Wararka

WARARKA MAANTA 210ka Sebteembar 2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa burburiyey jiritaankii Dowladda #Somalia Madaxweyne hore Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxay #Puntland ku dhawaaqday? Yaa noqon doona Raysal Wasaare cusub kadib xisbiga #JSP oo raba xunka dalka inay si sharci-darro ku sii joogaan? Maxuu kashiay Madaxweyne hore Mudane Shiikh Shariif oo runta ka sheegay Madaxweyne hore Mudane Xassan Shiikh oo fashil iyo xukun xoog raba inuu Madaxtooyada ku joogo? Maxuuse Madaxweyne hore Xassan waxba uga qaadi waayi #Somaliland, #Puntland Iyo #Jubbaland? Yaase boobsay shacabka #Muqdisho? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho 21ka Sebteembar 2026 Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM, General Sabahattin Kalkan. 

Muqdisho 21ka Sebteembar 2026 Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar  Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) oo Sanatarrada Aqalka Sare ka hor jeediyay warbixinta akhrinta saddexaad ee Hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda dhakhliga. 

Muqdisho 21ka Sebteembar 2026 Waxaan maanta shir guddoomiyey kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 17-aad oo aan ku dhameystirnay dooda la xiriirta dhibaatada Burcad Badeedda iyo saameynta ay ku yeelatay Bulshada Soomaaliyeed  

New York 21ka Sebteembar 2026 Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa iska diiday inuu salaanta ka qaado Cabdiraxmaan Cirro, oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa New York u tagay ka-qaybgalka shirka Qaramada Midoobay oo ka furmaya magaaladaasi.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna ku sugan New York, halkaas oo uu u tegay dalxiis

Masar 21ka Sebteembar 2026 Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa sheegay in dalkiisu si buuxda u taageerayo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo si cad uga horyimid tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. El-Sisi ayaa hadalkan sheegay maanta xilli uu Qaahira kula kulmay madaxa Hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka (CIA), John Ratcliffe. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxa Sirdoonka Guud ee Masar, Hassan Rashad.

Ratcliffe ayaa dhankiisa sheegay in Mareykanku uu qadarinayo doorka Masar ee taageerada amniga iyo xasilloonida Afrika. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay sii wadaan wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga xogta, gaar ahaan xaaladda Suudaan, horumarrada Soomaaliya iyo Geeska Afrika, iyo amniga maraakiibta caalamiga ah.

Sida laga soo xigtay dhinaca Masar, wada-shaqeyntaas ayaa diiradda lagu saarayaa wax ka qabashada caqabadaha amni iyo kuwa juqraafi-siyaasadeed, ururrada argagixisada iyo dambiyada abaabulan, iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga sirdoonka.

Kulanka Sisi iyo Ratcliffe ayaa sidoo kale looga hadlay xiriirka istiraatiijiga ah ee Masar iyo Mareykanka iyo xaaladaha ka jira Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan dagaalka Iran, qorshaha xabbad-joojinta Gaza, arrinta Falastiin iyo dagaalka Suudaan.

Masar ayaa muddooyinkii dambe si joogto ah u muujisay taageeradeeda ku aaddan midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyadoo sidoo kale sheegtay inay ka qeyb qaadanayso dadaallada amniga iyo xasillinta Soomaaliya.  

Muqdisho 21ka Sebteembar 2026 Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya ayaa hay’adaha caafimaadka dowladda ku amartay in aan la qaadin tallaabooyin maamul oo wax ka beddelaya xilalka iyo qaab-dhismeedka shaqaalaha, inta laga soo saarayo habraacyada rasmiga ah ee dib-u-habaynta shaqaalaha dowladda. Amarkan ayaa ku socda Hay’adda Maaraynta Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliyeed, Machadka Caafimaadka Qaranka, Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka iyo Hay’adda Caymiska Caafimaadka Qaranka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in amarka uu yahay dhaqan-gelin ku saabsan awaamiir uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya soo saaray 17-kii Sebtembar 2026, iyo warqad ka soo baxday Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka oo ku taariikhaysan 19-kii Sebtembar.

Warqadda wasaaradda ayaa si gaar ah u sheegaysa in hay’adaha aysan qaadin xil-ka-qaadis, beddelid, wareejin ama magacaabis cusub oo carqaladayn karta hannaanka dib-u-habaynta shaqaalaha dowladda.

Madaxda hay’adaha caafimaadka ayaa sidoo kale lagu amray inay ilaaliyaan xaaladda maamul ee hadda jirta, ayna ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax ka beddeli karta xilalka iyo qaab-dhismeedka shaqaalaha.

Wasaaradda ayaa sheegtay in haddii ay soo baxdo baahi loo qabo tallaabo maamul oo lama huraan ah, marka hore loo soo gudbiyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, si loo hubiyo inay waafaqsan tahay amarka Ra’iisul Wasaaraha iyo awaamiirta Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka.

Amarka ayaa dhaqan galay laga bilaabo 20-ka Sebtembar 2026, sida ku cad warqadda uu saxiixay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Ali Haji Adam Abubakar.

Puntland 21ka Sebteembar 2026 Ciidamada ammaanka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabtay, sida ay sheegeen saraakiil ciidan, ku dhowaad 130 askari iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada lagu qabtay laba gaari oo nooca B.G ah, kuwaas oo ay sheegeen inay ka soo tallaabeen dhanka Galmudug, islamarkaana ay galeen qaybta waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee ay Puntland maamusho.

Sida ay saraakiishu sheegeen, ciidamada la qabtay ayaa ahaa askar cusub oo lagu soo tababaray gobolka Galgaduud, waxaana la sheegay inay ku sii jeedeen xerada Xananbuure oo dowladda Federaalka ay ku leedahay Galmudug.

Saraakiishu waxay sheegeen in aan weli si rasmi ah loo caddeyn sababta ay ciidamadaasi ugu soo galeen waqooyiga Gaalkacyo, balse xogaha laga helayo dhinaca ammaanka ayaa tilmaamaya in labada gaari ay ka habaabeen waddadii ay ku socdeen.

“Ciidankii saarnaa labada baabuur waxay gaarayeen 130 askari iyo saraakiil isugu jirta,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland, oo ka hadlay qabashada ciidamada.

Labada gaari iyo ciidamada la socday ayaa sida ay saraakiishu sheegeen hadda ku jira gacanta ciidamada ammaanka Puntland ee gobolka Mudug.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Puntland iyo dowladda Federaalka, iyadoo arrimaha la xiriira ciidamada iyo dhaqdhaqaaqooda ay ka mid yihiin qodobada xasaasiga ah ee labada dhinac ku kala aragti duwan yihiin.

Muqdisho 21ka Sebteembar 2026 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Pakistan, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca. 

Wafdiga Pakistan waxaa hoggaaminayay Air Marshal Muhammad Sarfraz, Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan.

Kulanka, oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, wada-hadalladu waxay diiradda saareen dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliya, kordhinta awooddiisa hawlgal, iyo horumarinta aqoonta iyo tababarka ciidamada.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in iskaashiga noocan ahi qayb ka yahay qorshayaasha lagu dhisayo laguna horumarinayo ciidamada qalabka sida.Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Pakistan, isagoo sheegay in iskaashiga difaacu uu gacan ka geysan karo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoojinta amniga, madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Booqashada wafdiga Pakistan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu dib loogu dhisayo Ciidanka Cirka, iyadoo sidoo kale raadineysa iskaashi caalami ah oo lagu horumarinayo awoodda dalka ee ilaalinta hawadiisa iyo difaaca cirka.

Pakistan iyo Soomaaliya ayaa horey uga wada hadlay iskaashiga ciidamada cirka. Saraakiil ka kala socotay labada dal ayaa magaalada Islamabad ku kulmay 2020, iyagoo ka wada hadlay tababarro iyo taageero la xiriirta horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliya.

WARARKA MAANTA 19ka Sebteembar 2026 

Su’aalaha Maanta: Maxuu kashiay Madaxweyne hore Mudane Shiikh Shariif oo runta ka sheegay Madaxweyne hore Mudane Xassan Shiikh oo fashil iyo xukun xoog raba inuu Madaxtooyada ku joogo? Maxuuse Madaxweyne hore Xassan waxba uga qaadi waayi #Somaliland, #Puntland Iyo #Jubbaland? Yaase boobsay shacabka #Muqdisho? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Maraykanka 19ka Sebteembar 2026 Dowladda Maraykanka ayaa oggolaatay in Qaramada Midoobay ay muddo hal sano ah oo dheeraad ah ku soo afjarto taageerada saadka ee ay siiso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AUSSOM, iyadoo mustaqbalka taageerada howlgalka uu weli mugdi ku jiro.  Sida ay Reuters sheegtay, muddada kala-guurka ayaa bilaabanaysa Jannaayo 2027, taas oo Qaramada Midoobay siinaysa waqti ay si tartiib ah ugu yareyso una soo afjarto hawlaha taageerada saadka ee AUSSOM.

Qaramada Midoobay, oo adeegsanaysa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa AUSSOM u fidisa adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin shidaalka, cuntada, caafimaadka, gaadiidka, isgaarsiinta, injineernimada iyo duulista.

Hase yeeshee, Maraykanka ayaa sheegay inuusan sii maalgelin doonin howlgalka UNSOS, oo miisaaniyaddiisu ku dhowdahay 500 milyan oo dollar sanadkii, iyadoo aan weli la helin hannaan kale oo si buuxda u beddela taageerada Qaramada Midoobay. 

AUSSOM waxaa loo sameeyay in uu taageero dadaallada Soomaaliya ee la xiriira amniga iyo xasilinta dalka, iyadoo Qaramada Midoobayna ay sii waddo taageerada saadka ee howlgalka. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu muddada hadda jirta ee AUSSOM iyo taageerada UNSOS ku saleeyay Qaraarka 2809, oo dhigaya dhammaadka 31-ka December 2026. 

Go’aanka cusub ayaa AUSSOM, Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku biiriya siinaya waqti dheeraad ah oo ay ugu diyaargaroobaan isbeddelka ku imanaya nidaamka taageerada saadka.

Si kastaba, weli lama caddeyn sida loo beddeli doono nidaamka ballaaran ee ay UNSOS hadda bixiso marka muddada kala-guurka ahi dhammaato, arrintaas oo muhiim u noqon karta awoodda ciidamada Soomaaliya iyo AUSSOM ee fulinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. 

Go’aanka Maraykanka ayaa sidaas darteed siinaya howlgalka waqti dheeraad ah, balse ma aha kordhin joogto ah oo lagu sii wado taageerada Qaramada Midoobay. 

Maraykanka 19ka Sebteembar 2026 Madaxweynaha MaamulkaSomaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xarunta Capitol Hill ee Washington, D.C., kulan kula yeeshay Senator Ted Cruz oo ka tirsan Aqalka Senate-ka Maraykanka, kaasi oo taageera qadiyada Somaliland. Sida lagu sheegay war kasoo baxay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, kulanka ayaa looga hadlay arrimaha la xidhiidha aqoonsiga Somaliland, xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, iyo fursadaha iskaashi ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland iyo doorka ay ku leedahay amniga Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, sida lagu sheegay bayaanka.

Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu uga mahadceliyey Senator Cruz mowqifyadiisa hore ee ku aaddan Somaliland iyo doorkiisa uu arrinta Somaliland kaga hadlay gudaha siyaasadda Maraykanka.

Senator Ted Cruz ayaa hore uga hadlay arrinta aqoonsiga Somaliland. Bishii August 2025, waxa uu maamulka Madaxweyne Donald Trump ugu baaqay inuu Somaliland u aqoonsado dal madax-bannaan, isaga oo ku sababeeyey aragtidiisa ku aaddan danaha amni iyo istiraatiijiyadeed ee Maraykanka.

Madaxweyne Cirro, sida lagu sheegay bayaanka, waxa uu sheegay in Somaliland ay doonayso xidhiidh ay la yeelato Maraykanka oo ku salaysan dano-wadaag, iskaashi iyo masuuliyad la wadaago, halkii uu ku salaysnaan lahaa kaalmo ama ku-tiirsanaan.

Kulanka ayaa ka mid ahaa kulamada uu Madaxweyne Cirro iyo weftigiisu ku leeyihiin Washington, iyadoo xukuumadda Somaliland ay halkaas ka waddo kulamo ay la yeelanayso siyaasiyiin iyo masuuliyiin Maraykan ah.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in weftigu ay sii wadi doonaan kulamada diblomaasiyadeed ee Washington, D.C., kuwaas oo, sida uu sheegay, looga hadlayo danaha iyo mowqifka Somaliland.

Muqdisho 19ka Sebteembar 2026 Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaan “Shub”, ayaa faahfaahin ka bixiyay duqeyn uu sheegay inay ka dhacday guri uu ka deganaa degmada Doolow ee gobolka Gedo, isaga oo sheegay in laba gantaal lagu dhuftay halka uu xilligaas ku sugnaa. General Mahad ayaa sheegay in dhacdadu ay dhacday habeen, xilli uu hurday, balse uu soo kacay kaddib markii uu maqlay qarax xooggan iyo diyaaraddii uu sheegay inuu arkay oo dusha ka maraysay guriga.

Sida uu sheegay, laba gantaal ayaa ku dhacay guriga, mid ka mid ahna uu ku dhacay qeybtii uu isagu jiifay. Wuxuu sheegay in dhismaha gurigu uu si weyn u burburay, iyadoo darbiyo, saqaf iyo qeybihii kale ee dhismaha ay waxyeello soo gaartay.

“Hal gantaal ayaa igu dhacay, mar labaadna mid kale ayaa yimid. Labada gantaal waxay ku dhaceen meesha aan jiifay,” ayuu yiri General Mahad, isaga oo tilmaamay in uu dhaawac ka soo gaaray firir ka dhashay qaraxa.

General Mahad ayaa sheegay in kaddib weerarka isaga iyo dad kale oo goobta ku sugnaa ay guriga isaga soo baxeen, waxaana uu sheegay in dhaawacyada loo qaaday isbitaalka degmada Doolow. Wuxuu xusay in ciidamo iyo mas’uuliyiin deegaanka ah ay u gurmadeen, isla markaana habeenkaas lagu daweeyay isbitaalka.

Wuxuu sheegay in markii waagu baryay uu dib u arkay gurigii uu deganaa, isagoo tilmaamay inuu burbur xooggan gaaray, isla markaana ay waxyeello soo gaartay xitaa qeybihii kale ee guriga iyo agagaarkiisa.

Qeyb kale oo ka mid ah wareysi uu bixiyay, General Mahad wuxuu ka hadlay dhacdooyin uu sheegay inay ka horreeyeen duqeynta. Wuxuu sheegay inuu dareemay dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn oo ku saabsan qaar ka mid ah dadka ku hareeraysnaa, isaga oo xusay in uu arkayay qof marar badan meelaha qaar taleefan kula hadlaya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah dadkii uu la socday ay markii dambe ka tageen deegaanka, halka qaar kalena ay u kala gudbeen Baydhabo iyo Muqdisho.

General Mahad wuxuu sheegay in markii uu Doolow yimid uu kulamo iyo xiriirro kala duwan yeeshay, isagoo xusay in dhacdooyinkaas ay isaga ku abuureen shaki ku saabsan xog uu sheegay in loo gudbinayay dhinacyo kale.

Si kastaba, sheegashooyinka uu General Mahad ka bixiyay cidda ka dambeysay duqeynta iyo xiriirka ay la lahaayeen dadka uu sheegay inuu ka shakiyay si madax-bannaan looma xaqiijin.

General Mahad Cabdiraxmaan ayaa muddo soo ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, waxaana hadalkiisa ku saabsan duqeynta Doolow uu ku sheegay in weerarku dhacay xilli uu isaga iyo dad kale ku sugnaayeen guriga.

Dowladda Soomaaliya ayaa iska fogeeysay in wixii ka dhacay Guriga General Shub ay ahaayeen duqeymo cirka ah balse ku tilmaamay waxyaaba qarxa oo Guriga lagu diyaarinayay.

Illaa iyo hadda ma jirto baariraan rasmi ah oo sheegashooyinka labada dhinac ka madax banaan oo xaqiijinaya waxa ka dhacay Doolow.

ICG 19ka Sebteembar 2026 Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group (ICG) ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajahayso kala-guur weyn oo dhinaca amniga ah, kaddib markii Mareykanku muujiyay inuusan doonayn in taageerada Qaramada Midoobay ee howlgalka Midowga Afrika ay sii socoto muddo dheer. Warbixintu waxay sheegtay in Mareykanku uu bishii Luulyo Midowga Afrika ku wargeliyay inuusan taageerayn kordhinta muddada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) wixii ka dambeeya dhammaadka muddada hadda jirta ee Diseembar 2026. Hase yeeshee, bishii Sebtembar ayay diblomaasiyiin Mareykan ah sheegeen in Washington ay tixgelinayso 12 bilood oo dheeraad ah, taas oo siinaysa dhinacyada waqti ay ugu diyaargaroobaan kala-guurka.

ICG waxay sheegtay in howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM uu si weyn ugu tiirsan yahay UNSOS, oo u qaabilsan sahayda cuntada, biyaha, shidaalka iyo gaadiidka, isla markaana taageera tobannaan saldhig oo ciidamada howlgalka ay ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya.

Sida warbixintu xustay, ciidamada AUSSOM ayaa tiradoodu hoos uga dhacday ku dhowaad 22,000 askari bartamihii 2010-meeyadii ilaa qiyaastii 12,000 askari xilligan, iyadoo howlgalka uu sidoo kale wajahayo dhaqaale yari.

ICG waxay sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay sannadihii dambe kobceen, iyadoo in ka badan 10,000 askari lagu tababaray taageero ay bixiyeen dalal ay ka mid yihiin Türkiye, Imaaraadka Carabta iyo Eritrea.

Hase yeeshee, warbixintu waxay tilmaantay in ciidamada Soomaaliya aysan weli si buuxda oo degdeg ah ula wareegi karin dhammaan mas’uuliyadaha AUSSOM, iyadoo tusaale loo soo qaatay howlgalladii ka dhacay Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidamada Soomaaliya ay weli ku tiirsanaayeen taageero dibadeed.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubaland, ay caqabad ku yihiin dhismaha ciidan qaran oo mideysan.

ICG waxay sheegtay in Soomaaliya ay horey u dhistay heshiisyo amni oo laba geesood ah oo ay la leedahay Uganda, Kenya iyo Itoobiya, taas oo suuragal ka dhigaysa in ciidamo ka socda dalalkan ay sii joogaan Soomaaliya xitaa haddii AUSSOM hoos u dhaco ama uu dhammaado.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay doorka sii kordhaya ee Türkiye, oo tababaray kumannaan askari Soomaaliyeed isla markaana Soomaaliya ka taageera dhinacyada milatari, iyo Mareykanka oo sheegay inuu sii wadi doono howlgallada uu si gaar ah uga fuliyo Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

ICG waxay sheegtay in haddii taageerada UNSOS ay dhammaato, ay adkaan karto in AUSSOM ay sii waddo hawlgalkeeda qaabkii hore, Waxay xustay in meelaha qaar ee ay ciidamada AUSSOM ka baxaan ay u nuglaan karaan weerarro iyo dib-u-qabsasho ay sameeyaan Al-Shabaab, iyadoo tusaale ahaan loo soo qaatay qaybo ka tirsan Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Warbixintu waxay sheegtay in magaalooyin iyo waddooyin muhiim ah ay u baahan doonaan qorshe gaar ah oo lagu ilaalinayo, iyadoo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa dalalka ay heshiisyada laba geesoodka ah la leedahay dowladda Federaalka ay door ka qaadan karaan, International Crisis Group waxay ku talisay in dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah ay si degdeg ah u diyaariyaan qorshe cusub oo amni, ka hor inta aan UNSOS si buuxda u dhammaan.

Warbixintu waxay sheegtay in iskaashi ku saleysan heshiisyo laba geesood ah uu Soomaaliya siin karo waqti ay ku xoojiso ciidamadeeda, balse uu sidoo kale leeyahay khataro haddii aan si wanaagsan loo isku dubbaridin, ICG waxay ka digtay in xiriirrada amni ee kala duwan ay keeni karaan in dalka loo kala qaybiyo aagag saameyn oo kala duwan, haddii aan la helin hannaan qaran oo mideeya ciidamada iyo qorshayaasha amni.

Ugu dambeyn, warbixintu waxay sheegtay in mustaqbalka fog xal waara uu ku xiran yahay awoodda dowladda Soomaaliya ay ku dhisan karto ciidan qaran oo si madax-bannaan u qaadi kara mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo sidoo kale loo baahan yahay in la xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha. 

Africom19ka Sebteembar 2026  AFRICOM ayaa sheegay in ay duqeyn ka fuliyeen degaano kamid ah Puntland iyagoo bartilmaameedsaday bakhaar lagu keydiyo hubka caadiga ah oo ay leedahay Al-Shabaab. Duqeyntan ayaa ka dhacday gobolka Sanaag, gaar ahaan qiyaastii 80 KM koonfur-galbeed magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka AFRICOM.

AFRICOM waxay sheegtay in howlgalka uu dhacay iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo ujeeddadu tahay in la wiiqo awoodda Al-Shabaab ee ay ugu hanjabi karto ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniintiisa dibadda.

Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in aan la shaacin doonin faahfaahinta ciidamada iyo diyaaradaha loo adeegsaday duqeynta, sababo la xiriira amniga howlgallada.

Si kasta ha ahaatee, Maraykanka ma sheegin khasaaraha ka dhashay howlgalkan, inkastoo uu qaatay siyaasad ku saabsan inuusan shaacin khasaaraha ka dhashay howlgalladiisa.

Dhawaan ayay ahayd markii Puntland ay sheegtay in howlgalka lagu fuliyay iyadoo lala kaashanayo hay’adaheeda ammaanka, inkastoo Maraykanka uu haatan shaaciyay inuu la kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maraykanka ayaa muddo sanad ka badan si joogto ah Puntland uga taageerayay dagaalka ka dhanka ah Daacish. 

Muqdisho 19ka Sebteembar 2026 Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo lagu soo gabagabeynayo Toddobaadka Aqoonsiga 2026, laguna xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga.

Shirka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda ayaa diiradda lagu saarayaa muhiimadda aqoonsiga, ka-qaybgalka bulshada iyo doorka aqoonsiga qaranka ee horumarinta adeegyada bulshada

WARARKA MAANTA 18ka Sebteembar 2026 

Su’aalaha Maanta: Maxuu ninkii Soomaali heshiis ah dunnidda la heeshiis ah yiri Madaxweyne hore Xassan oo maanta xitaa abtiyadiis Xawaadle aan la heshiis ahayn? Maxaa loo dulminayaa Digil Iyo Mirifle Madaxbanaanidooda? Maxuuse Madaxweyne hore Xassan waxba uga qaadi waayi #Somaliland, #Puntland Iyo #Jubbaland? Yaase boobsay shacabka #Muqdisho? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Aserbajan 18ka Sebteembar 2026 Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Azerbaijan, Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow ayaa magaalada Baku kaga qeybgalay munaasabadda 15-sano guurada Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Azerbaijan (AIDA), isagoo qeyb ka ahaa dood-wadaag ku saabsan iskaashiga horumarineed iyo gargaarka bani’aadannimo.

Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Azerbaijan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, tiknoolajiyadda, beeraha iyo dhisidda awoodda hay’adaha, isagoo sidoo kale xusay horumarka Soomaaliya ka sameyneyso dib-u-dhiska hay’adaha iyo kobcinta dhaqaalaha.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka  Azerbaijan mudane Jeyhun Bayramov, ayaa ugu dambeyn shahaado sharaf guddoonsiiyay arday Soomaaliyeed oo ka mid ah ardayda Barnaamijka Deeqda Waxbarasho ee Heydar Aliyev ku jooga dalkaas, ka dib horumar muuqda iyo guulo la taaban karo oo ay gaareen.

Muqdisho 18ka Sebteembar 2026  Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay hawshii Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo hoos imanayay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), iyadoo dowladda ay sheegtay inay si buuxda ula wareegtay mas’uuliyadda ajandaha xuquuqul insaanka ee dalka. Tallaabadan ayaa soo afjareysa marxalad muddo dheer socotay oo Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka taageeraysay ilaalinta, horumarinta iyo u doodista xuquuqul insaanka, iyadoo mas’uuliyadda hawlahaasi ay hadda si toos ah ugu wareegayso hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in geeddi-socodka lagu soo afjaray hawsha xafiiska uu ka dhashay wada-hadallo iyo dadaallo ay dowladda Soomaaliya ka wadday Muqdisho, Geneva iyo New York.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Ambassador Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hormuud ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo lahaanshaha qaran ee ajandaha xuquuqul insaanka, iyadoo ay ka qeyb qaateen mas’uuliyiin, khubaro iyo shaqaalaha wasaaradda.

Dowladdu waxay sheegtay in go’aannada lagu xoojinayo hay’adaha qaranka, horumarka Soomaaliya ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay iyo awoodda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ay qeyb ka ahaayeen sababaha keenay in mas’uuliyadda si tartiib ah loogu wareejiyo hay’adaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Shirweynihii Qaran ee Xuquuqul Insaanka ee Maarso 2025 ayaa lagu tilmaamay inuu door ka qaatay dejinta aragti qaran oo ku saabsan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xiritaanka xafiiska Qaramada Midoobay uusan ka dhignayn in la soo afjaray shaqada xuquuqul insaanka, balse uu yahay bilowga marxalad cusub oo hay’adaha Soomaaliyeed ay si toos ah u qaadanayaan masuuliyadda ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda muwaadiniinta.

Mas’uuliyadda cusub ayaa la imanaysa baahida loo qabo in hay’adaha qaranku xoojiyaan awooddooda, isla-xisaabtanka iyo u hoggaansanaanta waajibaadka dastuuriga ah iyo heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Dowladda ayaa tallaabadan ku tilmaantay marxalad cusub oo Soomaaliya ay si weyn ugu yeelanayso lahaanshaha iyo hoggaaminta ajandaha xuquuqul insaanka, iyadoo taageerada caalamiga ah lagu wajahayo xoojinta awoodda hay’adaha qaranka.

Soomaaliya Iyo Pakistab 18ka Sebteembar 2026  Wafdi heer sare ah oo ka socday Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay booqasho 10 maalmood ah oo uu ku tagay Pakistan, taas oo looga gol lahaa in Soomaaliya ay wax ka barato khibradda Pakistan ee dhijitaaleynta adeegyada dadweynaha iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada dhijitaalka ah ee dowladda. Wafdiga waxaa hoggaaminayay Abdiwali Ali Abdulle, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Soomaaliya (NIRA), waxaana ka mid ahaa mas’uuliyiin sare oo ka socday NIRA, Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo hay’ado kale oo maaliyadeed iyo kuwa horumarineed.

Booqashada ayaa si wadajir ah waxaa u soo qabanqaabiyay xafiisyada Soomaaliya iyo Pakistan ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP).

Intii uu socday barnaamijku, mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay kulamo la yeesheen hay’adaha Pakistan ee ka shaqeeya aqoonsiga dhijitaalka ah, dowladnimada dhijitaalka ah, ilaalinta bulshada, canshuuraha, lacag-bixinta dhijitaalka ah iyo adeegyada muwaadiniinta.

Wafdiga ayaa sidoo kale ka bartay khibradda Pakistan ee ku saabsan sidii isbeddelka dhijitaalka ah looga dhigi lahaa mid loo dhan yahay, ammaan ah, isla-xisaabtan leh, isla markaana ku saleysan dhowrista xuquuqda aadanaha. Waxaa tusaale ahaan la soo bandhigay tallaabada Golaha Senate-ka Pakistan uu ugu gudbay nidaamka Baarlamaanka aan waraaqaha ku shaqeyn ee loo yaqaan e-Parliament.

Abdiwali Ali Abdulle ayaa sheegay in booqashadu ay Soomaaliya siisay fursad ay kaga faa’iidaysato waayo-aragnimada Pakistan, isla markaana ay aqoonsato hababka lagu dabaqi karo xaaladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Pakistan ay leedahay khibrad muhiim ah oo ku saabsan aqoonsiga dhijitaalka ah, maaliyadda dhijitaalka ah, adeegyada ilaalinta bulshada iyo isku-xirka nidaamyada kala duwan. Dhanka kale, ayuu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay khibrad dhinaca lacagaha mobilka iyo adeegsiga degdegga ah ee adeegyada dhijitaalka ah, taas oo iyaduna casharro u noqon karta Pakistan.

Ka qaybgalayaasha ayaa sidoo kale ansixiyay Qorshaha Waxqabadka Iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan, kaas oo qeexaya meelaha ay labada dhinac sii wadi doonaan wada shaqaynta.

Qorshahan ayaa diiradda saaraya aqoonsiga aasaasiga ah iyo aqoonsiga sharci, kaabayaasha dhijitaalka ah ee adeegyada dadweynaha iyo dowladnimada, isku-xirka nidaamyada, xog-isweydaarsiga ammaan ah, ka-qaybgalka maaliyadeed iyo maaliyadda dadweynaha ee dhijitaalka ah.

Jama Hassan, oo ah la-taliyaha safaaradda Soomaaliya ee Pakistan, ayaa sheegay in barnaamijku Soomaaliya siiyay faham muhiim ah oo ku saabsan nidaamka aqoonsiga ee Pakistan iyo adeegyada ballaaran ee e-dowladeed.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga shaqeynaya uusan ku koobnayn lambar ama kayd xogeed oo keliya, balse uu muhiim yahay in nidaamyada aqoonsiga lagu xiro adeegyada dadweynaha ee ay muwaadiniintu u baahan yihiin.

Dhankiisa, Dr. Samuel Rizk, wakiilka joogtada ah ee UNDP Pakistan, ayaa sheegay in aqoonsiga sharci uu saldhig u yahay dowlad loo dhan yahay, maadaama uu dadka u fududeeyo helitaanka adeegyada dowladda, ilaalinta bulshada iyo fursadaha maaliyadeed.

Rizk ayaa sheegay in iskaashiga UNDP iyo Hay’adda Aqoonsiga Qaranka Pakistan (NADRA) uu gacan ka geystay in in ka badan hal milyan oo haween ah ay helaan dukumentiyada aqoonsiga.

Maraykanka 18ka Sebteembar 2026 Mareykanka ayaa fuliyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xarun hub iyo rasaas lagu kaydin jiray oo ku taalla deegaanka Markad ee buuraha Al-Madow iyo Golis ee waqooyi-bari Soomaaliya. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, howlgalka ayaa lagu qaaday xarumo ay Al-Shabaab u adeegsanaysay kaydinta hubka iyo rasaasta, kuwaas oo sida ay sheegeen loogu talagalay taageeridda hawlgallada kooxda iyo weerarrada ay ka fuliso Soomaaliya.

Puntland ayaa sheegtay in howlgalka lagu fuliyay iyadoo lala kaashanayo hay’adaheeda ammaanka. lama shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waqtiga iyo habka loo fuliyay weerarka.

Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanka uu kordhiyay howlgallada militari ee ka dhanka ah kooxaha argigixisada ee ka howlgala Soomaaliya. AFRICOM waxay bishii Sebtembar 2026 xaqiijisay duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya.

Puntland ayaa sheegtay in burburinta goobaha lagu kaydiyo hubka ay qayb ka tahay dadaallo  lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaa, laguna carqaladeynayo sahayda iyo awoodda kooxda ay ku qorsheyn karto kuna fulin karto weerarro.

Puntland ayaa sheegtay in ay AFRICOM  hore uga wada hadleen xoojinta iskaashiga la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish ee buuraha Cal-Madow iyo Cal-Miskaad.

Iskaashigan ayay sheegtay inuu yahay qayb ka mid ah dadaal muddo dheer soconaya oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab, looga hortago inay hesho goobo ay ku dhuumato iyo in la taageero xasilloonida Puntland.

WARARKA MAANTA 17ka Sebteembar 2026 

Su’aalaha Maanta: Maxaa loo dulminayaa Digil Iyo Mirifle Madaxbanaanidooda? Maxuuse Madaxweyne hore Xassan waxba uga qaadi waayi #Somaliland, #Puntland Iyo #Jubbaland? Yaase boobsay shacabka #Muqdisho? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Beijin17ka Sebteembar 2026 Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka Madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan, oo ka socota magaalada Beijing ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.

Beledweyne 17ka Sebteembar 2026  QARAMADA MIDOOBAY OO DALBATAY 

Waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada ee beesha Xawaadle ayaa magaalada Beledweyne ku soo gabagabeeyay kulamo maalmahan u socday oo looga hadlayay xaaladda siyaasadeed iyo hanaanka dhismaha maamulka HirShabelle saddexaad Beesha Xawaadle ayaa ku baaqday in la joojiyo doorashooyinka iyo habraacyada siyaasadeed ee ka socda Hiiraan, iyadoo sheegtay in aan la aqbali karin hannaan aan ku dhisnayn heshiis iyo oggolaanshaha bulshada sida lagu sheegay go’aanada kasoo baxay Shirka oo uu hogaaminaayay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

War-murtiyeedka waxaa warbaahinta u akhriyey Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xiirey Axmed Rooble isagoo cadeeyay in Beesha  aysan aqbali karin in hannaan siyaasadeed oo Hiiraan ah la sameeyo, iyadoo aan laga qaybgelin bulshada deegaanka.

Waxay sidoo kale ku baaqday Beesha Xawaadle in dhismaha HirShabelle saddexaad loo maro hannaan loo dhan yahay oo ku saleysan caddaalad, matalaad iyo awood-qaybsi ay dhinacyadu isku raacsan yihiin.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray tabashooyinka reer Hiiraan, iyadoo beesha ay ku baaqday in cabashooyinkaas si dhab ah loo qaado, lana raadiyo xal siyaasadeed oo ku dhisan wada-tashi iyo is-afgarad.

“Waa in la joojiyo dhammaan doorashooyinka iyo habraacyada aan ku dhisnayn heshiiska iyo oggolaanshaha bulshada,” ayaa lagu sheegay go’aamada kasoo baxay kulanka.

Beesha Xawaadle ayaa sidoo kale sheegtay in maamulka HirShabelle ee ka howlgala Hiiraan uu u hoggaansamo go’aamada kasoo baxay waxgaradka, isla markaana uu isu diyaariyo geedi-socodka dhismaha maamul cusub oo loo dhan yahay.

Qodob kale oo war-murtiyeedka lagu xusay ayaa ah in wixii qalalaase ama gacanka hadal ah ee ka dhasha doorasho aan heshiis lagu ahayn ay mas’uuliyaddeeda qaadi doonaan guddiga doorashooyinka iyo guddoomiyahooda Cabdikariin Xasan.

Beesha Xawaadle waxay sheegtay in aan la dhisi karin HirShabelle waarta iyadoo la iska indha tirayo tabashooyinka iyo rabitaanka bulshada reer Hiiraan.

DDSI 17ka Sebteembar 2026Guddoomiyaha Jabhadda Xoreynta Qaranka Ogaadeeniya (ONLF), garabkeeda ku sugan gudaha Itoobiya, Cabdirakiim Sheekh Muuse oo loo yaqaan Qalbi-dhagax, ayaa sheegay in ururku door firfircoon ka qaatay geeddi-socodka wada-hadallada qaran ee Itoobiya, isagoo sheegay inay halkaas ku gudbiyeen arrimo uu ku tilmaamay kuwo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed. Qalbi-dhagax ayaa sheegay in wada-hadallada qaran ee Itoobiya loo bilaabay wax ka qabashada caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa qaab-dhismeed ee muddada dheer ka jiray dalka, isla markaana geeddi-socodka loogu talagalay inuu noqdo mid loo dhan yahay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ururku si firfircoon uga qaybgalay wada-hadallada, isagoo soo bandhigay arrimo uu ku tilmaamay kuwo aasaasi u ah bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in ka-qaybgalka ONLF uu horseeday in qaar ka mid ah qodobadaas lagu daro ajandayaasha geeddi-socodka wada-hadalka.

Dhanka kale, Qalbi-dhagax ayaa beeniyay warar sheegayay in ONLF ay isbahaysi la samaysatay koox lagu magacaabo “Tsamdo”. Wuxuu sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ayna ka tarjumayn mowqifka ururka. Wuxuu sidoo kale sheegay in wararka noocaas ah aan loo fasiran karin inay metelaan bulshada Soomaaliyeed oo dhan.

Isagoo ka hadlayay isbeddelka siyaasadeed ee ONLF, Qalbi-dhagax wuxuu sheegay in ururku uu ka jawaabay baaqii nabadeed ee dowladda Itoobiya kadib isbeddelladii siyaasadeed ee dhacay, isla markaana uu soo afjaray halgankii hubaysnaa. Wuxuu sheegay in ONLF ay markii dambe qaadatay waddo siyaasadeed oo nabadeed, ayna ka qaybqaadatay doorashadii guud ee toddobaad ee Itoobiya, halkaas oo ay ku guulaysatay kuraas baarlamaan.

Guddoomiyaha ONLF ayaa sidoo kale sheegay in nabaddii ka dhalatay soo afjaridda dagaalladii hubaysnaa ay fursad u abuurtay horumarro bulsho iyo dhaqaale oo uu sheegay in laga dareemayo Dowlad Deegaanka Soomaalida. Wuxuu sheegay in ururku doonayo in nabadda la xoojiyo, isla markaana uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dowladda federaalka iyo dhinacyada kale si loo taageero geeddi-socod nabadeed oo waara. 

Muqdisho 17ka Sebteembar 2026  Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maalintii labaad ee kulamadiisa Capitol Hill ee magaalada Washington, D.C., kulamo gaar gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Maraykanka, Brian Mast, iyo Senator Mike Rounds oo ka tirsan Aqalka Senate-ka. Sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Somaliland, kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo xasilloonida gobolka, amniga badda, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, iyo sidoo kale ganacsiga, maalgashiga iyo fursadaha iskaashi dhaqaale.

Kulamadan ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday dadaallada sharci-dejinta ee hore ee Kongareeska Maraykanka ee la xidhiidha Somaliland. Sannadkii 2022, Senator James Risch ayaa Golaha Senate-ka u gudbiyey hindisaha Somaliland Partnership Act (S. 3861), kaas oo Mike Rounds uu ka mid ahaa xubnihii taageeray hindisaha.

Dhanka kale, Brian Mast ayaa 11-kii September 2025 Golaha Wakiillada u gudbiyey H.R. 5300, Department of State Policy Provisions Act, oo ah hindise sharciyeed la xidhiidha siyaasadda arrimaha dibadda iyo maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

War-saxaafadeedka Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu kulamada kaga hadlay muhiimadda juqraafiyeed iyo istiraatiijiyadeed ee Somaliland, isaga oo tilmaamay doorka ay goobta ay Somaliland ku taallo ku leedahay marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale, sida lagu sheegay warbixinta, ka hadlay muhiimadda iskaashi dhinacyada amniga, ilaalinta isu-socodka ganacsiga caalamiga ah iyo horumarinta xidhiidhada dhaqaale ee Somaliland iyo Maraykanka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa kulamada ku soo bandhigay qiyamka ay Somaliland sheegtay inay wadaagaan Maraykanka, oo ay ka mid yihiin xorriyadda, dimuqraadiyadda, amniga, xasilloonida iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in booqashadu qayb ka tahay dadaallada Somaliland ay ku doonayso inay xidhiidho iyo wada-shaqayn dheeraad ah la yeelato dhinacyada siyaasadda iyo sharci-dejinta Maraykanka.

Muqdisho 17ka Sebteembar 2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu beegsaday gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, gaar ahaan magaalada barakeysan ee Makkah, iyadoo ciidamada difaaca cirka Sacuudigu ay sheegeen inay qabteen diyaaradda oo ay soo direen kooxaha Xuutiyiinta ka hor inta ayna gaadhin magaalada.  Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay 16-kii September ku sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isla markaana ay cambaaraynayso weerarrada ka dhanka ah goobaha rayidka ah iyo kuwa kale ee gudaha dalkaas. Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale taageertay xaqa Sacuudiga u leeyahay inuu ilaashado dhulkiisa, dadkiisa iyo goobaha barakeysan ee Islaamka. 

Weerarka Makkah ayaa kusoo beegmaya xilli ay si weyn u kordheen iska horimaadyada u dhexeeya Xuutiyiinta iyo ciidamada taageersan dowladda Yemen, iyadoo colaadda gudaha Yemen ay dib uga sii dartay kadib muddo xasillooni  oo aan rasmi ahayn. Wararka ayaa sheegaya in Xuutiyiintu ay weerarro isdaba joog ah ka fuliyeen gudaha Sacuudiga, iyagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo. 

Sacuudiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay sheegay in weerarrada Xuutiyiintu ay gaadheen goobo ay ku jiraan xarumo ciidan iyo kaabayaal tamareed. 8-dii September, weerarro lala xidhiidhiyay Xuutiyiinta ayaa lagu badhtilmaameedsaday xarumo tamareed oo ku yaalla Abha, Najran iyo Jizan, waxaana maamulka Sacuudigu sheegay in tobannaan qof ay ku dhaawacmeen. Xuutiyiintu waxay weerarrada qaarkood ku tilmaameen jawaab ay ka bixinayaan duqeymaha Sacuudigu ka fuliyay Yemen. 

Dhinaca kale, Xuutiyiintu waxay toddobaadyadii u dambeeyay kordhiyeen dhaqdhaqaaqooda militari gudaha Yemen, gaar ahaan xeebaha Badda Cas, halkaas oo ay qabsadeen deegaanno iyo goobo istiraatiiji ah. Warbixinno ay Reuters iyo AP baahiyeen ayaa sheegaya in dagaallada u dhexeeya Xuutiyiinta iyo xoogagga dowladda Yemen ay si weyn u xoogaysteen, taas oo sare u qaadday khatarta ah in colaadda gudaha Yemen ay mar kale si ballaadhan u qaraxdo. 

Xuutiyiintu waxay bilaabeen in ay si sii kordhaysa u beegsadaan gudaha Sacuudi Carabiya xilli ay dagaallada goos-gooska ah ee labada dhinac ku dhexmaraya dalka Yemen sii xoogaysanayeen. Weerarradan ayaa kusoo biiray khilaafka militari ee muddada dheer u dhexeeyay Xuutiyiinta iyo xulafada dowladda Yemen, iyadoo Sacuudigu taageero siiyo dhinacyada ka soo horjeeda Xuutiyiinta.

IGAD 17ka Sebteembar 2026 Urur-goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay yeeshaan wada-hadallo loo dhan yahay, si heshiis ballaaran looga gaaro qaabka loo wajahayo doorashooyinka dalka. Baaqa IGAD ayaa ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee ururka oo Talaadadii lagu qabtay magaalada Jabuuti, sida lagu sheegay war-murtiyeed laga soo saaray kulanka.

Golaha Wasiirrada IGAD ayaa ku booriyay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee siyaasadda inay sii wadaan wadahadallada lagu doonayo in lagu gaaro is-afgarad ku saabsan doorashooyinka mustaqbalka.

Baaqa ayaa ku soo aadaya xilli ay weli jiraan khilaafaad u dhexeeya dowladda federaalka, qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo kooxaha mucaaradka, kuwaas oo ku kala duwan qaabka loo qabanayo doorashada.

Dowladda federaalka ayaa taageersan in dalka loo gudbo doorasho qof iyo cod ah, halka dhinacyada ka soo horjeeda ay ku adkeysanayaan in qaabka doorashada lagu saleeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

WARARKA MAANTA 16ka Sebteembar 2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa Dowladda Soomaaliya diiday inuu lacag soo daabaco oo wakhtigu kz dhammaaday Dhuuso-Fooxiye Madaxweyne hore Xassan? Yaase boobsay shacabka #Muqdisho? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Qaramada Midooway 16ka Sebteembar 2026 QARAMADA MIDOOBAY OO DALBATAY BAARITAAN CAALAMI AH OO GAZA KA DHACA

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in baarayaal caalami ah loo oggolaado inay galaan dhammaan deegaannada Gaza, si ay gacan uga geystaan ururinta caddeymaha ku saabsan dhibaatada ka taagan halkaasi.

Baaqan ayaa yimid xilli boqolaal meydad ah laga soo saarayo burburka dhismayaasha, iyadoo weli la raadinayo dad ku hoos jira burburka.

Qaramada Midoobay waxay carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in caddeymaha la ururiyo lana ilaaliyo, si loo xaqiijiyo xaqiiqada dhacdooyinka iyo in lala xisaabtamo cid kasta oo ku lug yeelatay xadgudubyada.

Muqdisho 16ka Sebteembar 2026 Ka gudbidda caqabadaha si loo xaqiijiyo in carruurta naafada ah ee Soomaaliyeed ay si siman u helaan waxbarashada waxay u baahan tahay in la maalgeliyo waxbarasho loo dhanyahay iyo tababarka macallimiinta, taas oo ah tallaabo ilaalinaysa xaqooda waxbarasho, isla markaana dhisaysa awoodda aadanaha ee muhiimka u ah horumarka. 

Maraykanka 16ka Sebteembar 2026 Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Devin Kennington u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo Washington ay dib u buuxinayso xilka safiirnimo ee Muqdisho oo bannaan tan iyo markii dib loogu yeeray safiirkii hore Richard H. Riley dabayaaqadii 2025. Magacaabista Kennington ayaa ka mid ahayd liiska magacaabista diblomaasiyadeed ee Aqalka Cad u gudbiyay Senate-ka Mareykanka. Sida ku cad xogta Aqalka Cad, Kennington waxaa loo magacaabay xilka “Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary” ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kennington ayaa beddeli doona Richard H. Riley, oo xilka safiirka Maraykanka ee Soomaaliya hayay tan iyo 2024, balse bishii December 2025 dib loogu yeeray Washington iyadoo maamulka Trump uu sameeyay isbeddel ballaaran oo ku yimid safaaradaha iyo hoggaanka diblomaasiyadda Maraykanka.

Tan iyo markii Riley uu ka baxay Muqdisho, Justin Davis ayaa ahaa ku-simaha madaxa safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, maadaama aan xilka safiirnimo loo magacaabin diblomaasi cusub.

Magacaabista Kennington waxay ku soo beegmaysaa xilli xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka uu ku salaysan yahay iskaashi dhinacyo badan leh, gaar ahaan amniga, la-dagaallanka Al-Shabaab, xasillinta Soomaaliya iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Kennington waa diblomaasi muddo ka soo shaqeeyay adeegga arrimaha dibadda ee Maraykanka, waxaana magacaabistiisu ka dhigan tahay in Washington ay markii ugu horreysay muddo ku dhow sagaal bilood u diyaarinayso Muqdisho safiir si rasmi ah u matala madaxweynaha Maraykanka.

Si kastaba, magacaabista Kennington ma noqonayso mid kama dambeys ah ilaa Senate-ka Maraykanku ansixiyo, sida uu dhigayo nidaamka magacaabista safiirrada ee dalkaas.

Maraykanka 16ka Sebteembar 2026 Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada Washington D.C. kulan quraac ah kula yeeshay xubno ka tirsan Kongareeska Maraykanka iyo safiirro ka socda dalal ka tirsan beesha caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda Maraykanka. Sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, kulanka ayaa lagaga hadlay xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, iskaashiga istaraatiijiga ah, amniga iyo xasilloonida gobolka, iyo arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray doorka Somaliland ay ku leedahay amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ah marinno muhiim u ah isu-socodka ganacsiga iyo ammaanka gobolka.

Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu kulanka ku adkeeyey muhiimadda ay Somaliland u leedahay inay noqoto “dal istaraatiiji ah oo la isku hallayn karo”, isagoo ku tilmaamay Somaliland meel nabad ah oo xasilloon oo leh hay’ado dowli ah oo shaqaynaya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa, sida lagu sheegay warbixinta, ka hadlay muhiimadda juqraafi-siyaasadeed ee Somaliland iyo goobta ay kaga taallo gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan marka la eego amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Kulankan ayaa imanaya xilli xukuumadda Somaliland ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso inay ku xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Maraykanka iyo dalalka kale ee beesha caalamka. 

WARARKA MAANTA 15ka Sebteembar 2026 

Su’aalaha Maanta:: Ma Machadka Hudson ayaa aqoonsi bixiya Madaxweynaha Maamulka #Somaliland Cirro oo ay ka soo dhammaatay beentii shacabka loo sheegaayey? Yaa aqoonsi u raadinaaya shacabka Waqooyi oo gaajo iyo sicir-barar ka qaylinaaya?  Yaase boobsay shacabka #Muqdisho? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Maraykanka 15ka Sebteembar 2026 Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS, Mudane Xasan Macallin “Waxaan bogaadinayaa gabdhaha Soomaaliyeed ee isu abaabulay sidii ay u ilaalin lahaayeen dhaqanka, una soo ururin lahaayeen suugaanta iyo hiddaha Soomaaliyeed. 

Maraykanka 15ka Sebteembar 2026 Hay’adda Dambi-baarista Federaalka Mareykanka ee FBI ayaa shaacisay abaalmarin gaaraysa $150,000 oo loo ballanqaaday qofkii keena xog gacan ka geysan karta helitaanka iyo soo qabashada Fahad Maxamed Nuur, oo dowladda Mareykanku muddo raadineysay. FBI-da ayaa sheegtay in Fahad Maxamed Nuur, oo magacyo kale oo ay ka mid yihiin Nuur Cabdiwali Xasan iyo Cabdiwali Nuur Xasan, uu yahay muwaadin Mareykan ah oo asal ahaan Soomaali ah. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay Soomaaliya.

Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa kiis la xiriira lunsasho iyo wax is-daba-marin lagu sameeyay lacag loogu talagalay Barnaamijka Federaalka Mareykanka ee Nafaqeynta Carruurta, xilli uu socday cudurka COVID-19.

Sida lagu sheegay xogta FBI-da, dadka lagu eedeeyay kiiskan ayaa si sharci-darro ah u helay, u leexsaday, isla markaana u adeegsaday dano gaar ah malaayiin doollar oo loogu talagalay in lagu bixiyo cuntooyinka carruurta u baahan.

FBI-da ayaa Fahad Maxamed Nuur ku tilmaantay milkiilaha shirkad ka shaqeysa sahayda cuntada, taas oo la sheegay inay heshay in ka badan $5 milyan oo ka mid ah lacagaha barnaamijka. Eedeymaha ayaa sheegaya in shirkaddu gudbisay dukumiintiyo iyo qaansheegadyo aan sax ahayn oo lagu muujinayay cunto aan dhab ahaan la gaarsiin goobihii loogu talagalay.

Maxkamad federaali ah oo ku taalla gobolka Minnesota ayaa 13-kii Sebteembar 2022 soo saartay amar lagu soo qabanayo Fahad Maxamed Nuur, kaddib markii lagu soo oogay dacwado ay kamid yihiin khiyaano maaliyadeed iyo lacag-dhaqid.

Hay’adda FBI ayaa ugu baaqday qof kasta oo haya xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay Fahad Maxamed Nuur inuu la wadaago hay’adda, iyadoo xogta lagu gudbin karo khadadka xog-bixinta FBI-da ama xafiisyadeeda ku yaalla gudaha Mareykanka iyo dalalka kale.

