Wararka

WARARKA MAANTA 7da Maarso 2025

Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa beddeshay dastuurka?  Yaa diiday inay shacabka #Muqdisho helaan #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Sacuudiga 7da Maarso 2025 Koox dhakhaatiir Sacuudiyaan ah ayaa ku guulaystay inay si guul leh u kala saaraan mataano Soomaali ah oo isku dhegganaa, kuwaas oo lagu kala jaray qalliinka lagu sameeyay Isbitaalka Carruurta ee King Abdullah Specialized Children’s Hospital ee magaalada Riyadh.

Mataanahan oo lagu kala magacaabo Raxma iyo Ramla, isla markaana da’doodu ahayd 13 bilood, ayaa iskaga dhegganaa qaybta hoose ee caloosha iyo miskaha. Qalliinka lagu kala saaray ayaa socday ku dhowaad 14 saacadood, waxaana loo fuliyay siddeed marxaladood oo kala duwan.

Howlgalka qalliinka ayaa waxaa ka qayb qaatay 37 dhakhtar, khubaro caafimaad iyo kalkaaliyeyaal ku takhasusay suuxinta, caafimaadka carruurta, lafaha iyo qalliinka dib-u-habaynta jidhka.

Mataanahan ayaa Sacuudi Carabiya la geeyay bishii May ee sannadkii hore, kaddib markii Boqor Salmaan uu amray in dalka loo qaado si loogu sameeyo baadhitaanno caafimaad oo lagu qiimeeyo suurtagalnimada qalliinka lagu kala saarayo.

Qalliinka waxaa hoggaaminayay dhakhtarka caanka ah ee Dr. Cabdullah Al-Rabeeah, oo madax ka ah Barnaamijka Kala-Jarista Mataanaha Isku Dheggan ee Sacuudiga (Saudi Conjoined Twins Program), isla markaana ah kormeeraha guud ee hay’adda gargaarka bini’aadantinimo ee KSrelief.

Dhakhaatiirtu waxay hore u sheegeen in mid kasta oo ka mid ah mataanaha uu lahaa laba lugood oo dhamaystiran, balse ay wadaagayeen lafaha miskaha, mindhicirka weyn iyo malawadka, iyadoo sidoo kale ay isku dhex yaalleen qaybo ka mid ah hab-dhiska kaadi-mareenka iyo taranka.

Wararka caafimaadku waxay sidoo kale tilmaameen in Ramla ay si buuxda labada kelyood shaqada u joojiyeen, taasoo ka dhigan in ay u baahan doonto sifaynta dhiigga (dialysis)  qalliinka ka dib. Raxma iyaduna waxay qabtay cillad ku timid kelida bidix oo aan shaqaynayn, halka kelida midig ay ku jireen finan biyo leh balse ay shaqaynaysay.

Inkasta oo markii hore qalliinkan guushiisa lagu qiyaasay 40 boqolkiiba sababo la xidhiidha xaaladda caafimaad ee mataanaha, haddana dhakhaatiirta ayaa ugu dambayn ku guulaystay inay si nabad ah u kala saaraan labada gabdhood.

Raxma iyo Ramla ayaa noqday mataanihii 68-aad ee isku dhegganaa ee lagu kala saaro Barnaamijka Sacuudiga ee kala-jarista mataanaha, kaas oo la aasaasay ku dhowaad 35 sano ka hor, isla markaana ka mid ah barnaamijyada caafimaad ee ugu caansan ee dunida.

Muqdisho 7da Maarso 2025 Xisbiga siyaasadeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne hore Sheikh Sharif Sheikh Axmed ayaa si cad digniin u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana lagu booriyey in inta uga harsan muddo xileedkiisa uu diiradda saaro qabanqaabada doorashooyin lagu heshiiyay oo ay ka wada qayb qaataan dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka.

Xisbiga ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay muhiimadda ay leedahay in la gaaro heshiis doorasho oo ay wada oggol yihiin dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed ee Soomaaliya, si loo ilaaliyo xasiloonida siyaasadeed. 

Waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in haddii aan la helin hab doorasho oo ay wada oggol yihiin dhinacyada siyaasadda, ay taasi keeni karto xiisado siyaasadeed iyo xaalado aan la hubin oo saameyn taban ku yeelan kara maamulka dalka.

Sidoo kale, xisbiga ayaa dowladda ku boorriyay inay mudnaanta siiso wadahadal iyo iskaashi ka dhaxeeya hogaamiyayaasha siyaasadda iyo hay’adaha dalka, si loo xaqiijiyo doorasho nabdoon, hufan oo lagu kalsoonaan karo, loogana hortago khilaafaad iyo dhibaato siyaasadeed oo ka dhalan karta Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa muujinaya welwelka sii kordhaya ee siyaasiyiinta ka qabaan baahida loo qabo in go’aamada muhiimka ah la gaarsiiyo si wadajir ah, iyadoo dalka uu ku dhow yahay dhammaadka xilka madaxweynaha hadda jira.

Maraykanka 7da Maarso 2025 Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uuna jiri doonin wax wadahadal ah oo lagu soo afjarayo dagaalka Bariga Dhexe ilaa ay Iiraan si shuruud la’aan ah isu dhiibto. Iiraan ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u tahay in ay is difaacdo, xilli dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan uu galay maalintiisii sideedaad.

Trump ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in heshiis kasta oo la gaadho uu ku xidhnaan doono in Tehran marka hore ogolaato “is-dhiibid aan wax shuruud ah lahayn.” Wuxuu intaas ku daray in marka arrintaasi dhacdo, Mareykanka iyo xulafadiisu ay ka shaqayn doonaan sidii Iiraan dib loogu soo celin lahaa dhaqaale ahaan.

“Marka ay arrintaasi dhacdo, ee la doorto hoggaan wanaagsan oo la aqbali karo, annaga iyo xulafadayadu waxaan si hagar la’aan ah uga shaqayn doonaa in Iiraan dib looga soo celiyo qarka burburka,” ayuu yidhi Trump, isaga oo hadalkiisa ku soo gunaanaday halku-dhegga cusub ee “Aynu mar kale Maraykanka ka dhigno mid wayn (MIGA)”.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Araghchi ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu aanu codsan doonin xabbad-joojin isla markaana aanu diyaar u ahayn wada-hadal uu la galo Mareykanka.
Araghchi oo wareysi siiyay NBC ayaa sidoo kale sheegay in haddii ciidamada lugta ee Mareykanku ay ku soo duulaan dhulka Iiraan ay la kulmi doonaan “masiibo weyn.”

“Kama cabsaneyno duulaan dhulka ah. Waan sugaynaa haddii ay yimaadaan, waanan awoodnaa inaan ka hortagno,” ayuu yidhi.

Dagaalkan ayaa bilaabmay toddobaad ka hor kadib weerarro ballaadhan oo ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan, kuwaas oo lagu burburiyay qaar ka mid ah xarumaha milatari ee dalkaas isla markaana lagu dilay hoggaamiyihii sare ee Iiraan.

Xiisadda ayaa weli sii kordheysa, iyadoo aanu muuqan wax calaamad ah oo muujinaysa in dagaalku dhawaanahan ku joogsan doono.

Maraykanka 7da Maarso 2025 Cabdulkarim Faarax oo asalkiisu yahay Soomaali ku nool magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa lagu xukumay 57 bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inuu door ku lahaa isku day lagu laaluushayay xubin ka tirsan xeer-beegti (jury).

Xukunkiisa ayaa la xiriira dacwad weyn oo ku saabsan eedeymo sheegaya in lacago badan oo loogu talagalay barnaamijyada quudinta carruurta intii lagu jiray cudurka COVID-19 si khiyaano ah loo qaatay. Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay tobannaan qof inay ka faa’iideysteen barnaamijyadaas iyagoo sameeyay sheegashooyin been ah oo ku saabsan cuntada la siiyo carruurta.

Intii ay socotay mid ka mid ah maxkamadihii ugu horreeyay ee kiiskaas, Cabdulkarim Farax ayaa la sheegay inuu ka qeyb qaatay qorshe lagu doonayay in lagu laaluusho xubin ka mid ah xeer-beegtida si ay u soo saarto go’aan ah in eedeysanayaashu aanay dembi lahayn. Sida ku cad dukumentiyada maxkamadda, Faarax iyo dad kale ayaa bartilmaameedsaday xubin xeer-beegti ah oo loo aqoonsaday “Juror 52”.

Garsooraha federaalka ee kiiska xukunka ku riday, Eric C. Tostrud, ayaa sheegay in nidaamka xeer-beegtida uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee caddaaladda dembiyada ee Mareykanka, isla markaana isku day kasta oo lagu faragelinayo xeer-beegtida uu yahay arrin aad u culus. Garsooraha ayaa sidoo kale u mahadceliyay xeer-beegtida la bartilmaameedsaday oo diiday inay qaadato laaluushka.

Baaritaanka kiiskan waxaa hoggaaminayay hay’adda Dambi Baarista Maraykanka, iyadoo ay gacan ka geysteen hay’ado kale oo federaal ah. 

WARARKA MAANTA 6da Maarso 2025

Su’aalaha Maanta: Yaa kufsaday dastuurka dalka? Yaa diiday inay shacabka #Muqdisho helaan #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Iran  6da Maarso 2025 Ciidamada Iiraan ayaa sheegay in ay weeraro gantaallo ah ku qaadeen xarumo ay leeyihiin kooxaha Kurdiyiinta ee mucaaradka ku ah dowladda Iiraan, kuwaas oo ku sugan waqooyiga Ciraaq. CIA-da ayaa ka shaqaynaysa in kooxahani weerar dhulka ah ku qaadaan Iiraan.

Bayaan ay warbaahinta dowladda Iiraan baahisay ayaa lagu sheegay in ciidamada dalkaasi ay saddex gantaalo ku beegsadeen “kooxo Kurdiyiin ah oo ka soo horjeeda kacaanka Iiraan” oo ku sugan dhulka Kurdistaan ee Ciraaq.

Weerarradan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan duqeymaha ay Iiraan ka fulinayso deegaanada Kurdiyiinta ee ku kala yaalla gudaha Iiraan iyo Ciraaq. Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in xaaladdu kacsan tahay iyadoo la tuhunsan yahay in Maraykanku doonayo in kooxaha Kurdiyiinta ay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Iiraan, xilli ay socdaan weerarro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadayaan dalkaas.

Warbaahinta BBC-da ayaa xaqiijisay in hal qof uu ku dhintay saddex kalena ay ku dhaawacmeen weerarro ay Iiraan Talaadadii iyo Arbacadii ku qaaday laba saldhig oo kala duwan oo ay leeyihiin kooxaha mucaaradka Kurdiyiinta.

Mid ka mid ah saldhigyada ayaa la sheegay in gantaal ballistik ah uu ku dhacay 11:00 subaxnimo ee waqtiga maxalliga ah, taas oo dhaawacday afar askari oo ka tirsan ciidamada Peshmerga-da Kurdiyiinta. Mid ka mid ah askartaasi ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawicii soo gaadhay.

Weerarkaasi wuxuu burburiyay mid ka mid ah dhismayaashii saldhigga, iyadoo goobta laga arkayay burbur baaxad leh. Waxaa sidoo kale halkaasi ka muuqday god weyn oo uu gantaalku ka qoday dhulka. Dhanka kale, saldhig kale oo ay leedahay xisbiga Democratic Party of Iranian Kurdistan (KDPI) ayaa la sheegay in Talaadadii lagu qaaday laba weerar oo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), kuwaas oo dhaawacay hal qof oo rayid ah.

Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee siyaasadda ee KDPI ayaa BBC-da u sheegay in Kurdiyiintu ay rumeysan yihiin in dagaal ay ku qaadaan gudaha Iiraan ah uu dhawaan dhici karo, inkastoo aanu sheegin waqti cayiman. Sidoo kale askari 25 jir ah oo lagu magacaabo Xasan, oo sita qori AK-47, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu gudaha u galo Iiraan si uu “xorriyada ugu dagaallamo”.

Kurdiyiinta ayaa lagu qiyaasaa inay gaadhayaan inta u dhaxaysa 25 illaa 35 milyan oo qof, kuwaas oo ku nool dhul buuraley ah oo ku kala fidsan dalalka Turkiga, Ciraaq, Suuriya, Iiraan iyo Armeniya. Inkastoo ay yihiin qowmiyadda afraad ee ugu weyn Bariga Dhexe, haddana weligood ma helin dowlad madax-bannaan oo rasmi ah.

Maraykanka 6da Maarso 2025 Xiisadda dagaal ee ka taagan Bariga Dhexe ayaa sii xoogaysanaysa, iyadoo weerarro culus ay ka socdaan gudaha Iiraan iyo dalal kale oo gobolka ah. Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Iiraan si xawli ah loo wiiqayo, isaga oo ku dooday in awooddii milatari ee dalkaasi ay si weyn u burburtay kaddib weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil.

Trump ayaa sheegay in ciidamada cirka iyo nidaamka difaaca hawada ee Iiraan ay si weyn u burbureen, isaga oo tilmaamay in hawlgallada militari ay marayaan heer ka sarreeya wixii markii hore la filayay. Sida uu sheegay, weerarrada socda ayaa si degdeg ah u gaadhaya badhtilmaameedyadooda, isaga oo sheegay in ay saameyn weyn ku yeesheen awoodda dagaal ee Tehran.

Dhanka kale, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan, Ali Larijani, ayaa sheegay in ciidamadooda ay diyaar u yihiin haddii Maraykanku isku dayo duullaan dhulka ah. Wuxuu ku hanjabay in ay si adag uga jawaabi doonaan tallaabo kasta oo militari oo dheeraad ah, isaga oo sheegay in ciidamada Iiraan ay sugayaan weerar kasta oo cusub.

Wararka ka imanaya gudaha Iiraan ayaa sheegaya in ugu yaraan 1,230 qof ay ku dhinteen weerarro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen dalkaasi tan iyo Sabtidii. Warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale sheegtay in laba dugsi ay gantaallo ku dhaceen magaalada Parand oo ku taalla duleedka caasimadda Tehran.

Isla waqtigaas, Iiraan ayaa  weerarro ku beegsatay dalal ku yaalla Khaliijka Carabta, kuwaas oo ay ka mid yihiin UAE, Qatar, Baxrayn, Kuwayt, Ciraaq, Sacuudi Carabiya iyo qaar kale. Weeraradan ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in colaaddu ay ku fido dalal kale oo gobolka ku yaalla.

Sidoo kale, magaalada Tel Aviv ee Israa’iil ayaa wajahday weerarro isku dhaf ah oo isugu jiray gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), kuwaas oo lagu beegsaday habeenimadii Khamiista. Qaar ka mid ah weerarradaas ayaa la sheegay in la fashiliyey, inkasta oo qaybo ka mid ah magaalada laga maqlay qaraxyo xooggan.

