Wararka
WARARKA MAANTA 3da Diseembar 2023 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa la wasaa gabarta Madxweynaha? Yaa wasa? Maxuu kashifay Weriye Macalinka Lugeeya oo waxyaabo badan kashifa? Yaa la rabaa la baabi’iyo? Maxayse tahay Dowladda Soomaaliya fashilka ka haysta dhanka dhaqaalaha oo ay qoyska Madxweyne Mudane Xassan Shiikh IYo #Damu-Jadiid boobayaan? Yaa noqon doona Madaxweyne ku-xigeenka soo socda? Maxayse tahay sababta Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh u rabo asagoo waxba ka qaban dastuurkii qabyada ahaa inuu dalka ka dhiso labo xisbi oo sharci-darro ah? Maxuuse Madaxweyne Xassan Shiikh u diidan yahay inuu dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah? Maxay tahay sababta sida sharci-darro ah loogu haysto Janaraal Sheegoow asagoo Mahad Salaad yahay Taliyaha Nabad-Sugida oo horayna Wasiir Goodax Barre u kashifay inuu u shaqeeyo Argagixisada AL-Shabab?
Ha wiqleyso!
Israa’iil 3da Diseembar 2023 Israel ayaa ku wargelisay dhowr dal oo Carbeed inay doonayso inay aag difaac ah ka abuurto dhinaca Falastiiniyiinta ee soohdinta Gaza, si looga hortago weeraro ay Xamas mustaqbalka kusoo qaado Israel.
Qorshahan ayey Israel sheegtay inay fulineyso kadib dhammaadka dagaalka Gaza, sida ay ilo-wareedyo Masaari iyo kuwa gobolka ku sugan ay u sheegeen wakaaladda wararka Reuters.
Qorshahan ayaa macnihiisu yahay in ciidamada Israel ay ka difaaci doonaan Israel gudaha Gaza intii ay ku sugnaan lahaayeen xudduudoodii hore, balse ma cadda inta kilometer ay Israel dooneyso inay aagga difaacca ka dhigto.
Sida laga soo xigtay saddex ilo-wareedyo gobolka ah, Israel waxay qorshaheeda la wadaagtay dalalka deriska ah ee Masar iyo Urdun, iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta, oo sanadkii 2020 xiriir diblomaasi la sameystay Israel.
Waxa kale oo ay sheegeen in Sacuudiga, oo aan xiriir la lahayn Israel islamarkaana joojiyey wada-hadallo uu Maraykanku dhex-dhexaadinayey kadib markii uu dagaalka Gaza bilowday 7-dii October, lagu wargeliyey qorshaha Israel.
Ilo-wareedyada ma aysan sheegin sida ay xogtani ku gaartay Riyadh, oo aan si rasmi ah u lahayn xiriir toos ah oo ay la leedahay Israel. Turkiga oo aan Carab ahayn ayaa sidoo kale loo sheegay, sida ay sheegeen ilo-wareedyadan.
Hindisahani ma tilmaamayo in uu soo afjarmi doono weerarka Israel – kaas oo dib u billowday Jimcihii, kadib xabbad-joojin toddoba maalmood ah –balse waxa uu muujinayaa in Israel ay ka gudubtay dhex-dhexaadiyeyaasha Carabta ee la aasaasay, sida Masar ama Qatar, iyada oo doonaysa in ay qaabayso Gaza dagaalka kadib.
Ma jirto dawlado Carbeed oo u muujiyay wax rabitaan ah inay ilaaliso ama maamulaan Gaza mustaqbalka, waxayna intooda badan si buuxda u cambaareeyeen weerarka Israel ee lagu dilay in ka badan 15,000 oo qof iyo burburinta dhul badan oo ka mid ah magaalooyinka Gaza.
Xamaas waxay ku dishay 1,200 oo qof duullaankoodii October 7, waxayna qafaasheen in ka badan 200 oo qof.
Dowladaha Masar, Sacuudiga, Qatar, Turkiga, iyo Urdun si degdeg ah ugama aysan jawaabin codsiyo ku saabsan inay ka hadlaan arrintan.
Muqdisho 3da Diseembar 2023 Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa saddex qarax oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kuwaas oo lala beesaday xarumo ganacsi oo ku kala yaalla suuqa Baakaaraha iyo degmada Warta Nabbadda ee gobolka Banaadir.
Qaraxa koowaad oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xarun ganacsi oo ku taalla qeybta Cirtoogte ee Suuqa Bakaaraha, halkaas oo la sheegay in maalmo ka hor lagu xiray kaamirada qarsoon ee CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda,
Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhaawacmeen laba haween ah oo ka agdhowaa goobta, sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray goobta la qarxiyay.
Laba oo qarax oo kale, oo iyaguna ahaa miinooyin ayaa ka dhacay xaafadda Laba Dhagax ee dgemada Warta Nabadda, kuwaas oo iyana lala beegsaday xarumo ganacsi.
Mid kamid ah qarxyadaas waxaa lala beegsaday goob ganacsi oo uu leeyahay ganacsadaha caanka ah ee Qoobey, sida ay innoo sheegeen ilo dadka dadka deegaanka.
Sidoo kale qaraxa saddexaad oo isna ka dhacay Laba Dhagax ayaa waxaa lagu qarxiyay xarun lagu magacaabo Oranje Jibsi, taas oo uu buurbur xoogleh soo gaaray.
Labadan qarax ayaa ka duwanaa midka ka dhacay Bakaaraha, waxaana labadan goobood toos u tegay rag ka tirsan Al-Shabaab oo qaraxyada geeyay, kadibna baxsaday.
Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxyadaas oo qayb ka noqonaya beegsiga haatan lagu hayo ganacsatada.
Weeraradan ayaa kusoo aaday, ayada oo Khamiistii uu suuqa Bakaaraha booqday taliyaha NISA, Mahad Salaad oo u kuurgeliyay ammaanka iyo waxa ka dhaqan-galay amarkii kasoo baxay hay’adda ee ku aadanaa in goobaha ganacsiga lagu xiro kaamirooyinka CCTV.
Puntland 3da Diseembar 2023 Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir socday shalay illaa xalay la qaatay xisbiyada siyaasadda Puntland, wuxuuna mar kale ku adkeystay doorashada la isku diidan yahay ee qof iyo cod.
Shirka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD, IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA.
War-saxaafadeed kasoo baxay shirka ayaa lagu sheegay in looga hadlay dardargelinta dhameystirka doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan.
Shirka ayaa imanaya xilli mucaaradka Puntland ay weli diidan yihiin doorasho qof iyo cod ah, oo ay u arkaan mid uu Deni ku dheereysanayo muddo xileedkiisa ku eg bisha Janaayo.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay shirka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Xisbiyada siyaasada Puntland, shirkaasi oo socday maanta ilaa iyo caawa ayaa looga hadlay dardargelinta dhameystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan.
Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda ayaa kulankooda xoogga ku saaray, isu diyaarinta dhameystirka Doorashooyinka Dadweyne oo nabad ku dhaca, Shirka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD, IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA.
Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland waxay u mahadceliyeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo cidkasta oo door ka qaadanaysa doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada, sidoo kale waxaa loogu baaqay cidkasta oo ka aragti duwan hanaanka şocda in albaabka wadahadalka u furanyahay.
Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland, wuxuu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni cod dheer ku sheegay in Dowladu diyaar u tahay wadahadal iyo in ay la fariisato cidii ka aragti duwan, si hanaanka dimuqraadiyadu ugu taabo galo xasilooni iyadoo qof walba doorkiisa qaadanayo.
Muqdisho 3da Diseembar 2023 Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay cidda hub lasoo degi karto, kadib markii Soomaaliya laga qaaday cunaqabatayntii hubka ay saarneyd 32-ka sano.
Xuseen Macallin Maxamuud, oo ah la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo ciidamadeeda ay soo gadan karaan hub kala duwan.
‘’Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka waa dalban karaa hub oo awoodda ay leeyihiin ku xiran maaddama ay leeyihiin booliis iyo asluub kaliya, loona oggolyahay inay maamulaan hub iyagana ku siman inay si nidaami ah dalka ula imaan karaan,” ayuu yiri Xuseen Macallin.
Isagoo ka jawaabayey sababta ay maamulladu hub usoo dajisan karaan ayuu yiri “Dabcan dowladeey ku hoos noolyihiin, kaligood wax ma sameeyaan, dowladda Soomaaliya ayey ka mid yihiin, dowladda iyo xafiiska amniga qaranka laga dhexdhisay ayaa nidaamka ay u keensan karaan xaddidaya, iyada oo heshiiskii amniga qaranku uu dhigayo in ciidamo u gaar ah oo booliska ah iyo ciidamada u gaar ah oo asluub ah ay yeelan karaan, marka hub intaas ku xaddidan ayey keensan karaan” ayuu yiri Xuseen Macallin.
Wuxuu intaas ku daray in maamul goboleedyada ay oggolaansho ka qaaadanayaan dowladda dhexe ka hor inta aysan hubka dalban.
Dhinaca kale, Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in laga bilaabo 2-dii December, Soomaaliya hub nooc kasta oo hub ah oo dunida lagu kala iibsho ay xaq u leedahay inay soo gadato.
Isagoo ka jawaabayey sababta ay maamulladu hub usoo dajisan karaan ayuu yiri “Dabcan dowladeey ku hoos noolyihiin, kaligood wax ma sameeyaan, dowladda Soomaaliya ayey ka mid yihiin, dowladda iyo xafiiska amniga qaranka laga dhexdhisay ayaa nidaamka ay u keensan karaan xaddidaya, iyada oo heshiiskii amniga qaranku uu dhigayo in ciidamo u gaar ah oo booliska ah iyo ciidamada u gaar ah oo asluub ah ay yeelan karaan, marka hub intaas ku xaddidan ayey keensan karaan” ayuu yiri Xuseen Macallin.
Wuxuu intaas ku daray in maamul goboleedyada ay oggolaansho ka qaaadanayaan dowladda dhexe ka hor inta aysan hubka dalban.
Dhinaca kale, Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in laga bilaabo 2-dii December, Soomaaliya hub nooc kasta oo hub ah oo dunida lagu kala iibsho ay xaq u leedahay inay soo gadato.
“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa gacmaha ka xirnaa, hubka la wada haysto hub ka waa weyn oo uu dalka ku ilaalin karo, cidda hubka ay haysato si khaldan u istcimaalaysana shaqa ka qaban karo ayey muhiimaddu tahay hadda,” ayuu intaas ku daray Xuseen Macallin.
Muqdisho 3da Diseembar 2023 Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab uu ka socdo aagga deegaanka Halgan ee gobolkaasi, kaas oo qaatay saacado badan oo xiriir ah.
Howlgalkan oo ah mid qorsheysan ayaa waxaa iska kaashanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamig ah, wuxuuna si gaar ah uga scodaa tuulada Hilow Bacaad oo hoostagta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan khasaare culus oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur lagu gaarsiiyay xubnaha kooxda Al-Shabaab oo ku sugan halkaasi.
Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda waxaa howlgalkan culus lagu khaarijiyay in ka badan 60 Al-Shabaab ah, kuwaas oo isku uruursanayay tuulada uu weerarka ka dhacay.
“In ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo 8 KM dhinaca Koofur galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale warbaahinta dowladda ayaa intaasi kusii dartay in ciidamadu ay burburiyeen, isla markaana ay cagta maryeen saldhiyo ay kooxda ku laheyd halkaasi.
“Howlgalkaan oo qaatay Saacado badan walina socda ayaa sidoo kale waxaa lagu bur buriyay fariisimo ay khawaarijtu halkaasi ku lahaayeen iyo saanado ciidan” ayaa lagu yiri.
Xaaladda ayaa haaatan kascsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli howlgalka socdo, kaas oo lagu baacsanayo xubnaha kooxda Al-Shabaab ee ku sugan aagga Halgan.
Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaallada haatan ka socda dalka.
Muqdisho 3da Diseembar 2023 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo saaka ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay inta badan degmooyinka ku yaalla gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ahaa ismiidamin ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore ee xerada TurkSom oo ku taalla degmada Wadajir, gaar ahaan waddada aada Jasiira.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, wuxuuna beegsaday ciidamo cusub oo loo qorayay Xoogga dalka.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uu gaystay khasaare u badan dhaawac, waxaana waxyeelo soo gaartay ugu yaraan 4 qof oo kamid ah dadkii ku sugnaa goobta.
Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in qofka qaraxu ku xirnaa uu doonayay inuu dhex galo dhalinyaro saf ku jirtay si ay u qortaan ciidanka Gorgor ka soo horjeedka xerada TurkSom laakiin ay ciidamada amaanku ka shakiyeen, deetana inta aanu soo gaarin uu is qarxiyay.
Dhanka kale Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxa ayaa shaaca ka qaaday inay ku dishay 32 ka tirsan dhalinyaradii ciidanka qoranaysay, sida ay hadalka u dhigtay.
Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale qaraxyo ugu weerartay xeryo ciidan oo ku yaalla Muqdisho, xilli ay ka socotay diiwaangelin ciidan, waxaana ugu dambeeyay weerarkii ka dhacay xerada Kuliyadda Jaalle Siyaasad, inkastoo laga hortegay ismiidaamiyihii fulina rabayu weerarkaais, kadib markii ay rasasaaseeyeen ciidanka, sidaasna kuu ku qarxay,
Waxaa sidoo kale ka horreeyay weeraro kale oo horay uga dhacay xerada Nacnaca oo iyana ku taalla degmada Wadajir, halkaas oo ay dhowr jeer qarxiiyeen xubnaha Al-Shabaab.
Muqdisho 3da Diseembar 2023 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamada horleh gaysay Galmudug, kuwaas oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.
Ciidamadan oo wata hubkooda iyo gaadiid dagaal ayaa gaaray magaalada Guriceel, halkaas oo ay kusoo dhaweeyene saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ku biiri doonaan wajiga labaad howlgallada Al-Shabaab looga xoreynayo gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa innoo sheegay in ciidamadan ay si gaar ah u tagi doonaan furimaha dagaalka ee aagga deegaanka Shabeelow, si ay xoojiyaan ciidanka Xoogga dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Macawiisleyda ku sugan halkaasi.
Sidoo kale waxa ay saraakiisha ku dareen in ciidamadan cusub ee gaaray Galmudug ay dhiig cusub ku shubi doonaan dagaalka, ayna weerari doonaan kooxda Al-Shababa.
Ujeedka ayaa ah in maalmaha soo socda la xoreeyo deegaanada ay haatan Al-Shabaab ka joogaan gobollada Galgaduud iyo Mudug oo indhowaanahan ay ka socdaan howlgallo culus.
Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana Galmudug ka soconayo diyaar garow ku aadan dagaal culus oo mar kale lagu qaado kooxda Al-Shabaab.
Soomaaliya ayaa waxaa si guud uga socdo howlgallo xereyn ah oo ay hormuud u tahay dowladda dhexe oo kaashaneysa maamul goboleedyada iyo sidoo kale dadka deegaanka
WARARKA MAANTA 1da Diseembar 2023 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa wax kashifay oo Wasiir hore Xassan Xundubeey ka xun asoogoo sheegi waayey dadkii dilay Marxuumad Mornayl Ikraam Taxaliil? Maxayse tahay sababta uu Wasiir hore Xassan Xundubeey hadda u weerarayaa Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh? Maxuuse ka yiri Shaqo siintii Fahad Yaasiin ee wasiirnimadiisa? Maxuuse Wasiir hore IXildhibaan sloow u weeraray Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh? Yaa Dowladda Soomaaliya musuqmaasuq iyo qaraabo kiil u horseeday Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh? Maxuu fashilay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre? Maxay tahay sababta Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh u rabo in la sameeyo Madxweyne Iyo Madaxweyne ku-xigeen iyo labo xisbi siyaasaddeed? Maxay tahay sababtii Madaxweyne Xassan Shiikh u kala eryey.cayriyey gudiggii la-dagaalanka musuqmaasuqa, guddiggii dhaqaalaha, guddigii arrimaha bulshada iyo guddigii arrimaha dibadda? Yaa boobaya hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Iyo qoyskiisa?
Ha wiqleyso!
Muqdisho 1da Diseembar 2023Hay’adda Duulusta Hawada iyo maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa soo saartay amaro adag oo la xariira hanaanka shaqo ee diyaaradaha u duula gobolada dalka. Amarada kasoo baxay hay’adda ayaa yimid, kadib markii dadka rakaabka ah ee u safra gudaha dalka ay kasoo cawdeen habka shaqo ee duulimaadyada gudaha dalka, sida ay hay’addu ku sheegtay qoraal ay soo saartay.
Hay’adda ayaa Duulista Hawada ayaa fartay Shirkadaha diyaaradaha ineysan rakaabka saacado farabadan ku hayaan karin gudaha garoonka, islamarkaana aysan dadka soo xareyn karin iyadoo aysan diyaar aheyn diyaaradii qaadi laheyd.
Duulimaadyada diyaaradaha u safra dhamaan gobolada dalka ayaana laheyn jadwal saxan oo la xariira waqtiga ay duulayaan, waxaana marar badan dhacda in dadka rakaabka ah waqti ku dhaw 10 saacadood ay dhex fadhiyaan garoonka, taasoo ay us
Russia 1da Diseembar 2023 Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kala wareegtay dowladda Ruushka gargaarkii ugu badnaa ee loogu talo galay dadka ku barakacay daadadka iyo fatahaadaha is barbar socda ee ku dhuftay qaar ka mid ah gobolada dalka. Gargaarkaan ay kala wareegtay dowladda Soomaaliya dalka Ruushka ayaa ka kooban 25-kun oo tan.
Safiirka dowladda Ruushka u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa sheegay in gargaarkan uu astaan u yahay saaxiibtinimada labada dal, isagoona intaa raaciyay in bilaha soo socda ay keeni doonaan gargaar kale.
‘’ Tani waa bilowga shixnado gargaar oo ka kooban 25-kun oo tan oo qamadi ah, taas oo loogu talagalay dadka ay saameynta ku yeesheen daadadka iyo fatahaadaha, sidoo kale, waxaa markale gargaar kan la mid ah keeni doonaa daba-yaaqada bisha December,” ayuu yiri Safiirka dalka Ruuska u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo la wareegay shixnada gargaarka ah ayaa ka mahadceliyay, isagoona sidoo kale ka dalbaday xukuumadda Moscow iney ugu deeqdo diyaarado gurmadka lagu gaarsiiyo dadka go’doonsan.
‘’ Gargaarka dowlada Ruushka inoogu deeqday waxa uu ku soo aaday xilli loo baahnaa, waxaana kala hadli doonaa sidoo kale in ay noogu deeqaan diyaarado aan gargaarka ku gaarsiino dadka go’doonsan, gargaarkaan waa kii ugu badna oo ina soo gaara tan iyo markii ay bilawdeen daadadka iyo fataahada saameynta badan ku yeeshay dadkeena Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.
Si kastaba ha ahaate dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta sidii gurmad heer caalami ah ugu heli laheyd Shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay daadad iyo fatahaadaha.
Goalha Amniga 1da Diseembar 2023 Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta oo Jimco ah cod u qaadi doona in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee saaran mudo ka badan sodon sano.Xubnahaan oo ka kooban 15 xubnood ayaa lagu wadaa in Maanta ay cod u qaadan labo qaraar oo la sheegay iney soo diyaarisay dowladda Ingiriiska, kaasoo mid ka mid ah uu yahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo dhan iyo midka labaad oo ah in dib loogu soo celiyo cunaqabateynta hubka ee saaran kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh urur weynaha Al-Qaacida.
Golaha amaanka ayaa cunaqabateynta saaray Soomaaliya sanadkii 1992-kii xiligaas oo la tilmaamay in goluhu uu ka hortagaayay qulqulka hubka ee dagaal oogayaashii isku hayay xiligaas gudaha Soomaaliya, kuwaasoo xukunka ka tuuray madaxweynahii hore ee dalka Jaalle Maxamed Siyaad Barre.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo todobaadkaan bilowgiisii ka hadlaayay furitaanka kalfadhiga afaraad ee Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegay in cunaqabataynta hubka laga qaadi doono Soomaaliya, hayeshee khudbadiisii waqtigaas kuma uusan cadeyn madaxweynaha in dowladda ay balanqaad ka heysato dalalka 15 ka ah ee golaha amaanka Qaramada Midoobay.
Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe dadaalo dheeraad ah ugu jirtay sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya mudad dheer, waxaana haatan muuqaneysa rajo wanaagsan oo ay ka qabto in laga qaado cunaqabateynta hubka.
Afmadoow 1da Diseembar 2023 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Afmadow, ayaa ku tilmaamay mid guul u ah bulshada deegaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in degmada Afmadow ay tahay magaalo leh taariikh fac-weyn, tallaabadan lagu dhisayo garoonka cusubna ay tahay mid dib loogu soo celinayo taariikhdii iyo kaabeyaashii horumarka ee ay degmadu lahayd, isaga oo u mahadceliyey hey’adda gacanta ku siineysa dhismaha garoonka.
R/Wasaare Xamsa ayaa sheegay in degmada Afmadow laga hirgelin doono adeegyadii bulshada ee ay ugu horreeyaan Isbitaalladii iyo goobihii waxbarashada.
Munaasabadda lagu dhagax-dhigayay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee degmada Afmadow, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, maamulka degmada iyo masuuliyiin ka socday hey’adda garoonka dhisaysa.
Ra’iisul Wasaaraha oo shalay ku tagey degmada Afmadow booqasho uu ugu kuur-galayo xaaladda bini’aadantinimo ee ay sababeen roobabku, ayaa sheegay in degmada ay dhinac walba ka go’doomiyeen roobabka daadadka wata ee ka da’ay gobolka iyo kooxaha Khawaarijta ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay baaxadda dhibaatada ay gaarsiiyeen degmada Afmadow iyo deegaannada ku xeeran daadadku.
Sidoo kale Xamza ayaa tilmaamay in xukuumaddu ay ku howlan tahay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen daadadku.
Dhankooda, maamulka degmada, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka oo ay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa uga warbixiyey khasaaraha nololeed iyo kan hantiyeed ee soo gaaray.
Gaarisa 1da Diseembar 2023 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda Kenya iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo shalay ka dhacay qaybo kamid ah ismaamulka Gaarisa, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka lagu magacaabo Xarxarka, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare kala duwan, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya oo ka hadlay dagaalkaas ayaa sheegay inuu ka dhashay weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen Al-Shabaab, balse ay ka hortageem.
Sidoo kale weerarka kadib waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay gubeen teendhooyin ku yaalla deegaanka, sidoo kalena ay sii mareen tuulo u dhow oo ay ku gubeen saldhig ciidan.
Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana ciidanka Kenya ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan qaybo kamid ah ismaamulka Gaariga oo ah halka lagu dagaalamay.
Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay sugaan amniga guud ee deegaanadaasi.
Sidoo kale weerarkan ayaa qayb ka noqonaya isku dayada hubeysan ee ay Al-Shabaab ka wado gudaha dalka Kenya, kuwaas oo ay ku beegsaneyso ciidanka Kenya iyo safareyda.
Si kastaba, weeraradan ayaa kordhay todobaadyadii u dambeeyay, waxaana dhowr qarax iyo weeraro toos ah ay ka dhaceen deegaano u dhow xadka ay wadaagaan labada dal.
Kenya ayaa qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isla markaana la dagaalama kooxda Al-Shabaab, iyaga oo ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Israel 1da Diseembar 2023Dagaal culus ayaa laga soo sheegayaa magaalada Gaza Jimcaha maanta ah, iyada oo militariga Israa’iil ay dib u bilaabeen howl-gallada ka dhanka ah Xamaas kadib markii ay ku eedeeyeen in ay jebiyeen xabbad-joojin ku meel gaar ah oo ay rasaas ku fureen dhulka Israa’iil.
Ciidamada Israa’iil ayaa dhowr duqeymo oo xagga cirka ah ka fuliyay koonfurta Marinka Gaza, iyada oo sidoo kale la sheegay rasaas la isku weydaarsaday waqooyi-galbeed ee magaalada Gaza.