Galmudug 15ka Sebteembar 2026 Ururka siyaasadeed ee Towfiiq ee uu hogaamiyo Sheekh Shaakir ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo go’aanka Guddiga Doorashada ee looga reebay liiska ururrada siyaasadeed ee ka qaybgalaya doorashada ku celiska ah ee Galmudug. Towfiiq ayaa bayaan uu soo saaray maanta oo isniin ah ku sheegay inuu diyaar u yahay ka qaybgalka doorashada, isagoo xusay in uu doonayo in doorashadu u dhacdo si waafaqsan sharciga, xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka dalka.

Ururku wuxuu sheegay in uu ka walaacsan yahay tallaabada Guddiga Doorashada, isaga oo xusay in Towfiiq uu ahaa ururkii maxkamadda ka dalbaday in doorashada dib loogu laabto, kadib markii uu sheegay in la hareer maray qaar ka mid ah habraacyadii iyo shuruucdii doorashada.

“Waxaa layaab noqotay in ururkii dalbaday saxidda doorashada uu baraha bulshada ku arko ka reebiddiisa doorashada,” ayuu Towfiiq ku yiri bayaankiisa.

Ururku wuxuu sidoo kale sheegay in Guddiga Doorashadu hayaan liiska musharraxiintiisa u tartamaya labada gole, taas oo uu ku tilmaamay caddeyn muujinaysa inuu diyaar u yahay ka qaybgalka doorashada.

Towfiiq ayaa Guddiga Doorashada ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo loo fasiran karo eex ama takoor, ayna ku shaqeeyaan dhexdhexaadnimo iyo ku dhaqanka sharciga.

Ururku wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in go’aanka looga reebay doorashada uu xiriir la leeyahay dacwaddii uu horey uga gudbiyay natiijadii doorashada, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn mabaadi’da caddaaladda iyo hannaanka doorashooyinka xorta ah.

Towfiiq wuxuu sidoo kale ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu soo farageliyo arrinta, isagoo ka dalbaday in la xaqiijiyo u hoggaansanaanta sharciga iyo amarada maxkamadda.

Ugu dambeyn, ururku wuxuu taageerayaashiisa iyo bulshada reer Galmudug ugu baaqay inay u diyaar garoobaan kulamo iyo bannaanbaxyo nabadeed, si ay uga muujiyaan mowqifkooda ku aaddan doorasho uu ku tilmaamay mid xor iyo xalaal ah.

Galmudug 15ka Sebteembar 2026 aliska Booliska Galmudug ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan booliska ay iska difaaceen weerar ay maleeshiyaad hubeysan oo qaab qabiil u abaabulan ku qaadeen bar-koontarool oo ku taalla deegaanka Jiiro-Caweer, oo hoos taga degmada Godinlabe ee gobolka Galgaduud. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Taliska Booliska Galmudug, weerarku wuxuu dhacay 14-kii Sebtembar 2026, abbaaro 11:10 habeenimo, xilli ciidanka boolisku ay ku sugnaayeen bar-koontaroolkaas oo ay ka wadeen howlahooda amni, Booliska ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka, kaddibna ay deegaanka ka sameeyeen hawlgal ay ku xaqiijinayeen amniga iyo dib u soo celinta xasilloonida.

Intii uu socday hawlgalka, sida lagu sheegay bayaanka, ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay qaar ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, kuwaas oo Taliska Boolisku sheegay in dhawaan la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda deegaanka Jiiro-Caweer ay hadda deggen tahay, iyadoo ciidamada ammaanku ay sii wadaan sugidda amniga.

Taliyaha Booliska Galmudug, G/Sare Khaliif Cabdulle Maalin, ayaa digniin u diray maleeshiyaadka uu sheegay inay ku hawlan yihiin falal lagu qalqal gelinayo amniga iyo xasilloonida deegaanka, Wuxuu ugu baaqay inay ka waantoobaan falalka noocaas ah, isagoo sheegay in haddii ay sii socdaan ay la kulmi doonaan tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga.

Maraykanka 15ka Sebteembar 2026 Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Devin Kennington u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo Washington ay dib u buuxinayso xilka safiirnimo ee Muqdisho oo bannaan tan iyo markii dib loogu yeeray safiirkii hore Richard H. Riley dabayaaqadii 2025. 

Magacaabista Kennington ayaa ka mid ahayd liiska magacaabista diblomaasiyadeed ee Aqalka Cad u gudbiyay Senate-ka Mareykanka. Sida ku cad xogta Aqalka Cad, Kennington waxaa loo magacaabay xilka “Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary” ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kennington ayaa beddeli doona Richard H. Riley, oo xilka safiirka Maraykanka ee Soomaaliya hayay tan iyo 2024, balse bishii December 2025 dib loogu yeeray Washington iyadoo maamulka Trump uu sameeyay isbeddel ballaaran oo ku yimid safaaradaha iyo hoggaanka diblomaasiyadda Maraykanka.

Tan iyo markii Riley uu ka baxay Muqdisho, Justin Davis ayaa ahaa ku-simaha madaxa safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, maadaama aan xilka safiirnimo loo magacaabin diblomaasi cusub.

Magacaabista Kennington waxay ku soo beegmaysaa xilli xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka uu ku salaysan yahay iskaashi dhinacyo badan leh, gaar ahaan amniga, la-dagaallanka Al-Shabaab, xasillinta Soomaaliya iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Kennington waa diblomaasi muddo ka soo shaqeeyay adeegga arrimaha dibadda ee Maraykanka, waxaana magacaabistiisu ka dhigan tahay in Washington ay markii ugu horreysay muddo ku dhow sagaal bilood u diyaarinayso Muqdisho safiir si rasmi ah u matala madaxweynaha Maraykanka.

Si kastaba, magacaabista Kennington ma noqonayso mid kama dambeys ah ilaa Senate-ka Maraykanku ansixiyo, sida uu dhigayo nidaamka magacaabista safiirrada ee dalkaas.

WARARKA MAANTA 13ka Sebteembar 2026 

Su’aalaha Maanta::Yaa Madaxweyne hore Xassan Shiikh u bixiyey “Dhuuso-Fooxiye”? Yss boobsuy shacabka #Muqdisho? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho 13ka Sebteembar 2026 Magaalada Muqdisho oo dhan, goobo cusub iyo kuwo dib loo casriyeeyay oo dadweynuhu isticmaalaan ayaa qayb ka noqonaya muuqaalka isbeddelaya ee magaalada — iyagoo bulshada siinaya goobo ay isugu yimaadaan, ku ciyaaraan, ku abuuraan waxyaabo cusub, kuna wada xiriiraan.

Goobahan waxay ka dhigan yihiin wax ka badan horumarinta kaabeyaasha iyo dhismayaasha. Waxay abuuraan fursado loogu talagalay isdhexgalka bulshada, muujinta dhaqanka, madadaalada iyo nolol-maalmeedka, taas oo gacan ka geysanaysa xoojinta xiriirka bulshada iyo kobcinta dareenka nolol magaalo oo loo wada dhan yahay.

Iyadoo loo marayo UN-Habitat Soomaaliya, Qaramada Midoobay waxay taageertaa dadaallada lagu abuurayo goobo dadweyne oo ammaan ah, si fudud loo heli karo, isla markaana loo dhan yahay, kuwaas oo qayb muhiim ah ka ah dhismaha bulshooyin adkaysi leh iyo mustaqbal ka nolol wanaagsan magaalooyinka Soomaaliya ee sii koraya.

Sawirkan wuxuu muujinayaa carruur ku ciyaaraya doon lagu dhex raacayo Beerta Darusalaam ee Muqdisho.

Muqdisho 13ka Sebteembar 2026 Hoggaanka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ay hoggaaminayso Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, ayna weheliyaan Xoghayaha Joogtada ah iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, ayaa ka qeybgalay kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ee la xiriira la-xisaabtanka iyo qiimeynta ballanqaadyadii Xukuumadda Dan-Qaran.

Intii uu socday kulanka, Wasaaradda Waxbarashada iyo masuuliyiinta ka socotay waxaa lagu bogaadiyey waxqabadka ay ka muujiyeen fulinta ballanqaadyadii iyo qorshayaashii Xukuumadda Dan-Qaran muddadii afarta sano ee la soo dhaafay, iyadoo si gaar ah loo xusay dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta iyo tayeynta adeegyada waxbarashada dalka.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu dardargelinayo qorshayaasha waxbarashada qaranka, iyadoo xoogga la saarayo isla-xisaabtan, hufnaan, qorsheyn iyo waxqabad muuqda oo bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’iideysato.

Muqdisho 13ka Sebteembar 2026 𝐑𝐀’𝐈𝐈𝐒𝐔𝐋 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐄 𝐗𝐀𝐌𝐒𝐀 𝐎𝐎 𝐋𝐀-𝐗𝐈𝐒𝐀𝐀𝐁𝐓𝐀𝐍 𝐈𝐘𝐎 𝐐𝐈𝐈𝐌𝐄𝐘𝐍 𝐊𝐔 𝐒𝐀𝐌𝐄𝐄𝐘𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀

Muqdisho, Soomaaliya,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la-xisaabtan iyo qiimeyn ku sameeyay Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saaray waxqabadka wasaarad kasta iyo heerka laga gaaray qorshayaashii iyo ballanqaadyadii loo dejiyay.

Qiimeyntan ayaa lagu eegay shaqooyinkii qabsoomay intii lagu jiray sanadkan, caqabadihii jiray, fursadaha jira iyo meelaha u baahan in wax laga beddelo ama la dardargeliyo.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta waxay qeyb ka tahay nidaamka la-xisaabtanka iyo qiimeynta waxqabadka hay’adaha dowladda, iyadoo ay muhiim tahay in qorshayaasha Wasaaradda lagu fuliyo hannaan leh cabbir cad, isla-xisaabtan iyo natiijooyin la xaqiijin karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasiirrada, Agaasimeyaasha Guud iyo hawlwadeennada farsamada kula dardaarmay inay dardargeliyaan shaqada qaranka, si loo gaaro hadafyada dowladda, loona kordhiyo adeegyada iyo waxqabadka hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in nidaamka qiimeynta waxqabadka dowladda loo sii horumarinayo, iyadoo la adeegsanayo hab dijitaal ah oo fududeynaya la socodka qorshayaasha, cabbiridda natiijooyinka iyo qiimeynta waxqabadka Wasaaradaha.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta waxay muhiimad gaar ah siinaysaa qorsheynta, la-xisaabtanka iyo cabbiridda waxqabadka, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha iyo mashaariicda Wasaaradda ay keenaan natiijooyin muuqda oo waafaqsan qorshaha dowladda iyo danta guud.

Muqdisho 13ka Sebteembar 2026 Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor iyo Ciidanka Gaarka ah, ayaa sheegay inay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kula wareegeen gacan-ku-haynta deegaanka Geel-gub iyo saldhigyo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka ayaa waxaa ka qeyb qaatay Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Guutada 12-aad ee Ciidanka Gaarka ah iyo Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa sheegay in goobaha ay la wareegeen ay horey u maamuli jireen Al-Shabaab, kuwaas oo muddo ku sugnaa deegaannadaasi.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallo militari oo ciidamada Soomaaliya ay ka wadaan qaybo ka mid ah Shabeellaha Dhexe, iyadoo ujeeddadu tahay in dib looga riixo Al-Shabaab laguna ballaariyo deegaannada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in howlgalka uu sidoo kale ku wajahan yahay soo celinta amniga iyo maamulka dowladda, iyo in shacabka ku nool deegaannadaasi ay helaan xasillooni iyo adeegyo dowladeed.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada ay kooxdu weli ku leedahay saldhigyo iyo goobo ay ka abaabusho weerarrada.

DDSI 13ka Sebteembar 2026 Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee Deegaanka Soomaalidu ay muddo dheer soo mareen halgan isdaba joog ah oo ay ku doonayeen xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadda. Madaxweyne Mustafe ayaa qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook ku sheegay in kumannaan qof ay naftooda iyo laxaadkooda ku waayeen halgannadii kala duwanaa ee loo galay xuquuqda shacabka, isaga oo xusay in shacabka laftoodu ay ahaayeen kuwa ugu badan ee dhibaatada iyo khasaaraha ka dhashay halgannadaas qaaday.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay jirin sabab dood looga dhigo in halgannadii shacabka ay sax ahaayeen ama khalad, maadaama sida uu sheegay, urur keliya aanu si gaar ah u wadin halganka, balse shacabka ay qayb weyn ku lahaayeen oo ay khasaaraha ugu badan qaadeen.

Waxa uu sidoo kale dhaliilay shaqsiyaad sheegta inay si gaar ah ugu suntan yihiin halgankii shacabka, isaga oo sheegay in dad badan oo aan wax urur ah ka tirsanayn ay ku waayeen eheladooda halgannadii hubaysnaa.

“Waa qalad markaa in ashqaas hoggaamin urur sheeganaysa ay sheegato inay iyagu si gaar ah ugu suntan yihiin halgankii ummadda,” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe, isaga oo hadalkiisa loo fasiran karo in uu la hadlayo madaxda Jabhada ONLF, garabka dibad jooga ah

Waxa uu su’aal ka keenay sida, sida uu hadalka u dhigay, qaar ka mid ah dadka sheegta inay halganka metelaan ay ugu doodi karaan inay ka sarreeyaan qoysas xubnohoodii ku waayay halgannadii hore, isaga oo tusaale u soo qaatay dad uu sheegay inay qurbaha ku haystaan carruurtooda, isla markaana dhaqaale lagu ururiyo magaca halganka ku maareeyaan noloshooda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in halgan kasta ay ku jiraan dad uu ku tilmaamay geesiyaal si dhab ah uga qayb qaatay, iyo kuwo uu ku eedeeyay inay magaca halganka uga faa’iidaystaan dano gaar ah.

Isaga oo si gaar ah u dhaliilaya kooxo uu sheegay inay shacabka ku maaweeliyaan “sheeko-xariir”, ayuu ku eedeeyay qaar ka mid ah dadkaas inay hadda taageerayaan ama doonayaan isbahaysi ay la sameeyaan dhinacyo uu sheegay inay hore u dhibaateeyeen shacabka.

“Halganka dhabta ah uma baahna aflagaado iyo been-abuur. Wuxuu u baahan yahay xeelad iyo xikmad,” ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar.

Muqdisho 13ka Sebteembar 2026  Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay sannadka 2027 markii ugu horreysay dayax-gacmeed u diri doonto hawada sare, isagoo xusay in Turkigu uu kala shaqeynayo Soomaaliya mashaariic la xiriira hawada sare. Safiirka ayaa sheegay in qorshahan laga fulin doono deegaanka Warsheekh, halkaas oo uu tilmaamay in laga sameyn doono xarun loogu talagalay hawlaha la xiriira dayax-gacmeedyada iyo cilmi-baarista hawada sare.

“Shan ama toban sano ka hor haddii aan dhihi lahaa maalin uun Soomaaliya dayax-gacmeed ayay hawada sare u diri doontaa, waxaa laga yaabaa in dad badan ay nagu qosli lahaayeen,” ayuu yiri safiirku.

Wuxuu sheegay in horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda uu tusaale u yahay isbeddellada Soomaaliya ka socda, isagoo xusay in maanta Muqdisho ay ku sugan yihiin diblomaasiyiin ajnabi ah oo qaarkood ay carruurtooda la yimaadeen, kuwaas oo wax ka barta gudaha magaalada.

Safiirka ayaa sidoo kale ka hadlay hawlaha baaritaanka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee ka socda xeebaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay in kooxo ka shaqeynaya baaritaanka khayraadka shidaalka ay xilligan ku sugan yihiin badda Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaa markaan war wanaagsan oo ku saabsan natiijada baaritaanka shidaalka la helo inaad na xusuusataan,” ayuu yiri.

Dhanka kale, safiirku wuxuu sheegay in maraakiib kalluumeysi oo ka imaanaya Turkiga ay bisha Oktoobar bilaabi doonaan inay yimaadaan Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo kalluumeysiga iyo dhaqaalaha ku tiirsan badda.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga faa’iideysan karto dhaqaalaheeda buluugga ah, isagoo tilmaamay in kalluumeysiga iyo khayraadka badda ay noqon karaan ilo muhiim ah oo dhaqaale.

Safiirka ayaa intaas ku daray in iskaashiga labada dal uusan ku ekaan doonin hawada sare, shidaalka iyo kalluumeysiga, balse ay sidoo kale qorsheynayaan mashaariic waaweyn oo dhinacyada macdanta, beeraha, waddooyinka iyo isku xirka magaalooyinka Soomaaliya.

“Waxyaabaha aan maanta ka hadalnay waa wixii aan ilaa hadda qabanay, laakiin riyooyinkeenna iyo yoolalkayagu intaas way ka weyn yihiin,” ayuu yiri safiirka. 

WARARKA MAANTA 8da Sebteembar 2026 WARARKA MAANTA 12ka Sebteembar 2026 

Su’aalaha Maanta::Maxuu Madaxweyne hore Xassan Shiikh u khiyaamay Xawaadle? Maxay #Israel u aqoonsatay maamulka #Somaliland? Maxaa ka cusub siyaasadda #Soomaaliya? Maxuu ka cusub #Baydhabo DGKG? Maxuu Madaxweyne hore Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu ciidan siiyo Shiikh Aadan Madoobe? Maxuu ka kashifay Siyaasiga caanka ah Sakariye Xaaji Maxamuud “Jeeni-Haar”? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho 12ka Sebteembar 2026 WARSAXAAFADEED

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Taliska Ciidanka XDS, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada, qoyska, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan CiidankaXDS, geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum D/le Axmed Shire Xuseen, oo ka tirsanaa Ciidanka XDS.

Taliska Ciidanka XDS wuxuu si gaar ah uga tacsiyeynayaa dhammaan bahda Ciidanka XDS geerida askariga Soomaaliyeed ee lagu dilay deegaanka Calaag, isagoo Ilaahay uga baryaya Marxuumka inuu naxariistiisa waarta siiyo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo.

Marxuum Axmed Shire Xuseen wuxuu ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo gudanayay waajib qaran oo uu ugu adeegayay dalkiisa iyo dadkiisa. Geeridiisa waxay murugo iyo tiiraanyo ku tahay qoyskiisa, bahda Ciidanka XDS iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in baaritaanno lagama maarmaan ah oo ku saabsan dhacdadan ay socdaan, waxaana la qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka ku habboon ee waafaqsan sharciga iyo nidaamka Ciidanka, si loo xaqiijiyo xaqiiqada dhacdada, loona ogaado cid kasta oo ku lug leh.

Taliska wuxuu adkeynayaa in sharafta, karaamada iyo xuquuqda askariga Soomaaliyeed la dhowro, isla markaana aan la aqbali karin fal kasta oo wax u dhimaya nolosha, karaamada iyo amniga xubnaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa ciidan qaran oo u adeegaya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, kana sarreeya kala qoqobka ku saleysan heyb, qolo ama deegaan. Sidaas darteed, ilaalinta nolosha iyo sharafta askariga Soomaaliyeed waa waajib qaran oo wada saaran dhammaan shacabka iyo hay’adaha dowladda.

Ugu dambeyn, Taliska Ciidanka XDS wuxuu mar kale tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska iyo ehelada Marxuum D/le Axmed Shire Xuseen, wuxuuna Ilaahay uga baryayaa inuu Marxuumka ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, eheladiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Muqdisho 12ka Sebteembar 2026 Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay sannadka 2027 markii ugu horreysay dayax-gacmeed u diri doonto hawada sare, isagoo xusay in Turkigu uu kala shaqeynayo Soomaaliya mashaariic la xiriira hawada sare. Safiirka ayaa sheegay in qorshahan laga fulin doono deegaanka Warsheekh, halkaas oo uu tilmaamay in laga sameyn doono xarun loogu talagalay hawlaha la xiriira dayax-gacmeedyada iyo cilmi-baarista hawada sare.

“Shan ama toban sano ka hor haddii aan dhihi lahaa maalin uun Soomaaliya dayax-gacmeed ayay hawada sare u diri doontaa, waxaa laga yaabaa in dad badan ay nagu qosli lahaayeen,” ayuu yiri safiirku.

Wuxuu sheegay in horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda uu tusaale u yahay isbeddellada Soomaaliya ka socda, isagoo xusay in maanta Muqdisho ay ku sugan yihiin diblomaasiyiin ajnabi ah oo qaarkood ay carruurtooda la yimaadeen, kuwaas oo wax ka barta gudaha magaalada.

Safiirka ayaa sidoo kale ka hadlay hawlaha baaritaanka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee ka socda xeebaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay in kooxo ka shaqeynaya baaritaanka khayraadka shidaalka ay xilligan ku sugan yihiin badda Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaa markaan war wanaagsan oo ku saabsan natiijada baaritaanka shidaalka la helo inaad na xusuusataan,” ayuu yiri.

Dhanka kale, safiirku wuxuu sheegay in maraakiib kalluumeysi oo ka imaanaya Turkiga ay bisha Oktoobar bilaabi doonaan inay yimaadaan Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo kalluumeysiga iyo dhaqaalaha ku tiirsan badda.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga faa’iideysan karto dhaqaalaheeda buluugga ah, isagoo tilmaamay in kalluumeysiga iyo khayraadka badda ay noqon karaan ilo muhiim ah oo dhaqaale.

Safiirka ayaa intaas ku daray in iskaashiga labada dal uusan ku ekaan doonin hawada sare, shidaalka iyo kalluumeysiga, balse ay sidoo kale qorsheynayaan mashaariic waaweyn oo dhinacyada macdanta, beeraha, waddooyinka iyo isku xirka magaalooyinka Soomaaliya. “Waxyaabaha aan maanta ka hadalnay waa wixii aan ilaa hadda qabanay, laakiin riyooyinkeenna iyo yoolalkayagu intaas way ka weyn yihiin,” ayuu yiri safiirka. 

Muqdisho 12ka Sebteembar 2026 Dhawaan magaalada Muqdisho, khubaro ka socotay Booliska iyo Xuquuqda Aadanaha UNTMIS ayaa ka taageeray booliska Soomaaliyeed  aqoon-is-weydaarsi socday muddo saddex maalmood ah oo ku saabsanaa Ilaalinta Carruurta Xilliyada Colaadaha Hubaysan. Aqoon-is-weydaarsiga waxaa ka qaybgalay 40 sarkaal oo haween ah oo ka tirsan Waaxda Dembi-baarista.

Waxa uu xoojiyay aqoon-is-weydaarsigan awoodda saraakiisha booliska si ay uga hortagaan lixda xadgudub ee waaweyn ee ka dhanka ah carruurta xilliyada colaadaha hubaysan, iyo in ay qaadaan tallaabooyinka ku habboon marka la soo sheego xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda carruurta.

Muqdisho 12ka Sebteembar 2026 Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Liban Obsiye, ayaa magaalada Salvador, ee dalka Brazil uga qaybgalay Shir Goboleedka Wasaaradaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada, oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin iyo khubaro ka kala socday dalal Afrika iyo Koonfurta America. Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga khibradaha iyo fursadaha lagu xoojin karo abaabulka iyo maalgelinta wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada, iyadoo sidoo kale laga hadlay caqabadaha dalalku kala kulmaan helitaanka maalgelinta cimilada Maaliyadda. 

Intii uu socday kulanka saddexda maalmood ah, waxaa looga hadlay habab kala duwan oo lagu heli karo maalgelinta cimilada, oo ay ka mid yihiin dakhliga gudaha, Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay (PPP), maalgelinta khataraha musiibooyinka. Agaasimaha Sanduuqa Cimilada Qaran,Liban Obsiye ayaa dalalka iyo Hey’addaha kala duwaj ee shirka ka qeybgalay la wadaagay khibradda Soomaaliya ee maalgelinta cimilada, isagoo iftiimiyey guulaha la gaaray, caqabadaha jira iyo baahida loo qabo in maalgelinta si wax-ku-ool ah loogu jiheeyo dalalka nugul ee ay si weyn u saameeyeen isbeddelka cimiladu.

“Soomaaliya oo ka mid ah dalalka sida weyn ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada, waxaan fursad u helay inaan la wadaago khibraddeenna, guulaheenna iyo caqabadaha naga haysta maalgelinta cimilada. Waxaan sidoo kale sharaxay sida aan u qaadanayno hab ay Dowladda iyo Bulshadu si wadajir ah uga qayb qaataan xoojinta adkeysiga iyo dhisidda mustaqbal waara.” Ayuu yiri Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Liban Obsiye. 

Shir Goboleedkaan, ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah, hal-abuurka iyo wadaagista khibradaha si loo kordhiyo maalgelinta iyo xalalka waara ee wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada. Shirka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay isdhexgalka heer Goboleed iyo is -is-weydaarsiga khibradaha ku saabsan Cimilada Cagaaran iyo maalgelinta.

Waxaa shirkaan oo ah meertada 2aad si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Hey’adda Horumarinta Faransiiska, Wasaaradda Maaliyadda ee Brazil, Bangiga Horumarinta Koonfurta America (IDB), iyo Machadka Dhaqaalaha Cimilada (Institute for Climate Economics).

Muqdisho 12ka Sebteembar 2026 Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Hagar Dabageed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga baxay ballan uu hore ula galay waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Xawaadle, kaas oo ahaa in beeshu qaadato hoggaanka Hirshabeelle doorashada soo socota. Yuusuf Dabageed oo ka hadlay kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Xawaadle ayaa sheegay in guddi uu hoggaaminayay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, oo ay ku jireen siyaasiyiin, ganacsato iyo waxgarad, ay muddo saddex bilood ah ka hor arrintan kala hadleen madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in Xawaadle ay taageereen Hirshabeelle, ayna ballanqaadeen in aysan mucaarad ku noqon dowladda federaalka, iyadoo beddelkeedana laga filayay in beesha loo tixgeliyo hoggaanka maamulka marka ay timaaddo waqtigii isbeddelka.

Sida uu sheegay Dabageed, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii dambe la kulmay xubno ka tirsan guddiga, wuxuuna u sheegay in kursiga madaxweynaha Hirshabeelle la siinayo Xawaadle.

Dabageed wuxuu sheegay in saddex bilood kaddib uu madaxweynuhu si gaar gaar ah ula kulmay isaga iyo siyaasiyiin kale, isagoo u sheegay in ballantii Xawaadle uu ka baxay, isla markaana uu kursiga Hirshabeelle siiyay Cali Guudlaawe.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa sheegay in arrintaasi ay ku noqotay lama filaan, maadaama uu filayay in Xasan Sheekh, oo uu ku tilmaamay masuul si fiican u yaqaan xaaladda Hirshabeelle, uu ilaalin doono ballantii hore.

“Waxaan u qabay madaxweyne aan ballankiisa ka bixi doonin,” ayuu yiri Dabageed, isagoo sheegay inuu aaminsanaa in madaxweynuhu uusan beddeli doonin heshiis uu hore ula galay waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Xawaadle.

Dabageed ayaa sidoo kale sheegay in markii uu arrinta kala hadlay madaxweynaha, Xasan Sheekh uu ku adkeystay in ballantii Xawaadle uu ka baxay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaan kusoo kala tagnay,” reer abtigay waxba uma hayee kursiga iga nabad-doonee. “Haddaan kasoo helo intaad geenee,” ayaan iri. “Cali Guudlaawe siinaa,” ayuu yiri. Madaxweynaha uma badin,” waxaan iri, “nin yahow, kama nabad-doonayn karo. Nin iga dambeeya oo Xawaadle ah oo ka nabad-doonayn kara inuu jiro u malayn maayo,” ayuu yiri Madaxweyne-ku-xigeenka Hirshabeelle.

https://www.youtube.com/watch?v=7fzqX9Z9Gqs

Su’aalaha Maanta::Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho 8da Sebteembar 2026 Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Xasan Sheekh oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Dr. Samia Suluhu Hassan oo uu uga Tacsiyadeynayo geerida ku timid Seygeeyda Marxuum Hafidh Ameir Hassan oo ku geeriyooday dalka Tanzania .

“Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Marwo Dr. Samia Suluhu Hassan, Qoyskeeda iyo Carruurteeda iyo guud ahaan shacabka iyo Dowladda Tanzania oo aan uga tacsiyadeynayo geerida ku timid Marxuum Hafidh Ameir Hassan” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo Tacsi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

—-DHAMMAAD-

Muqdisho 8da Sebteembar 2026 Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la dardargeliyo qorshaha lagu fidinayo waddada isku xirta Isiolo iyo Mandera, taas oo laga sii gudbinayo gudaha Soomaaliya, si loo abuuro marin cusub oo ganacsi, isgaarsiineed iyo amni oo isku xira dalalka Geeska Afrika. Arrintan ayaa soo baxday kadib kulan magaalada Nairobi ku dhex maray safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jabril Cabdulle, iyo xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Waddooyinka Kenya, Joseph Mbugua.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la dhiso guddi farsamo oo wadajir ah, kaas oo dardar gelinaya wada-hadallada ku saabsan in Soomaaliya lagu daro mashruuca Horn of Africa Gateway Development Project (HoAGDP) ee uu maalgeliyo Bangiga Adduunka.

Sidoo kale, Soomaaliya iyo Kenya waxay isla garteen in la qabto kulan heer sare ah oo labada dal ah, kaas oo lagu sii ambaqaadayo qorshaha hirgelinta mashruuca.

Safiir Jabril Cabdulle ayaa soo dhaweeyey ka mid noqoshada Soomaaliya ee mashruucan, isagoo sheegay in uu xoojin doono isku xirnaanta labada dal.

“Mashruucan wuxuu fududeyn doonaa ganacsiga xuduudaha, wuxuu horumarin doonaa isku xirka fiber-optic-ga gobolka, wuxuuna furi doonaa fursado dhaqaale oo badan oo ay ka faa’iideystaan bulshada labada dal,” ayuu yiri.

Qorshahan ayaa waddada Isiolo-Mandera siinaya muhiimad ka ballaaran sidii hore, iyadoo mashruucu muddo sanado ah ka socday waqooyi-bari Kenya, balse ay caqabado amni iyo kuwo hirgelin ahi dib u dhigeen qaybo ka mid ah.

Bangiga Adduunka ayaa sannadkii 2020 ansixiyey maalgelin dhan $750 milyan oo loogu talagalay mashruuca HoAGDP, kaas oo diiradda saaraya waddo dhererkeedu yahay 740km oo isku xirta Isiolo iyo Mandera.

Mashruuca waxaa markii hore qorshihiisu ahaa in la casriyeeyo 365km oo waddada ah iyo 30km oo waddooyin kale oo ku xirma, iyadoo sidoo kale lagu dari doono kaabayaal fiber-optic ah, xarumaha xuduudaha iyo nidaamyo lagu fududeynayo maamulka iyo ganacsiga xuduudaha.

Amniga ayaa ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla mashruuca, gaar ahaan deegaannada waqooyi-bari Kenya. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in la xoojiyey tallaabooyinka amni si loo ilaaliyo shaqaalaha iyo howlaha dhismaha.

Puntland 8da Sebteembar 2026Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka digay in kooxaha burcad-badeedda ee ka howlgala xeebaha gobolka ay xiriir la leeyihiin shabakado dambiilayaal ah oo gaara ilaa Yemen. Maxamed Jaamac, oo ah taliyaha Ciidanka Ilaalada Badda ee Puntland, ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay hadda awood u leeyihiin inay weerarro ka fuliyaan masaafo ka fog xeebaha Soomaaliya, iyagoo adeegsanaya doonyo dheereeya iyo hub ay ka mid yihiin qoryaha lidka diyaaradaha iyo gantaallada garabka laga tuuro.

Digniinta Puntland ayaa ku soo beegmaysa xilli ay soo badanayaan weerarrada burcad-badeedda ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed. Sanadkan ayaa la diiwaangeliyey weerarro ka badan kuwii sanadihii u dambeeyey.

Ugu yaraan 5 markab ayaa haatan lagu haystaa xeebaha degaanada Puntland. Burcad badeedda ayaa dalbaday lacago furasho ah oo malaayiin ah. 

Sida laga soo xigtay xogta la helayo, kooxaha burcad-badeedda ayaa sidoo kale mararka qaar adeegsanaya maraakiib ay hore u qafaasheen, iyagoo ka dhigaya saldhigyo ay ka abaabulaan weerarro cusub oo ka dhaca meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Muqdisho 8da Sebteembar 2026 Booliska magaalada Karachi ayaa xiray tiro ka mid ah qoysaska badmaaxiinta Pakistan, kuwaas oo mudaharaad ka dhigayay bannaanka xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan, iyagoo dalbanayay in si degdeg ah loo soo badbaadiyo eheladooda oo ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah. Qoysaska ayaa tan iyo habeenkii Axadda fadhiyay bannaanka xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku taalla Shahrah-e-Faisal, iyagoo dowladda Pakistan ugu baaqayay inay qaaddo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo sii-deynta badmaaxiinta.

Warbaahinta Pakistan ayaa sheegtay in 10 muwaadiniin Pakistani ah ay ka mid yihiin 17-ka qof ee shaqaalaha markabka MT Honour 25, oo ay burcad-badeeddu qabsadeen 21-kii Abriil xilli uu marayay biyaha u dhow Soomaaliya.

Markabka oo wata calanka Palau ayaa sida lagu sheegay warbixinta lagu qabsaday meel ka baxsan xeebaha Puntland.

Qoysaska mudaharaadayay ayaa sheegay inay si nabad ah ugu tageen xarunta wasaaradda si ay dowladda uga dalbadaan in la dedejiyo dadaallada lagu soo daynayo eheladooda.

Booliska ayaa markii dambe farageliyay mudaharaadka, waxaana la xiray qaar ka mid ah dadkii bannaanbaxa ka qeybgalayay.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sheegay in boolisku adeegsadeen awood iyo ul, iyagoo dalbaday in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan dadka la xiray.

Qoysaska ayaa muujiyay walaac sii kordhaya oo ku saabsan xaaladda badmaaxiinta, kuwaas oo muddo bilo ah gacanta ugu jira kooxaha afduubka ka geysta xeebaha Soomaaliya.

Waxay dowladda Pakistan ugu baaqeen inay xoogga saarto dadaallada lagu xaqiijinayo badbaadada badmaaxiinta iyo sidii loogu soo celin lahaa dalkooda.
image.png

Muqdisho 8da Sebteembar 2026 Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalkiisa, isagoo sheegay in madax-bannaanida Jabuuti iyo awoodda ay u leedahay inay si madaxbannaan go’aannadeeda u gaadho ayna ahayn wax gorgortan laga geli karo. Madaxweyne Geelle ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Cali-Sabiix, kaddib markii uu soo dhammaaday shir siyaasadeed oo saddex maalmood socday oo ay yeesheen xubnaha Xisbiga Isu-soo-baxa Shacabka ee Horumarka (RPP) ee talada dalka haya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jabuuti ay xoogga saarayso ilaalinta madax-bannaanida go’aan-qaadashadeeda, xoojinta amniga gudaha iyo dhowrista isku-duubnida bulshada, xilli Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas ay ka jiraan loollan siyaasadeed iyo mid amni oo sii kordhaya.

“Arrimaha gudaha Jabuuti waxaa iska leh shacabka iyo dowladda Jabuuti. Uma oggolaan doonno cidna inay farageliso ama ku soo xadgudubto arrimaheenna gudaha,” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladdiisu sii wadi doonto maalgelinta waxbarashada, horumarinta xirfadaha iyo tayeynta awoodda muwaadiniinta Jabuuti, si loo dhiso dal isku filan oo awood u leh inuu si madaxbannaan uga jawaabo caqabadaha mustaqbalka.

Hadallada Madaxweynaha Jabuuti ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas ay ka jiraan loollan xooggan oo ay ku lug leeyihiin dalal iyo quwado shisheeye, kuwaas oo dano amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ku leh gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Geelle si gaar ah uma magacaabin cida ama dalka uu uga digayay faragelinta. Sidoo kale muu sheegin dal ama dhinac ay dowladdiisu xilligan khilaaf siyaasadeed ama diblomaasiyadeed kala dhexeeyo. Sidaas darteed, lakiin waxa si adag u diide farogalin kasta oo shisheeye.

WARARKA MAANTA 6da Sebteembar 2026 

Su’aalaha Maanta::Maxuu yahay shirka isgaarsiinta ah ee #Muqdisho ka furmaya? Yaa shirkan isgaarsiinta lacag mashruuc ku cunnaaya? Yaa dhacay shacabka #Muqdisho? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad #Kenya ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca #Soomaaliya? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho 6da Sebteembar 2026  Marka aan dagaalka ku jirno, waa in aan maanka ku haynaa in waxa la isku haysto ay tahay quluubta iyo maskaxda shacabka, qofkii quluubta shacabka hanta ayaa dagaalka ku guulaysanaya, Sidaas darteed, ilaalinta badqabka rayidka waxay qayb ka tahay guusha; guuldarraduna waxay bilaabataa marka badqabka rayidku meesha ka baxo, shacabkuna kaa fogaado.”

— Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud

Addis Sababa 6da Sebteembar 2026Soomaaliya oo noqotay dalka 50-aad ee ku biira AfCFTA

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya si rasmi ah ugu gudbisay Midowga Afrika dukumentiga ansixinta Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).

Wasiirku wuxuu sheegay in tallaabadan ay Soomaaliya ka dhigeyso dalka 50-aad ee xubin rasmi ah ka noqda Heshiiska AfCFTA, isaga oo ku tilmaamay arrin taariikhi ah oo muhiim u ah kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga dalka.

Sida uu wasiirku sheegay, heshiisku wuxuu ganacsatada Soomaaliyeed u abuuri karaa fursado cusub oo ay ku gaaraan suuqyada dalalka Afrika, iyadoo dowladda ay hadda diiradda saari doonto hirgelinta waajibaadka heshiiska iyo u diyaarinta ganacsatada Soomaaliyeed sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen fursadaha uu abuurayo

Muqdisho 6da Sebteembar 2026 Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryam Qasim Ahmed, ayaa magacaawday Agaasime-waaxeedyada hoos ku xusan:

• Maqdis Cabdullaahi Cumar – Agaasimaha Waaxda Kormeerka, Cilmi-baarista iyo Warbixinnada

• Maxamed Xasan Abshir – Agaasimaha Waaxda Ilaalinta, Horumarinta iyo Tababarka Xuquuqul Insaanka

• Cabdirisaaq Xasan Macallin – Agaasimaha Waaxda Cabashooyinka, Baaritaannada iyo Adeegyada Sharciga

• Cabdiraxmaan Aadan Maxamed – Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo (ICT)

Guddoomiyaha waxay kula dardaarantay Agaasime-waaxeedyada cusub inay waajibaadkooda u gutaan si hufan oo xilkasnimo leh, una hoggaansamaan mabaadii’da daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo madaxbannaanida Guddiga, si loo xoojiyo doorka Guddiga ee ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee dalka

Muqdisho 6ta Sebteembar 2026 WASIIRKA GAASHAANDHIGGA IYO TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO KA QAYB GALAY KULAN LOOGA HADLAYAY ILAALINTA BADQABKA RAYIDKA

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka qayb galay kulan ay soo agaasintay Wasaaradda Gaashaandhigga, kaas oo looga hadlayay xoojinta ilaalinta badqabka iyo amniga shacabka rayidka ah xilliyada ay socdaan howlgallada ciidanka iyo colaadaha hubeysan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa tallaabooyinka lagu ilaalinayo dadka rayidka ah, iyadoo la dhowrayo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo masuuliyadda ciidanka ee ilaalinta shacabka.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada lagu wacyigeliyo ilaalinta xuquuqda rayidka, gaar ahaan xilliyada ay socdaan howlgallada amni iyo kuwa ka dhanka ah kooxaha hubeysan.

Maraykanka 6da Sebteembar 2026 Maraykanka ayaa la sheegay inuu kordhinayo hawlgallada cirka iyo joogitaankiisa militari ee Puntland, iyadoo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ay 3-dii Sebtembar hawlgallo sahamin ah ka sameeyeen buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari. Sida ay saraakiil amni oo Puntland ah u sheegeen warbaahinta Drop Site, diyaaradaha ayaa hawlgallo ka fuliyay deegaannada Togga Miraale iyo Togga Baalade, kuwaas oo loo arko goobo ay ku xooggan yihiin dagaalyahannada kooxda ISIS.

Saraakiishu waxay sheegeen in diyaaradaha Maraykanku ay gudaha Togga Baalade ku arkeen dagaalyahanno looga shakisan yahay ISIS oo la socday gaari dameer, kaddibna ay duqeymo ka fuliyeen agagaarka deegaanka abbaaro 8:30 fiidnimo.

Hawlgalladan ayaa imanaya xilli Washington ay qorsheynayso inay ballaariso saldhig militari oo cusub oo laga dhisayo magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen saraakiisha amniga Puntland.

Qorshaha saldhigga ayaa lagu dhawaaqay kaddib kulan 2-dii Agoosto magaalada Boosaaso ku dhexmaray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayay Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Major General Claude Tudor.

War kasoo baxay Puntland ayaa sheegay in Maraykanku ballaarin doono saldhiggiisa Boosaaso si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan iyo amniga badda ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Hase yeeshee, shan sarkaal oo amni oo Puntland ah ayaa Drop Site u sheegay in heshiisku ka weyn yahay sida lagu sheegay bayaanka rasmiga ah, ayna tahay in saldhigga cusub uu si toos ah uga howlgalo Boosaaso.

Sida ay saraakiishu sheegeen, Maraykanku hadda Boosaaso wuxuu ku leeyahay xafiis ay adeegsadaan AFRICOM iyo CIA, kaas oo isku xira ciidamada Puntland iyo xarunta AFRICOM ee Jabuuti marka loo baahdo taageero cirka ah.

Marka saldhigga cusub la dhammeeyo, saraakiishu waxay sheegeen in diyaaradaha Maraykanku ay duqeymaha iyo hawlgallada sahanka si toos ah uga bilaabi doonaan Boosaaso.

Buuraleyda Cal-Miskaad ayaa muddo ku dhow laba sano waxaa ka socday dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland oo taageero ka helaya Maraykanka iyo dagaalyahannada ISIS.

Maraykanka ayaa xilligan kordhiyay duqeymaha iyo hawlgallada uu ka fulinayo Soomaaliya, iyadoo kooxda ISIS ay weli qaybo ka mid ah buuraha ku leedahay saldhigyo ay ku dhuumato.

Sida laga soo xigtay xogta New America ee lagu xusay warbixinta, Maraykanku wuxuu Soomaaliya ka fuliyay 205 duqeyn intii uu Donald Trump bilaabay muddadiisa labaad ee madaxtinimada, waxaana 53 boqolkiiba duqeymahaasi lala beegsaday ISIS.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Maraykanku qorsheynayo samaynta ciidan cusub oo maxalli ah oo ka howlgala Puntland, kaas oo la dagaallami doona kooxaha argigixixisada.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in Maraykanku uu mas’uul ka noqon doono mushaharka, qalabaynta iyo tababarka ciidamadaas, inkastoo tiradooda aan weli la go’aamin.

Qorshaha saldhigga cusub ee Boosaaso ayaa sidoo kale dhaliyay su’aalo la xiriira awoodda Puntland ee heshiisyada militari ee lala galo dalalka shisheeye.

Warbixintu waxay xustay in dastuurka Soomaaliya uu dhigayo in dowladda federaalka ay leedahay awoodda saxiixa heshiisyada ay Soomaaliya la gasho dowladaha iyo hay’adaha shisheeye.

WARARKA MAANTA 3da Sebteembar 2026 

Su’aalaha Maanta::Maxaa ka socda Baydhabo? Maxuu fashiilay Siyaasi Cabdi-Waal? Maxuu ku fashilmay shirkii amniga ee #Muqdisho ka socda? Yaa fashilay shirka amniga ee #Muqdisho ka furmay? Maxay Madaxweyne hore Xassan Iyo Raysal Wasaare hore Xamsa u diideen inay furaan shirka amniga? Yaa dhacay shacabka #Muqdisho? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad #Kenya ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca #Soomaaliya? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho 3da Sebteembar 2026 Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Aqalka Sare ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, si ay ugu kuurgalaan hannaanka shaqo iyo doorka Golaha ee nidaaminta mihnadda caafimaadka dalka.

Kormeerkan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, Senatar Dr. Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle), ayaa diiradda lagu saaray dhowrista tayada adeegyada caafimaadka, ku-dhaqanka shuruucda mihnadda caafimaadka, tayada dawooyinka, badqabka adeegyada Isbitaallada, iyo habraacyada lagu hubiyo aqoonta iyo kartida xirfadlayaasha caafimaadka dalka.

Intii uu kormeerku socday, xubnaha Guddigu waxay maamulka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka ka dhageysteen warbixin ku saabsan hannaanka shaqado, waajibaadka iyo doorka ay ku leeyihiin nidaaminta mihnadda caafimaadka, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha horumarineed.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah waajibaadka Guddiga ee la-xisaabtanka, dabagalka iyo kor-joogteynta hay’adaha caafimaadka, iyadoo ujeeddadu tahay dardargelinta dhowrista tayada iyo shuruucda caafimaadka dalka, si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeeg caafimaad oo hufan, tayo leh, islamarkaana ammaan a

Muqdisho 3da Sebteembar 2026 Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Hon. Maxamed Faarax Nuux, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka Shirkadda Diyaaradaha SalamAir, oo laga leeyahay dalka Cumaan, taas oo muddo dhowr iyo soddon sano ah kadib maanta duulimaad ka bilowday Muqdisho iyo Muscat ee dalka Cumaan 

Muqdisho 3da Sebteembar 2026  Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in waaxda amnigu ay isticmaasho in ka badan 60% miisaaniyadda qaranka, iyadoo dalka uu isku diyaarinayo in ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga marka uu dhammaado howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya bisha December. Agaasimaha Guud ee Amniga Gudaha, Maxamed Xasan Shire, ayaa sheegay in xaaladdaasi ay dowladda ku qasbeyso inay dib u eegto habka loo maareeyo kharashaadka ciidamada iyo hay’adaha amniga, si loo daboolo baahiyaha dhaqaale ee sii kordhaya.

Shire oo ka hadlayay shir looga hadlayay arrimaha amniga ayaa sheegay in xoojinta isku-duwidda hay’adaha amniga ay tahay arrin muhiim u ah wax-ku-oolnimada hay’adaha amniga Soomaaliya.

Wuxuu yiri:“Arrinta kale ee aan maanta shirkan kaga hadalnay waa habka isku-duwidda. Xoojinta habka isku-duwiddu waxay muhiim u tahay wax-ku-oolnimada hay’adaha amniga.”

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo dhaqaale waara oo lagu daboolo baahiyaha ciidamada iyo hay’adaha amniga, “Ugu dambayn, arrintu waxay ku saabsan tahay awoodda dhaqaale. Awoodda lagu maalgelin karo amniga waa arrin muhiim ah xilligan, gaar ahaan iyadoo howlgalka Midowga Afrika uu halkan ku dhammaanayo bisha December, ciidamada Soomaaliyeedna laga filayo inay la wareegaan mas’uuliyadda amniga,” ayuu yiri Shire.

Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya ay qorshe cad ka yeelato sidii ay u dabooli lahayd baahiyaha miisaaniyadeed ee ciidamada amniga marka ay mas’uuliyadda amni si buuxda ugu soo wareegto dowladda, Sida uu sheegay Shire, dowladda ayaa sidoo kale wada qorsheyaal lagu doonayo in lagu yareeyo kharashaadka aan loo baahnayn, isla markaana lagu kordhiyo hufnaanta hay’adaha amniga. 

Puntland 3da Sebteembar 2026  Puntland ayaa ku dhawaaqday in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto haysashada, soo gelinta, iibinta ama isticmaalka hub sharci-darro ah gudaha deegaanadeeda. Go’aankan ayaa kasoo baxay shir amni oo uu magaalada Boosaaso ku guddoomiyey Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo looga hadlay xaaladda amni ee gobolka Bari iyo xoojinta tallaabooyinka lagu xakameynayo hubka sharci-darrada ah.

Puntland waxay sheegtay in hay’adaha amniga iyo caddaaladda loo xilsaaray inay si adag u fuliyaan go’aanka, iyadoo hub kasta oo sharci-darro ah oo la qabto ay dowladda la wareegayso.

Tallaabadan ayaa sidoo kale khuseysa dadka lagu helo inay hub sharci-darro ah soo geliyaan Puntland, ka ganacsadaan ama isticmaalaan, iyadoo dowladda ay sheegtay in laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.

Go’aanka ayaa imanaya iyadoo maamulka Puntland uu isku dayayo inuu yareeyo faafitaanka hubka sharci-darrada ah iyo khatarta uu ku yeelan karo amniga bulshada, gaar ahaan colaadaha beelaha iyo falalka amni-darrada ah.

Muqdisho 3da Sebteembar 2026 Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Golaha Shacabka iyo Xukuumadda, si waafaqsan Dastuurka, shuruucda dalka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, loona dardargelin lahaa shuruucda mudnaanta u leh howlaha Qaran ee horyaalla Golaha. 

Sulayman Moamed Mohamud is the Somali Attorney-General Ahmed Isse Gutale  is the Somali Auditor-general 

WARARKA MAANTA 2da Sebteembar 2026 

Su’aalaha Maanta:Maxay kashiftay Guddoomiyihii hore Xaliimo Yareey? Yaa fashilay shirka amniga ee #Muqdisho ka furmay? Maxay Madaxweyne hore Xassan Iyo Raysal Wasaare hore Xamsa u diideen inay furaan shirka amniga? Yaa dhacay shacabka #Muqdisho? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad #Kenya ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca #Soomaaliya? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho 2da Sebteembar 2026 La-taliyaha amniga qaranka Madaxweynaha Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa sheegay in howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM uusan Soomaaliya uga bixi doonin si kedis ah, balse bixitaankiisa lagu salayn doono qorshe ay dowladda Soomaaliya kula wareegayso mas’uuliyadda amniga dalka. Danjire Aweys ayaa sheegay in qorshaha kala-guurka amniga Soomaaliya uu soo bilowday sanaddii 2022, kaddib qiimeyn wadajir ah oo dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ku sameeyeen awoodda dowladda ee ay kula wareegi karto hawlihii ay hay’adaha Qaramada Midoobay dalka ka wadeen.

Waxa uu sheegay in qiimeyntaas lagu go’aamiyay in Soomaaliya si tartiib ah ula wareegto mas’uuliyadaha kala duwan, iyadoo mudnaanta la siinayo siyaasadda, sharciga iyo caddaaladda, ka hor inta aan si buuxda loo soo afjarin howlgalka gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Danjiraha ayaa sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu sannadkii 2025 ansixiyay qorshaha loogu talagalay in Soomaaliya ay 31-ka Oktoobar 2026 si rasmi ah ula wareegto hawlihii ay UNTMIS ka wadday dalka.

“AU-SOM dalka kama bixi doonto,” ayuu yiri Aweys, isaga oo xusay in bixitaanka ciidamada Midowga Afrika lagu saleeyn doono hadba sida ay dowladda Soomaaliya ugu diyaar garowdo la wareegidda amniga.

Waxa uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in ay si buuxda ula wareegto amniga dalka, balse muddada kala-guurka ay ku xirnaan doonto horumarka laga sameeyo dagaallada iyo tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.

Aweys ayaa tilmaamay in haddii ciidamada dowladda iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab si wanaagsan loo xoojiyo, ay suuragal tahay in mas’uuliyadda amniga lagu wareego muddo ka gaaban qorshaha hadda la dejiyay, halka haddii xaaladdu sidaas ku sii adkaato ay qaadan karto waqti dheeraad ah.