Khubarada arrimaha amniga iyo siyaasadda ayaa ka digaya in dagaalkan sii xoogaysanaya uu u gudbi karo heer cusub oo khatar ah, haddii aan la helin dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu dejinayo xaaladda. Waxay sheegayaan in haddii colaaddan sii fido ay suurtagal tahay in Bariga Dhexe uu wajaho mid ka mid ah dagaalladii ugu ballaadhnaa ee muddo dheer ka dhaca gobolka.

Muqdisho 6da Maarso 2025  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kulan afur ah ku maamuusay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay dadaalka iyo mas’uuliyadda ay muujiyeen intii ay socotay howsha dhammeystirka dastuurka dalka.

Kulankan oo ka dhacay mid kamid ah hoteelada kuyaala Muqdisho ayaa Madaxweynaha ku ammaanay xildhibaannada dulqaadka iyo wada-shaqeynta ay muujiyeen, taas oo uu sheegay inay horseeday guul uu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo lagu xoojinayo dowladnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dastuurka la dhammeystiray uu saldhig u noqon doono dhismaha hay’adaha dowliga ah, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaam dowladeed oo ku dhisan sharci iyo isla xisaabtan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay khubaradii Soomaaliyeed iyo guddiyadii farsamo ee ka shaqeeyay arrintan, isagoo xusay in la gaaray heshiis qaran oo ku saleysan danaha shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana aan lagu tiirsanayn kaalmo shisheeye.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyay Xildhibaannada Baarlamaanka iyo dhammaan hay’adaha dowladda inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta si loo xaqiijiyo dowladnimo dhameystiran oo ka tarjumaysa rabitaanka iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.

Congo  6da Maarso 2025 Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay diblomaasiga Mareykanka James Swan inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Hawlgalka Xasilinta Qaramada Midoobay ee dalka Democratic Republic of the Congo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in James Swan uu hoggaamin doono howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Democratic Republic of the Congo (MONUSCO), isagoo xilka kala wareegaya Bintou Keita, oo Qaramada Midoobay uga mahadcelisay shaqadii ay ka qabatay hawlgalkaas.

Magacaabistan ayaa ka dhigan in Swan uu baneeyo xilkii uu ka hayay Soomaaliya, halkaas oo uu tan iyo Maarso 2025 ka ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud iyo madaxa United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS). Waxa uu sidoo kale hore u soo hoggaamiyay United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) intii u dhaxaysay 2019 ilaa 2022.

Bixitaanka Swan ee Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay kacsan tahay, iyadoo hoggaanka siyaasadda dalka ay isku khilaafsan yihiin arrimaha la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.

Dhanka kale, hawlgalka MONUSCO ee uu Swan hoggaamin doono ayaa ah mid ay Qaramada Midoobay dhistay sanadkii 2010 si loo ilaaliyo rayidka, loo taageero dowladda Congo, loona xasiliyo gobollada ay ka jiraan colaadaha, gaar ahaan bariga dalka.

Gobolladaas waxaa weli ka jira dagaallo ay ku lug leeyihiin kooxo hubeysan oo ay ka mid tahay March 23 Movement (M23), taas oo gacanta ku haysa dhul ballaaran oo ay ku jiraan magaalooyinka Goma iyo Bukavu. Dowladda Congo iyo Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku eedeeya dalka Rwanda inuu taageero kooxda M23, inkastoo Kigali ay arrintaas si adag u beenisay.

Muqdisho 6da Maarso 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixisay heshiis caalami ah oo la xiriira isticmaalka nabadeed ee tamarta niyuukleerka, kaas oo lala galay International Atomic Energy Agency.

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu diiradda saarayo xoojinta badbaadada iyo kormeerka isticmaalka tiknoolajiyadda niyuukleerka, iyadoo loo adeegsanayo ujeeddooyin nabadeed sida horumarinta caafimaadka, beeraha iyo ilaalinta deegaanka.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2024 xubin ka noqotay hay’addan, balse hadda ayay si rasmi ah u ansixisay heshiiska muhiimka ah ee la xiriira ka-hortagga faafitaanka hubka niyuukleerka iyo hubinta in teknoolojiyaddan loo isticmaalo si mas’uuliyad leh.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in tallaabadan ay muhiim u tahay mustaqbalka dalka, isla markaana ay ka tarjumeyso dadaalka dowladda ee ku aaddan iskaashi caalami ah iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Xukuumadda ayaa sidoo kale sheegtay in heshiiskan uu Soomaaliya u sahli doono inay ka faa’iideysato tababarro iyo taageero farsamo oo ay bixiyaan khubaro caalami ah, taas oo gacan ka geysan karta horumarinta adeegyada caafimaadka, kor u qaadista wax soo saarka beeraha iyo maaraynta kheyraadka dabiiciga ah.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa xusay in heshiiskan uu sidoo kale Soomaaliya siinayo fursad ay kula shaqeyso dalal kale oo caalamka ah si loo helo tiknoolajiyad casri ah oo si nabad ah loogu adeegsan karo horumarinta dalka.

WARARKA MAANTA 5ta Maarso 2025

Su’aalaha Maanta: Yaa bedelay Datuurka #Soomaaliya? Maxaase loo beddeshay Dastuurka #Soomaaliya? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya 2026ka? Maxaa ka taqaanaa qof ay Dowladda Maraykanka Iyo Reer Yurub taageersan yihiin? Yaa dastuurka raba in loo beddelo Madaxweyne Mudane Xassan “Aw-Birmade”? Yaa Dowladda #Soomaaliya ka dhigay dowlad qoyskiisa ah? Yaase maanta wakhtigu ku dhammaanayaa? Yaa kufsaday dastuurka dalka? Yaa diiday inay shacabka #Muqdisho helaan #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Bariga Dhexe 5ta Maarso 2025 Xiisadda ka taagan Bariga Dhexe ayaa si weyn u cirka iskugy sii shareertay, kaddib markii taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ee United States Central Command (CENTCOM) uu shaaciyay in ay weerareen ama quusiyeen in ka badan 20 markab oo ay leeyihiin ciidamada badda Iiraan.

War-saxaafadeedka kasoo baxay taliskaasi ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah maraakiibta Iiraan lagu dhuftay torpedo xilli uu ku sugnaa biyo caalami ah oo ku yaalla Badweynta Hindiya. Dhacdadan ayaa imanaysa iyadoo dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan uu galay marxalad aad u khatar badan.

Dhanka kale, ciidamada badda Sri Lanka ayaa xaqiijiyay inay badbaadiyeen 32 qof, kaddib markii ay heleen fariin degdeg ah oo ka timid markab ciidan oo Iiraani ah oo lagu magacaabo IRIS Dena, kaas oo la rumeysan yahay inuu ka mid ahaa maraakiibta la beegsaday.

Hadaba, Iiraan ayaa iyaduna kordhisay weerarrada ay ku beegsanayso saldhigyada Maraykanka,  safaatadaha iyo goobaha shidaalka ee dalalka Khaliijka. Aqalka Cad ayaa sheegay in muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe hore loogu wargeliyay inay ka baxaan gobolka, ka hor inta aanay Iiraan fulin weerarradeeda.

Tirada dhimashada guud ahaan gobolka ayaa sii kordheysa. Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in in ka badan 940 qof ay ku dhinteen weerarrada ay fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil, halka 11 qof ay ku dhinteen Israa’iil kaddib gantaallo ay Iiraan ku garaacday. Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale shaacisay magacyada afar askari oo ka mid ahaa lix askari oo ku dhintay weerar diyaarado aan duuliye lahayn oo Iiraan leedahay ku beegsadeen.

Xaaladda Bariga Dhexe ayaa haatan ah mid aad u kacsan, iyadoo la filayo mowjado cusub oo weerarro ah maalmaha soo socda. Arrimahan ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in dagaalku isu beddelo mid si buuxda ugu fida gobolka, islamarkaana saameeya amniga iyo dhaqaalaha caalamka.

Ethiopia 5ta Maarso 2025 Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa digniin adag u diray hoggaanka Eriteriya, isaga oo sheegay in dalkiisu aanu mar kale oggolaan doonin isku day kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacabka Itoobiya.

Abiy oo waraysi ku bixiyay afka Tigrinya, kana hadlayay dagaalkii Tigray, ayaa si kulul u cambaareeyay falal uu ku tilmaamay xasuuq iyo boob baahsan oo ay geysteen ciidamo ka socday Eriteriya oo galay gobolka Tigray.

“Waxaan ku bilownay wanaag, balse shar ayaa nalagu riixay,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaruhu, isaga oo qiray in markii hore Itoobiya ay soo dhawaysay taageerada milatari ee Eriteriya intii uu socday dagaalku, balse uu xusay in taageeradaasi aanay dabooli karin falal dambiyadii xigay.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in xilligaas dowladda federaalku ku mashquulsanayd dagaalka ay kula jirtay xoogagga Tigray, taasoo keentay in aanay awood u helin inay si buuxda uga hortagto waxa uu ku tilmaamay faragelin shisheeye.

Sidoo kale, Abiy ayaa si toos ah u dhaliilay xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Eriteriya, isaga oo ku eedeeyay hoggaankeeda in aanu mudnaan siin horumar iyo isbeddel nabad ah. Wuxuu xusay in Itoobiya si fiican u taqaan hab-dhaqanka waxa uu ugu yeedhay “Shabia,” oo ah magaca loo yaqaan xisbiga talada Eriteriya haya.

“Si fiican ayaanu u naqaan. Fursad kale ma siin doonno inuu dadkeenna waxyeeleeyo. Haddii uu isku dayo, waxaan aaminsanahay inay noqon doonto isku daygiisii ugu dambeeyay,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaruhu.

Muqdisho 5ta Maarso 2025 Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si cad u diiday wax-ka-beddelka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in habka lagu fuliyey uu jebiyey shuruucda dastuuriga ah, xeer-hoosaadyada Baarlamaanka, iyo shuruudda aqlabiyadda laba meelood laba (2/3) ee labada Aqal.

Golahu wuxuu caddeeyay in Dastuurku yahay heshiis bulsho oo aasaas u ah dowladnimada iyo wadajirka ummadda, laguna beddeli karin rabitaan siyaasadeed oo cid gaar ah ama koox yar leedahay.

Wax-ka-beddel kasta waa in lagu sameeyaa hab sharci oo cad, heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, wadatashi dadweyne, iyo u hoggaansanaan buuxda oo la siiyo habraacyada dastuurka ayaa lagu yiri war saxaafadeed ay goor dhow kasoo saareen magaalada Muqdisho saacado kadib markii Baarlamaanka uu ansixiyay Dastuurka cusub.

Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa sidoo kale ka horyimid wax-ka-beddelkan, halka in ka badan 50 xildhibaan laga hor istaagay inay ka qayb-qaataan doodaha Baarlamaanka. Siyaasiyiinta mucaaradka ah, oo ay ku jiraan madax hore iyo hoggaamiyeyaal saamayn leh, ayaa iyaguna si cad u diiday hannaankan.

Goluhu wuxuu carabka ku adkeeyay in dastuur lagu beddelo cadaadis, laaluush, ama habraac ka leexsan sharciga aanu noqon karin dastuur qaran oo mideeya ummadda Soomaaliyeed, mana yeelan karo sharciyad siyaasadeed oo lagu dhisi karo dowladnimo. 

War saxaafadeedka Golaha kasoo baxay ayaa la raaciyay in Mas’uuliyadda siyaasadeed iyo tan dastuurba ay si toos ah u saaran tahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo hormuud ka ah hannaanka lagu beddelayo dastuurka si xoog iyo laaluush ah.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu sheegay in dalka u baahan yahay midnimo qaran, wadajir siyaasadeed, iyo hoggaan mideeya shacabka, isla markaana hannaanka sharci-darrada ah uu halis gelinayo Midnimada qaranka iyo wadajirka bulshada, Isku-duwidda dadaallada la-dagaallanka argagixisada, Suurtagalnimada heshiis doorasho oo loo dhan yahay, Guulihii nabadeynta iyo dhismaha dowladnimada

Ugu dambeyn Golaha ayaa ugu baaqay Dowlad-goboleedyada, saamilayda siyaasadda, inay difaacaan nidaamka dastuuriga ah iyo sharciga dalka, sidoo kale Hoggaamiyeyaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada, bulshada rayidka ah, iyo qurbo-joogta inay ka dhiidhiyaan jebinta dastuurka, iyadoo aamusnaanta waqtigan loo arki karo oggolaansho dadban ayna Beesha caalamka si cad oo fagaare ah ugu muujiyaan in wax-ka-beddel kasta oo dastuur uu noqdo mid sharci ah, loo dhan yahay, hufan, kuna dhisan heshiis qaran.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu mar kale caddeeyay inuu aqoonsan yahay Dastuurka Ku-Meelgaarka ah ee 2012, kaasoo ah saldhigga midnimada dalka, federaalka, awood-qaybsiga, nidaamka Baarlamaaniga, iyo doorashooyinka afarta sano mar, ilaa wax-ka-beddel kasta lagu sameeyo si sharci ah, loo dhan yahay, loona maro heshiis qaran oo dhab ah.

Waqooyi Bari 5ta Maarso 2025 Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ayaa bayaan ay soo saartay ku soo dhaweysay ansixinta dib u eegista iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay si diirran u taageerayso tallaabooyinka ay qaadeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee la xiriira geeddi-socodka dhammeystirka dastuurka federaalka.

Wasaaraddu waxay ku tilmaantay arrintan mid muhiim u ah horumarinta dowladnimada Soomaaliya, iyadoo xustay in dastuur dhammaystiran uu saldhig u yahay nidaamka dowladeed, kala-sarraynta hay’adaha, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhammeystirka dastuurku uu xoojin doono nidaamka federaalka, isla markaana uu caddeyn doono awoodaha dowladaha kala duwan, taasoo gacan ka geysan karta xallinta khilaafaadka sharci iyo kuwa maamul ee dalka ka jira.

Wasaaradda Cadaaladda ee Puntland waxay ugu baaqday hay’adaha dowliga ah, dowlad-goboleedyada iyo dhammaan qaybaha bulshada inay ka qayb qaataan talo-bixinta iyo wada-tashiyada la xiriira geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, si loo helo dastuur ay ku mideysan yihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, wasaaraddu waxay ku boorrisay labada aqal ee baarlamaanka federaalka inay sii wadaan dadaallada lagu dhammaystirayo dastuurka, iyagoo ilaalinaya midnimada, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Muqdisho 5ta Maarso 2025 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa digniin adag u diray Madaxweynaha xilka haya, Xasan Sheikh Maxamuud, isaga oo uga digay in wax-ka-beddel dastuur oo hal dhinac ah iyo qorshayaal doorasho oo muran dhaliyay ay dalka gelin karaan xaalad khatar ah.

Farmaajo ayaa sheegay in marka uu dhammaado mudda xileedka madaxweynaha oo la sheegay inay ka harsan tahay qiyaastii laba bilood awoodda uu hadda haysto ay si toos ah u dhammaan doonto, isagoo xusay in awoodda hoggaamineed ay tahay mid ku meel gaar ah.