Ciidamada Israa’iil waxa ay ku dhawaaqeen in ay soo afjareen xabad-joojintii ay la galeen ururka Xamaas, iyaga oo ku eedeeyay in ay jabiyeen qodobadii lagu heshiiyay kadib markii la sheegay in gantaal laga soo riday Gaza oo ay Israa’iil ka hortagtay
Dagaal culus ayaa laga soo sheegayaa magaalada Gaza Jimcaha maanta ah, iyada oo militariga Israa’iil ay dib u bilaabeen howl-gallada ka dhanka ah Xamaas kadib markii ay ku eedeeyeen in ay jebiyeen xabbad-joojin ku meel gaar ah oo ay rasaas ku fureen dhulka Israa’iil.
Ciidamada Israa’iil ayaa dhowr duqeymo oo xagga cirka ah ka fuliyay koonfurta Marinka Gaza, iyada oo sidoo kale la sheegay rasaas la isku weydaarsaday waqooyi-galbeed ee magaalada Gaza.
Ciidamada Israa’iil waxa ay ku dhawaaqeen in ay soo afjareen xabad-joojintii ay la galeen ururka Xamaas, iyaga oo ku eedeeyay in ay jabiyeen qodobadii lagu heshiiyay kadib markii la sheegay in gantaal laga soo riday Gaza oo ay Israa’iil ka hortagtay
Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa ku warantay in Israa’iil ay duqaymo cirka iyo madaafiicda ah ku garaacday marinka kadib markii ay dhammaatay xabbad joojinta, oo ay ku jirto magaalada Rafah oo u dhow xadka Masar.
Muqdisho 1da Diseembar 2023 Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, xilli uu dhismayo mucaarad xooggan oo kasoo horjeeda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Kheyre ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey qaar ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka, senatarro, odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ku beel ah.
Sida ay Caasimada Online xog ku heshay, imaatinka Kheyre ayaa la xiriira kulan la filayo inay Muqdisho ku yeeshaan siyaasiyiin miisaan culus leh oo diidan in wax laga beddelo dastuurka dalka, sida uu doonayo madaxweyne Xasan Sheekh.
Xubnahaas ayaa waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble iyo xubno kale, oo dhammaantood Xasan Sheekh kula mideysnaa isbaheysiga mucaaradka markii uu madaxweyne ahaa Farmaajo.
Inkasta oo weli aan la cayimin taariikhda shirka, haddana sida ilo wareedyo kala duwan ay Caasimada Online u xaqiijiyeen, mas’uuliyiintan ayaa khatar siyaasadeed u arka wax ka bedelka dastuurka dalka.
Qodobka ay sida weyn u diidan yihiin waa nidaamka ku dhisan madaxtooyada ee Madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, kaas oo kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ay doonayaan inay hir-geliyaan, loona arko isku day awood uu isugu koobayo Xasan Sheekh.
Maalmihii lasoo dhaafay, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii billaabay olole ku wajahan xildhibaannada labada aqal ee baarlamanka, kuwaas oo lagu qalqaalinayo inay ansixiyaan qorshaha wax ka bedelka dastuurka.
Si kastaba, waxaa xusid mudan in xubnaha mucaaradka uusan ka mid aheyn madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fadhiggiisu yahay magaalada Doha ee dalka Qatar.
Galmudug 1da Diseembar 2023 Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa bilaabay olole uu taageero ugu raadinayo meel-marinta heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhagan meel-marinta heshiiskaasi, wuxuuna qorsheynayaa in dhawaan la horgeeyo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa dhigaya in nidaamka Madaxtinimada dalka u guuro madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen iyo in doorasho wadajir ah ka dhacdo dowlad-goboleedyada dalka oo dhan.
Madaxweyne Qoor-Qoor oo wax ka saxiixay heshiiskaasi, ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaan dowladda federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto maamulka Galmudug.
Qoor-Qoor ayaa Xildhibaannada laga soo doorto Galmudug ee uu kula shiray Muqdisho ka dalbaday meel-marinta heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran oo xubno kamid ah Xildhibaannada ay ka soo horjeedaan.
Kulankaan ayaa ayaa kusoo dhammaaday isfahan guud, iyada oo xildhibaannada inta badan ay soo dhaweeyeen codsiga madaxweyne Qoor-Qoor.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda maamullada iyo xukuumadda ku booriyay dardar-gelinta qorshahaan, iyada oo dhawaan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu Baydhaba iskugu geeyay inta badan Xildhibaanada labada Gole ee BFS ee kasoo jeedo maamulkaasi.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sidoo kale Xildhibaannada ka dalbaday meel-marinta heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran, ayada oo xusid mudan tahay in siyaasiyiinta mucaaradka ay si weyn u diidan yihiin meel-marinta qorshahan doorasho ee ay dowladdu doonayso inuu baarlamaanku ansixiyo.
Si kastaba, Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana si weyn uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Muqdisho 1da Diseembar 2023Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka ka dhacay, gaar ahaan falalka amni darro ee toddobaadkii u dambeeyay.
Saadiq Aadan Cali, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in guud ahaan dalka ay ka dhaceen siddeed kiis oo dil ah, kuwaasi oo qaar ka mid ah ay Al-Shabaab geysatay, halka kuwa kale ay u dhaceen aano qabiil iyo dilal caadi ah.
“Asbuucii lasoo dhaafay sidoo kale waxaa amni darro ah oo dalka ka dhacay khasaare geystay illaa 8 dhaawac ah, shilalka dalka ka dhacay waxay ahaayeen saddex shil, waxaa dab ka dhacay saddex dab ah laba ka dhacay gobolka Banaadir, midna dowlad-goboleedka Soomaalida HirShabeelle,” ayuu yiri afhayeenka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in guud ahaan dalka muddo todobaad ah uu ka dhacay afar qarax, kuwaasi oo ay geysteen kooxda Al-Shabaab, “hal bam gacmeed oo degmada Hodan lagu soo tuuray oo ciidamada ammaanka arkeen oo dad ka bad-baadiyeen ayaa jirta.”
Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in laamaha ammaanka oo kaashanaya ganacsatada ay ku guuleysteen in goobaha ganacsiga lagu xiray inta badan Kaamirooyin loogu tala-galay in lagu xaqiijiyo amniga goobaha ganacsiga.
Waxa uu faray in ganacsatada aan weli fulin amarkaas ay sida ugu dhaqsaha badan ku xirtaan, “Inta dhiman waxaa ka rajeynayaa inay ku xirtaan si nafta iyo maalka muwaadiniinta loo ilaaliyo.”
Taliska ayaa ugu dambeyntiina markale ku celiyay in ay baneeyaan dadka degan dhulkii dabdamiska booliska iyo hoggaanka dhismaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku yaalla degmada Wadajir, gaar ahaan kasoo horjeedka Sebiyaano, una dhaxeeya siliga Amerikaanka iyo Isbitaal Madiina.
WARARKA MAANTA 30ka November 2023 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa Dowladda Soomaaliya musuqmaasuq iyo qaraabo kiil u horseeday Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh? Maxuu fashilay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre? Maxay tahay sababta Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh u rabo in la sameeyo Madxweyne Iyo Madaxweyne ku-xigeen iyo labo xisbi siyaasaddeed? Maxay tahay sababtii Madaxweyne Xassan Shiikh u kala eryey.cayriyey gudiggii la-dagaalanka musuqmaasuqa, guddiggii dhaqaalaha, guddigii arrimaha bulshada iyo guddigii arrimaha dibadda? Yaa boobaya hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Iyo qoyskiisa?
Ha wiqleyso!
Hirshabelle State 30ka November 2023 Wabiga Shabeelle ee dhexmara degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa bilaabay inuu ku fataho xaafado ka tirsan magaaladaas. Wabiga ayaa saacadahii lasoo dhaafay karkaarada ku jabsaday qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Fatahaada uu ka sameeyay wabiga degmada Jalalaqsi ayaa waxaa ku barakacay boqolaal qoys oo markii horaba la daalaan dhacaayay la dagaalanka nolol maalmeedkooda.
Maamulka degmada Jalalaqsi oo ka hadlay fatahaada ku dhufatay qeybo ka mid xaafadaha magaaladaas ayaa dalbaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka ku barakacay fatahaada.
Fatahaadaan ku dhufatay Jalalaqsi ayaa kusoo beegmeysa, iyado magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte intooda badan wali dadkii dagana ay ka maqan yihiin guryahooda kadib markii fatahaada ay si weyn u saameysay labadaasi magaalo.
Puntland 30ka November 2023 Booliiska Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay saddex carruur ah, kuwaas oo shalay ku dhaawacmay qarax ka dhashay haraadiga rasaasta ka dhacda qoryaha waawayn.
Warbixin kooban oo kasoo baxday baaris uu booliisku sameeyay, ayaa lagu sheegay in carruurta falkaan ku dhaawacmay ay gargaraaceen xabbadda qoriga loo yaqaano 37 (Teedhi Saban), sidaasna uu qaruxu ku yimid.
Falkaan ayaa ka dhacay agagaarka Saldhiga Galbeed ee ee Magaalada Garowe.
Booliisku wuxuu sheegay in waaxda miina baarista ee Gobolka Nugaal ay wadaan Baaritaano dheeraad ah oo la xiriirta dhacdadaas.
Saddexda carruurta ee ku dhaawacmay falkaan ayaa la dhigay isbitaalka guud ee Garowe, waxayna qaarkood qabaan dhaawacyo culus.
Falkaan ayaa kusoo aaday, iyadoo magaalada Garowe uu bishii June ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Goobta uu falku ka dhacay ayaa waxay ahayd meelihii ay ku dagaalameen ciidanka Puntland iyo kuwa taabacsan mucaaradka.
Muqdisho 30ka November 2023 Midowga Yurub ayaa ururiyey lacag gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah oo dhan 3.5 milyan oo Yuuro, oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadaha ba’an ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya. Soomaaliya, 2 milyan oo Yuuro ayaa lagu taageerayaa sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay sida weyn u saameeyeen fatahaadaha, gaar ahaan kuwa ku teedsan dooxada webiga Jubba.
Maalgelintan dheeriga ah ayaa imaanaysa, iyadoo in ka badan tahay €5.5 milyan dhawaan loo qoondeeyay gargaarka bini’aadantinimo ee kuwa ay sida aadka ah u saameeyeen fatahaadaha El Niño iyo barakaca khasabka ah ee colaadaha.
Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sidoo kale bilaabaya bisha December, inuu diyaarad helikobter ah ku gaaro meelo adag oo Soomaaliya ka mid ah, si dadyowga halkaas ku go’doonsan loo gaarsiiyo gargaarka biniaadantinimo.
Ku dhawaad hal milyan oo qof oo Soomaali ah ayay saameeyeen fatahaadaha El Niño, sidoo kale ku dhawaad 100 qof ayaa ku geeriyooday waxyeelada daadaadka.
Muqdisho 30ka November 2023 Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa ka warbixiyay wixii uu kusoo arkay deegaanada Jubbaland, oo xaalad adag ay ka taagan tahay.
Wasiir Beene-beene oo khudbad ka jeediyey maanta xarunta Golaha Shacabaka ayaa waxa uu marka hore sharaxaad ka bixiyey xaaladda guud ee dalka iyo saameynta roobabka inta ay gaarsiisan tahay, isaga oo sheegay in aan la qiyaasi karin saameynta ka dhalatay roobabka guga ee dalka ka da’ay.
“Inta aan dadka u tageynay maydad biyaha wadaan ayaa meelaha qaar laga qabanayey oo ah meelihii biyaha go’doomiyeen oo ay ku dhinteen, halka inta soo hartay aysan heysan dhar, guryo iyo biyo nadiif ah,” ayuu yiri Wasiirka oo ka warbixiyey socdaal uu ku tegay deegaanada magaaladda Kismaayo ku xeeran, oo si siman fatahaadda Webi Jubba u gaaray, meelaha qaarne dad ugu dhinteen.
Maamulada sida saa’idka ah uu u saameyeen daadku ayuu ku sheegay Jubbaland, Koofur Galbeed iyo HirShabeelle oo gobolada labada webi maraan.
Sidoo kale waxa uu xaalka magaaladda Buula-burte uu ku tilmaamy mid aan la qiyaasi karin oo boqolkiiba sagaashan (90%) ay biyuhu xadigii saxda ahaa kor u dhaafeen, dabooleenne Aafar ka mid ah 5 ceel-biyood oo magaaladdu laheyd.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay wasiirka Qorsheynta XFS Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene in ay u gurmadaan oo garabsiiyaan walaalahooda ay saameyeen fatahaadaha iyo daadka ka dhashay roobabka guga ee dalka ka da’ay.
Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda El-Niño, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay iskugu darsameen gobolkaasi.
Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay ayaa sidoo kale waxaa kamid ah degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een iyo Garbahaarey oo iyadna xaalad adag gashay.
Somaliland 30ka November 2023 Shirweynaha Beesha Habar Jeclo ee degta bariga gobalka Togdheer ee Somaliland ayaa kusoo gebo-gaboobay magaalada Burco.
War-Murtiyeed laga akhriyay dhamaadka Shirka isla markaana nuqul kamid ah lala wadaagay Warbaahinta ayaa lagu sheegay in beeshaasi aanay duulaan ku ahayn SSC-Khaatumo isla markaana ay difaacan doonaan deegaanadooda.
Go’aamada shirka ayaa sidoo kale kujira qodob sheegaya in Beeshaasi Aqoon-san tahay Qarannimada Somaliland iyo Xuduudaheeda taasi oo lagu tilmaamay halka uu ka dhutinayo baaqoodu.
Horey Isimada SSC-Khaatumo ayaa dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay dhawr mar Baaqyo Nabadeed u jeedisay Beeshaasi balse wax jawaab ah dhankooda lagama hayn tan iyo inta colaaduhu aanay ku fidin reer miyi’ga.
Dagaaladii ka dhacay Buq-Dharkayn ayaa laga digayaa in ay ku faafaan dhulka Miyi’ga kuwaasi oo Dabo-dheeraan kara hadii aan xal waara laga gaarin.
Hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi iyo Gudoomiyaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa horey siyaasiyiinta Somaliland iyo Dhaqankuba ugu eedeeyeen in uu hurinayo colaad u gudubta reer guuraaga.
Muqdisho 30ka November 2023 Shirkadda diyaaradaha Kenya ee Kenya Airways ayaa ka laabatay qoraal muran badan dhaliyey oo ku saabsan dib u bilaabidda duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi.
Qoraal kaas ayey Kenya ku sheegtay inay duulimaadyada Muqdisho-Nairobi dib u billaabeyso 14-ka Febraayo 2024, balse qiimaha ticket-ka uu yahay $1050, taasi oo hadal hayn badan ka abuurtay baraha bulshada.
Qoraalkaas ayey hadda ka laabatay shirkadda, waxaana qoraal cusub oo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ay ku sheegtay in qiimaha duulimaadka uu ka billaabanayo $420.
“Waanu idin dhegaysanay, waanu idin daryeeleynaa. Laga billaabo 14-ka Febraayo 2024, uga duula Nairobi-Muqdisho, saddex mar todobaadkii si aan kala joogsi lahayn Kenya Airways, Isniin, Arbaco iyo Sabti kasta. Ku raaxayso qiimaha gaarka ah ee ticket-ka ka billaabanayo oo ah $420. Hadda gooso,” ayey shirkadda ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter-ka.
Dib u billaabidda ayaa imaneysa kadib markii duulimaadyada la hakiyey bishii August ee 2020, sababo la xiriira cudurka Coronavirus.
Madaxa dhanka ganacsiga iyo macaamiisha ee Kenya Airways Julius Thairu ayaa sheegay in tallabadani ay daba socoto ganacsiga sii kordhaya iyo tirada sii kordheysa ee isu socodka hawada ee Kenya iyo Soomaaliya.
“Waxaan aad ugu hanweynahay in aan dib u yagleeli karno isku xirka Muqdisho iyo Nairobi iyada oo ay sahleyso KQ. Diyaaradda Kenya Airways waxaa ka go’an inay macaamiisheena siiso adeeg tayo sare leh, si aan uga wada shaqayno sidii aan u kobcin lahayn ganacsiga iyo maalgashiga si loo helo kobac joogto ah.”
Dib-u-soo-celinta duullimaadyada Muqdisho waa qayb ka mid ah istaraatiijiyadda ballaarinta shabakadda Kenya Airways iyo ballan-qaadka looga gol leeyahay horumarinta isku xirka qaaradda Afrika si ay shirkadda gacan uga geysato horumarka dhaqaale ee mustaqbalka fog.
Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay saddex bil kadib markii Kenya iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis laba geesood ah oo dhinaca duulimaadka ah, taasi oo xoojin u ah shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways oo dadaal ugu jirtay in ay duullimaadyo ka bilowdo Soomaaliya.
Jubbaland State 30ka November 2023 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada xeebeedka Kismaayo ee xarunya kMG ka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, isaga oo sidoo kale su’aallo uga jawaabay bulshada ku dhaqan magaaladaasi, kadib kulan uu la yeeshay.
Xamza ayaa arrimaha wax laga weydiiyay waxaa kamid ah xiriirka isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo haddii uu xaqiijin karo inay isla dhameysan doonaan muddo xileedkooda.
Ra’isul wasaaraha ayaa si daah-furay uga jawaabay su’aashaasi, wuxuuna sheegay in kaliya uu xaqiijin karo inay sii jiri doonto saaxibtinimadooda oo soo bilaabatay kahor kursiga, balse aanu hubin in ay sii wada joogayaan xafiiska inta uga hartay waqtigooda.
“Mustaqbalka Ilaaahey SWT ayaa og oo garanaayo waxa dhacayo, laakiin hal uun-baan u hubaa saaxibtinimadeenu way jiraysaa, haddii aan kursiga ku kala tegno xitaa waan sii ahaaneynaa saaxibo” ayuu uga jawaabay su’aashan ra’iisul wasaare Xamza Cabdii Barre.
Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Aniga taan hubo inay jirayso waa tan saaxibtinimada, laakiin kursiga ma ogi”.
Waxaa kale oo uu ka hadlay saaxibtinimadooda iyo halka ay kasoo bilaabatay, maadaama ay soo wada shaqeeyeen kahor siyaasadda iyo hadda oo ay yihiin madaxda sare ee dalka.
“Horay madaxweyne Xasan Sheekh iskuma baranin kursiga, kahor ayaan saaxibo ahayn siyaasadda inaan isla soo galno ayaan saaxibo ku ahayn” ayuu mar kale yiri Xamza.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla markaana la hadal haayo dood weyn oo ka dhalatay wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya, ayada oo la doonayo in meesha laga saaro xilka ra’iisul wasaaraha, loona guuro nidaam cusub oo madaxweyne iyo madaxweyn ku xigeen ay markii ugu horreysay yeelaneyso Soomaaliya.
Si kastaba, inta badan waxaa dhacda inay is qabtaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, taas oo keenta in ugu dambeyn meesha laga saaro wasiirka koowaad, sida horay u dhacday marka leego muddo xileedkii hore ee Xasan Sheekh iyo tii Farmaajo.
WARARKA MAANTA 29ka Diseembar 2023 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Maxuu kashifay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysi siiyey Dalsan TV? Yaa dastuurkii dhammeystirin Madaxweyne Xassan? Yaa diiday in Maxkammad Dastuuri ah la sameeyo Madaxweyne Xassan Shiikh? Yaa raba in xilalka qaranka laga dhigo Madaxweyne Iyo Madaxweyne ku-xigeen Madaxweyne Xassan Shiikh? Yaa raba labo xisbi inuu sameeyo Madxweyne Xassan Shiikh? Yaa isku soo koobay hawlihii dowladda Madaxweyne Xassan Shiikh? Yaa xilaal u dhiibay qoyskiisa Madaxweyne Xassan Shiikh? Yaa burburiyey rajadii Ummadda Soomaaliyeed Madaxweyne Xassan Shiikh? Yaa shalay lahaa in lagu biiro Bulshada Barriga Africa waa khalad oo maalmahan ogolaaday in lagu biiro oo yiri waa sax Madaxweyne Xassan Shiikh? Yaa diiday inay golaha wasiirada iyo raysal wasaaraha wada qabtaan shaqooyinka loogu tallogalay Madaxweyne Xassan Shiikh?
Ha wiqleyso!
New York 29ka Diseembar 2023 Ayada oo Soomaaliya ay ka taagan tahay xaalad bani’aadanimo oo aad u adag oo ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka Elnino ayaa waxaaa Qaramada Midoobay ay 5 milyan oo dollar ugu deeqday dowladda Soomaaliya.
Lacagtan ayaa wax looga qabna doonaa xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay fatahaadaha ku dhuftay dalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Sidoo kale waxaa ay intaasi ku dartay inay si dhow ula socoto dhibaatooyinka isa soo taraya bani’aadanimada ee ka dhashay xaaladda Elnino oo fara kulul ku haysa Soomaaliya.
“Shaqaalaha bani’aadantinimada ayaa shaqeeya habeen iyo maalin si ay uga jawaabaan baahiyaha isa soo taraya, iyagoo qaadaya tillaabooyin, si ay u yareeyaan saameynta degdega ah ee El Nino iyo dhisidda adkeysiga bulshooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka UN-ka.
Deeqdaan lacageed waxa ay kusoo aaday, yada horay 25 milyan oo dollar oo ka timid Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo Sanduuqa Dhexe loogu deeqay dowladda dhexe, taas oo iyana loogu talagalay wax ka qabashada xaaladaha deg-degga ah.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad adag, taas oo si weyn looga dareemay inta badan gobollada dalka oo ay ku dhufteen daadad iyo fatahaado is wata.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA ayaa horay u sheegtay in daadadka ilaa hadda ku dhinteen ku dhawaad 100 qof, kuna barakaceen in ka badan 900,000 oo qof
“96 ka mid ah dhimashada, 28 ka mid ah waxay ku dhinteen dooni la dagtay iyagoo al-Shabaab ka cararayay,” ayuu yiri Guddoomiyaha SODMA.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay saaxibada caalamiga ah iyo hay’adaha samafalka ka dalbatay in gargaar bani’aadanimo lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed.
Jubbaland 29ka Diseembar 2023 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Jubbaland oo diiradda lagu saaray gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay daadadku saameeyeen.
Sidoo kale, kulanka waxaa xalay aad loogu gorfeeyey wajiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab oo lagu wado in dhawaan laga bilaabo deegaanada Jubbaland.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Golaha Wasiirrada Jubaland warbixin qoto-dheer ka siiyay howlaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo.
Qodobada uu Xamza warbixintiisa isku dul-taagay waxaa ka mid ahaa qorsheyaasha ku aaddan wax ka qabashada isbeddelka Cimillada oo sabab u ah in dalkeennu u dhexeeyo abaaro iyo daadad.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay mashaariicda horumarineed ee Dowladda Federaalku u hayso dhammaan Dowlad Goboleedyada dalka, gaar ahaanna Jubbaland oo uu ka daah-furay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha wasiirrada Jubbaland u sharaxay goobaha uu ka dhagax-dhigay tiro mashaariic ah, isagoo sheegay in kuwo kalena ay waddada kusoo jiraan.
Ugu dambeynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiir walba iyo masuul walba in uu kaalin muuqata ka qaato dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.
Xamza Cabdi Barre ayaa Kismaayo ka sheegay in dhawaan uu wajiga labaad ee dagaalka lagu ciribtirayo ka bilaaban doono Jubaland.
Puntland 29ka Diseembar 2023 Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa lagu soo warramayaa in haatan xaalad amaan ay soo wajahday, taas oo la xiriirta xiisada dagaal ee weli ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Guddoomiyaha oo laga soo duubay muuqaal qarsoodi ah “Off The Roccord” ayaa walaac xoogleh ka muujiyay xaaladda adag ee hadda lasoo daristay, sida laga dheehan karo Video-ga oo la duubay, xilli kulan la qaadanayay qaar kamid ah haweenka magaalada Garoowe.
Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shaaca ka qaaday inuu wajahayo xaalad cabsi ah oo la xiriirta noloshiisa, taas oo ka dhalatay khilaafka doorashada maamulka Puntland. Sidoo kale waxa uu diray qaylo dhaan deg-deg ah, si wax looga qabto arrimaha soo kordhay iyo xaaladdiisa, maadaama uu ka cabanayo arrimo amaan.