La-taliyaha amniga qaranka ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha dowladda uusan ku koobnayn amniga oo keliya, balse uu isku xirayo amniga, caddaaladda iyo horumarinta dhaqaalaha, isaga oo ku dooday in saddexdaas arrimood ay yihiin saldhigga xasilloonida Soomaaliya.

Muqdisho 2da Sebteembar 2026 Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Kormeeray Tiyaatarka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo ay ka socotay qiimeyn lagu sameynayo xaaladda xarunta iyo baahiyaha dayactir iyo dib u habeyn.

Kormeerka waxaa goob joog ka ahaa Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdullaahi Cusmaan Guurre iyo xubno ka tirsan maamulka, kuwaas oo Wasiirka iyo injineerada la wadaagay warbixin ku saabsan xaalada xarunta iyo baahiyaha dayactir ee jira.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’an tahay dib u dayactirka iyo horumarinta Tiyaatarka Qaranka, si uu mar kale u noqdo xarun qaran oo lagu kobciyo fanka, suugaanta, dhaqanka, wacyigelinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dhawaan la bilaabi doono hawlaha dib u dayactirka iyo dib u habeynta Tiyaatarka Qaranka, si xaruntani mar kale ugu soo noqoto kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahayd nolosha faneed iyo dhaqameed ee dalka.

Muqdisho 2da Sebteembar 2026  Cali Balcad oo wareysi siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in Bayaanka Ankara uu labada dal dib ugu xaqiijiyay ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada, madaxbannaanida dhuleednimada midba midka kale. Sida uu sheegay, heshiiskaasi ayaa hadda ah qaabka lagu maamulayo xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiiru-dawluhu wuxuu sheegay in Itoobiya ay heli karto marin la isku halayn karo oo ay badda uga soo gasho Soomaaliya, balse arrintaasi ay tahay in lagu saleeyo heshiisyo ganacsi oo labada dhinacba faa’iido u leh, isla markaana lagu fuliyo awoodda iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan markaas bilownay wada-xaajoodyo farsamo oo Itoobiya iyo Soomaaliya u dhexeeya, kuwaas oo uu Turkigu dhexdhexaadinayay,” ayuu yidhi Cali Balcad, isagoo xusay in wada-hadalladaasi ay muujiyeen in la heli karo waddo sharci ah oo lagu dabooli karo baahida Itoobiya ee marin ganacsi oo badeed, iyadoo aan waxba loo dhimayn madax-bannaanida Soomaaliya.Sida uu sheegay, natiijada wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya waxay muujinayaan in danaha Itoobiya ee helitaanka marin badeed lagu xallin karo qaab ganacsi iyo diblomaasiyadeed, halkii lagu fulin lahaa heshiisyo ay Soomaaliya u aragto inay wax u dhimayaan madax-bannaanideed 

Belgrade 2da Sebteembar 2026 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay shirka Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn (NAM) oo maanta ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunidu wajahayo, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo wadajirka caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in colaadaha, argagixisada, xiisadaha juqraafi-siyaasadeed iyo isbeddelka cimiladu ay yihiin qaar ka mid ah caqabadaha waaweyn ee maanta horyaalla dunida, kuwaas oo u baahan iskaashi iyo xalal wadajir ah.

Xasan Sheekh ayaa shirka uga warramay horumarka Soomaaliya iyo dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan xasilloonida, dib u dhiska hay’adaha dowladeed iyo horumarinta dalka.

Waxa uu uga mahadceliyay bahwadaagta caalamiga ah taageerada ay Soomaaliya si joogto ah u siiyaan, isagoo sheegay in iskaashiga caalamiga ahi uu muhiim u yahay dadaallada dalka loogu dhisayo nabad iyo xasillooni waarta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay mabaadi’da Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn, gaar ahaan dhowrista madaxbannaanida dalalka, midnimada dhuleed, caddaaladda iyo sinnaanta.

Muqdisho 2da Sebteembar 2026 Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, ayaa sheegay in ciidamo la geeyay xarunta baarlamaanka, isla markaana albaabada laga xiray, xilli ay xildhibaannadu isku diyaarinayeen inay bilaabaan kalfadhiga baarlamaanka. Gacal oo BBC uga warramay xaaladda ayaa sheegay in ciidamada weli ay ku sugan yihiin xarunta, isla markaana, sida ay iyagu sheegeen, ay amar ka haystaan Madaxweynaha Galmudug oo lagu joojinayo shaqada baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii ciidamada la keenay ay xildhibaannadu fasaxeen, balse ay markii dambe ogaadeen in amarka lagu xiray xarunta uu ka yimid dhinaca Madaxweynaha Galmudug, waxa uu shaaca ka qaaday in qaar ka mid ah xildhibaannada la xiriiray Madaxweynaha Galmudug ay u sheegeen inuu ku doodayo in doorasho lagu jiro, sidaas darteedna aan loo baahnayn in hay’adaha dastuuriga ah dib loo hawlgeliyo inta arrinta doorashadu taagan tahay.

Hase yeeshee, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in mowqifkaas uusan waafaqsanayn dastuurka Galmudug, isaga oo xusay in dastuurku dhigayo in hay’adaha dastuuriga ahi ay sii wataan waajibaadkooda ilaa xilka si rasmi ah loogu wareejiyo hay’adaha cusub, Waxa uu iftiimiyay in go’aanno la xiriira arrinta doorashada iyo xukun maxkamadeed oo ay aqbaleen dowladda federaalka iyo guddiga doorashada ay jiraan, kuwaas oo ay tahay in la fuliyo.

Gacal ayaa sheegay in isku darka arrimahaas iyo amarka lagu xiray baarlamaanka ay abuureen xaalad uu ku tilmaamay mid aan caadi ahayn oo ilaa hadda aan xal laga gaarin, waxa uu xusay in ilaa hadda aysan jirin natiijo cad oo ka soo baxday xiriirradii ay xildhibaannadu la sameeyeen Madaxweynaha Galmudug.

“Ilaa hadda ciidamadu way nagu dul sugan yihiin, amar ayayna, sida ay noo sheegeen, ka haystaan Madaxweynaha Galmudug,” ayuu yiri Gacal, Waxa uu sheegay in xaaladda amni ee gudaha baarlamaanka aysan ahayn mid khatar gaar ah ku ah isaga ama xildhibaannada, balse ay istaageen dhaqdhaqaaqii iyo shaqadii baarlamaanka.

Gacal ayaa sidoo kale sheegay inuusan awoodin inuu si toos ah ula xiriiro Madaxweynaha Galmudug, sababo la xiriira ciidamada ku hareeraysan xarunta, waxa uu khilaafka hadda taagan ku xiray muranka doorashada iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in hay’adihii Galmudug ay muddo ku dhow shan bilood hakad ku jireen, kaddib khilaaf ka dhashay doorashada, taas oo uu sheegay inay ugu dambayn keentay in Madaxweynaha Galmudug uu tanaasul sameeyo, kadibna heshiis laga gaaro arrinta u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug.

Muqdisho 2da Sebteembar 2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni inuu hadalladiisa iyo mowqifkiisa ku dhiirrigelinayo burcad-badeedda inay madax-furasho ka dalbadaan maraakiibta ay afduubtaan. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in warqad uu soo saaray maamulka Puntland ay ku jirto difaac uu ku tilmaamay mid lagu taageerayo burcad-badeedda iyo bixinta lacagaha madax-furashada.

Fiqi ayaa sheegay in tallaabadaas ay fariin khaldan u dirayso kooxaha haysta maraakiibta, taas oo uu sheegay inay ku dhiirrigelin karto inay sii wadaan afduubka iyo dalbashada lacagaha madax-furashada.

“Lacag kasta oo la siiyo burcad-badeedda waxay sii maalgelinaysaa fal-dambiyeedkaas, waxayna ku dhiirrigelinaysaa inay maraakiib kale qabsadaan,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dowladaha ay maraakiibtoodu ku xayiran yihiin xeebaha Soomaaliya in aysan bixin lacag madax-furasho ah, isaga oo sheegay in lacagahaasi ay maalgelinayaan falalka burcad-badeednimada isla markaana ay kooxaha ku dhiirrigelinayaan inay maraakiib kale qabsadaan.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in la helo xal loogu sameeyo maraakiibta iyo doomaha ay burcad-badeeddu gacanta ku hayaan, balse uu ku adkeystay in aan kooxaha la siin lacag ay ku sii wataan howlahooda.

Dhanka kale, Fiqi ayaa Madaxweynaha Puntland ugu baaqay inuu kaalin muuqata ka qaato la dagaallanka burcad-badeednimada, isagoo xusay in Puntland ay leedahay ciidamo badeed iyo ciidamo ku sugan xeebaha oo muddo dheer taageero ka helayay beesha caalamka.

WARARKA MAANTA 1da Sebteembar 2026 

Su’aalaha Maanta:Maxuu kashifay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa?  Yaa shacabka #Muqdisho bacakiciyey? Yaa dhacay shacabka #Muqdisho? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad #Kenya ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca #Soomaaliya? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho 1da Sebteembar 2026 Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta gudbiyay mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh, iyagoo dalbanaya in xilka laga qaado. Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Belgrade kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Serbia, waxaana la filayaa in si rasmi ah uu ula kulmo Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vučić.

Wafdiga Soomaaliya waxaa sidoo kale ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaan Cali, oo isna magaalada Belgrade gaaray maanta.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirka oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujinaya sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay mabaadi’da aas-aaska u ah Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Xulufada Ahayn, oo ay ka mid yihiin dhowrista madax-bannaanida dowladaha, midnimada dhuleed iyo xalinta khilaafaadka si nabad ah.

Belgrade 1da Sebteembar 2026 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Qatar ay xoojinayaan iskaashigooda amni iyo difaac, isagoo tilmaamay in heshiiska iskaashiga difaaca ee labada dal uu gacan ka geysanayo dhismaha hay’ado amni iyo ciidan Soomaaliyeed oo xooggan oo xirfad leh. Xamsa Cabdi Barre oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Al Sharq ee Qatar ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Qatar uu galay marxalad cusub oo ku dhisan iskaashi istiraatiiji ah, kaas oo ay ku jiraan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, maalgashiga, amniga iyo difaaca.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Belgrade ee caasimadda Serbia, halkaas oo uu Soomaaliya uga qeybgeleyso shirka heerka sare ee Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Xulufada Ahayn (NAM), kaas oo 1-da ilaa 2-da September ka dhacaya dalka Serbia. 

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Belgrade kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Serbia, waxaana la filayaa in si rasmi ah uu ula kulmo Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vučić.

Wafdiga Soomaaliya waxaa sidoo kale ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaan Cali, oo isna magaalada Belgrade gaaray maanta.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirka oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujinaya sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay mabaadi’da aas-aaska u ah Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Xulufada Ahayn, oo ay ka mid yihiin dhowrista madax-bannaanida dowladaha, midnimada dhuleed iyo xalinta khilaafaadka si nabad ah.

Muqdisho 1da Sebteembar 2026  Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle Guddiga ayaa sheegay in jadwalkan cusub uu yahay mid lagu beddelay jadwalkii hore ee 25-kii July 2026, kaas oo doorashada lagu qorsheeyay in la qabto 20-kii Agoosto.

Sida uu dhigayo jadwalka cusub, maalinta codbixinta doorashada waxaa loo asteeyay 30-ka September 2026, iyadoo hawlaha doorashada ay bilaabanayaan horraanta bisha September.

Jadwalka GMDQS ayaa dhigaya in 2 September noqon doonto Shaacinta liiska hordhaca ah ee diiwaankada, 15 September ayaa ah Astaynta iyo shaacinta xarumaha iyo goobaha codbixinta halka 16ka September ay u qorsheeyeen Guddiga Diiwaangelinta iyo qaybinta kaararka codbixiyayaasha.

Qatar 1da Sebteembar 2026 Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso iskaashi muddo dheer ah oo ay la yeelato Qatar iyo dalalka Khaliijka, kaas oo aan ku koobnaan oo keliya maaraynta dhibaatooyinka, balse diiradda lagu saaro maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta, dekedaha, amniga cuntada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Xamsa Cabdi Barre ayaa carrabka ku adkeeyay in madax-bannaanida, midnimada iyo dhul-wadaagga Soomaaliya aysan ahayn arrimo laga gorgortami karo, isagoo sheegay in dowladda federaalku ay diiddan tahay tallaabo kasta oo lagu waxyeelleynayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay xaaladda Somaliland, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay weli aaminsan tahay in khilaafaadka gudaha lagu xallin karo wada-hadal ay yeeshaan dhinacyada Soomaaliyeed, Wuxuu sidoo kale ka digay faragelinta dibadda iyo isku day kasta oo lagu doonayo in Soomaaliya loogu sameeyo xaqiiqo siyaasadeed oo cusub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa mar kale caddeeyay mowqifka Muqdisho ee ku aaddan qorshe kasta oo lagu doonayo in Falastiiniyiin loogu soo raro Soomaaliya, Wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan noqon doonin dal kale oo Falastiiniyiinta lagu dejiyo, isla markaana aysan qayb ka noqon doonin qorshe lagu barakicinayo shacabka Falastiin ama lagu wiiqayo qaddiyaddooda.

Xamsa ayaa sheegay in shacabka Falastiin ay xaq u leeyihiin inay dalkooda ku noolaadaan xorriyad iyo sharaf.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ka hadlay amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isagoo walaac ka muujiyay xiisadaha gobolka iyo saameynta ay ku yeelan karaan maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah, Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay dejinta xiisadaha, wada-hadalka iyo xalalka diblomaasiyadeed, isagoo xusay in amniga marinnada badda uu muhiim u yahay Soomaaliya maadaama ay leedahay xeeb istiraatiiji ah oo ku taalla mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan dunida.

Muqdisho 1da Sebteembar 2026 Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa bilaabay baaritaan hordhac ah oo lagu hayo xubno ka tirsan ciidanka, kuwaas oo lagu eedeeyay inay baraha bulshada ku faafiyeen muuqaal muujinaya tacaddi loo geystay maxbuus dagaal, xilli ay ciidamadu wadeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab. Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in falkaasi uu si cad uga hor imaanayo xeerarka anshaxa ciidamada, nidaamka ciidan iyo shuruucda caalamiga ah ee dagaalka, gaar ahaan kuwa la xiriira ilaalinta xuquuqda maxaabiista.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa dhammaan askarta uga digay inay ku kacaan falal noocan oo kale ah, isagoo sheegay in tallaabooyin sharci iyo ciidan oo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku xadgudubtay xeerarka dagaalka, xuquuqda maxaabiista iyo xuquuqda aadanaha.

Taliska ayaa sidoo kale xusay in baaritaanka socda lagu ogaan doono xaqiiqada dhacdada iyo cidda mas’uulka ka ah falka lagu muujiyey muuqaalka.

Si kastaba ha ahaatee, muuqaal maanta lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay maxbuus ka tirsan Alshabaab oo ay tacaddi xooggan u geysanayaan askar ciidanka dowladda ka tirsan, iyagoo bac madaxa u galinaya oo ku ceejinaya maxbuuska.

Muuqaalkan ayaa si weyn looga carooday, iyadoo ay soo baxeen baaqyo loo jeediyay dowladda oo ah in sharciga la horkeeno askarta falkaan foosha xun sameysay. 

WARARKA MAANTA 30ka Agoosto 2026 WARARKA MAANTA 31ka Agoosto 2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa sharciga khaniisiinta/qoomu-luudka keenay in laga ansixiyo golaha shacabka? Yaa shacabka #Muqdisho bacakiciyey? Yaa dhacay shacabka #Muqdisho? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad #Kenya ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca #Soomaaliya? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Iran Agoosto 31ka 2026 Dawladda Iiraan ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay in markab weyn oo siday shidaal uu dab xooggan ku qabsaday meel u dhow marinka muhiimka ah ee Hormuz, ka dib markii uu ku dhacay labo miino oo kuwa badda ah.

Sida ay werisay warbaahinta qaranka Iiraan, dhacdadan ayaa loo arkaa mid halis weyn ku ah badbaadada marinnada caalamiga ah ee tamarta, maadaama marinka Hormuz uu yahay wadnaha isku xira ganacsiga shidaalka dunida.

Gubashada markabkan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisaddu ay cirka isku shareertay, taas oo kordhinaysa cabsida laga qabo in dhibaatooyinkan ay saameyn ba’an ku yeeshaan dhaqaalaha caalamka iyo isu-socodka maraakiibta ee gobolka.

Muqdisho, Agoosto 31ka 2026  Xaqiiqda aan la qarin karin

Sababta keentay in Ra’iisul Wasaare Kheyre lagu dhaliilo arrimaha Wasaaradda Qorsheynta waxay tahay in dadkii khibradda iyo miisaanka lahaa ee talada iyo hagidda siin lahaa uu wasaaradda ka wada saaray.

Xilligii Wasiirradii Aynte iyo Jamaal, waxaa wasaaradda ka howlgeli jiray masuuliyiin iyo khubaro miisaan leh, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

Asad – Agaasimihii Guud ee Wasaaradda.

Sharma’arke – Agaasimihii Statistics-ka.

Muse Mohamed – Agaasimihii Waaxda Qorsheynta.

Mohamed Dahir – Agaasimihii Xiriirka Caalamiga ah.

Zahra Abdi – Agaasimihii Xalka Waara iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Mohamed Dhuuboow – oo door muhiim ah ku lahaa dhismaha Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya.

Agaasime Mo Shire – oo markii dambe u wareegay Wasaaradda Amniga.

Waxaa sidoo kale jiray eedeymo iyo hadal-heyn ku saabsan sababihii xilalka looga qaaday qaar ka mid ah masuuliyiintaas, oo ay ku jireen arrimo siyaasadeed iyo eex qabiil, halka Mo Shire-na lagu sheegay inuu wasaaradda uga baxay arrin la xiriirtay saxiixiisa oo uu siiyay malxiiskiisii doorashada xildhibaanimo, kaas oo maanta ah Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee wasaaradda.

Xaaladda hadda

Masuuliyiinta khibradda leh ee hadda lagu xuso wasaaradda waxaa ka mid ah nin hore uga soo shaqeeyay Wasaaradda Qorsheynta Puntland oo hadda hoggaamiya Waaxda M&E, iyo Mohamed Wayaki, oo hore u ahaa Agaasimaha Guud ee Statistics-ka Wasaaradda Gargaarka/SODMA.

Agaasimaha Guud ee hadda jooga Wasaaradda Qorsheynta, oo hore uga soo wareegay Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa isna lagu tilmaamaa masuul aan si fudud loogu yeeri karin ama loo xisaabtami karin.

Dhaxalkii ay Wasiirradii Aynte iyo Jamaal ka tageen iyo nidaamkii ay wasaaradda ku dhiseen maanta si weyn looma xuso, iyadoo wasaaraddii ay dhiseen lagu eedeeyay inay ka leexatay shaqadeedii iyo haybaddii ay lahayd.

Xogta la hayo waxay sheegaysaa in Ra’iisul Wasaare Xamza uu ka gaabsado kormeerka joogtada ah ee wasaaradda, kadib markii uu arkay xaaladda ay ku sugan tahay. Waxaa xitaa la sheegay in qeyb ka mid ah wasaaradda loogu yeero “Qeybta Ergada Wasiirka”, taas oo lagu tilmaamay goob ay isugu yimaadaan koox isku deegaan ama xaafad ah oo aan lahayn xirfad ku filan, balse si uun uga faa’iideysta wasaaradda.

Talo soo jeedin

Si dib loogu soo celiyo sumcadda, shaqadii iyo hannaankii xirfadeed ee Wasaaradda Qorsheynta, khubaro lala tashaday waxay soo jeediyeen in wasaaradda lagu sameeyo dib-u-habeyn iyo Rebranding dhab ah.

Magacyada la soo jeediyay waxaa ka mid ah:

1. Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta

   Ministry of National Planning and Development

2. Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Isbeddelka Dhaqaalaha

   Ministry of National Planning and Economic Transformation

Ujeeddadu waa in wasaaradda dib loogu soo celiyo haybaddii, hannaankii xirfadeed iyo doorkeedii istiraatiijiga ahaa ee qorsheynta iyo horumarinta dalka

Jubbaland Agoosto 31ka 2026 Booliska magaalada Dhobley ayaa soo bandhigay nin lagu magacaabo Sheekh Cabdullaahi Cabdi Cali, kaas oo ciidamada ammaanku ku eedeeyeen inuu isku dayay inuu magaalada soo geliyo maandooriyaha loo yaqaan xashiishka. 

Ciidamada ammaanka degmada Dhobley ayaa sheegay in eedeysanaha lagu qabtay hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada ammaanka, kaddib markii ay heleen xog ku saabsan isku day lagu soo gelinayo magaalada maandooriye.

Sida ay sheegeen ciidamada, howlgalka ayaa lagu qabtay qiyaastii 9 kiilo oo xashiish ah, oo la sheegay in eedeysanuhu doonayay inuu gudaha magaalada Dhobley soo geliyo.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in ay muddo hayeen xogta ku saabsan dhaqdhaqaaq la xiriira soo gelinta maandooriyaha, taas oo ugu dambeyn horseedday in la sameeyo howlgal lagu qabto eedeysanaha iyo maandooriyaha la tuhunsan yahay.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in Sheekh Cabdullaahi Cabdi Cali uu horey ugu lug yeeshay kiis la xiriira ka ganacsiga maandooriyaha, isla markaana maxkamadda degmada Dhobley ay xilligaas ku xukuntay xabsi iyo ganaax.

Sida ay boolisku sheegeen, eedeysanaha ayaa markii uu dhammeystay muddadii xabsiga laga sii daayay, balse ciidamada ammaanka ayaa markale ku qabtay kiis ay ku tilmaameen inuu la mid yahay kii hore.

Eedeysanaha ayaa hadda wajahaya baaritaan iyo tallaabooyin sharci, iyadoo la filayo in kiiska loo gudbiyo hay’adaha garsoorka si loo go’aamiyo mas’uuliyadda ka saaran eedeymaha loo jeediyay.

Muqdisho, Agoosto 31ka 2026 Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida ay howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan duleedka deegaanka Basra, oo ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Wasaaradda ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay howlgalka ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan laba horjooge, isla markaana ay ka furteen hubkii ay wateen.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga, howlgalka ayaa weli socda, iyadoo ciidamada ay baacsanayaan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka firxaday goobta, si ay uga sifeeyaan deegaannada ku dhow Basra.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ujeeddada howlgalka ay tahay in la xaqiijiyo amniga iyo badqabka shacabka ku nool deegaannadaasi, iyadoo natiijada rasmiga ah ee howlgalka la shaacin doono marka uu soo dhammaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhisay howlgallada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo sheegtay inay doonayso inay dib ula wareegto deegaannada ay weli ka howlgalaan kooxda.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhanka kale bogaadisay ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgallada, iyadoo sheegtay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xoreynayo deegaannada dalka ay sii socon doonaan.

Muqdisho, Agoosto 31ka 2026 Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa dalalka Carabta ugu baaqay inay adeegsadaan xidhiidhkooda iyo saamayntooda diblomaasiyadeed si looga hortago in aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland uu isu beddelo olole ay dalal kale ku aqoonsadaan Somaliland. Cali Maxamed Cumar oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in Soomaaliya ay xidhiidh toos ah la leedahay maamulka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, si ay uga muujiso sida ay uga soo horjeeddo aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay si dhab ah ula socoto dood kasta oo ku saabsan aqoonsi cusub.

Wasiiru-dawluhu wuxuu sheegay in Israa’iil ay bishii December noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee aqoonsada Somaliland, kaddibna ay labada dhinac is-weydaarsadeen safiirro, iyadoo Somaliland ay safaarad ka furtay Qudus, halka Madaxweynaha Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tagay Israa’iil. Si kastaba, wuxuu sheegay, in aqoonsigaasi ilaa hadda ma aanu dhalin mowjad aqoonsiyo kale oo caalami ah.

Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ayna aqoonsiga Israa’iil u arkin tallaabo astaan ah oo keliya, balse ay rumaysan tahay in tallaabo kasta oo dibadeed oo lagu doonayo in wax looga beddelo midnimada Soomaaliya ay yeelan karto cawaaqib siyaasadeed iyo amni. Waxa uu sidoo kale xusay waxa uu ku tilmaamay ka-qaybgal diblomaasiyadeed iyo amni oo Israa’iil ay ku leedahay Somaliland, oo ay ku jirto caawinta tababarka ciidamada ammaanka.

Wasiiru-dawluhu wuxuu ka digay isku day kasta oo dal shisheeye uu ku doonayo inuu Soomaaliya ka sameysto joogitaan ciidan ama sirdoon oo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka, isagoo sheegay in militaraynta arrinta Somaliland ay khatar ku noqon karto Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.

Isagoo ka hadlayay mowqifka dalalka Carabta, Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in jawaabtii degdegga ahayd ee Carabtu ka bixisay aqoonsiga Israa’iil ay muhiim ahayd, maadaama ay muujisay in go’aanka Israa’iil aanu waxba uga beddelin waxa uu ku tilmaamay is-afgaradka caalamiga ah iyo kan gobolka ee ku aaddan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso tallaabooyin ka baxsan cambaareyn oo keliya.

https://www.youtube.com/watch?v=KAQ5Jby5UE8

Su’aalaha Maanta:Maxay ku fashilantay Wasaaradda Qorshaynta? Yaa doodan sax ah? Ma qof amniga qaranka ku fashilmay mise qof matalaaya xisbi sharci-darro ah? Yaa shacabka #Muqdisho bacakiciyey? Yaa dhacay shacabka #Muqdisho? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad #Kenya ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca #Soomaaliya? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho, Agoosto 30ka 2026 Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka hor akhriday laba Hindise Sharciyeed oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ah Hindise Sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska iyo Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, si Golaha Shacabku uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan ka doodista iyo ansixinta sharciyada.

Wasiiradda ayaa tilmaantay in labada Hindise Sharciyeed ay ka jawaabayaan baahiyo muhiim ah oo maanta ka jira bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta qoyska, daryeelka carruurta iyo dhowrista xuquuqdooda. Waxay xustay in Sharciga Arrimaha Qoyska uu door weyn ka qaadan karo xal u helidda caqabado iyo khilaafaadyo badan oo saameeya qoysaska Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah loo ilaalinayo carruurta nugul ee ku dayacma ama dhibaatooyin kala duwan kala kulma gudaha qoysaskooda.

Sidoo kale, Wasiiradda ayaa adkaysay muhiimadda Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, kaas oo saldhig u noqonaya xoojinta ilaalinta, daryeelka iyo dhowrista xuquuqda carruurta Soomaaliyeed. Waxay sheegtay in ansixinta labada sharci ay muhiim u tahay dhismaha qoys Soomaaliyeed oo sal adag leh, carruurtuna ay ku helaan nolol ammaan ah, daryeel iyo fursado ay si wanaagsan ugu koraan.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ugu baaqday inay ka gutaan waajibaadkooda qaran, isla markaana ay si mudnaan leh uga shaqeeyaan ansixinta Hindise Sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska iyo Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, kuwaas oo muhiim u ah xoojinta qoyska Soomaaliyeed, ilaalinta carruurta iyo horumarinta xuquuqul insaanka dalka

Muqdisho, Agoosto 30ka 2026Ninkaan idiin muuqda isagoo ku fashilmay inuu hoggaamiyo wasaaradda Qorsheynta ayuu caawa lasoo shirtay Somalia dhaqaalaheeda wuu kobcay iyadoo baahi loo dhimanayo oo waddankii Somalia aan laga qadeyn ba!

Isagoo isleh shaqo fiican qabo oo dhaliil ama sumcad xumey Ra’iisul wasaare Kheyre oo dadka la wadaagay in dhaqaalihii Somalia dhulka galay, ayuu lacag Qaranku leeyahay siiyey koox calooshood u shaqeystayaal ah oo katirsan Bankiga adduunka si loo beeniyo runtii Qaraareyd ee Kheyre dhaqaalaha Somalia ka sheegay.

Lacagtii waddanku lahaa ayuu laaluush ahaan u siiyey koox Bankiga adduunka ka shaqeysa, waxay soo qoreen Soomaaliya dhaqaalaha waa okay oo been ah.

Dalkan inta xilka iyo xoolaha dhacday ayaa qadaysa, Gaajo-Qaajo ayaa loogu dhimanayaa waddanka, si loo qariyo balaayadda dalkii ku habsatay ayuu u maalgaliyey in Somalia been loo daabaco.

Dadkii baahnaa lacagtooda in qoraal lagu iibsado waxaa sababay dadka Faaruqa ah ee xilka Wasaaradda Qorsheynta loo dhiibay.

Magaciisaba ka garo waa BEENE-BEENE, ruux kastoo liita haddii wasaarad muhiim ah loo dhiibo dalkan macluul baa ka dhacaysa, waayo ma qaban karaa shaqadii mudnaanta laheyd

Turkiga Agoosto 30ka 2026 Ciidamada Badda Turkiga oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay soo furteen markabka MV LATUF, oo ay burcad-badeeddu afduubteen 17-kii Agoosto, xilli uu marayay agagaarka xeebta Jiifle ee degmada Eyl, ee gobolka Nugaal. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, howlgalka oo socday muddo 10 maalmood ah ayaa lagu burburiyay afar doon oo la sheegay inay burcad-badeeddu adeegsanayeen, halka 14 qof oo lagu tilmaamay burcad-badeed lagu dilay howlgalka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Turkiga ay si buuxda ula wareegeen markabka MV LATUF, kaas oo hadda dib loogu soo celiyay gacanta kooxdiisii.

Howlgalkan ayaa, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga, ku salaysnaa heshiiska iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo xoojinaya wada shaqeynta labada dal ee ilaalinta xeebaha Soomaaliya, sugidda amniga badda iyo la dagaallanka burcad-badeednimada.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in burcad-badeednimadu tahay fal-dambiyeed culus oo horseedi kara ciqaab adag, iyadoo digniin u dirtay kooxaha ku lugta leh falalka burcad-badeednimada iyo cid kasta oo taageerta.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dib uga soo cusboonaadeen walaacyada la xiriira burcad-badeednimada xeebaha Puntland, iyadoo dhacdada markabka MV LATUF ay sidoo kale dhalisay su’aalo ku saabsan cidda ka dambeysa afduubka iyo xaaladda amni ee xeebaha Nugaal.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay Turkiga iyo dalalka kale ee saaxiibka ah si loo xoojiyo amniga xeebaha loogana hortago burcad-badeednimada.

Muqdisho, Agoosto 30ka 2026 Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisii ugu horreeyay ee Kalfadhiga 8-aad, iyadoo goluhu ansixiyay xubin cusub oo loo magacaabay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, isla markaana akhrintii koowaad loo gudbiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim ah. Kulanka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde.

Ajandaha kulanka ayaa ka koobnaa saddex qodob oo kala ah ansixinta xubinta buuxinaysa booska ka bannaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, akhrinta koowaad ee hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada iyo akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Maryan Cali Abuukar, ayaa golaha horgeysay xubinta loo soo magacaabay Guddiga Xuquuqul Insaanka, iyadoo ka codsatay senatarrada inay siiyaan codka kalsoonida.

Senatarrada Aqalka Sare ayaa ugu dambayn ansixiyay xubinta cusub, taasoo noqonaysa xubin ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka.

Somaliland Agoosto 30ka 2026 Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan la yeeshay Xildhibaano dhawaan kasoo goostay Maamulka Waqooyi Bari, oo dhawaan gaadhay magaalada Hargaysa. Sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxweynaha, Cirro ayaa siyaasiyiinta Xildhibaanada hore ahaa soo dhaweeyey, isagoo uga mahadceliyey go’aankooda ku aaddan inay dib ugu soo laabtaan Somaliland, isla markaana ka qayb qaataan nabadaynta, isku soo dhawaanshaha bulshada iyo horumarinta deegaannada ay ka soo jeedaan.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda amniga iyo xasilloonida bulshada, iyadoo Madaxweynaha uu sheegay in xukuumaddiisu mudnaanta siinayso wada-tashi, nabadgelyo iyo isu-soo-dhawaanshaha bulshada.

“Madaxweyne Cirro ayaa siyaasiyiinta u sheegay in Somaliland ay tahay dal iyo bulsho isku dan ah, isagoo xusay in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay inuu dareemo ka mid ahaanshaha iyo lahaanshaha Qaranka” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

WARARKA MAANTA 29ka Agoosto 2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa shacabka #Muqdisho bacakiciyey? Yaa dhacay shacabka #Muqdisho? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad #Kenya ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca #Soomaaliya? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho, Agoosto 29ka 2026  Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim ayaa caawa ka qayb galay munaasabad lagu daahfuray xusuus-qorka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo loo tarjumay luuqadda Carabiga.

Wasiir Cabdulfataax Qaasim ayaa bogaadiyay dadaalka loo galay tarjumaadda iyo faafinta xusuus-qorkan, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Ustaad Maxamuud Ciise Faarax oo buugga u tarjumay luuqadda Carabiga.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta, qorista iyo faafinta taariikhda Soomaaliyeed, Waxa uu tilmaamay in taariikhda la qoro ay door muhiim ah ka qaadato fahamka waayihii kala duwanaa ee dalka soo maray iyo dhisidda jiil garanaya taariikhda dalkiisa iyo halgankii loo soo maray dowladnimada Soomaaliy

Turkiga Agoosto 29ka 2026 Turkiye ayaa sii xoojinaysa joogitaankeeda militari ee Geeska Afrika, iyadoo laba markab oo kuwa ciidamada badda ah u dirtay biyaha Soomaaliya, isla markaana ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya kaddib afduubka maraakiibta oo ka socda biyaha Soomaaliya 

Wasaaradda Difaaca Turkiye ayaa Khamiistii sheegtay in maraakiibta dagaalka TCG Kemalreis iyo TCG Yzb. Gungor Durmus ay booqan doonaan Jabuuti 3-da iyo 4-ta Sebtembar, iyagoo taageeraya Hawlgalka Ciidamada Badda Soomaaliya iyo howlgallada gaadiidka saadka ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid xilli walaac cusub laga muujinayo amniga maraakiibta ee xeebaha Soomaaliya, kaddib afduub dhawaan ka dhacay gudaha biyaha Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Turkiye, Zeki Akturk, ayaa sheegay in taageerada lagama maarmaanka ah la siinayo mas’uuliyiinta Soomaaliya, iyadoo arrintaas lala kaashanayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiye.

Akturk wuxuu sidoo kale sheegay in Ciidamada Howlgalka Soomaaliya ee Turkiye ay sii wadaan howlahooda, kuwaas oo ku saleysan heshiisyada laba geesoodka ah ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo awoodda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada iyo burcad-badeednimada.

Turkiye ayaa muddo ka badan toban sano kamid ahayd saaxiibbada militari ee ugu dhow Soomaaliya. Ankara waxay Muqdisho ku leedahay xarunta ugu weyn ee tababarka milatari ee ay dibadda ku leedahay, iyadoo sannadihii u dambeeyay ballaarisay iskaashiga dhinaca ciidamada badda, kaddib heshiis difaac oo muhiim ah oo ay la gashay Soomaaliya.

Joogitaanka maraakiibta Türkiye ee xeebaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Turkiga lagu eedeeyay in ay kalluumaysato ku dishay duqayn ay ka geysatay xeebaha maamulka Puntland.

Labadii todobaad ee ugu dambeeyay in ka badan 10 ayaa lagu dilay duqeymo ka dhacay xeebaha gobolka Nugaal ee Puntland. maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu beegsaday kalluumaysato. Weli Turkiga si rasmi ah ugama hadlin eedda loo jeediyay inuu duqeeyay kalluumaysato.

Muqdisho, Agoosto 29ka 2026 Cagafyo ay ilaalinayaan ciidamo hubeysan ayaa habeenkii xaafadaha Muqdisho gala, guryahana dumiya—laakiin yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga saaro?

Garowe Online wuxuu iftiiminayaa qorshaha dhul-baneeynta Villa Somalia, halka ay ku dambeeyaan hantida dowladda, cidda ka faa’iidaysata iyo sida barakicinta shacabka uga hor imaan karto Dastuurka Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ah—xilli hay’adaha federaalku muddo-xileedkoodii dhammaaday.

Uganda Agoosto 29ka 2026  Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), General Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in dalkiisu si buuxda ciidamadiisa ugala bixi doono Soomaaliya 1-da Agoosto 2027, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay ciidamada Uganda qeyb ka ahaayeen hawlgallada amniga Soomaaliya. Kainerugaba ayaa qoraal uu Jimcihii ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in wixii ka dambeeya 1-da Agoosto 2027 aysan Soomaaliya ka sii howlgali doonin ciidamo ka tirsan UPDF.

Si kastaba, warbixinta People Daily waxay sheegtay in aan weli la caddeyn in taariikhda uu sheegay taliyaha ciidamada Uganda ay tahay go’aan rasmi ah oo ay ansixisay dowladda Uganda.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ugu waaweyn ee ciidamo ku biiriyay howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya tan iyo 2007, iyadoo ciidamadeedu ay taageerayeen ciidamada Soomaaliya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo hubanti la’aan dhaqaale iyo mid dhinaca saadka ah.

Maraykanka ayaa horay Midowga Afrika ugu wargeliyay inuusan maalgelin doonin taageerada saadka iyo hawlgallada AUSSOM wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar 2026. Taageerada Qaramada Midoobay ee howlgalka ayaa kamid ah adeegyada muhiimka ah sida cuntada, biyaha, shidaalka, adeegyada caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

Xaaladdan ayaa walaac ka dhex abuurtay Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka, maadaama AUSSOM ay ku tiirsan tahay taageero caalami ah si ay howlaheeda u sii waddo.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ku dadaalaysay in ciidamadeeda ay si tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo dowladda federaalku ay ku celcelisay in joogitaanka ciidamada shisheeye uu yahay mid ku-meel-gaar ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in Soomaaliya ay doonayso inay mustaqbalka ciidamadeeda si buuxda ugu filnaadaan difaaca dalka.

Hase yeeshee, kala-guurka ayaa wajahaya caqabado, iyadoo Al-Shabaab ay weli awood u leedahay inay weerarro ka fuliso qaybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Uganda waa mid kamid ah dalalka ugu muhiimsan ee ciidamada ku biiriya howlgalka, sidaas darteed ka bixitaankeeda ayaa kusoo beegmaya xilli AUSSOM ay raadineyso ilo cusub oo lagu maalgeliyo laguna taageero howlaheeda.

WARARKA MAANTA 27ka Agoosto 2026 WARARKA MAANTA 28ka Agoosto 2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Madaxweynaha cusue ee #Soomaaliya? ? Yaa shacabka #Muqdisho bacakiciyey? Yaa dhacay shacabka #Muqdisho? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad #Kenya ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca #Soomaaliya? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Soomaaliya Agoosto 28ka 2026 Markab shidaal oo Mareykanku cunaqabateeyay ayaa kamid noqday maraakiibta ay afduubteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida xilli ay soo kordhayaan weerarrada burcad-badeednimada ee Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed. Markabka Seamull, oo sidoo kale loo yaqaan SIBU 1, ayaa Mareykanku cunaqabateeyay bishii Diseembar 2025, isagoo lagu daray maraakiibta Washington ay ku tilmaantay qayb ka mid ah “shadow fleet”-ka Iran.

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa xilligaas sheegtay in markabka uu dhowr jeer qaaday wax-soo-saarka batroolka Iran, oo ay kamid yihiin naphtha iyo gasoil, iyadoo sidoo kale uu booqday dekedo ay Xuutiyiintu gacanta ku hayaan oo ku yaalla Yemen.

Cunaqabateynta ayaa qeyb ka ahayd tallaabo Mareykanku qaaday oo lagu bartilmaameedsaday 29 markab oo uu ku eedeeyay inay kaalin ku leeyihiin dhoofinta shidaalka Iran iyo ka dhuumashada cunaqabateynta dhaqaale ee Washington saartay Tehran.

Markabka oo wata calanka Eritrea, isla markaana ay maamusho shirkad fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta, ayaa 20-kii Agoosto lagu qabsaday gacanka Cadmeed, meel qiyaastii 136 mayl-badeed dhanka bari kaga beegan Al Mukalla ee Yemen.

Sida ay sheegtay UKMTO, lix nin oo hubeysan ayaa fuulay markabka, waxayna la wareegeen gacan ku hayntiisa, kaddibna u weeciyeen dhanka Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa markabka Seamull ka dhigtay mid si gaar ah indhaha loogu hayo, maadaama uu yahay markab horey ugu jiray liiska cunaqabateynta Mareykanka, isla markaana lala xiriiriyay ganacsiga shidaalka Iran.

Mareykanku wuxuu sheegay in cunaqabateyntiisa ay ka dhalatay xiriirka markabka iyo shirkadda Qatrat Alnada Almasi Ship Management, oo Washington ay ku eedeysay inay maamusho maraakiib qaada wax-soo-saarka batroolka Iran. Seamull wuxuu kamid ahaa maraakiibta shirkaddaas lala xiriiriyay.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli burcad-badeednimada Soomaaliya ay mar kale sare u kacayso, iyadoo ugu yaraan 13 weerar oo ka dhan ah maraakiibta laga soo sheegay xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed sanadkan, marka loo eego shan weerar oo la diiwaangeliyay sannadkii 2025

Muqdisho, Agoosto 28ka 2026  Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 magnitude ayaa ka dhacay Gacanka Cadmeed, halkaas oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, sida ay sheegtay Hay’adda Sahanka Dhulka ee Maraykanka (USGS). Dhulgariirka ayaa ka dhacay meel qiyaastii 145 kiiloomitir u jirta xeebaha Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu ahaa dhulgariir aan aad u qoto dheerayn, isagoo laga dareemay deegaannada ku dhow halka uu ka dhacay.

Dhulgariirka ayaa dhacay abaare 12:07 habeenimo waqtiga maxalliga ah, waxaana gariirkiisa laga dareemay qaybo ka mid ah waqooyiga Soomaaliya iyo koonfurta Yemen.

Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in aanay jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo markiiba la soo wariyay, sidoo kalena aan la diiwaangelin burbur weyn oo dhismayaal ah.

Dadka ku nool qaar ka mid ah deegaannada xeebaha ayaa sheegay in dhismayaal ay ruxmeen, halka alaabaha guryahana ay gariireen muddo dhowr ilbiriqsi ah.

Hay’adaha ay khusayso ayaa sidoo kale la sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda, gaar ahaan suurtagalnimada gariirro kale oo daba socda dhulgariirka.

Dhulgariirradu kuma cusba Gacanka Cadmeed, oo ku yaalla meel ay ku kulmaan dhaqdhaqaaqyada saxannada dhulka ee Carabta iyo Afrika. Dhaqdhaqaaqa labada saxan ayaa sababa cadaadis dhulka hoostiisa ah, kaas oo mararka qaar keena dhulgariirro.

Gacanka Cadmeed ayaa sidoo kale ah marin-biyood muhiim ah oo isku xira Badda Carabta iyo Badda Cas, isla markaana ay maraan maraakiib ganacsi oo caalami ah, taas oo ka dhigaysa la socodka dhulgariirrada ka dhaca aagga mid muhiim ah.

Muqdisho, Agoosto 28ka 2026 Nidaam caddaaladeed iyo asluub oo bini’aadantinimo iyo xirfadnimo ku dhisan ayaa aasaas u ah horumarka dalka. Xoojinta ku dhaqanka sharcigu waxay gacan ka geysataa nabad waarta, dhowrista xuquuqda aadanaha iyo horumar waara.

Magaalada Muqdisho toddobaadkan, khubarada ku takhasustay ku dhaqanka sharciga ee Xafiiska UNTMIS ayaa aqoon-is-weydaarsi la yeeshay wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada, si loo xuso 13 sano oo iskaashi ah, loo wadaago casharradii laga bartay iskaashigaas, loogana wada hadlo mudnaanta mustaqbalka.

Qayb muhiim ah oo ka mid ahayd waajibaadka Xafiiska UNTMIS ayaa ahayd in, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha Soomaaliyeed, bah-wadaagta nidaamka Qaramada Midoobay iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, laga taageero dib-u-dhiska iyo xoojinta hay’adaha caddaaladda iyo asluubta Soomaaliya, si loo xaqiijiyo in horumarka laga sameeyay ku dhaqanka sharcigu uu sii socdo xitaa marka Hawlgalka Qaramada Midoobay uu dalka ka baxo

https://www.youtube.com/watch?v=QsUVjvwyDiQ

Su’aalaha Maanta: Maxxa ka cusub #Baydhabo? Yaa shacabka #Muqdisho bacakiciyey? Yaa dhacay shacabka #Muqdisho? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad #Kenya ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca #Soomaaliya? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho, Agoosto 27ka 2026 Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Xarunta Dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Golaha Qaxootiga Norway (NRC), Mudane Jan Egeland.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha, fatahaadaha, colaadaha, barakaca, cunto-yarida iyo khatarta Super El Niño, iyo sidii loo xoojin lahaa u-diyaargarowga iyo ka jawaabista musiibooyinka.

Jan Egeland ayaa kormeeray xafiisyada iyo howlaha Xarunta SoDMA, isagoo u kuur-galay hawlaha Hay’adda ee digniinta hore, gurmadka deg-degga ah iyo adkeysiga bulshada.

Muqdisho, Agoosto 27ka 2026  Wasiirka Horumarinta iyo Afrika ee UK, Kirsty McNeill, ayaa madaxda Soomaaliyeed ugu baaqday inay yeeshaan wada-hadal wax dhisaya oo xoojinaya midnimada dalka, isla markaana horseedaya horumar siyaasadeed iyo heshiis guud oo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya  Baaqan ayaa yimid xilli wasiiraddu booqasho ku joogto Soomaaliya, iyadoo kulan ay Muqdisho kula yeelatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay kaga wada hadleen mudnaanta siyaasadeed iyo amni ee dalka.

McNeill ayaa carrabka ku adkaysay in horumar laga sameeyo wada-hadalka siyaasadeed iyo qorshaha kala-guurka amniga uu muhiim u yahay sii wadidda kalsoonida iyo taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya.

Wasiiraddu waxay sidoo kale sheegtay in UK ay weli ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto sidii loo gaari lahaa dal amni, xasillooni iyo barwaaqo leh.

Somaliland Agoosto 27ka 2026Xafiiska Somaliland ayaa taageeray Xafiiska Isku-xirka iyo Amniga Badaha Somaliland si loo qabto shirkiisa saddex-biloodlaha ah iyo wadatashi istiraatiiji ah oo heer qaran ah oo ku saabsan Maareynta Dhibaatooyinka iyo Adkaysiga, kaas oo ujeeddadiisu ahayd xoojinta isku-xirka iyo iskaashiga daneeyayaasha muhiimka ah ee qaybta badaha Somaliland.

Wadatashiga ayaa isu keenay daneeyayaal muhiim ah si ay uga wada hadlaan khataraha badda, ilaalinta kaabayaasha muhiimka ah, isku-duwidda xaaladaha dhibaatooyinka iyo sii wadidda adeegyada aasaasiga ah.

Doodaha ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray amniga internetka, hirgelinta Xeerka Amniga Maraakiibta iyo Dekedaha Caalamiga ah, isgaarsiinta dadweynaha, waajibaadka hay’adaha iyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Ka-qaybgalayaashu waxay aqoonsadeen isku-xirnaanta iyo ku-tiirsanaanta muhiimka ah, baahiyaha jira iyo tallaabooyinka mudnaanta leh ee la qaadi karo si loo xoojiyo u-diyaargarowga, loo wanaajiyo isku-duwidda xaaladaha dhibaatooyinka, loona kordhiyo adkaysiga qaybta badaha Somaliland.

IMO, Agoosto 27ka 2026  Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa ku baaqday in si degdeg ah wax looga qabto soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliya, xilli lix markab oo ganacsi iyo in ka badan 90 badmaaxiin ah lagu hayo gacanta kooxaha burcad-badeedda ee ka howlgala Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee IMO, Arsenio Dominguez, ayaa digniintan soo saaray kadib afduubkii markabka shidaalka qaada ee Seamull, oo sidoo kale loo yaqaan Sibu 1, kaas oo 20-kii Agoosto ay qabsadeen kooxo looga shakisan yahay inay yihiin burcad-badeed Soomaali ah.

Dominguez ayaa sheegay in afduubka markabkan uu ka dhigan yahay markabkii lixaad ee hadda gacanta ugu jira burcad-badeed iyo kooxo hubeysan, isagoo ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan badmaaxiinta la haysto.

Sida ay sheegtay Xarunta Isku-xirka Macluumaadka Badaha (JMIC), lix markab oo ganacsi ayaa weli lagu hayaa gacanta kooxaha afduubka geysta. Waxay kala yihiin Honour 25, Sward, Eureka, Asana, Lutuf iyo Seamull.

Laba ka mid ah afduubyadan ayaa dhacay toddobaadkan gudaheed. Markabka xamuulka ee Lutuf ayaa 17-kii Agoosto lagu qafaashay meel qiyaastii afar mayl-badeed u jirta xeebta Puntland, kaddib markii koox hubeysan ay dusha uga fuushay.

Saddex maalmood kaddib, lix nin oo hubeysan ayaa gudaha u galay Seamull xilli uu marayay Gacanka Cadmeed, qiyaastii 136 mayl-badeed bariga magaalada Al Mukalla ee Yemen. Kooxdu waxay la wareegtay markabka, waxayna u weecisay dhanka Soomaaliya.

Markabka oo culeyskiisu yahay 32,200 tan ayaa hore loogu yaqaanay magaca Sibu 1. Waxaa la sheegay inuu diray fariin digniin ah oo ahayd “PIRATE ONBOARD HELP” ka hor inta uusan beddelin jihadiisa, waxaana hadda lagu soo waramayaa inuu ku xiran yahay meel ka baxsan xeebaha bari ee Soomaaliya.

Afduubyada cusub ayaa ku soo beegmaya xilli burcad-badeedda Soomaaliya, oo sanadihii u dambeeyay hoos u dhac weyn laga dareemayay, ay mar kale halis ku noqdeen maraakiibta isaga kala goosha Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

JMIC ayaa sheegtay in dabeylaha xilliga monsoon-ka koonfur-galbeed ay weli adkeynayaan in burcad-badeeddu doonyo yaryar ku gaaraan meelaha aadka uga fog xeebaha, balse biyaha ku dhow xeebaha Soomaaliya ay siinayaan fursad ay kooxahaasi ku howlgalaan.

Afduubka Seamull, oo ka dhacay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale muujinaya in kooxaha burcad-badeeddu ay weli awood u leeyihiin inay gaaraan maraakiib ku sugan masaafo dheer.

Xoghayaha Guud ee IMO ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo xoojiyo iskaashiga ciidamada badda ee caalamka, isaga oo xusay in wada-shaqeyn caalami ah ay hore ugaalin weyn uga qaadatay xakamaynta burcad-badeednimadii Soomaaliya.

Muqdisho, Agoosto 27ka 2026 Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira doorashadii ka dhacday dowlad-goboleedka Galmudug. Qoraal uu Guddigu soo saaray ayuu ku sheegay in go’aanka Maxkamadda Sare, oo ku taariikhaysan 24-ka Agoosto 2026, uu khuseeyo murankii ka dhashay doorashadii isku-sidkanaa ee lagu qabtay Galmudug.

