Ciid Wanaagsan Wararka

WARARKA MAANT6ka 18ka Juun 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa dhahay Madaxweyne Farmaajo naagtiisa uu furay ayuu xaaraan kula seexdaa oo ilmo uga dhalay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye”? Yaa been ka sheegi jiray Ciidanka Xoogga Dalka ee #Eritrea lagu soo tababaraayey Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye”? Yaa hantidii dadweynaha dhacay oo hadda xitaa qabuuraha faagaaya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday kara in Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye” iyo kooxdiisa #Damu-Jadiid looga adkaaday saxaafa iyo baraha buldhada gudaha dalka iyo dibadda? Yaa ogolaaday inay xaasaskiisa baad qaataan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye”?

 Ha Wiqleyso! 

Turkey18ka Juun 2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimaha quseeya iskaashiga labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kulankaas ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga XFS iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga.

Kulankaas waxaa si weyn loogu gurfeeyey sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab.

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, waxay Soomaaliya ka codsatay Turkiga in dhanka duqeymaha si buuxda looga taageero.

Sidoo kale xogtaan waxay sheegeysaa in Turkigu ogolaaday taas oo wax shuruud ah uusan ku xirin, iyadoo kulankaan lagu qorsheeyey sida uu noqon doono howlgalka ciribtirka argagixisada Soomaaliya ee Turkigu uu ka qeyb qaada doono.

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa si buuxda u soo gelaya dagaalka Khawaarijta, waxaa la isku afgartay inay ka howlgalaan deegaan kasta oo Soomaaliya ay Shabaab iyo Daacish ka joogaan, waxaana hagi doona diyaaradaha saraakiisha ciidamada Soomaaliya.

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee Bayraktar TB2 ayaa natiijo weyn ka keeni kara dagaalka Al-Shabaab hadii ay soo galaan, kuwaas oo awooda in si kasta ay wax u dilaan, waxaana lagu heshiiyey inay Soomaaliya toos uga howlgalaan.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan waa nin awood badan oo dhowaan ka yimid madaxa sirdoonka Turkiga, waa gacanta midig ee madaxweynaha Turkiga Erdogan, waxaana kulankaan lagu tilmaamay mid miisaan leh.

Habeenkii 3-aad ayuu Xasan Sheekh ku hoyanayaa Turkiga, waxaana lagu wadaa in kulankaan ay natiijo weyn kala soo rogmato Soomaaliya oo Turkiga ka dalbatay inuu ka gacan siiyo dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan dhinaca duqeymaha.

Muqdisho 87ka Juun 2024 Xog ay heshay Warbaahubta ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado Taliyaha ciidanka xoogga dalka, sidoo kale xogtana waxay sheegeysaa sarkaalka loo badinayo in loo magacaabo doono Taliyaha Xoogga.

Sarkaal lagu magacaabo Jeneraal Garabey oo hadda Madaxweynaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga kula sugan Turkiga ayaa la sheegay in la qorsheeyey in xilkaas loo magacaabo – Beesha uu ka soo jeedo waa Abgaal.

Jeneraal Garabey waa sarkaal caan ah, wuxuu aad ugu dhowyahay Sheekh Shariif oo xiligii uu madaxweynaha ka ahaa dalka uu lasoo shaqeeyey, ninkaan ayaa la sheegay inuu ku fiican yahay hoggaaminta dagaalka, mar ayuu caloosha ka dhaawacmay, isagoo ku jira dagaalka Al-Shabaab.

Khimiista soo socota ayay wararku sheegayaan in shirka golaha wasiirrada looga dhawaaqi doono magacaabidda sarkaalkaas loo wado Taliyaha ciidanka xoogga dalka, waxaana dhici karta in dib u dhac uu ku yimaado qorshahaan.

Taliyaha ciidanka xoogga Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa dhowaan ka hor yimid hoggaano cusub oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku soo kordhiyey taliska, arrintaas ayaa dikreetada  madaxweynaha lagu sheegay inay ku timid soo jeedinta wasiirka gaashaandhigga XFS.

Caasimada Online waxay ogaatay in Madaxweyne Xasan iyo wasiirkiisa gaashaandhigga ay Taliyaha xoogga u bandhigeen inuu shaaciyey warqadii lagu magacaabay hoggaanada cusub oo ahaa afar sarkaal, balse taliyaha ayaa diiday, waxayna u xayireed habeeno, goor dambena waxaa baahiyey wasiirka gaashaandhigga oo adeegsanaya warbaahinta dowladda.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga ayaa aad isku khilaafsan, iyagoo dhowr jeer isku qabtay shaqada ciidanka, madaxweynaha ayaa ka gaabiyey in khilaafka labadaan nin ee soo noqnoqday, caqabadana ku noqday dagaalka Al-Shabaab uu xal u helo.

Xogta aan heyno waxay intaas ku dareysaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka Taliyaha ciidanka xoogga dalka mar kale u soo bandhigay Taliyihii kan ka horeeyey Jeneraal Odawaa, balse xubnaha noo waramay waxay sheegeen in Odawaa uu magacaabistiisa ku xiray shuruudo uu hordhigay Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa jirta xog sheegeysa in Xasan Sheekh uu ka fekerayo in Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga uu hal qof u magacaabo, si looga baaqsado khilaafka joogtada ah ee wasaaradda difaaca qaranka iyo taliska xoogga dalka naafeeyey.

Muqdisho 87ka Juun 2024 Ciidanka xoogga dalka ayaa howl-gal sifeyn ah ka sameeyay daafaha magaalada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan.

Howl-galkan ayaa waxaa la xaqiijiyay inay si wada-jir ah u fuliyay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor iyo kuwa loo yaqaano Ilaalo Qaran.

Ciidankan ayaa isku maray qaar kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada,si looga nadiifiyo kooxaha argagixisada ah, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-galinta gulufka dagaal ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, ayada oo isla shalayciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ay howl-gal ku dileen ku dhowaad 30 dagaal-yahan oo ka tirsan kooxda.

Howl-galkaas oo ka dhacay deegaanno dhaca gobolka Galgaduud, ayaa sidoo kale waxaa lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan.

Xubnaha lala beegsaday howl-galka ayey dowladda sheegtay in si dhuumaaleysi ah kusoo galeen dhulka howdka ee lagu bartilmaameedsaday, kadibna ay ciidanka dowladda ogaadeen dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadkan, sidaasna lagu duqeeyay.

“Meydadkii Khawaarijta ayaa daadsan howdka deegaanka Xuseen Cageey, waxayna isaga huleeleen goobihii lagu bartilmaameedsaday iyagoo u laabtay dhanka deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo horleh oo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid.

Muqdisho 87ka Juun 2024 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ammaanay oo u mahad-celiyey dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan oo sanadkan ku marti-qaaday gudashada waajibaadka Xajka.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ku ammaanay dhaxal-sugaha iyo boqortooyada Sacuudiga is-garab taagga wadamada Islaamka oo dhan, gaar ahaana dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo gargaarka bani’adaannimo.

Hoos ka aqriso qoraalka Sheekh Shariif

Waxay mahad u sugnaatay Allaah (SWT), oo inoo suurta geliyey inaan markale sanadkaan kamid noqonno Muslimiintii soo gudatey waajibaadkii Xajka. Waxaan uga mahadnaqaayaa madaxda Boqortooyada Sacuudiga oo ay ugu horreeyaan Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis iyo Dhaxal Sugaha Maxamed Bin Salmaan, oo  adeegyo cusub oo u fududeynaayo sannadkan usoo kordhiyey  martida Alle ee sannadkan gudanaysay acmaasha waajibaadka Xajka.

Waxaan si gaar ah, dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uga mahadcelinayaa casuumaada martiqaadka qado sharafka uu u sameeyay mas’uuliyiinta sannadkan kasoo qeybgashay gudashada Xajka oo aan kamid ahaa.

Waxaan bogaadinayaa kaalinta Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan isgarab taagga wadamada Islaamka oo dhan gaar Ahaana dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo gargaarka bani’aadannimo ee ay mWaxaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed uga baryayaa inuu nabad iyo barwaaqo inooga dhigo.uddada dheer la garab-taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho 87ka Juun 2024 Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal hadal badan abuuray soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland.

“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.

Balse saacado kooban kadib waxaa hawada ka baxay qoraalkii uu soo dhigay wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha ee Itoobiya kaas oo u muuqday in gebi ahaanba la tir-tiray. 

Dad badan ayaa u fasiray in Itoobiya ay gaabsaneyso ka hadalka arrintan halka kuwa kalana ay u fasireen in sababo farsamo awgood qoraalka looga saaray barta X ama Twitter. 

Haddaba muxuu ka dhigan yahay qoraalkan? 

Maxamed Mukhtaar oo ah wasiirkii hore ee batroolka Soomaaliya ahna falanqeeye ka faallooda siyaasadda geeska gaar ahaan Soomaaliya ayaa ku tilmaamay arrinkan mid aan wax badan kasoo cusbooneysiineyn halkii ay kala taagnaayeen Soomaaliya iyo Itoobiya. 

“Wasiiru-dowlaha warshada ee Itoobiya waxa uu ka hadlayay heshiiskii ay la gaartay Somaliland in uu sax yahay, taas ayuu ka hadlayay maadaama Itoobiya arrin ay muddo dheer dooneysay, hadalkiisa waxa uu daba socday heshiiskaas ee ilama aha in uu wax cusub ka hadlay”. 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “in qoraalka laga saaro barta X ee wasiirku uu kusoo qoray waxa ay u muuqataa in looga saaray qaab farsamo, uma maleynayo in go’aankii Itoobiya uu wax iska bedelay inta aan ognahayna kama aysan laaban laakiin waxaa jiri kara sababo kale”, ayuu sii raaciyay. 

Waxa uu sheegay in aysan jirin wax saan-saan ah oo haba yaraatee muujineysa in ay degtay xiisaddii u dhaxaysay Itoobiya iyo Soomaaliya isaga oo sheegay in Itoobiya aysan heshiis la geli karin ilaa ay aqoonsato taasina ay weli ku howlantahay. 

“Somaliland waxa aminsantahay in aqoonsigu uu u horreeyo markaa kadibna ay heshiis la geli karto dowladda Itoobiya, halka Itoobiyana ay leedahay marka dhulka nala siiyo ayaan aqoonsaneynaa, taas ayaa muuqata laakiin weli ma cada oo guddi farsamo ayaa loo saaray,” ayuu sii raaciyay wasiir Maxamed Mukhtaar. 

Bilowgii sanadkan Itoobiya ayaa qaadday tallaabooyinkii ugu horreeyay ee sharci kuwaasoo waddada u xaaraya in maalin uun dalka bad la’aanta ah ay u suurto gasho inuu isticmaalo dhul badeed kiro ah, sida ay sheegtay dowladda Itoobiya.

Waxay waxa loo yaqaanno heshiis is af-garad ah (MoU) la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland si ay u isticmaasho mid ka mid ah dekadaheeda.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa. 

Hadalkiisan oo uu sheegay bishii October ayaa Geeska Afrika ka dhaliyay xiisad.

Si rasmi ah looma shaacin qodobbada heshiiska ay wada saxiixdeen madaxda Itoobiya iyo Somaliland, taasoo ah dhibaato jirta maaddaama ay ku kala duwan yihiin waxyaabaha ay tilmaameen in ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Kadib heshiiskaasi Soomaaliya ayaa muujisay caro weyn iyada oo heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaliland ku sheegtay xad gudub cad iyo in lasoo fara geliyay madax bannaanideeda dhuleed.

WARARKA MAANT6ka 16ka Juun 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa runta qarin kara? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye” uga qayliyey warbaahinta xorta ah ee kashifta musuqmaasuqa baahsan ee Dowladdiisa Iyo Xaasaskiisa? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho inta uu ehelu qabuura soo faagaayo? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah? Yaa diiday inay Dowladda Dhexe ee Federaalka Iyo Dowlad Gobaleedyada wadashaqeeyaan? Yaa diidi kara in la weerari doona Santor Muuse Suudi? Yaa raba inuu shacabka Soomaaliyeed la wareeriyo? Maxayse beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaallo ah siiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 17ka Juun 2024 Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa si adag uga jawaab celiyay hadalo mudooyinkii dambe kasoo yeerayay wasiiro ka tirsan dowladda Itoobiya. Hadallada kasoo yeerayay Wasiiradda ka tirsan Xukuumadda Itoobiya ayaa la xariiray heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland, kuwaas oo marar badan ku celceliyay in Itoobiya ay ku saxan tahay heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ku sheegay hadallada kasoo yeerayay wasiiradda ka tirsan Xukuumadda Itoobiya iney yihiin ku marin habaabin iyo riyo maalmeed ah oo ay u soo dhiibtay Xukuumadda ay ka tirsan yihiin, islamarkaana aan waxba u dhimeyn dowladda Soomaaliya.

”Fariimaha marin habaabinta ah ee baraha Bulshada la soo marinaayo loona soo dhiibey Wasiirada Ethopia waa riyo maalmeed. Ethopia way ogtahay taako dhul Soomaaliyeed ka mid ah ineysan qaadan karin, qof soo jeeda oo riyooda waa la arki jirey, natiijada riyooyinka noocaas ahna waa la yaqaanaa halka ay ku dhamaadaan!” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo marar badan dowladda Soomaalya si adag uga hadashay heshiiskii bilowgii sanadkaan ay wada gaareen dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland ee la xariiray in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah Biyaha Soomaaliya, taas badal keedana Itoobiya ay Soomaaliland u aqoonsaneyso dowlad madax banaan.

Si kastaba ha ahaatee heshiiskii ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland ayaa wali fulin, waxayna labada dhinac mid kasta rajo weyn uu ka qabaa in heshiiskaasi uu hirgalo, halka dowladda Soomaaliyana ay dhankeeda si weyn uga soo horjeedo in uu hirgalo heshiis ku sheegaas.

Somaliland 17ka Juun 2024 Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa shaaciyay inuu dhex-dhexaad ka yahay doorashada Somaliland, taasi oo ka dhigan in Saylici uu dhabarka u jeediyay Muuse Biixi, xilli doorasho la galayo bisha Novermber ee sanadkaan.

Saylici oo maanta la hadlay dad isugu soo baxay inay oogaan Salaadda Ciidul-Adxaa ayaa shacabka ugu baaqay inay codkooda ku aaminaan qofka ay u arkaan in uu awood u leeyahay xoojinta isku duubnidooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la kala fogeeyo doorashada iyo qabyaaladda, xilli dhowr bilood ka harsan yihiin doorashada madaxtinimada Somailand, oo ay ku loolamayaan saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid.

“Shacabka Somaliland waxa aan leeyahay doorashada ciddii aad doontaan u codeeya, waa in la kala fogeeyo doorasho iyo qabyaalad,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici.

Waxa uu intaas kusii daray “In ummadda kala dhimato waxa ay ku imaan kartaa in aan loo fakirin si aan wanaagsanayn.”

Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa imanaya xilli Muuse Biixi uu wajahayo loollan adag oo uga imaanaya mucaaradka, oo ku eedeynaya Biixi inay siyaasad xumaddiisa keentay in Somaliland ay lumiso deegaanada gobolka Sool.

Si kastaba, Saylici oo xilligaan aheyd inuu dhiso Muuse Biixi oo uu ku-xigeen u ahaa sanado badan, ayna ka wada tirsan yihiin xisbul xaakimka ayaa sida muuqata garabkiisa ka baxay. Waxaana xilligaan musharax madaxweyne ku-xigeen u ah Muuse Biixi wasiirkiisa ganacsiga Mr. Saajin.