”Nin maskiin ah oo reer Sanaag ah baan ahay 80 gaari oo tikniko ah baa dushayda saaran, mucaaradku haday i yimaddaan way i kaxaysan karaan” ayaa ka mid ahaa hadallada uu ugu cawday guddoomiyihiu haweenkii la kulmay.
Guddoomiyaha oo sii hadalay ayaa sheegay in mucaaradka aysan u muuqaan guddiga doorashada iyo madaxtooyada, balse ay kaliya arkaan isaga, sida uu hadalka u dhigay.
“Nimankii shaqada gacanta ku hayay umaysan tagin sida Guddiga doorashooyinka PEC iyo madaxtooyada aadi maayaan ee aniga keliya ayay i arkaan” ayuu ku sii yiri muqaalkan sida qorsoon looga duubay, kadibna lagu sii baahiyay baraha xiriirka ee bulshada.
Si kastaba, hadalka iyo muuqaalka laga soo duubay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa dhaliyay hadal heyn xoogan, waxayna dadku uga hadleen siyaabo kala duwan.
Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalada hubanti la’aan ah oo ka dhalatay muranka doorashooyinka oo ay weli isku hayaan madaxweyne Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.
Puntland 29ka Diseembar 2023 Dallada ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland ayaa ka horyimid guddi qaabilsan wada-hadalka arrimaha doorashooyinka oo uu xalay magacaabay madaxweyne Deni.
War-saxaafadeed ka soo baxay dallada Mucaaridka ayaa lagu caddeeyay in ay diyaar u yihiin wada-hadal dhab ah oo ku saabsan hirgelinta doorasho hufan oo nabdoon kuna dhacda wakhtigeeda 8 Jan 2024.
Mucaaridka ayaa ku tilmaamay guddiga uu magacaabay madaxweyne Deni mid lagu xagal-daacinayo dadaallada ay hormuudka u yihiin odayaasha dhaqanka SSC-khaatumo si uu u sameeyo mudda kororsi sharci-darro ah.
Dallada Mucaaridka ayaa sidoo kale ku baaqay in fursad la siiyo dadaallada nabad raadinta oo ay wadaan odayaasha dhaqanka SSC si loo dejiyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan muranka arrimaha doorashada islamarkaana aan laga hor dhicin dadaalkaasi.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran
Dalladda mucaaradka Puntland waxa ay u taagantahay ilaalinta xasiloonida, midnimada, Shuruucdii lagu dhisay Dowladnimada Puntland iyo badqabka mawaadiniinta Puntland.
Dalladdu waxay horay u sheegtay haddana cadeeyneysaa in ay diyaar u tahay wadahadal dhab ah oo lagu xaqiijinayo qabsoomidda doorasho hufan, nabdoon waqtigeediina ku dhacda.
Hadaba, warqadii 27/11/2023 madaxweynahu soo saaray kuna magacaabay guddi wadahadal, dalladu waxay u aragtaa in ay ahayd mid is burineysa daacad-darrana ka muuqato, dhinac ka sheegaysa wadahadal dhinaca kalena ay ka muuqato rabitaankiisa mudda korarsi.
Dalladdu waxay mar walba tageeraysaa guddoonkii isimadu ay horay u gaareen 01/11/2023, waxayna soo dhaweyneysaa dariiq kasta oo nabadgalyo ah, laguna gaari karo qabsoomida doorashada madaxtinimada Puntland, in ay ku dhacdo waqtigeedii dastuuriga ahaa (08.Jan.2024) si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland qodabkiisa 79-aad.
Dalladdu waxay soo jeedinaysaa in fursad lasiiyo dadaalada nabadeed ee ay hormuudka ka yihiin Isimada Dhaqanka SSC-khaatumo, culimada, ganacsatada, haweenka, qurbo-joogta, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka.
Dalladu waxay shacabka Puntland ugu baaqaysaa inay u diyaar garoobaan doorasho ku dhacda wakhtigeedii 08.01.2024.
Hirshabelle 29ka Diseembar 2023 Waxaa Jowhar laga bilaabay xalinta dagaal khasaare badam heystay oo maalmo ka hor dhex maray ciidamada Danab ee Jowhar degan iyo booliska maamulka HirShabeelle.
Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, qeybta 27-aad G/Sare Maxamed-Amiin Aadan Cabdulle ayaa Jowhar u tegay xalinta wixii dhacay.
Dagaalkaan ayaa ka soo bilowday weerar la sheegay in ciidamada booliska HirShabeelle ay ku qaadeen ciidamo ka tirsanaa Danab oo ku dhex sugnaa magaalada Jowhar.
Hal askari ayaa markaas laga dilay Danab, halna dhaawac ayaa looga qabtay, laakiin Danab oo ka careysan weerarkaas ayaa maalinkii dambe jidka u gashay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabeelle, waxaana la isku furay rasaas badan.
Khasaare u badan dhaawacyo qaarkood soo gaaray masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle ayaa ka dhashay halkaas, waxaana ka hadlay guddoomiye Luqmaan Xaaji oo dalbaday in jawaab cad uu taliska ciidanka xoogga ka bixiyo weerarkaas.
Guddoomiye Maxamed-Amiin oo fagaare kula hadlay ciidanka Danab ee Jowhar ku sugan ayaa saraakiisha iyo askarta kula dardaarmay in aysan xabad dambe ku ridin cid aan cadowgooda, sida Al-Shabaab.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa kormeeray oo fagaare kula hadlay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka HirShabeelle, isagoo yiri “Dhiigga bini’aadamka lama daadiyo, hadii aad wax saxeyso, ha sameyn qalad kale oo kaga dhigin arrinta qalad qalad ku sax,” ayuu yiri.
Maalmahaan guddoomiye Maxamed-Amiin ayaa ku sugnaa Jowhar, si xal looga gaaro qalalaasihii ka dhacay magaalada iyo isku dhacyadii ciidan ee cabsida ku abuuray dadka shacabka ah.
Muqdisho 29ka Diseembar 2023 Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Mudanayaasha golaha Shacabka ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si wayn u dhaliilay hanaanka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku doonayo wax ka badalka Dastuurka.
“Xasan wuxuu dalka ku maamulaa hadda hab madaxtooyo waana ay caddahay. Shirarka isaga dalka matala, Xildhibaanada isaga qaabilaya taas dood kama taagna,” ayuu ku yiri waraysi uu siiyay Barnaamijka Awooda Shanaad ee Dalsan TV.
Hogaamiyahan ku caan baxay Mucaarad-nimada ayaa dadka qeyb ku tilmaamaan in uu u cabiro si aan gabasho lahayn iyada oo mar-marka qaar lagu tilmaamo macalin jaamacadeed oo ka faalooda siyaasadda Soomaaliya taasi oo uu kaga duwan yahay siyaasiyiinta kale.
“Dhaqaale iyo Awood iyo wakhti ha isaga lumin madaxweyne arintaas. Hadii ay Barlamaanka meel mariyaan xitaa aniga ma aqbali doono,” ayuu ku yiri isaga oo sii hadlaya.
Kalsoonida Beelaha ayuu ku tilmaamay mid sal u ah hanaankaan Barlamaamiga ah isla markaana aanau suurtagal ahayn in madaxweyne oo kaliya uu iska qaato awooda isaga oo tusaale usoo qaatay madaxweynayaash Puntland iyo Somaliland oo haatan lagu kari la’yahay qabashada Doorashada labadaasi maamul.
Wax ka badalka Dastuurka ayay horey u diideen madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaarayaal hore iyaga oo ka digay in isu-dheeli tirnaanta awooda fulinta ee dowlada federaalka ay Dheeliso.
Puntland ayaa iyadu dhawaan ku celisay in aan marna arintaasi qeyb ka ahayn isla markaana aanay aqbalayn.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo ku eedeyn jira madaxweyne Farmaajo inuu iskiis isku koobay awoodda dalka, islamarkaana raadinayey muddo kororsi iyo kali-talisnimo, ayaa hadda u muuqda inuu cagta saaray dhabbahaas oo kale.
Full Awooda 5 aad Maxuu yahay ujeedka laga leeyahay wax ka beddelka Dastuurka? Xil CCW
WARARKA MAANTA 28ka Diseembar 2023 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa #Soomaaliya ka dhiga dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka Madaxweyne Mudane Xassan? Yaa qarin kara Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Iyo Qoysaskiisa inay noqdeen hanti boobayaasha hantida dadweynaha? Yaa raba inuu dalka yeesho Madaxweyne Iyo Madaxweyne ku-xigeen asagoo xitaa waxba ka qaban dastuurka iyo arrimaha cadaalada sida kiiskii Marxuumad Ikraam Taxaliil, Xildhibaan Aamino iyo dad kale oo farabadan? Yaa beeshiisa Abgaal kala dhicin karin? Yaa hantidii qaranka qoyskiisa iyo ilmihiisa ku fasaxay? Maxay labada aqal uga shaqayn karin inay dhammeystiraan dastuurka dalka?
Ha wiqleyso!
Galmudug 28ka Diseembar 2023 Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ayaa howlgalo qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaano ku yaala bariga gobolka Galgaduud. Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada ay ku bartilmaameedsadeen xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel Xasan Cali oo dhanka koonfureed kaga beegaan Magaalada Budbud, islamarkaana lagu dilay lix ka mid ah kooxda Al-shabaab.
“Ciidamada ayaa waxaa u suurta gashay iney lawareegan fariisimihii Khawaariijta halkaas qasaara xooggan lagu gàarsiiyay cadwaga iydoo 6 kamida maleeshiyaadkii isla goobta lagu toogtay Saanad & Hub ciidan ey gacanta ku so dhigeen” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahisay warbaahinta Qaranka.
Saraakiisha hoggaamineysay ciidamada iskaashanaya ee howlgalkaan fuliyay waxay sidoo kale sheegeen in wali ciidamada ay howlgallo ka wadaan dhulka howdka ah ee ku yaala deegaanada dhaca bariga gobolka Galgaduud ayna sii wadayaan inta deegaanadaasi ka xureynayaan Al-shabaabka ku sugan.
Maraykanka 28ka Diseembar 2023 Shan nin oo ay qabteen ciidamada Mareykanka kadib markii ay markab ganacsi ku afduubteen meel u dhow xeebaha Yemen ayaa noqday Soomaali, mana ahan Xuutiyiin, waxaa sidaas sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.
Weeraro dhowaanahan socday oo lala beegsanayey maraakiibta ganacsi ayaa waxaa fulinayey Xuutiyiinta, waxaana loo arkay inay qeyb ka yihiin rabshadaha kusii kordhaya gobolka ee la xiriira dagaalka Israel iyo Xamas.
Hase yeeshee weerarkii ugu dambeeyey ayaa Pentagon-ka uu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso inay fuliyeen koox hubeysan oo Soomaali ah.
Waxaan ognahay inaysan aheyn Xuutiyiin,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Pentagon-ka Jeneral Pat Ryder, oo intaas ku daray “Inkasta oo burcad-badeednimada gobolka ay hoos u dhacday, haddana dhacdadan waxaa cad inay la xiriirtay burcad badeednimo.”
Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhiggeedu yahay magaalada Cadan ayaa ku eedaysay Xuutiyiinta inay weerareen markabka MV Central Park xilli uu marayey Gacanka Cadmeed Axaddii.
Markabkan oo sitay calanka Liberia, islamarkaana ay maamusho shirkadda Zodiac Maritime, ayaa diray wicitaan caawimaad, waxaana ka jawaabay ciidamada Mareykanka ee markabka USS Mason.
Shanta nin ee weerarka soo qaaday ayaa isku dayay in ay ku baxsadaan doomo yaryar oo ay wateen, balse ciidamada Mareykanka ayaa ka daba tagay oo ku ridey rasaas digniin ah, “taasi oo keentay in ay is dhiibaan ugu dambeyntii,” sida uu sheegay Ryder. Waxaa hadda lagu hayaa markabka USS Mason dushiisa, ayuu yiri.
Si kastaba, in ka yar 90 daqiiqo kadib, laba gantaal oo ballistic ah oo laga soo riday Yementa ay maamulaan Xuutiyiinta ayaa ku soo dhacay meel 10 mile badeed (18 kilomitir badeed) u jirta markabka USS Mason. Markabka Mareykanka ayaan u jawaabin, isku mana dayin inuu ka hortago gantaallada sababtoo ah looma arkin khatar oo waxay ku dhaceen biyaha, ayuu yiri Ryder.
Waxa uu sheegay in aysan wali caddeyn in gantaallada ballistic ga ah ay beegsanayeen USS Mason.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ka bixin warka sheegaya in dabley Soomaali ah ay ka dambeeyeen weerarka markabka ganacsi MV Central Park.
Russia 28ka Diseembar 2023 Dowladda Ruushka ayaa ka dhabeysay mid ka mid ah ballan-qaadyadii gargaar ee madaxweyne Vladimir Putin, ayada oo Soomaaliya ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee hela, waxaa sidaas sheegtay dowladda Soomaaliya.
Markab xamuul oo sida shixnad gargaar oo gaareysa 25,000 oo tan oo haruur ah ayaa iman doona Soomaaliya maalmaha soo socda, sida uu sheegay safiirka Ruushka ee Jabuuti Mikhail Golovanov, sidoo kalena qaabilsan Soomaaliya.
Mikhail Golovanov, ayaa Sabtidii soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ka hor imaanshaha shixnadaha, si uu u soo gaarsiiyo dowladda Soomaaliya farriinta raashinka mucaawinada ah.
Xukuumadda Moscow ayaa ballan qaaday inay gargaar cunto ah siinayso dalalka Afrika, taasi oo qayb ka ah heshiiskii uu madaxweyne Vladimir Putin kaga dhawaaqay shirkii Ruushka iyo Afrika ee bishii July ka dhacay magaalada St. Petersburg.
Horaantii bishan, wasiirka beeraha ee Ruushka Dmitry Patrushev ayaa sheegay in laba shixnad oo haruur bilaash ah ay u ambabaxeen Burkina Faso iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in horaanta bisha soo socota ay gaari doonaan labada dal.
Shixnado dheeri ah oo ku socda Eritrea, Zimbabwe, Mali, iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa la qorsheeyay inay yimaadaan dhammaadka sanadka.
Sida uu sheegay Patrushev, ilaa 200,000 oo tan oo haruur ah ayaa la geyn doonaa lixda waddan ee Afrikaanka ah ee ay soo food saartay cunto yarida.
Qabanqaabada bixinta haruurka bilaashka ah ee wadamada Afrika ayaa la sameeyay kadib markii Moscow ay diiday inay cusbooneysiiso Hindisaha Haruurka ee Badda Madow.
Heshiiskan ayaa waxaa markii hore garwadeen ka noqday QM iyo Turkey bishii July 2022, waxaana loogu talagalay in lagu fududeeyo dhoofinta haruurka Ukraine ee loo dhoofiyo suuqyada caalamka, gaar ahaan dalalka saboolka ah, taasi oo Moscow ay ku beddelaneysay in laga qaado cunaqabateynta reer galbeedka ee ka hortagayey dhoofinta wax soo saarka beeraha Ruushka.
Moscow ayaa ka baxday heshiiska bishii Luulyo, iyada oo ku eedaysay waddamada reer galbeedka inay sii wadaan inay adkeeyaan dhoofinta maraakiibta cuntada iyo bacrimiyayaasha Ruushka.
Soomaaliya ayaa noqonaysa dalkii ugu horeeyay ee lasiiyo deeqdan raashinka ah tan iyo markii uu billowday qorshahan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.
Sabtidii, dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay xukuumadda Moscow kaalmada ay siisay, ayada oo sheegtay inay ka faa’ideysan doonaan kumanaan qoys
Puntland 28ka Diseembar 2023 Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddiga wada-xaajoodka arrimaha doorashooyinka Puntland.
Saciid Deni oo xiisad xooggan kala dhaxeyso siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa xeer madaxweyne ku soo saaray magacaabida guddigan oo 7 xubnood.
“Markuu arkay baahida loo qabo in la magacaabo guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka. Iyadoo oo laga duulaayo in ay dalka ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada taasi oo ku dhacda hannaanka dimuqraadiyadda ee hal qof iyo hal cod,” ayaa lagu yiri magacaabistan oo ay shaacisay Madaxtooyada Puntland.
Guddigan ayaa waxa uu Saciid Deni guddoomiye uga dhigay Cabdi Faarax Siciid Juxa, oo ah wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka Puntland.
Sidoo kale waxaa guddigaan xubno ka ah; Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, Xassan Yuusuf Majabe iyo Dr’s Naciima Cabdiraxmaan.
Guddigan ayaa sida muuqata uu madaxweynuhu kasoo xushay golihiisa wasiiradda, sidoo kalena waxay u badan yihiin xubno ku mayal adag qabashada nooca doorasho ee uu rabo madaxweynaha billooyinka u harsan yihiin.
Magacaabidda guddigan ayuu Deni sheegay inuu kala tashaday madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, guddoonka Golaha Wakiillada iyo weliba xisbiyada siyaasadda.
Lama oga waxa ay guddigan ka goyn karaan ismari-waaga doorashooyinka ee u dhaxeeya mucaaradka iyo Deni, ayada oo horey siyaasiyiinta mucaaradka ay u diideen in ay wada-hadal la galaan madaxwehbe Deni. Mucaaradka ayaa sheegay in Deni uusan diyaar u aheyn wada-hadalka hanaanka doorasho ee la isku haya, iyaga oo xusay in Deni uu horey u sheegay in uusan marnaba wada-hadal ka gali doonin doorashada uu rabo ee qof iyo cod, taasi oo ay diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.
Hoos ka aqriso magacyada xubnaha guddigan;
1. Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye)
2. Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin)
3. Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin)
4. Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin)
5. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin)
6. Xassan Yuusuf Majabe (Xubin)
7. Xassan Caballa Xassan Xubin
Si kastaba, Dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa waxaa xilligaan lagu cadaadinaya inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, ayada oo beesha caalamka ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, kuna baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.
“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadee,” ayaa lagu yiri farriinta xubnaha beesha caalamka.
“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.”
WARARKA MAANTA 23ka Diseembar 2023 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa soo qora warqad aan waxba u qabanayn Ummadda Soomaaliyeed asagoo weli ku jira dembiyadii uu ku galay hay’adda Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka? Yaa ah Raysal Wasaare Iyo Raysal Wasaare ku-xigeen aan xitaa tagi karin deegaanka ay ku matalaan qabiilkooda? Yaa maanta #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan? Yaa diidan inay labada aqal ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed inay ku guuldarraysteen hirgelinta dastuurka iyo maxkammad ilaalisa? Yaa diidan in af-maay lagu hadlo waxna lagu qoro? Maxaa fashalay shirkii #Baydhabo? Ha wiqleyso!
Puntland State 23ka Diseembar 2023 Xaaladda magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa saakay ah mid ay dadku dhegta u taagayaan, baarlamaanka oo laga sugayo inuu meel mariyo wax ka beddel lagu sameeyay xeerka doorashada. Warar aanu helnay waxay sheegayaan, in kooxaha mucaaradka ay caddeeyeen, in aanay wax tallaabo ah qaadi doonin, iyagoo sheegay in ay ixtiraamayaan baaqyada nabadeed ee ay usoo jeediyeen bulshada.
Laakiin, weli ciidamada mucaaradka taabacsan ayaa ku sugan qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Garowe, iyagoo sharuud ku xiray in madaxweyne Deni uu ciidamadiisa ku xareeyo xeryahooda.
Dhinaca kale, kulan ay xalay isimada SSC- Khaatumo la qaateen madaxweyne Deni, waxaa kasoo baxay in madaxweynuhu xakameeyo ciidamada maamulkiisa, sidoo kalena inuu diyaar u noqdo inuu miiska wada hadalka lasoo fariisto siyaasiyiinta mucaaradka.
Si kastaba ha ahaatee, xildhibaano katirsan baarlamaanka, kuwaas oo xalay la kulmay haween isugusoo baxay xarunta baalamaanka, ayaa waxay sheegeen in baarlamaanku soo saari doono go’aano aan horseedi doonin wax dhibaato ah.
Wixii soo kordha kula socda wararkeenna dambe.
Khaatumo State 23ka Diseembar 2023 SSC Khaatumo ayaa soo bandhigtay maxaabiis 7 ah oo ay kusoo qabatay dagaalkii shalay gobolka Sool ku dhexmaray ciidamada Somaliland. Maxaabiistan oo ay qaarkood dhaawac ahaayeen ayaa warbaahinta uga warbixiyay sidii loola dhaqmay kadib markii dagaalka lagu soo qabtay.
“Markii la isoo qabtay waxa la ii keenay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Cuqaal badan oo uu ku jiro, si wanaagsan ayaaa la iila dhaqmay” Dable Farxaan Yaasiin Cismaan, oo ka tirsana Guutada Birjeex ee ciidanka Somaliland, oo kamid ahaa 7 askari ee lasoo qabtay, ayaa sida yidhi.
“Dagaalkii saaka ka dhacay Buqdharkayn iyo Yayle dhexdiisa ayaa laygu soo qabtay, xataa hadal kulul ma arag” Axmed Cabdi Aadan oo ka tirsana isla Guutada Birjeex ayaa sida yidhi.
Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa Somaliland ugu baaqay in ay nabadqaadato ama ay dagaal qaadato, isaga oo sheegay in ay dhankooda nabad diyaar u yihiin.
Muqdisho 23ka Diseembar 2023 Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiyada saaxibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaannada Shiinaha, Ciraaq iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Guddiyadan ay magacaabeen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka shaqeyn doona kor u qaadista xiriirka ka dhaxeeya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaannada Shiinaha, Ciraaq iyo Imaaraadka.
Guddiyada Shiinaha iyo Ciraaq ayaa midkiiba waxa uu ka kooban yahay toddoba xubnood, halka Guddiga loo magacabaay Isu-tagga Imaaraadka Carabta uu ka kooban yahay shan xubnood.
Dalalkaan ay u gudbiyaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JFS, si ay ugu sii gudbiso Baarlamaanka Dalka Shiinayha, Ciraaq iyo Imaaraadka Carabta,” ayaa lagu yiri magacaabista wada-jirka ah ee guddoonka labada gole ee BF.
Hoos ka aqriso magacyada Xildhibaannada iyo Senatarada guddiyada la magacaabay;
Guddiga Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha
- Xil. Jama Mohamed Askar
- Xil. Sayid Ali Isack Mohamed
- Xil. Osman Ali Yusuf
- Xil. Mohamed Ibrahim Ali (Cajiib)
- Xil. Yusuf Hayle Jimalle
- Sen. Abdi Osman Hareed
- Sen. Ibrahim Cismaan Awgaab
Guddiga Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Ciraaq
- Xil. Mohamed Abdirahman Nadiif
- Xil. Mohamaed Ahmed Mohamed (Baafo)
- Xil. Ismail Eid Mohamed
- Xil. Faa’izo Mohamed Jeyte
- Xil. Said Mohamed Mohamud Haid
- Sen. Abdiweli Mohamed Ibrahim
- Sen. Sareda Mohamed Hassan
Guddiga Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Imaaraadka
- Xil. Mustafa Sheikh Ali Duhulow
- Xil. Mohamud Abdiahman Sheikh Farah
- Xil. Nura Ayni Khalif Sheikh
- Xil. Hassan Abdi Ismail
- Sen. Ahmed Mohamed Ali
Gedo 23ka Diseembar 2023 Gobolka dhinaca xadka xigga ee Gedo la yiraahdo waxaa Isniintii booqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.
Dalka roobab ayaa guud ahaantii ka da’ayay muddo bil ku dhow. Gobolka Gedo waa meesha ugu badan ee daadadka ay khasaare ka dhaliyeen.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland midna ma bixin dhibaatada reer Gedo. Gobolkaan oo siyaasad ahaan u go’doonsan sanado badan, ayaa dhinaca kale waayay garaam u qalma dhibaatada dhacday afartii asbuuc ee lasoo dhaafay.
Gaabis, garasho la’aan, garbin iyo tabar darro dowladeed middii ay tahayba reer Gedo ma helin wixii ay kaga gudbi lahaayeen marxaladan adag ayay leeyihiin dadka isha ku haya dhibaatada Gedo taalla iyo heerka ay le’eg tahay jawaab celintu.