Guddiga ayaa sheegay inuu go’aankiisa ku saleeyay kaalinta dastuuriga ah ee Maxkamadda Sare, sarreynta sharciga iyo mabda’a ah in khilaafaadka doorashooyinka lagu xalliyo hannaan garsoor oo waafaqsan sharciga.

Sida uu Guddigu sheegay, Qodobka 73-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare siinaya awoodda ay ku dhageysan karto, go’aan uga gaari karto, isla markaana xallin karto dacwadaha la xiriira doorashooyinka.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Iyadoo taas laga duulayo, Guddiga Doorashooyinka ayaa si rasmi ah u aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ee ku saabsan doorashadii lagu qabtay Galmudug.”

WARARKA MAANTA 25ka Agoosto 2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa ka goostay mushaharka ciidanka qaarkood? Maxay tahay Maxkammadda Sare ee aan ka hadli karin barakaca #Muqdisho ka socda? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad #Kenya ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca #Soomaaliya? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho, Agoosto, 25ka, 2026 Komishaneer Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), ayaa munaasabadda gunaanadka hawlaha UNTMIS ee caddaaladda iyo asluubta ka sheegay in Soomaaliya ay u gudbayso marxalad cusub oo u baahan hoggaan qaran, korjoogteyn madax-bannaan iyo wada-shaqayn hay’adeed oo joogto ah.

Komishaneer Farxaan ayaa sheegay in soo afjaridda hawlgalka UNTMIS aan loo arkin oo keliya gunaanad, balse ay tahay kala-guur loogu gudbayo masuuliyad, hoggaan iyo in hay’adaha Qaranka Soomaaliyeed ay la wareegaan masuuliyadda.

Munaasabadda ayaa lagu soo gunaanaday 13 sano oo UNSOM/UNTMIS ay taageero ka geysanayeen ku dhaqanka sharciga Soomaaliya. Komishaneer Farxaan ayaa adkeeyay in caddaaladda iyo asluubtu ay salka ku hayaan dhowrista xuquuqda aadanaha, isla markaana qofka xorriyaddiisa laga qaaday aanu lumin karaamadiisa iyo xuquuqdiisa aasaasiga ah.

Waxa uu sidoo kale bogaadiyay kaalinta Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagta gudaha iyo kuwa caalamiga ah ay sannadihii la soo dhaafay ka qaateen horumarinta hay’adaha caddaaladda iyo asluubta Soomaaliya

Muqdisho, Agoosto, 25ka, 2026Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay qabanaysaa kulan aqooneed muhiim ah, kaas oo looga hadli doono qiimaha sumcadda, doorka diblomaasiyadda iyo dhisidda mustaqbalka Soomaaliya.

“Reputation is Currency: Narrative, Diplomacy, and the Making of Somalia’s Future.”

Kulanka waxaa marti ku ah oo soo jeedinaysa 𝐀𝐦𝐛. 𝐇𝐨𝐝𝐚𝐧 𝐎𝐬𝐦𝐚𝐧 𝐀𝐛𝐝𝐢, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, isla markaana ah Safiirka aan degganayn ee Japan, Vietnam iyo Mongolia

Muqdisho, Agoosto, 25ka, 2026 Guddoomiyaha Xisbi siayasadeed Towfiiq, Sheekh Axmed Shaakir, ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay ku laashay natiijooyinkii doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka ee maamulka Galmudug. Sheekh Axmed Shaakir oo shir jaraa’id qabtay ayaa taageerayaasha xisbigiisa ugu baaqay inay si wanaagsan u soo dhaweeyaan go’aanka  kasoo baxay Maxkamadda Sare, isaga oo sheegay in uu yahay tallaabo rajo cusub u abuureysa dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu hambalyo u diray taageerayaasha xisbiga, isagoo sheegay in dadaalkii ay sameeyeen uu miro dhalay, isla markaana cabashooyinkii ay gudbiyeen ay Maxkamaddu tixgelisay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay go’aanka ku soo dhaweeyaan si nabad ah, isagoo ka digay wax kasta oo keeni kara qalalaase.

Sheekh Axmed Shaakir ayaa ciidamada qalabka sida iyo dowladda federaalka ugu baaqay inay ilaaliyaan amniga iyo shacabka, gaar ahaan xilli ay bulshada qaybaheeda kala duwan muujinayaan rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah.

Waxa uu sheegay in xisbigiisu muddo siddeed bilood ah u taagnaa doorasho xor iyo xalaal ah oo ku saleysan mabaadi’da iyo habraacyada doorashada, isagoo ku tilmaamay go’aanka Maxkamadda Sare mid xaqiijinaya dadaalkooda.

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in natiijadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug, oo dhacay 30-kii Luulyo 2026, aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka.

Muqdisho, Agoosto, 25ka, 2026 Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in natiijadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug, oo dhacay 30-kii Luulyo 2026, aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka. Go’aanka oo uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashi Yuusuf Axmed, ayaa lagu sheegay in habkii loo maamulay loona qabtay doorashooyinka uu ka leexday mabaadi’da dastuuriga ah ee doorasho xor, xalaal iyo caddaalad ah.

Maxkamaddu waxay sheegtay in khaladaadkii dhacay intii ay socotay doorashadu aysan ahayn kuwo la iska indho-tiri karo, balse ay si weyn u dhaawaceen hufnaanta, xornimada iyo xalaalnimada doorashada, isla markaana ay saameyn ku yeesheen natiijooyinkii kasoo baxay.

Maxkamadda Sare ayaa sidaas darteed burisay natiijooyinka doorashadii 30-kii Luulyo, waxayna Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ku amartay inuu qabto doorashooyin cusub oo Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug ah.

Maxkamaddu waxay tilmaantay in doorashooyinka cusub lagu qabto waqtiga ugu dhow ee macquulka ah, iyadoo si buuxda loo raacayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya, Sharciga Doorashooyinka, Sharciga Dhismaha Guddiga iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda.

Si looga fogaado firaaq maamul oo saameyn ku yeelan kara adeegyada bulshada iyo xasilloonida Galmudug, Maxkamaddu waxay go’aamisay in hay’adaha hadda jira ay sii hayaan xilalkooda ilaa laga soo doorto hay’ado cusub oo ku yimaada doorasho waafaqsan sharciga.

Maxkamaddu waxay sheegtay in arrintan loo tixgeliyey danta guud, joogtaynta maamulka iyo baahida loo qabo in laga hortago xaalad maamul la’aan ah.

WARARKA MAANTA 23a Agoosto 2026 

Su’aalaha Maanta: Maxaa ka dhacay dalka #Sernia? Maxay Dowlad #Soomaaliya uga masayrsan tahay socdaalka Madaxweynaha PuntlandState oo booqasho ku jooga #Galkacyo? Maxuuse Maraykanka u diiday dhaqaalaha inuu siiyo #Soomaaliya? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho, Agoosto, 23, 2026 #DEGDEG Horjoogayaal AS ah oo lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo goor dhaw laga fuliyay deegaanka Warciise ee Shabeelaha Dhexe Halkaas oo ay ku Suganyihiin AS.

Duqeyntaan ayaa lala eegtay Guri ay kaga sugnaayeen Warciise horjoogeyaasha AS iyo dagaalamayaashooda sida ay sheegtay NISA.

”Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa daqiiqado ka hor howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Warciise ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Halkaas oo lagu bartilmaameedsaday guri ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad ka tirsan AS” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo goor dhaw ka Soo baxay NISA.

Somaliland Agoosto, 23, 2026 Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay in si nabad ah oo wada-hadal ah loo xalliyo khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Maamulka Waqooyi Bari. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu maanta Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Professor Yaasiin X. Maxamuud (Faratoon), Jeneral Mahad Cambaashe, Siyaasiyad Fahiima Yusuf Quuje, Guddoomiyaha Guddida Nabadda Cabdulqaadir Jirde, wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda nabadeed, midnimada iyo wadajirka bulshada, iyadoo Madaxweynaha Somaliland uu sheegay in tan iyo markii loo dhaariyey xilka 12-kii December 2024 ay mudnaanta koowaad ee xukuumaddiisu ahayd ilaalinta nabadda iyo xasilloonida.

Madaxweyne Cabdiraxmaan ayaa sheegay in khilaafaadka siyaasadeed iyo xurgufi ee jira lagu xallin karo wada-hadal, is-afgarad iyo walaalnimo, isaga oo tilmaamay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay in xal nabadeed laga gaadho khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Maamulka Waqooyi Bari.

Muqdisho, Agoosto, 23, 2026 MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYEY HESHIIS MUHIIM U AH SOOMAALIYA.

Muqdisho, Soomaaliya- 22 Agoosto, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 5-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 142-Xildhibaan ayaa Xildhibaanada Golaha waxay Akhrinta koowaad marsiiyeen Heshiiis-hoosaadka Qaramada midoobay ee sharciga badaha (UNCLOS) ee ilaalinta iyo isticmaalka waara ee kala duwanaanshaha noolaha badda ee aagga ka baxsan awooda Qaranka (BBNJ AGREEMENT),kaasoo ay gudbisay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada, waxaana warbixinta heshiiskan golaha la wadaagay wasiir kuxigeenka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Mudane Xuseen Cali Xaaji.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo kulanka soo xiray ayaa xildhihaanada golaha kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan shaqada ay Qaranka u haayaan, si loogu guuleysto ka shaqeynta shuruucda muhiimka ah ee golaha hortaala kalfadhiga 8-aad.

Ugu dambeyn Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska, Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Caruurta, Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Warbixinta Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka dambiyada kufsiga iyo anshax xumada kale iyo Warbixinta Akhrinta 3-aad ee Hindise Sharciyeedka wax ka baddalka qeybtiisa 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka.

Muqdisho, Agoosto, 23, 2026 Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay xog ka hayso duqeymo laga geystay xeebaha Puntland. Cumar Cali Cabdi oo maanta saxaafadda si kooban ula hadlay ayaa u sheegay in haddii ay xeebaha Soomaaliya ka dhacayaan hawlgallo milatari oo ka dhan ah kooxaha burcad badeedda, dowladda federaalka ay tahay hay’adda sharci ahaan u leh go’aaminta arrimaha noocaas ah.

Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale xusay in dowladda ay diyaarinayso warbixin dhammaystiran oo ku saabsan dhacdooyinka ka dhacay xeebaha, isagoo tilmaamay in tallaabooyin laga qaadi doono xaaladda soo korortay.

“Warbixin dhammaystiran ayaa la soo diri doonaa, haddii Alle idmo,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga.

WARARKA MAANTA 20ka Agoosto 2026 WARARKA MAANTA 21ka Agoosto 2026 

Su’aalaha Maanta: Yuu ceebeeyey Madaxweynaha #Uganda Musafeeni? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho, Agoosto, 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu xusayay 15-sano guuradii dib u curashada xiriirka diblomaasiyadeed iyo saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Türkiye.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay muhiimadda booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, uu Muqdisho ku yimid 19-kii Agoosto 2011, taasi oo bog cusub u furtay xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 15-kii sano ee lasoo dhaafay iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye uu gaaray heer sare, isaga oo ka koobmaya dhinacyada amniga, horumarinta, waxbarashada, caafimaadka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo taageerada bani’aadannimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Türkiye garab istaagga ay Soomaaliya u muujiyeen, isaga oo xusay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay walaaltinimo, is-ixtiraam iyo dano wadaag.

DHAMMAAD

Pakistan  21ka Agoosto 2026 Wasiirka Arrimaha Baarlamaanka Pakistan, Tariq Fazal Chaudhry, ayaa sheegay in burcad-badeeda Soomaalida ah ay dalbadeen madax-furasho dhan 3 milyan oo dollar, si loo sii daayo 10 badmaax oo Pakistani ah oo afduub ahaan loo haysto tan iyo bishii Abriil. 

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay Golaha Qaranka Pakistan, isagoo ka jawaabayay su’aal looga dalbaday dowladda inay faahfaahin ka bixiso xaaladda muwaadiniinta Pakistan ah ee gacanta ugu jira burcad-badeedda.

10-ka badmaax ayaa ka mid ah shaqaalihii markabka shidaalka ee MT Honour 25, oo ka babanayay calanka Palau, kaas oo burcad-badeed hubeysan ay ka afduubteen xeebaha Puntland ee Soomaaliya.

Markabka waxaa saarnaa shaqaale ka kala soo jeeda dalal dhowr ah. Marka laga reebo 10-ka Pakistani ah, waxaa afduubka ku jira 7 Indonesiyiin ah, oo uu ku jiro kabtankii markabka, iyo sidoo kale muwaadin Hindi ah iyo mid Sri Lankan ah.

Tariq Fazal Chaudhry ayaa sheegay in ilaa hadda aan horumar laga gaarin wada-hadallada lagu doonayo in lagu sii daayo la-haystayaasha, isla markaana aan wax madax-furasho ah la bixin.

Puntland 21ka Agoosto 2026 Puntland ayaa sheegay in Mashruuca Bulsho ee uu maalgeliyo Bangiga Adduunka uu ka istaagay qaar ka mid ah deegaannada Koonfurta Soomaaliya ee ay ka taliso Dowladda Federaalka.  Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in caqabadaha keenay in mashruucu uusan si wanaagsan uga socon qaar ka mid ah deegaannada Koonfurta ay ka mid yihiin faragelin la xiriirta xulashada degmooyinka iyo shaqaalaha ka shaqeynaya mashruuca.

Wasiirka ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ay doonayeen in mashruuca loo leexiyo deegaanno gaar ah, isla markaana shaqaale lagu soo xusho rabitaan gaar ah, taas oo uu sheegay inay ka hor imaanayso nidaamka iyo talooyinka Bangiga Adduunka ee lagu xulayo degmooyinka ka faa’iideysanaya mashruuca.

“World Bank waa noo yimid, wuxuuna noo sheegay in mashruuc uu ka socon waayay Koonfurta Soomaaliya. Sababaha uu u socon waayayna waxaa ka mid ah in la yiraahdo: dad ii geeya oo mashruuca iigu qora,” ayuu yiri wasiirku.

Qarjab ayaa sheegay in Mashruuca Bulsho yahay barnaamij madax-bannaan oo Bangiga Adduunku leeyahay, isla markaana xulashada shaqaalaha iyo degmooyinka lagu sameeyo hannaan u gaar ah oo ku salaysan qiimeyn, shuruudo iyo baahida deegaan kasta.

Waxa uu sidoo kale sheegay in afar degmo oo Puntland ah ay ka mid noqdeen degmooyinka lagu xushay marxaladda hore ee mashruuca, kuwaas oo ka kala socda afar gobol.

Mashruuca Bulsho waa barnaamij uu maalgeliyo Bangiga Adduunka, kaas oo muddo saddex sano ah lagu taageerayo degmooyinka Soomaaliya si loo xoojiyo  Dowladaha Hoose, adeegyada bulshada iyo ka-qaybgalka bulshada, iyadoo degmooyinka lagu xulayo hannaan ku salaysan baahida, amniga, awoodda maamulka iyo shuruudo farsamo. 

Mashruucu wuxuu sidoo kale diiradda saarayaa horumarinta kaabayaasha iyo adeegyada aasaasiga ah, xoojinta awoodda degmooyinka iyo sidii bulshada deegaanka ay door uga yeelan lahayd go’aannada iyo mashaariicda lagu fulinayo deegaannadooda.

Muqdisho 21ka Agoosto 2026 Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho kulan ka yeeshay cabashooyinka isa soo taraya ee la xiriira dhulalka iyo guryaha laga duminayo qaybo ka mid ah caasimadda, iyagoo dowladda ugu baaqay in la joojiyo tallaabo kasta oo lagu duudsinayo muwaadiniinta xuquuqdooda milkiyadeed. 

Culimadu waxay sheegeen in cabashooyin badan ay ka soo gaareen bulshada, kuwaas oo ku saabsan dad haysta dukumiintiyo milkiyadeed oo sharci ah, balse la sheegay in muran laga geliyay ama laga qaaday hantidooda, iyadoo qaarkood lagu soo rogay lacago aan saldhig sharci oo cad lahayn.

Waxay carrabka ku adkeeyeen in hantida qofka aysan bannaanayn in looga qaado awood, amar maamul ama cabsi gelin, haddii aan la marin hannaan sharci iyo garsoor oo cadaalad ah.

Culimadu waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha ay arrintu khuseyso inay si madax-bannaan u baaraan cabashooyinka dhulka, ilaaliyaan xuquuqda shacabka, isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo lagu helo ku takrifal awoodeed, boob ama musuqmaasuq.

Muqdisho 21ka Agoosto 2026 Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNDP, gaar ahaan horumarinta adeegyada amniga iyo booliska, dardargelinta maalgelinta mashaariicda mudnaanta leh, iyo horumarinta xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha ka jira labada dhinac.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga iyo taageerada hay’adaha amniga, si loo horumariyo adeegyada amniga, loo dhiso hay’ado amni oo awood leh, loona xaqiijiyo amni waara oo dalka iyo shacabka Soomaaliyeed u horseeda xasillooni iyo horumar.

https://www.youtube.com/watch?v=mwWcDo9VFWU

Su’aalaha Maanta: Yaa Baydhabo ka soo qaxay? Maxay beesha caalamka u jartay dhaqaallihii? Yaa noqon doona guddoomiyshs cusub hplaha shacabka? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho 20ka Agoosto 202 Saxaafad xor ah, masuul ah, isla markaana la ilaaliyo ayaa aas-aas u ah kobcinta kalsoonida bulshada iyo xasilloonida siyaasadeed ee guud ahaan Soomaaliya. Haddii ay si sax ah uga warramaan arrimaha danta guud isla markaana dhiirrigeliyaan hufnaanta hay’adaha, suxufiyiinta Soomaaliyeed waxay noqon karaan buundooyin muhiim ah oo kor u qaada wada-hadalka bulshada, oo dhiirrigeliya ka-qaybgal loo siman yahay, isla markaana xoojiya tiirarka dadaallada nabad-dhisidda dalka. 

China 20ka Agoosto 2026Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka jeediyay Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha oo ka socota magaalada Beijing.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso la qabsiga casriyeynta warbaahinta, caqabadaha ay la wadaagto wadamada gobolka gaar ahaan aaladaha casriga, sida isticmaalka warbaahinta garaad gacmeydka ( AI) xoojinta Warbaahinta cusub, iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo warbaahin casri ah oo la jaanqaadi karta isbedellada deg-degga ah ee dunida.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in warbaahinta loo adeegsado horumarinta bulshada, gudbinta xog sugan iyo xoojinta xiriirka iyo midnimada bulshooyinka, isaga oo adkeeyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta warbaahin xirfad iyo masuuliyad ku dhisan.

Wasiir Cabdifataax ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda iskaashiga warbaahineed ee Afrika iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada teknoolojiyadda, tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo horumarinta awoodda hay’adaha warbaahinta, isagoo sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si firfircoon uga faa’iideysato fursadaha iskaashi ee madashani abuureyso.

Wasiirka waxaa Madasha ku wehliyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Danjire Hodan Cismaan Cabdi, iyo Agaasimaha Radio Muqdisho, Cabdifataax Daahir Jayte

Puntland State 20ka Agoosto 2026 Burcad-badeed ku sugan xeebta deegaanka Garmaal ee degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal ayaa ka hadlay duqeyn lagu dilay afar nin oo la sheegay in ay kamid ahaayeen koox afduubatay markab ganacsi oo xamuul ah. Mid ka mid ah burcad-badeedda oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in saddex maalmood ka hor ay markabkan ku qabsadeen agagaarka xeebta Garmaal. Sida uu sheegay Turkiga oo xiriir la lahaa markabkan ayaa maalin kaddib duqayn ku dilay  dhowr qof oo saarnaa Saxiimad ku sugnayd xeebta deegaankaas.

Ninkan ayaa ku andacooday in duqeyntaas lagu dilay dhowr qof oo rayid ah, isagoo dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ku eedeeyay inay si aan kala sooc lahayn u beegsadeen kalluumaysatada iyo dadka ku nool deegaanka.

Markii la weydiiyay sababta ay maraakiibta u qabsadaan, wuxuu sheegay in xaaladaha dhaqaale iyo saboolnimada deegaanka ay ku kallifaan falalka burcad badeednimada. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay maraakiib shisheeye inay si sharci-darro ah uga kalluumaystaan biyaha Soomaaliya.

Sida uu sheegay, qaar ka mid ah maraakiibta ay qabsadeen waxay ka diiwaangashnaayeen dalal shisheeye. Wuxuu sheegay in maraakiibtaasi aysan haysan oggolaansho ay kaga hawlgalaan biyaha Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay markabka ay hadda haystaan iyo maraakiibta kale ee lagu hayo deegaanka ku dhow, ayuu sheegay in kooxaha saaran maraakiibta aysan ahayn hal koox oo si toos ah u wada shaqaysa, balse ay leeyihiin xiriir iyo heshiisyo dhexdooda ah.

Ugu dambeyn, ninkan ayaa sheegay in dadka saaran maraakiibta aysan wax dhibaato ah kala kulmi doonin kooxaha, haddii aysan iyaguna wax dhibaato ah geysan.

Muqdisho 20ka Agoosto 2026 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu galay marxalad cusub oo ku salaysan iskaashi, dheef wadaag iyo barwaaqo wadaag, isagoo xusay in Ankara ay Soomaaliya garab istaagtay muddo 15 sano ah, xilliyo ay dalka ka jireen xaalado bani’aadamnimo, amni iyo dhaqaale oo adag. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay 15 sano guuradii xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo sheegay in xiriirka labada dal uu ka soo gudbay garab istaag bani’aadamnimo una gudbay iskaashi istiraatiiji ah oo dhinacyo badan taabanaya.

Wuxuu sheegay in booqashadii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu Muqdisho ku yimid 2011, xilli Soomaaliya ay wajahaysay abaaro, macluul iyo amni-darro, ay furtay bog cusub oo ku saabsan xiriirka labada dal.

“Booqashadaas waxay xambaarsanayd farriin cad oo ahayd in Soomaaliya aan la illoobi karin, shacabka Soomaaliyeedna aysan kelidood ahayn,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Wuxuu sheegay in 15-kii sano ee la soo dhaafay Turkigu uu Soomaaliya ka taageeray dhinacyada bani’aadamnimo, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, amniga, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo maalgashiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in kumannaan arday Soomaaliyeed ay wax ku barteen Turkiga, kuwaas oo markii dambe dalka ugu soo laabtay xirfadlayaal ka shaqeeya dhinacyo kala duwan.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay maanta ka duwan tahay sidii ay ahayd 2011, isagoo tilmaamay horumarka laga sameeyay amniga, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda.

“Soomaaliya 2026 ma aha Soomaaliya 2011. Waxaan soo marnay waddo adag, waxaan soo qaadnay jid dheer,” ayuu yiri.

ARARKA MAANTA 17ka Agoosto 2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa diidi kara inuu Madaxweynaha xilka ka dhammaaday tagay Koofurta Gaalkcayo kaliya Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Maxay beesha caalamka u jartay dhaqaallihii? Yaa noqon doona guddoomiyshs cusub hplaha shacabka? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho 17ka Agoosto 2026Hoggaanka Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) oo uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee FESTU, Cumar Faaruuq Cusmaan, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Mudane Wamkele Mene, Xoghayaha Guud ee Xoghaynta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta AfCFTA ee Soomaaliya iyo kaalinta shaqaalaha iyo ururrada shaqaaluhu ku yeelan karaan isdhexgalka dhaqaale ee Afrika. FESTU waxay miiska soo saartay muhiimadda ay leedahay abuurista shaqooyin hufan, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo xoojinta wadahadalka bulshada, si kobaca ganacsiga iyo maalgashigu uu faa’iido dhab ah ugu keeno shaqaale-weynaha.

Iyadoo laga duulayo mowqifyada Ururweynaha Caalamiga ah ee Ururrada Shaqaalaha (ITUC) iyo ITUC-Africa, FESTU waxay carrabka ku adkaysay in shaqaalaha iyo ururradoodu yeeshaan cod muuqda oo macno leh marka la dejinayo siyaasadaha iyo qaab-dhismeedka hirgelinta AfCFTA. Mudane Wamkele Mene ayaa soo dhaweeyay sii wadidda wada-shaqeynta lala leeyahay ururrada shaqaalaha, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in dowladda, ganacsatada iyo ururrada shaqaaluhu iska kaashadaan koboc dhaqaale oo loo dhan yahay.

FESTU waxay sidoo kale bogaadinaysaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, dadaalka uu ku hoggaaminayo hirgelinta AfCFTA si loo dhan yahay, isaga oo isu keenaya dowladda, ganacsatada iyo ururrada shaqaalaha, isla markaana dhiirrigelinaya wadahadal bulsho oo saldhig u noqda iskaashi iyo horumar dhaqaale oo loo wada dhan yaha

Muqdisho 17ka Agoosto 2026 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay Mudane Wamkele Mene, Xoghayaha Guud ee Xoghaynta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).

Xoghayaha Guud ayaa Wasiirka warbixin ka siiyay hirgelinta waajibaadka AfCFTA iyo kaalinta ay ka qaadanayso Midowga Afrika Ajandaha 2063.

Wasiirka wuxuu dhankiisa sheegay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta qaab-dhismeedka AfCFTA, iyadoo Soomaaliya ay hore u ansixisay heshiiska, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay u leedahay Soomaaliya in si buuxda uga faa’iidaysato fursadaha AfCFTA ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo is dhexgalka dhaqaale ee qaaradda Afrika.

Muqdisho 17ka Agoosto 2026 Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo xooga saaraya Xiriirkooda Laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya

Muqdisho, Soomaaliya | 17 Agoosto 2026,

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cali ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.

Wasiirka ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee  Dowladda Shiinaha, gaar ahaan dhismaha Xarunta Qurba-joogta ee  Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo sidoo kale taageerada dhinacyada horumarinta iyo waxbarashada.

Wasiirku waxa uu sheegay sida Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya  labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiri

WARARKA MAANTA 9ka Agoosto  2026 

Su’aalaha Maanta: Maxay beesha caalamka u jartay dhaqaallihii? Yaa noqon doona guddoomiyshs cusub hplaha shacabka? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

South Sudan 9ka Agoosto  2026Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Dalka Koonfurta Suudaan Amb. Jaamac Xasan Khaliif, ayaa farriin u diray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, Danjiraha ayaa ku ammaanay Jaaliyadda midnimada, isku duubnida iyo wadajirka ay muujinayaan, isagoo ku boorriyey inay qaataan kaarka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA iyo Baasaboorka Soomaaliya, si ay u helaan aqoonsi rasmi ah, loogana war hayo wixii caqabado ah ee ku yimaada.

Safiir Jaamac ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed ay si wanaagsan ula shaqeeyaan hey’adaha dowladda, isla markaana ay ilaashadaan midnimadooda iyo isku duubnidooda.

Puntland 9ka Agoosto  2026 MADAXWEYNAHA OO KULAN LA QAATAY SARAAKIISHA CIIDAMADA KALA DUWAN EE DOWLADDA PUNTLAND EE SUGAN GOBOLKA MUDUG.

Gaalkacyo: 08 Agoosto 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland ee ku sugan Gobolka Mudug.

Kulanka waxaa ka qaybgalay saraakiisha  ciidamada kala duwan  oo ay hogaaminayaan Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi, Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire iyo  saraakiisha ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda nabadgelyada Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland, iyadoo la iska xog-waraystay xaaladaha amni iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasilloonida.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa saraakiisha ciidamada kula dardaarmay adkaynta nabadgelyada iyo xasilloonida Puntland, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta, feejignaanta iyo gudashada waajibaadka ka saaran sugidda amniga.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyey xubno ka tirsan Golayaasha kala duwan ee Dowladda Puntland.

   — DHAMMAAD —–

Maraykanka 9ka Agoosto  2026Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mareykanka ee USCIS ayaa mar kale si ku-meel-gaar ah u kordhisay muddada ay shaqeynayaan dukumentiyada oggolaanshaha shaqada (EAD) ee dadka Soomaaliyeed ee haysta Temporary Protected Status (TPS). 

Kordhinta cusub ayaa oggolaanshaha shaqada gaarsiineysa 10-ka Agoosto 2026, halka kordhintii hore ay ku ekeyd 5-ta Agoosto.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli ay weli socdaan dacwado la xiriira qorshaha dowladda Madaxweyne Donald Trump ay ku joojinayso TPS-ka dalal dhowr ah, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Arrintan ayaa sidoo kale daba socota go’aan ay Maxkamadda Sare ee Mareykanka gaartay 25-kii Juun 2026, kaas oo u oggolaaday maamulka Trump inuu sii wado qorshihiisa lagu joojinayo TPS-ka muwaadiniinta Haiti iyo Syria.

Go’aanka maxkamadda ayaa saameyn ku yeeshay dacwado kale oo ku saabsan TPS, oo ay ku jirto dacwadda ka socota maxkamad ku taalla Massachusetts ee ay kooxo u doodaya dadka Soomaaliyeed kaga horjeedaan joojinta TPS-ka Soomaaliya.

USCIS ayaa sidaas oo kale lagu amray inay u hoggaansanto amar maxkamadeed oo la soo saaray 21-kii Luulyo, kaas oo khuseeya kordhinta oggolaanshaha shaqada ee qaar ka mid ah dadka haysta TPS ee codsaday cusbooneysiinta EAD-yadooda ka hor 30-kii Oktoobar 2025.

Kordhinta cusub ee ilaa 10-ka Agoosto ayaa ka dhigan in dadka Soomaaliyeed ee ku tiirsan dukumentiyadan ay weli haystaan muddo kooban oo dheeraad ah oo ay ku sii isticmaali karaan oggolaanshaha shaqada, iyadoo xaaladda TPS-ka Soomaaliya ay weli ku xiran tahay dacwadaha maxkamadaha iyo go’aannada dowladda Mareykanka. 

WARARKA MAANTA 4Ta Agoosto  2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya #VillaSomalia? Yaa diiday inuu djiso #Maqaamka #Muqdisho oo boobay sacabka #Muqdisho xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira?  Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho 4ta Agoosto  2026 Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay isugu yimaadeen khubaro militari oo ka socda dalalka ciidamada ku biiriya Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM). Kulankan ayaa hordhac u ah shirka la filayo inay yeeshaan Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee dalalka ka qeyb qaata hawlgalka. 

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo diyaarin lahaa qorshe wadajir ah oo lagu fulinayo go’aannadii ka soo baxay shirkii gaarka ahaa ee madaxda dalalka taageera AUSSOM, kaas oo dhowaan lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda. Qorshaha ayaa la sheegay inuu hagayo wejiga xiga ee iskaashiga dhinaca amniga.

Qodobada ugu muhiimsan ee laga dooday waxaa ka mid ahaa dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, xoojinta wadaagga xogaha sirdoonka iyo sidii si dhow loogu mideyn lahaa awoodaha iyo agabka ay adeegsanayaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa taageeraya.

Guddoomiyaha guddiga khubarada militariga, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, ayaa sheegay in qorshaha la diyaarinayo uu ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada AUSSOM iyo dalalka ciidamadooda ku biiriyay hawlgalka, si loo kordhiyo waxtarka howlaha amniga.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in qorshaha ay khubaradu soo diyaariyeen loo gudbin doono Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca, kuwaas oo dib u eegi doona ka hor inta aan si rasmi ah loo meelmarin. Ansixintiisa ayaa la filayaa inay saldhig u noqoto qorshayaasha hawlgal ee xiga.

Kulankan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda amniga ay wadaan dadaallo ku aaddan maalgalinta AUSSOM oo wajahaysa dhaqaale la’aan, taasoo ay u sii dheer tahay in Dowladda Maraykanka ay shaacisay in dhammaadka sanadkan ay joojin doonto taageerada xafiiska UNSOS oo bixiya taageerada howlgalka AUSSOM.

Dhawaan, dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo ku kulmay Kampala ayaa dalbaday in howlgalka lagu kordhiyo 18- 24 bilood oo dheeraad ah, si Soomaaliya loogu diyaariyo in ay la wareegto masuuliyadda amnigeeda.

Muqdisho 4ta Agoosto  2026 Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku shaacisay jadwalka iyo shuruudaha lagu maamulayo howlaha Xajka ee sanadka 1448H/2027, iyadoo ugu baaqday shirkadaha iyo xujeyda Soomaaliyeed inay u hoggaansamaan nidaamka cusub. Wasaaraddu waxay sheegtay in qorshahan lagu diyaariyay kadib markii dowladda Sacuudiga ay dejisay jadwalka rasmiga ah ee howlaha Xajka, si loo dardargeliyo diyaarinta adeegyada loo fidinayo xujeyda Soomaaliyeed.

Sida ku cad war-saxaafadeedka, dhammaan muwaadiniinta doonaya inay gutaan waajibaadka Xajka waxaa lagu amray inay si degdeg ah isu diiwaangeliyaan, isla markaana baasaboorkooda iyo lacag hormaris ah oo dhan 2,000 oo doollar ku wareejiyaan shirkadaha adeegga Xajka ee ay Wasaaraddu ruqsadda siisay.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale faraya shirkadaha adeegga Xajka inay siiyaan xujeyda adeegyo tayo leh oo ay ku jiraan gaadiid, hoy, cunto iyo daryeel caafimaad, isla markaana ay la galaan heshiisyo shaqo oo caddeynaya xuquuqda iyo waajibaadka labada dhinac.

Dhanka kale, Wasaaraddu waxay sheegtay in bixinta adeegyada Xajka lagu maamuli doono nidaam elektaroonig ah (System), iyadoo shirkadaha laga doonayo inay xogta xujeyda ku diiwaangeliyaan nidaamkaas. 

Ugu dambeyn, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa uga digtay shacabka inay la macaamilaan shaqsiyaad ama shirkado aan haysan ruqsad rasmi ah, waxayna xustay in qiimaha rasmiga ah ee adeegyada Xajka la shaacin doono marka la soo gabagabeeyo daraasadda qiimeynta adeegyada Xajka ee 1448H/2027. 

Galmudug State 4ta Agoosto  2026 Xisbiga Towfiiq ayaa ku gacan seyray natiijada doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo golaha wakiillada ee Galmudug ee ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka, isagoo ku eedeeyay guddiga in habraaca doorashada lagu tuntay rabitaanka codbixiyeyaasha isla markaana la dhaawacay hannaanka doorasho qof iyo cod ah. 

War-saxaafadeed uu soo saaray xisbigu ayuu ku sheegay in natiijada lagu dhawaaqay ay shacabka Galmudug ka qaaday xuquuqdoodii dastuuriga ahayd, isla markaana ay meesha ka saartay kalsoonidii laga qabay geeddi-socodka doorashada. Xisbiga ayaa ku dooday in habka loo maareeyay codbixinta iyo tirinta codadka uu hareeyay musuq iyo eex, taasoo, sida uu sheegay, si weyn u saameysay natiijada kama dambaysta ah.

Towfiiq wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay filayeen doorasho hufan oo ka tarjumaysa rabitaankooda, balse natiijada lagu dhawaaqay aysan waafaqsanayn codadkii ay goobaha codbixinta ka diiwaangeliyeen wakiilladiisa. Xisbiga ayaa ka digay in aqbalidda natiijadan ay dhaawici karto kalsoonida lagu qabo hannaanka dimuqraadiyadeed iyo ka qaybgalka shacabka ee doorashooyinka mustaqbalka.

Xisbigu wuxuu ugu baaqay guddiga doorashooyinka iyo dhinacyada ay khusayso in dib loogu noqdo go’aanka lagu dhawaaqay, isla markaana dib-u-eegis madax-bannaan lagu sameeyo natiijooyinka iyo codadka laga kala helay tobanka degmo ee doorashadu ka dhacday, si loo xaqiijiyo in rabitaanka shacabka si sax ah loo muujiyo.

Sida uu xisbigu sheegay, doorashada tobanka degmo ee Galmudug waxaa codkooda dhiibtay 58,519 qof, halka codadka halaabay ay gaarayeen 987, oo u dhiganta ku dhowaad boqolkiiba hal. Towfiiq ayaa ku andacooday in uu helay 53,054 cod oo u dhiganta 53.85% codadkii golaha wakiillada, taasoo uu sheegay inay u saamaxaysay inuu ku guuleysto 47 ka mid ah 89-ka kursi ee golaha.

Dhanka goleyaasha deegaanka, xisbigu wuxuu sheegay inuu helay 54,064 cod oo u dhiganta 54.87% codadkii la dhiibtay, isagoo ku dooday in natiijadaasi siinaysay 104 ka mid ah 243-da kursi ee goleyaasha deegaanka ee Galmudug.

Guddiga Doorashooyinka ayaa shalay ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashadii goleyaasha deegaanka ee Galmudug, iyagoo sheegay in Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka uu noqday ururka ugu codadka badan, isagoo helay 135,247 cod iyo 63 kursi, halka Ururka Towfiiq uu galay kaalinta labaad kadib markii uu helay 26,003 cod iyo 12 kursi.

Maraykanka 4ta Agoosto  2026 Xildhibaan Andy Ogles oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa gudbiyay mooshin lagu dalbanayo xil ka qaadista Garsoore Allison Burroughs, kadib markii ay mar kale hakisay qorshihii maamulka Madaxweyne Donald Trump ee lagu soo afjarayay Barnaamijka Ilaalinta Ku-meelgaarka ah (TPS) ee muwaadiniinta Soomaaliyeed. 

Garsooraha ayaa soo saartay amar sii haynaya TPS-ka iyo rukhsadaha shaqada ee ku dhowaad 1,100 qof oo Soomaali ah, inta ay maxkamaddu ka go’aamineyso dacwad ay gudbiyeen dadka ka faa’iideysta barnaamijka.

Ogles ayaa ku eedeeyay garsooraha inay ka tallaabsatay awooddeeda sharci, isla markaana ay iska indha-tirtay go’aan hore oo ay gaartay Maxkamadda Sare ee Mareykanka, isagoo ku tilmaamay tallaabadeeda “faragelin garsoor”.

Dacwadda cusub ee Soomaalida ayaa ku saleysan dood ah in go’aanka maamulka Trump uu ku saleysan yahay takoor ku saleysan jinsiyadda iyo asal ahaan waddanka, arrin Garsoore Burroughs ay u aragtay in ay mudan tahay in maxkamaddu sii baarto ka hor inta aan TPS-ka la joojin.

Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS) ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqday in Soomaaliya aysan mar dambe buuxin shuruudihii lagu sii hayn lahaa TPS, iyadoo qorshuhu ahaa in barnaamijku dhammaado 17-kii Maarso.

TPS waa barnaamij bini’aadantinimo oo siiya magangelin ku-meelgaar ah iyo oggolaanshaha shaqada dadka ka yimid dalal ay ka jiraan dagaallo ama masiibooyin dabiici ah. Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalka ku jiray barnaamijkan tan iyo 1991-kii.

Mooshinka Ogles ayaa la filayaa inuu wajaho dood sharci iyo siyaasadeed, maadaama taariikh ahaan garsoorayaasha federaalka aan xilka looga qaadin oo keliya go’aannada ay gaaraan, balse loo baahan yahay caddeyn muujinaysa inay ku kaceen xadgudub culus ama falal ka baxsan waajibaadkooda

Waqooyi Bari  4ta Agoosto  202 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛 𝐭𝐢𝐫𝐨 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐧𝐚𝐝-𝐠𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐢

Laascaanood , 03 Agoosto 2026 : Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa boqolaal shacab ah iyo hoggaanka sare ee dowlad-goboleedka Waqooyi Bari caawo kala qeybgalay xafladda sanad-guuradda koowaad ee kasoo wareegtay asaaska maamulkan, taas oo lagu qabtay fagaare ku yaala magaalada Laascaanood.

Hadal-jeedin dhinacyo badan taabanaysay oo uu Ra’iisul Wasaare Xamsa ka jeediyay ayuu ku bogaadiyay sida maamulka durba u hano-qaaday, isaga oo u qirey Waqooyi Bari ka maamul ahaan wax badan u qabsoomeen, tahayna in shacabka ay ku faro adeegaan. Wuxuu intaas ku daray in dowladda Federaalka ka go’antahay tabantaabinta Waqooyi Bari oo uu xusey in ay tahay astaan midnimo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray shacabka reer Waqooyi Bari meel walba ay joogaan dal iyo debbadba, wuxuuna bogaadiyey horumarka ay ku tilaabsatay halkaa sanno oo uu jiray maamulka  Waqooyi Bari.

“Deegaankaan dad geesiyaal ah ayaa kasoo jeeda, ummadda Soomaaliyeedna raadkaasi ayey daba socdaan, muddo dheer oo uu dagaal ku jiray, haddane ku socdo waa sababtaasi, meel fog baad dadka Soomaaliyeed ugu qorontihiin, hormuudna waa u tihiin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Wuxuu ugu baaqay shacabka iyo maamulkaba in si walaalnimo ah oo daris-wanaag ah kula dhaqmaan dowlad-goboleedyada kale , lana tixgaliyo xiriirka ehelnimo ee bulshada ka dhaxeeya.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyeey doorashadii qof iyo cod ee dhowaan ka dhacday Galmudug, wuxuuna xusey in meelo kale oo dalkana laga qaban doono, si awoodda shacabka loogu celiyo. Wuxuu cambaareeyay aragtiyada siyaasiyiinta qaar kasoo yeeraya ee ah in talada dalka laga saaro gacanta Soomaalida, taas oo uu sheegay wax aanan marnaba dhici doonin.

Mar uu soo hadal-qaaday caqabadaha waaweyn ee dalka haysta ayuu sheegay in ay kala yihiin kooxagaha argagixisada ee fikradaha qaldan xambaarsan iyo kooxaha siyaabaha kala duwan u abaabul ee horumarka dowladnimo ee dalka diiddan.

Intii ay xafladda socotay waxaa hadalo kooban jeediyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiiradda Federaalka oo ay faahfaahiyeen mashaariic heerkii fulinta gaaray ee haatan laga hirgalinayo deegaanadan

WARARKA MAANTA 1da Agoosto  2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa albaabadii ka soo xiray Madaxweyne hore Xassan Iyo qoyskiisa? Maxaa Wasiiradiisa iyo gabartiisa looga soo tarxiilay #Kenya? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda #Soomaalia? 

Muqdisho 1da Agoosto  2026 T𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐮 𝐝𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐝𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝

Muqdisho, Jimce, 31 Luuliyo 2026 : Ra’iisul WasaarahMadaxweynaha xilka ka dhammaaday Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u rabaa in uu burburiyo #PuntlandState Iyo #JubbalandState? Maxay beesha caalamka u jartay dhaqaallihii?  Maxuu Madaxweyne hore Xassan Shiikh u rabaa in la burburiyo #Puntland Iyo #Jubbaland? Maxaa ka cusub siyaasadda dalka? Maxuu ugu baaqay Raysal Wasaare hore Xamsa inuu iskaga baxo Madaxtooyadda Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Mudane Xassan Shiikh? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Ha wiqleyso! 

Kampala 1da Agoosto  2026 TMadaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa sheegay in Afrika aysan ka tegi doonin Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in joogitaanka ciidamada Uganda ee dalka uu salka ku hayo mabda’a midnimada Afrika, amniga gobolka iyo taageeridda dowladnimada Soomaaliya. Museveni ayaa hadalkan ka jeediyay gunaanadka shir saddex maalmood socday oo ay isugu yimaadeen madaxda dalalka ciidamada ku leh Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kuwaas oo ay ka mid yihiin Uganda, Itoobiya, Kenya, Jabuuti, Masar iyo Burundi.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in inkastoo dalkiisu uusan xuduud toos ah la lahayn Soomaaliya, haddana go’aanka ay ciidamadoodu uga qayb qaadanayaan howlgalka uu ku saleysan yahay laba arrimood oo waaweyn: la dagaallanka xagjirnimada khatar ku ah bulshada iyo muujinta garab istaag dalalka gobolka ee wajahaya khataraha amni.

Museveni wuxuu sheegay in xagjirnimada diimeed ay halis ku tahay xasilloonida Geeska Afrika, isagoo xusay in Afrika ay leedahay taariikh ku dhisan kala duwanaansho, is-ixtiraam iyo wada noolaansho, isla markaana aysan aqbali karin in fikrado adag lagu qasbo bulshooyinka Afrika.

Waqti sii horeeyay, Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, oo shir guddoominayay kulanka Taliyeyaasha Ciidamada, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo diyaariyo qorshe Afrikaan hoggaaminayo, maadaama Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) lagu wado inuu soo afjaro howlihiisa 31-ka Diseembar 2026.

Africom 1da Agoosto  2026 Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa sheegay in taageerada mustaqbalka ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya ay ku xirnaan doonto sida ay dowladda u xaqiijiso xasillooni siyaasadeed, u xoojiso maamul wanaagga, isla markaana ay sii waddo horumarka laga gaarayo la dagaallanka kooxaha argagixisada. 

Waraysi gaar ah oo uu ka qaaday Cumar Faaruuq Cusman, Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Anderson wuxuu ku sheegay in Mareykanku uusan ka jeesan Soomaaliya, balse iskaashiga labada dhinac uu u baahan yahay hoggaan siyaasadeed oo mideysan iyo natiijooyin muuqda oo dhanka amniga ah.

“Haddii Soomaaliya ay hoggaanka qabato oo dowladda ay hormuud ka noqoto sugidda amniga iyo dowlad-dhiska, Mareykanku wuxuu sii wadi doonaa taageeradiisa, maadaama ay jirto dano wadaag,” ayuu yiri Anderson.

Wuxuu uga digay in khilaafaadka siyaasadeed ee daba dheeraada ay wiiqi karaan iskaashiga labada dal, isagoo xusay in haddii xasillooni siyaasadeed la waayo ay adkaan karto in Mareykanku sii wado heerka taageerada uu hadda bixiyo.

Taliyaha AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada kumaandooska Danab, oo Mareykanku gacan weyn ka geystay dhismahooda, ay ka mid yihiin ciidamada ugu tayada wanaagsan qaaradda Afrika, balse ay hadda mas’uuliyadda Soomaaliya tahay ilaalinta iyo horumarinta awooddooda si ay u sii hoggaamiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Anderson wuxuu xusay in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay muujiso horumar joogto ah oo ka dhan ah argagixisada si loo sii xaqiijiyo joogitaanka iyo taageerada Mareykanka.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa caqabado siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, iyadoo isla markaana ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Muqdisho 1da Agoosto  2026 Ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe waxay horseed u yihiin soo kabsashada dhaqaale ee Soomaaliya, iyagoo gacan ka geysanaya hal-abuurka gudaha, keenayana fursado shaqo.

Maalgashiga dhaqaale oo bartilmaameedsan iyo barnaamijyada dhisidda awoodda ee ganacsatada gudaha ayaa fure u ah gaarista horumar dhaqaale oo waara iyo dhisidda adkeysi qaran xiliga fog

Muqdisho 1da Agoosto  2026 WAR-SAXAAFADEED

Farriin Tacsi ah oo Ku Saabsan Shilkii Naxdinta Lahaa ee Baska kaas oo ka Dhacay Dalka Aljeeriya.

Muqdisho | 01 Agoosto  2026

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya kadib shilkii naxdinta lahaa ee bas kaas oo ka dhacay meel u dhow magaalada Boumerdes maanta oo Jimca ah, Shilkaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 25 qof iyo dhaawaca tobannaan kale.

Dowladda Soomaaliya waxay la qeybsaneysaa murugada qoysaska ay ehelladoodu ku geeriyoodeen shilkaas iyo bulshada ay saameysay, iyadoo garab taagan Dowladda iyo shacabka Aljeeriya xilligaan adag ee murugada leh.

Sidoo kale,  Dowladda Soomaaliya waxay u rajaynaysaa dhammaan dhaawacyada ku jira isbitaallada inay si degdeg ah oo buuxda u bogsadaan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa inay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya xilliyada adag ee murugada leh.

DHAMMAAD

Muqdisho 1da Agoosto  2026 Waxaa sharaf wayn noo ah in aan ku howlannahay qabanqaabada Shir-Waynaha Badaha Soomaaliyeed ee 1aad.

Ujeeddada ugu wayn ee shirkan oo sanadle noqon doono ayaa ah in ay isku waraystaan bahwaynta soomaaliyeed ee Badaha ku shaqada leh oo si wayn u falanqeyn doono aragtida siyaasadeed iyo tan farsamo ee lama huraanka u ah in aan si dhamaystiran uga faa’ideysanno, u difaacanno una daryeelno badaheenna baaxadda wayn leh.

Waxaan qayb ka nahay caalam dhammaantiis ku hardamaaya badaha iyo marin-biyoodyada istiraatiijiga ah, waxaana lama dhaafaan ah in aan curinno ara

Muqdisho 1da Agoosto  2026 a Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u direy bulshada deegaanada Puntland & Maamulkaba sanad guuradda 28-aad ee dhismihii dowlad goboleedka Puntland awgeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa bulshada deegaanadaas ku bogaadiyay biseylkooda dowladnimo iyo nabadda , isaga oo sidoo kale hambalyeeyay hoggaankii soo maray maamulkaas kaalintii ay ka qaateen dowlad dhiska dalka iyo dhabar-adeygii ay muujiyeen xiliyadii kala duwanaa ee lagu jiray dhismaha iyo yagleelidda maamulkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntii u rajeeyay hoggaanka & bulshada gobolada Puntland nabad waarta, Horumar & Barwaaqo.

– DHAMMAAD –

Cabdinaasir Axmed Bashiir

WARARKA MAANTA 30ka Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Ma sharci baa inay dowlad aan wax sharciyad haysan qabto doorsho 2026? Maxuu Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u rabaa in uu burburiyo #PuntlandState Iyo #JubbalandState? Maxay beesha caalamka u jartay dhaqaallihii?  Maxuu Madaxweyne hore Xassan Shiikh u rabaa in la burburiyo #Puntland Iyo #Jubbaland? Maxaa ka cusub siyaasadda dalka? Maxuu ugu baaqay Raysal Wasaare hore Xamsa inuu iskaga baxo Madaxtooyadda Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Mudane Xassan Shiikh? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 30ka Luulyo  2026 Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kormeeray goobaha codbixinta ee ay maanta u dareereen bulshada magaalada Galkacyo si ay uga qayb qaataan doorashada qof iyo cod.

Codbixinta Galkacyo waxaa sidoo kale ka qayb qaatay wasiiro heer federaal ah iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo saaka aroortii hore saf u galay goobaha codbixinta si ay codkooda u dhiibtaan.

Muqdisho 30ka Luulyo  2026 Khubaro dhinaca amniga iyo difaaca ah oo ka kala socday waddamada ciidamada iyo booliiska ku leh Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), iyo dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kulankoodii farsamo ku yeeshay Kampala ka hor shirarka heerka taliyeyaasha ciidamada iyo wasiirrada, ayaa ku soo gabagabeeyay in saddexda qorshe ee loo diyaariyay mustaqbalka AUSSOM aysan midkoodna hirgeli karin haddii uu joogsado taageerada saadka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), iyadoo aan la helin hannaan kale oo beddela. 

Warbixinta ay khubaradu diyaariyeen ayaa lagu sheegay in hakad ku yimaada taageerada UNSOS uu khatar gelin karo sii socoshada howlgalka, joogtaynta saadka ciidamada iyo ilaalinta guulihii amni ee laga gaaray Soomaaliya sannadihii u dambeeyay. Waxay sidoo kale ka digeen in xaaladdaasi ay abuuri karto firaaqo amni xilli ciidamada Soomaaliya ay weli ku jiraan marxaladda kala-guurka ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.

