaxada ah, wuxuuna ku qarxay halkaasi, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Gaariga ayaa qarxay kaligiis, waxaana ka maqnaa darawalka oo goob baakin ah uga tegay, balse uu qarxay intii uu ka maqnaa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaan uu sababay dhaawac haweeneyd mareysay waddada, taas oo la socotay Bajaaj, sida ay ku warameen goobjoogayaashu.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban, balse ma jiro wax faahfaahin ah oo ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka waddadu uu qaraxu ka dhacay oo ay sidoo kale ku yaalaan ganacsiyo.

Weerarkan qaraxa ah ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, walow ay howlgallo ka wadaan ciidanka ammanka.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogan soo saartay, kadib markii ay jab xoogan kala kulantay dagaallada culus ee kacda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Muqdisho  9ka Maarso 2023  Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimu oo ka tirsan Golaha Shacabka oo booqday mid kamid ah saldhigyada Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay ‘arrin fajaciso ku noqotay’ oo uu kusoo arkay saldhiggaasi.

Macallimu oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka sheekeeyay falkaas oo uu tilmaamay inuu aad ula yaabay, kadib markii uu la kulmay dhaqamo aan wanaagsaneyn.

Xildhibaanka ayaa xusay in saldhigga Booliska ee uu tegay ay ka socotay dacwad, balse sarkaalkii qorayay Oobiga iyo askarigii la joogay aysan wadan wax darees ciidan ah, isla-markaana ay xittaa sigaar ku cabayeen qolka dhexdiisa, inta ay socotay dacwadda.

“Waxaan la yaabay sarkaalka Oobiga qorayay iyo askari kale oo aan lebisneyn waxa ay qolka ku dhex cabayeen sigaar ,xilli ay kiis dacwo ah diiwaan galinayeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gudaha saldhigga si aan gambasho laheyn lacag loogu kala qaadanayay, ayada oo dadweynaha loo yeerinayo lambar EVC ah, si ay u tuuraan.Halkan hoose ka aqriso:-

Haan gunbay ka tolantaa! Dowladnimada kama sixi karno xafiisyada sare ee wa  in aan ka bilowno dib u tayeynta saldhigyada degmooyinka (Oobiyada) ,maamullada degmooyinka ,laan ,waax ilaa tabbeelle. Maxkamadaha degmooyinka oo shacabka ugu adeega garsoor ku qottoma caddaalad  IWM.

Waxaan tagay saldhig boolis . Waxaan la yaabay sarkaalka Oobiga qorayay iyo askari kale oo aan lebisneyn waxa ay qolka ku dhex cabayeen sigaar ,xilli ay kiis dacwo ah diiwaan galinayeen . Dadka is dacweynaya waxa ku jiray hooyo dhabarka ku sidata canug yar . Qaab darrada meesha muuqata waa fajaceysaa .

WARARKA MAANTA 6da Maarso 2023

Su’aalaha Maanta: Yaa dagaalka Lascaanood bilaaway oo maanta rag iyo dumarkoodiiba barooranayaan? Maxayse u malaysay Maamulka #SNM ee #Somailand inay wax ayaga ay rabaa ku qasbi karaan dadka kale ee jecel jirritaanka Qaranka #Soomaaliya? Yaa diiday in dagaalka Laascaanood ay ka soo waranto waebaahinta qaranka Soomaaliya? Yaa maanta qarin kara fashilka #Damu-Jadiid” ay ku jirto Iyo amni darro sii baahaysa ee #Muqdisho? Yaa #Ethiopia u fasaxay inay heshiis ka dhex wado Maamulka #SNM ee #Somaliland Iyo Maamulka #SSC ee #KhaatumoState? Maxayse Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Fiqi Iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya aysan weli uha hadlin faragelinta qaawan ee ay ku samaynayso #Ethiopia dalka #Soomaaliya?  Maxayse Xafiiska Madaxweynaha Iyo Xafiiska Raysal Wasaaraha ugu hadli layihiin faragelinta #Ethiopia? Mise #Ethiopia waxay dib u bilaawday shaqadeedii faragelinta qayax ee ay #Soomaalida hub iyo jahwareerka siyaasaddeed gelin jirtay! Ha wiqleyso!

Puntland 6da Maarso 2023  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay dagaalka Laascaanood ka qeyb galayaan haddii garaadada SSC ay ka codsadaan.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland haatan aysan wax door ah ku lahayn colaadda gobolka Sool, islamarkaana wuxuu sheegay dadka Laascaanood inay isaga filan yihiin inay difaacaan sharafkooda iyo rabitaankooda ummaddeed.

“Puntland qeyb kama aha dagaalka Laascaanood, Waxaanse ku kalsoonahay Shacabka reer Laascaanood in ay Sharafkooda iyo cirdigooda difaacaan, Kalsooni buuxda baan ku qabnaa, Waxaan u sheegayna Caalamka iyo Cidwalba in aan mus-danbeed u nahay Laascaanood, Marka Isimada iyo Garaadada ay Puntland si rasmi ah uga codsadaan oo arrinta kari waayaan, Waxaan Fariin halkan ugu dirayaa in aan diyaarnahay” ayuu yiri madaxweyne Deni

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Somaliland ay doonayso inay si jajuub ah gobolka Sool iyo dadkiisa ugu diidayso doonistooda ku aadan midnimada Soomaaliya, isagoo tilmaamay markii ay diideen in loo adeegsaday hubka laga mamnuucay in shacabka loo adeegsado.

Deni waxa uu ku baaqay nabad iyo in xaaladda gobolka Sool lagusoo celiyo sidii uu ahaa, wuxuuna sheegay inay taasi ku imaan karto in Somaliland ciidankeeda ay ka saarto gobolka Sool.

Laascaanood 6da Maarso 2023  Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Mudane Cabdirsaaq Khaliif oo haatan ku sugan magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee magaaladaasi, isaga oo si kulul ugu jawaabay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.

Cabdirisaaq Khaliif oo u warramay Wariye Maxamed Yuusuf Bakayle ayaa ka jawaabay eedeynta Somaliland ee ku aadan in argagixiso ay ka dagaalameyso Laascaanood, isla-markaana isaga oo ah guddoomiyaha Golaha Wakiilada uu garab siinayo kooxahaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu la socdo ficillada xukuumadda, balse waxa uu tilmaamay inay uga sii darayaan xaaladda taagan, ayna sii kicineyso dareenka shacabka.

“Aniga runtii i damqi-meyso waan maqlayey dad noocaas u hadlaya oo aan laheyn macno badan waxaanse is leeyahay waxay ku hadlayeen afka xukuumadda,” ayuu yiri Khaliif.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in madaxweyne Biixi aysan daacad ka aheyn xabad joonin, isla-markaana uu isagu xagal daaciyay wax kasta oo lagu gaari lahaa nabadda.

Mr. Khaliif ayaa sidoo kale soo hadal qaaday khasaaraha soo gaaray dadka shacabka iyo barakaca ka dhashay dagaalka maalmaha badan qaatay ee ka dhacay Laascaanood.

“Dhibka magaalada ka dhacay wuxuu isugu jiraa mid nafeed oo aad u ballaaran oo lagu qiyaasi karo dad ka badan 200 oo qof inay ku dhinteen dhinaca shacabka, waxaa dhaawac soo gaaray in ka badan lix boqol oo qof” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

Waxa kale oo uu raaciyay “Waxaa burbur soo gaaray kaabayaashii dhaqaalaha iyo goobihii adeegga guud oo ay ugu horreeyaan isbitaalka, burburkaas wuxuu soo gaaray masaajidada”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in duqeynta lagu garaacay magaalada uu xittaa burbur kasoo gaaray gurigiisa oo ku yaallamagaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Laascaanood 6da Maarso 2023 Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa saaka markale ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkan oo illaa hadda socda ayaa ka bilowday duleedka magaaladaasi, oo maalmihii dambe ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkan, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn maadama uu socdo, waxaana gudaha magaalada si weyn looga maqlaya dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Sidoo kale waxaa lasoo warinaya in xaafadaha magaalada Laascaanood ay kusoo dhacayaan madaafiic ay soo tuurayaan ciidamada Somaliland, inkasta oo aan lasoo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay illaa hadda

Laba maalin kahor ayay aheyd markii ay Laascaanood soo gaareen ciidamo gurmad u ah kuwa SSC oo watay gaadiidka dagaalka iyo hub fara badan, kuwaasi oo si toos ah ugu biiray ciidamada SSC ee hore ugu sugnaa furimaha dagaalka ee duleedka magaalada.

Dooxa  6da Maarso 2023 Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Shirka Loo Dhan Yahay ee LDC5 ee hal-ku-dheggiisu yahay: Ka faa’iidaysiga khayraadka la haysto si loo gaaro barwaaqo.

Madaxda sharafta leh, Mudanayaal iyo Marwooyin, sharaf ayay ii tahay in aan idin kala hadlayo shirkan shanaad ee muhiimka ah ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan Dalalka Horumarkoodu Hooseeyo, kaas oo ka dhacay dalka quruxda badan ee Qatar.

Xaqiiqdii, waa in aan xaqiijinnaa sidii aan fursaddan ugu adeegsan lahayn in aan si dhab ah uga baaraandegno isla markaasna si wadajir ah u hirgelinno qorshe-dejinnada iyo istaraatijiyooyinka dardargelin kara horumar waara oo ka hirgala goobaha kaalmada caalamiga ah loogu baahida badan yahay – iyo inaan ka faa’iidaysanno khayraadka iyo fursadaha badan ee ka jira Dalalka Dhaqaale ahaan hooseeya si aan dhabbaha ugu xaarno horumar iyo barwaaqo ay gaaraan dadkeenna.

Waxa aan uga mahadcelinayaa Qaramada Midoobay iyo dhammaan hay’adaheeda iyo dowladda Qatar sida ay dadaalkooda u mideeyeen sidii ay u qaban lahaayeen wada-tashigan caalamiga ah isla markaasna muhiimka ah yimidna xiligii loogu talagalay ee ku saabsan sidii loo soo saari lahaa baaq hawl fulineed si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo Dalalka Dhaqaale Ahaan Hooseeyo u gaaraan horumar waara. Sidaas awgeed, xilligan oo adduunka isku tiirsan yahay lana wadaago caqabado iyo fursado isku mid ah, waa in aynaan cidina ka tegin haddii ay dhab naga tahay horumar waara iyo barwaaqo ay gaaraan dadka ugu nugul ee caalamka ku nool.

Muqqdisho 6da Maarso 2023 Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen 19 xubnood oo ka tirsanaa xisbiga Wadajir ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu hoggaamiyo ayaa lagu cadeeyey in dhamaantood ay isaga baxeen xisbiga.

Liiskaan waxaa ka soo muuqday siyaasiyiin miisaan leh oo 6-dii sano ee lasoo dhaafay ka soo tirsanaa xisbiga Wadajir.

Xubnaha is-casilay ma sheegin waxa sababay go’aankaan, balse waxay ku gaabsadeen inay jiraan arrimo u gaar ah oo ku khasbay inay gaaraan go’aankaan.

Bayaanka ay soo saareen xubnahaan isaga baxay Xisbiga ayaa lagu baahiyey Pageka Facebook ee Wadajir Party.

Qoraalka ayaa ugu horeyn lagu yiri “Xisbiga Wadajir waxa uu ka mid ahaa axsaabta ugu waaweyen ee dalka. Muddadii uu jiray xisbiga waxuu ku guuleystay ballaarinta iyo baahinta nidaamka axsaabta badan iyo dimuqraadiyeynta dalka. Xisbiga waxuu xarumo ku yeeshay dalka gudahiisa iyo dibadiisa. Sidoo kale, tan iyo markii la aasaasay ee bishii June sanadki 2016, xubunaha iyo taageerayaash xisbiga waxey kor u dhaafeen kumanaan.”

“Xisbiga Wadajir waxuu ku dhisnaa — welina ku dhisanyahay — mabaadii’ iyo afkaar ku saleysan Wadatashi, Wadajir, Is-oggol, iyo Dimuqraadiyad,” ayaa lagu yiri qoraalka.

WARARKA MAANTA 5da Maarso 2023

Su’aalaha Maanta: Yaa maanta qarin kara fashilka #Damu-Jadiid” ay ku jirto Iyo amni darro sii baahaysa ee #Muqdisho? Yaa #Ethiopia u fasaxay inay heshiis ka dhex wado Maamulka #SNM ee #Somaliland Iyo Maamulka #SSC ee #KhaatumoState? Maxayse Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Fiqi Iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya aysan weli uha hadlin faragelinta qaawan ee ay ku samaynayso #Ethiopia dalka #Soomaaliya?  Maxayse Xafiiska Madaxweynaha Iyo Xafiiska Raysal Wasaaraha ugu hadli layihiin faragelinta #Ethiopia? Mise #Ethiopia waxay dib u bilaawday shaqadeedii faragelinta qayax ee ay #Soomaalida hub iyo jahwareerka siyaasaddeed gelin jirtay! Ha wiqleyso!

Muqqdisho 5da Maarso 2023 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka dhacay suuq ku yaalla isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa ka kacay suuq casri ah oo la yiraahdo Karaama Mall oo ku yaalla kasoo horjeedka isbitaalka Banaadir, dhanka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka dhacay suuq ku yaalla isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa ka kacay suuq casri ah oo la yiraahdo Karaama Mall oo ku yaalla kasoo horjeedka isbitaalka Banaadir, dhanka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Mid kamid ah ganacsatada oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa sheegay in ugu yaraan afar goobood ay gubteen, isla-markaana ay ku jirtay carwadii uu ku lahaa halkaasi.

“Wixii dhici lahaa way dhaceen qadar alle waayey aniga iyo qolo kale oo daris ila aheyd sidoo kale u baxeen ugu yaraan afar ganacsi ayaa gubatay,” ayuu yiri ganacsaduhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Aniga koon kama dhex qaadin waa isku dhammaatay carwo ayey aheyd,”.

Ganacsade kale oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sharraxay inta uu la egyahay khasaaraha soo gaaray suuqa uu dabka ka kacay oo ay ku yaalleen carwooyin iyo farmashiyaal.

“Wax khasaare Nafeed ah ma jiro, laakiin waxaa jiro khasaare hantiyeed meesha waxa ay aheyd goobo ganacsi meel farmashi iyo carwooyin.” ayuu yiri ganacsade kale

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe kasoo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.

Muqqdisho 5da Maarso 2023 Midowga Yurub ayaa meelmariyay in taageero dhaqaale oo dheeri ah la siiyo Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa howl-galka ATMIS (ex-AMISOM).

Taageerada dhaqaale ee dheeriga ah ayaa waxaa looga dan leeyahay in gacan ka geysato wareejinta masuuliyadda amniga ee ATMIS oo lagu wareejinayo ciidanka xoogga dalka, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran iyada oo la xaqiijanayo awooddooda.

Midowga Yurub ayaa waxa uu ku dari doonaa €85 milyan taageeradii horey loogu cayimay ATMIS sanadkaan 2023-ka iyo €25 milyan oo loogu tala-galay ciidanka xoogga dalka.

Taageeradana ayaa waxay inta badan gacan ka geysan doontaa helitaanka gunnooyinkii ka maqnaa ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, laga soo billaabo 2021-ka. Dhanka Ciidanka Xoogga dalka waxay diiradda saari doontaa bixinta qalabka militari iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Midowga Yurub ayaa dhawaan u ballan-qaaday dowladda federaalka Soomaaliya in kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab, si hore looga sii socda deegaanadaasi.

Tan iyo 2007-dii Midowga Yurub ayaa ah deeq bixiyaha ugu weyn ee si toos ah ATMIS ugu taageeray lacag dhan 2.4 bilyan, wuxuuna xilligaan xaqiiyay sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada howlaha ATMIS iyo xoojinta guulaha laga gaaray howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Muqqdisho 5da Maarso 2023 Maxkamadda ciidamda qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun 15 sano oo xabsi ah ku riday Ayuub Cusmaan Sheikh Aadan Isxaaq oo katirsanaa Alshabaab. Ayuub Cusmaan Sheikh Aadan Isxaaq ayaa kamid ahaa dhalinyaro kasoo baxay xerada lagu dhaqan celiyo dadka Shabaab kasoo goosta ee Dowladda iskusoo dhiiba.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu mar kale dib ugu laabtay fikirka Shabaabnimo, isagoo dib ugu laabtay kooxda Alshabaab ee uu horey ugasoo goostay.

Alshabaab ka soo goostay, waxa uuna Sanad ku jiray xarunta dhaqan celinta Kuwa ka haray fikirka Shabaabnimo.

Hay’adaha amniga ayaa gacanta ku dhigay ninkaan dhallinyarada ah, kadib markii uu Bom F1 – ah ku tuuray Ciidan Roondo uga jiray degmada Jannaale.

Dowladda waxay sheegtay inuu Shabaab ugu shaqayn jiray 30 dollar.

Xukunkan ayaa kusoo aaday, xilli Dowladda Soomaaliya ay dhawaan sheegtay inay dib u eegis ku sameynayso xarunta lagu dhaqan celiyo isisoo dhiibayaasha Shabaab.

Bil ka horna, hay’adda IMO oo taageere dhaqaale ku bixisa xarunta dhaqanta celinta Shabaabka ayaa sheegtay inaysan sanadkan 2023 wax dhaqaale ah u haynin xarunta.

Muqqdisho 5da Maarso 2023 Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ka hadlaayay kulan ka dhacay xarunta degmada Cabdicasiis oo looga hadlaayay dardargalinta barnaamijka Garanwaa oo uu dhawaan iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday shacabka reer Muqdisho iney ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, maan dooriyaha iyo Ciyaal weerada. Guddoomiye Madaale ayaa si adag u sheegay inaan la aqbali karin in gudaha magaalada Muqdisho lagu dhex arko Al-shabaab, kuwa iibiyo maandooriyaha iyo Ciyaal weerada oo uu tilmaamay iney dhibaato ay ku yihiin amaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in ololaha ay kula dagalaamayaan Al-shabaab, waxyaabaha maanka dooriya iyo ciyaal weerada uu sii socan doono, islamarkaana qof walba oo Muqdisho ku nool looga baahan yahay inuu ka qeyb qaato xasilinta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

“Kuwa daroogada kariya, kuwa keena iyo kuwa iibiya iyagaas ayay lamid yihiin maxaa yeelay umadeena waxaa baabi’iyay oo maalin weliba xabadda ku ridaaya waa daroogiiste aan ogaal lahayn inuu dad dilaayo iyo inuu dagaal galaayo aanan kala ogeyn, ma aqbali karno inaan mar iska ilaalino cadaw Khawaariij ah oo qaraxyadiisa iyo xabadiisa wata marna iska ilaalino mid naloogu talagalay inuu na ilaaliyo, waxaa taasi uga hortagi karnaa waa in aan daroogada la dagaalanno oo aan uga tagno albaab weliba oo lagu iibinayo” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Hadalkaan kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay amaan daro xoogan laga dareemayay gudaha magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceen dilal qorsheysan iyo iska hor imaadyo ciidan oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo shacab ah.

Muqqdisho 5da Maarso 2023 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Xalay koox hubeysan ay ku qaaday Maqaayad ku taala deegaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa la sheegay iney geysteen rag hubeysana oo weerarkooda ku bilaabay bam gacmeed ay ku tureen dad fadhiyay maqaayada oo isugu jiray Odayaal iyo dhalinyaro, waxaana Bam gacmeedka kadib lasoo wariyay in dableyda hubeysned ay toogasho ku dileen qaar ka mid ah dadkii maqaayada fadhiyay.

Ilaa shan ruux ayaa la sheegay iney ku dhinteen weerarkaasi tiro kalana ay ku dhawaacmeen, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii hubeysned ee weerarkaasi geysatay, lamana oga ilaa hada cida ay ka tirsan yihiin dableyda weerarkaan fulisay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya ayaa daqiiqado kadib gaaray halka wax ka dhaceen, kuwaas oo ka sameeyay goobta iyo nawaaxigeeda baaritaano natiijadooda aan la shaacin.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaan khasaaraha geystay ee xalay ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaan Xalay lagu dilay dadka shacabka ah ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay amaanka magaalada Muqdisho uu sii xumaanayay

Muqqdisho 5da Maarso 2023 Dowladda fedferaalka Itoobiya ayaa faragelisay dagaalka uu dhiigga badan ku daatay ee weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay wafdi usoo dirtay arrinta magaalada Laascaanood, si ay u waan waan uga dhex bilaabaan labada dhinac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wadigan Itoobiyaanka ah ayaa ku hormaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, halkaas oo ay wadahadallo gaar ah kula soo yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaga oo kala hadlay dagaalka weli ka socda Laascanood.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la dhaqan-geliyo xabad joojintii ay horay ugu dhawaaqday Somaliland iyo ciidanka milatariga laga fogeeya aagga Laascaanood, taas oo uu aqbalay madaxweyne Muuse Biixi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Intaas kadib wafdiga ka socda xukuumadda Addis Ababa ayaa gaaray magaalada Garoowe oo ay haatan ku sugan yihiin waxgaradka SSC, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Wafdiga ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ismida kasoo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxayna kala hadleen xal u helidda arrinta Laascaanood, sida aan xogta ku helnay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in odayaasha dhaqanka ee SSC ee la kulmay saraakiisha Itoobiyaanka ah ay la wadeegeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta Laascaanood, ayaga oo beeniyay in Somaliland ay hirgelisay xabad joojintii ay horay ugu dhawaaqday.

Waxa sidoo kale labada dhinac ay ku ballameen in lasii wado dadaallada lagu raadinayo nabadda, dhankoodana ay adkeeyaan, sidii loo hirgelin lahaa xabad joojinta.

Dagaalka Laascaanood ayaa noqday arrin weyn oo taagan, waxaana horay isku-day u saameysay dowladda Jabuuti, balse ma jirto wax kasoo naasa cadaaday dagaalkeeda.

Muqqdisho 5da Maarso 2023 Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska, Ed Barnett.

Kulankaas ayaa looga hadlay sidii Dowladda Ingiriiska ay Soomaaliya uga taageeri laheyd howl-gallada lagu ciribtirayo Alshabaab ee ka socda gobollada dalka

Wasiirka gaashaandhigga ayaa Danjiraha kala hadlay inay dowlaadda Soomaaliya ka taageeraan sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka muddada fog saaran, arrinkaas oo uu wasiirku sheegay inay laf-dhabar u tahay dadaalka loogu jiro ciribtirka Alshabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahad celiyey Boqortooyada Ingiriiska kaalinta ay ka qaadato dhisidda ciidan hanta guud ahaan amniga dalka.

Sii hayaha Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya  Ed Barnett ayaa dhankiisa bogaadiyey howl-gallada ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

WARARKA MAANTA 3da Maarso 2023

Su’aalaha Maanta: Yaa guullaystay dagaalkii u dheeeyey Jabhada #SNM ee #Somaliland Iyo Jabhada #SSC ee #KhaatumoState? Maxause Raysal Wasaare ku-xigeenka Mr. Saalax Axmed Jaamac u bixinayaa lacag farabadan si warbaahinta u qariso xasuuqa ka dhacaya #Laascaanood?  Maxayse warbaahinta qaranka u diiday inay soo daysay dagaalka lagu xasuuqaya shacabka Laascaanood? Yaa waalan oo beenta iyo fashilka Kooxda “Damu-Jadiid” ee ku jahwareersan hoggaanka dalka? Yaa diidan dhisada #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Xassan Iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha Fiqi? Yaa cadaalad darro ku xiray Weriye Cabdalla Muumin oo xeer ilaalinta lagu amray inay dembi u samayso? Yaa dilay Kornayl Ikraam Taxaliil? Yaa diidan inuu amniga #Muqdisho sii xummaaday? Maxay beesha calaamka dhaqaallo ugu diiday koocda “Damu-Jadiid”? Yaa diidi kara inay Beesha Dhulbahante ee Maamulka #SSC #KhaatumoState dhulkooda  ka xoreeyeen beesha #Somalilnd #SNM ee Isaaq? Yaa ka soo xiray albaabadii gudaha iyo dibadda Beesha Isaaq? Maxayse hadda ka dib u sheegi doonaan meesha caalamka kadib xasuuuqii ba’an ee ay #Somaliland ka gaysatay #Laascaanood? Yaa diidan #Maqaamka #Muqdisho maanta ma Madaxweyne Xassan mise Raysal Wasaare Xamse? Yaa ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Yaa diidan in la sameeyo Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Maxayse beesha caalamka u diiday inay dhaqaallo siiso dowlaaddan “Kutaanta/Dhiqlaha”? Yaa burburiyey habkii awood qaysiga beelaha Soomaliyeed 4.5? Ha wiqleyso!

Muqdisho 3da Maarso 2023  Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay faah-faahin ka bixisay sababta hakisay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab ee ka socday qaar ka mid ah gobollada dalka.

Dagaalka oo billowday bartamaha sanadkii tegay ayaa kooxda Al-Shabaab looga saaray deegaano badan oo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka. 

Hase yeeshee, labadii bil ee tegay ayaa inta badan dagaalku istaagay, marka laga reebo duqeymo ay ciidamada Mareykanka la beegsadaan kooxda.

Xuseen Sheekh Cali, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo wareysi siiyey idaacadda VOA, ayaa sheegay in dowladda ay soo geba-gebeysay wejigii koowaad ee howlgallada.

“Waa muddo kooban oo hakad ah, kahor duufaanta,” ayuu yiri, isaga oo ula jeeda in duulaan kale oo culus uu soo socdo, islamarkaana gaabiska hadda ku yimid howlgallada uu yahay isu diyaarinta wejiga labaad ee howlgalka.

Waxa uu sheegay in wejiga labaad ee howlgalka uu awood u yeelan doono in kooxda Al-Shabaab looga saaro “xaafad iyo magaalo kasta” oo hadda ay gacanta ku hayaan.

Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in howlgalka wejiga labaad ay qeyb ka noqon doonaan ciidamo cusub oo ay Soomaaliya usoo diri doonaan dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo aan qeyb ka aheyn ATMIS. 

“Waxaan isku diyaarinaynaa wejiga labaad. Ayada oo ay nagu soo biirayaan ciidamo dheeraad ah oo aan qeyb ka aheyn ATMIS oo na taageeri doono, waxaan ku jirnaa xilligii qorsheynta, waa taas sababta hakadka keentay,” ayuu yiri.

“Qorshahooda [ciidamada ka imanaya Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti] waa inay Soomaaliya ku yimaadaan sideed toddobaad gudahood,” ayuu yiri. 

Laascaanood 3da Maarso 2023 Guddoomiyihii Ururka Shacabka ee Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xagla Toosiye, ayaa sheegay in uu ka baxay siyaasada Somaliland colaada Laascaanood darteed. Xagla Toosiye oo u warramay Somali American TV, ayaa isaga oo Buuhoodle ku sugan ayaa sheegay, in xukuumada Somaliland ay magaalada Laascaanood ka gaysatay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, sida darteedna aanu kasii mid ahaan karin nidaamka Somaliland.

“Anigu waxan siyaasi u ahay dadkayga, siyaasina kama ahaan  karo meel lagu xasuuqayo dadkayga, marka waxan si cad halkan uga caddaynaya in aan gabi ahaanba ka baxay siyaasadii Somaliland kadib markii aan arkay arxan darida iyo naxariis darada” ayuu yidhi Xagla Toosiye.

Xagla Toosiye waxa uu xukuumada Somaliland  ku eedeeyay in ay iyadu soo xidhay jidkasta oo nabad lagu gaadhi lahaa, isla markaana ay shacabka u isticmaashay awood ciidan oo aan loo meel dayin.

Waxa kale oo uu wax laga xumaado ku tilmaamay in xukuumadu ay dadka ka dagaalamaya magaalada Laascaanood ay ku tilmaanto argagixiso, isaga oo sheegay in ay tahay dhaqan ay Somaliland leedahay in ay argagixiso ku sheegto cidkasta oo kasoo horjeedsata.

Xagla Toosiye ayaa hore u hogaamin jiray jabhad la odhan jiray SSC oo, ka dagaalami jirtay aaga Buuhoodle, iyo gobolka Sool, isagoo markii danbe la heshiiyay xukuumadii Siilaanyo, isla markaana wasiirka caafimaadka noqday.

Masar 3da Maarso 2023  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo weli ku sugan magaalada Qaahira ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa dalka Masar Mudane Dr. Hanafy El Gebaly.

Kulanka oo ka dhacay xarunta baarlamaanka magaalada Qaahira ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xirirka dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo baarlamaanadooda.

Kulankan oo muhiim u ah labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa la isku af gartay in macaahida Masar ay ka helaan aqoon kororsi xildhibaannada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka si loo dhiso xirfada shaqaalaha.

