Wararka

WARARKA MAANTA 16ka Oktoobar 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta Yaa diidi kara in Diinta Kirishtaanka/Masxeegi #Soomaaliya lagu xukummi doono? Yaa xildhibaanno u doortay dadkii warbaahinta ka dhahay #Soomaaliya laguma xukummi doono Diinta Islaamka? Yaa dhacay shacabka #Muqdisho oo diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

South Africa 16ka Oktoobar 2025 Wararka naga soo gaaraya deegaanka Philippi oo ka mid ah deegaanada hoostagta magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay halkaas lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed. 

Allah u naxariiste marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Shool Maxamed Cadde, kaasoo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee sida weyn looga garanaayay deegaanka Philippi dalkaasi Koonfur Afrika.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay gudaha goobtiisa ganacsi uu ku lahaa deegaanka Philippi, waxaana dilka geystay burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas, kuwaas oo horay u sii qaatay lacagaha uu u shaqeeyay muwaadinka iyo agab kale oo fudud.

Burcada dilka fulisay ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta, waxaana saacado kadib dilkiisa gaaray goobta ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo sameeyay baaritaan kooban oo aysan ka soo bixin wax matiijo ah.

Si kastaba ha ahaate marka la gaaro bilaha dhamaadka sanadka waxaa dalka Koonfur Afrika si weyn u siyaada dilka, dhawaaca iyo dhaca loogu geysto deegaanada dalkaas muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u shaqo tagay, mana jirto cid wax ka qabaneysa dhibaatooyinka loo geysto.

Madagaskar 16ka Oktoobar 2025  Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa ku dhawaaqay qorshe ballaaran oo dowladda Soomaaliya ay ku doonayso iney kala bar uga dhigto ku-tiirsanaanta shidaalka dibadda laga keeno ee korontada laga dhaliyo, taasoo lagu beddelayo tamar laga dhaliyo qoraxda muddo saddex sano gudahood ah.

Wasiir Bidhaan oo ka hadlayay madasha Somali Winners Forum (BGS25) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa tilmaamay horumar la taaban karo oo laga sameeyay qaybta korontada dalka, taasoo uu sheegay inay si weyn uga mahadcelinayaan shirkadaha Soomaaliyeed ee gaar loo leeyahay.

“Waxaa la gaaray horumar weyn oo lagu sameeyay qaybta korontada Soomaaliya, waana dadaal ay hirgaliyeen shirkadaha Soomaaliyeed, Waxaan si weyn uga mahadcelinayaa shirkadahan oo markii dowladda burburtay qaaday masuuliyadda, una istaagay inay iftiin siiyaan bulshadeenna,” ayuu yiri Wasiir Bidhaan.

“Maalgashigooda, oo gaaraya ku dhowaad hal bilyan oo doolar, ayaa si weyn uga qayb qaatay iftiiminta dalka.” ayuu sii raaciyay warkiisa

Sida ay muujinayaan tirakoobyada rasmiga ah, hadda ku dhowaad 85% korontada laga isticmaalo Soomaaliya waxaa laga dhaliyaa shidaal dibadda laga keeno. 

Wasiir Bidhaan wuxuu sheegay in wasaaraddu ay ka shaqaynayso sidii sanadka 2028, ugu yaraan 50% tamarta dalka looga dhigi lahaa mid laga helo qoraxda, si loo gaaro hannaan tamareed oo waara, nadiif ah, oo la awoodi karo.

Isbeddelkan tamarta ee ay dowladda ku dhaqaaqeyso wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu taageerayo koboca dhaqaalaha, ilaalinta deegaanka iyo adkaysiga isbeddelka cimilada.

Qorshahan wuxuu qeyb ka yahay mashruuca Somalia Electricity Sector Recovery Project (SESRP) iyo Qorshaha Isbeddelka Qaran ee 2025–2029 oo mudnaanta siinaya horumarinta tamarta la cusboonaysiin karo iyo ballaarinta kaabayaasha korontada dalka.

Jarmalka 16ka Oktoobar 2025– Jarmalka ayaa soo saaray digniin safar oo ku socota muwaadiniintiisa sugan ama u safraya dalka Kenya, isagoo uga digay khatar sii kordheysa oo la xiriirta weerarrada argagixisada, gaar ahaan meelaha dadku ku badan yihiin sida hoteellada, suuqyada waaweyn, iyo goobaha gaadiidka dadweynaha.

Digniintan ayaa lagu sheegay in gobollada ku dhow xadka Soomaaliya sida Lamu  ay yihiin meelaha ugu halista badan, maaddaama ay ka jiraan kooxo argagixiso.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarnalka ayaa tiri,“Waxaa jira khatar sii kordheysa oo weerarro argagixiso ka dhaca Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay weerarro ka gaysan doonto Kenya, si ay uga aarguddo ka qaybgalka ciidanka Kenya ee howlgalka AUSSOM.

Waxa kale oo lagu daray in weerarro hore u dhacay iyo kuwo la fashiliyey ay muujinayaan sida ay argagixisadu ugu go’an tahay weerarro kale. Goobaha halista ugu badan waxaa lagu sheegay, dhismayaasha dowladda, hoteellada, baararka iyo maqaayadaha, suuqyada waaweyn, kaniisado, gaadiidka dadweynaha sida basaska, doonida, garoomada diyaaradaha, iyo goobaha kale ee dadku ku badan yihiin.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka waxay magacowday dhowr gobol oo dalka Kenya ah oo ay ku jiraan Baringo, Laikipia, Samburu, Turkana, iyo West Pokot, kuwaas oo aan ammaan ahayn in la aado.

Waxay si adag uga digay in la safro meel kasta oo 100 km u jirta xadka Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Lamu, iyo safarro aan muhiim ahayn oo loo tago jasiiradaha Lamu iyo Manda.

Muwaadiniinta Jarmalka ayaa lagu boorriyay inay isticmaalaan duulimaadyada hawada marka ay u safarayaan Lamu Archipelago.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in dadka Jarmalka ee ku sugan ama u socda gobollada xeebaha, gaar ahaan meelaha fog, ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, maaddaama ay jirto khatar afduub iyo weerarro.

Kampala 16ka Oktoobar 2025 ‎Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa Hindiya kula kulmay Kampala

‎Kampala, 15 Oktoobar 2025 – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta kulan kula yeeshay dhiggiisa dowladda Hindiya, Mudane Kirti Vardhan Singh, magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

‎Kulankan oo ay goobjoog ka ahayd Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa diiradda lagu saaRray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya.

Dooloow 16ka Oktoobar 2025 Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Lugta Ciidamada Faderaalka Khaalid ayaa lagu wadaa inay mardhwo ka degaan garoonka Dolow Itoobiyo, Wefdiga ayaa saaka hore iskudayay inay ka soo degaan garoonka Dolow Soomaaliya, balse waa loo diiday. Saraakiisha wefdiga hogaamineyso oo ka codsaday Itoobiyo inay garoonka u fududeyso, balse Itoobiyo ayaa sheegtay inaysan damaanaqadi karin amnigooda madaaama garoonka uu gacanta ku hayo Maamulka Jubbaland, taa badalkeeda ay ogalanayaan inay ka soo degaan garoonka Dolow Itoobiyo. 

Labada dal saraakiil ka socoto ayaa halkaasi shir sacaado kooban ah ku yeelandono waxayna wefdiga ku kala laabandonan Muqdisho iyo Adisababa. Magaalada Dolow Soomaaliya ayaa amnigeeda aad lo adkeyay sacaadihii u danbeyay kuwaas oo lagu arkayay ciidamada Jubbaland oo xaqiijinayo amniga garoonka iyo iridaha laga soo galo magaalada.

WARARKA MAANTA 15ka Oktoobar 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta Yaa dhacay shacabka #Muqdisho oo diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Madagaskar 15ka Oktoobar 2025 Taliska milatariga dalka Madagascar ayaa si rasmi ah u shaaciyey inay la wareegeen talada dalka, kaddib markii baarlamaanku xilka ka qaaday madaxweynihii hore Andry Rajoelina, kaas oo lagu soo warramayo inuu dalka ka baxay, xilli mudaaharaadyo xooggan oo dhallinyaro horkacayeen ay socdeen toddobaadyadii la soo dhaafay.

Taliyaha ciidamada, Korniil Michael Randrianirina, oo kacdoonka qayb ka ahaa ayaa sheegay in milatarigu uu kala diray dhammaan hay’adaha dowlada marka laga reebo Golaha Wakiillada. “Waxaanu la wareegnay talada dalka,” ayuu ku dhawaaqay isagoo khudbad u jeediyay shacabka isaga oo ku sugnaa xarunta raadiyaha qaranka.

Randrianirina ayaa sidoo kale sheegay in gole kumeelgaadh ah oo ka kooban xubno milatari ah uu dalka maamuli doono muddo laba sano ah, inta lagu diyaarinayo doorashooyin cusub.

War-saxaafadeed ka soo baxay hogaanka ciidamada ayaa lagu sheegay in la hakiyay shaqadii hay’adaha kala ah: Senetka, Maxkamadda Dastuuriga, Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Maxkamadda Sare ee Cadaaladda, iyo Golaha Sare ee Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga.

Madaxweyne Rajoelina, oo horey ugu yimid awoodda afgambi uu sameeyay sanadkii 2009, ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu kala diro Golaha Wakiillada si uu uga hor tago xil ka qaadistiisa. Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanada ayaa cod xilka kaga xayuubiyay, taas oo abuurtay qalalaase ilaa uu ugu dambayn dalka ka baxsaday.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Rajoelina uu Axaddii hore ku baxsaday diyaarad ay leeyihiin ciidamada Faransiiska, isagoo ka baqaya isku day dil iyo kacdoon hubeysan.

Kacdoonnada ayaa billowday 25-kii Sebtembar, kadib markii shacabku ay ka cadhoodeen koronto la’aan iyo biyo la’aan joogto ah, balse si degdeg ah ayay isugu beddeleen mudaaharaadyo ka dhan ah musuqmaasuqa, iyo maamul xumada dowladda.

Boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay fagaaraha 13 May Square ee caasimadda Antananarivo, iyagoo lulayay calanka dalka iyo boodhadh ay ku qoran yihiin fariimo ay ku dalbanayaan isbeddel.

Waxaa la arkayay qaar ka mid ah dhalinyarada mudaaharaadayay oo sita calaamadda caanka ah ee “One Piece” ee astaanta u noqotay kacdoonka dhalinyarada Gen Z -ga.

Mid ka mid ah ardayda dugsiga sare, Fih Nomensanahary, ayaa tidhi: “Waxaan ku faraxsanahay in Andry Rajoelina la riday. Waqti cusub ayaa bilowday.”

“Waxaan rajaynayaa in milatarigu si degdeg ah ugu wareejiyo xukunka rayidka oo la qabto doorasho xor ah,” ayuu yidhi Rezafy Lova, oo ah la-taliye IT ah.

Cutubka CAPSAT, oo ah unugga ciidanka gaarka ah ee uu Randrianirina hoggaamiyo, ayaa diiday amaradii madaxweynihii hore ee ahaa in la rasaaseeyo mudaaharaadayaasha. Taas oo horseeday in ciidanka iyo shacabku isku soo dhawaadaan oo ay si fudud ula wareegaan tallada dalka.

Madagascar, waxa ku nool ku dhowaad 30 milyan oo qof, lakiin saddex meelood labo ka mid ah dadkaasi waxay ku nool yihiin saboolnimo. Warbixinnada Bangiga Adduunka ayaa muujinaya in dhaqaalaha dalku uu hoos u dhacay 45% tan iyo markii ay xorriyadda qaateen 1960.

Madaxweyne Rajoelina ayaa cambaareeyay afgambiga, isaga oo ku tilmaamay “xukun militari oo sharci darro ah” inkasta oo uu isaguba inqilaab xukunka ku qabsaday.

Muqdisho 15ka Oktoobar 2025 Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire Moukhtar Osman Kaire, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay wafdi sare oo ka socday Midowga Yurub, oo uu hoggaaminaysay Safiirka Midowga Yurub u qaabbilsan Soomaaliya, Francesca Di Mauro.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira taageerada nabadda ee Soomaaliya, gaar ahaan xoojinta Hawlgalka Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika (AUSSOM), xaaladda amni ee dalka, iyo doorka beesha caalamka ee ku aaddan dib-u-dhiska nabadda iyo xasilloonida.

Danjire Kaire ayaa wafdiga uga warbixiyay caqabadaha dhaqaale ee haysta AUSSOM, isagoo tilmaamay in hoos u dhaca miisaaniyadda uu si toos ah u saameeyay howlgalka, gaar ahaan dhinacyada milatari, boolis iyo qeybaha rayidka. 

Sidoo kale, wuxuu sharaxaad ka bixiyay hawlgallada socda ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo kooxaha hubeysan ee kale, iyo guulaha laga gaaray.

Intii uu socday wada-hadalku, waxaa si gaar ah loo falanqeeyay qorshaha dheeraynta joogitaanka ciidamada Burundi ee AUSSOM, iyo sidii ay ugu wareegi lahaayeen ciidan kale oo ka socda dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, gaar ahaan ciidamada laga sugayo dalka Masar.

Sidoo kale, labada dhinac waxay isla soo qaadeen qorshaha marxaladaha ah ee lagu horumarinayo hawlgalka AUSSOM, kaasoo lagu saleeyay kala-duwanaanshaha qeybaha howlgalka ee laga bilaabo hawlgallada milatari, boolis ilaa adeegyada rayidka, si loo xaqiijiyo nabad-dhisid waarta oo Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka AUSSOM S/Guud Sam Kavuma iyo Taliyaha Booliska AUSSOM Hillary Sao Kanu, kuwaasoo dhankooda warbixin ka siiyay wafdiga heerka hawlgalka iyo waxqabadka ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

India 15ka Oktoobar 2025 Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa ku geeriyooday magaalada Koothattukulam ee gobolka Ernakulam ee Kerala, kaddib markii wadne istaag ku haleelay intii uu ku jiray socodkiisa subaxnimo, sida ay sheegeen booliska iyo maamulka isbitaalka.

Odinga, oo 80 jir ahaa, ayaa wadnuhu istaagay isagoo socod ku marayay gudaha xarunta daawaynta dhaqameed ee Ayurvedic, waxaana si degdeg ah loogu qaaday Isbitaalka iyo Xarunta Cilmi-baarista Indhaha ee Sreedhareeyam Ayurvedic ee Koothattukulam, halkaas oo lagu dhawaaqay inuu geeriyooday saacaddu markay ahayd 9:52 subaxnimo waqtiga dalkaas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay isbitaalka.

Odinga waxa uu Koothattukulam yimid lix maalmood ka hor, isagoo ay la socdeen gabadhiisa iyo xubno kale oo qoyskiisa ah. Maalmihii u dambeeyay waxa uu ku jiray jadwal maalinle ah oo uu ku socon jiray subaxdii iyo daawayn uu ku qaadan jiray isbitaalka.

Boolisku waxay sheegeen in meydkiisa lagu hayo Isbitaalka Deva Matha Afhayeenka isbitaalka ayaa sheegay in Odinga iyo qoyskiisu ay horey isbitaalka u booqdeen, kaas oo gabadhiisa hore uga caawiyay dib u helidda aragga.

Odinga wuxuu Ra’iisul Wasaare ka ahaa Kenya intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2013. Waxa uu caan ku ahaa khudbadihiisa kulul iyo xiriirka uu la lahaa bulshada hoose, isagoo ahaa shakhsi saameyn weyn ku yeeshay dimuqraadiyadda casriga ah ee Kenya.

Odinga sidoo kale wuxuu muddo dheer ahaa hoggaamiyaha mucaaradka iyo madaxa xisbiga Orange Democratic Movement (ODM). Wuxuu u tartamay madaxweynenimo marar badan, isaga oo weligiis ahaa siyaasi si weyn looga yaqaan Kenya. 

Muqdisho 15ka Oktoobar 2025 Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay taageerayso Senatarka gobolka Minnesota, Omar Fatah, oo u taagan xilka duqa  Minneapolis.

Faatax ayaa helay taageeradan muhiimka ah ee kaga timid Ilhan Cumar, halka duqa hadda xilka haya, Jacob Frey, uu isna taageero ka helay Guddoomiyaha gobolka Tim Walz iyo Senatarka Amy Klobuchar.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan taageero Sen. Fatah si uu u noqdo duqa Minneapolis,” ayay tiri Ilhaan Cumar.

Faatax ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay taageerada Ilhaan, isagoo sheegay in magaalada Minneapolis ay noqotay magaalo laba qeybood u kala jabtay — mid ay leeyihiin dadka taajiriinta ah iyo midda dadka caadiga ah.”

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay in Faatax uu hoggaan u noqon karo isbeddel iyo cadaalad bulsho.

Si kastaba ha ahaatee, ololaha Fatah ayaa wajahaya eedeymo la xiriira xadgudubyo ololahiisa ka dhashay kadib markii xisbiga DFL uu ka noqday taageeradiisii. Faatax ayaa sheegay in arrintaas ay keentay taageero cusub oo uu ka helay shacabka.

Waxa uu sidoo kale diiday eedeymo ku saabsan inuu taageeray sharci guryo-dhis ah oo la sheegay inuu dani ugu jirtay xaaskiisa, isagoo sheegay in sharcigu ujeeddadiisu ahayd daahfurnaan.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in Fatah uu yahay qofka ugu habboon ee mideyn kara dhinacyada isku haya ee maamulka magaalada, iyadoo tusaale u soo qaadatay shaqadiisa ku saabsan barnaamijyada waxbarasho ee lacag la’aanta ah iyo taageerada darawalada Uber iyo Lyft.

Doorashada duqa Minneapolis waxaa isku soo taagay 15 musharax, kuwa ugu waaweynna waa Jacob Frey, Omar Fatah, Rev. DeWayne Davis, iyo Jazz Hampton.

WARARKA MAANTA 13ka Oktoobar 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta Yaa #Muqdisho ka baraciyey shacabka? Maxuuse ku fashilmay? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Puntland  14ka Oktoobar 2025 Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada ammaanka Puntland iyo  Daacish ayaa saakay ka bilowday nawaaxiga goobihii shalay lagu dagaalamay ee Calmiskaad, sida ay saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland noo xaqiijiyeen. 

Dagaalka ayaa ka socda deegaanka Kaadi-loho ee Ceelka Il-Abbal ee Togga Qansax, buuraleyda Cal-Miskaad, halkaas oo ciidamada Puntland ay isku dayayaan inay ka saaraan  firxadka Daacish godod ay kasoo dagaalamayaan.

War kooban oo kasoo baxay howlgalka ciribtirka argagixisada ee Hillaac ayaa lagu sheegay, in ciidanku ka saaray firxadka Daacish Ceelasha Baarakallaah iyo Shakaallo, kuwaas oo Daacish ay ku dhuumaaleysanayeen.

Puntland waxay sheegtay in ciidamadeedu dileen xubno firxadka Daacish ka tirsan, qaarna waxay qabteen ku nolasha, halka kuwa kale weli lagu raadjoogo.

Shalay, ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay muwaadin Turkiga u dhashay oo lagu magacaabo Feyzul Xaashim Suleymaan, kadib howlgal ka dhacay Togga Baalade ee gobolka Bari. Qabashadan ayaa timid xilli uu marayo wajiga afraad ee Hawlgalka Hillaac, oo lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahannada Daacish ee ku sugan buuraleyda Cal-Miskaad.

Waa muwaadinkii labaad ee Turkiga ee ay ciidamada Puntland qabtaan muddo laba bilood gudahood. Hassan Ataar, oo isna Turkiga u dhashay, ayaa la qabtay bishii Juun sanadkan. Wararka ka imanaya laamaha amniga ayaa sheegaya in weli la raadinayo laba kale oo firxad ah — Emre Kemal Yılmaz iyo Aylin Derya Kaya, oo la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan Cal-Miskaad.

Tanzania 14ka Oktoobar 2025 Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Tanzania iyo Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), Mudane Ilyas Cali Xasan, oo ay wehlinaayaan Agaasimaha Hay’adda Duulista Rayidka dalka Tanzania (TCAA) Mudane Salim Msange, iyo xubno kale oo ka socda Hay’adda ayaa tababar la xiriira Cilmiga Hagista Diyaaradaha   (ATC) u furey ku dhowaad 25 xubnood oo Soomaali ah kuwaasoo ka tirsan shaqaalaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Danjire Ilyas, oo munaasabadda ka hadley ayaa u mahadceliyey dowladda Tanzania oo martigalisey tababarkan iyo dhinacyada kale ee kaalinta ka qaatey inuu suurtagalo tababarkan.

Ugu danbeyn Safiirka ayaa ka qeybgalayaasha kula dar daarmey iney muujiyaan adkeysi iyo masuuuliyad kana faaideystaan tababarkaan oo muhiimad weyn uleh dalkeena gaar ahaan Hay’adda Duulista Soomaaliya.

Muqdisho 14ka Oktoobar 2025  Cali Jeyte Cismaan, la-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha macawiisleeyda, ayaa markii ugu horreysay si cad u sheegay in Horjooge Cali Axmed Guure, oo loo yaqaanay Cali Qoyane, uu mas’uul ka ahaa dilalkii dadka rayidka ahaa ee ka dhacay inta u dhaxeysa Maxaas iyo Beledweyne 3-dii Sebtembar 2023.

Falkan lagu eedeeyay xubno ka tirsan Alshabaab, ayuu Jeyte ku tilmaamay qorshe si qoto dheer loo maleegay oo lagu doonayay in lagu kala jabiyo bulshada deegaanka Hiiraan.

“Dadkii la laayay waxay ahaayeen hal jifo Qorshahaasi wuxuu ahaa mid loogu talagalay in bulshada lagu kala fogeeyo,”ayuu yiri Cali Jeyte oo la hadlayay BBC.

Horjooge Cali Axmed Guure, oo la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaab muddo ka badan 10 sano, ayaa lagu tilmaamay mid si gaar ah u bartilmaameedsan jiray dadka musaafurka ah, isagoo ku eedeysan dhibaatooyin joogto ah oo uu ku hayay dadka rayidka ah.

Inkasta oo falkaasi xanuunka badan uu gilgilay deegaanka, haddana Cali Jeyte wuxuu sheegay in ay ahayd dhacdadii ugu dambeysay ee sababay kacdoon ballaaran oo bulshada reer Hiiraan ay ku qaadaan dagaal ka dhan ah Alshabaab.

“Dagaalka si rasmi ah wuxuu u bilowday Agoosto 2022, laakiin dhacdadaas waxay ahayd middii dadka mideysay oo ay u arkayeen in cadowga uusan kala reebin naag iyo nin toona,” ayuu yiri.

Kacdoonka shacabka oo markii hore ahaa mid deegaanka u gaar ah, ayaa isu beddelay mid dhul ballaaran looga saaray Alshabaab, inkastoo kooxdaasi markii dambe ay ku guuleysatay inay dib u qabsato qaar ka mid ah deegaannadii laga saaray.

Dilka Cali Qoyane ayaa loo arkay guul weyn oo ay gaareen dadka deegaanka, Cali Jeyte wuxuu sheegay in geerida Cali Qoyane ay micnaheedu tahay in cadaw weyn laga takhalusay.

“Dadka deegaanka waxay u arkaan neecaaw iyo caafimaad u soo hoyday Waa cadaw baxay,” ayuu yiri.

Jeyte ayaa sheegay in dagaalka shacabka uu yahay mid aan siyaasad ahayn balse salka ku haya badbaadinta dadkooda, deegaanka iyo mustaqbalkooda.

Muqdisho 13ka Oktoobar 2025 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in  codsiga Itoobiya ee ku saabsan helitaanka marin badeed uu saxyahay, isla markaana aan loo baahnayn in uu khilaaf horseedo, sida lagu sheegay warbaahinta dowladda Itoobiya ee EBC.

Warbixin lagu daabacay EBC ayaa lagu sheegay in Heshiiskii Ankara ee ay saxeexeen Itoobiya iyo Soomaaliya 12-kii December 2024, uu ahaa mid muhiim ah oo si weyn u xoojiyay xidhiidhka labada dal, isla markaana uu horseeday is-afgarad cusub oo ku saabsan arrimaha badda, nabadda iyo iskaashiga dhaqaale.

“Iyadoo Turkigu uu door weyn ka qaatay fududeynta heshiiska, labada dal ee deriska ah, oo uu ka dhexeeyo xidhiidh dhiig iyo taariikhi ah, ayaa u tallaabay waddo cusub oo iskaashi iyo nabad ku dhisan” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Itoobiya ayaa ogolaatay in ay sii waddo dadaalkeeda ku aaddan marin badeed iyadoo ixtiraamaysa midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, halka Soomaaliya-na ay muujisay diyaar garow buuxa oo ay ugu hiilinayso iskaashi dhaqaale iyo mid amni oo waara oo dhex mara labada dhinac. “Labada dal ayaa ku heshiiyay in ay xoojiyaan xidhiidhkooda taariikhiga ah, ayna si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta nabadda, horumarka, iyo xasilloonida gobolka.”

Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu booqashooyin isdaba joog ah ku tegay magaalada Addis Ababa, halka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu isna booqasho ku tegay Muqdisho iyada oo labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga amniga, lana iska kaashado la dagaallanka argagixisada.

Sidoo kale, ballaadhinta iyo isku xidhka kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga iyo maalgashiga ayaa kamid ah qodobbada ay labada dal si dhow uga wada shaqeynayaan sida lagu sheegay warbixinta.

EBC waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu kamid ahaa hoggaamiyeyaashii lagu casuumay xafladdii furitaanka biyo-xidheenka weyn ee GERD, isaga oo qayb ka qaatay xadhig ka jarkiisa, taasina loo arkay calaamad muujinaysa is-afgarad iyo kalsooni cusub oo labada dal u dhexaysa.

Warbixintan oo faallo uun ahayd ayaa lagu soo qaatay wareysigii uu Madaxweyne Xasan Sheekh siiyay Al-Arabiya, iyada oo lagu sheegay in uu waraysiga ku  caddeeyay in biyo-xidheenka Itoobiya “aanu cidna waxyeellayn doonin,” isla markaana uu xusay in horumarka Itoobiya uu faa’iido u leeyahay Soomaaliya maadaama ay yihiin laba dal oo deris ah oo xuduud dheer wadaaga.

“Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in su’aasha Itoobiya ee ku saabsan marin badeed ay tahay mid sax ah oo aan loo baahnayn in dagaal lagu galo, balse lagu xallin karo wadahadal iyo iskaashi” ayaa lagu yidhi warbixinta oo wali xiganaysa waraysigii uu Madaxweynuhu siiyay Al Carabiya.

Booqashadii uu shalay ku tagay Itoobiya ayuu madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, sida ay EBC sheegtay waxay labada hoggaamiye isla garteen in la xoojiyo iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, iyo nabadeynta gobolka, si loo xaqiijiyo barwaaqo iyo horumar wadajir ah.

WARARKA MAANTA 13ka Oktoobar 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta Yaa keenay mooshinka xilka qaadista Madaxweynaha? Yaa soo xiray wariyaasha? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 13ka Oktoobar 2025 Hoggaanka Wacyigelinta iyo anshaxa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Wacyigin ku Saabsan isticmaalka Qaldan ee Baraha Bulshada u sameeyey Ciidanka Boliiska ee ka shaqeeya garoonka diyaaradaha  Aadan Cadde  waxaana soo jeediyey Sheekh Kaahiye

Muqdisho 13ka Oktoobar 2025 Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u cambaareeyay xarig maanta loogu geystay Saldhiga degmada Waabari ee magaalada Muqdisho Agaasimaha Himilo TV Axmed Maxamed Aaden iyo Agaasime ku xigeenkiisa Khadar Cabdiraxiin Ibraahim.

Shariif Sheekh Axmed ayaa war qoraal ah uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inuu ka xun yahay xariga dowladda u geysatay madaxda Himilo Tv, wuxuuna dalbaday in si deg deg ah loo sii daayo Agaasimaha Himilo TV iyo ku xigeenkiisa.

“Waxaan aad uga xumahay tacadiyada joogtada ah ee lagu hayo warbaahinta gudaha kuwaas oo maalin walba la diiwaangeliyo iyadoo la isku dayayo in la aamusiyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Magaalada Muqdisho” ayuu yiri madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa madaxda dowladda ugu baaqay ilaalinta Dastuurka dalka oo uu sheegay inuu si buuxda u dammaanad qaadayo warbaahinta xorta ah. 

“Madaxda dowladda iyo Hay’addaha amniga waxaa saaran waajib qaran, maadama dastuurka dalkeenu uu si buuxda u damaanad qaadaya Warbaahinta xorta ah iyo badqabka Wariyaha” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed. 

Ugu dambeynti xariga Agaasimaha Himilo TV iyo ku xigeenkiisa waxaa sidoo kale si weyn u cambaareeyay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Fedaraalka Soomaaliya. 

Muqdisho 13ka Oktoobar 2025 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐨𝐲𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪𝐮𝐥 𝐈𝐧𝐬𝐚𝐚𝐧𝐤 𝐉𝐅𝐒 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐐𝐨𝐲𝐬𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐥𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi oo casuumaad rasmi ah ka heshay dhigeeda wadanka aan walaalaha nahay ee dowladda Qatar ayaa maanta kulan rasmi ah la yeelatay Wasiiradda Wasaaradda Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska dalkaasi H.E. Buthaina Bint Ali Al Jabr Al Nuaimi. Kulanka u dhaxeeyay labada Wasaaradood waxaa looga wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen sidii labada Wasaaradood ay isaga kaashan lahaayeen Arrimaha Qoyska, horumarinta Haweenka iyo daryeelka carruurta.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS ayaa la wadaagtay dhigeeda hormarka ay ku talaabsatay dowladeenna Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda ay hogaamiso, iyadoo la wadaagtay hormarro badan oo lagaga dayan karo Soomaaliya . Dhanka kale, Wasiiradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee dalka Qatar ayaa la wadaagtay Wasiiradda iyo wafdigeeda qeybaha ay ka koobantahay Wasaaradeedu, hay’adaha hoos yimaada iyo sida ay ugu adeegaan bulshadooda iyadoo soo bandhigtay hormarro badan oo looga dayan karo.

Labada Wasiir ayaa isla gartay in la abuuro iskaashi u dhaxeeya labada Wasaaraddood, taasoo la isku weeydaarsanayo arrimo badan oo ay kamid yihiin in la is weeydaarsado wixii khibrad iyo aqoon kororsi ah, iyo sidoo kale in lagasii baaraan dago sidii loo sameyn lahaa heshiis isfagarad oo u dhaxeeya labada Wasaaradood mustaqbalka dhaw.

Ugu dambeyntii, Wasiiraadda martida loo yahay ayaa wafdiga Wasiiradda ku maamuustay qado Sharaf. 

Wasiirka Wasaaradda Qoyska H.E. Khadija Al-makhzoumi ayaa uga mahad celisay soo dhaweynta diiran ee ay u sameeysay Wasiiraddu iyada iyo wafdigeeda, iyadoo sidoo Kalena bogaadisay in labada Wasaaradood ay yeeshaan iskaashi rasmi ah mustaqbalka dhaw, ka horna labada Wasaaradood ay kasii wada shaqeeyaan hawlaha mudnaanta gaarka ah leh oo ay wadaagaan.

𝘿𝙃𝘼𝙈𝙈𝘼𝘼𝘿

Addis Ababa 13ka Oktoobar 2025  Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho shaqo oo heer sare ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bole International Airport, waxaana halkaas ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Ali sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Kadib soo dhoweyntii, labada hoggaan ayaa si toos ah ugu gudbay Qasriga Qaranka ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay ku yeesheen kulan gaar ah oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah labada dal, gaar ahaan, Xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, Kor u qaadista iskaashiga horumarineed, Ixtiraamka wadajirka ah ee madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee labada dal iyo Xasilinta gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa isla meel dhigay baahida loo qabo iskaashi sal adag ku dhisan oo ku dhisan derisnimo wanaagsan, dan-wadaag iyo horumar wadajir ah.

Booqashadan ayaa imaneysa iyadoo ay jiraan dadaallo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo labada dhinac ay danaynayaan iskaashi dhanka amniga, dhaqaalaha, isgaarsiinta, iyo horumarka guud ee gobolka.

Waxaa la filayaa in madaxda labada dal ay sii wadaan wadahadallo dheeraad ah oo la xiriira mashaariic horumarineed iyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada waddan ee dariska ah.

Waxaa jiray warar sheegaya in mas’uuliyiintaan ay isla soo hadal qaadi doonaan arrimo ay qeyb ka tahay Jubaland iyo xalka khilaafka u dhaxeeya Dowladda iyo Maamulkaasi,sidoo kale waxaa miiska saaran qorshaha Jubaland cusub in la dhiso taas oo ay dowladda Ethiopia ay aad uga walaacsan tahay.

WARARKA MAANTA 12ka Oktoobar 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta Yaa amray in la soo xiro Madaxweynihii hore Mudane Shiikh Shariif Iyo dhammaan Mucaaradka #Muqdisho jooga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 11ka Oktoobar 2025 Beeraha ayaa weli ah laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo wax ka badan 60% ka ah wax soo saarka guud. Iyada oo leh ku dhawaad 9 milyan oo hektar oo dhul beereed ah, waaxdani waxa ay leedahay awood la taaban karo oo lagu dhaqaajinkaro horumarka, xoojinta sugnaanta cuntada, iyo taageerada hab-nololeedka.

Waxaa halkan ka muuqda, muuqaalka hawada sare ee dhul beereedka Golweyn, ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Muqdisho 11ka Oktoobar 2025  Xoghayaha Guud ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) Mudane Cabduraxmaan Maxamed Xuseen ayaa shir guddoomiyay kulanka caadiga ah ee Guddiga Fulinta oo maanta ku qabsoomay Xarunta Dhexe ee Ururka.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahayeen xoghayayaasha kala duwan ee Guddiga Fulinta ayaa lagu soo qaaday qodobbo ay ka mid yihiin dardargalinta hawlaha Ururka oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha diyaargarowga doorashada qof iyo codka ah iyo dhaqangalinta istaariitijiyadaha lagu hagayo hawlahaas.

Muqdisho 11ka Oktoobar 2025 Maanta oo ku beegnayd Maalinta Caalamiga ah ee Gabdhaha Adduunka ayeey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha kula dabaal dagtay gabdhaha dada yar ee isboortiga kulan ciyaareed lagu maamusayay 11 October.

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Gabdhaha Da’yarta Marwo Ramla Cusmaan Shariif ayaa ka qeybgashay ciyaar kubadda cagta ah oo ay gabdhaha da’yarta Soomaaliyeed ku xusayeen maalintan muhiimka ah ee ka tarjumaysay hal-abuurka, dhiirranaanta iyo kartida gabdhaha Soomaaliyeed ee ku jira safka hore ee isboortiga iyo horumarka bulshada.

“Maalintaan aan ku xusayno awoodda, riyada iyo geesinimada gabdhaha Soomaaliyeed waa mid noo wada muhiim ah ,” sidaas waxaa tiri Agaasime Ramla Cusmaan Shariif oo halkaasi ka hadashay.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ku howlan in si wadajir ah loo xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo gabdhaha dhallinyarada ah, si ay u helaan fursado siman oo ay ku hormariyaan xirfadahooda isboorti iyo mida hoggaamineedba.

Muqdisho 11ka Oktoobar 2025 Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer  ku tegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka khawaarijta ee muddo halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa ciidamada geesiyaasha ah iyo kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM ku ammaanay dadaalkooda iyo guulaha isdaba-joogga ah ee ay ka gaareen howlgalka “Duufaanta Aamusan” ee  lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Sidoo kale, Taliyaha iyo mas’uuliyiinta la socday ayaa kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka degmada Awdheegle, iyagoo ka wada hadlay qorshaha xasilinta degmada, dib u dejinta shacabka, soo celinta noloshii caadiga ahayd, iyo xaqiijinta amniga deegaanka.

Muqdisho 11ka Oktoobar 2025 Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku biiraysa Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika (EALA), taas oo la sheegay in ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan in dalku si buuxda uga mid noqdo urur goboleedkan.

Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka, ayaa  magacaabay guddi gaar ah oo ka shaqeyn doona xulista iyo doorashada xildhibaanada ku matali doona Soomaaliya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Guddigan oo uu guddoomiye ka yahay Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), ayaa waxaa ku-xigeen u ah Senatar Zamzam Ibraahim Cali. Xubnaha kale waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), Senatar Iftiin Xasan Iimaan (Baasto), iyo Xildhibaan Guuleed Bihi Cabdi.

Guddiga ayaa loo xil saaray inay soo xulaan musharaxiinta u tartamaya xubinnimada baarlamaankaas, sidoo kale ay diyaariyaan liiska xubnaha buuxiyay shuruudaha, ka dibna u gudbiyaan Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay uga gutaan waajibaadkooda.

Guddoomiyayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku amray guddiga inay si degdeg ah u bilaabaan shaqadooda, iyadoo dowladdu ballanqaadday in la fududeyn doono dhammaan arrimaha ku xeeran howlgalka guddigan.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta matalaadda siyaasadeed ee Soomaaliya ee gobolka Bariga Afrika, isla markaana muujineysa in dalka uu ku socdo waddadii isdhexgalka iyo iskaashiga goboleed.

WARARKA MAANTA 11ka Oktoobar 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta Maxay beesha caalamka ugu baaqday inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Boosaaso 11ka Oktoobar 2025 Warbixin ay si wadajir ah u daabaceen wargeyska The Guardian iyo warbaahinta Kolombiyada ee La Silla Vacía ayaa shaacisay in saldhig militari oo Imaaraadku ku leeyahay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari loo adeegsado meel lasii mariyo dagaalyahannada Kolombiyaanka ee loo diray dagaalka ka socda Suudaan.

Mid ka mid ah dagaalyahannada Kolombiyada, oo magaciisa loo qariyey sababo amni, ayaa sheegay in safarkiisu uu ka bilowday magaalada Bogotá ee Kolombiya, halkaas oo uu ku saxiixay heshiis uu bishii ku qaadanayo $2,600. Kaddib waxaa la geeyay Itoobiya, waxaana lagu sheegay in tallaabada xigta ay ahayd safar uu ku tagay saldhig Imaaraadku leeyahay oo ku yaalla Boosaaso, ka hor inta aan loo gudbin magaalada Nyaala ee Suudaan.

Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inay maalgelin iyo hub siinayaan ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ee dagaalka kula jira ciidanka dowladda Suudaan, inkastoo eedeymahaas ay Abu Dhabi si joogto ah u beeniso.

Warbixintu waxay muujineysaa in Boosaaso ay noqotay meel istiraatiiji ah oo ay Imaaraadku u adeegsadaan hawlgalladooda milatari ee gobolka, taas oo sare u qaaday su’aalo ku saabsan doorka Soomaaliya ee dagaalka Suudaan iyo isticmaalka dhulkeeda ujeeddooyin ciidan oo aan daahfurneyn.

Saldhigga Boosaaso, oo Imaaraadku dhisay dhowr sano ka hor, waxaa markii hore loo sheegay inuu u adeegayo tababarka ciidamada badda Puntland, balse marar badan ayaa la sheegay in uu noqday xarun militari oo Imaaraadku si madax-bannaan u maamulo.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer lagu eedeeyay inay maalgelin iyo hub siinayaan RSF, inkasta oo ay si joogto ah u diidaan eedeymahaas. Warbixintan cusub ayaa dib u soo noolaysay su’aalihii ku saabsan doorka Imaaraadka ee dagaalka Suudaan iyo sida ay Puntland uga war hayso ama uga oggol tahay in dhulkeeda loo adeegsado hawlgallo ciidan oo qarsoodi ah.

Jubbaland 11ka Oktoobar 2025 Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Jubbaland ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay si kulul ugu cambaareeyeen waxa ay ku sheegeen damac siyaasadeed oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayo in lagu wiiqo nidaamka Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

War-saxaafadeedka oo si adag u dhaliilaya Madaxweynaha, ayaa xusay in la helay xog ku saabsan in Xasan Sheekh Maxamuud uu wado qorsheyaal lagu faragelinayo maamulka Jubbaland, taasoo ujeedkeedu yahay in la burburiyo nidaamka dowlad goboleedka Jubbaland.

Xildhibaannadu waxay sheegeen in Madaxweynaha uu dib u bilaabay dhaqamadii muddadii xilheyntiisa hore ee 2012–2017, xilligaas oo ay dhacday faragelin uu ku sameeyay deegaano badan oo ka tirsan Jubbaland, taasoo keentay khasaare naf iyo maalba leh.

Waxay si gaar ah uga digeen, In uu wado duullaan ciidan iyo faragelin siyaasadeed oo ka dhan ah maamulka Jubbaland, In la wiiqo awoodda Maamul Goboleedka Jubbaland iyadoo la abuurayo maamul cusub.

Sidoo kale mudanayaashaan ayaa sheegay in Dowladda ay wado kicinta colaado beeleedyo si loo wiiqo wadajirka bulshada iyo in ay ciidanka qaranka u adeegsato dagaal siyaasadeed.

Ugu dambeyn, xildhibaannadu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kale in lagu xalliyo khilaafaadka taagan si wadahadal ah, loona midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Jubbaland 11ka Oktoobar 2025 Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo haatan ku sugan gobolka Gedo, ayaa si adag u dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay in ay wado qorshe halis gelinaya amniga, adeegyada bulshada, iyo xasiloonida gobolka.

Sida lagu daabacay boga Warbaahinta Jubaland, Warbixin dheer oo uu siiyey mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa Madaxweyne ku-xigeenku kaga warbixiyay xaaladda bini’aadantinimo ee kasii dareysa qaybo kamid ah Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo. 

Waxa uu sheegay in tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka sida xayiraadda garoomada diyaaradaha, joojinta mashaariic horumarineed, iyo faragelinta maamulka deegaanka ay keentay dhibaatooyin ba’an oo saameyn ku yeeshay nolosha shacabka.

“Waxaa muuqata in Villa Soomaaliya ay si ula kac ah u wado qorshe lagu duminaayo nidaamka Federaalka ee dastuuriga ah, taasoo khatar ku ah midnimada ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan. 

Wuxuu inta ku daray in “shakhsiyaad dano gaar ah wata aysan noqon karin kuwa go’aamiya masiirka shacabka reer Gedo.”

Kulanka fogaan-aragga ah oo uu la yeeshay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray dadaallada dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee muddo dheer colaaddu ka dhex jirtay, gaar ahaan degmada Luuq. 

Waxaa la isku raacay in bil gudahood la qabto gogol nabadeed, si loo dhiso kalsoonida bulshada, iyadoo Qaramada Midoobay ay ballanqaadday taageero buuxda oo arrimahaasi la xiriira.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu dambeyn baaq u diray waxgaradka Jubbaland, isaga oo ugu yeeray in ay mideeyaan codkooda si ay u difaacaan xuquuqda iyo masiirka gobolka Gedo, kana hortagaan, sida uu sheegay, faragelinta gardarrada ah ee Dowladda Soomaaliya.

Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa xilli khilaafka u dhexeeya Dowladaha Federaalka iyo Jubbaland uu mar kale cirka isku shareeray, iyadoo gobolka Gedo uu mar kale noqday xarunta xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Muqdisho 11ka Oktoobar 2025 Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada maamulka Hirshabeelle ayaa lagu mamnuucay in garoomada diyaaradaha deegaanada Hirshabeelle kasoo dagaan diyaarado hub iyo ciidan sida.

Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in la mamnuucay in diyaaraduhu soo qaadan ciidan iyo hub toona, islamarkaana digniintan si rasmi ah loo gaarsiiyay dhamaan hay’adaha, shirkadaha iyo agencies-ka ka howlgala garoomada diyaaradaha ee hoos yimaada deegaanada maamulka Hirshabelle.“Waxa si adag loo mamnuucay in diyaarado ciidan hubeysan ama kuwa sida hub iyo qalab milatari sharci darro ah ay soo galaan garoomada diyaaradaha, iyadoo aan la marin nidaamka iyo habraaca dowladda HirShabelle,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday maamulka Hirshabelle.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabeelle ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku caddeysay in ficil kasta oo noocaas ah uu yahay jebin sharci iyo khatar amni, islamarkaana cid kasta oo lagu helo ama lagu tuhmo arrintan laga qaadi doono talaabo adag.

“Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay mar kale ku celinaysaa in aan la aqbali doonin diyaarad kasta oo hub ama ciidan wadata oo aan la ogayn” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabeelle.

Amarkaan kasoo baxay Hirshabelle ayaa kusoo aadaya, iyadoo siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda deegaanada maamulkaas ay daraynayaan hoggaanka maamulkaasi, islamarkaana ay doonayaan iney ciidan iyo hub la tagaan si ay u abuuraan cadaadis siyaasadeed.

WARARKA MAANTA 10ka Oktoobar 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Maxuu jaggadda Madaxweynaha ugu fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba iib ka dhigtay Jaamacad Iyo Qabuuro? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 10ka Oktoobar 2025 Annagoo xuseynna Maalinta Adduunka ee Caafimaadka Dhimirka, oo loo dabbaaldago 10-ka Oktoobar, waxaan toddobaadkan Barnaamijka 𝗧𝘂𝗯𝘁𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 uga hadleynnaa caafimaadka dhimirka, oo ah xaalad xasaasi ah oo saameysa dad badan oo Soomaaliyeed.

Qaybta koowaad, Cabdikaafi Cabdullaahi oo ah sarkaal Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO u qaabbilsan Caafimaadka Maskaxda ayaa ka hadlaya muhiimadda ay Maalintan leedahay, isagoo ka hadlaya baahiyaha degdegga ah ee caafimaadka dhimirka ee ay qabanaan bulshooyinka Soomaaliyeed ee ay saameyeen colaadda, barakaca iyo abaarta. Cabdikaafi wuxuu kaloo qeexayaa tallaabooyinka lagu xaqiijinayo sidii lagu heli lahaa taageero caafimaadka dhimirka iyo dadaallada QM ee lagu ballaarinayo adeegyada caafimaadka dhimirka iyo adeegyada bulshada iyo nafsadda.

Qaybta labaad, Saynab Axmed Nuur, oo ah Maareeyaha Caafimaadka Dhimirka ee Qaranka, ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, ayaa bixinaysa macluumaad ku saabsan xaaladda caafimaadka dhimirka Soomaaliya ee haatan. Waxay nooga sheekeyneysaa sida qorshayaasha dawladda iyo barnaamijyada ula tacaalayaan caqabadaha, iyadoo sidoo kale is dul taagaysa dadaallada Wasaaradda ee la rabo in lagu kordhiyo helitaanka xirfadlayaal tababaran iyo xarumo caafimaad oo qaabbilsan dhimirka, gaar ahaan deegaannada miyiga iyo kuwa ay dagaallada saameeyeen. Ugu dambayn, waxay kaloo hoosta ka xarriiqaysaa muhiimadda la dagaallanka ceebeynta ka dhanka ah dadka qaba xaaladaha caafimaadka dhimirka iyadoo la marayo la falgelidda iskuullada, madaxda diinta, warbaahinta iyo goobaha shaqada.

Waxaa barnaamijka soo jeedinaya Faa’isa Cabdi iyo Cabdicasiis Diiriy

DDSI 10ka Oktoobar 2025 Waa Madaxwaynihii Koobaad Ee Aragti Soomaalinimo Deegaanka Ku Maamula

“Madaxwayne Mustafe, waxaan kala kulanay wax ka wayn wixii aan ugu tagnay, taasoo ah inuu yahay Madaxwayne leh hami iyo rabitaan ah in umada soomaaliyeed uu cadaalad iyo sinaan ku maamulo, waana arin siwayn aan u bogaadinayo.

“Madaxwayne Mustafe, waxa uu noo sheegay in rabitaankiisu uu yahay midnimo soomaaliyeed, iyo horumar, taasoo hada ka muuqata deegaanka soomaalida, oo markii u horaysay laga hirgaliyay mashaariic waawayn, laguna guulaystay in khayraadkiisa lasoo saaro.

“Waa markii 1aad ee deegaanka Soomaalidu uu yeesho hogaan aaminsan midnimo soomaaliyeed iyo in maamulka iyo Horumarkaba lawada yeesho”.

Suldaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Good

Muqdisho 10ka Oktoobar 2025 Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiiskii xabad joojinta ahaa ee Magaalada Sharma Al-Sheekh eedalka Masar ku dhexmaray Israa’iil iyo Ururka Xamaas, kadib dagaalo khasaare badan geystay io u dhaxeeyay labadaan dhinac labadii sano ee lasoo dhaafay.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaal walba oo lagu gaari karo nabadda Falastiin iyo Dowlad awood leh oo ay yeeshaan dadka reer Falastiin. “Soomaaliya waxa ay rajayneysaa in heshiiskaan uu noqdo mid tallaabo dhab ah loo qaaday dhinaca Nabadda iyo caddaaladda oo dhammeystiran si Shacabka Falastiin uga baxaan silica amni darrada, xiisadda gobolkana u degto” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. 

Dowladda Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujisay inuu si dhab ah u dhaqan gali doono heshiiskaan Xamaas iyo Isra’iil wada gaareen, islamarkaana uu ka duwanaan doono heshiisyadii hore ee fashilmay iyo kuwa waqti kooban socday.

Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida cad u garab istaagay in dadka reer Falastiin ay helaan dowladd la aqoonsan yahay, waxaana xusid mudan in Soomaaliya kursiga Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay ku fadhiso sanadkaan iney ku difaacday qadiyadda Falastiin iyada oo ku baaqday in xabada la joojiyo.

Puntland State 10ka Oktoobar 2025 Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobollada Bari iyo Ras’asayr ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee Dagmadda Baargaal.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Degmada Baargaal waxaa ka qaybgalay Barasaabka Gobolka Ras’asayr, Maamulka Degmada, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Intii uu socday kulanka, bulshada rayidka ah waxay fursad u heleen in ay su’aalo toos ah weydiiyaan Xildhibaannada, kuwaas oo si hufan uga jawaabay su’aalihii iyo tabashooyinkii lasoo jeediyay.

Dhinaca kale, waxaa laga soo jeediyey waxqabadka Golaha Wakillada ee ku aaddan Xeer-dejinta, Korjoogteynta Hay’adaha dawlaha iyo Matelaadda

-DHAMMAAD-

Wixii faah-faahin ah kala xiriir: 

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland 

Puntland State 10ka Oktoobar 2025 Ciidanka Ilaalada Canshuuraha Puntland ayaa gacanta ku dhigay doonyo kaluumeysi oo si sharci-darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Puntland.

Hawlgalka oo socday muddo toddobo cisho ah, ayaa si qorsheysan loogu fuliyay qaybo kala duwan oo ka mid ah xeebaha Puntland. Intii uu socday waxaa lagu soo qabtay asida ay sheegtay wasaaraddu far doonyood oo kaluumeysi sharci-darro ah, kuwaas oo ay lahaayeen ajaaniib.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa lagu sheegay in saddex ka mid ah doomahaasi ay lahaayeen muwaadiniin Yemeniyiin ah, halka midda afraadna laga leeyahay dalka Iran. Sidoo kale, saddex huuri oo kaabayaal u ahaa kaluumaysiga sharci-darrada ah ayaa iyaguna lagu qabtay hawlgalka.

Labo kamid ah doomaha ay leeyihiin Yemeniyiinta ayaa durbaba la horgeeyay Maxkamadda Degmada Baargaal, taas oo ku ridday ganaax lacageed iyo xukuno kale oo waafaqsan shuruucda Puntland ee la xiriira kaluumaysiga sharci-darrada ah.

Dhinaca kale, hal doon iyo saddex huuri oo ay leeyihiin Yemeniyiinta iyo midda laga leeyahay dalka Iran, oo ay wateen 45 shaqaale ajaanib ah, ayaa loo soo wareejiyay magaalada Boosaaso, si loo horkeeno Maxkamadda.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Ciidanka Ilaalinta Canshuuraha Puntland ayaa digniin adag u diray ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajaanibta ah ee si sharci-darro ah uga kalluumeysanaya xeebaha Puntland.

Sidoo kale, Puntland waxay ku goodisay in cid kasta oo is-hortaagta ciidamada ama adeegsanaysa maleeshiyaad hubeysan si ay uga hortagto howlgalka, laga qaadi doono tallaabo adag oo sharci ah, iyadoo la horgeyn doono hay’adaha garsoorka iyo amniga.

WARARKA MAANTA 9ka Oktoobar 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta Maxay la soo shaqa tageen Ciyaalkii buunbuus Iyo laaluushka ugu shaqayn jiray warbaahintii “#Nabad iyo #Nolol” Ama Nabar Iyo Naxdin”? Yaa wax walba iib ka dhigtay Jaamacad Iyo Qabuuro? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 9ka Oktoobar 2025 Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah hogaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dib loo dhigay bannaanbax la qorsheeyay inuu maanta ka dhaco magaalada Muqdisho kaa oo ay Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo Dowladda ay ka heshiiyeen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in go’aankan uu yimid kadib markii ay yeesheen kulan wadajir ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, guddigii dhex-dhexaadinta ee mucaaradka iyo dowladda, iyo mas’uuliyiin ka socday hay’adaha ammaanka sida Taliyeyaasha Nabad Sugidda iyo Booliska. 

Labada dhinac ayaa isla gartay in la sameeyo guddiyo farsamo oo si wadajir ah uga shaqeeya abaabulka bannaanbaxa si nabad ah u dhaca.

“Waxaan isla qaadanay in la dhiso hannaan amni iyo isfahan ku saleysan si shacabka u banaanbaxaya aysan u la kulmin wax dhibaato ah, dowladda na waxaa laga sugayaa in ay ilaaliso xuquuqda muwaadiniinta,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Bannaanbaxa dib loo dhigay ayaa markii hore loogu talagalay in lagu muujiyo sida mucaaradku uga soo horjeedo barakicinta dadka shacabka ah ee ku noolaa dhulal ay dowladdu leedahay, kuwaas oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

Muqdisho 9ka Oktoobar 2025 Dhinacyada Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo Dowladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in banaanbaxa dib loo dhigay uu ku qabsoomo 10-ka maalmood ee soo socda, waxaana dib udhaca ku keenay ay ahayd sababo la xiriira arrimo amni oo ka dhashay weerarkii dhawaan ka dhacay saldhigga Godka Jilacow.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in go’aankan uu yimid kadib markii ay yeesheen kulan wadajir ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, guddigii dhex-dhexaadinta ee mucaaradka iyo dowladda, iyo mas’uuliyiin ka socday hay’adaha ammaanka sida Taliyeyaasha Nabad Sugidda iyo Booliska. 

Labada dhinac ayaa isla gartay in la sameeyo guddiyo farsamo oo si wadajir ah uga shaqeeya abaabulka bannaanbaxa si nabad ah u dhaca.

“Waxaan isla qaadanay in la dhiso hannaan amni iyo isfahan ku saleysan si shacabka u banaanbaxaya aysan u la kulmin wax dhibaato ah, dowladda na waxaa laga sugayaa in ay ilaaliso xuquuqda muwaadiniinta,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Bannaanbaxa dib loo dhigay ayaa markii hore loogu talagalay in lagu muujiyo sida mucaaradku uga soo horjeedo barakicinta dadka shacabka ah ee ku noolaa dhulal ay dowladdu leedahay, kuwaas oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

Israa’iil Iyo Xamaas 9ka Oktoobar 2025  Israa’iil iyo Xamaas ayaa heshiis is afgarad oo hordhac ah ku wada gaaray magaalada Sharma shiikh ee dalka Masar, kadib wada hadalo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka,  Masar, Turkiga iyo Qatar.

Heshiiskaan is afgarad ayaa imaanaya kadib laba sano oo dagaalo lagu hoobtay ay ka socdeen marinka Gaza, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Israa’iil iyo xoogaga hubeysan ee Xamaas.

Warsaxafadeed ay soo saartay Xamaas ayaa lagu xaqiijiyay in la gaaray heshiiskan xabad joojin ah, kaddib wada hadalo adag oo ay dhinacyada ku dhexmaray  magaalada Sharma Shiik ee dalka Masar.

Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiskaan lagu sheegay waxaa ka mid ah in ciidamada Israa’iil inay gabi ahaanba ka baxaan marinka Gaza iyo in la fuliyo is weydaarsi maxaabiis si loo soo afjaro dagaalka lagu hayo shacabka Falastiin.

Wadahadaladan ayaa ku yimid qorshe uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxayna u gogol xaareysa in la joojiyo dagaalka iyo in la furo waddooyin la marsiiyo gargaarka bani’aadannimo.

Ugu dambeyntii dagaalka mudada labada sano ah u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xamaas waxaa lagu dilay in ka badan 70 kun oo ka mid ahaa shacabka reer Falastiin, kadib duqeymo aanan loo meel dayan oo ay Israa’iil ku garaaceysay labadii sano ee la soo dhaafay dadka ku nool Gaza.

Muqdisho 9ka Oktoobar 2025 Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda, oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan saraakiisha Booliska ee ka howl-gasha Caasimadda ee uu hormuudka u yahay Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir,Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda amniga iyo howlgaladii toddobaadkii tegay, iyadoo lagu falanqeeyay qorshayaasha lagu xoojinayo amniga guud ee Caasimadda.

Taliyaha ayaa saraakiisha ku ammaanay dadaalkooda, ku booriyay inay ka hortagaan musuqmaasuqa, korna u qaadaan feejignaanta, isla markaana saldhigyada iyo goobaha Booliska qurxiyaan si bulshada loogu adeego si hufan oo kalsooni leh.

— DHAMMAAD —

Muqdisho 9ka Oktoobar 2025 Dr. René Brosius oo ka socda Jaamacadda Bayreuth ee dalka  Germeny, ayaa si rasmi u daah-furay maalinta 2aad ee shirka.

Soo dhaweyn kadib, wuxuu ka dhawaajiyey in iskaashiga iyo midnimada gobolka ay yihiin furaha lagu gaari karo horumar waara.

Sidoo kale, Dr. René wuxuu carrabka ku adkeeyay in aragtida mideysan ee wadajirka ah iyo is-fahamku ay yihiin furayaasha horseedaya kobaca guud, xasilloonida, iyo awoodda caalamiga ah ee Bariga Afrika.

Wuxuu ku booriyay dalalka xubnaha ka ah Ururka Bariga Afrika (EAC) in ay sii xoojiyaan wadashaqeynta ku aaddan dhaqaalaha, ganacsiga iyo hal-abuurka, taas oo gacan ka geysan doonta kobcinta nolosha bulshada iyo mustaqbalka jiilalka soo socda.

Muqdisho 9ka Oktoobar 2025 Maxaa dhacaya marka farshaxanku uu la jaanqaado xuquuqda aadanaha? Magaalaada Dhuusamareeb, iyadoo taageero laga helayo Qaramada Midoobay, ayaa farshaxaniin iyo arday Soomaaliyeed waxay ku xardheen laba dugsi sawir-gacmeedyo qurux badan – sawirro muujinaya qiimaha xuquuqda aadanaha iyo hiddaha dhaqanka, kuwaas oo hadda bilay xarumaha lagu xarnay sidoo kalana ah astaan dhiirigelineysa wadahadal.

Intii ay ku guda jirtay booqashadeedii ugu dambeysay ee Galmudug, Madaxa Kooxda Xuquuqda iyo Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee UNTMIS, Kirsten Young waxa ay ku dhiirigelisay ardayda iyo bulshada inay sii wadaan u adeegsiga farshaxanka goobaha dadweynaha si ay u muujiyaan hal-abuurka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.

Muqdisho 9ka Oktoobar 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u beenisay warar dhawaan lagu baahiyey warbaahinta, kuwaasoo sheegayey in heshiis qarsoodi ah oo ku saabsan kaalmada horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta laga gaartay dalka Sweden, waxaana muran siyaasadeed weyn ka dhex dhalisay siyaasiyiinta Sweden.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in sheegashooyinkaas ay yihiin “been abuur, marin habaabin iyo kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.”

“Dowladda Soomaaliya waxay si cad u sheegtay in aysan jirin wax heshiis qarsoodi ah ama mid shuruudo ku xiran oo lala galay waddan kale, gaar ahaan mid ku saabsan dib-u-celinta muwaadiniinta ama qeybsiga kaalmada horumarineed” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sida lagu xusay war-saxaafadeedka, iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sweden waa mid soo jireen ah, hufan, kuna dhisan ixtiraam wadaag iyo shuruucda caalamiga ah. 

“Dhammaan wadashaqeynta labada dal waxay u martaa kanaallo diblomaasiyadeed rasmi ah iyadoo la marayo habraacyo ay la socdaan kormeerka golaha wasiirrada iyo hay’adaha dowliga ah ee la xisaabtanka leh” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeysay in dhammaan kaalmada horumarineed ee la siiyo dalka ay marto hannaan hufan oo ay maamulaan hey’adaha caalamiga ah sida Bangiga Adduunka, Qaramada Midoobay iyo nidaamka maaliyadeed ee dowladda dhexe.

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyey in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida dalka iyo in la hubiyo in taageerada ay hesho shacabka Soomaaliyeed ay si cadaalad ah u gaarto.

Dhowaan ayay qaar kamid ah Warbaahinta Sweden ay tebiyeen in Xukuumadda Soomaaliya ay heshiis ay kuheleyso Malaayiin lacag ah ay la gashay Dowladda Sweden si Soomaalida dalkaasi dib loogu sooceliyo dalkooda.

Kampala 9ka Oktoobar 2025 ‎Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiisyo cusub

‎Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) oo ka qaybgalaya shirkii 2-aad ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Uganda, oo ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayaa la saxiixday wasiirada dhiggooda ah ee Dowladda Uganda dhowr hishiis oo lagu hormarinayo xariirka labada dal

‎Heshiisyadani maanta la saxiixay waxaa ka mid ah saddex heshiis isfahan (MoU) oo ku saabsan maamulka socdaalka, waxbarashada & isboortiska iyo Amniga labada dal.

‎Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay heshiisyadan.

‎Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafe Sh. Cali Dhuxulow, iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha qaar.

‎Shirkan oo ah kii 2-aad ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Uganda ayaa sidoo kale looga dooday sidii loo horumarin lahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay ee labada dal, iyadoo madax ka socotay ganacsatada labada dhinac ay ka qayb galeen.

‎Dhanka kale labada dowladood waxa ay qorsheynayaan in la saxiixo heshiish ku saabsan shaqada  kaasoo la doonayo inuu ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha labada dhinac iyo inuu fududeeyo helidda shaqooyinka si sharci ah.

‎Ugu dambeyntii waxaa sidoo kale laysku raacay in shirkan midka xiga lagu qabto Soomaaliya  sanadka 2027.

\WARARKA MAANTA 7da Oktoobar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Israa’iil iyo Xamaas7da Oktoobar, 2025 Maanta oo taariiqdu tahay 7-da October 2025, waxaa laba sano jirsaday dagaalka u dhaxeeya ciidamada Isra’iil iyo xoogaga  Xamaas ee ka socdo Marinka Gaza.

Maanta oo kale 7-dii October 2023 ayay aheyd markii xoogaga hubeysan ee Xamaas ay weerar aan horey noociisa loo arag ku qaaday dhulka Israa’iil xooga ku haysato ee haatan loo yaqaano Koonfurta Israa’iil, 

Weerarkii 7-dii October ee snaadkii 2023 Xamaas waxay ku dishay ciidamo badan oo Israa’iiliyiin ah tiradooda lagu sheegay ku dhawaad 1200 oo askari, waxaana sidoo kale Xamaas ay weerarkaasi kusoo qafaalatay boqola kale oo Israa’iiliyiin ah.

Ciidamada Israa’iil ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkaasi Gaza iyo meelo kale oo ka mid ah dhulka Falastiiniyiinta ka geystay duqeymo iyo dagaalo lagu dilay dad tiradooda ka badan tahay 70 kun oo Falastiiniyiin ah, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin. 

Si kastaba ha ahaatee laba sano kadib wali ciidamada Israa’iil kama aysan adkaan ciidamada Xamaas, waxaana labadaasi sano ciidamada Israa’iil ay xasuuq badan ku hayeen dadka rayidka ah ee ku nool Gaza.

Israa’iil waxay dagaalkan laba sano jirsaday kala kulantay guul daro istiraatiiji ah oo militari iyo mid diblomaasiyadeed, waxaana dagaalkan si weyn uga horyimid inta badan dalalka aduunka, waxaana arintaasi ka dhashay in dalal badan oo reer Galbeed ah dowlad u aqoonsadaan Falastiin taasi oo wadna qabad daran ku ah Israa’iil. 

Muqdisho 7da Oktoobar, 2025 Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdirshakuur Warsame, oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo ka digay marxalad xasaasi ah oo uu sheegay in la galayo haddii aan la helin isfaham iyo hoggaan isu tanaasula.

Isagoo ka hadlayay arrimo la xiriira booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegay magaalada Kismaayo, ayuu sheegay in ficilkaasi muujinayo in dalka aanu lahayn gole wasiiro, maxkamad iyo xeer ilaalin si uu u jiro nidaam sax ah oo xallin kara khilaafaadka taagan. 

Wuxuu si gaar ah u xusay in Madaxweynaha, halkii laga filayey inuu noqdo marjaca ugu dambeeya ee lagu kala saaro haddii khilaaf yimaado, uu ka dagay magaalada Kismaayo, iyadoo ay aheyd inuu noqdo qofka ugu dambeeya ee taga wada hadalba hadii lagu dhameenayo khilaafka Dowladda iyo Jubaland.

“Markii Madaxweynaha uu eedeyn u jeediyay Axmed Madoobe, haddana uu Kismaayo tegay, waxay ahayd inuu muujiyaa tanaasul iyo is-afgarad, ma ahayn inuu heshiis la aan soo laabto” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan.

Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in Dowladda Federaalka ah ay hoggaamiso kala-guur siyaasadeed oo nabad kudhaca, si looga fogaado qalalaasihii iyo fowdadii ka dhalatay kala guurkii dowladdii hore, kaasoo uu tilmaamay inuu ku dhammaaday gacan ka hadal iyo khilaaf siyaasadeed oo horseeday burbur iyo kala shaki.

Xildhibaanka ayaa ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo dhowaan ay si wadajir ah u dhiseen siyaasiyiinta mucaaradka ah, maamulka Jubbaland iyo Puntland, kuwaasoo hadda isu diyaarinaya door muuqda oo ay ka qaataan hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdirshakuur wuxuu muujinayaa walaaca sii kordhaya ee laga qabo jihada ay siyaasadda Soomaaliya u socoto, iyadoo mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ay dalbanayaan in la helo hannaan wadaag iyo kala guur nabadeed oo looga gudbo marxaladdan kacsan.