Madaxweynihii hore ayaa hadalkan ka jeediyay kulan afur ah oo uu la qaatay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Puntland, Wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu “waaqica wajaho” isla markaana dib uga fiirsado go’aannada uu ku tilmaamay kuwo hal dhinac ah.

Farmaajo wuxuu si gaar ah u dhaliilay wax-ka-beddelka lagu sameeyay dastuurka, dib-u-dhacyada lagu eedeeyay arrimaha doorashooyinka, iyo xiisadaha siyaasadeed ee isa soo taraya,bWuxuu ku dooday in tallaabooyinkaasi ay halis gelin karaan xasilloonida dalka.

Wuxuu sidoo kale ka digay in ku dhegganaanshaha awoodda iyada oo aan la helin is-afgarad ballaaran ay keeni karto cawaaqib xun.

“Hoggaaminta waxaa jira waqtiyo aad isu aragto libaax sababtoo ah awood ayaad haysataa, balse waqtigaasi si dhaqso ah ayuu ku dhaafi karaa, Ha marin waddo qoomamo kuu horseedi karta—anigu horay ayaan u arkay jidkaas,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Farmaajo ayaa sidoo kale xusay cabashooyin weli taagan, oo ay ka mid yihiin khataraha amni ee dalka ka jira, isagoo adkeeyay baahida loo qabo dowlad loo dhan yahay iyo midnimo qaran, halkii laga abuuri lahaa kala qeybsanaan siyaasadeed.

Muqdisho 5ta Maarso 2025 Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay si rasmi ah uga baxday marxaladdii dastuurka ku-meelgaarka ahayd, kaddib markii la dhammaystiray dastuurka qaranka.

Khudbad uu jeediyay, madaxweynuhu wuxuu sheegay in Soomaaliya muddo dheer ku jirtay nidaam ku-meelgaar ah oo ku dhisnaa dastuur ku-meelgaar ah, balse maanta la soo gabagabeeyay marxaladdaas. Wuxuu xusay in tallaabadan ay ka dhigan tahay in dalka uu yeeshay saldhig sharciyeed oo dhammaystiran oo hagaya shaqada hay’adaha dowladda iyo jihada siyaasadda qaranka.

Dastuurkii la ansixiyay 2012-kii ayuu ku tilmaamay tiir muhiim u ahaa dib-u-dhiska dowladnimada, balse wuxuu sheegay in uu ahaa mid ku-meelgaar ah oo u baahnaa in la dhammaystiro.

Sida uu sheegay, ku-meelgaarnimadaasi waxay saameyn ku yeelatay siyaasadda, dhaqaalaha iyo hay’adaha dowladda, iyadoo muran badan ka jiray awoodaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, sidoo kale ay adkayd in si buuxda loo dhiso nidaamka garsoorka iyo nidaamka maaliyadda dalka. Wuxuu sheegay in dhammaystirka dastuurku uu hadda caddeynayo qaab-dhismeedka dowladnimada iyo sida awoodaha loo qaybsanayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku adkeeyay in wixii khilaaf siyaasadeed ah mustaqbalka lagu xallin doono hab dastuuriga ah, halkii laga gaari lahaa heshiisyo siyaasadeed oo ka baxsan dastuurka. Wuxuu sheegay in dastuurku yahay heshiis bulsho oo xadidaya awoodda siyaasiyiinta, isla markaana dejinaya xeerarka lagu maamulayo dalka.

Isagoo ka hadlayay doorka baarlamaanka, madaxweynuhu wuxuu sheegay in xildhibaanadu ay qaadeen mas’uuliyad taariikhi ah oo ku aaddan dhammaystirka dastuurka, kaddib dood iyo wada-tashi qaran oo muddo dheer socday. Wuxuu intaas ku daray in ansixinta dastuurka lagu qabtay hab furan oo shacabka iyo warbaahintu si toos ah u daawanayeen.

Si kastaba, qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo horey u muujiyay walaac ku saabsan habka loo maray dib-u-eegista dastuurka, ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay inay aqbalaan natiijada, isla markaana ay ilaaliyaan dastuurka cusub, isagoo sheegay in wixii isbeddel ah mustaqbalka lagu samayn karo habraaca dastuurka laftiisa

.https://www.youtube.com/watch?v=ZchsNs5FHso

WARARKA MAANTA 24ta Maarso 2025

Su’aalaha Maanta: Yaa amray in xildhibaanada #Puntland Iyo Jubbaland ku matalo Dowladda Soomaaliya in laga soo qabqabto Hoteeladda Iyo guryaha ay ka degan yihiin #Muqdisho? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya 2026ka? Maxaa ka taqaanaa qof ay Dowladda Maraykanka Iyo Reer Yurub taageersan yihiin? Yaa dastuurka raba in loo beddelo Madaxweyne Mudane Xassan “Aw-Birmade”? Yaa Dowladda #Soomaaliya ka dhigay dowlad qoyskiisa ah? Yaase maanta wakhtigu ku dhammaanayaa? Yaa kufsaday dastuurka dalka? Yaa diiday inay shacabka #Muqdisho helaan #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 4ta Maarso 2025 Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa ka halday kulan heegay in dowladda Federaalka ay kulan kula qaadatay mas’uuliyiin ka socday dowladda Maraykanka iyo maalgashadayaal daneynaya shidaalka iyo macdanta dalka, si loo xoojiyo iskaashi ku aaddan ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa dhinaca Maraykanka ka matalayay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayay kusimaha safiirka, Justin Devil, sida uu wasiirku sheegay.

Wasiir Daahir Shire ayaa sheegay in wada-hadallada diiradda lagu saaray dhiirigelinta maalgashadayaasha Maraykanka si ay u maalgashadaan Soomaaliya, gaar ahaan qeybaha shidaalka iyo macdanta. Waxa uu tilmaamay in labada dhinac ay isku afgarteen in la kordhiyo wada shaqeynta farsamo (technical cooperation) si loo sahlo gudbinta fursadaha maalgashi ee ka jira dalka.

“Waxaan ka wada hadalnay sidii si wadajir ah looga faa’iideysan lahaa kheyraadka dalka, loona abuuri lahaa jawi dhiirigelinaya maalgashi Maraykan ah oo ka dhaca Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu intaas ku daray in la isla gartay in la qabto kulamo kale oo farsamo oo ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Wasaaradda Ganacsiga, iyo guddi farsamo oo ka socda safaaradda Maraykanka.

Sida uu sheegay wasiirku, kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ka qabsooma Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay mid dhiirigelin u ah dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay ku soo jiidato maalgashi shisheeye.

Wasiirku wuxuu xusay in Soomaaliya ay soo bandhigtay heerka ay marayaan siyaasadaha la xiriira maareynta kheyraadka, iyo diyaar garowga wejiga labaad ee horumarinta macdanta iyo shidaalka dalka.

Dhankiisa, ku simaha safiirka Maraykanka Justin Devil ayaa muujiyay kalsooni ku aaddan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, inkasta oo shirkadaha Maraykanku ay si madax-bannaan u gaaraan go’aannada ku saabsan maalgashiga ay sameynayaan.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaal ugu jirtay inay soo jiidato maalgashi caalami ah, iyadoo sheegaysa in horumar laga sameeyay dhinacyada sharciyeynta iyo dejinta siyaasadaha kheyraadka dabiiciga ah.

Garoowe : 4ta March 2026: Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay siweyn u cambaareynaysaa weerarka saaka (03:00am)  Dowladda Federaalka Soomaaliya ku  qaaday, Xildhibaannada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Hotel Airport (Muqdisho), iyo Afduubka loo geystay La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Bulshada Mudane Axmed Cabdi Hurre.

Falkan waa mid ugub ku ah Dowladdnimada, iyadoo aan sifo sharci ah loo soo marin oo uusan jirin wax danbi ah oo ay geysteen waxaa hotel AirPort loogu daatay Xildhibaannada iyo Senatarada Puntland, waxaa halkaasi ka dhacay jirdil iyo Afduub.

Waxkasta oo ka dhasha falkaasi foosha xun waxaa masuuliyadeeda qaadaysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

-DHAMMAAD-

Muqdisho 4ta Maarso 2025 Intii uu ku guda jiray booqasho uu toddobaadkan ku tagay xarunta hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ee Muqdisho, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu bogaadiyay fursadda uu u helay inuu wax badan ka ogaado shaqada hay’adda, lana kulmay Agaasime Mustaf Dhuxulow iyo kooxdiisa.

Isaga oo ay weheliso Kusimaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee UNSOS, Qurat-ul-Ain Sadozai, waxa uu dhageystay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan howlaha hay’adda, wuxuuna ammaanay dadaallada loogu jiro xoojinta awoodda hay’adeed, bixinta adeegyada, iyo maamulka xuduudaha dalka.

WARARKA MAANTA 2da Maarso 2025

Su’aalaha Maanta: Yaa raba inuu dilo xildhibaanno diiday inay ansixiyaan dastuurka uu raba Madaxweyne Mudane Xassan “Aw-Birmade”? Yaa Dowladda #Soomaaliya ka dhigay qoyskiisa? Yaase maanta wakhtigu ku dhammaanayaa? Yaa kufsaday dastuurka dalka? Yaa diiday inay shacabka #Muqdisho helaan #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 2da Maarso 2025 

Ankara 2da Maarso 2025 “Madashii Ankara aan kaga qeyb galay, Turkiga waxaan isku afgaranay horumarinta dhinaca warbaahinta iyo in lala dagaallamo wararka been-abuurka ah.”

Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS

Bayruut 2da Maarso 2025 Ciidamada Israa’iil ayaa subaxnimadii Isniinta duqeymo cirka ah oo culus ka fuliyey xaafadaha koonfureed ee magaalada Beyruut, kuwaas oo ay maamusho ururka Xisbullah, kadib markii kooxdaasi ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay gudaha Israa’iil.

Duqeymahan ayaa yimid iyadoo Xisbullah ay sheegtay in weerarradeeda ay jawaab u ahaayeen dilka hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, oo lagu dilay weerarro ay si wadajir ah u fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil. Goobjoogayaal ku sugan Beyruut ayaa sheegay in in ka badan toban qarax ay gilgileen xaafadaha koonfureed ee loo yaqaan Dahiyeh, taas oo ah goobta ugu weyn ee ay ku xooggan tahay Xisbullah.

Milatariga Israa’iil ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu bilaabay beegsiga badhtilmaameedyo la xidhiidha Xisbullah oo ku kala yaalla dalka Lubnaan, isaga oo kooxda ku eedeeyey inay si toos ah mas’uul uga tahay kacsanaanta colaadeed ee cusub. Taliyaha guud ee ciidamada Israa’iil, Eyal Zamir, ayaa sheegay in Xisbullah ay furtay “olole ka dhan ah Israa’iil” isla markaana ay qaadi doonto cawaaqibka ka dhasha tallaabadeeda.

Dhanka kale, ilo amni oo Lubnaani ah ayaa sheegay in duqeymo kale ay ka dhaceen koonfurta Lubnaan iyo Dooxada Bekaa ee bariga dalka. Xisbullah, oo ah xulufo xidhiidh dhow la leh Tehran, ayaa sheegtay in ay xaq u leedahay inay iska difaacdo weerarrada iyo dilalka lagu beegsanayo hoggaankeeda iyo taageerayaasheeda.

Milatariga Israa’iil ayaa isna caddeeyey in aanu oggolaan doonin in Xisbullah ay noqoto khatar amni oo ku wajahan Israa’iil, isagoo tilmaamay in uu sii wadi doono hawlgallada looga hortagayo waxa uu ku tilmaamay fidinta colaadda.

Sanadkii 2024, Israa’iil iyo Lubnaan waxay ku heshiiyeen xabbad-joojin uu Maraykanku dhexdhexaadiyey, taas oo soo afjartay dagaal muddo sannad ka badan socday oo si weyn u wiiqay awoodda Xisbullah. Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac ayaa tan iyo xilligaas is-weydaarsanayay eedeymo la xidhiidha jebinta heshiiska.

Xiisaddan cusub ayaa imanaysa xilli gobolka Bariga Dhexe uu ku jiro xaalad kacsanaan ah, iyada oo uu ka socdo dagaal ballaadhan oo saameeyay dalal badan oo gobolka ah.

Muqdisho 2da Maarso 2025 Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyay go’aan ay sheegeen inuu lahaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee lagu amray in hawada laga soo celiyo diyaarad siday xubno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ku sii jeeday deegaan doorashadooda ee Puntland.

Goluhu wuxuu tallaabadaas ku tilmaamay mid leh cawaaqib sharci, dastuur iyo siyaasadeed oo culus, isagoo sheegay in xildhibaanadu ay leeyihiin xasaanad iyo xorriyad dhaqdhaqaaq oo uu dammaanad qaadayo Dastuurka Ku-meelgaarka ah. 

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, faragelinta safarkooda iyadoo la adeegsanayo amar ka yimid awoodda fulinta waxay jebinaysaa mabda’a kala-soocidda awoodaha dowladeed, isla markaana ay tahay faragelin toos ah oo lagu sameeyay hay’adda sharci-dejinta.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka digay in hay’adaha qaranka, gaar ahaan kuwa la xiriira duulista rayidka, aan loo adeegsan dano siyaasadeed.

Waxay sheegeen in hay’adda duulista hawadu ay u xilsaaran tahay sugidda badqabka iyo nidaamka hawada dalka, balse aan loo adeegsan karin cadaadis siyaasadeed. 

Tallaabadan ayay ku doodeen Golaha Mustaqbalka inay dhaawaceyso kalsoonida shirkadaha duulista, sumcadda hawada Soomaaliya iyo waajibaadka caalamiga ah ee dalka kaga xiran nidaamyada duulista rayidka.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in go’aankan uu sii fogeynayo khilaafka siyaasadeed xilli dalka uu marayo marxalad xasaasi ah oo u baahan degganaansho, wada-tashi iyo is-afgarad qaran. 

Golaha ayaa ku baaqay in hoggaanka dalka uu muujiyo xilkasnimo, bisayl siyaasadeed iyo ixtiraam buuxa oo loo hayo nidaamka federaalka iyo hay’adaha dastuuriga ah.

Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dalbaday in si degdeg ah loo joojiyo waxa ay ku tilmaameen “jidgooyada safarka xildhibaanada”, si loo ilaaliyo kalsoonida iyo midnimada qaranka, isla markaana loo xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda.

Maraykanka 2da Maarso 2025 Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu “ka aargoosan doono” dilka saddex askari oo Mareykan ah oo ku dhintay howlgalka militari ee ka socda gudaha Iiraan, isaga oo caddeeyay in howlgallada dagaal ee bilaabmay Sabtidii ay sii socon doonaan. Trump ayaa farriintan ku shaaciyay muuqaal hore loo duubay oo uu ku baahiyay bartiisa Truth Social.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegay warbaahinta CNBC in howlgalka milatari ee Mareykanka uu “ka horreeyo jadwalkii loo qorsheeyay,” taas oo muujinaysa in Washington ay ku qanacsan tahay sida uu u socdo weerarka. Hadalkan ayaa imaanaya xilli xiisaddu sii xoogeysaneyso, kadib weerarro ay si wadajir ah u qaadeen Mareykanka iyo Israa’iil.