Waxaa sidoo kale kulanka la isla gartay in la dhiso guddi saaxiibtinimo labada baarlamaan ee Soomaliya iyo Masar, iyadoo labada Xog-haye la faray ineey Ka shaqeeyaan dhaqan-gelinta qodobada la isku afgartay.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii dowlada federaalka Soomaaliya gacan looga siin lahaa sugida amniga iyo la-dagaalanka kooxaha argagixisada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa Arbacadii gelinkii dambe gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masa

Muqdisho 3da Maarso 2023  Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir oo kaashanaya dhigooda ciidanka Booliska dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii Arbacadii darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Ninkan oo loo haysta dilka Allaha unaxariistee Daahir Ibrahim Abshir oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dhalinta ku shaqeysata gaadiidka Moota Bajaajta ayaa baxsaday kadib markii uu dilka geystay, ayada oo markii dambe ciidanka u suurta-gashay inay gacanta kusoo dhigaan.

 Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir oo kaashanaya dhigooda ciidanka Booliska dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii Arbacadii darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Ninkan oo loo haysta dilka Allaha unaxariistee Daahir Ibrahim Abshir oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dhalinta ku shaqeysata gaadiidka Moota Bajaajta ayaa baxsaday kadib markii uu dilka geystay, ayada oo markii dambe ciidanka u suurta-gashay inay gacanta kusoo dhigaan.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa nagala qeyb qaatay howl-galka soo qabashada ehelladii uu ka dhashay wiilka dadka dilay oo marka uu dhibka dhacay waxay go’aan ku gaareen inay soo qabtaan meel kasta uu tago, ayaga ayaa noo fududeeyay.”

Taliska Booliska ayaa ugu dambeyntiina sheegay “in markasta u taagan yahay in uu si buuxdu u guto waajibkiisa shaqo, si dadka shacabka ee uu soo gaaro dhibkaan oo kale ay cadaalad u heleaan.”

Dilkan loo geystay darawalka ayaa cirka ku sii shareeray caro xoog leh oo horay uga taagneyd dilal badan oo maalmihii u dambeeyay ay ciidamada dowladdu ka geysteen Muqdisho.

Si gaar ah dilka wadayaasha Mooto Bajaaj-ta ayaa aad ugu badan Muqdisho, waxaana qeybo ka mid ah Muqdisho ka dhacay dilal iyo dibadbaxyo looga soo hor jeedo dilalka shacabka.

Intii uusan dilkaasi dhicin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo si wadajir ah warbaahinta kula hadlay ayaa si adag uga hadlay dilalka ay ciidamada dowladda ka geysanayaan caasimadda Muqdisho.

“Waxaan ka shaqeyn doonaa ciidankii dhibka gaystay inaan maxkamada geyno waliba si toos ah shacabka Soomaaliyeed u daawadaan, goobaha ciidamada ay ka shaqeynayaan wax weyn ayaan ka badali doonaa, waxaana geyn doonaa saraakiil waa weyn oo qibrad u leh shaqada,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Muqdisho 3da Maarso 2023  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si rasmi ah u daah-furay suuqa xorta ah ee Aagga cashuuraha ka caagan oo laga bineeyey duleedka galbeed ee magaalada Berbera.

Munaasibadda xadhig ka jarka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinayay shir-guddoonka golaha baarlamaanka, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud, qaar kamid ah golaha wasiirrada, guddoomiyaha DP World, madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah, madaxda gobolka Saaxil, qaar kamid ah maayarrada dalka, maareeyaha dekedaha Somaliland, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale oo tiro badan

Ugu horrayn, waxa halkaasi ka hadlay madaxa shirkadda IFFCO Mr. Cabdul Jabbar iyo Liz LLoyd oo ah madaxa shirkadda caalamiga ah ee Inigiriiska u qaabilsan maalgashiga (BII) oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa soo dhaweeyey xarunta ganacsiga xorta ah ee laga hirgeliyey duleedka Berbera, waxay sheegeen inuu mashruucani yahay fursad cusub oo Somaliland usoo jiidi karta maalgashadayaasha caalamiga ah.

Waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin suuqan xorta ah ee loo hirgelilyey duleedka Berbera, iyaga oo caddeeyey inay si rasmi ah u isticmaali doonaan suuqan xorta ah.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo halkaas ka hadlay ayaa isaguna si qoto dheer u sharraxay muhiimadda uu leeyahay suuqan xorta ahi iyo sida uu kor ugu qaadayo maalgashiga dalka.

Guddoomiyaha shirkadda DP-world, mr. Sultan Ahmed Bin Sulayem ayaa isaguna dhankiisa guul weyn ku tilmaamay dhamaystirka suuqa xorta ah oo ay in badan Somaliland sugaysay, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay kor u qaadayso dhaq-dhaqaaqa ganacsiga Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa sharraxay waxyaabaha uu suuqani usoo kordhinayo qaranka iyo faa’iidooyinka ugu jira bulshada reer Somaliland.

“Daah-furka suuqani waxa uu abuurayaa fursado ganacsi, shaqo abuur, korodhsi aqoon farsamo, mid maamul, mid adeeg, is-dhexgalka iyo wax-wada-qabsiga caalamka,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhismaha suuqan xorta ah iyo mashaariicdii hore ee shirkadda DP World ka hirgelisay Berbera inay magaalada Berbera ka dhigayaan mid awood u leh inay waraabiso dalalka aan dekedaha lahayn ee qaaradda Afrika ku yaalla.

WARARKA MAANTA 1da Maarso 2023

Su’aalaha Maanta:  Yaa cadaalad darro ku xiray Weriye Cabdalla Muumin? Yaa dilay Kornayl Ikraam Taxaliil? Yaa diidan inuu amniga #Muqdisho sii xummaaday? Maxay beesha calaamka dhaqaallo ugu diiday koocda “Damu-Jadiid”? Yaa diidi kara inay Beesha Dhulbahante ee Maamulka #SSC #KhaatumoState dhulkooda  ka xoreeyeen beesha #Somalilnd #SNM ee Isaaq? Yaa ka soo xiray albaabadii gudaha iyo dibadda Beesha Isaaq? Maxayse hadda ka dib u sheegi doonaan meesha caalamka kadib xasuuuqii ba’an ee ay #Somaliland ka gaysatay #Laascaanood? Yaa diidan #Maqaamka #Muqdisho maanta ma Madaxweyne Xassan mise Raysal Wasaare Xamse? Yaa ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Yaa diidan in la sameeyo Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Maxayse beesha caalamka u diiday inay dhaqaallo siiso dowlaaddan “Kutaanta/Dhiqlaha”? Yaa burburiyey habkii awood qaysiga beelaha Soomaliyeed 4.5? Ha wiqleyso!

Gariik 1da Maarso 2023 Laba tareen oo isku dhacay waddanka Giriiga ayaa dilay ugu yaraan 32 qof 85 kalena waa ay ku dhaawacmeen habeenkii talaadada, sida ay sheegtay kooxda dab-damiska.

Dhacdadan ayaa sababtay shilkii tareen ee ugu dhimashada badnaa ee Giriiga muddo tobanaan sano ah ayaan weli caddayn.

Tareen rakaab ah oo kasoo baxay magaalada Athens kuna socday waqooyiga magaalada Thessaloniki ayaa si xawli ah ugu dhacay tareen xamuul ah meel ka baxsan magaalada Larissa ee bartamaha Giriiga, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Thessaly.

Shilkan ayaa sababay in uu dab ka kaco qeybta rakaabka ah, waxaana gubtay dad badan oo rakaab ahaa, kuwaasi oo loola cararay isbitaalada.

“Waxaan maqalnay jug weyn, (waxay ahayd) 10 ilbiriqsi oo qarow ah,” ayuu yiri Stergios Minenis, oo ah 28 jir ka mid ahaa rakaab oo ka badbaaday shilkan.

1972, 19 qof ayaa ku dhintay kadib markii laba tareen ay isku dhaceen meel ka baxsan Larissa.

Muqdisho1da Maarso 2023Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga kala dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Dilalkan oo ay fuliyeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Weerarka koowaad oo lagu qaaday maqaaxi ku taalla xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo rag ah, kadib markii ay rasaas ku fureen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo kadib goobta isaga baxsaday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale tiro kale oo shacab ah oo ku shaaxayey goobta maqaaxida ah ay ku dhaawacmen falkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dilalkaasi ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa.

Habeen kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale ay Shabaab u dileen laba dhalinyaro ahaa oo ku sugnaa mehrad ku taalla Fagax, waxayna sheegeen inay iibanayeen maandooriye.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay dil kale oo ay ka fuliyeen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, kaas oo loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Carab.

DC 1da Maarso 2023Wakiilo ka socday dalalka Qatar, Soomaaliya, Türkiye, Imaaraadka Carabta, UK, iyo Mareykanka ayaa ku kulmay magaadal Washington DC, si ay uga wada-hadlaan ammaanka Soomaaliya, dowlad dhiska, horumarka iyo ahmiyadaha gargaarka bani’aadannimo. 

Dalalkan ayaa taageero u muujiyey sida Soomaaliya ay diiradda u saareyso ka-hortagga argagixisada iyo tayeynta awoodaha dowladda.

Waxay sidoo kale ka wada-hadleen sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo dagaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab, iyo isu-diyaarinta ciidamada ATMIS oo la filayo in la dhimayo. 

Waxay isku raaceen in la xoojiyo isku xirka kaalmada amni ee caalamiga ah ee Soomaaliya, iyo muhiimadda ay leedahay xaqiijinta gargaar xasilin oo la gaarsiiyo deegaanda laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab. 

Lixdan dal ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan xabad-joojinta, qaboojiyaan xiisadda, ogolaadaan gargaarka bani’addannimo, islamarkaana ay yeeshaan wada-hadallo nabadeed.

Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen xasaradaha bani’aadannimo ee weli ka jira Soomaaliya, oo ka dhashay abaartii ugu xumeyd ee abid ku dhufata Soomaaliya. 

Waxay soo dhaweeyeen taageerada jilayaasha caalamiga ah si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee dadka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale la xoojinayo awoodda Soomaaliya u leedahay inay u adkaysato jahawareerka cimilada ee mustaqbalka.

Muqdisho 1da Maarso 2023 Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay safarka madaxweynaha, isaga oo ka ambabixi doono magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa magaalada Kismaayo laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa  ayada oo si weyn loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa ciidamo dheeraad ah la dhigay bartamaha magaalada, gaar ahaan waddada ka timaada garoonka illaa qasriga madaxtooyada Jubbaland. Ujeedka safarka madaxweynaha ee Kismaayo ayaa la xiriira xalinta xiisadda gobolka Gedo iyo sidoo kale dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo in madaxtooyada Jubbaland uu kula shiro Axmed Madoobe ayaa kala hadli doono labadaas qodob, si xal loogu helo xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay kahor doorashooyinkii soo dhamaaday dalka ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Wejiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa wada-hadallada, si looga bilaabyo deegaanada maamulka Jubbaland.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu booqanayo Kismaayo, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii lasoo dhaafay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, ayada oo horay madaxweynaha u booqday deegaanada la xoreeyay ee HirShabelle iyo Galmudug.

WARARKA MAANTA 26ka Feebaraayo 2023

Su’aalaha Maanta:  Yaa diidi kara inay Beesha Dhulbahante ee Maamulka #SSC #KhaatumoState dhulkooda  ka xoreeyeen beesha #Somalilnd #SNM ee Isaaq? Yaa ka soo xiray albaabadii gudaha iyo dibadda Beesha Isaaq? Maxayse hadda ka dib u sheegi doonaan meesha caalamka kadib xasuuuqii ba’an ee ay #Somaliland ka gaysatay #Laascaanood? Yaa diidan #Maqaamka #Muqdisho maanta ma Madaxweyne Xassan mise Raysal Wasaare Xamse? Yaa ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Yaa diidan in la sameeyo Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Maxayse beesha caalamka u diiday inay dhaqaallo siiso dowlaaddan “Kutaanta/Dhiqlaha”? Yaa burburiyey habkii awood qaysiga beelaha Soomaliyeed 4.5? Ha wiqleyso!

Muqdisho 26ka Feebaraayo 2023 Ciidanka Booliiska degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa xalay gacanta ku soo dhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo watay hub.War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in lasoo qabtay raggaan iyagoo moota Bajaaj ku watay Qori RBG ah, oo la sheegay inay damacsanayaan inay ku dhibaateeyaan shacabka gobolka Banaadir.

Booliiska ayaa sheegay in raggaan lagusoo qabtay howlgal ka dhacay degmada Dayniile, waxayna kusoo aaday qabashadooda labo maalin kadib markii ciidanku sidoo kale soo qabteen hub iyo waxyaabo qarxa oo lagu qabtay degmada Hodan.

Booliiisku waxay qabteen hubkaas oo lagu rarayay gaari Hoomeey ah iyo raggii gacmaha kula jiray.

Booliisku waxay sheegeen in hubkan loo adeegsan lahaa in weerar lagu fuliyo, balse ay ka hortageen.

Muqdisho 26ka Feebaraayo 2023 Xildhibaan Cabdiladiif Sanyare oo ka tirsan golaha shacabka ayaa kulankii baarlamaanka ka sheegay inuu ka shakisan yahay ciidanka ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaanka oo aragti ka dhiibtay hadal heyn ka dhalatay xildhibaanada qaar oo cabasho ka soo gudbiyey baaritaan lagu sameeyey ayaa sheegay in ciidanka ilaaliya madaxtooyada ay marin habaabinyaan sugidda amniga.

“Guutada madaxtooyada anigu shaki badan ayaan ka qabaa, sababtoo ah markii amniga laga hadlo xildhibaanada  ayey isku taagaan, maalin dhaweeto mid ayaa I istaajiyey markaas ayuu igu yiri darawalka gaariga kuu wada mid kuu qoran maaha ee iska laabo, marka sugidda amniga halkaas nagama jiro ee ciidanka ilaaliya waan ka shakisanahaye dib haloo eego,” ayuu yiri Sanyare.

Xildhibaanka ayaa marin habaabin amni ku tilmaamay in la baaro xildhibaanada, “Waa marin habaabin, meeshii amni xumadu jirtay ayaa la iska marin habaabinayaa, markaasaa xildhibaanada jeebkooda gacanta la gelinayaa,” ayuu yiri.

Xildhibaan Cabdiladiif Sanyare ayaa baarlamaanka ka hor sheegay in ciidanka madaxtooyada ilaaliya ay xildhibaanada beegsadaan markii amni darro la sheego.

“Meeshii amnigu jiray meel aan aheyn ayaa la aadayaa mar kasta, waxaan soo jeedinayaa in guudata madaxtooyada la baaro oo dib loogu noqdo, waxa wax qaldaya oo sharciga ku tumanaya waa ayaga,” ayuu yiri

Somaliland 26ka Feebaraayo 2023 Xukuumadda Somaliland ayaa goordhoweyd sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan aagga Tukaraq ee gobolka Sool.

Somaliland ayaa sheegtay inay ciidamadeedu dib u celiyeen oo ay iska difaaceen maleeshiyaadkii weerarka kusoo qaaday ee kasoo duulaan tagay maamulka Puntland, sida ay sheegtay.

“Ciidanka Qaranka JSL ee ku sugan Tukaraq waxa maanta weerar ku soo qaaday maleeshiyaad ka soo duulay Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Ciidanka Qarankuna waxay dib u celiyeen oo ay iska difaaceen maleeshiiyaadkii weerarka soo qaaday,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.

Laba toddobaad ka hor unbay aheyd markii ay Somaliland sheegtay in Puntland ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wado aagga hore ee Tukaraq, ayna doonayaan in dagaalka socda ay ka bilaabaan jihooyin cusub.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer waxay dowlad-goboleedka Puntland ku eedeysay in uu wado qorshe uu ku ballaarinayo dagaalka ka socda Laascaanood, islamarkaana uu qorsheynayo inuu weeraro kusoo qaado ciidamada Somaliland.

“Waxa jira in aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Somalia ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidanka sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub. Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa,” ayaa lagu yiri qoraal 12-kii bishaan kasoo baxay Somaliland.

Deegaanka Tukaraq ayaa waxaa xilligan ku sugan ciidamada Somaliland, waxaana kal hore ka dhacay dagaallo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu maanta sii xoogeystay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayada oo ciidamada SSC ay sheegeen inay la wareegeen saldhigii Somaliland ee magaaladaasi. Dagaalkan ayaa galay toddobaadkii saddexaad.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan weerarkan ay sheegtay Somaliland, waxaana xusid mudan in maamulka uu kal hore iska fogeeyay in uu qeyb ka yahay dagaalka socda.

Puntland 26ka Feebaraayo 2023 Dowlad-goboleedka Puntland ayaa maanta markale si adag uga hadashay dagaalka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo galay toddobaadkii saddexaad.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland ayaa waxa lagu sheegay in dagaalka Laascaanood uu u dhaxeeyo dad xaq u dirir ah iyo maamulka Somaliland oo doonaya in ay qori caaraddiis ugu qasbaan mashruucooda gooni isu-taagga.

“Gumaadka ay ciidamada maamulka Somaliland ka wadaan magaalada Laascaano iyo deegaanada hoos yimaada waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, qax iyo burbur hantiyeed intaba.”

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof, ayna ku dhaawacmeyn in ka badan 500 oo qof, iyada oo dalka guduhiisa ku barakaceen in ka badan 185,000 oo qof iyo 80,000 oo qaxooti ku noqday dalka Ethopia, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Puntland.

Puntland ayaa waxay dalbatay in qiimayn dhab ah lagu sameeyo waxyeelada iyo baaxadda khasaaraha dagaalka ka dhashay, loona diro hay’addo iyo guddiyo madax-banaan oo caalami ah (independent fact-finding mission) oo xaqiiqo raadin ah.

Waxay ugu baaqeen xukuumadda Somaliland in ay joojiyaan weerarka yo gumaadka ay ku hayaan dadka shacabka ah, ciimadoodana kala baxaan guud ahaan gobolka Sool, si gurmadka bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka deegaanka.

“Guddiga gurmadka arrimaha bini’aadantinimo ee gobolka Sool waxa uu ku baaqayaa in hay’adaha samafalka iyo kuwa caalamiga ahba ay gacan bini’aadantinimo ka gaystaan sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ka barakacay magaalad Laascaanood iyo Deegaanada hoos yimaada.”

Sidoo kale waxay ku baaqeen in aan la carqaladayn, lana siyaasadayn dadaalka bini’aadannimo ee socda oo aan wax shuruud iyo xannibaad ah midna lagu xirin dhaqdhaqaaqa gargaarka.

“Dadka reer Puntland waa in ay labo-jibaaraan gurmadka iyo taakulaynta arrimaha bini’aadantinimada ee socda, loona fududeeyo adeegyada arrimaha bulshada, si gaara ardayda soo barakacay waa in iskuulada loo ogolaada bilaa shuruud.”

 Muqdisho 26ka Feebaraayo 2023 Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo si adag uga hadlay kiiska Weriye  Cabdalla Muumin ayaa sheegay in wiilkooda ay ku dhegan yihiin rag isku ehel ah, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Xildhibaan Jeesow ayaa carabka ku adkeeyey in Weriye Cabdalla uu u afduuban yahay afar wiil oo walaalo ah, isla markaana uu yaqaano cida dishay hadii ay dhibaato soo gaarto.

“Cabdalla hadii dhereg uu u dhinto cida dishay waan aqaan, afar wiil oo walaalo ah ayuu u afduuban yahay ninkaas, ragas waxay aaminsan yihiin inay yihiin milkiilayaasha dowladda,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Jeesow.

Xildhibaanka ayaa sheegay in guddoomiyihii horay u xukumay Weriye Cabdalla Muumin oo xafiiskiisa ugu tegay, isla markaana uu weydiiyey cidda sii deysay Cabdalla oo markii hore lagu xukumay xabsi.

“Waxaan weydiiyey guddoomiyaha, wiilkaan markaa xukuntay xabsi ayuu u soo diyaar garoobay ee yaa soo daayey? Wuxuu igu yiri ma ogi cid deysay, yaa hadda soo xiray ayaan dhahay? Ma ogi ayuu iigu jawaabay, yaa soo dacweeyey ayaan dhahay? Ma ogi ayuu igu yiri,” ayuu yiri Jeesow.

Intaas kadib wuxuu sheegay in maxkamadda racfaanka uu tegay, isla markaana loo sheegay in cid racfaan ka qaadatay kiiskaas aysan u imaan maxkamadda.

“Waxaan iri yuu Cabdalla u xiran yahay? Waxaa la iigu jawaabay ma ogi, madaxdii garsoorka oo dhan waxay sheegi waayeen cidda uu Cabdalla u xiran yahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa carabka ku adkeeyey in la gara waayey cidda uu u xiran yahay Weriye Cabdalla Muumin, markii la weydiiyey hey’adaha garsoorka “Anagu waa naqaan, laakiin nin ku dhiirada waa la waayey afar xildhibaan anagoo ah ayaan hey’adaha garsoorka ku soo wareegnay,” ayuu yiri Jeesow.

Xildhibaanka oo hadalkaan ka jeediyey kulan uu la yeeshay xubno ka mid ah beeshiisa Gaaljecel ayaa reerka kula dardaarmay in dowladaan aysan waxaba ka sugin ee dhulkooda ay xoreystaan, kadibna ay beerahooda tabcadaan.

Muqdisho 26ka Feebaraayo 2023 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil diyaaradeed oo gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacay duleedka xerada Ballidoogle oo ku taalla gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lagu tababaro ciidanka Danab.

Shilkan ayaa yimid, kadib markii ay diyaraad Helicopter ah la dhacday ciidamo ka tirsan DANAB, xili ay ku guda jireen tababar.

Mid kamid ah askata ku jirta xeradaasi oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in askarta Soomaalida ah ee la socday diyaaradda ay ahaayeen illaa sideed askari, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shilka ay ku galeen gobolka Sh/ Hoose.

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhintay shilkan, halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo kamid ah ciidamada Danab ee ku jiray tababarka.

Sidoo kale waxaa diyaaradda saarnaa laba askari oo kasoo jeeda dalka Uganda iyo mid cadaan ah oo ahaa Pilot-ka diyaaradda shilka ku gashay xerada Ballidoogle.

Askara geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa ku guda jiray inay bartaan sida loo howlgeliyo diyaaradda, taas oo qayb ka aheyd tababarka ay ku qaadanayaan halkaasi.

Waxaa sidoo kale askartan ay mid ahaayeen ciidankii uu dhawaan ra’iisul wasaare Xamza ku booqday xerada Ballidoogle oo ay gacanta ku hayaan saraakiil Mareykan ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan dhacdadaasi.

Si kastaba, xerada Ballidoogle ayaa waxaa si gaar ah loogu tababara ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo qalab iyo taageero ka helo dowladda Mareykanka.

Maamulka Somaliland 26ka Feebaraayo 2023 Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah oo aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo gudaha magaalada Laascaanood oo ay dagaallo culus ka socdeen 21 maalmood ee lasoo dhaafay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in deganaasha uu yimid, kadib markii ay dib u garasho sameeyeen ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka magaaladaasi.

 Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah oo aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo gudaha magaalada Laascaanood oo ay dagaallo culus ka socdeen 21 maalmood ee lasoo dhaafay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in deganaasha uu yimid, kadib markii ay dib u garasho sameeyeen ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka magaaladaasi.

Sida ay muujiyaan muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ciidamadda deegaanka ayaa gurigaas ka furay calanka Somaliland, waxayna ka taageen calanka buluuga ah ee Somalia.

Sababta ay ciidamada Somaliland uga baxeen difaacyadooda ayaa waxaa lagu macneeyay laba arrimood midkood kuwaas oo kala ah:

1- Dib u gurasho xeelad dagaal iyo in ay isku dayayaan in ay duulaan kale oo abaabulan soo qaadaan.

2- In ay gebi ahaanba qaateen baaqyadii caalamiga ahaa ee soo baxayey kuwaas oo ahaa in iney isaga baxaan gobolka.

Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyay aheyd mid aad u cakiran, waxaana magaaladaasi shalay ka dhacay dagaalkii ugu xooganaa ee dhex-mara labaa dhinac, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray magaaladaasi.

WARARKA MAANTA 25ka Feebaraayo 2023

Su’aalaha Maanta:Yaa fashilay beentii beesha #Somalilnd ee Isaaq? Yaa ka soo xiray albaabadii gudaha iyo dibadda? Maxayse hadda ka dib u sheegi doonaan meesha caalamka kadib xasuuuqii ba’an ee ay #Somaliland ka gaysatay #Laascaanood? Yaa diidan #Maqaamka #Muqdisho maanta ma Madaxweyne Xassan mise Raysal Wasaare Xamse? Yaa ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Yaa diidan in la sameeyo Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Maxayse beesha caalamka u diiday inay dhaqaallo siiso dowlaaddan “Kutaanta/Dhiqlaha”? Yaa burburiyey habkii awood qaysiga beelaha Soomaliyeed 4.5? Ha wiqleyso!

Washington DC 25ka Feebaraayo 2023 Banaaanbaxaan ka dhacay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ahaa mid looga soo horjeeeday dagaalka iyo duqeymaha ka socda magaalada Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka, kaasoo galay Todobaadkii sadaxaad oo xiriir, islamarkaana sababay dhimashada 96 ruux iyo dhaawaca 560 qof. Dibadbaxayaasha oo watay Calanka Soomaaliya iyo boorar kale ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ayaa dalbaday in si deg deg ah oo sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka iyo duqeymaha ka socda Laascaanood.

Cabdirashiid Maxamed Faarax oo ka mid ah dadka banaanbaxa dhigaayay ayaa si adag ugu eedeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu xasuuq ka geystay magaalada Laascaanood, islamarkaana uu laayay Caruur, Odayaal yo Haween.

“Carruurta, Odoyaasha & Haweenka in la laayo xaaraan weeye, Somaliland xoog kuma qabsan karto, 500,000 (Shan boqol oo kun) oo ruux ayaa qasab looga barakiciyay Laascaanood, carruur, Haween iyo ciroole ayaa bannaanka Daadsan, Muuse Biixi kama yeeleyno mana ka aqbaleyno” Cabdirashiid Maxamed Faarax.

Banaanbaxayaasha ayaa sido kale madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu xoojiyo dadaalada uu ku bixinayo xal u helida dagaalka khasaaraha badan geystay ee wali ka socda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay ku barakaceen in ka badan 185,000 oo ruux.

Muqdisho 25ka Feebaraayo 2023 Guddiga KMG ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta qabanaya doorashada kursiga golaha shacabka ee sumadiisu tahay 086. Doorashada kursigan ayaa la qabanayaa xilli uu muran badan ka taagan yahay doorashadiisa kadib markii musharixiinta u taagan ay dowladda ku eedeeyeen in loo diiday inay isdiiwaan galiyaan.

Labo musharax ayaa isku diiwaan gelisay doorashada kursiga golaha shacabka ee sumadiisu tahay 086.

Kursigan waxaa horey ugu guulaystay taliyihii hay’adda nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin. Laakiin guddiga ayaa doorashadiisii laalay sababa la xiriiray in aan la marin habraaca doorashada.

Tan iyo waqtigaas kursigaan waa uu bannaanaa, lagumana guulaysan in doorashadiisa la qabto.

Kursigan oo deegaan doorashadiisa aheyd Baladweyne ayaa loo soo wareejiyay magaalada muqdisho.

Waxaa hadda la hadal hayaa in dowladdu u xirtay shakhsi gaar ah oo dowladda ka agdhow.

IGAD 25ka Feebaraayo 2023  Urur goboleedka IGAD ayaa shaaciyay in dalal ay ku jirto Soomaaliya ay ka dhici doonto roob yari baahsan, taasi oo ay sheegtay saadaasha cimilada IGAD in laga sii taxadaro.

Shir kusoo geba-gaboobay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayay afartii maalmood ee lasoo dhaafay arrimaha isbadalka cimilada waxa lagu gorfeeyay arimaha isbadalka cimilada iyo saameynta ka dhalan karta.

Shirkaaas oo ay ka qeyb galeen quburo kala duwan oo ka kala timid inta badan dalalka Caalamka oo qeyb ka ahayd dowladda Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ay ka dhici doonto xaalad roob yaraan ah, sidaas darteed loo baahan yahay in laga sii taxadaro xaaladaha nololeed ee ka dhalan kara roob yaraanta la saadaalinayo.

Saadaasha cimilada ee IGAD ayaa waxay sheegaysa in bilaha March, April iyo May ee sanadkaan 2023-ka in roobabka la filayo ay ka yaraan karaan boqolkiiba lixdan.Si kastaba, arrintaan ayaa waxay uga sii dari doonta xaaladda Soomaaliya oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay shacabka Soomaaliyeed ay la daala-dhacayeen xaalado nololeed oo is biirsaday oo ka dhashay roobabkii Gu’ga iyo Deyrta oo xiliyadii la filanaayay aan ka da’in gudaha dalka.