Muqdisho 7da Oktoobar, 2025 Midowga Afrika ayaa ku baaqay in dowladaha xubnaha ka ah iyo bulshada caalamka ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, kaddib weerarkii dhimashada lahaa ee Al-Shabaab ay ka fuliyeen Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.

Bayaan uu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayuu ku sheegay inuu ugu baaqayo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika, oo ay ku jiraan kuwa ciidanka iyo booliska ku tabaruca, iyo sidoo kale bulshada caalamka, inay taageeraan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Wuxuu xusay in taageeradaas loo baahan yahay “si si wax ku ool ah loo wiiqo loona tirtiro Al-Shabaab iyo kooxaha argagixisada kale ee Soomaaliya.”

Baaqan ayaa yimid kaddib weerar lagu qaaday xarunta baaritaanka ee Jilaacow, oo ah xabsi ammaankiisu sareeyo oo ku yaalla Muqdisho, 4-tii Oktoobar, kaas oo ay saraakiishu sheegeen inuu sababay dhimasho iyo dhaawac. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Guddoomiye Youssouf ayaa tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha, wuxuuna ku celiyay sida Midowga Afrika uga go’an nabadda gobolka, isagoo xusay in AUSSOM ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay ciidamada Soomaaliya si loo xasiliyo meelaha dhowaan laga xoreeyay gacanta dagaalyahanada.

Muqdisho 7da Oktoobar, 2025 Xoojinta haweenka iyo gabdhaha waa furaha nabadda iyo horumarka Soomaaliya. Haweenka Soomaaliyeed waxay door muuqda ka ciyaarayaan dhismaha bulshada — laga bilaabo dhexdhexaadinta colaadaha iyo horumarinta waxbarashada ilaa daryeelka caafimaadka iyo hal-abuurka bulshada.

Iyagoo hadda haysta 21% kuraasta baarlamaanka, haweenku waxay sii xoojinayaan ka-qaybgalka siyaasadeed iyo hogaaminta, iyagoo u ololeynaya in la xaqiijiyo ugu yaraan 30% qoondo haween ah, si loo hubiyo in codka haweenka Soomaaliyeed uu si buuxda uga muuqdo go’aannada dalka mustaqbalkiisa.

Geneva, Switzerland – 7da Oktoobar, 2025 Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulammo gaar ah kula qaadatay qaar ka mid ah safiirrada dalalka caalamka  u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva.

Kulammadan ayaa qayb ka ah ololaha ay Soomaaliya ka waddo magaalada Geneva, halkaas oo uu ka socdo Shirweynaha 60-aad ee Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay (UN Human Rights Council).

Kulanka koowaad, Wasiiraddu waxay  la yeelatay  H.E. Naser Abdullah Alhayen, Safiirka Dowladda Kuwait ee Geneva. Kulanka labaadna waxay la qaadatay H.E. Dr. Hend Abdulrahman Al Muftah, Safiirka Dowladda Qatar ee Geneva, halka kulanka saddexaadna ay la yeelatay H.E. Ambassador Burak Akçapar, Safiirka Dowladda Turkey ee Geneva.

Safiirrada dalalkaasi waxay dhamaantood muujinayeen taageero buuxda oo ay u hayaan dadaallada ay Soomaaliya ku doonayso in ay dib u soo ceshato doorkeeda iyo madax-bannaanideeda ku aaddan waajibaadka qaran ee xuquuqul insaanka, ka dib muddo 30 sano ah oo ay ka maqneyd maareynta madax-bannaan ee arrintan muhiimka ah.

Dadaalladan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan soo celinta kaalinteeda firfircoon ee Qaramada Midoobay, iyo xaqiijinta horumar ku dhisan ilaalinta xuquuqda aadanaha, caddaaladda iyo sinnaanta bulshada.

Waxaa la filayaa in maalinta Arbaco, 8-da Oktoobar 2025, la qabto codbixinta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo Soomaaliya ay u tartamayso xubinnimo, iyadoo ololahan uu qayb weyn ka yahay dadaallada iyo kulammada diblumaasiyadeed ee ay Wasiiraddu hoggaamineyso.

WARARKA MAANTA 7da Oktoobar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Israa’iil iyo Xamaas7da Oktoobar, 2025 Maanta oo taariiqdu tahay 7-da October 2025, waxaa laba sano jirsaday dagaalka u dhaxeeya ciidamada Isra’iil iyo xoogaga  Xamaas ee ka socdo Marinka Gaza.

Maanta oo kale 7-dii October 2023 ayay aheyd markii xoogaga hubeysan ee Xamaas ay weerar aan horey noociisa loo arag ku qaaday dhulka Israa’iil xooga ku haysato ee haatan loo yaqaano Koonfurta Israa’iil, 

Weerarkii 7-dii October ee snaadkii 2023 Xamaas waxay ku dishay ciidamo badan oo Israa’iiliyiin ah tiradooda lagu sheegay ku dhawaad 1200 oo askari, waxaana sidoo kale Xamaas ay weerarkaasi kusoo qafaalatay boqola kale oo Israa’iiliyiin ah.

Ciidamada Israa’iil ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkaasi Gaza iyo meelo kale oo ka mid ah dhulka Falastiiniyiinta ka geystay duqeymo iyo dagaalo lagu dilay dad tiradooda ka badan tahay 70 kun oo Falastiiniyiin ah, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin. 

Si kastaba ha ahaatee laba sano kadib wali ciidamada Israa’iil kama aysan adkaan ciidamada Xamaas, waxaana labadaasi sano ciidamada Israa’iil ay xasuuq badan ku hayeen dadka rayidka ah ee ku nool Gaza.

Israa’iil waxay dagaalkan laba sano jirsaday kala kulantay guul daro istiraatiiji ah oo militari iyo mid diblomaasiyadeed, waxaana dagaalkan si weyn uga horyimid inta badan dalalka aduunka, waxaana arintaasi ka dhashay in dalal badan oo reer Galbeed ah dowlad u aqoonsadaan Falastiin taasi oo wadna qabad daran ku ah Israa’iil. 

Muqdisho 7da Oktoobar, 2025 Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdirshakuur Warsame, oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo ka digay marxalad xasaasi ah oo uu sheegay in la galayo haddii aan la helin isfaham iyo hoggaan isu tanaasula.

Isagoo ka hadlayay arrimo la xiriira booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegay magaalada Kismaayo, ayuu sheegay in ficilkaasi muujinayo in dalka aanu lahayn gole wasiiro, maxkamad iyo xeer ilaalin si uu u jiro nidaam sax ah oo xallin kara khilaafaadka taagan. 

Wuxuu si gaar ah u xusay in Madaxweynaha, halkii laga filayey inuu noqdo marjaca ugu dambeeya ee lagu kala saaro haddii khilaaf yimaado, uu ka dagay magaalada Kismaayo, iyadoo ay aheyd inuu noqdo qofka ugu dambeeya ee taga wada hadalba hadii lagu dhameenayo khilaafka Dowladda iyo Jubaland.

“Markii Madaxweynaha uu eedeyn u jeediyay Axmed Madoobe, haddana uu Kismaayo tegay, waxay ahayd inuu muujiyaa tanaasul iyo is-afgarad, ma ahayn inuu heshiis la aan soo laabto” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan.

Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in Dowladda Federaalka ah ay hoggaamiso kala-guur siyaasadeed oo nabad kudhaca, si looga fogaado qalalaasihii iyo fowdadii ka dhalatay kala guurkii dowladdii hore, kaasoo uu tilmaamay inuu ku dhammaaday gacan ka hadal iyo khilaaf siyaasadeed oo horseeday burbur iyo kala shaki.

Xildhibaanka ayaa ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo dhowaan ay si wadajir ah u dhiseen siyaasiyiinta mucaaradka ah, maamulka Jubbaland iyo Puntland, kuwaasoo hadda isu diyaarinaya door muuqda oo ay ka qaataan hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdirshakuur wuxuu muujinayaa walaaca sii kordhaya ee laga qabo jihada ay siyaasadda Soomaaliya u socoto, iyadoo mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ay dalbanayaan in la helo hannaan wadaag iyo kala guur nabadeed oo looga gudbo marxaladdan kacsan.

Muqdisho 7da Oktoobar, 2025 Midowga Afrika ayaa ku baaqay in dowladaha xubnaha ka ah iyo bulshada caalamka ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, kaddib weerarkii dhimashada lahaa ee Al-Shabaab ay ka fuliyeen Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.

Bayaan uu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayuu ku sheegay inuu ugu baaqayo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika, oo ay ku jiraan kuwa ciidanka iyo booliska ku tabaruca, iyo sidoo kale bulshada caalamka, inay taageeraan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Wuxuu xusay in taageeradaas loo baahan yahay “si si wax ku ool ah loo wiiqo loona tirtiro Al-Shabaab iyo kooxaha argagixisada kale ee Soomaaliya.”

Baaqan ayaa yimid kaddib weerar lagu qaaday xarunta baaritaanka ee Jilaacow, oo ah xabsi ammaankiisu sareeyo oo ku yaalla Muqdisho, 4-tii Oktoobar, kaas oo ay saraakiishu sheegeen inuu sababay dhimasho iyo dhaawac. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Guddoomiye Youssouf ayaa tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha, wuxuuna ku celiyay sida Midowga Afrika uga go’an nabadda gobolka, isagoo xusay in AUSSOM ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay ciidamada Soomaaliya si loo xasiliyo meelaha dhowaan laga xoreeyay gacanta dagaalyahanada.

Muqdisho 7da Oktoobar, 2025 Xoojinta haweenka iyo gabdhaha waa furaha nabadda iyo horumarka Soomaaliya. Haweenka Soomaaliyeed waxay door muuqda ka ciyaarayaan dhismaha bulshada — laga bilaabo dhexdhexaadinta colaadaha iyo horumarinta waxbarashada ilaa daryeelka caafimaadka iyo hal-abuurka bulshada.

Iyagoo hadda haysta 21% kuraasta baarlamaanka, haweenku waxay sii xoojinayaan ka-qaybgalka siyaasadeed iyo hogaaminta, iyagoo u ololeynaya in la xaqiijiyo ugu yaraan 30% qoondo haween ah, si loo hubiyo in codka haweenka Soomaaliyeed uu si buuxda uga muuqdo go’aannada dalka mustaqbalkiisa.

Geneva, Switzerland – 7da Oktoobar, 2025 Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulammo gaar ah kula qaadatay qaar ka mid ah safiirrada dalalka caalamka  u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva.

Kulammadan ayaa qayb ka ah ololaha ay Soomaaliya ka waddo magaalada Geneva, halkaas oo uu ka socdo Shirweynaha 60-aad ee Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay (UN Human Rights Council).

Kulanka koowaad, Wasiiraddu waxay  la yeelatay  H.E. Naser Abdullah Alhayen, Safiirka Dowladda Kuwait ee Geneva. Kulanka labaadna waxay la qaadatay H.E. Dr. Hend Abdulrahman Al Muftah, Safiirka Dowladda Qatar ee Geneva, halka kulanka saddexaadna ay la yeelatay H.E. Ambassador Burak Akçapar, Safiirka Dowladda Turkey ee Geneva.

Safiirrada dalalkaasi waxay dhamaantood muujinayeen taageero buuxda oo ay u hayaan dadaallada ay Soomaaliya ku doonayso in ay dib u soo ceshato doorkeeda iyo madax-bannaanideeda ku aaddan waajibaadka qaran ee xuquuqul insaanka, ka dib muddo 30 sano ah oo ay ka maqneyd maareynta madax-bannaan ee arrintan muhiimka ah.

Dadaalladan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan soo celinta kaalinteeda firfircoon ee Qaramada Midoobay, iyo xaqiijinta horumar ku dhisan ilaalinta xuquuqda aadanaha, caddaaladda iyo sinnaanta bulshada.

Waxaa la filayaa in maalinta Arbaco, 8-da Oktoobar 2025, la qabto codbixinta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo Soomaaliya ay u tartamayso xubinnimo, iyadoo ololahan uu qayb weyn ka yahay dadaallada iyo kulammada diblumaasiyadeed ee ay Wasiiraddu hoggaamineyso.

WARARKA MAANTA 6da Oktoobar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa la kufsaday maanta Madaxweyne Mudane Xassan ‘Dhuuso-Fooxiye” Iyo Madaxwynaha #Jubbaland Mudane Axmed Madoobe? Maxayse ku dhiinteen ciidankii uu Raaskaambooini ku baab’iyey Madaxweyne Xassan oo rabay inuu inqilaabo Madaxweyne Axmed Madoobe? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 6da Oktoobar, 2025 Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Soomaaliya, Cilmi Maxamed Nuur, ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo dowladda federaalku ku dhisayso 2,000 oo guri oo loogu talagalay dadka gudaha dalka ku barakacay (IDPs).

Wasiirka oo ka hadlayey Shirka Bangiyada iyo Maaliyadda ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mashruucani uu qayb ka yahay dadaallo ballaaran oo lagu doonayo in lagu yareeyo duruufaha adag ee ay la daalaa dhacayaan dadka barakacayaasha ah.

“Laba kun oo guri ayaa loo dhisi doonaa dadkeenna barakacayaasha ah,” ayuu yiri Wasiirka, isaga oo xusay in guryahaasi si gaar ah loogu talagalayo baahiyaha gaarka ah ee IDPs-ka, isla markaana la raacayo nidaam qiime jaban si ay ugu fududaato heliddooda.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan ilaha maalgelinta mashruuca, waqtiga la fulinayo, iyo qodobada kale ee la xiriira dhaqaalaha.

Sida lagu sheegay xogtii ugu dambeysay ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) bishii Janaayo 2025, waxaa gudaha Soomaaliya ku barakacay in ka badan 4.1 milyan oo qof, taasoo ka dhigan ku dhowaad 21% tirada guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Mashruuca lagu dhawaaqay ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah, hase yeeshee waxaa weli taagan su’aalo badan oo la xiriira hirgelintiisa dhabta ah.

Waqooyi Barri  6da Oktoobar, 2025  Wasaaradda Maaliyadda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in qaar kamid ah shirkadaha isgaarsiinta iyo bangiyada ka hawlgala degaanka ay si cad u diideen bixinta cashuuraha ku waajibay iyo inay la shaqeeyaan dawlad dhiska WBS.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tan iyo Janaayo 2024 ilaa Sebteembar 2025 wasaaraddu si isdaba joog ah ugu gudbisay waraaqo iyo amarro shirkadahaas, balse ay ku jawaabeen diidmo cad. Waxaa kale oo lagu eedeeyay in shirkaduhu ay ka caga-jiideen inay xarumahooda dhexe keenaan caasimadda Laascaanod.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in shirkadahaasi ku kaceen “abaabul kooxaysan iyo isutag aan sharci ahayn” oo ay ku doonayaan inay bulshada ku marin habaabiyaan, isla markaana ay siyaasadeeyaan waajibaadka dawliga ah ee ku saabsan bixinta cashuurta.

Waqooyi Bari ayaa shirkadaha ku amartay inay si gooni-gooni ah uga jawaabaan warqadihii horey loogu diray, isla markaana ay bulshada iyo hay’adaha khuseeya usoo gudbiyaan caddeyn rasmi ah oo muujinaysa bixinta cashuurihii ku waajibay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay digniin adag oo ah in “aanay jirin cid ka sarreysa sharciga,” iyadoo laga digay cawaaqib xumo ka dhalan karta abaabul kooxaysan iyo iska hor-imaad ka dhan ah dawladnimada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Maalmo ka hor shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Bangiyada ee ka howlgala dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, oo ay kamid yihiin Amal, Telesom, Dahabshiil iyo Golis, ayaa si kulul uga hadlay xayiraad iyo xiritaan lagu sameeyay qaar kamid ah laamihii shirkadahan, iyagoo ku tilmaamay tallaabadaasi mid aan loo marin hab sharci ah.

Shirkaduhu waxay tilmaameen in tallaabada lagu qaaday ay keentay khasaare dhaqaale iyo mid sumcad isla markaana aysan awoodin  bixinta lacagaha loogu magac daray “Dowlad-dhis” oo ay sheegeen in aysan sharciyad ku fadhiyin.

Waxay  ugu baaqeen madaxweynaha in degdeg looga qaado xayiraadda, dibna loogu soo noqdo sharciga.

Muqdisho 6da Oktoobar, 2025 Wasiirka Wasaararda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay guulaha ciidanka xoogga dalka kasoo hoyeen howlgalada ay ka wadaan gobolka Shabeellaha Hoose iyo weerarkii kooxdu ka geystay godka Jilicow. 

Wasiir Fiqi ayaa ugu horeyn bogaadiyey guulaha ciidanka dowladdu ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee kooxda Al-shabaab looga xureeyay deegaanada kala ah Awdhiigle, Bariire, Sabiib, Canoole iyo deegaano kale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sidoo kale xusay Wasiir Fiqi in howlgaladan loogu magac daray duufaanta aamusan ay qeyb ka yihiin dadaalo balaaran oo lagu xoreynayo dhamaan dhulka ay gacanta ku hayaaan Al-shabaab.

“Ciidamada xoogga dalka waxay muujinayaan geesinimo iyo karti ay ku xoreynayaan deegaanada ay cadowgu ku dhuumanayaan, waxaan xaqiijinaynaa in howlgaladan ay sii socon doonaan ilaa dalka laga ciribtiro kooxaha nabad-diidka ah” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi.

Dhanka kale Wasiir Fiqi ayaa weerarkii Al-shabaab ay ku qaaday godka Jilicow ku tilmaamay mid muujinaya naf lacaariga maleshiyaadka Al-shabaab, islamarkaana ay ku qarinayaan guul darooyinka ay kala kulmeen howlgaladii ugu dambeeyay ee dhacay.

“Khawaarijta weerarkii Jilicow wuxuu ahaa mid ay ku qarinayeen guul darrooyinka ka soo wajahay furimaha dagaalka ee Sabiib, Caanoole, Bariire, Ceeldheer iyo xoreyntii ugu dambeysay ee Awdheegle, waxaan dhihi karnaa Al-shabaab waxay ku jiraan rafashadii ugu dambeysay” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi. 

Ugu dambeyntii  Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan ciidamada dowladda si dalka looga xureeyo kooxda Al-shabaab ee dhibaatada daran ku haysa shacabka Soomaaliyeed.

Jubbaland State  6da Oktoobar, 2025  Kulan xalay madaxtooyada Kismaayo ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madooe ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo mar kale saakay lagu wado in kulankii labaad ay yeeshaan labada dhinac.

Qodobka ugu weyn ee la isku qabtay ayaa ah, in madaxweyne Axmed Madoobe uu ka laabto doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday magaalada Kismaayo, uuna kusoo laabto heshiiskii midaynayay doorashooyinka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka biyo diiday qodobkaas, isagoo sheegay in aan laga wadahadli Karin arrimaha ku saabsan doorashadiisa, balse ay ka xaajoon doonaan arrimaha kale ee la xiriira dastuurka iyo doorashooyinka dalka.

Haddii saakay lagu guul daraysto wada xaajoodka, waxaa laga yabaa in madaxweyne Xasan Sheikh uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho, inkastoo dhinacyada shirka qeybta ka ah ay ku dadaalayaan in heshiis laga gaaro khilaafka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan madaxweyne u aqoonsanayn Axmed Madoobe. Warbixintii shalay kasoo baxday safarka madaxweyne Xasan Sheikh uu ku tagay Kismaayo laguma xusin magaca madaxweyne Axmed Madoobe iy guud ahaan maamulka Jubbaland.

WARARKA MAANTA 4da Oktoobar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa been ka dhex sheega Masaajidka Jimco kasta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Foocxiye”? Yaa waashay oo siyaasadda waxba ka aqoon “Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” oo markii labaad ku fashilmay jaggada madaxweynaha? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 4da Oktoobar, 2025 Khudbaddii maanta Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ayaa waxa uu uga hadlay arrimo badan oo maalmahaan magaalada Muqdisho ka taagnaa. Madaxweynaha ayaa wuxuu weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ah, isagoo tilmaamay in aan la garanayn waxa ay rabaan, balse la yaqaan waxa ay diidan yihiin. Wuxuu ku sifeeyay “siyaasiyiin hal qof ah” oo ka soo horjeeda in siyaasadda la hey’adeeyo oo xisbiyo la furto. Wuxuu sheegay in hoggaamiyayaal qaar taladooda la qaatay, halka siyaasiyiinta madashasamata-bixinta uu u dur xulay inay weli ka biyo-diidan yihiin tanaasulaadyo marar badan loo sameeyay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in sanadihii la soo dhaafay weerarro lagu qaaday guryaha qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, balse dowladdiisu aysan diyaar u ahayn inay guryo weerarto, isagoo xusay inay xor u yihiin doodooda.

Dhacdadii Saldhigga Wardhiigley ayuu si gaar ah ugu nuuxnuuxsaday, isagoo sheegay in fitnadu ay sahlan tahay in la kiciyo, isla markaana ay qalad ahayd in madax hore buuq ka kiciyaan saldhigga; wuxuu carabaabay in masiibo weyn ay ka dhici lahayd haddii Booliska Soomaaliyeed aysan is-xakameyn laheyn. Wuxuu ku adkeystay in hubka la xareen doono oo la xakameen doono, ayna dowladdu qofkii qori soo qaata ku qaban doonto gacanta. “Magaaladan waxaa ka mamnuuc ah in baabuurta Cabdi-bilaha ah iyo hubka culus lagu dhex wato magaalada, mana aqbaleyno,” ayuu yiri.

Madaxweynaha wuxuu ku adkeystay in la dhammaystiro Dastuurka Kumeelgaarka ah, maadaama dowladdu ay ka baxday kumeelgaarnimada, isla markaana aan la oggolaan doonin in dowladnimadu meesheedii iska. joogto, awooddana shacabka loo celin doono.

Gebagebadii, madaxweynuhu markii ugu horreysay ayuu si toos ah u soo hadal qaaday siyaasadda dhulka oo maalmihii u dambeeyay ahayd halka ay dhibaatooyinka ka bilaabmeen, Wuxuu tibaaxay inaan la oggolaan doonin in aan magaalada Muqdisho loo ogolaan doonin dhul oobasiibo ah, ayna dowladaha hoose ka rabaan nidaaminta magaalada iyo dhulalka jid loo sameeyo.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynuhu wuxuu u muuqday inuu maanta u jawaabayay siyaasiyiinta geed-fadhigooda yahay magaalada Muqdisho, balse wuu ka gaabsaday inuu ka hadlo khilaafka kala dhaxeeya Jubbaland iyo Puntland, iyadoo la ogyahay inuu Madaxweynuhu ku wajahan yahay magaalada Kismaayo si uu wadahadal ula yeeshoo Axmed Madoobe.

Muqdisho 4da Oktoobar, 2025 Waxaan guddoomiyey kulan howleed ballaaran oo ay qeyb ka ahaayeen taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan C/laahi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab), Maareeyaha Hay’adda Aqoonisga Iyo Diiwaangelinta Daddweynaha Mudane C/weli Cali Cabdulle iyo Masuuliyiin kale

Ujeedka ugu muhiimsanaa waa Aqoonsiga Iyo Diiwaangalinta dadweynaha iyada oo la isdul istaagay; dardargelinta diiwangelinta dadweynaha arrimaha Aqoonsiga & Diwaangalinta Qaranka ee ka socota Gobolka Banaadir, sugidda amiga ee xilliga diiwaangelinta, hufnaanta adeegyada dadweynaha, ahmiyadda bedqabka xogaha iyo arrimo kale.

Diiwaangelinta dadweynaha waa ajende qaran, waxayna suurtogelineysaa in laga baxo garanwaaga, lana dedejiyo adeegyada bulshada taasina waa midda muhiim ka dhigeysa dardargelinta, iskaashiga hey’adaha kala duwan, wadashaqeynta joogtada ah iyo sidoo kale iskuxirka adeegyada.

Muqdisho 4da Oktoobar, 2025 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu mas’uul ka yahay maareynta dhulka magaalada Muqdisho, isaga oo iska fogeeyay eedeymaha mucaaradka ee ah in dowladda federaalka ay si khasab ah u barakiciso dadka.

Isagoo ka hadlayay khudbaddii Jimcaha ee masaajidka madaxtooyada, Xasan Sheekh ayaa sheegay in sharci ahaan maamulka Gobolka Banaadir uu leeyahay awoodda sharciyeed ee nidaaminta iyo maaraynta isticmaalka dhulka caasimadda, islamarkaana wixii khilaaf ama qalad ah lagu xallinayo hannaan sharci.

“Muqdisho ma sii ahaan doonto magaalo ciriiri ah oo Al-Shabaab ay ku dhuuman karaan, meydadkana aan laga soo saari karin, ama gaadiidka dab-damiska aan mari karin,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isaga oo carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinka socda ay ujeedkoodu yahay in lagu xoojiyo amniga, lana soo celiyo nidaamka iyo kaabayaasha magaalada.

Madaxweynaha ayaa qiray in dumisyada iyo barakicinta qaar ay saamaynayaan shacabka, balse ku tilmaamay tallaabooyin lama huraan ah oo loogu talagalay badbaadada iyo horumarka fog ee magaalada.

Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray in muwaadiniinta haysta dukumenti sharci ah oo caddeynaya lahaanshaha dhulkooda ay xaq u leeyihiin in ay dacwadahooda ka gudbiyaan maxkamadaha Soomaaliyeed si ay u difaacdaan sheegashadooda.

WARARKA MAANTA 2da Oktoobar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxiuu kashifay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi? Yaa lacag 100 milyan ka soo qaatay #Sweden si qaxooti Soomaaliyeed loogu soo celiyo #Soomaaliya? Yaa shidaal qodaayo? Yaa dalka diiday inuu u sameeyo lacag Soomaali? Yaa raba doorasho aniga kaliya ah? Yaa boobay hantidii dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaase shacabka #Muqdisho dhibay oo burburiyey noloshooda? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Garoowe, 1, Oktober 2025— 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay maamulka 𝑱𝒂𝒂𝒎𝒂𝒄𝒂𝒅𝒅𝒂 𝑼𝑼𝑺𝑬𝑻 iyo 𝑮𝒖𝒅𝒅𝒊𝒈𝒂 𝑺𝒂𝒓𝒆 𝒆𝒆 𝑿𝒂𝒓𝒖𝒎𝒂𝒉𝒂 𝑭𝒂𝒓𝒔𝒂𝒎𝒂𝒅𝒂 𝑮𝒂𝒄𝒂𝒏𝒕𝒂 𝒆𝒆 𝑷𝒖𝒏𝒕𝒍𝒂𝒏𝒅.

Kulanka oo uu shir guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Axmed Bile Siciid, ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray caqabadaha hortaagan xarumahaas iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Intii uu socday kulanka, guddigu waxa uu si toos ah u dhagaystay warbixino laga soo jeediyey maamulka xarumaha, kuwaas oo iftiimiyey duruufaha, baahiyaha iyo fursadaha jira.

Ugu dambayn, dhinacyadu waxay isla qaateen in la xoojiyo wada-shaqeynta, la-tashiyada joogtada ah iyo in la abuuro hannaan cusub oo lagu dardar gelin karo horumarinta adeegyada tacliinta farsamada iyo xirfadaha ee Puntland.

DHAMMAAD –

Puntland 2da Oktoobar, 2025 Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawlada Puntland Axmed Maxamud Axmed (Axmed-Qaxiye), iyo Taliye xigeenka 1aad ee Ciidanka Boliiska Dawladda Puntland S/guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa Kormeer ku tagay Xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Boliiska Dawladda Puntland ee Garowe iyo saldhigga dhexe ee degmada Garoowe.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa booqday dhammaan qaybaha ay ka kooban yihiin dhismayaashaan oo ay si casri ah u dhistay dowladda Imaaraadka Carabta, oo sanadkaan hirgelisey in ka badan 7 dhisme oo ay lee yihiin ciidanka Booliska dowladda Puntland.

Dhismayaasha Taliska guud, Talisyada qaybaha iyo saldhigyada ayaa qayb ka ah qorshaha xukuumadda Puntland ee horumarinta ciidanka booliska, si kor loogu qaado ammaanka muwaadiniinta iyo guud ahaan dhulka Puntland.

Muqdisho  2da Oktoobar, 2025 Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday hakinta qayb ka mid ah howlgalkeeda caadiga ah, kadib markii dowladda Mareykanka ay gashay xaalad xirnaan dowladeed (government shutdown) oo saameynaysa adeegyada dowladda dhexe.

Bayaan ay safaaraddu ku daabacday barta X ee horey loogu yaqaanay Twitter ayaa lagu sheegay “Sababo la xiriira joojinta miisaaniyadeed, akoonkan X lama cusbooneysiin doono si joogto ah ilaa howlgalada buuxa ay dib u bilaabmaan, marka laga reebo macluumaadka degdegga ah ee la xiriira amniga iyo badbaadada.”

Tani waxay la micno tahay in safaaraddu aysan bixin doonin adeegyo badan oo ay caadiyan siiso muwaadiniinta iyo xiriirka diblomaasiyadeed, marka laga reebo arrimaha muhiimka ah sida amniga muwaadiniinta Mareykanka.

Xaaladdan ayaa sidoo kale saameysay safaarado kale oo Mareykan ah oo ku yaalla gobolka, sida kuwa ku yaalla Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaas oo iyaguna hakiyay qaar ka mid ah adeegyadoodii sababo la xiriira isla arrintan.

Xirnaanshaha dowladda Mareykanka ayaa ah mid dhacda marar badan marka ay Kongareeska iyo Aqalka Cad ku guuldareystaan in ay ku heshiiyaan miisaaniyadda dowladda, Saameynta arrintan waxay gaaraysaa shaqaalaha dowladda, safaaradaha, adeegyada bulshada, iyo guud ahaan xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanku la leeyahay caalamka.

WARARKA MAANTA 1da Oktoobar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa shidaal qodaayo? Yaa dalka diiday inuu u sameeyo lacag Soomaali? Yaa raba doorasho aniga kaliya ah? Yaa boobay hantidii dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaase shacabka #Muqdisho dhibay oo burburiyey noloshooda? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Congo 1da Oktoobar, 2025 Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), Joseph Kabila ayaa lagu xukumay xukun dil ah iyo inuu $33 bilyan oo dollar siiyo gobolada Waqooyiga iyo Bariga dalkaasi, kadib markii lagu helay inuu ku kacay falal isugu jira dil, faraxumayn, jirdil iyo kacdoon bulsho,

Muqdisho 1da Oktoobar, 2025 Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa qeyb ka ahayd kulan dadweyne oo lagu gorfeeynayay dib u eegista dastuurka iyo kaalinta dhallinyarada.

Kulanka oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo hay’adaha u xilsaaran dastuurka, ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee dhallinyaradu ku leeyihiin dhameystirka dastuurka dalka.

Intii kulanku socday, waxaa la isla gartay in dhallinyaradu ay leeyihiin kaalmo muuqata oo lagama maarmaan u ah sidii loo dhammeystiri lahaa cutubyada ugu dambeeya dastuurka, loona dhammayn lahaa marxaladda ku-meel-gaarka ah ee uu dalka ku jiro. Waxaa si gaar ah loo xusay in codka iyo aragtida dhallinyaradu ay muhiim u yihiin mustaqbalka siyaasadeed iyo sharciyada dalka.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay dhallinyaro ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo matalayay dareenka iyo rajada jiilka cusub ee Soomaaliyeed.

Jabuuti  1da Oktoobar, 2025 Dowladda Jabuuti ayaa markale muujisay sida ay uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo ku dhawaaqday qorshe ay kusoo dirayso ciidamo dheeraad ah si ay uga hortagaan hanjabaadaha joogtada ah ee ay wadaan kooxda Al-Shabaab

Wakiilka joogtada ah ee Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay, Mohamed Siad Doualeh, ayaa arrintan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay fadhiga Guud ee Qaramada Midoobay, Wuxuu sheegay in Jabuuti ay soo dhoweyneyso horumarka ay dowladda Soomaaliya ka samaysay amniga iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah, balse uu weli jiro caqabado dhinaca amniga ah oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho.

Wakiilka wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo taageerada la siiyo ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan gudaha Soomaaliya. 

Sidoo kale, wuxuu shaaciyay in la saxiixay heshiis laba geesood ah oo u dhexeeya Jabuuti iyo Soomaaliya, kaas oo dhigaya in Jabuuti ay dirto ciidamo dheeraad ah si ay uga qeybqaataan dadaallada lagu sugayo xasilloonida dalka.

Wakiilka Jabuuti wuxuu sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka in ay si wadajir ah u taageeraan dowladda Soomaaliya, si loo ciribtiro falalka argagixisanimo ee lagu beegsanayo dadka rayidka ah iyo ciidamada qaranka, kuwaas oo sidoo kale caqabad ku ah gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo.

Maraykanka 1da Oktoobar, 2025 Magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St. Paul ee gobolka Minnesota, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan 82,000 oo Soomaali ah, ayaa noqday bartamaha howlgal ballaaran oo socdaalka lagu baarayay, kaas oo lagu ogaaday in ku dhowaad kala bar muhaajiriinta la kormeeray ay galeen khiyaano socdaal.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mareykanka (USCIS) ayaa shaacisay Talaadadii in intii lagu jiray howlgal loogu magac daray “Twin Shield”, oo socday tan iyo 13-kii Sebtembar laguna fuliyay kaashiga ICE, lagu booqday 1,000 guri oo ku yaalla Minneapolis iyo St. Paul. Natiijada ayaa muujisay in ku dhowaad 50% dadkaasi ay ku lug lahaayeen khiyaano socdaal, sida uu sheegay Agaasimaha USCIS Joseph B. Edlow.

Edlow ayaa sheegay in la helay guurar badan oo khiyaali ah, fiisooyin ka dhacay, dukumeenti been abuur ah, iyo ku takri-fal nidaamka fiisooyinka H1B iyo F1, isagoo ku daray in arrintan ay ka dhigtay magaalooyinka mataanaha goob lagu xadgudbo nidaamka socdaalka.

Saraakiishu ma sheegin qoomiyad gaar ah, balse Minnesota waxaa si weyn loogu yaqaan inay hoy u tahay bulshada Soomaalida ugu badan Mareykanka, taas oo muddada dheer ku jirtay muran siyaasadeed iyo dood ku saabsan amniga.

Waxaa la sheegay in muhaajiriin kala duwan oo lagu qabtay howlgalka ay ku lug lahaayeen khiyaano guur iyo kiisaska kale ee khatarta amniga, oo ay ku jiraan nin Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay xiriir argagixiso.

“Howlgalkaani wuxuu caddeyn u yahay in Mareykanku dagaal ku yahay khiyaanooyinka socdaalka,” ayuu yiri Edlow. “Waxaan masuuliyad naga saaran tahay inaan nidaamka ka ilaalino in lagu takri-falo.”

Muqdisho 1da Oktoobar, 2025 Daawo: Muuqaalka guud ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh oo xarunta Wasaaradda ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan iyo Wafdi uu hoggaaminaayo.

Muqdisho 1da Oktoobar, 2025 Haddii 𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗮𝗳𝘁𝗮𝘆 – La-soco qaybtii ugu dambeysay ee barnaamijka Tubta Nabada  oo aan ku xuseynno Maalinta Adduunka ee Badda, si aad u dhageysatid Fartuun Cabdulqaadir Faarax, oo ah Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya iyo Mayank Sharma, Mayank Sharma, oo La Taliye Sare ee Amniga Badda ka ah Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS). Waxay ka hadlayaan sida Soomaaliya ay uga faa’iidaysan karto khayraadkeeda badda si loo horumariyo kobac joogto ah, loo taageero nolosha dadka, loo xoojiyo ganacsiga loona dhawro deegaanka.

Nairobi 1da Oktoobar, 2025 Xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed wuxuu udub dhexaad u yahay iskaashiga caalamiga ah ee dhexmara wadamada. Soomaaliya oo ka soo kabatay dhibaayooyinkii dagaaladii sokeeye ayaa waxa ay doorweyn kaga jirtaa geedi-socodka diplomaasiyadeed ee caalamka iyada oo haatan xubin ka ah Golaha Amaanka.

Danjire  Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa xarunta Safaraarada Soomaaliya ee Magaalada  Nairobi ku soo dhoweeyay Danjiraha dalka  Slovakia Mudane Maroš Mitrík.

Booqasho sharafeed Danjiraha ayaa salka ku haysa adkeynta xiriirka Labada dal. Kulanka labada Danjire ayaa  looga hadlay mowduucyo ballaaran oo quseeya danaha labada dal kaas oo lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Slovakia.

Dalka Slovakia oo xubin firfircoon ka ah Ururka Midowga Yurub ayaa qayb ka ah wadamada taageera howlaha nabadeynta iyo kobcinta horumarka dalka Soomaaliya. Waxaa kaloo iyadana jira dad Soomaaliyeed oo ku nool dalka Slovakia.

WARARKA MAANTA 30ka Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa burburiyey beentii iyo jah-wareerkii lagu haayey shacabka goballada Waqooyi #Somaliland oo hadda noqotay #Hargeisa #Somaliland Iyo North East #Lasanod #Somaliland? Yaa boobay hantidii dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaase shacabka #Muqdisho dhibay oo burburiyey noloshooda? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 30ka Siteembar, 2025 Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa qeyb ka ahayd kulan dadweyne oo lagu gorfeeynayay dib u eegista dastuurka iyo kaalinta dhallinyarada.

Kulanka oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo hay’adaha u xilsaaran dastuurka, ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee dhallinyaradu ku leeyihiin dhameystirka dastuurka dalka.

Intii kulanku socday, waxaa la isla gartay in dhallinyaradu ay leeyihiin kaalmo muuqata oo lagama maarmaan u ah sidii loo dhammeystiri lahaa cutubyada ugu dambeeya dastuurka, loona dhammayn lahaa marxaladda ku-meel-gaarka ah ee uu dalka ku jiro. Waxaa si gaar ah loo xusay in codka iyo aragtida dhallinyaradu ay muhiim u yihiin mustaqbalka siyaasadeed iyo sharciyada dalka.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay dhallinyaro ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo matalayay dareenka iyo rajada jiilka cusub ee Soomaaliyeed.

Muqdisho 30ka Siteembar, 2025  𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐮𝐮 𝐇𝐨𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐉𝐢𝐧𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐐𝐞𝐲𝐛 𝐆𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐚𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚  𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐞𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚.

Wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) ayaa ka qeyb galay Shirwaynaha Agaasimeyaasha Guud ee Hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dowladaha Carabta, kaas oo lagu qabtay caasimadda dalka Ciraaq, Baghdaad, 28–29 Sebtembar. Shirka ayaa diiradda lagu saaray tayada iyo noocyada baasaboorka iyo Aqoonsiga dadweynaha.

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafa Dhuxuloow  ayaa khudbad ka jeediyay madasha waxana uu sheegay in Soomaaliya ay bilowday bixinta kaarka aqoonsiga qaranka, adeegyada danabaysan e-TAS iyo sidoo kale in HSJ ay ka shaqaynayso soo saarista baasaboor cusub ee jiilka 3aad bilaha soo socda.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud oo uu wehliyo Safiirka JFS ee dalka Ciraaq ayaa si gaar ah ula kulmay dhiggiisa dalka Ciraaq, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga labada hay’adood. Dowladda Ciraaq ayaa ballan qaaday in ay HSJ ka caawin doonto tababaro, qalab, iyo aqoon-is-weydaarsi si loo xoojiyo awoodda shaqaalaha iyo adeegyada hay’adda.

Go’aamada ka soo baxay shirka Agaasimeyaasha Guud ee Dowladaha Carabta waxaa si gaar ah loogu xusay in dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay ku garab istaagaan Soomaaliya hormarinta arrimaha jinsiyadda, socdaalka, iyo kaarka aqoonsiga.

Muqdisho 30ka Siteembar, 2025 Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday bilaabidda sahanka sannadlaha ah ee dhaqaalaha ganacsiga oo laga sameynayo guud ahaan dalka. 

Sahankan oo si rasmi ah u billowday, ayaa lagu ururinayaa xog muhiim ah oo la xiriirta dhaqdhaqaaqa ganacsiga si ay ugu adeegto qorsheynta horumarka dalka, Sida lagu sheegay warqad rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda, Dr. Cabdiisalaan Cabdiraxmaan Maxamed.

Xogta sahankan laga helayo waxay door weyn ka ciyaareysaa, Dejinta siyaasadaha dhaqaale ee dalka, Qiimeynta wax-soo-saarka guud ee dhaqaalaha, Horumarinta maalgashiga gudaha iyo dibadda Iyo guud ahaan qorsheynta istaraatiijiga ah ee dowladda.

Hay’adda waxay xustay in xogta ganacsiyada laga uruurinayo loo adeegsanayo keliya ujeeddooyin tiro-koob, ayna si buuxda u ilaalin doonto sirta iyo qarsoodiga ganacsiyada.

Waxay sidoo kale ugu baaqday ganacsatada, shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay inay si hufan u la shaqeeyaan kooxaha xog-ururinta ee Hay’adda, Sida ku cad Sharciga Istaatistikada ee 2020, dhammaan ganacsiyada waxaa waajib ku ah inay bixiyaan xogta lagama maarmaanka ah marka si sharci ah loo codsado.

Dr. Cabdiisalaan ayaa sheegay in xogtan la helayo ay ka tarjumeyso xaaladda dhabta ah ee dhaqaalaha dalka, taas oo ugu dambeyn faa’iido u leh bulshada, dowladda iyo ganacsatada laftooda.

Ugu dambeyn, Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya waxay ka codsatay dhammaan ganacsiyada dalka inay gacan ka geystaan hawshan qaran ee muhiimka ah.

Muqdisho 30ka Siteembar, 2025 Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee saldhigga degmada Warta-Nabadda ayaa howlgal amni kusoo qabtay toddobo dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay ku kaceen falal halis gelinaya naftooda iyo tan bulshada, gaar ahaan gudaha Garoonka Ciyaaraha Muqdisho.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay garoonka la soo galeen agab halis ah sida tooreeyada, sakiimo, iyo waxyaabo kale oo khatar ku ah ammaanka dadkii ku sugnaa goobaha dadweynaha iskugu yimaadaan ee Garoonka.

Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa si adag uga digay in dhalinyarada ay soo geliyaan garoomada Ciyaaraha iyo meelaha kale ee bulshada wax kasta oo dhaawac ama cabsi gelin kara dadka, Waxay sheegeen in cid kasta oo lagu qabto iyadoo ku kacaysa falal noocaas ah laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu xusay in la adkeynayo amniga garoomada Ciyadaha ee ay hadda ka socdaan Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka G.Banaadir iyo goobaha kale ee dadweynuhu isugu yimaado, si loo sugo badbaadada bulshada, Booliisku waxay carabka ku adkeeyeen in aysan marnaba oggolaan doonin wax kasta oo khalkhal gelinaya nabadgelyada guud.

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn ku booriyay waalidiinta, maamulka garoomada, iyo bulshada inteeda kale in ay la shaqeeyaan ciidamada si looga hortago falalka halista ah ee dhalinyarada qaar ay ku kacayaan.

Muqdisho 30ka Siteembar, 2025– Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa jeediyay baaq culus oo ku saabsan dardargelinta dhismaha hay’adaha garsoorka dalka, gaar ahaan Golaha Sare ee Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah, si loo xaqiijiyo cadaalad iyo kala dambeyn sharciyeed oo sal adag leh.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale ku celiyay baaq muddo dheer la sugayay ee ku saabsan hirgalinta maqaamka rasmiga ah ee Caasimadda Muqdisho, isagoo hoosta ka xariiqay in ay tahay arrin u baahan in si degdeg ah loo meel mariyo.

Wuxuu ku booriyay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah (Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka) in ay sida ugu dhakhsaha badan uga doodaan oo meel mariyaan sharci gaar ah oo qeexaya maqaamka caasimadda Muqdisho.

“Waxaan ku baaqeynaa in la dhiso Golaha Sare ee Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuurka, waana in labada Aqal si wadajir ah uga shaqeeyaan sharciyeynta Maqaamka Muqdisho,” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Qodobkan ayaa imaanaya xilli dalka uu wajahayo baahi weyn oo loo qabo in la helo hay’ado garsoor oo madax bannaan iyo in si rasmi ah loo caddeeyo awoodaha iyo xuduudaha maamulka caasimadda.

WARARKA MAANTA 28ka Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay beesha calaamka ugu qabatay 24 saac Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” inuu iscasilo? Yaa boobay hantidii dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaase shacabka #Muqdisho dhibay oo burburiyey noloshooda? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

New York  28ka Siteembar, 2025  Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Midowga Afrika (AUC), Qaramada Midoobay (UN), iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK), ayaa si wadajir ah u qabtay kulan ka dhacday Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York, taas oo lagu xoojiyey taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Kulanka ayaa dib u xaqiijiyey go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan isbeddel dhanka amniga iyo lahaanshaha qarannimo, iyadoo lagu bogaadiyey doorka AUSSOM ee taageeridda ciidamada amniga Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, ilaalinta xarumaha muhiimka ah, sugidda waddooyinka saadka, iyo horumarinta dadaallada xasilinta.

Ka qaybgalayaasha ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay dalalka ciidanka iyo booliska ku tabarucay, iyagoo xusay geesinnimada iyo halganka askartooda. Waxa kale oo carrabka lagu adkeeyay kaalinta muhiimka ah ee Midowga Yurub ku lahaa bixinta deeqaha dhaqaale ee Midowga Afrika iyo taageerada joogtada ah ee xasilinta Soomaaliya.

Waxa lagu muujiyey walaac ku saabsan khataraha amni ee ka dhalan kara haddii aan la buuxin farqiga maalgelineed ee weli taagan. Ka qaybgalayaashu waxay ku baaqeen in deeq-bixiyeyaasha dhaqanka iyo kuwa cusub ay bixiyaan maalgelin joogto ah, la saadaalin karo oo waarta, si AUSSOM ay u fuliso waajibaadkeeda inta lagu jiro xilliga kala guurka.

Sidoo kale, waxaa lagu soo dhaweeyay ballanqaadyada cusub ee ku saabsan kharashaadka howlgalka, iyadoo la adkeeyay in sii jiritaanka AUSSOM uu ku xiran yahay taageero dhaqaale oo waafaqsan baahiyaha amniga iyo xasilinta Soomaaliya.

Muqdisho 28ka Siteembar, 2025 Laba dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo lagu qabtay iyaga oo ku xadgudbaya calanka dalka Kenya intii lagu guda jiray ciyaar kubadda cagta ah oo ka dhacday garoonka Nyayo National Stadium, ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Nairobi, iyaga oo wajahaya dacwado badan.

Dhallinyaradaan oo da’doodu kala tahay 14 iyo 17 sano ayaa lagu qabtay muuqaal baraha bulshada ku faafay iyaga oo ku dul socda calanka Kenya xilli lagu jiray ciyaar ka tirsan CAF Champions League oo dhex martay Mogadishu FC (Soomaaliya) iyo Kenya Police FC Sabtidii, 20-ka September.

Muuqaalka ayaa la helay ayaa abuuray caro iyo falcelin ballaaran oo ka timid shacabka iyo siyaasiyiinta Kenya, taas oo keentay in codad xoog leh loo jeediyo in la soo qabto dhallinyaradaas.

Labada dhalinyarada ah ayaa hortagay Maxkamadda Carruurta ee Nairobi, halkaas oo Garsoore Sare Rose Gitau uu ku amaray in lagu hayo xarunta ilaalinta carruurta ee Gigiri ilaa warbixin bulsho laga sameeyo, si loo ogaado xaaladooda iyo waxa la gudboon maxkamadda.

Ehelada carruurta ayaa codsaday in loosii daayo si ay iyagu u daryeelaan, balse garsooraha ayaa sheegay in mas’uuliyadda marxaladdan kaliya ay qaadi karaan waalidiinta dhalay.

Dacwadaha lagu soo oogay dhallinyarada waxaa ka mid ah:

Gelitaan sharci-darro ah oo ay ku soo galeen Kenya, Waxyeello u geystaaan calanka qaranka oo astaan mideyn ah iyo Kicin buuq intii lagu jiray dhacdo ciyaareed dadweyne.

Xeer-ilaalintu waxay codsatay in carruurta lagu sii hayo si loo xaqiijiyo da’dooda iyo wareysi dheeraad ah. Dhakhtar dowladeed ayaa baari doona da’dooda maaddaama aysan keenin dukumentiyo rasmi ah. Maxkamaddu waxay kaloo amartay in warbixin ka timaadda Xafiiska Carruurta (Children’s Bureau Office) lasoo bandhigo xilliga dacwadda la xusayo.

Muqdisho 28ka Siteembar, 2025 Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ku guuleysatay hawlgal qorsheysan oo ay ku qabteen qof asal ahaan Soomaali ah balse haysta dhalashada mid kamid ah dalalka Yurub. 

Qofkan ayaa lagu eedeeyay in uu si sharci-darro ah uga shaqeynayay tahriibinta dadka, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaasoo lagu daabulo waddamo kala duwan iyada oo la marsiinayo dariiqyo khatar ah

Hawlgalka lagu qabtay eedeysanaha ayaa lagu fuliyay iyadoo la adeegsanayo qalabka casriga ah ee lagu hubiyo laguna raad-raaco dukumentiyada socdaalka, taasoo fududeysay in si degdeg ah loo aqoonsado loona xiro.

Mas’uuliyiinta Hay’adda Socdaalka ayaa sheegay in eedeysanaha muddo lagu raad-joogay, isla markaana xogaha la helay ay caddeeyeen in uu door muuqda ku lahaa isku dubaridka safarrada sharci darrada ah, taasoo halis gelisay nolosha dhalinyaro badan.

Ugu dambeyn, eedeysanaha ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay Hay’adda Dambi Baarista si ay u dhamaystiraan baaritaannada sharciga ah, una gudbaan tallaabooyinka xiga ee dacwadda.

Hay’adaha ammaanka ayaa ku booriyay shacabka in ay la shaqeeyaan hay’adaha dowliga ah si loo xakameeyo dambiyada la xiriira tahriibka iyo ka ganacsiga dadka, kuwaas oo si xun u saameeya bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.

Muqdisho 28ka Siteembar, 2025 Fariin ku socota Guddoomiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed Mudane Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Mudane Madaxweyne anoo Xurmo Sharaf iyo Ixtiraam kuu haya ayaan Jecleystay inaan ku xasuusiyo Taariikh aan goob joog u wada aheyn.

17-11-1991-dii Waxaa Muqdisho ka billaawday Dagaal socday Afar bilood oo xiriira Dagaalkaas oo burburiyay Magaalada Dad badana galaaftay haarihiisiina weli Muqdisho ku yaalaan.

Mudane Madaxweyne sidaad ogtahay Dagaalkaas waxaa kala Hoggaaminayay Allaha u wada naxariistee Madaxweyne Cali Mahadi Maxamed oo Laba sano oo ku meel gaara loo doortay iyo Gan. Maxamed Faarax Ceydiid oo ahaay Guddoomiyaha Ururkii USC.

Mudane Madaxweyne sidaad ogtahay waxaa dagaalkaas sabab u ahaa Walaalo wax Soomaali ka dhexeeya isu quuri waayay Ummadduna waxey eedday Cadkaanoow ama ku cunay ama ku ciideeyay.

Haddaba Mudane Shalay laba sano oo loo quuri waayay Madaxweyne Cali Mahadi waxaad ogtahay ka dheceen Dal iyo Dowladnimana ku burburtay Maanta Sodon iyo Shan sano kadib Madaxweyne Xassan Sheekh oo aad Walaalo tihiin muddo xileedkiisuna weli dhammaan inaad ku qabsato talada sow jidkii lagu Jabay maaha?

Calaa kulli xaal Mudane Madaxweyne Taariikhada dib u eeg. Xasuuso wixii la soo maray. Abniga Muqdishana yow eersan. Insha Allaah Guul iyo Garasho Mahadsanid Mudane Madaxweyne.

Wabillaahi Towfiiq

Puntland 28ka Siteembar, 2025 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay burburiyeen awoodda in ka badan laba kun oo dagaalyahan oo badankoodu ajnabi ahaayeen, kuwaas oo Daacish ku haysteen dhulka ku teedsan togga Jaceel ee buuraha Calmiskaad.

Madaxweyne Deni oo bixiyay wareysi tan iyo sidii uu u bilowday dagaalka Daacish, wuxuu sheegay in qorshaha Daacish uu ahaa in bishii June ay weerar culus kusoo qaadaan magaalada Boosaaso, balse sirdoonka Puntland ay ka hortageen kadib markii ay heleen xogta weerarka.

Madaxweyne Deni ayaa intaas ku daray in dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad aysan ka badneyn dhowr iyo sodomeeyo, kuwaas oo u abaabulan kooxo toban toban ah. Wuxuu sheegay in howlgalka ka dhanka ah Daacish la soo gabagabeeyay 95%.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in ururka Daacish uu haystay hub noocyo kala duwan leh iyo xarumo ay ku sameysteen beeo iyo warshado hub lagu farsameeyo, taasoo uu sheegay in ay caddeyn u ahayd inay qorsheynayeen joogitaan dheer.

madaxweynuhu wuxuu sheegay in dagaalkaan Puntland ay ku wayday boqolaal askari, iyo kumanaan dhaawac ah. Wuxuu si gaar ah ugu mahad celiyay dowladaha Mareykanka iyo Imaaraatka Carabta oo taageero muuqata ka siiyay dhinacyada duqeymaha iyo xogta sirdoonka.

Muqdisho 28ka Siteembar, 2025 Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka qeybgalay kulan lagu xusayay 1500 sanaguuradii ka soo wareegtay dhalashadii Nebi Maxamed (NNKH). Kulankan oo lagu qabtay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ayaa waxaa qabanqaabadiisa lahaa Ururka Waddamada Islaamka (OIC).

Dhammaan wasiirradii ka hadlay munaasabaddan waxaa ay si weyn u xuseen in risaaladii iyo noloshii Nebigaba (NNKH) ay ahayd mid naxariis, caddaalad, nabad iyo isudulqaadasho bani’aaddamka baraysay.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo kulankaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dunida maanta ay si ba’an ugu faafayso nacaybka loo qabo Islaamka iyo Muslimiinta (Islamophobia), sidaa darteed ay lagamamaarmaan tahay in muslimiintu ay u istaagaan sare-uqaadista qiyamka suubban ee diinteena xaniifka ah iyo tusaalihii Nabigeenna (NNKH), ee raxmadda, jeceylka iyo bani’aaddanimada lahayd, si sumcad-dilka iyo suuradxumaynta diinteenna looga hortago.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday iyada oo la isku boorriyay waddamada dunida Islaamka ay iskakaashadaan kobcinta iyo weyneynta dhaxalkii Nebigeenna (NNKH).

WARARKA MAANTA 26ka Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa la dili rabaa mucaaradka #Soomaaliya? Yaa boobay hantidii dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaase shacabka #Muqdisho dhibay oo burburiyey noloshooda? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 26ka Siteembar, 2025 Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ayaa sii daaysay Laba askari oo loo haystay in ay si sharci darro ah ku saxiixeen qaliin lagu sameeyay hooyo xaamilo ahayd oo lagu magacaabi jiray Marxuumad Nimco Muuse Axmed, taasoo si muran dhaliyay ugu geeriyootay qaliinkaasi. 

Marxuumaddu waxay ku jirtay xilligeedii dhalmada, waxaana baaritaanada caafimaad lagu ogaaday in ilmaha caloosheeda ku jiray uu geeriyooday, taasoo keentay in qaliin degdeg ah lagu sameeyo.

Kiiska waxaa lagu soo oogay laba askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ah Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed.

Labadaasi eedeysane ayaa lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah u saxiixeen oggolaanshaha qaliinka marxuumadda, iyagoo ku andacoonaya inay yihiin seyga iyo walaalka marxuumadda, arrin aysan xaq u lahayn sharci ahaan, maadaama oggolaanshaha noocaas ah looga baahnaa qaraabada rasmiga ah ama waalidka ilmaha caloosha ku jiray.

Ka hor qaliinka, marxuumadda waxaa la geeyay isbitaalo kala duwan kuwaas oo dhamaantood isku raacay hal natiijo ah in ilmaha caloosha ku jira uu dhintay, laga maarmaana ay tahay qaliin degdeg ah in lagu sameeyo, Eedeysanayaashu waxay dib ula noqdeen Isbitaalka Digfeer, iyagoo codsaday in adeegga caafimaad loo fidiyo si bilaash ah, maadaama aysan awoodin qarashka.

Sida uu qabo habraaca caafimaad iyo sharciga caafimaadka, isbitaalka waxaa laga rabay inuu helo oggolaansho sharci ah oo ka yimaada ehelka rasmiga ah ee bukaanka, gaar ahaan marka bukaanku yahay xaamilo, Hase yeeshee, eedeysanayaashu waxay saxiixeen oggolaanshaha iyagoo aan xaq u lahayn, taasoo dhalisay dacwadan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah oo qaatay waqti dheer, wuxuuna codsaday qaadista kiiska 20-kii bishan (Sebtembar 2025).

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, oo si qoto dheer u dhageysatay dhamaan dhinacyada dacwadda, ayaa ugu dambeyn go’aamisay In la siiyo xoriyadooda labada  Dable kadib markii la waayay caddeymo muujinaya in falalkooda ay ahaayeen kuwa ula kac ah ama danbiyeed, iyadoo lagu tixgeliyay in falalkooda ay ku timid xaalad degdeg ah oo bini’aadantinimo ah.

Muqdisho 26ka Siteembar, 2025 Mas’uuliyiin ka tirsan mucaaradka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in ciidammada ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay xireen saddex qof oo caan ah, kuwaas oo kala ah Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Cumar Cali Rooble, iyo ganacsatada Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale.

Xariggan ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Global ee magaalada Muqdisho, halkaas oo Cali Xaaji Iimaan uu deganaa, Saddexdan qof ayaa si weyn ugu dhawaa siyaasiyiinta mucaaradka, waxayna si fagaare ah uga cadeeyeen dhaliishooda sida dowladda u maareysey muranka dhulka ee Siinaay, oo maalmahan si weyn uga taagnaa gudaha caasimadda.

Maalin kahor xarigooda, raggan ayaa kamid ahaa koox siyaasiyiin ah oo lagu rasaaseeyey gudaha Xarunta saldhiga booliska ee Degmada Wardhiigley, iyadoo ay muuqato in cadaadis xooggan lagu saarayo mucaaradka si loo hakiyo abaabulka mudaharaad ballaaran oo lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho maalinta Sabtida. 

Dowladda ayaa si cad uga soo horjeedda mudaharaadkaas, iyadoo ku doodaysa in uu yahay mid khatar ku ah amniga, Wararka qaar ayaa sheegaya in xarigga saddexdan ruux uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyey, iyadoo lagu tuhunsan yahay in uu yahay isku day lagu caburinayo aragtida mucaaradka.

Ugu dambeeyn dadaalo siyaasadeed ay sameeyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horseeday in Dhammaan saddexdii qof ee la xirey la sii daayo goor dambe oo xalay ah, inkastoo ilaa iyo hadda aysan jirin wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowladda oo ku saabsan sababta xarigooda ka dambeeysay.

Dhinaca kale, abaabulayaasha mudaharaadka ayaa sheegay in qorshuhu siduu yahay uu u socon doono, iyagoo ugu baaqay shacabka iyo beesha caalamka inay indhaha ku hayaan xadgudubyada ka dhanka ah xorriyadda hadalka iyo isu imaatinka.

Muqdisho 26ka Siteembar, 2025 Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo guddomiyay shir looga hadlayey amniga Caasimadda oo ay yeesheen Hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa amray culus siiyay qeybaha kala duwan ee laamaha amniga.

Shirka kadib Wasiir Fartaag oo warbaahinta la hadlay ayaa faray laamaha amniga in wixii hada ka dambeeya ay amar u qabaan ka hortaga cid walba oo uu sheegay iney qalqal galineyso amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

“Laamaha amniga Caasimada waxay amar u qabaan cid kasta oo amniga lid ku ah in gacan bir ah ku qabtaan.” Ayuu yiri Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag. 

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale xusay in magaalada Muqdisho aanan lagu dhex wadan karin hubka culus iyo gaadiidka dagaalka, wuxuuna uga digay xubnaha siyaasiyiinta Mucaaradka iney markale qaadaan taalabo la mid ah tii Saldhiga degmada Warta Nabadda. 

“Waxaa wax laga xishoodo ah in rag madax kasoo noqday dalkan hadana doonaya in markale noqdaan madax ay hub culus ku weeraraan Saldhig ciidan ayagoo leh dad ku xiran ayaan soo damiinan rabnay, dadka xiran ma dhashiike iyo BKM ayaa lagu soo damiinana waa ceeb waxaas, waxay aheyd iney la hadlaan Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo haday la hadlaan ugu keeni lahaa dadkaas meesha ay joogaan” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya in Muqdisho ay tahay meel amni ah, islamarkaana cid kasta oo dooneysa carqaladeynta amniga in dowladdu ku qabaneyso gacan bir ah.

“Kuwa Cali Dheere u yeerana ee afka argagixisada ku hadla waxaan leeyahay Muqdisho argagixiso waxba kama qaadi karto oo si awood ah ayaa looga saaray, taas ha ogaadaan” ayuu yiri Wasiir Fartaag. 

Isagoo ka hadlaayay dhanka banaanbaxa Mucaaradka ku dhawaaqeen berito inuu dhacayo ayuu sheegay Wasiirka in sharciga dalku uu ogol yahay qabsoomida banaanbaxyo madani ah oo dadweynuhu ay cabashadooda kusoo gudbin karaan, hayeshe aan la aqbali karin banaanbaxyo lagu ilaalinayo hub, kaasoo wax yeeleynaya amniga, islamarkaana keeni kara isku dhacyo sababi kara dhibaatooyin kale.

Ugu dambeyntii hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka amniga gudaha ayaa ah mid sii xoojin kara xiisad siyaasadeed oo hor leh, maadaama mucaaradku ku dhawaaqeen qabashada banaanbaxaan, halka dowladda ay u muuqato inay ku adkaysaneyso in la joojiyo.

WARARKA MAANTA 25ka Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay ciidamo badan u soo galeen #Muqdisho?  Maxuu yahay dagaalka ka dhex qarxay kooxihii #Damu-Jadiid iyo #Nabad Iyo Nolol? Yaa tuugsigii Carabka ka dhex bilaaway Xarunta Qaramada Midooway #Newyork Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa madaxdii dalka u diiday inay shiraan oo dili rabay shalay? Yaa boobayhantidii dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaase shacabka #Muqdisho dhibay oo burburiyey noloshooda? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

New York  25Ka Siteembar 2025 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed barbar socda Meertada 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey la qaatay Dhaxal-sugaha dalka aan walaalaha nahay ee Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax.Kulanka ayaa intii uu socday waxa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo arrimaha guud ee gobolka ee labada dal ay dan-wadaagta ka yihiin.

New York  25Ka Siteembar 2025 Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, “Waxaan aaminsanahay in waqtiga noo haray doorashada lagu qaban karo, kharashka doorashada waxaa bixineysa dowladda Soomaaliya, mowqifkeyga waa la garanayaa, waligey muddo kororsi ma ogolaan, inaan xafiiskaan ka tago welwel iguma heyso, habeenkii doorashadii hore la iiga guuleystay aniga oo qoslaya ayaan hoolka ka soo baxay, hadana in doorashada la iiga adkaado waxba kama qabo ee waxaan rabaa dalkaan waddo sax ah inuu maro.”

Muqdisho 25Ka Siteembar 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw Warsaxafadeed ay soo saartay uga hadashay iska hor imaadkii maanta ku dhexmaray gudaha magaalada Muqdisho ciidanka dowladda iyo kuwa ilaalada mucaaradka ee ka dhacay afaafka hore ee saldhiga degmada Warta Nabadda.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa si adag loogu eedeyay siyaasiyiinta mucaaradka iyo ciidamo ay wateen iney isku dayeen inay xoog ku qabsadaan saldhigga degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

“Dowladda waxay cambaareyneysaa falal liddi ku ah amniga caasimadda oo ay ku dhaqaaqeen xubno siyaasiyiin ah oo doonayey inay xoog kula wareegaan Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya. 

Dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalkii maanta ka dhacay afaafka hore ee Saldhiga degmada Warta Nabadda in masuuliyaddiisa qaadayaan xubnaha Mucaaradka ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay caddeyneysaa in wixii maanta ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda ay masuuliyaddiisa qaadayaan xubnihii sida bareerka ah ugu xadgudbay jiritaanka dowladnimada, amniga, kala dambeynta iyo shuruucda dalka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka ayaa u digtay siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo cid walba oo qalqal galineysa amniga guud ee Caasimadda dalka ee Muqdisho.

WARARKA MAANTA 24ka Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa diidan dhulkii dowladda inay isticmaasho ama iibiso?  Maxuu Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye: oo soo aaday kulanka golaha Qaramada Midoway ee #Newyork u raab iinuu wada iibsado hantidii dadweynaha? Yaa boobayhantidii dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaase shacabka #Muqdisho dhibay oo burburiyey noloshooda? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 24Ka Siteembar2025 𝗛𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗮𝗳𝘁𝗮𝘆 – La-soco qaybtii ugu dambeysay ee barnaamijka #TubtaNabadda  oo aan ku xuseynno Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda. Waxaa marti noogu ah Yaasin Axmed Maxamuud oo ah Agaasimaha Guud, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawlad Goboleedka HirShabeelle iyo Xamdi Cabdisalaan Aadan, oo ah Guddoomiye Ku Xigeenka Ururka Dhallinyarada Caabudwaaq ee Dawlad Goboleedka Galmudug. Waxay dib u milicsanayaan hayaanka nabadda Soomaaliya, iyagoo ka hadlaya horumarka la gaaray, caqabadaha iyo xalka suurtagalka ah.

Caabudwaaq 24Ka Siteembar2025  Shan odeyaaal dhaqameed ee ka tirsanaa madax-dhaqameedka deegaanka Ceelwaaq, kuwaas oo u afduubnaa kooxda Al-Shabaab muddo 62 maalmood ah, ayaa ugu dambeyn ka hadlay xaaladdii ay ku sugnaayeen intii lagu hayay gudaha Soomaaliya.

Madax dhaqameedka la afduubtay ayaa kasoo muuqday fagaare dadweyne oo lagu qabtay munaasabad ay dadka degaankaasi u yaqaanaan Jukwaa la Usalama oo ka dhacay magaalada Ceelwaaq, halkaas oo ay kaga warbixiyeen tacaddiyadii, cabsidii iyo dhibaatooyinkii ay la kulmeen intii lagu hayay gacanta maleeshiyaadka.