Muqdisho 17ka Juun 2024 Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay inay jiraan dad fiirsanaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo dacaayad la dabajooga dowladda iyo maauuliyiinta dalka.

Sidaan oo kale xalay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh ayaa uga jawaabay weerarrada loo mariyo baraha bulshada, isagoo codsaday in la iska dhaafo been abuurka iyo hadallada damqinaya boogaha.

“Dadka faafinaya beenta raqiiska ah ee raba in danahooda kaliya loo fuliyo waa qaldan yihiin ee dadka Soomaaliyeed ha ogaadaan,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha oo hadda dalka ka ah kusime madaxweyne ayaa hadalkaan maanta ka sheegay Masjidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka oo boqolaal shacab ah uu kula tukaday salaadii ciidda.

Aadan Madoobe ayaa sheegay dalku uu ku socdo jihadii ugu fiicneed, isagoo tusaale u soo qaatay guulo ay ku jirto deyn cafintii, kuwaas oo la gaaray intii ay xukunka joogeen isaga iyo Xasan Sheekh.

“Dhamaan bulshada Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in dowladda iyo madaxda ay u nasteexeeyaan oo garab istaagaan oo dowladnimada xafitaan, sidaas ayaa lagu wada guuleysanayaa,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in maauuliyadda uu marba qof heynayo oo dadka dhan aysan masuul halmar wada noqon karin.

“Umadda Soomaaliyeed waxay maanta u baahan tahay oo ka maqan in iftiinka dowladnimo ee maanta baxaya ay gacanta ku qabsadaan oo khilaafaadka dhan meel la iska dhigo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Aadan Madoobe.

Israa’iil 17ka Juun 2024 Warbixin uu qoray Brian Bloom oo lagu daabacay wargeyska ka soo baxa Israel ee “The Jerusalem Post” ayaa cinwanaan looga dhigay “Rajada kaliya ee u hartay Israel waa Sacuudiga”. Qoraalka waxaa uu ku bilowday guul buuxda oo Israel ka gaarto Gaza waa wax aan sahal lagu gaari karin

Qoraaga waxa uu sheegay Israel waa in ay sameysaa wax ay “Wajiga ku ilaalsan karto”. Dagaalka Israel iyo Xamaas ee socday 8-da bilood laga soo bilaabo Oktoobar 7, waxaa la dhihi karaa Israel kuma guuleysan maadama guutooyinka Xamaas ah ay weli dhulka joogaan, ayna awood u leeyihiin in ay Tel Aviv duqeeyaan iyo sidoo kale in dadka la haysto ay ku jiraan xaalad bani’aadannimada ka baxsan.

Ra’yi ururin uu sameeyay Machadka Dimuqraadiyadda Israel ka hor howlgalkii sideedii June ee Nuseirat, waxay muujineysaa in 34 boqolkiiba dadkii ka qeybqaatay ay rajo fiican ka qabaan mustaqbalka ammaanka qaranka.

Bishii May, 38 boqolkiiba dadweynaha Israel waxay sheegeen in ay kalsooni weyn u qabaan suurgalnimada in ay guuleystaan halka tiro badan oo 41 boqolkiiba ay sheegeen in ay kalsooni yar ku qabanaan in Israel guuleysaneyso.

Qoraaga waxa uu isweydiiyay isbeddelka hadii aan la guuleysan ama hadii dadweynaha kalsoonidooda lumiyaan. Bloom waxa uu aaminsan yahay in si weyn looga fakaro arrinta. Waxa uu sheegay in jawaabta ay hortaalo Sacuudiga iyo Imaaraatka.

Qoraaga waxa uu sheegay in Sacuudiga uu si weyn u doonayo in uu caadi ka dhigo xiriirka uu la leeyahay Israel taasna waxaa daliil u ah madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo soo bandhigay xabad joojin saddex heer ah iyo siideynta la haystayaasha iyadoo la eeegayo rabitaanka Netanyahu ee ah in aanu ogolaan maamul Falastiin oo halkaa jooga. Sacuudiga iyo Imaaraatka way sameyn karaan qorshahaas.

Sacuudiga waxyaabo waa weyn ayuu ka doonayaa Israel oo ay ku jiraan jid laysku haleyn karo oo lagu dhiso dowladda Falastiin ah taas ah oo wax ay Israeliyiin badan iyo maamulka hadda jira ay ka horjeedaan.

Hadii Israel ay ku guuleysan weyso dagaalka ay kula jirto Xamaas waa in hab kale la maraa.

Qoraaga waxa uu rumeysan yahay hadii Netanyahu uu caadi ka dhigo xiriirka Sacuudiga waxay taasi bedelysaa gobolka oo dhan. Israel waxay gobolka ka helysaa boos ay isbahaysi kula noqoto Carabta Sunniyiinta ee ka horjeeda Iran iyo xulufadeeda. Sidoo kale waxay taasi hogaajineysaa wajiga xumaaday ee Netanyahu. Dhabtii taasi ma dhawa, isbahaysigiisa ma sii jirayo. Marka la gaaro heshiis in badan waxay noqon doonaan howlgab, waana wax aysan marna qiyaasin Carabtii hore.

Qoraaga waxa uu qabaa hadii heshiis lala galo Sacuudiga oo dagaalka Gaza la soo afjaro in taasi ay fududeynso culeyska Maxkamadda dambiyada Caalamiga ee ku hayaan Israel iyo hoggaamiyayaasheeda.

Dagaalka labada dhinac ee Netanyahu

Qoraal uu ku qoray Peter Beaumont wargeyska ka soo baxa UK “The Guardian” ayaa cinwaan uga dhigay “Netanyahu labo dagaal ayuu ku jiraa” mana muuqata in midkoodna uu dhamaanayo.

Qoraaga waxa uu muujiyay in dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas iyo kan Xisbullah ee Lubanaan ay yihiin dagaallo iska soconayo oo aan la ogeyn xilliga ay dhammaanayaan.

Israel labo dhinac ayey dagaal ugu jirtaa. Si kasta oo ay ugu adeegsato awood iyo hub culus Gaza, hadana in la gaaro guul weyn ma cadda, waana khiyaali.

Aragtida hoggaamiyaha Xamaas, Yaxya Sinwar ee ah waxyeelada rayidka Gaza in ay tahay huris lagama maarmaan ah waa mid ay Xamaas u aragto horumarka dagaalka si ka duwan Israel.

Qoraaga waa sheegay in hoggaanka siyaasadeed iyo kan militeri ee Israel ay sanado aaminsanaayeen in ay awood u leeyihiin xakameynta dagaalka Xamas ama kan Xisbullah ee Waqooyiga. Waxay iska indho-tireen qodobka siyaasadeed ee hurin kara dagaalka. Falastiin waxay dooneysa dal iyo aayo-katalin

Xamaas iyo Xisbuulah waxay doonayaan qorshe fog. Xamaas waxay u aragta in aysan jid kale haysan oo aan ka aheyn in ay dagaalka sii wadaan.

Qoraaga waxa uu rumeysan yahay in arintu aheyn oo kaliya dagaalka Gaza. Dagaalka Xisbullah ayaa qeyb ka ah colaadda. Fakarka Israel ee ah in dagaalka ay xakameyn karto ayaa la fahmay. Xadka Lubnaan dagaalka ka socda waxa uu noqday mid weyn.

Waxyaabaha laga tagay ee dhibaatada keenaya

Wargeyska ka soo baxa Lubanaan ee ““Asharq Al-Awsat” maqaal uu ku qoray Maxamed Al-rumayhi kaas oo cinwana uu uga dhigay “Faraqa u dhexeysa carrada iyo fakarka” ayuu kaga hadlay go’aanka Golaha Ammaanka ee ah in dagaalka la joojiyo.

Jidka waa dheeryahay maadama aan waxyaabo badan xisaabta lagu darin. Qoraaga waa uu aaminsan yahay in labada dhinaca Israel iyo Falastiin ay haystaan midba rayi’ u gaar ah. Falastiin waxay u aragtaa dhulkooda oo laga qaatay halka Israel-na ay aaminsan yihiin in ay iyaga leeyihiin.

Dhibatada waxay bilaabatay marka labada dhinac loo sheegay in ay hal dhul ku heshiiyaan. Labo dal ama hal dal ay wada leeyihiin.

Qoraaga waxa uu aaminsan yahay Gaza oo dib loo qabsado in ay tahay in lagu soo laabtay halkii hore loo joogay. Xamaas oo maamulka Gaza ku soo laabatana waxay ka la mid tahay in halkii hore lagu soo laabtay.

Bulshada caalamka labada dhinac waxay ugu baaqeen xalka Labo dal ah. Taasi waxay u baahan tahay in si wadajir ah loo aqoonsado dowladda Falastiin. Xamas waxay furtay albaab taariikhi ah.

Qoraaga waxa uu ku soo afjaray maqaalkiisa isagoo tilmaamay in bulshada caalamka aysan fulin halku-dhigyadooda xamaasadeysan maadama uu Mareykanku yahay awoodda ugu firfircoon. In kuwa qaar la aflagaadeeyana ma soo dedejineyso calka

Isha: BBC

Puntland 17ka Juun 2024 Ciidamada ammaanka ee Puntland oo howlgal ka sameeyay magaalada Garoowe ayaa maanta gacanta kusoo dhigay xubin kamid ah burcad badeedda Soomaalida oo horay uga qayb qaatay afduubyo ka dhacay xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Qoraal kasoo baxay taliska booliska Puntland ayaa lagu faah-faahiyay qaabka uu u dhacay howlgalka iyo sida lagu soo qabtay ninkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Suufi Rasaas.

Ninkan ayaa lagu soo qabtay howlgal saacado badan qaatay oo uu hoggaamiyay taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Nugaal, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Maxamed Suufi Rasaas oo kamid ah burcad badeedii Markabkii MV Abdalla,kana mid ahaa ragii lagacta madaxfurashada ka qaatay ayaa manta ciidanka booliska G.Nugaal ku guulaysteen iney gacanta ku dhigaan kadib howlgal qaatay saacado oo uu hogaaminaayey Taliyaha Qaybta Booliska G.Nugaal G/Sare Maxamed Ali Axmed(Marduuf)” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay booliska Puntland.

Sidoo kale booliska ayaa sheegay in Maxamed Suufi uu ku dhuumaaleysanayay gudaha Garoowe, balse ay hayeen xogtiisa, kadibna ay gacanta kusoo dhigeen.

Waxaa kale oo ninkan lagu eedeeyay inuu ka qayb-qaatay afduubka Markabka MV Room, balse uu mar dambe usoo wareegay Markabkii MV Abdalla oo malaayiin dollar ka qaateen kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

“Waxa uu kamid ahaa afduubashaayshii markabkii MV Room isaga oo markii dambe usoo wareegay markabkii MV Abdalle oo uu kamid ahaa burcadii lagacta madax furashada ka qaadatay markabkaas” ayaa lasii raaciyay.

Puntland ayaa sidoo kale digniin adag u dirtay kooxaha kale burcad badeedda, waxayna ugu baaqday inay isa soo dhiibaan, haddii kale ay soo qab qaban doonaan.

Ciidamada  Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxa burcad badeedda ah, kuwaas oo dhibaato ku hay maraakiibta shishiiye ee isticmaala biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

Ethiopia 17ka Juun 2024  Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ku dhiiratay inay si shaacsan u sheegto inay aqoonsaneyso Somaliland, xilli uu socdo qorshe lagu dhaqan-gelinayo heshiiskii Addis Ababa.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland.

“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.

Somaliland ayaa dhawaan calaamadisay dhul badeedka ay siinayso Itoobiya, ayada oo madaxweyne Muuse Biixi uu The Economist u sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in baahida weyn ee ay u qabaan aqoonsi ay ku qasabtay in ay dhulkaas bixiyaan.

“Waxa aanu u halgamaynaa sidii aanu u heli lahayn madax-banaanideena, sida dalalka kale ee qaaradda ay sameeyeen,” ayuu yiri madaxweynd Muuse Biixi.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxay u baahan yihiin bad sida aan ugu baahanahay aqoonsi. Diyaar ayaan u nahay.”

Arrimahan ayaa imanaya xilliabada dhinac ay weli diyaarinayaan heshiiska rasmiga ah.

Xitaa haddii ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, lama mid ahan in dalal kale ee qaaradda ay ku dayan doonaan.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa teegeero buuxda u muujiyey Soomaaliya, oo 6-dii June xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale heshiis difaac la gashay Turkey, kaasi oo dhigaya in Ankara ay ka ilaaliso cid kasta oo ku soo xad-gudubta madax-banaanida iyo qarannimadeeda.

WARARKA MAANT6ka 15ka Juun 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa dadka shaqaalaha dowladda sumeeya ama qarxiya? Maxay tahay sababta uu Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u rabo in la baabi’iyo Dowlad Gobaleedka Koonfur Galeed Iyo #PuntlandState? Maxuuse Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u burburiyey Dowlad Gobaleedka #Somaliland? Maxuu Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ka doonay dalka #Switerxland si uu u soo helo lacagtii ay u hayeen dowladdii hore ee #Soomaaliya? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammad Dastuuri ah oo qabuuraha faagaaya Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiisa baad ka qaadaan dadweynaha Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa noqday Madaxweyne aan tagi kari #Somaliland markii labaad asgoo madaxweyne ah Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Yaa diidyay inay golaha wasiirada shaqeeyaan Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

SouthWest State 5ka Juun 2024 Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay wadooyinka isku xira gobolada kala ah Baay, Bakool iyo Gedo. Wadooyinkaan ciidamada is kaashanaya ay howlgalada ka sameeyeen ayaa la sheegay iney ku dhuumalaysanayeen xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

War kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay howlgalada kula wareegeen deegaano dhowr ah oo aanan la shaacin magacyadooda, islamarkaana sido kale ay ku burburiyeen goobo kooxdu gaadiidka noocyadiisa kala duwan uga qaadan jirtay lacagaha baada ah.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay oo qaarkood la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegeen in ujeedka uu ahaa sugida amniga wadooyinka xiriiriya gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, halkaas oo ay sheegeen in mararka qaar kooxdu ku dhibaateyn jirtay dadka masaafurka ah.

Maalmahii lasoo dhaafay ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa mudooyinkii dambe si weyn kordhiyay howlgalada ay kula dagaalamayaan Al-shabaabka ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed.

Swirtxland 5ka Juun 2024 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Switzerland uga qeyb galay shirka nabadda iyo ganacsiga oo muhiim ah Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsan arrimaha nabadda, amniga caalamiga ah iyo ganacsiga.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay khubaro ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Nabadda Adduunka Interpeace iyo Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Madaxweynaha ayaa iftiimiyay dadaallada socda ee dhismaha nabadda Soomaaliya,  taas oo ku salaysan aragtidiisa “Soomaaliya Heshiis ah, dunidana heshiis la ah” waxa uuna xusay caqabadaha gudaha iyo dibedda ee weli saameynta taban ku leh dadaalladaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda in ay xoojiso dib u heshiisiinta iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaanada laga xoreeyey argagixisada, kuwaas oo baahi weyn u qaba adeegyada aas-aasiga iyo isdhexgalka bulsho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey hay’adaha iyo ururrada ka soo qayb galay kulankan, doorka ay ka qaadanayaan nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Sidoo kale Madaxweynahaa ayaa la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta nabadda, daris-wanaagga iyo horumarka gobolka.