Booqashada ra’iisul wasaare Xamza inkasta oo ay soo jeedin karto indhaha beesha caalamka, haddana waxaa weli hooseeya heerka jawaabihii laga filayay dowladda dhexe ee Soomaaliya, ganacsatada Soomaaliyeed iyo maamulka Jubbaland intaba.
Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo isagu wajahaayay diidmo siyaasadeed oo reer Gedo ah sanado badan ayaa maamulkiisa lagu dhalleeceeyay in uusan xataa bixin qeylo dhaan caalami ah.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa wuxuu Doolow ka sheegay in xooga gargaar ah ay geeyeen gobolka Gedo, waxyaabo kalena ay soo socdaan, laakiin taasi ay aanay waxba ka tari karin baaxadda dhibaatada.
“Haddii Ilaahay iraahdo wixii kaalmo ah waa lala tacaalaya oo waxaa rajeynaya in kaalmo nila soo gaaro, oo maantaba waxba la keenay. In degmadaan iyo kuwa kale ee dhibaatada badan ka dhaceen ee gobolkaan wax lala soo gaaro ayaa rajeynayaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.
Gedo waxay u baahan tahay gurmad dhab ah oo ka yimaada dowladda dhexe, Jubbaland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah deegaanada ka bad qaba dhibaatada daadadka.
Xaaladda ay maanta ku jirtaa Gedo waa in laga dhigaa mid heerkeedu intaan ka sarreeyo. Walaaca ugu badan waa inay jiraan digniino la xiriira roobab kuwii hore ka xoog badan oo la filanayo maalmaha soo aadan sida ay sheegtay hay’adda SODMA.
Iyadii oo aan xaaladdii hore laga bixin jawaab gargaar oo u qalanta, in roobab kale yimaadan ayaa xaaladda sii adkeyn karta.
Dowlad Gobaleedka Somaliland 23ka Diseembar 2023 Somaliland ayaa cambaareysay weerar ay sheegtay inay shalay kusoo qaadeen isbaheysi ka kooban saddex dhinac, kaasi oo ka dhacay deegaanka Buqdharkeyn ee gobolka Sool, islamarkaana lagu waxyeeleeyey dad shacab ah.
“Weerarkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu ahaa fal wuxuushnimo ah iyo sidoo kale xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.
Weerarka ayey Somaliland sheegtay inay soo qaadeen isbaheysi ka kooban, Al-Shabaab, maamulka Puntland iyo wax ay ugu yeertay maleeshiyada Garaadada ee Laascaanood.
“Falkan foosha xun ayaa waxaa mas’uul ka ah maamulka Puntland ee Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada. Isbahaysigan oo taageero ka helaya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa taariikh u leh xasillooni dareynta magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku xeeran, kuwaas oo marar badan colaad iyo rabshado ka abuurayay dhulka Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Somaliland ayaa sheegtay in weerarka uu sidoo kale yahay isku day uu maamulka Puntland dareenka uga weecinayo xasaradaha ka taagan gudaha maamulkaas.
“Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Somaliland ma ogolaanayso inay sii socoto dhibaatada lagu hayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee loo adeegsanayo qalab siyaasadeed ahaan,” ayey tiri Somaliland.
“Xukuumadda Somaliland waxaa ka go’an badbaadada iyo nabad-gelyada muwaadiniinteeda, waxaanay qaadi doontaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso muwaadiniinteeda ku sugan gobolka Sool ee Somaliland.”
Somaliland ayaa ugu dambeyn ku hanjabtay in aanay ka laba labeyn doonin inay dhulkeeda la aqoosan yahay ka difaacdo nooc kasta oo gardarro ah.
Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka aagga Buqdharkayn, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.
Dhinaca kale, SSC-Khaatumo oo war kasoo saartay dagaalkaas ayaa ku eedeysay inay ka dambeeyeen ciidamada Somaliland, balse ay iska difaaceen ciidamadeeda.
“Maamulka SSC Khaatumo wuxuu ogeeysiinayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka inay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshiyaha deriskooda isla marakaana ay u hogaansamayaan xeerarka caalamiga iyo go’aanada golaha ammaanka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
London 23ka Diseembar 2023 Sida ay xog ku heshay Caasimada Online Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday shir uu la qaadan lahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska.
Sababta uu Madaxweynuhu kulankaas uga baaqday waxaa lagu sheegay in ay jirto cabsi laga qabay in ay dhacdo fowdo isaga ka dhan ah oo si hoose loo abaabulayey.
Dadka kasoo kala jeeda Puntland iyo HirShabeelle ee ku nool UK ayaa damacsanaa in ay sameeyaan fowdo iyo buuq, waxayna dadkaas ka cabanayaan in Xasan Sheekh uu hoos u dhigay metelaada ay ku keeyihiin xukuumadiisa.
Beesha uu metelo Xildhibaan Xaadoole oo kamid ah beelaha cabashada qaba ayaa ku doodeysa in Madaxweynuhu uu lumiyay xuquuqdii ay lahaayeen dowladda federaalka.
Sidoo kale, beelaha Puntland ay gabi ahaanba diidan hab maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xogta la helay ee sheegeysa in la carqaladey rabay kulanka Jaaliyadda iyo Madaxweynaha, taas ayaa sababtay in la baajiyo shirkaas.
Waxaa xusid mudan in magaalada London laga kireeyey hoolkii uu Madaxweynuhu kula shiri lahaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK ku nool.
Xasan Sheekh oo sanad iyo bilo xafiiska jooga ayaa wajahaya mucaarado badan oo uga imaanaysa siyaasiyiinta iyo beelaha qaar.
Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus dalka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay Muqdisho ku qabtaan shir xasaasi ah oo ay uga tashanayaan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh uu wax uga bedelayo dastuurka dalka.
Xasan Sheekh iyo xukuumadiisa ayaa qorsheynaya inay kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka hor geeyaan qorshaha wax ka bedelka dastuurka, waxayna doonayaan in dalku qaato nidaam madaxtooyo oo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ah, waxaana meesha laga saarayaa kursiga Ra’iisul wasaaraha.
WARARKA MAANTA 22ka Diseembar 2023 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh u diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho iyo kiiskii Marxuumad Kornayl Ikraam Taxaliil? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa #Soomaaliya lacaga u ballanqaaday oo u diiday? Meeqo jeer ayaa beesha caalamka u ballanqaaday dhaqaallo MadaxweyneMudane Xassan Shiikh Iyo dowladda fashilantay ee aan waxba ka qaban xitaa gudaha #Muqdisho? Yaa raba in hantida dadweynaha ay qoyskiisa dhacaan? Yaa qabiilkiisa kala celin la’? Yaa raba in la burburiyo Dowlad Gobaleedka #Somaliland, #Puntland , Southwest and Jubbaland? Yaa runta ka qarin kara shacabka? Ha wiqleyso!
dweyne 2ka Diseembar 2023 Hay’adda Maareeynta iyo Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa maanta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaarsiisay gargaarkii ugu horeeyay ee loogu tala galay dadka ka barakacay Fatahaada ku dhufatay xaafadaha Baledweyne. Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ugu magacaaban Hirshabeelle Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow ayaa deeqdaan kula wareegay gudaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.
Guddoomiye Sufuroow oo ka mahadceliyay deeqda gargaarka ayaa sheegay in waxyaabo lagu keenay hal diyaarad ama laba diyaarad aysan aheyn mid ku filan dadka reer baledweyne oo ay saameysay fataahada wabiga Shabeelle.
“Hay’adda Maareynta iyo Masiibooyinka qaranka waan kaga mahadcelineysa gargaarka ay maanta nagu wareejisay oo ah midkii koowaad ee looga soo jawaabo baaqii maamulka gobolka Hiiraan, dadka ugu daran ayaan gaarsiin doona, maadama aysan aheyn gargaar dabooli kara baahida dadka barakacay” ayuu yiri guddoomiye Sufuroow.
Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomiye Sufuroow in fataahada dadka ku dhintay ay tiradoodu gaareyso inta la xaqiijiyay 12 ruux iyo laba qof oo uu tilmaamay in wali la la’yahay.
Si kastaba fatahaada Baledweyne ku dhufatay 12-kii bishaan ayaa geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, barakac iyo burbur hantiyadeed oo lagu qiyaasay in ka badan haaf Milyan doolar.
Khaatumo State 22ka Diseembar 2023 Maamulka KGM ah ee SSC-Khaatuma ayaa yeeshay taliye Boolis oo cusub kaas oo ka shaqeyn doono ammaanka maamulkaasi.
Sarreeye Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka SSC, kadib wareegto uu soo saaray hoggaamiye Cabdiqaadir Aw-Cali (Firdhiye).
“Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Aw-Cali ayaa Sarreeye Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka SSC-Khaatumo” ayaa lagu yiri wareegtada.
Sarreeye Guuto Siyaad Maxamuud ayaa ah khabiir iyo xeel-dheere Boolis oo kasoo shaqeeyay meelo kala duwan oo dalka mid ah.
Hoggaamiyaha SSC-Khaatuma ayaa sidoo kale faray hay’adaha maamulkaas inay la shaqeeyaan taliyaha cusub, si uu u guto waajibaadka shaqo ee horyaalla.
Sidoo kale wuxuu taliyaha cusub uu isna Eebbe uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.
SSC ayaa haatan ku jirta dhismaha hay’adaheeda kala duwan, maadaama dhawaan uun la dhisay, kadib dagaal culus oo ay la gashay ciidamada Somaliland.
Wixii markaas ka dambeeyay waxay sidoo kale heshay aqoonsi ay siisay dowladda federaalka oo ku casuuntay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Si kastaba, maamulkan ayaa weli wajahaya xaalado adag oo ay ugu horreyso xiisadda kala dhexeysa Somaliland, maadaama uu weli dagaalka ka taagan yahay gobolka Sool.
South Africa 22ka Diseembar 2023 Maamulka Israa’iil ayaa u yeertay safiirkii u joogay dalka Koonfur Afrika, go’aankaan ayaa daba socda “hadalladii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray dowladda Koonfur Afrika.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil Lior Haiat ayaa barta X ku shaaciyey in hadaladii ka soo yeeray K/Afrika dartood ay ugu yeerteen safiirkii ka joogay dalkaas.
Afhayeenku ma sheegin waxay yihiin hadalladaas ay ka carootay Israa’iil ee sababay inay u yeertaan Danjirahoodii Koonfur Afrika.
Hasayeeshee dowladda Koonfur Afrika ayaa kol sii horeysay si weyn u dhaleeceysay howlgallada ay ciidamada Israa’iil ka wadaan dhulka reer Falastiin, gaar ahaan Qasa.
Khumbudzo Ntshavheni oo ah wasiirka madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa Isniintii waxay ku boorrisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee (ICC) inay soo saarto amar lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaare Israa’iil Benjamin Netanyahu, bartamaha bisha soo socota ee December.
Khumbudzo Ntshavheni ayaa sheegtay in haddii taas la sameyn waayo ay muujinayso “guuldarrada guud” ee maamulka caalamiga ah.
In Israa’iil ay dib ugu yeerato Safiirkeeda u fadhiya Koonfur Afrika ayaa waxay ku soo beegmaysaa wax yar ka hor inta aan Koonfur Afrika lagu qabanin shir-madaxeedka kooxda Brics, oo ay qeyb ka yihiin waddamada Shiinaha iyo Ruushka, shirkaas ayaa ku saabsan dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.
Kulanka oo uu guddoomin doono madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa la rajeynayaa in laga soo saaro jawaab adag oo ku aaddan colaaddaas oo galaafatay kumanaan shacab Falastiiniyiin ah oo ciidamada Israa’iil ay u xasuuqeen si ku talagal ah.
Puntland 22ka Diseembar 2023 Dallada Mucaaradka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga walaacsan yihiin dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee uu wado Madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanaya Siciid Cabdullaahi Deni.
Dallada ayaa ka dhawaajisey inay ka walaacsan yihiin hadal ka soo yeeray Deni, iyaga oo ka cabsi qaba inay carqaladeeyaan midnimada ciidamada, islamarkaana ay huriyaan colaado lagu gaaraayo damac siyaasadeed iyo mid shaqsi.
Dallada ayaa sidoo kale si kulul uga hadashay ciidamada badda Puntland ee PMPF oo ay maalgelinayso dawladda Imaaraadka kuna eedeysay qalalaasaha siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhacayay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.
Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay: “Waxaan si adag u cambaareynayaa dhacdooyinkan oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur, waxaana aaminsanahay inay ka leexiyeen PMPF doorkii ay ka ciyaarayeen la-dagaalanka burcad-badeedda iyo argagixisanimada”.
Dallada ayaa sheegtay in loo baahan yahay in loo hogaansamo sharciga si looga hortago falalka amni darrada ah.
Waxay sidoo kale ku booriyeen dawladda Imaaraadka Carabta inay xaqiijiso dhexdhexaadnimada Ciidamada PMPF ee arrimaha siyaasadda iyo u hoggaansanaanta shuruucda Puntland, si loo ilaaliyo xiriirka ka dhaxeeya Imaaraadka iyo Puntland.
War-murtiyeedka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la dhowro qiyamka Dimuqraadiyadda, lagana hortago caburinta mucaaradka siyaasadeed ee Puntland.
Dallada ayaa xaqiijisay inay ka go’antahay u ololeeyeynta nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka, iyaga oo ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ka shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa yoolalkan.
London 22ka Diseembar 2023 Soomaaliya waxay haysataa hal sano si ay dalka uga saarto kooxda Al-Shabaab, waxaa sidaas Talaadadii sheegay madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo uu dhow yahay waqtiga loo qabtay in ciidamada ATMIS ay dalka kaga baxaan oo ah December 2024.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii August sheegay inuu doonayo in Al-Shabaab dalka laga saaro horraanta sannadka 2024.
“Dhammaadka qorshaha waa December 2024 markaasi oo dhammaan ciidamada ATMIS ay tahay inay dalka ka baxaan,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay dad goobjoog ka ahaa Machadka Royal United Services Institute ee London.
Diiradadu waxay ahayd ciribtirka “haraadiga” Al-Shabaab, ayuu yiri. Howshaas ayuu sheegay in ay sii adkeeyeen daadad ay dad badan ku dhinteen, inkasta oo daadadka ay sidoo kale ku adkeeyeen maleeshiyada inay faafiyaan miinooyinka.
Abaabulka madaxweyne Xasan Sheekh ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa billowday bishii Ogoosto ee sannadkii hore, iyadoo milatarigu ay taageero ka helayaan maleeshiyo beeleedyo ka dhisan gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Wadashaqeyntan naadirka ah waxay gacan ka gaysatay gaarista guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray Al-Shabaab tan iyo bartamihii 2010, laakiin Al-Shabaab ayaa sii waday weerarada dhimashada badan ee ka dhanka ah bartilmaameedyada militariga iyo rayidka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay horumarka la gaaray mid dhiirogelin leh, isagoo intaa ku daray in hadda aysan muuqan wax muujinaya in madaxda Al-Shabaab ay doonayaan in wadahadal lala galo dowladda.
“Waxaan aaminsannahay inaan Al-Shabaab uga adkaan doono ciidan ahaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay shirka Royal United Services Institute oo ka dhacay London Talaadadii.
“Ma hayno wax calaamad ah oo muujinaya in Al-Shabaab ay doonayaan wadahadal ay la galaan dowladda Soomaaliya [laakin] haddii ay taasi dhacdo berri waa midda aan door bideyno.”
Puntland 22ka Diseembar 2023 Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan qarsoodi ah la yeeshay guddi gaar ah oo baarlamaanka Puntland u xil-saaray ka shaqaynta xeerka doorashooyinka qof iyo cod, oo ay soo gudbisay xukuumadda.
Madaxweyne Deni oo kulanka ka hadlay ayaa guddiga u sheegay in aysan dowladdu wax wada-hadal iyo gorgortan ah ka geli doonin socod-siinta doorashada qof iyo cod, sidaas darteedna uu rabo in baarlamanku sida ugu dhakhsaha badan u ansixiyaan xeerka doorashooyinka.
Wararka ayaa xaqiijinaya in Saciid Deni uu guddiga ka dalbaday in la kala qaado doorashada madaxtooyada iyo baarlamanka, islamarkaana doorashada madaxweynaha loo daayo 25-ka Febraayo 2024, tan baarlamankana dib loo dhigo mudda laba sano ah.
Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo magaalada Garoowe laga dareemayo xiisad ka taagan doorashada Puntland ee 2024, oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, inkastoo ay dadaallo nabadeed wadaan qaar kamid ah odayaasha dhaqanka SSC oo Garoowe u yimid xal u raadinta arrintaas.
Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen walaac uga muujiyey xiisadda ka dhalatay muranka ka taagan doorashooyinka Puntland.
“Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen saaxiibada.
Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal.”
Saaxiibada ayaa ugu baaqayn dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed.
“Saaxiibada beesha caalamku waxaa weli ka go’an inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ku taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad iyo barwaaqo ah,” ayey yiraahdeen saaxiibada.
“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.”
WARARKA MAANTA 18ka Diseembar 2023 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda? Meeqo laaluush ah ayuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud siiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Madoobe si xilka looga tuuro Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “Waari-Koow/Dhaweeye? Yaase diidan maanta in la baaro kiiskii Kornayl Ikraam Taxaliil? Yaase diidan maanta inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho? Yaa diidan in lagu dhaqmo dastuurka federaalka? Yaa ogolaaday inay qoysaskiisa ku takri falaan hantida dadweynaha? Yaa raba inuu burburiyo dowlad gobaleedyada dalka ka jira? Yaa xilka dalka ku fashilmay oo u shaqaynaaya dano shisheeye ah? Yaa raba dalka inuu yeesho laba xisbi oo aan xitaa heshiisiin karin qabiilkiisa? Ha wiqleyso!
Puntland State18ka Diseembar 2023 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa markii ugu horraysay sheegay in uu diyaar u yahay inuu garnaqsi la galo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda doorashada qof iyo cod.
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in uusan diyaar u ahayn in kala aragti duwaanshaha doorashada uu sababo inuu dhiig ku daato, wuxuuna taas bedelkeed sheegay inuu soo dhoweynayo in miiska wadahadlaka la yimaado.
Wuxuu sheegay haddii looga guulaysto gartaas inuu diyaar u yahay inuu u hoggaansanaado. Sidoo kale madaxweyne Deni wuxuu sheegay inuu cafis u fidiyay Gen. Jimcaale oo ah taliyihii hore ee ciidanka Danab, kaasoo ay mar ku dagaalameen magaalada Garowe, bishii June ee lasoo dhaafay.
“Wixii ciidan ahaa waxaan halkaan uga baaqaya in Dowladdu cafis u fidiso, oo General Jimacaale u wayn yahay, Waxaan kale oo baaq u dirayaa nimanka siyaasiyiinta ah ee dowlada haaatan ka aragti duwan inay miiska nala soo fariistaan oo wixii sharci ah iyo caqli diyaar ayaan u nahay inaan kala Hadalno.” Ayuu yiri madaxweyne Deni.
Inkastoo madaxweyne Deni uu sheegay inuu diyaar u yahay wada hadal, haddana wuxuu hadalkiisa ku caddeeyay in aanu wax gorgortan ah ka galaynin doorashada qof iyo cod.
Dhinaca kale, qaar kamid siyaasiyiinta mucaaradka ayaa hadalka madaxweyne Deni ku tilmaamay mid marin habaabin ah, waxayna sheegeen inuu isaga jeedinayo eedaha dul hoganayo, iyo culayska kaga yimid beesha caalamka.
Muqdisho 18ka Diseembar 2023 Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo xalay ka kacay qeybo kamid ah suuqa Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz, waxaa uuna ku fiday meelo ka mid ah suuqa Dahablaha iyo kawaanka Hilibka.
Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto, waxaana uu gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh, kadib markii uu baahay dhul aad u ballaaran.
Ganacsade Bukhaari oo ah milkiilaha Carwa Xul Style ayaa sheegay in dabkan uu ku waayay dukaankiisa, wuxuuna sheegay inay ku jirtay qiyaasitee lacag dhan $40 kun.
“Xul Style dadku inta badan way wada garanayaan waxaan iibin jirnay dharka dumarka noocyadiisa kala duwan hal shey lagama bixin dukaanka, lacagta ku jirtay xaqiiqatan waa ku dhowdahay 40 kun oo dollar” ayuu yiri ganacsade Bukhaari oo ah Carwa Xul Style.
Gurmad xoogan oo ay iska kaashadeen maamulka gobolka Banaadir iyo Shirkadda Hormuud ayaa mar dambe lagu guulaysay in lagu damiyo dabkaasi.
Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goobta tegay ayaa qiray in khasaare xoogleh uu jiro, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay inta ka qayb qaadatay daminta.
“Dadaal dheer oo la sameeyay kadib waa lagu guulaystay in la damiyo dabka waxaan aad iyo aad ugu mahadcelineynaa hay’adihii amniga oo si hagar la’aan ah uga qayb qaatay, sidaas oo kale waxaan u mahadcelineynaa Hormuud oo qaybteeda ka qaadatay oo isla markii soo dirtay dab damisyo” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.
Sidoo kale wuxuu yiri “Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa maamulka gobolka Banaadir guddoomiyeyaasha dgemooyinka oo meel kasta isaga yimid oo usoo gurmaday halkan”.
Madaale oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in maamulka gobolka uu guddi gaar ah u xil saari doono baaxadda uu la’egyahay khasaaraha soo gaaray ganacsatada Xamarweyne.
“Waxaan aad uga xunahay khasaaraha gaaray dadka masaakiinta ah laakiin haddii uu ilaah yiraahdo guddi ayaan u bixin doonaa, waxaana arki doonaa wixii ay xaaladdu la’eg tahay” ayuu mar kale yiri Duqa mMuddooyinkiii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.agaalada Muqdisho.
Muqdisho 18ka Diseembar 2023 Ciidamo deegaanka ah oo boqolaal gaaraya ayaa Jimcihii shalay lagu soo bandhigay deegaanka Bacaadweyne oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee gobolka Mudug oo laga fara maroojiyay dagaalyahanada kooxda Shabaab.
Ciidamadan oo la qalabeeyay ayaa waxaa loo diyaariyay inay soo afjaraan Al-Shabaabka ku sugan koonfurta gobolka Mudug, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa.
Sidoo kale waxaa ciidamadan kormee ugu tegay saraakiil ka kala tirsan ciidamad Xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo ku dhiirageliyay xoreynta deegaankooda.
Saraakiisha ayaa sidoo kale xusay inay ciidamadan ka qayb qaadan doonaan howlgallola filayaa in todobaadyada soo socda ay ka billowday Mudug oo looga saarayo Al-Shabaab.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanada ay iska horfadhiyaan labada dhinac.
Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah kooxa, waxaana jiidda hore ku sugan ciidamo ka qayb qaadanaya xoreynta deegaanada ka maqan gacanta Galmudug.
Howlgalladan oo si guud uga socda dalka oo dhan ayaa waxaa Al-Shabaab looga qabsaday dhul badan oo muddo dheer ay joogeen.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka soconaya isbedallo waa weyn oo ay waddo dowladda Soomaaliya, si u hanato amnigeeda, ugala wareegto ciidamada howlgalka ATMIS.
Yaa luush ku qaatay in dalka uu yeesho laba xisbi? Yaa maanta ogolaaday in dasutuurka qabyada ayadoon weli la haggaajin in xilalka lagu beddelo Madxweyne Iyo Madaxweyne ku xigeen? Yaa runta qarin ah?
https://www.youtube.com/watch?v=018S5WViUZM
WARARKA MAANTA 16ka Diseembar 2023 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaarha cusub ee #Soomaaliya? Ma wada shaqayn doonaa Madaxweyne Reer Galbeedka u dhaga nugul Iyo Raysal Wasaare aaminsan khadiyada Muslimiinta oo Carab iyo reer Galbeedba ay ku khasbeen inuu xilka ka tuuro haddii kale aan wax dhaqaallo ah la siin doonin Madaxweyne Xassan Iyo Dowladdiisa ugu musuqmaasuqa badan? Yaa raba in la burburiyo Dowlad Gobaleedka #PuntlandState? Maxuuse u rabaa Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud inuu burburiyo #PuntlandState? Yaa raba inuu beddelo Dastuurka dalka aan ka ahayn Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud? Yaa diidan inay #Muqdisho #Maqaam yeelato? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud u rabaa inuu Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed Iyo Galmudug la baabi’iyo? Ha wiqleyso!