Mid ka mid ah odayaasha ayaa yiri “Waxaan la kulanay cabsi joogto ah, cunto yari, cadaadis iyo hanjabaadyo joogto ah, Maalin walba waxaan filaneeynay geeri ama nolol, laakiin Ilaahay ayaa nasoi badbaadiyay.”

Markii ay kasoo laabteen gacanta afduubayaasha, madax-dhaqameedkan ayaa hadda codsanaya taageero dhaqaale iyo la-talin dhanka maskaxda ah (trauma counseling) si ay uga soo kabtaan xanuunka ay la kulmeen.

Sidoo kale, waxay taageero buuxda u muujiyeen qorshaha dowladda ee ah in la hubeeyo lana tababaro maamulayaasha deegaanka, si ay isaga difaacaan khatarta Al-Shabaab ee ku soo badanaysa gobollada xuduudka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda hoose ee Mandera South, saraakiil amni iyo dadweyne tiro badan oo muujiyay dareen murugo leh iyo taageero ay la garab taagan yihiin madaxdaas soo maray dhibaatooyinka.

Dowladda Kenya ayaa horey u shaacisay qorshe ay ku doonayso in lagu adkeeyo ammaanka gobollada ku dhow xuduudka, gaar ahaan kuwa sida Mandera, Wajir iyo Garissa oo marar badan lala beegsaday weerarro argagixiso.

24Ka Siteembar2025 Montreal Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Montreal ee dalka Canada kaga qeyb galay Shirka 42-aad ee Golaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO).

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 193 dowladood oo xubno ka ah ICAO, Hay’addaha caalamiga ah, shirkadaha diyaaradaha farsameeya ee ugu waa weyn aduunka sida Airbus iyo Boeing, shirkadaha ka shaqeeya qalabka casriga ah ee maamulka duulista rayidka iyo shirkadaha amniga ee soo saara qalabka lagu sugo amniga garoomada diyaaradaha.

Shirkan 42-aad ee Golaha Guud ee ICAO ayaa la filayaa in mudada uu socdo diiradda lagu saaro arrimo ay kamid yihiin amniga duulista rayidka, hal abuurka cusub ee farsamada, horumarinta kaabeyaasha garoomada diyaaradaha, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca Hawada.

Wafdiga dowladda Soomaaliya uga qeyb galay shirkaan ayaa waxaa hogaaminaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cabdikariin Cabdow Xeydar, waxaana ku wehliya masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale halkaasi ka wada kulamo gaar gaar ah oo ay la yeelanayaan nasuuliyiinta dhigoda ah ee ka qeyb galeysa shirkaan, iyagoona kala hadlaya sida lagu horumarin karo adeegyada duulista rayidka.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in ka qeybgalka shirkan uu Soomaaliya u yahay fursad muhiim ah, si loo xoojiyo xiriirka kala dhexeeya dalalka xubnaha ka ah ICAO iyo waliba iney ka faa’ideysataan sidii loo hormarin lahaa adeegyada duulista rayidka ee dalka.

Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sanadahii ugu dambeeyay horumaro waa weyn oo la taaban karo ka sameysay dhanka horumarinta adeegyada duulista rayidka Soomaaliyeed.

Moqokori 24Ka Siteembar2025 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo lagu dilay sadax ka mid ah saraakiisha sar sare ee kooxda u qaabilsaneyd gobolka Hiiraan. 

Howlgalkan ayaa ahaa mid si gaar ah ay u fuliyeen ciidanka Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee (NISA oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka.

War kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday sadax horjooge oo muhiim u ahaa kooxda Al-shabaab, islamarkaana dhibaato xoogan horay uga geystay deegaanada gobolka Hiiraan.

Sadaxda horjooge ee howlgalkan duqeynta ah lagu dilay waxaa ka mid ah oo magaciisa la shaacisay horjooge Cabdi Xiiray oo la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha sare ee kooxda, islamarkana ka dambeeyay weeraro iyo falal amni darro oo ka dhacay deegaanada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in faahfaahin intan ka badan oo ku saabsan howlgalka iyo natiijadiisa rasmiga ah la soo bandhigi doono saacadaha soo socda.

Howlgalkan duqeynta ah ee lagu dilay horjoogayaashan ka tirsana Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada dowladda ee garabka ka helaya kuwa saaxiibada Caalamka ay kordhiyeen mudooyinkii lasoo dhaafay howlgalada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-shabaab. 

WARARKA MAANTA 21ka Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa la afgamin rabaa Madaxweyne mise Raysal Wasaare? Maxuu Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye: oo soo aaday kulanka golaha Qaramada Midoway ee #Newyork? Yaa boobayhantidii dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaase shacabka #Muqdisho dhibay oo burburiyey noloshooda? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 21Ka Siteembar2025 R𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚” 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐥𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐲𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

Muqdisho, Axad, 21 Sebteembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, taasi oo laga hirgelinayo dhisme casri ah oo qeyb ka qaadan doona horumarinta deegga Waxbarasho ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dib-u-dhiska xarunta Wasaaradda Waxbarashada dalka ay muujinayso dadaalka dowladda ee ku aaddan tayeynta adeegyada bulshada iyo barbaarinta Ubadka Soomaaliyeed, maadaama ay wasaaraddani ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee dowladda.

“Xukuumadda DanQaran waxa ay dadaal badan gelisay tayeynta waxbarashada dalka iyo casriyeynta dhammaan nidaamyada waxbarashada bilow ilaa dhammaad, waxaa la dhisay Guddiga Tacliinta Sare si loo helo waxbarasho jaamacadeed oo horumarsan, Waxaana naga go’an in ubadkeennu helaan aqoon iyo xirfad tayo sare leh”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

“Wasaaraddaan Waxaa ay ka mid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, maadaama ay maamuleyso wixii ugu muhiimsanaa ee dalkani uu lahaa oo ah ubadka, dhallinyarada doonaya in ay wax bartaan dowladda waxaa ay ku leeyihiin waa in ay hagaajiso goobihii ay wax ku baran lahaayeen”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada dalka dadaalkooda ku aaddan horumarinta adeegga waxbarasho ee dalka, ilaalinta xogta ardayga iyo casriyeynta nidaamka tacliinta.

— Dhammaad —

Muqdisho 21Ka Siteembar2025 Madaxweyne Kajjoog dhiiqaad lugaha la galoohoysaa ee kajjoog!

Dhulka danta guud waa hanti ay wadaagaan muwaadiniinta masuulna ay uga tahay dowlada, waxaana loogu talagalay inay ka faa’iideystaan bulshada oo dhan, gaar ahaan kuwa danyarta ah ee aan haysan meel ay ku nastaan. Marka la xaraasho dhulkan oo masaakiinta laga raro, waxaa dhacaysa kow, iney waayaan meel ay ku noolaasaan iyo labo cadaalad darro iyo dulmi ka hor imanaya mabda’a Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee soojireenka ah.

Allaah (SWT) wuxuu yiri:

وَلَا تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُم بَيْنَكُم بِالْبَاطِلِ وَتُدْلُوا بِهَا إِلَى الْحُكَّامِ لِتَأْكُلُوا فَرِيقًا مِّنْ أَمْوَالِ النَّاسِ بِالْإِثْمِ وَأَنتُمْ تَعْلَمُونَ

(البقرة: ”  Ha cunina hantida dadka si baadil ah, hana u siinina laaluush kuwa xukunka haaya si aad si baadil ah ugu cuntaan  hantida dadka xumaan iyo dulmi idinkoo og.”

Sidoo kale Nabigeenna (NNKH) wuxuu yiri:

مَنْ ظَلَمَ قِيدَ شِبْرٍ مِنَ الْأَرْضِ طَوَّقَهُ اللَّهُ إِيَّاهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ مِنْ سَبْعِ أَرَضِينَ

(رواه البخاري ومسلم)

“Qofkii si dulmi ah dhulka cid kale uga qaata, Alle wuxuu maalinta qiyaame qoorta kaga xannibi doonaa toddobo dhul oo is dul saaran.”

Aayaddan iyo xadiiskani waxay ina tusayaan in xaraashka iyo xoog ku qaadashada dhulka dadka masaakiinta ah ay tahay arrin diinta Islaamka ka hor imanaysa, isla markaana dhalin karta caro dadweyne iyo khalkhal bulsho.

Taariikhdu waxay marag ka tahay waxa ka dhalan kara in dulmi iyo xoog lagu qaato xuquuqda shacabka:

Aan fiirino dhowrka tusaale.

Dadka Nebal ayaa markii laga xanibay adeegyada isgaarsiinta lana maquunjyay ku kacay bannaanbaxyo ballaaran, taas oo dhalisay fowdo iyo khasaare naf iyo maalba leh ugu dambeyna lagu riday dowladii wadanka oo dhan.

Wadanka Suudaan dhowr jeer ayaa kacdoonno ka dhashay cadaalad darro iyo xaraash dhul iyo hanti shacabka laga qaaday, taas oo horseeday dagaallo iyo burbur dowladeed ilaa Suudaan ay u kala go’do labo dal.

Dalal kale oo Afrika ah hadii aan iyaga Fiirinana, Taariikhdu waxay caddeysay in markasta oo shacabka la cadaadiyo, ay kacaan, iyadoo natiijadu noqoto nabadgelyo darro iyo burbur dhaqaale, tusaale dheer inaga oo aan raadinin burburkii sodonka sano ee aan sooo marnay waxa uu ka dhashay kacdoon dad weyne ee Dowladii Militariga ee Soomaaliya.

Mudane Madaxweyne, bulshada Soomaaliyeed waxay maanta u baahan tahay caddaalad, isku-duubni iyo nabad. Amarka xaraashka dhulka masaakiinta waa mid dhaawici kara kalsoonida shacabka ee dowladnimada, isla markaana kicin kara kacdoon dadweyne oo sababi kara burbur aan laga soo kaban karin.

Hadaba waxaan kaa dalbanayaan inaad si degdeg ah u qaado talaabooyiinkan soo socda

1) Garsoorka iyo Booliska  far in aysan bulshada dulminin.

2) Dhulka danta guud haloo daayo dadka danyarta ah.

3) Dowladdu waa iney u jiheysataa iney la timaado qorshe doorasho oo loo dhanyahay.

4) Dowlada waa ineysan qasbin bulshada oo ay joojiso caburinta.

Ugu dambeyntii, Nabigu (NNKH) wuxuu yiri:

مَا مِنْ عَبْدٍ يَسْتَرْعِيهِ اللَّهُ رَعِيَّةً يَمُوتُ يَوْمَ يَمُوتُ وَهُوَ غَاشٌّ لِرَعِيَّتِهِ إِلَّا حَرَّمَ اللَّهُ عَلَيْهِ الْجَنَّةَ

(رواه مسلم)

“Qofka Alle masuul uga dhigo dad, oo uu dhinto isagoo khiyaano u geystay dadkii loo dhiibay, Jannada Alle waa ka xaaraantinimeeyaa.”

Haddaba Madaxweyne, masuuliyadda Alle kugu dhiibay ummada Soomaaliyeed  waa mid culus, bulshada adiga ayaa masuul lagaaga dhigay, ee fadlan ka digtoonow dulmiga  iyo amarada keeni kara kacdoon dadweyne.

New York 21Ka Siteembar2025 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waa golaha nabadda iyo amniga ee ugu sarreeya adduunka iyo madasha iskaashi, taas oo leh wadashaqeyn dhinacyo badan leh, muddo tobannaan sano ah ka dib, Soomaaliya waxay noqotay xubin aan joogto ahayn muddada 2025-2026.

Halkaan waxaa ka muuqda, Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay oo khudbad ka jeediyay fadhi uu lahaa golaha.

Awdal 21Ka Siteembar2025 “Xog kasoo baxday baadhitaan lagu sameeyay weerar uu sheegay Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Jabuuti in koox aan la garanayn kusoo qaaday laba jeer, ayaa lagu sheegay in wakiilku isagu xabado isku dhuftay, naftiisana dhaawac u geystay sababo aan illaa hadda la garanayn awgood.

Guddida Nabadgelyada ee Gobolka Awdal oo baadhitaan ku sameeyay weerarrada la sheegay in lagu qaaday Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Jabuuti, Cabdifataax Cilmi Muxumed, ayaa sheegay in ay ogaadeen in wakiilku uu isagu is dhaawacay, kadib markii ay sameeyeen baadhitaan, isla markaana uu xabbad isagu isku riday.

Wakiilku waxa uu maalmo ka hor sheegay in koox hubeysan ku weerartay isagoo safar ku marayay jidka isku xidha Boorama iyo Gabiley, dhaawicii soo gaadhayna loo dhigay isbitaalka Boorama. Hase yeeshee markii uu kasoo bogsaday dhaawacii hore ee isbitaalka kasoo baxay, ayuu mar kale sheegay in gurigiisa lagu soo weeraray isla markaana xabbad afka kaga dhacday.

“Tani waxa ay ahayd, sida nooga muuqata baadhista, in uu baastooladda afka gashaday kadibna gudaha iskaga dhuftay, isagoo ciridkiisa ka ilaalinaya. Waa baastooladda nooca yar yar ee Turkiga sameeyo, waxaana noo soo baxday in rasaasta iyo baastooladdii la adeegsaday ay isleeyihiin,” ayuu yidhi Taliyaha Laanta Baadhista Dambiyada Gobolka Awdal, Dhamme Maxamed Cabdillaahi Muuse.

Guddidu waxa kale oo ay sheegeen in dhakhtarku xaqiijiyay in dhaawaca ka muuqday wakiilka aanu ka imaanin xabbad dibedda kaga timid, balse uu gudaha iskaga dhuftay. Sidoo kale, markii ay baadhis sameeyeen waxay sheegeen in ay ogaadeen in baastoolad uu haystay uu u adeegsaday dhaawacyadaas, isla markaana ay gurigiisa ka heleen kiniinno loo isticmaalo xanuunnada dhimirka.

Ilaa hadda lama oga sababta ku kalliftay falalkaas. Waaxda baadhistuna waxay sheegtay in wakiilku labada jeerba sheegay in aanu garanayn cidda xabbadda ku dhuftay, balse raadadka rasaasta oo laga helay gurigiisa ay caddeeyeen in aanu weerar dibedda kaga iman, isla markaana uu isagu isku dhuftay xabbaddaas, baastooladdana uu gurigiisa kaga tegay.

Muqdisho 21Ka Siteembar2025 “Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Ahmed Moallim Fiqi, ayaa si cad ugu muujiyey taageero Congress-woman Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, taasoo keentay fal-celin siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba laga dareemay.

Wasiir Fiqi ayaa bartiisa Facebook ku qoray: “Haddii gabadheenna loo beegsanayo aqoonsigeeda, si adag ayaan u garab istaagi doonaa… Anigoo ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, si cad ayaan u leeyahay Waxaan la jirayaa Ilhan.”

Fiqi wuxuu sidoo kale ku tilmaamay Ilhan “gabar tusaale fiican u ah bulshada,” isagoo xusay inay guul gaartay “iyada oo aan cidna ku tiirsanayn.” 

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dadka dhaleeceynaya aysan xaq u lahayn in ay “Soomaaliya ku eedeeyaan ama u gafaan meesha ay ka dhalatay awgeed.”

Hadalka Wasiirka ayaa si degdeg ah u kiciyey dood ku saabsan hab-dhaqanka diblomaasiyadeed iyo faragelinta arrimaha gudaha ee waddan kale. 

Hadalka Wasiirka ayaa yimid kadib markii Ilhan Omar ay dhaleeceyn adag ay kala kulantay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo wax ka sheegay Dalka ay kasoo jeedo ee Soomaaliya si lamid ah markii ay habka qaxootiga ah ay ku galaysay wadankaasi.

Ilhan Omar, oo ah gabadh Soomaali-Maraykan ah, kana tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, ayaa marar badan wajahday dhaleeceyn la xiriirta aragtideeda siyaasadeed iyo asalka dalka ay ka soo jeedo, Si kastaba ha ahaatee, waxay kaloo tahay si weyn taageero uga haysataa bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka ku nool iyo kuwa gudaha Soomaaliya.

\WARARKA MAANTA 19ka Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa boobat hantidii dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaase shacabka #Muqdisho dhibay oo burburiyey noloshooda? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 19Ka Siteembar 2025 Raktarka Cusub ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo xilka la wareegay.

Muqdisho, 18 Sebtembar 2025 – Waxaa xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee KM4 lagu qabtay munaasabadda xilwareejinta Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, oo ah Raktarka cusub, iyo Prof. Xasan Cusmaan Gacal, oo horey u hayay xilka.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay kamid ahaayeen,  Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ahna Kusimaha wasiirka, Marwo Nura Mustaf Gudow, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Mudane Daahir Shire, Sidoo kale waxaa goob joog ahaa xildhibaano, aqoonyahanno, agaasimayaal, hormuudyo, shaqaalaha Jaamacadda iyo marti sharaf kale.

Intii ay munaasabadda socotay, waxaa lagu soo bandhigay muuqaal ka turjumayay waxqabadka Jaamacadda muddadii uu xilka hayay Raktarkii hore, iyadoo sidoo kale lagu xusay taariikhda qotada dheer ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo door muuqda ku leh dhismaha aqoonta dalka.

Raktarka cusub ee  Jaamacadda Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay in Jaamacadda Ummadda aysan ku koobnaan doonin oo keliya soo saarista aqoonyahanno, balse ay si firfircoon uga qeyb qaadan doonto xalinta dhibaatooyinka heer qaran iyo la falgalka bulshada.

Munaasabadda ayaa sidoo kale waxa laga jeediyay kalmado dhiirrigelin iyo bogaadin ah oo ay soo jeediyeen, Wasiiro, hormuudyo iyo xubno ka socday Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed.

Muqdisho 19Ka Siteembar 2025 Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa maanta xafiiskiisa wasaaradda ku qaabilay laacibadda Soomaaliyeed ee caalamiga ah Ramla Cali oo caan ku ah ciyaarta feerka.

Ramla Cali oo maalmahan ku sugnayd magaalada Muqdisho, ayaa booqashadeedu qeyb ka tahay dadaalkeeda ku aaddan dhiirrigelinta dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan hablaha, iyo xoojinta xiriirka ay la leedahay dalkii ay ka soo jeeday.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Dahabo Suusow Maxamed, oo qayb weyn ka qaadatay soo dhaweynta Ramla, ayaa uga mahadcelisay doorkeeda matalaadda Qaranka Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale ku dhiirrigelisay inay sii waddo dadaalkeeda ciyaareed, isla markaana ay tusaale iyo dhiirrigelin u noqoto dhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaya inay gaaran heer caalami ah.

Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa dhankiisa sheegay in Ramla Cali ay tahay astaan sharaf iyo karti u leh Soomaaliya, isagoo xusay sida ay kaligeed uga soo dhalaashay tartamada caalamiga ah ee ay kaga qayb gashay magaca Soomaaliya. Wasiirku wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagaan ciyaartoyda Soomaaliyeed ee matalaya calanka qaranka.

Munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayo Ramla Cali ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo maalinta berri garoonka Stadium Injineer Yariisow (Ex-Koonis), iyadoo ay kasoo qaybgeli doonaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ciyaartoy hore, ururrada dhalinyarada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

China 19Ka Siteembar 2025 Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa dalka Shiinaha ka qeyb galay furitaanka 12-aad ee Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Beijing Xiangshan Forum.

Madashan oo aheyd mid heer caalami ah ayaa waxaa isugu yimid Wasiirada gaashaandhiga iyo ergooyin ka kala socday in ka badan 100 dal, waxaana sidoo kale goob joog ka aheyd furitaanka madashaan Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr. Hodan Cismaan oo ka qeyb qaadatay kulamada iyo doodaha halkaasi ka dhacay.

Shirweynahaan oo halku dhiggiisu ahaa “Ilaalinta Nidaamka Caalamiga ah, iyo Dhiirrigelinta Horumarka Nabadgelyada si wadajir ah” ayaa lagu soo bandhigay dooddo ku saabsan amniga caalamiga ah, iskaashiga milatari, iyo sidii loo wajahilahaa caqabadaha cusub ee nabadda iyo xasilloonida.

“Ka qeybgalka Soomaaliya ee heerkan ayaa muujinaya sida dalkeenu si toos ah uga dhex muuqdo wadahadallada caalamiga ah ee ku saabsan mustaqbalka amniga iyo iskaashiga dalalka dunida” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. 

Ugu dambeyntii madashan heerka caalami ah oo ay ka qeyb galeen ergo tiro ahaan gaaraysa 1,800 ergo oo isugu jiray wasiirro, saraakiil ciidan, khubaro iyo wakiillo ka socday ururo caalami ah ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gabagabeyn doona magaalada Beijing ee dalkaasi Shiinaha.

Maraykanka 19Ka Siteembar 2025 Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Soomaaliya aanay lahayn dowlad dhexe, isla markaana ay halakeeyeen faqri, gaajo, argagixiso, budhcad-badeed iyo sannado badan oo dagaal sokeeye ah.Waxa uu sheegay in dadka reer Soomaaliya boqolkiiba 70% ku nool yihiin faqri aad u xun.

Trump wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay ka jirto cunto-yaraan daran, isla markaana ay kaalinta koowaad kaga jirto waddamada ugu musuqa badan adduunka oo dhan. Waxa uu ku sifeeyay Soomaaliya meel caan ku ah dowlad la’aan, laaluush iyo tuugonimo.

Trump, oo si gaar ah ugu jawaabayay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo siyaasaddiisa kasoo horjeeda, ayaa ku eedeeyay in ay guursatay walaalkeed si ay sharciga Mareykanka ku hesho, isla markaana ay ka timid waddan aan xataa madaxweyne lahayn.

“Asal ahaan Soomaaliya ayay kasoo jeeda, waa side xaalkoodu? Dowlad ma leeyihiin? Madaxweyne ma leeyihiin? Baarlamaan ma leeyihiin? Booliis ma leeyihiin? Dadkan waan jeclahay,  waxay ka imanayaan meel aan waxba ka jirin. Hadda waxba ma haystaan, haddana waxay noo sheegayaan sidii aanu u maamuli lahayn dalkeenna,” ayuu yidhi Trump.

Ma aha markii ugu horreysay ee uu Trump weerar afka ah ku qaado Soomaaliya. Dhawaan ayuu ku tilmaamay meel dowlad la’aan ah oo aan waxba ka jirin, halka sannado ka horna uu sheegay in Soomaaliya tahay meel qasan oo aan lahayn maamul iyo kala dambayn.

Mareykanka ayaa muddo dheer ka mid ahaa saaxiibada taageera Soomaaliya dhinaca dowlad-dhiska iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka ah, isaga oo hadda ciidamada Soomaaliya ka taageera dhinaca cirka iyo tababarada.

Si kastaba ha ahaatee, Trump iyo kooxdiisu shakhsi ahaan ma jecla Soomaaliya. Siyaasiyiin badan oo u dhow maamulka Trump ayaa baraha bulshada ku dhaliila dowladda Soomaaliya iyo sida ay wax u waddo guud ahaan.

Dhanka kale, Somaliland ayaa isku dayaysa inay ka faa’iidaysato arrintan, iyada oo wadda olole ay aqoonsi kaga rabto maamulka Trump, maadaama xildhibaanno iyo siyaasiyiin badan oo Jamhuuriga ka tirsan ay aaminsan yihiin in Somaliland la aqoonsado.

WARARKA MAANTA 18ka Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa mooshinka lagu ridi doonaa? Yaase shacabka #Muqdisho dhibay oo burburiyey noloshooda? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 18Ka Siteembar 2025  Hadii ay ku dhaaftay – La-soco qaybtii ugu dambeysay ee barnaamijka Tubta Nabadda oo aan ku xuseynno Maalinta Caalamiga ah ee Dimuqraadiyadda. Waxaa marti noogu ah Saadaad Maxamed Nuur Caliyo, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya, iyo Cusmaan Muxyadiin Shaatax oo ah Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, oo ka hadlaya hayaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, guulaha, caqabadaha iyo himilooyinka ku aaddan mustaqbalka.

Muqdisho 18Ka Siteembar 2025 Guddoomiye Muungaab “maamulka iyo bulshada ku nool Degmada Howlwadaag waxaan uga mahadcelinayaa dhismaha 12 wado ee interlock ah iyo horumarka guud ee ka socda Degmada”

Muqdisho 18Ka Siteembar 2025 Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka Cddaaladda iyo Wadajirka (JSP) Mudane Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa soo xiray tababbar socday muddo 3 maalmood ah oo Xarunta Dhexe ee Ururka loogu qabtay in ka badan 150 xubno oo isugu jiray wakiillada degmooyinka Gobolka Banaadir iyo hawlwadeennada Xafiiska Xoghayaha.

Tababbarka oo ay bixiyeen khubaro aqoon durugsan u leh mowducyada laga hadlayay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, qaybaha maareynta xisbiyada, xirfadaha hoggaaminta suuban iyo maareynta ololaha doorahooyinka.

Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa xiritaanka tababbarka Xoghayaha Tababbarka iyo Cilmibaarista Mudane; Dr. Xuseen Cali Axmed, Xoghayaha Isku xirka Dowlad Goboleedyada Mudane Xil. Maxamed Ibraahim Macallimuu, Guddoomiyaha Garabka Haweenka ahna Wasiir Kuxigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Xildh. Aamino Xuseen Cali, Agaasimaha Xisbiga JSP Cabdullaahi Sheekh Xuseen (Ashcari)  Iyo Wakiilka Gobolka Banaadir Maxamed Dhuubow Nuur

Muqdisho 18Ka Siteembar 2025 Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta abaalmariyay geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee guusha taariikhiga ah ka gaaray dagaalkii lagu jebiyay Khawaarijta Al-Shabaab, kadib munaasabad lagu qabtay degmada Ceel-Dheer.

Munaasabadda ayaa isugu jirtay duceynta geesiyaashii shahiiday, dhiirigelin iyo abaalmarino la guddoonsiiyay ciidamadii guusha ka soo hooyay dagaalka, iyada oo ay goob-joog ahaayeen saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka iyo maamulka degmada Ceel-Dheer.

Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa geesiyaasha Qaranka guddoonsiiyay billado iyo abaalmarino kala duwan, isaga oo xusay in tallaabadan ay tahay mid lagu muujinayo mahadnaq qaran oo ku aaddan geesinimada ay muujiyeen Ciidanka Xoogga Dalka ee ka adkaaday kooxaha Khawaarijta ah.

Muqdisho 18Ka Siteembar 2025 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in mashruuca biyo-xireenka Itoobiya uu saameyn weyn ku yeelanayo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dalalka ay wabiga Niil maro sida Masar iyo Suudaan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in arrintani ay tahay mid xasaasi ah oo u baahan wada-hadal iyo iskaashi dhaxalgal ah si loo gaaro xal waara oo ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada ay arrintu quseyso.

Isagoo la hadlayey telefishinka Al-Arabiy, ayuu madaxweynuhu caddeeyey in xiriirka Itoobiya uusan wax saameyn ah ku yeelaneyn xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya la leedahay Masar. 

Waxa uu carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo nabadda iyo horumarka gobolka, iyadoo aan la abuurin xiisado hor leh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Masar ay si weyn u taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidamada, taageerada logistiga, iyo xoojinta amniga, Tani waxay muujinaysaa xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya labada dal iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Masar inay ka qayb qaadato dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.

Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale sheegay in wararka sheegaya in dagaal uu ka dhex qarxi karo Itoobiya iyo Ereteriya ay yihiin shaki iyo mala-awaal aan sal lahayn, isagoo sheegay in aysan jirin calaamado muujinaya in dagaal soo fool leeyahay.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa iftiimiyey xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya la leedahay Boqortooyada Sacuudiga, xiriir soo jiray qarniyo badan, Waxa uu sheegay in labada dal ay hadda wadaan dadaallo cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo horumarka.

WARARKA MAANTA 17ka Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa doorasho qabanaaya Madaxweyne Mudane Xassan oo dastuurkii lagu doortay wax ka beddelay mise Raysal Wasaare Mudane Xamsa “Dhaweeye/Warikoow” oo xitaa #Jubbaland soo booqan karin? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 17Ka Siteembar 2025 Isagoo ka qeyb galayey kulan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ku saabsanaa dhammeystirka Istiraatiijiyadda Qaran ee Soomaaliya ee ka hortagga Walxaha Qarxa ee Macmalka ah, ayuu Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan u sheegay mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka iyo saaxiibbada beesha caalamka in dhammeystirkani uu keenayo hannaan lagu mideynayo laguna hagayo dadaallada horay u socday.

“Caqabadda hadda waxay ka jirtaa hirgelinta joogtada ah. Sii socoshada xalka qaran, iyo taageero isku dubaridan oo ka timaadda saaxiibada caalamiga ah, Istaraatiijiyadani waxay xoojin kartaa awoodda Soomaaliya si loo yareeyo khatarta Walxaha Qarxa ee Macmalka ah, ilaalinta dadka Soomaaliyeed, iyo xoojinta nabadda iyo amniga,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Muqdisho 17Ka Siteembar 2025  Safaarada Soomaaliya ee Ankara ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay soo dhoweynta ardayda Soomaaliyeed ee gaartay magaalada Baku, dalka Azerbaijan, iyada oo ay qeyb ka yihiin Barnaamijka Deeqaha Waxbarasho ee Dowladda Azerbaijan ee Isdhexgalka Dowladda.

Arday tiradoodu gaarayso 19 ayaa horey u gaaray Baku, iyadoo la filayo in 9 kale ay gaaraan dhowaan, taasoo tirada guud ee sanadkan ka dhigeysa 28 arday oo deeq waxbarasho helay.

Ardaydan ayaa baran doona culuum muhiim ah oo ay ka mid yihiin sayniska batroolka, injineerinka, caafimaadka, iyo cilmiga kombiyuutarka. 

Ardayda waxaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Baku, halkaas oo ay ka qayb qaateen masuuliyiin ka socday safaaradda Soomaaliya ee Ankara, oo uu ka mid ahaa Xoghayaha Koowaad ee safaaradda, Ibrahim Ali Abshir, iyo sidoo kale wakiillo ka socday jaamacadaha martida loo yahay.

Safiirka Soomaaliya ee Ankara Danjire Fatxudin Cali Ospite ayaa ujeediyay ardeydaasi hambalyo kalgacal leh dhammaan, isagoo ku booriyay in ay dadaal dheeraad ah sameeyaan si ay ugu guulaystaan waxbarashadooda, uguna adeegaan horumarka dalkooda iyo mustaqbalkoodi.

Dooxa, Qadar 17Ka Siteembar 2025 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeybgalay Shirka Degdegga ah ee Carabta iyo Islaamka oo lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar, kaasoo looga hadlayay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee gobolka, gaar ahaan xadgudubka Israa’iil ee ka dhanka ah madaxbannaanida iyo amniga dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka ku caddeeyay mowqifka dawladda Soomaaliya ee ku aaddan taageerada buuxda ee ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, xilli ay wajahayaan falal cad oo lagu waxyeeleynayo madax-bannaanidooda iyo nabadgelyadooda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu si xooggan u xusay mowqifka taariikhiga ah ee Soomaaliya ay mar walba ku garab taagneyd arrinta Falastiin. 

Wuxuu ku baaqay in la qaado tallaabo mideysan oo caalami ah si loo xaqiijiyo dhismaha dawladda Falastiin ee madax-bannaan, iyadoo Al-Quds (Qudus) ay noqoneyso caasimaddeeda rasmiga ah ee Falastiin.

Shirkan ayaa kusoo beegmay xilli xiisado siyaasadeed iyo amni ay ka jiraan gobolka, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeybgalka shirka u adeegsaday fursad uu ku muujiyo mowqifka dawladda Soomaaliya ee ku saleysan cadaaladda, madax-bannaanida qarannimada, iyo garab istaagga ummadaha la dulmiyay.

WARARKA MAANTA 15ka Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu ka doonay Madaxweyne Xassan Shiikh Dooxa, dalka #Qatar? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 15Ka Siteembar 2025 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarigga ka jaray Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi; Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi; Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage; iyo saraakiil ciidan.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale kormeer ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaas oo uu ku dhageystay warbixin ku saabsan guulaha ciidanku ka gaareen furimaha dagaalka, gaar ahaan gobollada Galguduud iyo Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey dadaallada Wasaaradda iyo geesinimada ciidanka Qaranka, isagoo xusay in guul kasta oo la gaaro ay astaan u tahay adkeysiga shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Konfur Galbeed 15Ka Siteembar 2025 Madaxweynaha Dowladda  Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa caawa  casho-sharaf uu ku maamuusay martida ka soo qeybgashay Todobaadka Nabadda Koonfur Galbeed.

Xafladda casho-sharafta oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Goliyaasha Dowladda Koonfur Galbeed, Maamulka Gobolka Baay, kan Degmada Baydhabo, Madaxda bulshada rayidka ah, Aqoonyahano, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

Madaxweyne Laftagareen ayaa martida uga mahadceliyey ka qeybgalka iyo sida ay ugu soo safreen Baydhabo, isaga oo xusay in Todobaadka Nabadda uu yahay mid bulshada Koonfur Galbeed u horseedaya isbeddel wanaagsan, midnimo iyo dib u heshiisiin.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay dhammaan bulshada inay ka qeyb qaataan adkaynta nabadda iyo xoojinta wadajirka, isagoo tilmaamay in Dowlada uu Hogaamiyo ka go’an tahay horumarinta nabadda, dib u heshiisiinta iyo horumarka guud ee shacabka Koonfur Galbeed.

Muqdisho 15Ka Siteembar 2025 Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhiga degmada Garasbaaleey ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay afar dhalinyaro ah oo ku eedeeysan iney aflagaado iyo gef u geysteen Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Afartaan dhalinyarada ah ayaa xabsiga la dhigay, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Cumar Ciise Salaad, Mahad Cumar Yirid, Amin Maxamed Xasan iyo Cabdisalaan Ceenaanshe Ibraahim.

Ragaan dhalinyarada ah ayaa barta Tiktok ku baahiyay muuqaal anshax daro ah oo si cad loogu gefayo madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la sheegay in la horkeeni doono Maxkamada awooda u leh kiiskooda.

“Muuqaallo ay ku baahiyeen barta TikTok ayaa lagu arkay iyagoo si cad ugu gafaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo dhaawacaysa sharafta iyo karaamada madaxda qaranka, isla markaana baalmareysa Dastuurka iyo shuruucda dalka u dagsan, eedeysanayaashu waxay ku jiraan gacanta Booliiska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh” ayaa lagu yiri  war qoraal ka soo baxay Booliska Soomaaliya.

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed sidoo kale ugu baaqay in bulshada ka fogaadaan falalka marin habaabinta, aflagaadada iyo ku xadgudubka sharafta hay’adaha qaranka, waxaana Booliisku uu ku hanjabay in cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed noocan ah loogu in laga qaadi doono talaabo adag oo waafaqsan sharciga.

Ugu dambeyntii xariga ragaan dhalinyarada ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii u dambeeyay baraha bulshada si weyn loogu dhex arkaayay muqaalo anshax daro ah oo loogu gafaayo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Muqdisho 15Ka Siteembar 2025  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo gaaray magaalada Doha, caasimadda dalka Qatar, ayaa maanta ka qayb galaya shir-madaxeedka degdegga ah ee Carabta iyo Islaamka ee lagu qabanayo magaaladaas.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Hamad International Airport kusoo dhoweeyay, Sheekh Siciid bin Cabdirahmaan bin Xassan Aala Thani oo ah ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar ahna Wasiiru Dowlaha Arrimaha Difaaca ee Qatar iyo Maxamed Axmed Sheekh Cali Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qatar.

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu diiradda saaro xaaladaha cakiran ee ka taagan gobolka iyo caalamka Islaamka, iyadoo madaxda ka socota dalalka Carabta iyo Islaamka ay isugu imaanayaan si ay uga wada hadlaan arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga, siyaasadda, iyo xiriirka dalalka xubnaha ka ah.

Waxaa si gaar ah ay madaxdaan diirada u saari doonaan sidii tallaaabo munaasab ah looga qaadi lahaa weerarkii gardarada ahaaa oo ay Israa’iil ku qaaday magaalada Doxa kuna bartilmaamaysatay Xafiiska Xamaas ay kuleedahay wadankaasi. 

Socdaalka madaxweynaha ayaa sidoale qayb ka ah dadaallada Soomaaliya ay ku dooneyso in ay kor ugu qaaddo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka.

WARARKA MAANTA 13ka Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 13Ka Siteembar 2025 Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuubakar Cismaan Baalle ayaa si adag u dhaliilay weerarkii Israa’iil ku qaaday magaalada Dooxa ee Qatar.

Abuukar ayaa weerarka Dooxa ku sheegay mid wiiqaya ammaanka iyo madax-bannaanida dalkaas. Danjiraha oo ka hadlayay kulan deg-deg ah oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Qatar.

Israel ayaa bartamaha Dooxa weerartay maalmo uun kaddib markii Trump uu digniin u diray kooxda wada-xaajoodka ee Xamaas, xilli uu ku riixayay xabbad-joojin cusub.

Mareykanka ayaa si isdaba joog ah ugu eedeeyay Xamaas inay carqaladeyneyso wada-xaajoodyada. Dhanka kale, Israel ayaa lagu eedeeyay inay dhowr jeer hakisay wada-hadallada.

Maraykanka 13Ka Siteembar 2025Wiilkan dhalinyarada ah ee reer Utah wuxuu ka mid noqday ardaydii ugu dhibcaha sarreysay imtixaankii gelitaanka jaamacadda, wuxuuna ku guuleystay deeq waxbarasho oo afar sano ah oo uu ka helay Jaamacadda Utah State (Utah State University) ee magaalada Logan.

Hooyadiis oo ku faanaysa ayaa barteeda Facebook-ga soo dhigtay muuqaal uu wiilkeeda curadka ah, oo ah kan ugu weyn saddexdeeda carruur, uu kor ugu akhriyayo warqaddii jaamacadda ee deeqda waxbarasho loogu ogolaaday.

Muqdisho 13Ka Siteembar 2025 Hanti-dhawraha Guud ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey in aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin lacag dhan $153.8 milyan oo doollar oo loo adeegsaday barnaamijyada bulshada ee hoos taga mashruuca Baxnaano oo uu maalgeliyo Bankiga Adduunka.

Warbixinta ayaa sabab uga dhigtay diiwaan-gelin la’aanta ka-faa’iideystayaasha oo ka maqan Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (U.N. World Food Programme), oo iyadu maamulaysay qaybinta lacagahaas.

Barnaamijka Baxnaano, oo ah kan ugu muhiimsan barnaamijyada lacagaha tooska ah loogu qaybiyo dadka ee Soomaaliya oo uu maalgeliyo Bankiga Adduunka, ayaa si gaar ah loogu asteeyey inuu yahay qodob muhiim ah oo hanti-dhawrku diiradda saaray. Barnaamijkan ayaa laf-dhabar u ah isku-xirka badbaadada bulshada ee dalka, waxaana si weyn u taageera deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.

Muqdisho 13Ka Siteembar 2025 BISMILLAH

Waxaan bogaadinayaa Ciidamada Xoogga Dalka iyo Bulshada Ceeldheer guushii weynayd ee ay ka gaareen maanta Duulaankii gardaradda ahaa ee Argagixisada Alshabaab .

Geesinimada ay muujiyeen waxeey ka tarjumaysaa kartida ay leeyihiin ciidamadeenna iyo shacabka deegaanka.

Dagaalka Khawaarijtu waa masuuliyad wadareed waana in loo midoobo xooggana la isugu geeyo. Shacabka Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ku

Muqdisho 13Ka Siteembar 2025 Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ay saakay waaberigii hore si geesinimo leh uga hortegay weerar ay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen degmada Ceel-Dheer ee gobolka Galguduud.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Weerarka si deg-deg ah looga jawaabay uuna sababay khasaare culus oo dhinaca kooxda Al shabaab ah, weaxaana la xaqiijiyay in dagaalkaasi lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo Al-Shabaab ah. 

Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, waxaa gacanta lagu dhigay maxaabiis dhowr ah, oo ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa falalka arxan darrada ah ee lagula kaco shacabka sida lagu sheegay warka wasaaradda kasoo baxay.

Bayaanka Wasaaradda ayaa la raaciyay in Dagaalku uu socday muddo saacado ah, iyadoo ciidanku si xeeladaysan uga hortagay weerarkii cadawga, ayna ku guuleysteen inay fashiliyaan dhammaan isku daygii ay wadeen.

Waxaa la xaqiijiyay in 6 askari oo ka tirsan CXDS ay ku shahiideen dagaalka, halka 14 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen. Dhaawacyadaas ayaa haatan lagu dabiibayaa xarumaha caafimaad ee ciidanka sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa hadda ku howlan howlgallo baacsasho iyo nadiifin ah, kuwaas oo ka socda deegaannada ku dhow Ceel-Dheer, si loo ciribtiro haraadiga firxadkii kooxda Al shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in guusha maanta la gaaray ay muujinayso kartida iyo diyaar-garowga Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, ee difaaca shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed.

“Ciidanka Qaranku waxay mar kale muujiyeen inaysan jirin meel Khawaarijta ku dhuuman karaan, Dhiiranaanta ay muujiyeen geesiyaasha maanta waa mid lagu xusuusan doono taariikhda,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Dowladda Federaalka waxay sidoo kale ballan qaaday inay sii wadi doonto taageerada iyo hubeynta ciidamada, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka hirgasha guud ahaan dalka.

FIFA 13Ka Siteembar 2025 Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA) ayaa u muuqda inuu wiiqayo qorshayaashii xulka qaranka Algeria ka hor labadii kulan ee ugu dambeeyay ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026.

Xulka Algeria uma baahna wax ka badan 3 dhibcood si ay si rasmi ah ugu soo gudbaan Koobka Adduunka ee lagu qabanayo Mareykanka 2026, waxaana la filayaa inay wajahaan xulka Qaranka Soomaaliya bisha October ee soo socota.

Sida uu sheegay bogga wararka ee “La Gazette du Fennec” ee Algeria, xiriirka kubadda cagta Algeria wuxuu qorsheeyay in kulanka xiga ee isreeb-reebka lagu ciyaaro gudaha Algeria, inkasta oo ciyaartaasi ahayd mid horey loogu qorsheeyay meel ka baxsan dalkooda, balse qorshahaasi wuu burburi karaa.

Isla warbixintaasi ayaa intaas ku dartay in FIFA laga yaabo inay soo farageliso oo ay diido soo jeedinta Algeria ee ku saabsan in ay ku martigeliso Xulka Soomaaliya gudaha dalkeedi, iyadoo laga duulayo dhinaca “cadaaladda”, gaar ahaan haddii xulka Uganda uu gudbiyo cabasho arrintaasi la xiriirta.

Waxaa xusid mudan in xulka Soomaaliya uu dhamaan kulamadiisa isreeb-reebka ku ciyaaray meel ka baxsan dalkiisa, maadaama uusan haynin garoon ay FIFA u aqoonsan tahay mid u qalma ciyaaraha heerka caalami.

Algeria ayaa haatan hoggaanka u haysa group-keeda iyadoo leh 19 dhibcood, waxayna 4 dhibcood ka sarreeyaan Uganda, oo ku jirta kaalinta labaad, iyadoo Uganda rajaynayso in Algeria ay ku dhibtooto kulanka ay la ciyaarayaan Soomaaliya ka hor inta aysan is wajahin kulanka ugu dambeeya.

Sidoo kale, xulka qaranka Masar ayaa wajahaya xaalad la mid ah, waxayna doonayaan in kulankooda ay la ciyaarayaan Djibouti lagu qabto gudaha Masar, maadaama kooxda martida ah aysan haynin garoon la oggol yahay oo ay FIFA iyo CAF aqbaleen.

Xulka Masar isaguna wuxuu si weyn ugu dhow yahay inuu u soo baxo Koobka Adduunka, iyadoo uu haatan hoggaaminayo group-kiisa isagoo leh 20 dhibcood, isagoo 5 dhibcood ka sarreeya xulka Burkina Faso oo ku jira kaalinta labaad.

WARARKA MAANTA 12ka Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay isku dagaaleen Safiirada #Soomaaliya u kala jooga #Kenya Iyo #Tanzania? Yaa noqday Madaxweyne ugu musuqmaasuqa badan adduunka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikj “Dhuuso-Fooxiye” oo xitaa qabuura faagtay si uu u lacagaysto? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 12Ka Siteembar 2025 Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo hoggaamisay kulan wadatashi heer qaran oo lagu gorfeeyay xasaanadda diblomaasiyadda

Muqdisho, 11 September, 2025 – Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa shir-guddoomiyay maanta oo Khamiis ah shir latashi ah oo ku qabsoomay xarunta Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho.

Shikani ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin sare oo ka socday Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Amniga Gudaha, Gaadiidka iyo Duulista Rayidka, Ganacsiga iyo Warshadaha, Maaliyadda, iyo sidoo kale wakiillo matalayay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA).

Shirka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta iskaashiga heer qaran ee u dhexeeya Wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee dowladda si loo horumariyo waxqabadka dowladda iyo ilaalinta waajibaadka ku xusan xeerarka iyo shuruucda dalka iyo Heshiiska Vienna. Arrimaha muhiimka ah ee lagaga wada hadlay kulanka waxaa kale oo ka mid ahaa nidaaminta shirkadaha amniga gaarka ah, dhaq-dhaqaaqa diblomaasiyiinta, xaddidaadaha la xiriira amniga, xallinta caqabadaha si deg-degsiimo leh, iyo soo saaridda taargooyinka diblomaasiyadda si loo dhowro xasaanadda xilliga ka gudbidda bar-kontoroollada amniga.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay isla garteen in la xoojiyo, lana dardargeliyo wadashaqeynta si loo ilaaliyo safaaradaha iyo ergooyinka diblomaasiyadeed, korna loogu qaado sumcadda iyo maqaamka heer caalami ee Soomaaliya iyada oo ah dal marti-geliye ah.

->###<-

Waaxda Warbaahinta

Muqdisho 12Ka Siteembar 2025 Magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa iska diiwaangeliyey qaar ka mid ah shacabka Magaalada iyo Mas’uuliyiin oo uu ka mid yahay gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Dr Aadan Cabdullahi Aw-Xasan.

Muwaadin is-diiwaangeli oo iska diiwaangeli goobta fugu dhaw ee ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si aad u hesho xuquuqdaada dastuuriga ah ee codbixinta marka la gaaro doorashada.

Muqdisho 12Ka Siteembar 2025  Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay weerarka gardarrada ah ee ay dawladda Israa’iil ku qaaday Dawladda Qatar, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Doha.

Goluhu wuxuu caddeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar, isla markaana si buuxda u diiddan tahay gardarrada iyo xadgudubyada ka dhanka ah sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah.

Waxaa isasoo taraya Cambareeynta loojeedinayo Dowladda Israel tallaabadii ay ku duqeysay xafiiska ay Kooxda Xamaas ay ku leedahay magaalada Doxa ee Caasimadda dalka Qatar.

Waqti hore, Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan saameynta weerarradan ay ku yeelan karaan nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka Khaliijka, iyadoo la sheegay in ficilkan uu yahay ku xadgudub baal marsan dhammaan heshiisyada iyo mabaadi’da caalamiga ah ee ilaalinta rayidka.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu si degdeg ah u farageliyo oo uu qaado tallaabooyin wax ku ool ah si loo joojiyo “falalka gardarrada ah”, loogana hortago in shacabka aan waxba galabsan ay noqdaan bartilmaameed colaadeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo qadka telfoonka kula hadlay amiirka dalka Qatar ayaa carabka ku adkeeyey in xadgudubyada noocan oo kale ah ay si toos ah uga hor imaanayaan mabaa’diida Axdiga Qaramada Midoobay, ay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka, isla markaana ay wiiqayaan dadaallada nabadeed ee ka socda Bariga Dhexe.

Ugu dambeyntii, Soomaaliya waxay ku biirtay beesha caalamka oo ku baaqaysa in la muujiyo is-xakameyn, la ilaaliyo sharciga caalamiga ah, lana gaaro xabbad-joojin waarta oo xaqiijisa caddaalad, nabad iyo xasillooni waarta oo ka hana-qaadda Bariga Dhexe.

Muqdisho 12Ka Siteembar 2025 Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta dowladda Boqortooyada Ingiriiska kala wareegtay Gaadiid iyo qalab casri ah oo loo farsameeyay iney ka hor tagaan waxyaabaha qarxa.

Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa Gaadiidka iyo qalabka casriga ah ku wareejisay Ururka Sancada ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabada waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in qalabkan casriga ah iyo Gadiidka uu ka qeyb qaadan doono horumarinta awoodda iyo xirfadaha ciidanka xoogga dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in qalabkani ay la wareegtay dowladda Soomaaliya inuu si weyn u kordhin doono badqabka iyo hufnaanta howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha loogu yeero argagixisada, wuxuuna uga mahadceliyay dowladda Boqortooyada Ingiriiska taageerada istiraatiijiga ah ee ay siiso Soomaaliya.

Ugu dambeyntii dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha Soomaaliya sida weyn uga taageera dhinacyada kala duwan ee amniga iyo horumarinta dowlad dhiska.

Nairobi Iyo Darisalaam 12Ka Siteembar 2025 Waxaa soo ifbaxay khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhexeeya safaaradda dowladda federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, kaasi oo salka ku haya cidda sharci ahaan u qaabilsan danaha dowladda Soomaaliya dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania ayaa sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya ay iyada u xilsaaran tahay danaha iyo wakiilnimada dalka Soomaaliya ee DRC, islamarkaana ay lama filaan ku noqotay safar uu safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jabriil Ibraahim Cabdulle, ku tegay magaalada Kinshasa.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa horkacayay wafdi ganacsato ah oo isugu jira Soomaali iyo Kenyan. Safarkiisa waxaa ka dhashay hadal hayn badan oo qabsaday baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha.

Safarkaas ayaan wax xog ah lagala soo wadaagin safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, taas oo ay ku tilmaantay mid ka baxsan xeerarka diblumaasiyadda iyo nidaamka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa sheegay inuu magaalada Kinshasa, u tagay wadahadallo muddo sanad ah u socday safaaradda DRC ee fadhigeedu yahay Nairobi iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan.

Khilaafkan ayaa muujinaya is-afgaranwaa ku saabsan cidda dowladda federaalka Soomaaliya u xilsaaran danaha dalka Soomaaliya ee DRC.  Wasaaradda arrimaha dibadda DFS oo ay ka tirsan yihiin safaaradahan ayaa weli ka hadlin khilaafka ka dhextaagan labada safaaradood.

WARARKA MAANTA 11ka Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay shacabka #Muqdisho u samayn sidii wixii ku dhacay Madaxda dalka #Nepal oo musuqmaasuq looga tuuray xukunka? Yaa noqday Madaxweyne ugu musuqmaasuqa badan adduunka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikj “Dhuuso-Fooxiye” oo xitaa qabuura faagtay si uu u lacagaysto? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 11Ka Siteembar 2025 

Nairobi 11Ka Siteembar 2025 Waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Kinshasa ee dalka DRC Congo wafdi Ganacsato Soomaaliyeed. Wafdigaan Ganacsato waxaa hogaaminayay Danjiraha dalka Soomaaliya  u fadhiya dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle.

Safarka Ganacsatada ayaa daba socdo kulamo mudo sanad ah u socday Safaaradda dalka DRC Congo ay ku leedahay dalka Kenya iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya  iyaga oo kaalmeysanaya Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya

Ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliyeed ayaa ku sii baahaya guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga, Bartamaha  iyo Koonfurta qaaradda Africa. Ku biiritaanka ay Soomaaliya ku biirtay Urur Goboleedka Bariga Afrika taas oo sidoo kale siii dhiirigaliyay in ganasatada Soomaaliyeed  inay ku dhiiradaan in ganasigooda ku baahiyaan suuqayada Bariga Afrika.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka Ganacsata dalka DRC Congo  ayaa intooda badan ganacsigooda waxa uu si toosa ugu xiran yahay dalka Kenya sida shidaalka, Gawaarida isaga gooshta dalka Congo, Kenya, Zambia Koonfurta Suudaan. Ganacsatada ayaa waxa soo foodsaara caqabado iyo culeyso kala duwan, kuwaas oo u baahan in laga caawiyo.

Hadaba Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya  iyo safaarada dalka DRC Congo ee dalka Kenya  ayaa si wada jira u soo qaban-qaabiyay safarkaan isugu jira xog-wareeysi, fududeynta ganacsiga dadka Soomaalida iyo dhiirigalinta fursadaha ganacsi oo ay ka faa’iidi karaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa horay ugu guulaysatay inay xabsiga ka soo deyso Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu xiray dalka DRC Congo.

Wafdigaan ayaa inta ay joogaan dalka DRC Congo waxa ay kulamo kala duwan la qaateen qeybaha kala duwan ee Dowlada DRC, Ganacsato, hay’adaha bixiyo shatiyada ganacsiga, xarumaha ganacsi sida Bangiyadda, xaruumhaa dhismaha iyo shidaalka.

Waxa ay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan Ganacsatada Soomaaliyeed ee haatan ka ganacsada dalka DRC Congo, iyaga diiradda lagu saarayo caqabadaha haysta gabacsatada iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Koonfur Galbeed 11Ka Siteembar 2025 Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sandheere Maxamed Iftiin, ayaa xarunta Wasaaradda ku gudoonsiiyey shahaadooyin 30 qof oo horey u dhammeystay tababar ay Wasaaraddu ku qabatay magaalada Baydhabo oo ku saabsanaa abuurka calafka xoolaha.

Wasiirka, oo sidoo kale qeybiyey abuurka calafka xoolaha, ayaa bulshada ku dhiirrigeliyey in ay beeraan calafkan si loo helo daaq gudaha ah oo beddela midka dibadda laga keeno.

Mudane Sandheere ayaa xoola-dhaqatada Koonfur Galbeed u ballanqaaday in Wasaaraddu ka taageeri doonto sidii xoolaha noocyadooda kala duwan loogu heli lahaa daaq tayo leh iyo adeegyada caafimaadka xoolaha.

Qaramadda Midooway 11Ka Siteembar 2025 Aljeeriya, Pakistan, iyo Soomaaliya, iyagoo si dhow ula shaqeynaya dowladda Qatar, ayaa si rasmi ah uga codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in dib loogu dhigo shirka degdegga ah ee looga hadlayo weerarka Israa’iil ku qaaday caasimadda Qatar ee Doha. 

Shirkaasi oo markii hore lagu waday inuu qabsoomo xalay kadib markii ay Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ay dacwad ashtika ah ka gudbisay Israa’iil, ayaa la qorsheeyay in la qabto maanta, oo ah Khamiis.

Sida ay sheegayaan ilo-diplomaasiyadeed, codsigan dib-u-dhigista ah wuxuu qeyb ka yahay dadaallo isku dubbaridan oo ay wadaan dalalkan si loo helo waqti dheeri ah oo lagu sii xoojiyo isku xirka, laguna dhiso is-afgarad ballaaran oo ku saabsan mowduucyada muhiimka ah ee laga doodayo.

Lama shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta dhabta ah ee keentay codsigan, hase yeeshee, falanqeeyayaal ayaa u arka in tani ay la xiriiri karto isku dayo diblomaasiyadeed oo socda.

Ujeedka ugu weyn ee dalalkaanayaa ah si loo mideeyo mowqifyada dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka QaramadaMidoobay, ama loo diyaariyo jawaab mideysan oo looga falcelinayo falka gardarrada ah ee Israa’iil.

Muqdisho 11Ka Siteembar 2025  Maamulka  Puntland ayaa xabsiga dhigay askar iyo saraakiil Ciidan oo kamid ahaa kuwii kasoo dagaalamay buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Askartan iyo saraakiishooda oo lagu xiray magaalada Garowe ayaa lagu eedeeyay inay hub kalasoo goosteen Calmiskaad, sida ay HOL u sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Ciidamada la xiray ayaa lagu sheegay inay sheegay inay ahaayeen ciidamo aan si rasmi ah uga tirsanayn Puntland, kuwaas oohoos imaanayay sarkaal horey Ciidamada uga tirsanaa, balse hadda horjooge u a ah ciidamo beeleed.

Intii lagu jiray dagaalka Daacish hub badan ayaa gacanta u galay askarta dagaalamaysa. Puntland ayaa marar badan Ciidamada uga dhigtay in hubka laga qabsado Daacish aanan bannaanka looga saarin goobaha dagaalka.

Dhawaan ayay ahayd markii taliyaha booliiska gobolka Bari uu ku eedeeyay ciidamada lagusoo xulay hab beeleed ka inay carqalad ku hayaan howlgalka Calmiskaad, isagoo sheegay caadaydteen inay isbaarooyin dhigtaan, hubkana lasoo hoostaan. 

Arrimaha oo idil ayaa kusoo beegmaysa, xilli uu gabagabo yahay howlgalka Calmiskaad, isla markaasna ay ciidamo badan dib ugu soo laabteen degaanadooda.

WARARKA MAANTA 9ka Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa noqday Madaxweyne ugu musuqmaasuqa badan adduunka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikj “Dhuuso-Fooxiye” oo xitaa qabuura faagtay si uu u lacagaysto? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Neledweyne 9ka  Siteembar 2025 Kooxo hubeysan oo la tilmaamay iney burcad ayaa saakay aroornimadii hore ku dilay duleedka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan dil iyo dhaawac ugu geystay wiil oo dhalinyaro aha.

Laba wiil ayaa mid ka mid ah la xaqiijiyay inuu u dhintay rasaas burcada si bareer ah ugu dhufteen halka midka kalana uu soo gaaray dhaawac culus, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen qof ka mid ah ehelka wiilka dhintay.

Dhacdadaan dilka iyo dhaawaca ayaa si gaar ah uga dhacday nawaaxiga tuulada Helekilyo oo dhanka Waqooyi bari kaga beegan Baledweyne ilaa 4 KM.

Burcada dilka iyo dhaawaca geystay ayaa la soo wariyay iney isaga baxsadeen goobta ay falkaan ka geysteen, mana jirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka degmada Baledweyne. 

“Labada wiil ee midna la dilay midna la dhaawaca waxay wateen  Gaari Dameero ku rarna Bal oo ay u soo wateen Suuqyada balka lagu iibiyo ee magaalada Baledweyne, waxaana wada u galay burcad dooneysay iney dhac u geystaan” ayuu yiri qof ka mid ah ehelka Wiilka la dilay..

Si kastaba ha ahaate dhacdadaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo mudooyinkii dambe ay si aad ah ugu kordhayeen gudaha magaalada Baledweyne falalka amni daro oo ay geysanayaan burcad hubeysan oo dadka shacabka ah ka dhacaya taleefanada gacanta lagu qaato iyo waxyaabahii kale op ay u arkaan kuwa muhiim ah.

Puntland 9ka  Siteembar 2025 GAROWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland una hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa xarunta Wasaaradda ku soo dhoweeyey

xubno ka socday hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsa. horumarinta ee UNDP ee Xafiiska New York.

Kulan dhex maray labada dhinac ayaa xubnaha UNDP shirka ka sheegeen in ay doonayaan sidii ay xiriir wadashaqeyn dhow ula yeelan lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Madaxda UNDP ayaa xog looga siiyey

qaabka la isku waafajiyo miisaaniyadda iyo qorsheynta maaliyadeed ugana qayb qaadan lahaayeen qorshaha dhow iyo midka fog ee ay samaysay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa ku ammaanay xubnahan wadasheynta ay doonayaan iney la yeeshaan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland .

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Muqdisho 9ka  Siteembar 2025 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa difaacay Jaamacadda Carabta kadib markii safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uu ku eedeeyay ururka Jaamacadda Carabta inuu dhinac u janjeero muranka ka taagan wabiga Nile.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay door muhiim ah ku leedahay xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah iyo ilaalinta madaxbannaanidooda.

Fiqi ayaa xusay in Soomaaliya ay qiimeyso taageerada joogtada ah ee Jaamacadda Carabta ay ku bixiso dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. “Soomaaliya waa xubin muhiim ah oo ka tirsan Jaamacadda Carabta, waana ku mahadsan tahay taageerada joogtada ah,” ayuu yiri Fiqi. “Ujeeddadeedu waa xoojinta isku duubnida iyo wada shaqeynta dalalka xubnaha ka ah.”

Hadalka wasiirka ayaa yimid kadib markii Danjire Suleyman Dedefo uu si cad u dhaliilay Jaamacadda Carabta, isagoo ku eedeeyay inay u adeegto sidii farac siyaasadda arrimaha dibadda ee Masar.

Dedefo wuxuu ku dooday in ururku had iyo jeer kasoo horjeedo mowqifka Itoobiya ee webiga Nile, isla markaana uu iska indha tiro dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka jira dalalka Carabta.

Wuxuu sidoo kale iska tuuray walaacyada Masar ka qabto Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD), isagoo ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

“Itoobiya waxay sii wadi doontaa dhismaha biyo-xireenno cusub,” ayuu yiri, isagoo ku daray in dadaallada Masar ee lagu carqaladeynayo horumarka Itoobiya ay “horay ugu fashilmeen.”

Jaamacadda Carabta ayaa dhawaan cambaareysay Itoobiya, kadib markii ay sii wadday mashruuca GERD iyadoo aan heshiis sharci ah oo biyo qaybsiga ah la gelin Masar iyo Suudaan.

Qahira waxay ku doodaysaa in biyo-xireenka uu khatar ku yahay amniga biyaha dalkeeda, halka Addis Ababa ay ku doodayso inay isticmaaleyso xuquuqdeeda qarannimo ee kheyraadkeeda dabiiciga ah.

Soomaaliya waxay wajahayaan xaalad diblomaasiyadeed oo adag, iyadoo isku dayaysa inay dheelitirto xiriirka ay la leedahay Itoobiya iyo Masar labadaba, iyadoo weliba dooneysa inay xiriir adag la sii yeelato labada dhinac.

https://www.youtube.com/watch?v=IAWyuOE2IwgW

ARARKA MAANTA 6da Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxwetyne Mudabe Xassab Shiikh “Dhuuso-Fooxiiye” u baracinayaa shacabka #Muqdisho? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

ho 8da Siteembar 2025 GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR AHNA DUQA MUQDISHO OO XARIGGA KA JARAY WADADA SOOBE

Muqdisho, Siteembar, 08, 2025: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Wadada Soobe, oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay.

Wadadan oo xiriirisa Hoggaanka Dambi-baarista Booliska Soomaaliyeed (CID) ilaa Isgoyska 14-ka Oktoobar, oo sidoo kale loo yaqaanno Soobe, ayaa ka mid ah waddooyinka istaraatiijiga ah ee caasimadda.

Intii lagu guda jiray munaasabadda xarig-ka-jarka, Guddoomiyaha ayaa xusay in Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ka go’an tahay in muwaadiniinta lagu celiyo adeegyada ay xaqa u leeyihiin, iyadoo loo marayo maamul daahfuran oo cashuurta shacabka ku beddelaya adeeg muuqda.

“Wadadan maanta aan xarigga ka jarayno waxa lagu saleeyay qorshe casri ah oo aan ku xaqiijinayno in marinnada bullaacadaha ay si toos ah ugu shubmaan badda, isla markaana la diyaariyay marinno loogu talagalay xarkaha korontada iyo tubooyinka biyaha. Arrintan waxa ay muujinaysaa sida aan hor-tebinta u siinnay in aan tayada iyo waaridda adeeggan hormuud uga dhigno shaqadeena.” ayuu yiri guddoomiye Dr. Muungaab.

Duqa Muqdisho ayaa waxa uu sidoo kale ku nuux-nuuxsaday in Dowladda Hoose ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariic la mid ah kan maanta la hirgeliyay, si bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku dhaqan caasimadda, ay u helaan adeegyo kaaba horumarka.

DHAMMAAD

Muqdisho 8da Siteembar 2025 Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Dhuhuloow ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay Waaxda Jinsiyadda kaas oo  diiradda lagu saaray dardargelinta adeegga baasaboor bixinta, isku-xirka HSJ iyo NIRA iyo dib  u habaynta iyo dayactirka xafiisyada muhiimka u ah adeeg bixinta.

Agaasimaha Guud waxa ku adkeeyay masuuliyiinta in ay la yimaadaan hal-abuur iyo qorshe cad oo lagu hormarinayo adeegyada, si loo hubiyo in hay’addu ka jawaabto baahida shacabka gaar ahaan adeegga baasaboor bixinta iyo hufnaanta shaqada.

Agaasimaha ayaa waaxda kula dardaarmay in ay dadka u sahlaan adeegyada ay hay’adda usoo doontaan meel kasta ay joogaan

Puntland  8da Siteembar 2025 Puntland ayaa ciidamo geysay degaano ka tirsan gobolka Sool, si ay u hor istaagto diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka qof iyo cod ee ay dowladda federaalka iyo maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ka bilaabeen halkaas.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Puntland ay gaareen degmada Boocame iyo degaanka Falariyaale ee gobolka Sool, iyagoo qorshahoodu yahay inay ka hortagaan diiwaangelinta doorashada ee uu halkaas ka sameynayo guddiga doorashooyinka federaalka iyo kan maamulka Waqooyi Bari.

Degaanadan waxaa kasoo jeeda madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo si cad uga soo horjeeda in halkaas laga qabto diiwaangelin. 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa la sheegay inuu adeegsanayo ciidamo beeshiisa ah, kuwaas oo loo diyaariyay inay xabbad kala hortagaan cid kasta oo isku dayda inay diiwaangelinta fuliso.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa dhowaan safar ku tagay degaanadan, wuxuuna sheegay in ay qayb ka yihiin maamulka Puntland, isagoo sidoo kale halkaas ka dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo Puntland halkaas ka hirgelinayo.

Si kastaba ha ahaatee, dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa laga cabsi qabaa inay xiisad colaadeed ka dhex abuuraan Puntland iyo maamulka Waqooyi Bari.

Dhawaan, madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye, iyo wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ayaa dhowaan magaalada Laascaanood ku daahfuray diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo cod ee dowladaha hoose.

Muqdisho 8da Siteembar 2025 GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KA QEYB GALAY XUSKA GUUSHII SHIINAHA UU KA GAARAY JAPAN DAGAALKII LABAAD EE ADUUNKA.