Muqdisho 15ka Juun 2024 Garaadka Guud ee SSC-Khaatumo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa xukuumadda Somaliland uga digay qorshe dagaal oo ay wado.

Garaadka ayaa Somaliland uga digay inay soo weerarto Laascaanood oo horey uga baxday gacantooda, isaggoo sheegay in aysan cidna duullaan ku aheyn iyagu, sidaas darteedna looga leexdo deegaankooda, haddii kale ay yaqaanan sida ay isku difaaci lahaayeen.

“Inagu geed kale iyo guri kale duulaan kuma nihin, danina nooguma jirto. Laakiinse danteena in aynu ilaashano Ilaahay waa inoo baneeyay waynanu awoodnaa,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

Waxa uu intaas kusii daray “Walaalaheena waxaanu leenahay duullaan idinkuma nihin ee idinkuna is-celiya.”

Sidoo kale waxa uu xusay in Laascaanood iyagu leeyihiin, islamarkaana aysan jirin cid ay ka dhaceen, sidaas darteed uuna cid kale ka qeyb-galineyn, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Garaadka ayaa imanaya, xilli dhawaan ay Somaliland sheegtay inay qorsheynayso duullaankii ugu weyna ee ay ku qaado Laascaanood, si ay dib ugu soo celiso gacanteeda, xilli ay hadda ka taliso SSC-Khaatumo.

Milateriga Somaliland ayaa ku goodiyay inuu markale la wareegi doono qaybaha uu lumiyay ee gobolka Sool, wuxuuna sheegay inuu xitaa dhaafi doono Laascaanood, taasi oo ka dhigan in xukuumadda Muuse Biixi ee muddo xileedkeedu dhamaaday ay duullaanka ku raadineyso dhibco ay doorasho ku gasho.

Ciidamada Somaliland ayaa sanadkii tegay ee 2023-ka lumiyay gacan ku haynta inta badan gobolka Sool iyo magaalo madaxda Laascaanood, kadib dagaal billo socday oo ay dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamo si beelaysan u abaabulan ay dagaal la galeen Somaliland, iyada oo ugu dambeyn 2-kii August 2023 laga adkaaday ciidamada Somaliland.

Si kastaba, Ciidamada Somailand iyo kuwa SSC-Khaatumo ayaa hadda ku sugan yihiin goobo aan aad u kala fogayn oo gobolka Sool ah, iyada oo dhinacyadu ay hawada isku marinayaan hadallo colaad muujinaya.

Muqdisho 15ka Juun 2024 Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galayay shir ka dhacay dalka Norway oo uu booqasho ku tegay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan kooxda Al-Shabaab.

Xasan Sheekh oo wax laga waydiiyay in dowladdiisa ay wada-hadal la fureyso Al-Shabaab ayaa ku jawaabay inay diyaar u yihiin, si wax kasta loogu dhameeo miiska wada-hadalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhammaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, isla markaana dowladda Soomaaliyeed ay ku dadaali doonto, sidii loo wada-hadli lahaa.

“Waxaan rumeysanahay in dhamaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, goormee ayay diyaar yihiin? dowladda Soomaaliya waa diyaar” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada-hadalkaas uu waqti dheer qaadan karo, balse ay ku dadaalayaan sidii loo abuuri lahaa wada xaajoodkaas, kadibna looga miro dhaliyo.

“Waxaan rajeyneynaa inay arrintaasi diyaar u noqdaan, marka ay diyaar noqdaan waan wada-hadli doonaa, wada xaajoodkaas wuxuu qaadan karaa waqti, laakiin ugu yaraan waxaan abuuri doonaa waddo cusub” ayuu sii raaciyay madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda dhexe ay dagaal culus kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga xoreeyay kooxda.

Dagaalkan ayaa sii xoogeystay kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh ee 15-kii May ee sanadkii 2022-kii, waxaana Al-Shabaab lagu qaaday dagaal saddex jiho ah.

Si kastaba, dagaalka ayaa hadda yare istaagay marka loo eego dardarkii uu billowday, waxaase weli socda qorshaha wajiga labaad oo ay kusoo biiri doonaan ciidamo cusub.

Muqdisho 15ka Juun 2024  Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu socdo qorshe garoon diyaaradeed cusub looga dhisayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in waqtiyada soo socda magaalada Muqdhisho ay yeelan doonto garoon diyaradeed cusub, oo laga heli karo adeegyada u baahan yihiin dhammaan nuucyada diyaaradaha ee u kala goosha gudaha iyo dibadda dalka.

Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha laga hirgalin doono Ceel-macaan, kaasi oo uu sheegay inuu fududeyn doono in laga baxo ciriiriga iyo dhibaatooyinka kale ee hadda ka jira garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

“Istaraatijiyo ayaa u degsan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza, markii xukuumadda la doortay madaxweynaha wuxuu amar ku siiyay in aan la imaano qorshe lagu dhisayo garoon cusub oo ay yeelaneyso caasimadda,” ayuu yiri Mareeyaha oo ka hadlay sida uu ku yimid qorshaha garoonkan cusub.

Waxa uu intaas kusii daray “Sahan badan oo ay sameysay hay’adda duulista rayidka waxaa noo hirgashay in aan helno dhul ku habboon garoon cusub in laga dhiso oo la yiraahdo Ceel-macaan, kuna yaala dhul siman oo baddana saaran.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in garoonka cusub ee la qorsheynayo dhismihiisa uu noqonayo mid baaxad weyn, si taxadar lehna loo hubiyay bad-qabka dhulkaasi, kadib muddo ay darseen jawiga iyo badqabka garoonka Ceel-macaan, isla markaana ay xaqiijiyeen in halkaasi tahay meel ku haboon adeegga diyaaradaha.

Si kastaba, garoonka Addan Cadde ee magaalada Muqdisho oo hadda ah kan keliya ee caasimadda leedahay ayaa mararka qaar laga dareema cariiri iyo dhibaatooyin kale oo meesha ka bixi doona haddii garoonka cusub lagu guuleysto hirgelintiisa.

WARARKA MAANT6ka 13ka Juun 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay kooxdii “#Nabad Iyo #Nolol Ama #Nabar Iyo Naxdin uga qayliyeen hawlaha ay ku eedeynayaan Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa amray in qabuuraha la faago Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa labada aqal hawl-gab ka dhigay Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inay wadashaqeeyaan dowlad gobaleedyada dalka ka dhex jira Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho/inano u iib geeyey Carabta Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa argagixisada Shabaab u magacaabay jaggooyin Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?

 Ha Wiqleyso! 

Galmudug 13ka Juun 2024 Heshiis ka kooban 3 qodob ayaa laga gaaray colaadkii dadka badan lagu laayey ee beelaha Dir iyo Mareexaan ku dhex martay waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaana ku baxay madaxda ugu sareysa Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo hoggaaminaya wafdi culus oo maamulkiisa ka tirsan ayaa gaaray deegaanadii lagu dagaalamay maalmihii lasoo dhaafay ee u dhaxeeya Caabudwaaq iyo Xeraale.

Madaxweyne Qoor Qoor oo halkaas ka furay gogol nabadeed ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac, isagoo kala hadlay sida ay muhiim ugu tahay in ay gaaraan xal deg deg ah iyo nabad waarta oo labada dhinac dhex marta.

Isla maanta waxaa la gaaray heshiis bilow u ah gogosha, kaas oo ka kooban 3-qodob oo kala ah:

1: In xabbad joojinta la is la qaatay, sidoo kalana lala shaqeeyo ciidammada amniga.

2: In la kala qaado maleeshiyaadka.

3: Iyo in dhinacyadu usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo caasimadda Dhuusamareeb la dhigay.

Dadka ku geeriyooday dagaal maalmo kooban ka socday deegaanada u dhaxeeya Xeraale iyo Caabudwaaq waxaa ku geeriyootay ku dhowaad 100 qof oo labada dhinac ah, waxaana ku dhaawacmay dad intaas ka badan.

Deegaano ayey kala qabsadeen labada beelood, waxaana adkaatay in la kala dhexgalo, waxayna dileen askar boolis ah oo lagu amray inay dagaalka joojiyaan oo beelaha kala dhexgalaan.

 Puntland 13ka Juun 2024 Wasaaradda amniga Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa qiraal ka sameysay dil dhowaan magaalada Garoowe loogu gaystay Marxuum Axmed Saxane Cabdi oo kamid ahaa dadka deegaanka, kaas oo uu dilkiisu dhaliyay caro   xoogan.

Warqad kasoo baxday wasaaradda amniga Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in marxuumka uu ku baxay gacanta ciidamada amniga, xilli ay wadeen howlgal ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wasaaradda ayaa ballan-qaaday inay dowladda bixineyso magta marxuum Axmed Saxane Cabdk iyo duugtiisa, sida ay ku caddeysay warsaxaafadeedka.

Sidoo kale wasaaradda amniga Puntland ayaa beesha uu ka dhashay marxuumka iyo ehelladiisa ka dalbatay in la aaso, maadaama dowladda ay ballan qaaday bixinta magtiisa.

“Waxay wasaaraddu amreysaa in marxuumka la aaso isla maanta, bacdamaa dowladdu xilqaadatay magta iyo duugtiisa”, ayaa lagu warka kasoo baxay xafiiska wasiirka Amniga Puntland Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xukuumaddu bixinayso dhammaan kharashaadka daawaynta dad kale ee ku dhaawacay hawlgalkaasi ciidan oo dhaliyay waxyeelada dhimashada iyo dhaawaca.

Garoowe ayaa waxaa haatan howlgallo culus ka wada ciidamada ammaanka ee Puntland, kuwaas oo dagaal adag kula jira kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, waxaana badanaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya labada dhinac, ayada oo khasaaraha ugu badan uu soo gaaro dadka rayidka ah ee aanu waxba galabsan.

 Muqdisho 13ka Juun 2024 Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali Dige oo haatan qayb ka ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ee ku sugan magaalada Oslo ee caasimada dalka Norway ayaa usoo jawaabay kooxda Nabad iyo Nolol iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo siyaabo kala duwan uga hadlay xaalada ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya, kadib markii kasoo baxay dowladda.

Ugu horeyn agaasime Dige ayaa sharraxaad ka bixiyay baahida keentay in dhulka Iskuul Buluusiya laga saaro maydadka, wuxuuna tilmaamay in laga dhigayo xero ciidan oo loo diyaarinayo ciidanka badda Soomaaliyeed.

“Dhulka qabuuraha laga rarayo waa halkii ahaan jirtay Xaruntii Ciidanka Badda Soomaaliyeed, waxayna dowladdu hadda ka hirgalineysaa dhismaha xarun lagu tababaro, dibna loogu hawlgaliyo Ciidankii Badda Soomaaliya, oo hada Qaranku baahi weyn u qabo in ay kaalin tooda ka qaataan difaaca madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalkeenna.”

Intaas kadib wuxuu u jawaabay kooxda Nabad iyo Nolol iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuuna sheegay in labadaas dhinac aanay u doodi karin shacabka, isaga oo sheegay inay horay u gaysteen dambiyo waa wayn oo ay ka galeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Siyaasiga kabahooda ku aasay meydka askar Soomaaliyeed oo uu xaqdaro ku laayay islamarkaana qabriyadooda ilaa maanta aysan ehelkoodu aqoon meesha ay ku yaalaan, mayahay qofkii dhihi lahaa “Waxaan aad uga damqanayaa, jirkeyguna la jiriricoonaya. Ma waxaa Xurmada Qabuuraha ka hadli kara siyaasiga askari Soomaaliyeed oo nool gacanta u galiyey cadawga maanta baddeena doonaya?” ayuu qoraalkiisa ku yiri agaasimaha Dige.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Siyaasiga baddii uu muranka geliyay la soo celiyay miyaa garan kara muhiimadda ay Qaranka u leedahay dhismaha xarunta ciidamada badda Soomaaliyeed?”.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ah agaasimihii hore ee warfaafinta madaxtooyada, haatana afhayeen u ah Farmaajo ayaa isaga oo ka hadlay xiisadda qabuuraha Iskuul Buluusiya sheegay in dowladda hadda jirta lagu wareejiyay iyada oo la dhowray dhammaan dhulalka danta guud ee ku yaalla magaalada Muqdisho, hadana ay ku kacday dhul boob.

“Ummadda Soomaaliyeed way ka dheregsan yihiin labada madaxweyne, midka ay caadada u tahay musuqmaasuq, wayna xusuustaan in Maxadweyne Farmaajo wareejiyey dhulkii danta guud iyada oo la dhawray iyo Madaxweynaha hadda xilka haya oo isaga oo aan sannad joogin xafiiska dhaxal wareejiyey inta badan dhulkii danta guud” ayuu yiri.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu horay uga yiri arrintan “Aaminaadda waa cunsurka ugu wayn ee shacabka iyo dowladda u dhexeeya, haddii la waayana aysanba dowladnimadu shaqayn karin. Wiilka uu dhalay AUN Cabdi Muruudi Dheere (AJAKIS) markii uu maydka aabihii la baxay, waxaa lagu qasbay in uu beeniyo in dowladdu ay ku amartay arrinkaas oo ay dhulka doonaysay, laakiin taa bedelkeeda uu iskiis ula baxay.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Maadaama ay ogyihiin in la aaminaynin, ayey madaxdii dawlada iska soo hormariyeen culimo si loo aamino. Waa arrin laga xumaado in culimadu ay noqoto marin wax lagu xalaalaysto”.

Muqdisho 13ka Juun 2024 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed u magacaabay Taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Ninkan oo beddelaya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, ayaa horey usoo noqday taliye ku-xigeenka hay’adda NISA, ayada oo shaqada laga eryay waqtigii dowladdii madaxweyne Farmaajo.

Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa lagu xasuusta inuu shaqadiisa ku waayay dacwad uu xilligaasi ka gudbiyay Fahad Yaasiin, isaggoo sheegay inuu Fahad la shaqeeyo kooxaha argagixisada, uuna cadeymo hayo.

Madaxweyne Farmaajo oo markaasi ka carooday dacwadda uu Cabdalla Cabdalla ka gudbiyay Fahad ayaa xilligaasi ka qaaday xilkii iyo weliba darajaddii ciidannimada.

Ninkan oo dib u helay darajadiisi ciidannimo kadib dib usoo laabashadii madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxaa hadda loo magacaabay taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka ilaaladda gaarka ah.

Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa dhankeeda xaqiijisay in xilkii laga qaaday, uuna beddelay Jeneraal Cabdalla Cabdalla, iyadoo qoraal ay soo saartay ciwaan uga dhigtay “Xilku waa meerto Difaaca qaranka waa joogto.”

“Adeerkeey Gen Abdalla Abdalla Maxamed waxaa leeyahay soo dhawoow, dhaqsana ku soo laabo aan xilka kugu wareejiyee!,” ayey Jeneraal Zakiya ku tiri qoraalka ay ku shaacisay in Cabdalla Cabdalla lagu beddelay.

Cabdalla ayaa madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dib ugu soo celiyay dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka kadib digreeto kasoo baxday 30-kii Ogoosto 2022.

 Muqdisho 13ka Juun 2024 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Hindiya u qaabilsan Soomaaliya.

Safiirka Hindiya Namgya Choden Khampa ayaa wasiirka kala hadashay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya.