Muqdisho Diseembar 2023 Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyay shirka guddiga heer Qaran ee gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta ee ka da’aya dalka. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dedaallada socda ee gurmadka ah, isagoo sheegay in Xukuumadda ay dedaal ballaaran ugu jirto sidii gargaar loola gaari lahaa dadka roobabku ay saameeyeen.
Guddigan oo ay qeyb ka yihiin, Golaha Wasiirrada, Hay’adda SoDMA, bulshada rayidka ah iyo culimada, ayaa waxaa la isku raacay in la qabto shir-weyne bulshada Soomaaliyeed lagula wadaagayo baaxadda dhibaatada ay roobabku geysteen.
Raysal wasaare ku xigeenka, ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee deggan meelaha togagga ah ee webiyada u dhaw in ay taxadaraan, maadaama ay saadaashu tilmaamayso in roobab kale la filayo.
Dhinaca kale, wasiir u dowlaha gargaarka ee dowladda Soomaaliya, Maryan Maxamed Duuliye oo katirsan guddigan ayaa sheegtay, dhibaatada ugu badan inay ka taagan yihiin degaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Waxay sheegtay in Doon mooyee aan gaadiid kale gudaha u gali karin degaanada ay ka dhaceen daadadka fatahaada.
Wasiir udowluhu waxay sheegtay, dowladda kaliya in aanay ku filnayn wax ka qabashada musiibada ka dhalatay daadad roobabka dalka, waxayna shacabka ugu baaqday inay qaataan kaalintooda gurmadka.
bUREUNDI Diseembar 2023 Dowladdaha Soomaaliya iyo Burundi ayaa si wadajir ah usoo saaray war murtiyeed ka kooban 16 qodob, kadib safar shaqo oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay dalkaas. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhigiisa dalka Burundi Évariste Ndayishimiye kala hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga xiriirka labada dal ka dhexeya, la dagaalnaka Alshabaab iyo xubinnada Soomaaliya ee dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Kulanka dhexmaray labada madaxweyne ee Soomaalya iyo Burundi ayaa ka dhacay magaalada Bujumbura ee Caasimada dalka Burundi.
Hoos ka akhriso qodobada war murtiyeedka oo faahfaahsan:-
1. Casuumaad uu fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye, sidoo kalena ah Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku soo gaaray dalkan, 15ka Noofambar 2023.
2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaaminaya wafdi ka kooban wasiirro iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
3. Markii uu ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Melchior Ndadaye ee magaalada Bujumbura Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Danjire Albert Shinjiro, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirro iyo Madax sare oo ka tirsan Dowladda Burundi.
4. Gelinkii dambe, waxa ay si saaxiibtinimo leh labada Madaxweyne u yeesheen kulan fool-ka-fool ah, kaas oo ay ku muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee adag ee aan ku koobneyn labada dawladood oo keliya, balse sidoo kale ka dhexeeya labada shacab ee Burundi iyo Soomaaliya.
5. Labada Madaxweyne waxay dib u eegis ku sameeyeen heerka iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal, waxayna adkeeyeen baahida loo qabo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhow ee ku saleysan kalsoonida iyo danaha guud ee labada dowladood iyo shacab.
6. Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhiggiisa Burundi Madaxweyne Evariste Ndayishimiye ku ammaanay dadaalkiisa aan daalka lahayn ee uu gacanta kaga geysanayo dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyadoo loo sii marayo Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS. Sidoo kale, labada hoggaamiye waxay bogaadiyeen Ciidanka Burundi, kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ee ku sugan furimaha ee la dagaallamaya kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab.
7. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kaloo ku ammaanay Madaxweyne Evariste Ndayishimiye doorka uu ka qaatay dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Kongo iyadoo loo sii marayo geeddisocodka Nairobi iyo sidoo kale doorka Burundi ee hawlgalka nabad ilaalinta ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.
8. Mudane Evariste Ndayishimiye, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi wuxuu uga mahadceliyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya booqashada shaqo ee uu ku yimid Jamhuuriyadda Burundi, wuxuuna ku ammaanay dadaalladiisa aan daalka lahayn ee uu ugu jiro nabadda, amniga, dimuqraaddiyada iyo horumarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
9. Labada Madaxweyne waxay ammaaneen dhisidda Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC) si loo dajiyo qaab dhismeed iskaashi labo geesood ah oo u dhaxeeya labada dal, iskaashi dhinacyo badan taabanaya, sida ganacsiga iyo maalgelinta, dhisidda karaanka, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, dalxiiska, gaashaandhigga iyo amniga, wada xaajoodyada siyaasadda, si looga faa’iideeyo labada dal iyo dadka ku nool.
10. Si loo sii xoojiyo, loo qoto dheereeyo isla markaasna loo dardargeliyo iskaashiga dhow ee u dhaxeeya labada dal, labada madaxweyne waxay hoosta ka xarriiqeeen baahida degdegga ah ee loo qabo in mustaqbalka dhow la qabto kulan uu yeesho Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC). Sidaas awgeed, waxay labada madaxweyne fareen Wasiirradooda Arrimaha Dibadda inay qabanqaabiyaan kulanka Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga labada dal.
11. Arimaha heerka gobol, labada madaxweyne waxay caddeeyeen sida ay uga go’an tahay ajandaha 2030 ee Qaramada Midoobay, ajandaha 2063 ee Midowga Afrika, kan 2050 ee Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo hirgelinta Heshiiska Ganacsiga ee hal suuq loogu abuurayo ganacsiga iyo adeegyada waddamada qaaradda Afrika AfCFTA)
12. Labada Madaxweyne waxay xoojiyeen mudnaanta ay siinayaan arrimaha hortabinta u leh Dallada Bulshada Bariga Afrika EAC ee 2022-2026, kuwaas oo ay ka mid yahiin, hirgelinta Kastamka mideysan (SCT), in waajibaadka heer gobol lagu saleeyo duruufaha maxaliga ah, si waafaqsan hab-raaca suuqa Mideysan ee dallada EAC, xoojinta nabadda, amniga, xasilloonida iyo maamul wanaaga gobolka.
13. Labada dhinac waxay sidoo kale dib u eegid ku sameeyeen xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee wadajirka u saameynaya, oo ay ka mid yihiin xaaladaha Koongo DRC iyo Suudaan. Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamku ee dadaallada heer gobol ee hadda socda kuwaas oo ku qotoma in xal siyaasadeed oo dhammaystiran laga gaaro xiisadda Koongo DRC si waafaqsan is afgaradyadii Nairobi iyo Luanda.
Arrimaha Suudaan, labada Hogaamiye waxay isla qaateen baahida degdega ah ee loo qabo in xabadda la joojiyo si loo fasaxo gargaarka bini’aadantinimo iyo in xal waara loogu helo colaadda Suudaan iyadoo loo marayo wadahadal iyo iskaashi.
14. Arrimaha Caalamiga ah, Labada Madaxweyne waxay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda amni ee adduunka ee ay ku soo badanayaan colaadaha tooska ah ee u dhexeeya Waddamada iyo Dagaallada dadban ee ka socda gobollo dhowr ah, waxayna ugu baaqeen dhammaan dalalka ay khusayso in ay adeegsadaan hannaan Diblomaasiyadeed oo ay ka mid tahay wada-hadal, gorgortan iyo iskaashi si xal nabadeed loogu helo caqabadaha amni ee soo wajaha adduunka xilligaan aadka u adag.
15. Labada Madaxweyne waxay kaloo adkeeyeen in la ixtiraamo Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah ee ku aaddan maaraynta colaahada hadda ka socda adduunka, waxayna Labada Madaxweyne baaq u direen dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha soo noqnoqday ee adduunku inay si degdeg ah u joojiyaan xabbadda si loo badbaadiyo nolosha dadka aan waxba galabsan, loogana gudbo sababaha wiiqaya dadaallada horumarineed ee caalamiga ah.
16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabagebadii safarkiisa shaqo waxa uu mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste NDAYISHIMIYE, Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi soo dhawaynta iyo maamuuska ay ku qaabileen isaga iyo weftigii uu hoggaaminayey ee soo gaaray Jamhuuriyadda Burundi.
hIRSHABELLE Diseembar 2023 Odayaasha dhaqanka beelaha seddax Mataan Cabdulle ee Abgaal oo shir jaraa’id qabtay ayaa eedeyn culus kala dul-dhacay Madaxweyanha HirShabeelle Cali Guudlaawe, iyagoo u goodiyey.
Beeshaan ayaa ka cabaneysa dhul ku yaalla deegaanka Habaay oo u dhaxeeya Warsheekh iyo Ceelmacaan oo sida ay sheegeen Cali Guudlaawe uu qorsheynayo inuu ka dhiso garoon diyaaradeed.
Odayaasha ayaa cadeeyey in halkaas aan laga dhsi doonon wax garoon ah, maadaama ay dhulkaas ayagu leeyihiin oo Cali Guudlaawe uusan kala xaajoon, hadii uu hayo qorshe maalgashi.
“Dhulkaan Goof-goof ayaa loo leeyahay cid xoogi kartana ma jirto, qabiil kasta gobolkaan Goof ayuu ku leeyahay, cid na barakici karta ka jirto, reer Mataan dhulkaan Maxamed Siyaad Barre oo soo damaaciyey ayey rag caan ah uga dileen, qof kale oo hadda wax laga yeelayana ma jirto,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay.
Sidoo kale odayaasha hadlay oo aad ugu fogaaday eedeynta Madaxweynaha ayaa sheegay inuu kala jaray HirShabeelle oo Hiiraan uu kulmiyey mar hore, dhawaana lagu kala tegi doono Shabeellada Dhexe, hadii uusan sidaan waxaba ka bedelin.
“Caliyow Hiiraan waa lumisay oo HirShabeelle waad kala jartay, Sh/Dhexe waad la degtay oo waxaad ka degan tahay gurigii uu Maxamed Dheere dhisay, madaxda dowlad goboleedyada kalena waxay dhisteen jidadka, madaxtooyo iyo goobo kale oo dan guud ah,” ayuu yiri oday kale.
Odayaashaan ayaa farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh, ugu horeyn waxay u cadeeyeen inay taageersan yihiin, iyagoo ugu yeeray “Dal xoreeye” sidoo kale waxay Xasan Sheekh kula taliyeen in Cali Guudlaawe uusan ku haleyn HirShabeelle, iyagoo ka codsaday inuu badbaadiyo maamulka.
Odayaasha dhaqanka Mataan Cabdulle ayaa soo bandhigay hub iyo ciidamo ay ku difaacanayaan dhulka ay sheegeen in Cali Guudlaawe uu doonayo inuu ka dhisayo garoon, ciidanka ayey ku sheegeen kuwii la dagaalamaya Khawaarijta, isla markaana ay weli diyaar u yihiin in cadowga ay ka xoreeyaan dhulka uu ka joogo deegaanada beesha.
Muqdisho Diseembar 2023 Xasan Daahir Aweys, wadaadka mayalka adag ee u xiran dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay wadahadal ka dalbaday madaxda Qaranka, kadib 11 sano oo xabsi guri uu ku yahay Muqdisho.
Xasan Daahir oo iska soo duubay muuqaal 10 daqiiqo ah ayaa wadahadalkaan ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre.
Wuxuu Xasan sheegay in Xamza Barre uu yahay nin ahlu diin ah, isagoo aad u soo dhaweeyey, kuna farxay mowqifkii uu kaga hadlay xiisadda ka dhex qaraxday shacabka dulman ee reer Falastiin iyo Yahuuda.
”Waa nin ku fiican Qur’aanka oo yaqaana, caalamkana wax kala socda oo jaamacado ka soo dhigtay, waxaana ka codsanayaa in Xamse ii suurtageliyo inaan ka wadahadalno arrimaheena,” ayuu yiri Xasan Daahir.
Xasan Daahir ayaa Ra’iisul Wasaaraha u diray warqad codsi ah, isagoo sheegay inuu rajo badan ka qabo inuu ka heli doono jawaabta ugu haboon.
”11 sano ayaan u xiranahay dowladda, waxaan is iri farriin u dirso Ra’iisul Wasaaraha mid qoraal ahna waan u diray, waana rajeynayaa inuu iiga soo jawaabi doono,” ayuu yiri Xasan Daahir.
Sidoo kale Xasan Daahir wuxuu muuqaalkaan ku dalbanayaa in Ra’iisul Wasaaruhu uu ugu yimaado guriga uu cabsi guriga ku yahay.
“Nn anigu aan sameeyo marti qaadka waxaan filayaa inay culeys badan ka dejineyso ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Xasan Daahir.
Sheekh Xasan Daahir oo dowladda ugu xiraa mayal adeygiisa, maadaama uu ka soo goostay ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa hadda u muuqda inuu soo jilcay oo diyaar uu u yahay inuu ka soo tanaasulo fikirkiisa, isla markaana uu doonayo inuu wadahadal la furo dowladda.
iTOOBIYA Diseembar 2023 Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa mar kale ka hadlay rabitaanka Itoobiya ee dhul badeed, kaasi oo dhawaan hadal hayn badan dhaliyay, loogana fal-celiyay siyaabo kala duwan.
Abiy ayaa waxa uu si cad u sheegay in dalkiisu uusan marnaba dagaal qaadayn, si uu bad u helo, balse ay u marayaan waddo aan aheyn colaad, islamarkaana ay ku raadinayaan qaab sharciga waafaqsan.
“Xaaladdu siday noqon karto ma garan karno haddii arrinta badda ee ay Itoobiya u baahan tahay aan wada-hadal lagu dhammayn,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Waxa uu sheegay in Itoobiya aysan marnaba diyaar u ahayn inay xabbad ku rido dalalka jaarka ah ee Eritrea, Jabuuti, Soomaaliya iyo Kenya, si ay u hesho bad, sida uu hadalka u dhigay.
“Itoobiya xaq ayay u leedahay inay hesho bad, si waafaqsan sharciga ganacsiga,” ayuu yiri Abiy, isaga oo xusay in dalkiisu uu 30 sano kahor uu lahaa labo dekadood oo ku yaalla Eritrea oo waqtigaa kamid ahayd dalka Itoobiya.
Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in dalkiisu hadda uu isticmaalo dekadda Jabuuti, oo ah halka kaliya ee ay maanta Itoobiya u isticmaasho waxa ay dhoofiso iyo waxa ay soo dejiso labada.
“Dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha, kuwa ree Yurub, Khaliijka iyo dowladaha Afrika dhammaantood hadday yiraahdaan wadada ay Itoobiya ku rabto inay bad ku hesho waa wado khaldan oo aan waafaqsanayn sharciga ganacsiga, nabad-galyada gobolkana waxbay u dhimaysaa, ha inoo sheegaan waan qaadanaynaa waana iska deynaynaa arrintaa badda,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas kusii daray, “Annagu waxaanu leenahay aynu wada-hadalno, wada-hadal ayaanu wax ku rabnaa. 2030-ka tirada dadka ee Itoobiya waxay gaaraysaa illaa 150 milyan oo qof, dhaqaalihii dalkuna iyo baahidiina dhinac ayay ka kordhayaan, waxaasi oo dad ah si aysan dhibaato ugu imaan oo aysan ciyaalku isu cunin aynu xal u raadino umbaanu leenahay ee wax kale ma jiraan.”
Inkasta oo siyaabo kala duwan loo macneeyay qaabka ay Itoobiya ku doonayso badda, haddana Abiy Axmed ayaa waxa uu mar kale ku celiyay in Itoobiya aysan dagaal iyo colaad ku rabin badda, ee ay ku raadsanayso qaab sharciga ganacsiga waafaqsan.
Si kastaba, Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, ayaa dhaqaalaha Itoobiya waxa uu noqday mid xaddidan.
Itoobiya ayaa waxay lumisay xeebteeda kadib markii Eritrea ay ka go’day Addis Ababa oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1993 kadib dagaal saddex iyo toban sano socday.
Muqdisho Diseembar 2023Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Khamiis ah 16-ka Novermber guda gashay kiiska dacwad musuq ah oo loo haysto 14 mas’uul oo ka tirsanaa dowladda Soomaaliya, kuwaas oo badankood ah maqanayaal.
13 kamid ah mas’uuliyiintan ayaa ‘u baxsaday’ dalka dibaddiisa, halka eedeysanaha 14-aad oo lagu magacaabo Abshir Maxamed Cali uu goobjoog yahay dhageysiga dacwaddan..
Mas’uuliyiintan ayaa waxaa kamid ah Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), Cabdulqaadir Cali Cilmi (Cabdul) oo labaduba ahaa agaasimeyaashii hore ee hay’adda socdaalka Jinsiyadda iyo agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda Maaliyadda Muxiyadiin Saabey.
Dhammaan mas’uuliyiintaan ayaa loo haystaa xatooyo xoolo dadweyne oo ay kusoo eedeysa xeer ilaalinta guud ee Qaranka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saalax Dabbaan oo furay Maxkamadda ayaa sharraxay qaabka loo wajahayo Maxkamadeynta, maadaama raggan ay yihiin maqanayaal
“Si waafaqsan heerka wax ka bedalka ciqaabta Soomaaliyeed maxkamaddu marka ay eedda u akhriso eedeysanayaasha maqanaha ah u diiwaan-gelin doontaa inay ku jawaabeen saddexda jawaabood mid kamid ah oo ah inayna gelin, iyada oo maxkamaddu wakiil ka tahay dadkaasi maqanayaasha ah” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka.
Horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u xukuntay saraakiil dowladeed oo iyana loo haystay masuq-maasuq, kuwaas oo qaarkood lagu riday xabsi sanado ah, halka kuwa kalena ay sii deysay, balse waxaa rafcaan ka qaadatay xeer ilaalinta, iyada oo mar kale mas’uuliyiinta lasii daayay ay hadda kiiskooda la wareegtay Maxkamadda Racfaanka.
Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay wadday dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo qabtay mas’uuliyiintii ugu badneyd oo wajahaya xabsi iyo maxkamadeyn.
WARARKA MAANTA 15ka Diseembar 2023 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Yaa raba in xilka laga tuuro Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ay Carab iyo waddamo kale rabaan in laga qaado xilka? Maxayse tahat lacagaha la qariyey Raysal Wasaare Mudane Xamsa oo uu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh ka soo qaatay dalal dhowr ah? Maxayse tahay sababta ugu daran ee uu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud inuu cayriyo/eryo? Yaa noqon doona Taliyaha cusub ee Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka? Yaa noqon doona Taliyaha cusub ee Booliska? Meeqo mooshin ayaa hadda lacag lagu kala qaadanayaa?
Ha wiqleyso!
Baydhabo151ka Diseembar 2023 Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay si ay uu ugu kuur galaan xaaladda dadka ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta ah ee El-nino. Wafdiga Raysal wasaare ku xigeenka ayaa waxaa ka mid ah masuuliyiin ka socda hay’adda SODMA, hay’addaha gargaarka iyo saaxiibada Caalamiga ah, kuwaas oo booqday xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha iyo waliba meelaha ay ku barakaceen dadka ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka.
Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo wafdigiisa oo kulan kula qaatay gudaha magaalada Baydhabo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka ayaa faray dhinacyada kala duwan ee uu kulanka la qaatay iney mideeyaan dhamaan dadaalada socda ee loogu gurmanayo dadka biyuhu saameeyeen.
Wuxuu sidoo kale sheegay Raysal wasaare k xigeenka Saalax Axmed Jaamac in loo baahan yahay in laga hortago cudurrada ka dhasha biyaha.
Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo qurba joogta inay u soo gurmadaan dadka dhibaataysan oo ay roobabka iyo fataahadahu saameeyeen.
Somaliland151ka Diseembar 2023 Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabid, xilka qaadis iyo isku badal ku sameeyay golihiisa xukuumada. Madaxweynaha ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Wasiirkii Isgaadhsiinta Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil, Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani iyo Wasiirkii Maalgashiga Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne. Dhinaca kale, waxa uu xilal u magacaabay Axmed Yuusuf Idiris Cawaale Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta, Axmed Aadan Axmed Buuxane Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Axmed Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Wasiirka Maal-gashiga, Cali Xasan Maxamed Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Biyaha iyo Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Marka lag yimaado isku badalka iyo xil ka qaadista madaxweynaha ayaa Afhayeenkii Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni u magacaabay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka, sidookale Raabbi Cabdi Maxamed ayuu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, halka Saleebaan Cawad Cali Bukhaari iyo Axmed Maxamed Habbane loo magacaabay wasiirada jidadka iyo beeraha.
Waa isku shaandhayntii ugu balaadhnayd ee uu madaxweynaha Somaliland sameeyo tan iyo markii uu xilka qabtay 6 sanno kahor.
Muqdisho 151ka Diseembar 2023 Sida ay Wararkau xaqiijiyeen ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda cayaaraha Soomaaliya waxaa maamulka SSC Khaatumo laga reebay cayaaraha maamul goboleedyada dalka.
Waxaa la sheegay inay arintan la isla qaatay kadib soo jeedin ka timid guddiga garsoorka ee ciyaaraha oo tilmaamay in aysan SSC- Khaatumo buuxin shuruudihii looga baahnaa ka qayb galkooda ciyaarahan.
Waxaa sidoo kale wasaaradda ciyaaruhu ay sheegtay in aysan jirin cid cadaadis ku saartay inay ka reebaan liiska, kadib warar soo baxay oo sheegay inay culays soo food saaray.
Magaca Khaatumo ayaa ka soo muuqday liiska isku aadka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka oo dhawaan ay shaaciyeen wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya.
Dhanka Khaatumo waxay warbaahinta u sheegeen inay arrintan ka leeyihiin kulan ayna shaacin doonaan wixii uga soo baxa.
Ka qayb galka ciyaaradaha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir waxaa qaban qaabadeeda leh wasaaradda ciyaaraha, siyaasad ahaan halka farsamada qabsoomida ay leeyihiin xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed.
Shuruudo dhowr ah ayaa ku xiran ka qayb galka ciyaarahan heer federal oo lagu qabto Muqdisho labadii sanaba mar.
Mid kasta oo ka mida maamulada goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir waxaa looga baahan yaay inuu leeyahay xiriir kubada cagta oo dhisan iyo guddiyo ciyaaro oo heer gobol ilaa heer degmo ah kuwaas oo nidaamiya ciyaarahaas.
Tan labaadna waxaa inay jiraan tartamo ka dhaca maamulada oo ay qabteen xiriradooda heer gobol ama degmo si looga soo xulo ciyaaryahanada mati lahaa maamulkaas oo ka qayb gali lahaa tartanka ay isku arkayaan dhammaan maamulada dalka.
Barriga Dhexe 151ka Diseembar 2023 Xiisadda colaadeed ayaa kasii dareysa xadka ay wadaagaan Lubnaan iyo Israa’iil, iyadoo ay sii kordhayso khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray iyo dagaal afka ah oo sii hurinaya cabsida laga qabo inuu sii ballaariyo khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Xisbullah ee ay Iiraan taageerto.
Duqaymo ay Israa’iil fulisay ayaa laba qof ku dilay Koofurta Lubnaan Isniintii, sidaga laga soo xigtay garabka caafimaadka ee xisbiga Amal Movment oo ah dhaq-dhaqaaq taabacsan Xisbullah.
Dhinaca weerar gantaal oo ay kooxda Xisbullah ku qaadday Israa’iil Axaddii ayaa waxa ku dhaawacmay tiro ka mid ah shaqaalaha shirkadda Korontada ee Israa’iil, iyada oo mid ka mid ahina uu u dhintay dhaawacii soo gaaray Isniintii, sida ay shirkaddu sheegtay.
Hezbollah ayay rasaas is weydaarsanayeen ciidamada Israa’iil tan iyo markii kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas oo ah xulafadooda ay dagaal la galeen Israa’iil 7-dii Oktoobar.
Ilaa hadda, in ka badan 70 dagaalyahannada Xisbullah ah iyo 10 rayid ah ayaa lagu dilay Lubnaan, halka Israa’iina laga dilay 10 qof oo ay ku jiraan toddobo askari, iyada oo kumannaan kale oo labada dhinac ah ayaa ka cararay duqeymaha.