Muqdisho-Soomaaliya 07, September, 2025: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 80-sano guuradii ka soo wareegatay guushii Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ay ka gaartay dagaalkii ay la galeen Japan intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa khudbad uu ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka waxa uu ugu horeyn hambalyo u diray dowladda iyo shacabka Shiinaha isagoo xusay in guushaasi ay ahayd mid taariikhi ah oo horseeday xorriyadda iyo horumarka Shiinaha ee maanta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale Dowladda Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee dowladda Shiinaha ay mudada dheer la garab taagneyd Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu yahay mid qoto dheer oo wakhti badan soo jiray islamarkaana ku dhisan iskaashi, ixtiraam iyo dan-wadaag.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Shiinuhu uu mar walba ahaa saaxiib taariikhi ah oo dhab ah oo garab taagan shacabka Soomaaliyeed xilliyada adag iyo kuwa wanaagsanba, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirkaas, iyadoo oo waliba laga fiirinayo danaha labada shacab iyo labada dowladood.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka xiriirka labada dal, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto khibradda horumarineed ee Shiinaha, si ay u gaarto horumar waara.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka, Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, wakiilo ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjirayaasha iyo wakiiladda qaar ka mid ah dalalka caalamka u jooga dalkeena iyo marti sharaf kale.

DHAMMAAD.

WARARKA MAANTA 7da Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Ka soo bax #VillaSomalia Madaxweyne Mudane Xasanoow “Dhuuso=Fooxiye” ayaa soo socota! Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 7da Siteembar 2025 s𝗮𝘄𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗧𝗼𝗱𝗼𝗯𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 📸 –  Ka qaybgelinta bulshada geeddi-socodka go’aan-qaadashada dalka waxay kaalin weyn ka qaadataa dhismaha bulsho caafimaad qabta oo adkaysi leh. Qaramada Midoobay waxay taageertaa dadaallada lagu mideynayo bulshada si loo kordhiyo wacyiga ku saabsan muhiimadda ka-qaybgalka.

Sawirka hoose waxaa uu muujinayaa dadka reer Hirshabelle oo ka qaybgalaya dood bulsho oo ay taageertay Qaramada Midoobay oo ku saabsan dib-u-eegista dastuurka, taas oo ka dhacday magaalada Jowhar.

DDSI 7da Siteembar 2025 Magaalada Jigjiga ayaa maanta lagu qabtay socdaal iyo jimicsi wadareed qayb ka ah xuska maalmaha bisha Baaqume oo maanta loo asteeyay maalinka wadajirka.

Xuska maalinka wadajirka oo hal ku dhagiisu ahaa “kala duwanaashaheenu waa quruxdeena” ayaa waxaa ka  qeybgalay masuuliyiin heer deegaan, shaqaalaha xafiisyada, bahda ciyaaraha, kooxda baambayda, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Jigjiga. Socdaalka iyo jimicsiga ayaa lagu soo bandhigay midnimada iyo wadajirka qowmiyadaha walaalaha ah ee dalka.

Gebogabadii xuskani, masuuliyiinta heer deegaan ayaa bulshada ugu baaqay inay sii xoojiyaan midnimada iyo walaaltinimada ka dhaxaysa qowmiyadaha kala duwan ee dalka, maadaama midnimadu tahay tiirka keliya ee horumar lagu gaadhi karo.

Muqdisho 7da Siteembar, 2025 Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay saraakiil ka socday Ciidanka Qalabka Sida ee dalka Masar, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay howlo shaqo ku joogay dalka.

Ujeeddada socdaalka saraakiishaan ayaa horudhac u ahaa  ciidamada Masar ee dhawaan kusoo biiri doona Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), si ay gacan uga geystaan xoojinta ammaanka iyo xasilloonida dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga oo sagootiyay saraakiisha ayaa uga mahadceliyay  dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo xusay in ka qeybgalka ciidamada Masar ee hawlgalka AUSSOM uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono la dagaalanka argagixisada, nabadda Soomaaliya iyo xasiloonida Gobolka.

Wafdiga ayaa  todobaadkii Soomaaliya ay ku sugnaayeen booqday magaalooyinka  Jowhar, Balcad, Mahaday, Buurane iyo garoonka Ballidoogle oo lagu wado  in ciidamada dalka Masar ee AUSSOM Qeybta ka ah ay saldhigan doonaan.

Puntland 7da Siteembar 2025 Saddex askari oo uu ku jiro sarkaal ciidan oo ka tirsan Puntland ayaa ku dhintay qarax lagula beegsaday buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

Qaraxa oo shalay ka dhacay deegaanka Markadaan, oo u dhow tuuladaTurmusaale oo kamid ah meelaha laga xoreeyay kooxda Daacish ayaa sidoo kale sababay dhaawacyo dhowr askari ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lagu aasay waddada dhinaceeda, isla markaana lala beegsaday gaari ambalaas ah oo ay saarnaayeen askartan. Kooxda Daacish ayaa horey uga fulisay buuraleyda Calmiskaad weerarro noocan oo kale ah, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Weerarkan ayaa muujinaya in kooxda Daacish weli awood u leedahay inay qaraxyo ka fuliso halkaas, inkasta oo Puntland ay horey u shaacisay inay Daacish ku go’doomisay togga Baalade oo u dhow magaalada Boosaaso. Muddooyinkii dambe, qaraxyada lala beegsado ciidanka ayaa yaraaday, hase yeeshee Daacish ayaa weli adeegsanaysa kooxo guur-guura oo habeenkii waddooyinka ku xira miinooyinka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ayaa u sheegay HOL in ay jiraan dad deegaanka ah oo si toos ah ula shaqeeya Daacish, kuna caawiya xog gudbinta iyo sahayda.

Dhawaan, wasiirka duulista Puntland, Maxamuud Bile Nuur, ayaa si cad u sheegay in beesha uu ka soo jeedo ay ku jiraan dad la shaqeeya Daacish, kuwaas oo sirta ciidanka u gudbiya kooxda Daacish. 

Wasiirka ayaa ballanqaaday in hay’adaha amniga Puntland ay tallaabo ka qaadi doonto dadkaasi.

Muqdisho 7da Siteembar 2025 Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Jeneraal Liiban Cali Yarrow, ayaa soo saaray digniin adag oo ku socota ciidamada qalabka sida, isaga oo uga digay inay ku lug yeeshaan arrimaha siyaasadda ama ay jebiyaan anshaxa ciidanimo. 

Hadalkan ayaa yimid xilli uu khudbad u jeedinayay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxa uu si cad u sheegay in askari kasta oo diida amarka ama ka carara goobta dagaalka, ku dhaqma eex qabyaaladeed, la horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada.

Isaga oo ka hadlayay arrinta ku lug lahaanshaha siyaasadda, wuxuu yiri: “Waxaa si buuxda loo mamnuucay in askartu ku milmaan siyaasadda, Askari kasta oo raba inuu galo siyaasadda, waa inuu marka hore iska bixiyo dharka ciidanka, kuna dhawaaqaa in uusan ka mid ahayn ciidanka, markaas kadib ayuu geli karaa howlaha siyaasadeed ama mucaaradnimo.”

Jeneraal Liiban wuxuu ugu baaqay ciidamada inay diiradda saaraan waajibaadkooda qaran ee ah ilaalinta ammaanka dalka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed. 

Wuxuu uga digay ka fogaanshiyaha arrimo siyaasadeed oo wax u dhimi kara ujeedkooda ciidanimo iyo hawlgallada ay wadaan.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya wadaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo laga warqabo warbixino xanbaarsan in qaar ka mid ah askarta lagu tuhunsan yahay inay lug ku leeyihiin khilaafaad siyaasadeed oo soo noqnoqday.

Muqdisho 7da Siteembar 2025 Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo bilaabayo diiwaan galinta dadweynaha ee doorashada qof iyo codka ah.

Guddoomiyaha guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa Warbaahinta ayaa u sheegay in 9-ka bishaan September dib loo billaabayo Diiwaan galinta dadweynaha.

“9-ka bishaan ilaa 30 keeda waxaa fureynaa diiwaan galinta si Ururada cusub ee is  diiwaan galiyay u helaan taageerayaal u codeeya” ayuu yiri Guddoomiye Axmed.

Guddoomiye Cabdikariin Axmed ayaa ugu baaqay Ururada kale ee soo buuxiyay dhamaan sharuudaha looga baahna inay is diiwaan galin karaan oo waqti walba albaadada u furan yihiin .

Diiwaan galinta guddiga uu shaaciyay in mar kale dib loo bibaabayo ayaa kusoo aadeysa, iyadoo diiwan galinta dadweynaha ee doorashada qof iyo codka ah ku ekeyd 15- ka bishii lasoo dhaafay ee Agoosto.

Si kastaba ha ahaate arinta doorashooyinka qof iyo codka ah waxaa diidan Xubnaha mucaaradka garabka uu hoggaamiyo madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland. 

WARARKA MAANTA 6da Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yeey beesha caalamka ugu baaqday inuu iscasilo? Yaa #VillaSomalia xoog looga soo saari doonaa? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho  6da Siteembar, 2025 Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa shaaciyay in ciidamadooda lagu weeraray meel u dhaw magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. 

War qoraal ah oo uu Taliska ku daabacay bartooda X ayaa lagu sheegay in weerarka oo ahaa mid aan toos aheyn uu dhacay Khamiistii, islamarkaana uusan geysan wax khasaare ah.

“Ma jiro wax dhaawac Mareykan ah oo la soo sheegay, ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray saldhigga iyo hantida isbahaysiga” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska AFRICOM. 

Dhinaca kale warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegtay in ciidamadeeda  ay xalay hawlgal ka fuliyeen garoonka diyaaradaha Kismaayo, gaar ahaan qaybta ay ka degan yihiin ciidamada Mareykanka.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in hawlgalka uu ahaa mid qorsheysan uu u dhacay, sidii loogu talagalay, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kasoo gaaray ciidamada iyo Saraakiisha Mareykanka ee ku sugan garoonka Kismaayo.

Al-shabaab ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku xustay in hawlgalka loogu aargudayay xasuuqa uu Mareykanku gadaal ka taagan yahay ay Israel ku hayso shacabka Falastiinta.

Si kastaba ha ahaatee Saldhiggan weerarka ka geysteen Al-shabaab ee ku yaala duuleedka Kismaayo ayaa ah mid laga hoggaamiyo howlgalada duqeynta ah laga fuliyo deegaanada Jubbaland ee sida gaarka ah ugu sugan yihiin kooxda Al-shabaab.

Muqdisho  6da Siteembar, 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee Gobolka Galguduud.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka 13 kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay, iyada oo la beegsaday xarun lagu diyaarinayay in ka badan 400 oo maleeshiyaad ah, waxaana lagu raad-joogaa haraadigii Maleeshiyaadka oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur.

Muqdisho  6da Siteembar, 2025 Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee Dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Cali Cabdi Awaare ayaa ka qayb galay kulanka meertada 164-aad ee Ururka Jaamacadda Carabta, heerkiisa Wasiirrada Arrimaha Dibadda.

Danjiraha ayaa wakiil ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Danjire Awaare ayaa hoggaamiyay mawaaqifta iyo kaalinta Soomaaliya ee ku aaddan doodihii lasoo bandhigay intii uu socday kulankan kuwaas oo diiradda lagu saaray Danaha Dalalka Carabta iyo gaar ahaan Arrimaha Falastiin.

Muqdisho  5ta Siteembar, 2025 Danjire Diene ayaa xusay in kusoo biirista ciidanka Masar ay sare u qaadi doonto awoodda AUSSOM ee taageeridda dadaallada xasilinta, nabadeynta iyo amniga Soomaaliya.

Danjire Diene wuxuu sheegay in AUSSOM ay si buuxda uga go’an tahay in la fududeeyo geeddi-socodka dejinta iyo isdhexgalka ciidanka cusub si ay gacan uga geystaan xoojinta amniga iyo taageeridda hay’adaha Soomaaliya.

Dhanka kale, Sareeye Gaas Islam Aly Ibrahim Radwan ayaa uga mahadceliyey AUSSOM soo dhoweynta diirran iyo wadashaqeynta hagar la’aanta ah, isagoo tilmaamay in Dowladda Masar ay si buuxda uga go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato xoojinta dadaallada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Socdaalka Guddiga Qiimaynta ee Masar ayaa u dhaxeeyay 30-kii Agoosto ilaa 5-ta Sebtembar 2025, waxaana uu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda lagu horumarinayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Midowga Afrika iyo dalalka xubnaha ka ah.

Kenya  5ta Siteembar, 2025 Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa sheegay in shacabka Mandera ay ku sugan yihiin xaalad amni ah oo wanaagsan, islamarkaana aysan halis ugu jirin dagaalka xuduudka ka socda ee u dhexeeya ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, kooxda Al Shabaab, iyo ciidanka Jubbaland.

Wasiir Murkomen oo ka hadlayay magaalada Kakamega intii lagu guda jiray madal amni oo la yiraahdo Jukwaa la Usalama, ayaa si kulul u dhaleeceeyay qaar ka mid ah madaxda mucaaradka oo uu ku eedeeyay in ay siyaasad ka dhigayaan arrimaha amniga, gaar ahaan xaaladda Mandera.

Wuxuu sheegay in arrimaha noocaas ah aysan ahayn kuwo lagu siyaasadeeyo maadaama ay khatar ku yihiin amniga qaran.

“Waxay banaanka u soo baxayaan iyaga oo si aan xadidneyn uga hadlaya arrimo amni. Waa maxay nooca siyaasadda ay ka raadinayaan arrimaha noocaas ah? Dhab ahaantii, nasiib-darro ayey ahayd in dad noocaas ah ay waligood ka mid noqdeen Golaha Amniga Qaran,” ayuu yiri Murkomen.

Wuxuu sidoo kale xusay in amniga xuduudaha, gaar ahaan kan Mandera, uu u baahan yahay faham qoto dheer oo ku saleysan siyaasad dibadeed iyo istiraatijiyad lagula tacaalayo khatarta Al Shabaab. 

Wasiirku wuxuu muujiyay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay sugidda amniga xuduudaha iyadoo la kaashaneysa hay’adaha ammaanka iyo dowladaha deriska ah.

Murkomen wuxuu farriin adag u diray siyaasiyiinta mucaaradka isaga oo ku booriyay in ay ka waantoobaan faafinta warar been abuur ah oo wax u dhimaya sumcadda dalka iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga

WARARKA MAANTA 5ta Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa #VillaSomalia xoog looga soo saari doonaa? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Qaahira 5ta Siteembar, 2025 Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee Dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Cali Cabdi Awaare ayaa ka qayb galay kulanka meertada 164-aad ee Ururka Jaamacadda Carabta, heerkiisa Wasiirrada Arrimaha Dibadda.

Danjiraha ayaa wakiil ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Danjire Awaare ayaa hoggaamiyay mawaaqifta iyo kaalinta Soomaaliya ee ku aaddan doodihii lasoo bandhigay intii uu socday kulankan kuwaas oo diiradda lagu saaray Danaha Dalalka Carabta iyo gaar ahaan Arrimaha Falastiin.

Ciyaaraha 5ta Siteembar, 2025 Kooxda haysata horyaalka Somalia Premier League, Mogadishu City Club, ayaa dhibic muhiim ah ka soo hoyday kulankoodii koowaad ee tartanka CECAFA Kagame Cup 2025, kadib markii ay 1-1 la soo galeen kooxda caanka ah ee Al Hilal Omdurman ee ka dhisan Sudan, kuwaasoo ay kuwada jiraan Group C.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Gen. Isamuhyo Stadium, ayaa waxaa 19-daqiiqo Ciyaarta mareeyso waxaa Naadiga Mogadishu City Club hogaanka u dhiibay Khadohi Kawasira oo gool rigoore ah ka dhaliyay dhigoodi Al Hilal.

Si kastaba ha ahaatee, Al Hilal Omdurman oo ah koox horumar badan sameysay, gaar ahaan sanadkii hore oo ay ku guuleysteen biladda bronzaha CECAFA, ayaan quusanin si ay u barbareeyaan naadiga Dowladda Hoose ee Xamar.

Kooxda Al hilal ayaa ugu dambeeyay waxaa u suurta gashay inay barbareeyaan Naadiga MCC qeybtii dambe ee ciyaarta iyadoo Emmanuel Elomo uu goolka barbaraha u dhaliyay kooxda ka dhisan dalka Sudan.

Qeybta labaad, Al Hilal ayaa si weyn u qabsatay garoonka iyo maamulka kubadda, waxaa dhowr fursadood ka qasaariyay oo goolal loo filan karay Emmanuel Elomo iyo Kindness Cole, balse difaaca Mogadishu City Club oo aad u adkaa ayaa ka hortagay weeraradaasi.

Tababaraha Mogadishu City Club, Dadir Amin Ali, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida ay kooxdiisu uga adkaatay inay dhibic ka qaadato koox khibrad leh, isagoo intaa ku daray inay sii wadi doonaan dadaalka iyo shaqada adag si ay u guuleystaan kulamada soo socda ee kooxdaan ku jirta Group C.

Soomaaliya Iyo Sacuudiga 5ta Siteembar, 2025 Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey inay horumariyaan qaab-dhismeed wada-jir ah oo lagu maareynayo isla markaana lagu horumarinayo sirdoonka macmalka (AI) iyo teknoolojiyadda hawada sare.

Heshiiska ayaa la gaaray intii lagu guda jiray shirweynaha caalamiga ah ee hay’adaha isgaarsiinta (Global Symposium for Regulators GSR-25), oo ka dhacay magaalada Riyadh.

Wada-hadalladaan waxaa si rasmi ah u hoggaaminayey Mustafa Yasin Sheikh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya (NCA), iyo Haitham Alohaly, Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta, Hawada Sare iyo Teknoolojiyadda Sacuudiga (CST).

Ujeeddooyinka Iskaashigaan labada dowladood ayaa saldhig u ah isla wadaagista khibradaha iyo aqoonta ku saabsan maamulka teknoolojiyadda casriga ah, Iswaafajinta nidaamyada sharciyeed ee lagu hago AI iyo teknoolojiyadda hawada sare iyo Horumarinta kaabeyaasha iyo la-talinta la xiriirta maalgashiga teknoolojiyadeed.

Masuuliyiinta labada dal waxay sheegeen in iskaashigan uu noqon doono mid sal u dhiga kobaca mas’uuliyadda leh ee dhinacyada sirdoonka macmalka iyo hawada sare, taasoo albaab u fureysa wadashaqeyn dhanka dijitaalka ah oo dheeraad ah mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Shabeele Hoose 5ta Siteembar, 2025 Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaa guutada 14-ka October ayaa howlgalo qorsheysnaa ka fuliyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. 

Ciidanka ayaa howlgalada ku beegsaday tuulooyinka kala ah Malable, Siigaale iyo Buulo Arundi oo ah dhamaantood deegaano hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab. 

Howlgaladaan ayaa waxaa hoggaaminaayay Taliyaha guutada 14-ka October Gashaanle dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye, kaasoo warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidamada ay cagta mariyeen maleeshiyaad kooxdu u diyaarisay inay baad ka qaadaan dadka beeraleyda ah ee ku nool tuulooyinka  howlgalada laga sameeyay.

Taliye Munye ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada noocaan ah ay ciidamada dowladda sii wada yaan inta kooxda Al-shabaab laga saarayo guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose. 

Gobolka Shabeellaha Hoose waxa uu ka mid yahay gobolada ay sida xoogan ugu sugan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab waxaana halkaasi ciidamada xoogga dalka ay mudo dheer ka wadaan howlagalada ka dhanka kooxda Al-shabaab. 

Muqdisho 5ta Siteembar, 2025 Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo saaka Dalka ku soo laabtay.

Muqdisho, Jimco, 5 Sebteembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka dalka ku soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay Dalalka Shiinaha iyo Serbia

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalka Shiinaha uga qeyb galay Shirka 7aad ee China-Arab States Expo oo uu khudbad ka jeediyey isagoo sidoo kale kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda dalkaas oo uu kal hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo  in Shiinuhu uu Maalgashi ku maseysto fursada dihan ee dalkeena ka jira

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale booqasho rasmi ah ku tagay dalka Serbia iyada oo soo dhaweyn taariikhi ah loogu sameeyey caasimadda Belgrade, waxaana uu qasriga madaxtooyada dalkaas kula kulmay dhiggiisa Serbia mudane Duro Macut, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Muqdisho 5ta Siteembar, 2025 Waxaan toddobaadkan Barnaamijka 𝗧𝘂𝗯𝘁𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 diiradda ku saareynnaa xaaladda wax qorista iyo akhrinta ee Soomaaliya , oo ah arrin xasaasi u ah bulshada Soomaaliyeed muhiimna u ah qaabeynta mustaqbalka qaranka, nabadda iyo adkaysiga.

Qaybta koowaad ee Barnaamijka, Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan, Agaasimaha Waxbarashada Dadka Waa-wayn ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlaya caqabadaha la xiriira sare u qaadista wax qorista iyo akhrinta Soomaaliya. Wuxuu kaloo ka hadlayaa dadaallada lagu doonayo horumarinta helidda waxbarashada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo bulshooyinka barakacay, dadka naafada ah, kooxaha la haybsooco iyo haweenka iyo gabdhaha ku nool deegaannada miyiga.

Qaybta labaad, Xabiiba Maxamed Cabdi, oo u dhaqdhaaqdo Waxbarashada, ahna Aasaasaha Iskuulka Horseed, Gaalkacyo ayaa wadaagaysa waayo-aragnimada bulshadeeda ee la xiriirta ka guulaysiga caqabadaha ku hor gudban in la helo bulsho wax qorta waxna akhrisa. Waxay sharraxaysaa sida shaqadeeda ay uga caawinayso dadka Soomaaliyeed inay si firfircoon ula falgalaan bulshada, iyadoo sharraxayso sida horumarinta wax qorista iyo akhrinta ay gacan uga gaysato nabadda, xasilloonida muddada dheer iyo horumarka dalka dacalladiisa.

Qaybtan waxaa soo jeedinaya Faa’isa Cabdi iyo Cabdicasiis Diiriye.

Sacuudiga 5ta Siteembar, 2025 Waxaan kulan miro-dhal ah kula yeeshay Mudane Dr. Rumaih Al-Rumaih, Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Adeegyada Saadka ee Boqortooyada Sucuudiga, intii lagu jiray Shirweynaha Labaad ee Sancada Gaadiidka Badda, waxaan ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga, gaar ahaan horumarinta isku xirka badda, adeegyada saadka, iyo fursadaha kobcinta dhaqaalaha iyo ganacsiga gobolka.

Waxaan la wadaagay mashaariicda istaraatijiyadeed oo waaweyn sida dekedda cusub ee Muqdisho, aagga dhaqaale, iyo garoon caalami ah, kuwaas oo ka dhigaya dalka marin istaraatijiyadeed iyo xarun casri ah ee Geeska Afrika.

Labada dal waxa ay wadaagaan himilo mideysan oo ku qotonta dhisidda mustaqbal waara, iskaashi dhaqaale oo xooggan, iyo xiriir istaraatijiyadeed oo kobciya horumarka gobolka.

WARARKA MAANTA 4ta Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 4ta Siteembar, 2025 Xoojinta codka haweenka ee warbaahinta ayaa udub dhexaad u ah xog-helis iyo dimuqraadiyad, UNTMIS ayaa dhowaan ka taageertay Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SWJO) in uu qabto aqoon-is-weydaarsiyo ku saabsanaa Hoggaaminta iyo Maareynta Warbaahinta, oo ka dhacay Baydhabo iyo Beledweyne, kuwaas oo ay ka qeybgaleen 52 saxafiyiin oo haween ah, inta ay socdeen tababarada waxaa looga dooday hoggaaminta xasaasiga ah ee jinsiga, hawlaha warbaahinta, anshaxa, iyo ka warbixinta dhibaatooyinka.

Nairobi 4ta Siteembar, 2025 Safaaradda Soomaaliya ayaa martigelisay wafdi ka socday Hay’adda Heshiiska Lusaka oo luuqada Ingiriiska loogu yeero “Lusaka Agreement Task Force” (LATF).

Wafdiga waxaa hogaaminayay Agaasimaha Guud  ee ururka Mudane Edward Phiri. Ururka LATF waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa la-dagaallanka ganacsiga sharci darrada ah ee duur-joogta iyo dhirta ka dhaca guud ahaan qaaradda Afrika. Ganacsiga sharci darada  ah ayaa  inta badan ay ku lug leeyihiin shabakado danbiilayaal ah kuwaas oo isaga gudba xuduudaha dalalka.

Kulankii ka dhacay Safaaradda ayaa waxaa lagu iftiimiyay muhiimadda ay leeyihiin hawlgallada wadajirka ah, dhisidda awoodda, isdhaafsiga xogta, iyo taageerada siyaasadda si loo xoojiyo da’daalka loogu jiro in la joojiyo dilka iyo ka ganacsiga doorjoogta

Kulankan ayaa waxaa  uu ka tarjumayaa sida ay uga go’an tahay Soomaaliya  xoojinta iyo adkeynya iskaashiga looga hotagayo xalufinta dhirta, dilka iyo ganacsiga doorjoogta. Soomaaliya ayaa da’daal xoogan ugu jirta sidoo dib loogu soo celin lahaa duurjoogta muhimka u ah dadka iyo dalka Soomaaliya.

Xiligaan Soomaaliya kama mid aha ururka LATF laakiin waxa laga codsaday inay ku soo biirto.

Baxreen 4ta Siteembar, 2025 Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Abdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta ee Boqortooyada Baxreyn, Mudane Dr. Shaikh Abdullah bin Ahmed Al Khalifa, intii lagu guda jiray Shirweynaha Meertada Labaad ee Sancada Gaadiidka Badda, kaas oo ka dhacay magaalada Jiddah, Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Kulankan ayaa ahaa mid miro-dhal ah, waxaana lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Baxreyn. Wasiiradu waxay diiradda saareen taageerada Baxreyn ay siin karto Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu casriyeynayo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka, oo ay ka mid yihiin horumarinta deked cusub iyo garoon diyaaradeed oo casri ah.

Sidoo kale, kulankan ayaa ahaa fursad lagu adkeynayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo iskaashiga mustaqbalka ee dhinacyada gaadiidka, dekedaha, iyo isgaarsiinta, si loo gaaro horumar waara oo kaabaya dhaqaalaha iyo koboca dalka.

Muqdisho 4ta Siteembar, 2025 Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Hayádda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu shaaciyay magacyada horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan. 

NISA ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA oo kaashanaayay saaxiibada Caalamka.

“Horjoogeyaasha lagu dilay howlgalka ayaa kala ahaa Cabdullaahi Xasan Cumar, oo Khawaarijta ugu magacownaa waxa ay ugu yeeraan Amniyaadka Hirshabeelle; Horjooge lagu soo koobay magaciisa Cusaam, oo ka tirsanaa qaybta Maaliyadda; iyo labo horjooge ah kuwaasi oo kala ahaa Horjooge Qudaame Dheere iyo Cabdul Ladhiif” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay NISA.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka kasoo baxay NISA in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaana horjoogeyaashan lala dilay ku dhawaad 10 kale oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab. 

Deegaanka Shaw ee howlgalkan laga fuliyay ayaa ka mid ah deegaanada ay mudada dheer maamulaan kooxda oo ay si weyn ugu xoogan yihiin maleeshiyada 

Al-shabaab.

Mandera 4ta Siteembar, 2025 Senator-ka Mandera, Ali Roba, ayaa sheegay in magaalada Mandera ay soo galeen ciidamo ka tirsan Jubbaland, taas oo uu ku tilmaamay khatar toos ah oo ka dhan ah madaxbannaanida Kenya iyo badbaadada dadka deegaanka.

Roba ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii darayso, iyadoo iskuullo badan la xiray, ganacsiyadu istaageen, qoysasna barakaceen, halka Jubbaland iyo ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ay hub urursanayaan oo dagaal isu diyaarinayaan.

“Ciidamada Jubaland waxay si toos ah ula wareegeen magaalada Mandera. Tani waxay meel ka dhac ku tahay madaxbannaanideenna ah,” ayuu yiri Roba.

Senator-ku waxa uu dowladda ku eedeeyay dayac iyo khiyaano, isagoo sheegay in la oggolaaday in ciidamo shisheeye ku sugan yihiin gudaha Kenya. Waxa uu ku digay in haddii dowladdu tallaabo degdeg ah qaadi weydo, dadka deegaanka ay qasban doonaan inay is-abaabulaan si ay naftooda iyo hantidooda u difaacaan.

“Waa in lagu dagaallamo dhulkooda, ee ma aha waddooyinka Mandera,” ayuu raaciyay.

Hadalka Roba ayaa yimid kaddib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha, Kipchumba Murkomen, uu ku adkeeyay in aanay jirin ciidamo Jubaland oo Mandera jooga, isla markaana amniga ay gacanta ku hayaan hay’adaha Kenya.

Wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaqyada xadka ay sabab u yihiin dad shacab ah oo ka soo barakacaya dagaallada Soomaaliya.

Xiisaddan ayaa kicisay mudaharaadyo ka dhacay tuulooyin ku yaalla xadka. Hoggaamiyeyaal kale oo ay ku jiraan masuuliyiin hore ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladdu si degdeg ah arrintan uga jawaabto, iyagoo ka digay in joogitaanka ciidamo shisheeye uu dhaawacayo madaxbannaanida Kenya.

WARARKA MAANTA 3da Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa laga iibieyey xerooyinkii ciidamada iyo dhulkii danta guud? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Oslo  3da Siteembar 2025  Xukuumadda Oslo ayaa si cad u muujisay sida ay uga go’an tahay in ay xoojiso iskaashiga labada dhinac, iyadoo ballanqaadday in ay sare u qaadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya si looga hortago loona maareeyo xaaladaha bani’aadamnimada iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

Ballanqaadkan waxaa bixisay Merete Dyrud, Ku-xigeenka Madaxa Safaaradda Norway ee Soomaaliya, kadib kulan ay la qaadatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Maxamuud Macalim Aadam kaa oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dyrud ayaa sheegtay in dowladda Norway ay door firfircoon ka ciyaari doonto taageerada dadaallada socda ee Soomaaliya, si loo yareeyo saameynta ay leeyihiin xaaladaha bani’aadamnimada iyo musiibooyinka dabiiciga ah. 

Waxay sidoo kale tilmaantay in Norway ay kordhin doonto gargaarka iyo taageerada, iyada oo xoogga la saarayo sidii loo xoojin lahaa tallaabooyinka ka hortagga iyo jawaabta degdega ah ee xaaladaha adag ee saameeyay bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalim Aadam, ayaa uga mahadceliyey Norway taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo muujiyey rajada ah in ballanqaadyada cusub ay gacan ka geysan doonaan sidii loo horumarin lahaa howlaha gargaar iyo sidii loo gaarsiin lahaa caawimaad waqtigeeda ku habboon bulshada u baahan.

Norway ayaa muddo dheer ka mid ahayd wada-hawlgalayaasha bani’aadamnimada ee Soomaaliya, iyada oo ka qaybqaadata barnaamijyo lagu taageerayo gargaarka, adkeysiga bulshada, iyo xasilinta guud ee dalka.

Mataykanka 3da Siteembar 2025 Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 1-da Nofeembar 2025 dhammaan wareysiyada fiisaha socdaalka ee dadka ka imaanaya Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan lagu qaban doono safaaradda Maraykanka ee Nairobi, Kenya.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah xeerar cusub oo dhigaya in codsadayaasha fiisaha socdaalka ay wareysiga ku galaan qunsuliyadda mas’uulka ka ah meesha ay deggen yihiin, ama dalka dhalashadooda haddii ay sidaas codsadaan

Dadka ka imaanaya Eritrea ayaa wareysiyadooda ku geli doona Nairobi ama Addis Ababa, halka kuwa ka socda Suudaan lagu qaban doono Qaahira, iyo dadka reer Suuriya oo loo diri doono Camman ama xaalado gaar ah Bayruut.

Dalal kale oo aan lahayn adeegyo qunsuliyadeed oo joogto ah ayay Dowladda Maraykanka sheegtay in loo qoondeeyay xarumo gaar ah, sida Jabuuti oo loogu talagalay dadka reer Yemen iyo Johannesburg oo loogu talagalay dadka reer Zimbabwe.

Waxaa kale oo la sheegay in xeerarkan cusub ay khuseyn doonaan codsadayaasha barnaamijka Diversity Visa (DV Lottery) laga bilaabo sannadka DV-2026, taasoo micnaheedu yahay in guuleystayaasha Green Card-ka Maraykanka wareysiyadooda lagu xiro halka ay deggen yihiin ama dalalka dhalashadoodu tahay.

Muqdisho 3da Siteembar 2025 Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa maanta shaaciyay in meel fagaare ah lagu gubay 250 kartoon oo daroogo ah, kuwaas oo lagu qabtay isku day sharci-darro ah oo lagu doonayay in dalka Soomaaliya lagu soo geliyo, Goobta lagu gubay daroogada ayaa ku taalla magaalada Muqdisho, iyadoo gubistu ay ku timid amar rasmi ah oo ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Intii uu socday shir jaraa’id oo uu qabtay Gaashaanle Cabdifitaax, wuxuu sheegay in daroogadan lagu soo qabtay Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, xilli laga shakiyay dhaq-dhaqaaqyo lagu doonayay in lagu soo galiyo maandooriyaha dalka gudihiisa.

“Waxaa maanta meel fagaare ah lagu gubay 250 kartoon oo daroogo ah, kuwaas oo la doonayay in si sharci darro ah dalka lagu soo geliyo. Waxaa gacanta ku dhigay ciidanka ammaanka, waxaana maxkamadda gobolka Banaadir ay xukuntay in la gubo si looga hortago khatarteeda,” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa digniin adag u diray cid kasta oo isku dayda in ay dalka soo geliso daroogo, isaga oo carrabka ku adkeeyay in la adkeeyay la socodka amniga iyo kormeerka meelaha laga soo galo dalka, sida dekedaha, garoomada, iyo xuduudaha.

Booliska Soomaaliyeed ayaa horey ugu guuleystay in ay fashiliyaan dhowr isku day oo daroogo lagu soo gelin lahaa dalka, iyadoo tallaabadan maanta la qaaday ay mar kale muujineyso sida ay ciidamada ammaanku uga go’an tahay la dagaalanka dambiyada la xiriira maandooriyeyaasha iyo badbaadinta bulshada Soomaaliyeed.

Muqdisho 3da Siteembar 2025  Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Balcad) ayaa Maqaal uu qoray kaga hadlay kaalinta uu Turkiga ku yeeshay dib-u-soo kabashada Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu dib u milicsaday safarkii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu ku yimid Muqdisho bishii Agoosto 2011, isagoo tilmaamay in booqashadaas ay ahayd dhacdo beddeshay aragtidii caalamka ee Soomaaliya.

“Taasi waxay ahayd fariin cad oo muujisay in Soomaaliya aan la iloobin,” ayuu yiri wasiirku, isagoo intaas raaciyay in Ankara ay dhiirrigelisay rajadii shacabka Soomaaliyeed.

“Turkigu ma aha oo kaliya saaxiib diblomaasiyadeed, waa walaal dhab ah. Maanta Muqdisho waxaad ku arkaysaa isbitaallo, iskuullo, iyo kaabayaal ay Turkigu dhiseen,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa xusay in wejiga xiga ee iskaashiga labada dal uu noqon doono kobcinta dhaqaalaha. Wuxuu xusay dhul-beereedka ballaaran iyo xeebta dheer ee Soomaaliya oo hodan ku ah khayraad badeed, halka Turkigu uu leeyahay warshado casri ah iyo shabakado ganacsi oo caalami ah.

“Soomaaliya ma aha oo kaliya dal qaata gargaar, waa dal diyaar u ah inuu la koro Turkiga,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda wuxuu sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu tusaale u yahay waxa dhici kara marka dalal Koonfur–Koonfur iskaashi dhab ah yeeshaan.

WARARKA MAANTA 2da Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay Cayayaanka Baraha bulshada ee “Nabar Iyo Naxdin” ka wadaan baraha bulshada? Yaa beddeshay dastuurka dalka? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Dan-Qaran:? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Waqooyi Bari  2da Siteembar 2025 Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare Soomaaliya, Senator Cabdullaahi Timacadde, ayaa sheegay madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaarihiisa inay kasoo qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay kaalin weyn ka qaadatay sidii goboladda Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle looga saari lahaa daruufaha adag ee ay ku sugnaayeen, isagoo sheegay madaxweynaaha iyo raysal wasaaruhu inay guteen masuuuliyad iyo waajibaad qaran oo ka saarnaa ilaalinta midnimada dalka.

Senator Timacadde ayaa sheegay in xubnaha labada aqal ee laga soo doorto Sool, Sanaag iyo Cayn ay u midoobi doonaan inay u qareemaan sidii uu cagihiisa ugu istaagi lahaa maamulka cusub ee Waqooyi Bari. Wuxuuna sheegay in meesha laga saari doono tafaraaruqii horey uga dhex jira siyaasiyiinta labada gobol ku matala Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Senator Timacadde waxa uu ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Puntland, wuxuuna kamid ahaa siyaasiyiinta aadka ugu dhawaa madaxweyne Deni. Hase ahaatee, wuxuu kamid noqday siyaasiyiinta la dareenka noqday mowqifka ay qaateen reer Sool oo ah inay sameystaan maamul cusub.

Nairobi 2da Siteembar 2025 Xaflad sagootin ah oo loo sameeyay arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay dalka Japan.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ka qaybgalay xaflad sagootin ah oo si heer sare ah loosoo agaasimay taas  oo loo sameeyay arday  Soomaaliyeed ee ku guuleysatay deeq waxbarasho oo ay ka heleen dalka Japan ah.

Ardaydaydon ayaa baran doonto Waxbarashada  kala duwan ee lagu barto jaamacadaha dalka Japan. Ardeydaan ayaa marka ay soo dhameystaan waxbarashooda ayaa  la filayaa jnay kusoo laabtaan dalka Soomaaliya si ay kaalin muq ah uga qataan dhismaha ito  horumarka dalka iyo dadka Soomaalida.

Danjire Jabril ayaa ardayda Soomaalida ah kula dardaarmay inay ixtiraamaan sharciyada dalka ay tagi doonaan, isla markaasna ay noqdaan safiiro sawir wanaagsan ka bixiya Soomaaliya.

Danjire Jabril  ayaa sidoo kale  si weyn ugu mahad celiyay dowladda Japan we deeqdan waxbarasho oo waqtigeeda ku haboon ay u fidisay ardayda Soomaaliyeed. Isaga oo ka hadalayaxaflada Waxa uu  danjiruhu yiri

“Deeqdaan waxbarasho waxa ay  ka tarjumaysaa sida hagar la’aanta ah ee dalka Japan ay uga go’an tahay taageerida mashaariicda lagu hormarinayo  dalka Soomaaliya, waxaanan si kal iyo laaba ah uga mahadcelinaynaa taageeradan qiimaha badan”

Deeqdaan JICA waa mid sanadle ah, sida uu ka dhawaajiyay Danjiraha  Soomaaliya waxaa la qorshaynayaa in kor loo qaado tirade Soomaalida ka faaiidaysanaysa deeqdaan, sida badan tirade Soomaalida ka qaybgasha aad ayay u yartahay, waxaana sabab u ah sida la sheegay inay ardayda Soomaalidu hanaanka codsi gudbinta iyo buuxinta sharuudaha layska rabo aysan si fiican uga jawaabin.

Shabeele hoose 2da Siteembar 2025 Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutooyinka 19-aad iyo 25-aad ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalada ayaa ahaa kuwa ciidanka ay kaga hortagayeen abaabulo kooxda Al-shabaab ka waday qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose. 

Ciidamada xoogga dalka ayaa ku guuleystay in wadooyinka shacabka isticmaalaan ay kasoo saaraan miinoyin halis badan oo kooxdu ku aastay wadooyin muhiim ah.

“Guutooyinka 19-aad iyo 25-aad ee xoogga dalka ayaa guul ka gaaray howlgalka, iyagoo soo saaray miinooyin ay Khawaarijtu ku aaseen wadooyinka ay shacabka isticmaalaan, si loogu waxyeelleeyo dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda. 

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in Howlgalkan uu qayb ka ahaa dadaalada joogtada ah ee ciidanka xoogga dalka ku doonayaan xaqiijinta amniga dadka shacabka ah ee ku nool gobolka Shabeellaha Hoose. 

Qoraalka kasoo baxay dowladda laguma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay howlgalkaan iyo deegaanada sida gaarka ah ay ugu fuliyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala Shabeellaha Hoose. 

Muqdisho 2da Siteembar 2025 Wafdi ka kooban 16 xubnood oo ka socda Ciidanka Qalabka Sida ee dalka Masar ayaa gaaray magaalada Jowhar, xarunta maamulka Hirshabelle, si ay u fuliyaan hawl ku saabsan qiimeyn amni oo horudhac u ah imaanshaha guutada ciidankooda ee qeyb ka noqonaysa howlgalka AUSSOM.

Wafdigan waxaa hoggaaminayey Sareeye Guuto Islam Radwan, waxaana si rasmi ah ugu soo dhaweeyey Taliska Guud ee Qaybta 5-aad ee ciidamada, Taliyaha guutada ciidanka Burundi, G/Sare Oscar Hatungimana.

Ujeedka safarka wafdiga Masar ayaa ahaa mid la xiriira daraasad iyo qiimeyn dhanka amniga ah oo ay ku samaynayaan deegaannada ay degi doonaan ciidamada Masar ee la filayo inay dhawaan kusoo biiraan howlgalka AUSSOM. 

Waxay sidoo kale ka qeyb qaadanayaan qorsheyaasha isbeddelka lagu sameynayo amniga marka ay ciidamada Midowga Afrika si tartiib ah ugu wareejiyaan mas’uuliyadda amniga ciidamada Soomaaliya.

Intii ay joogeen Jowhar, wafdiga Masar ayaa warbixin dhameystiran ka dhageystay G/Sare Hatungimana iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Burundi, kuwaasoo ka warbixiyey xaaladda guud ee amniga gobolka Shabeellaha Dhexe, caqabadaha jira, iyo sida loo wiiqayo khataraha amni ee ka imaan kara kooxda Al-Shabaab.

Markii ay dhageysteen warbixinta, wafdiga ayaa kormeeray xarumo muhiim ah oo ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Jowhar, kuwaasoo loo diyaarinayo in ay noqdaan saldhigyo ciidan marka ay yimaadaan guutada Masar.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Midowga Afrika iyo beesha caalamka ay ku taageerayaan Soomaaliya si loo sugo xasilloonida iyo kala dambeynta, loogana guuro xilliga kala-guurka ee ciidamada AMISOM (oo hadda loo beddelay AUSSOM) loona wareejiyo mas’uuliyadda amni ciidamada Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in guutada Ciidanka Masar ay si rasmi ah u soo gaaraan Soomaaliya bilaha soo socda, iyadoo ay jiraan qorshayaal lagu kordhinayo taageerada militari iyo farsamo ee Soomaaliya la siiyo.

https://www.youtube.com/watch?v=5_JyCWfeXug

WARARKA MAANTA 1da Siteembar, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa dhacay shacabka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Maxay mucaaradka Soomaaliya u diidan yihiin qorshaha dowladda? Yaa beddeshay dastuurka dalka? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Dan-Qaran:? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Qatar 1da Siteembar 2025 Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar Xafiiskeeda Soomaaliya, Mudane Ahmed Aadan Xamiid.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada hay’adood, gaar ahaan ka hortagga iyo wax ka qabashada masiibooyinka dabiiciga ah, horumarinta howlaha gargaarka bani’aadantinimo, iyo taageerada dhanka tababarka iyo xirfadaha shaqaalaha SoDMA si ay uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah.

Madaxa Bisha Cas ee Soomaaliya ayaa ku ammaanay SoDMA dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiso wax ka qabashada xaaladaha bani’aadantinimo, isagoo caddeeyey in Bisha Cas ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga dhinacyada horumarinta iyo adeegyada degdegga ah ee loo baahan yahay si loo caawiyo dadka nugul.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA ayaa ku dheeraaday muhiimadda wada-shaqeynta joogtada ah, isagoo xusay in iskaashiga labada hay’adood uu horseedi doono xal waara oo wax ku ool ah oo lagu yareynayo nuglaanta bulshada Soomaaliyeed.

Hay’adda SoDMA waxaa ka go’an inay sii waddo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah si loo xaqiijiyo badbaadada iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Muqdisho 1da Siteembar 2025 C/raxmaan Maxamed Cabdullahi “Maaxi , Yoonis”iyo Ibraahim Aadan Maadeey, ayaa saaka lagu Fuliyey Xukunkii Qisaasta ahaa ee horay ay ugu riday Maxkammadda Qalabka sida, waxayna ka kala tirsanaayeen Qeybta Jabhadaha & dilalka Gaadmada ah.

Labaduba C/raxmaan Maxamed Cabdullahi “Maaxi , Yoonis”iyo Ibraahim Aadan Maadeey, ayaa saaka lagu Fuliyey Xukunkii Qisaasta ahaa ee horay ay ugu riday @maxkamaddaciidamad Qalabka sida, waxayna ka kala tirsanaayeen Qeybta Jabhadaha & dilalka Gaadmada ah.

Muqdisho 1da Siteembar 2025 Wafdi milatari oo heer sare ah kana socda dalka Masar, kuna sugan magaalada Muqdisho, ayaa bilaabay booqasho rasmi ah oo ujeedadeedu tahay sidii loo dardargelin lahaa qorshaha lagu doonayo in ciidamo Masri ah lagu biiriyo howlgalka Midowga Afrika ee taageerada Soomaaliya.

Wafdigan oo ka kooban 16 sarkaal oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Masar, waxaa hoggaaminaya Taliye sare, Janaraal Islam Radwan, waxaana si rasmi ah u soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan ATMIS iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, wafdiga Masar waxay yeesheen shirar rasmi ah oo ay la qaateen madaxda ATMIS oo uu hormuud u yahay Danjire Al-Haj Ibrahim Dine, oo ah wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Waxa kale oo wafdigu ka qayb galay warbixin amni oo ballaaran oo lagu qabtay xarunta dhexe ee ciidamada ATMIS ee Muqdisho.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda wafdigu sameeyaan kormeerro kala duwan oo ay ku eegayaan goobaha muhiimka ah ee laga yaabo in laga dejiyo ciidamada Masar, taas oo qayb ka ah diyaarinta habka ay ciidamadaasi uga mid noqon doonaan howlgalka.

Tallaabadan ayaa muujinaysa ka go’naanshaha Masar ee doorkeeda siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, gaar ahaan xilligan oo Soomaaliya ay wajahayso marxalad kala-guur ah oo ku aaddan mas’uuliyadda amniga kadib bixitaanka tartiib-tartiibka ah ee ciidamada ATMIS.

Masar ayaa sidoo kale u aragta Soomaaliya meel istiraatiji ah, iyadoo xoojinta xiriirka labada dal ka dhigaysa arrin mudan horumarin. 

Waxaana la dareemayaa in ay Masar doonayso in ay sare u qaaddo joogitaankeeda gobolka, xilli khilaafka kala dhexeeya Itoobiya ee la xiriira biyo-xireenka Biyaha Nile (Biyo-xireenka GERD) uu weli taagan yahay.

Puntland  1da Siteembar 2025  Puntland ayaa walaac xooggan ka muujisay waxay ugu yeertay jahwareerka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya iyo in geeddi socodka dowlad dhiska uu sii xumaaday.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (JFS) uu ku tagri falayo  heshiisyada iyo qodobbada Dastuurka, taasoo ay Puntland ku tilmaamtay mid keeni karta burbur siyaasadeed. 

Puntland waxay soo dhoweysay baaqyada kasoo baxaya Madasha samatabixinta, iyadoo ugu baaqday madaxweyne Xasan Sheikh inuu talada dhulka dhigo, si heshiis midaysan looga gaaro doorashada baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha, waqtigaas ka horna ay muhiim  tahay in laga wada hadlo sidii uu dalku u aadi lahaa doorasho loo dhan yahay.

Bayaanka kasoo baxay Puntland waxaa lagu sheegay in muddo xileedka madaxweynuhu ku egyahay 15ka bisha May 2026. Puntland waxay geesta kale madaxweyne Xasan Sheikh uga digtay faragalinta ururada siyaasadeed ee u taagan toosinta dowladda.

Puntland waxay sidoo kale taageertay in doorashada dalka ay ku dhacdo si waafaqsan Dastuurka, waxayna ka digtay wax kaste oo khatar ku ah amniga iyo xasiloonida siyaasadda dalka. 

WARARKA MAANTA 31ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay Maamulada #Somaliland Iyo #Puntland u diideen inay u hambalyeeyaan Maamulka Waqooyi Bari? Maxay beesha caalamka ugu baaqday madaxda fashilantay inay iscasisho? Maxay beesha caalamka u jartay dhaqaalihii ayadoo ugu baaqday inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Iyo Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo dhammaan golihiisa wasiirada ay waxba ka qaban karin arrimaha siyaasadda? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Dan-Qaran:? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 31ka Agoosto 2025 Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay weheliyaan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Taliyaha Difaaca ee Safaaradda Masar ee Soomaaliya, Kornayl Axmed Fathi Cabdelsatar Al-Xusayni.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee labada dal, barnaamijyada tababarka ciidanka, iyo dardargelinta diyaar-garowga ciidanka Masar ee qeybta ka noqonaya Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Mas’uuliyiinta labada dhinac waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi buuxa oo dhanka difaaca ah si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay soo dhaweysay kaalinta ay Masar ku leedahay taageerada ciidamada Soomaaliyeed iyo doorka ay ku leedahay howlgalka AUSSOM, iyadoo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga gobolka.

Dowladda Masar ayaa dhowaan la qorsheenayaa in ciidamo kummanaan ah ah ay kusoo biiriso howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan xasilinta gayiya Soomaaliya.

Puntland 31ka Agoosto 2025 Wasiirka Gargaarka iyo Musiibooyinka Puntland, Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi, ayaa jawaab ka bixisay hadal uu sheegay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SODMA), Maxamuud Macallin, kaasoo sheegay in madaxweynaha Puntland uu diiday in hay’adda SODMA ay mucaawino gaarsiiso degaanada Calmiskaad ee laga saaray Daacish.

Wasiir Ubax ayaa sheegtay in Puntland aysan u baahnayn dawo dhacday iyo agab aan waxtar lahayn, iyadoo tusaale u soo qaadatay dawooyin dhacay iyo agabka COVID-19 oo ay sheegtay in SODMA ay geysay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan xilli shacabka deegaankaasi ay u baahnaayeen dawooyin dhiig-joojin ah, maaddaama ay dagaallo kula jireen Alshabaab.

Wasiir Ubax ayaa tiri: “Puntland ma face Mask iyo COVID-19 baad keeni lahaydeen iyo dawo dhacday sida Hiiraan aad yeesheen.”

Guddoomiyaha SODMA oo ka hadlayay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegay inuu si shaqsi ah ula soo xiriiray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ka codsaday ogolaansho in SODMA ay u daadgureyso askarta dhaawacan daaweyn iyo in gargaar bani’aadamnimo la gaarsiiyo dadka u baahan.

Hase yeeshee, wuxuu sheegay in Deni uu codsigaas ku gacan seyray, isaga oo ku sababeeyay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Muqdisho 31ka Agoosto 2025 𝙎𝙖𝙬𝙞𝙧𝙠𝙖 𝙏𝙤𝙙𝙤𝙗𝙖𝙖𝙙𝙠𝙖 📸 – Marka haweenku hoggaamiyaan, bulshadu way sii xoogaysataa. Guud ahaan Soomaaliya, bahda QM waxay taageertaa dadaallada ay Soomaalidu hormuudka ka tahay ee lagu hubinayo ka qaybgalka buuxa ee haweenka ee go’aan gaarista – sida uu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres: “Waxaan u baahanahay haweenka hoggaaminaya dowladda iyo siyaasad-dejinta – waa hannaan la tijaabiyey oo lagu horumarinayo caafimaadka, waxbarashada, iyo daryeelka carruurta, iyo wax ka qabashada xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.”

Halkan waxaa ka muuqda qof dumar ah oo wakiil ka ah bulshada oo ka qaybqaadatay wadatashi ay Qaramada Midoobay taageertay oo ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho 31ka Agoosto 2025  Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Sagootiyay Dhigiisa Jabuuti ka Dib Booqasho Afar Maalmood ah oo uu Ku Yimid Muqdisho

Muqdisho, Agoosto 31, 2025 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka sagootiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Danjire Cabdoulkader Houssein Omar, oo booqasho rasmi ah oo afar maalmood ah ku joogay caasimadda Muqdisho.

Intii uu socday booqashada rasmiga ah, labada wasiir ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo ku saleysan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada dibloomaasiyadda, tababarrada, iyo iskaashiga siyaasadeed. Sidoo kale, waxay isla garteen in la joogteeyo kulammada iyo wadashaqeynta labada wasaaradood si loo dardargeliyo danaha guud ee labada dal ee walaalaha ah.

Booqashada wasiirka Jabuuti ayaa muujinaysa adkeysiga xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo lagu xoojinayo iskaashi waara oo ku dhisan derisnimo, walaaltinimo iyo dan guud.

Waaxda Warbaahinta

Communications Department

https://www.youtube.com/watch?v=U9JloIu42jg

WARARKA MAANTA 30ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay beesha caalamka ugu baaqday madaxda fashilantay inay iscasisho? Maxay beesha caalamka u jartay dhaqaalihii ayadoo ugu baaqday inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Iyo Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo dhammaan golihiisa wasiirada ay waxba ka qaban karin arrimaha siyaasadda? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Dan-Qaran:? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 30ka Agoosto 2025 Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo maalmahaan safar shaqo ku joogay dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal ee walaalaha ah, iskaashiga amniga, horumarinta ganacsiga iyo isu-socodka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti booqashada uu ku yimid dalka, isaga oo sidoo kale xusay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka reer Jabuuti dib u dhiska Soomaaliya.

Muqdisho 30ka Agoosto 2025  𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐎𝐎 𝐊𝐀 𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈𝐘𝐄𝐄𝐘𝐄𝐘 𝐆𝐄𝐄𝐑𝐈𝐃𝐀 𝐊𝐔 𝐓𝐈𝐌𝐈𝐃 𝐅𝐀𝐍𝐍𝐀𝐀𝐍𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐐𝐀𝐃𝐈𝐈𝐉𝐎 𝐐𝐀𝐋𝐀𝐍𝐉𝐎.

Muqdisho, Agoosto 29, 2025: Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabullaahi wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Fanaaniinka geeridii ku timid Alle ha u naxariistee, Khadiijo Maxamuud Yuusuf (khadiijo Qalanjo) oo muddo dheer ka mid ahayd hobollada Qaranka Waabari, maantana ku geeriyooday magaalada Boorama..

“Alle ha u naxariistee Khadiijo Qalanjo, waxa ay ahayd Fannaanad wayn, jilaa iyo majaajilayste caan ku ah filimada Hiddaha iyo dhaqanka, suugaanta, nabadda iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxayna ka mid ahayd Fannaaniintii Qaranka ee dalkeenna u soo hooyay billado iyo in fanka Soomaaliyeed uu caan noqdo, lagana xiiseeyo masraxyada iyo tiyaatarrada caalamka iyo Gudahaba”

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in Khadiijo Qalanjo ay ka mid ahayd haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixisay wacyi-gelinta bulshada iyo kobcinta garaadka da’yarta Somaaliyeed, iyadoo waqtigeedii iyo hibadeedii faneed u hurtay sidii uu dadkeennu xagga fanka uga muuqan lahaa masraxyada caalamka, wuxuu Marxuumadda Alle uga baryey inuu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay

Laascaanood 30ka Agoosto 2025 Waxaa goor dhow Magaalada Laascaanood ka bilaabanaysa doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya. Amniga magaalada ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo magaalada lagusoo rogay Bandow.

Ololaha Doorashadan ee musharaxiinta ayaa galay saacadihii ugu dambeeya, iyadoo loolanka siyaasadeed ee doorashada uu si xawli ah u socdo haatan. Hoolka doorashada ayaa goor dhow waxaa ka bilaabanaysa khudbadaha musharaxiinta.

Musharrixiinta u taagan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo dhan toban musharax ayaa tan iyo xalay si xooggan ugu loolamayay kasbashada xildhibaannada, waxaana xog lagu kalsoon yahay ay xaqiijinaysaa in lacago dhowr boqol oo kun oo dolllar ay musharaxiintu ku bixiyeen  xildhibaannada si ay codad  uga helaan.

Hoggaamiyihii ku meel gaarka ahaa ee SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa kamid ah musharrixiinta ugu cadcad doorashada, halka dhinaca kale qaar kamid ah musharrixiinta mucaaradka ay ku heshiiyeen in ay taageeraan cid kasta oo iyaga kamid ah oo gaarta wareegga ugu dambeeya ee doorashada, si ay codadkooda u mideeyaan, ugana guulaystaan haddii Firdhiye uu gaaro wareegga ugu dambeeya ee doorashada.

Doorashadan oo mid xiiso leh oo aad loo sugayo waxay go’aamin doontaa jihada siyaasadeed ee maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya iyo sida uu ula macaamili doono Dowladda Federaalka.

Magacyada musharaxiinta madaxweynaha.

Abdiqaadir Axmed Cali Firdhiye.

Rashiid Faarax Maxamuud.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Jamaal Maxamed Xasan.

Maxamuud Yuusuf Xasan.

magacyada musharaxiinta madaxweyne ku xigeenka.

Cumar Daahir Xasan.

Abdirashiid Yuusuf Jibriil.

Cabdirisaaq Maxamed Jaamac.

Cabdisataar Sheikh Cismaan Cumar.

Maxamed Cabdi Bulaale.

WARARKA MAANTA 29ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay beesha caalamka u jartay dhaqaalihii ayadoo ugu baaqday inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Iyo Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo dhammaan golihiisa wasiirada ay waxba ka qaban karin arrimaha siyaasadda? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Dan-Qaran:? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho 29ka Agoosto 2025 Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa kulan muhiim ah waxaa uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha sare ee Isbahaysiga Hay’adaha aan dawliga ahayn ee Soomaaliya (Somalia NGO Consortium).

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya SODMA iyo hay’adaha NGO-yada, si loo mideeyo dadaallada gargaarka bani’aadamnimada ee ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaana kulan kaan gundhig looga dhigay ilaa 3-qodob oo kala ah:

1-Horumarinta Siyaasadda Musiibooyinka: Waxaa la isla gartay in la horumariyo Siyaasadda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, si loo xalliyo caqabadaha isku-duwidda gargaarka.

3-Xarun Macluumaad: Waxaa la qorsheeyay in la abuuro xarun lagu ururiyo macluumaadka la xiriira hawlaha gargaarka iyo in la sameeyo khariirad muujineysa meelaha ay ka hawlgalaan hay’adaha NGO-yada.

3-Kulamo Joogto ah: Waxaa la isku af-gartay in la qabto kulamo joogto ah oo heer sare ah oo dhex mara SODMA iyo hogaanada waddanka ee hay’adaha NGO-yada, si loo sii ambaqaado iskaashiga.

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka mudane Maxamuud Macalin ayaa Sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay  horumarinta Siyaasadda Musiibooyinka si loo yareeyo caqabadaha isku duwida gargaarka ee marar badan dhacda.

Muqdisho 29ka Agoosto 2025 Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada dalka ku qaabilay Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Cabdulqaadir Xuseen Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayay. 

Kulanka dhexnaray madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti ayaa looga arinsaday in labada dhinac sii xoojiyaan xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti ka dhexeeya ee ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi qotodheer, gaar ahaan dhinacyada amniga, iyo arrimaha gobolka.

Wasiirka arrimaha dibadda dowlada Jabuuti ayaa sidoo kale madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyay salaan iyo dhambaal uu kaga siday dhigiisa Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

“Intii uu kulanka socday, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wasiirka la wadaagay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada socda ee dib u dhiska, horumarinta iyo howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta Daacish iyo Al-Shabaab, isaga oo uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Jabuuti hiilka walaalnimo ee ay la garabtaagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. 

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Cabdulqaadir Xuseen Cumar ayaa dhankiisa si weyn uga mahadceliyey soo dhoweynta walaalnimadu ku dheehan tahay ee isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyey Muqdisho, taasoo aheyd booqashadiisi ugu horey tan iyo markii xilkaan loo magacaabay bishii April ee sanadkan 2025.

Xhina 29ka Agoosto 2025 Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qaybgalay Kulanka Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha

Yinchuan, 29 Agoosto 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay shir muhiim ah oo looga hadlayay Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha, ayaa sharaxay siyaasadaha maalgashiga ee dowladda iyo fursadaha khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale soo bandhigay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ganacsatada Shiinaha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay soo dhoweyso, isaga oo ku casuumay in ay si toos ah u sahmiyaan fursadaha waaweyn ee dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay meelaha mudnaanta leh ee iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, kuwaas oo ay kamid yihiin:

Horumarinta tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah,Kobcinta beeraha iyo dhaqaalaha xoolaha, iyo Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Shirka oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha iyo Ismaamulka Gobolka Ningxia, ayaa lagu magacaabay “Shirka Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee Ningxia, Waxaana isugu yimid in ka badan boqol shirkadood oo Soomaali iyo Shiinays ah, iyadoo ujeeddadu ahayd in la xoojiyo iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee labada dhinac, ayna Soomaaliya noqoto xarun muhiim ah oo ganacsiga iyo isku xirka Carabta,Afrika iyo Aasiya.

Nairobi 29ka Agoosto 2025 “Garoonka Bosaso wuxuu Noqday Garoon Millitray oo Emaratku isticmaalaan Ciidamo Calooshood u shaqaystayaal in ay ka daabulaan, Suudaan waxay ku eedaynayaan in Cisbitaal Millitray laga furay oo Colmbian ku soo dhaawacma Suudaan lagu daweeyo Garoonka Diyaaradaha Bosaso, Dowlada Soomaaliya Diyaarad kasta oo Xuduuda dalka Soo galaysa way ogyihiin diyaaradaha Millitray ee imaanya Bosaso, Baaritaanka Markaan Sameynaayay Waxaa jiray Qaar kamid ah Shaaqalaha Hay’adda duulista hawada oo aan la xiiriiray waxay iisheegeen in ay ogyihiin Emaraatkuna diiday Amarkii DFS ay siisay, Eeda Deni Kaliya Malahan Xasan Shiikhna waa leeyahay.” Prof Cabdiwahaab Cabdisamad.

Maraykanka 29ka Agoosto 2025  Dowladda Maraykanka ayaa joojisay duqeymaha cirka ee ka socday gudaha togga Baallade, isagoo ka cararaya khasaaraha rayidka ah, kaddib markii la ogaaday in haween iyo carruur ku sugan yihiin aagga bartilmaameedkooda. 

Go’aankan ayaa yimid xilli hawlgallo wadajir ah ay wadeen ciidamada Puntland iyo Maraykanka oo muddo toddobaadyo ah ka socday buuraha Calmiskaad, halkaas oo Daacishta Soomaaliya (ISS) ay saldhigyo ku leeyihiin.

Inkasta oo ay duqeymuhu istaageen, dagaallo culus ayaa qarxay 27-kii Agoosto, kaddib markii kooxda Daacish ay fuliyeen weerar ismiidaamin ah oo ay ku qaadeen ciidamada ammaaka Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay dileen lix ka mid ah dagaalamayaasha ismiidaaminta, balse weerarrada ISS ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 23 askari oo ciidamada kamid ahaa Puntland ah intii u dhaxeysay 25 ilaa 27-kii Agoosto.

Warbixinno sirdoon ayaa muujinaya in hawlgallada isdaba-jooga ah ee Puntland iyo Maraykanka ay bartilmaameedsadeen hoggaanka sare ee ISS, oo ay ka mid yihiin saraakiil xiriir dhow la leh ISIS caalamka, sida ku-xigeenka hoggaamiyaha ISS, Ciise Fahiye, iyo hoggaamiyaha guud ee ISIS ee caalamka, Cabdulqaadir Muumin, oo loo malaynayo inuu wali ku dhuumaaleysanayo buuraleyda Puntland.

In kasta oo ciidamada Puntland iyo Maraykanka ay tan iyo horraantii 2025 wiiqeen awoodda dagaal iyo dhaqaale ee ISS, haddana kooxda ayaa wali awood u leh inay fuliyaan weerarro dhimasho leh. 

Yeman 29ka Agoosto 2025 Danjiraha Safaaradda Dowladda Soomaaliya ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiiim Maxammad Axmed oo maanta kulan la-yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaas Ibrahim Ali Ahmed Haidan.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay adkaynta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan arrimaha amniga, ilaalinta xuquuqda qaxootiga iyo sidii loo fududayn lahaa adeegyada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan guud ahaan dalka Yemen

Uga dambeyn masuuliyiinta Soomaaliya iyo Yemen ayaa isku raacay in la xoojiyo wada shaqeynta labada dowladood iyo in la hurmariyo  xariirka u dhaxeeyo labada shacab.

WARARKA MAANTA 28ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay ku fashilantay xukuummadda “Dan-Qaran:? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Maamulka Waqooyi Barri 28ka Agoosto 2025 Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka maamulka Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo haatan musharrax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, ayaa sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si aan tuhun ku jirin uga shaqeynayso sidii loo dooran lahaa mar kale madaxweyne Firdhiye.

Musharax Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay sababta ay Dowladda Federaalka u dhisayso madaxweyne Firdhiye uu yahay inuu yahay xubin ka tirsan xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay u aragto madaxweyne Firdhiye inuu yahay “baarri” si buuxda u fulin kara danaha ay Dowladda Federaalka ka leedahay dhismaha maamulka Waqooyi Bari.

Isagoo ka hadlayay arrimaha maamulka cusub, wuxuu xusay in cid kasta oo ka shaqaysa Waqooyi Bari ay diyaar u tahay wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, isla markaana uu waajib ka saaran yahay difaaco xuquuqda ay gobolladani ku leeyihiin dowladda dhexe.

Dhanka kale, Cabdirisaaq Khaliif ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay saxaafadda oo sheegayay in ololihiisa doorashada ay taageerayaan Somaliland iyo Puntland.

Wuxuu tilmaamay in lacag badan lagu bixiyay olole sumcad-dil ah oo ka dhan ah isaga, isagoo eedeynta dusha ka saaray kooxo uusan magacaabin oo dhaqaale ku bixiyay in la wiiqo taageeradiisa iyo sumcaddiisa siyaasadeed.

Qadar 28ka Agoosto 2025 Waxaan cambaareynayaa xarigga iyo tacaddiga loo geystay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo ka mid ah odeyaasha dhaqanka Gobolka Banaadir.

Nabaddoon Xaadoole oo u kacay difaaca dadka nugul ee la barakiciyey ee ku dhaqan Muqdisho, waxa loo xiray in laga hortago guuxa dadweynaha iyo dadaalka waxgaradka ee ka dhanka ah ku takri-falka hantida danta guud. Arrinkani waxa uu muujinaya in laamaha amniga loo adeegsanayo dano shakhsiyadeed oo gurracan.