Muqdisho 25ka Feebaraayo 2023 Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay koox ciyaal weero ah xalay ka geysatay qaybo ka mid ah gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, taas oo dhalisay walaac aad u xoogan oo soo wajahay dadka deegaanka

Kooxda ciyaal weerarada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Fiidow waxa ay ku dileen xaafadda Siliga ee Towfiiq oo ka tirsan degmadaasi, waxaana marxuumka da’diisa lagu sheegay 12 sanno jir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in wiilka yar lagu dhuftay illaa saddex mindi, kadibna uu u geeriyooday dhiig bax, ayada oo ciyaal weerarada geysatay falkan ay baxsadeen.

Sidoo kale maydka marxuum Cabdirisaaq ayaa waxaa la geeyay xarunta laanDhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan.

Yaaqshiid ayaa kamid ah degmooyinka ay ku badan yihiin kooxaha ciyaal weerada ee haatan dhibaatada ku haya shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

ta dambi baarista ee CID-da, su baaritaan lagu sameeyo dhacdadaan. Dilkan ayaa kusoo aadayo, xilli Al-Shabaab ay shalay ku dhawaaqday in Muqdisho ay ka bilaabeyso howlgal ka dhan ah ciyaal weerada, kadib cabasho ay sheegteen inay uga timid dadka shacabka, waxayna fartay dagaalyahanadeeda inay beegsadaaan kooxahaasi.

Ciyaal weerada ayaa haatan u muuqda inay markale kusoo laba kacleeyee Muqdisho, waxaana dhibaatooyinka ugu badan hadda laga soo warinayaa waqooyiga caasimada.

Si kastaba, dhibaatooyinkan ayaa ah kuwa soo noq-noqday, ayada ciidamada ammaanka oo wada howlgallo culus ay maara la’yihiin wax ka qabashada amniga iyo ciyaal weerada.

Nairobi 25ka Feebaraayo 2023 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya maanta lagula eegtay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bare ee dalkaasi, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa haleeyay baabuur ay la socdeen afar askar oo ka tirsan Booliska Kenya oo xilligaas marayey waddada xiriirisa  Gaarisa iyo xeryaha Qaxootiga Dhahaab, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay rasaas xoogan fureen ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa Booliska ee ku sugan xadka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan la askari, halka labad kalena la la’yahay, halka cirib iyo jaan ay dhigeen qaraxa kadib.

George Seda, oo taliyaha ciidanka Booliska ee gobolka Waqooyi Bari, ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkan, wuxuuna ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in haatan ay wadaan howlgallo balaaran, isla-markaana ay baadi goobayaan labada askari ee la waayey wuxuuna sheegay in qaraxa lagula beegsaday deegaan lagu magacaabo Hagarbul oo ku yaal inta u dhaxeysa Xerada Dhabaab & Gaarisa

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmo kahor qarax ka dhacay isla waddadaan lagu dilay saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Kenya.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay qarax kale oo ka dhacay isla duleedka Gaarisa, kaas oo isna lagu dilay 4 qof oo ay ku jireen injineero ka tirsanaa maamulka Wadooyinka Kenya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gudaha Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa ciidamada ammaanka ee dalkaasi

WARARKA MAANTA 23ka Feebaraayo 2023

Su’aalaha Maanta: Maxay kashifeen Sanatar Muuse Suudi Iyo Senatar Janaraal Cabdi Qayb-Diid ee xeerka cusub ee #Hay’adda #Nabad-Sugidda Qaranka #NISA? Yaa ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Yaa diidan in la sameeyo Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Yaa maanta diidan #Maaamka #Muqdisho? Maxayse beesha caalamka u diiday inay dhaqaallo siiso dowlaaddan “Kutaanta/Dhiqlaha”? Yaa burburiyey habkii awood qaysiga beelaha Soomaliyeed 4.5? Ha wiqleyso!

Muqdisho 23ka Feebaraayo 2023 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday qorshe lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhinaca fikirka, kaasi oo ay qeyb ka yihiin culimada Soomaaliyeed.

Qorshahan ay dowladda ku xoojineyso dagaalka fikirka ee Al-Shabaab ayaa waxa uu yahay in wacyi-gelin laga sameeyo deegaanada laga xoreeyay kooxda iyo in laga hirgaliyo goobo lagu barayo caqiidada saxda ee Islaamka.

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta qorshahan kulan ka yeeshay, kaasi oo uu shir-guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray dardar-galinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhinaca fikirka, kaasi oo qeyb ka ah qorshaha dowladda oo ah in kooxda lagala dagaalamo saddex jiho oo kale ah; dhaqaalaha, fikir iyo dagaalka tooska ah ee ka socda qeybo kamid ah dalka.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu fallan-qeeyey qaabkii Al-Shabaab looga guuleysan lahaa dagaalka fikirka ah, iyadoo la adeegsanayo culimaa’udiinka Soomaaliyeed, islamarkaana xoogga la saarayo sidii wacyi-galinta loo gaarsiin lahaa deegaannada dhawaan laga xoreeyey, oo barnaamijka xasillinta loo dhinac wadi lahaa dagaalka fikirka xagjirka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu dambeyntii waxa uu tilmaamay muhiimada ay leedahay in dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta laga hirgaliyo goobo lagu soo bandhigayo caqiidada saxda ee Islaamka.

New York 23ka Feebaraayo 2023 Qaar ka mid ah waddamada ku jira Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay si gaar ah uga hadlayaan xaaladda haweenka Soomaalida, nabadda iyo amniga.

Dalalkaasi oo kala ah Malta, Albania, Brazil, Faransiiska, Japan, Switzerland, Imaaraatka Carabta iyo Britain ayaa sheegay inay ku midoobeen soo saarista qoraalka iyadoo maanta Golaha Ammaanka uu ka wada hadli doono xaaladda Soomaaliya.

Waxay sheegeen in weerrada sii socda ee Al-Shabaab oo ay weheliso xaaladda bani’aadaminnimo ee daran, abaarta iyo hannaanka siyaasadeed ee caqabadaha wata ay sii kordhiyeen halista ilaalinta dadka soo barakacay, kuwaasi oo 80% ay yihiin dumar iyo carruur.

Dalalka ayaa sidoo kale sheegay inay aad uga argagaxeen xadgudubyada galmada iyo tacaddiyada kale ee jinsiga ku salaysan ee ka dhaca Soomaaliya.

Waxay ugu baaqeen dawladda Soomaaliya inay muhiim tahay in la baaro, sharcigana lala tiigsado kuwa ka dambeeya. Waxay ugu baaqeen dhammana dhinacayada inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadaminnimada iyo xuquuqda aadanaha, iyo in kuwa xadgudubyada gaysta lala xisaabtamo.

Waxay sheegeen in ka sokow ballanqaadka la sameeyey ee ahaa in haweenku helaan 30% ay weli hoosayso ka qaybgalka haweenka ee go’aannada siyaaseed. Waxay intaas ku dareen inay dhiirrigelinayaan inay haweeenku si buuxda oo siman u yeeshaan matalaad.

Muqdisho 23ka Feebaraayo 2023 Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya oo maanta ka hadlay fadhigii Aqalka Sare ayaa weerar ku qaaday Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad.

Senator Muuse Suudi ayaa waxa uu sheegay in Mahad Salaad uu xilalkii hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ku taxay beeshiisa, taasi oo uu ku tilmaamay ku tagri-fal awoodeed.

“Maalin hore waan ka hadlay, waxaan ka hadlay waxba lagama soo qaadin ma ogi meesha loo roorayo. Sharciga NISA umadda oo dhan uu ka dhaxeeya ee lama rabo in qof gaar ah uu gacantiisa ku jiro,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Toban iyo laba xil oo qoraal ah ayaa jeebkayga ku jira, waana heel beel kali oo hadda uu qoray Mahad Salaad. Dadkaan in loo aaso wax aysan ogeyn looma baahna.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Mahad Salaad uu durbaba bilaabay ku tagri-fal awoodeed, uuna kaligiis wixii uu rabo ka sameysanayo hay’adda NISA, isaga oo cid la tashi la sameyn, sida uu sheegay Senator Muuse Suudi.

Xilalka muhiimka ah ee NISA uu sheegay Senator-ka in u Mahad Salaad hal beel ku taxay ayaa waxay kala yihiin: Dekedda, Garoonka, Maaliyadda, Hoggaanka Ciidamada, Hoggaanka Tobabarada, Hoggaanka Gobolada, Hoggaanka la-socodka sirdoonka, Nootaayooyinka iyo dhulka, Hoggaanka Saadka guud, Taliyaha Ciidanka – Garoonka, Taliyaha Ciidanka Duufaanka, Taliyaha Guud ee ciidanka NISA.

“Taliye Mahad Salaad waxa uu xilalka NISA u qoray hal beel oo kaliya, umadda kale waxa uu u reebay idinka ayaa og awooda oo dhan isaga ayaa leh,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Senator-kan ayaa Sabtidii guddoonka ka dalbaday in loo yeero agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad, si uu goobjoog uga noqdo sharciga hay’adiisa ee laga doodayo, islamarkaana wax laga weydiiyo qoddobada u baahan fasiraad dheeraad ah, taasi oo uu maanta sheegay in waxba laga soo qaadi waayay.

Sharciga NISA oo muddo doodiisa ay ka socotay Golaha Aqalka Sare ayay maanta ansixiyeen Senator-adu, kadib markii uu guddoonka cod u qaaday meel-marinta sharcigaan, waxayna sidaas NISA ku yeelatay 53 sano kadib sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso.

Muqdisho 23ka Feebaraayo 2023 Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shirkad gaar ah u xirtay dal-ku-galka Kenya (Visa) iyadoo Kenya u dirtay warqad ay uga codsaneyso inay aqbasho wadashaqeynta shirkadaas.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya looga codsaday inay aqbasho wadashaqeynta shirkadaas oo lagu magacaabo Global Tour and Travel Services.

Isku dayga ayaa ah in dhammaan dadka Soomaaliyeed ee doonaya dal-ku-galka Kenya ay maraan shirkadda, intii ay toos u aadi lahaayeen safaaradda, taasi oo il-dhaqaale u noqoneysa shaqsiyaadka iska leh shirkadda.

Qorshahan ayaa sida la sheegay waxaa ka dambeeya wasiirka arrimaha dibedda Abshir Cumar Haruuse iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cali Balcad. Cali Balcad oo aad ugu dhow madaxweyne Xasan waa ninka sida dadban u maamula wasaaradda.

Horay dadka Soomaaliyeed waa ugu dhibanaayeen helitaanka fiisaha Kenya, lamana oga waxa ay cabadihii jiray ka bedeli doonto shirkadaan qandaraaska loo xiray, hadii ay shaqadaan bilowdo.

Muqdisho 23ka Feebaraayo 2023 Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka qeyb-galay madasha caalamiga ah ee gargaarka bani’aadannimada ee Riyad, ayaa ka digay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa waxa uu ka hadlay muhiimada ay xilligaan leedahay in laga gudbo gurmadka deg-dega ah ee loo jiheysto dhinaca mashaariicda wax-ku-oolka ah, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa soo kabashada dalkeena.

“Waa in loo jihaysto mashaariicda wax ku oolka ah ee dhisaysa adkaysiga bulshada, soo kabashada iyo horumarka si looga gudbo ku tiirsanaanta gar-gaarka bani’aadanimo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa in Soomaaliya loo maal-geliyo sidii ay khayraadka dalkeeda kaga faa’iidaysan lahayd, ugana guulaysan lahayd argagixisada iyo is-beddel ka cimilada ayaan sidoo kale kaga hadlay Khudbaddeyda.”

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha oo muddooyinkii dambe waday olole wax looga bedelayo qaabka ay deeq bixiyaasha Soomaaliya u bixiyaan deeqaha ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan su’aal galiyay sababta ay weli Soomaaliya u wajaheyso halista abaarta, ayada oo in ka badan 7 bilyan oo dollar ay baxday.

“10 Sano kadib iyada oo in ka badan 7 bilyan oo dollar ay baxday, maxay Soomaaliya u wajaheysaa halista abaarta? Dadka iyo dowladda Soomaaliyeed waxa ay aaminsan yihiin in aan la rabin in ay isku filnaadaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Madashan caalamiga ah ee ka qabsoomtay magaalada Riyad, uuna ka qeyb-galay ergeyga gaar ah ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa diirada lagu saara arrimaha gargaarka bani’aadannimada, waxaana soo qaban-qaabisay dowladda Boqortooyada Sacuudiga.

Muqdisho 23ka Feebaraayo 2023 Soomaaliya askari-nimada badi qorta oo ciidanka ku biira balwadaha maanka-dooriya, dadka dilalka soo geystay ee raba qori ay gabaad ka dhigtaan iyo dadka ugu dhibka badan bulshada dhexdeeda oo qoysaska maaro u waayeen.

Micnaha dilaa, daroogiista iyo dulmi-low ayaa loo xil saaray inay dal iyo dad ilaaliyaan. Iyada oo aan la inkiri karin inay dhinaca kale jiraan askar dhowrsan oo ka fog balwad, dil iyo dibin-daabyo umadeed, haddana waa tiro aad u yar dadka wanaaga loo yaqaano ee ciidanka dowladda qortay dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay.  Tani waxay dhashay askari dilaya shacabka, mid dhacaya iyo mid iibsanaya dhiigooda oo la shaqeysanaya argagixisada.

Weli waxa socda dilalka ay askarta dowlada u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka degan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Shalay isgoyska Baar-Ubax ee magaalada Muqdisho ciidan la sheegay inay kamid yihiin askarti dhawaan laga soo celiyay waddanka Eritrea ayaa dilay wiil arday ahaa, xilli ay rasaas fureen wadada oo mashquul aheyd.

Saddex cisho kahor degmada Xamar-Jajab ee magaalada Muqdisho wiil bajaajle ahaa ayaa waxa dilay askarta dowladda.

Shacabka iyo qaar kamid ah khubarada amniga waxay dilalkan soo batay u sababeynayaan daroogada sida xoogan ugu baahday guud ahaan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Shuruudaha laga rabo qofka ka mid noqonaya ciidanka dowladda Soomaaliya kuma jirto in uusan daroogo isticmaalin askarigu, dalkana si xawli ah ayay daroogadu usoo gasha maalin walba.

In dagaal lagu qaado daroogada ama ciidanka ku qoran amnniga caasimada laga dhigo kuwa daroogo ka caagan oo gaar loo soo xulay ayaa kamid ah tallooyinka bad-baadada ah ee ay farta ku fiiqayaan dadweynuhu.

WARARKA MAANTA 19ka Feebaraayo 2023

Su’aalaha Maanta: Yaa diidi kara maanta inuu Madaxweyne Xassan Shiikh diidan yahay #Maqaamka #Muqdisho Iyo mataaad sax ah inay ku yeeato labada aqal? Maxay isku haystaan labada guddoomiye ku-xigeen ee gobalka Banaadir? Maxayse yihiin isku dhaca ciidan ee #Muqdisho ka dhacaya? Yaa runta qarin kara? Maxayse u shaqayn karin “Xukuummadda Kutaanta/Dhiqlaha” ee uu hoggaaminaayo  Raysal Wasaafe Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye”?  Yaa ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Yaa diidan in la sameeyo Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Maxayse beesha caalamka u diiday inay dhaqaallo siiso dowlaaddan “Kutaanta/Dhiqlaha”? Ha wiqleyso!

Muqdisho 19ka Feebaraayo 2023 Ciidamada Booliiska ee ka howlgala Saldhiga deegaanka Garasbaaleey ee magaalada Muqdisho ayaa goordhaw nin hubeysnaa ku toogtay xaafada Tabeelaha Sheekh Ibraahin ee duuleedka magaalada Muqdisho. War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay ninka ciidanka ay toogteen inuu ahaa Al-shabaab, islamarkaana uu qorsheynaayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka dowladda.

“Ciidanka saldhiga deegaanka Garasbaleey ayaa gordhaweyd ku toogtay xaafada Tabeelaha Sheekh Ibraahim dhagar-qabe Ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo doonayay inuu nafta dhaafiyo askari ka tirsan Ciidanka dowladda. Dhagar qabahaan ayaa qorsheenayay inuu dilo askari ka tirsan Ciidanka Booliska, waxaana xogta dhagarahaan sahashay wada shaqaynta Ciidanka Booliska iyo dadka deegaanka oo ah mid wanaagsan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo bacay Taliska Booliiska gobolka Banaadir.

Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa ka dalbaday shacabka in ciidanka Booliiska kala shaqeyaan dhanka amaanka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

“Muwaadin, fadlan la shaqeey ciidanka Booliska oo la xiriir lanbarka gaabaan ee 991 hadii aad siddo fariin amni ama cabasho” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliiska gobolka Banaadir.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ay ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan amaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Israel 19ka Feebaraayo 2023  Israel ayaa maanta si weyn u cambaareysay sida ba’an ee ergaygeeda looga saaray shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka furmay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.

Waxay ku eedeysay dowladda cadawga weyn ay yihiin ee Iran in ay soo abaabushay tallaabadaas, iyada oo gacan ka helaysa dalalka Aljeeriya iyo Koonfur Afrika.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ilaalada oo galbinaysa ku-xigeenka agaasimaha guud ee Israel u qaabilsan Afrika, Sharon Bar-li oo ka soo baxay shirka Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israel ayaa ku tilmaamay dhacdada maanta mid aad u daran, isagoo xusay in Bar-li uu ahaa goobjooge ka qeyb-galkiisa la aqoosan yahay, oo haysta calaamadda ka qeyb-galka shirka.

“Waa wax laga xumaado in la arko Midowga Afrika oo gacanta u galay tiro yar oo ka mid ah dowladaha xagjirka ah sida Aljeeriya iyo Koonfur Afrika, kuwaasi oo uu ku jiro naceyb, ayna maamusho Iran,” ayuu yiri afhayeenka.

“Dawladaha Afrika waa in ay ka hortagaan falalkan, kuwaasi oo dhaawacaya dhaqdhaqaaqa Midowga Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenku.

Midowga Afrika ayaan ka jawaabin mar ay wakaaladda caalamiga ah ee AFP ay arrintan wax ka weydiisay.

Afhayeenka Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, Vincent Magwenya oo la weydiiyay eedda Israel ee ah in Koonfur Afrika iyo Aljeeriya ay ka danbeysay in ergaygeeda laga ceyriyo shir madaxeedka ayaa u sheegay AFP, “Waa in ay caddeeyaan sheegashadooda.”

Israel ayaa 2021-kii Midowga Afrika ka heshay maqaam goob-joogenimo kadib tobanaan sano oo ay dadaal diblomaasiyadeed ku bixisay, tallaabadaasi oo ay ka soo horjeesteen dowlado awood leh oo ay ku jiraan Koonfur Afrika iyo Aljeeriya, kuwaasi oo ku dooday in taasi ay qarineyso bayaannada Midowga Afrika ee taageeraya Falastiiniyiinta.

Muqdisho 19ka Feebaraayo 2023 Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay goordhow ciidamada ammaanka ka sameeyeen duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa waxaa lagu toogtay xubin ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Booliska Gobolka Banaadir. Warka kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ninka la toogtay uu hubeysnaa, isla-markaana uu qorsheynayay inuu dilo askari ka tirsan ciidamada Canshuuraha oo ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ay ka hortageen weerarka uu qorsheynayay ninkan, kadib xog ay ka heleen dadka deegaanka. “Dhagar qabahaan ayaa ciidanku ku toogteen isgooska Xaafada Tabelaha Sheekh Ibrahim, isaga oo qorsheenayay inuu dilo askari ka tirsan Ciidanka Booliska ee deegaanka gaar ahaan kuwa aruuriya canshuuraha ee dowladda Hoose, waxaana “Muwaadin la shaqeey ciidanka Booliska oo soo wac lanbarka gaabaan ee 991 hadii aad dareento culus Amnni.” ayaa lagu yiri farriinta Booliska Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladdda, gaar ahaan kuwa Booliska iyo Nabad Sugidda ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogan soo saartay, kadib markii lagu jabiyay inta badan dagaallada ka socdo gobollada dalka oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.xogta dhagarahaan sahashay wada shaqeenta Ciidanka Booliska iyo Dadka Deegaanka oo ah mid wanaagsan” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska gobolka Banaadir.

Booliska ayaa sidoo kale baaq u diray shacabka ku dhaqan caasimada iyo nawaaxigeeda, isaga oo ka dalbaday in wixii ay ka shakiyaan ay lasoo xiriiraan lambar gaaban.

Muqdisho 19ka Feebaraayo 2023 – Ururka Midowga Afrika ayaa xil cusub u magacaabay madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, kaasi oo ah hogaaminta kor-joogtadda doorashada guud ee dhawaan ka dhici doonta dalka Nigeria.

Uhuru ayaa kor-joogteyn doona doorashadaasi oo dadka reer Nigeria ay u dareeri doonaan goobaha cod bixinta sida uu qorshaha uu yahay 25-ka bishaan Febraayo.

Sidoo kale waxa ergada goobjoogayaasha kamid noqon doona wakiilo ka socda hay’adaha doorashada ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, bulshada rayidka ah, khubaro madax-banaan iyo qaybaha AU.

Arrimahan ayaa dhabaha u xaaraya in si sax ah oo dhex-dhexaad ah loo qiimeeyo habka doorashada iyo soo jeedinta talooyinka hagaajinta doorashooyinka mustaqbalka ee ku saleysan natiijooyinka soo baxa.

Waxaa la filaya in arrintaan ay sidoo kale muujiso wada-jirka iyo taageerada Midowga Afrika ee ku aaddan xoojinta dimuqraadiyadda, nabadda, xasiloonida iyo horumarka.

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa daba-yaaqadii sanadkii hore waxa uu sidan oo kale madaxweynaha Kenya William Ruto ugu magacaabay xilka ergeyga nabadda ee gobolka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo gobolka Great Lakes.

Ruto ayaa xiligaas waxa uu sheegay inuu Uhuru Kenyatta weydiistay in uu sii wado inuu u ololeeyo hindisaha nabadda gobolka, uuna ka aqbalay, sida uu sheegay.

“Waxaan weydiistay walaalkey iga weyn madaxweyne Uhuru Kenyatta oo horey shaqo wanaagsan uga qabtay gobolladaas inuu sii wado wada-xaajoodyada isaga oo matalaya Kenya. Waxaa iga go’an in dowladda Kenya ay taageerto hindisooyinkaas, waxaana hoggaamin doonaa madaxweyne Kenyatta, waxaana doonayaa inaan uga mahad-celiyo inuu ogolaaday inuu na taageero igana caawiyo howlahaas.”

Puntland Iyp Galmudug 19ka Feebaraayo 2023 Dolwad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa sii xoojiyey iskaashiga dhinaca amniga, xili uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Nabadoonada iyo odayaasha labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaa kulan isugu yimid, kaasi oo uu shir-guddoomiyey Faysal Sheekh Cali oo ah guddoomiyaha gobolka Mudug.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa taliyayaasha qaybaha booliska gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, waxgarad, saraakiil iyo masuuliyiin kale.

Waxaa looga hadlay kulankan oo muddo saacada socday xoojinta nabada, ka hortaga xirmaysiga dhulka ka caagan deegaamaynta iyo sidii loo sii amba-qaadi lahaa wada-hadaladii horay u socday ee labada dhinac.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo baxay bayaan ka kooban afar qoddob, kuwaasi oo kala ah;

1. In la isu celiyo hantida ku kala maqan labada dhinac sida Xoolaha iyo Dhulalka loona balamo wakhti cayiman.

Ugu dambeyntiina waxay dhinacyadu isla qaateen in kulamo kale la isugu yimaado si go’aano iyo heshiis looga gaaro xukunka la marsiinayo dhulka ka caagan deegaameynta.

WARARKA MAANTA 16ka Feebaraayo 2023

Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta Raysal Wasaare Xamsa ugu magacaabay guddi Turkiga asagoo weli ka aamusan inu guddi u magaabo #Laascaanood? Yaa argagixisada hubeeya? Yaa #Soomaalida isku-dira si aysan nabad u helin?  Maxay tahay sababta Madaxweynaha #Djibouti Ismaaciil Cumar Geele “Abuu-Xafaaya” uu ciidanka dalka Djabouti ugu soo diray Maamulka #Somaliland si ay u baab’iyaan Maamulka #KhaatumoState ee #SSC? Maxayse kashifeen Xisbiyada Mucaaradka dalka #Djibouti? Yaa runta qarin kara? Maxayse u shaqayn karin “Xukuummadda Kutaanta/Dhiqlaha” ee uu hoggaaminaayo  Raysal Wasaafe Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye”?  Yaa ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Yaa diidan in la sameeyo Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Maxayse beesha caalamka u diiday inay dhaqaallo siiso dowlaaddan “Kutaanta/Dhiqlaha”? Ha wiqleyso!

Midowga Afrika 16ka Feebaraayo 2023 – Ururka Midowga Afrika ayaa xil cusub u magacaabay madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, kaasi oo ah hogaaminta kor-joogtadda doorashada guud ee dhawaan ka dhici doonta dalka Nigeria.

Uhuru ayaa kor-joogteyn doona doorashadaasi oo dadka reer Nigeria ay u dareeri doonaan goobaha cod bixinta sida uu qorshaha uu yahay 25-ka bishaan Febraayo.

Sidoo kale waxa ergada goobjoogayaasha kamid noqon doona wakiilo ka socda hay’adaha doorashada ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, bulshada rayidka ah, khubaro madax-banaan iyo qaybaha AU.

Arrimahan ayaa dhabaha u xaaraya in si sax ah oo dhex-dhexaad ah loo qiimeeyo habka doorashada iyo soo jeedinta talooyinka hagaajinta doorashooyinka mustaqbalka ee ku saleysan natiijooyinka soo baxa.

Waxaa la filaya in arrintaan ay sidoo kale muujiso wada-jirka iyo taageerada Midowga Afrika ee ku aaddan xoojinta dimuqraadiyadda, nabadda, xasiloonida iyo horumarka.

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa daba-yaaqadii sanadkii hore waxa uu sidan oo kale madaxweynaha Kenya William Ruto ugu magacaabay xilka ergeyga nabadda ee gobolka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo gobolka Great Lakes.

Ruto ayaa xiligaas waxa uu sheegay inuu Uhuru Kenyatta weydiistay in uu sii wado inuu u ololeeyo hindisaha nabadda gobolka, uuna ka aqbalay, sida uu sheegay.

“Waxaan weydiistay walaalkey iga weyn madaxweyne Uhuru Kenyatta oo horey shaqo wanaagsan uga qabtay gobolladaas inuu sii wado wada-xaajoodyada isaga oo matalaya Kenya. Waxaa iga go’an in dowladda Kenya ay taageerto hindisooyinkaas, waxaana hoggaamin doonaa madaxweyne Kenyatta, waxaana doonayaa inaan uga mahad-celiyo inuu ogolaaday inuu na taageero igana caawiyo howlahaas.”

Muqdisho 16ka Feebaraayo 2023 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay magacaabay guddi Qaran oo loo xilsaaray gurmadka Dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga.

“Ra’iisul Wasaare Xamza oo garoowsan sida Turkigu ay ugu soo gurmadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xilligii adkaa, ayaa go’aamiyey in maanta aysan ka harin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed garab istaagga caalamiga ah ee loo fidinayo dalka Turkiga oo ay ku habsatay musiibo ballaaran,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska R/Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa bayaankaan ku cadeeyey in magacaabidda guddigaan uu kala tashaday Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

“Ra’iisul Wasaare Xamza oo garoowsan sida Turkigu ay ugu soo gurmadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xilligii adkaa, ayaa go’aamiyey in maanta aysan ka harin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed garab istaagga caalamiga ah ee loo fidinayo dalka Turkiga oo ay ku habsatay musiibo ballaaran,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska R/Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa bayaankaan ku cadeeyey in magacaabidda guddigaan uu kala tashaday Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Hiiraan16ka Feebaraayo 2023 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaallo iyo duqeymo xoogan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo geystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Dagaalladan ayaa soo billowday subaxnimadii Arbacada, waxayna soo gaareen illaa xalay, wuxuuna dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Inji oo ku yaalla xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka marka uu xoogeystay ay ku biireen diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo duqeeyay aagaga ay ka dagaalamayeen xubnaha Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in diyaaraduhu duqeeyeen goobo kale bartimaameed ah oo ku yaalla deegaanka Fiidow oo u dhow aagga lagu dagaalamay.