Sidoo kale, kulankaan oo ka dhacay xafiiska Wasiir Fiqi ayaa lagu gorfeeyey fursadaha lagu ballaari karo iskaashiga wadajirka ah ee labada dal oo ku kala yaalla qaaradaha Afrika iyo Aasiya.

Safiirka Hindiya ayaa Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya u sheegtay in ay ka go’an tahay fududeynta codsiga dal ku galka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan inay caafimaad u aadaan Hindiya.

“Waa naga go’antahay inaan hubino in ay Soomaalidu si degdeg ah u heli karaan fiisaha, iyada oo aysan jirin cid kale oo na dhexdhexaadi doonta,” ayey tiri Namgya Choden safiirka Hindiya u joogta Soomaaliya.

Hindiya ayaa safka hore uga jirta dalalka ay dadka Soomaaliyeed u aadaan caafimaadka, hadana dhibaato weyn ayaa lagu qabaa sidii qof Soomaali ah uu Hindiya ku tegi lahaa.

Inta badan Soomaalida u socota Hindiya waxay aadaa Addis Ababa – Itoobiya, halkaas ka jartaan fiidaha ama dal ku galka Hindiya, dad badan ayaa cabasho ka muujiyey wareegaas dheer, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka dalbaday in safarada Hindiya la fududeeyo.

Hadda waxaa xaaladda sii adkeysay arrinta Itoobiya iyo Soomaaliya oo dagaal culus oo diblomaasiyadeed uu ka dhex qarxay, dadka Soomaaliyeed waa ku sii dhibtoodeen helidda dal ku galka Hindiya, balse hadda waxaa muuqata in dowladda garowsatay inay raadiso xal deg deg.

 Muqdisho 13ka Juun 2024 Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiriir dhanka khadka taleefoonka ah la sameeyey Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayaga oo ka wada-hadlay arrimo ku aadan horumarinta xiriirka labada waddan.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale wada-hadalkooda ku soo qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee diblumaasiyadda iyo arrimaha gobolka ee geeska Afrika.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka taleefoonka wadahadal miro dhal ah kula qaatay Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, waxayna labada masuul diiradda saareen xoojinta iskaashiga labada dal”.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya, kuwaas oo lagu tageerayo dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliya.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, kaas oo sii xoogeystay kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee 15-kii May ee 2022.

Wadahadallada  dhex-maray Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay dowladda federaalka ay wadday dadaallo ay ku hormarineyso siyaasaddeeda arrimaha dibadda, gaar ahaan xoojinta dhanka diblumaasiyadda.

Si kastaba, xiriirka labada dal ayaa weli ah mid aad u sarreeya, waxaana haatan Qatar mashaariicyo waa wayn ay ka fulisaa gudaha dalka, sida dhismayaasha waddooyinka.

WARARKA MAANTA 12ka Juun 2024

Su’aalaha Maanta: Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Africa Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa boobay hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa qaabuuraha iibsaday Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inay shacabka #Muqdisho helaan #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 12ka Juun 2024  Taliye ku xigeenkii labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa xilkii laga qaaday, sida ay shacisay caawa, waxayna sheegtay in lagu bedelay Jeneraal Cabdalla Cabdalla, iyadoo qoraalkeeda ciwaan uga dhigtay “Xilku waa meerto Difaaca qaranka waa joogto.”

“Adeerkeey Gen Abdalla Abdalla Maxamed waxaa leeyahay soo dhawoow, dhaqsana ku soo laabo aan xilka kugu wareejiyee!” Ayey Jeneraal Zakiya ku tiri qoraalka ay ku shaacisay in xilka laga qaaday.   

Jeneraal Zakiya ayaa Alle uga mahadcelisay fursadda ay u heshay inay shaqeyso muddo ku dhow lix sano, “Rabbigii fursad ii siiyay in intaas oo madax ah aan la soo shaqeeyo, intaas oo mashaariic aan hirgeliyo oo hada i fasaxay anigoo eed la ii heysan ayaa mahad oo dhan leh,” ayey ku tiri qoraalkeeda.

Waxay sheegtay in xili adag ay ku soo biirtay booliska Soomaaliya, balse maanta la joogo heer aad u sareeya, iyadoo sheegtay in dadaal badan ay ku bixisay hormarinta booliska.

“Waxaa shalay Boliiska ku soo biiray iyadoo sareeyasha ay lebiska ku watan bac iyagoo baqaaya in la dilo. Waxaana maanta ka tagaayaa iyagoo ku faani karo Boolisnimada iyo Bulsho oo haysato meel Boliis kala xiriiraan iyo kala xisaabtamaan,” ayey tiri Zakiya Xuseen.

Taliyaha ayaa u mahadcelisay dadkii ku garab istaagay in 5 sano iyo 10 bilood ay Taliye ku xigeen ka ahaato booliska Soomaaliya.

“Dadkii igu garab istaagay inaan gaaro guulaha kor ku xusay, abaalkiina ma gudi karo. Inta yareed oo aaminsaneed in caqabo ku ahaa danahooda gaarka ah, garoonka waa idiin baneeyee dhoolatuskiina gala,” ayey qoraalkeeda ku tiri Jeneraal Zakiya Xuseen.

Waxay sheegtay in hadda kadib ay u diyaarsan tahay inay u sii qidmeyso qaranka, isla markaana ay diyaar u tahay shaqo kasta oo loo diro, sida ay ku cadeysay qoraalkeeda.

“Hada is weydisaan Gaabeey xagee hada ka dhici doontaa? Waxaa idin leeyahay Gaabeey waa Gabar Soomaliyeed oo weli Generaal ah welina Heegan Buuxa ugu jirta u khidmeynta Dalkeeda, Dadkeeda & Diinteeda,” ayey qoraalkeeda ku tiri Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed.

Ugu dambeyntii taliye ku xigeenkii labaad ee booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen waxay soo bandhigtay waxyaabihii ay ku guuleysatay mudadii ay xilka heysay, kuwaasi oo kala ah:

5 sano iyo 10 bilood khidmeyn sare

Muqdisho 12ka Juun 2024 Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inaysan mas’uul ka ahayn dilka la sheegay in loo gaystay laba dhakhtar oo u dhashay Cuba oo al-Shabaab ay soo jeediyeen eedayn ah inay ku dhinteen duqayn uu gaystay Maraykanku 15-kii Febraayo ee sannadkan.

Qoraal Al-Shabaab ka soo baxay 17-kii Febraayo ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday 15-kii Febraayo, abaare 12:10 am ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, kuna dhinteen Assel Herrera iyo Landy Rodriguez. Al-Shabaab ma shaacin haddii dad kale ay ku dhinteen duqeynta.

Taliska Maraykanka ee Afrika AFRICOM waxay qiimaynta saddexdii bilood ee u dambaysay ee ay sameeyeen ay ku xaqiijiyeen in duqayn ay ka gaysteen nawaaxiga Jilib 15-kii Febraayo, hase yeeshee waxay sheegeen in qiimaynta iyo dib u eegista ay sameeyeen kadib ay go’aamiyeen in duqaynta ay ciidamada Mataykanku gaysteen 15-kii Febraayo aysan sababanin wax dhimasho oo rayid ah.

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay inay dhammaystireen qiimaynta laba dhacdo oo kale oo kala dhacay Janaayo 25-keedii iyo Febraayo 22-keedii sannadkan, oo ka kala dhacay nawaaxiga Galhareeri iyo Kurtunwaarey, iyadoo loo jeediyey eedayn ah in duqaymaha Maraykanku gaysteen ay waxyeello kasoo gaartay rayid.

Maraykanku waxay sheegeen in qiimayn iyo dib u eegis kadib aan Maraykanku wax hawlgal ka samaynin waqtiga iyo meelaha la cayimay.

AFRICOM waxay sheegtay inuu jiro kiis furan oo weli qiimayntiisa ay wadaan, kaasi oo macluumaadkiisa lagu dari doono qiimaynta tan xigta.

Ilo-wareedyo ku dhow dowladda Soomaaliya ayaa dhanka kale ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab ay ayaga dileen labada dhaqtar, kadib markii ay sanado badan ka faa’iideyteen oo ay dhaqaatiir u tababareen.

Dhaqaatiirtan ayaa sanadkii 2019 waxay Al-Shabaab ka soo afduubteen magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, halkaasi oo ay ka wadeen howlo caafimaad.

Muddadii Al-Shabaab ay gacanta ku haysay dhaqaatiirta, waxaa fashilmay isku dayo iyo wada-hadallo la doonayey in lagu soo daayo.

Masar 12ka Juun 2024 Shirkadda diyaarada Masar ee Egypt Air oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay inay bilaabeyso duulimaadyo ay ku imaaneyso magaalada Muqdisho ee caasimada dalka,  waxayna soo saartay wargelin ku aadan duulimaadyadeeda.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Twitterka ee shirkadda Egypt Air ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradahooda ay isaga kala gooshi doonaan Qaahira, Muqdisho iyo Jabuuti.

“War xiiso leh! Diyaaradda Egypt Air waxay bilaabaysaa khad cusub oo ay ku tagi doonto Jabuuti iyo Muqdisho. Soo ogow dhaqamada iyo muuqaalka meelahan cajiibka ah.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay shirkadda.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in duulimaadyadooda ayaa billaabanayaan wixii ka dambeeya 11-ka bisha July ee sanadkaan, ayna tagi doonaan Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sida lagu sheegay qoraalka todobaad kasta laba maalmood ayay diyaaradahooda kasoo duuli doonaan Qaahira, iyaga soo gaarayo Muqdisho, kadibna kusii hakanaya Jabuuti.

“Laga bilaabo 11-ka July 2024, kasoo duul Qaahira Khamiis iyo Sabti kasta. Qaahira illaa Muqdisho oo ku sii hakanaya Jabuuti.” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Soomaaliya ayaa waxaa bilihii u dambeeyay kusoo xirmayay duulimaadyo caalami ah oo hadda yimaada Garoonka Aadan Cadde, kuna sii xira dalalka kale ee caalamka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli diyaaradda Fly Dubai oo kamid aheyd diyaaradaha caalamiga ah ee yimaada Muqdisho ay ku dhowaaqday inay joojineyso duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Muqdisho wixii ka dambeeya 11-ka bishaan June oo shalay ku beegneyd.

Laba arrimood ayaa loo sababeeyay arrintaan, balse mid kamid ah labadaasi qodob waxaa ku hareeraysan waxyaabo daciifinaya. Labada qodob mid waa suuqa midna waa siyaasadda.

Muqdisho 12ka Juun 2024  Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo waeysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo.

Jaamac oo ka hadlayay xaaladda ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya oo ay dowladdu amartay in lagala baxo maydadka ayaa sheegay in hadda laga rabo in laga dhiso xarun dan guud ah oo loogu adeegayo Ummadda Soomaaliyeed, sida uu ku dooday wasiirku.

Isaga oo u jawaabayay siyaasiyiinta qaylo dhaanta ka muujiyay arrintan ayaa waxa u sheegay in dowladdii hore ay isku deyday in ay burburiso qabuurahaasi, iyada oo ka leh dano gaar ah, balse laga diiday, kadib markii ay ka horyimaadeen culimada iyo shacabka.

“Dowladdii hore kuma kicin anaa beeninaayo, inta ay ku kacday ayay Private u aaday ayaa culimada ka hor istaagtay ciddii rabtana way soo baari kartaa” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa ku eedeeyay Farmaajo iyo kooxdiisa inay rabeen inay dhulkaasi ka dhisaan hoteelo balse ay ku fashilmeen, maadaama ay wadeen dano gaar ah.

“Xukuumaddii, xukuumaddan ka horreysay ee madaxweyne Farmaajo dalab ayay culimada Soomaaliyeed u gudbisay waxay codsadeen in culimada ay Ummadda Soomaaliyeed u sharraxdo, kadib culimada way wadiisay waxa meesha lagu qabanaayo waxa ay yiraahdeen hoteelo ka dhiseynaa iyo deegaan  wayna diideen culimada” ayuu sii raaciyay.

Intaasi kadib waxaa wasiir Jaamac usoo jawaabay afhayeenka Farmaajo oo sheegay in warka uu sheegay uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

“Warka uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiggu waa mid aan sal iyo raad toonna lahayn oo laga leeyahay dano gurracan, waxayna ka tarjumaysaa sida dowladda hadda joogta ay u caadaysatay been abuurka iyo musuqmaasuqa xargaha goostay” ayuu yiri afhayeenku.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ah agaasimihii hore ee warfaafinta madaxtooyada, welina afhayeen u ah Farmaajo ayaa sheegay in dowladda hadda jirta lagu wareejiyay iyada oo la dhowray dhammaan dhulalka danta guud ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Ummadda Soomaaliyeed way ka dheregsan yihiin labada madaxweyne, midka ay caadada u tahay musuqmaasuq, wayna xusuustaan in Maxadweyne Farmaajo wareejiyey dhulkii danta guud iyada oo la dhawray iyo Madaxweynaha hadda xilka haya oo isaga oo aan sannad joogin xafiiska dhaxal wareejiyey inta badan dhulkii danta guud” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Haddii Eebbe idmo 24-ka saac ee soo socda ayaan ka bixin doonaa jawaab waafi ah warkan been abuurka ah ee ka soo yeeray Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh”.

Arrintan ayaa sii murjineysa xaaladda ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya oo qaylo dhaan wayn laga muujiyay, waxaana eheladu ay bilaabeen inay maydadkooda kala baxaan.

Muqdisho 12ka Juun 2024  Hay’adda Socdaalka IOM ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in doon ay la socdeen tahriibayaal isugu jiro Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa Isniintii lasoo dhaafay ku degtay xeebaha dalka Yemen.

Doonta degtay ayaa waxaa la socday illaa 260 tahriibayaal ah, waxaana dhintay 49 qof, halka 140 kalena lagu la’yahay xeebaha Yemen oo ah halka uu shilka ka dhacay.

115 kamid ah tahriibayaashan waxa ay ahaayeen Soomaali, halka 145 kalena ay ahaayeen Itoobiyaan, kuwaas oo kusii jeeday dhinaca waddanka Yemen.

Sidoo kale waxaa lasoo badbaadiyay ugu yaraan 71 qof oo kamid ah tahriibayaasha, kadib gurmad loo fiyay, sida ay sheegtay hay’addaha socdaalka ee Qaramada Midoobay.

Dadka la badbaadiyay waxaa ku jiray lix carruur ah, halka kuwa kale iyo hooyooyinkooda ay ku dhinteen badda gudaheeda, marka ay degtay doonida.

Xaalad tahriibayaasha ayaa ah mid aad u adag, waxaana haatan la tacaalaya shaqaalaha gurmadka deg-dega ah ee soo bad-baadiyay, halka baadi goobayo kuwa kale ee maqan.

Xeebaha Yemen ayaa kamid ah marinada ay halista badan ku wajahayaan tahriibayaasha sanad kasta kasii tallaaba badda cas, kuwaas ka baxsanaa colaadda iyo dhaqaale xumada.

Si kastaba, IOM waxay horay u sheegtay in ay diiwaangalisay ilaaa 1,350 dhimasho ah oo ku dhintay marinka socdaalka badda tan iyo 2014, oo aan ku jirin sanadkan 2024-ka.