Madaxweynaha waxaan ku adkeynayaa in degdeg loo sii daayo Nabaddoon Xaadoole, lagana waantoobo in cabashada iyo codka dadweynaha lagu wajoho caburin iyo xarig, taas oo dhaawacaysa dowladnimada iyo kalsoonida shacabka keeni kartana kacdoon khalkhal galiya xasiloonida dalka.

Sida ku cad qodobada 15aad, 18aad iyo 20aad ee Dastuurka kumeel gaarka ah, oo qeexaya xorriyadda kulanka, bannaanbaxa, cabashada iyo codsi wadareedka, waxa uu qof kasta xaq u leeyahay xorriyadda hadalka kana qeyb-qaato ama abaabulo kulammo uu ku muujinayo cabasho. Sidaas darteed waxaan ka digaynaa caburinta dadweynaha iyo ficillada noocaan ah ee lagu beegsanayo hormuudka bulshada.

Muqdisho 28ka Agoosto 2025 Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed garabka uu hoggaamiyo madaxweynihii hore dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray xarigga dowladda Fedaraalka u geystay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud Xaadoole.

Nabdoon Xaadoole oo Shalay askar ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliya ay kasoo xireen hoygiisa oo ku yaala gudaha magaalada Muqdisho ayaa Madashu ku tilmaamtay xarigiisa mid sharci daro ah.

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si adag u cambaaraynaysaa xarigga sharci-darrada ah ee lagula kacay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud Xaadoole, oo ciidamada boolisku ka afduubteen hoygiisa, kadib markii uu si geesinimo leh uga hor yimid boobka iyo xaraashka dhulka danta guud ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.

Nabadoonka ay dowladdu xirtay ayaa ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee saameynta  ku leh bulshada dhexdeeda, waxaana warsaxafadeedka Madasha lagu sheegay in Nabadoonka uu ahaa shaqsi codkiisa ku difaaca hantida shacabka Soomaaliyeed.

“Nabaddoonku xaqiisa dastuuriga ah ayuu si nabad ah ugu cabbiray aragtidiisa ku aaddan ku takrifalka awoodda iyo hantida qaranka, Xorriyadda hadalku waa xaq dastuuri ah oo aasaas u ah nidaamka dowladnimada” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madasha Samatabixinta.

Golaha Samatabixinta ayaa sidoo kale xarigga Nabaddoon Xaadoole ku sheegay isku day lagu cabburinayo codka shacabka, laguna handadayo qof kasta oo ku taagan xuquuqdiisa dastuuriga ah.

Warsaxafadeedka Madasha Samatabixinta ayaa loogu baaqday Madaxweynaha inuu joojiyo boobka iyo barakicinta shacabka ku nool magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalana shacabka Soomaaliyeedna loogu baaqay inay si mideysan ugu istaagaan difaaca dhulkooda iyo hantidooda.

Muqdisho 28ka Agoosto 2025Warbaahin xirfad leh oo firfircoon waxa ay kaalin muhiim ah ka ciyaartaa horumarinta bulshada, bishan Agoosto, UNTMIS waxay ku faraxsantahay in ay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska DFS ka taageerto qabashada aqoon-is-weydaarsiyo xiriir ah oo lagu kobcinayo awoodda saxafiyiinta ka howlgala dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaas oo lagu tababaray 60 saxafi anshaxa saxaafadda ee tabinta doorashooyinka.

Muqdisho 28ka Agoosto 2025Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan kula qaatay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Shakhboot bin Nahyan.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, waxaana si gaar ah looga arinsaday dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa  Madaxweyne Xasan Sheekh soo gaarsiiyay dhambaal khaas ah oo uu uga siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta H.H. Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Sheekh Shakhboot bin Nahyan booqashadiisa iyo garab istaagga shacabka iyo dowlada Imaaraadka u muujiyeen dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa farriin gaar ah u diray dhigiisa Imaaraadka Carabta H.H. Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, isagoona adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay iney sii xoojiso lagu xaqiijinayo amniga, dimuqraadiyeynta iyo horumarka dalka.

WARARKA MAANTA 27ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa khasbay in dalka lagu celiyo doorashadii Teendhada Afisyoone? Maxay yihiin waxyaabaha iyo siyaadda uu ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye””? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Maraykanka 27ka Agoosto 2025 Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta dowladda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Houston ee Mareykanka ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cilmiga Dhulka iyo Tamarta.

Wasiirka ayaa intuu socday shirkan caalamiga ah kulamo muhiim ah la yeeshay masuuliyiin sar sare iyo madaxda shirkadaha Maraykanka ee ka shaqeeya tamarta iyo shidaalka, isaoona kala hadlay sidi kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo maalgashiga ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Muqdisho  27ka Agoosto 2025 Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in aysan jirin wax cabsi ah oo ay ka qabto in ciidamada Masar la keeno Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

“Annagu ma nihin kuwa cabsi qaba ama dareemaya khatar, waana awoodnaa inaan is difaacno,” ayuu yiri Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Suleyman Dedefo, oo wareysi siiyay Universal Somali TV.

Safiirku wuxuu sheegay in joogitaanka ciidamada Masar ee Soomaaliya uusan wax faa’iido ah u yeelan doonin xaaladda amni ee Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaq u leedahay inay dal kasta oo ay saaxiib la tahay ciidamadoodu yimaadaan Soomaaliya. Wuxuuna sheegay Itoobiya in aysan wax diidmo ka qabin arrintaas.

“Waxaan ognahay in Masar aysan wax taageero ah ka geysan doonin xasilinta caqabadaha amni ee Soomaaliya. Suudaan waa dal daris la ah Masar, haddana kama aysan helin wax kaalmo ah. Libya sidoo kale waa daris, iyaduna kama aysan helin caawimaad. Ciidanka Masar ma laha taariikh muuqata oo nabad-ilaalin caalami ah,” ayuu raaciyay.

Suleyman Dedefo ayaa intaas ku daray in waxa laga filan karo joogitaanka ciidamada Masar ay noqon karto in ay loolan siyaasadeed iyo mid istiraatiiji ah la galaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.

Hadalka Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya ayaa kusoo aaday, xilli dhawaan Dowladda Masar ay Soomaaliya usoo dirayso cutubyo kamid ah ciidamadeeda si ay qeyb uga noqdaan howlgalka AUSSOM.

Masar iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xiisad ka dhalatay biyaha webiga Niil. Itoobiya ayaa biyo xireen weyn ka dhisatay dalkeeda, iyadoo Dowladda Masar ay kasoo horjeeddo qorshahaan, una aragto mid ku khatar ku ah biyaha webiga Niil ee dalkeeda. 

China  27ka Agoosto 2025  Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo booqday xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong,  Ningxia.

Yinchuan, Arbaco, 27 Agoosto 2025: — Ra’iisul Wasaaraha  Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong oo ku taalla Gobolka Ismaamulka Ningxia Hui, kaas oo ah aag horumarineed oo muhiim ah, iyo mid ka mid ah xarumaha hormuudka u ah Shiinaha ee isbeddelka warshadaha iyo tamarta.

Booqashada ayaa ujeedkeedu ahaa in Soomaaliya ay ka sii faa’iideysato khibradda Ningxia ee ku saabsan sida ay u abuureen warshado kala-duwan oo tamarta dhaliya, horumarinta warshadaha, iyo u guurista tamarta nadiifta ah, iyadoo Soomaaliya ay sii waddo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay gobolka Ningxia in uu yahay tusaale wax ku ool ah oo ka tarjumaya sida horumarka warshadaha iyo tamarta loogu adeegsan karo siyaasad cad oo waara. Wuxuu xusay in casharrada iyo khibradaha laga dhaxli karo Ningxia ay Soomaaliya u furayaan waddooyin iskaashi oo muhiim ah, kuwaas oo lagu gaari karo horumar muuqda oo dhinacyada tamarta, warshadaha iyo dhaqaalaha ah.

“Soomaaliya waxay hiigsanaysaa in ay dhisto waax tamareed oo casri ah, abuurto fursado warshadeed oo cusub, isla markaana ay dardar geliso shaqo abuurka dhallinyarada dalka oo ah laf-dhabarka mustaqbalka qaranka iyada oo kaashaneysa tignoolajiyadda horumarsan iyo maalgelinta shisheeye” ayuu yiri Rai’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Puntland 27ka Agoosto 2025 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambs. James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan  Amniga , Siyaasada iyo  arrimaha ban’aadantinimo, Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay  Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee hadda ka socda Calmiskaad, iyadoo ay Qaramada Midoobey ku boggaadisay Dowladda Puntland sida ay isaga ciribtirayso Argagixisada.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Muqdisho  27ka Agoosto 2025 #Hadii ay ku dhaaftay – La-soco qaybtii ugu dambeysay ee barnaamijka #TubtaNabadda si aad u dhageysatid Cabdiqani Cali Aadan, oo ka badbaaday weerarkii argagaxiso ee 14-kii Oktobar, iyo Saynab Maxamuud Warsame, oo iyadana ka badbaaday weerar argagaxiso, guddoomiyana ka ah Ururka badbaadayaasha Soomaaliya. Waxay dib u milicsanayaan waxyeellada, adkaysiga, iyo taageerada muhiimka ah ee dhibbanayaasha ku nool Soomaaliya ay u baahan yihiin si ay u bogsadaan dibna ugu dhisaan noloshooda.

WARARKA MAANTA 26ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay yihiin waxyaabaha iyo siyaadda uu ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye””? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho  26ka Agoosto 2025 Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirkooda.

Jeddah, 26 Ogoosto 2025 – Intii uu socday Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Mudane Maxamed Isxaaq Daar.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, caafimaadka, iyo waxbarashada. Wasiir Cabdisalam ayaa ku amaanay taageerada Pakistan ee ardayda Soomaaliyeed, wuxuuna soo jeediyay in la ballaariyo taageerada dhinacyada amniga iyo tayeynta hay’adaha dowladda.

Waxay isla meel dhigeen in la is dhaafsado khibradaha la xiriira amniga, ciidamada, iyo caafimaadka, sidoo kalena la fududeeyo isu socodka muwaadiniinta labada dal iyo nidaamka fiisaha.

Wasiir Maxamed Isxaaq Daar ayaa dhankiisa cadeeyay sida  Pakistan uga  go’an tahay taageerida xasilloonida Soomaaliya iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal.

Hirshabelle 26ka Agoosto 2025 MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO CASHO-SHARAF KU MAAMUUSAY BAHDA WAXBARASHADA SOOMAALIYA

Jowhar, 26-Ogoosto-2025: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa casho-sharaf sagootin ah u sameeyay bahda waxbarashada Soomaaliya.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare XJFS Mudane Faarax Cabduqaadir oo ka kooban Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federalka Soomaaliya iyo maamulka gobalka Banaadir ayaa 2-dii cisho ee u dambeysay waxay magaalada Jowhar u joogeen shaacinta natiijada imtixaanka dugsiga sare iyo shirka wadatashiga arrimaha waxbarashada Soomaaliya.

“Hirshabeelle waxaa guul weyn u ah qoddobada lagu jaan-gooyey shirka waxbarashada Soomaaliya ee halkan ka dhacay iyo inaan noqonay taariikhda maamulkii ugu horeeyay ee lagu shaaciyo natiijada imtixaanka dugsiga sare.” Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa warkan ka sheegay kulanka cashada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ardayda Hirshabeelle ee kaalmaha 4-aad, 7-aad, iyo 10-aad ka galay imtixaanka dugsiga sare ee 2024/2025.

DHAMMAAD

Wixii faah-faahin ah kala xiriir

Muqdisho  26ka Agoosto 2025 Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay soo dhoweyneysaa guusha lagu soo gabagabeeyay tababarkii ugu horreeyay ee loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Masar, kuwaas oo dhawaan kusoo biiri doona Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa horey u ansixiyay ka qaybgalka ciidamada Masar ee AUSSOM. Tallaabadani waxay muujinaysaa sida ay Dowladda Masar uga go’antahay  taageeridda amniga Soomaaliya iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo loo marayo qaab-dhismeedka hawlgalka cusub ee AUSSOM.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadineysa kaalinta  Midowga Afrika iyo Saaxibada Caalamka ee lagu xoojinayo hay’adaha amniga, isla markaana door muhiim ah ka qaadanaya dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Muqdisho  26ka Agoosto 2025 Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku dhawaaqay inuu soo gabagabeeyay hawlgal laba toddobaad socday oo dhammaaday 23-kii Agoosto 2025, kaasoo uu ka fuliyay gudaha Puntland.

AFRICOM ayaa sheegay in duqeymadu lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugan Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, gaar ahaan togga Baallade.

Hawlgallada ayaa si gaar ah loogu jihaystay meelaha ay ku dhuumaaleysanayeen hoggaamiyeyaasha kooxda Daacish.

Taliyaha AFRICOM, Gen. Dagvin Anderson, ayaa ku tilmaamay duqeymahan go’aanka iyo ballanqaadka Maraykanka ee ku aaddan sugidda amniga shacabka Maraykanka iyo saaxiibadiisa.

AFRICOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay sii wadi doonaan qiimeynta natiijooyinka hawlgalka. Si kastaba, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin, iyadoo lagu sababeeyay arrimo amni.

Sida uu qoray wargeyska Stars and Stripes, Maraykanku wuxuu xaqiijiyay in uu fuliyay in ka badan 50 duqeyn gudaha Soomaaliya tan iyo bilowgii sanadka 2025—taasoo ah tirada ugu badan ee hawlgallo noocan oo kale ah ee soomaaliya laga fuliyo sanad gudihiis.

Daraasad lagu daabacay West Point CTC ayaa tilmaantay in sareynta duqeymaha sanadka 2025 ay qayb ka tahay guud ahaan siyaasadda cusub ee Maraykanka oo ku saabsan in ISIS-Somalia ay halis dhab ah ku tahay gudaha Maraykanka; taasoo keentay in la kordhiyo hawlgalada aan kaliya diiradda saarayn Soomaaliya.

WARARKA MAANTA 25ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay mucaradka siyaasadda Soomaaliya ugu hanjibeen Madaxweyne xilka ka dhammaanaayo Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Istaa’iil, 25ka Agoosto 2025 – Israa’iil ayaa duqeyn culus ka fulisay caasimadda Yemen ee Sanca, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Israa’iiliyiin iyo Yemeni ah, weeraradan cusub ayaa colaada kusii fidinaya gobolka xilli dagaalka Gasa uu weli socdo.

Weerarradan ayaa yimid kadib markii kooxda Xuutiyiintu ay hore u sheegtay in ay gantaallo ku garaacday Israa’iil si ay cadaadis ugu saarto inay joojiso xasuuqa ka socda Qasa.

Telefishinka Al Masirah ee Xuutiyiinta taageera ayaa sheegay in duqaymaha lagu beegsaday xarun shidaal iyo warshad koronto oo ku taalla Sanca, halka dowladda Israa’iil ay sheegtay in badhtilmaameedkoodu uu ahaa qasriga madaxtooyada oo ay ku tilmaameen inuu ku yaallo “goob ciidan”. Sawirro laga helay goobta ayaa muujinaya qiiq madow oo cirka isku shareeray iyo dab waaweyn oo ka dhashay qaraxyada.

Wararku waxay xaqiijiyeen in ugu yaraan lix qof ku dhinteen duqeynta, halka 86 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Telefishinka Al Masirah. Duqeyntan ayaa daba socotay weerar gantaal ah oo Xuutiyiintu labo maalmood ka hor ku qaadeen Israa’iil, taas oo qayb ka ah ol’ole ay ku sheegaan in lagu difaacayo shacabka Falastiin.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in weerarrada Sanca lagu qaaday ay jawaab u yihiin “weerarro isdaba joog ah oo kooxda Xuutiyiintu ka soo qaaday dhulka Yemen.” Balse masuuliyiinta Xuutiyiinta ayaa beeniyay sheegashadaas, iyagoo ku eedeeyay Israa’iil inay si ula kac ah u beegsanayso kaabayaal muhiim ah shacabka Yemen.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Xuutiyiinta, qasriga madaxtooyada ee la duqeeyay “hore ayaa loo banneeyay sanado ka hor”, taasoo uu ku tilmaamay caddayn kale oo muujinaysa in Israa’iil ayna beegsanin badhtilmaameedyo ciidan. “Waxa ay sameynayaan waa falal arxan darro ah oo ka dhan ah shacab,” ayuu yidhi sarkaalkaasi.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa ku adkaysatay in duqeymaha Israa’iil ayna joojin doonin taageeradooda ay u hayaan Qasa. Maxamed al-Bukhayti, oo ka tirsan hogaanka Xuutiyiinta, ayaa yidhi: “Israa’iil waxay rumeysan tahay inay naga baajin karto taageerada Gasa, balse arrintu way naga go’an tahay, annaga waxa naga dhexeeya waa janno ama cadaab.”

Xukuumadda ay Xuutiyiintu ka taliyaan ee loogu yeedho Dowladda Isbeddelka iyo Dhismaha Cusub ayaa ku tilmaantay weerarrada Israa’iil “dambi dagaal oo ka dhan ah shacabka Yemen” iyadoo ku eedeysay inay rabaan inay abuuraan muuqaal guul been ah oo kaliya lagu soo bandhigayo qiiqa cirka ka kacaya. “Weerarradani waxay caddeynayaan in Israa’iil oo taageero ka helaysa Maraykanka, ay dagaal qaawan ku qaadayso ummadda Carabta iyo Muslimiinta,” ayaa lagu yidhi bayaanka xukuumadda Sanca.

Ururka Xamaas ayaa sidoo kale cambaareeyay duqeynta Yemen, wuxuuna ku tilmaamay “xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida Carabta iyo sharciga caalamiga ah.” Xamaas ayaa ammaantay mowqifka Xuutiyiinta, iyaga oo ugu baaqay dhammaan waddamada Carabta iyo Muslimiinta inay mideeyaan dadaalkooda ka dhanka ah Israa’iil iyo xasuuqa Gasa.

Weerarkan cusub ayaa imaanaya iyadoo Israa’iil bilihii u dambeeyay badhtilmaameedsanaysay dekedaha iyo warshadaha korontada ee Yemen, waxaana tani daba socotaa weerarro hore oo Israa’iil ku qaaday goob koronto oo u dhow Sanca.

Xuutiyiintu waxay ku goodiyeen inay sii wadi doonaan weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ilaa xasuuqa Gasa la joojiyo oo go’doominta laga qaadayo.

Muqdisho, 25ka Agoosto 2025 Wararka ka imanaya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in firxadka kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaad ay gabbaad ka dhigteen xaasaskooda iyo carruurtooda oo ku sugan godadka kuyaalla halka loo yaqaan Maraagane oo ku dhex yaalla Togga Baallade.

Afhayeenka howlgalka Hillaac, Gen. Maxamed Axmed Faadhigo, ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in laamaha ammaanku ay haatan sahminayaan qorshe lagu soo afjari karo kooxdan yar ee Daacish oo isku uruursaday halkaas.

Waxa uu sheegay in tallaabooyin taxaddar leh loo baahan yahay si loo kala saaro xubnaha dagaallamayaasha ah iyo haweenka iyo carruurta ay la joogaan.

“Howlgalka Hillaac wuxuu ku socdaa si qorsheysan, waxaanu ujeedkeennu yahay inaan meesha ka saarno xoogagga Daacish ee ku dhuumaaleysanaya degaanka, balse waa inaan ka fiirsannaa sidii looga ilaalin lahaa waxyeello soo gaarta xaasaskooda iyo carruurta ay halkaas geysteen,” ayuu yiri Gen. Faadhigo.

Waxa uu sheegay in todobaadkan uu dhacay dagaalkii ugu culuslaa ee ka dhan ah Daacish muddooyinkan dambe, kaasoo uu sheegay in ay ciidamadu ku dileen 20 dagaalame oo katirsanaa kooxda Daacish, ayna ku burburiyeen meelo ay ku keydsanayeen hub iyo sahay.

Afhayeenka howlgalka waxa uu sheegay in wali ay jiraan xubno yar oo isku urursaday gudaha godadka iyo meelaha buuraleyda ah ee adag in si sahlan loo galo.

Galmudug  25ka Agoosto 2025 Ciidamada dowlada Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dad deegaanka ayaa xalay weerar qorsheysnaa ka fuliyay Saldhigyo maleeshiyaadka Al-shabaab ku  lahayeen dhulka howdka ah ee u dhexeeya deegaanada Cali heelle iyo Ciid kuus ee gobolka Galgaduud.

Weerarka ayaa ciidamada is kaashanaya waxay ku burburiyeen fariisimahii iyo gabaadyadii halkaasi ku lahayeen kooxdu oo la tilmaamay in maalmahii lasoo dhaafay ay isku aruursanayeen.

Saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in weerarka ay ku dileen in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka 

Al-shabaab.

Waxa sidoo kale Saraakiishu sheegeen in howlgalkaan u jeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga deegaanadaan iyo ka hortaga khataraha ay maleegaan kooxda Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada iskaashanaya waxay sidoo kale xuseen inay sii wadi doonaan howlgallada noocaan oo kale ah ee ka dhanka ah Al-shabaab inta laga xasilinayo guud ahaan deegaanada gobolka Galgaduud.

Gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamuka Galmudug waxaa mudo dheer ka socda howlgalada dowladda ku doonayso in kooxdu kaga xureyso guud ahaan deegaanada maamulkaas.

Muqdisho, 25ka Agoosto 2025  Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo ka tirsana Maleeshiyaadka Al-shabaab oo horay qaraxyo iyo dilal qorsheysnaa uga geystay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Labada nin ee saakay toogashada lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabi jiray Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud oo loo yaqiinay Salmaan iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow.

Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ayaa ragaan horay dil toogasho ah ugu riday kadib markii fadhi ka yeelatay dhagaysiga eedaha loo soo jeediyay iyo difaaca Qareenadooda, hayeshee ugu dambeyn xukunkii horay loogu riday ayay saakay Maxkamaddu ku fulisay.

Dadka la tilmaamay iney dileen labadaan nin ee toogashada lagu fuliyay waxaa kamid aha Nabadoono ku sugnaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo qaybta ay maamusho Puntland sida lagu sheegay warka kasoo baxay Maxkamadda ciidamada Qalabka.

Waa markii afaraad bishaan gudaheeda oo ay Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ay xukuno dil toogasho ah ku fuliso rag ka tirsanaa Al-shabaab oo horay xukuno toogasho ah ugu riday Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxaana xusid mudan in wali xabsiyada dowladda Fedaraalka ku xiran yihiin rag ku xukuman dil toogasho ah.

Muqdisho, 25ka Agoosto 2025 Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdixakiin Ashkir  oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallin Xasan ayaa soo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda ee degmada Boondheere halkaas uu dib u dhis ka socdo.

Ma’uuliyiintan ayaa soo indho-indheeyey heerka howsha dhismaha oo haatan gebogabo ah,  iyaga oo Injineerrada iyo howlwadeennada kale ee ka shaqaynaya dhismaha ka dhageystay warbixin la xiriirta shaqada socota iyo inta dhiman.

Mudane Ashkir, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda ayaa faray in la dardargaliyo howsha dhismaha si ay dhawaan ugu howlgasho Wasaaradda, isla maarkana loogu adeego qaranka.

——-

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta

Muqdisho, 25ka Agoosto 2025 Cabdullahi Shiikh Xasan ku dhawaad hadiiba aysan ka badneeyn 25 sano ayan aqaan anigo ciyaal ah ayan bartay waagii Xaaji Muuse ku yiri PHD rag ay gasho ay rabtaa illaa waagaas xitaa xildhibaan federaal ah ma helin qaar mucaarad ku sheegga taageersan aya aniga rabo in ay igu af jigaan dowladaanu xil weyn kuma dhiibin ninkaan jamhuuriyadda sedexaad ku qadsan wa la raayaa hhhh

Horta intii Sanbaloolshe agaasimaha NISA ahaay wa laga nastay sow maaheyn yaa Jaziira orod ku dhaafay oo shirar jaraa’iid quutay oo adeerkaan aheyn waxaan so xasuustay waagii maxkamaduhu xerada Xaajiga la wareegaayeen in kursigii xaajigu ku fariisan jiray inta sal saartay yiri aniga Daa,uud ah oo haddana Isaaq ka sii ah ee Jeneraal Indhacadde buudka kula tuntay

Madaxdeyna waxaan leeyahay kuwaan baagamuudo ah anigaa ku filan isku jin nahay

WARARKA MAANTA 24ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa kamid ah basiisiinta mucaaradka ku dhex jirta? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha wiqleyso! 

Muqdisho, 24ka Agoosto 2025 far xubnood oo ka tirsanaa Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan siyaasiyiinta Mucaaradka dowladda Fedaraalka ayaa la sheegay iney isaga baxeen Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.  

Xubnahaan oo kala ah Raysal Wasaarihii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa la tilmaamay in madashu isaga baxeen kadib markii uu fogaaday khilaafka kala dhaxeeyay xubnaha kale ee Golaha.

Khilaafka xubnaha Madasha Samatabixinta ayaa si aad ah u xoogeystay kadib markii ay isku raaci waayeen qaar kamid ah qodobadi uu hordhigay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriiray cutubta 4aad ee Dastuurka dalka.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in afartaan masuul maalmihii lasoo dhaafay ay wadeen kulamo dhexdooda ah oo ay uga arrinsanayaan sidii ay u sameysan lahaayeen Urur Siyaasadeed ay ku mideysan yihiin si ay u sameeyaan dhaqdhaqaaq siyaasadedd cusub.

Ugu dambeyntii ka bixista xubnahaan ayaa kusoo beegantay, iyadoo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka uu shalay shaaciyay in dib loo furay is diiwaan gelinta axsaabta siyaasadeed iyo codbixiyeyaasha mudo labo toddobaad ah.

Masar 24ka Agoosto 2025 Xarunta Qaahira ee Nabadda, Halganka iyo Tababarka (CCCPA) ayaa ku dhawaaqday inay soo gabagabeysay tababar markii ugu horreysay loo qabtay cutubyo kamid ah ciidamada Masar oo ku biiraya howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Tababarkan oo si wadajir ah u qabanqaabiyeen CCCPA iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Masar, ayaa waxaa ka qeyb qaatay dowladda Japan oo door muuqda ka qaadatay taageerada farsamo iyo mid dhaqaale.

Hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (#AUSSOM) ayaa lagu beddelayaa howlgalkii hore ee ATMIS, iyadoo diiradda la saarayo dhismaha awoodaha amni ee Soomaaliya, taageeridda ciidamada qaranka iyo hubinta in kala guurka amni uu noqdo mid deggan oo guul leh.

Masar ayaa markan noqotay dal kaalin muuqata ka qaadanaya xoojinta amniga Soomaaliya, iyadoo cutubyadeeda la diyaarinayo ka hor inta aanay u dhaqaaqin goobta hawlgalka.

Tababarka ayaa xoogga lagu saaray xirfadaha ilaalinta nabadda, iskaashiga caalamiga ah iyo la qabsiga xaaladaha adag ee gudaha Soomaaliya.

Qaramada iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera nabadgelyada Soomaaliya ayaa sii xoojinaya dadaallada lagu dhisayo awoodaha ciidan ee la geeyo gudaha Soomaaliya.

 Ankara, 24 Agoosto 2025  Kani Torun, oo ah diblumaasi iyo safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, ayaa sheegay in aysan jirin wax qodob ah oo sharci ahaan lagu aqoonsan karo Somaliland, oo qayb ka ahayd Soomaaliya ka hor intaanay ku dhawaaqin gooni-isu-taaggeeda sannadkii 1991.

Torun ayaa ku dooday in waxa keliya ee Somaliland iyo Soomaaliya ku kala duwan yihiin ay yihiin qabiil iyo federaal, balse arrintaasi si buuxda looga gudbi karo haddii dhinacyadu ka tanaasulaan mowqifyada adag oo ay qaatan midnimada diinta iyo afka ay wadaagaan.

“Madaxbannaanida Somaliland macno ma samaynayso marka laga eego jinsiyadda, diinta, mazhabta iyo luqadda. Somaliland iyo gobollada kale ee Soomaaliya farqi kuma jiraan qodobadan. Farqiga kaliya waa qabiilka iyo federaalka, kuwaas oo si fiican ugu shaqayn kara Soomaaliya oo dhan. Haddii qabiil kasta dawlad u gooni ah la siiyo, Afrika waxay yeelan lahayd in ka badan 500 dal,” ayuu yiri safiirkii hore ee Turkiga.

Si kastaba ha ahaatee, Torun waxa uu ku adkaystay in dowladda federaalka Soomaaliya ay tahay inay xalliso dhibaatooyinka amniga si ay u hesho kalsooni siyaasadeed oo dhammaystiran, loona gaaro nabad waarta kadib 30 sano oo colaado ah. Tani waxa ay ku jirtaa la dagaallanka Al-Shabaab oo weli khatar weyn ku haya xasilloonida dalka.

“Haddaba, mushkiladda ugu weyn ee arrinta Soomaaliya iyo Somaliland waa Muqdisho. Haddii Muqdisho xalliso dhibaatooyinka siyaasadeed iyo amniga ee gobollada kale, Somaliland ma heli lahayn sabab adag oo ay ku doodo. Sidaas darteed ku eedeynta Somaliland waxba ma tarayso, ee aynu Muqdisho ka shaqeysiino,” ayuu yiri.

Hadalladiisu waxay lamid yihiin kuwii safiirkii hore ee Maraykanka u joogay Soomaaliya Larry Andre, kaasoo sheegay in aqoonsiga degdegga ah ee Somaliland uu dhalin karo xasillooni darro dheeraad ah. Waxaase uu soo jeediyay in Maraykanku ka furan karo qunsuliyad magaalada Hargeysa si ay ugu fuliso adeegyada diblomaasiyadeed.

Muqdisho, 24ka Agoosto 2025 𝙎𝙖𝙬𝙞𝙧𝙠𝙖 𝙏𝙤𝙙𝙤𝙗𝙖𝙖𝙙𝙠𝙖 – Boolis tababaran, oo xirfad leh waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah horumarinta sharciga iyo xoojinta nabadda iyo xasilloonida ee Soomaaliya, QM iyo la-hawlgalayaasheeda waxay ka taageerayaan tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed dhinacyo kala duwan, oo ay ku jiraan dhisidda kalsoonida bulshada iyo la dagaallanka xadgudubyada ku saleysan jinsiga.

Waxaa halkan ka muuqada xubno ka qaybqaadanaya kulan kooxeed tababar ah oo uu Booliska QM hoggaaminayey, oo ka dhacaya magaalada Baydhabo ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Muqdisho  24ka Agoosto 2025 Hantidhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale, ayaa soo bandhigay warbixin dhameystiran oo laga diyaariyay baaritaanno xagga maaliyadda ah oo lagu sameeyay qaar ka mid ah hay’adaha dowladda iyo mashaariicda lala xiriirinayo ururo caalami ah.

Axmed Ciise Guutaale ayaa soo bandhigay in Maxkamadaha dalka ay diideen in la baaro, lacagta ay qaadaanna aysan ku shubin Qasnada Dowlada Soomaaliya, Warbixinta ayaa lagu sheegay in 24 hay’adood oo dowladeed loo qorsheeyay in la baaro, balse 21 kaliya la baaray.

Hanti Dhowre Axmed Ciise Guutaale ayaa xusay in 3 hay’adood oo kala ah Maxkamadda Sare, Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ay si cad u diideen in baaritaan lagu sameeyo.

Sida uu sheegay Hantidhowre Guutaale, hay’adahan ayaa lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah u maamuleen lacag dhan $1,089,998.76, taasoo laga qaaday dad rayid ah iyadoo aan la heyn sharci caddaynaya sababta loo ururiyay.

Waxaa kale oo warbixinta lagu xusay in gawaari deeq ah oo loogu talagalay safaaradda Soomaaliya ee dalka Cumaan ay si qarsoodi ah u qaateen xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Arrintan ayaa si weyn u dhaawacaysa sumcadda dowladda Soomaaliya, iyadoo deeqihii dibadda loogu talagalay adeegga dadweynaha ay noqdeen kuwa la leexsado.

Sidoo kale Axmed Ciise Guutaale ayaa shaaca ka qaaday in Hay’adda Qaramada Midoobay ee WFP (World Food Programme) lagu eedeeyay in aysan si habboon u maareyn mashaariicda loogu talagalay dadka rayidka ah ee ay ka waddo gudaha Soomaaliya.

Inkasta oo hay’addu ay sheegto inay caawiso dadka nugul, haddana baarista Hantidhowraha ayaa muujisay in aanay jirin habraacyo daah-furan oo lagula xisaabtamo sida loo fuliyo mashaariicdaas.

Warbixintu waxay sidoo kale si adag u tilmaantay in ay jiraan 57 markab iyo 17 doonood oo si sharci darro ah uga kalluumeysanaya biyaha Soomaaliya, iyada oo aan dowladda Federaalka ayan qaadin wax tallaabo ah ilaa hadda, Arrintani oo khatar weyn ku tahay khayraadka dabiiciga ah ee dalka iyo dhaqaalaha bulshada xeebaha ku nool.

WARARKA MAANTA 23ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi ugu baaqay inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh oo siyaasadda iyo hoggaaminta dalka ku fashilmay? \Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  

Maraykanka, Khamiis, 22 Agoosto 2025 Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag u weeraray qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dalka, isaga oo uga digay in aysan isku dayin inay ku kacaan abaabul ciidan ama hubeysan.

Hadalkan ayaa yimid xilli ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo cakiran, kadib markii wada-hadallo dhowaan Muqdisho ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay guuldareysteen.

Wasiirka ayaa si gaar ah u magacaabay madax hore oo dalka soo hoggaamiyay, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad

Fiqi ayaa ku eedeeyay siyaasiyiintan inay hurinayaan khalkhal siyaasadeed, isla markaana ay suurtagal tahay inay wadaan qorshayaal ciidan oo wax u dhimi kara amniga dalka. 

Waxa uu sheegay in haddii ay isku dayaan abaabul ciidan ama kicin bulsho, dowladda aysan ka labalabeyn doonin inay tallaabo adag ka qaaddo.

“Waa in aysan ku fakarin inay hub u qaataan Dowladda si ay u cabsi geliyaan dowladda ama shacabka, Qof kasta oo isku daya arrintaas, wuxuu la kulmi doonaa awoodda sharciga iyo ciidan Qaran,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Hadalkan ayaa daba socday kadib markii uu fashil ku dhammaaday kulankii siyaasadeed ee dhowaan ka dhacay Muqdisho, kaasoo lagu doonayay in xal laga gaaro khilaafaadka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Mucaaradku waxa ay cabasho ka muujiyeen hanaanka doorashada ee la filayo, maamulka doorashooyinka, iyo doorka dowlad-goboleedyada.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadeed waxay aaminsan yihiin in hadalka Fiqi uu yahay isku day lagu cabsiinayo mucaaradka si ay uga waantoobaan abaabulka siyaasadeed ee ay wadaan, Halka kuwa kalena ay rumeysan yihiin in ay jirto cabsi dhab ah oo la xiriirta suurtagalnimada in mucaarad hubeysan uu kusoo laabto siyaasadda Soomaaliya, taas oo waayaha dhow ay dalka marar badan horey ugu dhaceen.

Somaliland Khamiis, 23 Agoosto 2025 Madaxweynaha Somaliland ayaa bogaadiyay hadalkii uu ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, garab istaaga ugu muujiyay Somaliland, isaga oo dhanka kale dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ku eedeeyay inay faragelin ku hayso Somaliland.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo soo dhaweeyay hadalka Rooble, ayaa yidhi: “Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee garawsaday in Somaliland wax weyn qabsatay, xaqna u leedahay madaxbannaanideeda, oo uu ugu horreeyo ra’iisul wasaarihii hore Rooble.”

Waxa uu sheegay in taa beddelkeeda ay jiraan siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ka xun horumarka Somaliland iyo in la aqoonsado, isaga oo ugu baaqay inay ku daydaan siyaasiyiinta Somaliland wanaagga la jecel. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland hore u soconayso oo cid joojin karta aanay jirin.

“Bahalka waraabaha la yidhaahdo ayay Soomaalidu tidhaahdaa ula lala gaadhi waa, afxumana waxba lagaga tari waa, markaa Somaliland waxba yeeli maysaan. Somaliland way soconaysaa, meesha ay u socotana way gaadhaysaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Waxa uu sheegay in Somaliland nabad jeceshahay, rabtana inay dariskeeda nabad kula noolaato, laakiin ay diyaar u tahay inay dhulkeeda difaacdo. Waxa kale oo uu sheegay in dadka reer Laascaanood ay reer Somaliland yihiin, gobollada Sool iyo Sanaagna ay Somaliland ka mid yihiin.

“Difaaca dalku gorgortan gali maayo, Somaliland-na waa la yaqaannaa, xuduudaheedana waa la yaqaannaa. Soomaaliya faragelinta qaawan ee ay ka waddo bariga Sool si weyn ayaannu u cambaaraynaynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ku hawlantahay hagardaamada Somaliland, isaga oo sheegay inuu ka xun yahay sida ay dowladda Soomaaliya u wajahday arrimaha Somaliland.

Maraykanka, Khamiis, 22 Agoosto 202 Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), gaar ahaan Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaano dhaca galbeedka gobolka Baay, halkaas oo ay gabaad ka dhiganayeen maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan sifeynta ah ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Garas-gamaan, Xinshiloole, iyo Waneey, kuwaas oo ku yaalla inta u dhaxaysa gobolka Baay iyo Bokool, una jira qiyaastii 40km magaalada Waajid ee gobolka Bokool.

Dhamme Onkod Macallin Aadan, oo ah Taliyaha Ururka 45-aad ee Guutada 8-aad, ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka uu guul ku soo dhamaaday. 

Waxa uu sheegay in ciidanku si guul leh uga hortageen falal khatar ah oo ay maleegayeen Al shabaab, kuwaas oo doonayay inay khal-khal galiyaan xasiloonida deegaannadaasi.

“Ciidanku waxay fashiliyeen dhagar ay Al shabaab qorsheynayeen, Ujeeddadeennu waa sifeynta guud ee deegaannada, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan amni buuxa,” ayuu yiri Dhamme Onkod.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan dalka oo dhan, si loo xoreeyo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Al shabaab loona sugo amniga shacabka Soomaaliyeed.

WARARKA MAANTA 22ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu Raysal Wasaare hore Mudane Maxamed Xuseen Rooble “Baahane” ugu hanjabay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo wakhtiga/xilliga madaxweynenimada la ka spp dhammaanayso? Maxuu Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi ugu baaqay inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh oo siyaasadda iyo hoggaaminta dalka ku fashilmay? \Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  

Maraykanka, Khamiis, 22 Agoosto 2025 Garsoore federaal ah oo Mareykan ah ayaa go’aamiyay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda aysan adeegsan karin mamnuucidda socdaalka ee uu Donald Trump soo rogay si ay u diido fiisaha dadka ajaanibta ah ee codsada.

Go’aankan wuxuu khuseeyaa 82 qof oo doonayay inay fiiso helaan, balse weli waxaa suurto gal ah in loo diido inay gudaha u soo galaan Mareykanka marka ay yimaadaan garoomada ama shirkadaha diyaaradaha loo diro amar ah in aanay soo qaadin.

Garsooraha ayaa sheegtay in sharciga uu Trump ku salleeyay mamnuucidda uusan siin Wasaaradda Arrimaha Dibadda awood ay fiiso ku diido, inkastoo weli la celin karo dadka marka ay yimaadaan.

Dacwadda waxaa gudbiyay dad ka kala yimid Afghanistan, Burma, Togo, Soomaaliya iyo Iiraan oo ku guuleystay barnaamijka diversity visa.

Qareenka dacwadda, Curtis Morrison, ayaa sheegay in go’aanka uu yahay horumar yar, inkastoo aanu dadkaasi weli siin fursad ay ku galaan Mareykanka.

Bishii la soo dhaafay, garsoore federaal ah oo ku sugan Seattle ayaa xukumay in mamnuucidda socdaalka ee ugu dambaysay ee Trump aan loo adeegsan karin in lagu hor istaago qaxootiga xaqa u leh inay galaan Maraykanka, taasoo ka dhalatay amarro hore oo lagu muransanaa maxkamadihii la xiriiray hakinta gelitaanka qaxootiga ee Trump.

Si kastaba ha ahaatee, maxkamad rafcaan federaal ah ayaa dhowr maalmood ka dib hakisay xukunkaas.

Muqdisho, Khamiis, 21 Agoosto 2025 Ciidamada ammaanka ee dalka Talyaaniga ayaa dhawaan gacanta ku dhigay muwaadin Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug leeyahay howlaha tahriibinta dadka si sharci-darro ah ugu soo gala dalkaas. 

Sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda Talyaaniga, ninkan ayaa loo haystaa inuu qeyb weyn ka yahay shabakad tahriibin ah oo dadka ka keenaysa Afrika gaar ahaan Soomaaliya kuwaasi oo naftoodi ku biimeeya inay maraan waddooyin khatar badan si ay u gaaraan Yurub.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Talyaaniga ayaa sheegay in ninkan hadda lagu hayo baaritaan rasmi ah, iyadoo kiiskiisa wali uu ku jiro heer tuhmanimo, mana la shaacin magaciisa sababo la xiriira baaritaanka socda.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay si dhow u daba-galayaan dhaqdhaqaaqyada ninkan iyo wax is-dhaafsiga lacagaha ee laga shakisan yahay inuu la xiriiro tahriibinta. \

Marka caddeymo ku filan la helo, waxaa la filayaa in kiiska loo gudbiyo maxkamad, halkaas oo haddii dambiga lagu helo uu wajihi karo xabsi dheer.

Arrintan ayaa markale muujinaysa sida ay dowladda Talyaanigu uga go’an tahay la dagaalanka tahriibka iyo shabakadaha dadka ka ganacsada, iyadoo sidoo kale la tacaaleysa cadaadis sii kordhaya oo dhanka socdaalka ah.

Sanadihii u dambeeyay, Talyaanigu wuxuu maalgelin badan geliyay xakameynta qulqulka muhaajiriinta, kuwaas oo intooda badan kasoo cararaya duruufo adag sida dagaal, saboolnimo, ama dhibaatooyin siyaasadeed oo ka jira waddamadooda, gaar ahaan Soomaaliya.

Dadka badbaaday ee laga soo badbaadiyay tahriibka ayaa sheegay in safarkoodu uu ahaa mid aad u khatar badan, ayna la kulmeen dhibaatooyin naxdin leh.

Waraysiyo lala yeeshay qaar kamid ah muhaajiriintaas ayaa muujinaya in ay jiraan dad horey u joogay Talyaaniga kuwaas oo si dadban ama toos ah uga qeyb qaata hagidda dadka cusub ee tahriibka ku yimid, taasoo sii murjinaysa dagaalka lagula jiro shabakadaha ka ganacsada dadka.

Muqdisho, Khamiis, 21 Agoosto 2025 Munaasabad lagu daahfuray Buugga lagu magacaabo Dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, Waxaana ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Waxbarashada XFS iyo Masuuliiyiin kale.

Masuuliyiinta kala duwan ayaa bogaadiyay bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya, kaas oo lagu soo gudbiyay aragtiyo wanaagsan oo la xariira Dowlad-dhiska iyo habka in loo maro ay tahay.

Muqdisho, Khamiis, 21 Agoosto 2025 Rooble ma xumma ee siyaasadda ayaan sharaf lahayn

Fool-xumada siyaasaddu leedahay ayay kamid tahay fal-celinta abaabulan ee caayda wadata ee laga bixinayo qud-baddi shalay ee  RW hore Rooble, kuwa haddalkiisa dhibsanaya maanta waa isla kuwii  shalay u riyaaqayay warqad kasta uu soo saaro.

Rooble  waxa loo arkayay shalay nin dan-guud u taagan oo aan xil doon ahayn oo hoggaaminayay doorashada dalka  isaga oo aan ka qeyb-galeynin tartanka. Laakin Maanta waxaa loo arkaa  siyaasi leh damac shaqsi ah ama xil-doon ah,  taas waaye waxa isbaddalay.

Rooble dalkan marxalad taariikhi ah ayuu ka gudbiyay, oo mudan in lagu xusuusto. Ma aqaan waxa ka qaaday “iimaanki uu shalay isaga oo Raysal wasaare ah uga haray tartanka ee maanta isaga oo bannaanka jooga ku yiri xukun raadi”?

Anigu hal talo ayaan siin lahaa Rooble, laakin Aabahay baan ka hayaa laba qof ba  lalama taliyo ” Nin Xil- doonaya iyo nin xile-doonaya”.

Muqdisho, Khamiis, 21 Agoosto 2025: Waxaan akhriyey maqaal uu bartiisa Substack ku qoray Larry André safiirkii hore ee Maraykanka ee Soomaaliya oo haatan ah bare Jaamacadeed, isaga oo bixiyey talooyin ku aaddan siyaasadda Maraykanka ee la xiriirta aqoonsiga Soomaaliland

“Maraykanka dhib toos ah ka soo gaarimayo haddii uu aqoonsi hal dhinac ah siiyo Soomaaliland, balse dadkii dhibta ku noolaa ee Gobolka ayuu silica ku sii kordhayaa. Danta Maraykanka waxay ku jirtaa Geeska Afrika oo nabad ah, xasilloon, oo horumar ku tallaabsada. Qowmiyada Soomaalida iyo qabiillada ay u kala baxaan waxay kaalin kala duwan ku leeyihiin Itoobbiya, Kiiniya, Jabbuuti iyo Soomaaliya, deegaanka qabaa’ilkuna wuxuu ku fidsan yahay dawladaha ay deriska yihiin. Soomaali badan haybta qabiilka ayaa kala awood weyn tan qarannimada. Tallaabo kasta oo xisaabta qabiilka dheellida waxay keeni kartaa falcelin ka timaadda qabaa’il hubaysan oo aan xukun dawladeed hoos joogin. Sanadihii la soo dhaafay Gobolka horumar ayaa ka jiray, dibu-dhacna wuu la socday. Haddaba, waxaan jeclaan lahaa in horumarku xooggaysto, sababta oo ah diblomaasiyadda iyo caafimaadka waxa mideeya: haddii aadan cudurka waxba ka qaban karin, ugu yaraan ha uga darin”

Wuxuu ka digay in Maraykanku aqoonsi hal dhinac ah siiyo Soomaaliland, isagoo qoddobo dhowr ah dul istaagay ;-

1. In aqoonsi hal dhinac ahi xadgudub ku yahay xeerarkii caalamka, iyo in ay jabinayso aqoonsiga caalamiga ah ee xuduudihii Soomaaliya ee 1960, taas oo kala geyn doonta Midowga Afrika iyo saaxiibbada lafdhabarka u ah la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah. Waa suuragal haddii ay Somalia iyo Somaliland ku heshiiyaan in ay kala go’aan sida Koonfurta Suudaan iyo Eritrea ay Suudaan iyo Itoobiya u kala baxeen.

2. Wuxuu kaloo sheegay in madaxbannaanida ay inta badan u ololeynaya qabiilka ugu badan Soomaaliland ee Isaaqa oo uu dhib laxaad lihi ka soo gaaray Rajiimkii Siyaad Barre, isagoo sheegay in qabaa’ilka kale ee Dirta iyo Daaroodka ahi waxay doonayaan is-maamul hoostaga dawladda federaalka ee Soomaaliya, hasayeeshee aragtiyahooda taageeraya midnimada waxa cabburiyey maamulka Soomaaliland. Wuxuu sheegay mar uu Muuse Biixi waydiiyey sababta aan loo oggolayn dadka midnimada Soomaaliya aaminsan in ay si xor ah aragtidooda u cabbiri karaan gudaha Somaliland, ayuu iigu jawaabay; “ma oggolin, waxaana u aragnaa khiyaano qaran.”

3. In danaha Maraykanka dhaawac ka soo gaari dooono khilaaf ka yimaadda xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya, Midowga Afrika iyo saaxiibbada kale, taas oo ay ka faa’iidaysan karaan quwadaha waawayn ee Maraykanka la loollamaya. Taywaan oo qura ayuu sheegay in ay Soomaaliland aqoonsan tahay, iyaduna aysan Qarammada Midoobay ka mid ahayn, cid aqoonsana aanay jirin.

4. Wuxuu sheegay in uusan arag cadaymo taageeraya eedaynta loo jeediyo maamulka Soomaaliland ee ah in xiriir isku danaysi ah kala dhaxeeyo kooxda AS, taasoo gabbaadsiinta AS looga beddeshay in aysan weeraro ku qaadin Soomaaliland. Wuxuu se sheegay in ay Soomaaliland ka faa’iideysato dagaalka caalamiga ah ee AS la gula jiro ee Koonfur ka socda, oo haddii ay qabsadaan Koonfurta, aysan Somaliland ka badbaadi karin.

5. Wuxuu qiray in Soomaaliland ay ka xasillooni badan tahay Soomaaliya dhanka amaanka, horumarka dhaqaalaha iyo siyaasadda intaba.

6. Wuxuu dawladda Soomaaliya ee Muqdisho ku eedeeyey fashilka wadahadalladii u dhexeeyey labada dhinac, gaar ahaan kuwii Jabbuuti ka dhacay sanadkii 2020,  isaga oo sheegay in ay wax ka socon waayeen madaxweynihii xilligaa talada hayey, isaga oo tilmaamay in haddii si daacadnimo leh oo hal’abuur leh loo wajaho wadahadalka laga mira dhalin karo, wuxuuna soo jeediyey kala doorashooyin dalal kala duwan ku xalliyeen mushkilad tan oo kale ah.

Talada André ee uu dawladiisa u soo jeediyey:

1. La falgal, oo ha xukumin: Maraykanku waa in uu xafiis diblumaasiyadeed ka furo Hargeysa, (magaala madaxda Soomaaliland), kaas oo hoos tagaya danjiraha Muqdisho. Tani waxay suurtagelinaysaa xiriir qotodheer, iyada oo aan la gaarin go’aan degdeg ah oo ku saabsan madaxbannaanida.

2. Fududaynta wadahadallada: ujeedka koowaadi waa in uu noqdo in dib loo bilaabo wadahadalladii Soomaaliland iyo Soomaaliya, iyada oo la raadinayo hannaan federaal oo hal’abuur leh si loo helo is maamul ballaaran. 

3. La-tashiyo ballaaran: siyaasadda waa in lagu dhiso la-tashiyo ay qayb ka yihiin: quwadaha gobolka, saaxiibbada caalamka iyo si gaar ah dadka Soomaaliland ka soo jeeda ee taageersan midnimada, iyo odaydhaqammeedka ay Soomaaliland codadkooda cabbudhisay

André oo diblomaasiyadda Maraykanka ku dhex jiray 38 sano, 24 sano ka mid ahna ka shaqaynayey Geeska Afrika iyo  Soomaaliya ayaa ugu danbayntii ku baaqay in Maraykanku tallaabada uu qaadayo ay ku dhisnaato xog-ogaalnimo, ka fiirsi iyo wadatashi, waxa uuna ka digay in tallaabo hal dhinac ahi ay keeni karto khatar ka badan waxtarkeeda.

WARARKA MAANTA 21ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u aaday #Galmudug State? Meeqo Madaxweyne ayaab baaq u soo jeediyey Madaxweynae Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Maxaa haray dhulkii dadweynaha ee danta guud? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi ugu baaqay inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh oo siyaasadda iyo hoggaaminta dalka ku fashilmay? \Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho, Khamiis, 21 Agoosto 2025 Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

Sharcigan, ayaa xoogga saaraya, sirta, bed-qabka iyo amniga nidaamyada kombiyuutarka, shabakadaha iyo barnaamijyada, ka-hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarrada, oggaanshaha, baarista, dacwad ku oogidda iyo ciqaabidda dembiyada saybarka, Ilaalinta danta guud, akhlaaqda, iyo qiyamka guud ee bulshada, ilaalinta dhaqaalaha Qaranka iyo sidoo kale kaabayaasha macluumaadka ee muhiimka ah.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga iyo howlgallada socda ee lagu ciribtirayo Khawaarijta. Iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanka qalabsida ka gaarayaan dagaalka argagixisada looga sifeynayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

—-DHAMMAAD—-

Muqdisho, Khamiis, 21 Agoosto 2025: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

Sharcigan, ayaa xoogga saaraya, sirta, bed-qabka iyo amniga nidaamyada kombiyuutarka, shabakadaha iyo barnaamijyada, ka-hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarrada, oggaanshaha, baarista, dacwad ku oogidda iyo ciqaabidda dembiyada saybarka, Ilaalinta danta guud, akhlaaqda, iyo qiyamka guud ee bulshada, ilaalinta dhaqaalaha Qaranka iyo sidoo kale kaabayaasha macluumaadka ee muhiimka ah.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga iyo howlgallada socda ee lagu ciribtirayo Khawaarijta. Iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanka qalabsida ka gaarayaan dagaalka argagixisada looga sifeynayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Muqdisho 21ka Agoosto 2025 Ugu yaraan 23 muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa geeriyooday kaddib markii laba doon oo waday muhaajiriin sharci-darro ah ay ku degeen xeebaha Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Kooxaha gurmadka ee ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa ku guuleystay inay badbaadiyaan 15 qof, sida uu sheegay Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga, Ibraahim Cumar Sheegow, Arbacadii.

Safiirka waxa uu xaqiijiyey in labada doon ay ku sii jeedeen Talyaaniga markii cilad farsamo ay sababtay in ay degaan.

Waxa uu ku booriyey dhalinyarada Soomaaliyeed in aysan halis gelin naftooda, balse ay maalgashadaan fursadaha shaqo ee gudaha halkii ay ka geli lahaayeen tahriib sharci-darro ah.

Sheegow waxa uu ugu baaqay hay’adaha amniga Talyaaniga inay daba galaan shabakadaha tahriibka si ay u badbaadiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Hay’adda IOM ayaa soo warisay in ku dhowaad 24,500 oo qof ay ku lumeen ama ku dhinteen Badda Mediterranean-ka tan iyo sannadkii 2014, iyaga oo safar kaga soo baxay Afrika kuna sii jeeday Yurub.

Dhacdadan waxay qayb ka tahay muuqaalka sii xoogaysanaya ee geeridii badda Mediterranean-ka. Sanadkan ilaa 675 qof ayaa ku dhintay badda.

Dhacdadii ugu dhimashada badnayd ee Lampedusa ka dhacday waxay ahayd 3 Oktoobar 2013, markaas oo doom ay ku saarnaayeen in ka badan 500 muhaajiriin oo ka kala yimid Eritrea, Soomaaliya, Ghana) ay ku dhinteen ugu yaraan 368 qof.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa muujisay in la dagaallanka tahriibka sharci darro ah uu u baahan yahay in lagu dhiso ka hortag iyo maarayn awood leh, halkii kaliya laga samatabbixin lahaa dhacdooyinka sida tan.

Muqdisho 21ka Agoosto 2025  Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo si gaar ah u dul istaagay aragtidiisa ku aaddan mucaaradka iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Madaxweynaha oo ku sugan magaalada Dhusamareb, ayaa tilmaamay baahida loo qabo in dalka uu yeesho nidaam siyaasadeed oqaan-gaadhr ah, islamarkaana lagu dhiso axsaab siyaasadeed oo leh aragti cad.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in mucaaradka hadda jira aysan ahayn koox mideysan oo leh aragti horumarineed oo qaran, Isagoo tusaale u soo qaatay xilligii uu isagu mucaaradka ka tirsanaa 2022, wuxuu sheegay in farqi weyn uu u dhexeeyo mucaaradkii markaa iyo midka hadda.

“Mucaaradkii aan ka tirsanaa 2022 iyo kan maanta jira waa laba kala duwan Ma jiro wax aragti mideysa, Qof walba jiho gaar ah ayuu u socdaa, taasina horumar ma kkeento” ayuu yiri Madaxweynaha. 

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay fashilmeen shan kulan oo u dhexeeyey dowladda iyo midowga mucaaradka ee loo yaqaan “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed” taasoo muujinaysa kala fogaanshaha dhinacyada.

Madaxweynaha wuxuu si gaar ah u adkeeyey muhiimadda ay leedahay in lasoo gabagabeeyo dastuurka dalka, taasoo ah ballan uu hore u qaadag xilligii doorashada, Sidoo kale, wuxuu mar kale caddeeyey in dowladda ay ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah:

“Waa in aan ka gudubnaa caqabadaha hadda taagan, sida dhamaystirka dastuurka iyo in awoodda dib loogu celiyo shacabka.”

Hadalkan ayaa u muuqda mid uu Madaxweynaha uga jawaabayo walaac ay mucaaradku ka muujiyeen sida ay wax u socdaan, gaar ahaan dhanka diyaarinta doorashada qof iyo cod ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay in laga gudbo siyaasadda ku dhisan shaqsiyaadka kaliya, lagana guuro nidaam ku dhisan dano gaar ah.

“Waa in aan ka guurno siyaasadda ay dadka keliya iska wataan, oo aan dhisno axsaab siyaasadeed oo ku dhisan mabda’ iyo aragti cad.” Ayuu yiri Xasan Sheekh 

Wuxuu intaas ku daray in nidaamka axsaabta dhabta ah uu horseedi karo isbeddel siyaasadeed iyo mid bulsho oo waara.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli kala aragti duwanaansho weyn ay ka taagan tahay jihada uu dalka u socdo, gaar ahaan dhanka siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka, Inkastoo mucaaradku ay weli walaac ka qabaan arrimo ay kamid yihiin daahfurnaanta iyo fulinta ballanqaadyada dowladda.

Muqdisho 21ka Agoosto 2025 𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗮𝗳𝘁𝗮𝘆: 𝗖𝗼𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 –– Nasteexo Maxamed Warsame waa macallimad is xilqaantay oo ku nool magaalada Garoowe, waxayna si hagar la’aan ah uga shaqeysaa horumarinta waxbarashada haweenka iyo carruurta nugul ee Puntland. Waxay aaminsantahay in marka haweenka iyo gabdhuhu ay helaan waxbarasho ay noqdaan xoogag awood leh oo isbeddel keeni kara, awoodna siin kara qoysaska, taageeri kara bulshooyinka, isla markaana ka shaqeyn kara horumarkooda.

WARARKA MAANTA 20ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Meeqo Madaxweyne ayaab baaq u soo jeediyey Madaxweynae Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Maxaa haray dhulkii dadweynaha ee danta guud? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi ugu baaqay inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh oo siyaasadda iyo hoggaaminta dalka ku fashilmay? \Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho 20ka Agoosto 2025  Bahda Qaramada Midoobay waxa ay ku faraxsantahay in ay taageertay aqoon-isweydaarsiyo ku saabsanaa Hoggaanka iyo Maareynta Warbaahinta oo ka dhacay dhowaan magaalooyinka Baydhabo iyo Beledweyne, kuwaas oo uu soo qabanqaabiyey Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SWJO).

Aqoon-isweydaarsiyadan waxaa ka qeybgalay 52 haween oo ka kala socday hay’addaha warbaahinta, intii ay socdeen tababaradan waxaa ka qeyb-galayaashu is dhaafsadeen xog iyo aqoon wadaag la xiriira kaalinta Hoggaanka iyo Maamulka Warbaahinta iyo sidii gabdhaha warbaahinta ku jira ay qeyb weyn uga qaadan lahaayeen maamulida howlaha warbaahineed ee dalka.

Gabdhaha weriyeyaasha ayaa sidoo kale fahan buuxa ka qaatay hoggaaminta u nugul jinsiga, qorsheynta istiraatiijiga ah ee warbaahinta, go’aan qaadashada anshaxa leh, badbaadada werinta xilliyada qalalaasaha iyo qodobbo kale.

Qaramada Midoobay waxa ay aaminsantahay in weriyeyaal leh tayo iyo xirfad sare ay muhiim u yihiin horumarka Soomaaliya

Muqdisho 20ka Agoosto 2025   Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay markale xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo dhalinyara ah oo ka tirsana kooxda Al-shabaab. 

Labada nin ee saakay aroortii hore Maxkamadda ciidamada dilka toogashada ku fulisay ayaa lagu kala magacaabi jiray Saleebaan Xuseen Nuur Cali oo sidoo kale looga dhex garanayay Cali iyo Siyaaf iyo Cabdulqaadir Abuukar Axmed oo isna loo yaqiinay Nasrudiin iyo Saabir.

Ragaan ka tirsana kooxda ayaa horay loogu dambiyo la xariira iney Muqdisho ka geysteen dilalka askar iyo dad shacab ahaa oo uu ku jiray ganacsade caan ahaa.

Labadaan nin ee saakay la toogtay ay marar kala duwan kasoo hor muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, waxaana goobta saakay lagu toogtay ku sugnaa saraakiil ciidan iyo ehelada qaar ka mid ah dadkii ay horay u dileen.

Ugu dambeyntii waa markii sadaxaad ee bishaan gudaheeda Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ay xukuno dil toogasho ah ku fuliso rag ka tirsan Al-shabaab oo horay xukuno toogasho ah ugu riday Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. 

Maraykanka  20ka Agoosto 2025  Safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya, larry Andre. ayaa ugu baaqay dowladda Mareykanka in ay si taxaddar badan uga fiirsato arrinta Somaliland, xilli ay sii xoogeysanayaan codadka gudaha Mareykanka ee ku baaqaya in maamulka Hargeysa loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Diblomaasigan ayaa sheegay in Geeska Afrika uu ku jiro xaalad aad u kacsan oo ay ka jiraan dagaallo iyo khilaafaad gudaha iyo dal-dal ah, taas oo ka dhigaysa in go’aan kasta oo degdeg ah oo ku saabsan Somaliland uu khatar ku noqon karo xasilloonida gobolka iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Wuxuu ku taliyay in Washington aysan qaadin tallaabooyin hal dhinac ah oo iskeed ah, balse ay wadatashi ballaaran la sameyso dalalka deriska sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Uganda, iyo sidoo kale hoggaanka Midowga Afrika, si loo hubiyo in go’aanka la gaarayo aanu waxyeello u geysanayn gobolka.

Ergaygu wuxuu soo jeediyay saddex waddo oo Mareykanku qaadi karo: in xaaladda lagu sii hayo sidii ay ahayd, in la furo xafiis diblomaasiyadeed oo Hargeysa ah iyadoo weli safaaradda Muqdisho shaqeyneyso, ama in si rasmi ah loo aqoonsado madax-bannaanida Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyay in doorbiddiisu tahay ikhtiyaarka dhexe, kaas oo ah in la furo xafiis Hargeysa laga maamulo si diblomaasiyaddu ugu fududaato labada dhinac, isla markaana Washington ku dhiirrigeliso Hargeysa iyo Muqdisho inay dib u bilaabaan wada-hadallo rasmi ah oo lagu gaaro xal siyaasadeed.

Diblomaasigan ayaa si gaar ah uga digay in aqoonsi hal-dhinac ah oo Mareykanku siiyo Somaliland uu dhaawici karo xiriirka uu la leeyahay shacabka Soomaaliyeed ee taageersan midnimada, isla markaana uu sii hurin karo khilaafka qabiillada oo ah arrin nugul oo gobolka ka jirta.

Isagoo ka hadlayay xaaladda gudaha Somaliland, wuxuu sheegay in maamulka Hargeysa uu leeyahay heer amni iyo maamul ka wanaagsan inta kale ee dalka, balse taasi aysan meesha ka saari karin xaqiiqda ah in arrinta Somaliland u baahan tahay xal waara oo lagu wada qanco. Waxa uu intaa ku daray in Puntland iyaduna gaartay guulo la mid ah amni iyo horumar iyadoo weli qayb ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa sheegay in guusha Soomaaliya iyo Geeska Afrika guud ahaan ay ku xirnaan doonto laba arrimood oo waaweyn: dib u heshiisiinta iyo xalinta arrinta Somaliland, iyo xoreynta dhulka ay weli gacanta ku hayaan Al-Shabaab. Wuxuu shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay nabad, xasillooni iyo guul mustaqbalka dhow.

WARARKA MAANTA 19ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi ugu baaqay inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh oo siyaasadda iyo hoggaaminta dalka ku fashilmay? \Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Shabeele Dhexe  19ka Agoosto 2025 Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ku guda jira booqashadiisa furimaha hore ee dagaalka, ayaa maanta tegay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Qorilow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiir Fiqi ayaa kulan xogwareysi ah la qaatay  hoggaanka ciidanka qaranka ee ku sugan halkaas, isaga oo bogaadiyay  geesinimada iyo adkaysiga ay muujiyeen ciidamada inta uu socday  dagaalka  ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku celiyay sida ay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu mideysan yihiin taageerada iyo garab istaagga ciidanka qaranka, isagoo ku ammaanay guulaha ay ka  gaareen cadawga

Muqdisho 19ka Agoosto 2025  Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed, oo ay ka taageerayeen saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga SSoomaaliya ayaa shaaca looga qaaday in Howlgalkan uu si gaar ah loogu bartilmaameedsaday saldhigyo iyo godad ay ku dhuumanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Intii uu socday howlgalku, kumaandooska Danab waxay dileen in ka badan 100 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ku jiraan saraakiil muhiim ah. 

Warka Wasaaradda ayaa intaa la raaciyay in Al shabaab kii la bartilmaamaysaday Godadkoodii iyo difaacyadoodii dhulka hoostiisa ahaa lagu burburiyay duqeymo cir iyo dhul isugu jiray, halka ciidanka Danab ay dhanka dhulka ka galeen si ay u xaqiijiyaan gacanta buuxda ee deegaankaas.

Warbixino sirdoon ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay qorsheynayeen inay iska caabiyaan Howlgalka Duufaanta aamusan, oo ah duullaan ballaaran oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidamada AUSSOM ee ka howlgala guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose.

“Weerarkan ayaa dharbaaxo culus ku noqday Al-Shabaab, waxaana uu daba socdaa guulo is xigxigay oo laga gaaray deegaannada Sabiid, Caanoole, iyo Bariire” ayaa lagu yiri Bayaanka Wasaaradda.

Puntland 19ka Agoosto 2025 =27 qof ayaa u geeriyootay cudurka Gowracatada (diphtheria) oo ka dillaacay Puntland, halkaas oo ilaa 482 xaaladood oo la xaqiijiyey laga diiwaangeliyey. 

Tirada ugu badan ee kiisaska ayaa laga soo sheegay magaalada Gaalkacyo ee Mudug (178 xaaladood iyo 7 dhimasho), halka degmada Iskushuban ee gobolka Bari laga diiwaangeliyay heer dhimasho 5 dhimasho.