Muqdisho 151ka Diseembar 2023 Madaxweynaha Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo la hadlay wargeyska Arab News inta uu joogay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas lagu dhameyn karo heshiis siyaasadeed oo ah qaabka xalka laba waddan.
“Dadka Soomaaliyeed waxay muddo dheer ku jirneen colaad, weynu ognahay halka ay ku danbeyso shaqaaqada iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta iyo natiijada soo baxda marka ay dhamaato colaada,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Madaxweynaa ayaa xusay in qofna aysan gaari karin dhamaadka siyaasadeed iyadoo aan laga hadlin sababaha keenay khilaafka iyo in la adeegsado rabshado ay maalin kasta ku bixi karaan dad rayid .
“Waxaa jira xal caalami ah oo la aqbali karo waana laba dawladood oo ah Falastiin iyo Israa’iil , islamarkaana ku wada nool si nabad ah wayna dhici kartaa,” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay dhici karto taasi. Wuxuuse su’aal galiyay sababta adduunku uga shaqayn waayay, si xalkaas loo hirgaliyo.
“Aasaaska dowlad Falastiiniyiintu leeyahiin oo xuduudaheeda yahiin kuwii Juun 1967, caasimadeeduna tahay Qudus, waa dammaanada kaliya ee gobolka uu uga baxayo dadagaalka,” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay shirka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee dhawaan ku dhamaaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku daray “Waxa ka socda Gasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka.”
In ka badan hal bil, Marinka Gaza waxaa ku socday duqeymo xooggan oo Israel ay kaga aargoosaneysay weerarkii aan hore loo arag ee 7-dii Octobar ee Xamaas ay ku qaadday koonfurta Israa’iil, kaasoo lagu dilay 1,400 oo qof, oo u badnaa rayid, 240 kalena lagu qafaashay.
Muqdisho 151ka Diseembar 2023 Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax xoogan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo si weyn jugtiisa looga maqlay xaafado ka tirsan caasimada.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino lagu xiray ilinka hore guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kadibna la qarxiyay.
Guriga la qarxiyay ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu degan yahay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda, wuxuuna ku yaalla agagaarka xerada gaadiidka Booliiska.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga uu dhacayay qaraxa uu sarkaalka ka maqnaa guriga, mana jiro khasaare lasoo wariyay, marka laga reebo burbur soo gaaray albaabka hore ee guriga lala bartilmaadeedsaday qaraxa miino.
Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi qaraxa ah, balse xaaladda ayaa haatan deggan.
Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay sidoo kale howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan ciidamada dowladda.
Weerarkan waxaa ka horreeyay qaraxyo todobaadkii hore lagu xiray xarumo ay Hormuud ku kala lahayd degmada Dayniile iyo deegaanka Ceelasha Biayaha ee duleedka Muqdisho.
Si kastaba, weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada weli dowladda Soomaaliya ay dalka ka waddo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyay.
Nairobi 151ka Diseembar 2023 Wasiirkii hore ee amniga gudaha Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xundubey ayaa sheegay in madaxweynuhu markan gaaray da’da todobaatameeyada oo uu ku micneeyay in qofka ku jira marxaladdaas uusan laheyn talo, sida uu hadalka u dhigay.
“Madaxweynaha haddii uu 70 gaaray curinta dadkii laga rabay ha usoo noqdo illeen reer todobaatan waa tageen horaa loo yiri, ani ma dhihinee” ayuu yiri Xasan Xundubey.
Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inuu madaxweynuhu uusan ogoleyn la kulanka siyaasiyiinta kasoo horjeeda, basle uu doonayo shaqsiyaadka gaarka ah ee uu danaha ka leeyahay.
“Qodobka labaad horaaa madaxweyne usoo ahaa waa laga soo sheegaa, marka qof hantiile ah oo uu dhaqaale ka rabo maahinee ama dhalinyaradaan uu adeegsanaayo maahinee cid kale oo uu madaxweynuhu maanta uu la tashado” ma jirto” ayuu mar kale yiri Xundubey.
Xasan Xudubey oo sii hadalaya ayaa farriin culus u diray madaxweynaha, wuxuuna ugu baaqay inuu kusoo laabto bulshadiisa, isla-markaana uu la sameeyo la tashi guud.
“Madaxweynaha bulshadiisa ha usoo noqdo, waxagaradka ha usoo noqdo dalkaan isagu malaha, annagu ma lihin waan wada leeanahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Dhanka kale, waxa uu ka hadlay howlgallada dhanka ah ah Al-Shabaab, doorka ciidanka Macawiisleyda iyo arrimi ku aadan wixii dhex-maray isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble.
WARARKA MAANTA 14ka Diseembar 2023 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaare cusub ee #Soomaaliya? Maxay tahay sababta Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh u rabaa in xilka laga qaado Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre? Maxuuse Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre u taageeray ururka Xamaas asagoo ceebeeyey Carabka ka hadli weysay xasuuqa ka socda Daanta Galbeed ee Gaza? Ma Carabttii ayaa ku xirtay dhaqaallihii ay siin jirtay Soomaaliya in xilka laga tuuro Raysal Wasaare Xamsa haddii kale aan wax dhaqaallo ah la siinaynin Madaxweyne Xassan iyo kooxdiisa musuqmaasuqa badan? Yaa filmo laga duubay? Yaa noqon doona guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir? Yaa noqon doona Taliyaha cusub ee Booliska iyo Nabad-Sugidda? Ha wiqleyso!
Muqdisho 141ka Diseembar 2023 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo wareysi siiyay warbaahinta Arab News, ayaa sheegay, in rabshadaha u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas lagu xalin karo heshiis siyaasadeed. “Waxa ka socda Falastiin, gaar ahaan Gaza, waa kiis gaar ah oo ka soo horjeeda dhammaan qiyamka bini’aadamka.” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu wareysiga uu bixiyay ku sheegay inuu jiro xal caalami ah oo la aqbalay, kaasoo ah Laba dawladood oo ah Falastiin iyo Israa’iil, oo ku wada nool nabad .
Maaxweynuhu wuxuu sheegay in ay dhici kato taasi. Wuxuuse su’aal galiyay sababta adduunku uga shaqayn waayay, si xalkaas loo hirgaliyo.
In ka badan hal bil, Marinka Gaza waxaa ku socday duqeymo xooggan oo Israel ay kaga aargoosaneysay weerarkii aan hore loo arag ee 7-dii Octobar ee Xamaas ay ku qaadday koonfurta Israa’iil, kaasoo lagu dilay 1,400 oo qof, oo u badnaa rayid, 240 kalena lagu qafaashay.
Duqeymaha Israa’iil, iyo howlgalkii dhulka ee xigay, ayaa sababay in ka badan 11,000 oo dhimasho ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, iyo barokaca in ka badan kala bar dadka reer Gaza.
Buurkiino Faaso 141ka Diseembar 2023 Ugu yaraan 70 qof oo rayid ah oo u badnaa dad waayeel ah iyo carruur ayaa lagu dilay weerar ka dhacay tuulo ku taalal waqooyiga waddanka Burkina Faso horraantii bishan, sida bayaan uu soo saaray uu ku sheegay dacwad-oogaha waddankaas.
Kooxo aan la aqoonsan ayaa weerar ku qaaday tuulada Zaungou oo ku taalla waqooyiga Burkina Faso 5-tii Nofembar, halkaas oo ay ku dileen dadka deegaanka, ayna dab qabadsiiyeen hanti.
Koox ka tirsan hey’adaha caddalaadda oo loo diray inay baaritaan ku sameeyaan ayaa ogaaday in ugu yaraan 70 qof ay dhinteen. Inta badan dhib anayaasha ayaa ahaa carruur iyo waayeel, sida uu bayaan uu soo saaray ku sheegay dacwad-oogaha gobolka.
Waxa ay intaasi ku dartay in aan wali la cayimin tirada saxda ah ee dhaawaca iyo dadka la la’yahay.
“Ciddi ka dambeeysay falalkan waxashnimada ah ilaa iyo hadda lama garanayo, baaritaannaduna waa ay socdaan” ayaa lagu yiri qoraalka.
Burkina Faso waa mid ka mid ah dhowr waddan oo galbeedka Afrika ah oo la dagaallamaya kacdoonka dhiigga badan ku daatay ee jihaad doonka ah ee xididdada u siibay dalka ay deriska yihiin ee Mali sannadkii 2012-kii.
Punt;and State 141ka Diseembar 2023 Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabbdullaahi Deni ayaa ogolaaday islamarkaana diyaar u ah inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, waxaa sidaas shaaciyey xafiiska QM ee Soomaaliya.
Deni ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu dhowaan magaalada Garoowe kula kulmay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.
Bishii Maajo ee sanadkan, xubnaha Golaha Wada-tashiga Qaranka / the National Consultative Council (NCC) – marka laga reebo Puntland – ayaa waxaa ay soo saareen war-murtiyeed iyo heshiis cusub oo diiradda lagu saarey dimuqraadiyeynta. Kulankaa iyo kii ka horreeyey ee ay NCC yeelatey bishii Maarso, ayaa waxaa ka maqnaa madaxweynaha Puntland.
“Waxaan ku farxay in aan maqley in Madaxweynaha [Deni] uu diyaar u yahay una ahaa in uu la hadlo Madaxweynaha [Xasan Sheekh Maxamuud] oo dhab ahaantiina si weyn uga fekerayo nooca arrimaha ay tahay in la soo dhigo miiska si loo hubiyo in aaraa’da ay qabto Puntland aaney meesha ka maqnaan,” ayaa ay tiri Sarkaalka QM,” ayey tiri Catriona Laing.
Wakiilka Qaramada Midoobay waxay raacisay inay madaxweyne Deni kawada xaajoodeeen xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka, in Puntland metelaadeeda ay muuqato.
Waa markii labaad oo ay wakiilka Qaramada Midoobay timaado Puntland, tan iyo markii loosoo magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale Deni kala hadashay doorashooyinka Puntland kusoo wajahan in ay ku dhacaan si xasilooni iyo jawi nabadeed ku dheehan tahay.
Saciid Deni ayaa bilo un kadib markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh xiriirka u jaray dowladda federaalka, ayada oo la rumeysan yahya inay sababta tahay inaan la siin xilka ra’iisul wasaaraha ama lagala tashan.
Khaatumo State 141ka Diseembar 2023Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa hanjabaad culus u diray xukuumadda Somaliland, oo uu kala dhaxeeyo dagaal xooggan.
Garaad Jaamac ayaa waxa uu ku goodiyay in ciidamada SSC-Khaatumo ay ku fasixi doonaan in ay gudaha u galaan deegaanada Somaliland, haddii buu yiri ay Somaliland joojin weydo daandaansiga ay ka wado dhulkooda.
“Somaliland hadday mar danbe sheegato dhulkayaga ama dhahdo Xad baan soo xiraynaa, aniguna waxa aan tegeynaa guryahooda (Hargeysa) waana soo qab-qaban doonaa kuwii dhibta ka gaystay dhulkayaga,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.
Wuxuu uga digay Somaliland in ay joojiso abaabulka dagaal ee ay ka waddo Oog, xilli maalmihii lasoo dhaafay uu labada dhinac dagaal ku dhexmaray deegaano dhaca duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
“Wax badan waa xakamaynaynaa, si aanay ciidamadeenu uga tallaabin dhulkooda, haddii mardambe ay sheegato Somaliland dhulkayaga waan ku fasixi doona,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Garaadka.
Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in weli uu socdo oo ay ku jiraan halgankii lagu xoreeyay gobolka Sool, wuxuuna sheegay inay waajib ku tahay in degaanadooda ay ka difaacdaan Somaliland.
Hadalka Garaadka SSC ayaa imanaya maalmo kadib markii duleedka magaalada Laascaanood uu dagaal xooggan ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinac ah.
Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii ugu dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kadib markii Somaliland laga qabsaday xerada Goojacadde.
Muqdisho 141ka Diseembar 2023 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay shir deg deg ah la yeeshay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag ula hadlay xubnaha golaha.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu kala doorad-siiyay Golaha Wasiirada inay meel mariyaan qorshihiisa siyaasadeed ee wax ka bedelka Dastuurka iyo inay banneeyaan kuraasta ay ku fadhiyaan.
Xasan oo aad uga careysnaa Wasiirada Xukuumadda ee aan waxba ka goyn Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah siiyay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo goobjoog ahaa shirkaasi.
Sidoo kale waxa uu u sheegay in ajendayaasha deynta cafinta iyo cuna-qabateynta hubka uu qaarna ku guuleystay, qaarna ay meel fiican u marayaan.
Hase yeeshee waxa uu saluug ka muujiyay arrimaha la xiriira dhameystirka dastuurka iyo dagaalka Al-Shabaab, isaga oo si gaar ah isku dul-taagay arrinta Dastuurka, oo aan weli sidii uu rabay loo dhaqaajin.
Xogta ayaa intaas kusii dareysa in madaxweynaha uu u sheegay Wasiirada inay ka shaqeeyaan meel-marinta siyaasadda dowladda, isagoona ku yiri “Ma rabno in aan idin daadino, haddii nagula qasbo waa idin daadineynaa, rag kale oo jaakado wata oo bannaanka taagan ayaa idinku bedeleynaa.”
Xasan ayaa muddooyinkii dambe si weyn uga shaqeynayay sidii uu u meel-marin lahaa heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaran, kuwaasi oo la kulmay diidmo xooggan, waana kuwo dhammaantood u baahan in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka.
Si kastaba, Qorshaha wax looga beddelayo Dastuurka oo gadaal uu ka riixayo madaxweyne Xasan Sheekh, balse aan weli tallaabo rasmi ah loo qaadin ayaa waxaa xusid mudan inay si weyn uga soo horjeedaan saaxibaddiisa ugu dhow-dhow ee tirsan Baarlamaanka.
Muqdisho 141ka Diseembar 2023 Webiga Shabeelle ayaa ku fatahay deegaannada Buula-mareer iyo Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana sawiro halkaas laga soo qaaday muujinayaa saameynta iyo fataahadda Webiga heerka uu gaarsiisan yahay.
Deegaannadaasi ayaa waxaa laga soo warinaya in kannaalada biyaha Webiga gudbiya ay sababeen fataahadda, kadib markii ay biyuhu heerkoodaa dhaafeen, markaasi kadibna waxay saameyn xooggan ku yeesheen dalaggii Beeraha ee dhawaan la beeray, biyihii ku fatahay ayaa wada baabi’yay.
Sidoo kale degmooyinka Afgooye, Awdheegle iyo Jannaale ee ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa iyagna laga soo warinayaa in Webiga uu ku fatahay, balse ma uusan geysan wax khasaare nafeed ah.
Digniino hor leh ayaa laga soo saaray fatahaad Webiga Shabeelle, iyada oo hay’adda maareynta misoobinka qaranka ee SODMA ay digniin u dirtay dadka degan hareeraha Webiga iyo goobaha biyo mariinnada, xilli guud ahaan dalka ay ka da’een Roobab wata biyo badan iyo lagu sii daro fataha ay Webiyada Juuba iyo Shabeelle ay sameynayaan.
Dhinaca kale, Webiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay fatahaad xooggan ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo saameyn ku yeeshay afarta xaafadood ee degmadaasi.
Webiga ayaa waxaa si weyn uga fatahay xaafadaha Bundaweyn iyo Howl-wadaag, kadib markii u Webiga habeen hore saqdii dhexe karkaarada uu jabsaday.
Xaafadahaan ayaa dadkii daganaa intooda badan ay horay uga barakaceen dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, hase yeeshee waxaa jiray dad kooban oo ku harsanaa xaafadaha oo habeen hore xilligii hore biyaha guryaha ugu galeen.
Shalay duhurninadii ayay aheyd markii uu wabiga ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako, waxaana la soo warinayaa in aysan jirin ilaa iyo hadda wax khasaare nafeed ah oo ay geysteen fatahaada ku dhufatay inta badan xaafadaha Baledweyne.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay kulan deg deg ah isugu yeeray golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya, kulankaas ayaa waxaa looga tashaday sidii loogu gurman lahaa dadka fatahaaduhu saameeyeen.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligaan muhiimadda ugu weyn ay tahay samata-bixinta nolosha qofka Soomaaliga ah, isaga oo sheegay in xilligaan adag loo baahan yahay in mas’uuliyadda sida ay tahay loo qaato.
“Mas’uuliyad ayaa na saaran, mas’uuliyadda na saaran sida ay tahay in aan u qaadanno waaye, tabartu waa halkeeda, tabartu haddii ay nagu gaabato laakiin inta aan qaban karno ayaa aad u badan, marka howshaas haloo wada istaago,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
WARARKA MAANTA 13ka Diseembar 2023 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Maxay tahay sababta xilka looga qaadayo Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye”? Meeqo wasiir ayaa xilalka laga qaadi doonaa? Maxayse tahay sababta uu Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud u dooran magacaabin Guddiga Dhaqaallaha Iyo Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxayse tahay Madaxweyne asagoo qaliin ka soo baxay hadda shirar ka qaybgalaaya? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuiqa badan maanta? Maxayse Carabta ku qasabtay inuu sameeyo Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud? Maxay laba aqal u wadashaqayn karin si ay dhibka iyo siyaasadda khaldan dadka, dalka iyo diintaba uga badbaadiyaan? Ha wiqleyso!
Riyaad 131ka Diseembar 2023 Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah kula qaatay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya madaxweynayaasha dalalka Eretariya iyo Ciraaq. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa dalka Eretariya Isaias Afwerki ayaa ka wada hadlay xaalada gobolka iyo adkeynta xriirka ka dhaxeeya labada dowladood, waxaana la tilmaamay in labada madaxweyne isla meel dhigeen in si wadajir ah loo wajaho caqabadaha ay wadaagaan labada dal.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulan kale kula qaatay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga madaxweynaha wadanka Ciraaaq Abdul Latif Rashid iyo masuuliyiin kale oo ka mid ahaa wafdigiisa oo ka qeyb galay shirka dalalka Islaamka.
Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa ka wadahadlay isdhaafsiga khibradaha iyo xirfadaha la xiriira dagaalka ay kula jiraan kooxaha loogu yeero argagixisada, iskaashiga amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya shacab labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq.
Kulamadaan uu madaxweyne Xasan Sheekh kula qaatay magaalada Riyaad madaxda kala duwan ayaa imaanaya, iyadoo madaxweynuhu uu dalka Sacuudiga uu uga qeybgalay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika.
Riyaad 131ka Diseembar 2023 Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa magaalada Riyadh ku kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah.
Heshiiskan oo caddeynaya xoojinta xiriirka labada dal ayaa waxaa si rasmi ah u kala saxiixday wakiilo ka kala socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga.
Heshiiska ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga, wax ka qabashada dhinacyada muhiimka ah sida la dagaalanka argagixisada, wadaagga sirdoonka iyo tayeynta.
Waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo qaab-dhismeedka amniga ee labada waddan, taasoo u oggolaanaysa habab badan oo wax looga qabanayo caqabadaha amniga ee gobolka.
Munaasabadda lagu saxiixay heshiiskan oo lagu qabtay magaalada Riyaad ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday labada dal oo ay kamid yihiin wasiirka Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Hines Abdulaziz bin Saud Al Saud.
Labada Wasiir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay heshiiskan.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in heshiiskan uu bog cusub u furayo xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Muqdisho 131ka Diseembar 2023 Hoggaamiyaha Xizbullah ayaa sheegay inay hub cusub u adeegsanayso weerarrada ka dhanka ah Israa’iil, iyad oo rasaasta la isweydaarsanayo ee xadka koonfureed ee Lubnaan ay sii xoogaysanayso, xilli Israa’iil ay dagaal kula jirto kooxda Xamaas ee Gaza.
Sida Sayyed Hassan Nasrallah uu ku sheegay khudbadiisii labaad ee telefishinka laga sii daayay tan iyo markii uu billowday dagaalka Xamaas iyo Israa’iil, waxay toddobaadkii la soo dhaafay, kooxda ay Iran taageerto ay “xoojiyeen ficilkooda “hoggaanka Lubnaan marka loo eego tirada hawlgallada, bartilmaameedyada iyo nooca hubka,”
Dhaqdhaqaaqa Muslimiinta Shiicada ah ayaa markii ugu horeysay adeegsatay gantaalada Burkan, isaga oo intaa ku daray in gantaalahaas ay qaadi karaan “culus dhan 300-500 kiilogaraam.”
Xizbollah ayaa billowday inay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn “markii ugu horreysay taariikhda iska caabbinta” gudaha Lubnaan, sida uu sheegay Nasrallah, isaga oo intaas raaciyay inay gudaha Israa’iil ku duuli jireen “diyaaradaha wax basaasa” maalin kasta, qaarkoodna ay gaareen Haifa, Acre iyo Safed.
Hadalka Nasrallah waxa uu dhaliyay digniin ka timid wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant, oo sheegay in muwaadiniinta Lubnaan “ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan ficilka Xisbubllah” wuxuuna raaciyay: “Waxa aan ka samaynayno Gaza, waxaan sidoo kale ku samayn karnaa Beirut”.
Tan iyo markii Xamaas ay 7-dii Oktoobar weerar ku qaadday Israa’iil marinka Qaza, xuduudda koonfureed ee Lubnaan waxaa sii xoogaysanayay is-weydaarsiga weerarrada oo u dhexeeya Israa’iil iyo Hezbollah, oo xulafo la ah kooxda Falastiiniyiinta, taas oo kicinaysa cabsida laga qabo in uu dhaco dagaal ballaadhan.
Muqdisho 131ka Diseembar 2023 Guddoomiyaha haweenka Gobolka Banaadir marwo Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in maamulka gobolka Banaadir ay wadaan dedaalo lagu yareynayo qasaaraha ka dhasha daadadka ay roobabku keeneen, waxeyna tilmaantay in bilicda & nadaafada Gobolka ay tahay mid waajibineysa in ay ka qeybqaataan dadka u damqanaya Gobolka.
“Masiibadu waa dhowr nuuc, mid na waa mid ILLAAHEEY uu keenay mid na waa mid bulshada ka dhex imaaneysa, waxaad arkeysaa guri 3 milyan lagu dhisay oo hortiisu ay dhiiqo ka buuxdo, ma aha maamulka gobolka shaqadiisa inuu wax ka qabto,” ayeey tiri Jawaahir oo shalay saxaafadda kula hadleysay gurigeeda, waxeyna intaasi ku dartay in Magaalada ay jireen goobo biyo-fadhiisid ah xilligii Dowladdii Kacaanka.
“Xilliyada ay da’aan roobabka waxaa jira dad kaga faa’ideysanaya in ay qashinka guryaha u yaal ay daadadka raaciyaan, taas oo dhibaato weyn horseedeysa,” ayeey tiri Jawaahir waxeyna u mahadcelisay howlwadeena gobolka Banaadir oo ay ku tilmaantay dad mar walba u taagan in ay bulshada u qidmeeyaan.
“Magaaladan oo cabsi ah ayaa ku nooleyn, maanta waxeey soo ceshaneysaa maqaamkii ay xaqa u laheyd ee caasimadnimo, waxaan rajeynayaa in ay ka mid noqoto caasimadaha ugu qurxoon dunidda,” ayeey tiri Jawaahir oo intaasi ku dartay in Muqdisho aysan ku doorsaneyn Washington iyo Amsterdam.
Mar ay ka hadleysay arrimaha xuquuqda haweenka waxey sheegtay in ay jiraan xadgudubyo joogta ah oo ku dhaca haweenka.
“Gabadhu marka ay shaqo doonato waxaa dhacda mararka qaar in la yiraa; wax uun iigu beddel, waxaa kale oo jira tacadiyo ka soo gaara dhanka siyaasada,” Ayeey tiri Jawaahir oo intaasi ku dartay in waddan dhibaatooyin soo maray sida Soomaaliya oo kale ay ka dhici karaan tacadiyo nuucaas ah.
Muqdisho 131ka Diseembar 2023 Qaramada Midoobay ayaa dowladda Puntland ugu baaqday in ay doorkeeda ka qaadato hirgelinta heshiis nabadeed oo lagu dhammeeyo colaadda labada maamul ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo.