Weerarradan ayaa sababay dhimashada hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, taas oo noqotay dhacdo si weyn u gilgishay Jamhuuriyadda Islaamiga ah tan iyo kacaankii 1979. Dilka Khamenei ayaa si degdeg ah u kiciyay jawaab celin militari oo ka timid Tehran, iyadoo Iiraan ay bilowday weerarro aargoosi ah.

Wararku waxay sheegayaan in weeraro ballaadhan la qaaday habeenimadii Sabtida, kadib markii Iiraan ay diiday dalabyo Mareykanka uga yimid oo ku saabsanaa dhimista ama xaddididda barnaamijkeeda nukliyeerka. Arrintan ayaa u muuqatay mid sii hurisay khilaaf horey u jiray oo u dhexeeyay labada dal.

Dhanka kale, Kongareeska Mareykanka ayaa la filayaa inuu toddobaadka soo socda u codeeyo qaraar ku saabsan awoodaha dagaalka, si loo qeexo doorka sharci ee howlgalka socda. Tallaabadan ayaa muujinaysa dood siyaasadeed oo ka dhex aloosan Washington oo ku saabsan baaxadda iyo muddada dagaalka.

Saameynta colaaddan ayaa si weyn looga dareemay suuqyada caalamka, iyadoo kumannaan duulimaad la baajiyay tan iyo markii uu dagaalku billowday. Sidoo kale, shirkadaha caymiska ayaa kordhiyay qiimaha caymiska maraakiibta shidaalka ee mara marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz, taas oo sare u qaadaysa qiimaha saliidda.

Hoggaamiyeyaasha gobolka iyo daneeyayaasha caalamiga ah ayaa si dhow ula socda halka ay xaaladdu ku dambeyn doonto, iyagoo is weydiinaya in dagaalku ku ekaan doono Iiraan oo keliya iyo in kale. Sidoo kale waxaa la eegayaa in isbeddelka hoggaanka ee Tehran uu horseedi doono jihayn siyaasadeed oo cusub, ama uu sii kusii adkeysan doono mowqifka xukuumadda Iiraan.

Puntland 2da Maarso 2025  Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka ka dalbanayaan magdhow ku aaddan halistii la geliyay xildhibaannadii shalay hawada laga celiyay, kuwaas oo ku sii jeeday Garowe si ay uga qeybgalaan shir wadatashi ah. Waxa uu sidoo kale xusay dhacdo hore oo ciidankiisa ilaalada ahaa looga celiyay hawada Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay tallaabooyinkaasi sii hurinayaan kala fogaanshaha siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay muujinayaan, sida uu hadalka u dhigay, “in aan wax sharci iyo xeer midna la tixgelin.” Waxa uu intaa ku daray in xildhibaannada Puntland ay haatan ku sugan yihiin Muqdisho, isagoo ku tilmaamay xaaladdooda mid u eg afduub siyaasadeed.

“Haddii ay dhacdo in muwaadiniin la afduubo, arrintaas siyaabo kale ayaa looga jawaabayaa. Bulshada lagu xadgudbayo waa in laga bixiyo jawaab degdeg ah. Marka aan gudbino dacwadaha rasmiga ah, waxaan dalban doonaa magdhowga iyo khasaarihii ka dhashay falkaas,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta dalka aysan ahayn mid horseedi karta hoggaan mideeya Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay madaxda Villa Soomaaliya in aysan u qalmin masuuliyad qaran oo ilaalisa sharafta muwaadiniinta.

Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah ee maamula hawada Soomaaliya in ay dib u eegaan waxa uu ku tilmaamay xadgudubyada ka dhacaya hawada dalka, ayna ka hortagaan falalka khatar gelinaya badqabka muwaadiniinta.

Ugu dambeyn, waxa uu Dowladda Federaalka ugu baaqay in si degdeg ah loogu oggolaado xildhibaannada inay u safraan deegaannadooda, lagana waantoobo tallaabooyin uu sheegay inay sii kala fogeynayaan bulshada iyo dowladnimada.

WARARKA MAANTA 1da Maarso 2025

Su’aalaha Maanta: Yaa guulleysan doona dagaalka u dheexeye Maraykanka-Isreal Iyo #Iran? Yaa Dowladda #Soomaaliya ka dhigay qoyskiisa? Yaase maanta wakhtigu ku dhammaanayaa? Yaa kufsaday dastuurka dalka? Yaa diiday inay shacabka #Muqdisho helaan #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 1da Maarso 2025 

Muqdisho 1da Maarso 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibo caalami ah, ayaa sabtidii maanta fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Hoose, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka ay dowladdu ku tilmaantay “Khawaarij”.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay NISA, howlgalka koowaad ayaa ka dhacay deegaannada Waab-weyn iyo Isgoyska Madaxyo-weyn oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday koox ka tirsan Alshabaab oo la sheegay in ay abaabulayeen falal amni darro oo ka dhan ah deegaannada ku dhow Maxaas. 

Qoraalka hay’adda ayaa lagu sheegay in illaa 17 dagaalame lagu dilay weerarkaasi, isla markaana lagu burburiyay goobo ay gabaad ka dhiganayeen.

Dhinaca kale, howlgal kale oo ka dhacay howdka Buulo-naagey ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu dilay 23 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, sida ay sheegtay NISA. Hay’addu waxay tilmaantay in kooxdaasi loogu soo daabulay halkaasi si ay u carqaladeeyaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo isu-socodka amniga ee gobolka, balse weerarka lagu wiiqay qorshahooda.

NISA ayaa sheegtay inay sare u qaadday dadaallada lagu ciribtirayo kooxda Alshabaab. si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Hay’addu waxay sidoo kale ku boorrisay muwaadiniinta inay la wadaagaan wixii macluumaad amni ah, iyadoo soo bandhigtay khadad telefoon oo ay dadweynuhu kula xiriiri karaan.

Maraykanka 1da Maarso 2025 Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa shaaciyay in Hoggaamiyahii Sare ee Iiraan, Ayatullah Cali Khamenei, lagu dilay weerarro culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil.

Trump ayaa sheegay in duqeymahaasi sii socon doonaan toddobaadka oo dhan, isaga oo xusay in ujeeddada howlgalka milatari ay tahay in la afgambiyo xukuumadda Tehran. Dhanka Iiraan ayaa iyaduna sheegtay in hoggaankeeda sare ay “ammaan iyo nabad ku sugan yihiin.”

Wararka laga helayo gudaha Iiraan ayaa tilmaamaya in in ka badan 200 qof ay ku dhinteen weerarrada, sida ay baahiyeen warbaahinta dawladda. Isla waqtigaas, Iiraan ayaa qaaday weerarro aargoosi ah oo ku wajahan saldhigyada Maraykanka, Israa’iil iyo badhtilmaameedyo kale oo ku yaalla Bariga Dhexe, taasoo gilgishay magaalooyin dadku ku badan yihiin, isla markaana hakad gelisay duulimaadyadii iyo dhoofinta shidaalka.

Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay inaanay jirin wax askar Maraykan ah oo ku dhintay dagaalka ilaa hadda, hase yeeshee hay’adaha ammaanka sida Federal Bureau of Investigation ayaa sare u qaaday heeganka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa muwaadiniinta Maraykanka ku wargelisay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah meel kasta oo ay joogaan.

Dhanka kale, dibadbaxyo ayaa ka dhacay bannaanka Aqalka Cad, halkaas oo dad badan ay ku cambaareeyeen weerarrada, iyaga oo ka digay in Maraykanku galo dagaal cusub. Haweenay asalkeedu Iiraani yahay oo u dhalatay Maraykanka ayaa warbaahinta u sheegtay inay ka murugaysan tahay khasaaraha rayidka, gaar ahaan arday la sheegay inay ku dhinteen duqeyn lagu qaaday dugsi gabdho dhigtaan oo ku yaalla Tehran.

Xiisaddan cusub ayaa gobolka gelisay marxalad xasaasi ah, iyadoo hoggaamiyeyaasha caalamku ka cabsi qabaan in colaaddan ay isu beddesho dagaal baaxad leh oo saameeya guud ahaan Bariga Dhexe.

Muqdisho 1da Maarso 2025 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa xalay kulan afur ah uu ugu sameeyay Villa Soomaaliya ku qaabilay hoggaamiyeyaasha ururrada siyaasadda dalka, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda iyo dardargelinta hannaanka dimuqraadiyadda ee dalka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa noqday madal furan oo lagu falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa nidaamka doorashooyinka, loona xaqiijin lahaa ka qeybgal ballaaran oo ay muwaadiniintu ku yeeshaan geeddi-socodka siyaasadeed sida lagu xaqiijiyay war kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhageystay talooyin iyo aragtiyo ay soo jeediyeen madaxda ururrada siyaasadda, kuwaas oo la xiriiray dib-u-habeynta doorashooyinka iyo hirgelinta nidaamka qof iyo cod ah. 

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay xoojiyaan wada-shaqeynta, islamarkaana si firfircoon uga qeyb qaataan qorshaha doorashooyinka tooska ah ee laga hirgelinayo gobollada dalka.

Madaxweynaha ayaa mar kale caddeeyay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dhismaha nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan hufnaan, wadaagis iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Dhankooda, hoggaamiyeyaasha ururrada siyaasadda ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay midnimada, wadatashiga joogtada ah iyo ilaalinta xasilloonida siyaasadeed si loo helo dowladnimo loo dhan yahay iyo geeddi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo.

Kulankaan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Salex Axmed Jamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali Xoosh; Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macalim.

Iran 1da Maarso 2025 Iiraan ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida Hoggaamiyihii Sare ee Ayatollah Cali Khamenei, kadib markii warar hore oo ka yimid Maraykanka iyo Israa’iil ay sheegeen in la dilay. Bayaan lagu baahiyay baraha rasmiga ah ee Khamenei ayaa lagu muujiyay in gudaha Iiraan laga aqbalay geeridiisa kadib dafiraadii hore.

Wararka xaqiijinaya dhimashada Khamenei ayaa hore uga soo baxay Israa’iil iyo Maraykanka iyada oo masuuliyiinta Iiraan ay markii hore beeniyeen sheegashooyinka  geeridiisa, iyaga oo ku tilmaamay “dagaal nafsi ah” oo ka dhan ah Iiraan. Hase yeeshee, bayaan rasmi ah ayay hadda ku caddeeyeen in hoggaanka dalka uu aqoonsaday in Khamenei dhintay.

Khamenei ayaa talada Iiraan hayay tan iyo 1989, isaga oo ahaa hoggaamiye sare oo siyaasadeed iyo diimeed. Waxa uu kaalin muhiim ah ka qaatay go’aanada siyaasadda gudaha iyo dibadda ee Iiraan, isaga oo ahaa qof udub dhexaad u ah hoggaanka dalka.

Geeridiisa ayaa la filayaa inay saamayn weyn ku yeelato qaab-dhismeedka hoggaanka Iiraan iyo xasilloonida gobolka Bariga Dhexe. Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in arrintani ay keento isbeddelo siyaasadeed oo gudaha dalka ah iyo tartan ka dhex dhasha kuwa dhaxli doona hoggaanka.

Dastuurka Iiraan ayaa dhigaya in guddi ku meel gaadh ah oo ka kooban madaxweynaha, madaxa garsoorka iyo xubin ka tirsan Golaha Ilaalada Dastuurka uu la wareego awoodaha muhiimka ah ilaa la magacaabo hoggaamiye rasmi ah. Tani waxay noqon doontaa tallaabo muhiim ah oo lagu hubinayo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ayaa sidoo kale lagu badhtilmaameedsaday xarumo difaac iyo gantaallo oo ay Iiraan leedahay. Iiraan ayaa qaadday tallaabooyin rogaal celis ah, taasoo kordhinaysa khatarta dagaal ka dhex qarxi kara gobolka.

Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran oo isbeddelaysa, iyadoo caalamku si dhow ula socdo jawaabaha ka iman kara Tehran iyo Maraykanka. HOL waxa ay sii wadi doontaa in ay si joogto ah u soo tabiso wararka ugu dambeeyay iyo saameynta geeridan ku yeelan karto Bariga Dhexe

WARARKA MAANTA 26ka Feebaraayo 2025

Su’aalaha Maanta: Yaa mar labaad madaxweynenimada dalka ku fashilmay oo qoyskiisa iyo danta guud kala garan waayey? Yaa fashilay shirkii Dowladda iyo Mucaaradaka? Yaase noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Yaa diiday inay shacabka #Muqdisho helaan #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 26ka Feebaraayo 2025 Kulan xasaasi ah ayaa waxaa uu xarunta madaxtooyada Soomaaliya ugu socdaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, MW Hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali iyo Khaliif Cabdiqaadir Macalin Nuur.

Dhinacyada ayaa ka wada hadlaya xaaladda Siyaasadeed ee uu xilligan marayo dalka iyo khilaafka doorashada ee u dhexeysa Madaxtooyada iyo mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahan si hoose ugula  hadlayaan Madaxweynaha Soomaaliya xalinta khilaafka ka taagan doorashada,maadaama dhinacyada ay isku reer  yihiin

Astana 26ka Feebaraayo 2025 Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalalka Türkiye iyo Kazakhstan, Fatxudin Cali Ospite, ayaa magaalada Astana kula kulmay Agaasimaha Guud ee Islamic Organization for Food Security (IOFS), Danjire Berik Aryn.

Kulanka oo ka dhacay xarunta IOFS ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta u dhaxeysa hay’adda iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga cuntada iyo horumarinta beeraha. 

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday arrimo mudnaan leh oo ay ka mid yihiin horumarinta xoolaha, tayeynta hidde-sideyaasha xoolaha, iyo maareynta abaaraha soo noqnoqda.

Danjire Fatzudin Cali Ospite ayaa Agaasimaha Guud uga warbixiyay xaaladda bani’aadannimo ee ka dhalatay abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya, isagoo xusay in ku dhawaad lix milyan oo qof ay saameeyeen abaaruhu, halka laba milyan oo ka mid ah ay wajahayaan xaalad aad u daran.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee IOFS, Danjire Berik Aryn, ayaa xaqiijiyay sida ay hay’addu uga go’an tahay inay taageerto dadaallada Soomaaliya ee lagu horumarinayo wax soo saarka beeraha iyo sugidda amniga cuntada.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku afgartay in la sii xoojiyo wadatashiyada iyo iskaashiga mustaqbalka si qorshayaasha wadajirka ah loogu beddelo tallaabooyin wax ku ool ah oo wax ka qabta caqabadaha jira.