Faafitaanka iyo dhimashada ka dhalatay cudukan ayaa loo sababeeyay daryeel xumada caafimaad iyo helitaan la’aanta daawada diphtheria antitoxin, taas oo muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo in la xoojiyo maaraynta kiisaska iyo helitaanka daaweyn waqtigeeda ah.

Cudurku oo ah mid si fudud u faafo balse tallaal looga hortagi karo, ayaa si xawli leh ugu sii faafaya Puntland, taas oo cadaadis culus ku saartay nidaamka caafimaadka.

Intii u dhaxeysay Janaayo iyo Maajo 2025, kiisaska ayaa kordhay ilaa 18.2% marka loo barbardhigo toddobaadkii hore ee tirakoobka la sameeyay, waxaana kiisaska si joogto ah loo soo sheegayay muddo 27 toddobaad ah.

Masiibadan hadda taagan waxay salka ku haysaa dhacdooyin soo bilaabmay Janaayo 2023, markii Puntland markii ugu horreysay ay soo food saartay dib-u-soo-kicidda cudurka diphtheria. 

Xaaladdii ugu horreysay waxaa la ogaaday kadib markii qof laga soo gudbiyey koonfurta dhexe ee Soomaaliya la dhigay Isbitaalka Weyn ee Mudug, waxaana isla toddobaadkaas geeriyooday ilmo kale. Isla sannadkaas kiisas hor leh ayaa ka soo muuqday gobollada Bari iyo Sanaag.

Laascaanood 19ka Agoosto 2025  Ina Jabuutaawi horta markiiba imisa kiiloo jaada buu cunaa cod uu soo duubay baan dhagaystay waxuu ka hadlayo waxuu fahansanyahayba maahan labo kobal oo Puntland kamid ah oo kala Hayland iyo Sanaag in Dhulbahante iyo Xasan Sheekh isku raaceen in Puntland lagajaro miyuu fahmi waayay mise wixiisu waa markii indho gardaran ooyaan maxaa moodaa kuwo gar leh weeye

Ina Jabuutaawi maantay maxuu dareemilahaa haddii Xasan Sheekh oronlahaa Buuhoodle Puntland baan u aqoonsanay Puntlandna kuraaci lahayd waxuu dareemi lahaa baa reer Puntland dareemayaan ee waxba yuusan boor isku qarane Warsangalina isku xoqine garadardiisa haku socdo ama khaladkuu galay raalli galin haka baxsho hadduu ehelnimo xeerinayo

Muqdisho 19ka Agoosto 2025 Ciidamada Booliska ayaa xertay Wariye Cumar Guux oo kamid ah Warieyaasha Soomaaliyeed, Wariyahan ayaa Mudooyiinkii dambe hanjabaado kala kulmayay Rag ka tirsan Booliska Soomaaliya kuwaasi oo adeegsanayay kalimado ay kamid yihiin “Ma adiga oo Jareer ah ayaa ka hadli kara Warar Quseeya Dowlada”

Cumar waa Wariyr Mudo katirsan Warbaahhinta Soomaaliya xirfad tabinedna leh waxaana loo heystaa loona xeray sidee adiga oo Jareer ah aad u gaartay heerka aad ka joogto warbaahinta una tabineysaa wararka lidiga nagu ah.

Wixii kasoo kordha Xerega Cumar waan idiin la wadaagi doonaa insha Allaah.

Muqdisho 19ka Agoosto 2025 Ciidamada Gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dhufaysyada iyo gabaadyada ay Khawaarijta Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayeen.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah. Godadkii iyo gabaadyadii ay kooxdu isku dayayeen inay isku qariyaan ayaa lagu dumiyay duqaynta cirka, halka cutubyada Danab ay gudaha u galeen goobihii cadowgu ku sugnaa si loo xaqiijiyo guusha howlgalka.

Xogta sirdoonka ayaa muujisay in Khawaarijtu ay u diyaargaroobayeen sidii ay isaga caabin lahaayeen hawlgalka ballaaran ee “Duufaanta Aamusan” oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM ka wadaan deegaannada Shabeellaha Hoose. Howlgalkaan ayaa dhabar jab culus ku noqday kooxda, kadib markii todobaadyadii la soo dhaafay si isdaba joog ah loogu jabiyey Sabiid, Caanoole iyo Bariire.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku wadaan sidii loo ciribtiri lahaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, loona xaqiijin lahaa amniga shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho 19ka Agoosto 2025  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira la xisaabtanka Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran ee Tiirka Arrimaha Bulshada iyo Dowlad-Wanaagga, ayaa waxa ay u soo bandhigeen waxyaabaha uga hirgalay heshiiskii ay kala saxiixdeen sanad ka hor ee ku aaddanaa barnaamijyada horutabinta u leh iyo hadafyada laga doonayey in ay xaqiijiyaan.

Guulaha ay soo bandhigeen wasaaradaha muddadii sanadka ahayd, ayaa saldhig u ah, hufnaan iyo isla-xisaabtan,  taas oo dhabbaha u xaareysa Soomaaliya ku dhisan sinnaan, caddaalad, horumar iyo gaarsiinta dadweynaha Soomaaliyeed adeegyada ay u baahan yihiin.

Wasaaradaha ku midaysan Tiirka Arrimaha Bulshada iyo Dowlad-Wanaagga, ayaa si wadajir ah uga shaqeeyay horumarinta adeegga bulshada, kor u qaadidda caafimaadka iyo waxbarashada, xuquuqda aadanaha, daryeelka qoyska, xoojinta dhaqanka iyo diinta, kobcinta fursadaha dhallinyarada, ilaalinta deegaanka,  kor u qaadidda wacyiga bulshada,  iyada oo loo marayo warbaahinta, bahda dhaqanka iyo culimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wasiirrada mid mid u weydiiyey su’aallo ku saabsan waxyaabaha uga hirgalay yoolashii la dejiyey ee ay sanad ka hor la wadaageen shacabka Soomaaliya, si loo qiimeeyo, isla markaana horey loogu sii wado guulaha la gaaray.

Mudane Xamsa oo uga mahadceliyey Wasiirrada shaqada baaxadda leh ee ay qabteen, ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay muhiim u tahay in la sii dardargeliyo shaqada, lana joogteeyo isla xisaabtanka lagu horumarinayo hufnaanta hey’adaha dowladda.

—Dhammaad—

WARARKA MAANTA 18ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa raba in la cayriyo/eryo Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “Waarikoow/Dhaweeye”?  Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho 18ka Agoosto 2025 Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in howlgal qorsheysnaa oo ka dhacay deegaanka Buurdhuxunle ee gobolka Bakool lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsana kooxda Al-shabaab.

Sarkaalkan ayaa magacabiisa lagu sheegay Xuseen Macalin Xasan (Magaalabeen), kasoo ay Wasaaradda Difaacu sheegtay inuu ka tirsanaa Al-shabaab mudo 15 sano ah.

Warsaxafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in sarkaalkan uu kasoo howlgalay gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose, Mudug, Galgaduud, Baay, Bakool iyo Gedo, isagoona xilalka kala duwan soo qabtay.

“Dhagarqabaha la khaarajiyay Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen) wuxuu horay soo noqday:

* Madaxa howlgelinta dagaalka ee Gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.

* Madaxa baadda xoolaha ee gobolka Bakool.

* Madaxa sirdoonka kooxda ee gobollada Labada Shabeelle iyo Hiiraan.

Sidoo kale waxaa uu soo noqday ku-xigeenkii Fu’aad Maxamed Shongole ee marin-habaabinta iyo faafinta afkaaraha xagjirka ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. 

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay sido kale cadeysay in howlgallada noocaan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa inta laga ciribtirayo kooxda guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.

Muqdisho 18ka Agoosto 2025 Isla-xisaabtanka wax-qabadka Xukuumadda DanQaran inta uu socdo waxa aan ka wada hadli doonaa qorsheyaashii aan shacabka Soomaaliyeed la wadaagnay wixii inooga hirgalay, caqabadaha yimid iyo waxa inala gudboon, saddex sano ayaan soo dhammaynay waxaan galnay sanadkii afaraad, waxaan hubaa waddanka in aad shaqo wayn ka qabateen dhinac kasta marka laga fiiriyo.

Saddex sano ka hor markii aad timaaddeen iyo maanta labo waji oo kala duwan ayey leedahay magaalada Muqdisho, haddii ay tahay dhanka horumarka iyo amniga, intaas Muqdisho iska badeshay in la eg ayaa iska badeshay dalka oo dhan, haddii ay tahay dhanka dhaqaalaha, horumarka, adeegga bulshada, siyaasadda iyo arrimaha dibedda.

Waxaa la hubaa isbeddelkaas in uusan iskaga imaan si kadis ah ee uu  ku yimid dadaal ay bixiyeen Golaha Wasiirrada oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada kale ee aan leenahay, waana idinkaga mahadcelinayaa dadaalka aad muujiseen, iyada oo caqabado badan oo dhinac walba leh ina horyaallaan.

Ummaddii nasiib leh waxaa haga dowlad wanaagsan, oo leh arag iyo qorsheyaal cad-cad, isla markaana leh akhlaaq siyaasadeed, dhaqameed oo lagu dayan karo, intaas hadday meesha ka baxdo hoggaan iyo dowladnimo wanaagsan ka jiraan.

Soomaaliya aragti fog oo dhigan oo jiilba jiil ka dhaxlo hadda ka hor ma yeelan, Dowladdan uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ay la timid aragti dheer oo la rabo soddon iyo shan sano in ay socoto Xukuumadda DanQaranna waxa ay la timid qorsheyaashii lagu gaari lahaa aragtidaas xaqiijinaysa jid wanaagsan oo la iska dhaxli karo.

Barri laga bilaabo waxa aan is weydiinayno waa qorsheyaashii aan dhiganay ee kala saxiixanay, ayaan eegaynaa waxa inooga hirgalay, wixii inoo hirgalay waa inoo hirgaleen ee wixii inoo hirgali waayey maxay inoogu hirgeli waayeen, taas ayaan is weydiin doonaa iyo halkaas meesha aan uga dhaqaaqayno annaga oo fulinayna qorsheyaashii noo dagsanaa.

Muqdisho 18ka Agoosto 2025 Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa shaaciyay in dowladda ay diyaarisay qorshe looga hortagayo gaadiidka la baxsada Canshuurta.

Wasiir Biixi ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay keenay nidaam Kaamirooyin casri oo soo qaban doona gaadiidka aan bixin canshuurta, isagoona tilmaamay in nidaamkan uu qeyb weyn ka qaadan doono  casriyeynta hay’addaha dowladda Fedaraalka. 

Wuxuu sidoo kale xusay wasiirka in magaalada Muqdisho ay ka howl galaan in ka badan 60 kun oo gaadiid ah, hayeshee  kaliya ay diiwaan gashan yihiin 25 kun oo gaadiid.

“Waxaan soo wadna nidaam Kaamirooyinka magaalada ku xiran ay soo qaban doonaan gaariga aan canshuurta bixin ee la baxsada ” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka Maaliyada ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka ay ku dadaaleyso casriyeynta adeegyada bulshada iyo sidii looga fogaan lahaa musuqa iyo isdaba marinta.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka iyo darawallada gaadiidka inay si buuxda ula shaqeeyaan nidaamka cusub, si looga wada faa’iidaysto adeegyada dowladda oo ku tiirsan canshuuraha shacabka.

Muqdisho 18ka Agoosto 2025 Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay in si rasmi ah loo soo gabagabeeyay diiwaan galinta doorashada qof iyo codka ah ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cabdikariin Axmed ayaa xusay in la diiwaan galiyay ku dhawaad hal milyan oo ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasi oo xaq u yeelan doona iney codeeyaan.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka in shacabka reer Muqdisho ay dhawaan soo dooran doonaan golaha deegaanka iyo Duqa magaalada Muqdisho. 

“30-ka bisha October 2025, shacabka Muqdisho waxay u dareeri doonaan doorashada Golaha Deegaanka iyo Duqa Magaalada Muqdisho, waxaan aad ugu faraxsanahay in tiro ku dhow hal milyan oo qof ay noo diiwaan-gashan yihiin, kuwaas oo liiskooda aan shaaci doono 27-ka bishaan” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in magaalooyinka Laascaanood ilaa Xudur ay ka socoto diiwaan galinta doorashada qof iyo codka ah, islamarkaana dhawaana la filayo in la soo gaba gabeeyo.

Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, waxaana arintaasi si weyn uga soo horjeeda mucaaradka dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo u arka inaan xiligaan dalka ka qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah. 

WARARKA MAANTA 17ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu kashifay Madaxweynihii hore Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axhmed “Shiikh Khiyaanoole” oo u dhaartay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuu Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ugu baaqay inuu iscailo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh oo ku fashilmay hoggaanka iyo siyaasadda dalka? Yaa noqday Madxweynaha ugu musuqmaasuqa badan adduunka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Xaasaskiisa?  Yaa barakiciyey shacabka #Muqdisho? Yaase meelaha/goobaha laga barakiciye la siiyey? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho 17ka Agoosto 2025 Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyey 50 ka mid ah xaq u dirirka deegaanka (Macawiisleey), kuwaas oo kasoo kabtay dhaawacyadii kasoo gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Qaar ka mid ah xubnaha Ciidamada Deegaanka ee maanta u safray magaalada Buuloburte ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle uga mahadceliyey daryeelka caafimaad ee loo fidiyey, iyagoo dib ugu laabtay furimaha dagaalka, dibna ula midoobay qoysaskooda oo muddo ay kala maqnaayeen.

Muqdisho 17ka Agoosto 2025 Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare  ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sanatar Aadan Cabdinaasir Maxamed ayaa maanta kulan kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS, oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta Guddiga iyo Wasaaradda gaar ahaan isla-xisaabtanka iyo korjoogtaynta iyo  horumarinta howlaha amniga iyo difaaca qaranka.

Sidoo kale Guddoomiyaha guddiga ayaa Wasiirka ka dhageystay warbixin ku saabsan la dagaalanka Khawaarijta iyo guulaha ay gadheen ciidanka Xoogga dalka, iyagoo deeggaanno horleh ka xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah iyo dardargelinta howlgalada socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay kooxaha argagixisadu wali ku dhuumalaysanayso.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha guddiga ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidanka qaranka si loo xoreeyo deegganada ay wali ku suganyihiin argagixisadu.

DHAMMAAD

Kenya 17ka Agoosto 2025 Dowladda Kenya ayaa daaha ka qaaday baahida loo qabo taageero caalami ah si loo xoojiyo dadaallada la-dagaallanka argagixisada ee ka socda gudaha Soomaaliya, iyadoo si gaar ah diiradda u saareysa baahida degdegga ah ee loo qabo in la buuxiyo saldhigyadii ay ka baxeen qaar kamid ah Ciidamada Howlgalka Midowga Africa.

Taliska Ciidanka Difaaca Kenya oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guud, General Charles Kahariri, ayaa toddobaadkan la kulmay Taliyihii hore ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (US AFRICOM), General Michael Langley, isagoo uga warramay walaaca Kenya ka qabto xaaladda amni ee Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay KDF ayaa lagu sheegay in General Kahariri uu muujiyey walaac xooggan oo ku saabsan hoos u dhaca tirada ciidamada Afrikaanka ee jooga Soomaaliya, isagoo ka digay in arrintani ay halis gelin karto horumarkii laga gaaray xasilloonida dalkaasi.

Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay dib u cusbooneysiiso taageerada ay siiso geeddi-socodka nabadda Soomaaliya iyo dadaallada xasilinta Geeska Afrika.

Si loo yareeyo khatarta ka dhalan karta ka bixitaanka ciidamada, Kahariri wuxuu sheegay in dalal ay ka mid yihiin Kenya ay la galeen Soomaaliya heshiisyo amni oo labo-geesood ah.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carabka ku adkeeyay in heshiisyadaasi aysan noqon karin kuwo waara haddii aan la helin taageero caalami ah oo xooggan.

Kenya waxay si cad ugu dhawaaqday baahida loo qabo iskaashi caalami ah si loo ilaaliyo amniga gobolka, iyadoo diiradda la saarayo Soomaaliya oo ah xuddunta khatarta argagixisada ee Geeska Afrika.

Muqdisho 17ka Agoosto 2025 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga digay qorshe uu sheegay in ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu doonayo in lagu xiro xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay (UNSOM) ee dalka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay arrintaas mid khatar galin karta hufnaanta doorashooyinka soo socda isla markaana keeni karta kala qeybsanaan qaran kadib shir jaraaid uu ku qabtay magaalada Muqdisho.

Waxa uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif cadeeyay in haddii la yareeyo doorka iyo kormeerka beesha caalamka, ay taasi fursad siin karto in doorashooyinka la musuqmaasuqo loona weeciyo jihada ay daneynayso dowladda talada haysa.

“Iska fogeynta bahwadaagta caalamiga ah, gaar ahaan waqtigan xasaasiga ah, waxay dhaawici kartaa kalsoonida shacabka iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee ay Soomaalidu hiigsanayaan,” ayuu yiri Sharif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii hore ayaa ku booriyay dowladda in ay ilaaliso wada-shaqeynta ay la leedahay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah, si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo si siman uga qayb qaataan dhammaan daneeyeyaasha siyaasadeed ee dalka.

Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay madaxweynihii hore.

WARARKA MAANTA 16ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ugu baaqay inuu iscailo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh oo ku fashilmay hoggaanka iyo siyaasadda dalka? Yaa noqday Madxweynaha ugu musuqmaasuqa badan adduunka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Xaasaskiisa?  Yaa barakiciyey shacabka #Muqdisho? Yaase meelaha/goobaha laga barakiciye la siiyey? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho 16ka Agoosto 2025 Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xalay shir gaar ah ku yeeshay hoyga Shariif Sheekh Axmed ee magaalada Muqdisho.

Kulankaasi oo si hoose u dhacay ayaa lagu sheegay inuu yahay mid muhiimad gaar ah u leh qaab-dhismeedka siyaasadeed ee mucaaradka Soomaaliyeed, waxaana uu kusoo beegmay xilli uu burburay wada hadaladii ay lalahaayeen Dowladda.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in kulankani uu salka ku hayo qorshe cusub oo lagu dhisayo midow musharraxiin oo hor leh, Ujeedka qorshahaan ayaa ah in la mideeyo musharraxiinta sare ee mucaaradka si ay uga qeyb qaataan hannaanka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka iyo diyaar-garowga doorashooyinka soo socda.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in Ra’iisul wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” uu qeyb ka yahay isbahaysigan cusub, taas oo sare u qaadayso miisaanka siyaasadeed ee midowgan.

Inkasta oo kulankaasi dhacay ay ka maqnaayeen xubno muhiim ah oo katirsan Madasha Samata-bixinta, sida, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, Ra’iisul wasaare hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, Haddana ilo xog-ogaal ah ayaa caddeeyay in Madasha Samata-bixinta aysan burburin, isla markaana ay sii waddo hawlihii siyaasadeed iyo wada-hadalladii ay horey u waday.

Kulankan oo dhacay iyadoo aan si rasmi ah loo ogeysiin dhammaan xubnaha Madasha mucaaradka ayaa muujinaya isbeddel dhanka istaraatiijiyadda ah, taas oo u muuqata in hoggaamiyeyaasha kulmay ay doonayaan in ay abuuraan madal gaar ah oo u taagan musharraxiinta sare, si ay ugu midoobaan mowqifyadooda siyaasadeed iyo ka qeybgalka mustaqbalka dalka.

Tani waxay si toos ah u muujinaysaa kala aragti duwanaansho ka dhex dhalatay mucaaradka, balse wali ma cadda in arrintani ay horseedi doonto kala jab rasmi ah ama in si habsami leh loogu dhisi doono laba madal oo kala matala danaha siyaasadda mucaaradka.

Midowgan cusub wuxuu noqday tallaabo siyaasadeed oo cusub oo dhiirrigelin karta xoojinta codka musharraxiinta mucaaradka, isla markaana sii xoojin karta doorkooda ku aaddan hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha danta guud ee dalka. 

Hase yeeshee, waxa la sugayaa jawaabta ay bixin doonaan xubnaha kale ee Madasha, iyo saamaynta ay tani ku yeelan karto mideyntii guud ee mucaaradka Soomaaliyeed.

Muqdisho 16ka Agoosto 2025 Warbixin cusub oo Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in tirada kiisaska kufsiga iyo tacaddiyada galmada ee la xiriira colaadaha ee la soo sheegay sannadka 2024 ay kordheen boqolkiiba 25 marka loo barbardhigo sannadkii ka horreeyay.

Tirada ugu badan ee kiisaska waxaa laga soo sheegay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Haiti, Soomaaliya, iyo Koonfurta Suudaan, sida uu sheegay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in tacaddiyan ay gesyteen ciidamo dowladeed iy maleyshiyaad hubaysan, kuwaas oo masuul ka ah kufsiyo iyo noocyo kale oo tacaddiyo galmo ah oo ka dhaca goobaha ay ka dhacaan dagaallada hubaysan.

Kaliya gobolka Kivu ee Congo, shaqaalaha caafimaadku waxay daweeyeen in ka badan 17,000 oo dhibbane tacaddiyo galmo ah muddo shan bilood gudahood sannadkii hore, sida lagu sheegay warbixinta, iyadoo dagaallada u dhexeeya ciidamada Congo iyo fallaagada M23 ay sii xoogaysteen.

Soomaaliya gudaheeda, tobannaan sano oo xasillooni darro ah, oo ay weheliyaan rabshadaha ku saleysan qabiilka, ayaa dalka ka dhigay mid u nugul tacaddiyo kufsiyada dumarka iyo carruurta.

Warbixintu waxay xustay in dadka ka badbaaday ay inta badan wajahaan dhaawac jireed iyo maskaxeed, oo ay sidoo kale usii dheer tahay ceebayn iyo helitaan la’aan caddaalad ama daryeel caafimaad.”

Warbixintu waxay diiwaangelisay dembiyo ay ka mid yihiin kufsi, kufsi wadareed, iyo addoonsiga galmo.

Muqdisho 16ka Agoosto 2025 Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in warqaddii uu Senator Ted Cruz kaga codsaday Trump in uu  “aqoonsi” siiyo Somaliland ay ahayd mid lagu weeraray xidhiidhka Shiinaha-Soomaaliya, isla markaana ay ahayd faragelin cad oo loo gaystay arrimaha gudaha Soomaaliya.

Safaaraddu waxay sheegtay in arrintani ay muujinayso dhaqanka kali-talisnimo iyo cabbudhin siyaasadeed ah oo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Maraykanku ay kula dhaqmaan dadka Soomaalida.

Hadalka kasoo baxay safaaradda Shiinaha ayaa xusay in ay muhiimtahay ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya, iyo aan la faragelin arrimaha gudaha ee dalalka kale, kuwaasi oo ay ku sheegtay mabaadi’ ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay, oo muhiim u ah nabadda iyo xasilloonida caalamka.

Waxay carrabka ku adkaysay in Shiinuhu aanu marnaba faragelin arrimaha gudaha ee waddamada kale, isla markaana aanu aqbalaynin in cid kale ay farageliso arrimihiisa gudaha.

Sidoo kale, safaaraddu waxay ku celisay mowqifka Shiinaha ee qadiyada Taiwan, iyada oo ku tilmaantay qayb aan ka go’i karin dhulka Shiinaha, taas oo ah taariikh iyo xaqiiqo aan muran lahayn. Waxay si adag uga soo horjeesatay gooni-isu-taaga Taiwan iyo faragelinta kasta oo shisheeye, iyadoo sheegtay in Shiinahu uu xaq sharci ah u leeyahay qaadashada tallaabo kasta oo lagu difaacayo madax-bannaanida qarankiisa iyo midnimada dhulkiisa.

Senatar Ted Cruz oo ah guddoomiyaha guddiga hoosaadka arrimaha Afrika iyo Siyaasadda Caafimaadka Caalamka ee Senate-ka Maraykanka, ayaa si rasmi ah ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump in uu aqoonsado Somaliland, sida ku cad warqad uu u gudbiyay Khamiistii (14-kii Agoosto).

Warqadda Cruz ayaa sheegaysa in “Somaliland ay noqotay xulufo muhiim u ah ee amniga iyo diblomaasiyadda Maraykanka,” iyadoo lagu xusay goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo ee xeebaha Gacanka Cadmeed, kaalinta ay ku leedahay la dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeedda gobolka, iyo xidhiidhada diblomaasiyadeed ee ay horumarisay – oo ay ka mid yihiin martigelinta xafiiska wakiilka Taiwan ee Hargeysa, in ay doonayso in ay xidhiidh la yeelato Israa’iil, iyo taageero  u muujisay heshiisyada Abraham Accords.

Cruz ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay cadaadis sii kordhaya kala kulmeyso cadawyo ay ka mid yihiin Xisbiga Shuuciga Shiinaha, oo uu ku eedeeyay in uu adeegsanayo cadaadis dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed si uu Somaliland ugu ciqaabo taageerada ay u fidisay Taiwan iyo la safashada ay la safatay reer Galbeedka.

Waxa uu ku dooday in aqoonsi rasmi ah oo Maraykanku siiyo Somaliland uu suurto-gelin doono iskaashi ciidan oo ballaadhan, horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha, iyo u adeegista yoolalka amniga guud ee Geeska Afrika.

Somaliland ayaa aad usoo dhawaysay codsiga Cruz uu u diray Trump, halka dowlada Soomaaliya ay sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu horseedi doono in dhaawac soo gaadho ama uu xagal daaco dagalaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya.

WARARKA MAANTA 15ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa kamid ah ganacsata laga iibinaayo dhulalka uu shacabka dan-yarta ka boobaayo Madaxweyne Mudane Xassan Shiiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa barakiciyey shacabka #Muqdisho? Yaase meelaha/goobaha laga barakiciye la siiyey? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Galmudug 15ka Agoosto 2025 Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Qasriga Madaxtooyada kaga qayb galay, Munaasabadda 14-ka Agoosto oo ku beegan maalinta loo asteeyay aasaaskii Galmudug.

Munaasabadda oo ay ka qayb galeen Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Galmudug, Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka iyo masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Galmudug, Boqolaal ka mid ah shacabka Galmudug ayaa lagu soo bandhigay, suugaan, murti iyo taariikho ku saabsan marxaladihii uusoo maray dhismaha Galmudug.

Muqdisho 15ka Agoosto 2025 Taliyaha Nabad Sugidda Jubbaland, Cabdirashiid Janan, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu yahay qaran diid dhibaato ku ah shacabka Jubbaland”, isla markaana dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay Jubbaland ka xoreyso gacantiisa.

Janan oo horey usoo noqday wasiirkii amniga Jubbaland, ayaa sheegay, Axmed Madoobe inuu Jubbaland u beddelay maamulka qofka keliya gacanta ugu jira, isagoo sheegay inuu cadaadis ku haya cid kasta oo ka aragti duwan.

Waxa uu sheegay in si joogto ah uu ugu adeegto qabiil mar kasta oo uu wajaho mucaaradnimo, taas oo uu ku tilmaamay xeelad uu bulshada ku kala fogeynayo”.

“Waxaan ognahay in Axmed Madoobe uu u sheegay saraakiil kasoo jeeda Gedo in ay Gedo tagaan, guryahoodana soo dumaan, isagoo u ballan qaaday darajooyin iyo hanti,” ayuu yiri Janan.

Wuxuu intaas ku daray in qaar kamid ah saraakiishaas ay durba kusoo biireen dowladda federaalka, halka kuwo kalena uu rajaynayo in marka ay yimaadaan gobolka ay iyaguna doortaan inay ka mid noqdaan ciidanka qaranka.

Waxa uu  sidoo kale sheegay in Axmed Madoobe uu isagu hortaagan yahay in la xoreeyo degmada Bu’aale oo ah caasimadda Jubbalad. Janan wuxuu sheegay, Axmed Madoobe inuu aaminsan yahay in haddii la xoreeyo Bu’aale maamulka lagala wareegayo.

Muqdisho 15ka Agoosto 2025 Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya  Abuukar Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed la wareegi doonaan deegaanada iyo degmooyin gacanta ugu jira Al-shabaab. 

Afhayeen Abuukar Maxamed ayaa xusay in  ciidamada dowladda ay ku jiraan diyaar garow iyo abaabul sare oo ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku howlan dhibaateynta iyo boobka hantida shacabka Soomaaliyeed.

“Maalmaha soo socda shacabka Soomaaliyeed waxay maqli doonaan war ay ku farxaan oo ah in deegaano iyo degmooyin muhiim ah laga saari doono cadowga argagixisada, waliba sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Abuukar Maxamed. 

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga in diyaar garowga iyo abaabulka ciidanka xoogga dalka ay si weyn uga socdaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada kala ah Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Ugu dambeyntii Afhayeenka ayaa codsaday in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool  gobolada dalka iney ka qeyb qaataan howlgalada cusub ee la qorsheynaayo in lagu qaado deegaanada gacanta ugu jira Maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab. 

WARARKA MAANTA 14ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa barakiciyey shacabka #Muqdisho? Yaase meelaha/goobaha laga barakiciye la siiyey? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Lambadusa Italy 14ka Agoosto 2025  Ugu yaraan 20 qof ayaa la sheegay in ay dhinteen kadib markii laba doonyood ay saranaayeen ku degeen badda u dhow jasiiradda Lampedusa ee Koonfurta Talyaaniga, Arbacadii shalay ahayd.

Muhaajiriinta saarnaa doonyaha waxay kasoo baxeen dalka Libya, waxayna kasoo jeedaan waddamada Pakistan, Sudan, iyo Soomaaliya, waxaana saraakiisha Jasiirada ay xuseen in waqti badan ay badda kusoo jireen.

Mas’uuliyiinta jasiiradda Lampedusa ayaa sheegay in meydadka la helay lagu sameynayo baaritaanno caafimaad, inkastoo ay jiraan caqabado la xiriira meelaha lagu hayo meydadka oo kooban, Dhakhaatiirta jasiiradda ayaa si degdeg ah uga shaqeynaya si ay u dhammeeyaan baaritaannada.

60 qof ayaa laga soo badbaadiyey dhacdadaan, iyadoo afar kamid ah ay qabaan dhaawacyo sida laf jabtay, waxaana la dhigay isbitaal si loo daryeelo.

Meydka ilma yar oo gabadh ah oo hal sano jir ahayd ayaa sidoo kale laga helay biyaha, taasoo sii xumeysay xaaladda murugada leh.

Maamulka Waqooyi Barri14ka Agoosto 2025  Muran xooggan ayaa ka taagan xulista xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee maamulka Waqooyi Bari, iyadoo qabaa’ilo badan ay ka cabanayaan in kuraastooda lagu hayo faragelin, islamarkaana dadka ka ag dhow Madaxweyne Firdhiye loo xiray kuraastooda.

Madaxweyne Firdhiye oo ah musharax madaxweyne ayaa lagu eedeeyay inuu baarlamaanka gaysanayo shakhsiyaad uu doonayo inay isaga codka siiyaan, taasi waxay sababtay in musharaxiin xildhibaan oo kalsooni ka haysta beelahooda  uu guddiga hubinta iyo xildhibaanada hoos u dhigay araajidooda

Dhawaan, musharaxiinta xilka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si cad uga horyimid guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada maamulka Waqooyi Bari, iyagoo ku eedeeyay inuu yahay guddi u janjeera musharax gaar ah.

Baraha bulshada waxaa ka muuqday digniino kasoo baxaya beelo kala duwan, kuwaas oo ku hanjabay inay kasoo bixidoonaan furimaha dagaalka haddii Madaxweyne Firdhiye uusan joojin faragelinta xildhibaanada ay beeluhu soo xusheen.

Maalmo ka hor, dabley hubeysan caraysan ayaa weerartay guriga ololaha doorashada ee Madaxweyne Firdhiye, kaddib markii kursigii xildhibaan ee uu ku fadhiyay Firdhiye uu u xiray Fahiimo Yuusuf Quuje oo kamid ah taageerayaashiisa. Weerarkaas waxaa ku dhaawacmay mid kamid ah ilaalada Firdhiye.

Xiisaddan ayaa sababtay in guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada uu hakad geliyo shaacinta liiska xildhibaanada soo baxay, iyagoo ka baqaya in rabshadaha siyaasadeed ee taagan ay saamayn ku yeeshaan geeddi-socodka dhismaha maamulka cusub.

Muqdisho 14ka Agoosto 2025 Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xukun dil toogashao ah ku fulisay saddex nin oo lagu helay dambiyo la xiriira ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab iyo iney qeyb ka ahayeen falal amni daro oo dhimasho sababay.

Ragan xukunka dilka ah lagu fuliyay maanta ayaa lagu kala magacaabi jiray Abuukar Axmed Maxamed Anwar, Xamsa Jeylaani Cabdulaahi Abtiga, iyo Xasan Cali Xuseen Garaad, kuwaas oo dhamaantood la sheegay in horey loogu helay in Al-shabaab ka tirsanaayeen, islamarkaana Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose ka geysteen dilal iyo qaraxyo.

Goobta xukunka toogashada ah lagula fuliyay ragaan ka tirsana Al-shabaab oo ku taala magaalada Muqdisho ayaa waxaa goob joog ahaa Saraakiil ciidan oo ka tirsan Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. 

Si kastaba ha ahaatee xukunkaan toogashada ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmo kooban ka hor sidaan oo kale xukun toogasho ah loogu fuliyay gudaha magaalada Muqdisho laba nin oo ka mid ahaa maleeshiyaadka Al-shabaab. 

Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa u muuqata haatan mid bilowday in xukunada dilka ah ku fuliso maxaabiista xiran ee xukunada ku dhaceen ee ka tirsan kooxda Al-shabaab.

ARARKA MAANTA 12ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa #Gedo dagaal ka hiuriyey? Yaa raba inuu burburiyo #Jubbaland State Madaxweyne Mudane Xassan Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Laascaanood 12ka Agoosto 2025 Daawo: Muuqaalka guud ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Mudane Cali Xoosh  oo hoygiisa ku booqday Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac oo ka mid ah Hoggaan Dhaqanka Waqooyi Bari Soomaaliya.

——-

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta

Muqdisho 12ka Agoosto 2025 Wadahadalladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda mucaaradka ayaa habeenkii Isniinta burburay, ka dib markii ay ku guuldareysteen inay isku afgartaan arrimo muhiim ah, gaar ahaan hirgelinta nidaamka hal qof iyo hal cod.

Guddiga wadajirka ah ee loo xilsaaray diyaarinta war-saxaafadeed la filayay in lagu dhawaaqo Arbacada ayaa dib u dhigay kulamadoodii, iyadoo lagu wargeliyay in kulanka xiga uu dhici doono Talaadada maanta ee Agoosto 12.

Si kastaba ha ahaatee, rajo aad u yar ayaa laga qabaa in labada dhinac ay heshiis gaaraan, maadaama khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya ay sii xoogeysteen.

Dhanka kale, hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, halkaas oo ay kaga tashanayeen tallaabada xigta haddii wadahadalladu si rasmi ah u burburaan.

Is-mari waaga taagan ayaa muujinaya kala fogaanshaha siyaasadeed ee sii baahaya, xilli dalka uu wajahayo isbeddelo doorasho oo la filayo in la dhaqan geliyo dhawaan.

New York 12ka Agoosto 2025 Intii lagu jiray dood furan oo ku saabsan amniga badda oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) qabtay, ayaa Dowladda Soomaaliya waxay adkaysay muhiimadda ay leedahay Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (UNCLOS) oo ah aasaaska isticmaalka badaha dunida si nabad iyo iskaashi ah.

Wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay in u hoggaansanaanta sharciyada badda ee caalamiga ah ay lagama maarmaan u yihiin dhisidda kalsoonida dalalka iyo u suurta-gelinta tallaabo mideysan oo wax ku ool ah oo lagula tacaalayo caqabadaha badda, sida burcad-badeednimada, kalluumaysiga sharci darrada ah, ka ganacsiga sharci darrada ah iyo khataraha deegaanka.

“Xushmaynta sharciyadan, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida dowladnimada, waa tallaabo muhiim ah si loo dhiso kalsooni loona xaqiijiyo guusha dadaallada wadajirka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka Soomaaliya.

Dooddan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay dalal xubno ka ah Golaha Ammaanka, mas’uuliyiin Qaramada Midoobay iyo khubaro badeed, iyadoo Soomaaliya ay muujisay sida ay uga go’an tahay iskaashiga gobolka iyo caalamka ee lagu xaqiijinayo badbaadada iyo amniga badda.

Soomaaliya, oo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, ayaa sanadihii la soo dhaafay wajahaysay caqabado waaweyn oo dhinaca badda ah, gaar ahaan burcad-badeednimada iyo kalluumaysiga sharci darrada ah ee saameeyay nolol maalmeedka bulshada xeebaha ku nool iyo dhaqaalaha dalka. 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iskaashiga caalamiga ah iyo u hoggaansanaanta UNCLOS ay kaalin weyn ka qaadan karaan ilaalinta kheyraadka badda, horumarinta dhaqaalaha badda (blue economy) iyo dhiirrigelinta nabadda gobolka Geeska Afrika.

Muqdisho 12ka Agoosto 2025 Wadahadalladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda mucaaradka ayaa habeenkii Isniinta burburay, ka dib markii ay ku guuldareysteen inay isku afgartaan arrimo muhiim ah, gaar ahaan hirgelinta nidaamka hal qof iyo hal cod.

Guddiga wadajirka ah ee loo xilsaaray diyaarinta war-saxaafadeed la filayay in lagu dhawaaqo Arbacada ayaa dib u dhigay kulamadoodii, iyadoo lagu wargeliyay in kulanka xiga uu dhici doono Talaadada maanta ee Agoosto 12.

Si kastaba ha ahaatee, rajo aad u yar ayaa laga qabaa in labada dhinac ay heshiis gaaraan, maadaama khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya ay sii xoogeysteen.

Dhanka kale, hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, halkaas oo ay kaga tashanayeen tallaabada xigta haddii wadahadalladu si rasmi ah u burburaan.

Is-mari waaga taagan ayaa muujinaya kala fogaanshaha siyaasadeed ee sii baahaya, xilli dalka uu wajahayo isbeddelo doorasho oo la filayo in la dhaqan geliyo dhawaan.

WARARKA MAANTA 11ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:Yaa is-casilii doona Madaxweyne Mudane Xassan Iyo Raysal Wasaare Mudane Xamsa? Maxayse ku fashilantay xukuummadda Dan-Qaran? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho 11ka Agoosto 2025 Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xarunta Taliska Boliiska ku soo dhaweeyay Wefdi amni oo heer sare ah oo ka socda Jamhuuriyadda Ciraaq oo Muqdisho u jooga dhaqangelinta Hashiiski Amni iyo iskaashi ee labada Dawladood.

Kulan gaar ah oo Xarunta Taliska ka dhacay ayaa lagu falan qeeyey ambaqaadida hashiiskii dhacay oo Boliiska doorka uga aadan uu yahay is-weydaarsiga xogta sirdoonka, Helidda Tababaro gaar ah, dhisidda awoodaha la dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga dambiyada abaabulan.

Markii uu soo dhammaaday kulanka ayuu Taliyuhu kormeer iyo barasho ahaan u geeyey wefdiga xarunta Taliska , Hogaanka Dambi baarista (CID), Xarunta Akadamiyadda Ciidanka , Taliska ilaalada Xeebaha iyo Xarunta Barbaarinta Caruurta Boliiska.

Muqdisho 11ka Agoosto 2025 Haddii ay ku dhaaftay – Codadka Soomaalida: Laga soo bilaabo weriye rajo sare leh illaa uu ka noqday sarkaal sare oo isgaarsiineed oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed , Cumar Mustafa Nuur waxa uu usoo adkaystay hanjabaado iyo caqabado kale isaga oo ku dadaalaya “inuu sheekooyin soo bandhigo” gudaha Soomaaliya – welina waxaa ka go’an inuu taageero horumarinta qaybta warbaahinta firfircoon oo leh  xorriyadda xogta ama macluumaadka iyo kala-duwanaanshaha codadka Soomaaliyeed.

Puntland 11ka Agoosto 2025– Ciidanka Booliiska Puntland ayaa shacabka deegaanadiisa ugu baaqay inay ka feejignaadaan suurtagalnimada in firxadka Daacish ay ku dhuuntaan bulshada dhexdeeda.

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in ay socdaan howlgallo cirka iyo dhulka ah oo lagu doonayo  in lagu ciribtiro haraadiga kooxda Daacish ee ku sugan Togga Baallade iyo dhulka ku dhow.

Booliiska ayaa warkiisa ku sheegay in hawlgalka haatan uu marayo wejigiisii ugu dambeeyay, iyagoo tilmaamay inay socdaan diyaargarow cusub oo lagu xaqiijinayo in firxadka Daacish aysan helin meel ay ku dhuuntaan.

Warkan ayaa kusoo beegmay markii xalay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay duqeymo culus ka geysteen togga Baallade, halkaas oo ay ku sugan yihiin dagalamayaal ka tirsan kooxda Daacish oo loo gali waayay aaggooda.. 

Ilo-wareedyo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay HOL in duqeyntan si gaar ah loogu beegsanayo xubno ka tirsan Daacish oo lagu sheegay inay isku uruursanayeen deegaannada Maraagade iyo Yucrin ee togga Baallade.

Puntland waxay sheegtay inay 700 askari oo cusub ku biirisay howlgallada ka socda Buuraha Cal Miskaad, iyadoo qorshaynaysa in bisha September lasoo afjaro howlgalka Daacish oo soo bilowday bishii December ee sanadkii hore.

Bariire 11ka Agoosto 2025 Taliyaha Ciidanka AUSSOM, Sareeye Guud Sam Kavuma, ayaa booqday magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire, taas oo dhowaan laga xoreeyay gacanta Al-Shabaab kadib howlgal milatari oo socday laba toddobaad.

Taliyaha ayaa bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen ciidamada AUSSOM (oo ay hoggaaminayaan Uganda) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNAF), isagoo ku tilmaamay guushan “tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka nabadda iyo amniga Soomaaliya.” 

S/Guud Kavuma oo ay wehliyeen saraakiil sare ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga ka dhexeeya AUSSOM iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya si looga adkaado khatarta Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliyeed, S/Guuto Khalid Abdullahi, ayaa uga mahadceliyay AUSSOM iyo saaxiibada caalamiga ah taageerada ay siiyeen howlgallada ay hogaamiyaan ciidanka Qaranka, isagoo carabka ku adkeeyay sida ay u muhiim tahay in la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga.

Sidoo kale, General Joseph Musoke Ssemwanga, oo ah Taliyaha qeybta Uganda ee AUSSOM, ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay AUSSOM hirgelinta Qorshaha ay Ciidamada Soomaaliya ay guud ahaan kula wareegayaan ammaanka Soomaaliya.

Magaalada Bariire, oo ku taalla gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa la xoreeyay maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay kadib howlgal ballaaran oo ay iska kaashadeen AUSSOM, Ciidanka Difaaca Dadka Uganda (UPDF), iyo SNAF, Howlgalkan ayaa loo arkaa mid istiraatiiji ah oo fure u noqon kara sugidda amniga deegaannada kale ee gobolka.

WARARKA MAANTA 10ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ugu baaqay inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh ooi xukunka iyo siyaasadda dalka ku fashilmay? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho 10ka Agoosto 2025 

Muqdisho 10ka Agoosto 2025 Waxaa maanta lagu wadaa inay mar kale isku arkaan xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha Mucaaradka shir xasaasi ah oo ay kaga doodi doonaan arrimaha Doorashooyinka iyo Dastuurka dalka.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbada siyaasadeed ee ugu adag ee ay isku hayaan dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo kala ah, Wax ka beddelka Dastuurka KMG ah.

Golaha Samatabixinta ayaa dhaliil xooggan ka muujiyay isbeddellada lagu sameeyay dastuurka, iyaga oo sheegay in aan laga talo gelin dhammaan saamileyda siyaasadeed, taasoo dhaawici karta kalsoonida lagu qabo geeddi-socodka siyaasadeed, waxaana dooda ugu xoogan ay ka taagan tahay cutubka 4aad ee Dastuurka KMG ah.

Sidoo kale Waxaa muran xooggan ka taagan yahay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2026, Dowladda dhexe ayaa horay u sheegtay inay doonayso in doorasho qof iyo cod ah laga hirgeliyo guud ahaan dalka, halka mucaaradku ay dalbanayaan in marka hore la helo xaalad amni iyo heshiis qaran oo sal adag leh iyo doorasho heshiis lagu wada yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in la isu yimaado si wadajir ahna looga hortago khataraha argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab.

Horey Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu muujiyay diyaar u ahaansho Dowladiisa inay jilciso mowqifyadii hore si loo gaaro is-afgarad loona diyaar garoobo doorasho heshiis lagu yahay.

Golaha Samatabixinta ayaa ku adkaysanaya in geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka lagu saleeyo heshiis ballaaran oo lagu kalsoonaan karo.

Shirka maanta dhacaya ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara xasilinta xaaladda siyaasadeed ee dalka, haddii laga miro dhaliyo, Inkasta oo wali heshiis kama dambeys ah la gaarin, hadana kulankan ayaa astaan u ah in dhinacyadu ay diyaar u yihiin wadahadal iyo isu tanaasul.

 Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Nabadsugidda Qaranka oo garab ka helaya ciidanka dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgalo wadajir ah ka wada deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamadaan iskaashanaya ayaa howlgalada xooggooda ka wada tuulooyinka hoostaga Bariire oo maalin lanhor ciidamadan si buuxda ugala wareegeen kooxda Al-shabaab, kadib dagaalo culus oo mudo todobaad ah halkaasi ka socday.

Masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee horkacaayo howlgalada ayaa howlgalada ku sheegay iney yihiin kuwa si buuxdo loogu xaqiijinaayo amniga deegaanka Bariire iyo deegaanada ku dhadhaw.

Shabelle Hoose 10ka Agoosto 2025 Wararku waxay intaasi ku darayaan in deegaanada hoostaga Bariire si weyn loogu arkayo diyaaradaha duulliye la’aanta ee Drones-ka iyo kuwa Qumaatiga u kaca oo dul wareegaya hawada deegaanadaas oo wali la tuhunsan yahay in kooxdu qeybo ka mid ah kaga sugan tahay.

Si kastaba ha ahaatee howlgaladaan sida wadajirka ah uga wadaan deegaanka Bariire ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Uganda ayaa ah mid daba socda howlgalo mudo todobaad ah qaatay oo Al-shabaab looga xureeyay deegaanka Bariire, kaasoo dowladda Fedaraalka ku tilmaamtay isgoys muhiim u ah dagaalka Al-shabaab ee ka socda gobolka Shabeelllaha Hoose. 

Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa dhankiisa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ay sii socon doonaan inta guud ahaan dalka laga ciribtiraayo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Puntland 10ka Agoosto 2025 Maalmo kaddib markii qarax miino lagu dilay saraakiil ciidan, ayaa maamulka Puntland wuxuu ciidamo cusub u daad gureeyay buuraha Calmiskaad, si loo qaado wajigii ugu dambeeyay ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Howlgalka ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay hoos u dhacay, kaddib markii ciidamadu dib uga soo gurteen Togga Miiraale, taasoo Daacish fursad u siisay inay miinooyin khasaare geystay ku aasaan waddooyinka sahayda usoo marto.

Guutooyin cusub oo ka tirsan ciidanka Puntland ayaa shalay gaaray deegaanka Xabley, iyagoo halkaas ugasii sii dhaqaaqay dhanka goobaha lagu tuhunsan yahay in ay ku dhuumaalaysanayaan dagaalyahanada Daacish. 

Sidoo kale, ciidamada Puntland ayaa madaafiic ku garaacay fariisimo kooxda ay ku leedahay buuraha.

Kooxda Daacish ayaa hadda isku uruursatay laba meelood oo muhiim ah oo ay adag tahay in gudaha loogu galo. Waa Buuraha Xabley iyo Togga Baallade. Labadan goobood ma laha waddooyin ay ciidamadu ku geli karaan gaadiid dagaal, taasoo ku qasbeysa ciidamada in ay isticmaalaan awr ama diyaarado si ay u gaarsiiyaan raashinka iyo biyaha.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in howlgalka lagu soo afjarayo kooxda Daacish uu socon karo ilaa bisha September. Waxaa lagu qiyaasay in buuraha ay ku sugan yihiin in ka badan boqol dagaalyahan oo ay wehliyaan horjoogayaal sare.

WARARKA MAANTA 9ka Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa mooshinka lagu ridayo Raysal Wasaare Mudane Xamsa dabada ka riixaaya? Maxuu Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ugu baaqay inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh ooi xukunka iyo siyaasadda dalka ku fashilmay? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho 9ka Agoosto 2025 Xukuumad dhiigmiirato ah:

Dawladaha nugul sida Soomaaliya oo kale hoggaamintu ma aha awood la hanto ee keli ah, waase in la soo celiyo kalsoonidii dadka u dhexeysay, aaminaddii ay dowladda ku qabeen iyo midaynta qaranka kala qoqoban.

Nasiibxumo, maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu qaaday waddo taa lid ku ah. Halkii uu Soomaaliya xasillin lahaa, wuxuu xoojiyey musuqmaasuqa iyo kala qaybsanaanta, isagoo dantiisa shakhsiga ah ka hor mariyey middii shacabka.

Hoggaamiyayaasha dhabta ahi, waxay u adeegaan dadkooda, dhiigmiiratadu se waxay u adeegaan naftooda.  Xukunka MXS wuxuu noqday ganacsi qoyseed (family enterprise), damiirka dadka oo la iibsado, hantidii dadweyne oo loogu takrifalo sidii mid gaar ah, iyadoo loo qaybinayo xulafada siyaasadeed, xubnaha qoyska, iyo geesawayn kooban oo macaash doon ah, halka danyartii ay kadeedan yihiin oo ay silcayaan. Tani ma aha hoggaamin ee waa boob iyo dhac.

Sharciyada Xukuumadda waxa lagu dhisaa waxqabad ee laguma dhiso khudbado maran. Waxaan aragnaa tiyaatar siyaasadeed, munaasabado dhoolatus ah iyo ballanqaadyo wax-kama-jiraan ah, iyadoo argagexisadii soo xoogaysanayso, caddaaladana la iibsanayo sidii loo kala lacag badan yahay, adeegyadii asaasiga ahaana ay sii gabaabsanayaan.

Musumaasuqii ayaa sidii furuqii u faafay, nin walbow naftaa iyo wixii aad soo gaarto xaabso ayey noqotay eexdii ayaa la sharciyeey, isla xisaabtankiina waa la xabaalay, natiijadii waxay noqotay,, xukuumaddii in ay lumisay kalsoonidii shacabka, muwaddiniintiina ay ku ridday quus iyo niyadjab wayn.

Hab-dhaqankaan lagu naaxinayo geesawaynta taageersan maamulka, qoyska iyo xulafada siyaasadeed oo keliya ah waa eex sumaysan oo shidaalinaysaa caro xooggan, wiiqaysana midnimadii qaranka, waxaayna dhiirrigelinaysaa kooxaha argagexisada ah.

Furimihii dagaalka waa la soo banneeyey, ciidanka dowladda waxaa loo adeegsadaa barakicinta danyarta lagala baxayo dhulka dowladda ee laga iibanayo ganacsato iyaguna dhiigmiirato ah, waxaa kaloo ciidanka loo adeegsadaa in qalalaase looga abuuro maamul gobolleedyada, (Raaskambooni iyo Gedo) ayaa tusaale ah. Dhanka kale, ciidankeennii waxa lagu hayaa mushahar yari, agab yari iyo niyad jabin joogto ah, iyada oo ay xulafadii madaxweynaha oo keli ah ay hodmayaan.

Soomaaliya ma awoodi karto xukuumad u talisa nafteeda ee aan dadkeeda u talin. Waxaan u baahannahay hoggaan mudnaanta siiya dhismaha kalsoonida shacabka iyo aaminadda ay dowladda ku qabaan, taasoo ku iman karta caddaalad, sinnaan, hawl hufnaan, karti iyo waxqabad.

Waa in aynaan daawan danyarta xaqooda la duudsiinayo, waa in innagoo isku duuban aan ka hortagno imbaraadooriyadda musuqa iyo maamulka dhiigmiiradka ah ee jidka burburka inoo wada.

Xilligii isbeddelku waa hadda.

Muqdisho 9ka Agoosto 2025 Iyada oo qayb ka ah taageerada joogtada ah ee lagu xoojinayo wax ka qabashada xadgudubyada ku salaysan jinsiga (GBV) ee Soomaaliya, ayey UNTMIS dhowaan ku qabatay Kismaayo tababar ku saabsan Habraaca Hawlgelinta Heerka Baarista kiisaska xadgudubyada ku salaysan jinsiga.

Tababarkan ayaa isku keenay 29 xubnood oo ka kala socday maamulka Jubaland, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, iyadoo qabanqaabada ay la haayeen khubaro ka socotay Booliska QM, tababarka ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista hannaanka baarista xadgudubyada iyadoo la eegayo badqabka xuquuqda dhibanayaasha, diyaarinta habraacan waxaa qeybka ahaa ciidamada booliska Jubaland.

Muqdisho 9ka Agoosto 2025 Xildhibaan Cabdi Ladiif Muuse Nuur (Sanyare), oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay in mooshin kalsooni kala-noqosho ah laga diyaarinayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in mooshinka loo qorsheeyay in la keeno Golaha Shacabka maalinta Sabtida ah ee taariikhdu tahay 23ka Agoosto 2025, haddii Alle idmo.

Sida uu sheegay, waxaa mooshinka horey u saxiixay illaa 120 xildhibaan, halka ay hadda ka dhiman yihiin 20 saxiix oo kaliya si mooshinka si rasmi ah loo horgeeyo Baarlamaanka.

Xildhibaan Sanyare ayaa xusay in xildhibaan kasta oo doonaya inuu mooshinka ku biiro ama “cibaadaysto” sida uu hadalkiisa u dhigay, uu si toos ah ula soo xiriiri karo.

“Mooshinka kalsooni kala-noqoshada Xukuumada Xamse Cabdi Bare, ee lakeeni doono maalinta sabtida ah 23 Augast insha allaah, waxaa saxiixay xildhibaabano gaaraya 120 mudane, wali waxaa naga dhiman 20 mudane, xildhibaankii raba inuu cibaadaysto aniga ha ilasoo xiriiro.” Ayuu qoraalkiisa kuyiri Sanyare.

Inkasta oo uusan si toos ah u sheegin sababta rasmiga ah ee mooshinka keentay, haddana wararka la xiriira arrintan ayaa muujinaya in ay jiraan walaacyo siyaasadeed iyo khilaafyo gudaha Golaha Shacabka ah oo la xiriira hab-maamulka Xukuumadda iyo waxqabadka Ra’iisul Wasaaraha.

Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka, Mooshinada noocan oo kale ah ayaa horey uga dhacay Soomaaliya, waxaana ay qeyb ka yihiin nidaamka dimoqraadiyadda baarlamaaniga ah ee dalka. 

Si kastaba ha ahaatee, mooshin kasta oo la keeno wuxuu maraa habraacyo sharci ah oo ku xusan dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Somaliland 9ka Agoosto 2025 Somaliland waxa ka bilaabmay kacdoon lagaga soo horjeedo shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel kadib markii ay shalay si lama filaan ah kor ugu qaadeen qiimaha adeegga xidhmooyinka internetka ee ay bixiyaan.

Labada shirkadood ee Telesom iyo Somtel ayaa ku heshiiyay in ay ku dhawaad libinlaab kordhiyaan qiimaha lagu iibsado xidhmooyinka internetka ee kala duwan, taasi oo si degdeg ah baraha bulshada uga abuurtay kacdoon dadweyne.

Mudo haraado goosgoos ah ayaa ka dhacay meelo kamid ah Somaliland, iyadoo mudaharaad weyn loo ballamay maalinta Axadda ee berri. Mudaharaadkan ayay shacabku si xoog ah uga abaabulayaan baraha bulshada

Ilaa saddex qof ayaa la sheegay in ay xalay ku dhaawacmeen iska horimaad booliiska iyo dad cadhaysan ku dhexmaray xaafadda Siinay ee Hargeysa.

Dhanka kale, Wasaaradda Isgaadhinta iyo Tiknoolajiyada ayaa sheegtay in ay isugu yeedhay shirkadaha laga cabanayo, isla markaana ay Sabtida maanta go’aan ka gaadhi doonaan korodhka qiimaha internetka, iyadoo sheegtay in shacabku ay mudan yihiin in la dhagaysto cabashadooda.

Booliiska Somaliland ayaa dhankooda sharci-darro ku tilmaamay mudaharaadada la abaabulayo, waxa uu ku dooday in ay dambi tahay in la qabto mudaharaad aan oggolaansho looga haysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

“Si loo ilaaliyo amniga guud iyo badqabka hantida muwaadiniinta, lama oggolaan doono nooc kasta oo dibadbax ah oo aan haysan fasax qoraal ah oo ka yimid Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay booliiska.

Hadalka booliiska ayaa ka hor imanaya doodii uu xisbiga Waddani qabay xilligii uu mucaaradka ahaa ee ahayd “in mudaharaadku uu xalaal yahay oo aan loo baahnayn in oggolaansho looga soo qaato Wasaaradda Arrimaha Gudaha”, iyadoo xukuumadda talada haysaa ay xilka timid kadib mudaharaado ay dad badani ku dhinteen oo ay iyadu horseed ka ahayd.

Ganacsatada Somaliland ayaa ku caan ah in ay markasta kor u qaadaan qiimaha adeegyada muhiimka ah iyo maciishadda, taasi oo nolosha bulshada ka dhigtay mid qaali ah oo aan si fudud loo goyn karin.

“Ceerigaabo, Burco, Berbera, Gabiley, Boorama – dhammaan dalka Axadda dhiniciina iska abaabula. Waa mudaharaad dalka oo dhan ah, Hargeysa qudha maaha. Dadka ayaa ka badan ganacsatada. Haddii aynaan ka hortegin, quutal-daruuriga ayaa ku xiga,” ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Dafac oo horseed u ah dadka abaabulaya mudaharaadada.

Dadweynaha ayaa ka warsugaya go’aanka kasoo bixi doona kulanka shirkadaha iyo xukuumadda, kadibna waxa xigi doona tallaabada shacabka haddii wax natiijo ahi ka dhalan waayaan kulanka, sida ay sheegayaan dadka baraha bulshada uga ololaynaya kacdoonka.

Muqdisho 9ka Agoosto 2025 Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa khasaare weyn kala kulmay howlgalkii lagu qaaday degmada Bariire oo dib gacanta dowladda ugu soo laabatay maalintii Jimcaha ahayd.

Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 17 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda (UPDF) ay ku dhinteen howlgalka, waxaana ku jiray lix askari oo toddobaadkan ku geeriyooday qarax gaari (VBIED) oo lala beegsaday kolonyadooda.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ayaa guulo dhanka dagaalka ah gaaray iyaga oo gacanta ku dhigay afar ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab intii lagu guda jiray wejigii ugu dambeeyay ee qabsashada Bariire.

Qabsashada Barire waxaa ka horeeyay la wareegista tuulooyinka Sabiid iyo Caanole.

Tallaabada xigta ayaa noqoneysa Awdheegle oo ah magaalo istiraatiiji ah, Saraakiisha milateriga ayaa sheegay in qabsashada Awdheegle ay noqon doonto howlgalkii ugu adkaa ilaa hadda.

Haddii Awdheegle la qabsado, waxay taasi noqon doontaa guul weyn, maadaama ay dowladda dib ula wareegi doonto dhammaan shanta buundo ee muhiimka ah ee gobolkaas, Sidoo kale, waxay Al-Shabaab ku khasbi doontaa in ay dib ugu gurtaan waqooyiga webiga Shabelle.

WARARKA MAANTA 7da Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho 7da Agoosto 2025  Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Lataliyahiisa amniga Qaranka u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf.

Magacaabista Lataliyaha cusub ee amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaaneysa, kadib markii uu dhawaan xilkaasi iska casilay La taliyahii hore ee madaxweynaha Xuseen Macalin Maxamuud.

Lataliyaha cusub ayaa qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya lagu sheegay in Danjire Aweys Xaaji Yuusuf uu yahay shaqsi khibrad qoto dheer u leh arimaha ku saabsan maamulka iyo amniga qaranka.

Latalaiyaha cusub ee amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Aweys Xaaji ayaa horay xilal sare uga soo qabtay qaar ka mid ah dowladahi dalka soo maray, wuxuna soo maamulay Xafiiska Qorshaynta Siyaasadda ee Madaxtooyada Qaranka sanadahii (2012–2016), halkaas oo uu hormuud ka ahaa dejinta siyaasadaha guud ee amniga, dhaqaalaha iyo dib u habaynta dowladda.

“Wuxuu soo hogaamiyay wadahadalada heer sare ee amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah. Sanadihii u dhaxeeyay 2023 ilaa 2025 ayuu soo noqday, Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga, isagoo door ka qaatay xoojinta xiriirka amni iyo istaraatiijiyadeed ee labada dal” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. 

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa Lataliye Aweys u rajeeyey inuu doorkiisa ka qaato xoojinta amniga qaranka iyo istiraatiijiyadda dowladda ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, wuxuuna sidoo kale uga mahad celiyay madaxweynaha Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud howlihii uu ka qabtay horumarinta arrimaha amniga qaranka muddadii uu xilka hayay oo aheyd tan iyo bishii May ee sanadkii 2022.

Muqdisho 7da Agoosto 2025 Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka) ayaa lagu wada fuliyay Dil toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Sedexdooda oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa dilal horay uga gaystay Caasimadda iyo Shabeelaha Hoose.

Muqdisho 7da Agoosto 2025 Aqoonsiga Rasmiga ah ee OxfordAQA ee Dugsiyada Caalamiga ah Maarif Soomaaliya!

Waxaan si weyn ugu faraxsanahay inaan shaaca ka qaadno in Dugsiyada Caalamiga ah ee Hay’adda Turkish Maarif Foundation ee Soomaaliya ay si rasmi ah uga heleen aqoonsi caalami ah OxfordAQA.

Guushan muhiimka ah waxay noo suurto-gelisay inaan noqono dugsigii ugu horreeyay ee Soomaaliya laga aqoonsado si rasmi ah. Intaa waxaa dheer, dugsigeennu waxaa sidoo kale loo aqoonsaday inuu noqdo xarun imtixaan rasmi ah oo loogu talagalay imtixaannada IGCSE iyo A-LEVEL. Sidaas darteed, ardayda Soomaaliyeed uma baahnaan doonaan in ay u safraan dalal kale si ay u galaan imtixaannadan caalamiga ah.

Official OxfordAQA Accreditation for Somalia Maarif International Schools!

We are proud to announce that International Turkish Maarif Somalia Schools have been officially accredited by OxfordAQA.

This significant achievement marks us as the first educational institution in Somalia to receive international accreditation. Furthermore, our school has been authorized as an official exam center for IGCSE & A-Level assessments. As a result, Somali students will no longer need to travel abroad to take these internationally recognized exams.

Muqdisho 7da Agoosto 2025 Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed iyo  Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) kaas oo looga hadlayay is-waafajinta adeegyada labada hay’adood iyo qorsheyaasha la xiriira adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), waxaa qeyb ka ahaa:

* Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad)

* Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), Cabdiwali Cali Cabdulle (Tima-cadde)

* Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustaf Dhuxuloow

* Howlwadeeno ka kala socday labada hay’adood

Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee kulanka waxaa ka mid ahaa:

* Hirgelinta isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee qaadashada baasaboorka

* Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga

* Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed

* Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga ee HSJ iyo NIRA

* Dhisidda hannaan joogto ah oo ay si wadajir ah u fuliyaan labada hay’adood

Intii uu socday kulanka, waxaa laysla meel dhigay in laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025, dadka qaadanaya Baasaboorka Soomaaliya in laga rabo in ay haystaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka.

Sidoo kale, waxaa la go’aamiyay in laga bilaabo 1-da Janaayo 2026, dhammaan socdaalka gudaha dalka lagu xiro isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogta shakhsiga ah ee muwaadiniinta.

Labada Hay’adood ayaa muddooyinkii u dambeeyay si wadajir ah uga shaqeynayay is-waafajinta adeegyada dowliga ah ee ay siiyaan dadweynaha, si muwaadiniinta loogu sahlo helitaanka xaquuqdooda dastuuriga ah.

Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu mideynayo xogaha muwaadiniinta, laguna adkeynayo dhawrista xogta, ammaanka, iyo hufnaanta adeegyada dowladda.

WARARKA MAANTA 6da Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa dhulkii hantida dadweynaha iyo suuqyadii #Muqdisho iibsaday Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo xaasaskiisa? Yaa shacabka #Muqdisho barakac iyo qax joogta ah ku haaya? Yaase diidan inuu muddo kororsi sameeyo? Ma la joogaa xiilligii kaarto baxa Raysal Wasaaraha? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikhj “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho 6da Agoosto 2025 Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2025), oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), ayaa ka furmay magaalada Baydhabo.

Shirka waxaa si rasmi ah u daah-furay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana ka qeybgalaya Guddoomiyaha SoDMA, Wasiirrada Gargaarka ee dowlad goboleedyada, maamulka Gobolka Banaadir, hay’adaha deeq-bixiyeyaasha, ururrada bulshada rayidka ah, ganacsatada, iyo marti sharaf kale duwan.

Shirka ayaa diiradda saaraya wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, iyadoo la adeegsanayo hannaanka wada-jirka ah, xoojinta howlaha gargaarka, wax-ka-qabashada caqabadaha dhaqaale, isu-duwidda dadaallada, iyo kor u qaadidda iskaashiga dhexmara dhammaan daneeyeyaasha la xiriira bani’aadannimada.

Muqdisho 6da Agoosto 2025 Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa si kulul u dhaliilay dowladda Soomaaliya kadib markii uu ku eedeeyay in ay ku guuldarreysatay, inay si dhab ah u hubiso aqoonsiga iyo ujeedooyinka diblomaasiyiinta ajaanibka ah ee dalka loo soo dirayo.