Dhanka kale ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa dib ua wareegay deegaanka Afcad oo shalay gudaha u galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kasoo talaabay dhanka wabiga, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaraar oo lagu jabiyay Al-Shabaab, sida uu shaaca ka qaaday guddoomiyaha maamulka degmada Buulo-burde.

Khasaaraha ka dhashay dagaalladan iyo duqeymaha oo weli ka socdo Hiiraan ayaa sii kordhaya, waxaana jira askar dhaawacyo ah oo lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

Muqdisho 16ka Feebaraayo 2023 Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka aroortii hore tiro madaafiic ah lagu garaacay qaybo kamid ah gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo cabsi xoogan ku beertay dadka deegaanka.

Ku dhowaad illaa 5 madfac ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku dhaceen bartamaha magaalada, gaar ahaan xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Weerarkan loo adeegsaday madaafiicda ayaa waxaa lagu eedeeyay ciidamada Somaliland oo weli dagaal kula jira ciidamada deegaanka ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale waxaa magaalada laga maqlay rasaas teel teel ah oo ay is weydaarsanayeen labada dhinac ee isku horfadhiya magaaladaasi.

Xaaladda ayaa haatan sidii hore ka dagan, inkastoo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo magaalada Laascaanood iyo duleedkeeda, kuwaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa kasoo horjeedo ee dadka deegaanka.

Dhinaca kale waxaa socdo dadaallo la doonayo in lagu kala qaboojiyo xiisadda labada dhinac, si ay u dhaqan-gasho xabad-joojintii ay horay ugu dhawaaqday Somaliland.

Dagaalka Laascaanood ayaa kor u dhaafay illaa 10 cisho, kaas oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada.

Waxaa sidoo kale barakac sameeyay dadka deegaanka, kuwaas oo ay haatan soo wajhaday xaalad adag oo nololeed, maadaama aysan heysan hoy iyo wax ay cunaan.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi.

WARARKA MAANTA 11ka Feebaraayo 2023
Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweynaha Maamul Gobaleedka #Somaliland ee Jabhada #SNM Muuse Biixi u codsaday xabad-joojin kadib markii uu ogaaday jabkii ka soo gaaray dagaalkii gardarada ahaa ee uu ku soo qaaday Maamulka #KhaatumoState ee #SSC? Maxaase kalifay inuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele kala baxo ciidanka Jabuuti ee joogay gobalka Hiiraan? Maxay tahay sababta Madaxweynaha #Djibouti Ismaaciil Cumar Geele “Abuu0Xafaaya” uu ciidanka dalka Djabouti ugu soo diray Maamulka #Somaliland si ay u baab’iyaan Maamulka #KhaatumoState ee #SSC? Maxayse kashifeen Xisbiyada Mucaaradka dalka #Djibouti? Yaa runta qarin kara? Maxayse u shaqayn karin “Xukuummadda Kutaanta/Dhiqlaha” ee uu hoggaaminaayo Raysal Wasaafe Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye”? Yaa ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Yaa diidan in la sameeyo Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Maxayse beesha caalamka u diiday inay dhaqaallo siiso dowlaaddan “Kutaanta/Dhiqlaha”? Ha wiqleyso!
Turkiga 11ka Feebaraayo 2023 Afar qof oo hor leh oo Soomaali ah ayaa meydadkooda laga soo saaray 24-kii saac ee lasoo dhaafay burburka dhismayaasha hoostooda, kadib markii ay ku dhinteen dhul gariirkii Isniintii ka dhacay dalka Turkiga.
Dowladda Turkiga ayaa wali wadda dadaallada ay kusoo saarayaan maydadka ku hoos jira guryaha dumay.
Waxaa adag xaaladda dalkaas, waxaana dhimashada la sheegayaa inay kor u dhaaftay 18 kun oo qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 74 kun.
Khasaarahaan markii lagu daro dadka ku dhintay dhul gariirkii ka dhacay dalka Suuriya tirada dhimashadu waxay kor u dhaafeysaa 21 kun oo qof.
Ugu yaraan lix qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhul gariirka ku dhuftay dalka Turkiga, kuwaas oo afar kamid ah xalay meydadkooda la aasay.
Sidoo kale afar qof oo Soomaali ah ayaa lagu weysan yahay nolol iyo geeri, dadka maqan ayaa ku hoos jira burburka dhismayaasha, waxaana meelaha qaar ka dhacay dhul gariir hor leh.
Dr. Cabdicasiis Maxamuud oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Turkiga ayaa VOA u sheegay in ugu yaraan 10 gobol oo ka tirsan dalka Turkiga uu xalay ka dhacay Dhul-gariir kale, taas oo tirada khasaaraha sii badi karta.
Dr. Cabdicasiis ayaa wareysigaan ku sheegay in dhacdadaan ay aad u saameysay Soomaalida ku nool dalka Turkiga, gaar ahaan ardayda Jaamacadaha ka dhigata dalka Turkiga.
“Xiligaan waxaan u dhaqaaqeynaa in aan soo aasno afar ka mid ah walaalaha Soomaaliyeed inaan soo aasno meydkooda, afartaan qof waa reer Jabuuti oo Soomaali ayaan isku nahay, sidoo kale meydadka laba qof oo kale oo ayaguna Soomaali ah ayaa naloo soo wadaa, lixdaas ayaan geeridooda xaqiijinay hadda,” ayuu yiri Dr. Cabdicasiis.

Eritrea 11ka Feebaraayo 2023 Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugan magaalada Nairobi ayaa markii u horeysay xaqiijiyay in dalkiisa uu markale dib ugu biiri doono urur goboleedka IGAD.
Eritrea ayaa muddo ku siman 16 sanno ka maqnaa urur goboleedka IGAD, wuxuuna Afwerki uu hadda dadaal xoogan ugu jira hanashada xubinimadeedii ururka.
Madaxweynaha Eritrea iyo dhigiisa Kenya ayaa sidoo kale gaaray heshiis ay kamid yihiin sidii loo fudeyn lahaa socdaalka iyo xiriirka ganacsiga labada wadan ee Kenya iyo Eritrea, kadib kulamo ay maalmihii dambe ku lahaayeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
“Waxaan markale kusoo laabanayna IGAD inaga oo wadana fikrad ah in dib loo xoojiyo ururka isdhex-galka gobolka, si iskaashi kasta oo laba geesood ah oo macno leh oo dhexmara Eritrea iyo Kenya mid ka turjumaya isdhex-galka gobolka,” ayuu yiri madaxweyne Afwerki.
“Ma gaari karno yoolal laba geesood ah inaga oo aan haysan gobol si ballaaran isku dhex-galay, kaasi oo aan tobaneeyo sano ku riyoonay in aan abuurno, tani ma ah hal-abuur cusub ma ahan dib u abuuris, tani waa waajib.”
Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in uu dhigiisa Eritrea kala shaqeyn doono sidii ay Eritre markale ugu soo biiri laheyd urur goboleedka IGAD.
“Si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah iyo isdhex-galka gobolka, waxaa ka wada-hadlnay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhaxeeya labadeena dal, taasi darteed mudane madaxweyne (Afwerki) waxa si aad ah kaga mahad-celinaya sida ay kaga go’an tahay in aad dib u eegis ku sameyso ka qeyb-galka dalkaaga ee urur goboleedkeena IGAD.”
“Waxaa rajeynayaa in aan si dhow ula shaqeeyo adiga iyo dowladaha kale ee xubnaha ka ah IGAD, sidii aan dib ugu habeyn laheyn ugana dhigi laheyn urur si hufan uga jawaabaya ujeedkiisa.”
Eritrea ayaa waxaa waayadii ugu dambeeyay saarna cuna-qabateyno kala duwan, socdaalka uu Afwerki ku tegay Nairobi iyo xiriirka kala duwan ee uu la saxiixday madaxweynaha Kenya ayaa la fahamsan yahay in uu ka caawin karo xiligaan xal u helida mashaakilka dalkiisa ka haysta adduunka intiisa kale.
Afmadoow 11ka Feebaraayo 2023 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ku bilaawday qaraxyo Ismiidaamin ah oo kooxda Al-shabaab aroornimadii hore ee saakay ay ku qaaday Saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Kooxda Al-shabaab ayaa weerarka Ismiidaaminta ah u adeegsatay laba baabuur oo laga soo buuxiyay waxyabaaha, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray dagaalamayaal ka tirsan Al-sbabaab iyo ciidamadii ku sugnaa Saldhiga.
Qaraxyada iyo dagaalka isxigay ee Saakay ka dhacay gudaha degmada Afmadow ayaa lasoo warinaya iney geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow aysan jirin cid xaqiijisay khasaaraha rasmiga ah.
Ururka Al-Shabaab sheegatay masuuliyada weerarkan waxayna tilmaameen in xiliga uu weerarka ka dhacay Saldhiga ay shir ku lahayeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland, islamarkaana ay gaarsiyeen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Weerarkaan aroorninadii hore ee saakay ka dhacay degmada Afmadow ayaa imaanaya, iyadoo halkaasi ay ku sugnaayeen maalmahii lasoo dhaafay ciidamo tiro badan oo uu hoggaaminaayay wasiirka amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, kuwaas oo u diyaar garoobayay howlgalada ka dhanka Al-shabaabka ku sugan deegaanada Jubbaland.
Hiiraan 11ka Feebaraayo 2023 Cutubyo ka tirsan ciidamada dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa laga saaray gobolka Hiiaran, iyagoo dib ugu laabtay dalkooda. Ciidamadan oo fadhigeedu ahaa saldhiga degmada Jalalaqsi ayaa lagu ammaanay inay qeyb weyn ka qaateen gulufyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan, iyagoo xiriir wada shaqeyn ah la lahaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Qeybta 4-aad ee ATMIS Col. Xasan Jaamac Faarax, ayaa ku bogaadiyay ciidamadan sida ay u horumariyeen ujeeddooyinka howlgalka ee ah ilaalinta nabadda iyo xasilloonida aagga ay ka howlgalaan.
Col. Faarax ayaa ka codsaday ciidamada lagusoo beddelayo inay ku daydaan dhiggooda xilka kasii degaya, ayna xaqiijiyaan soo celinta nabadda iyo amniga goobaha ay ka howlgalayaan.
“Waxaan ku boorineynaa guutada imaaneysa inay si adag u shaqeeyaan oo ay gaaraan xitaa wax ka badan wixii horay loo qabtay,” ayuu raaciyay.
Muqdisho 11ka Feebaraayo 2023Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay holwgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada ku yaala Koonfurta gobolka Mudug.
Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dagaal xoogan iyo duqeymo isbarbar socday kadib ay ciidamada si buuxdo ula wareegeen deegaanka Doonyaale oo Al-shabaab u ahaa fariisin muhiim ah.
Taliye Biixi ayaa xusay in dagaalka uu ahaa mid culus oo socday mudo 8 saadadood ah, islamarkaana kooxda Al-shabaab looga dilay 117 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaashooda walina ciidamada huwanta ah ay ku daba jiraan firxadkooda.
“Halkaan cadowga ku weerarnay waxay ku lahaayeen saldhigyo waaweyn, dagaalkii ugu cuslaa oo waayahaan aan la galno Khawaarijta ayaa dhacay, afar goobood ayaan ka kicinay, welina waa noo hareereysan yihiin oo waxaa naga go’an in halkaan ku soo afjarno, runtii waxaa ka dhacay duqeymo aad u fara badan nimankii Khawaarijta ahaa gododka ayaa loogu galay oo laga saaray” ayuu yiri Jenaraal Biixi.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Taliyaha ciidanka dhulka in dagaalamyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku go’doomiyeen Koonfurta gobolka Mudug, islamarkaana ay gaajo, haraad iyo sahay la’aan u dhiman doonaan.
“Waxaan u xaqiijinayaa dadka Soomaaliyeed in meydadka 117 ka mid ah Khawaarijta aan dul istaagnay, dagaalka oo ahaa mid culus aragagixisada uma suurta gelin iney meyd iska daaye inay dhaawac qaataan” ayuu yiri Taliye Biixi.
https://www.youtube.com/watch?v=FPfS8jEjtuc

WARARKA MAANTA 10ka Feebaraayo 2023

Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta Madaxweynaha #Djibouti Ismaaciil Cumar Geele “Abuu0Xafaaya” uu ciidanka dalka Djabouti ugu soo diray Maamulka #Somaliland si ay u baab’iyaan Maamulka #KhaatumoState ee #SSC? Maxayse kashifeen Xisbiyada Mucaaradka dalka #Djibouti? Yaa runta qarin kara? Maxayse u shaqayn karin “Xukuummadda Kutaanta/Dhiqlaha” ee uu hoggaaminaayo  Raysal Wasaafe Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye”?  Yaa ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Yaa diidan in la sameeyo Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Maxayse beesha caalamka u diiday inay dhaqaallo siiso dowlaaddan “Kutaanta/Dhiqlaha”? Ha wiqleyso!

Amnesty Feebaraayo 2023 Iyadoo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool uu galay maalintii Shanaad oo xiriir ah ayaa waxaa isa soo tarayo baaqyada kala duwan ee ku aadan joojinta dagaalka Laascaanood.

Hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegeyso iney ka walaacsan tahay xaalada laga soo sheegayo magaalada Laascaanood ee sababtay dhimashada, burburka iyo barakaca baahsan ee ka dhashay dagaalka Laascaanood ku dhexmaraya maalintii Shanaad oo xiriir ah ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka Laascaanood.

“Waxaan si dhow ula soconaa dhibaatada ka taagan Laascaanood, waxaan aad uga argagaxnay warbixinada sheegaya in dad badan la dilay, la dhaawacay, lana barakiciyay, iyo burbur soo gaaray guryo iyo Isbitaal” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Amnesty International.

Qoraalka kasoo baxay Amnesty International ayaa loogu baaqay dhinacyada isku haaya dagaalka ka socda magaalada Laascaanood iney deg deg u joojiyaan xadgudubyada iyo dilalka sharci darada ah.

Warkaan kasoo baxay Amnesty International ayaa imaanaya, iyadoo horay baaqyo kala duwan oo lagu dalbanaayo in deg deg loo jiijiyo dagaalka Laascaanood ay soo sareen dowladda Fedaraalka Soomaaliya, Mareykanka, Qaramada Midoobay, iyo Beesha Caalamka.

Muqdishod 10ka Feebaraayo 2023  Taliska Booliska Saldhigga Degmada Dharkenleey ayaa gacanta kusoo dhigay saddex nin oo la sheegay in hab yaab leh ku dhacayay dadka barakacayaasha ah ee ku nool duleedka magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska booliska ayaa waxaa lagu sheegay in raggaan ay ku dhacayeen dadka barakacayaasha ah kaarar been-abuur ah, iyaga oo sheegaya inay ka tirsan yihiin hay’adaha gar-gaarka.

“Waxay dadka u sheegayeen in ay yihiin hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka, waxay ka aruursanayeen lacago dadka danyarta ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in raggaani ay lacag min 10 dollar ah ka qaadayeen dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho, kadibna u qeybiyay kaarar been ah, una sheegay in ay dhawaan heli doonaan deeq lacageed iyo raaashin.

“Waxay dadka u sheegayeen in ay yihiin hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka, waxay ka aruursanayeen lacago dadka danyarta ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in raggaani ay lacag min 10 dollar ah ka qaadayeen dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho, kadibna u qeybiyay kaarar been ah, una sheegay in ay dhawaan heli doonaan deeq lacageed iyo raaashin.

Maamulka Somaliland 0ka Feebaraayo 2023 Tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood, xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay la sheegaya in ay bedeshay qorshaheedii weerar ee magaalada Laascaanood.

Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in xuddunta qorshaha cusub ee Somaliland uu yahay waddada Yagoori ilaa Dhooddi oo hadda ay sahaydu u soo marto ciidamada Somaliland. Nin lagu magacaabo Mahad Cambaashe oo isagu u xil-saaran ilaalinta sahayda ayaa waxaa loo dhiibay fulinta qorshahan cusub.

Sahayda uu Mahad Cambaashe soo gudibnteeda u xil-saaran yahay ayaa waxaa loo soo wadaa Tukaraq oo ah meesha ay Somaliland weerarka kaga soo qaadayo magaalada Laascaanood.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in isbeddelka qorshaha dagaal uu sababay sida uu maamulka Muuse Biixi u fasirtay war-murtiyeedkii kasoo baxay Puntland, kaasi oo ay ku cadeysay inaysan qeyb ka aheyn dagaalka ka socda Laascaanood.

Somaliland waxay u aragta hadalka Puntland mid u fududeynaya inay hub, saanad iyo ciidan ku soo urursato si ay u soo weerarto magaalada iyo kuwa kale ay isku hayaan maamulka.

Mahad Cambaashe oo ah ninka Somaliland u xil-saartay qorshaha cusub ayaa waxa uu durtaba dhaleeceyn xoogan kala kulmaya beeshiisa, ayaga oo sheegay in shaqada hadda uu hayo ka halis badan tahay tii uu hayay markuu Laascaanood joogay.

“Mahad Cambaashe halis weyn ayuu beeshiisa galinayaa haddii uu shaqada sahay ilaalinta sii wado waayo dagaalku wuu sii daba-dheeranayaa maadaama hal beel oo Laascaaood degta ay dagaal kula jirto beelo badan oo isku hayb ah,” ayuu yiri nin la hadlay warbaahinta gudaha oo ku sugan Laascaanood.

Masuul hore uga tirsanaa golaha deegaanka degmada Laascaanood oo isaguna arrintaan ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Halista qorshaha Tukaraq haddii aan laga hortagin oo aan lagu baraarugin, waxaa dhici doonta isir sifayn uu Muuse Biixi ku taamayo.”

Saraakiisha ciidamada Somaliland ayaa xiligaan ujeedkooda u weyn uu yahay in dagaal uusan ka dhicin galbeedka Sool, dhulkaasi oo uu saadku u soo maro ahna meesha ay ciidamada Somaliland ka hagayaan qorshaha dagaalka Laascaanood.

Muqdishod 10ka Feebaraayo 2023 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee ku jira dagaalka ay marwalba qabaan laba faa’iido.

Xamza ayaa sheegay haddii ay ciidamada dalka dhaafiyaan Al-Shabaab ay tahay guulo taariikhi ah oo waqti badan lagu noolaan doonaan, haddii ay dhintaan iyaga oo difaacaya dalka, diinta iyo dadka ay yihiin shuhado. “Mar haddii ay Khawaarij yihiin (Shabaab) waxaa idinka (Ciidamada) idin sugeysa laba mid uun, waa guul ama waa shahaado. Idinka waxaa sugeysaan in aad guuleysataan oo dalka xoreysaan oo Khawaarijta ka adkaatan ama in aad shahiidaan sida ay u shahiideen walaaladiin,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

“Waa laba arrimood oo kala dhigan, ama waa ina aad Jano tagto ama in aad guuleysato oo ka adkaato adiga oo ajarkii xambaarsan, sow labadu ma fiican. Laakiin iyagu maxay sugayaan in Ilaahay cadaab idinku dhufto oo ku Aakhiro iyo ku Adduun, ama gacanteena Alle idinku cadaab oo anagu idin dilno.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Arbacadii saldhigga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Kumaandooska DANAB, isaga oo ku bogaadiyay sida ay diyaarka ugu yihiin xoreynta dalka.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo cirib-tirka Khawaariijta, ayaa sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu ku amaanay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda oo iyadu ka talin jirtay qeybo kamid ah dalka.

Nairobi 10ka Feebaraayo 2023 Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo ah guddoomiyaha urur siyaasadeedka Shacabka ee Somaliland, ayaa xukuumada ugu baaqay in ay millatariga ka saarto gobolka Sool. Xaglatoosiye ayaa dhaliilay sidii ay xukuumadu uga jawaabtay shacabkii ka gadooday dilalka Laascaanood, isaga oo dhashay in anay ahayn in shacabka xabad loo isticmaalo.

“Shacab kaasi kacdoon ayay sameeyeen ay ku diidanyihiin sida ay wax u socdaan, iyo sida maamulku ugu guuldaraystay sugida amnigooda, taasina waxay dhashay halkii garowshiyo laga sugayay in dad masaakiina oo dhagax tuuraya ay Muuse iyo gacan yarayaashiisu laayaan” ayuu yidhi Xaglatoosiye.

Waxa uu sheegay in erayga argagixiso ee xukuumada Somaliland ay isticmaalaysa uu muujinayo cadowtinimo, waxa uu sheegay in Laascaanood anay argagixiso joogin lakiin, dadkii deegaanku ay dagaalamayaan.

Waxa uu inta ku daray in anay xabadi xal ahayn, isaga oo sheegay in ay ahayd in xukuumadu kala baxdo ciidamadeeda gobolka, si buu yidhi wadahadalka loo siiyo deegaan nabdoon, waxa uu ku baaqay in Somaliland ciidankeeda  la baxdo oo dadka taladooda loo ogolaado.

Xaglatoosiye waxa uu xusay in anay jirin dowlad joojin karta kacdoonka shacabka, wuxuuna intaa ku daray in madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha guduhu ay arrinta xogogaal u yihiin, oo ay hore usoo mareen, lakiin aanu ka filanayn in ay maanta xoog isticmaalaan.

Xaglatoosiye ayaa hore u hogaamin jiray jabhad la odhan jiray SSC, kadibna wuxuu heshiis la galay xukuumadii Siilaanyo, isaga oo soo noqday wasiirada caafimaadka iyo dib u dajinta, imika waa guddoomiyaha ururka Shacabka ee Somaliland.

Muqdisho 9ka Feebaraayo 2023 32 sano kadib, ugu dambayntii waxaa maanta si rasmi ah loo furayaa safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee London ee UK.Safaaradda oo ku taal Winchester House oo ah Waddada Old Marylebone, ayaa bixin doonta adeegyada muhiimka ah ee lagu qiyaaso 500,000 oo qurbo-joog Soomaaliyeed ah oo ku nool United Kingdom (Boqortooyada Ingiriiska).

Xafladda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Cabdulqaadir Axmedkheyr Cabdi, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ingiriiska, iyo sidoo kale dhaq-dhaqaaqa iyo Modelka Soomaaliyeed ee caanka ah Sabrina Dhowre iyo Saygeeda Jilaaga Idris Elba.

Munaasabadan oo ah mid si weyn loo wada sugayay ayaa noqon doonta mid bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan UK ay baahi weyn u qabaan.

Waxaa lagu tilmaamay inay tahay tallaabo lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Safaaradda ayaa taageero iyo kaalmooyin kala duwan u fidin doonta bulshada Soomaaliyeed, sida adeegyada qunsuliyadda, habaynta fiisaha iyo munaasabadaha dhaqanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa furitaanka safaaradeeda magaalada London u aragta mid ka dhigan bog cusub oo u furmay xiriirka labada dal, waxayna rajeynaysaa in ay saameyn wanaagsan ku yeelan doonto bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Hirshabelle 9ka Feebaraayo 2023 Odayaal iyo waxgarad ka tirsan beesha Xawaadle oo maalmihii dambe uu shir uga socday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa madaxda maamulka HirShabelle u diray digniin culus.

Odayaasha iyo waxgaradka Xawaadle ayaa si adag uga soo horjeeda in dhismaha golaha deegaanka degmada Jowhar loo maro hab cadaaladda ka fog, iyaga oo maamulka uga digay in dhismaha golaha uu saleeyo habkii awood qeybsi ee sanadkii 1993-dii

Waxay sheegeen in xiligaasi dalka dowlad ka jirin, islamarkaana beesha Xawaadle colaado ka jirtay dalka ay kaga maqneyd fadhiga dhismahii golaha deegaanka ee Jowhar ee sanadkaas.

“Golihii deegaanka degmada Jowhar ee la dhisay waqtiyadii kala duwana ee dowladahii dalka soo maray beesha Xawaadle waxa ay ku laheyd door muuqato, haatana waxay u taagan tahay helitaanka xaquuqdii ay ku laheyd golaha.”

Odayaasha iyo waxgaradka Xawaadle ayaa waxa kale oo ay ugu baaqeen madaxda maamulka HirShabelle in dhismaha golaha deegaanka degmada Jowhar laga fiirsado oo shanta beelood loogu qeybiyo si cadaalad ku dheehan tahay.

Arrintan ayaa imaneysa, xilli uu khilaaf xoogan ka taagan yahay hab dhismeedka loo marayo golaha deegaanka degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Muqdisho 9ka Feebaraayo 2023 Waxaa weli isa soo taraya khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay dhulgariirkii ku dhuftay dalka Turkiga, kaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof.

Dadka ku dhintay musiibadan waxaa kamid ah Soomaali ku nooleyd waddanka Turkiga oo qaarkood ahaa arday wax ka baraneysay gudaha dalkaas.

Wararka ayaa sheegaya in meydadka haatan lasoo saaray ay ku jiraan arday Soomaaliyeed oo ku dhintay dhismayaasha soo dumay, kuwaas oo laba gaarayo.

Mid kamid ah marxuumiinta meydadkooda la helay waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Cismaan, sida uu VOA u sheegay walaalkii Cabdiraxiin Nuur Cismaan.

Cabdiraxiin ayaa sheegay in walaalkiis uu kamid ahaa ardayda ku nool dalka Turkiga, isla-markaana xilliga uu dhacayay dhulgariirka uu ku sugnaa mid kamid ah magaalooyinka halakeeyay, isaga oo tilmaamay inuu booqasho ugu tegay rag kale oo ay saaxibo ahaayeen, balse uu ku soo dumay dabaqii ay daganaayeen, kadib dhulgariirka ku dhuftray Turkiga.

“Maxamed meesha waxa uu u joogay waxbarasho waxaa lagu jiray fasaxiim wuxuuna buuqasho ugu tegay rag ay saaxibo yihiin oo ku sugan magaalada uu dhul gariirku haleelay dabaqii ay ku jireen waa uu ku dumay Allaha u naxariisto,” ayuu yiri Cabdiraxiin Nuur.

Dhanka kale kooxaha gurmadka ee dalka Turkey, ayaa weli wada howlaha samatabixinta waxayna dadka ka raadiyaan burburka dhismayaal soo dumay, si loo soo saaro meydadka.

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dhul-gariirka ayaa haatan maraya illaa 12 oo kun oo qof, sida ay shaacisay dowladda dalkaasi oo la daala dhaceysa xaalad adag.

Si kastaba, waa dhul-gariirkii ugu khasaaraha badnaa ee ku dhufta dalka Turkiga, kaas oo sababay dhimashadii ugu badneyd, maadaama ay ka dhalatay saameyn baaxad leh.

Muqdisho 9ka Feebaraayo 2023 Dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool ayaa galay maalintii afaraad oo xiriir ah, waxaana markale uu dagaalka dib uga bilowday qaybo kamid ah gudaha magaaladaas oo ay isku hayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu haatan ka socdo aagga xerada Qooja-cadde, waxaana rogaal celin sameeyay ciidanka Somaliland oo shalay dib loo riixay.

Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay isku adeegsadaabn hub culus iyo sidoo kale madaafiic ku soo dhaceysa xaafadaha qaar ee magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa dadka yar ee ku haray gudaha Laascaanood ay saaka bilaabeen inay isaga tagaan halkaasi, maadaama uu dagaalka kasii daraym uuna galay maalintii 4-aad.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in afarta maalin ee dagaalka uu socdo ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato.

Dhaawacyada qaar waxaa la geeyey magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo ay ka heleen gurmaad caafimaad oo ay u sameysay Puntland.

WARARKA MAANTA 9ka Feebaraayo 2023

Su’aalaha Maanta: Yaa diidi kara maanta in Abgaal uu dulimiyey Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud habka awood qaybsiga iyo shaqo siinta? Yaa maanta diidan in #Maqaamka #Muqdisho la dhiso waa Madaxweyne Xassane Shiikh? Yaa diidan maanta in shacabka #KhaatumoState ee #SSC loo aqoonsado sida #Maamulka #Somaliland weli diidan calanka baluuga ee #Soomaaliya? Yaa shacabka Soomaaliyeed been iyo huuhaa dembe ku siri doona?  Maxayse u shaqayn karin “Xukuummadda Kutaanta/Dhiqlaha” ee uu hoggaaminaayo  Raysal Wasaafe Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye”?  Yaa ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Yaa diidan in la sameeyo Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Maxayse beesha caalamka u diiday inay dhaqaallo siiso dowlaaddan “Kutaanta/Dhiqlaha”? Ha wiqleyso!

Laascaanood 9ka Feebaraayo 2023 Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo ah guddoomiyaha urur siyaasadeedka Shacabka ee Somaliland, ayaa xukuumada ugu baaqay in ay millatariga ka saarto gobolka Sool. Xaglatoosiye ayaa dhaliilay sidii ay xukuumadu uga jawaabtay shacabkii ka gadooday dilalka Laascaanood, isaga oo dhashay in anay ahayn in shacabka xabad loo isticmaalo.