Puntland 26ka Feebaraayo 2025 Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in ay xireen nin lagu tuhunsan yahay mukhalasnimo iyo tacadiyo ka dhan ah muwaadiniin Soomaaliyeed, kadib hawlgal ay ka fuliyeen gobolka Nugaal.

Bayaan ka soo baxay Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay in la qabtay eedaysane lagu magacaabo Guuleed Cabdicasiis Axmed, kaas oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa tahriibinta dhalinyaro Soomaaliyeed iyo falal kale oo la xiriira mukhalasnimo.

Boolisku waxay sheegeen in ninkan sidoo kale lagu eedeeyay tacadiyo jireed oo sababay dhaawacyo culus, kuwaas oo la sheegay in uu ka geystay gudaha dalka Liibiya, halkaas oo ay ku sugnaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo tahriibayaal ah.

Ciidamada ammaanka ayaa intaas ku daray in ay weli socdaan hawlgallo ka dhan ah kooxaha mukhalasiinta iyo cid kasta oo lagu tuhmo inay gacan ka geysatay falalka lagu eedeeyay ninkan la qabtay.

Mas’uuliyiinta ayaa xusay in eedaysanaha uu haatan ku jiro baaritaan, isla markaana la horgeyn doono hay’adaha cadaaladda marka ay soo dhammaato baarista.

Waa markii ugu horraysay oo ay Puntland qabato qof lagu tuhmayo inuu kamid yahay dadka wax tahriibiya, iyadoo talabaadan ay ku soo aadayso xilli degaanada Puntland ay kamid yihiin meelaha ugu badan ee dhalinyaradu ay ka tahriibto.

Maraykanka  26ka Feebaraayo 2025 Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si adag u weeraray laba xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada, Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, kadib markii ay cod kaga hor yimaaddeen khudbaddii uu ka jeediyay fadhiga wadajirka ah ee Kongareeska.

Intii uu madaxweynuhu ka hadlayay adkaynta sharciyada socdaalka iyo la xisaabtanka magaalooyinka aan si buuxda ula shaqayn hay’adaha federaalka, ayay labada xildhibaan ku qayliyeen, iyaga oo ku eedeeyay in maamulkiisu mas’uul ka yahay dhimashada muwaadiniin Maraykan ah. Waxay si cad u yidhaahdeen: “Waxaad dishay dad Maraykan ah!”

Ilhaan Cumar, oo ka tirsan jaaliyadda Soomaalida Maraykanka isla markaana matasha Degmada 5aad ee gobolka Minnesota, iyo Rashida Tlaib oo ah haweeneydii ugu horreysay ee asal ahaan Falastiini ah ee loo doorto Kongareeska, ayaa hore u cambaareeyay hawlgallada adag ee lagu qabqabanayo muhaajiriinta. Bishii Janaayo ayaa laba muwaadin oo Maraykan ah lagu dilay gobolka Minnesota, xilli ay ka mudaharaadayeen hawlgallo ay wadeen saraakiisha socdaalka.

Trump ayaa farriin uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ku tilmaamay labada xildhibaan kuwo u dhaqmay si aan habboonayn, isaga oo ku eedeeyay inay waxyeello u geysanayaan dalka. Wuxuu ku dooday in “dib loogu celiyo halkii ay ka yimaaddeen sida ugu dhaqsaha badan,” hadalkan oo abuuray dood ku saabsan cunsuriyad iyo kala sooca uu bulshada ku hayo Maamulka Trump.

Ilhaan Cumar ayaa dhankeeda ku sheegtay qoraal ay baraha bulshada ku daabacday in ay ku khasbanaatay inay xusuusiso madaxweynaha mas’uuliyadda ka saaran dhimashada laba ka mid ah dadkii ay matalaysay. Waxay sheegtay inay ku adkaysanayso hadalkeedii.

Rashida Tlaib ayaa iyaduna ku tilmaantay hadallada madaxweynaha kuwo muujinaya dulqaad la’aan, iyadoo sheegtay in aanu u adkaysan karin “laba haween ah oo Muslim ah oo si toos ah ula hadlaya oo saxaya.”

Mudaharaadka ka dhacay gudaha Aqalka Wakiillada ayaa muujiyay kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii xoogaysanaysa, gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha socdaalka iyo xuquuqda muhaajiriinta. Sidoo kale, xildhibaan Dimuqraaddi ah oo lagu magacaabo Al Green ayaa laga saaray hoolka kadib markii uu kor u taagay boodh uu ku muujinayay diidmo la xidhiidha hadallo hore oo cunsuriyad lagu tilmaamay.

Dhacdadan ayaa mar kale iftiimisay heerka ay gaadhsiisan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan xisbiyada Maraykanka, iyada oo doodaha ku saabsan socdaalka iyo sinnaanta ay sii hurinayaan khilaafka taagan.

Muqdisho 26ka Feebaraayo 2025 Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa shaacisay inay ka hortagtay isku day tahriibin ah oo lagu doonayay in gabar Soomaaliyeed si sharci darro ah loogu dhoofiyo dalka Liibiya.

War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in saraakiisha laanta socdaalka ay sameeyeen baaritaan iyo hubin, kadib markii ay soo baxeen tuhunno la xiriira safarka gabadha. 

Baaritaankaas ayaa lagu ogaaday in gabadha oo laga soo qaaday magaalada Laascaanood ay la socdeen shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay ku lug lahaanshaha falal tahriibin ah.

Hay’adda ayaa sidoo kale xaqiijisay in la isku dayay in si khiyaano ah loogu sameeyo dukumintiyo safar si loogu fududeeyo bixitaanka gabadha, hase yeeshee tallaabadaas ay fashilisay faragelinta degdegga ah ee saraakiisha.

Kiiska ayaa si waafaqsan habraacyada sharciga loogu wareejiyay Laanta Baarista Dembiyada (CID), si loo sii wado baaritaanka loona qaado tallaabooyinka ku habboon ee ka dhanka ah dadka ku lugta leh sida lagu xaqiijiyay war saxaafadeedkaan.

Ugu dambeyn, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa mar kale uga digtay bulshada Soomaaliyeed khatarta tahriibinta, iyadoo xustay in la sii xoojin doono dadaallada lagula dagaallamayo shabakadaha tahriibiyeyaasha.

Hay’addu waxay carrabka ku adkaysay in badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ay tahay waajib qaran oo mudnaan gaar ah leh.

WARARKA MAANTA 25ka Feebaraayo 2025

Su’aalaha Maanta: Yaa fashilay shirkii Dowladda iyo Mucaaradaka? Yaase noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Yaa diiday inay shacabka #Muqdisho helaan #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 25ka Feebaraayo 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka ay ka baxeen ajendihii lagu heshiiyay, taasoo sababtay in wada-xaajoodyo ka socday Muqdisho ay hakad galaan.

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tan iyo markii la shaaciyay gogosha wadatashiga qaran bishii Maarso 2025, ay dowladdu waday kulamo ay la yeelatay madaxdii hore ee dalka, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah, si talooyin looga helo dhismaha dowladnimo casri ah iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Dowladdu waxay ku celisay in arrimaha masiiriga ah ee dalka lagu xallin karo oo keliya wada-xaajood iyo is-afgarad ku dhisan dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo adkaysay inay aqoonsan tahay doorka dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed, gaar ahaan marka laga hadlayo hannaanka doorashooyinka iyo xasilloonida nidaamka federaalka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, kulamo hordhac ah ayaa lagu go’aamiyay in diiradda la saaro saddex qodob: dhismaha guddi ka talo bixiya arrimaha doorashada federaalka, qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedyada, iyo in bisha Abriil 2026 la qabto kulan labaad oo lagu sii ambaqaado geeddi-socodka doorashada federaalka.

Hase yeeshee, dowladdu waxay sheegtay in maalintii koowaad ee wada-xaajoodka ay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka si kedis ah u soo kordhiyeen qodobo cusub oo aan horey loogu heshiin, kuwaas oo ay ku tilmaantay kuwo aan lahayn sal-dastuuri iyo tixraac sharci. 

Qodobadaas waxaa ka mid ahaa, sida ay dowladdu sheegtay, in Golaha Mustaqbalka ay talo toos ah ku yeeshaan maamulka doorashooyinka dowlad-goboleedyada kale.

Dowladdu waxay sheegtay inay muujisay dulqaad iyo dabacsanaan si loo ilaaliyo ajendihii lagu heshiiyay, balse ay nasiib darro tahay in Golaha Mustaqbalka ay soo saareen bayaan ay ku tilmaantay mid baal-marsan habraacyadii iyo nuxurkii wada-hadallada.

Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay in albaabada wada-xaajoodku u furan yihiin cid kasta oo diyaar u ah wada-hadal ku dhisan dastuurka, iyadoo adkaysay inay ka go’an tahay hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka isla markaana ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho 25ka Feebaraayo 2025 Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay inay dileen in ka badan 23 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, kaddib howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay Talaadadii maanta ayay ku sheegtay in howlgalka oo ka dhacay deegaanno hoostaga dowlad-goboleedka Hirshabeelle lagu bartilmaameedsaday xubno ay ku tilmaantay inay qorsheynayeen falal amni darro.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, howlgalka koowaad ayaa ka dhacay deegaannada Waab-weyn iyo Goobo oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. NISA waxay sheegtay in halkaas lagu dilay horjooge lagu magacaabo Mustafa Caato iyo maleeshiyaad kale.

Howlgal kale ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanka Maxaa Saciid ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo hay’addu sheegtay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa goob lagu tilmaamay xarun ay ku kulmi jireen.

Sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in duqeyn lagu beegsaday maleeshiyaad ku sugnaa degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo sida ay sheegtay qeyb ka ahaa dagaallo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Hay’addu waxay xustay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada la shaqeeya ee lagu xoojinayo amniga, islamarkaana lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee gobollada dhexe.

Ilaa hadda ma jiro war madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya khasaaraha la sheegay, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aaddan howlgaladan.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay kordhisay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay marar badan ka dhaceen dagaallo iyo duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Alshabaab.

Kazakhistan 25ka Feebaraayo 2025 Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kazakhstan, Fathudin Cali Maxamed, ayaa magaalada Astana kula yeeshay kulamo heer sare ah mas’uuliyiin ka tirsan waaxda tamarta ee Kazakhstan, kuwaas oo diiradda lagu saaray suurtagalnimada iskaashi ku saabsan sahminta iyo horumarinta shidaalka iyo gaaska.

Kulamada ayaa waxaa ka qeyb galay Askhat Khassenov, Guddoomiyaha Guddiga Maamulka shirkadda qaran ee tamarta KazMunayGas, iyo Sanzhar Zharkeshov oo ah Wasiir Ku-xigeenka Tamarta ee Kazakhstan. 

Wadahadalladan ayaa daba socda xiriirka diblomaasiyadeed ee dhowaan si rasmi ah u dhex maray Soomaaliya iyo Kazakhstan, taas oo astaan u ah furitaanka bog cusub oo iskaashi dhaqaale.

Qodobka ugu weyn ee laga wada hadlay ayaa ahaa iskaashi ku saabsan howlaha “upstream” oo ah marxaladda sahminta iyo baarista shidaalka ka hor inta aan la soo saarin, Labada dhinac ayaa muujiyay danayn xooggan oo ku aaddan dhisidda iskaashi waqti dheer socon kara oo faa’iido u leh labada dal.

Mas’uuliyiinta Kazakhstan ayaa soo bandhigay khibraddooda farsamo ee tobannaan sano ah ee ku aaddan sahminta iyo horumarinta shidaalka iyo gaaska, iyagoo xusay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan suuqyada soo koraya sida Geeska Afrika.

Dhankiisa, Safiir Fatxudin ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay fursado ballaaran oo shidaal iyo gaas ah, kuwaas oo ku yaalla dhulka (onshore) iyo badda (offshore) Wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay maareyn hufan oo kheyraadka dabiiciga ah, dejinta sharciyo cad iyo dhisidda iskaashi lala yeesho shirkado caalami ah oo khibrad leh.

Labada dhinac ayaa isku raacay in sahmin dhameystiran oo ku saleysan xog cilmiyeed ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee iskaashi waara, Waxaa la isla soo qaaday adeegsiga tiknoolajiyado casri ah sida baarista 3D seismic, falanqaynta xogta dhulka hoostiisa iyo qaabeynta saxda ah ee kaydadka shidaalka.

Sidoo kale, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay is-weydaarsiga aqoonta, tababaridda khubarada Soomaaliyeed iyo iskaashi dhinaca nidaamyada sharciyeynta si loo helo koboc tamareed oo waara.

Ugu dambeyn, kulamada ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ah in la sii xoojiyo wadahadallada lana raadiyo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu hirgelin karo iskaashi shidaal iyo gaas, taas oo sare u qaadaysa xiriirka dhaqaale iyo tamareed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kazakhstan.

Wariye Cabdixafiid Nuur Barre, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable TV, ayaa xalay laga xiray Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay xarunta uu ka howlgalo.

Xog ay heshay Somali Cable TV oo ay barteedi Bulshada ku faafisay ayaa tilmaamaysa in wariyaha uu u xiran yahay ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin goobta lagu hayo iyo eedeymaha loo haysto. 

Ilaa iyo hadda, hay’adaha amniga wax war ah kama soo saarin xarigga wariyaha.

Dhacdadan ayaa walaac xooggan ku abuurtay bahda saxaafadda, qoyskiisa iyo bulshada rayidka ah, kuwaas oo ka cabsi qaba xaaladdiisa iyo in xorriyaddiisa lagu xadgudbay si sharci darro ah.

Xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariyaha.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in xarigga wariyaha uusan waafaqsanayn xeerarka dowladnimada iyo garsoorka dalka, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo.

Sidoo kale, musharraxiinta madaxweynaha ee kala ah Cabdi Faarax Shirdoon, Xasan Cali Kheyre, iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa si wadajir ah u cambaareeyay tallaabada lagu xiray wariyaha, iyagoo ku tilmaamay caburin ka dhan ah warbaahinta madaxabannaan iyo ku tumasho dastuurka dalka.

Musharraxiintan ayaa dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in si shuruud la’aan ah loo sii daayo wariye Cabdixafiid, lana xaqiijiyo badqabka iyo xuquuqdiisa aasaasiga ah.

Ilaa iyo hadda, lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigga, waxaana indhaha lagu hayaa jawaabta ay bixiyaan hay’adaha amniga iyo tallaabada ay qaadi doonto dowladda Federaalka Soomaaliya.

WARARKA MAANTA 22ka Feebaraayo 2025

Su’aalaha Maanta: Yaa fashilaaya shirkii Dowladda Iyo Mucaaradka? Maxay labada aqal u diidan yihiin inay laba sanno oo muddo kororsi ah? Meeqo sanno ayaa loogu dari doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Aw-Birmade”? Yaase diidan in muddo kororsi uu sameeyo Madaxweyne Mudane Xassan? Yaa argagixisada #Shabaab u magacaabay Wasiiro? Yaa diiday inay shacabka #Muqdisho helaan #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Buurxakabo 22ka Feebaraayo 2025 Wararka naga soo gaaraya degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa hoggaanka sare ee maamulka Koonfur Galbeed iyo maamulka degmada.