Baaqaas waxa jeedisay ereyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Liang oo Sabtidii ka hadlaysay magaalada Garoowe halkaas oo ay kulan kula yeelatay madaxda sare ee Puntland.
“Waxaan Puntland ugu baaqaynaa in ay doorkeeda ka qaadato dhiirrigelinta in labada dhinac ay khilaafkooda ku xalliyaan si nabadgelyo ah si loo hubiyo in aanu gacan-ka-hadalku mar kale kor u kicin”.
“Waa in ay jiraan tallaabooyin lagu soo celinayo is-aaminaadda oo la halmaala is-dhaafsashada maxaabiista sidaa daraaddeed in Puntland ay doorkeeda qaadato iyada oo adeegsaneysa xiriirka sokeeyenimo ee qabaa’ilka si loo hubiyo in waddo nabadeed lagu socdo” ayay tiri marwo Catriona Liang.
Waxay sidoo kale Puntland ku amaantay in ay marti-gelisay in ka badan 100,000 oo rayid ah kuwaas oo bara-kacay markii ay socdeen dagaalladii Laascaanood “Waan ogsoonahay in ay taasi ahayd mas’uuliyad aad u weyn waxaana Puntland uga mahadcelineynaa sida diirran ee ay u qaabishey dadkaa” ayay sii raacisay.
Dagaalkii ugu dambeeyey ee dhinacyada oo 9-kii bishan dhacay ayaa waxaa ku dhintay 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo labada dhinac, waxaa sidoo kale jira gaadiid laga qabsaday Somaliland.
Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii ugu dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kadib markii Somaliland laga qabsaday xerada Goojacadde.
Muqdisho 131ka Diseembar 2023 Mas’uuliyiinta sare ee maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa xalay shir deg-deg ah ku yeeshay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kaas oo looga hadlay xaaladda adag ee ka taagan Muqdisho.
Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyey duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimacaale (Madaale) iyada oo ay u dhammaayeen maamullada degmooyinka.
Intiisa badan waxaa shirka diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay roobabkii xooganaa ee maalmihii u dambeeyay ka da’ayay Muqdisho oo sababay culays xoogan iyo burbur.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kulanka kadib la hadlay waraabinta ayaa ka warbixiyay shrkooda, wuxuuna sheegay in ka hadleen wax ka qabaashada xaaladaha ka jira gobolka.
“Waxaa xarunta maamulka gobolka Banaadir ka qabsoomay shirkii degmooyinka iyo maamulka sare, shirkaas oo ahaa mid deg-deg ah, loogana hadlaayey xaaladaha guud ee ka jira magaalada Muqdisho, gaar ahaan roobabka” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.
Sidoo kale wuxuu intaasu ku daray inay la socdaan dhibaatada ka dhalatay daadadka ku dhuftay magaalada Muqdisho, ayna maamul ahaan haatan wadaan dadaallo xoogan.
“Waa roobab aad iyo aad culayskooda u wata, faa’iidadoodana wata, dadku waa u baahnaayeen roobabka, laakiin daadad iyo biyaha kasoo rogmaday culaysbaa ka yimid, marka culayskaas ayaan rabnay in degmooyinka ay isla wadaagaan” ayuu sii raaciyay.
Ugu dambeyn wxuuu hoosta ka xariiqay inay ku howlan u gurmashada dadka ay dhibaatada soo gaartay qaadista biyo gooyay waddooyinka muhiimka ah ee caasimada.
“Shirkuu wuxuu ku saabsanaa gurmad guud oo loogu talagalay heegan la geliyo maamulka gobolka Banaadir sida uu u dhan yahay” ayuu mar kale yirihi guddoomiye ku xigeenku.
Muqdisho 131ka Diseembar 2023 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad, waxaana fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa.
Goobjoogaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qofka is qarxiyay uu doonayay inuu beegsado ciidamo saf ku jiray oo ku sugnaa halkaasi, balse waxaa ka shakiyay ciidamada ammaanka oo rasaaseeyay, kadibna uu sidaas ku qarxay.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadii ku sugnaa goobta ay kala carareen, taasina keentay inay ka badbaaday weerarkaasi.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobta isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.
Kuliyadda Jaale Siyaad ayaa 24-kii Luuliyo ee sanadkan uga dhacay weerar kan lamid ah oo lagu dilay askar badan, kadib markii uu isku dhex qarxiyay nin ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, waxaana weerarkaasi ka dhashay tuhun xoogan oo loo soo xiray saraakiil ka tirsan dowladda federaaalka ah ee Soomaaliya.
WARARKA MAANTA 12ka Diseembar 2023 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Maxuu yahay amarka Madaxwyne Mudane Xassan Shiikh lagu siiyey inuu xilka ka qaado Raysal Wasaare Mudane Xamsa? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Dowladda #Soomaaliya? Yaa noqon doona Guddoomiyaha Aqalka Hoose? Yaa noqon doona Taliyaha cusub ee Hay’adda Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka? Yaa xilalka wasiirnimo laga qaadi doonaa? Maxayse tahay Madaxeyne la qalay oo hadda shirar ka qaybgalaaya? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Maxayse beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo siiso Soomaaliya? Ha wiqleyso
Bardaale 121ka Diseembar 2023 Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jiraan xaalado nololeed oo aad u adag oo lasoo gudboonaatay dadka ku nool degmadaas.Roobab mahiigaan ah oo ay ka dhasheen daadad xoogan ayaa xiray dhamaan wadooyinka muhiimka ah ee soo gala degmada, taasoo sii adkeysay xaalada nololeed ee dadka ku dhaqan Bardaale.
Masuuliyiin kala duwan oo isugu jira heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaalada nololeed ee ka taagan degmada Bardaale ee gobolka Baay.
Masuuliyiinta ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro shacabka ku dhibaateysan degmada Bardaale iyo nawaaxgeeda.
Magaalada Bardaale waxay ka mid tahay degmooyinka maamul goboleedka Koofur Galbeed ee sida weyn u saameyeen daadadka ka dhashay roobka Dayrta ah ee haatan ka da’aya inta badan gobolada dalka.
Muqdisho 121ka Diseembar 2023 Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo agaasimihii hore ee Canshuuraha Bariga ee degmada Warta nabadda, ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim.
Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim oo hadda maqan, ayaa lagu eedeeyay musuq-maasuq, ku takri-fal hanti dadweyne, iyo dokumentiyo been abuur ah, iyadoo dambiyadan la sheegay inay ka dhaceen xarunta canshuuraha Bariga ee degmada Warta Nabadda.
Maxkamadda oo fulinaysa dacwad ay soo bandhigtay xeer ilaalinta qaranku, ayaa muddo 30 maalmood ah oo ka bilaabmaysa 11 November 2023 ilaa 10 December 2023 u qabatay inuu ku hor yimaado maxkamadda.
Waxay maxkamaddu sheegtay haddii uu u hoggaansami waayo amarka maxkamadda in tallaabo sharci ah la qaadi doono.
Talaabadan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo ay qeyb ka tahay dagaalka musuqa ee dowladdu ay waddo, iyadoo la xiray, laguna maxkamadeeyay masuuliyiin badan oo ka tirsan dowladda.
Shalay, maxkamadda ayaa bilowday dhegaysiga masuuliyiin la xukumay oo lagu helay dambiyo musuq maasuq, kuwaas oo qaatay racfaan.
Weli waxaa jira dhowr qof oo uu ku jiro Muxiyadiin Saabay, agaasimihii hore ee Waaxda Canshuuraha Bariga, Cabdul Qaadir Cilmi Cali, Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka, Maxamed Aadan Jimcaale, oo loo jeediyay eedeymo isku mid ah.
Beledweyne 121ka Diseembar 2023 Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saacadahii lasoo dhaafay ku fatahay xaafado hor leh oo ku yaala Baledweyne. Xaafadaha uu Xalay ilaa saakay wabigu ku fatahay ayaa ah qeybo ka mid ah xaafadaha Bundaweyn iyo Howlwadaag, kadib markii u wabiga Xalay saqdii dhexe karkaarada uu jabsaday.
Xaafadahaan ayaa dadkii dagana intooda badan ay horay uga barakaceen dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, hayeshee waxaa jiray dad kooban oo ku harsana xaafadaha oo Xalay habeen barkii biyaha guryaha ugu galeen.
Duhurninadii Shalay ayay aheyd markii uu wabiga ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako.
Ma jirto ilaa hadda wax khasaare nafeed ah oo ay geysteen fatahaada ku dhufatay inta badan xaafadaha Baledweyne.
Biyaha kasoo baxay Wabiga Shabeelle ayaa saakay kala jaray gabi ahaanba isku socodkii caadiga ahaa wadada laamiga ah ee isku xirta gudaha Baledweyne iyo xaafada loo barakacay ee Ceeljaalle.
Muqdisho 121ka Diseembar 2023 Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa ku eedeeyay ciidamada Israa’iil in ay weerareen oo rasaas ku rideen afar isbitaal oo ku yaalla Marinka Gaza 24 saac gudahood.
Madaxa ururka Caafimaadka WHO ayaa Golaha Amniga ee QM u sheegay in nidaamkii caafimaadka ee Gaza uu gabi ahaan ku dhow yahay in uu joogsado, isagoo sheegay in hal cunug lagu dilo Gaza 10 daqiiqaba.
Ciidamada Israa’iil ayaa Jimcihii beeniyay in ay rasaas ku fureen isbitaalka Al-Shifa, waxayna Xamaas ku eedeeyeen in ay rideen gantaal lala beegsaday ciidamada Israa’iil oo ay ka soo gantay isbitaalka.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa si cad u sheegay in aysan daneyneyn xabad joojin laga hirgeliyo Qaza, isagoo ku andacooday in ciidamadiisa ay howlo wanaagsan ka wadaan marinka Qaza.
Isbitaallada waxaa buux-dhaafiyey dhaawacyo dadka reer Falastiin ah oo u badan carruur, hadana waxaa lagu sii beegsanayaa oo ciidamada Yahuuda ay joogto u duqeeyaan isbitaalada.
“Waxaan ugu baaqayaa golaha ammaanka anigoo ku hadlaya magaca shaqaalaha caafimaadka ee WHO in la badbaadiyo shaqaalaha caafimaadka ee ku howlan samatabixinta dhibanayaasha reer Falastiin,” ayuu yiri Madaxa ururka Caafimaadka ee WHO.
Hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Islaamka oo shir wadajir ah uu maanta uga furmay dalka Sacuudiga ayaa ka wada hadlay dagaalka Gaza, iyagoo ku baaqay in xabbad-joojin ah laga hirgaliyo Gasa.
Sidoo kale, waxa ay ku baaqeen in Israel ay qaaddo go’doominta ay ku hayso Gaza, balse Israa’iil ayaa ka biyo diiday inay u hoggaansanto xabad-joojin.
Afgooye121ka Diseembar 2023 Warar ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in haatan xaalad adag ay ka taagan magaalada Afgooye ee gobolkaasi, kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabelle ee dhex-mara gudaha degmadaasi.
Wabiga ayaa saacadihii ugu dambeeyay ku fatahay xaafadaha ku yaalla hareeraha wabiga, sida Damaley, Aaytiro Siigaale iyo kuwa kale.
Sidoo kale fatahaadan ayaa saameyn xoogleh ku yeelatay dhul beereed ku yaalla halkaasi, ayada oo baabi’isay dhammaan dalagii ku yiilahay halkaasi.
Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, waxaana xaafadaha qaar la’isaga kala gooshayaa doomo, sida ay muujiyaan muuqaallo ka imaanaya Afgooye.
Hooyo kamid ah dadka deegaanka oo la hadashay Telefishinka Dalsan ayaa ka warbixisay xaaladda, waxayna sheegtay in biyaha ay soo galeen guryahooda.
Guriyaheena waa kan biyihii ayaa noo soo galay gargaar aan u baahanahay oo deg-deg ah walaalaheena muslimiinta ah inay gacanta naga qabtaan” ayay hooyo kamid ah dadka deegaanka.
Waxaa kale oo ay sii raacisay “Rafaad ayaan ku jirnaa ilmihii haddii aad ka tagtid walwal biya maa kaa qaadi doono, say noqon doonaan? suuq xitaa ma kaa aadi karno”
Dhankiisa guddoomiyaha maamulka dgemada Afgooye Cabdullaahi Maxamed Cismaan ayaa ka hadlay fatahaadda ku dhufaray Afgooye, isaga oo shacabka ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan, isla-markaana hantidooda iyo naftooda ay badbaadsadaan.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale farriin u diray dowladda dhexe, Koonfur Galbeed iyo hay’adaha Samafalka, isaga oo ugu baaqay inay gurmad lasoo gaaraan shacabka.
“Fatahaadahan waa billow meelihii aan awal ka fileynay ma gaarsiisana illaa hadda laakiin xaaladaha waa iska taagan yihiin, dadka waxaan ugu baaqeynaa inay ka feejignaadaan” ayuu isna yiri guddoomiyaha maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay fahataado iyo roobab daadad wata oo ku dhuftay inta badan magaalooyinka waa weyn ee dalka.
Madaxweynaha Dowlad Khaatumo 121ka Diseembar 2023 KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Cali (Firdhiye) oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Laascaanood ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee Puntland.
Cabdulqaadir Firdhiye ayaa farriin u diray dhinacyada isku haya doorashada Puntland, gaar ahaan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo mucaaradka, isaga oo ugu baaqay inay deganaan muujiyaan, kadibna wax weliba ku kor dhammeeyaan miiska wada-hadalka.
Sidoo kale wuxuu ka digay in khilaafka uu sii socdo, isla-markaana laga haboon yahay in xaaladda la gaarsiiyo meel ka adag meesha ay hadda taagan tahay.
“Garoowe bulshada ku dhaqan, xukuumadda, dhaqanka iyo siyaasiyiintaba waxaan ugu baaqayaa in is mari-waaga siyaasadeed lagu dhammeeyo wada-hadal iyo miis koorkii ee aan loo kicin meel aan laga soo celin kareynin” ayuu khuddbadda ku yiri C/qaadir Firdhiye.
Waxaa kale oo uu ku taliyay in lagu laabto waxgaradka iyo dadka ay talada ka go’do si xal waara loogu helo khilaafka doorashada maamul goboleedka Puntland.
Ummadda dhan waa soo eegeysaa Garoowe iyo waxa ka soconaya waxaan rajaynayaa in talo qabeenka halkaa jooga ee talada wax ku leh in laga dhageysan doono” ayuu raaciyay.
Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay arrimaha ammaanka Garoowe oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen falal ammaan darri, balse waxa uu qiray in caasimada Puntland ay tahay meel amnigeedu wanaagsan yahay, Laascaanoodna ay uga dayan doonto.
“Mandiqadatan meesha ugu amniga badan waxay ahayd Garoowe, waxaan rajanayaa inay Laascaanood noqoto amni badantii labaad.” ayuu mar kale yiro Hoggaamiyaha SSC.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xaalad cakiran laga dareemayao Garoowe oo ay ku wadan sugan yihiin ciidamo kala taabacsan xukuumadda iyo xubnaha mucaaradka.
Ujeeddo: Tallo Iyo
#BreaNews #Somalia’s Federal #President H.E. Hassan Sheikh wants to fire his #PrimeMinister H.E. Hamza Abdi Barre after supporting #Hamas which he gained more popular support in #Somalia and around the wo
WARARKA MAANTA 11ka Diseembar 2023 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soos socda? Maxay tahay sababta ay dhowr waddan oo Carab u rabto in xukunka laga tuuro Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre? Yaa kamid ah wasiirada weyn doona xillalkooda? Maxayse tahay qalabka madaxa looga soo xiray Madaxweyne Mudane Xassan oo xitaa lgu khaarajin karo haddii uusan fulin heshiiskii laga soo saxiixay? Yaa moqon doona Guddomiyaha Goalaha cusub ee Aqalka hoose? `Maxayse beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaallo ah soo siiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud? Yaa shacabka Soomaaliyeed runta ka qarin kara? Yaa maxkammaddaha dalka ka dhigay meel musuqmaasuqa iyo inkiraada ay ka dhex sheegaan dadka sharciga iyo hawlaha maxkammaddaha la xiriira ka dhex shaqaynaaya? Ha wiqleyso
Galmudug 111ka Diseembar 2023 Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgallada culus oo ay wadaan ciidamada dowladda & kuwa deegaanka laga dareemayo koonfurta gobolkaas oo hoostaga Galmudug.
Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay haatan guluf xoogan ka wadaan magaalada Camara oo kamid ah meelihii uhu dambeeyay ee laga saaray Al-Shabaab.
Bartimaameedka ciidamada ayaa ah sidii ay kooxda uga saari lahaayeen deegaanka Caad, sida uu xaqiijiyey Wariyaha Idaacadda Kulmiye uga SOO warrama deegaanada Galmudug. “Qorshaha abaabulkan waa sida saacadaha, maalmaha iyo xilliyada soo aadan lagu qaban lahaa deegaanka Caad” ayuu yiri Wariye Xasan Axmed oo ku sugan jiida hore.
Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhowr jiho ay duulaan uga yihiin deegaankaasi, si loo xoreeyo.
Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa wajahaya xaalad adag oo ka dhalatay daadadka ku dhuftay gobollada dhexe, waxaana lasoo wariyay inay ku go’doonsan yihiin halkaasi.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan koonfurta gobolka Mudug.
Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo kaashanayaa dadka deegaanka ayaa howlgallo jab lagu gaarsiiyay Al-Shabaab ka waday Galgaduud iyo Mudug.
Riyaad 111ka Diseembar 2023 – Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ku raacay Ra’iisul wasaare Xamse mowqifka Soomaaliya ee xaaladda Qasa, isagoo khudbad ka jeedinayay madaxweynaha shir madaxeedka Afrika iyo Carabta oo shalay ka furmay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga. “Waxaan jeclaan lahaa inaan xuso walaaca ay Dawladda Soomaaliya ka qabto xaaladda ka taagan Qasa waxaan ku baaqeyna xabbad joojin deg deg ah iyo gaarsiinta gargaar bini’aadanimo sida loo caawiyo dadka aadka u nugul,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikj.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in laga shaqeeyo sidii xal labo Dawladood ah loo gaari lahaa sida ugu dhaqsaha badan.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhawaan sheegay in kooxda Xamaas aysan ahayn urur Argagixiso, balse ay tahay koox mujaahidiin ah oo u taagan xoreynta iyo ilaalinta dhulka Falastiin.
Ra’iisul Wasaare ayaa ku nuux-nuux saday in xal kaliya ee lagu qanci karo uu yahay in la helo laba dowladood, isagoo yiri “Ma tanaasuli doono ilaa aan ka aragno dowlad Falastiin ah oo caasimad u ah magaalada Quddus.
Muqdisho 111ka Diseembar 2023 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay diyaarisay kumanaan askari oo boolis ah, si ay ula wareegaan amniga dalka oo dhan, marka ay bisha December ee sanadka soo socda dalka ka baxaan ciidamada ATMIS.
Ciidamadan oo gaaraya illaa 40 kun ayaa 20 kun oo kamid ah waxay diyaarisay dowladda dhexe, halka 20 kun ee kalena ay min 4 kun u qaybsan doonaan maamullada dalka.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dhismaha ciidamadan booliska ah ayaa shaaca ka qaaday inay aas aas u noqon doonaan amniga dalka oo dhan.
“Ciidankaani aas aas wuxuu ka yahay mas’uuliyadda amniga dalka oo dhan oo dunidu ay nagu wareejin doonto amnigeena oo la oran doono waad qaan gaarteen amnigiina idinku la wareega” ayuu khudbadiisa yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la qalabeeyo ciidamadaasi, lagana fakiro tayo ahaan iyo tiro ahaan intaba.
“Tirada kusoo aada DFS ee booliska ah waa tiro la rabo oo waajib ay tahay in la qalabeeyo dhammaanba tayo ahaan iyo tiro ahaana loo diyaariyo sida uu amniga ula wareegi lahaa, kuwa State-ka kusoo aadana, sida ayaa laga rabaa ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waa mas’uuliyad aan qaadeyno, Ummadaha hortoodana aan ku qaadeyno”.
Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso sidii ay ula wareegi lahayd amniga dalka oo dhan maadaama uu sii dhammaanayo muddo xileedka howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.
Si kastaba, dowladda federaalka oo arrintan dadaal gelineysa ayaa sanadkii lasoo dhaafay xoogga saartay dagaalka Al-Shabaab, waxaana laga xoreeyay dhul aad u ballaaran.
Muqdisho 111ka Diseembar 2023 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa sheegay inay soo gaartay farriin uga timid shacabka Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in laba farriimood oo muhiim ah ay kasoo gaartay reer Muqdisho, ayna wax ka qaban doonto xukuumadda oo kaashaaneysa maamulka gobolka.
Xamza ayaa sheegay in farriinta koowaad ay tahay in wax laga qabto saameynta ka dhalatay roobabkii ka da’ay caasimada oo burbur iyo dhibaatooyin ka geystay Muqdisho.
“Dadka reer Muqdisho farriintiina waa nasoo gaartay, laba farriimood oo muhiim ah oo ay dadka Muqdisho soo direen ayaa jirta mid waxaa weeye biyahaas in wax laga qabto iyo daadadka magaaladaan mar walba kusoo rogmada” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.
Sidoo kale farriinta labaad waxa uu ku sheegay inay tahay dalab uga yimid shacabka oo ku aadan in dhagxaanta laga qaado waddooyinka xiran, maadaama uu soo hagaagay amniga degmooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna ballan qaaday in la fulin doono fariimahaasi.
“Qodobka labaad waxaa weeye amniga magaalada haddii uu fiicnaaday in dhagxaanta la qaado iyagana waa fariimaha ka imaanaya bulshada, waxaana leenahay bulshada reer Muqdisho fariimihiinii wayna soo gaareen, waana la sameyneynaa” ayuu mar kale yiri.
Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sidoo kale faray maamulka gobolka inuu wax ka beddalo qorshaha dhismaha waddooyinka, si xal waara loogu helo daadadkan soo laa laabtay.
“Guddoomiyaha gobolka waxaa fareynaa inay u howlgalaan sidii wax looga qaban lahaa waan hubaa inay ku dhex jiraan oo aysan labadaan habeen seexanin oo ay aad u ordayeen, laakiin haddana waxaan u baahanahay sideedaba in magaaladan habka ay hadda biyuhu u fariistaan iyo laamiyada la dhisayo way is diidan tahay marka waxaanu u baahanahay habkii mariinada ahaa ee ay biyuhu u mari jireen ee saxda ahayd in la raadiyo” ayuu yiri.
Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay xaaladaha ka dhashay fataahadaha iyo daadadka ku dhuftay qaybo badan oo kamid ah dalka, isaga oo ku baaqay in laga qayb-qaato gurmadka.
“Aan isku dayno inaan ka qayb qaadano dadkeena sidii loogu gurman lahaa, dowladdu way dadaaleysaa wixii tabar ah ma yareysaneyso” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.
Muqdisho 111ka Diseembar 2023 Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay qaaday tallaabo deg-deg ah oo uu maamulkiisa uga jawaabayo xaalad soo wajahday Muqdisho oo ay ku dhufteen roobab daadad xoogan wata.
Madaale ayaa xalay kormeer ku tagay goobaha ay biyaha dhigeen roobabkii ka da’ay Muqdisho, isaga oona warbixin ka dhageystay Guddiga maareynta iyo xal u helida saameynta uu reebay roobabkaasi.
Xubnaha guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay in inta badan goobihii ay biyaha dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay caasimada la maareeyay, goobaha harsanna la maareyn doonno waqtiyada soo socda.
Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in ay socdaan shaqooyinka dib-usoo celinta bilicda iyo nadaafada magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Dhankiisa guddoomiyaha gobolka oo ka hadlay arrintan ayaa faray guddiga in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu shaqeeyo goobaha ay biyaha dhigeen roobabka daadadka watay ee ka da’ay magaalada Muqdisho, sidoo kalena dib loosoo celiyo bilicda Caasimadd.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale guddiga heer gobol ugu baaqay in loo diyaar garoobo xaalad kasta oo soo kordhi karta, taasi oo ku saabsan saadaasha laga bixinayo roobabka daadadka wata ee El-Nino oo weli kusoo wajahan qeybo ka mid ah gudaha dalka.
Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay fatahaado iyo roobab daadad wata oo ka da’ay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Xaaladdan ayaa sababtay, dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac ay sameeyeen boqolaal kun oo qoys oo ay saameeyeen roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ay gudaha dalka.
DEG DEG : Gacantii uu ku saxiixay Xilka Qaadista Xamza , ayaa illaah Cuqubo ugu riday Garguurte.
WARARKA MAANTA 10ka Diseembar 2023 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa noqom doona Raysal Wasaaraha cusub ee soo socda? Maxaase ku khasbay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh inuu beddelo Raysal Wasaare Mudan Xamsa Cabdi Barre Iyo xukuummaddiisa ee Dhiqlaha/Kutaanta”? Maxuuse ahaa qaliinka lagu sameeyey Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ee Imaaraadka? Maxay soo dhex geliyeen jirka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud? Maxayse ka duubeen? Maxaase hadda ku qasbay Warbaahinta Dowladda inay sheegto qaliinkiisa ay horayba u inkireen inay faafiyaan? Yaa runta ka qarin kara Shacabka Soomaaliyeed? Yaase diidi kara inuu fashil weyn iyo shaqo la’aan ku dhici doonto rag saaxiibo dhow la ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh? Ha wiqleyso
EAC 10ka Diseembar 2023 Xoghayaha Guud ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) Peter Mathuki ayaa sheegay in Soomaaliya ay bishan gudaheeda ku biiri karto dallada EAC.Shir madaxeedka caadiga ah ee madaxda dowladaha gobolka ee xubnaha ka ah EAC, ayaa 23-ka ilaa 24-ka bishan November ka dhici doona magaalada Caruusha.
Waxaa la filayaa in madaxweynayaasha ay taageeraan ku biiritaanka Soomaaliya ee dallada Bulshada Bariga Afrika.
“Bulshada Bariga Afrika waa suuq ay ku nool yihiin dad gaaraya 300 oo milyan. Bisha Nofeembar, waxay u badan tahay in aan Soomaaliya ku biirino dallada,” ayuu yiri Peter Mathuki.
Dr Mathuki ayaa sheegay in EAC ay tahay mid dadka udub dhexaad u ah wuxuuna carrabka ku adkeeyay doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo isdhexgalka gobolka.
Waxa uu sheegay in ganacsiga EAC uu laba laab kor u kacay tobankii sano ee la soo dhaafay.
KhaatumoState 0ka Diseembar 2023 Maamulka SSC- Khaatumo ayaa soo bandhigay ugu yaraan 10 maxaabiis ah oo katirsan ciidamada Soomaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaallo shalay ka dhacay degaanka Buq-dharkaynWarsaxaafadeed kasoo baxay maamulka SSC- Khaatumo ayaa lagu sheegay in maxaabiistani ay ku jiraan saraakiil sare sare, iyo sidoo kale gaadiid dagaal iyo hub.
Wareysiyo laga qaaday maxaabiista waxay ku sheegeen, in si wanaagsan loola dhaqmay markii lasoo qabtay. Qaar kamid ah oo dhaawacyo qaba ayuu maamulka SSC- Khaatumo u sameeyay daryeel.
SSC- Khaatumo waxay sheegeen, in madaxweynaha Somaliland uu ku guulaystay inuu colaad ka abaabulo gobolka Sool, iyagoo sheegay in ciidankiisa ay duulaan kusoo qaadeen dad reer guuraa ah ayna dileen dhowr qof oo shacab ah.
Maamulku wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu shacabkiisa ka difaaco waxay ugu yeereen duullaan qaawan oo lagasoo abaabulay magaalada Hargeysa.
Waxay tilmaameen in madaxweyne Muuse Biixi uu maalin walba ciidamo kusoo daabulayo Oog, si uu colaad joogto ah uga sameeyo dhulka SSC-Khaatumo.
Dhinaca kale, saakay oo jimco ah, degaano u dhaxeeya Yeyle iyo Oog waxaa lagasoo sheegayaa inuu ka socdo dagaal u dhaxeeya labada dhinac. Ma jirto wax faahfaahin ah oo weli kasoo baxay dagaalkaas.
Muqdisho 10ka Diseembar 2023 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay hakiyeen muddo saddex bilood ah bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya. Go’aankan ayaa daba socda codsi ka yimid Soomaaliya oo ku aadan in ciidamada ATMIS ay sii joogaan dalka si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
Codsiga Soomaaliya waxaa taageeray Midowga Afrika, iyo dhammaan dalalka ku deeqa ciidamada xoogga dalka, waxayna isku raaceen in muddo 90 maalmood ah dib loo dhigo ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika.
Qaramada Midoobay ayaa wada hadalo kula jirta Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) si loo xaqiijiyo in isbedel amni lagu guuleysto.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika Martha Pobee, oo booqatay Soomaaliya, ayaa sheegtay in hay’adaha caalamiga ah ay xaqiijin doonaan in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ay awood u yeeshaan inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga.
Waxay sheegtay in ciidamada ATMIS ay si tartiib tartiib ah uga baxayaan Soomaaliya iyagoo aan khatar la gelinayn guulaha laga gaaray dhanka ammaanka Soomaaliya.
Addis Abba 10ka Diseembar 2023 Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbadelka Cimilada XFS Khadiija Al-Makhzoumi ayaa ku guuleysatay Abaal-marinta Africa Sustainability Outliers Award oo ay kula tartantay 3 rag ah.
Tartanka ayaa ka dhacay Magaalada Adis-Ababa ee dalka Ethiopia,Ugu dambeynna Wasiir Khadiija ayaa lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay, isla markaana la guddoonsiiyey Abaalmarinta.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee XFS Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa ka mid noqotay musharixiin loo xushay ka qeybgalka tartanka billadda ee “Africa Sustainability Outliers Award, ee loosoo gaabiyo (ASO Awards 2023).
Wasiir Khadiija ayaa loogu xushay u tartamidda Billaddan shaqooyinka baaxadda leh ee ay ka qabatay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada oo ay ka midyihiin:- U heelanaanta gaarka ah iyo ka go’naanshaha in la abuuro mustaqbal Waara ee Afrika.
Hirgelinta hindiseyaal badan oo dhiirigelinaaya horumarinta adkeysiga deegaanka iyo horumarinta bulshada.
Sidoo kale Wasiir Khadiija ayaa tartankan loogu xushay Ka-qaybgalkeeda sare iyo doorka hoggaamineed ee ay Soomaaliya ka qaadatay shirkii cimilada ee lagu qabtay Sharm El Sheikh, Masar, 2022.
Daah-furka Hindisaha Darbiga Weyn ee Cagaaran, kaas oo qeyb ka ah Hindisaha Soomaali Cagaaran.
Wasiirka ayaa door weyn ka qaadatay Abaabulka howlgelinta howlaha wadatashiga ee daneeyayaasha iyo dedejinta hirgelinta howlahaas si Afrika loo gaarsiiyo horumar waara.
Dajinta hindisaha iyo aragtida weyn ee lagu beeraayo malaayiin geed, si kor loogu qaado xalalka tamarta la cusboonaysiin karo, awood siinta haweenka iyo dhalinyarada, abuuritaanka jawi nabadeed oo suurtagelinaaya horumarka iyo in dadku ay la qabsadaan isbedelka.
Maaddaama ay si dhab ah dalkeeda iyo dadkeeda ugusoo meteshay dalal badan oo ay aheyd Danjire, waxay u ololeysay wacyi-gelinta guud ee arrimaha deegaanka, si dadku ay si firfircoon ula falgalaan arrimaha deegaankooda, dalkooda, gobolkooda iyo caalamka oo dhan, si xal loogu helo arrimaha taagan ee saameynaaya horumarka waara.
Dadaalkeeda ayaa saameyn weyn ku yeeshay bulshooyinka, horumarinta kobaca dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, iyo horumarinta hab-nololeedyo, sidaas darteed u qaabaynaya mustaqbal waara ee Afrika.
Muqdisho 10ka Diseembar 2023 Taliska Booliska maamulka Puntland ee madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe ayaa siyaasiyiinta mucaaridka ah ku eedeeyay dhacdadii maalmo ka hor ka dhacday magaalada Garoowe.
Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf, oo ugu horrayn ka hadlay dhacdadii khasaaraha sababtay ee ka dhacday Garoowe ayaa siyaasiyiinta, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole iyo Asad Cismaan Diyaano ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin dhibaatadaasi.
Taliye Maxamed Cali Marduuf ayaa sheegay in rag hubaysan oo ay soo abaabuleen labadaas siyaasi ay weerar ku qaadeen soo dhaweyn barxadda Garoowe loogu samayn lahaa Youtuber-ka lagu magacaabo Kabtan Ayuub, taasina sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
G/sare Marduuf ayaa sidoo kale siyaasi Asad Diyaano ku eedeeyay in gurigiisa magaalada Garoowe laga tuuray hoobiye ku dhacay nawaaxiga xarunta madaxtooyada Garoowe, islamarkaana la tuuray markii uu weerarkii barxadda dhacayay.
Dhinaca kale, taliyaha Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa isna siyaasiyiinta mucaaridka ah ku eedeeyay in ciidamadoodu dhac u geysteen gaadiid dowladdu leedahay sidoo kale ay jiraan shakhsiyaad danbiyo kala duwan ku eedaysan oo u galay dhanka mucaaridka.
Maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe oo sidoo kale halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaridka ah ay qayb ka yihiin falalka amni-darrada ah ee ka dhacaya gudaha Puntland gaar ahaanna caasimadda Garoowe.
Muqdisho 10ka Diseembar 2023 Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda JFS Saalax Axmed Jaamac ayaa faah-faahin ka bixiyay saameynta roobabka iyo daadadka El-Niño, doorka muwaadinka iyo dadaalka ay waddo dowladda Soomaaliya.
Mudane Saalax oo warbixinta bulshada Soomaaliyeed kula wadaagay Twitter Space oo hadda loo yaqaan X Space ayaa sheegay in Webiga Shabeelle laga cabsi qabo in uu fataho, kaasi oo uu sheegay in biyo badan uu soo wado.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku dheeraaday ka hadalka xaaladda guud ee dalka gaar ahaan saameeynta ay fatahaaduhu ka geysteen gobollada dalka, waxa uu xusay in dowladda ay dadaashay iyada oo digniino u dirtay shacabka Soomaaliyeed ka hor inta aysan bilaaban fatahaadaha.
Waxa uu sheegay in xaalad halis ah uu ku jiro gobolka Gado, gaar ahaan degmooyinka Doowlow, Baardheere, Luuq, Buurdhubo, Garbahaarey, oo uu sheegay in ay dadka qaar ay go’doomeen, sidoo kale waxa uu xusay garoomadii ku yaalay deegaanadaasi in ay dhammaantood wada xirmeen.
Dhanka dowlad-gobaleedka Jubbaland ayuu ra’iisul wasaaruhu sheegay in magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobley ay ku soo rogmadeen togog, kuwaasi oo uu xusay in ay geysteen khasaare kala duwan.
Deegaannada Koonfur Galbeed ayuu sidoo kale sheegay in laga soo warinayo xaalad halis ah, iyada oo magaalooyinka Baydhabo, Buurhakaba, Ceelbarde, Raqdhuube iyo Waajid laga soo warinayo xaalad la mid ah kuwa magaalooyinka kale.
Mudane Saalax ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xukuumadda ay iska saartay qaar kamid Golaha Wasiirrada, kuwaasi oo ka kala socday Wasaaradaha; Arrimaha gudaha, Caafimaadka, Gaashaandhigga, Waxbarashada, Ciidanka iyo Duulimaadka.
Si kastaba, roobabkaas ayaa dhaliyay daadad xooggan, oo ay ka dhasheen khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhawaac iyo khasaare hantiyadeed, sida ay hore u baahisay dowladda.
Sacuudiga 10ka Diseembar 2023 – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa heshiis cusub ku saxiixday magaalada Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse ayaa heshiiskan oo ah mid iskaashi ayaa qalinka ku duugay, isaga oo la saxiixday dhigiisa Boqortooyada Sacuudiga Mudane H.E Faisal bin Farhan Al Saud.
Heshiiskaan iskaashi ayaa waxa uu waddada u xaarayaa wada-shaqaynta labada dal iyo in hay’adaha labada dal si goonni-goonni ah u galaan is-fahanno iyo heshiisyo wada-shaqayneed.
Dhawaan ayey aheyd markii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen heshiis u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Hesiiskaas ayaa ku saabsana dhinaca iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, sida markaas lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
“Golaha wuxuu ansixiyay heshiis dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo dowladda boqortooyada Sacuudi Caribiya, kaas oo ku saabsan dhinaca amniga oo labada waddan ay iska kaashan doonaan.”
Si kastaba, Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dhaqaalaa iyo arrimaha bani’aadanimada.
Muqdisho 10ka Diseembar 2023 Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa shaaciyay afar qodob oo muhiim ah oo uu la wadaagay madaxda sare ee dalka.
Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in madaxda qaranka uu la wadaagay in lagama maarman tahay in la helo siyaasad cad, iyo istaartiijiyad qeexan, iyo ka go’naan hoggaan oo ku aadan sidii looga bixi lahaa silica abaar iyo fatahaad u dhexaynta ee bulshada Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in sanad kahor ay dunida weydiisteen in Soomaaliya ay gargaar u fidiyaan si looga hortago abaar macluul keeni karta, hase yeeshe maanta bulshada Soomaaliyeed qaarkood wajahayaan xaalad adag oo ka dhalatay roobka iyo fatahaadaha.
“Maantana waxaan dhex taaganahay fatahaad dadkii iyo duunyadiiba daad qaaday. Intii aan ku hawlanaa gurmadka abaaraha, ayaan afartan qoddob oo ila ahaa kuwa ugu muhiimsan sida looga bixi karo silica abaar iyo fatahaad u dhexaynta u gudbiyey madaxda qaranka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Isku gurmadka iyo istaakulaynta waa dhaqanka suubaan ee Soomaalida jiritaankeeda badbaadiyey. Waxaa la joogaa xilligii loo samafali lahaa kuwa dhaxanta iyo dabaysha ku hoyanaya, hantidii yarayd ee ay lahaayeenna daadadku ka qaadeen. Sanad ka hor dunida waxaan waydiisanay in ay gargaar noo fidiyaan si looga hortago abaar macluul keeni karta. Maantana waxaan dhex taaganahay fatahaad dadkii iyo duunyadiiba daad qaaday. Intii aan ku hawlanaa gurmadka abaaraha, ayaan afartan qoddob oo ila ahaa kuwa ugu muhiimsan sida looga bixi karo silica abaar iyo fatahaad u dhexaynta u gudbiyey madaxda qaranka. 1- In la helo siyaasad cad, iyo istaartiijiyad qeexan, iyo ka go’naan hoggaan oo ku aadan ka mira dhalinta hawshan.
2- In xilka loo magacaabo dad leh karti iyo karaan u dhigma baaxadda hawsha.
3-Hoggaan jiheeya wadashaqaynta wasaaradaha iyo hay’adaha hawshan, joojiyana is barbar yaaca, is qabqabsiga iyo u kala eed sheegadka ajnabiga.
4- In lala xisaabtamo hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa dawliga ah, kuwa ahliga ah iyo shakhsiyaadka ka shaqeeya gargaarka bani’aadamka, mashaariicda u adkaysiga aafooyinka iyo horumarka.
“Ilaaheey qolo ma beddelo inta ay iyagu iska beddelayaan”.
WARARKA MAANTA 9ka Diseembar 2023 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Maxay tahay Maxkammad aan waxba ka qaban karin Kiiskii Marxuumad Ikraam Taxaliil inay xukun xaaraan ah ku rido Jaraal Sheegoow iyo dhallinyaradii ilaalinaysay? Maxayse tahay Maxkamad dhexdeeda been looga sheegayo dakareeto Madaxweyne ku dalacsiiyey Janaraal Sheegoow iyo rag kale in la inkiro? Maxaa loo caawin karin shacabka daadka iyo gaajada aafeeyeen? Maxaase shacabka ka og yihiin caafimaadka Madaxqeyne Mudane Xassan oo halis ku jira? Maxayse Dowladda Soomaaliya u rabtaa in la burburiyo Dowlad Gobaleedyada #SouthWest State, #puntlandState, #JubbalandState iyo #SomalilandState? Ha wiqleyso
South Africa 9ka Diseembar 2023 Wararka ka imaanaya deegaanka Phillipi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika ayaa sheegaya in burcad hubeysan ay halkaasi ku dileen laba muwaadin oo Soomaali ah. Burcada hubeysan ayaa labada Muwaadin ee Soomaaliyeed oo ku dhex dilay goobtooda ganacsi oo ku taalay deegaanka Phillipi, waxaana la sheegay in dilka kadib ay dhaceen agabkii muhiimka ahaa ee dukaanka yaalay.
Labada Muwaadin ee Xalay lagu dilay dalka Koonfur Afrika oo ah wiilal dhalinyaro ah ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin.
Dilka kadib ciidamo ka tirsan Booliiska dalkaas ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay baartaano aanan kooban oo aysan kasoo bixin wax natiijo ah.
Bishaan Novembar gudaheeda waxaa dalka Koonfur Afrika meelo kala duwan oo ka mid ah lagu dilay ilaa sideed Muwaadiniin Soomaali ah oo dalkaasi u shaqo tagay, mana jirto cid wax ka qabaneysa dilalkaasi joogta ah ee lagu haayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ka dhex ganacsada.
Muqdisho 9ka Diseembar 2023 \Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Anthony Blinken ayaa ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo mideysan, kadib marka dagaalka hadda socdaa uu dhamaado. Arrintan ayaa ah tallaabo ay Falastiin dawlad buuxda ku noqon karto.
Aragtidan dawladda Maraykanka ayaa sii soofeynaysa farqiga u dhexeeya Maraykanaka iyo Israel oo ay xulufo yihiin, marka laga hadlayo dhulka reer Falastiin, kadib dagaalka Israel iyo Xamaas u dhexeeya.
Hadalka Blinken ee la xiriira sida Maraykanku u arko tallaabada xigta ee Gaza ayaa sidoo horjoogsanaya haddalo saraakiisha midigta fog ee Israel iyo tagaareeyaashoodu ay maalmahan wareejinayeen.
Ra’iisul Wasaare Benjamin Natenyahu ayaa Isniintii la soo dhaafay sheegay in ay u badan tahay in militariga Israel uu amniga Gaza si abadi ah u maamuli doono, arrintaas oo walaac galisay dawladda Maraykanka.
Blinken oo warfidiyeenka kula hadlaya isaga oo jooga dalaka Japan ayaa sheegay in qorshe kasta oo Gaza la xiriira, dagaalka ka dib, inuu ahaado maamul ay Falastiin hogaamiso oo Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza ay ku mideysan yihiin.
Israel ayaa kumanaan qof ku xasuuqday Gaza. Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dhimashada ee dadka rayidka ah ay gaartay 10,569 qof, oo ay ku jiraan 4,324 carruur ah.
Tani ayaa ka dhigan in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay weerarada Ciidamada Israel ku dhinteen 241 qof, sida ku cad tiradii ugu dambeysay ee shalay la shaaciyay.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa mar kale Maamulka Israel ugu baaqday in ay joojiyaan dhacdooyinka argagaxa leh ee ay ka gaysanayaan Gaza.
Muqdisho 9ka Diseembar 2023–Afhayeenkii hore Wasaaradda Amniga ee Xukuumadii Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre Cabdicasiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa wareysi lala yeeshay wuxuu kaga hadlayo arrimo dhowr ah, isaga oo ka sheekeynaya dhacdooyinkii uu goob jooga u ahaa xilligii uu ahaa afhayeenkii Wasaaradda Amniga.
“Markii dib loo doortay Madaxweyne Xassan wuxuu wacad ku maray inta uu dalka madax ka yahay inuu kooxda Shabaab la diriri doono, dalka na ka xorreyn doono,” ayuu yiri C/casiis Xildhibaan isaga oo dhinaca kale na tilmaamay in marka isbarbar dhig lagu sameeyo Dowladdii hore iyo Dowladda madaxweyne Xassan Sheekh inuu jiro farqi weyn oo dhinaca amniga ah.
“Waxaa jira wareysi dhowaan lala yeeshay Taliyihii Sirdoonka Bashiir Maxamed Jaamac wuxuu u sheegay shacabka Soomaaliyeed in 2 Dowladood ay ku wada noolaayeen Muqdisho, qatarta amniga na ay ka sareysay tan maanta jirta, dhacdadii 14-ka Oktoobar kaddib 7 maalmood ayeey xirneyd Dekadda Muqdisho,” ayuu yiir Cabdicasiis Xildhibaan, wuxuuna intaasi ku daray inuu ka mid ahaa 5-tii qofood ee ugu horreeysay ee shaqada iska casilay.
“Waxaad ogtahay nabadgelyada ka jirta caawa Muqdisho meesha ay joogto & meeshii ay joogtay xilligii aan Afhayeenka ahaa, waxaan shirarka jaraaid ku qaban jiray goobaha ay qaraxyada ka dhacaan iyada oo uusan ila socon askari,” ayuu yiri Cabdicasiis Xildhibaan, wuxuuna intaasi ku daray inuu u bareeray inuu qatartaas.
“Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre markii aan ka dalbaday in ilaalo la ii sameeyo wuxuu igu yiri kuwa qabiilkaaga ka tirsan oo ilaalo kuu noqda la imow, waxaan ku iri ma jiraan miyaa ciidamo Dowladdu leedahay?,” ayuu yiri Cabdicasiis Xildhibaan oo intaasi ku daray in taasi qeyb ka aheyd sababihii uu isku casilay.
Muqdisho 9ka Diseembar 2023 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay halkaasi.
Qaraxa oo ahaa bam-gacmeed ayaa ka dhacay xaafada Jabad Geele oo ka tirsan deegaankaaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Wararka ayaa sheegaya in bamka lagu weeraray xarun ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare hantiyeed oo burbur u badan.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban ka sameeyay halkaasi, si ay gacanta ugu soo dhigaan raggii ka dambeeyay falkaasi.
Weerarkan waxaa ka horreeyay qarax shalay lagu xiray xarun kale oo ay shirkaddan ku leedahay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, taas oo qayb ahaan burburtay.
Ma cadda sababta ka dambeysa weeraradaan is xig-xiga, balse inta badan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa weerarada noocaan oo kale ka fuliya gudaha dalka.
Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, deegaan weynaha Ceelasha Biyaha ee Shabeelaha Hoose.
Weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada dhankooda ciidamada ammaanka ay kordhiyeen howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
Muqdisho 9ka Diseembar 2023 Dowladda UK ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay xaaladda cakiran ee Puntland, gaar ahaan muranka hareeray doorashada.
Safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Dalsan ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda cakiran ee Puntland, isaga oo ku baaqay in weli lagu dhammeeyo deganaan, si looga hortago qalalaase kale.
Ugu horreyn wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay iska hor imaadkii Garoowe ka dhacay, kaas oo u dhexeeyay ciidamo kala tirsan maamulka iyo xubnaha mucaaradka.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdiisa ay si dhow ula socoto xaaladda Puntland, ayna ogtahay kala aragti duwanaasha u dhexeeya labada ee isku haya doorashada maamulkaasi.
“Run ahaantii waxaan ognahay inuu jiro kala aragti duwanaasho ku saabsan taariikhda iyo qaabka doorashada u dhaceyso iyo in madaxweyne Deni, mucaaradka iyo kooxo kala duwan oo kamid ah odayaasha beelaha ay is haytaan, codkoodana aan la maqleyn” ayuu yiri.
Danjite Mike Nithavrianakis oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu walaac ka muujinayo in arrintu ay sidaan kusii socoto, isla-markaana ay meesha ka baxdo kala dambeynta.
Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in UK ay saameyn doonto dadaal kasta oo lagu qaboojinayo xiisadda, isla-markaana ay la kulmi doonaan dhinacyada is haya.
“Waxaan ka walaacsanahay suurtagalnimada sii kicinta run ahaantii waxaan wada-hadal la yeelan doonaa qaar kamid ah shaqsiyaadka muhiimka ah maalmaha soo socda, si aan ugu boorino xakameynta” ayuu mar kale yiri safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.