Iyagoo ka duulaya qiimeyntaas, khubaradu waxay ku taliyeen in Midowga Afrika uu wada-hadal la yeesho Mareykanka si loo raadiyo waddo lagu sii wadi karo taageerada UNSOS inta lagu jiro qorshaha kala-guurka ee amniga Soomaaliya ee u dhexeeya 2024 iyo 2029.

Gunaanadka khubarada ayaa loo gudbiyay shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee Kampala, halkaas oo sidoo kale looga hadlay suurtagalnimada in la sameeyo hannaan cusub oo Afrika hoggaaminayso si uu u beddelo taageerada saadka ee hadda ay bixiso Qaramada Midoobay.

Taliyaha Ciidamada Uganda ayaa ugu baaqay waddamada ka qeybgalaya shirka inay dardargeliyaan diyaarinta qorsheyaal kale oo xaqiijin kara sii socoshada howlgalka wixii ka dambeeya dhammaadka 2026. 

PuntlandState 30ka Luulyo  2026 Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Puntland ayaa baaritaan uu ku sameeyay xisaab-xirka sannad-maaliyadeedka 2025 ku muujiyay tabar-darrooyin ka jira maamulka maaliyadda dowladda, iyadoo kharash dhan $21.39 milyan aan loo helin dukumentiyo iyo caddeymo dhammaystiran. Warbixin uu soo saaray ayuu ku sheegay in $5.88 milyan oo ka mid ah lacagtaas lagu diiwaangeliyay nidaamka maaliyadda dowladda (PFMIS) isla markaana soo martay Bangiga Dowladda, balse aan lagu caddeyn cidda rasmiga ah ee qaadatay. $15.51 milyan oo kalena ayaa la sheegay inay ka maqnaayeen dukumentiyo muhiim ah, sida codsiyada lacag bixinta, saxiixyada iyo oggolaanshaha rasmiga ah.

Hanti-dhowrku wuxuu sidoo kale sheegay in diiwaangelinta deymaha dowladda aysan dhammaystirnayn. Inkastoo dowladda ay soo gudbisay deymo dhan $16.35 milyan, warbixintu waxay sheegtay in la helay deymo kale oo aan si rasmi ah loo diiwaangelin.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay daciifnimo ka jirta nidaamyada maaliyadda ee PFMIS iyo PUNTCAS, iyadoo sheegtay in xogta ku jirta nidaamyadaas aysan mararka qaar la jaanqaadin lacagaha dhabta ah ee ku jira khasnadda dowladda. Waxa kale oo lagu sheegay in lacag dhan $466.84 milyan oo la xiriirta miisaaniyadda dowladda aysan soo marin Khasnadda Dhexe.

Sidoo kale, Hanti-dhowrku wuxuu sheegay in heshiisyo wax iibsiga dowladda ah oo qiimahoodu gaarayo $7.10 milyan aan loo marin habraacyada sharcigu dhigayo, halka ay sidoo kale jireen cillado la xiriira canshuuraha laga jaro lacagaha la bixiyo iyo hoos u dhac ku yimid dakhliga gobollada Raas Casayr, Mudug iyo Nugaal.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in lix ka mid ah siddeedii talo ee Hanti-dhowrku soo jeediyay sannadkii 2024 aan weli la hirgelin, halka laba kalena qayb ahaan la fuliyay.

Warbixintaan ayaa kusoo beegantay maalmo kaddib markii uu baarlamaanka Puntland meel mariyay xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2025, iyadoo Puntland ay sheegtay in uu u soo xarooday 99% ku talagalka dakhliga gudaha, balse uu weli walaac ka taagan yahay bixinta  xaquuqda shaqaalaha iyo ciidamada Puntland.

Muqdisho 30ka Luulyo  2026 Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland ayaa xukun dil ah ku ridday Sadaaq Maxamed Siidow, oo lagu helay dambiyo la xiriira dil, dhaawac iyo ka mid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab. Maxkamaddu waxay sheegtay in eedeysanaha lagu helay inuu degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ku dilay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka, kuwaas oo kala ahaa Cabdiqaadir Adow Cabdullaahi iyo Cabdinasir Nuur Salaax Mursal, halka uu dhaawac culus u geystay qof shacab ah oo lagu magacaabo Yuusuf Cabdi Xuseen.

Sida ay maxkamaddu sheegtay, Sadaaq Maxamed Siidow ayaa falka geystay 19-kii Luulyo 2026, xilli uu weerar hubeysan ka fuliyay degmada Afmadow, isaga oo adeegsanayay qori AK-47 iyo rasaas kale.

Intii ay socotay dhageysiga dacwadda, eedeysanaha ayaa qirtay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, halka xafiiska xeer ilaalinta ciidamada Jubbaland uu soo bandhigay caddeymo ay ku jiraan hubkii lagu eedeeyay inuu ku fuliyay weerarka.

Xeer ilaalintu waxay maxkamadda ka hor sheegtay in eedeysanuhu uu ku biiray Al-Shabaab sanadkii 2023, islamarkaana uu tababar ku qaatay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kadibna uu ka qeyb qaatay howlgallo ay kooxdaasi fulisay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa ku dhawaaqay xukunka, isagoo sheegay in maxkamaddu ku ridday dil toogasho ah (qisaas) sababo la xiriira dilka labada askari iyo dambiyada kale lagu helay.

Maxkamaddu waxay sidoo kale sheegtay in xukunka uu salka ku hayo caddeymaha la hor keenay, oo ay ka mid yihiin qiraalka eedeysanaha iyo hubkii lagu soo qabtay.

WARARKA MAANTA 28ka Luulyo  2026 WARARKA MAANTA 29ka Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u rabaa in uu burburiyo #PuntlandState Iyo #JubbalandState? Maxay beesha caalamka u jartay dhaqaallihii?  Maxuu Madaxweyne hore Xassan Shiikh u rabaa in la burburiyo #Puntland Iyo #Jubbaland? Maxaa ka cusub siyaasadda dalka? Maxuu ugu baaqay Raysal Wasaare hore Xamsa inuu iskaga baxo Madaxtooyadda Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Mudane Xassan Shiikh? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Ha wiqleyso! 

Soomaaliya Iyo Kenya 29ka Luulyo  2026 Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan wada-shaqeynta dhinacyada socdaalka, adeegyada qunsuliyadaha iyo isu-socodka xuduudaha, kadib kulan ay magaalada Addis Ababa ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Musalia Mudavadi. 

Kulanka, oo ka dhacay intii uu socday shirka 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, ayaa yimid xilli ay sare u kacday xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa labada dal, kadib markii saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagu celiyey garoonka diyaaradaha ee Nairobi, loona diiday inay gudaha u galaan Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in wada-hadalladu diiradda saareen horumarinta xiriirka laba geesoodka ah, xal u helidda arrimaha socdaalka iyo xoojinta iskaashiga amniga gobolka.

“Waxaan la kulmay Musalia Mudavadi si aan uga wada hadalno horumarinta arrimaha socdaalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee ku aaddan xasilloonida gobolka,” ayuu wasiirku ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Inkasta oo labada dowladood aysan shaacin faahfaahinta heshiiska laga gaaray kulanka, haddana waxaa la sheegay in labada dhinac ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la fududeeyo isu-socodka dadka iyo in la xoojiyo wada-shaqeynta qunsuliyadeed. Kulankan ayaa daba socda dhacdooyin dhowaan dhacay oo ay ka mid tahay in Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya, Abshir Bukhaari, loo diiday inuu galo Kenya kadib markii uu gaaray Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, halkaas oo dib loogu celiyey Muqdisho.

Warar la baahiyey ayaa sheegay in saraakiisha socdaalka Kenya ay su’aalo ka keeneen baasaboorka Kenya ee uu watay Bukhaari, inkastoo dowladda Kenya aysan si rasmi ah u shaacin sababta loo celiyey.

Sidoo kale, toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegayay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, isna loo diiday inuu galo Kenya, iyadoo lagu sheegay in arrintaasi la xiriirtay dukumentiyada safarkiisa.

PuntlandState 29ka Luulyo  2026 Guutada Kumaandooska Danab ee Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga digayso in ay Puntland weerar ku qaaddo ciidanka PSF, iyadoo sheegtay in isku dhac dhex mara ciidamada uu halis gelin karo amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland.  War-saxaafadeedka Danab ayaa lagu sheegay in ay jiraan warar la xiriira suuragalnimada weerarro ka dhan ah PSF, kuwaas oo ay ku tilmaantay kuwo horseedi kara dagaal sokeeye iyo dhiig daata.

Danab waxay ugu baaqday dhinacyada ay khusayso in laga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta iska horimaad hubeysan.

Guutada Danab ayaa sidoo kale eedeyn u jeedisay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyadoo ku eedeeyay inuu hurinayo xiisad siyaasadeed iyo colaad gudaha ah. Waxay sheegeen in khilaafka jira uu yahay mid siyaasadeed oo aan loo beddelin iska horimaad ciidan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in ciidamadu ay ka soo horjeedaan in Puntland ay noqoto goob lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed iyadoo la adeegsanayo awood ciidan, waxayna ugu baaqeen dhinacyada isku haya siyaasadda inay doortaan xal nabadeed.

Guutada Danab waxay sidoo kale ugu baaqday in la ilaaliyo nolosha askarta reer Puntland, isla markaana laga fogaado dagaal dhexmara ciidamada Puntland iyagoo xusay in PSF ay sannado badan door muhiim ah ka qaadatay la dagaallanka kooxaha  argigixisada iyo sugidda amniga Puntland. 

Muqdisho 29ka Luulyo  2026 Iyadoo ku dhawaad 70% dadkeeda ay da’doodu ka yar tahay 30 jir, Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamada dadkooda u badan yihiin dhallinyarada. Ka faa’iidaysiga tamarta iyo fikradaha dhallinyaradeedu waxay muhiim u yihiin mustaqbalka dalka.

Guud ahaan Soomaaliya, dhallinyaradu waa kuwo wax baranaya, hal-abuur leh, oo taageeraya bulshooyinkooda—iyaga oo iskaa wax u qabso ku shaqeynaya kuna hubeysan hal-abuurnimo la xiriirta qaybaha kala duwan oo ay ka mid yihiin tignoolajiyada, waxbarashada, caafimaadka, farshaxanka, beeraha, hal-abuurka ganacsiga, iyo kuwo kale.

Muqdisho 29ka Luulyo  2026 BAYAAN SAXAAFADEED

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareysay Xadgudubka Loo Geystay Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa.

Muqdisho, Soomaaliya | 29 Luulyo 2026,

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareynaysaa weerarka iyo gelitaanka Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa ee uu hoggaaminayay sarkaal Israa’iili ah, isagoo ay weheliyaan kooxo xagjir ah iyo ciidamada ammaanka Israa’iil.

Falkaani wuxuu ka dhigan yahay xadgudub weyn oo lagu sameeyay karaamada iyo xurmada mid ka mid ah goobaha ugu barakaysan Islaamka, isla markaana gef ku ah dareenka malaayiinta Muslimiinta ah ee dunida ku nool.

Iyadoo Soomaaliya ay xubin ka tahay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), waxay mar kale adkaynaysaa mowqifkeeda ku aaddan taageeridda shacabka Falastiin iyo difaaca xaaladda taariikhiga ah iyo tan sharci ee goobaha barakaysan ee diimaha ku yaalla Qudus.

Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa beesha caalamka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ka hortagaan falalka noocan oo kale ah ee kicinta xambaarsan isla markaana la hubiyo isla xisaabtan ku aaddan cid kasta oo ku lug leh.

Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is xakameyn isla markaana ay u istaagaan wadahadal miro dhal ah oo lagu gaari karo nabad caddaalad ku dhisan oo waarta, taas oo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab taagan tahay shacabka Falastiin iyo xaqooda sharciyeed ee ay u leeyihiin inay helaan dowlad madax-bannaan.

Soomaaliya waxay taageersan tahay xalka labada dowladood, iyadoo u aragta jidka keliya ee lagu gaari karo nabad, amni iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha Bariga Dhexe.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale sheegeysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharciga caalamiga ah, dhowrista madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:

https://www.youtube.com/watch?v=81L-e4VV0Go

Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaraha cusub ee #Somalia muddada sannadka ah ee xoogga loogu darsanaayo? Maxay Dowladda #Kenya u soo tarxiishay La-Taliyaha Madaxweynaha Jihaan Shiikh Xassan? Maxay beesha caalamka u jartay dhaqaallihii?  Maxuu Madaxweyne hore Xassan Shiikh u rabaa in la burburiyo #Puntland Iyo #Jubbaland? Maxaa ka cusub siyaasadda dalka? Maxuu ugu baaqay Raysal Wasaare hore Xamsa inuu iskaga baxo Madaxtooyadda Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Mudane Xassan Shiikh? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 28ka Luulyo  2026 Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) ee lagu beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ah dal walaal ah isla markaana ah saaxiib u dhaw Dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya waxay muujineysaa walaaceeda ku aaddan badqabka dadka rayidka ah, waxayna mar kale xaqiijineysaa garab istaaggeeda buuxa ee Boqortooyada, iyadoo taageereysa dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo amniga, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Boqortooyada.

Amniga Boqortooyada Sacuudi Carabiya wuxuu laf dhabar u yahay xasilloonida gobolka iyo xorriyadda isu socodka maraakiibta ee Badda Cas.

Soomaaliya waxay taageereysaa dhammaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka si nabad ah, waxayna ku baaqeysaa is xakameyn si looga hortago sii hurinta xiisadaha.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay sii wadi doontaa la shaqeynta iyo isku duwidda dadaallada ay la leedahay saaxiibbada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga gobolka.

DDSI 28ka Luulyo  2026 WAR CUSUB:

Qodobka 39-aad ee Dastuurka Itoobiya ayaa la soo jeediyay in wax laga beddelo laguna badalo ilaa midoobid.

Waxaa Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Itoobiya lagu soo bandhigay soo jeedin ku baaqaysa in Qodobka 39-aad ee Dastuurka,wax laga badalo, kaas oo dammaanad qaadaya xaqa qoomiyadaha ee “ilaa gooni isu taag”, lagana saaro weedhaas laguna beddelo “ilaa midoobid.”

Shirku wuxuu hadda marayaa heerka guddiyada waaweyn ee ka kooban 250 xubnood, waxaana laga soo gudbay heerarkii hore ee guddiyada 10-ka iyo 50-ka xubnood. Marka marxaladdan la soo gabagabeeyo, ajendayaasha ayaa loo gudbin doonaa wejiga xiga ee ka kooban 500 xubnood.

Qodobka 39-aad wuxuu ka mid yahay ajendayaasha looga hadlayo:

• Qaab-dhismeedka iyo nidaamka dowladda.

• Nidaamka siyaasadda.

• Habka matalaadda siyaasadeed iyo doorashooyinka.

• Xaqa aayo-ka-tashiga qoomiyadaha.

Inta badan kooxihii doodaha yeeshay waxay soo jeediyeen in Qodobka 39-aad uu sii jiro, balse laga saaro oo keliya weedha “ilaa gooni isu taag.” Koox kale ayaa iyaduna soo jeedisay in eraygaas lagu beddelo “ilaa midoobid.”

Illaa iyo hadda wax go’aan kama dambays ah lama gaarin. Arrimahan waa soo jeedinno iyo dooddo weli ka socda Shirweynaha Wadatashiga Qaran, waxaana la filayaa in ay maraan heerarka xiga ee wadatashiga ka hor inta aan go’aan rasmi ah laga gaarin.

Sidee u aragtaa?

Muqdisho 28ka Luulyo  2026 Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saaka howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanka Sumadaale oo hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe, kaas oo ay gabaad ka sameysteen kooxaha Khawaarijta ah.

Ciidanka ayaa Khawaarijta ka saaray godadkii ay ku jireen waxaana ay sii baacsanayaan firxadka horjoogeyaashii iyo maleyshiyaadkii goobta isaga cararay

Muqdisho 28ka Luulyo  2026 War-saxaafadeed.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Waxay Cambaareyneysaa Weerarradii Diyaaradaha Drones-ka ee Lagu Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Muqdisho, Soomaaliya | 28 Luulyo 2026,

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) ee lagu beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ah dal walaalo ah isla markaana ah saaxiib U dhaw Dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya waxay muujineysaa walaaceeda ku aaddan badqabka dadka rayidka ah, waxayna mar kale xaqiijineysaa garab istaaggeeda buuxa ee Boqortooyada, iyadoo taageereysa dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo amniga, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Boqortooyada.

Amniga Boqortooyada Sacuudi Carabiya wuxuu laf dhabar u yahay xasilloonida gobolka iyo xorriyadda isu socodka maraakiibta ee Badda Cas.

Soomaaliya waxay taageereysaa dhammaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka si nabad ah, waxayna ku baaqeysaa is xakameyn si looga hortago sii hurinta xiisadaha.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay sii wadi doontaa la shaqeynta iyo isku duwidda dadaallada ay la leedahay saaxiibbada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga gobolka.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:

Waqooyi Bari 28ka Luulyo  2026 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye, ayaa si kulul uga hadlay xildhibaanno ka tirsanaa baarlamaanka maamulkiisa, kuwaas oo dhawaan u goostay dhinaca Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabadooda mid dhaawacaysa kalsoonida shacabka, isla markaana sheegay inay bannaysay fursad lagu soo xulo xubno uu sheegay inay si dhab ah ugu taagan yihiin qadiyadda maamulka. Madaxweynaha Waqooyi Bari ayaa sheegay inuu bishii March ee sanadkan uu u sheegay guddoonka baarlamaanka  in xubno ka mid ahi xildhibaaanda ay qorsheynayaan inay aadaan Hargeysa, balse wuxuu xusay in aan la qaadin tallaabooyin degdeg ah maaddaama arrinta xil ka qaadistu ay ahayd mid muran badan dhalin karta.

“Waxay qaateen go’aan ceeb ah, balse anaga sharaf ayay noo tahay inay naga baxaan dadka aan ku kalsoonayn mabda’a maamulka. Taasi waxay noo oggolaanaysaa in boosaskooda lagu beddelo dad u taagan danaha Waqooyi Bari,” ayuu yiri Firdhiye.

Madaxweyne Firdhiye ayaa sidoo kale dhaliilay xildhibaannada sheegay inay diiddan yihiin xukuumadda maamulkiisa, isaga oo sheegay in haddii ay tabasho siyaasadeed qabaan ay ahayd inay ku muujiyaan gudaha hay’adaha ay ka tirsan yihiin, halkii ay maamulka uga bixi lahaayeen kuna biiri lahaayeen dhinaca kale.

Firdhiye waxa uu qiray in maamulka weli wajahayo caqabado dhinaca horumarinta ah, isagoo sheegay in mashaariic badan oo horumarineed aysan weli si buuxda u soo gaarin Waqooyi Bari. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in arrintaasi aysan ka dhignayn in maamulka uu yahay mid aan sharciyad lahayn, balse ay qayb ka tahay marxalad ay soo mareen dowlad-goboleedyadii kale ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Waqooyi Bari ayaa sidoo kale ku eedeeyay Somaliland inay waddo olole siyaasadeed iyo mid warbaahineed oo lagu wiiqayo maamulka Waqooyi Bari, isagoo sheegay in dadka ku biiray Somaliland aysan waxba ka beddeli doonin jiritaanka maamulka. Wuxuu uga digay Somaliland inay faragelin ku sii waddo deegaannada maamulka, isaga oo sheegay in wixii amni darro ah ee ka dhaca deegaannadaas ay mas’uuliyaddooda qaadi doonto Somaliland. 

Muqdisho 28ka Luulyo  2026 Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saaka howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanka Sumadaale oo hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe, kaas oo ay gabaad ka sameysteen kooxaha Khawaarijta ah.

Ciidanka ayaa Khawaarijta ka saaray godadkii ay ku jireen waxaana ay sii baacsanayaan

Puntland 26ka Luulyo  2026 “Dowladda Puntland waxay si dhow u la socotaa dhammaan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee uu wado Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday” – WAR-SAXAAFADEEDWARARKA MAANTA 27ka Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa noqonaaya Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxay Dowladda #Kenya u soo tarxiishay Wasiiru Dowle Abshir Bukhaari? Maxay beesha caalamka u jartay dhaqaallihii?  Maxuu Madaxweyne hore Xassan Shiikh u rabaa in la burburiyo #Puntland Iyo #Jubbaland? Maxaa ka cusub siyaasadda dalka? Maxuu ugu baaqay Raysal Wasaare hore Xamsa inuu iskaga baxo Madaxtooyadda Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Mudane Xassan Shiikh? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Ha wiqleyso! 

DDSI 27ka Luulyo  2026 Kal-fadhiga 11aad ee golaha 6-aad ee Xildhibaanada DDS ayaa si rasmi ah uga furmay Madasha kulamada ee Xafiidka Golaha Xildhibanaada  ee Magaalada Jigjiga

Af-hayeenka golaha xildhibaanada DDS Marwo Ayaan Abdi Maxamed oo Kal-Fadhigan 11aad furtay ayaa kadib markii ay Xaqiijisay in Kooramka kal Fadhigi buuxo, iyadoo 273 Xilfhibaan ee Goluhu ka kooban yahay ay kasoo Qaybgaleen 215 Xildhibaan,

Sidookale Afhayeenka a soo jeedisay Ajendayaasha hor yaala kal fadhigan 11-aad ee golaha 6-aad ee xildhibaannada deegaanka oo kala ahaa sidan :-

​1.Ansixinta Hadal-qoraaleedkii Kal-fadhigii 10aad ee Golaha 6aad.

2.​Dhagaysiga iyo Ansixinta Warbixinta Waxqabadka Xukuumadda DDS ee S.M 2018 T.I.

3.​Dhagaysiga iyo Ansixinta Warbixinta Waxqabadka.Golaha Xildhibaanada DDS ee S.M 2018 T.I.

4.Soo jeedinta iyo dhagaysiga Warbixinta Waxqabadka Hay’adda Garsoorka ee S.M 2018 T.I.

5..​Soo jeedinta iyo dhagaysiga Warbixinta Waxqabadka Hanti-dhawrka Guud ee S.M 2018 T.I.

6.Soo jeedinta iyo dhagaysiga Warbixinta Waxqabadka Wakaaladda Warbaahinta DDS ee S.M 2018 T.I.

7.​Dhagaysiga iyo Ansixinta Warbixinta Waxqabadka koomishinka Baadhista Tacadiyadii ka dhacay Deegaanka Soomaalida.

​Meel-marinta Bayaanka Miisaaniyadda S.M 2019 T.I.

8.​Bayaanka Meelmarinta Miisaaniyadda Dheeraiga ah Wajiga labaad ee S.M 2018 T.I.

9.​Soo jeedinta iyo Ansixinta Xeer Nidaameedka Ujuurada Garsoorka ee Xafiiska Maxkamadda Guud DDS.

10.​Bayaanka Aqoonsiga iyo Ilaalinta Xabsiga Dhexe ee deegaanka ee loo yaqaan Jeel Ogaadeen si loogu asteeyo Goob xasuus u ah Tacadiyadii dhacay ee loo gaystay Bulshada Deegaanka.

​11.Bayaanka Wax-ka-badalka Bayaanka Canshuurta Dakhliga DDS.

12Dhaarinta Mas’uuliyiinta

Waqooyi Barri 27ka Luulyo  2026 Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo saaray qaraar ku baaqaya in maxkamad la horkeeno saraakiisha iyo xubnaha lagu qabtay dagaalkii ka dhacay Goojacadde, kuwaas oo lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha. 

Qoraal kasoo baxay Golaha, oo ku taariikhaysan 26-ka Luulyo 2026, ayaa lagu sheegay in go’aanka lagu gaaray fadhi caadi ah oo ay yeesheen xildhibaannadu, iyadoo lagu saleynayo waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha ee ilaalinta caddaaladda, sarreynta sharciga iyo dhowrista xuquuqda shacabka.

Goluhu wuxuu ugu baaqay xukuumadda inay si degdeg ah u horgeyso maxkamadaha awoodda u leh dhammaan dadka loo haysto dambiyada la xiriira dagaalkii Goojacadde, si dacwadahooda loogu qaado hannaan waafaqsan sharciga.

Inkasta oo bayaanku uusan si toos ah u magacaabin shaqsiyaadka la maxkamadeynayo, haddana wuxuu ku baaqayaa in la dedejiyo dacwadaha la xiriira dadka ku jira xabsiyada maamulka ee loo haysto dambiyada ka dhanka ah Waqooyi Bari Soomaaliya.

Golaha ayaa sidoo kale adkeeyay in dacwadaha loo fuliyo si hufan oo caddaalad ah, isla markaana la dhowro dhammaan xuquuqaha uu sharcigu siinayo eedeysanayaasha inta ay socoto hannaanka garsoorka.

Kenya  27ka Luulyo  2026 “Mas’uuliyiinta Kenya ayaa ugu baaqay shacabka degmada Garissa inay feejignaadaan isla markaana si degdeg ah ula wadaagaan hay’adaha ammaanka calaamad kasta oo muujin karta xagjirayn ama ku biirista kooxda Al shabaab. 

Baaqan ayaa lagu soo bandhigay aqoon-is-weydaarsi ay qabanqaabisay Xarunta Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada (NCTC), kaas oo lagu qabtay magaalada Garissa, iyadoo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin, odayaal, culimo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wakiilka NCTC, Sangale Chorontoi, ayaa sheegay in gobolka Waqooyi Bari uu weli wajahayo halista qorista dhalinyarada iyo faafinta fikirka xagjirka ah, taas oo uu sheegay inay sii kordhisay baahida loo qabo iskaashi dhow oo dhex mara bulshada iyo laamaha ammaanka.

Mas’uulku wuxuu xusay in calaamadaha digniinta hore ay ka mid yihiin isbeddel lama filaan ah oo ku yimaada dhaqanka qofka, go’doominta qoyska iyo saaxiibbada, iyo sidoo kale maqnaansho aan la sharraxin oo guriga ama bulshada ah.

Ka qeybgalayaasha kulanka ayaa soo dhaweeyay barnaamijka, iyagoo sheegay inuu kor u qaaday wacyigooda ku aaddan sida loo aqoonsado loogana hortago xagjiraynta, halka waalidiinta lagu boorriyay inay si dhow ula socdaan carruurtooda iyo dadka ay la macaamilaan.

Garissa iyo guud ahaan gobolka Waqooyi Bari ayaa muddo dheer la daalaa dhacayay weerarro iyo ololeyaal qoris ah oo lala xiriiriyo kooxda Al-Shabaab, iyadoo u dhowaanshaha xadka Soomaaliya lagu tilmaamo mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee kordhiya halista amni. 

Shabeele Hoose  27ka Luulyo  2026 “Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay fuliyeen howlgal lagu ciribtiray beero lagu beerayay maandooriyaha xashiishka, kuwaas oo ku yaallay dhul beereed u dhexeeya magaalada Marka iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose. 

Howlgalka waxaa si wadajir ah u fuliyay Ururrada 141-aad, 144-aad iyo 145-aad ee Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo ay ka qeyb qaateen cutubyo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ee ka howlgala aagga magaalada Marka.

Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar, Gaashaanle Cismaan Muuse Maxamed, ayaa sheegay in howlgalka uu daba socday amar hore oo mamnuucayay beerista xashiishka ee aagga Marka, isagoo xusay in ciidamada ay fuliyeen waajibaadkooda si loo adkeeyo fulinta amarkaasi.

Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale sheegeen in muddooyinkii u dambeeyay ay soo noqnoqdeen muranno u dhexeeyay beeraley ku loollamayay dhul beereed u dhexeeya Janaale iyo Marka Caddey, kuwaas oo sababay xiisado amni.

Ciidanka ayaa sheegay inay hore ugu guuleysteen kala dhexgalka dhinacyada is haya si looga hortago isku dhac hubeysan oo ay kooxda Al-Shabaab ka faa’iideysan karto, iyagoo xusay in howlgalka cusub uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda Guinea-Bissau 27ka Luulyo  2026 ” Dowladda Guinea-Bissau ayaa si rasmi ah u beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada iyo madalaha kale ee dijitaalka ah oo sheegayay inay isu diyaarinayso aqoonsiga Somaliland.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ay 26-kii July 2026 soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Jaaliyadaha ee Guinea-Bissau ayaa lagu sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana aanay jirin wax go’aan ah ama hannaan rasmi ah oo dalku ku wado aqoonsiga Somaliland.

Wasaaraddu waxay xustay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Guinea-Bissau lagu hago si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afrika iyo mabaadi’da ilaalinta madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu caddeeyay in go’aan kasta oo rasmi ah oo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda lagu shaacin doono oo keliya kanaallada rasmiga ah ee dowladda, iyadoo shacabka looga digay inay rumaystaan wararka aan ka soo bixin hay’adaha dowladda.

Wararka ay dowladda Guinea-Bissau beenisay ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa baahiyay warbaahino kala duwan iyo baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in dalkaasi uu ku jiro diyaar-garow lagu aqoonsanayo Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Guinea-Bissau ayaa war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in sheegashooyinkaasi ay yihiin kuwo aan wax sal ah lahayn, isla markaana aanay jirin wax qorshe ama geeddi-socod rasmi ah oo arrintaas la xidhiidha.

Muqdisho 27ka Luulyo  2026 Waxaa isa soo taraya walaaca ay qaar ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah ka qabaan ismariwaaga siyaasadeed ee muddada dheer ka taagan Soomaaliya, iyadoo ilo diblomaasiyadeed ay sheegeen in dowladda federaalka loo gudbiyay farriin digniin ah oo ka timid mid kamid ah dalalka taageera Soomaaliya, taasoo loogu sheegayo madaxda Soomaalida inay gaaraan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay ka hor dhammaadka bisha Agoosto. 

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen, farriinta ayaa lagu gaarsiiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, ka hor inta aan loo gudbin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in fariintu ay ka tarjumayso walaac sii kordhaya oo ay qabaan qaar ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya, kuwaas oo aaminsan in khilaafka siyaasadeed uu halis gelin karo geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo dib-u-habaynta hay’adaha dowladda.

Farriinta ayaa la sheegay inay ka digtay in taageerada horumarinta, maalgelinta mashaariicda iyo iskaashiga siyaasadeed dib loo qiimeyn karo haddii madaxda Soomaalida ay ku guuldareystaan inay toddobaadyada soo socda gaaraan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale sheegay in dib loo eegi karo heerka xiriirka diblomaasiyadeed haddii ismariwaagu sii socdo.

Wararkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Soomaaliya ay weli wajahdo muranno siyaasadeed oo la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Khilaafaadkan ayaa dib u dhigay dadaallo lagu doonayay in la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo saldhig u noqda geeddi-socodka doorashooyinka iyo dib-u-habaynta hay’adaha dowladda.

Saaxiibbada caalamiga ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku celcelinayay baaqyada ay ugu jeedinayaan dhinacyada Soomaalida inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal, iyagoo ku doodaya in heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay uu muhiim u yahay sii socoshada taageerada caalamiga ah iyo xasilloonida dalka. Inkastoo warbixintu tilmaamayso in taageerada dibadda dib loo eegi karo, haddana ilaa hadda lama shaacin go’aan rasmi ah oo lagu hakinayo gargaarka ama lagu dhimayo iskaashiga Soomaaliya iyo deeq-bixiyeyaasheeda. 

https://www.youtube.com/watch?v=dwQgxVDq3A4

Garowe (Buqdharkeyn)- Dowladda Puntland ayaa si adag uga hadashay dagaallada iyo isku dhacyada ka dhacay deegaanno ka tirsan Galmudug, iyadoo ku baaqday in la joojiyo colaadda, lana ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida shacabka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Puntland ayay ku sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda ka taagan deegaannada Galmudug, gaar ahaan colaadaha iyo burburinta nidaamka dowladnimada. Puntland waxay sidoo kale caddeysay inay taageersan tahay in la ilaaliyo amniga iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

“Dowladda Puntland waxay si dhow u la socotaa dhammaan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee uu wado Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo uu ujeedkeedu yahay hurin colaadeed iyo burburinta nidaamka Dowladnimada Puntland.

Dowladda Puntland waxay caddaynaysaa inaysan jirin ciidan la yiraahdo PSF oo si sharci ah uga tirsan ciidamada Difaaca Dowladda Puntland. Sidoo kale Dowladda waxay caddaynaysaa inaysan jirin ciidan ka diiwaangashan Dowladda Federaalka ah oo ka hawlgala deegaannada Dowladda Puntland.” Sidaa ayuu sheegay war-murtiyeedku.

Puntland waxay ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug inay ka waantoobaan tallaabo kasta oo sii hurin karta colaadda, ayna mudnaanta siiyaan wadahadalka, nabadda iyo xal u helidda khilaafaadka.

“Dowladda Puntland waxay fariin gaar ah u diraysaa Dowlad Goboleedka deriska ah ee Galmudug iyo Beesha Caalamka, waxayna Puntland ugu baaqaysaa Galmudug inay ka waantoowdo in saanad ciidan iyo maleeshiyaadku soo maraan garoomada iyo dhulka ay maamusho Galmudug, kuwaas oo looga dan leeyahay in lagu dhibaateeyo shacabka reer Puntland, oo ay Galmudug ka dhexeyso deris wanaag, iskaashi amni, iyo nolol ku dheehan nabadgelyo oo muddo dheer soo jirtay”. Ayay tiri dowladda Puntland.

Ugu dambayn, Puntland waxay ugu baaqday dadka reer Puntland inay ilaashadaan deganaanshaha iyo dowladnimada, iyadoo ku boorrisay bulshada inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara xiisad iyo kala qaybsanaan.

Muqdisjo 26ka Luulyo  2026 War Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaya in Soomaaliya laga soo dejiyo xaddi badan oo moos ah oo ka yimaadda Kenya. Qoraal kooban oo ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in wararkaasi aysan waxba ka jirin, iyadoo shacabka ugu baaqday inay xogta rasmiga ah ka helaan warbaahinta iyo baraha isgaarsiinta ee dowladda.

“Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay beeninaysaa wararka ay dadka qaar faafinayaan ee sheegaya in Kenya ay Soomaaliya u dhoofiso xaddi badan oo moos ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale shacabka ugu baaqday inay ka fogaadaan faafinta warar aan la hubin, isla markaana ay ku kalsoonaadaan ilaha rasmiga ah marka ay raadinayaan xogta la xiriirta beeraha iyo arrimaha kale ee dowladda.

Muqdisjo 26ka Luulyo  2026 War  Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa soo saaray jadwalka rasmiga ah ee hannaanka doorashada Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, iyadoo maalinta codbixinta si rasmi ah loogu asteeyay 20-ka Agoosto 2026.  Sida ku cad jadwalka, hannaanka doorashadu wuxuu ka bilaabanayaa 5-ta Agoosto diiwaangelinta iyo qaybinta go’aannada codbixiyeyaasha, waxaana xigi doona asteynta iyo shaacinta xarumaha codbixinta, soo gudbinta liisaska hordhaca ah ee codbixiyeyaasha, gudbinta wakiillada ururrada siyaasadda ee goobaha codbixinta, hubinta iyo xaqiijinta liisaska musharraxiinta, iyo ugu dambayn shaacinta liiska kama dambaysta ah ee musharraxiinta ururrada siyaasadda. 

Jadwalkan ayaa qeyb ka ah qorshaha Guddiga Doorashooyinka ee hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee dowlad-goboleedyada dalka. 

Guddigu wuxuu ugu baaqay ururrada siyaasadda, musharraxiinta iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso inay u hoggaansamaan jadwalka iyo habraacyada la dejiyay si loo xaqiijiyo doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo. 

Badda Cas 26ka Luulyo  2026Wa Weerarada isa soo taraya ee lagu beegsanayo maraakiibta ganacsiga ee maraya Badda Cas ayaa ku riixaya Mareykanka inuu dib u xoojiyo dadaalladiisa dhinaca Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, maaddaama marinka Bab el-Mandeb uu noqday meel muhiim u ah amniga ganacsiga caalamiga ah iyo isku socodka shidaalka. Marinka Bab el-Mandeb, oo u dhexeeya Yemen iyo Jabuuti, ayaa ah albaabka galbeed ee isku xira Badweynta Hindiya iyo Kanaalka Suweys. Iyadoo sidoo kale ay jiraan walaacyo amni oo ka jira marin-biyoodka Hormuz, waxaa sare u kacay cabsi laga qabo in khalkhal ku yimaado labada marin ee ugu muhiimsan dhoofinta shidaalka Bariga Dhexe, taasoo sare u qaaday qiimaha saliidda cayriin.

Xaaladdan awgeed, maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa si hoose u xoojiyay xiriirka uu la leeyahay dowladaha Geeska Afrika, oo ay ku jirto Soomaaliya, si looga wada hadlo xasilloonida Badda Cas iyo amniga gobolka.

Bishan, la-taliyaha sare ee Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha Carabta iyo Afrika, Massad Boulos, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Eritrea, iyadoo ay sidoo kale kulanka ka qeyb galeen mas’uuliyiin Masri ah. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas, xilli weerarada maraakiibta ay sii kordhayaan.

Khubarada amniga ayaa sheegaya in Mareykanku uu doonayo inuu ka hortago in waddamada Geeska Afrika ay noqdaan il cusub oo xasillooni-darro ka dhalata, maadaama gobolka uu door muhiim ah ku leeyahay ilaalinta marin-biyoodka ugu mashquulka badan ee ganacsiga caalamiga ah.

Muqdisjo 26ka Luulyo  2026 Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaliilay hannaanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u waddo doorashada, isaga oo sheegay in qaabka hadda la qorsheeyay uusan ka tarjumayn doorasho qof iyo cod ah oo xor iyo xalaal ah. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dhinacyada siyaasadda ay isku raacsan yihiin in Soomaaliya uga gudubto nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5, si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof walba uu wax dooran karo isla markaana isaguna la dooran karo. Hase yeeshee, wuxuu xusay in weli ay taagan tahay dood ku saabsan sida loo hirgelinayo hannaankaas.

Wuxuu tilmaamay in nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5 uu weli saameyn ku leeyahay qaabka kuraasta loo qaybinayo, taas oo uu sheegay inay ka hor imanayso mabda’a doorashada qof iyo cod.

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale dhaliilay waxa uu ku tilmaamay in xisbiyada siyaasadda loo adeegsanayo hab lagu sii go’aamiyo cidda kuraasta helaysa, isaga oo sheegay in haddii liisaska musharraxiinta hore loo diyaariyo aysan jiri doonin tartan doorasho oo dhab ah.

WARARKA MAANTA 25ka Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne hore Xassan u diiday dhismaha #Maqaamka #Muqdisho? Yaa boobay hantidii qaranka Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ka takhalusay dastuurkii dalka? Maxuu Madaxweyne hore Xassan Shiikh u rabaa in la burburiyo #Puntland Iyo #Jubbaland? Maxaa ka cusub siyaasadda dalka? Maxuu ugu baaqay Raysal Wasaare hore Xamsa inuu iskaga baxo Madaxtooyadda Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Mudane Xassan Shiikh? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Ha wiqleyso! 

DDSI 25ka Luulyo  2026War degdega:-Awaamiir ka soo baxday Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka Dawladda Deegaanka Soomaalida.

1. Xaddidaadda gaadiidka  nooca Foorsida, Bajaajta, iyo Tagaasida Code 1 waxaa si buuxda looga mamnuucayaa inay ka shaqeeyaan ama ka baxaan xuduudaha magaalooyinka.

2. Joojinta safarka habeenkii – Dhammaan gaadiidka  rakaabka qaada (gaaddidka dadweynaha iyo kuwa kale) waxa laga mamnuucayaa in ay baxaan safarro wixii  ka dambeeya 7:00 fiidnimo, marka laga reebo oggolaansho gaar ah.

3. dhamaan gaadiidka dadwaynaha waa inay kabaxaan Istaanada gaadiidka waxaana mamnuuc ah inay ka rakaabsadaan meel kabaxsan Istaanka.

4. Dhamaan gaadiidka waa in lagu rakibo xawaare xadide (Speed limit).

5. Waa in la hirgeliyo isticmaalka Kofiyada badbaadada (helmet) ee mootooyinka iyo Suunka badbaadada (seatbelt) ee baabuurta.

6. lama ogola in gaadiidka lagu sameeyo  iftiinka dheeriga ah (high beams) iyo sharaxaadaha   araga yareeya si looga hortago inay shil keenaan.

7.waa in la joojiyo  kuraasta dheeriga ah ee aan sharcigu oggolayn (kuwaas oo badiyaa dadka lagu raro si sharci darro ah).

8. Gaadiidka xamuulka (Sino Trucks iyo iska rogada) waa inay habeenkii ku xaroodaan goobo loo asteeyay islamarkaana la diwaangaliyo dhamaan mulkiilayaashagaadiidka leh.

9. Gaadiid kasta oo aan soo marin xarumaha farsama baadhista (MoT) islamarkaana aan qaadan boolada sanadka 2018 inuu shaqeeyo waa mamnuuc marka laga reebo gaadiidka ciidanka ee kala duwan.

10. Gaadiidka dadwaynha ee qaada rakaabka waa inay ku dhaganaato warqada qiime sheegta (noolka) markasta oo uu safar ubaxayana waa inuu wataa warqadda jidmarka (Mowjaa)

11. Tagaasida gaarka loo leeyahay ee code-3 iyo Damaas-yada waxay ku bixi karaan ruqsad (Warqad fasax ah) oo loo siiyo ogolaansho gaar ah.

African Union 25ka Luulyo  2026  Guddiga Midowga Afrika ayaa qoraal degdeg ah u diray Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Addis Ababa, kaas oo Dowladda Federaalka loogu gudbiyay farriin diblomaasiyadeed oo adag oo ku saabsan qorsheynta mustaqbalka joogitaanka Midowga Afrika ee Soomaaliya.  Qoraalka ayaa lagu casuumay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka qaybgasho wada-tashiyo istiraatiiji ah oo ka bilaabanaya Addis Ababa 22-ka iyo 23-ka Luulyo 2026, waxaana xigi doona kulan heer khubaro ah oo 24-ka Luulyo dhici doona. Natiijooyinka kulamadan ayaa saldhig u noqon doona shirarka Taliyeyaasha Ciidamada, Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Shir-madaxeedka aan caadiga ahayn ee waddamada ciidamada ku leh AUSSOM, kuwaas oo 29-ka illaa 31-ka Luulyo ka dhici doona magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Guddiga Midowga Afrika ayaa Dowladda Federaalka si cad ugu adkeeyay inay sida ugu dhaqsaha badan u soo magacawdo ergada uga qaybgalaysa kulamada Addis Ababa iyo Kampala, si loo dhammaystiro diyaar-garowga dhinacyada maamulka, hab-maamuuska iyo amniga.

Sidoo kale, qoraalka ayaa si cad u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadi doonto dhammaan kharashaadka la xiriira ka-qaybgalka wakiilladeeda kulamadaasi.

Muqdisho 25ka Luulyo  2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay Barnaamijka Goboleedka La-dagaallanka Tahriibinta (RCSP), oo ah qorshe saddex sano soconaya laguna xoojinayo amniga xuduudaha, awoodda hay’adaha dowladda iyo iskaashiga gobolka ee la-dagaallanka tahriibinta dadka iyo dambiyada abaabulan ee ka gudba xuduudaha. Barnaamijka waxaa daah-furay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), isagoo sheegay in sugidda amniga xuduudaha ay tahay mudnaan qaran oo laf-dhabar u ah ilaalinta amniga gudaha, fududeynta isu-socodka sharciga ah iyo la-dagaallanka dambiyada caalamiga ah.

Mashruuca waxaa hormuud u ah Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, iyadoo taageero ka helaysa Dowladda Boqortooyada Midowday (UK), halka Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ay fulinayso. Barnaamijkan ayaa Soomaaliya uga mid noqonaya dadaal ay si wadajir ah u fulinayaan Itoobiya, Kenya iyo Uganda.

Munaasabadda daah-furka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha amniga, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, wakiillo ka socday Dowladda UK, IOM iyo bahwadaag kale oo taageera maamulka xuduudaha iyo xoojinta amniga.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa sheegay in barnaamijkan uu wax ka qaban doono caqabadaha la xiriira tahriibinta dadka, socdaalka sharci-darrada ah, dukumentiyada safarka ee been-abuurka ah iyo dambiyada abaabulan ee ka gudba xuduudaha.

Muqdisho 25ka Luulyo  2026 Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mareykanka (USCIS) ayaa si ku meel gaar ah mar kale u kordhisay muddada ansaxnimada rukhsadaha shaqada (Employment Authorization Documents – EADs) ee la siiyo dadka ku jira barnaamijka Ilaalinta Ku Meel Gaarka ah (Temporary Protected Status – TPS), iyadoo tallaabadan ay khusayso muwaadiniinta Soomaaliya iyo Suuriya. 

Sida uu sheegay USCIS, rukhsadaha shaqada ee dadka Soomaaliyeed ayaa hadda sii ahaan doona kuwo ansax ah ilaa 29-ka Luulyo 2026, halka kuwa Suuriyana la kordhiyay ilaa 27-ka Luulyo 2026. Kordhintan ayaa timid maalin ay ku ekaan lahayd muddadii hore ee ansaxnimada.

Go’aanka cusub ayaa la xiriira dacwadaha sharci ee wali ka socda maxkamadaha Mareykanka, kaddib markii Maxkamadda Sare ee Mareykanka ay 25-kii Juun 2026 oggolaatay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu sii wado qorshihiisa lagu joojinayo TPS-ka dalalka Haiti iyo Suuriya.

USCIS ayaa sheegtay in go’aanka Maxkamadda Sare uu saameyn ku yeeshay dacwadaha kale ee la xiriira TPS, oo ay ku jirto kiiska Soomaaliya ee ka socda maxkamadda federaalka ee gobolka Massachusetts.

Hay’addu waxay sidoo kale xustay inay ku qasban tahay inay u hoggaansanto amar maxkamadeed oo soo baxay 21-kii Luulyo, kaas oo si ku meel gaar ah u sii dheereeyay ansaxnimada rukhsadaha shaqada ee qaar ka mid ah dadka codsaday cusboonaysiinta EAD-ga ka hor 30-kii Oktoobar 2025.

WARARKA MAANTA 23ka Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa boobay hantidii qaranka Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ka takhalusay dastuurkii dalka? Maxuu Madaxweyne hore Xassan Shiikh u rabaa in la burburiyo #Puntland Iyo #Jubbaland? Maxaa ka cusub siyaasadda dalka? Maxuu ugu baaqay Raysal Wasaare hore Xamsa inuu iskaga baxo Madaxtooyadda Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Mudane Xassan Shiikh? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 23ka Luulyo  2026Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka duulaya soo jeedinta Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, waxay si aqlabiyad ah ku ansixiyeen xubnaha magacaabista ku imaanaya ee Golaha Sare ee Garsoorka, sida uu dhigayo Qodobka 145aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2026.

Golaha Wasiirradu oo uu shir guddoomiyanayay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Saalax Jaamac  ayaa  meelmariyay xubnaha soo socda oo kala ah laba (2) Qareen Sare iyo laba (2) Xeeldheere Sharci oo uu xilkooduna noqonayo shan (5) sano, ka dib marka ay dhammeystiranto habraaca ansixintooda:

1. Maxamed-deeq Macalllin Aadan

2. Maryan Sheekh Cismaan

3. Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil

4. Cabdiqaadir Cali Macallin

Xubnahan ayaa ah kuwa keliya ee magacaabis ku imaanaya, halka xubnaha kale ee Golaha Sare ee Garsoorka ay ku imaanayaan xilkooda (Hadba Mas’uulka xilkaas haya uu ka mid noqonayo golahan), waxayna xilalkan kala yihiin:

1. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

2. Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka

3. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

4. Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Kore ee Dowlad goboleedyada iyo Maamulka Caasimadda Jamhuuriyadda

5. Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqda Aadanaha.

Sidoo kale golaha ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Golaha Tacliinta Sare, waxayna xilkaas u magacaabeen Mudane Maxamuud Axmed Jimcaale.

Ugu dambayn Golaha Wasiirrada XFS,ayaa meel-mariyey Hindise-sharciyeedka Dhaqanka iyo Farxashanka iyo Heshiis u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Cummaan, kaasi oo diirrada saaraya iskaashiga Gaadiidka Cirka, Axdiga Dhallinyarada Afrika kaas oo awoodda saaraya in dhallinyarada laga qayb galiyo go’aannada siyaasadda iyo doorka dowladaha ee horumarinta dhallinyarada Afrik

Muqdisho 23ka Luulyo  2026 Adeegyada xirfadeed ee maamulka xabsiyadu waa tiir muhiim u ah maaraynta xabsiyada oo ammaan ah, sugan isla markaana ku dhisan ixtiraamka xuquuqda aadanaha.

Beledweyne, khubaro ka tirsan waaxda asluubta ee UNTMIS  ayaa soo gabagabeeyay tababar socday saddex maalmood oo loo qabtay 25 sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Hirshabeelle, kuwaas oo ay ku jireen siddeed haween ah.

Tababarku wuxuu kor u qaaday aqoonta iyo xirfadaha ka qaybgalayaasha ee qiimeynta maxaabiista, kala soociddooda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, taasoo gacan ka geysanaysa xoojinta amniga xabsiyada, horumarinta maarayn gaar ahaaneed oo maxaabiista ah, iyo adkaynta adeegyada xirfadeed ee asluubta guud ahaan Hirshabeelle.

Muqdisho 23ka Luulyo  2026 Wafdi culimo Soomaaliyeed ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Waqooyi Bari inay dardargeliyaan wada hadallada nabadeed, si xal looga gaaro khilaafka u dhexeeya labada dhinac iyo arrinta maxaabiista ku xiran magaalooyinka Laascaanood iyo Hargeysa. 

War-saxaafadeed ay culimadu kasoo saareen magaalada Laascaanood ayay ku sheegeen inay kulamo la yeesheen Madaxweynaha Waqooyi Bari iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo ay kala hadleen dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo sidii loo abuuri lahaa jawi lagu xallin karo khilaafaadka jira.

Culimadu waxay sheegeen in Madaxweynaha Waqooyi Bari uu u caddeeyay inay diyaar u yihiin in nabad lala qaato dhinaca Somaliland, isla markaana ay soo dhoweynayaan dadaal kasta oo horseedi kara heshiis iyo wada hadal.

Wafdigu waxa uu sidoo kale booqday qaar ka mid ah maxaabiista kasoo jeeda Somaliland ee ku xiran Laascaanood, iyagoo sheegay inay la kulmeen saraakiil ka mid ah maxaabiista, islamarkaana ay ku dhiirrigeliyeen rajada laga qabo in xal laga gaaro xaaladdooda.

Culimadu waxay xuseen inay bilaabeen dadaallo lagu dhexdhexaadinayo is-weydaarsiga ama sii deynta maxaabiista labada dhinac ku kala xiran, iyagoo sheegay in khilaafka siyaasadeed uusan sabab u noqon karin in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay muddo dheer xabsi ku sii jiraan.

Waxay sidoo kale shaaciyeen inay qorsheynayaan inay u safraan Hargeysa, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxda Somaliland si ay u sii wadaan dadaallada nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta.