Xiisaddan ayaa si toos ah u saameysay garoonka diyaaradaha ee dhawaan laga hirgeliyay magaalada, kaas oo ahaa mashruuc ay si wadajir ah u maalgelisay bulshada deegaanka.

Duqa Degmada Buurhakaba, Ibraahim Maxamed Ibraahim (Laysaamow), ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu cadaadis siyaasadeed ku hayo degmada. Wuxuu xusay in dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay hakisay duullimaadyadii gargaarka bani’aadannimo ee imaan jiray Buurhakaba maalmaha Arbaco iyo Axad.

Duqu waxa uu tilmaamay in go’aanka lagu joojiyay duullimaadyada uu yimid kaddib walaacyo la xiriira amniga oo ay soo jeediyeen hoggaanka sare ee gobolka.

Ibraahim Laysaamow ayaa carrabka ku adkeeyay in garoonka Buurhakaba uu yahay mid ay dadweynuhu si iskaa wax u qabso ah u dhiseen, islamarkaana ay bixiyeen dhaqaalaha ku baxay dhismihiisa. Wuxuu ku eedeeyay maamulka Koonfur Galbeed in halkii laga taageeri lahaa howlaha garoonka ay caqabad ku noqdeen.

Dhinaca kale, ilo wareedyo ayaa sheegay in cadaadiska lagu hayo garoonka uu la xiriiro ciidamo tababar ku qaadanaya halkaasi, kuwaas oo la sheegay in tababarkoodu leeyahay ujeeddo siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Buurhakaba ayaa ku dooday in ciidamadaasi ay qeyb ka yihiin hay’adaha ammaanka, isla markaana tababarka ka socda garoonka uu la mid yahay kan ka socda degmooyinka kale ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Arrintan ayaa weli taagan, iyadoo la sugayo sida ay u xallin doonaan dhinacyada isku haya khilaafka saameynta ku yeeshay adeegyada muhiimka ah ee degmada.

Muqdisho 22ka Feebaraayo 2025 Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku qoranayso 12,000 macallin dhammaadka sanadka 2026, taas oo qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu dib-u-dhisayo nidaamka waxbarashada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda ay horey u qoratay una hawlgelisay 6,000 macallin oo tababaran muddo ka yar laba sano, taas oo si weyn uga badan qiyaastii 900 macallin oo ku jiray mushaharka dowladda federaalka markii ay xukuumaddu xilka la wareegtay.

“Laba sano gudahood, waxaan qoranay una dirnay shaqo 6,000 macallin oo tababaran, annagoo ku sii jeedna inaan gaarno 10,000 macallin oo ka hawlgala guud ahaan dalka, laga bilaabo magaalooyinka waaweyn ilaa bulshooyinka ugu fogfog,” ayuu Barre ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa X .

“Waxaan sii wadeynaa dadaalka si aan u gaarno 12,000 macallin oo dowladdu shaqaaleysiiso marka la gaaro dhamaadka 2026.”

Raysal wasaare Xamse ayaa ku tilmaamay dib-u-habaynta waxbarashada “howl qaran,” isaga oo xusay in mushaharka macallimiinta markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya si buuxda looga maalgelinayo dakhliga gudaha.

“Arrintani ma aha oo kaliya siyaasad, waa sharaf iyo muujinta madax bannaanida dalka. Macallimiinteennu mar dambe lama illaawinayo; waa laf-dhabarta qaranka iyo kuwa dhisaya mustaqbalka,” ayuu yiri raysal wasaaruhu.

Sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu, wax ka yar afar meelood meel carruurta Soomaaliyeed ayaa dugsi ku jirtay markii ay xukuumadda hadda jirta xilka la wareegtay. 

Waxa uu tilmaamay in diiwaangelinta ardaydu ay si weyn u korortay, iyadoo tirada ardayda u fariisata imtixaanka fasalka 12aad ay ka korortay 7,000 ilaa 39,000. Ardayda ku nool Laascaanood ayuu sheegay in markii ugu horreysay muddo soddon sano ah u fariisteen imtixaannada qaranka.

Muqdisho 22ka Feebaraayo 2025 Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay wajahday cadaadis dhaqaale oo sii kordhaya, kaddib geerida laba masuul oo sare oo maamuli jiray kaabayaasha maaliyadeed ee ururka Alshabaab.

Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka dowladda ee SONNA ayaa lagu sheegay in ilo sirdoon oo ka tirsan gudaha ururka ay tilmaameen in kooxdu ay ku dhibtoonayso helitaanka ilo dhaqaale oo cusub, xilli ay dowladdu sheegtay inay sii xoojisay weerarrada lagu bartilmaameedsanayo shabakadaha maalgelinta.

Dowladda federaalka ayaa sheegtay in hoos-u-dhaca dhaqaale uu sii kordhay sanadkan, gaar ahaan kaddib dhimashadii laba ka mid ah madaxda maaliyadda ee kooxda, oo ay ku kala magacowday Maxamed Mire Jaamac iyo Cabdullaahi Wadaad. Sida lagu sheegay warbixinta, labadaasi masuul ayaa door muhiim ah ku lahaa maaraynta nidaamyada dakhliga iyo qaabeynta istaraatiijiyadda dhaqaale ee ururka.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in dakhliga soo galay Al-Shabaab sanadkii 2025 uu hoos uga dhacay 80 milyan oo doollar, taasoo dowladda ku tilmaantay hoos-u-dhac weyn marka loo eego sanadihii hore, kaddib markii la carqaladeeyay nidaamyadii baadda iyo cashuuraha ee kooxda.

Dowladdu waxay sheegtay inay kordhisay adeegsiga kaamirooyinka ammaanka (CCTV) iyo saraakiil amni oo qarsoodi ah oo laga hawlgeliyay suuqyada waaweyn ee Muqdisho iyo xarumaha maaliyadeed ee muhiimka ah, si loo wiiqo habraacyada uruurinta lacagaha.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa sheegay in tallaabooyinkaas ay burburiyeen shabakado uruurin lacageed, ayna sare u qaadeen halista hawlgal ee wakiillada maaliyadeed ee kooxda Alshabaab.

Muqdisho 22ka Feebaraayo 2025 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay kulan magalada Muqdisho kula yeeshay qaar kamid ah bulshada gobolka Banaadir, ayaa si kulul uga hadlay wax ka beddelka dastuurka federaalka, isaga oo su’aal geliyay cidda uu u adeegayo dastuurka uu sheegay in wax laga badalayo.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dastuurkan aan lagu khasbi karin shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay arkaan in dastuurkaasi uu u muuqdo mid ay si gaar ah ugu danaynaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh  Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe.

“Waxaan ogahay in Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe uu dastuur u noqonayo. Cid kale oo uu u noqonayo ma garanayo,” ayuu yiri madaxweyne Deni, isagoo adkeeyay in wixii hore loogu heshiiyay lagu sii dhaqmo ilaa heshiis buuxa laga gaarayo.

Madaxweynaha Puntland waxa uu ka digay in tallaabo kasta oo aan wada-tashi ku dhisnayn ay khatar gelin karto midnimada iyo xasilloonida dalka, isagoo sheegay in federaalka lagu ilaaliyo heshiis iyo wada-ogol.

Dhanka kale, wuxuu bogaadiyay xubnaha Golaha Mustaqbal, isaga oo ku ammaanay doorkooda ku aaddan ka shaqeynta nabadda iyo ka hortagga burburka.

“Inta dagaalka iyo burburka ka cararaysa waa Golaha Mustaqbal,” ayuu yiri, isagoo xusay in guul kasta oo laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay ay noqon doonto mid ay wada leeyihiin dhammaan dhinacyadu.

Madaxweyne Deni ayaa muujiyay rajo ah in haddii dadaallada socda ay guuleystaan, ay ka wada shaqeyn doonaan samatabixinta dalka, isagoo ku celiyay in masiirka Soomaaliya uu ku xirnaan doono wada-tashi iyo is-afgarad dhab ah.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Deni ayaa hadalkan sheegay xilli uu magaalada Muqdisho ka socdo wada xaajood u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, iyadoo aan weli lagu gaarin wax heshiis ah, lagana cabsi qabo inuu ku soo dhamaado natiijo la’aan.

WARARKA MAANTA 21ka Feebaraayo 2025

Su’aalaha Maanta: Maxay labada aqal u diidan yihiin inay laba sanno oo muddo kororsi ah? Meeqo sanno ayaa loogu dari doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Aw-Birmade”? Yaase diidan in muddo kororsi uu sameeyo Madaxweyne Mudane Xassan? Yaa argagixisada #Shabaab u magacaabay Wasiiro? Yaa diiday inay shacabka #Muqdisho helaan #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Maraykanka Feebaraayo 2025 Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa shaacisay barnaamij tartan ah oo lagu bixinayo ilaa $200 milyan oo kaalmo dibadeed ah, si loo dedejiyo hirgelinta taleefanno casri ah oo ammaan ah, tayo sare leh isla markaana qiimo jaban ku gaadha dalalka gobolka Indo-Pacific. Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero shirkadaha soo bandhiga qorshe cad iyada oo lagu gaadhsiinayo taleefanno la isku halayn karo.

Barnaamijkan wuxuu diiradda saarayaa taleefanno ku shaqeeya nidaamyo la aamini karo sida Android iyo iOS. Ujeeddadu waa in dadka ku cusub internet-ka ee ku nool gobolka Indo-Pacific lagu daro nidaam furan oo is-waafaqsan, si ay uga faa’iidaystaan adeegyo casri ah, ganacsi dhijitaal ah iyo horumar ku saleysan tiknoolajiyada.

Mashruucan ayaa qayb ka ah aragti istiraatiiji ah oo loo bixiyay Pax Silica. Aragtidan waxay ku saleysan tahay in la dhiso Indo-Pacific isku xidhan oo horumarsan, halkaas oo malaayiin qof lagu siiyo qalab iyo barnaamijyo u suurtogelinaya inay horumariyaan Caqliga Macmalka ah iyo hal-abuurka ganacsi. Taas macnaheedu waa in taleefanku noqdo aalad lagu abuuro shaqo, waxbarasho iyo fursado dhaqaale.

Sidoo kale, barnaamijku waxa lagula dagaalamaya shirkadaha Shiinaha ee Telefoonada oo uu Maraykanku u arko khatar amni. Mareykanku wuxuu rumeysan yahay in qaar ka mid ah shirkadaha suuqa ku jira ay keenaan khatar dhinaca xogta iyo madaxbannaanida dijitaalka ah, sidaas darteedna uu muhiim yahay in la helo suuq ku dhisan tartan cadaalad ah iyo tiknoolajiyad la isku halayn karo.

Wasaaraddu waxay si rasmi ah ugu casuuntay shirkadaha isgaadhsiinta iyo shirkadaha sameeya qalabka taleefannada inay soo gudbiyaan dalabyo, mid wadajir ah ama mid gaar ah. Tani waxay ka dhigan tahay in shirkaduhu ay soo bandhigaan qorshe cad oo muujinaya sida ay u qaybinayaan taleefanno jaban balse tayo sare leh dalalka la beegsanayo.

Shuruudaha muhiimka ah waxaa ka mid ah in shirkadu adeegsato nidaam hawlgal oo Mareykan ah oo la aamini karo, isla markaana si buuxda ula jaanqaadaya nidaamka barnaamijyada iyo Caqliga Macmalka ah ee Mareykanka. Sidoo kale, shirkaduhu waa inay caddeeyaan sida lacagta la siinayo ay uga caawinayso inay hoos u dhigaan qiimaha taleefanka si uu ula tartamo kuwa kale ee suuqa yaalla.

Mudnaan gaar ah ayaa la siin doonaa shirkadaha xaruntoodu ku taal dalalka la-hawlgalayaasha Pax Silica, si loo dhiso isbahaysi tiknoolajiyadeed oo ku dhisan kalsooni. Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in shirkaduhu muujiyaan daahfurnaan buuxda oo ku saabsan silsiladda sahayda, taas oo micnaheedu yahay in si cad loo ogaan karo halka uu qalabku ka yimaaddo iyo cidda soo saartay.

Shirkadaha danaynaya waa inay iimayl u diraan EdgeAI@state.gov si ay u helaan faahfaahin dheeraad ah, waxaana codsiyada la gudbin karaa muddo 90 maalmood ah. Si kastaba ha ahaatee, maalgelinta $200 milyan ah waxay ku xidhnaan doontaa helitaanka miisaaniyad iyo ogeysiinta Kongareeska Mareykanka.

Waddamada Indo-Pacific guud ahaan waxaa ka mid ah dalal ku teedsan Badweynta Hindiya iyo Badweynta Baasifigga, sida: Hindiya, Pakistan, Bangladesh, Sri Lanka, Maldives, Indonesia, Malaysia, Singapore, Thailand, Vietnam, Philippines, Japan, South Korea, Australia, New Zealand, Papua New Guinea, Kenya, Tanzania, Mozambique, iyo South Africa, mararka qaarna waxa lagu dara Soomaaliya iyo kuwo kale oo ku yaalla Bariga Aasiya iyo Pacific-ga. Gobolkan ayaa maanta ah mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan dhaqaale iyo istiraatiiji ahaan dunida.

Muqdisho 21ka Feebaraayo 2025 Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in barnaamijyadeeda gargaar ee badbaadiya nolosha malaayiin qof ay istaagi karaan toddobaadyada soo socda, haddii aan si degdeg ah loo helin dhaqaale ku filan oo lagu sii wado kaalmada cuntada iyo nafaqada degdegga ah ee Soomaaliya.

Mas’uul sare oo ka tirsan WFP, Ross Smith, oo ah Agaasimaha Diyaargarowga iyo Ka-jawaabista Gurmadka Degdegga ah, ayaa sheegay in ku dhowaad laba milyan oo carruur ah oo ku nool Soomaaliya ay la ildaran yihiin nafaqo-darro ba’an. 

Wuxuu xusay in dalka uu wajahayo mid ka mid ah dhibaatooyinka gaajada ee ugu adag sanadihii u dambeeyay, taasoo ka dhalatay laba xilli-roobaad oo xiriir ah oo roob yari ah, colaado sii kordhaya iyo hoos u dhac ku yimid maalgelintii bani’aadamnimo.

Sida uu sheegay, dhaqaale xumida hadda jirta waxay ku qasabtay WFP inay si weyn u dhinto tirada dadka ka faa’iideysanaya gargaarka cuntada degdegga ah. 

Tiradaas oo ahayd 2.2 milyan oo qof horraantii 2025, ayaa hadda hoos ugu dhacday wax ka badan 600,000 oo qof oo keliyataasoo la micno ah in hal qof oo keliya laga caawinayo toddobadii qof ee u baahan gargaar si ay u noolaadaan.