“Shacab kaasi kacdoon ayay sameeyeen ay ku diidanyihiin sida ay wax u socdaan, iyo sida maamulku ugu guuldaraystay sugida amnigooda, taasina waxay dhashay halkii garowshiyo laga sugayay in dad masaakiina oo dhagax tuuraya ay Muuse iyo gacan yarayaashiisu laayaan” ayuu yidhi Xaglatoosiye.

Waxa uu sheegay in erayga argagixiso ee xukuumada Somaliland ay isticmaalaysa uu muujinayo cadowtinimo, waxa uu sheegay in Laascaanood anay argagixiso joogin lakiin, dadkii deegaanku ay dagaalamayaan.

Waxa uu inta ku daray in anay xabadi xal ahayn, isaga oo sheegay in ay ahayd in xukuumadu kala baxdo ciidamadeeda gobolka, si buu yidhi wadahadalka loo siiyo deegaan nabdoon, waxa uu ku baaqay in Somaliland ciidankeeda  la baxdo oo dadka taladooda loo ogolaado.

Xaglatoosiye waxa uu xusay in anay jirin dowlad joojin karta kacdoonka shacabka, wuxuuna intaa ku daray in madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha guduhu ay arrinta xogogaal u yihiin, oo ay hore usoo mareen, lakiin aanu ka filanayn in ay maanta xoog isticmaalaan.

Xaglatoosiye ayaa hore u hogaamin jiray jabhad la odhan jiray SSC, kadibna wuxuu heshiis la galay xukuumadii Siilaanyo, isaga oo soo noqday wasiirada caafimaadka iyo dib u dajinta, imika waa guddoomiyaha ururka Shacabka ee Somaliland.

Muqdisho 9ka Feebaraayo 2023 32 sano kadib, ugu dambayntii waxaa maanta si rasmi ah loo furayaa safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee London ee UK.Safaaradda oo ku taal Winchester House oo ah Waddada Old Marylebone, ayaa bixin doonta adeegyada muhiimka ah ee lagu qiyaaso 500,000 oo qurbo-joog Soomaaliyeed ah oo ku nool United Kingdom (Boqortooyada Ingiriiska).

Xafladda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Cabdulqaadir Axmedkheyr Cabdi, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ingiriiska, iyo sidoo kale dhaq-dhaqaaqa iyo Modelka Soomaaliyeed ee caanka ah Sabrina Dhowre iyo Saygeeda Jilaaga Idris Elba.

Munaasabadan oo ah mid si weyn loo wada sugayay ayaa noqon doonta mid bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan UK ay baahi weyn u qabaan.

Waxaa lagu tilmaamay inay tahay tallaabo lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Safaaradda ayaa taageero iyo kaalmooyin kala duwan u fidin doonta bulshada Soomaaliyeed, sida adeegyada qunsuliyadda, habaynta fiisaha iyo munaasabadaha dhaqanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa furitaanka safaaradeeda magaalada London u aragta mid ka dhigan bog cusub oo u furmay xiriirka labada dal, waxayna rajeynaysaa in ay saameyn wanaagsan ku yeelan doonto bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Hirshabelle 9ka Feebaraayo 2023 Odayaal iyo waxgarad ka tirsan beesha Xawaadle oo maalmihii dambe uu shir uga socday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa madaxda maamulka HirShabelle u diray digniin culus.

Odayaasha iyo waxgaradka Xawaadle ayaa si adag uga soo horjeeda in dhismaha golaha deegaanka degmada Jowhar loo maro hab cadaaladda ka fog, iyaga oo maamulka uga digay in dhismaha golaha uu saleeyo habkii awood qeybsi ee sanadkii 1993-dii

Waxay sheegeen in xiligaasi dalka dowlad ka jirin, islamarkaana beesha Xawaadle colaado ka jirtay dalka ay kaga maqneyd fadhiga dhismahii golaha deegaanka ee Jowhar ee sanadkaas.

“Golihii deegaanka degmada Jowhar ee la dhisay waqtiyadii kala duwana ee dowladahii dalka soo maray beesha Xawaadle waxa ay ku laheyd door muuqato, haatana waxay u taagan tahay helitaanka xaquuqdii ay ku laheyd golaha.”

Odayaasha iyo waxgaradka Xawaadle ayaa waxa kale oo ay ugu baaqeen madaxda maamulka HirShabelle in dhismaha golaha deegaanka degmada Jowhar laga fiirsado oo shanta beelood loogu qeybiyo si cadaalad ku dheehan tahay.

Arrintan ayaa imaneysa, xilli uu khilaaf xoogan ka taagan yahay hab dhismeedka loo marayo golaha deegaanka degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Muqdisho 9ka Feebaraayo 2023 Waxaa weli isa soo taraya khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay dhulgariirkii ku dhuftay dalka Turkiga, kaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof.

Dadka ku dhintay musiibadan waxaa kamid ah Soomaali ku nooleyd waddanka Turkiga oo qaarkood ahaa arday wax ka baraneysay gudaha dalkaas.

Wararka ayaa sheegaya in meydadka haatan lasoo saaray ay ku jiraan arday Soomaaliyeed oo ku dhintay dhismayaasha soo dumay, kuwaas oo laba gaarayo.

Mid kamid ah marxuumiinta meydadkooda la helay waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Cismaan, sida uu VOA u sheegay walaalkii Cabdiraxiin Nuur Cismaan.

Cabdiraxiin ayaa sheegay in walaalkiis uu kamid ahaa ardayda ku nool dalka Turkiga, isla-markaana xilliga uu dhacayay dhulgariirka uu ku sugnaa mid kamid ah magaalooyinka halakeeyay, isaga oo tilmaamay inuu booqasho ugu tegay rag kale oo ay saaxibo ahaayeen, balse uu ku soo dumay dabaqii ay daganaayeen, kadib dhulgariirka ku dhuftray Turkiga.

“Maxamed meesha waxa uu u joogay waxbarasho waxaa lagu jiray fasaxiim wuxuuna buuqasho ugu tegay rag ay saaxibo yihiin oo ku sugan magaalada uu dhul gariirku haleelay dabaqii ay ku jireen waa uu ku dumay Allaha u naxariisto,” ayuu yiri Cabdiraxiin Nuur.

Dhanka kale kooxaha gurmadka ee dalka Turkey, ayaa weli wada howlaha samatabixinta waxayna dadka ka raadiyaan burburka dhismayaal soo dumay, si loo soo saaro meydadka.

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dhul-gariirka ayaa haatan maraya illaa 12 oo kun oo qof, sida ay shaacisay dowladda dalkaasi oo la daala dhaceysa xaalad adag.

Si kastaba, waa dhul-gariirkii ugu khasaaraha badnaa ee ku dhufta dalka Turkiga, kaas oo sababay dhimashadii ugu badneyd, maadaama ay ka dhalatay saameyn baaxad leh.

Muqdisho 9ka Feebaraayo 2023 Dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool ayaa galay maalintii afaraad oo xiriir ah, waxaana markale uu dagaalka dib uga bilowday qaybo kamid ah gudaha magaaladaas oo ay isku hayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu haatan ka socdo aagga xerada Qooja-cadde, waxaana rogaal celin sameeyay ciidanka Somaliland oo shalay dib loo riixay.

Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay isku adeegsadaabn hub culus iyo sidoo kale madaafiic ku soo dhaceysa xaafadaha qaar ee magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa dadka yar ee ku haray gudaha Laascaanood ay saaka bilaabeen inay isaga tagaan halkaasi, maadaama uu dagaalka kasii daraym uuna galay maalintii 4-aad.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in afarta maalin ee dagaalka uu socdo ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato.

Dhaawacyada qaar waxaa la geeyey magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo ay ka heleen gurmaad caafimaad oo ay u sameysay Puntland.

WARARKA MAANTA 8da Feebaraayo 2023

Su’aalaha Maanta: Yaa been iyo turufo wax uga qaadi kartaa Maamulka #Somaliland oo xitaa ay shaqayn weysay laaluushkii ay siinayeen warbaahinta dalka oo diiday inay runta iyo xaqa qariso? Yuu wax u qaban karaa Madaxweynaha Djibouti Kaligiis-Talis Ismaaiil Cumar Geele oo xitaa gabdhihiisa waxba u qaban karin ayadoo lacagtii shacabka Jabuuti ay ka dhaceen ay kula baashaalayso nin madoow oo u dhashay Galbeedka Afrika? Iyo Mid intii uu ka furo ninkeeda haddana ku daro nin kale asagoo u jeedkiisa ah inuu sii qaso #Soomaaliya? Maxayse u shaqayn karin “Xukuummadda Kutaanta/Dhiqlaha” ee uu hoggaaminaayo  Raysal Wasaafe Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye”?  Yaa ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Yaa diidan in la sameeyo Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Maxayse beesha caalamka u diiday inay dhaqaallo siiso dowlaaddan “Kutaanta/Dhiqlaha”? Ha wiqleyso!

Jowhar  8da Feebaraayo 2023 Odayaal iyo waxgarad ka tirsan beelweynta Xawaadle oo sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay shir uga socday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka digay in dhismaha Golaha deegaanka degmada Jowhar loo maro hab Cadaaladda ka fog.Waxgaradka Beesha Xawaadle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa uga digay madaxda maamulka Hirshabeelle iyo Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee Hirshabeelle ineysan hab dhismeedka Golaha deegaanka degmada Jowhar aysan ku saleynin habkii awood qeybsi ee sanadkii 1993-dii oo ay sheegeen in xiligaasi dalka dowlad ka jirin, islamarkaana Beesha Xawaadle colaado ka jiray dalka ay kaga maqneyd fadhiga dhismahii Golaha deegaanka ee Jowhar ee sanadkaas.

Odayaasha Beesha Xawaadle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ugu baaqay madaxda maamulka Hirshabeelle in dhismaha Golaha deegaanka laga fiirsado oo shanta beelood loogu qeybiyo si cadaalad ku dheehan tahay.

Waxaa sidoo kale waxgaradka Beeshaani ay sheegeen in Golahii deegaanka degmada Jowhar ee la dhisay waqtiyadii kala duwana ee dowladahii dalka soo maray ay beesha Xawaadle door muuqato ku laheyd haatana ay u taagan tahay helitaanka xaquuqdii ay ku laheyd Golaha.

Warkaan kasoo baxay odayaasha iyo waxgaradka Beesha Xawaadle ee gobolka Shabeellaha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo qilaaf xoogan uu ka taagan yahay hab dhismeedka loo marayo Golaha deegaanka degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Lascaanood 8da Feebaraayo 2023 Duqa degmada Laascaanood ee Somaliland, Cabdirixiin Cali Ismaaciil, ayaa markii ugu horraysay kasoo muuqday saxaafadda tan iyo markii Laascaanood uu billowday dagaal u dhaxeeyaa Somaliland iyo ciidanka SSC. Duqa iyo xildhibaano katirsan golihiisa deegaanka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay xasuuq ba’an ka geysanayaan goobaha shacabka.

Waxay hadalkooda ku sheegeen in xarumihii dadweynaha sida isbitaalada, masaajidda iyo kaalimaha shidaalka lagu garaacay madaafiic ay adeegsanayaan ciidamada Soomaliland.

“Waxaanu caddaynaynaa in la duqeynayo goobihii caafimaadka, in la duqaynayo masaajiddadii, in la duqaynayo kaalmihii shidaalka iyo guryahii dadka shacabka yaaleen. Halkaan aan taagannahay waa cusbitaalkii Laascaanood. Madfac baa ku dhacay. Waxaa ku waxyeeloobay hooyo ummul ah. Masaajidadii ayaa gubanaya.” sidaasi waxaa yiri duqa Laascaanood.

Cabdirixiin Ismaaciil waxa uu been abuur ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Somaliland oo ahaa inay magaalada Laascaanood kula dagaalamayaan argigixiso, wuxuuna sheegay in waxa dagaalamaya ay yihiin ciidamada Somaliland iyo shacabka Laascaanood.

“Waxaan caalamka u caddaynaynaa anigoo ah duqii Laascaanood, inaan Laascaanood argigixiso ka dagaalamayn. Waxaa dagaalamaya waa shacabkii Laascaanood oo naftooda iyo cirdigooda difaacaya. Xasuuq baa socda,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Duqa Laascaanood ayaa ugu dambayn ugu baaqay ciidamada Somaliland inay isaga baxaan magaalada Laascaanood.

Muqdisho 8da Feebaraayo 2023 Safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe Muqdisho ka waday dhaq-dhaqaaq siyaasadeed, isaga oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sare ee dalka.

Safiirka Qatar Amb. Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa shalay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ugu tagay Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Xamza Aadan Xaadoow, kaasi oo dhawaan uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xoghayaha joogtada iyo safiirka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga ka dhaxeeya ee dhinacyada diblumaasiyadda, horumarinta iyo gargaarka.

Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday booqashada madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu horraanta bisha Maarso ku tegi doono dalka Qatar.

Safiirka Qatar Amb. Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa xoghayaha la wadaagay diyaar garowga ay dowladdiisu ugu jirto soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Kulankan ayaa waxa labada masuul ku wehlinayay agaasimaha habmaamuuska qaranka Abukaate Xirsi Xaaji Culusow iyo agaasimaha waaxda Carabta wasaaradda arrimaha dibadda Mustaf Aadan Dagaal iyo sidoo kale saraakiil ka socotay safaaradda Qatar.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha carbeed midda ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

Muqdisho 8da Feebaraayo 2023 Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Isniintii ansixiyay Sharciga Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kaasi oo ay horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayey Golaha marsiiyeen illaa saddex akhrin oo ay uga doodayeen Sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Isniintii ansixiyay Sharciga Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kaasi oo ay horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayey Golaha marsiiyeen illaa saddex akhrin oo ay uga doodayeen Sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA.

Haddaba, waxaa warbixinteena ku eegayna afar arrimood oo muhiim ah oo la xiriira sharci noqoshada NISA, dhinaca kalana faa’iido u ah muwaadinka Soomaaliyeed.

1. Indho sharci iyo isla-xisaabtan: Hay’ad awoodaas leh oo sharci aan laheyn waxay halis ku tahay cid walba, siyaasi, shacab iyo xitaa nidaamka dowladnimada.

Qof walba wuxuu u bahaan yahay inuu ogaan karo waxa uu xaqa u leeyahay iyo waxa xaqa loogu leeyahay.

Maanta ka hor qofna indho sharci ah kuma eegi karin NISA, laakiin maanta waa naqdin kartaa waana u gar-dhigan karta.

2. Xuquuqda: Haddii aan sharci jirin xuquuqna ma jiri karto.

Qof walba wuxuu u bahaan yahay inuu ogaan karo waxa uu xaqa u leeyahay iyo waxa xaqa loogu leeyahay.

Maanta ka hor qofna indho sharci ah kuma eegi karin NISA, laakiin maanta waa naqdin kartaa waana u gar-dhigan karta.

2. Xuquuqda: Haddii aan sharci jirin xuquuqna ma jiri karto.

Sidoo kale qof walba oo berri NISA xukumi doona wuxuu haysta nuqulkii isaga hagi lahaa, dalkana uu ku hagi lahaa.

Sharcigu maanta iyo berri-ba wuxuu ilaalinaya dalka, dadka iyo dowladnimada.

Agaasimaha NISA, Mahad Salaad oo siddeed billood xafiiska jooga ayaa ku dhiiraday in NISA ay sharci yeelato, waxaana ansixinta Golaha Shacabka kadib sharcigan loo gudbin doona Aqalka Sare oo maamul goboleedyada metela, si ay u fiiriyaan.

Muqdisho 8da Feebaraayo 2023 Ergeyga QM ee xuquuqda aadanaha Volker Türk ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in baaritaan madax-banaan, wax ku ool ah islamarkaana dhex-dhexaad ah lagu sameeyo dadka lagu dilay dagaalka magaalada Laascaanood.

Dagaalkaas oo qarxay Isniintii ayaa waxaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen 40 qof, ayada oo ku dhowaad 140 kale ay ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyey agaasimaha isbitaalka Laascaanood Axmed Maxamed Xasan. 

Ergeyga QM ee xuquuqda aadanaha Volker Türk ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in baaritaan madax-banaan, wax ku ool ah islamarkaana dhex-dhexaad ah lagu sameeyo dadka lagu dilay dagaalka magaalada Laascaanood.

Dagaalkaas oo qarxay Isniintii ayaa waxaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen 40 qof, ayada oo ku dhowaad 140 kale ay ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyey agaasimaha isbitaalka Laascaanood Axmed Maxamed Xasan. 

“Ugu yaraan 20 qof ayaa la dilay, qiyaastii 119 kalena waa lagu dhaawacay – oo ay ka mid yihiin caruur – dagaalka u dhaxeeya ciidamada ammaanka iyo qabaa’ilka deegaanka ee magaalada Laascaanood,” ayuu yiri Türk.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ka walaacsan yahay in isku dhacyada weli ay socdaan, ayna jiraan warbixino sheegaya khasaare dheeraad ah.

Hadalka QM kasoo baxaya ayaa ah mid miisaan culus, wuxuuna imanaya ayada aoo ciidamada Somaliland horey loogu eedeeyey inay shacab ku dileen magaalada.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka Laascaanood, islamarkaana aan la aqbali karin dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo macno-darro ku daata.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mushkiladda ka taagan Sool iyo Sanaag uu xalkeedu yahay mid siyaasadeed, islamarkaana uu ku dhex jiro siyaasadda guud ee lagu raadinayo midnimada Soomaaliya.

Lascaanood 8da Feebaraayo 2023 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalka ka ka socdo magaalada Laascaanood, kaas oo galay maalintii saddexaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu marke saaka dib uga bilowday Laascaanood, wuxuuna ku fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalka ka ka socdo magaalada Laascaanood, kaas oo galay maalintii saddexaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu marke saaka dib uga bilowday Laascaanood, wuxuuna ku fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac.

Sidoo kale labada dhinac ayaa helaya gurmadyo, ayada oo uu haatan sii xoogeysanayo dagaalka ka socdo halkaasi.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u cakiran, waxaana dagaalladan ay saameyn ku yeesheen dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.

Dhanka kale waxa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana Beesha Caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wadahadalo.

Dhankeeda Qaramada Midoobay oo war soo saartay ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa haatan mareysa meeshii ugu darneyd, waxaana kordhaya waxyeelada ka dhalaneysa dagaallada ka socdo gudaha magaaladaasi.

Muqdisho 8da Feebaraayo 2023  Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa maanta ciidamo cusub kasoo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo kamid noqonaya howlgalka Midowgga Afrika ee ATMIS ee ka socdo gudaha Soomaaliya.

Ciidamadan cusub ayaa ka yimid waddanka Ghana, waxayna ku biiriyaan ciidanka Booliska ATMIS ee haatan ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Tiro ahaan ciidamadan waxaa lagu qiyaasay illaa 50 askari oo Boolis ah, kuwaas oo lagu soo dhoweeyay xerada Xalane ah oo ah taliska guud ee ciidanka howlgalka Midowga Afrika.

Sidoo kale ciidamadan ayaa u yimid in ay qayb ka noqdaan howlgallada nabad ilaalinta ee ka socdo gudaha Soomaaliya, si ay u xoojiyaan ciidanka horay u joogay gudaha dalka.

Tiro ahaan ciidamadan waxaa lagu qiyaasay illaa 50 askari oo Boolis ah, kuwaas oo lagu soo dhoweeyay xerada Xalane ah oo ah taliska guud ee ciidanka howlgalka Midowga Afrika.

Sidoo kale ciidamadan ayaa u yimid in ay qayb ka noqdaan howlgallada nabad ilaalinta ee ka socdo gudaha Soomaaliya, si ay u xoojiyaan ciidanka horay u joogay gudaha dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku sugan kumanaan askari oo Afrikaan ah, kuwaas oo isugu jiro Boolis iyo Milatari, waxayna dowladda ka caawiyaan nabad-gelyada.

Keenista ciidamadan cusub ayaa kusoo aadayso xilli xasaasi ah, isla-markaana dalka uu ka socdo holwgal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo guullo laga gaaray.

Si kastaba, maalmo kahor ayey aheyd markii magaalada Muqdisho ay ku shireen dowladda federaalka iyo waddamada dariska ee la’isku yiraahdo safka hore, kuwaas oo ka hadlay ammaanka guud ee gobolka & sidoo kale dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

WARARKA MAANTA 7da Feebaraayo 2023

Su’aalaha Maanta: Yaa ku guullaytay dagaalkii ay Maamulka #Somaliland ku soo qaadeen Shacabka #KhaatumoState ee #Soomaaliya ayagoo maanta ciidanka Maamulka #Somaliland ay si xun ugu jabeen dagaalkii gardarada ahaa? Yaa deegaan uusan lahayn raba inuu xoog ku haysto? Yaa maanta dagaalka ka bilaaway #Laascanood? Yaa maanta u diidan inay shacabka #Muqdisho samaystaan #Maqaamka #Muqdisho Xassan Shiikh? Yaa maanta diidan inay shacabka #KhaatumoState la aqoonsado sidii maamulada ka dhex jira #Soomaaliya sida #Somaliland, #Puntland, #Galmudug, #Hirshabelle Iyo #Jubbaland? Maxayse u shaqayn karin “Xukuummadda Kutaanta/Dhiqlaha” ee uu hoggaaminaayo  Raysal Wasaafe Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye”?  Yaa ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Yaa diidan in la sameeyo Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Maxayse beesha caalamka u diiday inay dhaqaallo siiso dowlaaddan “Kutaanta/Dhiqlaha”? Ha wiqleyso!

Laascaanood 7da Feebaraayo 2023 Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo isku dhafan oo meelo kala duwan ka yimid ay soo weerareen saldhigyada ciidamada Somaliland ee Laascaanood.

War-saxaafadeed kasoo baxday wasaarada arrimaha gudaha, ayaa lagu sheegay in dadka weerarka soo qaaday ay iskugu jiraan argagixiso, ciidamo ka yimid Puntland, iyo ciidamo la baxay Khaatumo.

“Kooxahan argagixisada ah ee saaka soo wareeraray fadhiisimada Ciidanka Qaranka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay maamulka Puntland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo”

Xukuumada ayaa sidookale, maamul goboleedka Puntland ku eedaysay in uu Garoowe ka abaabulayo ciidamo soo weerara ciidamada millateriga ee ku sugan jiida hore ee gobolka Sool.

Ugu danbayn war-saxaafadeedka ayaa beesha caalamka loogu sheegay in Somaliland ay gobolka Sool kula dagaalamayso kooxo argagixiso ah iyo maamulka Puntland oo is garabasanaya.

Dagaalka oo shalay subixii qarxay ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo ay ku nafwaayeen saraakiil kala hogaaminayay ciidamada Somaliland iyo ciidamada taabacsan garaadada.

Muqdisho 7da Feebaraayo 2023 Dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda duulimaadka caalamiga ah (IATA) ayaa heshiis cusub ku saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Heshiiskan cusub ayaa dhigaya in dowladda federaalka ah Soomaaliya ay la wareegto furihii (code-ka) hagista diyaaradaha hawada dalka, kadib in ka badan 32 sano oo gacanteeda uu ka maqnaa.

Hawada Soomaaliya ayaa dhawaan heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sareeya tan iyo burburkii dalka, kaasi oo muddo dheer ayey dowladda federaalka Soomaaliya u soo xusul duubeysay.

Heshiiskan ayaa waxaa qalinka ku duugay madaxweyne ku-xigeenka Afrika iyo Bariga dhexe ee hay’adda caalamiga ah ee IATA iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa heshiiskan Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Ururka diyaaradaha Soomaaliya iyo Midowga wakiilada duulimaadyada dalxiiska Soomaaliya ee SATTA.

Fardowsa Cismaan Cigaal, wasiirada gaadiidka iyo duulista hawada oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in dib loo soo celin doono ka qeyb-galkii IATA ee Soomaaliya.

“Waxaan halkan heshiis ku galnay hay’adda duulista diyaaradaha qaabilsan adduunka ee IATA. Heshiiskaas oo ah in code-kii ay Soomaaliya laheyd ee travel agency iyo diyaaradaha lasoo celiyo,” ayay tiri wasiirad Fardowza.

Waxay hadalkeeda sii raacisay “Waxaa rajeynayna in heshiiskan uu noqdo mid mira-dhal ah oo Soomaali wax u tara.”

Guddoomiye ku-xigeenka ururka diyaaradaha Soomaaliyeed oo shirkan lagu saxiixay heshiiska ka qeyb-galay ayaa waxa uu sheegay in heshiiskan uu horumar wanaagsan ka sameynayo dalka.

Muqdisho 7da Feebaraayo 2023 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Burundi  iyo Thailand ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayuu Madaxeweynuhu kaga guddoomay warqadaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Ibrahim Mete Yagli, Safiirka cusub ee dalka Turkiga ee Soomaaliya, Marwo Evelyne Habonimana, Danjiraha Cusub ee Burundi iyo Mudane Sassanit Tangulrat oo ah Danjiraha cusub ee dalka Thailand u fadhin doona dalkeenna.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa is-dul taagay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey shacabka iyo dowladda Turkiga dhul-gariirkii ka dhacay dalkaas, waxa uuna muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada ula qeybsanayaan.

Dhul-gariir galaaftay nolosha kumanaan qof ayaa ka dhacay dalka Turkiga, waxayna dowladda Soomaaliya ku jirtay dowladaha ugu horeeyey ee ka tacsiyeeyey musiibadaas.

Soomaaliya ayaa saaxiib dhow la ah dowladaha Turkiga iyo Thailand oo laba ka mid ah safiirradaan ay ka socdeen, halka Burundi ay ciidamo ka joogaan dalkeenna, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Muqdisho 7da Feebaraayo 2023  Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay ciidamada Booliska iyo rag ka tirsan Al-Shabaab oo xalay ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, kaas oo geystay khasaare dhimasho leh.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay ragga hubeysan weerareen bar-koontorool oo ku taalla, halkaasi, waxaana kadib meesha ka dhacay iska hor imaad toos ah.

Qoraal ka soo baxay taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in mid kamid ah ragga weerarka soo qaaday la toogtay, laba kalena ay baxsadeen.

“Ciidanka Booliska Qeybta guud ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Ciidanka Qeybta Bari ayaa gordhaweyd oo toogtay Mid kamid ah Kooxda Argagaxisada Al-Shabaab Kadib Markii isaga iyo labo kale oo Argagaxisada kawada tirsan ay weerar kusoo qaadeen Bar Kontorool oo Ciidanka Booliska ku leeyihiin Degmada Heliwaa gaar ahaan xaafada suuqa Xoolaha” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska Booliska Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu Booliska intaais ku daray in ragga weerarka soo qaaday ay hubeysnayaa, isla-markaana gacanta lagu dhigay qoray RBG ah oo uu watay ninka la toogtay.

Booliska ayaa sidoo kale in haatan ay ku daba jiraan xubnaha kale ee baxsaday, kadib dagaalka ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

“Kooxdaan Khawaarijta ah ee weerarka kusoo qaaday Barta Kontorool ee Ciidanku ku sugayaan ayaa isku dayay in ay la dagaalamaan Ciidanka Booliska, hasa ahaatii Ciidanka ayaa mid kamid tootay, dhagar qabaha la toogtay ayaana watay Qoriga RBG oo haatan ay la wareegeen Ciidanku. Sidookale Ciidanka Booliska ayaa ku raad jooga labadii kale ee la socotay Argagixiyaha ayaa la tooktay,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaa dari ee ka dhaca caasimada, kuwaas oo aad u korday maalmihii u dambeeyay.

Si kastaba, ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa waday howlgallo joogta ah oo looga hortagyo weerarada Al-Shabaab, laguna dagaalamayo burcadda iyo ciyaal weerada.

Muqdisho 7da Feebaraayo 2023 Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa haatan laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dab xoogan oo xalay sadqii dhexe ka kacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dabka oo geystay khasaare hantiyeed oo xoogleh ayaa ka kacay guryo ku yaalla xaafadda Kalluunka oo ku dhow xeyndaabka xarada Xalane ama garoonka magaalada Muqdisho. Xaaladda ayaa hatan ah mid aad u kacsan, waxaana la soo wariyay in dagaalka socdo uu ka xoogan kii shalay, isla-markaana uu ku fiday xaafado hor leh.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi xoogan, maadaama uu dagaalku is qabsaday dhowr jiho ah oo magaalada ah.

“Magaalada Laascaanood saaka xaaladeeda dagaal ayaa ka socdo shantii subaxnimo waxaa meelo badan kasoo weeraray SNM,” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Gudah Somaliland ayaa war cusub ka soo saartay dagaalka saaka dib u qarxay ee magaalada Laascaanood, waxayna shaaca ka qaaday in weerarka lagu soo qaaday ciidamadooda ayna ka difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa Saaka 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood  kooxo argagixiso ah, kuwaasoo ah kooxihii shalay subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo Xarunta Golaha Wasiirada,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay maamulka Somaliland.

Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in ciidamada weerarka soo qaaday ay taageerayaan kuwa maamulka Puntland, sida ay ku sheegtay war-saxaafadeedka ay soo saartay.

“Kooxahan Argagixisada ah ee saaka soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo,” ayey markale tiri Wasaaradda Arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland.

“Waxaa Saaka 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood  kooxo argagixiso ah, kuwaasoo ah kooxihii shalay subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo Xarunta Golaha Wasiirada,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay maamulka Somaliland.

Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in ciidamada weerarka soo qaaday ay taageerayaan kuwa maamulka Puntland, sida ay ku sheegtay war-saxaafadeedka ay soo saartay.

“Kooxahan Argagixisada ah ee saaka soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo,” ayey markale tiri Wasaaradda Arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland.

Dagaalka Laascaanood ayaa sababay dhimashada illaa afartameeyo qof, halka dhaawacana uu ka badan yahay intaasi, waxaana ku jira dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Muqdisho 7da Feebaraayo 2023  Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa si adag uga hadashay xiisadda dagaal ee ka taagan gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo sababtay khasaare xoogan.

War-saxaafadeedkan oo uu warbaahinta u aqriyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Axmed Macallin Fiqi ayaa lagu shaaciyay mowqifka dowladda ee arrinta Laascaanood.

Ugu horreyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dagaallada ka socdo halkaasi, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

“Dowladda federaalka waxa ay ka xun tahay dagaallada halkaasi ka dilaacay ee geysanayaa khasaaraha nafeed, barakaca Ummadeed iyo burburka” ayuu lagu yiri qoraalka Fiqi.

Wasiirka oo sii wada aqrinta bayaanka ayaa sheegay in xaaladda ka taagan Laascaanood ay salka ku heyso arrin siyaasadeed, wuxuuna ka digay in lasii wado dhibaateynta shacabka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya war-saxaafadeedkan ku shaacisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda haatan ka taagan magaalada Laascaanood, waxayna sheegtay in uu xil ka saaran yahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo tan badeed Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda dhexe ayaa sidoo kale xustay inay so dhaweyneyso go’aanka kasoo baxay Isimada SSC iyo sidoo kale rabitaanka reer Laascaanood oo shalay ku dhawaaqay inay hoostagayaan dowladda federaalka, isla-markaana aysan kasii mid ahaaneyn Somaliland.

“Dowladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod” ayaa markale lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.

Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ku baaqday in la dajiyo xiisadda haatan ka aloolsan magaaladaasi, wax welibana lagu dhammeeyo wada-hadal iyo degnaan.

Ugu dambeyn waxaa war-saxaafadeedkani farriin loogu daray hay’adaha Samafalka iyo kuwa Caalamiga ah oo laga dalbaday inay u gurmadaan dadkii ka barakacay Laascaanood.

WARARKA MAANTA 6da Feebaraayo 2023

Su’aalaha Maanta: Yaa deegaan uusan lahayn raba inuu xoog ku haysto? Yaa maanta dagaalka ka bilaaway #Laascanood? Yaa maanta u diidan inay shacabka #Muqdisho samaystaan #Maqaamka #Muqdisho Xassan Shiikh? Yaa maanta diidan inay shacabka #KhaatumoState la aqoonsado sidii maamulada ka dhex jira #Soomaaliya sida #Somaliland, #Puntland, #Galmudug, #Hirshabelle Iyo #Jubbaland? Maxayse u shaqayn karin “Xukuummadda Kutaanta/Dhiqlaha” ee uu hoggaaminaayo Raysal Wasaafe Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye”? Yaa ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Yaa diidan in la sameeyo Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Maxayse beesha caalamka u diiday inay dhaqaallo siiso dowlaaddan “Kutaanta/Dhiqlaha”? Ha wiqleyso!

Puntland 6da Feebaraayo 2023 Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya xiisadda ka taagan dowlada goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, taas oo salka ku heysa arrinta diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha oo muran xoogan ka dhalisay maamulkaasi.

Xiisadda ayaa yeelatay waji cusub, waxayna isku bedashay gacan ka hadal, kadib markii ay laba garab noqdeen ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in saaka rasaas laga maqay aaga Jaamacadda PSU iyo dugsiga sare ee Gambool oo kamid ah goobaha loo asteeyay inay ka bilowdaan diiwaangelinta.

Sida ay ogaatay Caasimada Online rasaasta ayaa waxaa is weydaarsaday ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland iyo kuwa loo xilsaaray ilaalinta goobaha diiwaan-gelinta.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkan, balse waxaa lagu soo warramayaa in weli xaalad kacsanaan ah laga dreemayo halkaasi.

Ciidamada Danab ee uu hoggaaminayo Sarreeye Guuto Jimcaale Jaamac ayaa ka biyo diidan diiwaan-gelinta oo la filayo inay beri ka bilaabato magaalada Garoowe.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo madaxda sare ee Puntland oo ku aadan xaaladda magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in haatan ay socdaan dadaallo ay bilaabeen waxgaradka Puntland oo ku aadan, sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka jirta halkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxayna arrimahaan kusoo aadayaan, ayada oo haatan Deni ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo uu ka wado kulamo siyaasadeed oo ku aadan arrimaha doorashada ee maamulkaasi.

Lascaanood 6da Feebaraayo 2023 Baaq ayaa kasoo baxay shirkii magaalada laascaanood uga socday Isimada gobolada SSC, iyagoo ku dhawaaqay go’aano culus.

Isimada SSC ayaa ku dhawaaqay in aysan ka tirsanayn Somaliland iyo gooni istaageeda. Waxay sheegeen in laga bilaabo maanta ay katirsan yihiin dowladda federalka Soomaaliya, dhulkoodana lagu maamulidoono dastuurka Soomaaliya.

Baaqa kasoo baxay shirka magaalada Laaacaanood, waxaa lagu sheegay Somaliland inay si degdeg ah ciidamadeeda ugala baxdo dhulka SSC.

Isimadu waxay sheegeen in maamulka lagu wareejinayo dowladda federalka Soomaaliya inta laga dhameystirayo dastuurka Soomaaliya.

Muqdish 6da Feebaraayo 2023 Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya ayaa shalay la wareegay xafiiska, waxaana soo afjarmay dhowr sano oo taliska uu joogay taliye lagu eedeeyay ku milanka siyaasadda iyo u adeegida shaqsi gaar ah.

Jeneraal Sulub, Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliya oo muddo ciidanka dhex joogay ayaa waxa hortaala shaqo culus, wuxuuna la wareegay ciidan loo haysto eedo siyaasadeed, dilal iyo tuhumo la xiriira wada-shaqeynta Al-Shabaab.

Sheekadan waxaa kusoo koobeyna waxyaabaha horyaalla taliyaha cusub oo ay tahay in uu wax ka qabto ama mudnaan siiyo.

1. Ka-saarida ciidanka ee siyaasadda: Boolisku waxay si weyn ugu milmeen siyaasadda Soomaaliya dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, si gaar ah waxay mar isku dayeen inay joojiyaan doorashadii dalka.

Sheekadan waxaa kusoo koobeyna waxyaabaha horyaalla taliyaha cusub oo ay tahay in uu wax ka qabto ama mudnaan siiyo.

1. Ka-saarida ciidanka ee siyaasadda: Boolisku waxay si weyn ugu milmeen siyaasadda Soomaaliya dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, si gaar ah waxay mar isku dayeen inay joojiyaan doorashadii dalka.

2. Dilalka shacabka: Magaalada Muqdisho dilal joogto ayay boolisku ku lug yeesheen saddexdii sano ee u dambeysay. Dilalkaas dad shacab ah ayaa loo geystay waxay u badnaayeen dhalinyarada bajaajta ku shaqeysata.

Baraha amni ee magaalada Muqdisho waxaa jooga boolis. Taliyaha shaqada la wareegay waxaa looga fadhiya wax ka qabashada dilalka joogtada ah ee ciidanka booliska u geystaan shacabka iyo inuu keeno hal abuur cusub oo ay ku kala badbaadi karaan shacabka iyo booliska.

3. Ku-milanka Al-Shabaab: Baraha amni ee Muqdisho ee ay booliska joogaan waxaa si fudud kusoo dhaafa gaadiidka qaraxyada sida kadibna waxay geystaan khasaare laxaad leh.

Shacabka waxay qabaan inuu jiro isku milan u dhaxeeya ciidanka iyo Al-Shabaab, gaar ahaan booliska.

Arrintaas waxaa dhawaan xoojiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiyiinta maxaliga ah ayaa sidoo kale duray dhaqaalaha tira beelka ah ee ay haystaan taliyayaasha qeybaha iyo kuwa degmooyinka, taasi oo si weyn u khilaafsan mushaarkooda bilaha ah iyo gunada ay helaan.

Aad ayuu u xoogan yahay tuhunka isku milanka, waana mid kamid ah shaqooyinka culus ee xaqiijinta iyo wax ka qabashada u baahan ee horyaalla taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya.

4. Amniga caasimada: Jeneraal Sulub oo aad xogagaal ugu ah xaalka magaalada Muqdisho iyo sida uu amnigeeda muhiim ugu yahay shacabka iyo dowladda-ba, waxa uu kusoo beegmay xilli aad xasaasi u ah.

Qaraxii u dambeeyay waxaa lagu weeraray xarunta maamulka gobolka Banaadir, oo ah goob aad loo ilaaliyo.

Konnfur Galbeed 6da Feebaraayo 2023 Shirkii dhex-dhexaadinta madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-graeen iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa xalay lasoo geba-gebeeyey, ayada oo heshiis buuxa ay gaareen dhinacyada.

Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ayaa isku raacay in la aqbalo muddada halka sano ah ee lagu kordhiyey muddo xileedka madaxweyne Lafta-gareen, ayada oo doorashada madaxweynaha lagu qababnayo sanad gudihiis.

Waxaa la go’aamiyey in odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan muddada u dhaxeysa bisha November 2023-ka ilaa bisha December 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS, iyaga oo la tashanaya beelahooda si waafaqsan qodobka 37-aad farqadda 3aad dastuurka Koonfur Galbeed.

Shaqada doorashada ayaa waxaa la wareegaysa oo maamuleysa sida heshiiska ku qoran Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoddobkaas waxaa codsaday mucaaridka, oo ka shikisan in Lafta-gareen uu boobayo haddii isaga loo dhiibo shaqada doorashada.

Muddo kororsiga xalay la sharciyeeyay wuxuu dowladnimada Soomaaliya u furaya dariiq ku darsasho oo heer kasta ah.

Heshiiskan ayaa marka dhinaca kale laga istaago waxa uu khilaafaya Dastuurka Jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya, dalkana uu ka jideynayo xeer ku darsasho ayaa haddana waxa uu dhinaca kale dadka reer Koonfur Galbeed u tahay xasilooni looga baaqsan karo inay siyaasiyiinta isku gacan qaadan mar labaad, islamarkaana uu ku bilaaban karo dagaal dhab ah oo goboladaasi looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Mucaaridka Koonfur Galbeed ma awoodi karin cadaadis siyaasadeed oo intaan ka badan maadama dowladdii federaalka ay dhinaca kale aaday.

Waxay arrinta soo gaarsiiyeen mucaaridka Koonfur Galbeed meel macquul ah oo ay tahay in lala hadlo oo waxna lagu heshiiyo.

Muqdisho 6da Feebaraayo 2023 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhinacyada Soomaalida ay nabad ku wada noolaan karaan, siyaasadda Islaamiga ahna ay tahay in aysan noqon mid rabshadeed, Dimuqraadiyeynta dalkakuna ay kori karto. Waa kan wareysi gaar ah oo uu la yeeshay Jariiradda The Guardian.

Safarka gaariga ee ka yimaada gegida diyaaradaha ee Muqdisho kuna wajahan Aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayay tahay in uu qaato ku dhawaad 15 daqiiqo. Badanaase sidaasi ma dhacdo. Boqolkii tillaabo ee kasta waxaa yaalla bar hubin uu leeyahay ciidanka Booliiska.

Sida muuqata wax aan laga taxadarin ma jiraan; sababo la xiriira qaraxyada lala eegto baraha hubinta ee ciidanka.

Si looga fogaado habacsanaan amni ma jirin cid kale oo sii og booqashada Observer marka laga reebo tiro yar oo ka mid kaaliyeyaasha Madaxweynaha. Waxaan ku nimid gaari Hilux nuuca aan xabadda karin oo uu galbinayo gaari dul bannaan ah oo ay saaranyihiin todobo askari, qorina ku rakibanyahay.

@XuseenMacallin

·

MAANTA 5da Feebaraayo 2023

Su’aalaha Maanta: Yaa maanta u diidan inay shacabka #Muqdisho samaystaan #Maqaamka #Muqdisho? Yaa noqday Madaxweynaha ugu liita #Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud “Faataa-bakhle”? Yaa noqday Raysal Wasaaraha ugu liita ee #Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye”? Maxayse u shaqayn karin “Xukuummadda Kutaanta/Dhiqlaha” ee uu hoggaaminaayo  Raysal Wasaafe Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye”?  Yaa ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Yaa diidan in la sameeyo Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Maxayse beesha caalamka u diiday inay dhaqaallo siiso dowlaaddan “Kutaanta/Dhiqlaha”? Ha wiqleyso!

Galmudug  5da Feebaraayo 2023  Odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda beelaha reer xaaji saleebaan iyo Sacad oo ka wada tirsan Beesha Habargidir ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay maamul u sameynta degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Waxgaradka labada beelood ayaa mid waliba waxay sheeganeysa iney tahay beesha ugu badan ee degta degmada Hobyo, islamarkaana ay mudan tahay mid walba in noqoto cida mataleysa maamulka degmada Hobyo.

Qeybaha kala duwan ee Beesha reer Xaaji Saleebaan oo kulan ku yeeshay gudaha degmada Hobyo ayaa ku baaqay in Hobyo loo dhiso Gole deegaan sida horay gole deegaan loogu soo dhisay degmooyinka kale ee maamulka Galmudug oo aysan noqon mid maamulkeeda lasoo magacaabo.

“Anaga reer Xaaji hadaan nahay waxaan gobolka Mudug ku leenahay 68 deegaan waxaan xaq u laheyn helitaanka guddoomiyaha gobolka, Taliyeyaasha ciidanka iyo waxyaabo kale oo badan waxaana intaas oo dhan ku weynay in madaxweynaha Galmudug uu kasoo jeedo reer Xaaji Saleebaan oo haduu noo magacaabo booska xaqa u laheyn la leeyahay beeshiisa ayuu u roonaaday” ayuu yiri mid ka mid ah odayaash beesha reer Xaaji Saleebaan.

Waxaa sidoo kale jirta in waxgarad ka tirsan Beesha Sacad oo dhankooda sheegeen in degmada Hobyo ay tahay mid deegaan ahaan wax laga weydiinayo beesha Sacad, islamar ahaanta ay mudnaanta maamulka degmadaasi leedahay.

“Reer Xaaji Saleebaan waa walaalaheen, daris baa nahay deegaankana waan kala leenahay, horay waxaa inoo soo dhexmaray dhibaato badan mana dooneyno in markale waxaas dhacaan, waana in wax lagu qeybsada sidi xalka horay loogu gaaray, Cadaado horay Sacad ayaa u lahaa ayaga nala soo dagay way naga soo saareen, waxaan leeyahay walaalaheen ma yeeleyno inaan idinku xad gudubno ee ha nagu soo xad gudbina” ayuu yiri mid ka mid waxgarad Beesha Sacad.

Murankaan is qabqabsi ee ka dhexeeya beelaha reer Xaaji Saleebaan iyo Sacad oo ka wada tirsan Habargidir ayaa imaanaya, iyadoo dagaalo xoogan ay ka socdaan inta badan deegaanada maamulka Galmudug.

Muqdisho 5da Feebaraayo 2023 Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey heshiiska laga gaaray xiisadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee u dhexeeyay madaxwene Lafta Gareen iyo mucaaradka ayaa sameeyay ballan-qaad ku aadan heshiiskaas oo ku soo aaday, xilli aad loogu baahnaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka hore boggaadiyay heshiiska ay gaareen labada dhinac, kadib maalmo ay wada-hadallo ku lahaayeen gudaha magaalada Baydhabo ee gobolka Baay oo uu laba jeer madaxweynuhu u tegay, xal u helida Koonfur Galbeed

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale u mahad-celiyay dhammaan intii ka qayb-qaadatay dib u heshiisiinta oo ay ugu horreeyaan odayaasha dhaqanka ee maamulkaas.

“Waxa aan rabaa in aad aad iyo aad ugu mahadceliyo dadka reer Koofur Galbeed guud ahaan gaar ahaan dadka magaalada Baydhabo degan ee muujiyay si xilkasnimo ah, dulqaad aad u badan, muujiyay in ay u hiilinayaan oo wax weliba u hurayaan nabadda iyo xasiloonida, Mucaaradka oo intii tanaasul ah intoodii badnaa sameeyay, maamulka Madaxweynaha uu hoggaaminayo oo muujiyay is baddelo waaweyn, Odoyaasha dhaqanka oo aan ka caajisin in la boogo dhayo wixii dhacay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Sidoo kale madaxweynaha oo sii hadlayey ayaa ballan-qaad u sameeyay reer Koonfur Galbeed, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay hubineyso dhaqan-galka heshiiska xalay lagu gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

“Dowladda Federaalka waxa ay diyaar u tahay oo dhinaceeda ka ballanqaaday in wixii kaalin ah ee uga aaddan arrimaha dib u heshiisiinta, qalbi xaarista iyo  arrimaha lagu ballamay hubinteeda iyo xaqiijinteeda, dhibaato haddii ay dhacday in la xaliyo iyo in laga ballamo in aanay berri dib usoo laaban,” ayuu markale yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyay in qof kasta oo ka horyimaad wixii lagu heshiiyay ay gacanta ka qaban doonto dowladda, si looliyo nabadda iyo xasiloonida deegaanka.

Qofkii ka leexanaya wixii lagau ballamay in dowladdu gacanta ka qabato oo dhahdo ka joog, in la ilaaliyo nabadda, kalsoonida iyo qalbiga Dadka waaye dardaaranka guud.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay war-murtiyeed rasmi ah laga soo saaray shirkii Baydhabo, kaas oo ay ku heshiiyeen madaxweyne Lafta Gareen iyo Mucaaradka oo ugu dambeyn ogolaaday muddada halka sano ah ee loogu daray hoggaanka maamulkaasi.

Puntland  5da Feebaraayo 2023 Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, taas oo salka ku heysa doorashada maamulkaasi, waxaana si weyn la’isugu hayaa arrinta diiwaan-gelinta oo haatan ka socota magaalooyinka qaar.

Xiisadda ayaa kasii dartay markii ay xalay tallaabo lama filaan ah qaadeen ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland, gaar ahaan guutada 2-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taas oo digniin culus soo saaratay.

Qoraal kasoo baxay ciidamada ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Puntland, wuxuuna talisku sheegay in jujuub iyo diiwaan-gelin hubeysan ay ka socoto caasimada Garoowe.

Sidoo kale waxa qoraalkan lagu sheegay in arrintan ay ka dhalaneyso amni darro iyo qalalaase ka dhaca Puntland, ayna uga digayaan dhinacyada ku lugta leh arrintaasi.

“Ciidanka Kumaandooska waxay ka digayaan markale diiwaan-gelinta hubeysan iyo doorasho aan heshiis lagu aheyn oo keeni karta dambiyo la xiriira ku takrifal awoodeed iyo qalalaase ka abuurma gudaha Puntland,” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay ciidamada.

Ciidamada kumaandooska ee soo saaray diniintan culus oo liddi ku ah madaxweyne Saciid Deni ayaa ku baaqay in wadahadal la’isugu yimaada, si xal looga gaaro xiisadda taagan.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in waajib uu ka saaran yahay amniga iyo kala dambeynta, ayna gudan doonaan shaqada loo igmaday ee kaga aadan Puntland

“Hadaba deganaasho la’aanta jirta, si looga gudbo waxaan faraynaa cid kasta oo ay khuseyso inay isugu yimaadaan wadahadal, si loo dhowro amniga iyo kala dambeynta, lagana noqod wax weliba oo keeni kara xasilooni darro,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale waxaa la joojiyay tababar magaalada Garroowe uga socday shaqaale loogu talagalay in diiwaan-gelinta ay ka sameeyaan gobolka Nugaal, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan caasimadda Puntland ee magaalada Garoowe.

Arrintan ayaa salka ku heyso tallaabada ay qaadeen ciidamada kumaandooska Puntland oo ka horimid diiwaan-gelin laga bilaabo gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxayna arrimahaan kusoo aadayaan, ayada oo haatan Deni ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo uu ka wado kulamo siyaasadeed oo ku aadan xaaladda doorashada ee maamulkaasi.

Koonfur Galbeed 5da Feebaraayo 2023 Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay shirkii dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo maalmo qaatay una dhexeeyay madaxweyne Lafta-gareen & xubnaha mucaaradka.

Shirkan oo uu furay, sidoo kalena uu xiray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa heshiis rasmi ah looga gaaray muranka doorashada guud ee kusoo socota maamulkaasi.

Haddaba yaa adkaaday Lafta-gateen iyo mucaaradka?

Sida lagu caddeeyay heshiiska waxaa ay arinta kusoo dhammaatay sidii la filayey oo aheyd in muddo kororsiga loo daayo madaxweyne Lafta-gareen, si uu u qabto doorashada guud.

Xubnaha mucaaradka oo qaddiyaddan ka taagnaa meel adag ayaa ugu dambeyn ku qasbanaaday inay ogolaadaan halka sano ee ay xubnaha Golaha Wakiilada ugu dareen madaxweynaha, taas oo guul u ah Lafta-gareen, maadaama uu uga adkaaday mucaaradka.

Tallaabadan cusub ayaa fursad siineysa madaxweynaha oo markii horeba aan u diyaar-garoobin qabashada doorashada, isaga taasi beddalkeeda go’aan ku gaaray in uu waqtiga dheereysto, waxaana la qaatay go’aankaas madax goboleedyada kale oo ku darsaday.

Mucaaradka ayaase lagu qanciyay in doorashada la bilaabayo isla sanadkan gudihiisa, si loo dhaqan-gelo heshiiska lagu gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Waxaa sidoo kale la go’aamiyey in odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan muddada u dhaxeysa bisha November 2023-ka ilaa bisha December 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS, iyaga oo la tashanaya beelahooda si waafaqsan qodobka 37-aad farqadda 3aad dastuurka Koonfur Galbeed. 

“In ay odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan mudada u dhaxeysa bisha Novembar 2023-ka ilaa bisha Decembar 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS iyaga oo la tashanaya beelahooda si waaqsan Qodobka 37aad farqadda 3aad Dastuurka KG,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirka.

WARARKA MAANTA 2da Feebaraayo 2023

Su’aalaha Maanta: Yaa maanta runta ka qarin kara shacabka? Yaa u diiday Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” xita inuu soo dhaweeyo ama la kulmo madaxdii dalalka saka hore ee Muqdisho shirka uga furmay? Maxayse u shaqayn karin “Xukuummadda Kutaanta/Dhiqlaha” ee uu hoggaaminaayo  Raysal Wasaafe Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye”?  Yaa ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Yaa diidan in la sameeyo Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Maxayse beesha caalamka u diiday inay dhaqaallo siiso dowlaaddan “Kutaanta/Dhiqlaha”? Ha wiqleyso!

Muqdisho 2da Feebaraayo 2023 Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro argagixisada Geeska Afrika uu u baahan yahay dadaal wadajir ah.n Willian Ruto ayaa xusay in gobolku uu qaato istiraatijiyad mideysan oo lagula dagaalamayo argagixisada iyo dambiyada la xiriira.

Wuxuu sheegay in dadaal wadajir ah, madaxdu ay awood u leeyihiin in ay dib u dhisaan bulshooyin xasiloon oo ay sugaan wanaagga dadka.

“Waa inaan burburinaa shabakadaha argagixisada iyo kaabayaasha taageerada dhaqaale; tani waa in lagu dhamaystiraa ka hortagga xagjirnimada iyo faafinta xagjirnimada,” ayuu yidhi.

“Waxaan ugu hambalyeyneynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud is bedelka istaraatiijiyadeed iyo guusha hadda ka muuqata qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Madaxweyne Ruto ayaa Soomaalida ka codsaday inay si geesinimo leh ugu kacaan sidii ay dalkooda uga saari lahaayeen Al-Shabaab.

Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay ka-qaybgalka bulshada deegaanka ee ka hortagga Al-Shabaab ay tahay mid aad u geesinimo leh oo cajiib ah.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay Arbacadii magaalada Muqdisho oo uu ka dhacay shirka madaxda dalalka safka hore ee Soomaaliya oo looga hadlay dadaallada ciribtirka argagixisada Soomaaliya.

Muqdisho 2da Feebaraayo 2023  Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah xukun dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya. 

Askarta la toogtay ayaa ka kala tirsana qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya sida Militariga, Nabadsugida iyo Booliiska, kuwaas oo loo heystay dilal ay horay u geysteen.

Afarta askari ee xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabi jiray Bukhaari Cawil Maxamuud oo ka tirsan ciidanka NISA , Cali Maxamuud Xuseen oo ka mid aha Militariga Soomaaliya, Maxamed Nuur Sheekh Waarre iyo Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar oo labadaba ka tirsanaa Booliska Soomaaliya.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale sheegtay in raggaan ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidanka dowladda Soomaaliya in dhamaantood horay u dileen askare kale oo ay hayeen shaqo wadaag.

Xukunta dilka toogashada ah ayaa ka dhacay fagaaraha Iskuul Buluusiya, waxaana ku sugnaa goobta  saraakiil ka tirsan Maxkamadda ciidamada iyo askarta fulisay xukunka toogashada ah.

Waxaa jira askar kale oo ka tirsan ciidanka dowladda oo Maxkamadda darajada kowaad ee ciidamada ay dhawaan ku riday xukuno dil ah oo la sugayo fulintooda, kuwaas oo ay ka mid yihiin laba askari oo dilal bareer ah degmooyinka Xamarweyne iyo Balcad ugu kala geystay labada qof oo shacab ahaa oo ay u dileen lacag dhan 5 kun oo Shilin Soomaali ah.

IGAD 2da Feebaraayo 2023 Urur goboleedka IGAD ayaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku amaanay, dadaalo dhexdhexaadineed oo uu ka wado xiisada ka taagan Laascaanood.

Xogeeyaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay in xiisada Laascaanood ay ururka ku abuurtay walaac, isaga oo sheegay in ay u baahantahay in fiiro gaar ah loo yeesho, si xal nabadeed laga gaadho.

“Sidookale waxaanu soo qaadanayna xiisada ka dhawaanahan ka jirtay Laascaanood, taasi oo walaac abuurtay, marka la eego khasaaraha nafeed ee ka dhashay, xaalada Somaliland waxay u baahan tahay in fiiro gaar ah oo ku aadan heshiis nabadeed laga yeesho” ayuu yidhi Gebeyehu.

Xogeeyaha ayaa bogaadiyay dadaalo dhexdhexaadin ah oo uu madaxweynaha Jabuuti ka wado xiisada Laascaanood, waxaanu sheegay in ururku uu Geelle ku dhiirigalinayo in uu sii wado dhexdhexaadinta.

“Hada IGAD waxay bogaadinaysa dadaalada dhexdhexaadineed ee ilaa hada uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ku dhiirigalinaysa in uu sii wado dhexdhexaadinta” ayuu yidhi Gebeyehu.

Xiisada Laascaanood ayaa wali taagan, isla markaana salaadiinta dhaqanka ee gobolada Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ayuu shir lagaga tashanayo masiirka siyaasadeed ee bulshada deegaanadan dagta uga socda isla magaalada.

Ciidamada Somaliland ayaa magaalada dibada ka jooga, waxaana magaalada dhex  gaaf wareegaya Ciidamada taabacsan isimada dhaqanka oo hubaysan, waxaana loo dhagtaagayaa waxa kasoo baxa shirka madaxda dhaqanka.

Muqdisho 2da Feebaraayo 2023 Soomaaliya ayaa marka safka hore ka gashay waddamada ugu musuq-maasuqa badan Caalamka, sida lagu sheegay warbixinta 2022 ee Hay’adda Tansparency.