Ugu dambayn, culimadu waxay ugu baaqeen madaxda siyaasadda, isimada dhaqanka, culimada, ciidamada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan wada hadalka, is-afgaradka iyo nabadda, iyagoo ku adkeeyay in xal waara lagu gaari karo oo keliya wada xaajood iyo isu tanaasul.

Muqdisho 23ka Luulyo  2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay hanjabaadaha ay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen u jeedisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo sheegtay in tallaabooyinka noocaas ahi ay khatar ku yihiin amniga badda, xorriyadda isu-socodka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah. 

War-saxaafadeed ay Arbacadii maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Muqdisho ay si adag u diiddan tahay hanjabaadaha Xuutiyiinta iyo fal kasta oo wiiqaya amniga marin-biyoodka caalamiga ah, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan Badda Cas.

Soomaaliya ayaa sidoo kale dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, amniga iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, iyadoo ku baaqday in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

Bayaankan ayaa imaanaya iyadoo Xuutiyiintu ay dhawaan ku dhawaaqeen cunaqabatayn dhinaca badda ah oo ay ku bartilmaameedsanayaan Sacuudi Carabiya.

Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, oo ay Iran taageerto, ayaa uga digtay shirkadaha maraakiibta in booyadahooda shidaalka la weerari karo haddii ay isticmaalaan dekedaha Sacuudi Carabiya. Digniintan ayaa timid maalin kadib markii kooxda ay ku dhawaaqday xayiraad dhinaca badda ah oo ay ku bartilmaameedsanayso boqortooyada.

Hanjabaadan ayaa keentay in maraakiib ganacsi qaarkood ay beddelaan marinno ay mari lahaayeen, arrintaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo amniga Badda Cas iyo saameynta uu ku yeelan karo ganacsiga caalamiga ah.  

Addis Ababa 23ka Luulyo  2026 Maanta waxaa magaalada Addis Ababa lagu soo gebagebeeyay shirkii ugu horreeyay ee heer gobol ee Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika (Gulf–Africa Strategic Partnership Initiative – GASPI). Shirka ayaa ka qaybgalay masuuliyiin heer sare ah, siyaasad-dejiyeyaal, khubaro iyo wakiillo ka kala socday Afrika iyo dalalka Khaliijka si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga dhaqaale, ganacsiga iyo maalgashiga Maaliyadda cimilada.  Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaranka ee Cimilada Soomaaliya, ahna Madaxa Xoghaynta Hindisaha Geeska Afrika, Liiban Cabsiiye, ayaa ka qaybgalay shirka, isagoo si firfircoon uga qayb qaatay doodaha ku saabsanaa sidii loo abuuri lahaa iskaashi miro dhal ah oo u dhexeeya Afrika iyo dalalka Khaliijka, kaas oo horseeda maalgashi waara, ganacsi kobca iyo iskaashi dhaqaale oo labada dhinacba faa’iido u leh.

Agaasimaha, ayaa Intii lagu guda jiray dooddii shirka, wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladaha Afrika ay lagama maarmaan tahay inay si cad u qeexaan himilooyinkooda iyo mudnaantooda horumarineed si ay u soo jiitaan maalgashiga iyo raasumaalka dalalka Khaliijka. Waxa kale oo uu xusay in maalgashigu uu noqdo mid wax ku biiriya horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adkeysiga bulshada iyo deegaanka, kobcinta tayada shaqaalaha iyo horumarinta awoodda aadanaha ee heer qaran, heer gobol iyo heer qaaradeed.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in maalgashiga Afrika uu u baahan yahay iskaashi ku dhisan kalsooni, dulqaad iyo aragti fog, si loo xaqiijiyo natiijooyin waara oo ka faa’iideysta labada dhinac.

Dhanka Soomaaliya, isagoo ka wakiilka ah, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, oo ah Guddoomiyaha Hindisaha Geeska Afrika, ayuu xaqiijiyay in Soomaaliya ay sii wadi doonto la shaqeynta dhammaan dalalka xubnaha ka ah hindisaha si loo xoojiyo isdhexgalka ganacsiga gobolka, kor loogu qaado fursadaha maalgashiga gaarka loo leeyahay, loona taageero hirgelinta mashaariicda horumarineed ee hadda socda iyo kuwa mustaqbalka iyadoo lala kaashanayo bah-wadaagta horumarinta.

Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay maalgelinta dadaallada lagaga hortagayo saamaynta isbeddelka cimilada. Wuxuu xusay in isbeddelka cimiladu uu dhibaatooyin ba’an ku hayo bulshada, nolosha iyo dhaqaalaha dalalka xubnaha ka ah Hindisaha Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative), taas oo u baahan iskaashi iyo maalgelin waarta si loo xoojiyo adkeysiga bulshada loona yareeyo khataraha mustaqbalka.

Ugu dambeyn, wuxuu uga mahadceliyay hay’adaha ODI, Gravitas, iyo Machadka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya (Institute of Foreign Affairs of Ethiopia) qabanqaabinta kulankan muhiimka ah ee dhiirrigelinaya iskaashi istiraatiiji ah oo u dhexeeya Afrika iyo dalalka Khaliijka.

Muqdisho 23ka Luulyo  2026 Boqolaal waalidiin, dhalinyaro iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan bulshada Soomaalida ayaa ka qeyb galay kulan uu qabtay taliyaha booliiska degmada Ramsey, Bob Fletcher, kaas oo looga hadlayay kororka rabshadaha iyo dilalka la xiriira dhalinyarada Soomaalida ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. 

Kulanka oo ka dhacay xarunta ciidamada ammaanka ee degmada Ramsey ee magaalada Arden Hills ayaa yimid iyadoo walaac xooggan laga muujinayo dilal iyo weerarro hubeysan oo muddooyinkii dambe saameeyay qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaalida. Qoysas badan oo dhibaatadan ay taabatay ayaa goobta ka sheegay in carruurtoodu ay ku nool yihiin cabsi joogto ah.

Mas’uuliyiinta degmada Ramsey ayaa sheegay inay jiraan in ka badan toban kooxood oo ay booliisku u aqoonsadeen burcad ama kooxo dhalinyaro ah oo ku lug leh falal rabshado wata, kuwaas oo ka howlgala Minneapolis iyo magaalooyin kale oo ku yaalla gobolka Minnesota. Saraakiisha ayaa xusay in baraha bulshada lagu arko dhalinyaro soo bandhigaya hub, calaamado kooxeed iyo muuqaallo la xiriira iska hor imaadyo.

Sheriff Fletcher ayaa sheegay in ujeeddada kulanka ay tahay in bulshada Soomaalida la fahamsiiyo heerka dhibaatada jirta si loo helo xalal lagu yareeyo rabshadaha. Wuxuu sheegay in waalidiinta iyo dadka waaweyn ay door muhiim ah ka qaadan karaan ka hortagga dhalinyarada ku biiraysa kooxaha rabshadaha ku lug leh.

Intii uu socday kulanka, waalidiin iyo xubno bulshada ka tirsan ayaa saraakiisha waydiiyay sababta falalkan loogu tilmaamayo hawlo kooxeed, halka ay dhalinyaradu ka helayaan hubka iyo sababta qaar ka mid ah dadka la qabto mararka qaarkood si degdeg ah dib loogu sii daayo.

Dhanka kale, qaar ka mid ah culimada iyo hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa dhaliilay hadallo uu Sheriff Fletcher horay uga sheegay dhibaatadan, iyagoo ku dooday in rabshadaha dhalinyarada aysan ku koobnayn Soomaalida oo keliya balse ay tahay dhibaato guud oo ka jirta bulshada Mareykanka. Fletcher ayaa difaacay mowqifkiisa, isaga oo sheegay in ka hadalka dhibaatada uu horseeday dood iyo wacyigelin ballaaran.

Dhalinyaro iyo ganacsato Soomaaliyeed oo ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo rabshadaha, helitaanka hubka sharci darrada ah iyo arrimaha bulshada ee dhalinyarada ku riixaya kooxaha rabshadaha wata. Qaar ayaa sidoo kale ku baaqay in la adkeeyo tallaabooyinka sharciga ee ka dhanka ah dadka ku lug leh falalka dilalka iyo weerarrada hubeysan.

WARARKA MAANTA 22ka Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare hore Xamza “Cambaarle Dhaweeye”? Yaa ka takhalusay dastuurkii dalka? Maxuu Madaxweyne hore Xassan Shiikh u rabaa in la burburiyo #Puntland Iyo #Jubbaland? Maxaa ka cusub siyaasadda dalka? Maxuu ugu baaqay Raysal Wasaare hore Xamsa inuu iskaga baxo Madaxtooyadda Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Mudane Xassan Shiikh? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 22ka Luulyo  2026 Dab xooggan ayaa maanta oo Talaado ah ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, oo ah xarunta ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya, iyadoo qiiq madow oo aad u weyn laga arkayay qaybo badan oo caasimadda ah. 

Kooxaha Dab-demiska iyo Gurmadka Degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa si degdeg ah u gaaray goobta, iyagoo ku guuleystay inay damiyaan dabka kaddib howlgal socday muddo saacado ah, taasoo ka hortagtay inuu ku fido qeybaha kale ee suuqa.

Bakaaraha waxaa ku yaalla boqolaal xarumo ganacsi oo kala duwan, waxaana dabkan uu cabsi weyn ku abuuray ganacsatada iyo shacabka ku sugan deegaanka, si gaar dabkaan waxa uu sameeyay qeybaha Elektarooniga lagu iibiyo.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in mas’uuliyiintu bilaabeen baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay dabka, iyadoo sidoo kale la qiimeynayo baaxadda khasaaraha ka dhashay.

Ilaa iyo hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee dabka dhalisay, mana jiraan warar rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha nafeed.

Mid ka mid ah ganacsatada hantidooda ku waayay dabka ayaa sheegay in wixii uu soo uruurinayay muddo 16 sano ah ay hal mar ku basbeeleen dabkii saakay ka kacay Suuqa Bakaaraha.

Puntland 22ka Luulyo  2026 Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay muddo laba sano ah wadday dadaallo lagu abaabulayay kooxo hubeysan oo ka howlgala gudaha Puntland, iyadoo sheegtay in qorshahaasi uu qeyb ka yahay isku day lagu wiiqayo amniga iyo xasilloonida maamulkeeda. 

Bayaan ay soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay in Villa Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa saddex dal oo magacyadooda aan la shaacin, ay isku dayday inay dhisto kooxo hubeysan si loo fuliyo dano istiraatiiji ah oo la xiriira marinada badda. Dowladda Federaalka ayaan illaa hadda si rasmi ah uga jawaabin eedeymahan.

Puntland waxay sheegtay inay qabatay gaadiid ciidan oo ay lahayd Ciidanka Amniga Puntland (PSF), kuwaas oo madaxda Dowladda Federaalka ay dhowaan sheegeen in lagu daray Guutada 17-aad ee cusub. Maamulka Puntland ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, isagoo sheegay inuusan aqoonsanayn go’aanka dowladda dhexe.

Sidoo kale, Puntland waxay xaqiijisay inay gacanta ku dhigtay gaadiidkaasi iyo askar la socotay kolonyada, oo uu ku jiro taliye ciidan, kuwaas oo hadda ku jira gacanta hay’adaha ammaanka Puntland. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka lama shaacin.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in wakiillo ka socday laba dal oo shisheeye ay toddobaadyadii u dambeeyay kulamo la yeesheen siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kale oo ku sugan Puntland si loo dhiirrigeliyo weerarro isku dubbaridan oo laga fuliyo gobollada Sool, Nugaal, Mudug iyo Bari. 

Puntland waxay sheegtay in xogteeda sirdoonku muujineyso in mid ka mid ah dalalkaasi la filayo inuu toddobaadka soo socda si cad u dardargeliyo qorshihiisa, balse ay hore u qaadday tallaabooyin ay ku fashilineyso. 

Turkiga 22ka Luulyo  2026  Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay qaraar lagu kordhinayo muddada ay ciidamada qalabka sida ee Turkigu ka howlgalayaan Soomaaliya laba sano oo kale, laga bilaabo 27-ka Luulyo 2026, si ay u sii wadaan taageerada amniga iyo dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada iyo khataraha kale. Qoraal uu saxiixay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, oo loo gudbiyay baarlamaanka ayaa lagu sheegay in xasilloonida iyo amniga Soomaaliya ay muhiim u yihiin nabadda iyo amniga guud ee gobolka.

Qoraalka ayaa xusay in Turkigu tan iyo sannadkii 2011 uu Soomaaliya kala shaqeynayay dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo amniga, iyadoo iskaashigaasi lagu tilmaamay mid salka ku haya danaha labada dal iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan Turkiga.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in tababarka, la-tashiga iyo taageerada farsamo ee lagu xoojinayo awoodda ciidamada amniga Soomaaliya ay sii socon doonaan, iyadoo lagu saleynayo heshiisyada iskaashiga militari iyo difaaca ee labada dal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa, sida lagu sheegay qoraalka, Turkiga ka codsatay inuu sii wado taageerada uu ka geysto la dagaallanka argagixisada, burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci darrada ah iyo falalka kale ee amniga khatar ku ah.

Turkiga ayaa sidoo kale tan iyo 2009 ka qeyb ka ahaa howlgalka caalamiga ah ee ciidamada badda ee la dagaallama burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya iyo biyaha ku dhow, isagoo door muuqda ka qaatay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga marin-biyoodka gobolka. 

Muqdisho 22ka Luulyo  2026 Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee Dowlad-goboleedka Galmudug, iyagoo soo saaray jadwal cusub oo lagu qabanayo doorashada. 

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in go’aanka dib-u-dhigista la gaaray kaddib markii la qiimeeyay heerka diyaar-garowga howlaha doorashada, lana tixgeliyay codsiyo ay soo gudbiyeen ururrada siyaasadda si loogu helo waqti dheeraad ah oo ay ku dhammaystiraan diyaar-garowgooda.

Sida jadwalka cusub, qabashada codsiyada musharraxiinta ayaa la sii wadi doonaa illaa 25-ka Luulyo 2026, halka doorashada loo asteeyay inay qabsoonto 30-ka Luulyo 2026.

Guddigu wuxuu ugu baaqay dhammaan ururrada siyaasadda iyo dhinacyada ay khusayso geeddi-socodka doorashada inay ka faa’iidaystaan muddada dheeriga ah si loo xaqiijiyo doorasho ku dhacda si xor, xalaal ah oo waafaqsan sharciga.

Muqdisho 22ka Luulyo  2026 Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wada-hadallo la furtay shirkadda Meta, kaddib markii ay walaac ka muujisay qorshaha WhatsApp ee u oggolaanaya isticmaalayaasha inay ku wada xiriiraan magacyo halkii ay ka isticmaali lahaayeen lambarro telefoon. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, Axmed Cismaan Diiriye, ayaa sheegay in dowladda ay rajaynayso in heshiis laga gaaro arrintan ka hor inta aan muuqaalka cusub si rasmi ah loogu soo bandhigin isticmaalayaasha WhatsApp. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay leedahay duruufo amni iyo dhaqaale oo gaar ah, isla markaana dhaqaalaha dalka uu si weyn ugu tiirsan yahay adeegyada lacagaha moobilka lagu kala diro.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay ka cabsi qabto in adeegsiga magacyo isticmaale oo aan si toos ah loola xiriirin karin lambarro telefoon uu adkeyn karo dabagalka dambiyada internet-ka, isla markaana uu kordhin karo halista khiyaanooyinka maaliyadeed iyo dadka isu ekaysiinaya dadka kale.

WARARKA MAANTA 20ka Luulyo  2026 WARARKA MAANTA 21ka Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa xirtay Sacdiya Bajaaj Madaxweyne Xassan mise Jihaan? Yaa ka musuqmaasuq badan Taliye ku-xigeenka Booliska Cabdalla Cabdalla? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare hore Xamza “Cambaarle Dhaweeye”? Yaa ka takhalusay dastuurkii dalka? Maxuu Madaxweyne hore Xassan Shiikh u rabaa in la burburiyo #Puntland Iyo #Jubbaland? Maxaa ka cusub siyaasadda dalka? Maxuu ugu baaqay Raysal Wasaare hore Xamsa inuu iskaga baxo Madaxtooyadda Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Mudane Xassan Shiikh? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 21ka Luulyo  2026 Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Ibraahim Cismaan Laasow, oo loo haysto dilka Alle ha u naxariistee wariye Abshir Khaliif Shiide, oo ka mid ahaa wariyeyaashii ka howlgelayay magaalada Kismaayo.

Intii uu socday dhageysiga, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku dooday in eedeysanuhu geystay dil ula kac ah, isla markaana uu maxkamadda ka codsaday in lagu qaado tallaabada sharcigu dhigayo.

Dhinaca kale, qareenka difaaca eedeysanaha ayaa sheegay in falkaasi uusan ahayn mid ula kac ah, balse uu si kama’ ah u dhacay xilli eedeysanuhu gudanayay waajibaadkiisa amni.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland, Gaashaan Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyay dhageysiga dacwadda, isagoo xusay in Maxkamaddu ay xukunka kiiskan Ka soo saari doonto

PuntlandState 21ka Luulyo 2026 Dowladda Puntland ayaa soo bandhigay Gaadiid dagaal oo ay sheegen in laga qabtay ciidamo dowladda fadaarlku ka samaysteen Guudaha deeganadda Puntland.

Saawiraan iyo Qoraal lagu baahiyay dagalka Hawgka Ciribtirka Aragaxisada Puntland ayaa lagu sheegay in ay Dowladdu Soo afjaratay Maleeshiyaad ay soo abaabu shay dowladda fadaraalka iyo Madaxwayne Hassan Sheekh, sidoo kale waxaa bogaasi lagu sheegay in gacan lagu hayo Maxaabiis, Hub iyo Gaadiid dagaal oo laga qabtay Ciidamada Psf.

Sidoo kale waxaa goordheyd furmay isusocdokii Gaadiidka ee ku xayiraan Kantoorlada Bosaaso iyo deegaanka Kalabayr

Muqdisho 21ka Luulyo  2026 Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Dadka Waaweyn, Mudane, Cabdinaasir Ismaaciil (Shacab), ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho tababar soconaya shan (5) maalmood, kaas oo loo qabanayo 162 macallin oo isugu jira Macallimiinta Waxbarashada Dadka Waaweyn (NFE) iyo Macallimiinta Farsamada Gacanta iyo Xirfadaha (TVET) oo uu maalgelinayo Mashruuca Raja Kaaba ee Bankiga Adduunka.

Munaasabadda furitaanka, Agaasimuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay tayeynta aqoonta iyo xirfadaha macallimiinta, isagoo xusay in horumarinta awoodda macallimiintu ay laf-dhabar u tahay kor u qaadidda tayada waxbarashada dadka waaweyn iyo tababarrada xirfadaha. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyay ka qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iidaystaan tababarka muddada shanta maalmood ah, isla markaana aqoonta iyo waayo-aragnimada ay ka kororsadaan ugu adeegaan bulshada si hufan oo waxtar leh.

Inta uu tababarku socdo, ka qaybgalayaashu waxay baran doonaan manhajyada Waxbarashada Dadka Waaweyn (NFE) iyo xirfadaha, hababka casriga ah ee waxbaridda, waxbarashada loo dhan yahay, ilaalinta carruurta iyo ka hortagga tacaddiyada, qiimaynta waxbarashada, iyo maaraynta fasalka. Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tayada adeegyada waxbarasho iyo horumarinta xirfadaha bulshada ee Gobolka Banaadir.

Ugu dambayn, Agaasimuhu wuxuu uga mahadceliyay Hay’adda WARDI dadaalka ay gelisay diyaarinta tababarkan, isagoo ku bogaadiyay doorka muuqda ee ay ka qaadanayso horumarinta waxbarashada dadka waaweyn iyo kobcinta xirfadaha bulshada.z

Muqdisho 21ka Luulyo  2026 Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee JFS waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Maamulka iyo shacabka Jubbaland, qoyska, ehelada, asxaabta iyo dhammaan bahda waxbarashada, geerida naxdinta laheyd ee ku timid Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Marxuum Mukhtaar Kaamil, oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasaaraddu waxay Alle uga baryeysaa Marxuumka inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, dembiyadiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo. Sidoo kale, waxaan Alle uga baryeynaa qoyskiisa, eheladiisa, bahda waxbarashada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed inuu ka siiyo samir iyo iimaan

PuntlandState 21ka Luulyo 2026 Wariye Shucayb Da’aad ayaa maantii labaad oo xiriir ah ku xiran magaalada Bosaaso, taasi oo aan wali lacadayn sababta loo xiray iyo waxa keenay xarigiisa. 

Muqdisho 21ka Luulyo  2026 Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho caawa uga qayb galay munaasabad lagu taageerayay dardargelinta hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ee guud ahaan dalka gaar ahaan deegaannada Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo laga soo doortay.

Kulankaa oo ay isugu yimaadeen qeybaha bulshada beelaha Jareerweyne ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, odayaal dhaqameed, waxgarad, haween, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ka qaybgalayaashu waxay si weyn u bogaadiyeen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta nidaamka doorashooyinka qof iyo codka ah, iyagoo muujiyay taageeradooda iyo garab istaaggooda geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka, gaar ahaan u diyaar garowga doorashooyinka deegaannada Hirshabeelle.

Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si toos ah u doortaan hoggaamiyeyaashooda, iyadoo la tilmaamay in doorashada qof iyo cod ay tahay tiirka lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, dowladnimada, isla markaana kor loogu qaadayo ka qaybgalka shacabka ee go’aan ka gaarista cidda matalaysa.

Ka qaybgalayaashu waxay bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeen inay ka faa’iidaystaan xuquuqdooda dastuuriga ah, isla markaana si nabad iyo mas’uuliyad leh uga qayb qaataan doorashooyinka, si loo helo hoggaan ku yimaada rabitaanka shacabka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in doorashada qof iyo cod ay tahay xaq dastuuri ah oo uu leeyahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay shacabka inay ka faa’iidaystaan fursaddan taariikhiga ah si ay codkooda ugu doortaan hoggaanka dalka guud ahaan gaar. ahaan deegannada Hirshabeelle oo dadka ay u diyaar garoobayaan in ay codkooda dhiibtaan.

https://www.youtube.com/watch?v=MKf3biRAKgA

Su’aalaha Maanta: Yaa Sacdiya Bajaaj Madaxweyne Xassan mise Jihaan? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare hore Xamza “Cambaarle Dhaweeye”? Yaa ka takhalusay dastuurkii dalka? Maxuu Madaxweyne hore Xassan Shiikh u rabaa in la burburiyo #Puntland Iyo #Jubbaland? Maxaa ka cusub siyaasadda dalka? Maxuu ugu baaqay Raysal Wasaare hore Xamsa inuu iskaga baxo Madaxtooyadda Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Mudane Xassan Shiikh? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 20ka Luulyo  2026 Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsanayey xubno ka tirsan khawaarijta.

Intii uu socday hawlgalka, waxaa lagu dilay 9 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogihii hoggaaminayey, kuwaas oo ku dhuumaalaysanayey deegaanka ay ciidamada ka sameeyeen howlgalka.

Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in hawlgallada ka dhanka ah khawaarijta ay sii socon doonaan, isla markaana ciidamadu ay awood u leeyihiin inay gaaraan goob kasta oo ay isku dayaan inay ku dhuumaalaysato kooxdu

DDSI 20ka Luulyo  2026 Shirkii qiimaynta waxqabadka sannad-miisaaniyadeedka 2018 T.I. ee Waaxda Maareynta Hantida ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo, oo socday labadii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa si habsami leh u soo dhammaaday. Intii uu shirku socday, waxaa abaal-marin iyo aqoonsi lagu guddoonsiiyay xafiisyadii dowlad-deegaannada ee muujiyay waxqabadka ugu wanaagsan.

Xafiisyada la abaalmariyay waxaa lagu qiimeeyay habka ay u fuliyeen qorshayaashooda, isla-xisaabtanka, hufnaanta, maaraynta wanaagsan ee hantida, dhaqanka shaqo ee hay’adda iyo guud ahaan natiijooyinka ay gaadheen

Spain  20ka Luulyo  2026  Xulka qaranka Spain ayaa ku guuleystay Koobka Adduunka ee FIFA 2026, kaddib markii uu 1-0 kaga adkaaday xulka Argentina ciyaartii kama dambaysta ahayd ee xalay lagu ciyaaray garoonka MetLife Stadium ee magaalada East Rutherford, gobolka New Jersey ee dalka Maraykanka. 

Goolka guusha waxaa u dhaliyay weeraryahanka Ferran Torres daqiiqaddii 106-aad ee waqtiga dheeriga ah, isagoo si dhow uga faa’iidaystay kubbad uu dib ugu celiyay Nico Williams. Goolkaas ayaa Spain u xaqiijiyay koobkeedii labaad ee Adduunka.

Spain ayaa ahayd kooxda ciyaarta inteeda badan maamulaysay, iyadoo abuurtay fursado badan oo goolal loo filan karay. Goolhayaha Argentina Emiliano Martínez ayaa dhowr jeer badbaadiyay shabaqiisa, isagoo joojiyay isku dayo ay sameeyeen Lamine Yamal, Dani Olmo, Mikel Oyarzabal iyo Ferran Torres.

Argentina ayaa wajahday dhibaato weyn dhammaadkii waqtigii caadiga ahaa, markii khadka dhexe ee Enzo Fernández uu qaatay kaadhkiisii labaad ee digniinta, taas oo sababtay in garoonka laga saaro. Intii lagu jiray 90-kii daqiiqo ee ciyaarta, Argentina may helin hal darbo oo sax ah, arrintaas oo noqotay dhacdo taariikhi ah oo aan hore uga dhicin finalka Koobka Adduunka.

Masar 20ka Luulyo  2026 Xukuumada Qaahira ayaa dib u xoojisay dadaalladeeda diblomaasiyadeed ee ku aaddan sii deynta badmaaxiinta Masaarida ee lagu afduubtay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdel Aaty, uu dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsaday inay sii laba jibaarto dadaallada lagu xaqiijinayo sii deyntooda. Codsigan ayaa qeyb ka ah dadaallo diblomaasiyadeed oo Masar ay muddooyinkii u dambeeyay waday, xilli ay weli mugdi ku jiro halka ay ku sugan yihiin badmaaxiinta la afduubtay, isla markaana ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo in la sii daayo.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriinta Masar waxay adkeyneysaa muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo xaqiijiyo badqabka iyo dib ugu laabashada badmaaxiinta qoyskooda, iyadoo Qaahira ay sheegtay inay sii wadi doonto la shaqeynta Soomaaliya, dalalka gobolka iyo hay’adaha ku lugta leh gurmadka iyo dhexdhexaadinta.

Masar ayaa sidoo kale tilmaantay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaalladeeda lagu ilaalinayo muwaadiniinteeda ka howlgala marin-biyoodka caalamiga ah, gaar ahaan goobaha ay weli ka jiraan khataraha burcad-badeedda iyo caqabadaha amniga badda.
Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa fashilmay wada hadalo la doonayay in burcad badeeda laga heshiiyo lacagaha madax furashada ah ay horey u dalbadeen.

Maraykanka 20ka Luulyo  2026 Dowladda Mareykanka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay kiiska Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle, oo ka mid ah eedeysaneyaasha ugu waaweyn ee fadeexadda musuqmaasuqa ee Feeding Our Future, kadib markii 16-kii Luulyo si rasmi ah looga soo wareejiyay Soomaaliya loona geeyay gobolka Minnesota si uu u wajaho dacwadaha federaalka. 

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Federaalka ee Minnesota ayaa sheegay in Ciidle, oo 42 jir ah, uu wajahayo 31 dacwadood, kuwaas oo ay ku jiraan khiyaano dhanka isgaarsiinta ah (wire fraud), laaluush la xiriira barnaamijyo federaal ah iyo lacago la dhaqay. Wuxuu ka mid ahaa dadka lagu soo oogay dacwadaha sanadkii 2022, balse muddo ku dhow afar sano ayuu ka maqnaa Mareykanka ka hor inta aan bishii Juunyo 2026 laga helin Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in soo qabashadiisa iyo wareejintiisa ay ka dhalatay iskaashi dhex maray Hay’adda Baarista Federaalka ee FBI, Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay gacan ka geysatay Waaxda Caddaaladda Mareykanka.

Xeer Ilaaliyaha Mareykanka Daniel N. Rosen ayaa ku tilmaamay Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle inuu yahay qofka labaad ee ugu muhiimsan ee lagu eedeeyay fadeexadda Feeding Our Future, isagoo sheegay in qabashadiisu ay muujinayso in dadka lagu eedeeyo dambiyada noocan ah aysan ka baxsan karin cadaaladda Mareykanka.

WARARKA MAANTA 19ka Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa ka takhalusay dastuurkii dalka? Maxuu Madaxweyne hore Xassan Shiikh u rabaa in la burburiyo #Puntland Iyo #Jubbaland? Maxaa ka cusub siyaasadda dalka? Maxuu ugu baaqay Raysal Wasaare hore Xamsa inuu iskaga baxo Madaxtooyadda Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Mudane Xassan Shiikh? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 19ka Luulyo  2026 Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Maxamuud Cabdi Cali Ducaale, oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariistee Maxamuud Cabdi Cali Ducaale wuxuu ka mid ahaa haldoorkii hormuudka u ahaa saxaafadda dalka, isagoo ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho intii u dhaxaysay 1972 ilaa 1982. Muddadaas, wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo muhiim u ahaa horumarinta warbaahinta qaranka, isagoo sidoo kale ka qeyb qaatay kor u qaadidda wacyiga bulshada Soomaaliyeed iyo tayeynta mihnadda saxaafadda.

Muqdisho 19ka Luulyo  2026 Cornel Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa digniin adag u diray dadka la shaqeeya ama u hoggaansama amarrada kooxda Khawaarijta ee ku sugan deegaannada xorta ah ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in aan la aqbali doonin cid kasta oo si toos ah ama si dadban ula shaqeysa kooxda Khawaarijta, isagoo xusay in bixinta xog, qaadashada amarro, ama fududeynta dhaqdhaqaaqyadooda ay tahay fal ka dhan ah amniga shacabka iyo dowladda.

Galmudug 19ka Luulyo  2026 Taliska Qaybta Baarista Dambiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, qaybta Galmudug, ayaa soo saaray amar ku waajahan dhammaan musharraxiinta ka qeybgalaya doorashooyinka Golaha Wakiillada Galmudug, kaas oo lagu farayo inay maraan baaritaan dhanka dambiyada ah ka hor inta aysan billaabin ololahooda doorashada. 

Warqadda ayaa lagu sheegay in baaritaannada lagu xaqiijinayo in musharraxiintu aysan xiriir ama ku lug lahayn falal argagixiso, gaar ahaan kuwa lala xiriiriyo Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana aysan lahayn dambiyo saameyn kara amniga.

“Waxaan ku war galineynaa dhaman xaafiisyada ay warqadani sida tooska ah ugu socoto in dhamaan musharaxiinta ka qeyb galaya doorashoyinka galmudug ay maraan habraaca baarista dambiyada galmudug lagana hubiyo diiwanka dambiyada si aysan ugu soo dhuuman kooxaha Argaxisada Al-shabab iyo Daacish iyo in aysan wax denbi ah ka gelin dadka iyo dowladda ayna qataan warqada shahaadada dambi la aanta C.I.D Galmudug sababo amni awgeed.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Sidoo kale, CID-da Galmudug ayaa farriintan ku dartay musharraxiinta u taagan kuraasta Golaha Wakiillada, iyadoo ka codsatay inay tagaan xarunta CID-da ee magaalada Dhuusamareeb si loo dhammaystiro habraaca baaritaanka.

Amarkan ayaa imanaya xilli Galmudug ay isu diyaarinayso doorashada Golaha Wakiillada, iyadoo maamulka uu sheegay inuu doonayo in geeddi-socodka doorashada uu u dhaco si waafaqsan shuruudaha amniga iyo hannaanka sharciyeed.

Muqdisho 19ka Luulyo  2026 Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay colaadaha iyo xiisadaha ka taagan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada iyo falalka hurinaya rabshadaha. 

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay Sabtidii ayaa lagu sheegay in sii socoshada colaadaha ay khatar ku tahay amniga, wadajirka bulshada iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta ee dalka.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday shakhsiyaadka, kooxaha iyo cid kasta oo ku lug leh hurinta colaadaha, faafinta hadallada naceybka iyo abaabulka rabshadaha inay joojiyaan falalkaas, iyadoo sidoo kale ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culimada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay inay farayso hay’adaha amniga iyo kuwa fulinta sharciga inay qaadaan tallaabooyin waafaqsan sharciga oo ka dhan ah cid kasta oo lagu helo hurinta colaadaha ama falal khalkhal gelinaya amniga.

Muqdisho 19ka Luulyo  2026 Karaamada, ixtiraamka iyo dib-u-habayntu waa tiirarka udub-dhexaadka u ah Xeerarka Ugu Yar ee Heerarka Qaramada Midoobay ee Lagu Maareeyo Maxaabiista, kuwaas oo loo yaqaan ‘Xeerarka Nelson Mandela.’

Soomaaliya gudaheeda, Qaramada Midoobey waxay taageertaa dadaallada lagu xoojinayo adeegyada asluubta si waafaqsan heerarkan, iyada oo kor loo qaadayo helitaanka adeegyada caafimaadka, waxbarashada, tababarrada xirfadaha, booqashooyinka qoysaska iyo xaalado nololeed oo ammaan ah oo ka jira xarumaha asluubta.

Sawirkan waxaa ka muuqda maxaabiis ku sugan

WARARKA MAANTA 18ka Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Maxuu Madaxweyne hore Xassan Shiikh u rabaa in la burburiyo #Puntland Iyo #Jubbaland? Maxaa ka cusub siyaasadda dalka? Maxuu ugu baaqay Raysal Wasaare hore Xamsa inuu iskaga baxo Madaxtooyadda Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Mudane Xassan Shiikh? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Ha wiqleyso! 

Puntland 18ka Luulyo  2026 Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daahfuray Shirweynaha Haweenka Puntland oo ay soo agaasintay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska. 

Jubbaland 18ka Luulyo  2026 Ciidanka Kumaandooska Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Jubbaland ayaa sheegay inay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanno ka tirsan duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. 

War ay siiyeen saraakiisha ciidamada warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu burburiyey toddobo fariisin oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka, isla markaana ciidamada ay gacanta ku dhigeen agab laga helay fariisimahaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in deegaanka Gambaale uu ahaa mid ka mid ah saldhigyada waaweyn ee ay Al-Shabaab ku sugnaayeen, islamarkaana uu ka mid ahaa goobihii lagu beegsaday howlgalka.

Waqooyi Bari 18ka Luulyo  2026 Xeer Ilaalinta Guud ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga codsatay Golaha Wakiillada in xasaanadda laga xayuubiyo xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuje, si maxkamad loogu soo taago dacwad la xidhiidha hadalladii ay kaga dhawaaqday inay ka tanaasushay aragtidii Soomaaliweyn iyo Maamulka Waqooyi Bari. Warqad ku taariikhaysan 15-ka July 2026 oo uu saxeexay Xeer Ilaaliyaha Guud, Cabdullaahi Xirsi Cilmi, ayaa lagu sheegay in codsiga lagu saleeyay qodobbada 50-aad iyo 51-aad ee dastuurka maamulka, qodobbada 7-aad iyo 8-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, iyo qodobbada 184, 218 iyo 222 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (XCS).

Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sidoo kale codsaday in Fahiima Quuje laga qaado xubinnimada Golaha Wakiillada, si marka hore loogu gudbiyo maxkamadda awoodda u leh qaadista dacwadda. Nuqullo ka mid ah warqadda ayaa loo diray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Dhanka kale, Fahiima Yuusuf Quuje ayaa xalay ku dhawaaqday inay iska casishay xubinnimadii Golaha Wakiillada ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya. Waxay sheegtay in ay ku hungawday aragtidii ay ku dhintay maamulka Waqooyi Bari iyo raadinta dowlad Soomaaliyeed.

Kiiska Fahiima Quuje ayaa noqday mid si weyn u soo jiitay dareenka bulshada iyo siyaasadda, iyadoo la sugayo go’aanka Golaha Wakiillada iyo tallaabooyinka sharci ee xiga ee la xidhiidha codsiga Xeer Ilaalinta.

Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in Fahiima Yuusuf Quuje ay hadda ku sugan tahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isla markaana waxay sheegtay inay u sii socoto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. 

Hadaba, warqada kasoo baxday Xeer Ilaalinta ayaa muujinaysa in Fahiima dacwada laga gudbiyay kahor intii anay ku dhawaaqin in ay ka noqotay aragtida Maamulka, waxaana loo badinaya in xilli hore la ogaaday aragtida cusub ee ay qaadatay.

Washington DC 18ka Luulyo  2026 Warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta cilmi-baarista ee Defense Priorities oo fadhigeedu yahay Washington ayaa ku doodday in sababta Maraykanku u sii wado duqeymaha iyo howlgalka militari ee Soomaaliya aysan ku saleysneyn khatar muuqata oo ka dhan ah gudaha Mareykanka, iyadoo ku baaqday in si tartiib tartiib ah loo soo afjaro faragelintaas. 

Warbixinta ayaa sheegtay in Al-Shabaab iyo garabka Daacish ee Soomaaliya aysan muujin awood ama qorshe ay ku fuliyaan weerarro waaweyn oo khatar ku ah Mareykanka. Sida lagu sheegay, labada kooxood waxay inta badan xoogga saaraan dagaalka gudaha Soomaaliya, halka duqeymaha iyo taageerada militari ee Mareykanku aysan weli horseedin in si buuxda loo wiiqo awooddooda.

William Walldorf oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Defense Priorities ayaa sheegay in Mareykanku uu dano amni iyo kuwo istaraatiiji ah oo kooban ku leeyahay Soomaaliya, isagoo ku dooday in howlgalka socda uusan la jaanqaadeyn danahaas.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in kooxaha hubeysan aysan halis toos ah ku ahayn gudaha Mareykanka, isla markaana ay suurtagal tahay in howlgalka militari ee joogtada ahi uu sii xoojiyay xaaladda colaadeed.

Qiimeyntan ayaa kusoo beegantay xilli uu sare u kacay tirada duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya. Sida ay sheegtay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), waxaa sanadkan la fuliyay ku dhowaad 80 duqeyn, kaddib ku dhowaad 125 weerar oo dhacay sannadkii hore. Kororkaasi wuxuu yimid kadib markii Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth uu sanadkii hore siiyay taliyeyaasha AFRICOM awood dheeraad ah oo ku saabsan go’aaminta weerarrada cirka.

Muqdisho 18ka Luulyo  2026 Ajendaha Dhallinyarada, Nabadda, iyo Ammaanka ee Soomaaliya, oo uu taageerayo Sanduuqa Dhismaha Nabadda ee Qaramada Midoobay, ayaa awood u siinaya haweenka iyo ragga da’da yar inay sii wadaan dadaallo nabadeed oo loo dhan yahay.

Waxay dhexdhexaadiyaan khilaafaadka, waxa ayna hormuud ka yihiin naadiyada nabadda, waxayna gacan ka geystaan dhisidda hannaanka bixiya digniinta hore.

Taageeridda dhallinyarada waxay fureysaa tamartooda iyo aragtidooda, iyadoo horseedeysa Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah.

WARARKA MAANTA 17ka Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne hore Xassan Shiikh u rabaa n la burburiyo #Puntland Iyo #Jubbaland? Maxaa ka cusub siyaasadda dalka? Maxuu ugu baaqay Raysal Wasaare hore Xamsa inuu iskaga baxo Madaxtooyadda Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Mudane Xassan Shiikh? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Maxuu ku fashilmay shirkii Dowladda Iyo Mucaaradka? Maxay beesha caalamka ku qasabtay Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? `Yaa diiday inuu dhiso maqaamka #Muqdisho? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso Dowladda Soomaaliya? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” oo ay xukuummaddiisa ku fashilantay hogganka dalka iyo la shaqaynta beesha caalamka taasoo dhaqaallihii u diiday inay siiso xukuummadda “Dhiqlaha/Kuntaanta? Yaa Soomaali iyo beesha caalamka la wadashaqayn kara? Ha wiqleyso! 

Puntland 17ka Luulyo 2026Qaar ka mid ah isimada gobolka Bari ayaa soo saaray bayaan ay ku muujinayaan walaac xooggan oo ay ka qabaan khilaafka ka dhashay canshuuraha cusub ee laga hirgeliyey Dekedda Boosaaso, iyagoo ugu baaqay Puntland iyo shirkadda DP World inay si degdeg ah u joojiyaan tallaabooyinka sababay hakadka ganacsiga iyo adeegyada dekedda. 

Bayaanka ayaa lagu sheegay in hakadka ku yimid ganacsiga iyo howlaha dekedda uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo nolosha shacabka Puntland. Isimadu waxay sheegeen in dekedda Boosaaso ay tahay hanti muhiim u ah Puntland, isla markaana loo baahan yahay in laga ilaaliyo wax kasta oo curyaamin kara shaqadeeda.

Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen kororka ay sheegeen inuu ku yimid khidmadaha dekedda, iyagoo tilmaamay in arrintaasi ay culays dhaqaale ku keentay ganacsatada iyo bulshada inteeda kale.

Isimadu waxay soo jeediyeen afar qodob oo kala ah:

In si degdeg ah loo joojiyo dhammaan canshuuraha iyo khidmadaha cusub ee dekedda.

In dib loo furo shaqadii dekedda si ganacsigu ugu soo laabto sidii caadiga ahayd.

In la dhiso guddi wada-hadal oo xal waara ka gaara khilaafka.

In dib-u-eegis lagu sameeyo heshiisyada iyo mashaariicda la xiriira Dekedda Boosaaso si loo ilaaliyo danta guud.

Bayaankan Isimada ayaa ku soo beegmaya iyadoo ganacsiga dekedda Boosaaso uu hakad ku jiro tan iyo bilowgii bishan, kadib muran ka dhashay canshuuraha cusub oo ay diideen ganacsatada.

Puntland 17ka Luulyo 2026 Gacan ku dhiiglihii loo haystay dilka Taliyihii saldhigga Booliiska degmada Jariiban ee gobolka Mudug, Guleed Kadleeye, ayaa saakay lagu fuliyay xukun qisaas ah, kaddib markii ay ku heshiiyeen qoyska marxuumka iyo qoyska eedeysanaha. 

Ninka la qisaasay oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Kooshin, ayay ciidamada ammaanku soo qabteen saacado yar kaddib dilkii taliyaha, waxaana loo gudbiyay hay’adaha garsoorka oo ku riday xukun dil ah, kaas oo saakay laga fuliyay degmada.

Qoyska marxuumka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku qanceen caddaaladda, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in qof kaste oo dil bareer ah geysta si degdeg ah loogu fuliyo caddaaladda. Waxay u mahad celiyeen ciidamada ammaanka oo gacanta kusoo dhigay dambiilaha oo markii uu falka geystay baxsaday.

Fulinta xukunka qisaasta ayaa soo afjartay kiiska dilka taliyaha.

Sarkaalka loo qisaasay ahna taliyaha Jarriiban Guleed Kadleeye ayaa ka mid ahaa ciidamadii Gorgor ee tababarka ku soo qaatay Turkiga xilligii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna ka tirsanaa saraakiishii dhowaan loo kala diray degmooyinka Puntland si loo xoojiyo amniga.

Marxuumku wuxuu muddooyinkii u dambeeyay hormuud ka ahaa dadaallada lagu sugayay amniga degmada Jariiban, gaar ahaan la dagaallanka hubka sharci-darrada ah iyo xoojinta howlaha booliiska.

Degmada Jariiban ayaa sidoo kale saldhig u ah ciidamo dhowaan laga qoray Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana mararka qaar laga soo sheegaa dhaqdhaqaaqyo la xiriira burcad-badeednimo.

Djibouti 17ka Luulyo 2026 Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed Burhaan, ayaa geeriyooday, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta Jabuuti, iyadoo Ra’iisul Wasaare Cabdilqaadir Maxamed Kaamil uu tacsi u diray qoyskiisa, ciidamada qalabka sida iyo shacabka Jabuuti.

Xasan Cumar waxa uu Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti ahaa tan iyo bishii May 2019, wuxuuna xilka sii hayay kaddib isku shaandhayntii golaha wasiirrada ee May 2026.

Maraykanka 17ka Luulyo 2026 BAARITAANKA: Sida uu daabacay wargeyska New York Times, madaxweynihii hore ee Iran Maxmuud Axmedinajad ayaa muddo sannado ah la shaqeynaayay sirdoonada Mareykanka iyo Israel, waxaana loo diyaarinaayay sidii uu talada dalka markale u qabsan lahaa.

Wargeyska ayaa sheegay in qorshihii uu fashilmay.

Axmedinajad, oo lagu yaqiinay inuu ahaa nin neceb Mareykanka iyo Israel intuu xukunka joogay, had iyo jeerna fagaarayaal ka weerari jiray reer galbeedka ayaa la sheegayaa inuu aad isu bedelay waayadii dambe.

Wuxuu bartay luuqadda English, wuxuu bedelay hab lebiska isaga oo jiiyay xirashada shaarka shiica lagu yaqaano ee dhuunta dhuuban, sidoo kalana barihiisa bulshada ku qori jiray hadallo uu ku weerarayo taliska Wadaadada Shiicada ee haysta Iran.

Wuxuu ku jiray xabsi guri ay ku soo rogeen taliska wadaada Iran.

Sannadkii 2024, wuxuu Axmedinajad tagay Budapest, Hungary halkaas oo uu kaga qeybgalay shirka isbeddelka cimillada.

Shirka waxaa lagu qabtay codsiga dowladda Hungary, wuxuuna jilaabasho Axmedinajad lagu soo xero gelinaayay oo ay gadaal ka wadeen sirdoonada CIA iyo Mossad.

Tan iyo wixii markaas ka danbeeyay Axmedinajad wuxuu toos ula shaqeynaayay Israel iyo USA. Qorshuhu wuxuu ahaa in marka xukunka laga tuuro wadaadada Shiicada ah, in isaga loo dhiibo.

Israel iyo Mareykanka waxay u arkeen nin la aamini karo oo saaxiib lala noqon karo.

Labada sirdoon ayaa diyaariyay qorshe ahaa in gantaal lagu dhufto ciidanka xabsi guriga ku haayay Axmedinajad, ka dibna sirdoonka Israel ay baabuur kaga soo qaadaan goobta uu joogay, lana geeyo meel ammaan ah oo ay diyaariyeen Israel iyo Mareykanka, ka dibna marka meesha laga saaro qoyska Aayatollahi, xukunkana lala wareego si rasmi ah madaxweyne looga dhigo Axmedinajad.

Warbaahinta ayaa sheegeysa in tan iyo markuu hawlgalkaas fashilmay aanan la arkin Axmedinajad.

Puntland State 17ka Luulyo 2026Taliyaha Ciidanka Danab, Jeneraal Jimcaale Jaamac Takar, ayaa caawa soo gaaray magaalada Garoowe, kadib wada-hadallo lagu sheegay in horumar laga sameeyay oo u dhexeeyay isaga iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni. Soo laabashada Jeneraal Jimcaale ayaa timid kaddib dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay wadeen guddi ka soo jeeda gobolka Nugaal, kuwaas oo loo xil saaray xalinta khilaaf muddo ka dhex jiray labada dhinac.

Wararka laga helayo wada-hadallada ayaa sheegaya in xukuumadda Puntland iyo Jeneraal Jimcaale ay gaareen is-afgarad hordhac ah, inkasta oo aan wali la shaacin heshiis rasmi ah oo faahfaahsan.

Ilo ku dhow dhinacyada ayaa sheegay in qodobada lagu soo qaaday wada-hadallada ay ka mid yihiin in Jeneraal Jimcaale uu ka tanaasulo xiriirro iyo qorshayaal ciidan oo uu la lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ciidamadiisana la siinayo xuquuqdooda gudaha Puntland.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu ka shaqeynayo in Jeneraal Jimcaale loo aqoonsado darajada ciidan ee ugu sarreysa, iyadoo dhinacyadu isla garteen in amniga Puntland uu yahay masuuliyad wada saaran dhammaan shacabka reer Puntland.

Dhexdhexaadinta arrintan waxaa hormuud ka ahaa guddi uu garwadeen ka yahay Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Cabdiraxmaan Faroole, kaas oo isku dayayay inuu isu soo dhoweeyo labada dhinac.

Wadahadallada ayaa la filayaa inay sii socdaan illaa laga gaarayo heshiis kama dambeys ah, iyadoo ay jiraan qodobo wali u baahan in labada dhinac ay isku fahmaan.

Si kasta ha ahaatee, Gen. Jimcaale oo dhawaan la sheegay in loo magacaabay taliyaha taliska qeybta 54aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin magacaabistiisa, ayaa Garowe ku haysta ciidamo ka mushaar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya.

WARARKA MAANTA 16ka Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta:Maxaa ka cusub siyaasadda dalka? Maxuu ugu baaqay Raysal Wasaare hore Xamsa inuu iskaga baxo Madaxtooyadda Madaxweynaha xilka ka dhammaaday Mudane Xassan Shiikh? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Maxuu ku fashilmay shirkii Dowladda Iyo Mucaaradka? Maxay beesha caalamka ku qasabtay Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? `Yaa diiday inuu dhiso maqaamka #Muqdisho? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso Dowladda Soomaaliya? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” oo ay xukuummaddiisa ku fashilantay hogganka dalka iyo la shaqaynta beesha caalamka taasoo dhaqaallihii u diiday inay siiso xukuummadda “Dhiqlaha/Kuntaanta? Yaa Soomaali iyo beesha caalamka la wadashaqayn kara? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 16ka Luulyo 2026 Agaasimaha guud ee waaxda qorsheynta iyo hoggaaminta hawlgallada milatari ee Midowga Yurub, Sarreeye Guud Michiel van der Laan, ayaa booqday Hawlgalka Midowga Yurub ee Tababarka Ciidamada Soomaaliya iyo Xarunta Tababarka General Dhagabadan, halkaas oo lagu tababaro ciidamada Soomaaliya. 

Camaan 16ka Luulyo 2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Cammaan, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Urdun, Sarreeye Guud Yuusuf Al-Xunaydi, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga milatari ee labada dal. 

War ka soo baxay ciidamada qalabka sida ee Urdun ayaa lagu sheegay in kulanka lagu falanqeeyay xaaladaha amni ee gobolka iyo caalamka, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada tababarka, is-dhaafsiga khibradaha milatari iyo horumarinta awoodda ciidamada.

Taliyaha ciidamada Urdun ayaa sheegay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaadan karo kor u qaadidda amniga iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan xilli ay jiraan caqabado amni oo isa soo taraya

Muqdisho Iyo Riyaad 16ka Luulyo 2026Sacuudi Carabiya ayaa sare u qaaday taageeradeeda dhinaca milatariga ee Soomaaliya, iyadoo hirgelinaysa heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah oo ay labada dal kala saxiixdeen bishii Febraayo ee sanadkan. 

Heshiiskaas ayaa lagu sheegay inuu xoojinayo wada-shaqeynta difaaca iyo milatariga, inkastoo faahfaahinta badan ee ku saabsan fulintiisa aan si rasmi ah loo shaacin.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in ku dhowaad 5,000 oo askari oo Soomaali ah lagu tababarayo laba saldhig oo ku yaalla waqooyiga gobolka Galmudug.