WARARKA MAANTA 10ka Juun 2024

Su’aalaha Maanta: Yaa #Norway aaday ayadoo tacsi ciidan taalo Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? ? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammad Dastuuri ah Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? ? Meeqo ciidan ah ayaa ku dhintay Ceeldheer? Yaase shirqoolay? Maxuuse Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka #Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta_Gareen u diiday khiyaanadii uu maleegaayey Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh? Yaa ogolaaday in khaadka dalka la keeno oo lacag dul-saar ah saartay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dhacay hanti dadweyne Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay xaasaskiisa lacago xoog ah inay ku qaataan baad iyo magaca Dowladda #Soomaaliya? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 10ka Juun 2024 Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa laba jibaaray howlgallada amni xaqiijinta ah ee ay haatan ka wadaan caasimada iyo deegaanada u dhow, si looga hortego falalka amni darrada ah.

Afhayeenka Booliska, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qatay wariyeyaasha ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalladan iyo natiijada laga gaaray.

Cabdifitaax ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen shabakad isku xiran oo dhac baahsan ka wadday magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Sida uu sheegay afhayeenka kooxdan ayaa waxaa horkacayay laba askari oo horay laga eryey ciidanka Xoogga, wuxuuna sheegay inay dhaceen gaadiid iyo moobeelo.

“Laba ruux oo horay looga ruqseeyay ciidanka Xoogga dalka oo lahaa shabakad dadka dhacda ayaa waxa ay muwaadiniin Soomaaliyeed ku dhaceen gudaha degmada Dharkenley, waxay qaateen mooto, moobeello, kadibna waxay galeen degmada Garasbaaley” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laba gaari oo kale ay ka dhaceen degmada Garasbaaley iyo deegaanka Ceelasha Biyaha, kadibna ugu dambeyn laga daba tegay

“Ciidamada booliska Garasbaaley ayaa daba galay degmada waxay ka dhaceen gaari waxayna la aadeen Ceelasha Biyaha oo ay rabeen inay ku dhuumaaleystaan, gaarigii markii ay taargada booliska baafiyeen lagu daba taagnaa ay dareemeen in aysan baxsan karin waa ay ka tageen gaarigii, hadana waxa ay gaari labaad kasoo dhaceen Ceelasha Biyaha” ayuu mar kale yiiri.

“Sidoo kale waxay muwaadin Soomaaliyeed ka dhaceen bistoolad uu sifo sharci ah ku watay, bistooladaas waxay ku dhaawaceen muwaadin kale” ayuu sii raaciyay.

Afhayeenka ayaa xusay in sidoo kale kooxdan ay taleefano badan ka dhaceen degmada Dayniile, kadibna ay ka baxsadeen kadib falkaasi.

Waxaa kale oo uu tilmaamay inay soo gacan galeen labadan nin iyo lab kale oo caawiye u ahaa, isla markaana isku bahaystaan inay dhac ka gaystaan magaalada Muqdisho

“Dhammaantood labadii ruux iyo laba kale oo kal-kaaliyeyaal u ahaa afartoodaba gacanta ayaa lagu soo dhigay, waxayna ku xiran yihiin saldhigga” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Ceeldheer 10ka Juun 2024  Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan degmada Ceeldheer oo shalay dagaal qaraar uu ka dhacay, waxaa jira rag nolosha lagu qabtay oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaas loo soo qaaday Muqdisho, si baaritaan loogu sameeyo.

Ragaas waxay gaarayaan afar nin, waxaana qabtay ciidanka dowladda oo sii raacdeysanaya Shabaab-kii soo weeraray Ceeldheer oo dagaalka lagu jebiyey.

Saraakiisha noo warantay waxay sheegeen in ragga la qabtay ay wateen gaari yar oo Suuksuuki ama Kabtabuud ah, waxayna ka yimaadeen dhinaca deegaanka Cowsweyne oo hoos taga Ceeldheer.

Ciidanka ayaa soo jeebeeyey ragaas, waxayna keeneen Ceeldheer, isla shalay waxaa lagu soo qaaday diyaarad military oo keentay Muqdisho, si baaritaan loogu sameeyo, inkastoo aan weli xog laga helin waxa ka soo baxay baaritaanka ragaas.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ragga la qabtay, saraakiisha qaar waxay noo sheegeen inay ahaayeen Shabaab gurmad ah, halka qaar ka mid ah dadka deegaanka ay noo sheegeen in ragaasi ay raadinayeen qoryo ay bililiqeystaan.

Sidoo kale xogaha aan dadka deegaanka ka helnay waxay sheegayaan in ragga shalay lagu qabtay duleedka Ceeldheer ay ka mid yihiin shacabkii qoryaha ciidanka dowladda ku bililiqeystay Cawsweyne, markii lagu jabiyey ciidanka qaranka Shabaab-na ay isaga carareen deegaanka.

“Ragaan inta aan ka naqaan Shabaab ma aheyn waxay iska ahayeen reer miyi, balse waxay barteen bililiqo oo dagaalkii Cawsweyne ayey dhowr qori ka heleen, marka sidii oo kale ayey rabeen inay Ceeldheer qoryo ka helaan markii la jebiyo ciidanka dowladda, balse waxaa qabtay ciidankii oo sii ceyrsanaya firxadka Al-Shabaab,” ayuu yiri nin aan magaciisa u qarinay sababo amnio o Ceeldheer ku sugan.

Dhinaca kale, dadka deegaanka waxay noo sheegeen in hareeraha degmada Ceeldheer ay buuxaan meydadka Shabaab-kii shalay lagu laayey dagaalka, ilaa seddax goobood ayaa la sheegay in meydadku ay toban-toban u yaalaan.

Arrinta murugada leh ayaa ah in askari ay Shabaab nolosha ku wateen duleedka magaalada laga helay meydadka isaga iyo raggii afduubtay oo lagu laayey jid-gooyo ay u dhigeen ciidamada GorGor ee xoogga dalka, oo shalay aad uga dagaalamay gudaha iyo hareeraha degmada Ceeldheer.

Israel 10ka Juun 2024 Benny Gantz oo ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda dagaalka ee ra’iisal wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii shalay is casilay, tallaabadaasi oo cadaadiska ku sii kordhineysa Netanyahu.

Gantz ayaa ahaa xubinta kaliyah ee xisbiyada siyaasaddoodu dhex-dhexaadka tahay ee ku jiray xakuumadda ay majaraha u hayaan isbaheysiga midigta fog ee Isra’il.

Gantz ayaa waxa uu xukuumadda Israel ka tirsanaa tan iyo inti uu billowday dagaalka Gaza muddo hadda laga joogo siddeed bilood.

Is-casilaadda Gantz ayaanan khatar deg deg ah hadda ku aheyn dowladda Isra’il, hase yeeshee yeelan karta cawaaqib halis ah, isla markaana ka dhigtay xukuumadda Isra’il ee hadda jirta mid ay isugu soo hareen wasiirro gabigoodba ah kuwo mayal adag oo si aada ah u jira dhinaca midigta fog.

Benny Gantz ayaa horay uga digay is casilaadiisa haddii uusan Natanyahu la iman istaraatiijiyad cad oo ku aaddan Gaza, xilli Isra’il ay sii wadday dagaal millatari oo ay ku dishay tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

Netanyahu ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada oo uu uga jawaabayay is cazillaadda Ganz ku sheegay, in aanan hadda la joogin waqti laga tago dagaalka.

Sacuudiga 10ka Juun 2024 Caro iyo dhaleeceyn xooggan ayaa ka dhalatay kadib markii wasiirka Xajka iyo cumrada Sacuudiga uu ku dhowaaqay in boqortooyada aysan ogolaan doonin “hal-ku-dhigyada siyaasadeed” inta lagu jiro xajka, isaga oo ula jeeda ficillada garab is-taagga loogu muujinayo Falastiiniyiinta.

Tawfiiq Al-Rabiah oo warbaahinta kula hadlay magaalada Riyaad ayaa sheegay in Xajka “loo yaqaan hab cibaado, waxaana aad u daneyneynaa inaan xaqiijino nabadda si qof walba uu si fudud ugu guto cibaadadiisa.”

Waxa uu intaa ku daray “Sidaas darteed, Xajku waa cibaado ee maaha mid loo adeegsado hal-ku-dhegyo siyaasadeed, taasina waa waxa ay hoggaanka boqortooyada doonayaan in ay xaqiijiyaan – in Xajku ka kooban yahay astaamaha ugu sarreeya ee khushuuc, xasillooni iyo diin.”

Hadalladan ayaa waxa ay dhaliyeen caro badan oo ka timid dad badan oo Muslimiin ah oo caan ka ah baraha bulshada, kuwaas oo su’aal ka keenay sida aan caddayn ee hadalka loo dhigay, kaasi oo u muuqday mid tixraacaya mudaaharaadyada caalamiga ah ee lagaga soo horjeedo dagaalka burburka leh ee lagu hayo Gaza iyo qul-qulka taageerada Muslimiinta ee qadiyadda Falastiin.

“Islaamku waa hab nololeed, ma kala qaybsana qaybta ‘siyaasadda’ iyo ‘cibaadada’ ee Islaamka. Nebi Muxamed NNKH wuxuu siyaasadda iyo istiraatiijiyadda dagaalka uga hadli jiray masjidka,” ayuu yiri qof qoraal soo dhigay baraha bulshada.

Mid kale ayaa waxa uu iftiimiyay in Xajku yahay xilli lagu fekerayo nuxurka Muslimnimada, oo ay ka mid tahay “diididda dulmiga”.

Qaar kale waxay xuseen in inkasta oo oo uu yahay dal miisaan siyaasadeed ku leh gobolka, haddana Sacuudi Carabiya ay sii waddo mawqifka la dhimay ee ka qaybgalka diblamaasiyadeed, taas oo wiiqday diinta iyo qiyamka qoyska boqortooyada al-Sacuud.

“Iyadoo uu socdo xasuuqa Gaza, aamusnaanta maamulka Sucuudiga waa wax uu ka naxo qof kasta oo bani’aadam ah iska daa Muslim,” ayuu yiri qof kale.

Muqdisho 10ka Juun 2024 Ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo weli sii wada kulamadiisa gaar gaarka ah ayaa xalay wada-hadal khadka taleefoonka la yeeshay madaxweynaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Sheekh Shariif  Sheekh Axmed, isaga oo kala hadal arrimo xasaasi ah.

Wada-hadalladan ayaa qayb ka ahaa  wadatashiyo uu James Swan la yeelanayo daneeyayaasha siyaasadda, si uu xog wareysto xaaladda dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee loo yaqaano UNSOM.

“Isagoo sii wada xiriirada uu la samaynayo daneeyayaasha Somaaliyeed ayaa  Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan uu khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.

Farmaajo iyo James Swan ayaa waxa ay si gooni ah uga wada-hadleen isbeddeladii ugu dambeeyay ee dhacay iyo sida looga shaqeyn karo horumarka dalka.

“Waxay ka wadahadleen is baddalladii  ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo fursadaha lagu horumarinayo mudnaanta Qaranka” ayaa lagu sii raaciyay warka qoraalka ah ee UNSOM.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo isla noocaan ah oo ay xalay yeesheen madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kaas oo isna ahaa khadka taleefoonka ah. Shariif iyo Swan ayaa si gaar ah uga wada-hadlay arrimo ku aadan horumarada dalka ka socda iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa horumarka jira.

“Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa maanta magaalada Muqdisho khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxay ka wada hadleen horumarada dalka ka socda iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa horumarka jira” ayaa lagu yiri qoraal kale oo kasoo baxay UNSOM.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho kulamo ka waday James Swan oo markii labaad loo soo magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya, isaga oo horey usoo ahaa Ergayga gaarka ah ee xoghayaha xuud ee QM u qaabilsan iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022, kadib markii uu muddo dheer ka soo shaqeeyay adeegga diblomaasiyadda ee dalka Mareykanka.

Puntland State 10ka Juun 2024 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qeylo-dhaan uu u diray saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa u ku dalbaday inay xaqiijiyaan in si cadaalad ah oo siman loo qaybsado deeqaha iyo gargaarka horumarineed, isaga oo eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka.

Codsigan oo loo diray hay’ado iyo dalal badan oo caalami ah, ayuu Deni hoosta kaga xariiqay welwelka weyn ee uu ka qabo wax uu ugu yeeray “siyaasadeynta sii kordheysa ee deeqaha” ee dowladda federaalka.

Saciid Deni waxa uu qeylo dhaan ka muujiyay lacagaha ka yimaada deeq bixiyayaasha caalamka oo uu sheegay in dowladda federaalka ay adeegsato ajandayaal siyaasadeed, taasi oo uu ku andacoonayo inay socotay tan iyo markii isaga dib loo doortay.

“Siyaasadeynta mashaariicda Puntland loo qoondeeyay, barnaamijyada iyo taageerada miisaaniyadeed waxay socotay 18-kii bilood ee u dambeeyay,” ayuu yiri Saciid Deni.

Saciid Deni ayaa sheegay in la isku dayey in uu arrintan xal kala gaaro dowladda federaalka iyo bankiyada horumarinta balse aanu ku guuleysan.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey dowladda federaalka inay billaabeen olole war xumo tashiil ah iyo warar been abuur ah, oo la doonayo in lagu qalqal geliyo dowlad goboleedka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Deni ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo hanaan loo wada dhan yahay oo ku saabsan deeqaha dibadda, ganacsiga, heshiisyada, kheyraadka dabiiciga ah, iyo arrimo kale ee waaweyn ee saameynta ku leh danaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, oo ay ku jirto Puntland.

Waxa uu ku dooday in falalka Muqdisho ay iska indha tirayaan waajibaadkii dastuuriga ahaa, iyo xaaladda taagta daran ee qaranka, taasi oo halis gelin karta xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka la eego xaaladdan halista ah, waxaan ka codsanaynaa saaxiibadeena caalamiga ah inay garwaaqsadaan culeyska xaaladdan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

“Waxaan codsaneynaa in la sameeyo hannaan beddel ah oo awood u siinaya bankiyada horumarinta inay si toos ah u caawiyaan oo ay u taageeraan Puntland, kana madax-banaan siyaasadda Muqdisho.”

Qeylo-dhaanka Deni ayaa imaneysa ayada oo Puntland ay wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo liidata, xilli ciidamada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha maamulka aan mushahar la siin muddo bilo ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda federaallka ay Deni ka jartay qaar ka mid ah qoondadii Puntland ay ku laheyd deeqaha caalamiga ah, halka qaar kalena lagu dhibo.

Puntland ayaa horey u sheegtay inay u macaamileyso si ka madax-banaan dowladda federaalka, hase yeeshee beesha caalamka ayaa weli deeqaha u soo marisa dowladda federaalka.

WARARKA MAANTA 9ka Juun 2024

Su’aalaha Maanta: Yaa arkay inaysan siyaasadaa Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” ka shaqayn #Sooomaaliya? Yaa diidan inay Dowladda #Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”aysan dalka ka hirgelin la isticmaalo shilin Soomaali?  Maxay u diideen inay Dowlad Gobaleedka Koonfyr Galbeed Iyo #Jubbaland in Ciidanka #Ethiopia dalka laga saaro? Yaa diiday inuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u ogolaaday xaasaskiisa iyo ehelkiisa inay boobaan hantida dadweynaha? Yaa diidan inaysan maanta jirin hal dowlad gobaleed oo si daacad ah ula shaqayso Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diidan inay #Dowladda Soomaaliya u shaqaynayso sidii #NGO oo kale? Yaa diidan inuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” yahay beenloow oo aan Illahay ka baqayn oo wixii uu ballanqaado uu ka baxaayo? Yaa ogolaaday in si tartiib tartiib loo baabi’iyo ciidanka Soomaaliya? Yaa dagaalada dalka ka huray Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa Shabaab u magaabay xilal sar-sare oo xitaa ninkii Shabaab ugu sareeyey ka dhigay wasiir? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 9ka Juun 2024  Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa sheegay, in Alshabaab ay jab xooggan kala kulmeen dagaalkii ay shalay subax kusoo qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Yaasiin Farey, ayaa sheegay, Alshabaab inay labo jiho kasoo weerrareen degmada Ceeldheer, hase ahaatee wxuuu sheegay in aysan u suurto galin inay kasoo gudbaan labo farriisin oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa macaawisleyda ku lahaayeen labo jiho oo kamid duleedka magaalada Ceeldheere.