Sidoo kale, barnaamijyada nafaqada ee loogu talagalay haweenka uurka leh, kuwa nuujinaya iyo carruurta ayaa si weyn loo dhimay, iyadoo tiradii ka faa’iideysanaysay ay ka soo degtay 400,000 bishii Oktoobar 2025 ilaa 90,000 bishii Diseembar ee la soo dhaafay.

Mas’uulkan ayaa ka digay in xaaladdu si xawli ah uga sii darayso, qoysas badanna ay lumiyeen ilihii nolol-maalmeedkooda, taasoo ku riixaysa inay qarka u koraan xaalad macaluul ah. 

Ugu dambeyn, hay’addu waxay sheegtay in ay si degdeg ah ugu baahan tahay 95 milyan oo doolar si ay u sii waddo taageerada dadka ugu nugul inta u dhexeysa Maarso iyo Agoosto 2026, Waxay ka digtay in haddii aan la helin dhaqaalahaas, ay suurtagal tahay in gargaarka bani’aadamnimo ay kawado Soomaaliya uu istaago bisha Abriil ee soo socota.

Maraykanka 21ka Feebaraayo 2025  Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si kulul u weeraray qaar ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Maraykanka kadib markii ay laaleen canshuuro uu ku soo rogay dalal badan, isaga oo ku tilmaamay “kuwa aan waddaniyad lahayn oo aan daacad ahayn.”

Trump ayaa warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad, isagoo sheegay inuu “u khajilsanyahay xubnaha ka tirsan maxkamadda,” isla markaana ku andacooday in go’aanka maxkamaddu uu saameyn ku yeeshay danaha waddamada shisheeye.

Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa lagu diiday adeegsiga ballaadhan ee uu Trump ku sameeyay Sharciga Awoodaha Dhaqaalaha Degdegga ah ee Caalamiga ah – IEEPA – si uu canshuuro ugu soo rogo ku dhawaad dhammaan dalalka. Sharcigan oo la dejiyay 1970-meeyadii ayaa u oggolaanaya Madaxweynaha inuu xakameeyo soo dejinta badeecadaha marka ay jirto xaalad degdeg ah oo khatar aan caadi ahayn ku ah amniga qaranka.

Trump ayaa sannadkii hore, bilowgii maamulkiisa labaad, canshuuro ku soo rogay Canada, Mexico iyo China isaga oo ku doodayay in dalalkaasi ku fashilmeen xakamaynta tahriibinta daroogada fentanyl ee soo galaysa Maraykanka.

Garsoorayaasha Neil Gorsuch iyo Amy Coney Barrett – oo Trump magacaabay xilligii hore ee madaxtinimadiisa – ayaa ku biiray Guddoomiyaha Maxkamadda John Roberts iyo saddexda garsoore ee loo arko kuwa garabka bidix si ay u go’aamiyaan in adeegsiga awoodaha degdegga ahi uu sharci-darro ahaa.

Dhanka kale, Trump ayaa u mahadceliyay garsoorayaasha diidmada muujiyay ee kala ah Clarence Thomas, Samuel Alito iyo Brett Kavanaugh, isaga oo ku tilmaamay kuwo “xoog iyo xigmad leh” oo jecel dalkooda.

Markii wax laga weydiiyay in uu ka qoomamaynayo magacaabista Gorsuch iyo Barrett, Trump ayaa sheegay in aanu rabin inuu si cad uga jawaabo balse uu go’aankooda ku tilmaamay “mid xun” oo xitaa ceeb ku ah qoysaskooda.

Inkasta oo Maxkamadda Sare ay laashay canshuurihii ku salaysnaa IEEPA, Trump ayaa shaaciyay inuu soo rogi doono canshuur guud oo dhan 10 boqolkiiba, isla markaana uu bilaabi doono baadhitaanno horseedi kara canshuuro cusub oo lagu soo rogo dalal iyo badeecooyin kala duwan. Waxa uu sidoo kale caddeeyay in canshuuraha kale ee uu hore ugu soo rogay biraha iyo badeecooyin kale ay weli sii jiri doonaan, maadaama aanay qayb ka ahayn kiiskan Maxkamadda Sare.

Trump ayaa ku adkaystay in sharciyo kale oo jira ay siinayaan awood uu ku soo rogi karo canshuuro ka ballaadhan kuwii hore, isaga oo sheegay in “si loo ilaaliyo dalka madaxweynuhu uu qaadi karo tallaabooyin ka sii xooggan kuwii hore.”

Muqdisho 21ka Feebaraayo 2025 Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa hakisay shaqada qaar ka mid ah diyaaradaha ka hawlgala Soomaaliya, kaddib kormeerro lagu ogaaday khaladaad farsamo iyo u hoggaansanaan la’aan heerarka ay dejisay hay’adda Duulista adduunka (ICAO).

Go’aankan ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo badqabka duulimaadyada iyo kalsoonida rakaabka.

Tallaabadan ayaa timid kaddib dhacdadii 10-kii Febraayo, markaas oo diyaarad ay maamuleysay Starsky Aviation ay cilad farsamo la kulantay wax yar kaddib markii ay ka duushay Garoonka Aadan Cadde.

Diyaaradda ayaa ka baxday dhabbihii ay ku ordi lahayd, iyadoo ku dhacday meel u dhow xeebta Badweynta Hindiya. Inkastoo dhammaan 55-kii qof ee saarnaa ay ka badbaadeen, dhacdadaasi ayaa waxay dhalisay walaac iyo su’aalo ku saabsan heerka kormeerka, dayactirka iyo u hoggaansanaanta xeerarka badqabka.

SCAA ayaa sidoo kale sheegtay in, iyadoo la tixgelinayo xoojinta isdhexgalka dhaqaale ee Bariga Afrika, ay adkeynayso xeerarka la xiriira cabbirka kuraasta, tayada adeegga duulimaadyada iyo habraacyada qiimeynta, si loo ilaaliyo xuquuqda rakaabka Soomaaliyeed loona hubiyo in shirkaduhu raacaan halbeegyo caalami ah.

Dhanka kale, rakaabka u kala safra magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa si isa soo taraysa uga cabanaya qiimaha sare ee tikidhada iyo ciriiriga diyaaradaha. Qiimaha safarka wareegga ah ee u dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi ayaa gaaraya inta u dhaxaysa $400 ilaa $450, inkastoo masaafadu tahay qiyaastii 90 daqiiqo. Rakaab badan ayaa ku tilmaamay qiimahaas mid aan la jaanqaadi karin masaafada gaaban iyo heerka adeeg ee la helo.

Warbixinno laga helayo rakaabka ayaa muujinaya in qaar ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya khadkaas ay adeegsadaan diyaarado yaryar oo si gaar ah loogu habeeyey kuraas aad u ciriiri ah, si loo kordhiyo tirada rakaabka halkii duullimaad. Taas ayaa keentay cabashooyin la xiriira meel la’aanta lugaha iyo garbaha, taas oo ka dhigaysa safarka mid daal iyo raaxo darro leh.

Dadka dhaliilaya qaabka ganacsi ee jira waxay ku doodayaan in suuqan uu yahay mid xaddidan, maaddaama aysan jirin waddooyin dhuleed oo ammaan ah oo si fudud ugu beddelan kara duullimaadyada. Arrintaas ayaa shirkadaha siinaysa awood ay ku qaadaan qiime sare, iyada oo tartanka suuqeed uu kooban yahay—taas oo sare u qaadaysa qiimaha, balse aan la socon koror tayo iyo adeeg.

WARARKA MAANTA 20ka Juun 2025

Su’aalaha Maanta: Meeqo sanno ayaa loogu dari doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Aw-Birmade”? Yaase diidan in muddo kororsi uu sameeyo Madaxweyne Mudane Xassan? Yaa argagixisada #Shabaab u magacaabay Wasiiro? Yaa diiday inay shacabka #Muqdisho helaan #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 20ka Juun 2025 Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay sii wadi doonto, isla markaana ballaarin doonto barnaamijyada tababarka milatari, la-talinta iyo taageerada amniga ee loogu fidiyo Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida iyo ammaanka caalamiga ah.

Waxaa sidaas sheegay afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Zeki Aktürk, isagoo ka hadlaayey shir jaraa’id toddobaadle ah oo ka dhacay Ankara.

Aktürk ayaa cadeeyay in taageerada Turkiga ay diiradda saarayo xoojinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Aktürk ayaa tilmaamay in Turkigu ka caawinayo ilaalinta hawlaha sahminta shidaalka iyo isla markaana ay taageero siinayaan howlgalada la dagaallanka argagixisada ee ay fuliyaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wafdi ka socda Taliska Ciidamada Badda Turkiga ayaa dhawaan booqday Soomaaliya si ay u eegaan hawlaha socda iyo heerka iskaashiga milatari ee labada dal, taasoo muujinaysa sida labada waddan ay u xoojinayaan xiriirka dhinaca difaaca iyo ammaanka.

Maraykanka 20ka Juun 2025 Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Iran ay haysato qiyaastii 10 ilaa 15 maalmood si ay heshiis ula gaadho Washington, haddii kalena ay la kulmi karto weerarro dheeraad ah oo militari.

Trump oo ka hadlayay shirkii ugu horreeyay ee “Gudida Nabada” ee ka dhacay Washington, DC, ayaa sheegay in Maraykanku doonayo “heshiis macno leh” oo lala galo Tehran, isaga oo intaas ku daray in haddii taas la waayo ay dhici karto in xaaladdu u gudubto tallaabo kale.

“Waxaan rabnaa heshiis dhab ah. Haddii kale, waxyaabo xun ayaa dhici doona,” ayuu yidhi Trump, isaga oo xusay in 10-ka maalmood ee soo socda ay caddayn doonaan jihada arrintu qaadi doonto.

Hadalkan ayaa imanaya xilli Maraykanka iyo Iran ay yeesheen wareeg labaad oo wada-hadallo dadban ah. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in wada-hadalladii ka dhacay Geneva ay sameeyeen “horumar wanaagsan” isla markaana la isla qaatay mabda’yo hagaya heshiis suurtagal ah.

Si kastaba, xiisadda ayaa weli taagan, iyadoo Maraykanku ku ururiyay awood militari oo ballaadhan gobolka Khaliijka, oo ay ku jiraan laba markab dagaal oo nooca diyaaradaha xambaara ah iyo diyaarado dagaal oo tiro badan.

Iran oo beenisay inay doonayso hub nukliyeer ah, ayaa sheegtay inay oggolaan karto in la xaddido kobcinta yuraaniyamka iyo in la hoos geeyo kormeer caalami ah oo adag. Hase yeeshee, maamulka Trump ayaa si cad u muujiyay inuu ka soo horjeedo nooc kasta oo kobcin ah oo Iran samayso, sidoo kalena doonayo in la xaddido gantaallada riddada dheer ee Tehran, arrintaas oo ay Iran ku tilmaantay mid aan laga tanaasuli karin maadaama ay la xidhiidhto difaaceeda qaran.

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Cali Khamenei, ayaa isna ka jawaabay hanjabaadaha Maraykanka, isaga oo sheegay in inkastoo markabka dagaalku uu yahay hub halis ah, ay haystaan hub ka khatar badan oo awood u leh inuu badda hoosteeda dhigo markabkaas.

Xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Tehran ayaa sii xoogaysatay tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2025, iyada oo hadallada kulul iyo hanjabaaduhu ay sii socdaan inkasta oo ay jiraan dadaallo diblomaasiyadeed oo socda. Trump ayaa hore uga baxay heshiiskii nukliyeerka ee lala galay Iran sannadkii 2018, taas oo keentay in cunaqabataymo culus dib loogu soo rogo Tehran.

Hadda, indhaha caalamka ayaa ku jeeda 10-ka maalmood ee soo socda, kuwaas oo go’aamin kara in wada-hadalladu miro dhalaan iyo in kale, ama in xiisaddu u gudubto wejigi ciidan.

Iran 20ka Juun 2025 Dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa warqad rasmi ah u dirtay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka, iyadoo ka cabanaysa hanjabaado ay sheegtay in ay uga imanayaan Maraykanka, isla markaana ku tilmaantay kuwo khatar ku ah nabadda iyo amniga caalamka.

Warqadda oo ku taariikhaysan 19 Febraayo 2026, kuna socota Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo Madaxweynaha Golaha Ammaanka James Kariuki, ayaa lagu sheegay in hadalladii u dambeeyay ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ay yihiin ku xadgudub Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah.

Iran ayaa si gaar ah u xustay qoraal uu Trump ku daabacay baraha bulshada 18 Febraayo, kaas oo uu ku sheegay in haddii Iran diido inay heshiis gaadho, ay Maraykanku isticmaali karaan saldhigga Diego Garcia iyo garoonka Fairford si ay u qaadaan weerar ka dhan ah Iran.

Danjiraha Iran u fadhiya Qaramada Midoobay, Amir Saeid Iravani, oo saxeexay warqadda, ayaa ku adkaystay in hanjabaadaha adeegsiga xoogga aan loo aqbali karin inay noqdaan “caado siyaasadeed” ama qalab diblomaasiyadeed. Waxa uu ugu baaqay Golaha Ammaanka inuu si degdeg ah uga hortago waxa uu ku tilmaamay “ku tumasho sharci” si aanay xaaladdu ugu gudbin dagaal toos ah oo saameeya gobolka iyo caalamkaba.

Iran ayaa ku celisay inayna doonayn dagaal ama xiisad cusub, balse haddii la weeraro ay ku dhaqmi doonto xaqeeda is-difaaca ee ku cad Qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay. Waxay intaas ku dartay in dhammaan saldhigyada, xarumaha iyo hantida ciidamada weerarka qaada ay noqon doonaan badhtilmaameed sharci ah marka laga hadlayo jawaab difaac ah.

Sidoo kale, Tehran waxay sheegtay inay weli ka go’an tahay in la gaadho xal diblomaasiyadeed, iyadoo tilmaantay in wada-hadallada nukliyeerka ay u wajahayso si dhab ah, isla markaana ay doonayso in la qaado cunaqabataynta oo ay ku tilmaantay “mid sharci-darro iyo bani’aadannimo darro ah”.

Warqadda Iran ayaa ku soo beegantay xilli ay sii kordhayaan hadallada kulul iyo diyarowga militari ee Washington iyo Tehran, inkasta oo ay jiraan wada-hadallo dib u bilowday oo lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda taagan.

Turkey 20ka Juun 2025 Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u beenisay wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegaya in Ankara ay dooneyso inay faa’iido gaar ah ka hesho kheyraadka tamarta ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira sahminta shidaalka.

Bayaan kasoo baxay xarunta la-dagaallanka wararka been abuurka ee madaxtooyada Turkiga ayaa lagu caddeeyay in heshiiska u dhexeeya Shirkadda Batroolka Turkiga (TPAO) iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliya uu si cad u dhigayo in kheyraadka dabiiciga ah uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed. 