Tababarka ayaa lagu soo warramayaa inay bixinayaan tababarayaal ajaanib ah oo ka kala yimid Romania, Ukraine, Koonfur Afrika iyo Colombia, kuwaas oo lagu maalgelinayo barnaamijka Sacuudiga.

Sida wararku sheegayaan, saraakiil ka socotay ciidamada Sacuudiga ayaa dhowaan booqday xarumaha tababarka si ay u qiimeeyaan halka uu marayo barnaamijku.

Sacuudi Carabiya ayaa ku biiray dalalka Khaliijka ee sii kordhinaya saameyntooda amni iyo milatari ee Soomaaliya, halkaas oo Imaaraadka Carabta iyo Qatar ay muddo dheer ku lahaayeen door muuqda.

Shirkada Maariibta 16ka Luulyo 2026 Shirkadda weyn ee maraakiibta caalamiga ah ee Maersk ayaa ku dhawaaqday inay kordhinayso kharashaadka lagu raro badeecadaha ka yimaada Turkiga kuna wajahan Soomaaliya, iyadoo ku dartay lacag dheeraad ah oo loo yaqaan Peak Season Surcharge. Shirkadda ayaa sheegtay in lacagtan dheeraadka ah lagu dabaqi doono maraakiibta xamuulka qaada iyadoo lagu saleynayo cabbirka konteenarrada iyo kharashaadka la xiriira gaadiidka badda.

Sida ku cad bayaanka Maersk, konteenarka cabbirkiisu yahay 20-foot waxaa lagu kordhin doonaa lacag dhan 200 oo doolar, halka konteenarrada waaweyn ee 40-foot iyo 45-foot lagu dari doono lacag dhan 300 oo doolar.

Maersk ayaa sheegtay in kharashkan cusub uu dhaqan geli doono laga bilaabo 28-ka Luulyo 2026, isla markaana uu khuseyn doono dalabaadka cusub ee la sameeyo wixii ka dambeeya taariikhdaas. Shirkaddu waxay caddeysay in ballamihii hore ee xamuulka aanay saameyn ku yeelan doonin.

Lacagaha loo yaqaan Peak Season Surcharge ayaa inta badan lagu soo rogaa xilliyada ay kor u kacaan baahida gaadiidka badda iyo isticmaalka dekedaha, taas oo keenta in awoodda maraakiibta iyo adeegyada xamuulka ay yaraato.

Muqdisho 16ka Luulyo 2026 La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Macallin, ayaa sheegay in mustaqbalka amniga dalka uu ku xirnaan karo awoodda dowladda Soomaaliyeed ay u leedahay inay si madax-bannaan u sugto amniga, isagoo ka digay in dowladnimadu aysan ku tiirsanaan karin cid ama ciidan shisheeye. Xuseen Macallin ayaa sheegay in ciidamada iyo taageerada dibadda ay muddo dheer door ku lahaayeen sugidda amniga Soomaaliya, balse ay tahay in dalka uu yeesho qorshe uu uga maarmi karo ku tiirsanaantaas.

“Dowladnimada ma dul saarnaan karto cid ama ajnabi ah. Waa nasiib-darro in shaqadii loo baahnaa inaan ka maaranno aanan sidii loo baahnaa u qaban,” ayuu yiri Xuseen Macallin.

Wuxuu sheegay in xaaladda hadda taagan aysan ahayn mid shacabka lagu eedeyn karo, balse ay masuuliyaddeedu saaran tahay dowladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya, kuwaas oo laga sugayay inay dhisaan hay’ado amni oo awood leh.

La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka ayaa xusay in dib u dhaca ku yimid dhismaha ciidamada iyo hay’adaha amniga uu sababay in Soomaaliya weli u baahato taageero dibadeed.

Puntland State16ka Luulyo 2026  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay cabashada ganacsatada ee la xiriirta dekedda Boosaaso, isagoo sheegay in dowladda aysan wax canshuur cusub ku soo rogin ganacsatada, balse la cusboonaysiiyay khidmadaha laga qaado maraakiibta isticmaasha dekedda. 

Deni wuxuu sheegay in Puntland mudnaanta siisay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, sida dekedaha iyo waddooyinka, si loo kobciyo ganacsiga iyo wax-soo-saarka dalka. Wuxuu xusay in ballaarinta dekedda Boosaaso iyo hagaajinta jidadka ay qayb ka yihiin qorshaha lagu xoojinayo dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wararka sheegaya in canshuurta dekedda la kordhiyay ay yihiin kuwo aan sax ahayn. Sida uu sheegay, waxa la beddelay waa khidmadaha adeegyada laga qaado maraakiibta shisheeye ee badeecadaha keena dekedda, iyadoo aan la taaban canshuuraha rasmiga ah ee dowladda. Wuxuu xusay in isbeddelkan uu muddo dib u dhacay sababo la xiriira duruufaha dhaqaale ee dalka iyo taageerada dowladda ee ganacsatada.

Deni ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegaya in dekedda Boosaaso ay xiran tahay, isagoo caddeeyay in howlaha dekeddu ay si caadi ah u socdaan, maraakiibtuna ay soo xirtaan, shidaalkuna uu soo dego, isla markaana dhoofinta iyo soo dejintuba ay socdaan. Wuxuu sheegay in albaabada ay xireen qaar ka mid ah ganacsatada aysan ka dhignayn in dekeddu shaqada joojisay.

WARARKA MAANTA 15ka Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Ma aragteen inaysan Madaxweyne, Raysal Wasaare Iyo Guddoomiya Barlamaank tagi karin Hargaysa, Garoowe Iyp Kismaanyo? Markhaati ma ka tihiin inay #Dowladda #Soomaaliya fashilantay? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Maxuu ku fashilmay shirkii Dowladda Iyo Mucaaradka? Maxay beesha caalamka ku qasabtay Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? `Yaa diiday inuu dhiso maqaamka #Muqdisho? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso Dowladda Soomaaliya? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” oo ay xukuummaddiisa ku fashilantay hogganka dalka iyo la shaqaynta beesha caalamka taasoo dhaqaallihii u diiday inay siiso xukuummadda “Dhiqlaha/Kuntaanta? Yaa Soomaali iyo beesha caalamka la wadashaqayn kara? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 15ka Luulyo 2026 Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Muqdisho, 14 Luulyo 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development Forum), oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Machadka Heritage iyo Jaamacadda City.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo madasha ka hadlay ayaa sheegay  in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar muuqda oo dhinacyada dib-u-habaynta dowladnimada, dimuqraadiyadda, kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga horumarineed, inkastoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada, hoos u dhaca taageerada caalamiga ah iyo saameynta xasillooni darrada gobolka.

Waxa uu xusay in dowladda ay ka go’an tahay dardargelinta hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), xoojinta adkeysiga dhaqaalaha iyo u diyaar-garowga khataraha soo socda.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-hadalka, dowlad-dhiska loo dhan yahay iyo iskaashiga dowladda, bulshada rayidka ah, aqoonyahannada iyo bah-wadaagta horumarinta, si loo helo Soomaaliya nabad ah, dimuqraadi ah oo xasilloon.

Shirweynaha oo socon doona laba maalmood ayaa lagu falanqeyn doonaa arrimo muhiim u ah mustaqbalka dalka, oo ay ka mid yihiin dowlad-wanaagga, dib-u-heshiisiinta, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo adkeysiga Soomaaliya ee caqabadaha gudaha iyo kuwa dibadda.

(ECOSOC) 15ka Luulyo 2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Golaha Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay (ECOSOC) ku soo bandhigtay horumarka ay sheegtay inay ka gaartay dhinacyada dhaqaalaha, dowlad-dhiska, amniga iyo horumarinta bulshada, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay sii xoojiso iskaashiga iyo maalgelinta lagu taageerayo qorshayaasha horumarineed ee dalka. 

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), oo khudbad ka jeediyay shirka heer wasiir ee ECOSOC, ayaa sheegay in Soomaaliya ay sanadihii u dambeeyay gaartay guulo uu ku tilmaamay kuwo taariikhi ah, oo ay ka mid yihiin dhammaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta (HIPC), qaadista cunaqabateyntii hubka ee Qaramada Midoobay, dib u soo celinta doorashooyinka qof iyo cod, doorashada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo horumarka laga sameeyay dib u xoreynta deegaanno laga saaray Al-Shabaab.

Wasiirku wuxuu sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) uu yahay tiirka hagaya qorshaha horumarinta dalka, isagoo xusay in dowladda ay hiigsanayso kobac dhaqaale oo waara, kor u qaadidda maalgashiga iyo yareynta ku tiirsanaanta gargaarka bani’aadannimo.

Muqdisho 15ka Luulyo 2026 KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAHMHUURIYADDA AHNA GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKEEDA KU QAABISHAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MAREYKANKA.

Muqdisho, Soomaaliya – 14 Luulyo, 2026: Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji samatar oo uu wahliyo Xoghayaha Guud ee Ee Galaha Shacabka ayaa maanta xafiiskeeda kulan kula qaadatay Duqa Magaalada St. Louis Park, Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, Marwo Nadia Mohamed, oo booqasho rasmi ah ku joogta Caasimadda Dalka ee Muqdisho.

Ugu horreyn, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa Duqa Magaalada St. Louis Park, Marwo Nadia Mohamed warbixin guud ka siiyey howlaha Golaha shacabka, sharciyada muhiimka ah ee uu ansixiyey Golaha iyo sidoo kale tababarada Joogtada ah ee loo sameeyo howlwadeenada Golaha, waxayna dhankeeda uga mahadcelisay Guddoomiye Sacdiya soo dhaweynta iyo martigelinta ay u sameysay, iyadoo bogaadisay guud ahaan guulaha laga gaaray dowlad dhiska Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji samatar ayaa marwo Nadia Mohamed ku bogaadisay guusha taariikhiga ah ee ay gaartay, taas oo ka dhigtay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee loo doorto xilka Duqa Magaalada St. Louis Park, iyadoo sheegtay in guushaasi ay tahay mid dhiirregelin u ah dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka ayna muujinayso kartida iyo kaalinta firforcoon ee ay Soomaalidu ku leeyihiin hoggaaminta, waxayna ugu dambeyn guddoonsiisay nuqulka Dastuurka jamhuuriyadda ee dib U eegista iyo dhameystirka lagu sameeyey ee uu dhawaan Ansixiyey Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo sidoo kale hadiyado ka turjumaya hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Dooxa 15ka Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Talaadada maanta gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo uu uga qaybgalayo munaasabadda tacsi ee loo sameeyay geerida Amiirkii hore ee Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al-Thaani.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Xamad ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaadiidka Qatar, Sheekh Maxamed Bin Cabdullaahi Bin Maxamed Al-Thaani, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qatar, Maxamed Axmed Sheekh Cali.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa xilli Qatar ay ka murugaysan tahay geerida Amiirkii hore ee dalkaasi, oo door weyn ku lahaa taariikhda siyaasadeed iyo horumarka Qatar.

Muqdisho 15ka Luulyo 2026 Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa kala saxiixday heshiis u oggolaanaya in badeecadaha kalluumeysiga Soomaaliya loo dhoofiyo suuqyada Shiinaha iyadoo laga dhaafayo canshuuraha, sida ay sheegtay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya. Wasaaraddu waxay sheegtay in tani ay tahay markii ugu horreysay ee badeecadaha kalluunka Soomaaliyeed ay si rasmi ah u helaan fursad ay ku galaan suuqa Shiinaha iyagoo ka faa’iideysanaya canshuur-dhaaf, arrintaas oo la filayo inay kordhiso tartanka iyo fursadaha dhoofinta ee kalluumeysatada iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa sheegay in heshiisku uu xoojinayo xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isla markaana uu abuuri doono fursado cusub oo maalgashi iyo iskaashi oo dhinaca kalluumeysiga ah.

WARARKA MAANTA 13ka Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Maxay fashileen Weriye Cabdikariim Iyo Weriye Cabdinuur? Yaase “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Maxuu ku fashilmay shirkii Dowladda Iyo Mucaaradka? Maxay beesha caalamka ku qasabtay Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? `Yaa diiday inuu dhiso maqaamka #Muqdisho? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso Dowladda Soomaaliya? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” oo ay xukuummaddiisa ku fashilantay hogganka dalka iyo la shaqaynta beesha caalamka taasoo dhaqaallihii u diiday inay siiso xukuummadda “Dhiqlaha/Kuntaanta? Yaa Soomaali iyo beesha caalamka la wadashaqayn kara? Ha wiqleyso! 

Pakistan 13ka Luulyo  2026 Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo kulan miro-dhal ah la qaadatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Qaranka Pakistan

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Islamabad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan kulan gaar ah kula qaadatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Qaranka Pakistan, Marwo Noureen Bano Lehri. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan arrimaha horumarinta haweenka iyo kor u qaadista xuquuqdooda.

Guddoomiyaha Golaha Haweenka Qaranka Pakistan ayaa Wasiirka la wadaagtay warbixin ku saabsan xaaladda haweenka dalka Pakistan, horumarka ay ka sameeyeen dhinacyada waxbarashada, awood-siinta dhaqaalaha, ka-qaybgalka hoggaaminta iyo sidii ay uga gudbeen caqabadihii hortaagnaa. Wasiirka ayaa bogaadisay dadaallada dowladda Pakistan ee lagu horumarinayo doorka haweenka iyo xaqiijinta ka-qaybgalkooda bulshada.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta haweenka, iyagoo isla gartay muhiimadda ay leedahay is-dhaafsiga khibradaha, aqoonta iyo hababka ugu wanaagsan ee lagu kobcin karo awoodda haweenka Soomaaliyeed iyo kuwa Pakistan. Waxa kale oo ay ka wada hadleen suuragalnimada mataaneynta hay’adaha iyo barnaamijyada taageera haweenka si loo xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa adkaysay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay ballaarinta iskaashiga caalamiga ah ee ku saleysan horumarinta haweenka, ilaalinta xuquuqdooda iyo xoojinta kaalintooda hoggaamineed. Kulankan ayaa la filayaa inuu gogol xaaro iskaashi waara oo faa’iido u leh haweenka labada dal iyo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Pakistan. Kulankan waxaa Wasiirka ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee Pakistan Danjire ShiikhNur Maxamed Xasan

Koomfur Galbeed 13ka Luulyo  2026 HOGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED MUDANE SHEKH AADAN MADOOBE AYAA DHAGAX DHIGAY DHISMAHA MASJID WEYN OO LAGA DHISAYO AQALKA MADAXTOOYADA.

Baydhabo – 13 Juun, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha masjid weyn oo laga hirgelinayo Aqalka Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Masjidkan ayaa noqon doona goob muhiim u ah gudashada cibaadada waxaana loogu talagalay inay ka faa’iideystaan madaxda dowladda, shaqaalaha Madaxtooyada iyo dhammaan martida soo booqata xarunta Madaxtooyada.

Dhismaha masjidka ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ee lagu horumarinayo kaabeyaasha Aqalka Madaxtooyada, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo kobcinta adeegyada bulshada iyo xoojinta qiyamka diinta Islaamka.

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Gableed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tilmaamay in dhismaha masjidkan uu ka tarjumayo sida ay dowladdu uga go’an tahay dhiirrigelinta cibaadada, mideynta bulshada iyo dhismaha xarumo tayo leh oo u adeegaya shacabka.

Wasiirka magacaaban ee Wasaarada Warfaafinta ahna Wasiirkii Hore Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mudane Nuur Siidow Baaba iyo wasiirka cusub Wasaarada Diinta  Mudane Aadan Macalin Cabdiraxmaan ayaa soo dhaweeyey hirgelinta mashruucan muhiimka ah, iyagoona muujiyey rajada ay ka qabaan inuu noqdo goob lagu xoojiyo cibaadada, wacyigelinta iyo midnimada bulshada

                        DHAMAAD

DDSI 13ka Luulyo  2026 Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa furay kulanka Koomishinka Xuquuqul Insaanka Itoobiya.

‎Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay Koomishineerka Koomishinka Xuquuqul Insaanka Itoobiya, Koomishineerka Koomishinka Xabsiyada Dalka, Koomishinka Xallinta Cabashooyinka Dalka, hay’adaha caddaaladda, afhayeennada deegaanada iyo koomishineerrada koomishinnada asluubta ee deegaanada dalka iyo marti sharaf kale.

‎Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loo ilaaliyo sarreynta sharciga iyo xuquuqul insaanka, isla markaana kulankan heer qaran uu door wanaagsan ka qaadan doono arrimahaas.‎

‎Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ilaalinta xuquuqda aadamuhu ay kor u qaaddo nabadda, horumarka iyo caddaaladda.

Iran 13ka Luulyo  2026  Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ayaa sii xoogeysatay, kaddib markii Iran ay sheegtay inay weerarro gantaallo ah ku qaaday saldhigyo ciidan oo Mareykanku ku leeyahay dalalka Baxreyn, Kuweyt, Cumaan iyo Urdun, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay jawaab ay ka bixisay duqeymihii ugu dambeeyay ee Mareykanku ka geystay koonfurta Iran. 

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyo laga maqlay magaalooyinka dekedaha ah ee Bandar Abbas, Sirik iyo Jask, iyo sidoo kale Jasiiradda Qeshm, xilli xiisaddu ay weli ka taagan tahay marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz. Dowladda Iran ayaa sidoo kale sheegtay in ku dhowaad toban gantaal ay ku garaacday saldhigyada Maraykanka.

Mareykanka ayaa sheegay inuu maalin ka hor beegsaday ugu yaraan 140 badhtilmaameed oo ku yaalla gudaha Iran, halka Tehran ay sheegtay inay tallaabo aargoosi ah ka qaaday saldhigyo Mareykan ah oo ku yaalla dalal dhowr ah oo Khaliijka iyo Bariga Dhexe ah.

Kenys 13ka Luulyo  2026  Ciidamada la dagaallanka argagixisada ee Kenya ayaa sheegay inay dileen 11 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal sirdoon ku saleysnaa oo laga fuliyay xero ay kooxda ku lahayd meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.Bayaan ay soo saareen saraakiisha amniga Kenya ayaa lagu sheegay in howlgalka, oo ay fuliyeen cutubyo gaar ah oo ay taageerayeen diyaarado, lagu bartilmaameedsaday ku dhowaad 30 dagaalyahan oo la sheegay inay qorsheynayeen weerar ka dhaca deegaanno ku yaalla gobolka Mandera.

Mas’uuliyiinta Kenya waxay sheegeen in weerarka lagu dilay 11 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, halka toddobo kale ay dhaawacyo culus soo gaareen. 

Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen saddex qori oo nooca PKM ah iyo rasaas gaaraysa 409 xabbo.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in dagaalyahannadii ka badbaaday howlgalka ay dib ugu gurteen dhinaca Soomaaliya.

Muqdisho 13ka Luulyo  2026 Muranka u dhexeeya Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya iyo Guddiga Olombikada Qaranka (SONOC) ayaa sii xoogeysanaya, kadib markii wasiirka wasaaraddu uu dalbaday in baaritaan dhamaystiran lagu sameeyo maamulka guddiga, si loo xoojiyo daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo kalsoonida lagu qabo hay’adaha maamula ciyaaraha dalka.   Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa sheegay in dib-u-eegista lagu sameynayo guddiga ay lagama maarmaan u tahay ilaalinta hufnaanta maamulka, maareynta hantida dadweynaha iyo habsami u socodka hay’adaha ciyaaraha.

Hase yeeshee, Guddiga Olombikada Soomaaliya ayaa si adag u diiday tallaabada wasaaradda, isaga oo ku tilmaamay faragelin lagu hayo hay’ad madax-bannaan oo ku shaqaysa xeerarka dhaqdhaqaaqa Olombikada caalamiga ah. Guddigu wuxuu sheegay in muranku aanu ku koobnayn shaqsiyaad ama go’aanno maamul, balse uu salka ku hayo halka uu ku egyahay kormeerka dowladda iyo halka ay ka bilaabanayso madax-bannaanida guddiyada Olombikada ee uu aqoonsan yahay Guddiga Caalamiga ah ee Olombikada (IOC).

Codsiga cusub ee baaritaanka ayaa daba socda go’aan ay wasaaraddu qaaday bishii Nofeembar 2025, markaas oo ay shaqada ka joojisay guddoomiyaha SONOC Axmed Cabdi Xasan (Wataac) iyo xoghayaha guud Maxamed Cabdow Xaaji, iyadoo ku eedeysay inay ku xadgudbeen xeerarka ciyaaraha, maamulka iyo anshaxa shaqada. Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay inay dacwad u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud oo la xiriirta saraakiil kale oo guddiga ka tirsan.

Illaa iyo hadda lama shaacin natiijo rasmi ah oo baaritaan ama go’aan maxkamadeed oo caddeynaya eedeymahaas, waxaana weli loo arkaa eedeymo aan lagu caddayn hannaan sharciyeed.

Dhanka kale, hoggaanka SONOC ayaa ku dooday in wasaaraddu aysan sharci u lahayn inay xilka ka qaaddo madaxda guddiga, maadaama doorashadooda iyo waajibaadkoodu ay ku saleysan yihiin xeerarka Olombikada ee caalamiga ah. Guddigu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dowladda inay isku dayday inay faragelin ku sameyso xarumaha guddiga, xiriirka uu la leeyahay hay’adaha ciyaaraha caalamiga ah iyo maamulka xarumaha ciyaaraha.

Muranka ayaa sare u qaaday walaac ku saabsan mustaqbalka ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo khubaradu ay sheegayaan in isku dhac kasta oo daba dheeraada uu si toos ah u saameyn karo ciyaartoyda, xiriirka ururrada caalamiga ah, helitaanka maalgelinta iyo ka qaybgalka tartamada dibadda.

Axdiga Guddiga Caalamiga ah ee Olombikada wuxuu oggol yahay in guddiyada Olombikada ay la shaqeeyaan dowladahooda, balse wuxuu sidoo kale farayaa inay ka madax-bannaanadaan faragelin siyaasadeed ama maamul oo saameyn karta shaqadooda. Sida ku cad diiwaanka IOC, illaa 13-kii Luulyo 2026, Axmed Cabdi Xasan iyo Maxamed Cabdow Xaaji ayaa weli ku qoran guddoomiyaha iyo xoghayaha guud ee Guddiga Olombikada Soomaaliya, inkastoo wasaaraddu ay hore u shaacisay hakintooda.

Illaa iyo hadda lama shaacin natiijo rasmi ah oo baaritaan ama go’aan maxkamadeed oo caddeynaya eedeymahaas, waxaana weli loo arkaa eedeymo aan lagu caddayn hannaan sharciyeed.

Dhanka kale, hoggaanka SONOC ayaa ku dooday in wasaaraddu aysan sharci u lahayn inay xilka ka qaaddo madaxda guddiga, maadaama doorashadooda iyo waajibaadkoodu ay ku saleysan yihiin xeerarka Olombikada ee caalamiga ah. Guddigu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dowladda inay isku dayday inay faragelin ku sameyso xarumaha guddiga, xiriirka uu la leeyahay hay’adaha ciyaaraha caalamiga ah iyo maamulka xarumaha ciyaaraha.

Muranka ayaa sare u qaaday walaac ku saabsan mustaqbalka ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo khubaradu ay sheegayaan in isku dhac kasta oo daba dheeraada uu si toos ah u saameyn karo ciyaartoyda, xiriirka ururrada caalamiga ah, helitaanka maalgelinta iyo ka qaybgalka tartamada dibadda.

Axdiga Guddiga Caalamiga ah ee Olombikada wuxuu oggol yahay in guddiyada Olombikada ay la shaqeeyaan dowladahooda, balse wuxuu sidoo kale farayaa inay ka madax-bannaanadaan faragelin siyaasadeed ama maamul oo saameyn karta shaqadooda. Sida ku cad diiwaanka IOC, illaa 13-kii Luulyo 2026, Axmed Cabdi Xasan iyo Maxamed Cabdow Xaaji ayaa weli ku qoran guddoomiyaha iyo xoghayaha guud ee Guddiga Olombikada Soomaaliya, inkastoo wasaaraddu ay hore u shaacisay hakintooda.

WARARKA MAANTA 12ka Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Maxuu ku fashilmay shirkii Dowladda Iyo Mucaaradka? Maxay beesha caalamka ku qasabtay Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? `Yaa diiday inuu dhiso maqaamka #Muqdisho? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso Dowladda Soomaaliya? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” oo ay xukuummaddiisa ku fashilantay hogganka dalka iyo la shaqaynta beesha caalamka taasoo dhaqaallihii u diiday inay siiso xukuummadda “Dhiqlaha/Kuntaanta? Yaa Soomaali iyo beesha caalamka la wadashaqayn kara? Ha wiqleyso! 

Pakistan 12ka Luulyo  2026 Waxaan ku soo laabtay Islamabad oo ay iigu dambeysay afar sano ka hor aniga oo ku imid booqasho rasmi ah. Waxaa farxad ii ah inaan dib u soo booqdo magaalo lix sano ahayd gurigayga anigoo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Pakistan.

Islamabad waxay igu leedahay xusuuso badan oo qaali igu ah. Waxaan rajeynayaa inaan qeyb ka noqdo sii-xoojinta saaxiibtinnimo iyo iskaashi waara oo u dhaxeeya labadeenna dal ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Muqdisho 12ka Luulyo  2026 Taliyaha Ciidanka Dhulka Turkiga, Jeneraal Metin Tokel, iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa billad sharaf uu bixiyay Madaxweynaha Turkiga ku guddoonsiiyay Taliyaha Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Faarax.

Billaddan sharafeed ayaa lagu maamuusay dadaalka, hoggaaminta iyo doorka muuqda ee Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Faarax ka qaatay horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Kumaandooska Gorgor, taas oo muujinaysa xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca Difaaca iyo tababarka ciidamada.

Galmudug 12ka Luulyo  2026 Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo hoggaaminaya kooxda ololaha doorashada Musharaxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug, saraakiil iyo hoggaanka dhalinyarada Galmudug.

Kulankaan oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa Wasiir Al-Cadaala wuxuu masuuliyiinta iyo dhalinyarada la wadaagay sidii ay qayb uga noqon lahaayeen dardar-galinta doorashada Galmudug, isagoo ka codsaday inay codkooda siiyaan Urur Siyaasadeedka JSP.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulanka ka sheegay in Musharax Liibaan Axmed Xasan uu yahay xilligaan qofka ugu haboon ee Galmudug hoggaan u noqon kara, maadaama uu si wanaagsan u garanayo baahiyaha ka jira deegaanka, isla markaana aqoonstiisa iyo kartidiisa uu Urur Siyaasadeedku ku soo xushay.

Dhankooda, Masuuliyiinta reer Galmudug iyo dhallinyarada ka soo qeyb gashay kulankaas ayaa si diiran u soo dhaweeyay codsiga Wasiir Al-Cadaala, iyagoo balanqaaday in ay si buuxda uga qayb qaadan doonaan doorashada, isla markaana ay codkooda sii doonaan Urur Siyaasadeedka JSP.

Galmudug waxaa si weyn looga dareemayaa dhaqdhaqaaqyada doorashada qofka iyo codka ah, taas oo la filayo in ay dhamaadka bishaan ka qabsoonto deegaanada Galmudug.

Muqdisho 12ka Luulyo  2026 Hay’adda Adeegyada Jinsiyadda iyo Socdaalka ee Maraykanka (USCIS) ayaa cusboonaysiisay hagitaankeeda ku saabsan oggolaanshaha shaqada ee muwaadiniinta ka socda dalal leh xaaladda Temporary Protected Status (TPS), kuwaas oo weli dacwado sharci ay ka socdaan oo la xiriira qorshayaasha lagu joojinayo xaaladdooda. 

Hay’adda waxay dejisay taariikho ku meel gaar ah oo loo adeegsanayo oggolaanshaha shaqada, iyadoo Soomaaliya iyo lix dal oo kale loo asteeyay 17-ka Luulyo 2026, halka Haiti loo asteeyay 24-ka Luulyo 2026.

Dalalka ay arrintani khusayso waxaa ka mid ah Soomaaliya, Itoobiya, Suuriya, Myanmar (Burma), Koonfurta Suudaan, Yemen iyo Haiti.

USCIS ayaa caddeysay in taariikhahan aysan ahayn taariikhaha rasmiga ah ee lagu joojinayo xuquuqda shaqada, balse ay yihiin taariikho ku meel gaar ah (placeholder dates) oo loo isticmaali doono inta dacwadaha maxkamaduhu ka gaarayaan go’aannada kama dambaysta ah.

Hay’addu waxay sheegtay in loo-shaqeeyayaasha looga baahan yahay inay dib u cusboonaysiiyaan diiwaannada shaqaalaha ay khusayso kordhintan, iyagoo ku qoraya taariikhaha cusub qaybta xogta dheeraadka ah ee foomamka xaqiijinta shaqada.

Muqdisho 12ka Luulyo  2026 Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo hoggaaminaya kooxda ololaha doorashada Musharaxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug, saraakiil iyo hoggaanka dhalinyarada Galmudug.

Kulankaan oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa Wasiir Al-Cadaala wuxuu masuuliyiinta iyo dhalinyarada la wadaagay sidii ay qayb uga noqon lahaayeen dardar-galinta doorashada Galmudug, isagoo ka codsaday inay codkooda siiyaan Urur Siyaasadeedka JSP.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulanka ka sheegay in Musharax Liibaan Axmed Xasan uu yahay xilligaan qofka ugu haboon ee Galmudug hoggaan u noqon kara, maadaama uu si wanaagsan u garanayo baahiyaha ka jira deegaanka, isla markaana aqoonstiisa iyo kartidiisa uu Urur Siyaasadeedku ku soo xushay.

Dhankooda, Masuuliyiinta reer Galmudug iyo dhallinyarada ka soo qeyb gashay kulankaas ayaa si diiran u soo dhaweeyay codsiga Wasiir Al-Cadaala, iyagoo balanqaaday in ay si buuxda uga qayb qaadan doonaan doorashada, isla markaana ay codkooda sii doonaan Urur Siyaasadeedka JSP.

Galmudug waxaa si weyn looga dareemayaa dhaqdhaqaaqyada doorashada qofka iyo codka ah, taas oo la filayo in ay dhamaadka bishaan ka qabsoonto deegaanada Galmudug

WARARKA MAANTA 11ka Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa ka oohisiiyey Madaxweynaha #Puntlandstate Saciid Deni “Boosaneero/Musuqul Xaar”? Maxuuse maanta Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uga ooynaayaa Madaxweyneha xilka ka dhammaaday Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuu u rabaa Madaxweyne hore Xassan Shiikh inuu burburiyo #PuntlandState? Yaa “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Maxuu ku fashilmay shirkii Dowladda Iyo Mucaaradka? Maxay beesha caalamka ku qasabtay Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? `Yaa diiday inuu dhiso maqaamka #Muqdisho? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso Dowladda Soomaaliya? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” oo ay xukuummaddiisa ku fashilantay hogganka dalka iyo la shaqaynta beesha caalamka taasoo dhaqaallihii u diiday inay siiso xukuummadda “Dhiqlaha/Kuntaanta? Yaa Soomaali iyo beesha caalamka la wadashaqayn kara? Ha wiqleyso! 

Puntland 11ka Luulyo  2026 #BOSAASO: Waxaa maalintii 11-aad oo xiriir ah xiran Dekedda magaalada Boosaaso, kaddib markii uu weli socdo khilaaf ka dhashay cashuur cusub oo ganacsatadu sheegeen in lagu soo rogay gaadiidka iyo badeecadaha ka soo dega dekedda.

Xirnaanshaha dekedda ayaa si weyn u saameeyay isu socodkii badeecadaha, ganacsiga, iyo dhaq-dhaqaaqii dhaqaale ee magaalada Boosaaso iyo guud ahaan deegaannada ku tiirsan dekedda magaalada Bosaaso.

Boosaaso oo ah dekedda ugu weyn ee ganacsiga Puntland, ayaa muhiim u ah soo dejinta raashinka, qalabka dhismaha, shidaalka, dawooyinka iyo badeecooyin kale oo daruuri ah, taasi oo uu hada taabay cashuurta dheeradka ah ee lagu soo rogay.

Inta uu hakadku yimid waxaa dekadda ku xayiran boqolaal gaadiid xamuul ah oo ku xaniban gudaha iyo bannaanka dekedda, halka maraakiibta qaarkood ay dib u dhac kala kulmayaan dejinta ama rarista shixnadahooda. Waxaa sidoo kale jira walaac laga qabo in haddii xaaladdu sii socoto ay keeni karto yaraanshaha badeecooyinka qaar iyo kororka sicirka suuqyada

Waxaa sidoo kale socda wada hadalo u dhexeeya ganacsatada iyo Dowlada oo xal looga gaarayo cabashada ay qabaan Gacasatadu.

Siciid Rakaawi

Muqdisho 11ka Luulyo  2026 Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskiisa & qaraabada uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Cali Cabdille Fiixiye (Cali Shucaac).

Alle ha u naxariistee Marxuumku, wuxuu taariikh mug leh ku dhex-lahaa bulshada Soomaaliyeed isagoo inta badan wakhtigiisa ku bixiyay halgan ku dhisan waddaniyad iyo dal jacayl.

Waxaan mar kale dareenka geeridiisa murugada leh la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan carruurtiisa, qoyskiisa iyo ehelka, waxaana Allah u waydiineynaa Marxuumka janatul fardowsa, innagana samir iyo iimaan Alle ha naga wada siiyo

Turkey 11ka Luulyo  2026 Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska dawladda Imaaraadka Carabta ee The National ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyay iyo hadallada ka dhanka ah Turkiga ee ka soo baxaya Israa’iil.

Wuxuu yiri;

“Ma jiro wax sabab ah oo keeni kara dagaal toos ah oo u dhexeeya Turkiga iyo Israa’iil.

Waxaan rumeysanahay in gudaha Israa’iil ay weli jiraan dad leh aragti fog oo ka duwan tan Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo kooxdiisa.

Netanyahu iyo qaar ka mid ah xulafadiisa waxay u baahan yihiin cadow cusub, maadaama doorashooyinku soo dhow yihiin.

Kadib dagaalladii ay la galeen Xamaas, Xisbullah iyo Iiraan, waxay hadda isku dayayaan inay Turkiga ka dhigaan cadowga xiga.”

Wuxuu intaa ku daray;

“Siyaasadaha dowladda Netanyahu dhib kuma aha Turkiga oo keliya. Waxay khatar ku yihiin Israa’iil lafteeda, dalalka gobolka, iyo xitaa amniga dunida.

Meel kasta oo aan tago waxaan ka dareemayaa in dad badan ay isku raacsan yihiin in siyaasadaha dowladda Netanyahu ay halis ku yihiin amniga iyo dhaqaalaha caalamka.Xitaa hoggaamiyeyaasha Yurub, inkastoo ay markii hore ka gaabinayeen arrintan, waxay hadda bilaabeen inay fahmaan khatarta jirta. Sidoo kale Donald Trump ayaa isna bilaabay inuu garwaaqsado.

Marka laga hadlayo Suuriya, haddii Israa’iil isku daydo inay xasillooni darrada ka abuurto halkaas, Turkigu wuxuu dib u eegis ku samayn doonaa qorshayaashiisa iyo sida uu xaaladda ula tacaalayo.

Waxaa kaloo uu yiri;

“ Sida ay Israa’iil ula dhaqmayso dalalka gobolka waxay muujinaysaa inaysan doonayn inay hareeraheeda ka jiraan dalal deggan oo xooggan.

Sidaas darteed waxaan la shaqaynaynaa Sacuudiga, Pakistan iyo Masar si loo dhiso nidaam cusub oo amni oo gobolka ah.

Nidaamkan cusub ma beddeli doono ururrada hadda jira sida Jaamacadda Carabta ama Golaha Iskaashiga Khaliijka, balse wuxuu ujeeddadiisu tahay in go’aannada muhiimka ah si degdeg ah loo gaaro.

Nidaamkan amni wuxuu ku salaysan yahay in la ixtiraamo madax-bannaanida dal kasta iyo in la dhowro dhulkiisa.”

Isagoo hadalkiisa wata wuxuu yiri;

“Israa’iil waxay ballaarinteeda ku sababaysay sugidda amnigeeda, halka Iiraan ay iyaduna ku eedaysan tahay inay faragelin ku samaysay dalal kale iyadoo adeegsanaysa kooxo ay taageerto.

Haddii la gaaro heshiis cusub oo dammaanad qaadaya madax-bannaanida dhammaan dalalka, markaas dal walba waa inuu ku ekaadaa xuduudihiisa oo uu ixtiraamaa kuwa deriskiisa.”

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay;

“Annagu ma doonayno dagaal iyo colaad cusub, laakiin sidoo kale ma oggolaan doonno in gobolka loo beddelo goob lagu kala xalliyo dano siyaasadeed oo khatar gelinaya mustaqbalka shucuubta gobolka.”

Iman jama

Maraykanka 11ka Luulyo  2026 Xiisadii dhexeysay Maraykanka iyo Iiraan ayaa dagan Jimcaha maanta, kaddib laba maalmood oo ay labada dhinac is dhaafsanayeen weerarro culus, iyadoo dalalka dhexdhexaadinaya ay dadaal ugu jiraan in dib loo soo nooleeyo wada-hadallada diblomaasiyadeed.

Sarkaal ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa u sheegay Al Jazeera in Washington ay weli ka go’an tahay in xal diblomaasiyadeed laga gaadho khilaafka kala dhexeeya Tehran, isla markaana ay weli socdaan wada-hadallo farsamo oo u dhexeeya labada dhinac.

Dhanka kale, maraakiibta ganacsiga ee mara marin-biyoodka Istiraatiijiga ah ee Hormuz ayaa si weyn hoos ugu dhacay intii uu socday dagaalkii u dambeeyay, arrintaas oo walaac cusub ku abuurtay suuqyada tamarta adduunka, kuwaas oo horeba u wajahayay carqaladdii ugu weyneyd ee dhinaca sahayda shidaalka.

Dagaalkii dhacay daraad iyo shalay ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Weerarrada gantaallada iyo duqeymaha cirka ayaa lagu beegsaday xarumo ciidan iyo kaabayaal muhiim ah oo ku yaalla Iiraan iyo dalalka Carabta.

Colaaddan ayaa sidoo kale si weyn u saameysay dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan suuqyada tamarta iyo isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz, halkaas oo uu maro qayb weyn oo ka mid ah shidaalka dunida. Khubaradu waxay ka digayaan in haddii xiisaddu sii socoto ay sii kordhin karto qiimaha shidaalka, carqaladuna ay gaadhi karto ganacsiga iyo dhaqaalaha caalamiga ah. 

Muqdisho 11ka Luulyo  2026 Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay inay xirtay shaqsiyaad ku labisnaa dareyska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kadib markii uu baraha bulshada ku faafay muuqaal muujinaya fal ay wasaaraddu ku tilmaamtay mid aan la aqbali karin oo la xiriira calanka Mareykanka. War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in falkaasi uusan ka tarjumayn qiyamka, anshaxa iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana uusan metelin mowqifka Wasaaradda Gaashaandhigga ama Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dadka ku lugta lahaa dhacdada la xiray, islamarkaana uu socdo baaritaan lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen iyo tallaabooyinka sharci iyo kuwo anshax ee laga qaadi doono.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siiso iskaashiga dhinaca amniga ee kala dhexeeya Mareykanka, iyadoo sheegtay in wada-shaqeynta labada dal ay door muhiim ah ka qaadatay la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish, iyo xoojinta hay’adaha amniga dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ugu dambayn ku celisay ixtiraamka ay u hayso shacabka iyo calanka Mareykanka, iyadoo caddeysay inay ka go’an tahay sii wadidda iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal.

Muqaalka ku faafay baraha Bulshada ayaa muujinaayay rag dhalinyaro oo xiran dareeska ciidanka oo kudul istaagaya calanka Dowladda Mareykanka. 

Baydhabo 11ka Luulyo  2026 Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Golaha Wasiirrada cusub ee dowlad-goboleedka, isagoo sheegay in magacaabista ay salka ku hayso Dastuurka Koonfur Galbeed iyo baahida loo qabo dardargelinta howlaha dowladda sida laga sii daayay Telefishinka Koonfur Galbeed.  Golaha cusub waxaa loo magacaabay wasaaradaha kala duwan ee Koonfur Galbeed, iyadoo Isaaq Maxamed Isaaq loo magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha, Xuseen Maxamed Xaaji Wasiirka Maaliyadda, Cabdulqaadir Cumar Cabdullaahi (Baasto) Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamed Cusmaan Maxamed Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, halka Fahad Maxamed Xuseen loo magacaabay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda.

Sidoo kale, Nuur Siidow Baabaa ayaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada, Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa maye Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Maxamed Cusmaan Xaaji Jiidoow Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, halka Sahra Cusmaan Axmed loo magacaabay Wasiirka Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu magacaabay wasiiru-dawlayaal iyo wasiir-ku-xigeenno ka shaqeyn doona wasaaradaha kala duwan ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

WARARKA MAANTA 10ka Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Maxuu u rabaa Madaxweyne hore Xassan Shiikh inuu burburiyo #PuntlandState? Yaa “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Maxuu ku fashilmay shirkii Dowladda Iyo Mucaaradka? Maxay beesha caalamka ku qasabtay Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? `Yaa diiday inuu dhiso maqaamka #Muqdisho? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso Dowladda Soomaaliya? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” oo ay xukuummaddiisa ku fashilantay hogganka dalka iyo la shaqaynta beesha caalamka taasoo dhaqaallihii u diiday inay siiso xukuummadda “Dhiqlaha/Kuntaanta? Yaa Soomaali iyo beesha caalamka la wadashaqayn kara? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 10ka Luulyo  2026 Soomaaliya ayaa billowday mashruuc cusub oo ay si wadajir ah u hirgelinayaan Dowladda Soomaaliya, UNDP iyo Sanduuqa Deegaanka Adduunka (GEF), kaas oo lagu maalgelinayo US$12 milyan si loo xoojiyo adkaysiga magaalooyinka ee saameynta isbeddelka cimilada. Mashruuca ayaa socon doona illaa sanadka 2030.

Mashruuca ayaa diiradda saari doona xoojinta qorsheynta magaalooyinka, dhismaha kaabayaal u adkaysan kara isbeddelka cimilada, yaraynta khataraha fatahaadaha iyo abaaraha, ilaalinta deegaanka, maaraynta khayraadka dabiiciga ah, iyo kobcinta dhaqaalaha cagaaran si loo dhiso magaalooyin waara oo u adkaysta isbeddelka cimilada.

Mashruuca ayaa laga hirgelin doonaa 17 magaalo oo kala ah Muqdisho (Banaadir), Garoowe, Gaalkacyo, Boosaaso, Hargeysa, Burco, Berbera, Boorama, Dhuusamareeb, Hobyo, Koonfurta Gaalkacyo, Beledweyne, Jowhar, Baydhabo, Xudur, Kismaayo iyo Garbahaarey. Sida ku cad dukumentiga mashruuca, magaalooyinkan waxaa loo xushay heerka sare ee ay ugu nugul yihiin saameynta isbeddelka cimilada, Kuleylka,baahida bulshada ku nool iyo muhiimaddooda horumarineed.

Xigasho: UNDP Somalia, GEF iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho 10ka Luulyo  2026 Kulan maanta Muqdisho ka dhacay, UNTMIS oo ay weheliyaan xubno ka socday Midowga Yurub ee Soomaaliya, Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, iyo Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, waxaa sharaf u ahayd inay goobjoog ka noqoto, isla markaana fududeeyso wadahadallo u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saamilayda mucaaradka.

Wadahadalladaas oo ku dhacay jawi saaxiibtinimo iyo mid wax-dhis ah, ayaa diiradda lagu saaray dhisidda isfaham guud oo ku saabsan doorashooyinka.

Muqdisho 10ka Luulyo  2026  Xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay nooca doorasho ee uu u arko in Soomaaliya ay kaga gudbi karto marxaladda siyaasadeed ee hadda lagu jiro, kaddib markii uu ka qayb galay wareegga labaad ee wada-hadallada doorashooyinka ee Muqdisho uga socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka. 

Shirka oo ay soo qabanqaabisay dowladda Turkiga ayaa waxaa ka qayb galay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Nabad iyo Nolol, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen dowladaha Turkiga, Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay oo loo yaqaan “Quartet-ka”.

Guddiga Farsamo ee Nabad iyo Nolol ayaa sheegay in kulanka maanta diiradda lagu saarayay in dhinac kasta uu soo bandhigo nooca doorasho ee uu mudnaanta siinayo iyo sida looga gudbi karo xaaladda siyaasadeed ee taagan.

Xisbiga ayaa sheegay in nooca doorasho ee uu soo jeedinayo uu ku saleysan yahay toban tilmaamood oo ay ka mid yihiin:

1: Doorasho ay dadku si sahlan u fahmi karaan.

2: Doorasho la wada aamini karo, la wada arki karo, isla markaana adag tahay in lagu murmo.

3: Doorasho waqtiga lagu qabanayo uu kooban yahay.

4: Doorasho loo dhan yahay oo qof kasta oo Soomaali ah oo doonaya inuu codeeyo uu si xor ah u codeyn karo.

5: Doorasho diiwaangelinta iyo codeyntu ay ka dhacayaan hal goob isla markaana hal maalin ah.

6: Doorasho qof walba uu ugu codeynayo xisbiga uu dookhiisu yahay.

7: Doorasho kuraasta baarlamaanka lagu saleeyo sida xisbiyadu u kala helaan codadka shacabka.

8: Doorasho maamulka iyo amnigeeda ay ku qanacsan yihiin dowladda iyo mucaaradka.

9: Doorasho mideyneysa shacabka iyo dalka Soomaaliyeed, ilaalineysana xorriyadda iyo madax-bannaanida siyaasadeed.

zKenys 10ka Luulyo  2026 Itoobiya ayaa sii xoojinaysa saamigeeda suuqa qaadka Soomaaliya, taasoo sababtay hoos u dhac ku yimid dhoofinta iyo dakhliga qaadka miraa ee Kenya saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadkan, sida uu qoray wargeyska Daily Nation, oo soo xiganaya xogta Hay’adda Beeraha iyo Cuntada Kenya (AFA). 

Xogta AFA ayaa muujisay in dhoofinta miraaha Kenya ay hoos u dhacday 13%, iyadoo gaartay 692,000 kiiloogaraam intii u dhexeysay Janaayo iyo Maarso 2026, marka loo eego 795,668 kiiloogaraam isla muddadaas sannadkii hore. 

Dakhliga laga helay dhoofinta ayaa sidoo kale hoos ugu dhacay 3.09 bilyan oo shilin oo Kenya ah, halka uu sannadkii hore ahaa 3.56 bilyan, taasoo ka dhigan khasaare ku dhow 470 milyan oo shilin.

Warbixintu waxay sheegtay in hoos u dhacaas uu inta badan ka dhashay tartanka sii kordhaya ee Itoobiya, maaddaama ay juqraafi ahaan uga dhowdahay Soomaaliya, taasoo u sahlaysa inay suuqa gaarsiiso qaad cusub oo kharash gaadiidkiisu hooseeyo. 

Waxa kale oo ay xustay in go’aankii Soomaaliya ay sanadkii 2023 ku siisay dhoofiyeyaasha Itoobiya mudnaan ay si gaar ah suuqa u geli karaan 10 maalmood bishii uu sare u qaaday saamiga Itoobiya ee suuqa, arrintaas oo markaas dhalisay cabashooyin uga yimid beeraleyda Kenya.

Muqdisho 10ka Luulyo  2026 Iskaashi dhow oo u dhexeeya Turkiga, Soomaaliya iyo Boqortooyada Midowday (UK) ayaa xoojin kara xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka kala socday saddexda dal intii lagu guda jiray kulan ka dhacay Aqalka Baarlamaanka UK. 

Kulanka, oo looga hadlay doorka iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya, Turkiga iyo UK, ayaa lagu sheegay in xiriirka muddada dheer ee Ankara iyo Muqdisho uu noqon karo saldhig lagu ballaariyo wada-shaqeyn ay London qayb ka noqoto, si loo taageero amniga, horumarinta iyo koboca dhaqaalaha Soomaaliya.

Danjiraha Turkiga ee UK, Cismaan Koray Ertaş, ayaa sheegay in xiriirka dalkiisu la leeyahay Soomaaliya aanu ku koobnayn gargaar bini’aadantinimo, balse uu u kobcay iskaashi dhinacyada horumarinta, amniga iyo maalgashiga. 

Wuxuu sheegay in Turkigu tan iyo 2011 Soomaaliya ka hirgeliyay mashaariic horumarineed oo ka badan hal bilyan oo doollar, isla markaana uu tababar siiyay in ka badan 20,000 oo ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Ertaş ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar muuqda inkastoo ay weli wajahdo caqabado. Wuxuu xusay in Turkigu uu soo dhoweynayo taageerada caalamiga ah, gaar ahaan tan UK, isagoo adkeeyay in Ankara ay doorbideyso iskaashi halkii uu ka jiri lahaa tartan, isla markaana xiriirka Soomaaliya uu ku dhisan yahay is-aaminaad iyo iskaashi soo jiray muddo dheer.

Maraykanka 10ka Luulyo  2026 Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa Arbacadii ku dartay nin Soomaali ah liiska dadka ugu doon-doonista badan ee dambiyada khiyaanada maaliyadeed ee Hay’adda Baarista Federaalka ee FBI-da. Ninkan oo lagu magacaabo Fahad Mohamed Nur ayaa lagu eedeeyay inuu door ku lahaa qorshe lagu lunsaday lacagihii loogu talagalay Barnaamijka Nafaqeynta Carruurta ee dowladda federaalka xilligii safmarkii COVID-19.

Sida ay sheegtay FBI-du, Fahad Mohamed Nur ayaa lagu tuhunsan yahay inuu si sharci darro ah ku qaatay in ka badan 5 milyan oo doollar oo ka mid ahaa lacagihii loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta gobolka Minnesota.

Hay’addu waxay sheegtay in Fahad uu yahay muwaadin Maraykan ah oo jinsiyadda qaatay, isla markaana uu xiriir la leeyahay Soomaaliya. FBI-du waxay intaas ku dartay in la rumeysan yahay inuu haatan ku sugan yahay Soomaaliya.

Ku darista magaciisa liiska dadka ugu doon-doonista badan ee dambiyada khiyaanada ayaa qayb ka ah dadaallada ay Maraykanku ku baadi-goobayaan dadka looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida dowladda.

Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, ayaa sheegay in liiska cusub ee dadka loogu doon-doonista badan yahay ee dambiyada khiyaanada uu hore u muujiyay natiijooyin wax ku ool ah. 

WARARKA MAANTA 9ka Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Yaa “Dhuuso-Fooxiye” u bixiyey Madaxweyne hore Xassan? Maxuu ku fashilmay shirkii Dowladda Iyo Mucaaradka? Maxay beesha caalamka ku qasabtay Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? `Yaa diiday inuu dhiso maqaamka #Muqdisho? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso Dowladda Soomaaliya? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” oo ay xukuummaddiisa ku fashilantay hogganka dalka iyo la shaqaynta beesha caalamka taasoo dhaqaallihii u diiday inay siiso xukuummadda “Dhiqlaha/Kuntaanta? Yaa Soomaali iyo beesha caalamka la wadashaqayn kara? Ha wiqleyso! 