Waxa uu sheegay, dagaal ku dhawad 4 saac socday in Alshabaab ay dib u gurteen, iyagoo la gaarsiiyay khasaare ballaaran, sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka uu soo gaaray khasaare kooban oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Dhinaca kale, wasiirka amniga ee maamulka Galmudug, Maxamed Aadan Gaboobe ayaa sheegay in horey loo sii hayay xogta weerarka Alshabaab, isagoo tilmaamay in ciidamadu ay iska caabiyeen dagaalka ay kusoo qaadeen kooxda Alshabaab.

“Waa loo diyaar garoobay, difaac baana lagu jiray, waana la iska celiyay, oo dib baa loo celiyay. Khasaarihii ay iyagu rabeen inay wax gaarsiiyaan, iyagaa la gaarsiiyay. Dhul 20km ayuu khasaarahooda yaallaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, Alshabaab ayaa soo bandhigay sawirrada gaadiid ay gubeen iyo maydadka dhowr askari oo ay ku sheegeen inay qeyb ka ahaayeen weerarkii ay kusoo qaadeen farriisimada ciidamada ee degmada Ceeldheer

Gaza 9ka Juun 2024  Saraakiisha Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa sheegay in dad ka badan 200 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay, weerar isugu jiray cirka, dhulka iyo badda oo ay Isra’il Sabtidi shalay ku qaadday bartamaha Gaza.

Weerarkan oo lagu tilmaamay kii ugu dhiig-daadashada badnaa tan iyo marki uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza muddo hadda laga joogo 8 bilood, ayay ciidamada Isra’il ku sheegeen inuu qeyb ka ahaa howlgal ay ku soo badbaadiyeen afar qof oo ka mid ahaa la heystayaasha Isra’il ee ay Xamaas iyo kooxaha kale ku hayaan Gaza.

Millatariga Isra’il waxay sheegeen in howlgalkan ay ku soo furteen afarta qof uu ka dhacay xerada qaxootiga Nuseyrat ee bartamaha Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah meelaha ugu dadka badan Gaza.

Saraakiisha Gaza iyo ilaha caafimaadka ayaa sheegay weerarka ciidanka Israil ay shalay ku qaadeen xerada Nuseyrat ay ku dileen in ka badan 2010 ruux oo Falastiiniyiin ahoo ay ku jireen dumar iyo carruur.

Dhaqaatiirta aan Xuduudda laheyn ee (MSF) ayaa sheegtay in in isbitaalka Al Aqsta ee bartamaha Gaza ay ka tan bateen dhaawacyada, kuwaas oo u badnaa bay tiri hey’adda dumar iyo carruur. Dhaawacyada ayaa laga keenay Kaamka Nuseyraat.

Afhayeen u hadlay Isra’il ayaa sheegay in ay ogyihiin in khasaaraha weerarki ay ku qadeen Nuseyrat uu ka yaryahay 100 qof, balse aysan gareyn inta argagixiso ka ah dadkaasi ay dileen.

Gamudug 9ka Juun 2024  Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan dagaal beeleedka haatan kasoo cusboonaaday waqooyiga gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo ahaa mid xoogan ayaa shalay dib uga qarxay deegaanka Laandheer oo u dhexeeya magaalooyinka Cabudwaaq iyo Xeraale ee gobolkaasi.

Sidoo kale dagaalkan ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu badnaa, waxaana ku naf waayay ku dhowaad 50 ruux oo isugu jiro dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah.

Qoor Qoor oo wareegto soo saaray ayaa haatan magacaabay guddi wasiiro ah oo ka kooban illaa 5 xubnood, waxayna kala yihiin wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka amniga, wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta, wasiirka gargaarka iyo wasiirka warfaafinta.

Sidoo kale warqaddan ayaa lagu faray hay’adaha amniga inay la shaqeeyaan guddiga wasiirada ah ee loo xil-saaray dagaal beeleedka ka socda gobolka Galgaduud.

“Waxaa la farayaa dhammaan hay’adaha amniga ee dowlad Gaalmudug inay shaqeeyaan guddiga sare ku xusan, si loo joojiyo colaadda” ayaa lagu yiri qoraalka

Dhinaca kale, Galmudug ayaa u digtay dad ay sheegtay inay ku howlan yihiin hurinta dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday deegaanada maamulkaasi

“Waxaa looga digayaa kuwa ku howlan hurinta colaadaha iyo isku dirka walaalaha ah, kana dhex raadinaya dano raqiis ah inayo ka waantoobaan”

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada dhexe.

Waxaa sidoo kale dagaal beeleedyadan barbar socda dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay isku gaysanayaan beelaha dagaalamaya, taas oo iyana xaalad kale ka abuurtay gobolka

SouthWst iyo Jubbaland Hoggaamiyeyaasha maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa soo baxeysa inay ballanka uga baxeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku rogeen.

Saddexdan nin ayaa heshiis ka gaaray arrinta maalmahan dambe xiisadeeddu banaanka timid ee qorshaha dalka looga saarayo ciidamada Itoobiya, kaasi oo labadaasi maamul diidan yihiin in ciidankaas laga saaro dalka.

Shirkii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ee ka qabsoomay Muqdisho ayaa waxay labada nin ee Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ku saxiixeen qorshaha bixista ciidanka Itoobiya, balse ay gadaal iskaga rogeen madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo weli si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysa arrintaan.

Balse diidmada labada hoggaamiye goboleed ayaa banaanka keenaysa cabsida ay ka qabaan haddii ciidanka Itoobiya baxaan inay sii xajisan karaan xukunka, xilli ay dowladda dhexe siisay madax goboleedyada muddo kororsi dheeri ah, si uu meelmar u noqdo qorshaha Villa Somalia ee doorasho dadweyne.

Villa Somalia ayaa dhankeeda iska fogeysay in qorshaha bixista oo markii hore wada-ogol lagu gaaray ay ku hoos jiraan qorshayaal kale sida; dano siyaasadeed ama kuwo lidi ku ah labadaasi nin.

“Ma garanayo siyaasiyiinta labadaas maamul waxa ay biyaha hoostooda ka arkeen, laakiin waxaan ognahay in aysan jirin wax qalalaase ah oo Villa Somalia laga abaabulaayo oo Baydhaba ku socda,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo la hadlay Universal Tv.

Waxa uu intaas kusii daray “Inta aan ka ogahay xiriirka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdicasiis Lafta-gareen wax dibindaabyo ah ma jirto ama dowladda federaalka ay ka damacsan tahay Koonfur Galbeed, xiriir kalsooni ka dhisan ayaa ka dhaxeeya labada masuul.”

La-taliyaha Madaxweynah oo markale ka hadlay ka warqabka go’aanka bixista ciidanka Itoobiya iyo inay wax ka saxiixeen Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ayaa yiri “Lafta-gareen iyo Axmad Madoobe waa ogyihiin, weyna taageereen qorshaha ciidamada Itoobiya looga saarayo Soomaaliya, ma ogi waxa cusub ee ku soo kordhay, laakiin go’aankaas waxaa lagu gaaray shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaran.” Inkasta oo la-macaamilka dowlad kale, deris ama mid fog middii ay tahay wax door ah aysan ku laheyn maamul goboleedyada, haddana waxaa muuqata inay Itoobiya go’aansatay in madaxweyne Xasan Sheekh ay kula dirirto gudaha dalka.

Si kastaba, diidmada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ee bixitaanka ciidamada Itoobiya waxay kusoo aadeysa xilli ay Itoobiya go’aansatay inay qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya.

Galmudug 9ka Juun 2024  Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in haatan uu sii kordhayo khasaaraha dhimashada ee ka dhashay dagaal beeleedkii shalay dib uga qarxay deegaanka Laandheer ee waqooyiga gobolkaasi.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay laba maleeeshiyo beeleed oo wada daga deegaankaasi oo u dhexeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud, waxayna isku haystaan dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi.

Inta la xaqiijiyay tirada dhimashada ayaa kor u dhaaftay illaa 50 qof, halka ay dhaawacmeen 60 kale, kadib dagaal qaraar oo shalay dhex-maray labada dhinac.

Maleeshiyaadka diriraya ayaa helay gaadiid dagaal iyo hub, taas oo keentay in dagaalka uu saacado badan qaato, isla markaana uu dhaliyo khasaare baaxad leh.

Dowladda federaalka iyo Galmudug ayaa saacadihii ugu dambeeyay sameeyay dadaallo dheeraad ah, waxaana lasoo wariyay in ciidamo Boolisa ah iyo Nabad-Sugid la geeyay deegaanka lagu dagaalamay, kuwaas oo kala dhex-galay labada beelood ee is diriraya.

Sidoo kale xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana soconaya dadaallo nabadeed oo lagu qaoobinayo colaadda kasoo cusboonaatay halkaasi.

Waxaa sidoo kale dagaal beeleedyadan barbar socda dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay isku gaysanayaan beelaha dagaalamaya, taas oo iyana xaalad kale ka abuurtay gobolka

WARARKA MAANTA 8da Juun 2024

Su’aalaha Maanta: Yaa jah-wareeriyey siyaasadda Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Meeqqo hanti dadweyne ah ayuu horay u dhacay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday in la fuliyo xukunkii dilka ahaa ee dilaa Sayid Cali kaasoo Maxkammadda #Muqdisho Iyo Maxkammadda Racfaanka ay isku raaceen in la qisaaso? Yaa diidan inaysan wax dowlad ah iyo maxkammad ka jirin #Muqdisho? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu u rabaa Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” inuu burburiyo Dowlad Gobaleedka #Koonfur Galbeed Iyo #Puntland State? Mxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso Dowladda Soomaaliya?  Ha Wiqleyso! 

Jubbaland State 8da Juun 2024  Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa tababar heer sare ugu soo xiray ciidan cusub dugsiga tababarka ciidanka Darawiishta Jubbaland ee Akadeemiyo.

Guutada Birjeex ee ciidamada Darawiishta Jubbaland oo mudooyinkii u dambeeyay uu tababar u socday ayaa diyaar u ah howl-galo ay dhawaan ciidamada Jubaland bilaabayaan oo lagu cirib-tirayo Khawaariijta, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka.

Axmed Madoobe u mahad-celiyay sarakiisha iyo askarta tababarka dhamaystay iyo sidoo kale macalimiinta dugsiga tababarka dadaalkii ay ku bixiyeen sidii ay usoo saari lahayeen ciidamo jir ahaan iyo maskax ahaanba diyaar u ah xoraynta dalkooda.

Waxaa madaxweynahu uu sheegay in howl-galada dhawaan bilaabanaya ay ciidankan laf dhabar u yihiin isla markana guulo wax ku ool ah ay keeni doonan.

Sidoo kale waxaa ciidankan tababarka loo soo xiray lala soo bandhigay hub culus, kaasi oo ay u adeegsan doonaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka bilaabanaya maamulkaasi.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa isla shalay xariga ka jaray wajiga koobaad ee dhismaha Isbitaalka ciidanka Jubbaland.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Isbitaalka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayay wasiirka caafimaadka Eng Ismaaciil Garas, wasiir ku-xigeenka amniga gudaha Aadan Xaaji, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, saraakiisha ciidamada kala duwan iyo qaar kamida howl-wadeenada Isbitaalka ka howlgali doona.

Isbitaalkan ayaa si guud ugu wada shaqayn doona dhammaan ciidamada kala duwan iyadoo lagu samayn doono qaliinada kala duwan iyo daaweeyntooda isla markana laga heli doono dhammaan qalabka muhiimka u ah adeegyada caafimaadka.

Axmed Madoobe ayaa ballan-qaaday in isbitaalkan la balaadhin doono isla markana qeybo cusub lagu kordhin doono iyadoo dhakhatiir cusub oo tayo leh lagu soo kordhin doono.

Waxaa uu intaas ku daray hoggaamiyaha Jubbaland in sababta loo sameeyay Isbitaalkan ay tahay in ciidamada ay helaan daryeel gaar ah oo lagaga kaaftoomo in la geeyo Isbitaalada dadweynaha loogu adeego.

Minneapolis 8da Juun 2024 Xeerbeegtida ayaa dambi ku helay shan qof oo Soomaali ah oo degan Minnesota, waxayna ku waayeen labo qof oo kale Jimcihii, doorarkii ay ku lahaayeen shirqool lagu xaday in ka badan $40 milyan oo qeyb ka aheyd barnaamij loogu talo-galay in lagu quudiyo carruurta intii uu socday Coronavirus.

Kiiskan ayaa soo jiitay dareen badan ka dib markii qof uu isku dayay in uu laaluusho xeerbeegti, isaga oo u keenay shandad ay ku jirto lacag dhan $120,000 oo caddaan ah.

Xeerbeegtigaas ayaa la beddelay ka hor inta aan la guda gelin go’aan gaarista, waxaana sidoo kale la eryay xeerbeegti labaad oo arrintaas loo sheegay. Baaritaanka FBI-da ee isku dayga laaluushka ayaa sii socda, iyadoo aan la shaacin cid loo qabtay.

Ka dib markii la akhriyay xukunnada, kaaliyaha xeer ilaaliyaha Mareykanka Joe Thompson ayaa isku dayga laaluushka ku tilmaamay “weerar lagu qaaday nidaamkeena cadaaladda dembiyada,” wuxuuna u sheegay suxufiyiinta in mas’uuliyiintu ay baari doonaan.

Ma bixin wax faallo ah oo kale oo arrintan ku saabsan, wuxuuna muujiyay inuu ku qanacsan yahay xukunnada kiiskan khiyaanada ah.

“Been ayey sheegeen waxayna si khiyaano ah u sheegteen inay malaayiin cunto ah ku quudinayeen carruurta Minnesota intii uu socday COVID-19. Eedaysanayaashu waxay ka faa’iidaysteen masiibada COVID-19 si ay khiyaameeyaan gobolka Minnesota waxayna xadeen tobanaan milyan oo dollar,” ayuu yiri Thompson.

“Dhaqankani ma ahayn dambi oo kaliya, ee wuxuu ahaa dhaqan xumo iyo nacasnimo.”

Qareennada difaaca ayaa ku dooday intii ay maxkamadda socotay in kalyantigooda ay cunto dhab ah siiyeen dad dhab ah.

Toddobada qof ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee 70 eedeysane oo la soo taago maxkamadda waxa dacwad oogayaasha federaalku ay ugu yeereen mid ka mid ah khiyaanooyinkii ugu weynaa ee la xiriira lacagaha lagu lunsaday COVID-19 ee Mareykanka.