Cabdirisaaq oo hadalkiisa ku baahiyay baraha bulshada, ayaa sheegay in arrintan ay tahay khalad weyn iyo ceeb qaran oo muujinaysa sida uu u liito hannaanka maamul ee dowladdu ku wajahdo xiriirka diblomaasiyadeed

“Tani waa fadeexad weyn iyo ceeb, Marka dowladda aysan ku guuleysan hawsha ugu fudud ee ah in la baaro aqoonsiga diblomaasiyiinta ajaanibka ah ee loo soo dirayo Soomaaliya, waxaa dhacaya inaad la macaamisho diblomaasiyiin leh ujeedooyin xu, Tani waa doqonimo cad,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay taagan tahay muran diblomaasiyadeed oo ka dhashay wakiillo ajaanib ah oo lagu eedeeyay iney wateen ajandayaal aan waafaqsaneyn madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Inkasta oo uusan si toos ah u magacaabin diblomaasiga uu ka hadlayo, hadalka Wasiirku wuxuu si guud u muujinayaa walaac ballaaran oo laga qabo sida ay dowladda federaalku u maareyso arrimaha dibadda, gaar ahaan marka ay timaado ilaalinta karaamada dalka.

Sidoo kale, hadalka wasiirkii hore ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana uu abuuray falcelin xoog leh oo ay dad badani ku taageereen aragtidiisa, halka qaar kalena ay ugu baaqeen dowladda inay si cad uga jawaabto eedeymaha noocan ah.

Waxaa si weyn ugu baahay baraha Bulshada Safiirka ay Dowladda Ethiopia usoo magacowday Soomaaliya uu ahaa shaqsi si weyn u taageerayay in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya markii uu taagnaa khilaafka Dowladda Federaalka iyo Ethiopia ee ka dhashay heshiiski marin biyoodka ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Ethiopia. 

Muqdisho 6da Agoosto 2025 Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada dalalka ay ciidamadoodu ka qayb qaadanayaan hawlgalka nabad ilaalinta AUSSOM.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray waajibaadka hortabinta leh ee AUSSOM, xoojinta iskaashiga amniga, iyo sidii loo dar-dargelin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Dalalkiina waxay muujiyeen hoggaan, go’aan adag, iyo kalsooni buuxda oo ku aaddan sidii Soomaaliya u heli lahayd amni waara, Waxaan diyaar u ahay inaan si dhow ula shaqeeyo dhammaan wakiillada si aan u xaqiijinno guul waarta,” ayuu yiri Danjire Diene.

Wakiilka ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dalalka Itoobiya, Kenya, iyo Uganda, oo ah kuwa hoggaaminaya taageerada millatari iyo boolis ee howlgalka AUSSOM, Wuxuu ammaanay doorkooda muhiimka ah ee ay ka ciyaarayaan ilaalinta midnimada Qaaradda Afrika iyo taageeridda geeddi-socodka nabad-dhisidda Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa, Danjire Mouktar Osman Kaire, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, Sareeye Guud Sam Kavuma, Taliyaha Ciidamada AUSSOM, Hillary Sao Kanu, Taliyaha Booliska AUSSOM Iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hawlgalka.

Intii kulanku socday, waxaa lagu falanqeeyay guulihii la gaaray tan iyo markii la bilaabay howlgalka AUSSOM, iyo caqabadaha wali taagan. 

Danjire Diene wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay sii wadaan taageeradooda si howlgalka AUSSOM uu u guto waajibaadkiisa, ayna Soomaaliya ugu suurtogasho inay hesho nabad iyo xasillooni waarta.

Maamulka Waqooyi Barri  6da Agoosto 2025 Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay in haddii la doorto in uu soo celin doono magaalada Ceerigaabo, ee xarunta gobolka Sanaag.

Firdhiye, oo u tartamaya xilka madaxweynaha ee maamulka Waqooyi Bari, ayaa sheegay in haddii markale la doorto uu Somaliland kala wareegi doono magaalada Ceerigaabo oo ay Somaliland ka taliso.

“Waxa qorshahayga ku jirta soo celinta deegaankeena maqan, ee ay ugu horrayso magaaladeenna quruxda badan ee Ceerigaabo,” ayuu yidhi hoggaamiye Firdhiye.

Firdhiye ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in loo baahan yahay in loo diyaar garoobo dagaal lagu qaado magaalada Ceerigaabo, taas oo uu sheegay inay muhiim u tahay maamulkiisa, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay soo ururiyaan dhaqaalihii lagu maalgelin lahaa dagaalka.

Dhawaaqa hoggaamiye Firdhiye ayaa imanaya xilli ay xukuumadda Somaliland gogol nabadeed dhigtay magaalada Ceerigaabo, si xal buuxa loogu helo xurguf soo kala dhex gashay beelaha qaarkood, isla markaana loo soo celiyo kumannaan qoys oo hore uga qaxay magaalada.

Shir ay dowladda federaalku taageeraysay oo dhawaan ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa lagaga dhawaaqay maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, kaasi oo la sheegay inuu ka koobnaan doono gobollada Sool, Sanaag, iyo Togdheer, kuwaas oo ay hadda Somaliland gacanta ku hayso qaybo ka mid ah.

Maamulkan cusub ayaa diidmo kala kulmay Somaliland iyo Puntland, oo mid walba dhulkeeda u aragta dhulka laga dhisay maamulka, waxayna si cad ugaga hor yimaadeen warsaxaafadeedyo is xigay oo ay dhinacyadu soo saareen.

Haddaba, waxa suuragal ah in ay dagaallo cusub dhex maraan dhinacyada, kadib hadalka Firdhiye, maadaama uusan jirin heshiis nabadeed oo ka dhexeeya, isla markaana ay weli kala haystaan maxaabiis.

Turkumestan  6da Agoosto 2025 Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shir caalami ah oo ka dhacay Awaza, Turkmenistan, kaasoo diiradda lagu saarayey dardargelinta iskaashiga u dhexeeya wadamada leh iyo kuwa aan lahayn xeebaha, gaar ahaan dhinaca ganacsiga, horumarinta kaabeyaasha, iyo fududeynta isu socodka badeecadaha.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Isaak Maxamuud Mursal, oo hoggaaminayay wafdiga Soomaaliya, ayaa caddeeyay in Soomaaliya ay shirka uga qayb gashay sidii ay u xoojin lahayd doorkeeda ku aaddan taageeridda wadamada xeebaha la’a ee soo koraya, isla markaana ay u raadiso maalgashi ku wajahan dekedaha iyo jidadka istaraatiijiga ah ee kobcin kara isku socodka gobolka.

“Soomaaliya waxay ka go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato dadaallada lagu taageerayo wadamada aan badaha lahayn, si kor loogu qaado iskaashiga gobolka iyo horumarka wadaagga ah,” ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda.

Shirka, oo ay Qaramada Midoobay qabanqaabisay, ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu hirgelinayo Barnaamijka Awaza ee 2024–2034, waxaana Soomaaliya ay sheegtay in ay ka go’an tahay kaalin muuqata iyo iskaashi horumarineed oo dhexmara dalalka deriska ah.

“Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkan wuxuu fure u yahay raadinta maalgashi ku wajahan dekedaha iyo kaabeyaasha isku xira dalalka gobolka, si badeecaduhu si fudud oo qiimo jaban ah ugu gudbaan.”

ayuu hadalkiisa ku daray wasiir ku xigeenka.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa hadal hayn badan ka dhalatay ka qeybgalka Soomaaliya ee shirka wadamada aan badaha lahayn, maaddaama Soomaaliya dhowaan ay si cad uga hortimid ka qeybgalka dhoolatus ciidan oo ay xeebaha ka sameynayeen dalal aan bad lahayn.

WARARKA MAANTA 5ta Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa shacabka #Muqdisho barakac iyo qax joogta ah ku haaya? Yaase diidan inuu muddo kororsi sameeyo? Ma la joogaa xiilligii kaarto baxa Raysal Wasaaraha? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikhj “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Maamulka Waqooyi Barri  5ta Agoosto 2025 “Haddii aan si degdeg ah xal rasmi ah loo helin, waxaa jirta khatar weyn oo ah kala irdhow bulsho, wiiqanka kalsoonida dadweynaha, iyo burbur ku yimaada hannaanka dhismaha dhammaystirka Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, taas oo dhaawacaysa masiirka siyaasadeed ee mustaqbalka Gobollada ku midoobay maamulkan iyo guud ahaan dalka”, Jamaal Maxamed Xasan oo walaac ka muujiyey qaabka DFS u maamulayso maamulkii Laascaanood looga dhawaaqay.”Haddii aan si degdeg ah xal rasmi ah loo helin, waxaa jirta khatar weyn oo ah kala irdhow bulsho, wiiqanka kalsoonida dadweynaha, iyo burbur ku yimaada hannaanka dhismaha dhammaystirka Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, taas oo dhaawacaysa masiirka siyaasadeed ee mustaqbalka Gobollada ku midoobay maamulkan iyo guud ahaan dalka”, Jamaal Maxamed Xasan oo walaac ka muujiyey qaabka DFS u maamulayso maamulkii Laascaanood looga dhawaaqay.

Muqdisho 5ta Agoosto 2025 Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Ciraaq

Muqdisho, August 04, 2025 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah, kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo, Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Ciraaq u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Qahtan Taha Khalaf Al-Janabi.

Wasiir Cabdisalaan ayaa si diirran u soo dhoweeyay Danjire Al-Janabi, isaga oo u rajeeyay inuu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee loo xil-saarray, tilmaamayna sida Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ay diyaar ugu tahay fududaynta wixii suuragal ah si uu uga soo dhalaalo waajibaadkiisa, si loo adkeeyo xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ciraaq, isaga oo carabaabay rajadiisa in muddada xil-hayntiisa ay bog cusub u furi doonto xiriirka labada dal ee walaalaha.

->###<-

Africom ta Agoosto 2025 Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (US Africa Command) ayaa ku dhawaaqay in ciidamadoodu ay duqeymo cirka ah la beegsadeen kooxda Al-Shabaab, intii lagu jiray dagaallo ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya maalintii Jimcaha. 

AFRICOM ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan duqeymaha, marka laga reebo in lagu taageerayay dowladda Soomaaliya ee ay Mareykanku taageeraan, duqeymahana lagu qaaday agagaarka deegaanka Bariire, oo ku yaalla qiyaastii 30 mayl galbeed ka xigta Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dishay 20 askari oo ka tirsan ciidanka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika, isla markaana ay burburisay gaadiid dagaal.

Mareykanka ayaa wali sii xoojinaya taageerada uu siiyo dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho, isagoo sii wadaya duqeymaha cirka ah. Mareykanku wuxuu sidoo kale duqeymo ka geystay buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari, halkaas oo uu taageero ka siiyo ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxaha xagjirka ah ee ISIS.

Lama cadda tirada saxda ah ee duqeymaha Mareykanku ka geystay Koonfurta Soomaaliy, balse tirada guud ee duqeymaha Mareykanku ka fuliyay Soomaaliya sanadkan waxay gaareysaa 55.

Maamulka Trump ayaa qaaday weerarro cirka ah oo heer taariikhi ah ah, iyadoo u dhow inay jabiso rikoodhkii sanadlaha ahaa ee 63 duqeyn ee uu dhigay Madaxweyne Trump intii lagu jiray sannadkiisii ugu horreeyay ee 2019.

Puntland 5ta Agoosto 2025 Dibloomaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo ka socota dowladda Turkiga ayaa ku sugan magaaalda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo mas’uuliyiinta Puntland ay hayaan markab hub iyo gaadiid dagaal siday.

Markabka oo lagu magacaabo Sea World, ayaa laga qabtay xeebta degmada Bareeda ee gobolka Raas Caseyr, kadib markii uu ka baxay dekedda Izmir ee dalka Turkiga, isagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho.

Wafdiga Turkiga ayaa la filayaa in ay kulan la qaataan madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, si ay uga wada hadlaan arrinta muranka dhalisay ee ku saabsan waxa markabka saaran iyo cidda iska leh.

Markabkan oo wata calanka dalka Comoros ayaa la qabtay 18-kii July, xilli uu ku sugnaa meel u dhow aagga ay muddo sagaal bilood ah dagaalka kula jireen xoogagga Daacish ee Puntland.

Puntland waxay sheegtay in dad ganacsato ah oo Muqdisho ka soo jeeda iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya ay labaduba sheegteen in hubka iyo gaadiidka saaran ay iyagu leeyihiin. Sheegashadan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sharciyadda shixnadda iyo cidda loogu talagalay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hubka loo waday xarunta Turkeysom, balse ilaa hadda si rasmi ah ugama aysan bixin dukumenti caddeynaya. Safaaradda Turkiga ayaana weli si rasmi ah u beenin ama u xaqiijin lahaanshaha qalabka saaran markabka.

Puntland ayaa horay walaac uga muujisay in hub si sharci-darro ah dalka ku soo galaan, xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Garoowe iyo Villa Soomaaliya.

ubbaland  5ta Agoosto 2025 Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Kismaayo.

Wafdiga waxaa ka mid ahaa saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka AUSSOM (AUSSOM). Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray Xaaladda guud ee siyaasadda dalka, Amniga Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya iyo Dadaallada socda ee la dagaallanka argagixisada.

Intii uu kulanku socday, Danjire Diene waxa uu si gaar ah u ammaanay dadaallada Dowladda Jubaland ee ku aaddan xoreynta deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan Jubaland, iyo xasilinta deegaannada dhawaan laga saaray argagixisada.

Waxa uu xusay in ciidamada Jubaland ay muujiyeen karti, xirfad iyo waxqabad la taaban karo, taas oo muhiim u ah xoojinta nabadgalyada iyo xasilloonida dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya, isaga oo sheegay in iskaashiga dhanka amniga uu yahay mid lagu gaari karo mustaqbal nabdoon iyo horumar waara.

Kulankaan waxa uu imaanaya iyadoo wali ay xiisad ay ka taagan tahay gobolka Gedo, oo ay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda federaalka uu hor kacaayo Cabdirashiid Jajan iyo kuwa Jubaland ay dhowr jeer ku dagaalameen ayna sababtay khasaare labada dhinac ah oo dhimasho iyo dhaawacba leh sidoo kalena waxyeelo ay kasoo gaareen shacabka ku nool Degmada Balad Xaawo.

WARARKA MAANTA 4da Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaase dhammeystir doona muddo kororsiga 2 sanno oo kale? Yaase diidan inuu muddo kororsi sameeyo? Ma la joogaa xiilligii kaarto baxa Raysal Wasaaraha? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikhj “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho 4ta Agoosto 2025 Shacabka Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa si kulul u dhaliilay tallaabooyinka Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriira iibinta dhismayaal muhiim ah oo ka tirsan hantida guud ee dalka, oo ay ku jiraan xaruntii hore ee Wasaaradda Caafimaadka, Isbitaalka Laansareeti, iyo dhismayaal kale oo taariikhi ah oo ku yaalla caasimadda Muqdisho.

Arrintan ayaa si weyn uga dhex dhalisay dood ku saabsan xurmada ay dowladdu u hayso goobaha daryeelka bulshada iyo ilaalinta hantida qaranka, waxaana si weyn u dhaliiley Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bartiisa Facebook ku qoray dhaliil xooggan oo uu u jeediyay dowladda, isagoo ku tilmaamay iibka xarumaha caafimaadka inay yihiin tallaabo muujinaysa in dowladdu ka liidato xagga mooralka iyo mas’uuliyadda xataa marka loo eego maleeshiyaadkii beelaha ee dagaalladii sokeeye.

“Xilliyadii dalku ugu rajada xumaa oo ay dagaalladu daraf kasta ka socdeen, maleeshiyaadka beelaha waxay xurmayn jireen xarumaha caafimaadka, iibinta Wasaaraddii Caafimaadka, Isbitaalka Laansareeti iyo dhismayaalkii dhaxal taariikheedka ahaa waxay caddayn u tahay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka mooral, akhlaaq iyo xurmo liito maleeshiyo beeleedkii,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Isbitaalka Laansareeti iyo xarumihii kale ee la sheegay in la iibiyay waxay shacabka Soomaaliyeed u ahaayeen meel astaan u ah adeeg caafimaad iyo mid taariikhi, gaar ahaan waqtiyadii dalka uu ku jiray burburka iyo dagaalka. 

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay u baahatay xarumihii hore Dowladda si adeegyo Bulsho loogu sameeyo balse, waxaa walaac xoogan ay dadka ka muujinayaan in illaa iyo hadda aan la arag Xarun Dowladeed oo dadka laga kiciyay oo adeeg Dowladda ay bixiso lagu sameeyo.

Bariire 4ta Agoosto 2025 Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si kulul u beeniyay wararka warbaahinta qaarkood ku sheegayaan in khasaarooyin culus ka soo gaareen ciidamadooda dagaal ka dhacay Degaanka Bariire, oo dhanka koonfur-galbeed ka xigta caasimadda Muqdisho.

Bayaan rasmi ah oo ay soo saareen maanta, AUSSOM ayaa ka jawaabeysa sheegashooyinka kooxda Al-Shabaab ee ku saabsan in la burburiyay gawaari gaashaaman oo ay leeyihiin ciidamada Midowga Afrika, iyo in ay ciidamadooda dib uga gurteen Bariire kadib dagaal culus.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in ciidamo wadajir ah oo ka kala tirsan AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ay 1-dii Agoosto fuliyeen howlgal milatari ballaaran si dib loogu qabsado magaalada Bariire.

“Ciidamada AUSSOM iyo CXDS waxaa ka go’an inay dib u xoreeyaan Bariire iyo dhulalka kale ee wali gacanta ugu jira Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Dan-jire El Hadji Ibrahima Diene, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC).

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, howlgalka wadajirka ah wuxuu sababay khasaaro culus oo gaarey kooxda Al-Shabaab, iyadoo in ka badan 50 dagaalame lagu dilay, tiro kalena si daran loogu dhaawacay.

AUSSOM waxay intaas ku dartay inay si buuxda uga go’an tahay in laga saaro kooxaha argagixisada meelaha ay wali ku sugan yihiin, ayna si dhow ula shaqeynayaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed si loo adkeeyo amniga guud ee dalka.

Maxaas 4ta Agoosto 2025 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysna oo ay iska kaashadeen ciidanka dowlada iyo kuwa  Macawiisleeyda gobolka Hiiraan, kaasoo laga fuliyay duuleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa la tilmaamay in lagu beegsaday fariisimo maleeshiyadka Al-shabaab ku lahayeen duuleedka degmada Maxaas, islamarkaana lagu burburiyay goobo gabaadyo u ahaa maleeshiyida.

Taliska Guutada 5-aad qaybta 27-aad Maxamuud Ibraahim Xasan Baakaay iyo Korneyl Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa si wadajir ah u hoggaaminaayay ciidamada iskaashanaya ee howlgalka ka fuliyay duuleedka Maxaas.

Howlgalkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ciidamada is garabsanaya ka fuliyaan nawaaxiga Maxaas tan iyo markii kooxdu la wareegtay Maxaas 27-kii bishii lasoo dhaafay.

Saraakiisha Militeriga dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa Macawiisleyda Hiiraan ayaa wada dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Al-shabaab oo lagu doonayo in ciidanka ay dib ula wareegaan magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka Hiiraan sida Maxaas iyo Moqokori.

Muulka Waqooyi Barri 4ta Agoosto 2025 Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay ku cambaareeyeen qaabka loo wado doorashada maamulka cusub. Musharraxiintu waxay muujiyeen walaac xooggan oo ku saabsan faragelin ay sheegeen inay ka imaanayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasiir Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo lagu eedeeyay inuu si toos ah u taageerayo koox gaar ah si ay ula wareegaan hoggaanka maamulka.

Waxay sheegeen in guddiga hubinta iyo ansixinta Xildhibaanada ee uu magacaabay Wasiirka aanu ahayn mid sharci ah, isla markaana u adeegaya dano gaar ah oo dhaawacaya kalsoonidii lagu qabay hannaanka doorasho. Sidoo kale, musharraxiintu waxay ka digeen in doorasho aan loo marayn hannaan wada-ogol ah ay horseedi karto kala fogaansho bulsho, burbur ku yimaada rajadii laga qabay dhismaha maamulka, iyo in shacabka laga hor istaago inay helaan hoggaan ay si xor ah u doorteen.

War-saxaafadeedka waxaa lagu caddeeyay qodobo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin in musharraxiintu aysan aqbali doonin hannaan doorasho oo si gaar ah loogu daneynayo musharrax gaar ah, loona baahan yahay in doorashadu ku dhacdo si waafaqsan dastuurka iyo rabitaanka shacabka. Waxaa kaloo baaq loo diray isimada dhaqanka iyo hoggaanka bulshada si ay door muhiim ah uga qaataan ilaalinta midnimada iyo nabadda deegaanka.

Musharraxiintu waxay sidoo kale dowladda Federaalka uga digeen in ay qaadi doonto mas’uuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha faragelinta iyo xadgudubka hannaanka doorashada, iyagoo ugu dambeyn ugu baaqay beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed in aysan aqbalin hannaan laga leeyahay dano gaar ah, ayna taageeraan doorasho hufan oo lagu kasban karo kalsoonida bulshada.

WARARKA MAANTA 1da Agoosto, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: #Sannad-Guuro Wacan #PuntlandState Sannad-Guuraddii 27baad! Yaa soo af-jaray  beentii ay #Somaliland u sheegi jirtay shacabka? Yaase dalka #Soomaaliya ka dhigay mid aan la kala jari karin? Yaase soo af-jaray beentii iyo riyadii waali jiray tahay da’ yarta #Somaliland? Maxay tahay shaqsiyaad ganacsato inay hub soo gataan? Meeqo jeer/goor ayeey kala hadleen Dowladda Soomaaliya? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee labada sanno muddo kororsiga? Yaa hub sharci-darro ah u ogolaaday inay ganacsato ka soo gadato dalal sheeye ah ayagoo isticmaalaya magaca Dowladda Soomaaliya #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikhj “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikhj “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

North east State 1da Agoosto, 2025 Wasiirka Wasaaraddq Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa magaalada Laascaanood uga qeybgalay Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey Shirweynaha lagu dhameystirayo Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay Masuuliyiinta labada heer ee dowladda Federaalka ah, Ergooyinka Iyo Guddiyada ka shaqeynayay Shirweynaha.

Puntland 1da Agoosto, 2025   Ciidamada Puntland, kuwaas oo fadhigoodu yahay deegaanka Kalabayr ee gobolka Bari, ayaa xalay gacanta ku dhigay laba xubnood oo kamid ahaa firxadkii argagixisada Daacish ee lagu jebiyay hawlgalkii Calmiskaad.

Saraakiil ka tirsan hawlgalkan ayaa xaqiijiyay in labada xubnood oo ajnabi ah laga qabtay buuraha u dhaw deegaanka Kalabayr, halkaasi oo ay u soo firxadeen, kaddib markii ciidamada Puntland si buuxda u kala daadiyeen awooddii mileeshiyaadka Daacish.

Saraakiishu waxay sheegeen in labada argagixiye loo gudbin doono taliska guud ee hawlgalka Calmiskaad ee magaalada Boosaaso, si baaritaan dhammaystiran loo sameeyo, islamarkaana loo horgeeyo hay’adaha garsoorka, gaar ahaan maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa muujiyay dadaal joogto ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka iyo xasiloonida gobolka, iyagoo ka hortagaya kooxaha argagixisada ee halista ku haya bulshada

Indonesia 1da Agoosto, 2025 Daawo Muuqaal soo koobaya wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo maanta kul kulmay Magaalada Jakarta, dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Indonesia, Mudane Sugiono, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo kor-u-qaadidda iskaashiga.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Indonesia, ayaa waxaa labada wasiir ay ku heshiiyeen qotodheereynta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, sida ganacsiga, beeraha iyo waxbarashada.

Muqdisho 1da Agoosto, 2025  Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ku dhawaaqay deeq lacageed oo gaaraysa $200,000, taasoo lagu taageerayo dadaallada gurmad ee lagu wajahayo abaarta ba’an ee ka taagan Gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya.

Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib kulan uu Guddoomiyuhu la yeeshay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Gobolka Awdal, kuwaasoo uga warramay xaaladda cakiran ee bini’aadantinimo ee gobolkaas ka jirta, gaar ahaan baahiyaha degdegga ah ee ay dadka reer Awdal la daalaa dhacayaan.

Muungaab ayaa sheegay in isu-gurmashada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed ay tahay tiir-dhexaadka samatabbixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen. 

Wuxuu xusay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka Muqdisho ay garab taagan yihiin walaalahooda Awdal, iyaga oo deeqdan lacageed ugu talagalay in si degdeg ah loogu fuliyo howlaha gargaarka naf-badbaadinta ah.

Deeqdan ayaa si rasmi ah loogu wareejin doonaa Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), si loo hubiyo in si hufan oo qorsheysan loogu adeegsado wax-ka-qabadka abaarta iyo ka hortagga faafitaankeeda.

Puntland 1da Agoosto, 2025 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay joojiso dagaallada ay ka waddo gobolka Gedo, isagoo sheegay in colaadahaasi ay carqaladeynayaan dadaallada lagu wajahayo kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay inay tahay nasiib darro in dowladda federaalka ay ciidamo u daabusho gobolka Gedo, taasoo keentay iska horimaadyo u dhexeeya ciidamadii dowladda dhexdeeda. Wuxuu xusay in arrintaasi sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo barakac baahsan.

“Waxaan ugu baaqayaa dowladda dhexe in caqligu taliyo oo la xushmeeyo danaha shacabka Soomaaliyeed. Tallaabooyinka haatan socda waxay muujinayaan khatar weyn oo burbur qaran keeni karta, haddii aan laga baaqsan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso colaado sokeeye oo salka ku haya dano siyaasadeed oo gaar ah, halkii laga filayay inay ilaaliso midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaa murugo leh in dowladdii loo igmaday inay difaacdo wadajirka qaranka ay ku mashquulsan tahay abaabulka fowdo iyo dagaallo aan dan guud ka tarayn, iyadoo leh yoolal siyaasadeed oo gaaban,” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabooyinka ay qaadayso dowladda federaalka ay dhaawacayaan kalsoonida iyo taageerada caalamka uu siiyo dib u dhiska Soomaaliya.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay in xilli Al-Shabaab ay dib u qabsadeen deegaanno muhiim ah, haddana dowladda federaalka ay ku mashquulsan tahay weerarro ka dhan ah deegaanno nabdoon

.

WARARKA MAANTA 31ka Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: #Hambalyo #Dowlad Gobaleedka Waqooyi Barri #NorthEastState? Yaa soo af-jaray  beentii ay #Somaliland u sheegi jirtay shacabka? Yaase dalka #Soomaaliya ka dhigay mid aan la kala jari karin? Yaase soo af-jaray beentii iyo riyadii waali jiray tahay da’ yarta #Somaliland? Maxay tahay shaqsiyaad ganacsato inay hub soo gataan? Meeqo jeer/goor ayeey kala hadleen Dowladda Soomaaliya? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee labada sanno muddo kororsiga? Yaa hub sharci-darro ah u ogolaaday inay ganacsato ka soo gadato dalal sheeye ah ayagoo isticmaalaya magaca Dowladda Soomaaliya #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikhj “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikhj “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho Luulyo 31ka, 2025 Hambalyo Dawlad Goboleedka Waqooyi- Bari Soomaaliya. Waa maamul dhismihiisa loo maray dhib badan, waana maamul macno iyo maamuus gaar u leh dadka iyo Dawladda Soomaaliya isu hayntooda. Ma ahan maamul gacmo iyo garab shisheeye ku yimid ama uu qeyb ka ahaa. Waa maamul bilay midnimada dalka soo yareeyey rajada gooni-goodadka.

Waxaan u rajaynyaa dadka reer Waqooyi-Bari in maamulkani u horseedo midnimo, horumar iyo badhaadhe.

Muqdisho Luulyo 31ka, 2025 Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Biixi Imaan Cige ayaa maanta Guddoomiyey shirkii ugu horreeyey ee Guddiga Sare ee Hagidda ee Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka cimillada, kaas oo si rasmi ah loogu daah-furay hannaanka cusub ee Maaliyadda Cimillada ee Soomaaliya. 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa helitaanka iyo ka faa’iidaysiga maaliyadda cimillada (Climate Financing), iyo sidii loo xoojin lahaa mashruucyada maalgashiga u qalma. Shirka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee Sanduuqa Qaranka ee Isbeddelka Cimillada. 

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay, Wasiiradda Qorsheynta, Deggaankaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Dib u Dhiska dalka, iyo Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka cimillada. Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeynta ay Soomaaliya la leedahay Hey’addaha calaamiga ah ka shaqeeya arrimaha Isbeddelka Cimillada iyo deegaanka. 

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay sida wayn u saamaysay Isbeddelka Cimillada iyadoo inta badan ay Gobollo badan oo dalka ah ay ka dhacaan fatahaado iyo Abaaro soo noqnoqda oo ay sababto roob yaraan. Sanduuqa Qaranka ee Isbeddelka Cimillada ayaa waxaa Xeer Madaxweyne ku aasasay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Fulinta Sanduuqa Liiban Obsiye.

Muqdisho Luulyo 31ka, 2025 Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta magaalada Jabuuti si rasmi ah u kala saxiixday heshiis lagu kordhinaayo ciidamada dowladda Jabuuti ka jooga gudaha dalka Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa waxaa labada dowladood u kala saxiixay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo ku simaha Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon, waxaana goobjoog ahaa masuuliyiin sar sare oo ka kala socday Soomaaliya iyo Jabuuti.

“Heshiiskan ayaa hagaya kordhinta tirada ciidamada Jabuuti ee lagu sii kordhinayo howlgalka ka socda gudaha Soomaaliya, iyadoo la raacayo mabaadi’da iyo mudnaanta ay labada dhinac horey uga heshiiyeen. Waxa uu sidoo kale qeexayaa habraacyada faragelinta, waajibaadka labada dhinac iyo hannaanada iskaashi ee labada ciidan, iyadoo lagu saleynayo ruux wadashaqeyn iyo is-ixtiraam” ayaa lagu yiri Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya. 

Heshiiskaan ayaa sidoo kale la tilmaamay inuu qeyb ka yahay aragti guud oo labada dal ay ka wadaagaan xasiloonida gobolka iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Jabuuti taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Gabagabadii dowladda Jabuuti waxay ka mid tahay dowladaha Soomaaliya sida weyn uga taageera dhinacyada amniga iyo horumarinta, waxaana ciidamadeedu ka mid yihiin kuwa nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

WARARKA MAANTA 24ka Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay tahay shaqsiyaad ganacsato inay hub soo gataan? Meeqo jeer/goor ayeey kala hadleen Dowladda Soomaaliya? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee labada sanno muddo kororsiga? Yaa hub sharci-darro ah u ogolaaday inay ganacsato ka soo gadato dalal sheeye ah ayagoo isticmaalaya magaca Dowladda Soomaaliya #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikhj “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikhj “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho Luulyo 24ka, 2025 Agaasimaha Guud ee Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya, Cabdimaalik Cabdullaahi iyo Madaxa Hay’adda Miino Baarista ee Qaramada Midoobay (UNMAS) Fran O’Grady ayaa wada guddoomiyay shirka guddiga wadajirka ah ee Xafiiska Amniga iyo UNMAS.

kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida UNMAS ay Soomaaliya u taageerayso xilliga kala-guurka oo ay Soomaalidu hoggaamineyso ee loogu talagalay in si buuxda loo sii maareeyo ka hortagga Walxaha Qarxa iyo dadaalka Maareynta Hubka iyo Rasaasta.

Muqdisho Luulyo 24ka, 2025 Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Indonesia, oo ku saabsan in ay ka dhaafaan shuruudaha dal-ku galka dadka sita Baasaboorrada diblumaasiga iyo shaqada, si loo fududeeyo arrimaha socdaalka ee labada dal.

Kulanka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka XJFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa warbixin lagaga dhageystay guddiga xal u helidda saxmadda waddooyinka caasimadda, taas oo ku saabsan caqabadaha keenay saxmadda iyo sidii xal waara looga heli lahaa culeyska saxmadda iyo saameynta ay ku yeelatay isku socodka waddooyinka caasimadda.

Golaha Wasiirrada, ayaa ka dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, warbixinno ku saabsan amniga, dib-u-xoreynta iyo xasillinta dalka.

— Dhammaad —

Muqdisho Luulyo 24ka, 2025 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo Shalay galinkii dambe ciidanka difaaca deegaanka ka fuliyeen deegaanka Cadaleey oo ku yaala duuleedka magaalada Caad ee Koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalkaan oo lagu dilay horjogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyay ciidamada deegaanka ee magaalooyinka Baxdo iyo Wisil oo ka wada tirsan maamulka Galmudug. 

Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalka ku dilay ilaa 9 xubnood oo isugu jira horjoogayaal maleeshiyaad ka tirsan kooxda, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Saldhigii ay halkaas ku lahaayeen Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada deegaanka ee howlgalka fuliyay ayaa sheegay in talaabadani ay qayb ka tahay iskaashi balaaran oo shacabka iyo culimada gobolka ay ku doonayaan iney ku wiiqayaan awooda kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaysa deegaanada gobolka Mudug.

Ugu dambeyntii deegaanada ku yaala Koonfurta gobalka mudug waxaa ka dhaca inta badan howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaabka ku sugan qeybo ka mid ah Koonfurta gobolkaas ee maamuka Galmudug. 

Dooxa Luulyo 24ka, 2025 Waxaa magaalada Dooxa ku kulmay Marwo Maryam bint Cali bin Naasir Al-Musnad, Wasiiru dowlaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Qatar, iyo Cali Maxamed Cumar, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, iyaga oo diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, iyo taageerada farsamo ee Soomaaliya.

Labada wasiir waxay sidoo kale isla garteen muhiimada ay leedahay taageeridda mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya si loo gaaro xasillooni waarta iyo horumar bulsho oo joogto ah. 

Waxa kale oo ay hoosta ka xariiqeen sida ay uga go’an tahay labada dowladood in la sii xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah, iyadoo la ballaarinayo fursadaha iskaashi ee ku saleysan danaha labada shacab.

Booqashada uu wasiirka Soomaaliyeed ku joogo Qatar ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee labada dal ku doonayaan inay ku xoojiyaan xiriirkooda diblumaasiyadeed iyo iskaashi istiraatiiji ah.

Muqdisho Luulyo 24ka, 2025 Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Omar Abdulkadir Artan, ayaa loo doortay inuu ka mid noqdo 18-ka garsoore ee rasmiga ah ee ka qeyb geli doona Koobka Adduunka ee FIFA U-20 2025, kaasoo lagu qaban doono dalka Chile.

Cartan, oo sidoo kale garsoore ka ahaa final-kii CAF Champions League 2024/2025, ayaa noqday mid ka mid ah lixda garsoore ee Afrika laga xushay. Waxaa sidoo kale garsoore kaaliye ahaan loo doortay Gilbert Cheruiyot oo ka socda dalka Kenya.

Guddiga garsoorayaasha FIFA ayaa ku dhawaaqay liiska rasmiga ah ee ka kooban 18 garsoore, 36 garsoore kaaliye iyo qeybta Football Video Support (FVS) ee loo adeegsan doono tartanka, kaasoo dhici doona inta u dhaxaysa Sebtembar 27 ilaa Oktoobar 19, 2025.

Garsoore Cartan, oo sanadkii 2018 lagu daray liiska garsoorayaasha caalamiga ah ee FIFA, ayaa si degdeg ah uga baxay heerarka gudaha una gudbay kuwa caalamiga ah.

Waxa uu horey u garsooray tartanka AFCON 2024, isagoo noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee dhexdhexaadiya koobka Qaramada Afrika. 

Puntland State Luulyo 24ka, 2025 Ugu yaraan labo qof oo ka mid ahaa shaqaalaha ilaalada canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Garowe ayaa lagu dilay magaalada Garowe, halka saddex kale ay dhaawacyo culus soo gaareen, kadib markii askari ka tirsan ciidamada amniga Puntland uu rasaas ku furay gaari nooca Brobax ah oo ay la socdeen.

Falkan ayaa dhacay kaddib markii sida la sheegay askariga falkan geystay uu ka carooday mooto Bajaaj uu lahaa, taasoo ay ciidmada Dowladda Hoose u xareeyeen canshuuro lagu lahaa. Sida la xaqiijiyay, rasaasta uu furay askariga ayaa sababtay dhimashada darawalkii gaariga waday iyo hal askari oo la socday.

Eedeysanaha ayaa la xaqiijiyay inuu ka tirsanaa guutada Goodir ee ciidamada Daarawiishta Puntland, wuxuuna ka baxsaday goobta falka uu ka dhacay. Laamaha amniga Puntland ayaa hadda wada howlgallo lagu raadinayo.

Sida ay sheegeen ilo caafimaad, qaar ka mid ah askarta dhaawacantay ayaa qaba dhaawacyo halis ah, kuwaas oo hadda lagu dabiibayo isbitaallada magaalada Garowe.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan dambiyada amniga lidka ku ah ee ka dhaca magaalada Garowe waxaa si toos ah ama dadban ugu lug yeesha askarta.

Maraykanka Luulyo 24ka, 2025 Baraha bulshada, gaar ahaan madalaha sida X (hore Twitter), ayaa si xooggan looga dhaleeceeyay siyaasadda madaxweynaha Donald Trump ee ku aaddan kordhinta howlgalada militari ee Soomaaliya.

Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyay inuu ka leexday ballanqaadkiisii ololaha doorashada oo ahaa inuu joojinayo dagaalada aan dhammaadka lahayn, isaga oo si weyn u kordhiyay duqeymaha cirka ee Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya iyo dalal kale.

“Kororka weerarada cirka ee ka socda Soomaaliya ayaa si toos ah uga hor imaanaya ballanqaadyadii Trump ee ahaa in Mareykanka laga saaro dagaalada daba dheeraaday,” ayaa lagu yiri qoraallo cambaarayn ah oo lagu faafiyay baraha Internetka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhaweysay taageerada Mareykanka ee la dagaalanka kooxaha argigixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish, hase yeeshee tirada sii kordheysa ee weerarada ayaa weli ka dhalisay walaac caalami ah.

Khubaro ka tirsan Atlantic Council oo hay’ad cilmi-baariseed oo dhiirrigelisa hoggaaminta Mareykanka ee arrimaha caalamiga ah, ayaa digniin ka bixiyay in xalka Soomaaliya uusan ku koobnayn oo keliya dagaal militari, balse uu u baahan yahay in la xalliyo dhibaatooyinka bulsho iyo dhaqaale ee asalka u ah xasaradaha.

Inkastoo Mareykanka uu xoojinayo dadaalladiisa la dagaalanka argagixisada Soomaaliya, haddana lama hubo in kordhinta weerarada cirka ay keeni doonaan guulo muuqda.

Beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si dhow ula socda xaaladda, iyadoo weli loollanku u dhexeeyo xaqiijinta amniga iyo ilaalinta xaaladaha bani’aadantinimo ee dalka.

WARARKA MAANTA 23ka Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee labada sanno muddo kororsiga? Yaa hub sharci-darro ah u ogolaaday inay ganacsato ka soo gadato dalal sheeye ah ayagoo isticmaalaya magaca Dowladda Soomaaliya #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikhj “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikhj “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Maraykanka Luulyo 23ka, 2025 Dowladda Mareykanka ayaa si cad u sheegtay inaysan taageersaneyn qorshaha Itoobiya ay ku dooneyso in ay ku hantido dekedda Assab ee dalka Eritrea, sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka kadib khadka taleefanka uu kula xiriiray Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Qoraalka warbixinta ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay diiradda saareen is-afgarad ku saleysan “dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo xasiloonida gobolka,” iyadoo aan marna lagu xusin wax ku saabsan marin badeedka Cas ama sheegashooyin dhuleed oo Itoobiya leedahay.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa intii ay wada hadleen adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadahadalka iyo xasilloonida gobolka. Waxa uu sidoo kale ammaanay isbeddellada dhaqaale ee Itoobiya oo fursado u abuurey ganacsiga iyo maalgashiga Mareykanka.

Wararka isha lagu hayo oo kaladuwan ayaa muujinaya in Mareykanka uu dhiirrigelinayo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, halkii uu ka taageeri lahaa ballaarinta dhuleed ama danaha xasaasiga ah ee marin badeedka Itoobiya.

Dhawaan ayay ahayd markii Dowladda Maraykanka ay sheegtay inay ka shaqeynayso sidii xal looga gaari lahaa  khilaafka Biyo-xireenka Weyn ee  Itoobiya iyo Masar.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa muujiyay mahadcelin uu u jeediyay waxa uu ku tilmaamay dadaalka Trump ee ku aaddan in la gaaro heshiis caddaalad ah oo u dhexeeya Masar, Suudaan, iyo Itoobiya.

Qaramadda Midooway #Hadii ay ku dhaaftay – La-soco qaybtii ugu dambeysay ee barnaamijka #TubtaNabadda oo gaartay qaybtii 450-aad, si aad u dhageysatid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Soomaaliya, Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ka hadlaya isbaddalka warbaahinta iyo doorka ay ku leedahay nabad dhiska iyo qaabeynta mustaqbalka waddanka. Waxaan sidoo kale dhageysan doonnaa qaar ka mid ah dhageystayaasheenna oo nala wadaagaya waxa Barnaamijka 𝗧𝘂𝗯𝘁𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 uu uga dhignaa ayaga sanadihii la soo dhaafay.

Muqdisho  Luulyo 23ka, 2025 WAR-SAXAAFADEED

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagula kacay markabka lagu magacaabo SEA WORLD ee wata calanka Jasiiradda Comoros

Muqdisho, 23 July 2025: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD. Markabku wuxuu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM. Si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, Shixnaddu waxay ku socotay sifo sharci ah oo si buuxda u waafaqsan shuruucda Dalka iyo kuwa caalamiga ah. Marka laga soo tago qalabka ciidan, markabku waxuu sidoo kale siday badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Qodobka 54aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah, wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya si gaar ah ugu xilsaarayaa difaaca amniga qaranka bad iyo barriba. Afduubka markabkan oo ay fuliyeen kooxo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Puntland, wuxuu si toos ah ugu xad-gudbayaa Dastuurka KMG ah, wuxuuna dhaawacayaa gobonnimada, midnimada iyo madax-bannaanida qaranka.

Sida ku cad Xeerarka Caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS) ee 1982, Falkasta oo lagu afduubto markab ganacsi ama mid si sharci ah oggolaansho uga haysta Dowlad, waxay hoos imaanayaan qeexitaanka burcad-badeednimo, waana dembi ciqaabeed, si waafaqsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya:

1. Waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo lagama maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, oo ay ku jirto Puntland.

2. Waxay uga digeysaa Puntland sii socoshada dhammaan hawlgallada sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha ku aaddan maamulkeeda, isla markaana ugu baaqaysaa in ay kala shaqeeyso Dowladda Federaalka, xaqiijinta marin ammaan ah oo fududeeya Isku socodka maraakiibta ku shaqeysa oggolaanshaha dowladda Soomaaliya.

3. Waxay caddeyneysaa in ay ka go’antahay ka hortaga falalka burcad badeednimo iyo maxkamadaynta shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh burcad-badeednimada, iyadoo la raacayo xeerarka ciqaabta qaranka iyo kuwa caalamiga ah.

Dowladda Federaalka, oo ah ilaaliyaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marnaba ma aqbali doonto tallaabo kasta oo halis gelinaysa madax-bannaanida qaranka iyo amniga badda. Sii heysashada sharci darrada ah ee markabka SEA WORLD, waxay horseedeysaa in Dowladda Federaalka ah ay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaado goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda falal burcad-badeednimo oo liddi ku ah xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah. Tilaabooyinkaas oo ay ku hubinayso amniga maraakiibta sida sharciga ah ku maraya badda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ugu baaqeysaa dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, oo ay ku jirto Puntland, in ay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka ee ku saabsan arrimaha difaaca iyo maareynta bad-maaxidda, faragelin kasta oo aan sharci ahayn waxay halis gelinaysaa amniga qaranka iyo midka gobolka.

-DHAMMAAD-

Muqdisho  Luulyo 23ka, 2025𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗝𝗶𝗻𝘀𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱d𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗺𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗲𝗲 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗦𝘄𝗶𝘁𝘇𝗲𝗿𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗮𝘅𝗶𝗶𝘅𝗱𝗮𝘆 𝗶𝘀𝗸𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝘁𝗮𝘆𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗮𝗱𝗲𝗲𝗴𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗺𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗫𝘂𝗱𝘂𝘂𝗱𝗱𝗮𝗵𝗮.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay Madaxda Laamaha socdaalka iyo amniga dowladda Switzerland iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan hay’adaha cadaaladda, Arrimaha dibedda, iyo Khuburo farsamo.

Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay dowladda Switzerland qalab ay dhawaan ugu deeqday HSJ Soomaaliya kaas oo loogu talo galay in lagu baaro dukumiintiyada socdaalka ee been abuurka ah, tababaro wax ku ool ah iyo wada shaqeynta dhow ee ka dhexaysa labada hay’adood, isagoo xusay in iskaashigan uu yahay mid miro-dhal ah oo wax ka taraya horumarinta adeegyada socdaalka.

Madaxda labada hya’adood ayaa kala saxiixday iskaashi lagu horumarinayo tayaynta adeegyada socdaalka ay ugu horeeyaan dhismaha kaabayaasha adeegyada socdaalka iyo horumarinta karaanka shaaqaalaha HSJ kuwaas oo xoojin doona aqoonsiga baasaboorka Soomaaliya oo ah astaan qaran oo muhiim u ah muwaadiniinta Soomaaliyeed, loona baahan yahay in la xoojiyo sumcadda iyo kalsoonida uu ku leeyahay caalamka.

Agaasimaha iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay hay’adaha maareeya xuduudaha dalka Switzerland ay la wadeegaan khibradooda aqooneed iyo farsamo iyadoo lageeyay xuduuddaha dhulka iyo garoonada dalka si ay usoo arkaan teknologiyada iyo agab loo isticmaalo maareynta socdaalka. Wafdiga ayaa sidoo kale, waxa ay khibrad wadaag wada yeesheen hay’adda soo saarta baasaboorka Switzerland iyo aqoonsiyada dalka halkaas oo si qoto dheer looga hadlay sida kor loogu qaadi lahaa tayada baasaboorka Soomaaliga.

Muqdisho  Luulyo 23ka, 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageeraysa in Cabdulqaadir Firdhiye uu hoggaamiyo maamul goboleedka cusub ee SSC-Khaatumo, sida ay sheegayaan xogo aan ka heleyno shirka ka socda magaalada Laascaanood.

Shirkan ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu dhameystiro maamul goboleed matala gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC), oo ah deegaanno ay ku loollamaan Dowladda Federaalka, Puntland iyo Somaliland.

Sidoo kale, Musharaxa ay Dowladda Federaalka u xulatay jagada madaxweyne ku-xigeenka maamulka Firdhiye ayaa la sheegay inuu yahay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Jibriil oo ka soo jeeda gobolka Sanaag.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in Dowladda Federaalka ay saamayn ku yeelatay xulista ergooyinka si ay u garab siiso Firdhiye iyo Jibriil, iyadoo meesha ka saartay musharrixiintii kale, isla markaana xaddiday loollan siyaasadeed oo dhab ah.

WARARKA MAANTA 22ka Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu yahay mooshinka laga keenaya Raysal Wasaare Mudanee Xamsa Cabdi Barre “Dhaweeye.Waarikoow”? Maxuu hubka uga ganacsanaa Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuusa-Fooxiye” Iyo ganacsata laga qabsaday hubkan? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho  Luulyo 22ka, 2025 Ra’iisul wasaare Xamse oo ugu baaqay qurbajooggta xoojinta taageeridda ciidamada qalabka sida iyo howlaha doorashooyinka

Muqdisho, July 22, 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa caawa kaga qeybgalay Muqdisho munaasabadda kaalinta Qurbo-joogta Soomaaliyeed ee garab-istaagga dowladda iyo taakulaynta Ciidanka Qalabka Sida oo hal-ku-dhiggeedu ahaa difaac iyo doorasho,

Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabisay Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayuu Ra’iisul wasaaraha ugu baaqay inay taageeraan ciidamada qalabka sida, hirgelinta doorashooyinka awoodda dib loogu celinayo dadka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in Qurbo-joogta Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarta Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya, kaas oo diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha, sugidda amniga, iyo casriyeynta hay’adaha dowladda.

“Waxaa la idinka rabaa in aad xoogga saartaan midnimada dalkeenna. Waxaa la idinka doonayaa in aad isku xirnaataan, oo aad qeyb ka noqotaan dhismaha dowladnimada, doorashooyinka, iyo difaaca dalka.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu, isaga oo xoojiyay muhiimadda ay leedahay in Qurbo-joogtu ay sii laba-jibbaaraan taageerada ay u hayaan dalkooda hooyo.

->###<-

Waaxda Warbaahinta

Communications Department

#Soomaaliya #Soomaali #Muqdisho

Muqdisho  Luulyo 22ka, 2025 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin horumarka dalkooda, loogana fadhiyo in ay xoojiyaan doorka kaga aaddan garab istaagga ciidanka qalabka-sida iyo hirgelinta doorashooyinka awoodda loogu celinayo bulshada, si loo xaqiijiyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay wax doortaan, lana doorto.

“Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay laf-dhabar u yihiin Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya, oo ah qorshe diirradda saaraya horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo casriyeynta hey’adaha dowladda. Waxaa la idinka rabaa in aad xoogga saartaan midnimada dalkeenna oo marar badan halis gashay. Waxaa la idinka doonayaa in aad isku xirnaataan, oo aad qeyb ka noqotaan dhismaha dowladnimada, doorashada iyo difaaca.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ka qeyb galay munaasabad ku aaddan doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed ee garab istaagga dowladda iyo taakuleynta ciidanka qalabka sida oo hal-ku dhiggeedu ahaa difaac iyo doorasho, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay door wayn ku leeyihiin qurbajoogto, taas oo muujinaysa kaalintooda lagama maarmaanka ah ee ay ku leeyihiin dalka.

Turkey Luulyo 22ka, 2025 Turkiga ayaa si xooggan u kordhinaya saameyntiisa siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Soomaaliya, iyadoo si rasmi ah loogu falanqeeyay kulan uu yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Turkiga.

Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda, Nuh Yılmaz, ayaa sheegay xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya inuu yahay mid gaar ah oo ku saleysan taariikh, dan-wadaag iyo istaraatiijiyad fog oo ku dhisan amni iyo ganacsi.

Kulanka guddiga Baarlamaanka ayaa diiradda saaray heshiis laba geesood ah oo la saxiixay 2019 balse hadda la horgeeyay Baarlamaanka si loo meelmariyo, kaas oo dhigaya in labada dal isu oggolaadaan dhul ay safaaradahoodu ku dhismaan. 

Soomaaliya waxay horey u siisay Turkiga dhul gaaraya 61,000m² oo hadda ah xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho, halka Turkiguna dhisayo safaaradda cusub ee Soomaaliya ee Ankara, dhulkeeduna yahay 4,918m².

Xildhibaano badan ayaa walaac ka muujiyay daahfurnaan la’aanta mashruuca, qiimaha dhismaha, iyo cidda qandaraaska helaysa, balse Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga waxay ku doodday in heshiisku yahay mid is-afgarad ah oo dan u ah labada dhinac.

Doodda Baarlamaanka ayaa sidoo kale taabanaysa su’aalo ku saabsan dhaqaalaha la gelinayo Soomaaliya tan iyo 2011, iyadoo Refik Ali Onaner, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda, sheegay in gargaarka iyo taageerada Turkigu ay dhaaftay $1 bilyan, oo ay ku jiraan $3.5 milyan oo lagu bixiyay deymaha Soomaaliya ee IMF.

Warbaahinta gudaha Turkiga ayaa sheegtay in qeybo badan oo ka mid ah taageeradaasi ay gaarto shirkado si gaar ah ugu dhow Madaxweyne Erdogan, taasoo dhalisay eedeymo sheegaya in “gargaarka rasmiga ah” uu noqday dariiq loogu adeego dano gaar ah oo siyaasadeed.

Si kastaba, Turkiga ayaa weli ah maalgeliyaha dibadda ee ugu weyn Soomaaliya. Sannadkii 2023, ganacsiga labada dal wuxuu gaaray $426 milyan, balse wuu hoos u dhacay sanadkii 2024 oo noqday $384 milyan. Shirkado Turki ah ayaa weli gacanta ku haya maamulka Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Aadan Cadde, iyadoo heshiiskii 2013 ee garoonkaasi uu wali khilaaf dhaliyay.

Dhinaca amniga, warbixin uu soo saaray guddiga khubarada Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Turkigu jebiyay cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, kadib markii uu si qarsoodi ah u keenay diyaaradaha dagaalka ee Bayraktar TB2 magaalada Muqdisho 6-dii Diseembar 2021, isagoo aan ka helin oggolaansho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Xildhibaan Utku Çakırözer ayaa su’aal ka keenay sababta Turkigu ugu maalgelinayo safaarad cusub oo Soomaaliya leedahay xilli dalku la tacaalayo culeysyo dhaqaale. Wuxuu sidoo kale sheegay in inkastoo xiriirka Soomaaliya lagu tilmaamo mid “gaar ah,” aysan Soomaaliya ka helin wax jawaab ah oo ku saabsan arrimo muhiim ah oo Turkigu daneynayo – sida aqoonsiga Waqooyiga Qubrus (TRNC).

https://www.youtube.com/watch?v=RxMnmF-S7yI

WARARKA MAANTA 21ka Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: #Hambalyo Dowladda #PuntlandState oo Qanimaysatay Hubkiii Sharci-darrada ahaa sida tuugada Magaca Dowladda Soomaaliya ugu soo gateen ganacsato Soomaali ah oo ogolaasho ka haystay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macalin Fiqi “Qalaska”!! Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho  Luulyo 21ka, 2025 Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba, xarunta gobolka Baay, iyagoo halkaas u tagay howlo shaqo iyo kormeer amni.

Wafdiga Wasiirka waxaa si rasmi ah u soo dhaweeyay Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Cabduqaadir Maxamed, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Baydhaba.

Wafdiga Wasiirka Amniga Gudaha ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah: Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta XFS, Mudane Maxamed Aadan Maxamed

Muqdisho  Luulyo 21ka, 2025 Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu ku faraxsanyahay in uu mar kale maanta Muqdisho kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Cige – kulankooda waxa uu ku saabsanaa horumarinta maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya, heerka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dawladda, iyo arrimaha la xiriira hawlgalka Qaramada Midoobay.

Muqdisho  Luulyo 21ka, 2025 U qeybsanaha xafiiska Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee arrimaha ciidanka difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda Cali Jeyte Cismaan ayaa si dareen leh uga sheegay xaflad soo dhaweyn aheyd oo loogu sameeyay magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida inuu ka yimid dadka reer Hiiraan oo uu dhiigbax ku socdo.

Hoggaamiye Cali Jeyte Cismaan oo todobaadkii hore gaaray magaalada Jigjiga ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa aysan booqasho u imaan Jigjiga oo ay ka soo taggeen dad dhiig baxaya, islamarkaana qorshahoodu yahay iney u helaan gurmadka ay u baahan yihiin.

“Booqasho maanan ahayn, waxaanu ka soo tagnay dad dhiig baxaya oo xaalad adag ku jira, illaa muddo afar sano ah gaareysa dagaal ku jiray, dad shacab ah oo hal reerna ah, runtii way dadaaleen, si weyn bayna u dadaaleen, yacni sacrifice bay sameeyeen baa la dhihi karaa, waana walaalihiinoo waad garaneysaan” Ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda Soomaaliya im dadka reer Hiiraan ay muujiyeen doorkooda ku aadan ciribtirka Al-shabaab, islamarkaana haatan waxa kaloya ay u baahan yihiin ay tahay gurmad walaalnimo. 

“Waxaan idiin kula dardaarmayaa waxa dadkaas dhibaato haysta, sidii aad gacan uga gaysan lahaydeen inaad gacan uga gaysataan, idiinkuna aad ka taxadartaan shacab ahaan ama reer ahaanta aad hadda halkan ku fadhisaan inaad nabadgelyada ka shaqeysaan oo aad dowladdiina kala shaqeysaan.” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Cali Jeyte ayaa dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda Itoobiya uga mahadceliyay qaabilaadda ay u sameeyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay gacan uga gaystaan la dagaalanka maleeshiyada Al-shabaab, isagoo xusay in horeyna ay u taageereen, hadana ay diyaar u yihiin in taageero kale inay siiyaan dadka reer Hiiraan.

Sagaalkii bishaan July ayaa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxay saanad ciidan ku wareejiyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ay wehlinayeen qaar ka mid ah waxgaradka gobolka, waxaana hubkaas iyo saanada ciidan ugu talagaleen ciidamada la dagaalamaya beesha Xawaadlle ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada.

Ugu dambeyntii guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayaa si gaar ah indhaha ugu wada haaya natiijada kasoo bixi doonto kulamo uu ka wado hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda Soomaaliya labadii todobaad ee u dambeysay gudaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Muqdisho  Luulyo 21ka, 2025  Nin baastoolad ku hubaysan ayaa fiidnimadii Axaddii laba wiil oo dhallinyaro ah ku toogtay suuqa Hargeysa. Ilaa hadda lama oga sababta uu ninku u dilay wiilasha.

Ninka ayaa la sheegay in inta uu rasaas ku furay labada wiil xilli ay suuqa ku cawaynayeen, uu kadibna si degdeg ah goobta uga baxsaday. Ilaa hadda lama hayo, lamana qaban inta la ogyahay.

Labada wiil ee dhibbanayaasha ah, mid ayaa isla goobta ku geeriyooday, halka kan kalena uu dhaawac culus soo gaadhay, kaasoo uu markii dambe u dhintay, sida ay sheegeen dad goob-joogeyaal ah oo la hadlay HOL.

“Meesha oo dhan dhiig ayaa daadsanaa. Waxa la ii sheegay in nin baastoolad ku hubaysani uu dilay laba wiil. Midkood waan aqoonsaday, isku dugsi ayaanu ahaan jirnay,” ayuu yidhi Munasar Khadar oo ka mid ah dhallinyarada ku sugnaa agagaarka goobta uu dilku ka dhacay.

Ciidamada booliiska ayaa si degdeg ah u yimid goobta, waxaana socda baadhitaan. Ilaa iyo hadda booliisku kama aysan hadal dhacdadan, balse waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay warbixin kasoo saaraan.

In kasta oo magaalada Hargeysa lagu tilmaamo mid ka mid ah meelaha ugu amniga badan deegaanada Soomaalida, haddana toddobadii bilood ee u dambeeyay waxaa isa soo taray dilalka. Waxaana bilihii u dambeeyay lagu dilay dad dhowr ah gudaha magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada booliiska ayaa horay ugu guulaystay in ay soo qabtaan dhammaan dadka falalka dilka ah ku eedaysnaa, kuwaasoo qaar ka mid ah lagu fuliyay xukun qisaas ah.

WARARKA MAANTA 18ka Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa Ciidanka Badda #Ethiopia u saxiixay inay waardiyo ka noqdaan badda #Soomaaliya oo ay rabaan inay xoog ku qaataan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa #PuntlandState kala diray Madaxweyne Mudane Saciid Deni “Biliq”? Meeqo maamul Gobaleed ayeey noqatay #Puntland State, #SSKhaatumo State, #Maakhir State, #Xiriirland State Iyo Raas Caseyr State? Maxuu yahay sababta u aaday Jarmalka? Maxuuse yahay xanuunka haya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxayse tahay sababta safarka Madaxweynaha ee caafimaad loo qarinaayo? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho  Luulyo “8ka, 2025 Dowladda Itoobiya ayaa maanta Muqdisho uga dhawaaqday in cutubyada ugu horreeya ee ciidanka howl-galka AUSSOM ee dhankooda ka imaanaya ay ka dhigayaan kuwa badda, isla markaana ay diyaariyeen maraakiib, doonyo iyo guud ahaan agabkii ay ciidankaasi ku hawl-geli lahaayeen.

Saraakiisha Itoobiya ayaa dood yaab leh ku soo bandhigay shirweynaha talisyada ku bahoobay Ururka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika ee ESF oo ka socda Muqdisho, iyagoo lasoo baxay heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa, markii la qeybsanayey ciidanka AUSSOM, xilligaas oo Soomaaliya ay ogolaatay in ciidamada loo soo dirayo ay ka mid noqonayaan kuwa badda.

Saraakiisha Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga iyo Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh Ufurow, ayaa si adag u diiday qorshaha Itoobiya ay Soomaaliya ku keeneyso ciidankeeda badda.

Ajendaha shirkan ayaa markii hore ahaa xal u helidda caqabadaha ku xeeran nabadgelyada gobolka, ka hortagga dambiyada ka gudba xuduudaha dalalka ku midoobay ururkan iyo iskaashiga dhanka ciidamada, balse Itoobiya ayaa damaceeda ku soo gudbisay shirka.

Dood adag oo lagu sigtay in lagu kala tago shirka ayey abuureen saraakiisha Itoobiya ay u soo dirtay Muqdisho, halka saraakiisha Soomaaliya ay si cad u diideen in warbixintii ay ka jeedinayeen shirkaas ay sii socoto, wuxuuna shirku maanta ku soo dhammaaday buuq iyo sawaxan.

Muqdisho  Luulyo “8ka, 2025  Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay iney si buuxdo u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Suuriya, waxayna ku baaqday in la ilaaliyo madax banaanida iyo midnimada dalkaas.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay caqabadaha jira iyo dagaalada in lagu xaliyo wada hadal, si looga fogaado dhibaatooyinka la dhasha dagaalka.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay iney xal kasta u aragto in lagu wajahi karo inuu ku saleysnaado is ixtiraam iyo wadahadal, iyadoo la dhowrayo ilaalinta maslaxadda shacabka dalkaasi Suuriya.

“Soomaaliya waxaa ay si buuxda u garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee Suuriya, iyadoo taageereysa madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo go’aamada siyaasadeed ee qarankaa” ayaa lagu yiri qoraalka kaso baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya. 

Warsaxafadeedkan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, xili Israa’iil ay weerar duqeymo ku qaaday xaruumaha Wasaaradda Difaaca Suuriya iyo meel u dhow madaxtooyada dalkaas, waxaana duqeymahaasi ay geysteen khasaarooyin kala duwan oo naf iyo maalba keh.

Muqdisho  Luulyo “8ka, 2025  Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca dalka Rwanda, Jenaraal Mubarakh Muganga, ayaa u soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qaybgalayo Shirka 34-aad ee Golaha Siyaasadda ee Ciidamada Kaydka Bariga Afrika (EASF), kaasoo si rasmi ah uga furmay caasimadda Soomaaliya 17-ka Bishaan Luulyo, waxaana lagu wadaa inuu socdo ilaa 19-ka.

Jenaraal Muganga waxaa socdaalkiisa ku wehelinaya Komishineerka Booliska Gerard Rumanzi, oo matalayay Taliyaha Guud ee Booliska Rwanda, Felix Namuhoranye.

Shirkan heerkiisu sareeyo ayaa waxaa ka qaybgalaya taliyeyaasha ciidamada difaaca iyo saraakiil sare oo ka socda laamaha amniga ee dalalka xubnaha ka ah EASF, waxaana lagu falanqeeyay arrimo muhiim ah oo la xiriira, Istaraatiijiyado lagu xoojinayo nabadda iyo xasiloonida gobolka, Qorsheyaasha howlgallada degdegga ah ee Ciidanka Kaydka Bariga Afrika iyo Wada-shaqaynta dhanka amniga ee dalalka xubnaha ka ah ururka

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Ciidamada Difaaca Rwanda (RDF) ayaa lagu sheegay in shirku uu yahay fursad muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada amniga iyo siyaasadda ee Bariga Afrika, si looga hortago khataraha sii kordhaya ee gobolka ka jira.

Taliyaha Ciidamada Difaaca Rwanda ayaa sheegay in Rwanda ay weligeed u taagan tahay ilaalinta nabadda gobolka, wuxuuna tilmaamay in iskaashiga milateri iyo midka siyaasadeed ee Bariga Afrika uu yahay furaha xallinta khilaafaadka iyo horumarinta xasilloonida.

Wuxuu intaas ku daray in Rwanda ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda hawlgalada EASF iyo in la dhiso ciidan wadajir ah oo si degdeg ah uga jawaabi kara xaaladaha degdegga ah ee dhaca gobolka.

Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aammo muhiim ah oo wax ka taraya iskaashiga dalalka Bariga Afrika ee dhanka amniga iyo siyaasadda, waxaana warbixin rasmi ah laga sugayaa dhammaadka shirka.

Muqdisho  Luulyo “8ka, 2025  Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa shaaca ka qaaday inay hayaan xog sugan oo muujinaysa in kooxda Al-Shabaab ay damacsan yihiin inay weerar ku qaadaan Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu si buuxda ugu diyaar garoobeen weerar kasta oo lagu soo qaado xarunta, isagoo carrabka ku adkeeyay in haddii Al-Shabaab isku dayaan weerar, aysan jiri doonin wax ka fakada gacanta ciidanka ay leeyn doonaan.

“Waxaan helnaa xog joogto ah oo muujinaysa meelaha ay doonayaan inay kasoo galaan si ay ula baxaan kuwa iyaga ka xiran ee xabsiga lagu haayo, Waxaan si buuxda uga feejignahay dhagartooda, mana oggolaan doono in weerarkooda uu hirgalo,” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa sidoo kale digniin u diray dadka ku meereysanaya agagaarka Xabsiga Dhexe, isagoo sheegay in ciidanka Asluubta ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ka baxsan midka caadiga ah, lagana doonayo inay feejignaadaan cid kasta oo goobahaasi soo maraysa.

Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan waxa uu sidoo kale digniin u jeediyay ciidanka, isagoo uga digay in isticmaalka badan ee taleefannada gacanta (mobilada) uu sababi karo dabacsanaan amni, taasoo u sahli karta cadowga inay dhibaato geystaan.

“Ciidanku waa inay muujiyaan midnimo, isla markaana ay iska saxaan akhlaaqda, Waa muhiim in aysan raadin garaado, balse ay diiradda saaraan badbaadada naftooda iyo sugidda amniga,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, Taliyaha waxa uu ciidamada ku dhiirrigeliyay inay si toos ah ugu soo gudbiyaan wixii dhibaato ama qalad ah ee ay arkaan, si loo saxo, loona adkeeyo difaaca xarumaha muhiimka ah.

\WARARKA MAANTA 17ka Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:Yaa #PuntlandState kala diray Madaxweyne Mudane Saciid Deni “Biliq”? Yaa Meeqo maamul Gobaleed ayeey noqatay #Puntland #SSKhaatumo State, #Maakhir State, #Xiriirland State Iyo Raas Caseyr State? Maxuu yahay sababta u aaday Jarmalka? Maxuuse yahay xanuunka haya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxayse tahay sababta safarka Madaxweynaha ee caafimaad loo qarinaayo? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho  Luulyo 17ka, 2025  Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa Arbacadii duqeymo xooggan ka geystay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, iyadoo lala beegsaday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo meel ku dhow madaxtooyada. Weerarkan ayaa imanaya iyadoo ay sii xoogaysanayaan dagaallada ka socda koonfurta Suuriya, gaar ahaan gobolka Suwayda oo ay ku badan yihiin dadka kasoo jeeda beesha Druze.