Waxaa sidoo kale la xusay in iskaashiga labada dal uu ku dhisan yahay sharci cad iyo mabda’a dan wadaag.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in markabka qodista shidaalka ee Turkiga, “Çağrı Bey”, uu kasoo shiraacday dekedda Mersin ee koonfurta Turkiga, kuna soo jeedo biyaha Soomaaliya si uu u bilaabo hawlaha sahminta shidaalka.

Mas’uuliyiin Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid taariikhi ah oo muujinaysa soo kabashada dalka iyo bilowga ka faa’iidaysiga rasmiga ah ee kheyraadkiisa dabiiciga ah, kadib sanado badan oo caqabado jiray.

Wararka ayaa sheegaya in safarka markabku qaadan doono ku dhowaad 45 maalmood, ka hor inta aan la bilaabin qodista ceelka loo yaqaan “Korad-1” bisha Abriil ee soo socota. Mashruucan ayaa qayb ka ah heshiisyo siinaya Turkiga xuquuqda sahminta iyo soo saarista shidaalka ee dhowr qaybood oo ka tirsan badda Soomaaliya

Muqdisho 20ka Juun 2025 Hay’adda Guud ee Gaadiidka Sacuudiga ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, si loo xoojiyo wada shaqeynta dhinaca daabulka rakaabka iyo badeecadaha maraakiibta.

Heshiiskan ayaa lagu doonayaa in lagu fududeeyo isu socodka maraakiibta ganacsiga ee u kala goosha labada dal, isla markaana lagu hormariyo isku xirka dekedaha iyo marin-biyoodka caalamiga ah, taas oo sare u qaadaysa xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya labada waddan.

Qodobada Heshiiska waxaa ka mid ah, In la fududeeyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga, In la xoojiyo isku xirka badda iyo habsami u socodka howlaha maraakiibta, In la is dhaafsado khibrado iyo aqoon farsamo oo ku saabsan maareynta gaadiidka badda iyo sidoo kale In la kordhiyo hufnaanta iyo tayada adeegyada daabulka rakaabka iyo xamuulka.

Heshiiska waxaa dhinaca Sacuudiga u saxiixay Wasiirka Gaadiidka iyo Adeegyada Saadka, Injineer Saalaax bin Naasir Al-Jaasir, halka dhinaca Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac.

Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in heshiiskan uu furayo bog cusub oo iskaashi istiraatiiji ah, islamarkaana uu door muhiim ah ka qaadan doono kobcinta ganacsiga, maalgashiga iyo isku socodka badeecadaha ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Soomaaliya.

WARARKA MAANTA 19ka Juun 2025

Su’aalaha Maanta: Yaa ka soo qaybgalaaya shirka ka dhacaaya #VillaSomalia? Yaa argagixisada #Shabaab u magacaabay Wasiiro? Yaa diiday inay shacabka #Muqdisho helaan #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

New York 19ka Juun 2025 Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Baale, ayaa sheegay in xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirta Marinka Gaza ay mareyso marxalad aad u halis ah, iyadoo ay jiraan cadaadisyo waaweyn oo saaran howlaha gargaarka, kuwaas oo caqabad ku noqday gaarsiinta kaalmooyinka dadka rayidka ah.

Safiirka ayaa hadalkan ka jeediyay shir uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo xusay in xaaladda dhabta ah ee ka jirta Gaza ay u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo ay qaadaan beesha caalamka si loo hubiyo in gargaarku si nabad ah oo joogto ah u gaaro shacabka ku dhibaateysan dagaallada.

Abuukar Baale ayaa carrabka ku adkeeyay in ilaalinta dadka rayidka ah ay tahay waajib sharci iyo mid akhlaaqeed, isla markaana loo baahan yahay in si buuxda loo ixtiraamo xeerarka caalamiga ah ee bani’aadannimada.

Safiirka ayaa sidoo kale si cad u sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga soo horjeedo isku day kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiiniyiinta si khasab ah ama loogu raro dalal kale, oo ay ku jirto Soomaaliya. 

Wuxuu tilmaamay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay jebinayso shuruucda caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.

Safiirka Soomaaliya ayaa sheegay in xal waara uusan ku jirin beddelidda qaab-dhismeedka dadweynaha ama in la soo rogo xalal qasab ah, balse uu ku jiro in la xalliyo asalka khilaafka, laguna xaqiijiyo xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa ay u leeyihiin inay si nabad iyo sharaf leh ugu noolaadaan dhulkooda.

Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay qaadato mas’uuliyaddeeda, isla markaana la joojiyo colaadda, lana xoojiyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu gaari karo xabbad-joojin dhameystiran iyo xal cadaalad ah oo waara.

Muqdisho 19ka Juun 2025 Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta si rasmi ah uga furmo shirka wada-tashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shirka furidoona shirka, iyadoo marka hore diiradda lagu saari doono qiimeynta xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo hannaanka doorashooyinka.

Sida aan xogta ku helay, bilowga wada hadalka waxaa laga qeyb galin doonaa wakiillada bulshada rayidka ah, si ay aragtidooda ugu darsadaan wada xaajoodka Dowladda iyo mucaaradka.

Shirka oo la filayo inuu dhowr maalmood socdo ayaa la filayaa in si rasmi ah loo dejiyo ajandaha qodobbada weli la isku mari la’yahay, si wada-hadalladu u yeeshaan jihayn cad iyo jadwal qeexan.

Dowladda iyo mucaaradka ayaa laga filayaa inay dabac sanaan iyo tanaasul ka muujiyaan qodobada la isku hayo, si uu shirka u miro-dhalo.

Talaadadii doraad ayay ahayd markii la gaaray is-afgarad ku saabsan qabsoomidda shirka wada-tashiga ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo lagu qaban doono xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Golaha Wadatashiga ayaa aqbalay codisga ka yimid madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ah in shirku ka dhaco xarunta madaxtooyada dalka iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dabacsanaan iyo tanaasulaad si loo abuuro jawi wada-hadal oo rasmi ah.

Wasiirka caddaaladda Xasan Macalin oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka ayaa maalin ka hor warbaahinta ka sheegay in qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah ay weli tahay mudnaanta koowaad ee dowladda, xilli ay muddo xileedka dowladdu ka harsan yahay wax ka yar 3 bil.

Nairobi 19ka Juun 2025 Hay’adaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa shaaciyay inay fashiliyeen weerar argagixiso oo weyn oo la qorsheeyay in laga fuliyo caasimadda Nairobi, xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qoraal lagu daabacay barta X (Twitter) ee Counter Terrorism Policing Kenya ayaa lagu sheegay in qorshahaasi ay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab, balse uu burburay kadib bilo dabagal iyo xog-ururin qarsoodi ah oo ay sameeyeen hay’adaha sirdoonka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday shabakad ka howlgaleysay gudaha xeryaha qaxootiga ee Dadaab halkaas oo laga soo qabtay hub iyo rasaas ay ka mid yihiin, In ka badan 600 xabbo oo rasaas ah, Bastoolado, Bam-gacmeedyo, Walxo qarxa Iyo maandooriye.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dhammaan qalabkaasi loo waday bartilmaameedyo ku yaalla magaalada Nairobi.

Sida lagu xusay bayaanka, kooxda la tuhunsanaa waxay qorsheynayeen in ay weerarka fuliyaan inta lagu jiro Ramadaanka, iyagoo sidoo kale qorsheeyay suurtagalnimada afduubka ajaanibta iyo qafaalashada gaadiidka.

Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa sheegay in Nairobi ay weli ammaan tahay, taas oo ay ku tilmaameen dadaalka joogtada ah ee ciidamada ammaanka iyo sirdoonka oo saacado badan ku bixiya la socodka kooxaha khatarta ah.

Dowladda Kenya weli kama aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tirada dadka la xiray, balse baaritaannada ayaa socdaan.

Muqdisho 19ka Juun 2025 Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in is-afgarad hordhac ah laga gaaray qabsoomidda shirka wada-tashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo lagu qaban doono Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu yimid kaddib codsi uu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dabacsanaan iyo tanaasulaad si loo abuuro jawi wadahadal oo rasmi ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in weli ay socdaan wada-xaajoodyo farsamo oo lagu dhammaystirayo habraacyada shirka, si loo xaqiijiyo in kulanku u qabsoomo si rasmi ah maalmaha soo socda.

Shalay, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kulan qado ah hotel Decale kula qaatay siyaasiyiinta Golaha Mustaqbalka iyo xubnaha guddiga farsamo ee shirka wada xaajoodka. 

Kulankaas oo ahaa mid horudhac ah ayaa lagu muujiyay tanaasul, isku soo dhowaansho iyo abuuridda kalsooni uu ku qabsoomi karo wada gogosha ay fididay Dowladda Soomaaliya. 

Qadada kaddib, dowladda iyo mucaaradka ayaa saxaafadda u xaqiijisay is afgarad laga gaaray arrimo la isku hayay oo la filayo in ay tahay halka gogosha wada hadal la dhigayo.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray dadaallada lagu xoojinayo qabsoomidda shirka.

Is-afgaradka laga gaaray goobta shirka ayaa loo arkaa tallaabo  muhiim ah oo lagu yareynayo xiisadaha siyaasadeed ee horey u jirtay, si looga baaqsado in wada hadalku uu fashilmo.

WARARKA MAANTA 18ka Juun 2025

Su’aalaha Maanta: Maxaa kashifay shirkii Dowladda #Soomaaliya Iyo Golaha Mustaqbalka #Soomaaliya oo laba cunto kala dalbaday? Maxay ka qayliyeen shacabka #Muqdisho? Yaa argagixisada #Shabaab u magacaabay Wasiiro? Maxaa loo bilaabay wasiiro isku-beddelka cusub? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub Seddex magaceedu ku bilaawdo “J”? Yaa diiday inay shacabka #Muqdisho helaan #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Addis Ababa 18ka Juun 2025 Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay inuu Dowladda Turkiga ka codsaday taageero diblomaasiyadeed oo ku saabsan dadaalka ay Addis Ababa ugu jirto helitaanka marin-badeed, xilli uu booqasho rasmi ah ku yimid madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Abiy ayaa shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen ku sheegay in arrinta “raadinta marin-badeed” ay ahayd qodobka ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen intii ay socotay booqashada Erdogan. Wuxuu xusay in ay yeesheen wada-hadallo xooggan oo wax ku ool ah, isaga oo soo dhaweeyay doorka Turkiga ee arrintan.

Itoobiya ayaa noqotay dal aan lahayn bad tan iyo markii ay Eritrea ka go’day sanadkii 1993, waxaana dowladda Addis Ababa marar badan ku celcelisay in helitaanka marin-badeed lagu kalsoonaan karo ay tahay mudnaan istiraatiiji ah oo qaran.

Booqashada Erdogan ayaa ahayd mid heer sare ah oo ay ku wehelinayeen wasiirrada arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga ee Turkiga, waxaana ay ku soo beegantay xilli labada dal ay doonayaan inay xoojiyaan xidhiidhkooda dhaqaale iyo siyaasadeed, iyada oo sidoo kale la xusayo boqol guuradii kasoo wareegtay markii la aas aasay xidhiidhka labada dal sanadkii 1926.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay ballaadhinta ganacsiga, iyadoo mas’uuliyiinta Itoobiya ay sheegeen in labada dhinac ay doonayaan in ganacsiga laba geesoodka ah la gaadhsiiyo ugu yaraan $1 bilyan. Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashigooda Itoobiya, halkaas oo ay hore uga shaqeeyaan shirkado badan oo Turkiga ah, gaar ahaan warshadaha iyo dhismaha.

Dhinacyadu waxay sidoo kale isla soo qaadeen iskaashiga fagaarayaasha caalamiga ah, oo ay ku jiraan wada-hadallada cimilada ee shirarka COP31, kaas oo lagu qaban doono Turkiga sanadka soo socda, kadibna Itoobiya.

Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay kordhiyay doorkiisa diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika, isaga oo isu muujiyay lammaane muhiim ah oo dhinacyada ganacsiga, horumarinta iyo dhex-dhexaadinta khilaafaadka gobolka.

Ugu dambayn, Abiy ayaa ku tilmaamay kulamada kuwo miro-dhal ah, isaga oo sheegay in Ankara ay aqoonsan tahay muhiimadda istiraatiijiga ah ee Itoobiya ku leedahay gobolka.

Addis Ababa 18ka Juun 2025 Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si cad ugu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, in aanay Itoobiya wax faa’iido ah ka helayn aqoonsiga Somaliland, xilli uu booqasho rasmi ah ku joogay magaalada Addis Ababa.

Erdogan ayaa xusay in arrinta aqoonsiga Somaliland aysan dan u ahayn Itoobiya, isla markaana Turkigu mudnaan gaar ah siinayo ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale mar kale caddeeyay mowqifka dalkiisa ee ku aaddan diidmada aqoonsiga Israa’iil ee gooni isu taagga Somaliland. 

Wuxuu sheegay in aqoonsi noocaas ah “uusan dan u ahayn Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika.”

Arrintan ayaa timid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu bishii December ee la soo dhaafay shaaciyay inuu aqoonsaday in Somaliland ay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya inteedi kale.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Somaliland iyo Itoobiya ka shaqeynayaan heshiis cusub oo suurta-gelin kara in Itoobiya si rasmi ah u aqoonsato Somaliland mustaqbalka dhow.

Booqashada Erdogan ee Itoobiya ayaa muujinaysa doorka sii kordhaya ee Turkigu ku leeyahay Geeska Afrika, gaar ahaan arrimaha la xiriira Soomaaliya iyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee Ankara la leedahay Muqdisho.

Muqdisho 18ka Juun 2025 Soomaaliya ayaa heshay oggolaansho rasmi ah oo ay ku soo saari karto baasaboorrada East African Community (EAC), taasoo ah guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah oo xoojinaysa is-dhexgalka gobolka.

Warqadda oggolaanshaha baasaboorka waxaa keenay Safiirka Soomaaliya ee Tanzania isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee EAC, Ilyaas Cali Xasan, wuxuuna guddoon siiyay wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustafa Sheekh Axmed Dhuuxulow.

Oggolaanshahan ayaa u saamaxaya Soomaaliya inay daabacdo oo bixiso baasaboorrada EAC, taasoo ah howl soo bilaabatay bishii Diseembar 2025, lana filayo inay fududeyso isu socodka xorta ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed gudaha dalalka ku mideysan EAC.

“Arrintan waxay ka dhigan tahay guul diblomaasiyadeed oo muhiim u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna sidoo kale xoojinaysaa is-dhexgalka gobolka iyo fududeynta isu socodka muwaadiniinta EAC,” ayuu Safiir Ilyaas ku sheegay baraha bulshada.

Ku biirista Soomaaliya ee nidaamka baasaboorka EAC ayaa loo arkaa tallaabo diblomaasiyadeed oo weyn, kana mid ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo xiriirka dalalka dariska ah iyo qoto-dheereynta iskaashiga qaab-dhismeedka goboleed.