In ka badan $250 milyan oo lacagta federaalka ah ayaa lagu lagu xaday Minnesota guud ahaan, iyadoo kaliya $50 milyan oo ka mid ah la soo celiyay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Gargaarka cunnada ayaa ka yimid Waaxda Beeraha ee Mareykanka, waxaana maamulayay gobolka, kaasi oo lacagta cuntada ku shubi jiray hay’ado aan macaash doon ahayn iyo ururo ku xiran kuwaas oo maamulayey, qorshuhuna ahaa inay caruurta ku quudiyaan.

Eedaysanayaasha ayaa lagu eedeeyay in ay soo saareen qaan sheegadka cunnooyin aan waligood la bixin, ayna abuureen shirkado been ah, sidoo kalena sameeyeen been xalaaleyn lacag iyo khiyaanooyin kale.

Dacwad-oogayaasha federaalka ayaa sheegay in kaliya wax aad u yar oo ka mid ah lacagtii dowladda ay bixisay loo adeegsaday in lagu quudiyo caruurta qoysaska saboolka ah, halka inta kale loo adeegsaday in lagu iibsado baabuur raaxo, dahab, guryo iyo safarro.

Xubnaha dambiga lagu helay ayaa kala ah; Abdiaziz Shafii Farah, Mohamed Jama Ismail, Abdimajid Mohamed Nur, Mukhtar Mohamed Shariff iyo Hayat Mohamed Nur, kuwaas oo lagu helay inta badan dacwadihii lagu soo oogay.

Dacwad-oogayaasha ayaa ku sheegay Abdiaziz Farah inuu hoggaaminayey kooxda xatooyada sameysay, waxaana lagu helay 23 ka mid ah 24-kii dacwad ee lagu soo oogay.

Said Shafii Farah iyo Abdiwahab Maalim Aftin ayaa lagu waayey dhammaan dambiyadii lagu soo oogay.

Xukunka xabsiyada ay wajahayaan kuwa dambiga lagu helay ayaa la waqtiyeyn doonaa goor dambe.

Muqdisho 8da Juun 2024 Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo markale ka hadlay guusha taariikhiga aheyd ee Soomaaliya gaartay Khamiistii ayaa shaaciyay xogta sida uu kusoo bilowday ololaha kursigan.

Fiqi ayaa sheegay in codsiga kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ku guuleysatay ay dowladda Xasan Sheekh gudbisay codsigiisa sanadkii 2022-ka, kaas oo keenay guusha Khamiistii la gaaray.

Waxa uu tilmaamay in codsigii kursigan ee dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo gudbisay 2018-kii la siiyay Mozambique, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Soomaaliya 2018-kii ayay gudbisatay inay u tartanto kursigaas, kadibna Mozambique ayaa la siiyay kursigaas, kadib ayaa codsi kale Soomaaliya 2022-kii gudbisay inay u taagan tahay kursigaas, kadibna loo qoondeeyay dowladdihii bariga Afrika ka tirsanaa oo markii dambe lagu qanciyay in Soomaaliya loo daayo,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Waxa uu intaas kusii daray “Sidaas ayuu ururka Midowga Afrika u iclaamiyay inay Soomaaliya tahay musharaxa keliya ee u taagan kursigan, taasi waxay keentay in adduunka intiisa kale loo galo olole, kaasi oo ugu dambeyn mira-dhalay.”

Inkasta oo wasiirka uu qiray dadaalka dowladdii hore ee kursigan, haddana waxa uu sheegay in guushan ay ku timid dadaaladdii u dambeeyay ee dowladda Xasan Sheekh oo ayadu gudbisay codsigii dambe ee loogu tartamay kursigaan, looguna guuleystay.

“Si tartan la’aan ah ayaa naloogu coddeeyay oo codkii loo baahna waa ka gudubnay oo waxaa caddeeyay 185 dowladood, intooddii badnaa marka laga 6 waa helnay codkoodii, taasina waxay muujineysa dadaalkii xoogganaa ee lagu jiray sanadihii lasoo dhaafay inuu mira-dhalay.”

Soomaaliya ayaa Khamiistii ku guuleysatay kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ay 2025-2026 ku meteli doonto dalalka Afrika.

“Si tartan la’aan ah ayaa naloogu coddeeyay oo codkii loo baahna waa ka gudubnay oo waxaa caddeeyay 185 dowladood, intooddii badnaa marka laga 6 waa helnay codkoodii, taasina waxay muujineysa dadaalkii xoogganaa ee lagu jiray sanadihii lasoo dhaafay inuu mira-dhalay.”

Soomaaliya ayaa Khamiistii ku guuleysatay kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ay 2025-2026 ku meteli doonto dalalka Afrika.

Galmudug  8da Juun 2024 Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in saaka dagaal beeleed xoogan uu dib uga qarxay waqooyiga gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

Dagaalka oo illaa iyo hadda socda ayaa ka qarxay deegaan u dhexeeya magaalooyinka Caabduwaaq iyo Xeraale ee gobolkaasi, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid xoogan, waxaana ku dhintay dad aad u badan oo isugu jiro labad dhinac iyo dad shacab ah.

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen dhowr iyo toban kale, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Maleeshiyaadka dagaalamayaa ayaa sidoo kale haystay gaadiid dagaal, waxayna dhinacyadu helayaan gurmad, taas oo uga sii dareysa xaaladda.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo ku aadan dagaalka dib uga qarxay waqooyiga gobolka Galgaduud.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada dhexe.

Waxaa sidoo kale dagaal beeleedyadan barbar socda dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay isku gaysanayaan beelaha dagaalamaya, taas oo iyana xaalad kale ka abuurtay gobolka

Israel 8da Juun 2024 Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerar ku billowday qaraxyo ee ay saaka kooxda Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Ceeldheer ee bariga gobolka Galgaduud, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka oo 4 jiho ay Al-Shabaab uga soo qaadeen magaalada ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday.

Dhimasho badan ayaa lasoo warinayaa inuu ka dhashay weerarka, waxaana dadka dhintay ku jiray saraakiil ay kamid yihiin Yoonis Xassan Sabriye iyo Korneyl Cabdulle, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale labada dhinac ayaa guullo ka kala sheegtay weerarka iyo dagaalka xigay ee saaka ka dhacay gudaha degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay howlgalkan ayaa sheegtay inay kula wareegtay fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada iyo xarumo muhiim ah oo ku yaalla halkaasi.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo iyadana warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in la jabiyay Al-Shabaabkii weeraray Ceeldheer, khasaare culusna la gaarsiiyay.

“Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Ciidammada Deegaanka ayaa saakay jab xooggan u geystay Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah oo waaberigii hore ee saakay weerar kusoo qaaday fariisimmo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo”.

Ceeldheer oo kamid ah magaalooyinka laga xoreeyay Al-Shabaab ayaa waxaa haatan ku sugan ciidamada Gorgor, kuwa Danab iyo ciidamada Macawiisleyda.

WARARKA MAANTA 7da Juun 2024

Su’aalaha Maanta: #Hambalyo Kooxda #Damu-Jadiid oo ku guulleystay Kurisigii xubinimada Golaha Amniga! Maxay tahay sababta marwalba shacabka Soomaaliyeed lagu mashquuliyo kuraas dibadda ah oo hay’addo #NGO ah? Maxay tahay Dowladda Soomaaliya oo sidii #NGO ah u shaqaynayso? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxuuse u diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah? Yaa baad ka qaadta laamaha dowladda? Yaa xirxirtat odayaal xamaali ah? Yaa boobay dhulkii dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Iyo Xaasaskiisa? Yaa raba inuu samaysto dastuur iyo doorasho aan qof iyo cod ahayn Madaxweyne Mudane Xassan? Yaa khabuuraha soo faagay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh? 

 Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 7da Juun 2024 Madaxweynihii iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ayaa war ka soo saaray guusha ay Soomaaliya ka gaartay kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ay 2025-2026 ku meteli doonto dalalka Afrika.

Farmaajo iyo Kheyre oo mid walba soo saaray qoraal gaar ah ayaa sheegay in guushaan ay ka soo shaqeeyeen, kadib markii ay codsi ay ku dalbanayaan kursigaan ay u direen Qaramada Midoobey.

Ugu horeyn Kheyre ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan ku faraxsanahay in uu guuleystay hayaankii iyo himilladii aan soo billownay markii Oktoobar 2018kii ay codsiga xubinnimadan gudbisay xukuumaddii aan Raysulwasaaraha ka ahaa, oo baadigoobka kursigan gelisay dadaallo diblumaasiyadeed, si ay 52 sano ka dib Soomaaliya xubin uga noqoto golaha Ammaanka.”

Kheyre oo farriin u diray Madaxda Qaranka ayaa ugu baaqay in aragti cad laga yeesho sidii looga miradhalin lahaa fursaddan taariikhiga ah, lana xoojiyo xafiiskeenna Qaramada Midoobay ee New York, si uu dalku kaalin firfircoon uga qaato Golaha Ammaanka.

Dhankiisa Madaxweyne hore Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlay guushaan ayaa ugu horeyn hambalyo u diray shacabka iyo dowladda, isagoo yiri, “Tani waxay ku timid dadaalladii diblomaasiyadeed ee aannu soo bilowney sannadkii 2018-kii, maantana uu guul taariikhi ah dalkeennu ka gaaray.”

Qoraalka Farmaajo ayaa intaas ku sii daray “Qaranka Soomaaliyeed oo ku guulaystay Kursigan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay inoogu danbaysay sannadkii 1972-kii, waxa ay dalkeenna u tahay sumcad iyo guul taariikhi ah, taas oo noo muuqatay markii aannu bilaabaynay himiladan.”

Madaxweynihii hore oo wadaniyad ku dhiirigeliyey madaxda Soomaalida ayaa yiri, “Hadaf kasta oo qaran oo lagu raadiyo wadajir, loogana shaqeeyo si daacadnimo iyo waddaniyad leh, waxaa xaqiiq ah inuu miro dhal noqonayo, waana tan laga rabo in hoggaan kasta oo Soomaaliyeed uu ku shaqeeyo.”

Spain 7da Juun 2024Spain ayaa ku dhawaaqday inay ka codsan doonto maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay inay ku biirto kiiska Koonfur Afrika ee ku eedaynaya Israa’iil inay xasuuq ka geysatay marinka Gaza.

“Hadafkeena kaliya waa inaan joojino dagaalka oo aan horay u sii wadno hirgelinta xalka labada dowladood,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain Jose Manuel Albares.

Spain waa waddankii ugu horreeyay ee Yurub ah ee codsigaas sameeya, isagoo ku biiray 12 waddan oo kale.

Koonfur Afrika ayaa dacwadda horgeysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda sannadkii hore, iyadoo ku eedaysay Israa’iil inay ku kacday xadgudubyo ka dhan ah, heshiiskii Qaramada Midoobay ee Xasuuqa ee sannadkii 1948-kii.

Israa’iil ayaa dhinaceeda ku doodaysa inay ka fal-celinayso weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israa’iil bishii October 7-deedii, islamarkaana ay doonayso inay dib u soo furato maxaabiista laga haysto.

Spain iyo dalal kale oo reer Yurub ah, sida Ireland iyo Norway ayaa ku biiray dalalka aqoonsaday Falastiin, kuwaas oo haatan kor u dhaafaya illaa 140 waddan.

Israa’iil ayaa horey u dhalleecaysay tallaabadan kuna sheegtay “abaal-marinta argagixisada” iyada oo dagaalka Marinka Gaza, oo ka dhashay weerarkii Xamaas ee 7-dii October, uu ku dhow yahay bishii siddeedaad.

Muqdisho 7da Juun 2024 Soomaaliya ayaa caawa ku guuleysatay kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey, kaas oo ay ku meteli doonto muddo sanad ah Qaaradda Afrika, kursigaan ma jirin wadan kula tartamay Soomaaliya, waxayna ku gaartay galaan-galkeeda diblomaasiyadeed.

Taageerayaasha madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne hore Farmaajo ayaa durba billaabay inay kala sheegtaan guusha Soomaaliya u soo hoyatay. Haddaba labada dhinac yaa leh guusha?

Guusha Soomaaliya ayaa waxaa aad ugu amaanan oo kasoo shaqeeyey danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobe ee Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale), oo muddo Soomaaliya uga wakiil ah Qaramada Midoobe.

Si kastaba, waa guul uu qorshaheeda ay billowday dowladdii madaxweyne Farmaajo, islamarkaana dowladda madaxweyne Xasa Sheekh ay dhameystirtay.

Dalabka Soomaaliya ee ku biirista Golaha Ammaanka ayaa la gudbiyey bishii October 2018, markaasi oo dalka uu madaxweyne ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalintii uu madaxtooyada ku qaabilsay Xasan Sheekh kadib doorashadiisa, waxa uu ku wareejiyey feylka codsigii ay Soomaaliya u dirtay golaha ammaanka Qaramada Midoobey.

Farmaajo ayaa maalintaas sheegay in codsigaas uu Qaramada Midoobey u diray sanadkii 2018-kii, isagoo sheegay in 2024 loo codeyn doono, sida dhacday maanta, muddo xileedka kursigaas ayaa Soomaaliya u bilaabanaya 2025, waxayna ku fadhi doontaa muddo hal sano ah.

“Madaxweyne waxaan maanta kugu wareejiyey codsi aan u dirnay Qaramada Midoobey, oo aan uga qeyb galeyno Golaha Ammaanka, oo aan xareynay codsigaas 2018, doorashana aan u galeyno 2024, si aan u fariisano kursigaas 2025/2026, taasina waa dhaxal reeb aan uga tageyno umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo 2022 Xasan Sheekh u sharaxay marxaladaha uu mari doono kursigaas.

Farmaajo ayaa maalintaas sheegay in codsigaas uu Qaramada Midoobey u diray sanadkii 2018-kii, isagoo sheegay in 2024 loo codeyn doono, sida dhacday maanta, muddo xileedka kursigaas ayaa Soomaaliya u bilaabanaya 2025, waxayna ku fadhi doontaa muddo hal sano ah.

“Madaxweyne waxaan maanta kugu wareejiyey codsi aan u dirnay Qaramada Midoobey, oo aan uga qeyb galeyno Golaha Ammaanka, oo aan xareynay codsigaas 2018, doorashana aan u galeyno 2024, si aan u fariisano kursigaas 2025/2026, taasina waa dhaxal reeb aan uga tageyno umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo 2022 Xasan Sheekh u sharaxay marxaladaha uu mari doono kursigaas.

Muqdisho 7da Juun 2024 Siyaasiyiintu markii ay bannaanka joogana saxaafadda madaxabannaan ayey baryan, markii ay xukunka qabsadana saxaafadda madaxabannaan ayey bur-buriyan.

Madaxweyne Xasan Sheekh intii uu mucaaradka ahaa, dhowr jeer oo aan kala sheekeystay mudo xilleedkiisii hore iyo sidii ay saxaafadda isku seegeen, wuxuu ahaa nin qirsan iney farsamo xumadu dhanka Dowladdiisa aheyd.

Markale, maanta madaxweyne Xasan Sheekh kooxo dano gaar ah u socda ayaa luqunta u galinaya dagaalka saxaafadda madaxabannaan, waliba waqti casri ah, oo aaney wax badan u tari karin, kuwaas oo dhisay Gole sharci daro ah, oo ay ku collaadinayan warbaahinta, kuna bur burinayan xoriyadda hadalka ee uu fasaxayo dastuurka Soomaaliya.