Sanadkan waxaa ay Hay’adda sahan ku sameysay 180 dal oo Caalamka oo dhan ku yaalla, waxaana loo kala saaray kuwa uu naafeeyay musuq-maasuqa iyo kuwo ka guuleystay.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay hoggaamineyso liiska wadamada uu la degay musuqa, isla-markaana ay gashay kaalinta koowaad, sida ku xusan warbixinta.

Sidoo kale waxaa kaalinta labad iskula jira waddamada Suudaanta Koonfureed iyo Suuriya, sida ay sheegtay Transparency International.

Sida ay muujineyso warbixinta Soomaaliya ayaa hoos uga sii dhacday halkii ay joogtay sanadkii 2021-kii, markaas oo ay gashay kaalinta labaad, waxaana ka horreyay waddanka Suudaanta Koonfureed, halka kaalinta labaadna ay ku jireen Soomaaliya iyo Syria, hase ahaateen  qiimeynta cusub ee la sameeyay 2022-kii ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay tahay hormuudka dalalka haatan ugu musuqa badan 180 dal ee ay quseyso warbixinta.

Warbixintan cusub waxyaabaha qiimeynta lagu saaray waxaa ka mid ah laaluushka iyo madaxda oo aan lagula xisaabtami musuq maasuqa, taas oo kordhisay falalka xatooyada.

Sidoo kale waxay hay’adda intaasi kusii dartay in inta badan dalalkan ay ku guul dareysteen in ay wax ka qabtaan wax is-daba marinta iyo waxyaabaha keena musuqa.

Dhinaca kale waxaa isla warbixintaan lagu kala qeybiyay dalalka horumarka ka gaaray la dagaallanka musuq-maasuqa, kuwa musuq la’aanta ah.

Tansparency International ayaa sheegtay in Danmark uu noqday dalka ugu musuqa yar caalamka, waxaana ku xiga dalalka Finland iyo New Zealand oo ku jira kaalinta labaad, dalalkan ayaa si gaar ah loogu boggaadiyay, sida ay ula dagaalameen musuq-maasuqa.

Muqdisho 2da Feebaraayo 2023  Waxaa shalay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad-goboleedka Galmudug ka dhacday doorashada kursi kamid ah kuraastii banaaneyd ee Golaha Shacabka, kaasi oo uu tirsigiisu yahay HOP#147.

Kursigan ayaa waxaa horay u banneeyay Mahad Maxamed Salaad oo muddo ku fadhiyay, kadib markii loo magacaabay xilka agaasimaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA.

Doorashada kursigan oo aan loo gelin tartan adag ayaa waxaa ku soo baxay Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim, kadib markii ay tanaasushay Aamina Tahliil Warsame oo la tartami laheyd.

Guusha Ilyaas Sheekh Axmed ee kursigan ayaa ahayd natiijo la filayay, maadama kursiga markii horeba loo xiray Ilyaas, oo ay aad iskugu dhow yihiin Mahad Salaad oo isagu baneeyay kursigaan.

Soo bixista Ilyaas iyo in loo xiro kursigan ayaa ka dhigan in kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga si weyn loogu xasuustaa in mudadii uu banaanka ka joogay Villa Somalia uu aad uga soo horjeeday in kuraasta loo xiro shaqsiyaad gaar ah.

Madaxweyne Xasan ayaa xilligaas aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood, balse waxa lama filaan ku noqday dad badan in Xasan uu si dhakhso leh kala wareeg mabda’ ugu yimid. Kursiga ay doorashadiisu ka dhacday Dhuusamareeb ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay doorashadiisa qabtaan guddiga KMG ah ee ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay si loo buuxiyo kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa halkaas ka cad in kursiga labaad ee la filayo inay qabtaan guddigan oo ah kii hore loogu diiday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin la dhaafin doono Fahad.

Kursigii hore loogu doortay Fahad ee HOP#086 ayaa waxa loo xirayaa musharax aad ugu dhaw Villa Somalia, oo lagu magacaaba Dr. Maxamed Xaaji Axmed, sida ay hore u baahisay Caasimadda.

Muqdisho 2da Feebaraayo 2023 Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka oo Khamiis ah tiirka geysay, kadibna xukun dil ah ku fulisay illaa 4 askari oo ka tirsanaa noocyada kala duwan ee ciidanka dowladda federalka Somalia.

Afarta askari ee la toogatay ayaa ka kala tirsanaa talisyada milatariga, Booliska iyo Nabad Sugidda, kuwaas oo loo heystay dilal ay horey u geyAfarta askari ayaa kala ahaa:- 1-Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa, 2-Cali Maxamuud Xuseen oo Military-ga ka tirsanaa, 3-Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar oo Booliska ka tirsanaa, 4- Maxamed Nuur Sheikh Warre oo isna Boliiska ka tirsanaa.

Dhammaantood ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inay horey u dileen askar kale oo ahaayeen saaxibo shaqo wadaag ah, sida ay shaacisay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Fagaaraha lagu toogatay askartaan ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo sidoo kale askar kamid ah ciidanka amniga oo dilka fuliyay.

Sidoo kale waxaa toogashada lagu fuliyay askartan aad usoo dhaweeyay ehellada marxuumiintii ay horey u dileen oo muddo sugayey cadaaladda ay maanta heleen.

Si kastaba, Maxkamadda Ciidamada ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay fulinta xukunadda dilka ah, waxaana horay loo toogtay rag ka kala tirsanaa Shabaab iyo Daacish.

WARARKA MAANTA 1da Feebaraayo 2023

Su’aalaha Maanta: Yaa wax ka dhageysanaya Madaxweyne dal kale oo gabadhiisa nin gaal madoow ku haysto #Paris, France taasoo ku biisha lacagtii laga dhacay shacabkeenna? Yaa diidi kara maanta in madaafic hoobiyaal ah lagu gaaray Madatooyadda #Soomaaliya VillaSomalia? Yaa dadkii u shaqaynaayey argagixisada Shabaab k dhigtay saraakiisha amniga? Yaa ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Yaa diidan in la sameeyo Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Maxayse beesha caalamka u diiday inay dhaqaallo siiso dowlaaddan “Kutaanta/Dhiqlaha”? Ha wiqleyso!

Muqdisho 1da Feebaraayo 2023 Madaxweynayaasha dalalka Kenya, Ethoipia iyo Jabuuti ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho, iyagoo ka qeyb galaya shir madaxeedka dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daauud Aweys ayaa sheegay in madaxweynayaashu ay ka wada hadlayaan sidii caqabada Alshabaab iyo firxadkooda aanay saamayn ugu yeelan dalalka gobolka kuyaalla.

“Waxaa muhiimad loo arkay in dagaalka argigixiaada aan lagu koobin Soomaaliya oo kaliya. Dalalka gobolka oo ay Soomaaliya ku jirto waxay muhiimad u arkeen danahooda amniga ee mustaqbalka, maadaama hadda uu gabaabsi yahay dagaalka argigixisada, ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Wuxuu sheegay wasiirku in gabagabada shirkaan looga dhawaaqidoono iskaashi weyn oo dhinaca amniga ah, taasoo ah in ciidamada ATMIS ay si toos ah uga qeyb galaan dagaalka Shabaab ka dhanka ah.

Dhinaca kalena guud ahaan waxaa saakay xiran waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho sababa la xiriiira wafuuda imaanaysa. Wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay hay’adaha amnigu inay ku taliyeen tallaabadan kadib qiimayn amni oo la sameeeyay.

Awdal 1da Feebaraayo 2023 Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxaa lagaga dhawaaqay banaanbax looga soo horjeedo xasuuq ay ciidamadii jabhada SNM ee Korneyl Muuse Biixi, oo hadda ah madaxweynaha Somaliland ay ka geysteen gobolkaasi 1991-kii.

Guddiga qaban-qaabada banaanbaxan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isku soo baxan ay iclaamiyeen loogu ducaynayo dadkii ay laayeen ciidamadii SNM, kuwaasi oo ay ku tilmaameen “shuhado

Banaanbaxan ayaa waxa uu ka qabsoomi doona magaalada Boorama 4-ta bisha Febraayo, sida ay sheegeen guddiga qaban-qaabineysa isku soo baxan.

“Dhamaan waxaa ugu baaqeyna bulshada gobolka Awdal meel kasta oo ay joogaan inay ka qeyb qaataan oo ay xusaan maalinta shuhadada oo ku beegan 4-ta February, sidoo kale waxa aan aad ugu baaqeyna aqoonyahanka, macalimiinta, ardayda, hooyoyinka iyo dhamaan dhalinyarto inay iskugu yimaadan dhigtii Boorama halka ay ka dhacday oo halkaas ugu duceyno shuhadadeena.” “Bulshada waa in ay iskugu yimaadan 9-ka subaxnimo goobta loo asteeyay. Qofkasta oo reer Awdal ah waa in uu kasoo qeyb-gala banaanbaxan, ayna ka qeyb qaatan baaqan.”

Banaanbaxan looga soo horjeedo xasuuqii ay geysteen SNM ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu kamid yahay xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, oo ka soo jeeda gobolka Awdal.

“4 Feberuary, waa maalintii SNM oo wadata ciidamadii dhergi-ga ay xasuuq ba’an ka gaysatay dhamaan gobolada galbeedka, waxan dadkaasi Ilaahay uga baryayaa ku baxay gacanta ka xaqa daran inuu janooyinkiisa ku casuumo. Aamin, Aamin,” ayuu xildhibaan Ayuub ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland iyo maamulka gobolka oo la xiriira banaanbaxan la iclaamiyay, ayada oo dadka qaarkood ay walaac ka muujiyeen in isku soo baxan uu isku badalo rabshado horleh.

Ma aha markii u horeysay ee banaanbax noocan ah looga dhawaaqo magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal, hase yeeshe waxa ay xiligaan kusoo aadaysa ayada oo kacdoon looga soo jeedo Somaliland iyo hogaankeeda uu ka taagan yahay magaalada Laascaanood, taasi oo ay u maara-weyday xukuumadda.

Muqdisho 1da Feebaraayo 2023 Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, ayaga oo hakad-geliyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa jidadka caasimada, mana jiro wax dhaq-dhaqaaq ah, ayada oo u jeedadu tahay in la adkeeyo amniga, maadaama uu shir caalami ah maanta ka dhacayo Muqdisho.

Tallaabada ay qaaday dowladda federaalka ayaa aheyd mid horay loo sii oogaa, maadaama ay shacabka ku wargelisay in la xirayo waddooyinka, isla-markaana ka dalbatay in ay dulqaad muujiyaan saacadaha kooban ee ay martida culus imaaneyso waddanka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay cudur daar ka bixineysaa saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho oo shirkan martigelinaysa ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho” ayey tiri dowladdu.

Arrintaan ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, maadaama ay xirmeen goobaha ganacsiga iyo waxbarashada, waxaana ugu daran dadka danta yar ee raadsada nolol maalmeedkooda.

Dhinaca kale shirweynaha maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho ee u dhexeeyo dowlada federaalka iyo waddamada dariska ee loo yaqaano dalalka safka hore ayaa goordhow furmaya, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Sidoo lale waxaa la filayaa in hoggaamiyeyaasha dalalka dariska, sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ay soo gaaraan magaalada, si ay uga qayb-galaan shirkan muhiimka ah oo shalay ku furmay si hordhac ah, waxaana is arkay taliyeyaasha ciidamada iyo wasiirada gaashaandhigga ee dalakan.

Arimaha laga hadlayo waxaa kamid ah iskaashiga amniga gobolka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Madaxda ayaa sidoo kale si hoos iskula eegi doonaan in si wadajir ah looga hortago khatarka Al-Shabaab, maadaama ay haatan culeys soo saartay caasimada Muqdisho, kadib markii lagu soo jabiyay gobollada.

Si kastaba, shirka ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa, ayada oo lasii xoojiyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

 Muqdisho 1da Feebaraayo 2023 Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, ayaga oo hakad-geliyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa jidadka caasimada, mana jiro wax dhaq-dhaqaaq ah, ayada oo u jeedadu tahay in la adkeeyo amniga, maadaama uu shir caalami ah maanta ka dhacayo Muqdisho.

Tallaabada ay qaaday dowladda federaalka ayaa aheyd mid horay loo sii oogaa, maadaama ay shacabka ku wargelisay in la xirayo waddooyinka, isla-markaana ka dalbatay in ay dulqaad muujiyaan saacadaha kooban ee ay martida culus imaaneyso waddanka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay cudur daar ka bixineysaa saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho oo shirkan martigelinaysa ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho” ayey tiri dowladdu.

Arrintaan ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, maadaama ay xirmeen goobaha ganacsiga iyo waxbarashada, waxaana ugu daran dadka danta yar ee raadsada nolol maalmeedkooda.

Dhinaca kale shirweynaha maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho ee u dhexeeyo dowlada federaalka iyo waddamada dariska ee loo yaqaano dalalka safka hore ayaa goordhow furmaya, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Sidoo lale waxaa la filayaa in hoggaamiyeyaasha dalalka dariska, sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ay soo gaaraan magaalada, si ay uga qayb-galaan shirkan muhiimka ah oo shalay ku furmay si hordhac ah, waxaana is arkay taliyeyaasha ciidamada iyo wasiirada gaashaandhigga ee dalakan.

Arimaha laga hadlayo waxaa kamid ah iskaashiga amniga gobolka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Madaxda ayaa sidoo kale si hoos iskula eegi doonaan in si wadajir ah looga hortago khatarka Al-Shabaab, maadaama ay haatan culeys soo saartay caasimada Muqdisho, kadib markii lagu soo jabiyay gobollada.

Muqdisho 1da Feebaraayo 2023 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo goordhow lagu garaacay agagaarka dhismaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kuwaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Illaa 4 hoobiye ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaceen ilinka laga galo dhismaha xarunta Villa Soonaaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan oo kusoo aaday, xilli ay xiran yihiin waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqisho.

Ciidamada ammaanka ayaa ku sugan jidadka, kuwaas oo loo keenay inay xaqiijiyaan amniga caasimada oo uu maanta ka dhacayo shirweyne caalami ah.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah aya waxaa ka qaybgalaya madaxweynaha dalka Kenya, madaxweynaha dalka Jabuuti iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo la filayo in saacadaha soo socda ay soo gaaraan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxdan oo kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa ka shiraya amniga gobolka iyo dagaalka Al-Shanaab.

Si kastaba weerarkan hoobiyeyaasha oo la rumeysan yahay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab ayaa ah mid lagu qalqal-gelinayo amniga, maadaama caasimada ay la ciir ciireyso wufuud kala duwan oo caalami ah.

Todobadkii hore ayaa weerar kan lamid ahaa lagu qaadag agagaarka xarunta madaxtooyada, kaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo daganaa degmooyinka Xamarweyne iyo sidoo kale Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

WARARKA MAANTA 31ka Janaayo 2023

Su’aalaha Maanta: Yaa diidan inuu Madaxweyne Xassan Shiikh Maxammuud noqday Madaxweyne Dowlad Gobaleed oo uu dalka Soomaaliya ku wareejiyey hoggaankiisa Jabuuti iyo Imaaraadka? Yaa dhulka shacabka magaca dowladda ku booobaya? Yaa maanta runta ka qarin shacabka? Maxuu Madaxweyne Xassan Shiikh soo ogaaday in warbaahinta iyo sirdoonka dalka laga badiyo shaqaalihiis habka qabiilka lagu qoray? Yaa diidan in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho?  Yaa ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Yaa diidan in la sameeyo Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Ha wiqleyso! 

Maraykanka  31ka Janaayo 2023  Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka dhaliila ee uu ugu horreeyo afhayeenka aqalka Congress-ka Mareykanka Kevin McCarthy uu isku dayayo in ay ka saaraan guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Congress-ka Mareykanka, sababtoo ah waa Muslimad qaxooti kanasoo jeeda Soomaaliya. Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ayaa sheegtay in lagu eedeynayo inay neceb tahay Yuhuudda. Waxayse sheegtay inay kala shaqeyso asxaabtayda iyo bulshadeeda si ay ula dagaallamto nacaybka Yahuudda.

Ilhaan Cumar waxay ku dooday in ololaha lagaga saarayo guddiga uu yahay mid siyaasadaysan. Waxay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah xubnahan aysan rumaysnayn in qof Muslim ah, qaxooti ah, Afrikaan ah, uusan xitaa joogin Congresska, iska daa inuu fursad u helo inuu ka mid noqdo guddiga arrimaha dibadda.”

Waxay sidoo kale iftiimisay odhaah Islaam nacayb ah oo ka soo yeedhay Wakiilka Georgia Marjorie Taylor Greene iyo Wakiilka Colorado Lauren Boebert. Waxayna kusoo oogtay dacwad Islaam nacayb.

Si kastaba ha ahaatee, in Ilhaan Cumar laga tuuro Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka waxa ay u baahan tahay in ay u codeeyaan aqal Koongareeska Maraykanka.

Tiro yar oo ka mid ah wakiilada Jamhuuriga ayaa si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan isku dayga lagu doonayo in Ilhaan Cumar looga saaro guddigan.

Galmudug 31ka Janaayo 2023 Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Galmudug xildhibaan Muxuyadiin Suni oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyay in adeega internet-ka dib loogu soo celiyay deegaano kamid ah dhulkii lagala wareegay Shabaab, kuwaasi oo ay kamid tahay degmada Ceeldheer iyo deegaanada hoostaga.n yahay inuu dhiso #Maqaamka #Muqdiso?  Maxuuse u diidan yahay Madaxweyne Xassan Shiikh inuu aqoonsado Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Meeqo mashruuc ayaa dad ajaaniib/shisheeye ah wa ku cunaan magaca #Soomaaliya?  Yaa kufsaday gabartan? Yaa kamid ah askarta iyo sarakiisha wada kufatay? Maxay ku fashilantay Dowladdda Madaxweyne Xassan Shiikh? Maxuuse u diidan yahay Madaweyne Xassan Shiikh inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? 

Maxay ku fashilantay xukuummad “kutaanta/dhiqlaha” ee uu hogaaminaya Raysal Wasaare Xamsa Cabdi “OG-360 Dhaweeye”? Yaa maanta runta qarin kara inay fashil iyo dhaqaallo xumo soo wajahayso dowladda #Soomaaliya? Maxay tahay sababta ay Dowladda Xassan Shiikh u rabto in la burburiyo Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, #untland Iyo #Jubbaland? Ha wiqleyso!

Muqdisho  31ka Janaayo 2023  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan lagu dardargelinayo howlaha xukuumadda la yeeshay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha.

Xamza ayaa waxa uu agaasimayaasha ka dhageystay warbixinno la xariira isbeddelka shaqo ee yimid, kadib kulankii 24-kii December 2022 uu la yeeshay.Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal muhiim u ah howl-qabadka dowladda iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada ay dowladdu gaarsiiso shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha oo horey u faray agaasimayaasha guud in ay wasaaradahooda ka dhaqan-geliyaan isla xisaabtan dadka aan shaqeysan ee haddana mushaarka ka qaata dowladda, ayaa waxa guddiga shaqaalaha rayidka ah soo bandhigeen in afartii toddobaad ee la soo dhaafay ay 26% korortay shaqaalaha shaqada u soo xaadira wixii ka danbeeyey khudbaddii uu Xamza amarka ku bixiyay bishii December.

Xamse ayaa mar kale ku adkeeyay agaasimayaasha inay ka shaqeeyaan isla shaqeynta iyo isku xirka hawlaha ka dhaxeeya wasaarradaha iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyey natiijooyinka ka dhashay kulamadii hore, isaga oo mar kale ku celiyey in aan la aqbali karin shaqaale qaata mushaar oo aan imaanayn goobtiisa shaqada.

Wuxuu kula dardaarmay guddiyada ku shaqada leh in ay dardar-geliyaan isla xisaabtanka, si meesha looga saaro dadka cudur-daar la’aanta aan xaadirka ku ahayn shaqada.

Muqdisho  31ka Janaayo 2023Waxaa dhaqan geli waayey oo dhegaha laga fureystay go’aankii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu mamnuucay isbaarooyinka la dhigto gobolka Sh/Dhexe.

25-kii bishii November ee sanadkii tegay kulan ka dhacay degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe ayuu madaxweyne Xasan Sheekh uga dhawaaqay go’aanka ka dhanka ah isbaarooyinka.

Waxaa dhaqan geli waayey oo dhegaha laga fureystay go’aankii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu mamnuucay isbaarooyinka la dhigto gobolka Sh/Dhexe.

25-kii bishii November ee sanadkii tegay kulan ka dhacay degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe ayuu madaxweyne Xasan Sheekh uga dhawaaqay go’aanka ka dhanka ah isbaarooyinka.

Muqdisho  31ka Janaayo 2023 Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta sheegay in la dilay inta badan raggii soo abaabulay qaraxyadii Zoobe.

Wasiir Faarax ayaa ka mid ahaa guddigii ay dowladda Soomaaliya u xil-saartay ka jawaabidda musiibadii qaraxyadii Zoobe 2, wuxuuna maanta guddigaasi oo bandhigay tirada carruurtii waalidkood lagu dilay qaraxyadaas.

Ugu yaraan 300 carruur ah ayaa la diiwaan geliyey inay ku agoontoobeen ama ku rajoobeen qaraxyadii ay Al-Shabaab ka geysteen isgoyska Zoobe, 29-kii October 2022-kii.

“Waalidiintii carruurtaan kuwii dhibka u geystay ee dadkaas dilay ama wax ka soo qorsheeyey qaraxyadii lagu laayey, waa la dilay ayagana, maanta shuhadadii laga laayey carruurtaan waa ahlu jano, waxayna farqaha ku dhegan yihiin kuwii xasuuqa u geystay oo laga daba geeyey,” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa soo bandhigay dhibaatooyin la diiwaan geliyey oo heysta dadkii ehelkooda lagu dilay qaraxyadii Zoobe 2, sidoo kale wasiirku wuxuu agoontii uu la kulmay ugu laab qaboojiyey in laga jawaabay qaraxyadii lagu laayey waalidkood oo ciqaab adag ay ku socoto Al-Shabaab.

“Markii aan maanta fiiriyey liiska waxaan arkay in dhibaatadu sameysay 363 qoys, waxaa murgo igu dishay qoysaska agoontoobay ama rajoobay, waxaa ku jira 12 qof ah, waxaa ku jira qoys 9 qof ah, waxaa ku jira kuwo noloshu aad ugu adkaatay markii waalidkood la dilay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiir Faarax.

Wuxuu sheegay in wasaaradda waxbarashada ay balan qaadeyso in carruurtaan barbaarinteeda iyo waxbarashadooda ay kaalin ka geysa doonto ilaa inta ay ka gaarayaan isku filaansho.

Ugu yaraan 119 qof ayaa lagu dilay qaraxyadii Zoobe 2, dadkii halkaas lagu laayey waxay u badnaayeen waalidiin xoogsato ah oo qoysas u soo dareeray, taasi waxay badisay aqoonta ama qoysas badan oo noloshu ku adkaatay, madaama la dilay qofkii u shaqo tegi jiray.

Wixii qaraxyadaas ka dambeeyey dalka waxaa ka bilowday halgan looga aar-gudanayo Al-Shabaab, kaas oo deg deg guulo looga gaaray, waxaana bilihii iyo todobaadyadii lasoo dhaafay kooxda laga saaray dhul aad u baaxad weyn.

WARARKA MAANTA 30ka Janaayo 2023

Su’aalaha Maanta: Yaa argagiiso ah? Yaase dowlad ah? Yaa maanta runta ka qarin shacabka? Maxuu Madaxweyne Xassan Shiikh soo ogaaday in warbaahinta iyo sirdoonka dalka laga badiyo shaqaalihiis habka qabiilka lagu qoray? Maxuu Madaxweyne Xassan Shiikh u diidan yahay inuu dhiso #Maqaamka #Muqdiso?  Maxuuse u diidan yahay Madaxweyne Xassan Shiikh inuu aqoonsado Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Meeqo mashruuc ayaa dad ajaaniib/shisheeye ah wa ku cunaan magaca #Soomaaliya?  Yaa kufsaday gabartan? Yaa kamid ah askarta iyo sarakiisha wada kufatay? Maxay ku fashilantay Dowladdda Madaxweyne Xassan Shiikh? Maxuuse u diidan yahay Madaweyne Xassan Shiikh inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? 

Maxay ku fashilantay xukuummad “kutaanta/dhiqlaha” ee uu hogaaminaya Raysal Wasaare Xamsa Cabdi “OG-360 Dhaweeye”? Yaa maanta runta qarin kara inay fashil iyo dhaqaallo xumo soo wajahayso dowladda #Soomaaliya? Maxay tahay sababta ay Dowladda Xassan Shiikh u rabto in la burburiyo Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, #untland Iyo #Jubbaland? Ha wiqleyso!

Somaliland  30ka Janaayo 2023 Somaliland ayaa warbaahinta uga digtay in ay faafiyaan warar, warbixino iyo ra’yi ururin keeni kara in xaalada Laascaanood kasii darto. Warsaxafadeed kasoo baxday Wasaarada Warfaafinta Somaliland ayaa warbaahinta loogaga digay in ay faafiso warar ama warbixino keeni kara in xaalada magaalada Laascaanood ay kasii darto.

“Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyada Somaliland, waxay uga digaysa dhamaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan, iyo wariyayaasha ka howlgala gudaha Somaliland in ay baahiyaan warar, warbixino iyo ra’yi ururin dab kusii hurin karta xaalada ka taagan Laascaanood”. Warsaxaafadeeda ayaa lagu yidhi “Waxa waajib ku ah cidkasta oo ku dhaqan gayiga Somaliland in ay u hogaansamaan xeerarka dalka oo uu ugu horeeyo dastuurka, kaasi oo waajibinaya adkaynta qaranimada iyo jiritaanka Somaliland”.

Muqdisho 30ka Janaayo 2023 Wasiirka ganacsiga dowladda Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku tilmaamay guul shacabka Soomaaliyeed usoo hoyatay, in kooxda Al-Shabaab ay dareemeen saamaynta ay ku yeelatay dagaalka dhaqaale ee dawladdu ku qaadday.Wasiirka ganacsiga wuxuu sheegay tallaabada cuno qabataynta dhaqaale ee Shabaab lagusoo rogay in lagu badbaadiyey lacago tiro badan oo ay doonayeen inay Shabaab  baad uga qaataan ganacsatada Soomaaliyeed, sida uu sheegay wasiirku.

“Ninka Cali Dheere la yiraa ee ku hadla Afka Khawaarijta, waxa aan u sheegayaa in aan waxba laga waydiinayn ilaalinta hantida umadda Soomaaliyeed oo cidda laga ilaalinayaa ay tahay isaga oo ah khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ganacsigu waxa uu ganacsatada Soomaaliyeed ku boggaadiyay u hoggaansamidda awaamiirtii dawladda ee lagu joojinaayey lacagahii sharci darrada ahaa ee  ay siin jireen Al-Shabaab.

Waxa uu ganacsatada Soomaaliyeed uga mahad-celiyey inay si joogto ah ay dawladda ula soo wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha loogu diro Al-Shabaab.

Wuxuuna carrabka ku dhuftay in gacanta lagu dhigay taleefano iyo akoono tiro badan oo lagu dhici jiray lacagaha ganacsatada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay soo bandhigayso malaayiin dollar oo Shabaab ugu xaraysnaa bangiyada dalka, lacagahaas oo ay Dowladdu sheegtay in loo adeegsan jiray dhibaataynta shacabka.

Muqdisho 30ka Janaayo 2023 Diyaarad Helicopter ah oo Ruushka uu leeyahay ayaa lagu weeraray garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaa sidaas sheegtay safaaradda Ruushka ee Jabuuti, oo sidoo kale qaabilsan Soomaaliya.

Weerarkan ayaa dhacay 23-kii Janaayo, sida ay sheegtay fasaaradda, balse waxaa shaaca laga qaaday kaliya Axaddii.

Diyaaraddan ayaa waxaa leh shirkadda UTair ee Ruushka, waxayna ka qeyb-qaadaneysay howlgalka bani’aadannimo ee QM ay ka waddo Soomaaliya, sida ay sheegtay safaaradda Axaddii.

Diyaarad Helicopter ah oo Ruushka uu leeyahay ayaa lagu weeraray garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaa sidaas sheegtay safaaradda Ruushka ee Jabuuti, oo sidoo kale qaabilsan Soomaaliya.

Weerarkan ayaa dhacay 23-kii Janaayo, sida ay sheegtay fasaaradda, balse waxaa shaaca laga qaaday kaliya Axaddii.

Diyaaraddan ayaa waxaa leh shirkadda UTair ee Ruushka, waxayna ka qeyb-qaadaneysay howlgalka bani’aadannimo ee QM ay ka waddo Soomaaliya, sida ay sheegtay safaaradda Axaddii.