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Suuriya, weerarkan waxaa ku dhintay ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka. Warbaahinta caalamka ayaa soo werisay in diyaarado dagaal ay si hoose u dulmareen caasimadda, kaddibna ay fuliyeen duqeymo xooggan oo sababay qaraxyo waaweyn iyo qiiq cirka isku shareeray.

Xukuumadda ku-meelgaadhka ah ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed al-Sharaa ayaa si adag u cambaareysay weeraradaas, iyagoo ku tilmaamay duullaan ka dhan ah madax-bannaanida Suuriya. Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in weerarada ay yihiin kuwo lagaga jawaabayo waxay ay ku tilmaantay “gardaro iyo tacaddiyo lagula kacayo beesha Druze” ee ku nool koonfurta dalka Suuriya.

Bayaan kasoo baxay militariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in la beegsaday albaabka xarunta taliska militariga ee Dimishiq iyo badhtilmaameed ku dhow madaxtooyada. Sidoo kale, sarkaal sare oo Israa’iili ah ayaa sheegay in ciidamada Suuriya ayna waxba ka qaban weerarada lagu hayo dadka Druze, sidaas darteedna ay noqdeen qayb ka mid ah dhibka.

Dagaalka Suwayda ayaa noqday mid salka ku haya isqabqabsi qowmiyadeed iyo mid siyaasadeed, iyadoo beelaha Druze iyo Bedouin ay ku hardamayaan gacan-ku-haynta gobolkaas. Dowladda Suuriya ayaa la safatay beelaha qaar, taasoo sii hurisay colaadda.

Dadka deegaanka Suwayda ayaa ku eedeeyay dowladda in ay ku guuldarreysatay ilaalinta dadka shacabka ah, halka Israa’iil ay duqeymaheeda ku sii kala fogeysay dhinacyada is haya. Qaar ka mid ah dadka reer Suuriya ayaa aaminsan in Israa’iil ay u adeegsanayso xaaladda cakiran si ay u daciifiso dowladda cusub ee ku timid kacdoonkii December 2024.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa bartiisa bulshada ku sheegay in dalkiisu la hadlay dhammaan dhinacyada isku haya Suuriya, islamarkaana la gaadhay heshiis ku meel gaadh ah oo lagu soo afjarayo rabshadaha saqdii dhexe ee xalay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in golaha ammaanka uu shir degdeg ah yeelan doono Khamiista si ay uga arrinsadaan xaaladda sii xumaanaysa ee Suuriya. Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa golaha ugu baaqay in la cambaareeyo waxa uu ugu yeedhay “xasuuq ka socda dhulka Suuriya”.

Israa’iil waxay si cad u sheegtay in aysan ogolaan doonin in dowladda cusub ee Suuriya – oo ay ku tilmaantay “jihad doon isku dhex dhuumanaya” – ay si buuxda ula wareegto koonfurta dalka, taasoo la rumeysan yahay inay ka leedahay muhiimad istaraatiiji ah.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in tobannaan qof lagu dilay dagaallada maalmahan ka socday magaalada Suwayda iyo deegaannada ku hareeraysan. Colaadda ayaa ah mid u dhexeysa ciidamada dowladda, maleeshiyaad deegaanka ah iyo kooxaha hubeysan ee beelaha Bedouin. Dadka rayidka ah ayaa noqday kuwa ugu badan ee waxyeelladu ka soo gaadhay.

Xaaladda Suuriya ayaa markale u muuqata mid u sii jeedda qalalaase ba’an iyada oo ay jirto baahi bini’aadanimo. Dadka deegaanka waxay ka cabanayaan cunto yari, koronto la’aan iyo daryeel caafimaad oo liita, iyadoo duqeymaha cirka ee Israa’iil iyo dagaallada gudaha ay sii xumeynayaan duruufaha nololeed ee shacabka.

Muqdisho  Luulyo 17ka, 2025 Ganacsatada ku sugan qeybta Bagaashka ee Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa si adag uga cabanaya dhul boob iyo barakicin ay sheegeen in si xoog ah loogu hayo, iyagoo tilmaamay in muddo ku dhow 50 sano ay goobahooda ganacsi ku shaqeysanayeen.

Mid ka mid ah ganacsatada la hadlay warbaahinta ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay rag qowleysato ah u dirtay si ay ugu khasbaan ganacsatada inay ka guuraan goobaha ay si sharci ah ugu ganacsanayeen sanado badan.

“Waxaan nahay dad ganacsiyo ka dhistay suuqaan muddo dheer, Ma aqbaleyno in si xoog ah naloo barakiciyo, iyadoo la sheegayo in dhulku dad kale loo xeerinayo,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatadaasi.

Waxaa la sheegay in ganacsatada lagu wargeliyay in muddo shan maalmood gudahood ay uga guuraan, taasoo keentay in ay sameeyaan bannaanbax ballaaran oo ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha, kaasoo ah suuqa ugu weyn ee Soomaaliya, isla markaana ka mid ah suuqyada ugu waaweyn ee qaaradda Afrika.

Arrintan ayaa si weyn waxaa uga hadashay Xildhibaan Faiza Jeyte, oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, Waxay sheegtay in maamulka degmada Howlwadaag iyo booliska gobolka Banaadir ay yihiin kuwii ka mas’uulka ahaa sugidda amniga, ilaalinta hantida iyo nafta muwaadiniinta, balse aysan ahayn kuwo qayb ka noqda barakicinta ganacsatada yaryar.

“Dhibka ka dhacaya Bakaaraha haddii aan si degdeg ah loo joojin, mas’uuliyadda waxa qaadi doona maamulka degmada iyo booliska gobolka, Suuqa Bakaaraha waa isha dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed, laguma badali karo dano gaar ah,” ayay tiri xildhibaan Faiza.

Waxay intaas ku dartay in taariikhda iyo qiimaha uu suuqu leeyahay aysan ahayn mid lagu beddeli karo danaha shaqsiyaadka gaar ah ee dhaqaale raadiska ah.

Puntland   Luulyo 17ka, 2025  Puntland ayaa si cad u sheegtay in aysan aqoonsanayn maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo sheegtay in aysan jirin sharci ay ku dhisantahay maamul gaar ah oo kasoo baxay deegaanka Beesha Dhulbahante.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay soo dhaweysay doorkii ay Isimada Beesha Dhulbahante ka qaateen dib u xoraynta Laascaanood 6-dii February 2023, balse aysan aqbaleyn in deegaan gaar ah uu yeesho maamul ka madax bannaan Puntland.

“Dowladda Puntland waxay si cad u sheegaysaa in aysan jirin sharci ay ku timid in Beesha Dhulbahante ay sameystaan maamul gaar ah,” ayaa lagu yiri warka.

Waxaa sidoo kale lagu xusay in dhamaan beelaha dega Sool, Cayn iyo guud ahaan deegaanka Dhulbahante ay ka mid yihiin Puntland tan iyo markii la aasaasay 1998.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale cambaareysay faragelin ay sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hayso arrimaha amniga ee Puntland, taasoo ay ku tilmaantay mid horseedeysa xasillooni darro iyo fursad ay ka faa’iideystaan kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhanka kale, maamulka SSC-Khaatumo ayaa si kulul uga jawaabay warka kasoo baxay Puntland, isagoo sheegay in jiritaanka SSC uusan ahayn wax laga doodi karo.

Madaxweyne ku xigeenka SSC-Khaatumo, Dr. Maxamed Ismaaciil Shiine, ayaa yiri:

“Waxaa nasiib darro ah qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland. Maamulka SSC-Khaatumo waa dawlad xubin ka ah hannaanka Federaalka ee dalka, taasoo aan cidna laga aqbalayn inay su’aal geliso jiritaankeeda.”

Dr. Shiine wuxuu intaasi ku daray in SSC ay shacabka Puntland u hayso wanaag iyo walaalnimo, balse ay ka go’an tahay in aayo-katashiga reer SSC-Khaatumo uu yahay “khad cas” aan la jabin karin

https://www.youtube.com/watch?v=IUgYFPwFhN0

WARARKA MAANTA 14ka Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Laascaanood  Luulyo 14ka, 2025 Senator Maxamed Cismaan Majiino oo ka mid ah masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Laascaanood oo shirweynaha dhameystirka dhismaha maamulka SSC Khaatumo uu ka socdo ayaa kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka uu matalo.

Kulanka ayaa looga arrinsaday ahmiyadda ka qaybgalka iyo xoojinta dedaallada Dowladda ee ku aaddan dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

Muqdisho Luulyo 14ka, 2025 Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh, ayaa sheegay in dib u dhiska Dowlad Goboleedka cusub ee SSC-Khaatumo uu xalin doono muranadii muddada dheer ka taagnaa gobollada Sool iyo Sanaag, kuwaas oo loo aqoonsanaa dhul lagu muransan yahay.

“Cid idin la murmi karta ma jirto. Idinkuna ha isgelinina muran,” ayuu yiri Wasiir Xoosh, oo maanta ka hadlayay furitaanka shirweynaha dhameystirka maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.

Wasiir Xoosh ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay maamulkan cusub, si uu uga gudbo caqabadaha haysta, una noqdo mid xasilloon oo ka turjumaya rabitaanka shacabka deegaanka.

“Waxaan idin xusuusinayaa in dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo uu yahay himilo shacab, ma ahan arrin kooxeed ama mid siyaasadeed. Waa in loo midoobaa lana garab istaago maamulka cusub,” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Wasiirka wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka ay aaminsan tahay in horumarka gobolladaan lagu gaari karo marka la helo maamul rasmi ah oo si dhab ah u matala danaha shacabka.

Wuxuu sheegay kaddib shirweynahan in Dowlad Goboleedka SSC Khaatumo uu si rasmi ah uga mid noqon doono Dowlad goboleedyada Soomaaliya ee katirsan Dowladda Federaalka.

Shirweynaha dhameystirka SSC-Khaatumo ayaa inta uu socdo waxaa lagu gorfeeyn doonaa arrimo ay ka mid yihiin, Qeybsiga awoodaha maamulka, Qaab-dhismeedka maamulka, Sameynta iyo ansixinta dastuurka iyo qabashada doorashada madaxweynaha.

Hirshabelle Luulyo 14ka, 2025  Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandoska Danab ayaa howlgal qorsheysnaa ku dilay mid ka mid ah horjoogeyaasha kooxda Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Kumaandooska Danab ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay deegaanka Toratorow ku dilay amiirkii kooxda u qaabilsana dhanka Zakakawaatka, kaasoo lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Maxamed oo kooxda looga dhex yaqiinay Carab.

Warsaxafadeed kaso baxay Taliska ciidanka Kumaandooska Danab ayaa lagu sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid guuleystay oo u dhacay sidii ay u qorsheeyeen ciidanka Kumaandooska Danab.

“Inta howlgalkan uu socdey ciidanka kummandoska danab gaar ahaan specialka danab waxay burburiyeen moota uu watey, waxay kaloo gacanta ku soo dhigeen ciidanka lacag fara badan iyo boonooyinkii uu ku baadi jirey shacabka deegaanka Toratorow”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka kasoo baxay Taliska ciidanka Danab.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaanada dhaca gobolka Shabeellaha Hoose mudooyinkii dambe ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolkaas.

New York Luulyo 14ka, 2025 omaaliya oo ku hadleysay magaca waddamada la isku yiraahdo A3+ (Aljeeriya, Guyana, Sierra Leone, iyo Soomaaliya) ayaa warbixin ka horjeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo muujisay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda Yemen iyo colaadaha ka taagan gobolka.

Soomaaliya ayaa waxay si gaar ah uga digtay isku dhacyada cusub ee u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Israa’iil, kuwaas oo ay ku tilmaantay inay khatar ku yihiin nabadda caalamka, isla markaana si toos ah ula xiriira dagaalka aan xal loo helin ee ka socda Marinka Qaza. A3+ waxay si adag u cambaareeyeen jebinta sharciga caalamiga ah, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka in la gaaro xabbad-joojin degdeg ah oo waarta si wax looga qabto dhibaatada Falastiiniyiinta iyo looga hortago fidinta colaadda gobolka.

Waxay taageereen dadaallada diblomaasiyadeed ee ay hoggaaminayaan Mareykanka, Masar, iyo Qatar si loo sugo xabbad-joojin rasmi ah oo Qaza laga hirgeliyo, waxayna Golaha Ammaanka ugu baaqeen inuu garab istaago dhammaan dadaallada lagu xaqiijinayo xasilooni iyo wada-hadal miro dhal leh.

Sidoo kale, A3+ waxay cambaareeyeen weerarradii Xuutiyiintu la beegsadeen maraakiib ganacsi oo ka shaqeynayay Badda Cas, kuwaas oo ay ku sheegeen inay halis ku yihiin ganacsiga caalamka. Duqeymihii Israa’iil ka geysatay gobolka Hudaydah 6–7-dii Luulyo ayaa sidoo kale si adag loo dhaliilay, iyadoo loo arkay khatar weyn oo lagu gumaadi karo shacabka rayidka ah, loogana dhaxli karo fidinta colaado hor leh.

Dalalka A3+ waxay carrabka ku adkeeyeen in dhammaan dhinacyada isku haya Yemen ay ku waajibtahay inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimo, gaar ahaan Xeerka Afaraad ee Geneva, islamarkaana laga fogaado militareynta goobaha ay dadku ku badan yihiin.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay walaac weyn oo laga qabo xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Yemen, iyadoo la sheegay in cudurrada sida duumada, dengue, iyo shuban biyoodka ay ku furmeen dadka, taasoo cadaadis hor leh saartay nidaamka caafimaadka. Soomaaliya waxay taageertay baaqa OCHA ee ah in si degdeg ah loo gaaro Yemen lana fududeeyo marin u helka gargaarka.

WARARKA MAANTA 13ka Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa wakhtiga ka dhammaanayaa? Yaa boobaya/dhacaya shacabka #Muqdisho? Yaa lacag uu xaday laga xanibay #Switzerland? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho Luulyo 13ka, 2025 Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa ka bilowday Shirwaynaha Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

Shirwaynaha Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa waxaa Goobjoog ka ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xidlhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ,  Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane C/qaadir Firdhiye, Guddoomiye Ku Xigeenka Aqalka Sare Sen C/laahi Timacadde, Wasiirro ka tirsan & xildhibaan ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaanka Dhaqanka SSC-Khaatumo, Ergooyinka ka socda SSC-Khaatumo iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Muqdisho, Luuliyo 13, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen tuulada Buulo-xoog oo u dhow deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan, waxaa lagu dilay ilaa toddobo xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo howlgalka lagu burburiyay labo gaari oo nooca xamuulka ah oo waday hub iyo maleeshiyaad.

Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ayaa Howlgalka fuliyay kaddib markii la hubiyay xogta Khawaarijta, waxaana beegsigu bilowday xilli gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ay ka soo laabteen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan kuna sii jeedeen deegaanka Buq-Aqable.

Howlgalka oo si guul ah kusoo dhammaaday ayaa la xaqiijiyay in goobta lagu soo afjaray gaadiid, hub iyo maleeshiyaad, waxaana jira muuqaalo caddeymo ah oo ay qabatay Kaamirada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka kuwaas oo bulshada Soomaaliyeed la wadaagi doonno si ay uga dhargaan jabka xooggan ee gaaray Khawaarijta.

Jubbaland State Luulyo 13ka, 2025 Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), Sarreeye Guuto David Keter, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay ciidamada Kenya ee ka howlgalaya gudaha Soomaaliya qaybta hawlgalka AUSSOM, si uu u qiimeeyo hawlgallada socda uguna dhiirrigeliyo moraalka ciidanka.

Sarreeye Guuto Keter ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta Labaad ee AUSSOM, Edward Banda, iyo Ku-xigeenka, Colonel Samson Kenga, Wafdiga ayaa booqday saldhigyada muhiimka ah ee ku yaalla magaalooyinka Dhobley, Afmadow iyo Kismaayo.

Intii lagu guda jiray booqashada, Lt. Gen. Keter wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hawlgalka AUSSOM ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab, xasillinta deegaannada la xoreeyay, iyo xoojinta awoodda ciidanka Soomaaliyeed si ay ula wareegaan amniga qaranka.

Taliye Banda ayaa soo dhaweynta taliyaha ku tilmaamay mid ku soo beegantay xilli habboon, taas oo kor u qaaday niyadda ciidanka. 

Waxa uu sidoo kale mar kale xaqiijiyay in Qaybta Labaad ee AUSSOM ay si buuxda uga go’an tahay gudashada waajibaadkeeda sida lagu sheegay war ay soo saareen AUSSOM.

Puntland State Luulyo 13ka, 2025  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kasoo horjeestay aragtida ku saabsan in Puntland ay tahay mashruuc ka soo horjeeda Soomaalinimada, balse ay qayb weyn ka tahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya. 

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in doorka ay Puntland ku leedahay hannaanka dowladeed ee Soomaaliya aan marnaba la iska indho tiri karin.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa carrabka ku adkeeyay in Puntland ay difaaceyso dowladnimadeeda iyo dhulkeeda, isagoo xusay in ay jiraan cid uu ku tilmaamay “cadow” oo duulaan kusoo ah jiritaanka Puntland.

Si gaar ah ayuu u tilmaamay deegaanada loo yaqaan “gaari-waaga” ama meelaha ka baxsan laamiga ah, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin bartilmaameedyo muhiim ah.

Sidoo kale, Deni ayaa sheegay in maamulka Puntland si dhaw ula socdo dadka uu ku eedeeyay inay hurinayaan falal dibin-daabyo ah oo lagu waxyeeleynayo midnimada Puntland, isagoo sheegay in tallaabo laga qaadi doono.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya xilli ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waddo qorshe lagu doonayo in gobollada Sanaag iyo Haylaan lagu biiriyo maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.

Puntland ayaa si cad uga hor timid qorshahaasi, iyadoo sheegtay in gobolka Sanaag uu qeyb ka yahay dhulkeeda. Sidaas darteed, waxay ciidamo u dirtay gobolka Sanaag, iyadoo u diidday masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka in ay halkaas tagaan.

Dhamaan arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli maanta magaalada Laascaanood uu ka furmayo shirka dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo la sheegay in isfaham laga gaaray khilaafkii hore u jiray.

Khaatumo State Luulyo 13ka, 2025 Waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool shirweynaha dhamaystirka dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Shirkaan la filayo inuu furmo goordhaw oo manata ah ayaa imaanaya, iyadoo lagu guuleystay in xal laga gaaro khilaafkii xoogana maalmahan ka taagnaa siduu u furmi lahaa shirkaan lagu dhameystirayo dhismaha maamul goboleedka Khaatumo.

Shirkan ayaa diirada lagu saaraya hirgelinta hanaanka maamulka, dejinta habraacyo sharciyeed iyo diyaarinta dariiq loo maro dhismaha dastuurka maamulka cusub ee SSC Khaatumo.

Amaanka guud ee magaalada Laascaanood ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxana wadooyinka waa weyn iyo goobta uu ka furmayo shirka la dhigay ciidamo aad u fara badan, kuwaas oo sugaya amaanka goobta shirka ka dhacayo.

Si kastaba ha ahaate shirweynahaan maanta furmi doono ayaa ka mid ah jadwal ay horay u dajisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo lagu doonayo in geedi socodka dhismaha maamulka SSC Khaatumo lagu soo gabagabeeyo inta lagu guda jiro bishaan July ee 2025.

Ugu dambeyntii bulshada SSC Khaatumo iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta isha ku wada hayo natiijada ka soo bixi doonto shirkaan la filayo inuu maanta ka furmo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo ay xusid mudan tahay in isimada deegaanadaas u kala jabeen laba garab oo kala taageersan hoggaanka maamulka SSC iyo kuwo taabacsan siyaasiyiinta iyo musharrixiinta Mucaaradka ah.

WARARKA MAANTA 12ka Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa laba aqal heshiis been ah ka saxiixay? Yaa Soomaalida hantideeda ma-guurtada u saxiixay shisheeye? Yaa deegaankiisa nabad ka dhallin waayey oo safar been iyo bug ah ku dhammeeya lacagta dadweynaha? Yaa wakhtiga ka dhammaanayaa? Yaa boobaya/dhacaya shacabka #Muqdisho? Yaa lacag uu xaday laga xanibay #Switzerland? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Ankara Luulyo 12ka, 2025 Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay dhiggiisa Madaxwaynaha dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Rejeb Dayyib Erdogan.

Labada Madaxwayne ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal u dhexeeya, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray sare u qaadista iskaashiga dhanka amniga iyo ciribtirka Khawaarijta.

Hiiraan Luulyo 12ka, 2025 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howgal qorsheysnaa oo ciidanka Macwisleeyda gobolka Hiiraan ka fuliyeen fariisin kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaanka Dhurwaale ee gobolka Hiiraa

Howlgalkaan oo dhacay galinkii dambe ee Shalay ayaa lagu dilay ilaa Lix xubnood oo ka mid ahaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku suganaa deegaanka Dhurwaale oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Halgan.

Ciidanka Macawiisleeyda ee howlgalkaan fuliyay ayaa sidoo kale la sheegay iney kooxda ka furteen qoryahii ay wateen xubnaha Al-shabaab ka tirsanaa ee howlgalka lagu dilay.

Sarkaal ka tirsan ciidankaan howlgalka fuliyay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid ay mudo qorsheynayeen, islamarkaana uu noqday mid u dhacay sidii ay ugu talo galeen.

Howlgalkaan khasaaraha lagu gaarsiiyay Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo kooxdu Isniintii lasoo dhaafay weerar qaraxyo Ismiidaamin ah ku bilaawday kula wareegtay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Khaatumo State Luulyo 12ka, 2025 Isimmada dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa isku khilaafay shirweynaha lagu dhameystirayo dhismaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, iyadoo shirkaasi la filayo inuu rasmi ahaan ka furmo magaalada Laascaanood maalinta berri ah.

Isimmada ayaa u kala jabay laba garab: Qaar waxay taageersan yihiin hoggaanka maamulka SSC, halka kuwa kalena ay dhinac yihiin siyaasiyiinta iyo musharraxiinta mucaaradka ah.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah garaadka guud ee deegaannada SSC  ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Laascaanood ku sheegay in aan lagu dhaqmi karin talo meel kale laga keenay. Wuxuu xusay in dadka deegaanka ay 15-kii sano ee la soo dhaafay ku jireen xukun dibadda laga keenay, taasina aysan mar dambe la aqbali karin.

“Waxaan 15 sano ka dagaalamayay talo meel kale ka timid, mana oggolaan karo in reer walaalahay ah aan ku sameeyo wixii aan ka soo horjeeday. Ma noqon karo mid qeyb ka ah arrintaas. Warsangeli waa walaalaheen, waa deriskeenna, dan baynu ka leennahay, daruufahuna waa inaga dhaxeeyaan. Uma qalmaan in aan nidhaahno annagaa idinka xulanayna,” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Garaadku wuxuu sidoo kale hoosta ka xarriiqay in aanay jirin cid qasbi karta rabitaanka dadka SSC-Khaatumo, isagoo ku baaqay in talo qaran oo dhab ah la sameeyo. Wuxuu cabsi ka muujiyay in dib loogu celiyo SSC xaaladihii hore ee dhibaatooyinka ahaa, taasoo uu sheegay in aysan ka soo kaban karin.

Dhanka kale, madaxweynaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye, ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah Isimmada Sool iyo Sanaag, isaga oo kala hadlay qabanqaabada shirka berri furmaya. Isimmadaasi waxay taageersan yihiin in shirweynaha la qabto, wixii tabasho ahna si nabad ah dib loo eego.

Sidoo kale, xildhibaanada baarlamaanka SSC ayaa isna xalay shir ku yeeshay Laascaanood, iyaga oo ka doodayay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan qabsoomidda shirweynaha. Ilaa iyo hadda wax go’aan rasmi ah lagama soo saarin kulankooda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli jira cabsi laga qabo in carqalado amni ay dib u dhigaan shirka berri, iyadoo musharraxiinta qaar ay si weyn uga soo horjeedaan qabsoomidda shirkan.

https://www.youtube.com/watch?v=N8wVfKxDNP0

WARARKA MAANTA 11ka Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa boobaya/dhacaya shacabka #Muqdisho? Yaa lacag uu xaday laga xanibay #Switzerland? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho Luulyo 11ka, 2025 Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ay kawada hadleen in mashaariicda shirkadaha Turkida la geeyo degaanada Galmudug.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka horumarinta iyo dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha Galmudug. 

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay mashaariic muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib u dhiska Dekedda Hobyo, wadooyinka muhiimka ah, iyo garoomada diyaaradaha ee ka jira deegaannada Galmudug.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay leedahay fursado badan oo maalgashi, islamarkaana ay jirto xaalad amni oo wanaagsan oo u saamaxaysa in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay ka shaqeeyaan gudaha Galmudug.

Dhankiisa, Safiirka Turkiga Alper Aktaş ayaa soo dhoweeyay qorshaha Galmudug ee ku aaddan horumarka, wuxuuna ballan qaaday in Turkigu diyaar u yahay inuu xoojiyo taageerada uu siiyo Galmudug, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo maalgashiga.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Turkiga lagu dhiirrigeliyo inay maalgashi toos ah ku sameeyaan Galmudug, iyagoo ka faa’iidaysanaya fursadaha iyo nabadgelyada ka jirta gobolka.

Soomaaliya iyo Jordan Luulyo 11ka, 2025 Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa magaalada Cammaan ee dalka Jordan kaga qeybgalay daah-furka Istaraatiijiyadda Carabta ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga.

Munaasabaddan muhiimka ah oo ay kasoo qeyb-galeen wasiirro iyo masuuliyiin ka kala socday wadamada Carabta, ayaa lagu lafaguray doorka dhallinyaradu ku leeyihiin nabadeynta iyo horumarka dalalka gobolka.

Wasiir Maxamed Cabdulqaadir ayaa sidoo kale kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa Jordan, Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga, Yazan Shdeifat, Labada wasiir ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray iskaashiga ku saabsan horumarinta dhallinyarada iyo cayaaraha.

Intii uu kulanku socday, Wasiir Yazan Shdeifat ayaa sheegay in sanadkan magaalada Cammaan loo doortay caasimadda dhallinyarada Carabta, isagoo xusay dadaallada ay dowladdiisu ku bixineyso martigelinta iyo taageeridda barnaamijyada dhallinyarada ee gobolka.

Dhankiisa, Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Jordan iyo dowladda Jordanian-ka sida diirran ee ay u soo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa, Waxa uu bogaadiyay kaalinta muuqata ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Jordan ay ka qaadaneyso awoodsiinta iyo horumarinta dhallinyarada Carabta.

Muqdisho Luulyo 11ka, 2025 Waxaa si rasmi ah iskugu soo dhiibay ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada 23-aad, Ururka 231 ee ciidanka xooga Soomaaliya , xubin ka tirsanaa kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Ninka isa soo dhiibay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Xuseen Maxamed, wuxuuna sheegay inuu go’aankaas qaatay kadib markuu si qoto dheer u fahmay xadgudubyada iyo falalka arxan darrada ah ee kooxda Al-Shabaab ku hayaan shacabka, culimada, iyo masuuliyiinta dowliga ah.

Maxamed ayaa sidoo kale xusay in muddo uu si dhow ula socday falalka kooxda, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo si cad ugu xadgudbaya diinta Islaamka iyo anshaxa bini’aadantinimada, taasoo ku kalliftay inuu go’aansado inuu ka go’o kooxda.

Taliska ururka 231 ayaa si diirran u soo dhaweeyay talaabada uu qaaday Maxamed, iyagoo carrabka ku adkeeyay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay mar walba diyaar u yihiin inay fursad siiyaan cid kasta oo ka xumaanaysa fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Wararka sidoo kale waxay sheegayaan in Maxamed Xuseen Maxamed lala yeeshay wareysiyo muhiim ah, kuwaas oo ay ka soo baxeen xog la xiriirta meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda, dhaqdhaqaaqyadooda, iyo qorshayaal ay wateen.

Taliyaha guutada 23-aad ayaa ku tilmaamay isdhiibidda Maxamed mid muujinaysa kala shakiga iyo kala fogaanshaha ka jira gudaha kooxda Al-Shabaab, isagoo intaas ku daray in ay rajeynayaan inay tallaabadan dhiirrigelin doonto xubno kale oo wali ku jira kooxda si ay isugu dhiibaan dowladda.

WARARKA MAANTA 10ka Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u rabaa inuu burburiyo Dowladda? Yaa boobaya/dhacaya shacabka #Muqdisho? Yaa lacag uu xaday laga xanibay #Switzerland? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho Luulyo 10ka, 2025 Wasaaradda amniga gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaawday qorshe dib loogu furayo wadooyinka xiran ee ku yaala gudaha magaalada Muqdisho, si meesha looga saaro culeyska iyo ciriiriga ay wajahayaan shacabka iyo gaadiidleyda ku nool magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulan la qaatay guddiga loo xilsaaray in xal ka gaaraan saxmada iyo ciriiriga ka jira wadooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo wasiirka la wadaagay warbixino la xariira xalka wadooyinka xiran.

Guddigan oo ka kooban Hay’addaha amniga, maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Federaalka ayaa wasiirka u soo bandhigay dhibaatooyinka ka dhasha ciriiriga gaadiidka ee waddooyinka Muqdisho iyo sidii qiimeyn rasmi ah loogu sameyn lahaa wadooyinka xiran si dib loogu furo.

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya ayaa faray guddigan iney si degdeg ah u bilaabaan howlaha, islamarkaasna soo diyaariyaan qorshe lagala soo tashaday hay’adaha amniga, gaadiidka, iyo maamulka degmooyinka gobolka Banaadir.

Qorshahaan dib loogu furayo wadooyinka xiran ayaa imaanaya, iyadoo mudo dhowr sano ah xiran yihiin wadooyinka loo yaqaan Jid cadayaasha Magaalada Muqdisho oo ay ku go’an dhagaxyo waa weyn, waxaana talaabadaasi horay dowladda u sheegtay iney la xariirto sidii loo xaqiijin lahaa Amniga guud ee magaalada Muqdisho. 

Muqdisho Luulyo 10ka, 2025 Golaha Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa dhammaystiray dib-u-eegistii saddexaad ee barnaamijka deynta cafinta Soomaaliya, taasoo suurto-gelisay in si degdeg ah loo sii daayo lacag gaareysa $10 milyan.

Lacagtan ayaa loo adeegsanayaa taageerada miisaaniyadda dowladda si loo dardar-geliyo isbeddellada dhaqaale.

IMF waxay sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu wajahayo caqabado ay ka mid yihiin hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah, cimilada oo is beddeshay, iyo hubanti la’aan sareysa. Waxaa la filayaa in koritaanka dhaqaalaha sannadka 2025 uu hoos ugu dhaco 3%, marka la barbardhigo 4% oo la qiyaasayo sannadkan 2024.

Si kastaba, IMF waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay si wanaagsan u waddo barnaamijka dib-u-habeynta dhaqaalaha, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta dakhliga gudaha, maamulka maaliyadda dadweynaha, iyo sare u qaadidda kalsoonida dhaqaale. Waxaa sidoo kale la tilmaamay muhiimadda taageerada deeq-bixiyeyaasha si loo sii wado isbeddellada.

IMF waxay bogaadisay dadaalka dowladda ee lagu horumarinayo ururinta cashuuraha, casriyeynta kastamka, hirgelinta xeerka cusub ee cashuurta dakhliga, iyo maamulka lacagta iyo deymaha dowladda.

Sidoo kale, waxaa la ammaanay horumarka laga gaaray dhismaha awoodda Bangiga Dhexe iyo qorshaha dib loogu soo celinayo isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga oo dalka intiisa badan aan la isticmaalin

Waxaa intaas dheer, IMF waxay sheegtay in Soomaaliya ay horumar ka samaysay sharciyeynta maamul wanaagga gaar ahaan dhanka batroolka, iyadoo muhiim la ah in si daahfuran loo maamulo khayraadkaas.

Somaliland Luulyo 10ka, 2025 Maamulka Somaliland ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay faragelisay gobollada Sool iyo Sanaag, taasina ay burburisay mabaadi’dii aasaaska u ahaa wadahadaladii u socday. Sidoo kale, waxa ay ka warbixisay waxay ay ka yeelayso isfahankii dhexmaray Itoobiya.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi (Looge), oo waraysi gaar ah siiyay Galaydh Media, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in wadahadaladu ay xal u noqon karaan is-fahan xumada ka dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya, balse dowladda federaalku ay ka baxday ballanqaadyadii.

“Waxaan aaminsanahay in wadahadaladu ay xal u noqon karaan mashaakilaadka ballaadhan ee inaga iyo Soomaaliya ka dhexeeya, laakiin nasiib-darro weyn bay tahay in xukuumadda fadhida Muqdisho ay baabiisay mabaadi’dii aasaaska u ahayd wadahadalka,” ayuu yidhi Wasiir Looge.

Waxa uu intaa ku daray in heshiiska wadahadallada sii wadistooda uu saldhig u ahaa in dowladda Soomaaliya aanay faragelin xuduudihii Ingiriisku u dhigay Somaliland, isla markaana labada dhinac ay u wada hadlaan si siman, balse dowladda Soomaaliya ay ku xadgudubtay arrintaas.

“Wadahadallada aasaaskoodu waxa uu ahaa in ay wada hadlaan laba dhinac oo kala ah Somaliland iyo Soomaaliya. Marka mabaadi’dii ay ku fadhiday oo ahayd in si siman loo wada hadlo ayay Soomaaliya burburisay. Laascaanood ayay timid, dagaal bay ka riday, Sanaagna waa aynu ognahay. Sidaas darteed, maanta dariiqii wadahadal lagu tagi lahaa nooma muuqdo,” ayuu yidhi Wasiir Looge.

Wadahadallada Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa socday muddo tobanaan sano ah, hase yeeshee ilaa hadda lagama gaadhin wax natiijo ah oo la taaban karo.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay sii wadista is-fahankii u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu dhawaan safar ku tagi doono Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, si ay uga wadahadlaan xidhiidhka labada dhinac, heshiisyada suurto-galka ah, iyo waxa laga yeelayo is-fahankii sannadkii hore dhexmaray Hargeysa iyo Addis Ababa.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli ay warbaahinta qaar sheegayaan in uu burburay heshiiskii Ankara ku dhexmaray madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ilaa hadda aan la hirgelin tan iyo markii markii la shaaciyay.

Sidoo kale, waxaa dhawaan dib u cusboonaysiiyay xidhiidhkooda dowladdaha Soomaaliya iyo Masar,  labada dhinacba ayaa ka midaysan diidmadooda in Itoobiya ay joogitaan ka hesho Badda Cas – arrintaasi oo laga yaabo inay markale mugdi geliso xidhiidhka u dhexeeya Addis Ababa iyo Muqdisho.

WARARKA MAANTA 8da Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u rabaa inuu burburiyo Dowladda? Yaa boobaya/dhacaya shacabka #Muqdisho? Yaa lacag uu xaday laga xanibay #Switzerland? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Baydhabo Luulyo 8da, 2025 Dhawaan magaalada Baydhabo, 25 saxafyiin gabdho ah oo ka socday Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ka qayb qaatay tabobar laba maalmood socday oo ay taageertay Qaramada Midoobey. Tabobarkan oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Haweenka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMWA waxaa ujeedkiisu ahaa xoojinta xirfaddooda iyo wacyigooda ku aaddan bad qabka jireed iyo midka dhijitalka ee la xiriira gudashada waajibkooda shaqo.

DDSI Luulyo 8da, 2025 ‎Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa furay qiimaynta warbixinta wax-qabadka xafiisyada heer deegaan iyo maamulada gobollada deegaanka ee sanad-miisaaniyeedka 2017-ka T.I.

‎Qiimayntan oo socon doonta muddo 4 maalmood ah, ayaa diiradda lagu saarayaa mashaariicda la fuliyey laga bilaabo bishii Hamle 2016 ilaa Sane 2017-ka T.I. Waxaana lagu bilaabay warbixinta wax-qabadka Xafiiska Xoolaha.

Moqokori  Luulyo 8da, 2025 Xaalada degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa saaka ah mid degan, kadib dagaalo culus oo Shalay ilaa Xalay ku dhexmaray gudaha iyo daafaha magaaladaas ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab. 

Sadax sano kadib kooxda Al-shabaab ayaa Xalay u aheyd habeenkii ugu horeysay oo ay ku hoydaan degmada Moqokori, waxaana saakay halkaasi ciidamada iskaashanaya ka wadaan abaabulkii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan

Waxaa aad u adag si dhab ah loo helo xogta rasmiga ah ee degmada Moqokori, maadama in isgaarsiinta guud ee magaalada Moqokori iyo deegaanada hoos yimaada ay go’antahay, islamarkaana ciidanka is kaashanaya aysan ka fogeyn Moqokori. 

Ciidamo aad u tira badan oo gurmad u ah Macawiisleyda ayaa saacadahii lasoo dhaafay ka ambabaxay magaalooyinka ay ka kooban tahay Hiiraan, kuwaas oo xoojinaya ciidamada deegaanka ee dagaalka culus kula jira Al-shabaab. 

Si kastaba ha ahaatee degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa ah degmo muhiim ah oo istaraatiiji ah iskuna xirta gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Ugu dambeyntii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa qabasashada Al-shabaab ee degmada Moqokori ku eedeeyay iney la xariirto gaabis ka yimid dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

IGAD Luulyo 8da, 2025 Madaxweynihii hore ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle ahna Ku xigeenka Xog-hayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Maxamed Cabdi Waare, ayaa si adag uga hadlay xaaladda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ku eedeeyay dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada qaar in ay ka jeesteen dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, isla markaana uu dagaalkii qaran ee kooxdaas lala galay kusoo ururay hal deegaan oo keliya.

Qoraal uu Waare ku daabacay bartiisa X (Twitter), ayuu ku muujiyay niyad-jab ballaaran oo la xiriira sida looga jeestay dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, isagoo sheegay in kooxdaasi hadda fursad u heshay inay dib isu abaabusho, halka dowladda ay ku mashquulsan tahay arrimo Siyaasad ah.

“Sadex sano kahor waxaan iri ‘Waxaan kaga adkaanay Al-Shabaab dhanka dagaalka,  Maanta, jawaabta way muuqataa,” ayuu yiri Waare.

Waare ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, oo uu sheegay in uu yahay meelaha kooban ee weli dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab si dhab ah uga socda. 

Wuxuu xusay in maleeshiyada Al-Shabaab ay kasoo kala yimaadeen deegaanno fog sida Jubbaland iyo Koonfur Galbeed si ay xooggooda isugu geeyaan Moqokori taasoo muujinaysa sida ay kooxdaasi u aragto muhiimadda dagaalka halkaas.

“Uma muuqato in dalka intiisa kale uu ka jiro dagaal dhab ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, Dadka intiisa kale waxay u muuqdaan kuwo ka jeestay ama indhaha ka laabtay dhibka shacabka reer Hiiraan,” ayuu yiri Waare.

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle wuxuu sheegay in ay si cad u muuqato in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uusan hadda ahayn mudnaanta koowaad ee dowladda ama saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh iskaashi amni.

Maxamed Cabdi Waare wuxuu ku baaqay in la joojiyo waxa uu ku tilmaamay “mashquul siyaasadeed aan micno lahayn”, taas oo uu ku eedeeyay in ay carqalad ku tahay dagaalka Al-Shabaab.

“Wali waan aaminsanahay in Al-Shabaab la jabin karo. Laakiin taas waxay u baahan tahay in laga hortago khilaafaadka siyaasadeed ee la abuurayo, arrimaha la buunbuuniyo” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii, Waare wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la helo qorshe mideysan iyo ujeeddo qaran oo ka dhaxaysa dhammaan hay’adaha dowliga ah iyo shacabka, si looga hortago handadaada ka imaanaysa Al shabaab.

Puntland Luulyo 8da, 2025 Maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgal cirka ah oo ka dhacay dooxada Baalade ee buuraha Cal Miskaad lagu bartilmaameedsaday xubno sare oo ka tirsan kooxda Daacish, isla markaana la xaqiijiyay in la dilay bartilmaameedkii ugu weynaa.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in weerarkan si gaar ah loogu beegsaday saraakiil sar-sare oo uu ku jiro ku-xigeenka amiirka guud ee Daacish, Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, kaas oo ku dhuumaaleysanayay buuraleyda Cal Miskaad.

Sarkaal ka tirsan Puntland, Axmed Cabdullaahi Sheekh, oo ka mid ah la-taliyeyaasha howlgallada cirka ah, ayaa sheegay in duqeyntan ay fuliyeen ciidamo Maraykan ah. Wuxuu xusay in Maraykanku si joogto ah u garab taagan yahay dadaallada Puntland ee la dagaallanka argagixisada.

Duqeyntan ayaa qeyb ka ah wajigii ugu dambeeyay ee Howlgalka Hilaac (Lightning Operation), iyadoo Puntland ay sheegtay in iskaashiga ay la leedahay ciidamada Maraykanka uu si cad u miro-dhalay.

Sida ay tilmaameen saraakiisha Puntland, ilaa 85% hoggaankii sare ee Daacish ee ku sugan Puntland ayaa la burburiyay tan iyo markii uu howlgalkan bilowday.

Saraakiisha sare ee la dilay ayaa lagu tilmaamay kuwo door muhiim ah ku lahaa hannaanka maamulka iyo hawlgalada kooxda Daacish. Waxaa la xaqiijiyay in ay ka mid yihiin:

Cabdixakiim Badiin Mawaledd (Yemeni): Madaxii booliska gudaha (Hizba), kuna hadli jiray af-Soomaali.

Marwaan Cabdirizaaq (Tunisian): Madaxii dagaalyahanada ajnabiga ah.

Barow Cabdi Macallin (Soomaali – Gedo): Madaxa maamulka ee Shebaab-Dhaasaan.

Axmed Salaax Sudaani (Sudanese): Madaxii wacyigelinta diinta (Da’wah).

Ibraahim Hayyaan (Moroccan): Madaxii qaraxyada.

Dr. Xakiim Ubayda (Malaysian): Madaxii caafimaadka.

Axmed Muuse Siciid (Soomaali – Bari): Madaxii xiriirka dibadda, kana hadli jiray Carabi iyo Ingiriisi.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgalladan sii socon doonaan ilaa kooxda Daacish laga cirib tiro guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Puntland.

WARARKA MAANTA 6da Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa boobaya/dhacaya shacabka #Muqdisho? Yaa lacag uu xaday laga xanibay #Switzerland? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho Luulyo 6da, 2025 Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta wareegto uu soo saaray si rasmi ah ugu magacaabay guddiga farsamo ee dhameystirka maamul goboleedka SSC Khaatumo.

Guddigan farsamo ayaa ka kooban illaa 8 xubnood, kuwaas oo ay Wasaaraddu ugu talo gashay ka shaqeynta dhamaystirka iyo maamul u samaynta SSC Khaatumo, si waafaqsan habraacyada dastuuriga ah iyo siyaasadda dib u heshiisiinta qaranka.

Xubnaha guddigan ayaa waxa guddoomiye looga dhigay Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi, halka guddoomiye ku xigeenka loo magacaabay Cabdinasir Xaaji Maxamed.

Waxaa sidoo kale xubnaha guddigan ku jira xubno ka socda ama kasoo jeeda gobolka Sanaag, taasoo ka dhigan in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay gobolka Sanaag ku darayso maamulka SSC Khaatumo.

Hirshabelle State  Luulyo 6da, 2025 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saacado badan qaatay oo wali ka socda deegaano u dhaxeeya degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo u dhaxeya ciidanka Macawiisleeyda oo garab ka helaya kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Al-shabaab. 

Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu haatan ka socdo tuulooyin ku dhadhaw deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan oo dhaca xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkaan oo soo bilaawday waabarigii hore ee saakay ayaa ah mid marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaayay, maadama labada dhinacba ay kala gaarayeen gurnadyo ciidan oo xoog leh.

Ciidamada iskaashanaya ayay u suurta gashay in dagaalka saakay soo bilaawday kula wareegaan deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin Gumare, Xagare iyo Ceel qooxle oo ah dhamaantood deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda oo la hadlay HOL ayaa inoo sheegay in dagaalka maanta khasaare xoogan ku gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab ee maalmahii lasoo dhaafay dhaqdhaqayada ka waday deegaanadaan hoostaga Moqokori.

“Meydadka Khawaarijta waa daadsan yihiin dagaalka saakay kusoo bilaawnay wali waan wadna oo hada xabadu waxay kasii dhaceysa dhaga kore ee Ceel qooxle, dhimashadooda 30 kor ayay u dhaaftay anaga dhankeena 5 dhimasho ah ayaa jirta, dagaalkana wuu sii soconaya ilaa aan ka tagno Aadan Yabaal” ayuu yiri sarkaal lagu magacaabo Axmed Jimcaale oo ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda. 

Si kastaba ha ahaate dagaalkaan maanta ka dhacay deegaanada ka tirsan Hiiraan ayaa noqonaya dagaalkii ugu xoogana ee waayahaan dambe ka dhaca deegaanada gobolka Hiiraan.

Galmudug State  Luulyo 6da, 2025 Wararka naga soo gaaraya deegaanka Balicad oo ka mid ah deegaanada hoostaga Dhabad ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi duhurnimadii maanta lagu dilay laba nin oo xoolo dhaqato ahaa.

Labada nin ee la dilay ayaa la sheegay iney deegaan ahaan kasoo jeedeen degmada  degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana dilkooda geystay maleeshiyaad hubeysnaa oo dilka kadib si deg deg ah uga baxsaday goobta.

Wali si rasmi ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkaan loo geystay ragaan xoolo dhaqatada ahaa, hayeshee waxaa lala xariirinaya dilkooda inuu salka ku haayo arimo la xariira aano qabiil.

Dilka labada marxuum ee xoolo dhaqatada ahaa ayaa durba abuuray xaalad cabsi ah oo laga qabo in dhacdadan ay sii huriso xiisadaha colaadeed ee mudooyinkii dambe ka jiray qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.

Gobolka Galgaduud waxa uu ka mid yahay meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan dagaal beeleedyada, waxaana halkaasi marar badan ka dhacay dilal argagax badan oo la xariira aanooyin qabiil.

Muqdisho Luulyo 6da, 2025 Guddigan farsamo ayaa ka kooban illaa 8 xubnood, kuwaas oo ay Wasaaraddu ugu talo gashay ka shaqeynta dhamaystirka iyo maamul u samaynta SSC Khaatumo, si waafaqsan habraacyada dastuuriga ah iyo siyaasadda dib u heshiisiinta qaranka.

Xubnaha guddigan ayaa waxa guddoomiye looga dhigay Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi, halka guddoomiye ku xigeenka loo magacaabay Cabdinasir Xaaji Maxamed.

Waxaa sidoo kale xubnaha guddigan ku jira xubno ka socda ama kasoo jeeda gobolka Sanaag, taasoo ka dhigan in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay gobolka Sanaag ku darayso maamulka SSC Khaatumo.

Muqdisho Luulyo 6da, 2025 Dowladda Soomaaliya ayaa soo cusbooneysiisay baaqeedi ku aaddan kordhinta taageerada ay beesha caalamka siiyaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo maalgelin joogto ah oo ay ku bixiso howlgalka nabad ilaalinta ee muhiimka u ah xasilinta Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar ayaa baaqan jeediyay Khamiistii xilli uu socday kulan dhanka fogaan araga ah oo heer wasiir ah oo ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC), kaasoo diiradda lagu saarayay xaaladda ammaan ee Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Wasiir Cali Balcad oo la hadlayay wasiirada kale ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga xuntahay shilkii 2-dii bishii July ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo galaaftay nolosha shan askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Uganda, Wuxuuna tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen, dowladda Uganda, iyo guud ahaan Howlgalka AUSSOM.

Waxa uu xusay in taageerada ay ka heleen saaxiibada Afrika ay door ka qaateen dib u soo celinta dhulalka xagjiriinta, soo celinta adeegyada bulshada ee muhiimka ah, iyo dib u dhiska hay’adaha qaranka ee asaasiga ah.

Iyadoo AUSSOM ay hadda si buuxda u shaqa bilawday 1-da Luulyo iyadoo la raacayo habraacyada cusub oo ogolaanaya in loooso diro Soomaaliya 11,911 Askari, ayuu wasiir Cali wuxuu ku tilmaamay howlgalka inuu yahay ajendaha amniga qaranka ee Soomaaliya.

Waxa uu carabka ku dhuftay in ay diiradda saarayso ilaalinta rayidka, ilaalinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo taageeridda ciidamada Soomaaliya si ay uga jawaabaan khataraha ka imaanaya kooxaha Argagixisada.

Si loo dammaanad qaado sii jirista howlgalka, Wasiir Cali Balcad waxa uu ku baaqay in la qabto Shirweyne Maalgelineed oo AUSSOM ah, isaga oo soo jeediyay in mid kamid ah wadamada Khaliijku martigeliyaan.

WARARKA MAANTA 5ta Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa lacag uu xaday laga xanibay #Switzerland?   Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho Luulyo 5ta, 2025

Buruundi Luulyo 5ta, 2025 Midowga Afrika ayaa u kordhiyay joogitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya muddo lix bilood ah, iyagoo sii ahaanaya qeyb ka mid ah howlgalka cusub ee AUSSOM.

Tani waxay imaaneysa kadib markii horey loo qorsheeyay in ciidamada Burundi ay ka baxaan dalka ugu dambeyn 30-ka Juun 2025.

Go’aankan ayaa yimid kadib kulan ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU Peace and Security Council) oo lagu xusay baahida degdegga ah ee lagu buuxinayo “meelaha bannaan” ee ka jira ciidamada AUSSOM, maaddaama dib u dhac uu ku yimid soo gudbinta ciidamada ka socda dalalka kale ee ku biiraya howlgalka, gaar ahaan Masar.

Ciidamada Burundi ayaa si kumeelgaar ah u sii joogaya si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale taageero siinaya dowlad-dhiska iyo sugidda amniga gudaha Soomaaliya.

Waxaa la rajeynayaa in inta lagu guda jiro lixda bilood ee kordhinta ah, dhammaan dalalka kale ee ciidamo ku biirinaya AUSSOM ay si buuxda u soo dhameystiraan diyaar-garowgooda.

Go’aankan ayaa muujinaya caqabadaha weli ka taagan kala-guurka laga sameynayo howlgalka ATMIS loona gudbayo AUSSOM, iyadoo arrimaha dhaqaalaha iyo qorsheynta ciidamada ay yihiin caqabado weli taagan.

Muqdisho Luulyo 5ta, 2025 Dowladda Soomaaliya ayaa soo cusbooneysiisay baaqeedi ku aaddan kordhinta taageerada ay beesha caalamka siiyaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo maalgelin joogto ah oo ay ku bixiso howlgalka nabad ilaalinta ee muhiimka u ah xasilinta Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar ayaa baaqan jeediyay Khamiistii xilli uu socday kulan dhanka fogaan araga ah oo heer wasiir ah oo ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC), kaasoo diiradda lagu saarayay xaaladda ammaan ee Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Wasiir Cali Balcad oo la hadlayay wasiirada kale ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga xuntahay shilkii 2-dii bishii July ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo galaaftay nolosha shan askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Uganda, Wuxuuna tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen, dowladda Uganda, iyo guud ahaan Howlgalka AUSSOM.

Waxa uu xusay in taageerada ay ka heleen saaxiibada Afrika ay door ka qaateen dib u soo celinta dhulalka xagjiriinta, soo celinta adeegyada bulshada ee muhiimka ah, iyo dib u dhiska hay’adaha qaranka ee asaasiga ah.

Iyadoo AUSSOM ay hadda si buuxda u shaqa bilawday 1-da Luulyo iyadoo la raacayo habraacyada cusub oo ogolaanaya in loooso diro Soomaaliya 11,911 Askari, ayuu wasiir Cali wuxuu ku tilmaamay howlgalka inuu yahay ajendaha amniga qaranka ee Soomaaliya.

Waxa uu carabka ku dhuftay in ay diiradda saarayso ilaalinta rayidka, ilaalinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo taageeridda ciidamada Soomaaliya si ay uga jawaabaan khataraha ka imaanaya kooxaha Argagixisada.

Si loo dammaanad qaado sii jirista howlgalka, Wasiir Cali Balcad waxa uu ku baaqay in la qabto Shirweyne Maalgelineed oo AUSSOM ah, isaga oo soo jeediyay in mid kamid ah wadamada Khaliijku martigeliyaan.

Muqdisho Luulyo 5ta, 2025 Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka Gumarre oo hoostaga degmada Moqokori, halkaas oo lagu jebiyey, lagana saaray cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in firxadka Khawaarijta ay u sii baacsanayaan dhanka deegaanka Ceel-qooxle, isla markaana goobihii lagu dagaalamay ay daadsan yihiin meydadka Khawaarijtii saakay lagu ekeeyey weerarka.

Howlgalka oo weli socda wixii kasoo kordha kala soco Warbaahinta Qaranka.

WARARKA MAANTA 4ta Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho Luulyo 4ta, 2025Ku dhawaad 300 oo ruux ayaa baaritaano iyo adeegyo caafimaad oo dhanka Indhaha ah loogu sameeyay degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, Koox caafimaad oo ay hormuud ka yihiin dhallinyaro dhaqaatiir indhaha ah ayaa adeeggan caafimaad oo baahi weyn ay u qabeen dadka deegaanka ku nool u sameeyey baaritaano, Qalliino iyo daaweyn caafimaad oo indhaha ah, Ololahan waxaa ka faa’iideystay dadka danyarta ah ee deegaanka.

Galdogob Luulyo 4ta, 2025 TALIYE CABDI CASEYR HALALA SHAQEEYO

hala qorto ciidanka faderalka somalia mudug ka shaqeynaya qofkasta reer kasta hada ha isqoraan ka faa,idaysta fursada ama sidiini odayaal iyo horgalo tuuga ah oo maamulka putland lacag ka qaata ha idinka hor istaagaan oo been ha idiin sheegaan

Maamulka xaasidka nagu ah ee putland sidiisi buu dhihahaya anaa ciidan qoraya

Sidii waagii wasiirad fardowso Osman egal ay rabtay inay ciidan noo qorto ay yimaadeen maamulkaas iyo kuwa horgalada ah u ah ciidanka intay diwaan galiyeen aan dib danbe ugu soo laaban hala iska jiro wixii waagi hore oo kale

Jarmalka Luulto  Luulyo 4ta, 2025  Sida lagu ogaaday baadhitaan ay si wadajir ah u fuliyeen warbaahinta Jarmalka ee DW iyo ARD, Ayuub Cabdirisaaq (oo loo yaqaan “Kabtan Ayuub”) iyo Yacquub Siyaad, oo ah dhallinyaro Soomaali ah oo caan ka ah baraha bulshada, ayaa si joogto ah ugu faafinayay fariimo naceyb iyo hurin dagaal ah, iyaga oo sannado badan si toos ah uga hawlgalayay gudaha dalka Jarmalka.

Baadhitaanka ayaa lagu sheegay in fariimo ay ku dhiirrigelinayaan colaadaha ay si joogto ah ugu baahiyaan baraha sida Facebook iyo TikTok, iyaga oo gaadha boqollaal kun oo taageerayaal ah, kuwaas oo ay badankoodu Soomaali yihiin, kuna sugan gudaha iyo dibedda. “Fariimahooda waxa ka buuxa naceyb qabiil, baaqyo dagaal, dhiirrigelin ah in rasaas lagu furo askarta iyo dad rayid ah, iyo talooyin ku saabsan sida loo weeraro goobaha ciidanka,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Kabtan Ayuub, oo sheegay inuu 13 jir ahaa markii uu qori qaatay kuna biiray dagaal-beeleed, uu ku faano inuu galay in ka badan 30 dagaal, sidoo kalena uu ka mid ahaa budhcad-badeedda sanadihii hore. Ayuub waxa uu Jarmalka galay sanadkii 2017, balse markii dambe si qarsoodi ah ayuu ugu laabtay Soomaaliya, isagoo markaas ku biiray Ciidanka Difaaca Puntland.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Yacquub Siyaad oo isagana si weyn looga yaqaan baraha bulshada, uu ku baahiyo hadallo naceyb ah oo uu ku dhiirrigelinayo taageerayaashiisa inay “gooyaan madaxda cadowga.” DW waxay sheegtay in labada nin muddo dheer ay ka badbaadeen in la ogaado madaama oo ay ku hadlaan afqalaad.

“Markii uu dagaalku ka qarxay magaalada Laascaanood horraantii 2023, labada ninba waxay si firfircoon uga qayb qaateen hurinta colaadda, iyagoo u safaraya Soomaaliya, la kulmaya jabhadaha hubeysan, kana duubaya muuqaallo ay ku faafiyaan baraha bulshada si ay taageero iyo dhaqaale uga helaan jaaliyadaha dibedda,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Daraasadda DW iyo ARD ayaa daahfurtay in Ayuub xidhiidh dhow la leeyahay madaxda sare ee Puntland, gaar ahaan Madaxweyne Siciid Deni, waxaana la arkay sawirro muujinaya Ayuub oo fadhiya safka hore ee munaasibado ama la socda madaxda maamulka.

“Waxa xusid mudan in Ayuub u ballanqaaday $20,000 qof kasta oo sameeya maleeshiyo hubaysan. Inkasta oo Yacquub aan si fudud ugu laaban karin Soomaaliya (maadaama maxkamad milatari oo Puntland ah ku ridday 10 sano xabsi ah isagoo maqane ah), haddana weli wuxuu sii hurinayaa nacayb iyo dagaal isagoo ku sugan magaalada Düsseldorf,” ayay warbixintu tidhi.

Khubarada amniga ee lagu waraystay warbixintan waxay sheegeen in labada nin ay wadaan “dagaal xogeed” (information warfare), taas oo ah nooc cusub oo colaadeed oo lagu burburinayo nabadda gudaha Soomaaliya, iyada oo la adeegsanayo tiknoolajiyadda iyo baraha bulshada.

Muqdisho Luulyo 4da, 2025 Muqdisho, Khamiis 3 Luulyo, 2025: — Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa si aqlabiyad ah u ansixiyay 9 Murrashax ee Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), oo ay soo gudbisay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Go’aankan waxaa lagu gaaray si waafaqsan xeer hoosaadka Golaha, Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo iyada oo la tixraacayo Qodobka 17aad, farqaddiisa (1) ee Sharci Lr. 16 ee 27 Juunyo 2016, kadib markii la sameeyay hab-raac xulid oo adag, hufan, oo daah-furan, si buuxanna u waafaqsan Qodobada 8aad, 15aad iyo 16aad ee isla sharcigaas.

Murrashaxiinta waxaa lagu soo xulay iyadoo lagu saleynayo kartidooda, daacadnimadooda, iyo hufnaantooda, iyo iyada oo la raacayo habraacyada caalamiga ah, gaar ahaan Mabaadi’da Baariis iyo Gunaanadyada Guud ee GANHRI (Isbahaysiga Caalamiga ah ee Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ee Qaran).

Xubnaha Guddiga oo ka kooban sagaal ayaa waxay kala yihiin:

1.⁠ ⁠  Axmed Shiikh Xamsa Abshir

2. Cali Maxamed Cilmi

3. Dr. Cumar Cabdulle Calasow (PhD)

4. Dr. Maryam Qaasim Axmed

5. Faadumo Cabdiqani Yuusuf

6. Farxaan Maxamed Jimcaale

7. Dr. Maxamed Cismaan Maxamuud (PhD)

8. Maxamed Haaruun Maxamuud

9. Muumina Shiikh Cumar

WARARKA MAANTA 3da Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho Luulyo 3da, 2025 Dhowaan, iyagoo la kaashanaya QM, ayey Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya iyo Hay’adaha Amniga Soomaaliyeed ee Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed yeesheen wadatashiyo maalmo socday oo ku saabsan qabyo qoraalka Istaraatiijiyadda Amniga Qaranka iyo istaraatiijiyadaha amniga ee Dowlad Goboleedyada. 91 qof oo ka kala socda wasaaradaha muhiimka u ah amniga iyo ciidamada amniga ayaa ka qeybgalay kulankan, iyadoo ujeedadiisu aheyd in la waafajiyo  istaraatiijiyadaha xaaladaha gaarka ah, wax ka qabashada baahiyaha amni, iyo waxyaabaha khatarta gaarka ah ku haya dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Puntland State Luulyo 3da, 2025MADAXWEYNAHA OO DHAGAX DHIGAY DHISMAHA WADADA BACAADWEYN-GAALKACYO.

Bacaadweyn: 03 July 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo safar shaqo ku tegay Deegaanka Bacaadweyn, ayaa dhagax dhigay dhismaha wadada isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo, taasi oo lagu dhisayo isku tashi iyo cashuurta shacabka laga qaado oo dalka dib loogu dhisayo.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, Goleyaasha Dowladda Puntland, Isimo, waxgaarad, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Injineerada shirkadaha dhisaya wadada.

-DHAMMAAD-

South West State Luulyo 3da, 2025 Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qayb galay Munaasabadda Daah-furka Ololaha Diiwaan gelinta Codbixinta Deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Munaasabadda Diiwan-Gelinta ayaa waxaa ka qeybgalay Mudanayaal ka tirsan Goliyaasha Dowladda Koonfur Galbeed xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen oo noqday Qofkii ugu Horeyey ee qaata Shahaada Diiwan-Gelinta Cod Bixiyaasha ayaa Bulshada Koonfur Galbeed kula Dardaarmay inay is Diiwan-Geliyaan kana qeyb qaatan Hanaanka Doorashooyinka Qofka iyo Codka.

Muqdisho Luulyo 3da, 2025  Dowladda Mareykanka ayaa afar maalmood gudahood joojisay 256 qandaraas oo lagu sheegay inay ahaayeen kuwo aan wax-soo-saar muuqda lahayn, kuwaas oo qiimahooda guud lagu qiyaasay $14.3 bilyan. 

Go’aankan ayaa keenay in dowladda ay badbaadiso $11.5 bilyan oo kharash ah oo la bixin lahaa.

Qandaraasyadan la baajiyay waxaa ka mid ahaa mid si gaar ah u khuseeya Soomaaliya, kaasoo ahaa heshiis ay bixisay hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Mareykanka (USAID).

Qandaraaskan oo lagu qiimeeyay $850,000 ayaa loogu talagalay in lagu shaqaaleysiiyo la-taliye ku takhasusay “adkeysiga” (resilience advisor) oo ka howlgali lahaa gudaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa u aragtay in qandaraaskan aanu lahayn wax-soo-saar muuqda ama mid muhiimad u leh danaha guud ee dalkeeda.

Sidoo kale, waxaa la joojiyay qandaraas kale oo uu bixiyay maamulka adeegyada guud ee Mareykanka (GSA), kaas oo lagu qiimeeyay $198,000, islamarkaana la xiriiray la-talin ku saabsan hagaajinta habraacyada shaqada iyo ganacsiga.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo ay dowladda Mareykanka ku baarayso qandaraasyada ay bixiso si looga hortago kharash-bax aan qiil laheyn, loogana dhigo nidaamka maaliyadeed mid hufan oo wax ku ool ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in howshani ay sii socon doonto si loo xaqiijiyo in lacagta canshuur bixiyayaasha Maraykanka loo adeegsado meelaha ugu waxtarka badan.

Joojinta qandaraaskan Soomaaliya khuseeya ayaa imaaneysa iyadoo Mareykanka horeyba u hakiyay ama u dhimey mashaariic gargaar oo muhiim u ahaa Soomaaliya, kuwaas oo ay ku bixi jirtay balaayiin dollar sanad walba. 

Tan iyo sanadihii u dambeeyay, waxaa sii yaraanayay maalgelinta Mareykanka ee dhinacyada horumarinta, nabadeynta, iyo dib u dhiska hay’adaha Soomaaliya, arrintaas oo saameyn ku yeelatay qorshayaal badan oo lagu xasilin lahaa dalka.

Qoryooleey  Luulyo 3da, 2025 Wararka ka imaanaya degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan  rasaas khasaare kala duwan geysatay ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa Suuq yaraha degmadaas.

Rasaasta maleeshiyaadka hubeysan fureen ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid dadka shacabka ah ee ku sugnaa Suuq yaraha degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hal qof oo dumar ah ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyootay rasaasta maleeshiyaadka ku fureen dadka shacabka ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay laba ruux oo kale, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen dad ku sugnaa Suuq yaraha Qoryooleey. 

Qofka geeriyooday ee dumarka ah ayaa magaciisa lagu sheegay Xabiibo Cali Shiiqaaley oo ahayd haweeney suuqaasi ku ganacs jirtay, islamarkaana halkaas ka dabari jirtay nolol maalmeedka qoyskeeda.

Maleeshiyaadka hubeysnaa ee falkaan geystay ayaa si deg deg ah uga baxsaday goobta, lamana oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka maleeshiyaadka geysteen, mana jirto cid loo soo xiray ama lagu tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen falkaas.

Si kastaba ha ahaatee weerarkaan ka dhacay Suuq yaraha Qoryooleey oo cabsi badan galiyay dadka ku nool degmadaas ayaa kusoo aadaya, iyadoo magalaadassi inta badan ay ka dhacaan dagaal beeleeyo geysta khasaariiyun isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyadeed. 

Muqdisho Luulyo 3da, 2025 Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Uganda, kadib shilkii naxdinta lahaa ee khasaaraha ka soo gaaray 8 ruux oo saarneeyd diyaarad Helicopter ah oo ay lahaayeen ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay geesinimada iyo dadaalka ay muujiyeen askarta Uganda, waxaana ay xaqiijisay in ficiladooda geesinimada leh ay muujineyso doorka joogtada ah ee Uganda ee taageerada horumarka iyo barwaaqada Soomaaliya.

War kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda muujisay sida ay uga mahadcelineyso naf-hurnimada ay u hureen ciidamada ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

“Waxaan garab taagannahy waqtigaan adag oo aan xanuunka la qeybsanaynaa Shacabka Iyo Dowladda Uganda dadkii kaga geeriyoodey diyaaradii ay saarnaayeen oo ku dhacday Garoonka Aadan Cade”. ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Waaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Howlgalka AUSSOM iyo Hay’adda socdaalka ayaa isla baaraya waxyaabaha dhaliyay shilka ku yimid diyaaradaasi Helicopter ka ahayd.