Markii aan arko dagaalka madaxweynaha la galiyay ee warbaahinta madaxabannaan, waxaan ka shakiya hadalkiisa ah waxaan u socdaa doorasho qof iyo cod ah, sababtoo ah ma jiro siyaasi aan ogeyn halka dareenka shacabka loo maro in ay tahay saxaafadda madaxabannaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan lee yahay dhinaca ay kooxdaasi farta kugu fiiqday wado kaama jirto, ee dib u qiimeey danaha ay ka lee yihiin iney adiga iyo saxaafadda madaxabannan iska kiin hor keenaan.

UN New York  7da Juun 2024 Soomaaliya ayaa shalay ku guuleysatay kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ay 2025-2026 ku meteli doonto dalalka Afrika.

Soomaaliya ayaa maanta kamid noqotay shanta xubnood ee cusub ee buuxinaya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasi oo ay ka dhalatay dood xooggan.

Guushan oo ah mid taariikhi ah ayaa haddana waxaa dhinaca kale dadka qaar ka keeneen su’aallo dood badan dhaliyay, kadib markii bogga Madaxtooyadda ee Villa Somalia ee Facebook lagu daabacay boggaadinta guushan ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Cabdiraxmaan Beerxood ayaa waxa uu yiri “Dal faqri ah dadkiisu tahriibayaal yihiin ma garan karno wuxuu usoo kordhinaayo kursi golaha amaanka Qaramada Midoobay aan joogtada aheyn.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda ha ka shaqeyso sidee xal ugu keeni laheed amni darada, gaajada, shaqo la’aanta. Amaan ma lahan madaxweyne dadkiisu waxay cunaan la’yihiin oo qamadi loogu deeqayo waxbarasho iyo cafimaad bilaash dowladeed aan heysan.”

Dad kale oo  ka fal-celiyay doodda Cabdiraxmaan uu kamid yahay Nuuradiin Qandac ayaa waxa uu yiri “Waa runtaa laakiin isagaa dal kuu ah hadii mid kuuu dhaama aad meel ku ogtahay adeer yeysan qoraxdu kugu soo bixin, hadii kale qanaacadu waa ku raali noqoshada, Rabi SW waxa uu ku siiyey. Mahadsanid.”

Samiir Sahal oo isna kamid ah dadka ka fal-celiyay ayaa waxa uu yiri “Kuraasta ay ku fadhiyan bay waxba ugu qaban kari waayeen dalkooddii oo faa’iido ku jirin, saa waaba mid USA iyo Europe ku tal-talaabsadaan oo ay samaysteen.”

“Wax walba oo aan UN ka noqono Somalia waxay ahaanaysaa waddan fakhri ah, aan nidaam lahayn, musuq-maasuq badan, shisheeye u taliyo, wax walbana loo meeriyo dadkiisuna ay wada fakad yihiin,” ayuu yiri Axmed Cabdikariin Geelle oo qeyb ka ahaa dodda ka dhalatay guusha taariikhiga ah ee shalay ay gaartay Soomaaliya.

WARARKA MAANTA 6da Juun 2024

Su’aalaha Maanta: Meeqo jeer ayuu Madaxweyne Mudane Xassan yiri: Farmaajo Madaxtooyadda #Villa Soomaaliya ka soo bax maanta ayaa shacabka Soomaaliyeed leeyihiin Xassanoow Madaxtooyadda #VillaSommaaliya ka soo bax? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Yaa uu soo sharici rabaa Madaxweyne Dalka #Dijoubti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle? Maxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Shiikh Aadan Madoobe Iyo Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ku soo heshiiyeen? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan u diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse Madxweyne Mudane Xassan u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Yaa lagu dooran doonaa tendhada Afisyoone ee #Muqdisho? Maxay tahay sababta Xafiiska Siyaasadda #UNta lagu xiri rabay hadda lagu ogolaaday inuu furnaado? Yaa noqon doona qofka ugu musuqmaasuqa badan ee #Soomaaliya? Ha Wiqleyso! 

Hirshabelle  6da Juun 2024 Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta dowlad-goboleedka HirShabelle laga daah-furay mashruuca Biyo xireenka Sabuun, kaasi oo wax weyn ka beddeli doona nolosha in ka badan 300-kun oo beeraley Soomaaliyeed ah.

Mashruucan ayaa waxaa si wada-jir ah u daah-furay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Ku-simaha Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ahna ra’iisul wasaare ku-xigeen Saalax Axmed Jaamac.

Sidoo kale munaasabadda waxaa goobjoog ahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah iyo saraakiil ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay.

Dowladdaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa gacan ka geysanayo hirgelinta dhismaha.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in hirgelinta mashruucan uu waxtar u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka, islamarkaana uu xal u noqon doona waraabka beeraha iyo dhibaatooyinka kale ee ay sababaan fatahaadda iyo daadadka uu sameeyo wabigu.

“Mashruuca Sabuun oo guulleysto waa Soomaaliya oo barwaaqo ah, waxaan hubbaa in uu kordhin doonno wax-soo-saarka Beeraleyda.” ayuu yiri ku-simaha ra’iisul wasaaraha Saalax Axmed Jaamac.

Mudane Saalax ayaa uga mahad-celiyey dowladihii iyo hey’adihii gacanta ka geystay hirgelinta mashruuca Sabuun, isaga oo xusay in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ka shaqeynayso sidii kor loogu qaadi lahaa tabaca iyo wax-soosaarka beeraleyda Soomaaliyeed.

Puntland 6da Juun 2024 Taliyaha Booliska Puntland Muumin Cabdi Shire oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa faahfaahin ka bixiyey weerarro uu sheegay inay kala kulmaan ciidanka PSF-ta Puntland, isagoo soo tiriyey xad-gudubyo badan oo si bareer ah ay ugu kaceen ciidankaas, sida uu sheegay.

Taliyaha ayaa sheegay inay dhibaato weyn ku qabaan ciidanka PSF oo cadow u arka booliska maamulka, sida uu hadalka u dhigay, isagoo ugu horeyn ka warbixiyey weerar ay maanta ka geysteen saldhigga booliska magaalada Boosaaso.

“Ciidanka PSF maanta waxay soo weerareen saldhigga booliska degmada Boosaaso, waxayna dhaawaceen labo askari, iyagoo xabsiga kala baxay labo eedeysano oo horay falal amni darro magaalada uga geystay,” ayuu yiri Taliye Muumin.

Taliyaha booliska Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka PSF in aysan laheyn cadow aan booliska Puntland aheyn oo ay beegsadaan, “Waxaan aad uga xunahay in ciidan Puntland ka tirsan ay maalin kasta booliska beegsadaan, weerar iyo beegsi joogto ah ayey ciidankaas nagu hayaan,” ayuu yiri Taliyaha booliska PL oo warbaahinta kula hadlay Boosaaso.

Wuxuu sheegay in beegsiga ay ciidanka PSF ku hayaan booliska uu soo bilowday 2022-kii, isla markaana uu ka bilowday weerar ay ciidankaasi ku qaadeen gaari ay ku buufsan tahay calaamadda booliska oo mararyey gudaha Boosaaso, iyagoo halkaas ku dilay hal askari toddobo kalena ku dhaawacay, sida uu sheegay Taliye Muumin.

“Mar kale ayey isla 2022-kii soo weerareen booliska, iyagoo saldhigga hortiisa ku dhaawacay askari boolis ah, 2024 sarkaal boolis ah ayey ku dhaawaceen koontrolka Boosaaso, bishii lasoo dhaafay ee May waxay ciidanka PSF ka qeyb qaateen hub si sharci darro ah looga soo dejinayey Boosaaso, iyagoo halkaas ku dhaawacay sarkaal kale,” ayuu yiri Taliye Muumin.

Ciidanka PSF-ta Puntland ayaan ka amar qaadan xukuumadda Saciid Deni, markii laga soo tego in sida Dana boo kale ay Mareykanku taakuleeyaan, hadana waxaa xukuma sarkaal uu khilaaf culus kala dhexeeyo madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyntii taliyaha booliska Puntland ayaa farriin u diray madaxweyne Deni, isagoo sheegay in sidaan aysan ku sii shaqey karin, “Waxaan cabasho buuxda qabnaa xaaladda ka jirta Boosaaso, is hortaag shaqo ayey nagu hayaan ciidanka PSF, shalay nin si qaldan uga baxsaday laamaha amaanka ayey shalay ku difaaceen gudaha Garowe,” ayuu yiri.

Muqdisho 6da Juun 2024 Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay sababta kaliftay in diyaaradda Kenya Airways ay ka degi weyso garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo warar ay tebisay warbaahinta Kenya ay sheegayaan in dhowr duulimaad oo shirkadda Kenya Airways ay leedahay ay maalmihii lasoo dhaafay dib uga laabteen safarkoodii, kadib markii ay ka degi waayeen Muqdisho.

Maareyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in warkaasi uu jiro, isagoo sababta ku sheegay in baaqashada diyaaradaha shirkadda Kenya Airways ay salka ku heyso ‘sabab cimillo.’

Ugu yaraan labo diyaaradood ayaa la sheegay inay ka baaqdeen garoonka Aadan Cadde maalmihii lasoo dhaafay, labadaas diyaaradood mid waxay siday rakaab, midna xamuul, waxayna ka laabteen hawada magaalada Muqdisho.

“Diyaaradahaan ayay ku adkaatay in ay cago dhigtaan garoonka Muqdisho, sababo la xiriira dabaysha xagga danbe kaga dhacaysa ee dhanka badda ka imanaysa, waana diideen in ay ka soo degaan dhanka magaalada, marka dabayshu jirto. Marka hawshani waa wax la xiriira cimillada,” ayuu Maareeye Axmed Macalin Xasan.

Sidoo kale Maareeyaha ayaa sheegay in diyaaradaha kale ay ka degayeen garoonka maalmaha ay hawada Muqdisho ka laabteen labadaas diyaaradood, maadaama shirkadahoodu ay muddo dheer ka shaqaynayeen Muqdisho, isla marmarkaana ay la qabsadeen is beddelka cimillada, “waana wax ay soo wada mareen cabsida qabsatay kuwaas.”

“Diyaaradaha kale way ku dhacday, tusaale diyaaradda Turkish Airline way ku dhacday tan oo kale, madaxdoodaa noo timid, waanu ka wada hadalnay, waxaana u sharaxnay sida dabaysha Muqdisho sannadkii isku beddesho, waxayna oggolaadeen in diyaaradoodu aanay dhanka badda ka soo degin ee dhanka magaalada ay ka soo degaan” ayuu hadalkiisa ku sii daray maareeye Axmed Macalin.

Diyaaradda Kenya Airways ayaa dhowaan dib u danbeeyey bilowday duulimaadyadii Muqdisho, balse hadda waxaa soo baxday in maalmahaan ay ka degi la’dahay garoonka Aadan Cadde, kadib markii ay ka cabsadeen cimillada Muqdisho.

Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qaba in caqabadda heysata diyaaradaha shirkadda Kenya Airways la xali karo, hadii ay raacaan tilmaamaha la siinayo, maadaama diyaradahaas ay dalka ku cusub yihiin.

Muqdisho 6da Juun 2024 Cabsi iyo doodo badan ayaa ka jira xaaladda amniga ee Soomaaliya, xilli dawladdu mar kale ku celisay inay fulanayso qorshaha ay dalka uga baxayaan ciidamada hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kaas oo lasoo af-jarayo dhamaadka sannadkan 2024.

Taliyiyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) oo wareysi dheer siiyey Idaacadda VOA ayaa ka hadlay arrintaas, isagoo sheegay in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ka maarmaan ciidanka ATMIS hadii ay isku kalsoonaadaan oo kartidii lagu yaqiinay ay adeegsadaan.

“Hadda 5 bilood ayaa ka dhiman waqtiga ay baxayaan ciidanka ATMIS, waa ku filan tahay madaxweynayaasha gobollada ee dhahaya waxaa dhacaya firaaq amni, waxaa mudadaas ku abaabuli kartaa ciidan deegaanka ah iyo maleeyo beeleedyo u diyaarsan inay dalkooda xoreystaan,” ayuu yiri Jeneraal Indhaqarshe.

Dib u dhac weyn ayuu sheegay inuu jiro markii la eego qorshaha amniga qaranka oo mar hore ay ku habooneyd in dalka laga xoreeyo argagisada, isagoo ku baaqay in gaabiska Meesha laga saaro oo ciidanka lagu hago waajibaadkooda, isagoo kalsooni badan ka muujiyey in ciidanka xoogga Soomaaliya ay nabad ku soo dabaali karaan dalka.

Jananka ayaa ciidamada deegaanka ee macawiisley ku amaanay sida ay ugu guuleysteen xoreynta dhulkooda, wuxuu ku taliyey in ciidankaas tababar iyo taakuleyn la siiyo oo kala dambeyn loo sameeyo, si cadowga ay uga guuleystaan garabna ugu noqdaan ciidanka qaranka.

Puntland 6da Juun 2024 Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa si adag uga jawaabtay hadal shalay kasoo yeeray Taliyaha Booliska Puntland oo sheegay inay dhibaato weyn ku qabaan ciidanka PSF oo cadow u arka booliska maamulka.

PSF waxay ayaan darro ku tilmaamtay in Taliyaha Booliska Puntland Mr Muumin inuu eedeyn aan sal iyo raad toona laheyn u jeediyo ciidamada PSF, ayada oo iska fogeysay in wixii shalay ka dhacay Boosaaso yihiin amar ciidan ama wax ay ka dambeysay PSF.

“PSF waxay u taagan tahay la-dagaalanka argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish iyo helida xogaha lagu dhibaataynayo shacabka Soomaaliyeed ee reer Puntland,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay PSF.

PSF ayaa sidoo kale waxay dalbatay in deg deg loo sii daayo afhayeenka PSF Maxamuud Jamaal Dooxo oo ay sheegtay in si sharci darro ah loo xirtay, ayada oo Taliyaha Booliska Puntland ku eedeeysay inuu ka been sheegashay “afduubka loo geystay afhayeenka,” sida hadalka u dhigeen.

“Afhayeenka PSF Maxamuud Jamaal Dooxo wuxuu ku sugnaa maxkamadda xilliga lasii daayey niman qaraabo ahaayeen, waxaan caddeynaynaa in sharci darro lagu xiray laguna afduubtay, taasina ay leedahay cawaaqib xumo in qof aan dembi gacanta kula jirin la xirto. Waxaan dalbanaynaa in afhayeenka PSF xoriyaddiisi loo soo celiyo sida ugu dhakhsiyaha badan.”

PSF ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay in aanay jirin xasarad ka dhaxayn karta iyaga iyo Booliska Puntland, maadaama ay kamid tahay laamaha amniga maamulka, ayna u taagan tahay la-dagaalanka argagixisada iyo sugidda amniga.

Taliyaha Booliska Puntland ayaa shalay ku eedeeyay ciidanka PSF in aysan laheyn cadow aan booliska Puntland aheyn oo ay beegsadaan, isagoo sheegay in beegsiga ay ciidanka PSF ku hayaan booliska uu soo bilowday 2022-kii, taasi oo ay beenisay PSF.

Ciidanka PSF-ta Puntland ayaan ka amar qaadan xukuumadda Saciid Deni, markii laga soo tego in sida Danab oo kale ay Mareykanka taakuleeyaan, haddana waxaa xukuma sarkaal uu khilaaf culus kala dhexeeyo madaxweynaha Puntland.