Muritaniya 9ka Luulyo  2026 Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda JFS ayaa Madaxweynaha Dowladda Mauritaaniya Gaarsiiyay Farriin uu ka Siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Nouakchott, Mauritaaniya | 8 Luulyo 2026.

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar Cali (Cali Balcad), ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritaaniya, Mudane Maxamed Ould Sheekh El Ghazouani, gaarsiiyay farriin qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xassan Shiikh 

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mauritaaniya, Mudane Dr. Maxamed Saalim Ould Merzoug, Wasiirka ah Xoghayaha Guud ee Madaxtooyada, Mudane Moulaye Ould Mohamed Laghdaf  La-taliye Sare oo  dhanka Madaxweynaha ah, Agaasimaha Waxda Carabta Maxamed Xassan, iyo Danjiraha aan deggenayn ee  Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Mauritaaniya, Mudane Yuusuf Jeego.

Farriintaan oo aheyd mid  lagu adkeeynayay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya  Dowladdaha Soomaaliya iyo Mauritaaniya, iyadoo sidoo kale lagu muujiyay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada shidaalka gaaska, dhaqaalaha buluugga, kalluumeysiga, amniga, iyo la dagaallanka argagixisada.

IGAD 9ka Luulyo  2026 GAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

Urur-goboleedka Iskaashiga Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) ayaa Arbacadii sii xoojiyey dadaallada uu ku taageerayo Soomaaliya sidii loo dardargelin lahaa ansixinta iyo dhaqan-gelinta Heshiiska IGAD ee Xorriyadda Isu-socodka Dadka, iyadoo wafdi ka socda ururku kulammo la yeeshay hoggaanka ururrada shaqaalaha iyo suxufiyiin Soomaaliyeed. Kulammadan ayaa qayb ka ah hawlaha IGAD ay ka waddo Soomaaliya ee lagu taageerayo hirgelinta heshiiskan.

Wafdiga IGAD ayaa booqday xarunta dhexe ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), halkaas oo ay kulan kula yeesheen hoggaanka sare ee xiriirka. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa taageerada ansixinta iyo dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka, xoojinta maamulka socdaalka shaqaalaha, dhiirrigelinta isu-socodka shaqaalaha ee ammaan ah, nidaamsan oo waafaqsan sharciga, iyo sidii heshiisku uga faa’iideyn lahaa shaqaalaha, loo-shaqeeyayaasha iyo bulshada guud ahaan.

Intii uu kulanku socday, FESTU ayaa muujiyey taageeradiisa buuxda ee ansixinta iyo dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee IGAD, isaga oo ku tilmaamay heshiiska mid shacabka loogu talagalay oo dantooda u adeegaya, isla markaana fursado cusub u abuuri doona shaqaalaha, ganacsatada iyo dhallinyarada, korna u qaadi doona isdhexgalka dhaqaale ee gobolka iyo isu-socodka shaqaalaha ee waafaqsan sharciga.

Xoghayaha Guud ee FESTU, Cumar Faaruuq Cismaan, ayaa sheegay:

“Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee IGAD waa heshiis shacabka loo sameeyey, shacabka ayaana ka faa’iidaysan doona. Wuxuu abuuri doonaa fursado badan oo shaqo, ganacsi iyo horumar dhaqaale, isaga oo xoojinaya isdhexgalka gobolka. Ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed waxay si buuxda u taageersan yihiin ansixinta iyo dhaqan-gelinta heshiiskan, maadaama uu kor u qaadayo shaqo hufan, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha muhaajiriinta ah, horumarinta hab-nololeedka bulshada iyo isu-socod shaqaale oo ammaan ah, nidaamsan isla markaana sharci ah. Waxaan diyaar u nahay inaan si dhow ula shaqayno Dowladda, loo-shaqeeyayaasha iyo IGAD si heshiiskani uga miro dhaliyo danaha shacabka Soomaaliyeed.”

Kadib kulankaas, wafdiga IGAD ayaa xarunta FESTU kulan is-weydaarsi ah kula yeeshay suxufiyiin Soomaaliyeed. Kulanka, oo uu martigeliyey Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed, ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee warbaahintu ku leedahay taageeridda ansixinta iyo dhaqan-gelinta heshiiska, kor u qaadidda wacyiga bulshada, gudbinta xog sax ah oo dheellitiran iyo sidii shacabka loogu iftiimin lahaa fursadaha ka dhalanaya xorriyadda isu-socodka, isdhexgalka gobolka iyo isu-socodka shaqaalaha.

Iyadoo la hadlaysay suxufiyiinta, Lucy Daxbacher, Isuduwaha Sare ee Barnaamijyada IGAD, ayaa tiri:

“Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka wuxuu salka ku hayaa horumarinta nolosha dadka ku nool gobolka IGAD. Sidaa darteed, warbaahintu waa lammaane muhiim ah oo kaalin weyn ka qaadan kara hirgelinta heshiiskan. Warbaahin sax ah, dheellitiran oo mas’uuliyad leh waxay bulshada ka caawin kartaa inay fahmaan fursadaha uu heshiisku abuurayo, waxayna kor u qaadaysaa kalsoonida bulshada iyo fahamka ku saabsan isdhexgalka gobolka, isu-socodka shaqaalaha iyo horumarka dhaqaale ee gobolka.”

Kulammada maanta waxay barbar socdeen shir heer qaran ah oo soconaya muddo saddex maalmood ah, kaas oo IGAD ka furtay Muqdisho maalintii Talaadada. Shirka ayaa isu keenay wakiillo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ururrada shaqaalaha, ururrada loo-shaqeeyayaasha iyo hay’adaha muhiimka ah ee dowladda si ay uga wada tashadaan tallaabooyinka wax ku oolka ah ee lagu dardargelinayo ansixinta iyo dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka. Shirka, oo soo gebogeboobaya Khamiista, ayaa sidoo kale diiradda saaraya xoojinta maamulka socdaalka shaqaalaha, horumarinta wada-hadalka bulshada iyo adkaynta iskaashiga gobolka.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka xubnaha ka ah IGAD ee saxeexay Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka. Dadaallada ay IGAD ka waddo Soomaaliya waxay muujinayaan sida ay uga go’an tahay inay dalka ka taageerto dhammaystirka geeddi-socodka ansixinta iyo dhaqan-gelinta heshiiska, si loo xoojiyo isdhexgalka gobolka, loo ballaariyo fursadaha dhaqaale loona fududeeyo isu-socodka muwaadiniinta guud ahaan Geeska Afrika

Maraykanka 9ka Luulyo  2026 Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiiskii xabbad-joojinta ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran uu “dhammaaday”, isaga oo ku tilmaamay wada-hadallada Tehran “waqti lumis”. Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Maraykanku xaqiijiyay inuu qaaday weerarro uu ku tilmaamay kuwo “xooggan” oo lala beegsaday badhtilmaameedyo ku yaalla Iran, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay jawaab u ahayd weerarro lagu qaaday saddex markab oo marayay marin-biyoodka Istiraatiijiga ah ee Hormuz, kuwaas oo ay ku jireen labo shidaal-side oo laga leeyahay Qatar iyo Sucuudiga.

Dhankeeda, Iran ayaa sheegtay inay ka aargoosatay weerarradaas, iyadoo ku dhawaaqday inay beegsatay 85 saldhig oo ciidan oo Maraykanku leeyahay, kuwaas oo ay sheegtay inay kaga jawaabayso duqaymihii lagu qaaday gobolka Hormozgan iyo magaalada dekedda leh ee Mahshahr. Isla markaana, seedhiga digniinta duqaymaha cirka ayaa laga maqlay dalalka Baxrayn iyo Kuweyt.

Sidoo kale, maamulka Trump ayaa laalay oggolaansho hore oo u saamaxayay Iran inay dhoofiso saliid iyadoo lagu salaynayo heshiis ku-meel-gaadh ah oo nabadeed oo Washington iyo Tehran kala saxeexdeen 17-kii Juun.

Dhanka kale, naxashka hoggaamiyihii sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, oo dhawaan la dilay, ayaa gaadhay magaalada Najaf ee dalka Ciraaq, halkaas oo ay ka bilaabmeen munaasabadaha aaskiisa.

Muqdisho 9ka Luulyo  2026 Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska 35 urur siyaasadeed oo loo oggolaaday inay ka qayb galaan doorashooyinka isku sidkan ee Dowlad-goboleedka Galmudug, taas oo qeyb ka ah hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee Soomaaliya. Sida lagu sheegay warbixinta guddiga, ururradan siyaasadeed ayaa ku tartami doona kuraasta golayaasha deegaanka iyo heerarka kale ee doorashooyinka lagu qabanayo Galmudug, iyadoo geeddi-socodka uu daba socdo diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo diyaarinta goobaha codbixinta oo muddooyinkii u dambeeyay ka socday deegaannada maamulkaas.

Shaacinta liiskan ayaa imaanaysa xilli Guddiga Doorashooyinka uu dardargelinayo diyaarinta doorashooyinka ka dhacaya Galmudug iyo maamullada kale ee dalka, kuwaas oo dowladda federaalku ku tilmaamtay tallaabo muhiim u ah u gudubka doorasho qof iyo cod ah, inkasta oo geeddi-socodka uu weli wajahayo dood siyaasadeed iyo aragtiyo kala duwan oo ka imanaya qaar ka mid ah saamileyda siyaasadda Soomaaliya.

Guddiga Doorashooyinka ayaa ugu baaqay ururrada siyaasadda, musharraxiinta iyo shacabka Galmudug inay si dhow ula shaqeeyaan guddiga, isla markaana u hoggaansamaan shuruucda iyo habraacyada doorashada si loo xaqiijiyo doorasho hufan, nabdoon oo loo dhan yahay.

Liiska la shaaciyay waxaa ku jira 35 urur oo kala ah: Qaransoor, Waaberi, Barwaaqo, Qaran, Cadaaladda iyo Midnimada Tiir, Madalsan, Qaranka ee Dimuqraadiyadda Ah, Muwaadaniinta Soomaaliyeed, Dimuqraadiga Soomaaliyeed, Jiilka Cusub, Cadaaladda iyo Wadajirka, Dadka Soomaaliyeed, Nabadda iyo Cadaaladda, Midnimada Bulshada Soomaaliyeed, Iftiin Qaran, Karaama, SAAB, Qiimo Qaran, Dan-shacab, Cadaaladda iyo Badbaadada Muraad, Sincad, Hoggaan Qaran, Midnimada Shacabka, Socod, Dowlad Wanaagga Soomaaliyeed, Haldoor, Horyaal Qaran, Dhalinyarada Talo Qaran, Ramaas, Danguud, Hormar iyo Midnimo Qaran, Dib u Heshiisiinta iyo Hormarinta Towfiiq, Badbaado Bulsho, Dhaqaaqa Soomaaliyeed iyo Shaqaalaha Soomaaliyeed. 

Muqdisho 9ka Luulyo  2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiillo ka socda mucaaradka ayaa ku heshiiyay in la sii wado wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay Arbacada maanta soo saartay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska. 

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulanka, oo ka dhacay Muqdisho 7-dii Luulyo 2026, uu qabsoomay jawi saaxiibtinimo, isla markaana uu labada dhinac u suurtageliyay is-weydaarsi furan, daacadnimo ku dhisan iyo dood wax-ku-ool ah oo la xiriirta xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Sida lagu xusay bayaanka, dowladda iyo mucaaradku waxay isla garteen in la sii ambaqaado geeddi-socodka wada-hadallada loo dhan yahay, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo xasilloonida siyaasadeed, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

War-saxaafadeedku ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qodobbo gaar ah oo laga heshiiyay ama jadwalka kulamada xiga, hase yeeshee wuxuu caddeeyay in wada-hadalladu sii socon doonaan.

WARARKA MAANTA 8da Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Maxay beesha caalamka ku qasabtay Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? `Yaa diiday inuu dhiso maqaamka #Muqdisho? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso Dowladda Soomaaliya? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” oo ay xukuummaddiisa ku fashilantay hogganka dalka iyo la shaqaynta beesha caalamka taasoo dhaqaallihii u diiday inay siiso xukuummadda “Dhiqlaha/Kuntaanta? Yaa Soomaali iyo beesha caalamka la wadashaqayn kara? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 8da Luulyo  2026 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐌𝐔𝐋𝐊𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐀𝐇𝐍𝐀 𝐃𝐔𝐐𝐀 𝐌𝐔𝐐𝐃𝐈𝐒𝐇𝐎 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐗𝐀𝐍𝐍𝐀𝐀𝐍𝐀𝐃𝐀 𝐂𝐀𝐑𝐑𝐔𝐔𝐑𝐓𝐀 𝐄𝐄 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐔𝐔𝐃 𝐌𝐈𝐑𝐄

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝐋𝐮𝐮𝐥𝐲𝐨 𝟎𝟖, 𝟐𝟎𝟐𝟔: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacada maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay Dugsiga Xannaanada Carruurta ee Maxamuud Mire, oo laga hirgelinayo Degmada Waaberi.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in dhismaha dugsigan uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ku horumarinayo adeegyada waxbarashada, si carruurta Soomaaliyeed ay u helaan goobo waxbarasho oo tayo leh, ammaan ah, islamarkaana u diyaariya mustaqbalkooda.

Dr. Muungaab ayaa xusay in maalgelinta waxbarashada carruurta ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhisi karo bulsho aqoon leh iyo caasimad horumarsan, isagoo adkeeyay in maamulka uu sii wadi doono hirgelinta mashaariicda waxbarashada iyo adeegyada bulshada ee ka jawaabaya baahiyaha shacabka.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa Guddoomiyaha ku weheliyay Agaasimaha Agaasinka Waxbarashada Dowladda Hoose ee Muqdisho, Agaasimayaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Maamulka Degmada Waaberi iyo mas’uuliyiin kale.

—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

Laascaanood 8da Luulyo  2026 Kulan ay maalmihii la soo dhaafay magaalada Garowe ku lahaayeen qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad, iyadoo la isku raacay tallaabooyin lagu xoojinayo amniga iyo dadaallada lagu dejinayo xiisadda ka taagan magaalada. 

Sida laga soo xigtay ka qaybgalayaasha, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga, ilaalinta midnimada Puntland iyo sidii mowqif mideysan looga yeelan lahaa xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee Soomaaliya.

Xog hordhac ah oo laga helay kulan xalay ka dhacay Garowe, ayaa muujinaysa in dhinacyadu isku afgarteen in la dejiyo xiisadda ka jirta Garowe, isla markaana la kala qaado ciidamada isku horfadhiya qeybo kamid ah  Garowe.

Sidoo kale, is-afgaradka ayaa la sheegay inuu dhigayo in Taliye Jimcaale uu dib ugu soo laabto magaalada Garowe, iyadoo tallaabadaas loo arko qayb ka mid ah dadaallada lagu soo celinayo kalsoonida iyo xasilloonida.

Wararka hordhaca ah ayaa intaas ku daraya in la isku raacay in la bilaabo dadaallo dib-u-heshiisiin ah oo dhexmara Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Taliye Jimcaale Jaamac Takar, kuwaas oo khilaafkoodu qayb ka noqday xiisadda siyaasadeed ee magaalada.

Is-afgaradka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la ballaariyo guddigii hore loogu xil saaray xalinta xiisadda Garowe, iyadoo lagu darayo xubno cusub oo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Siciid Xirsi Bulxan.

Ilaa hadda, maamulka Puntland si rasmi ah ugama uusan soo saarin war-murtiyeed faahfaahinaya qodobada lagu heshiiyey, mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada kale ee arrintan khusayso.

Shabeele Hoose 8da Luulyo  2026 Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni iyo sifeyn ah ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo saraakiishu sheegeen in lagu xaqiijinayay amniga isla markaana lagu burburiyay fariisimo ay isticmaalayeen dagaalyahannada Al-Shabaab sida ay baahisay Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida. 

Sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidamada, Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa hawlgal qorsheysan ka sameeyay deegaannada Leego, Warta Madax Maroodi, Iidow Jalaat iyo Saaxweyn, Hawlgalkan ayaa diiradda lagu saaray sugidda amniga, ka hortagga dhaq-dhaqaaqyada kooxda iyo baaritaanno laga sameeyay goobaha muhiimka ah iyo waddooyinka isku xira deegaannada.

Dhanka kale, Ururka 251-aad ee Guutada 25-aad ayaa howlgallo sifeyn iyo burburin ah ka fuliyay deegaannada Shabeeley, Bangaley, Fay Yuusuf iyo Cismaan Dure oo hoostaga deegaanka Toora-tooroow.

Taliyaha Ururka 251-aad, Maxamed Xasan Abuukar (Dhaga-dheere), ayaa sheegay in ciidamadu ay burburiyeen fariisimo ay kooxda ka sameysan jirtay deegaannadaasi, isagoo intaa ku daray in howlgalladu ay ka hortageen qorshayaal lagu beegsan lahaa dadka rayidka ah.

Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollo kala duwan, iyagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga oo ay soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta dhaq-dhaqaaqyo laga shakiyo.

Falastiin 8da Luulyo  2026 Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa Isniintii ku dhawaaqay inuu kala diray maamulkiisii rayidka ahaa ee Marinka Qasa, isaga oo sheegay inuu awoodda ku wareejinayo guddi farsamo oo ay taageerayaan Qaramada Midoobay, taas oo qayb ka ah heshiiska xabbad-joojinta ee Maraykanku dhexdhexaadiyay. 

Masuul ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in shaqaalaha farsamada iyo kuwa bixiya adeegyada dadweynaha ay sii wadi doonaan shaqadooda, balse ay ka hoos shaqayn doonaan Guddiga Qaranka ee Maamulka Qasa, kaas oo la filayo inuu si ku meel gaadh ah u maamulo arrimaha rayidka, sida ay qortay AP.

Xamaas ayaa ku tilmaantay tallaabadan mid muujinaysa sida ay uga go’an tahay dib u dhiska Qasa, hase yeeshee may caddeyn inay hubka dhigeyso ama ay maamulka amniga ku wareejin doonto ciidan caalami ah, arrintaas oo ah qodobka ugu weyn ee weli la isku mari la’yahay.

Hay’adda cusub ee loo yaqaan Guddida Nabada, oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump isla markaana loo xilsaaray maamulka iyo dib u dhiska Qasa, ayaa sheegtay inay qiimeyn doonto tallaabada Xamaas iyadoo eegaysa ficillada dhabta ah, ee aysan ku salayn doonin ballanqaadyo. Waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay in guddiga farsamada uu si buuxda gacanta ugu dhigo dhammaan hubka yaalla Qasa, sida ku cad heshiiska xabbad-joojinta.

Afhayeenka Xamaas, Haazim Qaasim, ayaa sheegay in kala dirista maamulka ay tahay “tallaabo wanaagsan” oo lagu hirgelinayo heshiiska xabbad-joojinta.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Saar, ayaa sheegay in tallaabada Xamaas ay tahay isku day ay uga fogaanayso hub ka dhigista, isaga oo sheegay in inta Xamaas hub haysato, maamul kasta oo rayid ahi uu ku shaqayn doono rabitaankeeda.

Muqdisho 8da Luulyo  2026 War-saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ayaa lagu sheegay in adeegga cusub uu u oggolaanayo dadka isticmaala WhatsApp inay yeeshaan magac guud (username) oo ka madax-bannaan lambarkooda taleefanka, arrintaas oo, sida ay hay’addu sheegtay, ay ka faa’iideysan karaan dambiilayaasha internetka, kooxaha argagixisada iyo kuwa wax isdaba mariya si ay isu ekaysiiyaan dad kale ama u fuliyaan khiyaanooyin.

NCA ayaa Meta ugu baaqday inay hakiso hirgelinta adeegga gudaha Soomaaliya ilaa laga sameynayo wadatashi farsamo oo lala yeesho dowladda, isla markaana la hirgeliyo tallaabooyin adag oo lagu ilaalinayo xogta gaarka ah ee dadka isticmaala laguna xakameynayo ku-takrifalka adeegga.

Hay’addu waxay sheegtay in nidaamyada xaqiijinta aqoonsiga, farsamooyinka ka hortagga ku-takrifalka iyo hababka kormeerka ay muhiim u yihiin ilaalinta ammaanka isticmaalayaasha ka hor inta aan muuqaalka cusub la hirgelin.

Waxay sidoo kale ka digtay in adeeggan uu khatar gelin karo nidaamka lacagaha moobaylka ee Soomaaliya, oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka, iyadoo sheegtay in adeegsiga magacyo aan la xaqiijin karin uu kordhin karo khiyaanooyinka maaliyadeed iyo khasaaraha soo gaari kara dadka isticmaala adeegyada lacagaha elektaroonigga ah.

Meta ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin codsiga dowladda Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxay ku biirtay dalal ay ka mid tahay Hindiya, oo hore ugu baaqay shirkadda inay dib u eegto hirgelinta adeeggan sababo la xiriira walaacyo dhinaca amniga, asturnaanta iyo khiyaanooyinka maaliyadeed. 

WARARKA MAANTA 7da Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Ma qofkii diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho ayaa doorasho qof iyo cod qaban doonaa? Yaa diiday inuu dhiso maqaamka #Muqdisho? Maxay xukuummadda Kutaanta/Dhiqlaha” ee Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” u amartay in muddo korarsi ah la sameeyo? Yaa noqday Madaxweyne iyo Raysal Wasaare ku fashilmay hogganka dalka maanta?  Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah iiso Dowladda Soomaaliya? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” oo ay xukuummaddiisa ku fashilantay hogganka dalka iyo la shaqaynta beesha caalamka taasoo dhaqaallihii u diiday inay siiso xukuummadda “Dhiqlaha/Kuntaanta? Yaa Soomaali iyo beesha caalamka la wadashaqayn kara? Ha wiqleyso! 

Baydhabo, Soomaaliya – 07 Luulyo, 2026: Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb gashay xaflad isugu jirtay casho sharaf iyo sagootin oo magaalada Baydhabo loogu sameeyey mas’uuliyiintii ka qeyb gashay xafladii caleema-saarka hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) 

Muqdisho 7da Luulyo  2026 Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ee ku sugan deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa ciidamada ku bogaadiyey naf-hurnimada, geesinimada iyo guulaha ay ka soo hooyeen hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo ku adkeeyey inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda si dalka looga ciribtiro argagixisada. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta taageerada ciidamada iyo dardargelinta hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku ammaanay heegankooda iyo diyaargarowgooda, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isku-duubnida iyo fulinta waajibaadkooda qaran si loo gaaro guulo waara. Taliyuhu waxa uu sheegay in hawlgalladu ay u socdaan si qorsheysan, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxda Al-Shabaab.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah safar dhanka dhulka ah oo Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ay maalmihii u dambeeyey ku marayeen gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, laguna dhiirrigelinayo ciidamada ku sugan furimaha hore, isla markaana lagu xoojinayo isku-duwidda hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada.

Muqdisho 7da Luulyo  2026 Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Cabdiqaadir Cali oo ka hadlay aqoon isweydaarsiga Iswaafajinta Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara ayaa carrabka ku adkeeyay in xasilintu aysan ku koobnayn hirgelinta mashaariic iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo keliya balse ay salka ku hayso dib u soo celinta kalsoonida u dhexeysa dowladda iyo bulshada, xoojinta karaanka maamullada heer deegaan iyo taageeridda bulshada si ay uga gudubto duruufaha adag una gaarto soo kabasho iyo xalal waara.

Dhanka kale, Agaasime Cabdul ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta isku-duwidda, qorsheynta ku saleysan baahiyaha iyo duruufaha deegaan kasta iyo sidoo kale hirgelinta barnaamijyada ay hoggaaminayaan bulshada iyo hay’adaha maxalliga ah isagoo ugu dambeyn tilmaamay in dedaallada xasilintu ay miro-dhal noqon karaan oo keliya marka ay isla jaanqaadaan jihaynta heer qaran, isku-duwidda heer federaal, hoggaaminta Dowlad-goboleedyada iyo hirgelinta heer degmo si loo xaqiijiyo natiijooyin wax ku ool ah oo si toos ah u taabanaya nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Baydhabo 7da Luulyo  2026 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalka uu si tartiib ah uga guurayo nidaamkii ku salaysnaa siyaasadda shaqsiyaadka iyo awood-qaybsiga qabiilka, isla markaana uu u socdo hannaan cusub oo ku dhisan xisbiyo siyaasadeed iyo doorasho qof iyo cod ah. 

Madaxweynaha oo ka hadlayey munaasabadda caleemasaarka Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa sheegay in Soomaaliya “ay ka daashay siyaasadda ku saleysan shakhsiga,” ayna lagama maarmaan tahay in loo gudbo nidaam dowladeed oo hay’ado iyo xisbiyo adag ku dhisan.

Waxa uu xusay in inkastoo ay jiraan caqabado amni iyo duruufo sababay in doorashooyin aan laga qaban karin dhammaan deegaannada dalka, haddana horumarka la gaaray uusan ahayn mid la iska indho tiri karo, isla markaana dib u dhacyadu aysan ka dhignayn in geeddi-socodka siyaasadeed hakad galay.

“Dalku wuxuu bilaabay isbeddel siyaasadeed oo weyn, waxaana si tartiib ah looga gudbayaa doorashooyinkii dadban iyo nidaamkii ku salaysnaa awood-qaybsiga qabiilka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Muqdisho 7da Luulyo 2026 Gabaygu waa nooc muujin dareen oo qoto-dheer, kaas oo dhisa xiriirka isla markaana gacan ka geysta horumarka aadanaha.

Soomaaliya, gabaygu ma aha oo keliya farshaxan – waa hab muhiim ah oo ay bulshooyinku ku wada xiriiraan.

Faa’iidooyinkiisa waxaa ka mid ah: in uu dadka si qoto dheer isugu xiro, in uu sahlo madal ammaan ah oo lagula tacaalo dhaawacyada nafsadeed, lagu wadaago sheekooyin, taas oo horseedda cafis iyo isfaham.

WARARKA MAANTA 6da Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta:Maxay beesha caalamka ugu baaqday inuu Madaxweyne hore Xassan Shiikh banneeyo Madaxtooyada #Villa-Somalia? Maxay Maraykanka uga jareen/gooyeen dhaqaalihii ay siin jireen #Soomaaliya? Yaa diiday inuu dhiso maqaamka #Muqdisho? Maxay xukuummadda Kutaanta/Dhiqlaha” ee Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” u amartay in muddo korarsi ah la sameeyo? Yaa noqday Madaxweyne iyo Raysal Wasaare ku fashilmay hogganka dalka maanta?  Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah iiso Dowladda Soomaaliya? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” oo ay xukuummaddiisa ku fashilantay hogganka dalka iyo la shaqaynta beesha caalamka taasoo dhaqaallihii u diiday inay siiso xukuummadda “Dhiqlaha/Kuntaanta? Yaa Soomaali iyo beesha caalamka la wadashaqayn kara? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 6da Luulyo  2026 Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa caawa kulan guud la qaatay bulshada degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga, horumarka degmada, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay ka-qaybqaadashada shacabka ee geeddi-socodka doorashooyinka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku bogaadiyey shacabka degmada Ceeldheer taageerada ay u hayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa dhankiisa ku ammaanay shacabka degmada Ceeldheer garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si loo dardargeliyo howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada loona xaqiijiyo amni waara

Muqdisho 6da Luulyo  2026 Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Baydhabo. Waxaa ooga horreeyay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dawladda federaalka ah ee muddo xileedkeedu dhammaaday. Dhanka kale, waxaa Baydhabo tagay Madaxweynayaasha Waqooyi Bari iyo Hirshabeelle, iyo Duqa Gobolka Banaadir.

Maanta ayaa loo madlan yahay, caleemasaarka Hogaamiye Aadan Madoobe oo dhawaan lagu doortay doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo cod

Puntland 6da Luulyo  2026 Guddi ka kooban siyaasiyiin iyo ganacsato ka soo jeeda gobolka Nugaal ayaa ku guuleystay inay qaboojiyaan xiisad maalmihii la soo dhaafay ka taagnayd magaalada Garowe, taasoo u dhaxaysay maamulka Puntland iyo ciidamo ka amar qaata dowladda federaalka oo ku sugan duleedka magaalada. 

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen, xubnaha guddiga ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ku qanciyay in aan la qaadin tallaabo ciidan oo ka dhan ah ciidamada ku sugan Garowe. Waxay sidoo kale ku boorriyeen in mudnaanta la siiyo dadaallada lagu xallinayo xiisadda si looga hortago inay isu beddesho isku dhac hubeysan.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in guddigu ay la xiriireen Jimcaale Jaamac Takar, oo haatan ku sugan magaalada Laascaanood, isla markaana la sheegay in loo magacaabay taliyaha Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sida xogaha lagu helayo, guddigu waxay Janaraalka ka codsadeen inuu dib u dhigo safar uu ku tagi lahaa Garowe, si looga fogaado tallaabo ciidan oo Puntland ay qaadi karto haddii uu magaalada soo galo.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in guddigu ay gaarsiiyeen farriin ka timid Madaxweyne Deni oo ku saabsan inuusan xilligan soo gelin Garowe. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa kadib go’aan ay dhowaan soo saareen Golaha Wasiirrada Puntland oo lagu mamnuucay dhaqdhaqaaqa saraakiisha iyo ciidamada ka tirsan dowladda federaalka gudaha deegaannada Puntland.

Xubno ka tirsan guddiga ayaa u sheegay HOL in Gen. Jimcaale uu aqbalay inuu hakiyo ama dib u dhigo qorshihii uu ku imaan lahaa Garowe, isagoo sugaya natiijada dadaallada ay wadaan siyaasiyiinta dhexdhexaadinta wada. Sida ay sheegeen, wuxuu caddeeyay in ciidamada uu hoggaaminayo aysan wadin wax dhaqdhaqaaq ah oo lid ku ah amniga iyo xasilloonida Puntland, isla markaana aysan qorsheynayn wax dhaqdhaqaaq ciidan ah oo ka dhaca gudaha Puntland.

Guddiga ayaa sheegay inay sii wadaan dadaallada lagu raadinayo xal nabadeed oo suuragelinaya in Gen. Jimcaale uu ugu soo laabto Garowe si aan xiisad loo abuurin. Waxaa sidoo kale la filayaa inay maalmaha soo socda mar kale la kulmaan Madaxweyne Deni, si ay ugu gudbiyaan talooyinka ay diyaariyeen ee la xiriira dejinta xaaladda.

WARARKA MAANTA 3ta Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Maxaa ka oohiyey Madaxweyne hore Xassan? Maxay Maraykanka uga jareen/gooyeen dhaqaalihii ay siin jireen #Soomaaliya? Yaa diiday inuu dhiso maqaamka #Muqdisho? Maxay xukuummadda Kutaanta/Dhiqlaha” ee Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” u amartay in muddo korarsi ah la sameeyo? Yaa noqday Madaxweyne iyo Raysal Wasaare ku fashilmay hogganka dalka maanta?  Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah iiso Dowladda Soomaaliya? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” oo ay xukuummaddiisa ku fashilantay hogganka dalka iyo la shaqaynta beesha caalamka taasoo dhaqaallihii u diiday inay siiso xukuummadda “Dhiqlaha/Kuntaanta? Yaa Soomaali iyo beesha caalamka la wadashaqayn kara? Ha wiqleyso! 

African union 5ta Luulyo  2026 Midowga Afrika (AU) ayaa ka digay in howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu wajihi karo caqabado amni iyo saadka ah oo culus, kadib markii Mareykanku si rasmi ah u xaqiijiyay inuu joojinayo taageerada uu siiyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) laga bilaabo 31-ka Diseembar 2026.  

Warsaafadeed laga soo saaray kulan degdeg ah oo ay yeesheen La-taliyeyaasha Militari ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in joojinta taageerada UNSOS ay halis gelin doonto awoodda howlgalka AUSSOM ee dhinacyada saadka, daad-gureynta dhaawacyada (MEDEVAC), shidaalka, biyaha, raashinka iyo gaadiidka cirka.

Warbixintu waxay muujisay in miisaaniyadda taageerada saadka ee UNSOS ay gaareyso $502 milyan, halka miisaaniyadda sannadlaha ah ee AUSSOM ay tahay $190 milyan, taasoo ka dhigaysa taageerada UNSOS laf-dhabarta howlgalka. 

Midowga Afrika ayaa sidoo kale ka digay in haddii aan la helin hannaan cusub oo lagu beddelo taageerada UNSOS, ay sii kordhi karto nuglaanta magaalooyinka istaraatiijiga ah, ay yaraan karto awoodda gurmadka caafimaadka, isla markaana ay kooxda Al-Shabaab ka faa’iideysan karto farqiga ka dhasha howlgalka. 

Intii uu socday kulanka, waxaa la soo bandhigay saddex waddo oo suurtagal ah oo lagu wajihi karo xaaladda, tan koowaad ayaa ah In AUSSOM lagu sii wado iyadoo taageero laba geesood ah laga raadinayo dalalka deeq-bixiyeyaasha, mida labaad In la dhiso howlgal goboleed oo ka yar kan hadda jira Ama in si tartiib tartiib ah ciidamada AUSSOM looga saaro Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyadda amniga lagu wareejinayo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Midowga Afrika waxay xuseen inaan weli wax go’aan kama dambeys ah laga gaarin xulashooyinkan, iyadoo wada-tashiyo dheeraad ah la filayo maalmaha soo socda. 

Puntland 5ta Luulyo  2026Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Najiib Barkhadle Warsame, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in qorshaha ay ku sheegayso qorista ciidamo cusub uusan ahayn mid lagu dhisayo ciidan qaran, balse uu yahay dadaal lagu wiiqayo amniga iyo xasilloonida Puntland. 

Najiib Barkhadle ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda federaalka ay ku dhawaaqeen qorshe lagu qorayo tobannaan kun oo askari, isagoo su’aal geliyay sababta ciidamo cusub looga qoranayo Puntland xilli uu sheegay in maamulkaasi uu muddo dheer safka hore kaga jiray dagaalka lagula jiro kooxaha argigixisada.

Wasiir Barkhadle ayaa sheegay in ciidamada hadda la qorsheynayo in laga qoro Puntland aan loogu talagelin dhismaha ciidan qaran ama xoojinta amniga dalka, balse uu rumeysan yahay in loo adeegsan doono abuurista qalalaase iyo carqaladeyn lagu sameeyo deegaannada xasilloon ee Puntland.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka inay ka dambeyso qorshe lagu khalkhalgelinayo Puntland, isagoo sheegay in shacabka Puntland looga baahan yahay inay ilaashadaan maamulka, dowladnimada iyo xasilloonida deegaannadooda, isla markaana aysan ku kadsoomin, sida uu yiri, olole siyaasadeed oo ka dhan ah Puntland.

Muqdisho  5ta Luulyo  2026 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota, Marwo Naadiya Maxamed, oo booqasho ku timid Soomaaliya. 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka qurba-joogta Soomaaliyeed ee horumarinta dalka iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Madaxtooyada, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Naadiya Maxamed guulaha ay ka gaartay hoggaaminta iyo ka qeybgalka siyaasadda Mareykanka, isagoo xusay in guulaheeda ay muujinayaan kartida iyo kaalinta ay Soomaalidu ku leeyihiin bulshada caalamka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyay Duqa Magaalada St. Louis Park inay sii xoojiso dadaallada lagu kobcinayo xiriirka labada dal, isla markaana ay ka qeyb qaadato horumarinta maalgashiga, adeegyada bulshada iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Muqdisho  5ta Luulyo  2026  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa sheegay inay fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Farsoleey, kaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.  Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ciidamada, howlgalka waxaa lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka 20 kale lagu dhaawacay. 

Ciidanku waxay sheegeen in tiradan lagu xaqiijiyay warbixinno hordhac ah oo laga helay goobta howlgalka sida ku cad war saxaafadeedkoodi.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay burburiyeen xarumo iyo goobo ay kooxda u adeegsan jirtay abaabulka iyo qorsheynta falal amni-darro.

WARARKA MAANTA 3da Luulyo  2026 

Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne xilka ka dhammaaday Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u rabaa in la burburiyo #Puntland Iyo #Somaliland? Yaa dastuurkii dalka beddeshay Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay qabuurihii Madaxweyne hore Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa si sharci-darro ah ku jooga Madaxtooyadda “Dhuuso-Fooxiye” Madaxweyne Xassan? Yaa maanta xirxiraaya qofkii runta sheega?  Yaa diiday inuu dhiso maqaamka #Muqdisho? Maxay xukuummadda Kutaanta/Dhiqlaha” ee Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” u amartay in muddo korarsi ah la sameeyo? Yaa noqday Madaxweyne iyo Raysal Wasaare ku fashilmay hogganka dalka maanta?  Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah iiso Dowladda Soomaaliya? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” oo ay xukuummaddiisa ku fashilantay hogganka dalka iyo la shaqaynta beesha caalamka taasoo dhaqaallihii u diiday inay siiso xukuummadda “Dhiqlaha/Kuntaanta? Yaa Soomaali iyo beesha caalamka la wadashaqayn kara? Ha wiqleyso! 

Muqdisho  3da Luulyo  2026 Haweenka oo si mug leh uga qaybqaata waxa ay udub-dhexaad u tahay dhismaha hay’ado amni oo waxtar leh, la xisaabtan leh, dhammaan bulshadana u dhan tahay.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho ku soo gaba-gaboobay tababar ku saabsan tababarka tababarayaasha oo loo qabtay 35 wakiil oo ka kala socday Xafiiska Amniga Qaranka, xafiisyada amniga ee Dowlad Goboleedyada, wasaaradaha iyo hay’adaha amniga dalka. Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhaqangelin lahaa ajandaha Haweenka, Nabadda iyo Amniga (WPS) ee qaybta amniga Soomaaliya.

Tababarkan oo ay iska kaashadeen Xafiiska Amniga Qaranka, si wadajir ahna ay u taageereen Xafiisyada UNTMIS_iyo UNDP Soomaaliya, ayaa ka-qaybgalayaasha siiyay xirfadihii ay ku bilaabi lahaayeen diyaarinta khariidado-hawleed heer Dowlad Goboleed ah. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe-hawleedyada mustaqbalka ee lagu xoojinayo doorka iyo hoggaaminta haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan arrimaha amniga.

Muqdisho 3da Luulyo  2026  Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa sheegay in Soomaaliya ay bisha Oktoobar 2026 si rasmi ah u soo saari doonto baasaboor cusub oo casri ah, kaas oo leh astaamo amni oo la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah. 

Xuseen ayaa sheegay in baasaboorka cusub uu yahay jiilka saddexaad (third generation), isla markaana lagu kordhiyay astaamo amni oo sare u qaadaya kalsoonida iyo aqoonsiga dukumentiga safarka ee Soomaaliya.

Sida uu sheegay Agaasimuhu, baasaboorka cusub waxaa lagu xiri doonaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyadoo xogta aqoonsiga muwaadinka lagu dari doono bogga xogta (data page) ee baasaboorka.

“Marka la gaaro bisha Oktoobar waxaan yeelan doonnaa baasaboor cusub oo casri ah, waxaana lagama maarmaan noqon doonta in Kaarka Aqoonsiga Qaranka uu qayb ka noqdo nidaamka bixinta baasaboorka,” ayuu yiri Xuseen.

Muqdisho  3da Luulyo  2026  Maraykanka ayaa sheegay in uusan taageeri doonin sii socoshada maalgelinta iyo taageerada saadka ee Qaramada Midoobay ay siiso Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar 2026, isagoo sabab uga dhigay in Soomaaliya ay ku guuldareysatay inay la wareegto mas’uuliyadda amnigeeda inkastoo ay heshay taageero caalami ah oo socotay muddo ka badan toban sano. 

Qoraal rasmi ah oo ay 1-da Luulyo 2026 Ergada Maraykanka u dirtay guddiga Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Washington aysan diidmo ka qabin in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kordhiyo waajibaadka AUSSOM, balse aysan taageeri doonin wax cusboonaysiin ah oo ay ku jirto xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS ama nooc kasta oo taageero saadka iyo hawlgalka ah oo Qaramada Midoobay bixiso.

Maraykanka ayaa xusay inuu tan iyo 2007 ku bixiyay ku dhowaad laba bilyan oo doollar taageerada UNSOS iyo hay’addii ka horreysay, $1.6 bilyan oo kale oo gargaar laba geesood ah oo la siiyay dalalka ciidamada ku leh howlgalka, iyo boqolaal milyan oo doollar oo lagu taageeray ciidamada ammaanka Soomaaliya, marka laga soo tago gargaar bani’aadannimo iyo mid horumarineed oo ballaaran.

Muqdisho  3da Luulyo  2026 Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa si adag uga jawaabay warbixin ay soo saartay hay’adda International Crisis Group (ICG), taas oo ka digtay in Al-Shabaab ay 2025 sameysay horumarro milatari oo dib u celiyay guulihii ay dowladda Soomaaliya sheegatay labadii sano ee la soo dhaafay. 

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, ayuu Cali Balcad ku sheegay in ay “caado noqotay” in qaar ka mid ah goobaha siyaasadda lagu sawiro Soomaaliya sidii dal si joogto ah u fashilmay, isla markaana aan awood u lahayn inuu iskiis u maareeyo amnigiisa, dib u dhiso hay’adihiisa, ama si wax ku ool ah isu maamulo.

Wuxuu sheegay in sheekadaas ay tahay mid “aan dhammaystirnayn oo aan caddaalad ahayn,” isaga oo xusay in dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku hawlan tahay saddex arrimood oo uu ku tilmaamay kuwa ugu adag ee dowlad daciif ah wajihi karto: la-dagaallanka Al-Shabaab, dhismaha ciidamada amniga qaranka, iyo dib-u-eegista dastuurka oo uu ku sheegay aas-aaska doorashooyin sharci ah iyo dowlad dhisan.

“Ma jiro khabiir dhab ah oo ku takhasusay dib-u-dhiska dalalka colaadaha ka soo kabanaya oo odhan kara midkoodna hawlahan waa sahlan yahay,” ayuu yiri Cali Balcad, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay isku mar u wajahday dhammaan caqabadahaas “iyadoo dagaal ku jirta isla markaana ay saameynayaan kheyraad yaraanta.”

Muqdisho  3da Luulyo  2026 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan jirin wax xiriir ama wada-shaqeyn ah oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, isaga oo eedeymaha sheegaya in dowladda dhexe ay ka abaabulayso qalalaase Puntland ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad lahayn. 

Khudbad ka uu jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho,  ayuu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in wasaaradaha dowladda federaalka iyo kuwa Puntland aysan wada shaqeyn, isla markaana xiriirka labada dhinac uu gebi ahaanba hakad ku jiro.

“Waxba kama jiraan eedeymaha sheegaya in Muqdisho laga abaabulayo fitno laga hurinayo Puntland,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale beeniyay eedeymaha ah in dowladda federaalka ay ciidamo ama maleeshiyaad ka abaabulayso Muqdisho si ay uga hawlgalaan Puntland.

Wuxuu sheegay in askarta laga qoray deegaannada Puntland ay muddo bilo ah ka tirsanaayeen ciidamada dowladda, mushaharna ay si joogto ah u qaadanayeen, isaga oo xusay in aysan ku lug yeelan falal amni-darro ama qalalaase.

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay hoggaanka Puntland in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal, isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay wadahadal kasta oo lagu xallinayo kala aragti duwanaanshaha jira.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay maamulka Puntland inuu hor istaagay hirgelinta qaar ka mid ah barnaamijyada dowladda federaalka, oo ay ku jiraan qorshe lagu tababarayay laguna qorayay boqolaal macallin oo laga shaqaaleysiin lahaa dugsiyada gobolka, isaga oo sheegay in barnaamijyadaas laga hirgeliyay dowlad-goboleedyada kale balse Puntland ay diiday.

Hadallada Xasan Sheekh ayaa imaanaya iyadoo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa dowladda federaalka iyo Puntland ay sii xoogeysaneyso, kadib khudbad uu toddobaadkan jeediyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo ku eedeeyay dowladda federaalka faragelin iyo tallaabooyin uu sheegay inay wiiqayaan nidaamka federaalka.

Muqdisho  3da Luulyo  2026  Khudbadda 1da luulyo

Caawo waxaan xusaynaa maalinta Xorriyadda iyo midnimadda, gaar ahaan Kowda Luulyo, oo ah maalin weyn oo ku suntan dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waa maalintii calanka Soomaaliyeed si xor ah looga taagey dhulka Jamhuuriyadda, lana dejiyey calankii iyo calaamadihii gumeystayaasha Talyaaniga, Ingiriiska iyo calankii UN-ta.

Waxaynuna kamid noqoqney dalalka dunida, inagoo noqoney qaran madax-banaan.

Caawa waxeynu halkaann u joognaa farxada iyo qiimaha weyn ee habeenkaani lee yahay, waxaan jeclahay in aan caawa dib isu xasuusino taariikhda iyo guusha aan u dabaaldegayno iyo qeybo kamid ah

dhacdooyinkii waaweynaa ee halgankii gumeysi-diidka Soomaaliyeed.

Gumeystaha ka hor.

– Bulshada Soomaaliyeed waxay aheyd bulsho kunool Geeska Afrika, lehna nidaamyo maamul, hogaamiyayaal dhaqan iyo kala danbeyn ka jirtey deegaanadda oo ku saleysan xeerar dhaqan iyo talo- wadaag

– Bulshada waxaa indheergarad u ahaa culimada, abwaannada, odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo hoggaamiyeyaasha bulshada.

Wakhtigii Gumeystuhu Soo Galey Dhulka Somalida.

1- Kadib Shirkii Berlin ee ka dhacey dalka Germany sanadkii 1884, quwadihii reer Yurub waxay bilaabeen inay si rasmi ah u qeybsadaan qaaradda Afrika.

2- Dhulka Soomaaliyeedna wuxuu qeyb ka ahaa dhulalkaas la qeybsadey si loo maamulo, ayna isku balaariyaan

3- Ingiriisku wuxuu gobollada waqooyi soo galey intii u dhexeysay 1884 ilaa 1887

4- Halka Talyaanigu uu soo galey dhulka Soomaaliyeed sanadkii 1889, maamulka Talyaaniguna wuxuu si weyn u xoogaystay wixii ka dambeeyay sanadkii 1905

Soo geliddii gumeystayaasha kadib, Soomaalidu gumeysiga si fudud kuma aqbalin, waxaa bilowday iska-caabbin, kacdoon iyo halgan dheer oo

lagaga soo horjeeday qabsashada shisheeye.

5.Halganka gumeyste-diidka Soomaalida wuxuu ka bilowday kacdoonno hubeysan 1890-meeyadii, wuxuuna ku fiday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed

oo horseeday xornimada Soomaaliya 1960.

Halgankaas xornimo wuxuu lahaa dhacdooyin iyo halyeeyo waaweyn.

Waxaana ka mid ahaa –

6- 1890-meeyadii ilaa 1908, waxaa deegaanadda Benadir iyo Shabeelooyinka ka dhacey kacdoono lagu diidan yahay gumeystihii Talyaaniga, Waxaana dhacey dagaalkii Lafoole 1896.

7- Sanadaddii 1899 – 1920 waxaa isna dhacey halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Daraawiishta, oo muddo dheer la dagaallamey gumeysiga. Sida Dagaalladii Afbakeeyle, Jidbaale, Dulmadoobe iyo goobo kale waxay noqdeen astaan muujinaysa in

gobannimada lagu gaaro naf-hurnimo, adkeysi iyo midnimo.

8- 1924 waxaa dhacey isna Kacdoonkii Sheekh Xasan Barsane, oo ka dhacey Shabeellaha Dhexe, wuxuuna ka dhan ahaa gumeysigii Talyaaniga.

9- Sanadihii 1925 ilaa 1927, waxaa jirey iska-caabbino iyo kacdoono ka dhacey deegaanadda iyo xeebaha bari ee dalka sida  Degmada Xaafuun, dagaaladaas oo lagu diidanaa farogelinta gumeystayaasha

9-1- 15 May 1943, waxaa Muqdisho lagu aas-aasay ururkii SYL.

Ururkaan dhaliyarada ahi wuxuu noqdey tiirkii ugu weynaa ee halgankii siyaasadeed ee xornimada.

10- 1948, banaanbaxyadii Muqdisho iyo dagaalkii Hanoolaato.

Waxaa halkaas ku shahiiday dad Soomaaliyeed oo ay ka mid ahayd Xaawo Taako, oo noqotay astaan geesinimo, waddaniyad iyo midnimo qaran.

11- 1949, dhacdadii Dhagaxtuur iyaduna waxay ka mid tahay dhacdooyinka muhiimka ah ee halganka Soomaaliyeed. Waxay muujisay sida shacabka, gaar ahaan dhallinyaradu, uga dhiidhiyeen

dulmiga gumeysiga, una muujiyeen rabitaankooda xornimo, Sharaf iyo qaranimo.

– Halgamadaas kala duwan waxaa sidoo kale qeyb weyn ka qaatay askar, dagaalyahanno iyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan magacyadooda la diiwaangelin. Qaar badan waxay ku shahiideen goobaha dagaalka iyaga oo difaacaya dhulka, sharafta iyo xorriyadda shacabka Soomaaliyeed.

Xusuustooda waxaa manta astaan u ah Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

– Daljirka Daahsoon wuxuu matalaa askarigii aan la magacaabin, geesigii aan magaciisa la qorin iyo muwaadinkii Soomaaliyeed ee naftiisa u huray in dalkani xor ahaado, calankiisuna taagnaado.

– Calanka Soomaaliyeed wuxuu isna ahaa dhacdo kale, wuxuuna astaan u yahay dhammaan halganadaas. 12-kii Oktoobar 1954-kii, calanka buluugga ah ee xiddigta cad leh ayaa si rasmi ah loogu arkay fagaarayaasha, taasoo qalbiyada Soomaaliyeed ku beertay farxad, rajo iyo yididiilo.

12- Halganka Soomaalidu kuma ekaan 1960, waxaa la raadiyey dhulalkii maqnaa ee Soomaalida, walaalaheen Jabuuti waxay sii waday halganka ka dhanka ahaa Faransiiska ilaa ay xornimo ka qaadatey

27 Juun 1977.

Mudane Madaxweyne iyo Mudanayaal,

Dhacdooyinkaas taariikhiga ah waxay na barayaan in xornimadu aysan ku imaan si fudud. Waxay ku timid dhiig, halgan, midnimo iyo aragti qaran.

Sidaas darteed, maanta waxaa muhiim innoo ah in aynu ilaalinno calanka, midnimada, wadajirka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, kana feejignaano damacyadda shisheeye ee guracan.

Ugu dambeyntii, Mudane Madaxweyne, mudanayaal iyo marwooyin

Waxaan u ducaynaynaa dhammaan halyeeyadii Soomaaliyeed ee u soo

halgamey gobannimada, kuwii magacyadooda la yaqaan iyo kuwii aan laqoonba.

Dhanka kale, waxaan mahadnaq iyo bogaadin u jeedinayaa guddiyadii qabanqaabada Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada iyo Maamulka Gobolka Banaadir doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen diyaarinta iyo bilicda munaasabadaha.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa ciidamada amniga, warbaahinta, fannaaniinta, dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan cid kasta oo ka qeyb qaadatey qabsoomidda xuskan.

Hambalyo Kowda Luulyo.

Mahadsanidiin.