“Diyaarad Helicopter oo laga leeyahay Ruushka oo ka qeybqaadaneysay taageeridda gaadiidka cirka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu duqeeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, diyaaradda ayaa waxaa soo gaaray burbur aan badneyn,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda. Ma jirto dhacdo ama weerar la ogyahay oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho 23-kii Janaayo, inkasta oo suurta-gal ay tahay in dowladda federaalka ay qarisay. 

Si kastaba, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weerar hoobiye oo 24-kii Janaayo ay Al-Shabaab ku qaady xaafado ku dhow madaxtooyada qaranka.  

Sidoo kale, 22-kii Janaayo, oo ah maalin kahor maalinta ay safaaradda sheegtay, Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xarunta gobolka Banaadir. 

Iran 30ka Janaayo 2023 Iran ayaa Axaddii sheegtay in weerar loo adeegsaday diyaarad drone ah lala beegsaday xarun ay leedahay wasaaradda difaaca, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda ka taagan barnaamijka Nukiliyeerka.

Nidaamka lidka diyaaradaha ayaa burburiyey hal drone, halka laba kale ay qarxeen, ayey tiri wasaaradda difaaca, waxayna intaas ku dartay in wax khasaare ah uusan ka dhalan weerarka oo ka dhacay gobolka bartamaha ku yaalla ee Isfahan.

Holac xooggan ayaa hawada qabsaday sida ay ay muujiyeen muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada, iyo warbaahinta dowladda, ayada oo la arkyey dad kala cararaya iyo gawaarida gurmadka deg degga ah. 

“Weerar aan guuleysan ayaa lagu soo qaaday dhisme ay leedahay wasaaradda difaaca,” ayey tiri wasaaradda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee IRNA.

Mas’uuliyiinta ma aysan sharxin dhaq-dhaqaaqyada ka socday goobta, hase yeeshee IRNA ayaa sheegtay in weerarka uu beegsaday “warshad soo saarta rasaasta.”

Mohammad-Hassan Assafari, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Iran, ayaa wakaaladda wararka Mehr u sheegay in “cadowga iyo mucaaradka” Iran ay doonayeen inay weerar “ku arbushaan awoodda difaaca,” Iran.

Weerarka drone-ka ayaa imanaya xilli xaalad kacsan ay ka jirto Iran, oo ay ruxeen dibadbaxyo ka dhashay gabar Kurdish-Iranian ah Mahsa Amni, oo bishii September ku dhimatay gacanta booliska, iyo is-mari waaga ka taagan barnaamijkeeda Nukliyeerka oo aan xal laga gaarin.

Iran ayaa sidoo kale waxay dalalka Reer Galbeedka kala kulantay eedeyn ah inay diyaarado drone ah oo hubeysan u qeybineyso Ruushka si uu ugu isticmaalo dagaalka Ukraine, eedeyntaas oo Tehran ay beenisay.

Iran ayaa sanado badan waxay dagaal dadban kula jirtaa Israel, oo lagu eedeeyey weeraro curyaamin ah iyo dilal qorsheysay oo lala beegsaday barnaamijka Nukliyeerka Iran.

Muqdisho 30ka Janaayo 2023 Kursigii uu baneeyay Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa la filayaa in doorashadiisu dhacdo 1-da bisha Febraayo, taasi oo ka qabsoomi doonto Dhuusamareeb, sida uu dhawaan shaaciyay guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka banaan BF.

Kursigan oo tirsiigu yahay HOP#147 ayaa waxa loo xirayaa musharax uu wato Mahad Salaad, oo lagu magacaaba Ilyaas Sheekh Axmed, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Musharax Ilyaas ayaa waxa uu hore u ahaa madaxii hay’adda NRC ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Musharaxan ayaa la sheegaya in uu taageero buuxda uu ka haysto jufada kursiga leh iyo xildhibaankii hore u baneeyay Mahad Maxamed Salaad.

Doorashada kursigaan ee loo balansan yahay 1-da Febraayo ayaa ah mid nidaam ahaan uun loo marayo, mar haddii lasii og-yahay natiijadeeda iyo musharaxa kusoo baxaya.

Ilyaas oo saaxiib dhow la ah agaasimaha NISA Mahad Salaad horana ula soo shaqeeyay ayaa waxaa la filayaa inuu kursigan tartan la’aan ku qaato.

Kursigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay doorashadiisa qabtaan guddiga KMG ah ee ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay si loo buuxiyo kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Tan iyo markii la magacaabay guddigan ayaa waxaa soo baxayay eedeymo la xiriira in uu yahay mid dhinac ka raran oo u adeegaya danaha musharax gaar ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu xasuusta in muddadii uu banaanka ka joogay Villa Somalia aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood, haddii ay arrintaan dhacdana waxay muujin doontaa kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweynaha.

WARARKA MAANTA 29ka Janaayo 2023

Su’aalaha Maanta: Yaa runta qarin kara maanta? Yaa dhisay ciidanka xoogga dalka? Yaa dilaya saraakiishii ciidanka xoogga? Yaa ku xad gudbaya awood qaybsigii ay Soomalidu ku heshiisay? Maxuu yahay xiriirka ka dhexeeya Janaraal Firin Iyo Ururka Argagixiso? Waa kuma taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska #Soomaaliya Janaraal Firin oo wax aqoon jaamacadeed haysan mid khibradeed? Maxuu Madaxweyne Xassan Shiikh u diidan yahay inuu dhiso #Maqaamka #Muqdiso?  Maxuuse u diidan yahay Madaxweyne Xassan Shiikh inuu aqoonsado Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Meeqo mashruuc ayaa dad ajaaniib/shisheeye ah wa ku cunaan magaca #Soomaaliya?  Yaa kufsaday gabartan? Yaa kamid ah askarta iyo sarakiisha wada kufatay? Maxay ku fashilantay Dowladdda Madaxweyne Xassan Shiikh? Maxuuse u diidan yahay Madaweyne Xassan Shiikh inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? 

Maxay ku fashilantay xukuummad “kutaanta/dhiqlaha” ee uu hogaaminaya Raysal Wasaare Xamsa Cabdi “OG-360 Dhaweeye”? Yaa maanta runta qarin kara inay fashil iyo dhaqaallo xumo soo wajahayso dowladda #Soomaaliya? Maxay tahay sababta ay Dowladda Xassan Shiikh u rabto in la burburiyo Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, #untland Iyo #Jubbaland? Ha wiqleyso!

Muqdisho 29ka Janaayo 2023 Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud ayaa sheegay in lasoo bandhigidoono malaayiin dollar oo Alshabaab ugu xaraysnaa akoono maaliyadeed oo ay dowladdu xirtay. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay arrintaan inay qeyb ka tahay dagaalka dowladda kula jirto Alshabaab oo uu sheegay inuu yahay mid ficil ah.

“Dowladdu mar dhow way soo bandhigi doontaa xisaabaad badan oo Shabaab Bangiyada loogu arurin jiray kuwaas oo la xiray. Taleefoono badan oo lacagaha la isugu xawili jirayna waala xiray,” ayuu yiri madaxweyneHadalka madaxweyne Xasan Sheikh oo lagasii  daayay warbaahinta dowladda ayaa qeyb ka ahaa hadalo uu ka jeediyay banaanbax Shabaab ka dhan ah oo ka dhacay Muqdisho, ayaa lagusoo aadiyay maalin kadib hanjabaad Alshabaab ay u jeediyeen bangiyada dalka kuyaala, kuwaas oo Alshabaab ay ku eedeeyeen inay ogolaadeen sharci dowladdu soo rogtay oo lagu xayirayo lacagaha sharci darrada ah.

Alshabaab oo ay u muuqatay inay saameeysay xayiraada dowladdu ku sameysay dhaqaalaha u yaala bangiyada ayaa ku eedeeyay bangiyada in aysan ilaalin karin lacagaha ammaanada ku ah.

Somaliland 29ka Janaayo 2023 Dawlada Hoose ee magaalada Hargeisa ayaa markii u horeysay sheegtay in shaqaalihii ugu badnaa ee ka hawl-galayay xafiisyada dawlada hoose ay shaqadooda ku waayeen arrimo la xiriira musuq-maasuq iyo laaluush.

Cabdikariim Axmed Mooge, Duqa magaalada Hargeysa ayaa sheegay in shaqaalaha la eryay ay lacago ka aruursadeen dad danyar ah, islamarkaana ay qaateen laaluush ay howl fudeydin uga qaateen dadweyne adeeg usoo doontay xarunta dawlada hoose.

“Waxaa soo baxay oo soo noq-noqaya inay jiraan dad shufto ah oo tuug ah, shacabkana ku baadhanaya magaca madaxda dawlada hoose iyo magacyada gaarka ah oo ku leh waxaa bixisaan lacag diiwaan-gelin ah si dhul la idiin siiyo,” ayuu yiri.

“Sidoo kale waxa jira kooxo kale oo dad masaakiin ah lacago kaga aruursanaya iyagoo leh keena lacag waxa idinka soo dhameynayna guddiga fulinta go’aamo aad dhul ka heshaan.”

Maayir Cabdikariim Axmed Mooge ayaa sheegay in dad kale oo ka tirsanaa shaqaalaha dawlada hoose ay u xiran yihiin falalkan, oo uu sheegay in uusan marnaba aqbali doonin

“Waxaa shaqadoodii waayay shaqaalihii ugu badna ee dawlada hoose looga eryay intii ay jirtay in wax isdaba-mariyeen ama qaateen laaluush. Arrintaas oo meel adag ka taagan yihiin maamulka dawlada hoose.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in maalin gaar ah u sameeyeen bulshada reer Hargeysa si ay masuuliyiintooda ula kulmaan, taasi oo qeyb ka ah la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo dadweynaha lacag looga qaato hawlaha dawlada hoose.

“Maalinkasta oo Arbaca waxa dadka shacabka loo shaqeeya 2 duhurnimo illaa habeenkii, maalintaas waxa loo sameeyay qofkasta oo ay ku adkaatay in uu gaaro madaxda dawlada hoose.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa maalin kale u sameynay waxyaabaha ugu xasaasisan oo la yiraahdo maamulka iyo maareynta arrimaha dhulka oo maalinta Axada ayaa waxay labada gudi fadhiistan hoolka si ay bulshada ugu shaqeeyaan.”

Koonfur Galbeed  29ka Janaayo 2023 Waxaa weli ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed dadaalada xal loogu raadinayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, taasi oo u dhaxeysa Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee kasoo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha.

Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo 17-kii bishaan ka furmay Baydhabo ayaa waxaa weli socda kulamo gooni-gooni ah oo la isugu soo dhaweynayo dhinacyada, ayada oo dhawaan uu madaxweynaha Soomaaliya oo furay shirkaasi uu sheegay inay muhiim tahay in la helo Koonfur Galbeed heshiis.

Waxaa weli ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed dadaalada xal loogu raadinayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, taasi oo u dhaxeysa Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee kasoo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha.

Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo 17-kii bishaan ka furmay Baydhabo ayaa waxaa weli socda kulamo gooni-gooni ah oo la isugu soo dhaweynayo dhinacyada, ayada oo dhawaan uu madaxweynaha Soomaaliya oo furay shirkaasi uu sheegay inay muhiim tahay in la helo Koonfur Galbeed heshiis.

Wafdiga oo isugu jiray odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ayaa waxay guddoomiyaha u sheegeen in ay garab taagan yihiin sidii shirkan loogu guuleysan lahaa islamarkaana degaannada looga xorreyn lahaa kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sidoo kale waxa uu odayaasha dhaqanka u xil-saaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii mad-madow ah ee ka dhex jira bulshada reer Koonfur Galbeed, si wajiga koowaad ee dib-u-heshiisiinta u noqdo mira-dhal.

Aadan Madoobe oo Baydhabo ku sugan muddo ku dhaw bil ayaa waxa uu dadaal badan ku bixinaya sidii uguuleysan lahaa shirkan, oo dan u ah maamulka Koonfur Galbeed oo dhulkeeda inta badan gacanta ugu jira Al-Shabaab.

“Arrinta dib-u-heshiisiinta laab la-kac ma ahan, ujeedo kalena lagama laha ee waa helista Koonfur Galbeed oo mid ah,” ayuu Aadan Madoobe ka sheegay furitaankii shirka dib-u-heshiisiinta ee ka furmay magaalada Baydhabo.

Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed, waxayna u badan tahay in Lafta-gareen hal-kiisa sano loo dhaafi doono.

Jubbaland 29ka Janaayo 2023 Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jiray wasiirro iyo guddoomiyaha degmada Kismaayo ayaa gaaray jiida hore ee ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ay kaga sugan yihiin deegaanka Jannaa Cabdalla ee Gobolka Jubada Hoose.

Deegaankaas oo muhiim u ah isku socodka gobolka ayaa dhowaan ciidamadu waxay ka xoreeyeen kooxda Al shabaab. Wafdiga ayaa u kuurgalay xaaladda ciidamada oo nabadeeyey deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Wasaaradda caafimadka ayaa halkaas geysay daawooyin loogu tala galay ciidanka iyo dadka deegaanka, sidoo kale wasaaradda caafimaadka Jubbaland ayaa ciidamada gaarsiisay xoolo nool oo ay ugu tala gashay in loo qalo.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa daawooyinka iyo xoolaha ku wareejiyey saraakiisha ciidamada Al-Shabaab ka xoreeyey deegaankaas muhiimka ah ee Janaa Caballa.

Masuuliyiinta uu horkacayey Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland ayaa la kulmay dadka deegaanka Jannaa Cabdalla, waxayna ka wareysteen xaaladda deegaanka iyo joogitaanka ciidamada.

Dadkii joogay Jannaa Cabdalla ayaa ka mahad sheegtay  ciidamada, iyagoo sheegay in si wanaagsan ay ula dhaqmeen inta ay joogeen deegaankaas.

Dadka deegaankaas ayaa maamulka Jubbaland ka codsaday in baahiyahooda la daboolo, maadaama dhawaan laga dul qaaday caburintii Al-Shabaab oo dib u dhac weyn ay kala kulmeen, sida ay sheegeen.

Deegaankaas Janana Cabdalle ee dhawaan laga xoreeyey Al-Shabaab, wuxuu min 60-km u jiraa degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, isagoo sidoo kale ahaa halbowlaha isku socodka kooxda ee gobollada Jubbaland iyo waddanka Kenya.

Puntland 29ka Janaayo 2023 Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyay in uu maamulkiisa uu wado qorshe amni oo lagu beegsanayo dadka la shaqeeya kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Saciid Deni ayaa sheegay inay og-yihiin dadka la shaqeysta Shabaab iyo Daaciash, islamarkaana ay tallaabo ka qaadi doonaan, xilli uu dalka ka socda dagaal ka dhanka ah kooxaha argagixisada oo sanado badan dhib ku hayay Soomaaliya.

“Xaqiiqdan ayaa idiin sheegayaa, qorshaha amni ee soo socda inta aanan buuraha la aadin, kuwa gudaha joogaan raadsanaynaa oo wax ka qabaneyna inta loo gudbin buuraha,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Hadalka Deni ayaa kusoo aadaya, xilli dhawaan deegaano ka tirsan gobolka Bari loo geyn waayay sanaaduqda diiwaan-galinta doorashada cabsi laga qabo halis amni oo ka imaan karta kooxaha argagixisada, oo ayagu ku sugan buuraha gobolka Bari.

Laba maalin ka hor unbay ahayd markii uu Mareykanka duqayn uu ka fuliyay gobolka Bari ku dilay Bilal al-Sudani, oo ururka Daacish u qaabilsanaa dhanka maaliyadda, islamarkaana ku dhuumanayey meel buuraley ah.

“Tallaabadan waxa ay Maraykanka iyo saaxiibadiisa ka dhigeysaa kuwo amaman ah, waxayna ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay inaan Mareykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo dibadda,” waxaa sidaas yiri xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin oo Arbacadii bayaan soo saaray.

Laba maalin ka hor unbay ahayd markii uu Mareykanka duqayn uu ka fuliyay gobolka Bari ku dilay Bilal al-Sudani, oo ururka Daacish u qaabilsanaa dhanka maaliyadda, islamarkaana ku dhuumanayey meel buuraley ah.

“Tallaabadan waxa ay Maraykanka iyo saaxiibadiisa ka dhigeysaa kuwo amaman ah, waxayna ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay inaan Mareykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo dibadda,” waxaa sidaas yiri xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin oo Arbacadii bayaan soo saaray.

Laascaanood 29ka Janaayo 2023 Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC ayaa markii u horeysay dalab la xiriira xiisada ka taagan Laascaanood u diray dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Garaadka ayaa waxa uu dowladda federaalka iyo Jabuuti ka dalbaday inay dhulkooda uga saaran Somaliland, ayna soo kala gaadhaan iyaga iyo maamulka Muuse Biixi inta ay isfara-saarin, sida uu hadalka u dhigay.

“Jabuuti ha ahaato oo walaalaheena oo dariskeena ah, ama dowladan aanu ka tirsanahay ee federaalka ha ahaato, walaalayaalow inta waxani meesha ay marayaan ayna dhaafin, oo kumanaan ayna isku dhiman waad aragtaane dee qabta, oo dalkayaga nooga saara” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Laascaanood uu muddo badan kadib ugu soo laabtay, si uu shacabka uga badbaadiyo xukun iyo maamul aanay rabin, ayna wadi doonaan halgankooda inta uu guuleysanayo.

“Fikirkayaga iyo aragtiyada way ballaaran tahay, waxa la isku dilay ee isku hayno waa go’ayna iyo la go’i maayo, oo arrintaas anaga wax gorgortan gali kara nooma ahan.”

Garaadka ayaa ka dhawaajiyay in xiligaan aanay wax wada-hadal ah la galayn xukuumada Somaliland illaa ay xukuumadda Muuse Biixi qirto in ay iyagu leeyihiin talada dhulka Sool, Sanaag iyo Cayn ee ay dagaan, sida uu sheegay.

“Marka hore waa in ay qiraan (Somaliland) in dhulkayaga anaga aan leenahay, anaga iyo beesha reer Sheekh Isxaaq dhul naga dhaxeeya majirto oo ma wada dagno, anaga qabiil ayaa nahay oo dhul ayaa daganahay iyaguna waa qabiil dhul ayay dagaan. Waxaa noo dhaxeeya xad qabiileed oo kala leenahay.”

Garaadka oo dhawaan si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood, ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay “in reer Laascaanood ay yihiin dad waligood usoo halgami jiray midnimada Soomaaliya, haddanaa ay raalli ka ahaan doonin in Soomaaliya la kala gooyo.”

Muqdisho 29ka Janaayo 2023Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo saaka lagu qaaday hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare dhimasho leh.

Weerarka ayaa waxaa lagu ekeeyey guri uu dagan yahay C/llaahi Xasan Afrax (Shaarkey) oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Dharkenley, kaas oo ku yaalla xaafadda Xasan Jiis, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyaahay.

Kooxo hubeysan ayaa lagu warramayaa in illaa laba bambo ay ku dhufteen guriga guddoomiye Shaarkey oo xilligaas ku sugnaa goobta isaga iyo askar ilaali u aheyd, waxaana la soo wariyay inay ka bad-badeen weerarkaasi, marka laga tego burburka guriga.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in qaraxyadan bambaano uu ku dhintay wiil yar oo 14 sano jir ahaa isla-markaana qoyskiisa ay daris la yihiin mas’uulka la weeraray.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada Dharkenley iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana howlgallo kooban sameeyay ciidanka ilaalada ee guddoomiyaha arrimaha bulshada degmadaas, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo beegsiga ay kooxda Al-Shabaab ku heyso mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo kordhay maalmihii u dambeeyay.

Xalay ayey aheyd weerar loo adeegsaday qarax miino oo lalala damacsanaa gaari Cabdi Bile ah uu ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, weeraradan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaanka ee dari ee ka dhacaya caasimada, waxaana aad loo xasuustaa weerarkii lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir.

WARARKA MAANTA 28ka Janaayo 2023

Su’aalaha Maanta: Yaa runta qarin kara maanta? Yaa ku xad gudbaya awood qaybsigii ay Soomalidu ku heshiisay? Maxuu yahay xiriirka ka dhexeeya Janaraal Firin Iyo Ururka Argagixiso? Waa kuma taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska #Soomaaliya Janaraal Firin oo wax aqoon jaamacadeed haysan mid khibradeed? Maxuu Madaxweyne Xassan Shiikh u diidan yahay inuu dhiso #Maqaamka #Muqdiso?  Maxuuse u diidan yahay Madaxweyne Xassan Shiikh inuu aqoonsado Dowlad Gobaleedka #KhaatumoState? Meeqo mashruuc ayaa dad ajaaniib/shisheeye ah wa ku cunaan magaca #Soomaaliya?  Yaa kufsaday gabartan? Yaa kamid ah askarta iyo sarakiisha wada kufatay? Maxay ku fashilantay Dowladdda Madaxweyne Xassan Shiikh? Maxuuse u diidan yahay Madaweyne Xassan Shiikh inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? 

Maxay ku fashilantay xukuummad “kutaanta/dhiqlaha” ee uu hogaaminaya Raysal Wasaare Xamsa Cabdi “OG-360 Dhaweeye”? Yaa maanta runta qarin kara inay fashil iyo dhaqaallo xumo soo wajahayso dowladda #Soomaaliya? Maxay tahay sababta ay Dowladda Xassan Shiikh u rabto in la burburiyo Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, #untland Iyo #Jubbaland? Ha wiqleyso!

Muqdisho 28ka Janaayo 2023 Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Khadiija Al-Makhzoumi oo ka hadashay dagaalka Al-Shabaab ayaa iftiimisay in dhibaatada Shabaab aysan ku koobneyn dadka hadda nool oo kaliya, balse ay mustaqbal la’aan dhigeyso Jiilalka soo socda.

“Al-Shabaab waxay 15-kii sano ee la soo dhaafay Al-Shabaab jartay mallaayiin geed oo ay dhuxul u bedeleen si ay uga ganacsadaan, una dhoofiyeen dalka dibaddiisa, si ay ugu maal-geliyaan dagaalada iyo qaraxyada ay ku dilaan dadka,” ayey tiri Khadiija Al-Makhzoumi.

Waxay sheegtay in arrintaan ay ku kacday Al-Shabaab ay dhul badan ka dhigtay lama degaan, kuwaasi oo markii hore ahaa kaymo iyo dhul-beereed.

“Tallaabadan waxay lama degaan u rogtay dhul ballaaran oo markii hore ahaa Keymo, Dhul-daaqsin iyo Dhul-beereed, laf-dhabarna u ahaa wax soo saar dalka.”

Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Khadiija Al-Makhzoumi ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay in loo baahan yahay in loo midoobo sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa dadka iyo deegaanka.

Al-Shabaab oo sanado badan dhibaatooyin kala duwan ugeystay bulshada Soomaaliyeed, ayaa hadda wuxuu dagaal xoogan kaga socdo qeybo badan oo dalka, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab ayaa waxa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Muqdisho 28ka Janaayo 2023 Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahne Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo xalay casho sharaf ku maamusay Culimadii Soomaaliyeed ee ka qayb-gashaday shirweynihii Muqdisho ugu soo dhammaaday ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, isaga oo si gaar ah uga hadlay ammaanka caasimada.

Guddoomiye Madaale ayaa ugu horreyn ku bogaadiyay Culimada Soomaaliyeed go’aanada ay soo saareen ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday weerarkii xarunta gobolka Banaadir oo ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen todobaadkii hore.

“Waxaa moodaa meeshii ugu dambeysay ee is yiraahdeen qabsada ee burburiya ee dadkeedana xasuuqa inaan caawa fadhino waa Alle mahaddiis,” ayuu yiri Madaale.

Duqa Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in aysan cabi gelin doonin weerarada Al-Shabaab, ayna sameyn doonin wax kasta oo looga hortago kooxdaasi, si loo hormarin caasimadda.

“Nimankii dhalinyarada ahaa halkan waa looga duceeyay, waana laga inkaaray haddii uu ilaalhey soo hanuuni rabana ilaahey ha u soo dadajiyo marka annagu nama badqin gelinayaan,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey Duqa magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray shacabka Muqdisho, isaga oo ugu baaqay inay garab istaagaan dowladdooda, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab.

Weerarka gobolka Banaadir oo saacado  qaatay ayaa ku billowday qaraxyo is-miidaamin ahaa, waxaana ku dhintay ugu yaraan illaa 6 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka mid ahaa shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada dowladda hoose ee Xamar.

Si kastana, hadalkan ayaa kuso aadayo, ayada oo haatan Al-Shabaab ay culeys soo saartay caasimada, kadib markii lagu jebiyay inta badan howlgallada ka socda gobollada dalka.

Muqdisho 28ka Janaayo 2023 Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada gobolka Mudug. Jenaraal Biixi ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah ay guulo muhiim ah ka soo hoyeen howlgalada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda gobolka Mudug, islamarkaana ay sii socon doonaan howlgalada ilaa Al-shabaab laga saarayo dhamaan deegaanada gobolka Mudug.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka iney kala shaqeeyaan howlgalada ka dhanka ah Shabaab oo uu xusay in haatan xureynta deegaanadaasi gabagabo ku dhaw yihiin.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay ciidamada iska iskaashanaya dagaalada lagula jiro kooxda Shabaab iney feejignaan dheeraad ah muujiyaan si ay uga hortagaan weerarada gaadmada ah ee kooxda Shabaab geysato.

Hadalka Jenaraalka ayaa imaanaya, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay guulo muhiim ah ka gaareen howlgalada ay haatan ka wadaan deegaanada maamulka Galmudug.

Muqdisho 28ka Janaayo 2023 Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta shaaciyay Jadwalka qashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Dhuusamareeb, kaasoo ka mid ah kuraasta ka banaaneyd Golaha Shacabka. Guddiga ayaa shaaciyay in Maalinta berito ay bilaabaneyso diiwaan gelinta, tababarka iyo shaacinta Guddiga Xulista Ergada, iyadoo 31-ka bishaana ay qanabayaan araajida iyo diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan kursigaan sumadiisu tahay HOP #147.

Maalinta Arbacada ah oo ay Taariiqdu ku beegan tahay 01-02-2023 ayaa lagu wadaa in doorashada kursigaan ay ka qabsoonto magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Kursigaan waxaa xiligii ay socdeen doorashooyinka kuraasta Golaha Shacabka doorashadiisa ku guuleystay Mahad Maxamed Salaad oo madaxweynaha Soomaaliya uu u magacaabay Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, taasi oo keentay inuu Xildhibaan siin ahaan karin qofkii noqdo Agaasimaha NISA.

Muqdisho 28ka Janaayo 2023 – In ka badan 300 oo culimada Soomaaliyeed ah oo todobaadkii hore shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday inay taageerayaan dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabab. Culimada ayaa hadalkaan ku sheegay bayaan ay soo saareen ka dib shir afar maalmood socday oo ay culimada yeesheen, laguna dhisay golaha sare ee culimada.

Waa markii ugu horeysay muddo sanado ah oo ay isugu yimaadaan culumaa’udiin Soomaaliyeed oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada si ay u cambaareeyaan ficilada Alshabaab.

Isku soo wada duuboo culumada Soomaaliyeed ayaa dowladda Soomaaliya waxay ka dooneysaa in ay kala qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Kulankan ayaa qeyb ka ah weeraro saddex geesood ah oo ay dowladdu ku qaadeyso Al-Shabaab, kuwaasoo isugu jira howlgalo ciidan iyo kuwo maaliyadeed oo ay u dheer tahay ka hortagga dacaayadaha xagjirka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa markii uu shirka soo xiray wuxuu sheegay bayaanka kasoo baxay culimada in uu wax weyn ka tari doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.

Wuxuu sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo uu arko culimo kala duwan oo meel wada fadhiya oo bayaan soo saaraya.

Raysal wasaaruhu waxa uu sheegay in ay la dagaalamayaan Cadow ay Culumaa’udiinka ugu yeereen Khawaarij, uuna ku faraxsan yahay in ay dagaalka kusoo biiraan.

Sheekh Aweys Cabdi oo ka qeyb galay shirka ayaa ku baaqay in la sameeyo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab.

“Kuwa ay dilaan oo ay qaraxyo la beegsadaan oo ay gaalo ku sheegaan dhamaantood waa muslimiin, sidaas darteed waa in lala dagaalamo,” ayuu yiri. “Askari kasta oo dila Al-Shabaab ama ay dilaan Shabaab waa shahiid”.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo bishii July ee sanadkii hore waday olole militari oo ka dhan ah Al-Shabaab. Gobollada dhexe ayaa ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyo beeleed waxa ay ka qabsadeen deegaano iyo tuulooyin dhowr ah, waxaana ay sheegeen in ay dileen in ka badan 2,000 oo ka tirsan Al-Shabaab.